Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    205,958
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. MINNEAPOLIS — When Erin Rathke, the principal at Justice Page Middle School, is called to extract a student from class, she hears the same plea over and over again, most often, she has to admit, from black children: “The teacher only sees me.” Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (PP) ─ Waxaa geeriyooday Allaha u naxariistee Barkhad Gurad Xamaduu oo muddo 23-sano ra’iisul wasaare ka ahaa dalka Jabuuti, kaddib muddo fog oo uu xanuunsayay, waxaana geeridiisa ka tacsiyeeyay Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ah madaxweynaha Somalia. Marxuumka ayaa lagu daweynayay sannadihii u dambeeyay Faransiiska oo xanuunkiisa loo qaaday, waxaana uu ra’iisul wasaare ka ahaa dalka Jabuuti sannadihii u dhexeeyay 1978-kii illaa 2001-dii. “Innaa Lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun… Labada shacab ee Soomaaliya iyo Jabuuti waxaa ka baxay qof qiimo badan oo baal dahab ah ka galay sooyaalka labada dal. Waxaan la qaybsanaynaa walaalaheenna reer Jabuuti tiiraanyada, Allena waxaan uga baryaynaa marxuumka inuu naxariistiisa janno ku abaal mariyo,” ayuu madaxweyne Farmaajo ku yiri qoraal uu soo saaray maanta. Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in muddadii 23-ka sano ahayd ee uu marxuumku ahaa Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti inuu qeyn weyn ka qaatay horumarinta iyo xasilinta waddankiisa, wuxuuna marxuumku kasoo jeeday qowmiyadda Cafarta ee reer Jabuuti. Dhanka kale, Marxuumka ayaa dhashay sannadkii 1930-kii, isagoo haatan ku geeriyooday da’da 88-jir-ka wuxuuna ahaa mas’uul weyn looga yaqaanay Afrika iyo caalamka intiisa kale. Ugu dambeyn, Marxuumka ayaa dhawaan lagu aasi doonaa dalka Jabuuti, balse lama oga in madaxda Soomaalida ay ka qayb-galayaan aaskiisa iyo in kale, waxaana shacabkiisa iyo ehelladiisa loo diray tacsi tiiraanyo leh. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaarihii ugu xiliga dheeraa Jabuuti oo Geeriyooday iyo Farmaajo oo ka hadlay appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyay madaxda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti geeridii ku timid, Alle ha u naxariistee, marxuum Barkat Gourad Hamadou oo Raiisul Wasaare kasoo noqday dalkaas intii u dhaxeysay 1978 – 2001dii. Madaxweynaha ayaa sheegay in Marxuumka, oo muddo 23 sano ah soo hayey xilkaas, uu dadaal dheer ku bixiyey horumarka iyo midnimada shacabka Jabuuti. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay kaalintii muhiimka ahayd ee marxuumku uu ka soo qaatay howlaha dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed iyo sida uu ugu qeyb qaatay dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya. “Innaa Lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun . Labada shacab ee Soomaaliya iyo Jabuuti waxaa ka baxay qof qiimo badan oo baal dahab ah ka galay sooyaalka labada dal. Waxaan la qeybsanaynaa walaalaheenna reer Jabuuti tiiraanyada, Allena waxaan uga baryaynaa marxuumka inuu naxariistiisa janno ku abaal mariyo.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyay qoyskii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka reer Jabuuti inuu sabar iyo iimaan ka siiyo geerida marxuum Barkat Gourad Hamadou. –DHAMAAD– Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. The Sephardic chief rabbi of Israel called black people “monkeys” during his weekly sermon on Saturday evening. Source: Hiiraan Online
  5. The firing of Andrew McCabe. The statement by Trump lawyer John Dowd to The Daily Beast’s Betsy Woodruff that Robert Mueller should end his probe soon. Donald Trump’s tweetstorm just after that, Source: Hiiraan Online
  6. Plane hijacker Asha Abdille will have to fight for the $25,000 compensation payout awarded to her because of the wrongs she suffered in the corrections and criminal justice system. Source: Hiiraan Online
  7. Micaela Schuneman and Ben Walen both lead refugee resettlement efforts at separate nonprofit organizations in the Twin Cities. And both have recently noticed a similar trend in their line of work: a substantial decline in the number of Somali refugee admissions. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mida xildhibaannada Baarlamaanka ee taageersan Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Mooshinku ka yaallo ayaa in xaalada ka taagan siyaasadda Soomaaliya ay soo jiideyso faragelin shisheeye. Xildhibaanka ayaa taas sabab uga dhigay marka ay dhacdo in dadka mas’uuliyadda haya garaadkoodu uu sinmo oo la waayo marka dhibaato dhaco cid ku soo baxda, wuxuuna sheegay in adduunyada dimoqraadiga ah aan lagu arag xukuumad weearar ku ah barlamaankeedii, dhanka kalena u jilicsan wax kasta oo qaranimada dhaawac ku ah. “Mashruuca duullaanka Baarlamaanka waxaa isku baheystay mid ka mida maamul goboleedyada dalka, xukuumadda iyo xafiiska madaxweynaha, isbahaysigani waa ujeeddo badan, arrinkaan ku midoobay balse kala ujeedo ah, waa arrin ayaandarro ah, dhaawac weynna u geysanaysa dawladnimada, muujinaysana heerka dawladnimadeenu taagan tahay..” ayuu yiri Xilhibaan Fiqi. Wuxuu soo jeediyay in sharciga, dastuurka iyo xeer hoosaadka golaha shacabka lagu kala baxo, isagoo xusay in dalka abaar xumi ka jirto, lana joojiyo Qadooyinka dhoolatuska ah iyo laaluushka, isla markaana loo weeciyo wax ka qabashada abaaraha, sida uu yiri Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka laga helyo xafiiska Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya in qoraal culus uu guddoomiye Jawaari u kala diray wakiilada Beesha Caalamka, kaasoo naxdin ku noqday xildhibaannada wada mooshinka iyo taageerayaashooda. Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa ku faahfaahiyey xaaladda ka taagan Baarlamaanka Federaalka iyo faragelin uu sheegay inay ku sameysay xukuumadda Soomaaliya oo ay kula wareegtay xaruntii Golaha sharci dejinta, kadib markii ay ka saartay ciidamadii ilaalada ka ahaa. Qoraalka Guddoomiya Jawaari ayaa lagu caddeeyay inuu u hogaansamayo Mooshinka laga keenay, balse ay tahay in Dooda Mooshinka iyo codeynta ay ku dhacaan 10 maalmood gudahood iyo in lagu qabto Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo Teendadhii lagu doortay madaxweyne Farmaajo, iyadoo ay goobjoog ka yihiin wakiilada beesha caalamka, ammaankana ay sugayaan AMISOM. Xildhibaannada Mooshinka ka wada Jawaari ayaa dadaal ugu jiray arrimo dhowr ah oo cadaadis lagu saarayey, waxayna hadda u muuqataa in dagaalka mooshinku sii socon doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Cabdiwali cali Gaas uu shir aan caadi ahayn uu isugu yeeray Golihiisa Wasiirada ee Puntland . Warar hoose oo aan ka helnay Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland oo ka gaabsaday in magacooda la adeegsado ayaa Puntlandi.com u xaqiijiyay in shirkan looga arinsan doono xaalada Siyaasadeed ee dalka, siiba Mooshinka Muqdisho taas oo ay Puntland doonayso in ay Mowqifkeeda ay cadayso. Warar kale oo hoose oo uu Puntlandi helayo ayaa sheegaya sidookale in shirkan lagagaga hadli doono duulanka Puntland ay iclaamisay ee ah dib uxoraynta deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool oo bil kahor ay gacanta ugashay Malayshiyaadka Soomaaliland. Puntland ayaa diirada kuhaysa waxa ka socoda Madaxtoooyada Soomaaliya , waxayna ka cabsi qabtaa halka uu xaalku uu ku dambayn doono . Majirto ilaa iyo hada wax faah faahin ah oo ka soo baxay shirkan iyo cid lahadashay warbaahinta tona. Wixii ku soo kordha halkan kala soco.
  11. Madaxweyne farmaajo Muxuu ka ogyahay Mooshinka laga gudbiyay Jawaari ? Maxaase ka ogtahay waxa uu Salka ku hayo loolanka Siyaasadeed ee udhaxeeyay labada Gole ee kala ah Fulinta iyo Sharci dajinta? Halkan kadaawo .
  12. Deegaano katirsan Gobolka Sool ayaa waxaa laga soo sheegayaa in ay ka jirto Abaar saameen ku yeelatay dadka iyo duunyadaba. Meelaha Abaarta laga soo sheegayo ayaa waxaa kamid ah Tuulada kalcad oo qiyaastii 43mrt ujirta Degmada Taleex ee Gobolka Sool. kudhawaad 500 oo qoys oo xoolo dhaqato ah ayaa ku soo xarooday Tuuladaasi kalcad , waxaana laga soo deerinayaa xaalada nololeed ee dadkaasi reer guuraaga ah. Mudo 3 dax sano kudhaw wax roob ah ka aysan hoorin degmada Taleex iyo Tuulooyinka hoos yimaada. Hadaba Halkan ka dhagayso midkamid ah waxgaradaka Tuulada kalcad oo lagu Magacaabo Xasan Maxamed oo Xalada Xaabta ka jirta Sool uga waramay Puntlandi ,com . Xasan Maxamed
  13. Qaar kanid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Muqdisho ku shiraya ayaa waxa ay sheegeen in Beesha Caalamka iyo qaar kamid ah wadamada dariska la ah Soomaaliya ay faragali ku hayaan Xaalada Siyaasadeed ee dalka Gaar ahaan Mooshinkii Gudoomiyaha Baarlamaanka ay ka gudbiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka intooda badan. Xildhibaanadii kulanka kahadlay ayaa waxaa kamid ahaa Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ahaa isaga qudhiisa Xildhibaanadii Mooshinka Gudbiyay . Xildhibaan Jeesow ayaa Yiri “Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Micheal Keating, waxaa uu u dhashay Ingiriiska, Xildhibaanada kala bar waxay heystaan baasaboorka Ingiriiska, mooshinada adduunka kama hadlee keena muxuu uga hadlaa, ma aqoonta ku yar anaga muu rabaa maxmiyad, balaayo iyo shirqool inuu noo maleego, Mooshinada Baarlamaankada Caalamka waa isku mid”ayuu yiri Daahir Jeesow. 14 Maarso ayay ahayd markii Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay ka gudbiyeen Mooshinka Gudoonka Baarlamaanka , wixii intaasi ka dambeeyayna Xiisada Siyaasadeed ee dalka Cirka ayay isku shareertay waxaana soo ifbaxay in uu khlilaaf udhaxeeyay Gudoomiyaha iyo Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya. Arintan ayaa sababtay in Madaxweyne Farmaajo uu ubaajiyo Sarfar uu ugu Ambabixi lahaa dalka Qadar maalmo ka hor.
  14. Paris (Caasimada Online) — Madaxweynihii hore ee dalka France Nicolas Sarkozy ayaa loo kexeeyey Saldhig Boolis si loo weydiiyo su’aalo ku saabsan eedeymo loo soo jeediyey oo ku aadan inuu lacag ka qaatay hogaamiyihii geeriyooday ee dalka Libya Col Muammar Gaddafi si uu ugu galo olole doorasho. Booliiska Faransiiska ayaa baaraya Nicolas Sarkozy kaasoo loo heysto inuu qaab sharci darro ah lacag uga qaatay Muammar Gaddafi si uu ugu adeegsado ololihiisii doorasho sannadkii 2007dii. Mr Sarkozy wuu beeniyey inuu wax qalad ah sameeyey. Iyadoo isaga iyo Xisbigiisuba ay awoodi waayeen inay awoodda dalka France kusoo laabtaan sannadkii 2012kii. Nicolas Sarkozy ayaa waxaa la sheegay in su’aalo lagu weydiiyey Saldhigga ku yaalla degaanka Nanterre, oo ku yaalla Waqooyiga caasimadda Paris. Baaritaanka la xiriira inuu Nicolas Sarkozy lacag ka qaatay Gaddafi si uu ugu adeegsado ololihiisii doorasho ayaa bilowday sannadkii 2013kii. Wararka ayaana intaas ku daraya in Brice Hortefeux oo saaxiib dhow la ah Sarkozy kana tirsanaa Wasiirradiisii sidoo kale su’aalo la weydiiyey maanta oo Talaado ah. Ziad Takieddine oo ah ganacsade asal Lebanese ah balse heysta dhalashada France ayaa horay u caddeeyey inuu Sarkozy lacag ka qaatay Gaddafi si uu ololihiisii doorasho qaab sharci darro ah ugu adeegsado. Caasimada Online Xafiiska Paris Caasimada@live.com
  15. Wasiirka Wasaarada dekedaha iyo Gaadiidka bada Puntland Siciid Maxamed Raage oo ku sugan dalka isutaga Imaaraadka Carabta maalmahana howlo shaqo u joogay halkaasi ayaa waxa uu ka hadlay xiliga la bilaabi doono dhismaha iyo balaarinta dekeda Bosaaso iyo in lahelo qalab Dab damis oo Casri ah. Wasiirka ayaa sidookale waxa uu ka hadlay doonidii shalay ku bas Beeshay meel ku dhaw dekeda Bosaaso taas oo urarneed Ganacsato reer Puntland ah . Wasiir Siciid Maxamed Raage ayaa Ganacsatada Puntland ugu baaqay in ay hantidooda ay soo saartaan doonyo tayo leh si ay ugu bad baado hantidooda. Waxa uu gaba gabadii uu sheegay Wasiirka in sababta loo Balaarinayo dekeda Bosaaso ay tahay in ay ganacsatada ay hantidooda galiyaan Camis . Wasiirka ayaa ka gaabsaday in uu ka jawaabo warar maalmahan laysla dhexmarayay baraha ay bulshada ku xiriirto oo ahayd in Wasiirku uu sheegay in aysan qusaynin Puntland Go,aankii ka soo baxay Baarlamaanka Soomaaliya ee DP World lagaga mamnuucay dalka Soomaaliya. Halkan ka dhagayso Wasiir-raage-
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Cabdi Shire Jaamaca Ciyaar jecel ayaa ka hor yimid mooshinka laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Xildhibaanka oo ka hadlay mooshinka Jawaari ayaa sheegay inuu yahay mid aysan ku jirin danta ummadda Soomaaliyeed xilligan. Isagoo ka codsaday Xildhibaanada saxiixay mooshinka in ay xaalada dib u eegaan iyaga oo maanka ku haya marxalada dalku ku sugan yahay. “Dadku waa banii’aadmi, khalad waa jiri karaa ay arkaan xildhibaanada qaar in uu galay gudoomiyuhu, balse waxaa muhiim ah in aan xaqiiqada aan laga tagin. Aqoonta Jawaari uu leeyahay dhan maamul, sharci, waayo-aragnimo , maanta ma noola qof Soomali ah oo leh. Jawaari oo Gudoomiyenimada laga qaado waa baarlamaanka oo albaabada loo laabo iyo in lagu laabto waayadii baarlamaanka nin furaha jeebka isaga heysan jiray. Xigmad ( ciyaalka xaafadu sameeyeen) baa oraneysaa :” ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Shire. “Isku dayga in xilka laga qaado , Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari, waxaan u arkaa mid aysan ku jirin danta ummadda Soomaaliyeed xilligan. Waxaan ka codsanayaa Xildhibaanada saxiixay moowshinka in ay xaalada dib u eegaan iyaga oo maanka ku haya marxalada dalku ku sugan yahay” Isagoo ka hadlay shaqsiyadda guddoomiye Jawaari ayuu u jeediyay amaan iyo bogaadin, isagoo yiri “Rag baan ahay dagaal looma aadee rag dagaal gali kara ayaa la diraa..”, oo aan ula jeedo Jawaari “kabahiisa” qof hadda gashan kara nooma muuqdo (qof bedeli kara ama kaalintiisa gali kara), waa qaamuus taariikhdii Soomaaliya oo nool oo Rabbi ina siiyay ee aan ka faa’iideysano, wixii dhaliil ah ee uu leeyahay ha laga saxo. Waxaan gaar ahaan kula dardaarmayaa Xildhibaanada cusub in ay ka faa’iideystaan aqoonta Gudoomiye Jawaari”. Xildhibaan Ciyaar jecel oo hore u sameeyay heesta “xildhibaannimooy xaal qaado”. Weli waxaa taagan xiisada ka dhalatay mooshinkii laga keenay gudoomiye jawaari taas oo sababtay in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay labo u kala qeybsamaan,waxaana lagu eedeynayaa in ay mooshinkaas dabada ka riixeyso xukuumadda Xasan Cali Kheyre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Muqdisho, 20 Maarso 2018–Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo saakay dib u furay waddada hor-marta Xerada Gaadiidka Booliska ee Degmada Cabdicasiis ayaa sheegay inuu qorshuhu yahay in dib loo furo dhammaan waddooyinka kale ee xiran, si loo fududeeyo isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka Caasimadda. Eng. Yarisow ayaa uga mahadceliyey Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ogolaanshahooda ay wadadan ku fureen, si ay qeyb uga qaadato horumarka iyo bilicda Caasimadda, waxuna tilmaamay in tallaabadan ay xigi doonto furitaanka wadada hormarta xarunta Danbi baarista ee (C.I.D), taasoo muhiim u ah isku socodka magaalada. “Tani waa bilow waxaan ku soconnaa in dhammaan waddooyinka xiran loo furo shacabka, si loogu fududeeyo isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka Caasimadda, intii amni looga maari waayo mooyee, sidaas daraadeed, shacabka waxaa laga rabaa in ay isku diyaariyaan dhismaha waddooyinka. Ciidanka Booliskana waxaan uga mahadcelinaynaa sida ay nooga aqbaleen codsigeena una fureen waddadan.”Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow. Duqa Muqdisho waxuu sheegay in furitaanka waddooyinka ay kaalin muhiim ah ka qaadan karaan Amniga iyo horumarka Caasimadda, shacabka Soomaaliyeed na looga fadhiya in doorkooda ay ka qataan sidii ay magaalada Muqdisho ula tartami lahayd Caasimadaha kale ee adduunka. Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa baaq u diray Ganacsatada iyo Shacabka xirtay waddada dhinacyadeeda ee dhulka danta guud ah, isagoo xusay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cidii arrimahaas lagu helo. ___DHAMMAAD___ The post Yariisow “Waxaan furi doonnaa dhammaan Waddooyinka muhiimka ah ee xiran, si loo fududeeyo isku socodka Caasimadda”. appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada wada mooshinka looga horjeedo guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa dadaal ugu jira wax ka bedel lagu sameeyo qodob ka mida xeer hoosaadka Baarlamaanka oo u muuqda inuu caqabad ku yahay xil ka qaadista Jawaari. Qodobkan dhibaatada weyn ku haya kooxda ololaha ugu jirta xil ka qaadista Guddoomiye Jawaari ayaa ah Qodobka 9-ad ee ayaa sheegaya in mooshinka laga keeno guddoomiyaha iyo labada ku xigeen ee baarlamaanka ay cod qaadistiisu noqoneyso qarsoodi. HOOS KA AKHRISO QODOBKA 9-AAD FAQRADIISA 5-AAD Haddii Guddoomiyaha ama mid ka mid ah ku-xigeenadiisa ay soo wajahdo mooshin ah xilkaqaadis waxaa lamarayaa talaabooyinkan soo socda: a) Guddoomiyaha ama ku-xigeenada laga keenay soo jeedinta (Motion) xilkaqaadida, waa in laga wareejiyo guddoominta fadhiyada, inta ay ka dhamaanayso arrinta la xiriirta soo jeedinta, codayntuna waa qarsoodi. b) Haddii Guddoomiyaha ama Guddoomiye Ku-Xigeen uu lumiyo xilka, si waafaqsan qodobka 9 (2) ee xeerhoosaadka Golaha, Goluhu wuxuu Muddo shan iyo toban (15) maalmood gudohood waa inuu ku doorto Guddoomiye ama ku xigeen cusub. Ujeedada ayaa ah in qodobkaasi laga dhigo gacantaag si aysan ugu suuragelin in xildhibaannada heshiisyada lala galay iyo kuwa kharashka la siiyo loo xaqiijiyo inaysan ka codeyn, waxayna arrintan muujineysaa cabsida weyn ee heysata kooxda ololaha ugu jirto xil ka qaadista Jawaari. Xildhibaan Maxamuud C/llaahi Axmed (Abuukaate) oo kamid ah Xildhibaanada sida weyn u difaacaya Guddoomiye Jawaari ayaa Facebookiisa ku soo qoray in Xukuumadda ay dadaal ku bixineyso in Codeynta gacan taag noqoto si ay u kala ogaadaan Xildhibaanada u codeeyay iyo kuwa aan u codeyn. Abuukaate ayaa qaba iney jiraan Xildhibaano Wasiiro u badan oo u baqanaya in Xilka laga qaado, balse aaney ka go’neyn ridista Jawaari, Kuwaasoo hadii ay Codeynta noqoto qarsoodi Codkooda ku difaacaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jawaari. Si Kastaba, Wali si dhab ah looma oga xiliga rasmi ahaan Baarlamaanka la horgeynayo Mooshika si Codka Kalsoonida loogu qaado, Inakastoo Gudoomiye Jawaari Sheegay iney heystaan 10 Maalin Xildhibaanada Mooshinka keenay taasoo ka bilaabaneysa Markii mooshinka ay gudbiyeen oo ku aadan 14-kii Bishan. Lama oga sida arrintan loo xaqiijin karo, waxayse xogtu sheegeysaa in tiro xildhibaanno ah ay keeni doonaan mooshin ku saabsan in cod bixintu noqoto GACAN-TAAG. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (PP) ─ Xildhibaannada mooshinka ka keenay guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa dadaal ugu jira wax ka beddel lagu sameeyo qodob ka mida xeer hoosaadka golaha shacabka oo u muuqda inuu caqabad ku yahay xil ka qaadista Prof. Jawaari. Qodobka kooxdan dhibaatada ku ah ee ay doonayaan in wax laga bedelo ayaa Qodobka sagaalaad oo dhigaya in mooshinka laga keeno guddoomiyaha iyo labada ku xigeen ee baarlamaanka ay cod qaadistiisu noqoneyso mid qarsoodi ah. Qodobka sagaalaad, farqadiisa shanaad ee doonayaan in wax laga beddelo ayaa dhigaya; Haddii Guddoomiyaha ama mid ka mid ah ku-xigeenadiisa ay soo wajahdo mooshin ah xilkaqaadis waxaa lamarayaa talaabooyinkan soo socda: A. Guddoomiyaha ama ku-xigeenada laga keenay soo jeedinta (Motion) xilkaqaadida, waa in laga wareejiyo guddoominta fadhiyada, inta ay ka dhamaanayso arrinta la xiriirta soo jeedinta, codayntuna waa qarsoodi. B. Haddii Guddoomiyaha ama Guddoomiye Ku-Xigeen uu lumiyo xilka, si waafaqsan qodobka sagaalaad farqadiisa laba ee xeerhoosaadka Golaha, Goluhu wuxuu Muddo shan iyo toban 15 maalmood gudohood waa inuu ku doorto Guddoomiye ama ku xigeen cusub. Sidoo kale, ujeedadda ayaa ah in qodobkaas laga dhigo gacantaag si aysan ugu suuragelin in xildhibaannada heshiisyada lala galay iyo kuwa kharashka la siiyo loo xaqiijiyo inaysan ka codeyn, waxayna arrintan muujineysaa cabsida weyn ee heysata kooxda ololaha ugu jirto xil ka qaadista Jawaari. Ugu dambeyn, lama oga sida arrintan loo xaqiijin karo, waxayse wararkani sheegayaan in tiro xildhibaanno ah ay keeni doonaan mooshin ku saabsan in cod bixintu noqoto gacan-taag. PUNTLAND POST The post Xildhibaanada wada Mooshinka Jawaari oo doonaya in isbeddel lagu sameeyo Qodob… appeared first on Puntland Post.
  20. Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) iyo Golihiisa Wasiirada ayaa haatan kulan deg deg ah uga socdaa Xarunta Madaxtooyada magaalada caasumadda ah ee Garoowe. Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa looga hadlayaa qodobo kala duwan oo ku saabsan arrimaha xilligan ka taagan Soomaaliya iyo Puntland,wuxuuna ku soo beegmay xilli uu baaqday shirkii madaxda maamul goboleedyada ee loo ballansanaa in uu maanta Garoowe ka furmo. Warar hoose oo ka imaanaaya Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Garoowe ayaa sheegay in kulanka aan caadiga ahayn ee Golaha Xukuumadda Puntland,si gaar ah loogu eegayo mowqifka Puntland ee ku aaddan xiisadda siyaasadeed ee ka jirta magaalada Muqdisho. Faahfaahinta kala soco: Puntland Post The post Golaha Wasiirada Puntland oo haatan kulan deg deg ah ku jira appeared first on Puntland Post.
  21. Kigali (Puntlandi) Wasiirka arrimaha dibada dowladda federalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad , ayaa magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda uga qayb-galay Kulanka gaarka ah ee 18,aad ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika. Kulankaan ayaa lagaga arrinsanayay Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika “African Continental Free Trade Area” si loo unko hal suuq oo Africa ay leedahay. Wasiirka arrimha dibada ayaa shirkaan ka sheegay qiimaha ay ummadaha Africa ugu fadhido in ay ku midoobaan hal aragti oo horumar hiigsanaya, si saboolnimada iyo colaadda loo soo afjaro. Waxaa uu xusay in Soomaaliya oo ah dal dadkiisu ku firfircoonyihiin ganacsiga ay u tahay fursad weyn abuuridda suuqa Afrika. Puntlani.com
  22. Muqdisho, 19 Maarso 2018 – Shirkii saddexaad ee Sirdoonka iyo Is-dhaafsiga Macluumaadka, oo looga gol lahaa in lagu xoojiyo wada shaqaynta ka dhaxeysa hay’adaha sirdoonka ee kala duwan ee ku sugan Soomaaliya, ayaa shalay ka furmay caasimadda Muqdisho. Taliye ku xigeenka Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Sarreeye Gaas Charles Tai Gituai ayaa u ol’oleylanaya in ay hay’adaha sirdoonka ay la yimaadaan habab la isku dhaafsado sirdoonka si sare loo qaado natiijooyinka. “Xogta waa in la aruuriyaa loona adeegsadaa qaab xaqiijinayo hufnaan dhinaca howlgallada iyadoo aan halis la carqaladeyneyn xalaalnimada iyo caddaaladda lagama maarmaanka u ah howlgalka nabadda si uu si wax ku ool ah u guto howshiisa,” ayuu hadalkiisa ku furtay Sarreeye Gaas Gituai. Shirka waxa lagu eegi doonaa sida loo heli karo ilaha macluumaadka ee aan rasmiga ahayn, waxaa looga hadli doonaa xoojinta wadaagista iyo is-dhaafsiga sirdoonka, iyo khatarta cusub ee ka imaanaysa kooxda argagixisada Al-Shabaab, xilli ay awoodda maleeshiyada wiiqeen weerarrada kaga imaanayo Dowladda Federaalka ah, Midowga Afrika, iyo ciidamada bah-wadaagta ah. “Sirdoonka aad ayuu muhiim ugu yahay howlgalka nabadda, si ay u siiyaan dadka go’aannada gaaro wacyi ku aaddan xaaladda, iyada oo loo marayo falanqeyn abaabushan ee xogta oo ay sameeyaan qaybaha kala duwan ee howlgalka,” ayuu Sarreeye Gaas Gituai u sheegay ka qayb-galayaasha shirka saddexaad ee wadaagista macluumaadka. Ka qayb-galayaasha waxaa ay isugu jiraan saraakiisha sirdoonka ah oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee AMISOM, ciidamada ammaanka ee Soomaaliyeed iyo bah-wadaagta muhiimka ah ee ammaanka caalimiga. Waxaa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay “nidaamyada hufan iyo qaab-dhismeedka,” kuwaas oo xaqiijin doona in macluumaadka la uruuriyay loo wadaago loona kaydiyo si ammaan ah, kaas oo faa’iido u leh dhammaan dhinacyada kala duwan ee ku lug leh. Taliye ku Xigeenka Ciidamada ayaa uga digay ka qayb-galayaasha in ay si weyn ugu tiirsanaadaan kaliya tirada xogta, isagoo ku dooday in tiro badnida macluumaadka ay mararka qaarkood carqalad ku noqon karaan turjumidda saxda ah ee xogta. “Xaaladda hadda aaan ku sugannahay, waxaa ay tahay in arrant su’aasha mudan aysan ahayn in ay tahay in sirdoonka la wadaago, balse waxa ay tahay sidee, goormaa iyo heer intee la’eg ayaa la wadaagi karaa,” ayuu ka yiri shirka. “Waxaa qayb ka ah waxyaabaha mudnaanta u ah wadaagista sirdoonka/xogta waa in la fududeeyo, la ogaado, laga hortago lagana falceliyo khatarta iyo halista la xidhiidha argagixisada kuwaas oo loo sameeyo hab hufan oo sidoo kale faa’iido u ah hay’adaha, meelaha ay ka socdaan howlgallada, hay’adaha maxalliga ah si loo taageero dadaallada wax looga qabanayo amniga iyo khatarta.” Shirka waxaa gacan geystay Kooxda Howlgalka Taageerada ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMST), waxaana looga gol leeyahay kor u qaadista hannaanka iyo isku-duwidda is-dhaafsiga macluumaadka ee ka dhaxeeya kooxaha kala duwan, iyada oo diiradda la saarayo wadaagista sirdoonka, oo kaalin muhiim ah ka ciyaartay ka hortagga weerarada argagixiso. Sarkaalka Madaxa Sirdoonka Ciidanka AMISOM Gaashaanle Naboth Mwesigwa ayaa sheegay in shirka uu “Xoojin doono uruurinta sirdoonka” iyada oo uu gacan ka geysan doono qaabeynta awooda dhinaca difaaca iyo howlgallada, iyada oo isla markana dhisayo kalsoonida iyo xidhiidhka bah-wadaagta iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Xigasho:http://amisom-au.org/so The post Shirka Sirdoonka Militariga iyo Wadaagista Macluumaadka oo ka Furmay magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  23. Interior Ministry of Hirshabelle administration on Monday dismissed allegations that it appointed underage boy as deputy district commissioner. Source: Hiiraan Online
  24. Members of the West Bank neighborhood are asking MPD to appoint more officers from their community. Cedar-Riverside residents and city officials are calling for greater diversity in the Minneapolis Police Department. Source: Hiiraan Online