Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,098
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Beled Xaawo (Caasimadda Online) – Nabaddoon Cali Bidaar oo ka mid ah Odayaasha Beledxaawo ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in marka Dadka Beledxaawo ay doonayaan dhinaca Mandheera ay lacag ku gudbaan mar waliba. Magaalooyinka Mandhera iyo Baled Xaawo oo isa saaran ayaa dadka Baled Xawo waxa ay u waxbaarasho iyo adeeg doontaan Magaalada Mandhera, balse ciidamada Kenyan-ka ayaa la soo sheegayaa in haddda lacag dhan nus doolar ay ka qaadayaan qofkii u gudbaya dhanka madhera. Waxaa uu sheegay in Ciidamada Kenya ee jooga goobta kala qeybisa labada Magaalo ay qaataan lacag dhan $0.5 Doollar ama Nus doollar. Nabaddoonka ayaa sheegay in Ciidanka Kenya ay mar waliba qaataan lacagtaas Nus doollarka ah,sidoo kalena qofka marka uu gelato iyo marka uu ka baxayaba ay lacag tahay. Shacabka Degmada Baled Xaawo, ayaa walaac ka muujiyay arintaan, waxayna sheegeen in loo baahan yahay maamulka Gobolka Gedo inay soo farageliyaan dhibaatooyinka Baled Xaawo ka taagan. Halkaan hoose ka dhageyso codka Nabadoonka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/12/Cod-Baled-Xaawo.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxay tahay sababta keentay inay Ciidamada Kenya lacag ka qaadaan Shacabka Beled-Xaaw? appeared first on Caasimada Online.
  2. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa maanta kulan ku wada qaatay qasriga madaxtooyada Somaliland, kulankaasi oo noqonaya kii ugu horreeyay ee dhex mara madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani tan iyo markii lagu dhowaaqay natiijada doorashadii dhacday 13-kii bishii November ee Sanadkan. Xisbiga Waddani ayaan isagu ka qayb-galin caleemo-saarkii madaxweyne Biixi oo 13-kii bishan lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxaana kulanka maanta dhex-maray madaxweyne Biixi iyo Guddoomiye Cirro lagu sheegay mid ku aadanaa sidii la isugu laab xaaran lahaa xanaftii doorashada taasi oo uu ku guulaystay xisbiga Kulmiye. Xuseen Axmed Caydiid oo ka tirsan saraakiisha sar-sare ee xisbiga Waddani iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa warbaahinta uga warramay ujeedka kulankan. Waxay sheegeen in kulankaan ahaa mid muhiim ah, islamarkaana looga wadahadlay sidii arrimaha Somaliland looga wada shaqeyn lahaa. Goobjoog News Source
  3. Maamulka Somaliland ayaa dib u eegis iyo baaritaan ku sameynaya heshiisyada 16 shirkadood oo si gaar ah loo leeyahay oo adeegyo kala dhowr ah siiya Wasaaradaha kala duwan ee maamulkaas. Hanti-dhowrka guud ee Somaliland Saciid Suleebaan Mire oo xafiiskiisa kula hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ay tahay in shirkadaas ay soo gudbiyaan dukumentiyadii heshiisyada ay la galeen maamulka si dib u eegis iyo baaritaan loogu sameeyo. Shirkadaha loo yeeray in ay keenaan heshiisyadooda, dakhliga iyo kharashaadka ayaa waxaa kamid ah shirkadaha maamulad dakadaha iyo garoomada diyaaradaha ee Somaliland, shirkadda bixisa lambarada gaadiidka, shirkadda bixisa wadda marista gaadiidka, shirkadda bixisa adeegga fiisayaasha iyo shirkado kale. Hanti dhowrka oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yiri “Waa farriin ku socota dhammaan shirkadaha maxalliga ah ee la galay heshiisyada hay’adaha qaranka qaar kamid ah oo aan ka dalbanayno in ay soo gudbiyaan heshiisyada heshiisyadaas oo ah waxyaabaha uu xafiiskan u xilsaaran yahay. Wax allaale wixii dakhli ah iyo qarash iyo heshiisyadaas koobi ayaan ka haynaa maadaama ay qeyb ka yihiin dakhliga miisaaniyadda qaranka” Hanti dhowrka ayaa intaasi kusii daray in ay jiraan shirkado soo gudbiyay heshiisyadii ay la galeen dowladda balse mar kale uu farriin u dirayo kuwa aan weli soo gudbinin. “farriintii hore waxaa ay aheyd in ay soo gudbiyaan 20-ka bisha, qaar soo gudbiyay waa ay jiraan inta aan soo gudbinna waxaan fareynaa in ay soo gudbiyaan oo ay sida ugu dhaqsiyaha badan usoo gudbiyaan” ayuu yiri Saciid Suleebaan Mire, hanti-dhowrka guud ee Somaliland. Goobjoog News Source
  4. Madaxa Qaramada Midoobay ugu sarreeya Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay ansixintii dhowaan la ansixiyay miisaaniyadda federaalka ee dalka, taas oo ah guul weyn oo laga gaaray horumarinta dhaqaalaha, waana tallaab dalka usoo dhoweynaysa in uu dhaqaale ka helo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah. “Tani waxay calaamad u tahay masaafada ay Soomaaliya kasoo gudubtay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay – waxay kusoo dhowaanaysaa inay awood u yeelato inay cageheeda isku taagto maaliyad ahaan, sida xubnaha kale ee beesha caalamka. Marki ay hirgalaan tallaabooyinka dakhli ururinta iyo dib-u-habaynta muhiimka ah, Soomaaliya waxay awood u yeelanaysaa inay hesho deeq iyo maalgelin shuruudeheedu dabacsanyihiin oo ay ka hesho hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah, bedelkii ay si weyn ugu tiirsanaan lahayd deeq-bixiyeyaasha si ay u daboosho baahideeda maaliyadeed,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating. “Tani waxay dadka Soomaaliyeed ee caadiga ah uga dhigantahay rajo dhab ah oo lagu helayo dugsiyo waxbarasho oo badan, isbitaallo iyo kaabayaasha aadka loogu baahanyahay maadaama dowladdu ay awood u yeelan doonto inay soo amaahato lacag dulsaarkeedu si cadaalad ah loogu jaan-goyay suuqyada caalamiga ah,” ayuu raaciyay. “Tani waxaa kale oo ay calaamad u tahay xasilooni soo tarmeysa, waana in dowladihii hore iyo tan hadda jirta lagu amaano dadaalladooda ay hawsha halkaan kusoo gaarsiiyeen.” Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa sheegay in deyn-bixiyeyaasha caalamiga ah ay Soomaaliya ku leeyihiin $5.2 bilyan. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa todobaadkii lasoo dhaafay ansixiyay miisaaniyadda 2018ka, iyadoo xirmadan ka kooban $274 malyan ay tahay tallaab muhiim ah oo wax looga qabanayo shuruudaha dib-u-habaynta maaliyadeed ee ‘Barnaamijka Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada’ (SMP) ee Sanduuqa Lacagta Adduunka ugu talo galay dalalka bariga Afrika. Barnaamijka Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada waxaa loogu talo galay horumarinta dadaallada dib u dhiska dhaqaale iyo in loo suurto geliyo dalalka inay sameystaan diiwaan dabagal oo loogu talo galay hirgelinta siyaasadda iyo dib-u-habaynta. Soomaaliya waxay durba dhamaystirtay Barnaamijkii ugu horreeyay ee Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada sanadkii 2016-2017. “Waxaa na dhiirigelinaya ballan-qaadyada madaxda iyo xawaaraha dib-u-habaynta ee lagusoo celinayo hay’adihii dhaqaalaha iyo maaliyadda ee muhiimka ahaa, waxaana soo dhoweynaynaa dadaalladooda ku aaddan in barnaamijku kusii socdo si sax ah,” ayuu Sanduuqa Lacagta Adduunka ku yiri war-saxaafadeed kadib kulankii ay todobaadkii lasoo dhaafay la qaateen madaxda Soomaaliyeed. “Hawl-qabashada madaxda ee ku aaddan Barnaamijka Kor-joogteynta Hawl-Wadeennada ee bishii September 2017 ayaa si weyn loogu qancay.” Sanadka soo socda ayaa Sanduuqa Lacagta Adduunka wuxuu go’aanka ugu dambeeya ka gaari doonaa u hogaansanaanta Soomaaliya ay u hogaansantay shuruudaha Barnaamijka Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada ee sanadka 2017, waxaana wada-xaajood laga geli doonaa Barnaamij Kor-joogtayn Hawl-wadeenno oo daba-socda midka lasoo gabagabeeyay. Ergeyga Gaarka ah Keating ayaa ugu baaqay madaxda dalka inay xaqiijiyaan in qiimaynta sanadka soo socda lagu samayn doono horumarka Soomaaliya in uu noqdo mid wanaagsan, iyadoo wixii kala duwanaan siyaasadeed ah lagu xallinayo wadahadal iyo niyad wanaag. “Xasillooni siyaasadeed waxaa ay wax ka taraysaa uun sidii lagu xaqiijin lahaa arrimahaas,” ayuu yiri. “Waxay gacan ka geysanaysaa sidii loosoo jiidan lahaa maalgelinta hay’adaha dowladda iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay, waxayna xoojinaysaa horumarka dalka ee kobcinta maaliyadeed.” Soomaaliya ma awoodin inay xalliso deymaha dibadda loogaga leeyahay tan iyo markii dagaallada sokeeye ay dillaaceen sanadkii 1991. Iyadoo ay halakeeyeen abaaro iyo colaado hubaysan, iyo weliba horumar la’aan, ayaa hadda Soomaaliya waxay ku tiirsantahay deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah si ay wax uga qabato inta badan baahideeda maaliyadeed. Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ ayaa dhowr jeer ugu baaqay deyn-bixiyeyaasha caalamiga ah ee dalka ku leh deymaha inay deymahaas ka cafiyaan Soomaaliya iyadoo loo marayo waxa loogu yeero Barnaamijka Dalalka Saboolka ah ee Deymaha Culus lagu Leeyahay (HIPC), oo ay asaaseen Sanduuqa Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka sanadkii 1996 si ay u xaqiijiyaan in dal sabool ah aanu la kulmin culays deyn oo ka badan awooddiisa adeeg-bixin iyo maareynta [arrimihiisa]. DHAMMAAD Joe Contreras Spokesperson Source
  5. Warbixin lagu soo daabacay “Daily Mail” ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in shirkadda Amazon ay qorsheynayso iney suuqa soo galiso website la tartamaya Youtube, arrintaas oo keenaysa in khilaafkii labada shirkadood uu cirka isku shareero. Xilli sii horreysay oo bishan ah ayaa Amazon ay ka codsatay maktabka Mareykanka ee bixiya shahaadooyinka daahrogyada cusub iyo caalamadaha gacansiga in loo diiwaangeliyo App cusub oo la yiraahdo “Amazon Tube iyo Open Tube, labadan App ayaa markii ugu horreeyay lagu soo bandhigay website-ka TV Answer Man, iyadoo ay jirto inaan lasoo hadal qaadin Youtube ayaa hadana arrintu u muuqataa in astaamaaha la sheegay in Website-kan cusubi uu leeyahay, ayaa la mid ah astaamaha Youtube oo ay maalgeliso shirkadda Google. Tallaabadan ayaa Amazon qaadday kadib markii uu sii xoogeystay khilaafka u dhaxeeya labada shirkadood, September-tii lasoo dhaafay ayaa shirkadda Google ku dhawaaqday in Youtube laga saaray shaashadda ee Echo Dot oo la socday qalabka Amazon waxaa shirkadda Amazon qalabkeeda kusoo xirtay Youtub iyadoon ogeysiin Google, laakiin markii ay google arrintii ka war heshay ayaa ay isla markiiba ka suulisay. Shirkadda Alphabet ee ah shirkadda Hooyada u ah Google ayaa go’aankeeda ku difaacday in shirkadda Amazon aaney ula dhaqmin waxsoosaarka google sida qalabka Chromacast iyo Google Home sidii loo baahnaa, waxayna tilmaantay in Amazon aaney adeegga Prime Video aaney u ogolaan dadka adeegsada Chromecast. Dagaalkii ayaa sii xoogaystay oo google waxa uu ku dhawaaqay inuu Youtube ka suulin doono barnaamijka Eco Show iyo Amazon Fire TV laga bilaabo sanadka cusub. Isla maalintiina shirkadda Amazon waxay gudbisay dalabkeeda ah in loo diiwaangeliyo daahrog cusub oo ay kula tartameyso muuq baahiyaha Youtube. Source
  6. Hayadda Astaynta Maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa dowladda Puntland ayaa ku ammaantay dadaalka iyo Laba kaclaynta ay wadaan masuuliyiinta sare ee caasumadda Puntland ee Garoowe. Xafiisku Maamul wanaagga ayaa qoraal uu soo saaray ku bogaadiyay howsha qiimaha leh ee Muuqata taas oo Gudoomiyaha Gollaha Deegaanka ahna Duqa magaalada Xasan Maxamed Ciise (Xasan Goodir ), Xoghayaha cusub ee dowladda hoose Maxamuud Cali Gurey, masuuliyiinta kala duwan ee xaafadaha degmada Garoowe iyo dhallinyarada wadaniyiinta ah ee la magacbaxay Waan Awoodnaa ay ka wadaan Caasumadda Puntland. Sidoo kale Xafiiska Maamul wanaagga ayaa sheegay in qaabkan iskaashiga iyo wada shaqaynta hufan ah ee sare loogu qaadayo bilicda iyo muuqaalka guud ee caasumadda Garoowe uu mudan yihiin maamulka Degmadu in lagu ammaano, laguna dhiira galiyo howsha qiimaha leh ee ay u hayaan ummaada reer Puntland iyo Soomaali weynba. “Waxaa muuqata shaqo wanaagsan iyo firfircooni, waxaa muuqato qorshe isdaba joog ah oo Garowe loogu diyaarinayo heer wanaagsan oo ay kula tartami karto caasumadaha dadlalka koboca iyo ka soo kabashada samaynaya” ayuu lagu qoraal ka soo baxay xafiiska Maamul wanaagga Puntland . Sidoo kale qoraal ayaa lagu sii yiri “Howl galladan nadiifinta, dhiraynta, burburinta goobaha sharci darrada lagu daggan yahay ama loogu ganacsanayo, xoojinta taraafikada / nidaamka waddooyinka iyo wada shaqaynta dowladda iyo shacabka dhanka Amniga iyo horumarinta Bulshada ayaa ah kuwo si habsami ah uga socda caasumadda waxaana loo baahan yahay in la joogteeyo, Magaaooyinka kale heer gobol. degmo ilaa heer tuulo ayaa sidaa si la mid ah ay sameeyaan si loo wajaho arrimahan muhiimadda iyo ahmiyadda u leh horumarkeenna iyo dowlad nimadeenna”. Dhanka kale Agaasimaha Guud ee hay’adda Astaynta Maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa dowladda Puntland Cabdiraxmaan Cali Guureeye ayaa hoosta ka xarriqay in la joogo waqtigii xafiis kasta wax qabadkiisa lagu abaal marin lahaa, xafiiskii wax wanaagsan ummadda u qabtayna la sheegi lahaa. Xafiiska Maamul wanaagga Puntland ayaa ugu danbeyn ku baaqay in la iska kaashado dowlad iyo shacabba/ daljoog iyo qurba joogba kor u qaadista bilicda iyo horumarinta magaalooyinkeenna. PUNTLAND POST The post Hay’adda Maamul wanaagga Puntland oo amaantay Maamulka Dowladda hoose ee Garowe appeared first on Puntland Post.
  7. Cabdiraxmaan Faroole oo ah Senator ka tirsan aqalka sare oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa dhaliilay guddoonka golaha shacabka iyo wasiirka dastuurka isaga oo sheegay in ay faragelin ku hayaan dib-u-eegista dastuurka. Mr. Faroolle oo arrintaasi ka hadlay waxaa uu yiri “Wax badan ayaa la isku dayey in dowlad la dhiso illaa 91kii, illaa hadda meesha ay mareyso oo dowlad dhexe oo door-weyn Puntland ka qaadatay, dastuur sameyntii, marti gelintiisa iyo wax ka qeysbigiisii meshii ugu dambeysay marka la dhameystiray oo dowladihii Federaalka xubinta ka ahaa la dhameystiray, madaxweynihii la doortay federaalka ahaa, labadii aqal oo dastuuriga ahaa la dhisay carqalad kale ayaa soo baxday, carqaladda socotaa waxaa weeye, waxaa lala dirirayaa nidaamkii federaalka ahaa, waxaana qeyb-weyn ka ah dowladda federaalka qeybaheeda qeyb ka mid ah No.1 haddii aan ka soo qaado hoggaanka golaha shacabka iyo cidda magacawday wasiir aan ku habooneen oo awalba loo heystay dastuurka federaalka ah KMG ah shirweynihii dastuuriga ahaa August 1, 2012 lagu ansixiyay Xamar faraha gelisay oo buug wax ka badalay dastuurkii hore soo saartay oo saxiixday”. Senator Faroole waxaa uu sheegay wasiirka aanu shaqado ku laheyn howsha dastuurka ee hadda socota sida ku qoran 133, 134 qeybtii ay ku lahaayeen xukuumadda ay soo dhammaatay sida dhismaha Dowlad goboleedyadii, maamulladii iyo aqalka sare, isaga oo soo jeediyay in arrintaas faraha lagala baxo. Dhinaca kale, Senator Cabdiraxmaan Faroolle waxaa uu baaq nabadeed u diray dad xoolo dhaqato ah oo ku nool inta u dhaxeysa Itoobiya, Laas-caanood, Nugaal iyo Mudug . Goobjoog News Source
  8. Garowe (Puntlandi) Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Farole ahna Senator katirsan barlamaanka aqalka sare ayaa maanta baaqay in la joojiyo dagaal beeleedka ka socda howdka gobolka Sool. Cabdiraxmaan Faroole waxaa uu dowladda iyo shacabka ujeediyey in loo istaago sidii loo xalin lahaa colaadaan, wuxuuna dhinacyada dagaalamaya ugu baaqay inay ka waan toobaan colaada dhextaal oo ay xaliyaan. Isagoo ka hadlay Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Garoowe, ayaa Senetor Faroole ka sheegay in dagaalka hadda soo cusboonaaday uu yahay mid laga xumaado, oo si mcno darro ah lagu daadinayo dhiiga shacabka. “Waxaan aad uga naxsanahay in Madaxweynaha Puntland isagoo jooga degmada Burtinle oo nabada ka shaqeynaya ay maalmihii lasoo dhaafay ka dhaceen dagaallo deegaanada,” ayuu yiri Faroole. Faroole ayaa xusay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeya sidii loo demin lahaa Colaadda ka taagan deegaanada hadda Cagaarre iyo Qoriley ee sababay dhimashada iyo bakaraca shacabka. Odayaasha, Waxgaradka, Culimada, Siyaasiyiinta iyo Isimida ayuu ugu baaqay Faroole inay iska kaashadaan soo afjarida dagaalka, lana fuliyo heshiisyadii nabad ee horey loo gaaray, oo waxa dambana la daqab-qabto. Halkaan ka dhegayso codka Faroole. faroole colaaddda Puntlandi.com
  9. 1) Madashu waxa ay uga mahadcelisay Dawladda Puntland ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya martigelinta shirka sadexaad ee madasha. 2) Madashu waxa ay soo dhaweysay heshiiskii ay gaareen Wasaaradda Dastuurka ee XFS, Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka, iyo Guddiga Madaxanabnaan ee Dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka. 3) Madashu waxay ay ka mahadcelineysaa ammaanta ay u soo jeediyeen madaxdii ka qaybgashay shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee ka dhacay Muqdisho 5tii November 2017. 4) Shirka Madasha waxaa lagu ansixiyay Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka ee labada sano ee soo socota. 5) Madasha waxaa lagu go’aamiyay daadejinta Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Bulshada illaa heer gobol, degmo iyo tuulo, iyadoo kaalin lixaad leh ay ka ciyaarayaan Wasaaradaha Dastuurka ee Dawladaha Xubanaha ka ah Dawaladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyagoo kaashanaya bulshada qaybaheeda kala duwan. 6) Madashu waxa ay soo dhaweeysay safar hawleedka wadajirka ah ee ay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS iyo labada Guddi ee ku shaqada leh arrimaha dib-u-eegista Dastuurka ay ku tagi doonaan Dawladaha Xubanaha ka ah Dawaladda Federaalka Soomaaliya si ay wadatashi ula sameeyaan madaxda sare iyo Wasaaradaha. 7) Madashu waxay soo dhaweyneysaa qabashada shirweynaha qaran ee daahfurka Ololaha Dib-u-Eegista Dastuurka, kaas oo ka dhici doono magaalada Muqdisho horaanta 2018. 8) Madashu waxa ay isku raacday in Guddiga Farsamada ee Golaha Iskaashiga Dawladaha Xubanaha ka ah Dawaladda Federaalka Soomaaliya lagu soo daro Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dawladda Federaalka, Dawladaha Xubanaha ka ah Dawaladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir. 9) Madashu waxay isla garatay in kulanka afaraad ee madasha lagu qabto magaalada Baydhabo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Dawladda Koonfur Galbeed Soomaaliya. 10) Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS waxaa ka go’an xoojinta wadashaqaynta iyo wadajirka Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dawladaha Xubanaha ka ah Dawaladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir si looga guul gaaro Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka. 11) Madashu waxay si weyn u bogaadinaysaa kaalinta madaxda sare ee Qaranka iyo sida ay ugu heelanyihiin dib-u-eegista iyo dhameystirka Dastuurka. 12) Madashu ugu dambayn waxay u mahadcelinaysaa Beesha Caalamka taageeradooda ku aadan hanaanka dib-u-eegista dastuurka iyo dhameystirkiisa. —–DHAMAAD—–
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Cabdullahi Sheekh Cismaaciil oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka jawaabay hadal uu dhawaan sheegay Xildhiban Axmed Macalin Fiqi ee ahaa in xeer ilaaliyaha Qaranka uu yahay nin soo galooti ah oo an u dhalan Soomaali. Kadib weerarkii Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishaakuur Warsame ayaa Xildhibaan Fiqi isaga oo hadlayay waxa uu sheegay in Axmed Cali Daahir uusan aheyn muwaadin Soomaaliyeed balse uu yahay Muwaadin Itoobiyan ah oo u bahan in baaritaan lagu sameeyo. Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Cismaaciil ayaa sheegay in xiligaan lakala soocayo muwaadiniinta Soomaaliya,isla markaana Axmed Cali Daahir lagu tilmamay in uusan Soomaali aheyn taasina ay tahay wax cadaalada ka fog. Waxa uu sheegay in Garsoorka dalka uu xushmad leeyahay isla markaana iyada oo Siyaasad kale la eegayo aan loo gefin Madaxda Garsoorka dalka,uguna baaqay in arrinkaas dib looga laabto. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/12/Cabdulaahi-sheekh-ismaacil.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dhageyso:-Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Cismaaciil Oo Jawaab Kulul siiyey Xildhibaan Fiqi appeared first on Caasimada Online.
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sanadkan 2017-ka, waxaa lagu xusuustaa dhacdooyin muhiim ahaa oo ay ka mid yihiin isbadallo siyaasadeed oo dhacay, xiisado colaadeed, dagaallo, heshiisyo, farxad iyo naxdin iyo arrimo kale. Hadaba, Caasimadda Online, waxaa ay akhristayaasheeda xusuusineysaa dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa sanadkan January illaa December 2017. Bishii January, waxaa dhacay doorashada guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana markii ugu horeysay uu dalku yeeshay Aqalka sare, kaas oo sanadkaan la dareemay jiritaankiisa, ka sokow dhismaha hey’adihiisa, aqalkaan waxaa uu qabtay sharciyo iyo xallinta khilaafaadyo jiray. February, waxaa lagu xusuustaa isbadal siyaasadeed, waxaa 8-dii bisha madaxweyne loo doortay mudane Maxamed Cabdulahi farmaajo, isla bishaas dhammaadkeeda waxaa uu Farmaajo ra’isul wasaare u doortay Xasan Cali Kheyre oo ka tirsanaa milkiilayaasha Soma Oil and Gas. March, Waxaa 16-keeda Goor habeen ah, 42 qof oo qaxooti Soomaaliyeed ah lagu dilay xeebaha Yemen, diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo Sacuudiga iyo xulafadiisa ah ayaa falkaasi geystay, dowladda federaalka ah illaa hadda kama hadlin. Isla March 21, 2017: Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa magacaabay 68 wasiir, 8 ayaa haween ahaa, waxaa kale oo ku jiray 15 wasiiru dowle, 26 wasiir, 26 ku-xigeen, wasiiradaas 42 Xildhibaanno ahaa., maalmo kadib magacaabista xukuumadda waxaa lagu guuleystay in duulimaad toos oo Muqdisho ka kacay uu ku dago magaalada Nairobi, March 29, 2017, arrintan waxaa ay ka dambeysay is-afgarad dhex-maray labada dal. April 1-deeda, waxaa kalsooni heshay xukuumadda Ra’isul wasaare Cali Kheyre, iyada oo si toos ah shaqadeeda u bilowday. May, waxaa uu dalku galay marxalad cusub, Bishaas 11-keeda, xukuumadda waxaa ay meelmarisay qorshaha xasilinta Banaadir, waxaa la sheegay in dowladda ay howlgelisay 1500 askari. Dhinaca kale isla May 11, 2017: Shirkii Soomaalida loogu qabtay London, waxaa laga soo saaray heshiis cusub oo lagu badalay barnaamijkii New Deal-ka, qorshahan cusub oo loo bixiyay New Partnership(Heshiiska iskaashiga cusub) waxaa Soomaaliya lagu hagi doona sanadaha soo socda, waxaa kale oo goobta lagu saxiixay National Security Architecture oo dhigaya in la sameeyo 18, 000 oo ciidanka xoogga dalka ah, 4 kun oo ciidamada gaarka ee danab ah iyo 32 kun oo Booliis ah. Dhacdooyinkii June ugu muhiimsanaa waxaa ka mid ahaa Madaxweyne Farmaajo oo 4ta bisha ballan-qaaday in uu 3 bil gudahood wax uga qabanayo cadaaladda, illaa iyo hadda waa laga sugayaa, 2 maalin kadib, Dowladda federaalka ah ayaa go’aan ku gaaray in muranka Khaliijka ay dhex-dhexaad ka yihiin, waxayna ku baaqeen in dalalka muransan la dhex-dhexaadiyo, go’aankaasi waxaa warqado ka duwan oo lagu taageerayo xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka soo saaray maamullada Somaliland, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, waxaana bilowday khilaaf dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada ah oo illaa iyo hadda aan heshiis cad laga gaarin. August, waxaa ay aheyd bil kulul, Bishaas 25, 2017, ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykanka ayaa 10 qof oo rayid ah ku dilay beer ku taallo deegaanka Bariire, Shabeellada hoose isla bishaas August 27, 2017: Cabdikarim Qalbi-dhagax oo 23kii bishaasi laga soo qabtay gobollada dhexe ayaa loo dhiibay dowladda Itoobiya, in kasta oo golaha shacabka dhiibistiisa sharci-darro ku tilmaamay lama oga waxa xiga, waxaa kale oo bishaas dowladda heshiis la galay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur). September 26, 2017: Maamul goboleedka Galmudug waxaa ka dhacay qalalaase siyaasadeed, Xildhibaanno ayaa sheegay in madaxweynaha Xaaf xilka ka qaadeen, Xildhibaanno kale ayaa guddoomiyaha baarlamaanka casilay, dhinacyo kala duwan ayaa xilalka iska-qaaday, dowladda federaalka ah ayaa la safatay guddoomiyaha baarlamaanka halka maamul goboleedyada ay la safteen madaxweyne Xaaf, Xildhibaanno federaalka ah oo booqday maamulka ayaa ku guul-dareystay, kadib is-jiid-jiid dheer oo ceeb dhinacyo badan soo gaartay, waa la heshiiyay. October, Waxaa lagu xusuustaa dhacdooyin badan, waxaa ka mid ah Guddiga Madaxa Banaan ee dib u eegista dastuurka iyo guddiga dib u eegista dastuurka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa baajiyay shirka dastuurka ee wasaaradda, Isla bishaasOctober 11, 2017, War saxaafadeedkii kasoo baxay Madaxda maamul goboleedyada oo Kismaayo ku shirayey ayaa looga dhawaaqay Gole ay ku mideysan yihiin oo la magac-baxay Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleeyada (GIDG) kaas oo hadda u muuqda mid go’aannadii ay si rasmi ah u fulaan. In kasta oo Qaraxyadii dhacay iyo khasaaraha maalin kale ka hadli-doono, Laakin macquul ma aha in October ka hadalno oo aanan soo hadal qaadin 14-keeda, waxaa Zoobe ka dhacay qarax weyn oo ay ku dhinteen in ka badan 500 oo qof, hanti badan ayaa sidoo kale ku baa’ba’day, waa qaraxii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaco qaaradda Afrika. December 5, 2017: Wasiirka qorsheynta ee Soomaaliya Jamaal Maxamed ayaa sheegay in uu goobjoog ka ahaa heshiis ay dalka Mareykanka 300 oo Milyan oo doolar la saxiixdeen, kaas oo loogu talo-galay in wax looga qabto horumarka Soomaaliya. December 5, 6, 2017: Waxaa Muqdisho lagu qabtay shirka amniga iyo iskaashiga oo beesha caalamka iyo Soomaalida ay ku wada hadleen arrimaha la xiriira amniga, nabadda, siyaasadda iyo horumarka dalka iyo dadka. December 6, 2017: Maamullada Galmudug iyo Ahlu-sunna ayaa si rasmi ah, waxay si rasmi ah ugu heshiiyeen 14 qodob oo lagu soo afjaray khilaafkii dhanka siyaasadeed. December 17, 2017: Waxaa goor habeen ah gurigiisa lagu weeraray siyaasiga mucaaradka ah Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame, 5 ilaaladiisa ka tirsan ayaa goobta lagu dilay, isagana waana la xiray, is-jiid-jiid iyo maxkamadeyn kadib waa lagu waayey wax dambi ah, waana la sii daayey. Soyaalkaas marka aan ka soo tagno, waxaa jiray dhacdooyin kale oo muhiim ahaa sida safarada tirada badan ee madaxweyne Farmaajo, Imaaraadka oo lagu wareejiyay Berbera iyo Boosaaso, isbadallo hey’adaha amniga iyo arrimo kale. Safaradda Madaxweynaha: Madaxweyne Farmaajo tan iyo markii la doortay waxaa uu booqday 19 dal, 9 bil uu madaxweynahaa waxaa uu dalka ka maqnaa 2 bil, dalalka uu booqaday waxaa ka mid ahaa: Sacuudi, Kenya, Jordan, immaraadka, Turkiga, Itoobiya, Ingiriiska, Sacuudiga, Uganda, Masar, Sacuudi Arabia, Suudaan, Uganda, Itoobiya, Djibouti, imaaraadka, Kenya, Côte d’Ivoire iyo Masar. Ballan-qaad Mashaariic: Sanadkan waxaa jiro labo dal oo sameeyay ballan-qaaday mashaariic ay ka mid yihiin dhismo waddooyin iyo Airport, waa dalalka Sacuudiga iyo Qatar: Xukuumadda Kheyre: Waxaa May 03, 2017 la dilay Wasiirkii Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya marxuum Cabaas Siraaji, muddada ay jirtay xukuumadan Kheyre waxaa is-casilay wasiiraddii Gashaandhigga iyo Gargaarka halka wassiirka diinta iyo awqaafta shaqada looga diray sabab aan la ogeyn, musuqa ay sheegto in ay la dagaalanto hal qof looma qaban sanadkaan, waxaa ay ka baxday shirar ay bilowday sida shirka wasiirrada federaalka ah ee ka dhici lahaa maamul goboleedyada iyo isla xisaabtan xukuumadda iyo warbaahinta. Hey’adaha Amniga: Waxaa xilka laga qaaday taliyaha NISA iyo taliyaha booliiska, illaa iyo hadda badalkooda lama keenin. Heshiisyada Imaaraadka: Doorashadii madaxweyne Farmaajo ee February kadib, dalka Imaaraadka waxaa uu heshiisyo ganacsi iyo mid militari la galay Somaliland iyo Puntland, maamulka hore waxaa uu kula heshiiyay in dekadda Berbera lagu wareejiyo shirkadda DP World halka saldhig military la siiyay Isku Tagga Imaaraadka Carabta si ay u isticmaalaan Madaarka diyaaradaha ee Berbera, waxaa kale oo Puntland ay DP World ku wareejisay dekadda Boosaaso, Labada heshiis waxaa ansixiyay baarlamaannada labada maamul, weli lama oga mowqifka saxda ee dowladda federaalka ah. Doorashooyin kale: Doorashada Galmudug: Doorasho Ka dhacday Cadaado May 3, 2017, waxaa madaxweyne loo doortay Axmed Ducaale Geelle(Xaaf). Doorashada Hirshabeelle: Doorasho Jowhar ka dhacday Sep 16, 2017, waxaa madaxweyne loo doortay Maxamed Cabdi Waare. Doorashooyinka Somaliland: Doorasho Somaliland ka dhacday November 13, 2017, waxaa ku guuleystay Muuse Biixi, oo ah murashaxaha xisbiga Kulmiye. Xigasho: Radio Goobjoog Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Warbixin: Dhacdooyinkii Siyaasadeed Iyo Xasaradihii Dhacay 2017-ka appeared first on Caasimada Online.
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxa Qaramada Midoobay ugu sarreeya Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay ansixintii dhowaan la ansixiyay miisaaniyadda federaalka ee dalka, taas oo ah guul weyn oo laga gaaray horumarinta dhaqaalaha, waana tallaab dalka usoo dhoweynaysa in uu dhaqaale ka helo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah. “Tani waxay calaamad u tahay masaafada ay Soomaaliya kasoo gudubtay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay – waxay kusoo dhowaanaysaa inay awood u yeelato inay cageheeda isku taagto maaliyad ahaan, sida xubnaha kale ee beesha caalamka. Marki ay hirgalaan tallaabooyinka dakhli ururinta iyo dib-u-habaynta muhiimka ah, Soomaaliya waxay awood u yeelanaysaa inay hesho deeq iyo maalgelin shuruudeheedu dabacsanyihiin oo ay ka hesho hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah, bedelkii ay si weyn ugu tiirsanaan lahayd deeq-bixiyeyaasha si ay u daboosho baahideeda maaliyadeed,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating. “Tani waxay dadka Soomaaliyeed ee caadiga ah uga dhigantahay rajo dhab ah oo lagu helayo dugsiyo waxbarasho oo badan, isbitaallo iyo kaabayaasha aadka loogu baahanyahay maadaama dowladdu ay awood u yeelan doonto inay soo amaahato lacag dulsaarkeedu si cadaalad ah loogu jaan-goyay suuqyada caalamiga ah,” ayuu raaciyay. “Tani waxaa kale oo ay calaamad u tahay xasilooni soo tarmeysa, waana in dowladihii hore iyo tan hadda jirta lagu amaano dadaalladooda ay hawsha halkaan kusoo gaarsiiyeen.” Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa sheegay in deyn-bixiyeyaasha caalamiga ah ay Soomaaliya ku leeyihiin $5.2 bilyan. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa todobaadkii lasoo dhaafay ansixiyay miisaaniyadda 2018ka, iyadoo xirmadan ka kooban $274 malyan ay tahay tallaab muhiim ah oo wax looga qabanayo shuruudaha dib-u-habaynta maaliyadeed ee ‘Barnaamijka Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada’ (SMP) ee Sanduuqa Lacagta Adduunka ugu talo galay dalalka bariga Afrika. Barnaamijka Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada waxaa loogu talo galay horumarinta dadaallada dib u dhiska dhaqaale iyo in loo suurto geliyo dalalka inay sameystaan diiwaan dabagal oo loogu talo galay hirgelinta siyaasadda iyo dib-u-habaynta. Soomaaliya waxay durba dhamaystirtay Barnaamijkii ugu horreeyay ee Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada sanadkii 2016-2017. “Waxaa na dhiirigelinaya ballan-qaadyada madaxda iyo xawaaraha dib-u-habaynta ee lagusoo celinayo hay’adihii dhaqaalaha iyo maaliyadda ee muhiimka ahaa, waxaana soo dhoweynaynaa dadaalladooda ku aaddan in barnaamijku kusii socdo si sax ah,” ayuu Sanduuqa Lacagta Adduunka ku yiri war-saxaafadeed kadib kulankii ay todobaadkii lasoo dhaafay la qaateen madaxda Soomaaliyeed. “Hawl-qabashada madaxda ee ku aaddan Barnaamijka Kor-joogteynta Hawl-Wadeennada ee bishii September 2017 ayaa si weyn loogu qancay.” Sanadka soo socda ayaa Sanduuqa Lacagta Adduunka wuxuu go’aanka ugu dambeeya ka gaari doonaa u hogaansanaanta Soomaaliya ay u hogaansantay shuruudaha Barnaamijka Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada ee sanadka 2017, waxaana wada-xaajood laga geli doonaa Barnaamij Kor-joogtayn Hawl-wadeenno oo daba-socda midka lasoo gabagabeeyay. Ergeyga Gaarka ah Keating ayaa ugu baaqay madaxda dalka inay xaqiijiyaan in qiimaynta sanadka soo socda lagu samayn doono horumarka Soomaaliya in uu noqdo mid wanaagsan, iyadoo wixii kala duwanaan siyaasadeed ah lagu xallinayo wadahadal iyo niyad wanaag. “Xasillooni siyaasadeed waxaa ay wax ka taraysaa uun sidii lagu xaqiijin lahaa arrimahaas,” ayuu yiri. “Waxay gacan ka geysanaysaa sidii loosoo jiidan lahaa maalgelinta hay’adaha dowladda iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay, waxayna xoojinaysaa horumarka dalka ee kobcinta maaliyadeed.” Soomaaliya ma awoodin inay xalliso deymaha dibadda loogaga leeyahay tan iyo markii dagaallada sokeeye ay dillaaceen sanadkii 1991. Iyadoo ay halakeeyeen abaaro iyo colaado hubaysan, iyo weliba horumar la’aan, ayaa hadda Soomaaliya waxay ku tiirsantahay deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah si ay wax uga qabato inta badan baahideeda maaliyadeed. Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ ayaa dhowr jeer ugu baaqay deyn-bixiyeyaasha caalamiga ah ee dalka ku leh deymaha inay deymahaas ka cafiyaan Soomaaliya iyadoo loo marayo waxa loogu yeero Barnaamijka Dalalka Saboolka ah ee Deymaha Culus lagu Leeyahay (HIPC), oo ay asaaseen Sanduuqa Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka sanadkii 1996 si ay u xaqiijiyaan in dal sabool ah aanu la kulmin culays deyn oo ka badan awooddiisa adeeg-bixin iyo maareynta [arrimihiisa]. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post QM oo warbixin kasoo saartay Ansixintii Miisaaniyadda Dowladda ee 2018 appeared first on Caasimada Online.
  13. Gaalkacyo (Puntlandi) Agaasimaha hay’adda socdaalka iyo jinsiydaha dowladda Puntland, Mohamed Abdi Farah (Qanbi), ayaa saakay kormeer shaqo ku tagay garoonka diyaaradaha Abdullahi Yusuf ee magaalada Gaalkacyo. Socdaalka agaasimaha ayaa ku saabsanaa u kuurgalida habsami u socodka shaqo ee garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, waana kormeerkiisii ugu horeeyay ee uu ku tago Gaalkacyo, kadib magacaabistiisii. Mohamed Abdi Farah (Qanbi), ayaa kulan la qaatay maamulka garoonka Gaalkacyo, isagoo ka wareystay xaalada garoonka, baahiyaha jira iyo in la fuliyo awaamiirta ku saabsan socdaalka ee ay dowladda Puntland horey usoo saartay si loo hubiyo ammaanka garoomada iyo la hubiyo dadka ka duulaya garoomada iyo kuwa soo galaya. Wuxuu agaasimuhu ku bogaadiyay maamulka iyo shaqaalaha garoonka sida wanaagsan ee ay ugu shaqeeyaan bulshadooda, wuxuuna balanqaaday inay hay’adda socdaalku wada shaqayn joogto ah iyo taageero ufidindoonto howlwadeenada garoomada diyaaradaha Puntland, haday ahaan tababaro iyo qalabayn.
  14. NEW YORK, 24th December, 2017 — The United Arab Emirates Mission to the United Nations in New York, in collaboration with the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA), has hosted a briefing to engage Members States in evaluating the humanitarian situation and possible responses in the Horn of Africa. The meeting featured briefings by the UN’s humanitarian heads in Ethiopia, Somalia, and South Sudan. Humanitarian response and prevention is at the heart of the UAE’s foreign aid and assistance. The UAE is deeply concerned by the different situations in the Horn of Africa, from war to climate change, and is partnering with OCHA to illuminate the options for the UN community and donors to empower these countries and their people to achieve the Sustainable Development Goals. The humanitarian situations in the three countries continue to cripple their development progress. Drought has pushed Somalia to the brink of famine, as well as threatened lives in many parts of Ethiopia, despite strong government leadership in the 2016 and 2017 drought response. Conflict in South Sudan, worsened by climate change, has caused over 2.3 million people to flee their homes and 1 million people at risk of famine in 2018. The meeting looked at both funding needs – which are especially acute in South Sudan – as well as innovative options to prevent and mitigate crises. These include techniques like forecast-based financing, which mandates donors to release money for humanitarian action before harsh weather strikes, and the tailoring of programs for specific demographics. The UAE has provided over $250 million of aid to the three countries and their citizens since 2013, most recently to support Uganda as the host of hundreds of thousands of South Sudanese refugees. WAM
  15. Wasiir kuxieenka oo kormeerka ay ku weheliyeen Xoghayaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo masuuliyiin kale, waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay saraakiisha canshuuraha ee kastamka, Masuuliyiinta iyo qaybaha bulshada rayidka deegaanaankaasi Tukaqaraq. Wasiir kuxigeenka Maaliyadda ayaa warbixin ku aadan qaabka ay u socoto shaqadu waxa uu ka dhageystay masuuliyiinta kastamka Cashuuraha Tukaraq. Weftiga Wasiirka ayaa mid mid u booqday qaybaha uu ka koobanyahay dhismaha weyn ee wasaaraddu ay u dhisayso Kastamkaasi, oo xiligan heer gaba-gaba ah maraya islamarkaana dhawaan la filayo in xariga laga jaro. Xisaabiyaha gobolka Sool oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay in soo booqdan weftiga wasaaradda maaliyadda ka socda ee uu hogaaminayo wasiir kuxigeenka Maaliyadda.’’Mudane Wasiir farxad bay noo tahay inaad noo timaado adiga iyo weftigaagu.sifican ayey shaqadu u socota. dhismahana waa mashruucii ugu weynaa Puntland ay ka fuliso Gobolka Sool.” Ayuu yiri Eg,C/samad Keyse Daahir. Xoghayaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Axmed Jaamac Jawle oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay socdaalkooda uu salka ku hayo u kuur galida siduu u shaqeeyo kastamka, kaasi oo dhaqaalaha Puntland qayb ka mid ah uu kasoo xaroodo. Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Dawladda Puntland mudane C/salaan Bashiir C/salaam ayaa sheegay in dhawaan lasoo gabagabeyn doono dhismahan casriga ah ee loo dhisayo kastamka tuulada Tukaraq ee gobolka Sool, waxaana uu kula dardaarmay masuuliyiinta iyo shaqaalaha kastamka inay si daacad ugu shaqeeyaan dalkooda. Puntlandi.com
  16. Madaxweynihi hore dowladda Puntland ahna Xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya,Cabdiraxmaan Sheekh Maxammed Maxamuud(Faroole) oo goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay Hoygiisa magaalada Garoowe ayaa ka hadlay arrimo kala duwan. Mudane. Farooole ayaa ugu horrayn baaq nabadeed u diray Beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamay degaannada tuulooyinka ah ee u dhexeeya gobollada Sool iyo Nugaal,wuxuuna codsaday in dhammaan la isu taago joojinta colaaddaas. Faroole ayaa sidoo kale eedayn kulul u jeediyey guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya oo uu sheegay in ay faro-gelin xoogganku hayaan Dowlad Goboleedyada dalka,islamarkaana ay burburinayaan Nidaamka Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Dastuurka Soomaaliya,ayuu isagana ku eedeeyay in uu Dastuurkii ku falaaday buug jeebkiisa ah qortay,isagoo sheegay in arrintaasi fududaysay UN-ka gaar ahaanna hay’adda UNDP. Kaabayaasha Dhaqaalaha Puntland. Mudane. Faroole ayaa shacabka reer Puntland ugu baaqay in ay taageeraan horumarka dalka,gaar ahaanna mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee ay xukuumadda Puntland waddo,kuwaasoo ay ku jiraan ballaarinta Dekedda Boosaaso iyo dhismaha gatoomada. Halkaan ka daawo shirka jaraa’id oo dhammaystiran. PUNTLAND POST The post Daawo: Cabdiraxmaan Faroole oo shir jaraa’id haatan qabtay kana hadlay arrimo xasaasi ah. appeared first on Puntland Post.
  17. Garoowe (Caasimadda Online) – Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Faroole oo ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa dingiin u diray Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka iyo Wasiirka Dastuurka Soomaaliya. Isagoo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe saaka ayuu shegay inuu socdo qorshe lagula dirirayo nidaamka federaalka ee Soomaaliya qaadatay, wuxuuna si toos ah u weerarray Guddoomiyaha Golaha shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil oo uu ugu baaqay inay faraha kala baxaan arrimaha ay faraha kula jiraan ee dastuurka. “Guddoonka Golaha shacabka waxaa ugu baaqayaa fara gelinta haka daayo maamul goboleedyada baarlamaanadooda oo hadba meel ku casuumayo oo faraha hala baxo”ayuu yiri C/raxmaan Faroole. “Caqabadaha socda waxaa ka mid ah in lala dirirayo nidaamka federaalka, waxaa kow ka ah Hoggaanka Golaha shacabka iyo cida keentay ee magacawday wasiir aan ku habooneyn Wasaaradda Dastuurka oo awalba loo heystay dastuurkii KMG shirweynihii dastuurka ee lagu ansixiyay Xamar sanadkii 2012 faraha gelisay oo buuggii wax ka bedeshay, maalmahan shirarka waday, cida la hadashana aysan jirin”ayuu yiri C/raxmaan Faroole. Wuxuu ugu baaqay Faroole Hya’adda UNDP ee Qaramada Midoobey inay joojiso maalgelinta ay ku bixineysa howsha uu wado Wasiir Xoosh ee Dastuurka, wuxuuna sharci darro ku tilmaamay howlaha dib u eegista dastuurka. Sidoo kale waxaa uu sheegay in dib u eegistii dastuurka ay soo dhamaatay, isla markaana qodobada qaar ee dastuurka ku jirana ay ahaayeen kuwo la laalay, maadaama Aqalka sare iyo dowlad goboleedyada ay sameysmeen, howsha dastuurka ay u xil saaran tahay Guddiga madaxa banaan oo ah cida qoreysa. Waxaa uu ugu baaqay Qaramada Midoobey, gaar ahaan UNDP inay joojiso maalgelinta ay ku bixineysa howsha uu wado Wasiir Xoosh, isagoo baaq u diray Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating. “Qaramada Midoobey, gaar ahaan Hey’addeeda UNDP horumar ayay aheyd inay ka shaqeeyaan, ma haboona inay siyaasad ka shaqeeyaan, waxaa leenahay ha joojiyeen maalgelinta ay ku wadaan howsha Wasiir Xoosh iyo Jawaari ay wadaan, ha joojiyeen lacagta lagu bixinayo ka leexinta wadada saxda aheyd ee dastuurka iyo awoodaha hey’adaha federaalka”ayuu yiri Faroole. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Faroole ” Wasiirka Dastuurka xilkaas uma qalmo jawaarina howlaha uu gacanta kula jiro waa inuu joojiyo” appeared first on Caasimada Online.
  18. Sanadkan 2017-ka, waxaa lagu xusuustaa dhacdooyin muhiim ahaa oo ay ka mid yihiin isbadallo siyaasadeed oo dhacay, xiisado colaadeed, dagaallo, heshiisyo, farxad iyo naxdin iyo arrimo kale. Hadaba, Goobjoog News, waxaa ay akhristayaasheeda xusuusineysaa dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa sanadkan January illaa December 2017. Bishii January, waxaa dhacay doorashada guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana markii ugu horeysay uu dalku yeeshay Aqalka sare, kaas oo sanadkaan la dareemay jiritaankiisa, ka sokow dhismaha hey’adihiisa, aqalkaan waxaa uu qabtay sharciyo iyo xallinta khilaafaadyo jiray. February, waxaa lagu xusuustaa isbadal siyaasadeed, waxaa 8-dii bisha madaxweyne loo doortay mudane Maxamed Cabdulahi farmaajo, isla bishaas dhammaadkeeda waxaa uu Farmaajo ra’isul wasaare u doortay Xasan Cali Kheyre oo ka tirsanaa milkiilayaasha Soma Oil and Gas. March, Waxaa 16-keeda Goor habeen ah, 42 qof oo qaxooti Soomaaliyeed ah lagu dilay xeebaha Yemen, diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo Sacuudiga iyo xulafadiisa ah ayaa falkaasi geystay, dowladda federaalka ah illaa hadda kama hadlin. Isla March 21, 2017: Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa magacaabay 68 wasiir, 8 ayaa haween ahaa, waxaa kale oo ku jiray 15 wasiiru dowle, 26 wasiir, 26 ku-xigeen, wasiiradaas 42 Xildhibaanno ahaa., maalmo kadib magacaabista xukuumadda waxaa lagu guuleystay in duulimaad toos oo Muqdisho ka kacay uu ku dago magaalada Nairobi, March 29, 2017, arrintan waxaa ay ka dambeysay is-afgarad dhex-maray labada dal. April 1-deeda, waxaa kalsooni heshay xukuumadda Ra’isul wasaare Cali Kheyre, iyada oo si toos ah shaqadeeda u bilowday. May, waxaa uu dalku galay marxalad cusub, Bishaas 11-keeda, xukuumadda waxaa ay meelmarisay qorshaha xasilinta Banaadir, waxaa la sheegay in dowladda ay howlgelisay 1500 askari. Dhinaca kale isla May 11, 2017: Shirkii Soomaalida loogu qabtay London, waxaa laga soo saaray heshiis cusub oo lagu badalay barnaamijkii New Deal-ka, qorshahan cusub oo loo bixiyay New Partnership(Heshiiska iskaashiga cusub) waxaa Soomaaliya lagu hagi doona sanadaha soo socda, waxaa kale oo goobta lagu saxiixay National Security Architecture oo dhigaya in la sameeyo 18, 000 oo ciidanka xoogga dalka ah, 4 kun oo ciidamada gaarka ee danab ah iyo 32 kun oo Booliis ah. Dhacdooyinkii June ugu muhiimsanaa waxaa ka mid ahaa Madaxweyne Farmaajo oo 4ta bisha ballan-qaaday in uu 3 bil gudahood wax uga qabanayo cadaaladda, illaa iyo hadda waa laga sugayaa, 2 maalin kadib, Dowladda federaalka ah ayaa go’aan ku gaaray in muranka Khaliijka ay dhex-dhexaad ka yihiin, waxayna ku baaqeen in dalalka muransan la dhex-dhexaadiyo, go’aankaasi waxaa warqado ka duwan oo lagu taageerayo xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka soo saaray maamullada Somaliland, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, waxaana bilowday khilaaf dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada ah oo illaa iyo hadda aan heshiis cad laga gaarin. August, waxaa ay aheyd bil kulul, Bishaas 25, 2017, ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykanka ayaa 10 qof oo rayid ah ku dilay beer ku taallo deegaanka Bariire, Shabeellada hoose isla bishaas August 27, 2017: Cabdikarim Qalbi-dhagax oo 23kii bishaasi laga soo qabtay gobollada dhexe ayaa loo dhiibay dowladda Itoobiya, waxaa kale oo dowladda heshiis la galay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur). September 26, 2017: Maamul goboleedka Galmudug waxaa ka dhacay qalalaase siyaasadeed, Xildhibaanno ayaa sheegay in madaxweynaha Xaaf xilka ka qaadeen, Xildhibaanno kale ayaa guddoomiyaha baarlamaanka casilay, dhinacyo kala duwan ayaa xilalka iska-qaaday, dowladda federaalka ah ayaa la safatay guddoomiyaha baarlamaanka halka maamul goboleedyada ay la safteen madaxweyne Xaaf, Xildhibaanno federaalka ah oo booqday maamulka ayaa ku guul-dareystay, kadib is-jiid-jiid dheer oo ceeb dhinacyo badan soo gaartay, waa la heshiiyay. October, Waxaa lagu xusuustaa dhacdooyin badan, waxaa ka mid ah Guddiga Madaxa Banaan ee dib u eegista dastuurka iyo guddiga dib u eegista dastuurka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa baajiyay shirka dastuurka ee wasaaradda, Isla bishaas October 11, 2017, War saxaafadeedkii kasoo baxay Madaxda maamul goboleedyada oo Kismaayo ku shirayey ayaa looga dhawaaqay Gole ay ku mideysan yihiin oo la magac-baxay Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleeyada (GIDG) kaas oo hadda u muuqda mid go’aannadii ay si rasmi ah u fulaan. In kasta oo Qaraxyadii dhacay iyo khasaaraha maalin kale ka hadli-doono, Laakin macquul ma aha in October ka hadalno oo aanan soo hadal qaadin 14-keeda, waxaa Zoobe ka dhacay qarax weyn oo ay ku dhinteen in ka badan 500 oo qof, hanti badan ayaa sidoo kale ku baa’ba’day, waa qaraxii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaco qaaradda Afrika. December 5, 2017: Wasiirka qorsheynta ee Soomaaliya Jamaal Maxamed ayaa sheegay in uu goobjoog ka ahaa heshiis ay dalka Mareykanka 300 oo Milyan oo doolar la saxiixdeen, kaas oo loogu talo-galay in wax looga qabto horumarka Soomaaliya. December 5, 6, 2017: Waxaa Muqdisho lagu qabtay shirka amniga iyo iskaashiga oo beesha caalamka iyo Soomaalida ay ku wada hadleen arrimaha la xiriira amniga, nabadda, siyaasadda iyo horumarka dalka iyo dadka. December 6, 2017: Maamullada Galmudug iyo Ahlu-sunna ayaa si rasmi ah, waxay si rasmi ah ugu heshiiyeen 14 qodob oo lagu soo afjaray khilaafkii dhanka siyaasadeed. Soyaalkaas marka aan ka soo tagno, waxaa jiray dhacdooyin kale oo muhiim ahaa sida safarada tirada badan ee madaxweyne Farmaajo, Imaaraadka oo lagu wareejiyay Berbera iyo Boosaaso, isbadallo hey’adaha amniga iyo arrimo kale. Safaradda Madaxweynaha: Madaxweyne Farmaajo tan iyo markii la doortay waxaa uu booqday 19 dal, 9 bil uu madaxweynahaa waxaa uu dalka ka maqnaa 2 bil, dalalka uu booqaday waxaa ka mid ahaa: Sacuudi, Kenya, Jordan, immaraadka, Turkiga, Itoobiya, Ingiriiska, Sacuudiga, Uganda, Masar, Sacuudi Arabia, Suudaan, Uganda, Itoobiya, Djibouti, imaaraadka, Kenya, Côte d’Ivoire iyo Masar. Ballan-qaad Mashaariic: Sanadkan waxaa jiro labo dal oo ballan-qaaday mashaariic ay ka mid yihiin dhismo waddooyin iyo Airport, waa dalalka Sacuudiga iyo Qatar: Xukuumadda Kheyre: Waxaa May 03, 2017 la dilay Wasiirkii Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya marxuum Cabaas Siraaji, muddada ay jirtay xukuumadan Kheyre waxaa is-casilay wasiiraddii Gashaandhigga iyo Gargaarka halka wassiirka diinta iyo awqaafta shaqada looga diray sabab aan la ogeyn, musuqa ay sheegto in ay la dagaalanto hal qof looma qaban sanadkaan, waxaa ay ka baxday shirar ay bilowday sida shirka wasiirrada federaalka ah ee ka dhici lahaa maamul goboleedyada iyo isla xisaabtan xukuumadda iyo warbaahinta. Hey’adaha Amniga: Waxaa xilka laga qaaday taliyaha NISA iyo taliyaha booliiska, illaa iyo hadda badalkooda lama keenin. Heshiisyada Imaaraadka: Doorashadii madaxweyne Farmaajo ee February kadib, dalka Imaaraadka waxaa uu heshiisyo ganacsi iyo mid militari la galay Somaliland iyo Puntland, maamulka hore waxaa uu kula heshiiyay in dekadda Berbera lagu wareejiyo shirkadda DP World halka saldhig military la siiyay Isku Tagga Imaaraadka Carabta si ay u isticmaalaan Madaarka diyaaradaha ee Berbera, waxaa kale oo Puntland ay DP World ku wareejisay dekadda Boosaaso, Labada heshiis waxaa ansixiyay baarlamaannada labada maamul, weli lama oga mowqifka saxda ee dowladda federaalka ah. Doorashooyin kale: Doorashada Galmudug: Doorasho Ka dhacday Cadaado May 3, 2017, waxaa madaxweyne loo doortay Axmed Ducaale Geelle(Xaaf). Doorashada Hirshabeelle: Doorasho Jowhar ka dhacday Sep 16, 2017, waxaa madaxweyne loo doortay Maxamed Cabdi Waare. Doorashooyinka Somaliland: Doorasho Somaliland ka dhacday November 13, 2017, waxaa ku guuleystay Muuse Biixi, oo ah murashaxaha xisbiga Kulmiye. Goobjoog News Xogtan Lama Qaadan karo, xigasho la’aan. +La Soco dhowaan Qaraxyadii, weeraradii iyo khasaarihii ka dhacay 2017 Source
  19. Muqdisho (PP) ─ Ergayga Qaramada Midoobay ee Arrimaha Somalia ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray Ansixinta Miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya ee 2018-ka, haddaba War-saxaafadeedkii UNSOM ayaa u Qornaa Sidan; Madaxa Qaramada Midoobay ugu sarreeya Somalia, ayaa soo dhoweeyay ansixintii dhowaan la ansixiyay miisaaniyadda federaalka ee dalka, taasoo ah guul weyn oo laga gaaray horumarinta dhaqaalaha, waana tallaab dalka usoo dhaweynaysa in uu dhaqaale ka helo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah. “Tani waxay calaamad u tahay masaafada ay Soomaaliya kasoo gudubtay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay – waxay kusoo dhowaanaysaa inay awood u yeelato inay cageheeda isku taagto maaliyad ahaan, sida xubnaha kale ee beesha caalamka. Marki ay hirgalaan tallaabooyinka dakhli ururinta iyo dib-u-habaynta muhiimka ah, Soomaaliya waxay awood u yeelanaysaa inay hesho deeq iyo maalgelin shuruudeheedu dabacsanyihiin oo ay ka hesho hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah, bedelkii ay si weyn ugu tiirsanaan lahayd deeq-bixiyeyaasha si ay u daboosho baahideeda maaliyadeed,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating. “Tani waxay dadka Soomaaliyeed ee caadiga ah uga dhigantahay rajo dhab ah oo lagu helayo dugsiyo waxbarasho oo badan, isbitaallo iyo kaabayaasha aadka loogu baahanyahay maadaama dowladdu ay awood u yeelan doonto inay soo amaahato lacag dulsaarkeedu si cadaalad ah loogu jaan-goyay suuqyada caalamiga ah,” ayuu raaciyay. “Tani waxaa kale oo ay calaamad u tahay xasilooni soo tarmeysa, waana in dowladihii hore iyo tan hadda jirta lagu amaano dadaalladooda ay hawsha halkaan kusoo gaarsiiyeen.” Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa sheegay in deyn-bixiyeyaasha caalamiga ah ay Soomaaliya ku leeyihiin $5.2 bilyan. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa todobaadkii lasoo dhaafay ansixiyay miisaaniyadda 2018ka, iyadoo xirmadan ka kooban $274 malyan ay tahay tallaab muhiim ah oo wax looga qabanayo shuruudaha dib-u-habaynta maaliyadeed ee ‘Barnaamijka Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada’ (SMP) ee Sanduuqa Lacagta Adduunka ugu talo galay dalalka bariga Afrika. Barnaamijka Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada waxaa loogu talo galay horumarinta dadaallada dib u dhiska dhaqaale iyo in loo suurto geliyo dalalka inay sameystaan diiwaan dabagal oo loogu talo galay hirgelinta siyaasadda iyo dib-u-habaynta. Soomaaliya waxay durba dhamaystirtay Barnaamijkii ugu horreeyay ee Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada sanadkii 2016-ka illaa 2017-ka. “Waxaa na dhiirigelinaya ballan-qaadyada madaxda iyo xawaaraha dib-u-habaynta ee lagusoo celinayo hay’adihii dhaqaalaha iyo maaliyadda ee muhiimka ahaa, waxaana soo dhoweynaynaa dadaalladooda ku aaddan in barnaamijku kusii socdo si sax ah,” ayuu Sanduuqa Lacagta Adduunka ku yiri war-saxaafadeed kadib kulankii ay todobaadkii lasoo dhaafay la qaateen madaxda Soomaaliyeed. “Hawl-qabashada madaxda ee ku aaddan Barnaamijka Kor-joogteynta Hawl-Wadeennada ee bishii September 2017 ayaa si weyn loogu qancay.” Sannadka soo socda ayaa Sanduuqa Lacagta Adduunka wuxuu go’aanka ugu dambeeya ka gaari doonaa u hogaansanaanta Soalia ay u hogaansantay shuruudaha Barnaamijka Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada ee sanadka 2017, waxaana wada-xaajood laga geli doonaa Barnaamij Kor-joogtayn Hawl-wadeenno oo daba-socda midka lasoo gabagabeeyay. Ergeyga Gaarka ah Keating ayaa ugu baaqay madaxda dalka inay xaqiijiyaan in qiimaynta sanadka soo socda lagu samayn doono horumarka Soomaaliya in uu noqdo mid wanaagsan, iyadoo wixii kala duwanaan siyaasadeed ah lagu xallinayo wadahadal iyo niyad wanaag. “Xasillooni siyaasadeed waxaa ay wax ka taraysaa uun sidii lagu xaqiijin lahaa arrimahaas,” ayuu yiri. “Waxay gacan ka geysanaysaa sidii loosoo jiidan lahaa maalgelinta hay’adaha dowladda iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay, waxayna xoojinaysaa horumarka dalka ee kobcinta maaliyadeed.” Soomaaliya ma awoodin inay xalliso deymaha dibadda loogaga leeyahay tan iyo markii dagaallada sokeeye ay dillaaceen sanadkii 1991. Ugu dambeyn, Iyadoo ay halakeeyeen Abaaro Colaado hubaysan iyo Weliba horumar la’aan, ayaa hadda Somalia waxay ku tiirsantahay deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah si ay wax uga qabato inta badan baahideeda maaliyadeed. Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ ayaa dhowr jeer ugu baaqay deyn-bixiyeyaasha caalamiga ah ee dalka ku leh deymaha inay deymahaas ka cafiyaan Soomaaliya iyadoo loo marayo waxa loogu yeero Barnaamijka Dalalka Saboolka ah ee Deymaha Culus lagu Leeyahay (HIPC), oo ay asaaseen Sanduuqa Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka sanadkii 1996 si ay u xaqiijiyaan in dal sabool ah aanu la kulmin culays deyn oo ka badan awooddiisa adeeg-bixin iyo maareynta [arrimihiisa]. PUNTLAND POST The post Ergeyga QM ee Somalia oo soo dhaweeyay Ansixinta Miisaaniyadda Dowladda ee Sanadkan 2018 appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa faahfaahino dheeraad ah ay ka soo baxyaaan Dill xalay ka dhacay Xaafada Via Roma ee degmada Xamarweyne,kaasi oo lagu dilay mid ka mid ah Dhalinyaradii uu Shaqaaleysiiyay Maamulka gobolka Banaadir oo lagu Magacaabi jiray Ayaanle Maxamed Dhuule. Majirto cid loo soo qabtay dilka Wiilkaas Dhalinyarada ah ee xalay lagu dilay Xaafada Via Roma ee degmada Xamarweyne ee Gobolkaan Banaadir. Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa waxaa ay Sheegteen Dilka ay u geysteen Wiilkan dhalin yarada ah oo la sheegay inuu ka tirsanaa Nabad Sugida Soomaaliya. Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ay Marti gelisay Dilal qorsheysan eel ala beegsanayo Askarta ka tirsan ciidanka Dowlada Soomaaliya iyo dadka Shacabka ee aan waxba galabsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Al-Shabaab oo ku dhawaaqay ujeedkii laga lahaa dilkii ay Xalay wiil dhallinyaro ah ugu geyteen Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  21. Muqdisho – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya nin dhalinyaro ah oo xalay kooxo hubeysan ku dileen magaalada Muqdisho. Dilka ayaa ka dhacay suuqa Xamarweyne ee magaalada Muqdisho, waxayna dadka degaanka sheegeen in koox ku hubeysan Bistoolado ay toogasho ku dileen ninkan, kadibna goobta ka baxsadeen, waxaana wararku sheegayaan inuu ka tirsanaa maamulka G/Banaadir. Dadka degaanka ayaa ninka la toogtay oo dhalinyaro ahaa magaciisa ku soo koobay Ayaanle, waxaana goobta falku ka dhacay gaaray ciidamada ammaanka, iyadoo muddo kadib ay dilkiisa sheegteen kooxda Alshabaab oo sheegtay inuu ka mid aha saraakiisha NISA. Warar kale ayaa sheegaya inuu ninkan ka mid ahaa shaqaalaha cusub ee Gobolka Banaadir uu ka qortayd degmooyinka, kuwaasoo lagu kenay barnaamijka shaqaaleynta dhalinyarada caasimadda. Caasimada.net
  22. Tan iyo bur burkii dowladii dhexe kadib waxaa uu dalkeenu yeeshay dowlado KMG iyo mid Federaal ah kuwaas oo badi waxba kabadalin xaalada dalka inkastoo ay ahaayeen kuwo dadaal badan bixiyay oo aan la dafiri karin hadana ma gaarsiisnayn wax qabadkooda halka uu maanta taaganyahay qaranka tii oo ay jirto badi dowdahaasi ma ahayn kuwo Shacbiyad xoogan ku lahaa dalka. Waxyaabaha ugu horeeyo aan rabo in aan faaladayda ininku sharxo dowladahaasi malahayn #Mucaarad sidan u xoogan oo gaarsiisan in wadamo shisheeye ay ku baratamaan riditaanka dowladeena marka laga soo tago xildhibaano dano gaaban lahaa kuwaas oo ujeedkoodu ahaa dumiya oo dhaqaalo ku hela #Mooshinkiina. Hadaba 8dii #Febraayo ee sanadkan sii dhamaanaya ee 2017 waxa dalka ka dhacday doorasho madaxtinimo oo uu ku soo baxay ninka talada haya MD Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Waxa jiray siyaasiyiin garab ku siiyay Farmaajo in uu xilkan qabto kuwaas oo ujeedkoodu ahaa in uu abaal gud uga dhigo xilala sida RW, wasiiro IWM hayeeshee Maxaa dhacay? MD Farmaajo oo ah Madaxweynihii ugu horeeyay ee garab ka haysta shacabka oo talada dalka qabtay taas oo uu ku helay waxqabad iyo daacadninimo uu muujiyay xilligii uu RW ka ahaa dalka isaga oo ka fogaanaya in uu shacabkiisa qiyaano oo uu kalsoonidooda lumiyo, isaga oo doonaya in uu ka fogaado in uu abaal gud uga dhigo RW shaqsi ay ku wayntahay #Qabyaaladda ayna yartahay in uu ka fikiro danta guud ee shacabka ayuu madaxweynuhu isaga oo shacabkiisa u naxaya ka fogaaday shaqsiyaadkaasi waxa uuna magacaabay DR Xasan Cali Kheyre oo isaguna noqday shaqsi shacbiyad lamid ah tii Farmaajo abuurtay lana la arkay wax qabadkiisa, daacadnimadiisa iyo shacab jeceelkiisa, sidoo kale waxa xusid mudan in madaxwaynaha qaranka uu #Maayarka Gobolka #Banaadir u magacaabay MD Thaabit Cabdi Maxamed oo isaguna ah shaqsi talaabo dheereeya labadan mas’uul xagga howlkarnimada , daacadnimada iyo shacab jacaylka. Hadaba maxaa laga baqayaa? Shaqsiyaad horey usoo qabtay talada dalka, kuwo hami kaleh hogaanka dalka markii ay arkeen dowlad kasbanaysa shacbkeeda lana timid wax qabad dhab ah soo furanaysa mawaadiniinteeda ku xiran xabsiyada dalka #Caalamka, dhex galaya shacabkooda doonaya in 2022 ay dalka ka hirgaliyaan doorasho qof iyo codkii ah taas oo ay fududaanayso in ay iyagu soo noqdaan maadaama ay haystaan garab shacab ayaa waxa arintaasi ay gil gishay Siyaasiyiintii damaca ka lahaa dalka 2022 oo meel fog ka arkay hadii ay dowladani sii jirto in ay iyagu soo noqon karin sidoo kale waxa xusid mudan in #DFS ay siyaasad adag ku wajahday xiriirka Arimaha Dibadda islamarkaana ka fogaatay in lacago lagu shubto waxayna wajiga u bedeshay Dowladda Ethiopia oo 27 sano faraha kula jirtay dalka, dowladaha carabta oo iyaguna isku garbinaya xulufo ahaanshaha #Soomaaliya sidaa darteed waxa ay dowlado badan oo ay kamid yihiin Imaaraadka iyo #Sacuudiga ay ku fekerayaan duminta dowladeena maadaama ay dowladda #Turkiga Saldhig cidan ka furatay geeska Afrrica saaxiib dhawna ka dhigatay Dowladda cusub si aan usii jirin xiriirkaasi ayaa lagu fekeray in ay dumiyaan dowladda Cusub, sidoo kale #Ethiopia oo ka fogaanaysa in #Somalia ay noqoto wadan cudud leh ayaa iyaduna qayb ka ah duminta dowladeena. Hadaba Maxaa looga baahanyahay shacabka? Sidan oo kale dowlado danahooda fiirsanaya ayaa sanadkii hore isku dayay duminta dowlada Turkiga hayeeshee waxa hor istaagay shacabkooda sidaasi si lamid ah ayaa maanta looga baahanyahay shacabka Soomaaliyeed si ay dowladooda u bad baadsadaan in ay is hortaagaan cid walba oo doonaysa duminta dowladan waxqabadka leh, shacabka waxa ay awood ku joojin karaan xildhibaan walba oo doonaya in uu rido dowladeena, siyaasi walba oo doonaya in uu qaso dowladeena iyo wadan walba oo doonaya in uu dumiyo dalkeena. Ugu danbeyn:- Tani waa wadadii ay ku soo noqon lahayd Soomaaliya una noqon lahayd booskeedii hore ee ahaa libaaxyada #Africa, hadaba Shacabka waxaan maanta cod dheer ku leeyahay war isku duubnaada oo kaca ee dowladiina bad baadsada. W/Q:- Alifoow Yare Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Maxay Farmaajo u ficlayaan? Faalo Xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
  23. Waxa sii xoogeystay Khilaafkii soo kala dhex galay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi. Labadan shaqsi ayaa kaalin muhiim ah kaga jira dowlada Madaxweyne Farmaajo, mana aheyn wax hada la filayay in khilaafkooda heerkaan uu gaaro laakiin Gudoomiye Taabid oo ka careysan sida dowlada ugu fadeexowday arinta Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur ayaa Kheyre ka codsaday in lala yimaado Talaabo raali gelin looga bixinaayo gefkii dhacay. Kheyre ayaa kasoo horjeestay arintaasi, wuxuuna sheegay in Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur iyo siyaasiinta kale ee doonaya inay dowlada dumiyaan in gacan bir ah lagu qaban doono. Guddoomiye ayaa ka codsaday Ra’iisul wasaare Kheyre in Maamulka Gobalka lagu soo wargeliyo Talaabooyinka nuucaan markii dowlada ay qaadeyso, Laakiin Kheyre ayaa arintaasi ka carooday wuxuuna si cad u sheegay in Go’aanada nuucaan oo kale ah ay masuul ka tahay Xukuumadda Soomaaliya Maamulka Gobalka Banaadir aysan wax shaqo ah ku laheyn. Taabid waxay si weyn iskugu dhow yihiin Madaxweynaha waxayna taasi sii fududeyn kartaa Ra’iisul wasaare Kheyre inuu xafiiska baneeyo maadaama cadaadisyo badan lagu saarayo Madaxweynaha inuu bedelo Kheyre. Arintan ayaa faa’iido weyn u noqon karta mucaaradka ku kacsan Dowlada Farmaajo, waxaana suurta gal ah in taageero badan uu helo Taabid maadaama Siyaasiyiinta mucaaradaya dowlada ay dhamaan u ordayaan kursiga Xasan Cali Kheyre Source: widhwidh.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa weli magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia siyaabo kala duwan uga socda kulamo gaar gaar ah oo u dhexeeya Odayaasha, Siyaasiyiinta Beelaha Hawiye iyo CC Shakuur oo dhinac ah. Kulamadan oo xoogeystay wixii ka danbeeyay deysmada Siyaasiga Mucaaradka CC Shakuur, ayaa waxaa loogu gol leeyahay in lagu qaboojiyo xiisada ka dhalatay weerarka iyo xariga CC. Odayaasha beelaha ayaa CC Shakuur uga digaaya inuu ku fududaado eedeymaha qaar ee aan xadidneyn, waxa ayna ugu baaqayaan inaanu ka weecan xeendaabka mucaaradka. Odayaasha ayaa CC Shakuur u sheegay inay muhiim tahay in la dhowro xadka uu leeyahay Siyaasiga Mucaaradka ah oo ay ula jeedan inaan la oran wax waliba oo dhibaateynkara hanaanka shaqo ee dowlada aanu u dhicin xadgudub danbe oo ay sameyso dowlada. Halka arrin ee ugu weyn oo ay Odayaasha ka dalbadeen CC Shakuur ayaa ah inuusan furo u noqon dhinacyada kale ee mucaaradka ku ah DFS. Sidoo kale, Odayaasha ayaa CC Shakuur kaga digay inuusan ku hadal afka Xisbiyada kale ee mucaaradka, si loo helo isla xisaabtan isla markaana Siyaasi waliba oo mucaarad ku ah dowlada Federaalka wax looga weydiiyo gafka uu u geysto dowlada. Dhinaca kale, digniinta Odayaasha ayaa imaaneysa xili CC Shakuur uu weli kusii dhiiranaayo inuu furo u noqdo Mucaaradka kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post CC Shakuur oo looga digay in mar kale uu dhibaato ku muteysto hal arrin (Maxay tahay) appeared first on Caasimada Online.
  25. The Marine Corps commandant told about 300 Marines in Norway this week that they should be prepared for a “bigass fight” to come, remarks his spokesman later said were not in reference to any specific adversary but rather intended to inspire the troops. “I hope I’m wrong, but there’s a war coming,” Gen. Robert Neller told the Marines on Thursday, according to Military.com. “You’re in a fight here, an informational fight, a political fight, by your presence.” Neller was visiting a Marine rotational force near Trondheim, about 300 miles north of Oslo. The Marines have been stationed there since January. Their presence in Norway is intended to support operations by NATO and the U.S. European Command, as well as to help the Marine Corps facilitate training in cold weather and mountainous conditions. But Neller and other Corp leaders told the force they should be prepared for a change in their peacetime mission, should the need arise. In particular, Neller predicted the Pacific and Russia to be the focus of any conflict in the future outside of the Middle East, Military.com reported. “Just remember why you’re here,” Sgt. Maj. Ronald Green told the troops, according to the military news site. “They’re watching. Just like you watch them, they watch you. We’ve got 300 Marines up here; we could go from 300 to 3,000 overnight. We could raise the bar.” As the Marines’ top general, Neller is a member of the Joint Chiefs of Staff, the Pentagon’s senior-most leadership team responsible for contingency planning. It was at first unclear to what extent his comments were indicative of an actual war to come or merely meant as a pep talk for troops stationed far from home over the Christmas holiday. Lt. Col. Eric Dent, a spokesman for the general, told The Washington Post Saturday night that Neller’s remarks “were intended to inspire and focus the Marines’ training.” He added the general had also told the troops none of the four countries he had referenced — Russia, China, Iran and North Korea — wanted to go to war. “The thought of war has a way of motivating warriors to train hard and increase readiness. I cannot imagine any professional military leader suggesting to his or her Soldiers, Sailors, Airmen, Marines, and Coast Guardsmen that we shouldn’t think that conflict is‎ pending,” Dent said in an email. “Being ready is a constant practice and refocusing. Neller and others have said, ‘If you want peace, train for war.’ That’s exactly what we want and are doing.” With unusual fanfare, President Trump unveiled a new National Security Strategy last week that cast China and Russia as competitors for global power and potential threats to the United States. “China and Russia challenge American power, influence, and interests, attempting to erode American security and prosperity,” the document states. “They are determined to make economies less free and less fair, to grow their militaries, and to control information and data to repress their societies and expand their influence.” As The Post’s Anne Gearan and Steven Mufson reported, however, the new national security strategy dances around Russia’s attempts to meddle in the 2016 presidential election, much in the way Trump has since he was elected: Trump has publicly complimented Russian President Vladimir Putin, calling him “very smart,” and has sought a better relationship with Russia after years of worsening ties under Obama. He has been openly skeptical of U.S. intelligence findings that Russia mounted a systematic effort to undermine the 2016 presidential election. But Trump has not reversed congressional sanctions on Russia over its actions in Ukraine, as Putin hoped he would. The strategy document released Monday skirts the issue of Russia’s involvement in the presidential election. “Through modernized forms of subversive tactics, Russia interferes in the domestic political affairs of countries around the world,” the document says. Source: – Washington Post The post Top general tells Marines to be prepared for a big fight appeared first on Caasimada Online.