Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,114
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan soo ifbaxay khilaaf xooggan oo soo kala dhex-galay labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo lagu eedeeyay Hay’ad kamid ah QM. Khilaafkan ayaa soo ifbaxay markii uu Gudoomiyaha Aqalka hoose Jawaari uu shaaciyay inuu magaalada Baydhabo uu shir ugu qabanayo Gudoomiyaasha Baarlamaanada maamul goboleedyada Soomaaliya. Jawaari ayaa shirka sababta uu u qabanayo lagu sheegay inuu ku dhisayo madal ay ku midaysan yihiin Hay”adaha sharci dejinta dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, oo isaga madax u yahay. Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa kasoo horjeestay qorshana uu wato Jawaari, oo uu ku tilmaamay mid halis ku ah nimaadka Federaalka dalka sidoo kalena uu abuurayo khilaaf horleh. Cabdi Xaashi ayaa warqad uu u qoray Jawaari uga dalbaday inuu faraha kala baxo arrimaha maamul goboleedyada, islamarkaana uga dambeeyo Aqalka Sare, oo wakiil uga ah dowladda dhexe. Jawaari dheg-jalaq uma siin baaqa Cabdi Xaashi, wuxuuna sii watay qorshihiisa qabashada Shirka Baydhabo iyadoo Gudoomiyaasha Baarlamaanada maamullada ee lagu casuumay kulanka ay Muqdisho hadda ay ku sugan yihiin. Hay’adda Horumarinta Mashaariicda QM ee [UNDP] oo taageerta Baarlamaanada maamul goboleedyada iyo kan Federaalka ayaa lagu eedeeyay inay maalgelinayso Shirka khilaafka uu ka taagan yahay ee lagu qabanyo magaalada Baydhabo. Madaxweynihii hore ee Puntland, ahna Senator hadda katirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cabdiraxmaan Faroole ayaa si kulul uga hadlay faragelinta Jawaari ee arrimaha Maamullada iyo kaalinta UNDP ee khilaafka Soomaaliya. “Waxaa lala dirirayaa nimaadka Federaalka, waxaana kow ka ah ka ah hogaanka Gollaha Shacabka, kan labaadna waa Wasiirka Dastuurka oo aan ku habooneyn shaqada,” ayuu yiri Senator Faroole. Faroole, oo ka hadlayay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Garoowe ayaa ugu ku baaqay Jawaari inuu joojiyo faragelinta iyo shirarka uu u qabanayo Baarlamaanada maamul goboleedyada. Dhanka kale, Faroole ayaa ka hadlay doorka Xafiiska Qaramada Midoobey ee Sooomaaliya [UNSOM] arrimaha ka taagan dalka, isagoo ku eedeeyay inuu qeyb weyn ka ahaa Musuq-maasuqii doorashadii lagu soo dhisay Baaralaanka hadda shaqeynaya. Senetor-ka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in UNSOM ay mas’uul ka ahayd musuq-maasuqii ugu weynaa ee ka dhacay doorashadii baarlamaanka, kadib markii uu horseeday in Xildhibaanada qaab beeleed lagu soo doorto. In Soomaaliya ay ka dhacdo ayuu yiri doorasho qabali ah, iyadoo la qaban karo mid deegaan waxaa mas’uul ka ah Xafiiska QM, oo ka ogolaaday dowladda hore in Xildhibaanada ay soo doortaan 51 qof, taasina ay ka dhalatay musuq-maasuqii ugu ballaarnaa oo waligeed ka dhaca dalka. Mudanaha katirsan Aqalka Sare ayaa xusay in bishii April ee 2016-kii ay Puntland diiday in doorashada lagu saleeyo qaabka qabiilka, balse ay ku qasbeen Mas’uuliyiin ka socotay UNSOM oo Garoowe yimid xilligaasi. Faroole ayaa ugu baaqay UNDP-da inay joojiso dhaqaalaha ay ku bixinayso in dastuurka laga leexiyo wadadii saxda ah, ee ay wadaan Wasiir Xoosh iyo Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Ugu dambeyntii, Mudane Faroole ka codsaday Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Micheal Keatin inuu arinta soo farageliyo, oo hakiyo lacagta lagu bixinayo marin-habaabinta Dastuurka. Xigasho: Garowe Online The post Xog: Yaa ka dambeeya khilaafka labada aqal ee baarlamanka Somalia? appeared first on Caasimada Online.
  2. Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Waddamada Ruushka iyo Turkiga ayaa la xaqiijiyay in ay ku heshiiyeen dhismaha Dowladda Falastiin oo ay iyaga dhisayaan. Aqalka Krimiline-ka ee Dalka Ruushka ayaa Warbixin uu soo saaray ku sheegay in labada Madaxweyne ee Erdogan iyo Putin ay ku wada hadleen Qadka Taleefanka kaddib markii Golaha guud ee Qaramada Midoobey ay diideen go’aankii Trump ee uu Quddus ugu aqoonsaday Caasimadda Maamulka Yuhuudda. Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale sheegay in ay diyaar u yihiin taageeridda nabadda Bariga dhexe oo loo marayo hab diblomaasiyadeed halka Donald Trump ay ku eedeeyeen in qaab kali talisnimo ah uu u maray go’aanka Quddus. 128 ka mid ah 193-ka dal ee ku jira Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa diiday go’aanka Trump,waxaana ay ku tilmaameen in arrinta Quddus ay tahay qaddiyad wadahadal lagu xallinayo halkii xoog lagu xallin lahaa. Mareykanku waxaa uu sheegay in Safaaraddiisa Tal aviv uu u rarayo Quddus,iyada oo uu Turkigu sheegay in Safaarad uu ka furayo Magaalada Quddus Barigeeda isaga oo u aqoonsan caasimadda Falastiin,waana marka Israel laga wareejiyo sida uu yiri. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Erdogan iyo Putin oo ku heshiiyey arrin ka farxin doonta Falastiiniyiinta appeared first on Caasimada Online.
  3. HARGEISA– The Houthi Rebels warned Somaliland authority against its intention of proving military base to the UAE. They have told that if Somaliland goes ahead with its plan to allow the UAE and Saudi Arabia to use Berbera port as military base to carry out bombardments to houthi rebels. The rebels have said that if they do so then you have made the wrong decision. The UAE took the administration of Berbera port and Somaliland authority granted the UAE a military base in Berbera. Berbera is located on the Gulf of Aden, 260 kilometers (162 miles) south of Yemen, where UAE troops in a Saudi Arabia-led coalition are battling Houthi rebels. Source: somalilandinformer.com
  4. HARGEISA—President, Col. Musa Bihi Abdi and Wadani main Opposition chairperson, Hon. Abdirahman Irro have met officially for the first time after presidential election. The two leaders met at Somaliland’s presidential palace on Sunday. The Chairman has been flanked by the deputy chairman during the high level meeting. According to a presidential statement said that the president and the opposition reached an agreement which is aimed at burying the hatchet and heal the post election scars that the recently held presidential poll left behind. The President has extended the invitation to the opposition and both have come to the conclusion to see eye to eye on nation interest should always come first. It is agreed that opposition should always come up with constructive criticism and the government should have the patience to correct its wrongs that the opposition should point the finger to. Once the two sides ended their meeting, Hon. Hussein Ahmed Aidid spoke on behalf of Wadani party by briefing the media.
  5. Jowhar (Caasimada Online)-Agaasimihii Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Somalia ee xilkiisa waayay C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa dadaal xoogan ugu jira sida uu dib ugu soo ceshan lahaa Xubinimadiisa BFS. Sambaloolshe oo Xildhibaaninamadiisa ku waayay xilka Agaasimenimo ee NISA, ayaa iminka bilaabay ololo uu ku doonayo inuu dib ugu hanto kursigiisa Xildhibaannimo. Sambaloolshe ayaa la xaqiijinayaa in mar kale uu u tartami doono doorashada Kursiga BFS ee uu ku waayay xilkiisa NISA, waxa uuna iminka gaaray magaalada Jowhar si uu uga qeybgalo doorashada. Sambaloolshe ayaa waxaa socdaalkiisa magaalada Jowhar ku wehlinaaya tirro Ergo ah iyo C/fataax Xasan Afrax oo ay isku beelyihiin. Sambaloolshe oo ka cabsi qaba loolanka uu kala kulmi karo C/fitaax Afrax, ayaa waxa uu dadaal ku bixinayaa sida uu xil kale ugu raadin lahaa C/fitaax Afrax oo ku heysta xilka. Xilka uu Sambaloolshe doonaayo inuu ku qanciyo C/fataax Afrax ayaa ah in mar kale dib loogu celsho Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ama xil kale. Ma cadda sida uu Sambaloolshe uga badbaadi doono loolanka lagula jiro ee uu ku doonaayo in mar kale uu ku hanto Kursiga BFS ee uu waayay. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com The post Sambaloolshe oo culeys kala kulmaaya dib u hanashada Kursiga BFS ee uu ku waayay NISA (Maxaa soo kordhay?) appeared first on Caasimada Online.
  6. President Recep Tayyip Erdoğan arrived in Sudan on Sunday marking the first time a Turkish president visited the country. Erdoğan was greeted at the Khartoum International Airport by his Sudanese counterpart Omar al-Bashir. Speaking to reporters at Esenboğa Airport in Ankara ahead of his Africa tour, Erdoğan said Turkey aims to further strengthen cooperation with Africa and discuss ongoing regional. He said that the visit will aim to boost business ties and target the Gülenist Terror Group’s (FETÖ) exploitation of Africa. Erdoğan noted that many African countries deported FETÖ members following the deadly July 15, 2016 coup attempt and transferred the control of FETÖ schools to Turkey’s Maarif Foundation, adding that he hopes more action will be taken against the group. “We know very well that they are the volunteering subcontractors of the imperialists,” Erdoğan highlighted, as he expressed Ankara’s wish to increase the transfer of FETÖ-linked schools in Africa to Turkish authorities. “We are determined not to let these murderers find shelter on the African continent. I think that this visit is also important from this perspective as well,” he said. In an interview with Anadolu Agency (AA), Dr. İrfan Neziroğlu, Turkey’s ambassador to Sudan, said the visit will play a “remarkable role” in boosting the political and economic ties between the two countries. Neziroğlu said the Sudanese government had decided to hand over two FETÖ-linked schools to the Turkish educational foundation, in line with a protocol signed earlier between Khartoum and Ankara, adding the demand for Turkish schools has increased recently. “There is a very high demand for the Turkish schools. We’ll probably think about opening new schools,” the ambassador said. Aware of the threat FETÖ poses to Africa, Ankara has been trying to replace FETÖ-run schools in the continent with state-sponsored schools. The Maarif Education Foundation is a not-for-profit state-funded body that runs schools outside Turkey. It has taken over schools around the world previously run by FETÖ, which was behind last year’s defeated coup in Turkey, including 32 in Africa, according to figures released by Turkey’s National Education Ministry. Likewise, Enver Arpa, an associate professor from Ankara Social Sciences University’s Eastern and African Studies Institute, said that the this visit will help Sudan. “Acknowledged as a regional, and even a global actor, President Erdoğan’s visit to Sudan will boost the morale of the country, which has been exhausted from the international pressure,” Arpa said. Sudan, once a unified country, was divided into two countries in 2011 after the Christian majority south voted in a referendum for secession, as part of the peace agreement signed in 2005, ending a civil war of more than two decades. In the north, the population mostly consists of Muslims. During the conflict between the two parts, more than 1.5 million people were killed, and hundreds of thousands of people were forced out of their homes. Arpa said that Sudan independent policies in the continent “angers the imperial powers” in the region, and added that Sudan is able to overcome internal problems if there are no international interventions. Ahead of Erdoğan’s visit to Chad, the Maarif Education Foundation also signed an agreement with Chadian authorities to transfer the administration of five FETÖ schools and a dormitory. Regarding the recent crisis regarding the U.S. recognition of Jerusalem as Israel’s capital, Erdoğan said that as the term chairman of the Organization of Islamic Cooperation (OIC), he expected President Donald Trump to call him and discuss the matter. He added that Turkey made its call to the U.S. and continues to do so, and will always seek dialogue to resolve the matter. The president also noted that he is planning to speak with Russian President Vladimir Putin to discuss the situation of hundreds of civilians who need immediate humanitarian assistance in Syria’s Eastern Ghouta. After Sudan, Erdoğan will fly to Chad’s capital N’Djamena on Tuesday. On the last day of the three-day visit, the president is scheduled to fly to Tunis, the capital city of Tunisia. The visit will be dominated by business forums to discuss investment, and Erdoğan is expected to sign cooperation deals in each state. The visit demonstrates Ankara’s desire to strengthen ties with the three countries under its Africa partnership policy, a statement released by the presidency explained. Source: – Daily Sabah The post Erdoğan’s Africa tour kicks off as he arrives in Sudan appeared first on Caasimada Online.
  7. Wasiirka Caafimaadka dowladda Soomaaliya Marwo. Fowsiyo Abiikar Nuur iyo wefdi ay hoggaaminayso ayaa Galabta soo gaaray magaaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Marwo. fowsiya iyo wefdigeeda,ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko ku soo dhoweeyay wasiirka Caafimaadka Puntland,Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka iyo mas’uuliyiin kale. Halkaan ka daawo ujeedka safarka Wasiirka. PUNTLAND POST The post Daawo: Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo Garoowe soo gaartay. appeared first on Puntland Post.
  8. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay tariikhdu tahay 24 December 2017 safar shaqo ku gaaray magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug. DAAWO SAWIRRO.
  9. Jihadists from one of the deadliest jihadist organizations in Africa, al-Shabaab, are deploying beautiful female spies against security forces combating the al-Qaeda affiliate in a Kenyan region that borders Somalia. Although al-Shabaab is primarily based in Somalia, the terrorist group operates in various East African countries. Local security officers speaking on condition of anonymity told the Star in Kenya, “The women seek sexual relationships with them with the aim of getting their secrets.” Jihadist groups are known for exploiting women, forcing them into becoming sex slaves, human shields, and suicide bombers, among other things. Joseph Kanyiri, a top local security official, indicated that al-Shabaab had employed a similar tactic in the past, using women as spies. “Last year, we arrested two women in Kiunga, who were spying for the terror group,” revealed Kanyiri. According to the U.S. Department of State, there are “several thousand” jihadists fighting on behalf of al-Shabaab. Al-Shabaab is considered one of the deadliest and prolific terrorist groups in the world. In 2016, the Somalia-based group kidnapped 375 people and carried out 332 attacks, killing 741 people and wounding 921 injured, reported DOS. The al-Qaeda-linked group is known to threaten the United States. In March, al-Shabaab released a propaganda video condemning the United States as the “satan of our time.” The jihadists urge Islam adherents to “fulfill the obligation of jihad” and expel the “global coalition of disbelievers” that includes America and other Western countries from Muslim lands. U.S. President Donald Trump ordered the American military to boost airstrikes against the Somali group, prompting the jihadist organization to threaten attacks against U.S. interests. The American military has been providing assistance to the African Union Mission in Somalia (AMISOM), equipping and training local troops. American Gen. Thomas Waldhauser, the top U.S. commander in the region, told lawmakers in March: Our advise, assist, and accompany efforts, paired with our deliberate targeting of top-level al-Shabaab leadership, have had a significant impact in degrading al-Shabaab’s effectiveness in East Africa, but those two efforts are not enduring solutions to Somalia’s problems. The AMISOM coalition includes Somalia, Uganda, Burundi, Djibouti, Kenya, and Ethiopia. Some U.S. troops have paid the ultimate price fighting in Somalia. Although al-Shabaab is the most prominent terrorist group in Somalia, ISIS is “growing significantly in strength,” reaching up to 200 terrorists already this year, the United Nations reported. Source: – Breitbart The post Somali Al-Shabaab Deploying ‘Beautiful Women’ as Spies Against African Troops appeared first on Caasimada Online.
  10. Egypt’s Foreign Minister Sameh Shoukry will visit Addis Ababa next week for talks with his Ethiopian counterpart, a foreign ministry spokesman said, in a bid to end a standoff over a multi-billion dollar dam project on the Nile river. The dispute, which also involves Sudan, centres on control of a share of the waters of the Nile that stretches 6,695 km (4,184 miles) from Lake Victoria to the Mediterranean and is the economic lifeblood of all three countries. Cairo says the dam would threaten water supplies that have fed Egypt’s agriculture and economy for thousands of years. Ethiopia says the Grand Renaissance Dam, which it hopes will help make it Africa’s largest power exporter, will have no major effect on Egypt. It accuses Cairo of flexing its political muscle to deter financiers from backing other Ethiopian power projects. Delegations from Egypt, Sudan and Ethiopia met in Cairo in November to approve a study by a French firm commissioned to assess the dam’s environmental and economic impact. But negotiations stalled when they failed to agree on the initial report with each blaming others for blocking progress. Sudan’s Irrigation Minister Moataz Moussa said Egypt was unwilling to accept amendments to the report put forward by Khartoum and Addis Ababa. Sudan and Ethiopia had expressed concern over several points, especially the proposed baseline from which the study would measure the dam’s impacts, Moussa said in November. Another source of disagreement is whether Ethiopia plans to complete construction before negotiations over water flows have finished. “It’s clear they don’t want to reach conclusions quickly. We believe they probably want to start filling the dam and complete construction while there are still some ongoing discussions,” said Mahmoud Abou Zeid, Arab Water Council Chair and former Egyptian irrigation minister. He said this would violate an agreement signed by all three countries in Khartoum in 2015 meant to ensure diplomatic cooperation and stem fears of a resource conflict. Cairo fears the 6,000-megawatt dam, being built by Italy’s largest construction firm, Salini Impregilo SpA, and due for completion next year, will reduce the flow it depends on for drinking water and irrigation. Egyptian officials say safeguarding the country’s quota of Nile water is a matter of national security. “No one can touch Egypt’s water … (which) means life or death for a population,” President Abdel Fattah al-Sisi said last month. Source: – Reuters The post Egypt FM to head to Ethiopia after Nile dam talks stall appeared first on Caasimada Online.
  11. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay tariikhdu tahay 24 December 2017 safar shaqo ku gaadhey magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug. Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa ka hor inta aanay soo gaadhin magaalada Gaalkacayo soo kormeereen dhismaha waddada Garoowe- Gaalkacayo oo dhismeheedu meel wanaagsan marayo, waxaana si diiran loogu soo dhoweeyey Madaxweynaha iyo weftigiisa magaalooyinka Xarfo, Bacaad-weyn iyo Cagaaran oo dhammaantood ka tirsan gobolka Mudug, isla markaana waxaa ka qayb qaatay soo dhoweynta Madaxweynaha iyo weftigiisa maamulka gobolka Mudug, isimo, cuqaal , nabadoono, waxgarad iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee shacabka magaalooyinkaasi. weftiga Madaxweynaha ee kasoo kicitimay magaalada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa waxaa caasimadda gobolka Mudug kusoo dhoweeyey maamulka gobolka, maamulka degmada, Talihaya ciidamada daraawiisha Puntland iyo saraakiil ka tirsan qaybta 21 ee ciidamada DFS, isimo, cuqaal , nabadoono, waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee shacabka Magaalada Gaalkacyo. Madaxwaynaha Dawladda Dawladda Puntland oo warbaahinta lahadlay markii uu soo gaadhay magaalada Galkacyo ayaa waxa uu sheegay.in uu ku faraxsanyahay imaantinkiisa magaalada Gaalkacayo, waxaana uu xusay Madaxwaynuhu in isaga iyo weftigiisu ay muddo sadex cisho ah ugu sugnaayeen magaalada Buurtinle daminta xaaladi ka aloosnayd hawdka gaar ahaan deegaanka Cagaare. Sidoo kale Madaxwaynaha Puntland ayaa mahad balaadhan ujeediyay masuuliyiinta leh heer federaal, Puntland iyo Galmudug ee kashaqeeyay nabadaynta, xasilinta,isdhexgalka shacabka magaalada Gaalkacayo, islamarkaana waxaa uu Madaxwaynuhu ku booriyay masuuliyiinta, waxgaradka, isimada, nabadoonada magaalada Gaalkacayo in ay si wada jira uga wada shaqeeyaan horumarka, nabad-gelyada iyo xasiloonida Magaaladooda. “Waan ku faraxsanahay in aan nimaadno magaalada Gaalkacayo oo nabad ah oo colaad iyo wax shidda ah aysan ka jirin, roobsatay oo barwaaqo ah, waxaan filayaa hadii aad joojisaan colaada in Alle ‘SWC’ raxmadiisa idiin badinayo hadii aad waadaan colaada waxaa sii badanaya nusqaamidda raxmadda Alle, wanaag haddii lasameeyo wanaag baa lahelayaa, dhibaato haddii la abuurona dhibaato ayaa lahelayaa”. ayuu yiri Madaxwaynaha dawladda Puntland. “Waan rajaynayaa nabadda aad isku afgarateen inay ahaato mid dhaba, mid waarta, mid xasilooni gobolka u horseedda, si markaa ay dadku horumar iyo wanaag dawladnimo ugu jeestaan wixii anaga dhankayaga ka dawladd ahaan iyo ka xukuumad ahaanba nagu xidhma waan ka qayb qaadan doonnaa” ayuu yiri Madaxwaynaha Puntland. Ugu danbayn, Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guud ahaan shacabka gobolka Mudug ee soo dhaweeyay maanta uga mahadnaqay soo dhawaynta wanaagsan ee ay ku qaabileen isaga iyo weftigiisa, isla mar ahaantaana waxa uu Madaxwaynuhu kula dardaarmay in ay kawada shaqeeyaan nabadda, horumarka, kala danbaynta, iyo xasiloonida guud ahaan Gobolka. -DHAMMAAD- XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Dawladda Puntland oo GaadhayMagaalada Gaalkacayo. appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa si kulul uga hadlay daryeel la’aanta heysata dhalnyarada ku dhaqan magaalada Muqdisho. Guddoomiye Cabdi Xaashi waxa uu sheegay in dhalinyarada Muqdisho ay yihiin kuwo aan loo hagar bixin isla markaana aan loo dhameystirin baahiyahooda gaarka ah. Cabdi Xaashi, waxa uu dhaliilaha ugu badan usoo jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid oo uu sheegay inuu ka seexday mas’uuliyada ka saarneyd dhalinyarada Gobolka Banaadir. ‘’Waxaan aad uga xumahay in Taabit uu ka jeestay wax ka qabashada baahiyaha dhalinyarada Gobolka Banaadir, waxaan ugu baaqayaa inuu daacad u noqdo dhalinyarada Gobolka’’ Waxaa uu sheegay in dhalinyaradda kunool Muqdisho aysan heysan goobo ay ku cayarayaan sidda Garoomo iyo Goobo kale. Cabdi Xaashi, ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay waxbadan ka dhiman yihiin dhanka Adeegga Bulshadda, islamarkaana maamulka gobolka Banaadir laga rabo in ay hirgeliyaan Garoomo iyo Goobo kale oo loogu talo galay bulshada. Sidoo kale, Taabit ayaa loogu baaqay inuu daacad u noqdo dhalinyarada Gobolka Banaadir oo laf dhabar u ah isku xirka Gobolada dalka. Hadalka Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay Cayaaraha maamul goboleedyadda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Gudoomiyaha Aqalka Sare oo weerar dadban ku qaaday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir appeared first on Caasimada Online.
  13. Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa loogu dabaal degayay 74-aad guuradii kasoo wareegatay xiligii la aas-aasay ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ah ciidankii ugu horeyay ee laga dhisay dalka iyadoo lagu soo bandhigayay wax qabadka ciidanka Booliska ay u hayaan bulshada soomaaliyeed. Minaasabada oo ka dhacday Xarunta Generaal Kaahiye ayaa waxaana kaso qeyb galay si haayaha Taliyaha Ciidanka Booliska,taliye ku xigeenka ciidanka booliska ,Saraakiil ,iyo leyli sargaal,kooxda baambeyda,iyo kooxda heegan oo heeso guubaabin ah aragtidooda ku gudbinayeen, Taliye ku xigeenka ciidanka booliska Soomaaliye General Bashiir Cabdi oo ka hadalay daahfurka xaflada ayaa ka sheekeeyay horumarka ciidanka ay sameeyeen,wuxuuna sheegay kaalinta 18-aad ay Ciidanka Soomaaliyeed ka ka galeen aduunka,iyagoo waliba daruufo adag ku shaqeynaya. Taliyahay ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Muqtaar Xuseen Afrax oo soo xeray munaasabada ayaa ciidanka ku aamanay dadaalka ay u hayaan umada sidoo kale kula dardaarmay in ay laba laaban shaqada haatane ay ciidanka booliska Soomaaliyeed ay isku biirsadeen lacago ay iska soo uruuriyeen dhamaan ciidanka booliska sidii qeybta waliyoow cade loogu qalabeeyo. Munaasabadaan ayaa ahayd mid si gaar ah ay qabsadeen Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo ay ku soo bandhigayeen waxqabadkooda,maadama 20-kii bishan la qabtay munaasabada weyn ee aas-aaska ciidamada Booliska oo ka soo wareegtay 74-sano.
  14. Bosaso-[Puntland Post]-Golaha Walaaleynta Bulshada Iyo Qabyaalad Diidka Somaliyeed Oo ay hurmuud ka yihiin Culimada Somaliyeed Ayaa Baaq u Diray Dad Walaalo Ah Oo Shaqaaqo Ku Dhex Martay Deeganada Qoriley Iyo Gumburka Cagaare Ee Gobalada Sool Iyo Nugaal Ee Puntland. Kulankan Ay Xubnaha Golaha Walaaleynta Bulshada Iyo Qabyaalad Diidka Somaliyeed Ay Iskugu Yimaaden Waxay Ku Muujiyeen Inay Ka Xunyihiin Colaadan Soo Laa Labatay Ayna Ku Dhimanayaan Dad Hormuud U Ah Bulshada. Sheikh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur Gudomiye Ku Xigeenka Golaha Walaaleynta Bulshada Iyo Qabyaalad Diidka Somaliyeed Ayaa Ku Baaqay In Dhiiga Daadanaya La Joojiyo Nabadana Laga Wada Shaqeeyo. Wuxuu intaas ku daray in dadka dhibaatada wada Aakhiro uu ALLE kala xisaabtamayo, isla markaana uusan EEBE raali ka ahayn in qof Islaam ah si macno daro ah lagu dilo. Maxamuud Faarax Bille Ayaa Dhankiisa Warbaahinta Ugu Baaqay Inaysan Buun Buunin Shaqaaqadasi Waxa Uu Sido Kale Odayaasha Dhaqanka Ugu Baaqen Inay Arintan Dhex Galaan. Odayaasha Dhaqanka Siyaasiyiinta Culimada Iyo wax garadka Bulshada Ayaa Si Wada Jira Baaqan Ugu diray dadka Walalaha ah ee Degaanka Howdka Gumburka Cagaare Wada Dega Inay Joojiyaan Shaqaaqadan. Golaha Walaaleynta Bulshada Iyo Qabyaalad Diidka Somaliyeed Ayaa Ka Shaqaynaya Sidii Loo Suulin Lahaa Qabyaalada Dadka Somaliyeedna Layskugu Soo Dhawayn Lahaa. The post Daawo-Baaq Loo Diray Beelo Ku Dagaalamaya Hawdka Gobolada Sool iyo Nugaal appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Puntlandi) Dowladdaha xubnaha dowladda federalka, gaar ahaan wasaaraddahooda dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaa maanta magaalada Muqdisho kasoo saaray go’aan xiriirka loogiu jaray kooxda xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed. Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaraddahaan ayaa lagu sheegay tan iyo burburkii kadib, in xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed ay iska maamulanayeen koox gaar ah oo kaga faa’idaysatay nidaam la’aanta waddanka ka jirtay islamarkaaana jeebka ku shuban jiray dhaqaalihii caalamka ugu talo galay in lagusoo nooleeyo isboortigii Soomaaliya. Waxaa kaloo ay sheegeen in qaab dhismeedka uu haatan u dhisan yahay xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed uusan ahayn mid ka tutjumaya nidaamka federalka uu dalku qaatay. Halkaan ka akhriso warsaxaafadeedka. Puntlandi.com
  16. Beled Xaawo (Caasimadda Online) – Nabaddoon Cali Bidaar oo ka mid ah Odayaasha Beledxaawo ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in marka Dadka Beledxaawo ay doonayaan dhinaca Mandheera ay lacag ku gudbaan mar waliba. Magaalooyinka Mandhera iyo Baled Xaawo oo isa saaran ayaa dadka Baled Xawo waxa ay u waxbaarasho iyo adeeg doontaan Magaalada Mandhera, balse ciidamada Kenyan-ka ayaa la soo sheegayaa in haddda lacag dhan nus doolar ay ka qaadayaan qofkii u gudbaya dhanka madhera. Waxaa uu sheegay in Ciidamada Kenya ee jooga goobta kala qeybisa labada Magaalo ay qaataan lacag dhan $0.5 Doollar ama Nus doollar. Nabaddoonka ayaa sheegay in Ciidanka Kenya ay mar waliba qaataan lacagtaas Nus doollarka ah,sidoo kalena qofka marka uu gelato iyo marka uu ka baxayaba ay lacag tahay. Shacabka Degmada Baled Xaawo, ayaa walaac ka muujiyay arintaan, waxayna sheegeen in loo baahan yahay maamulka Gobolka Gedo inay soo farageliyaan dhibaatooyinka Baled Xaawo ka taagan. Halkaan hoose ka dhageyso codka Nabadoonka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/12/Cod-Baled-Xaawo.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxay tahay sababta keentay inay Ciidamada Kenya lacag ka qaadaan Shacabka Beled-Xaaw? appeared first on Caasimada Online.
  17. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa maanta kulan ku wada qaatay qasriga madaxtooyada Somaliland, kulankaasi oo noqonaya kii ugu horreeyay ee dhex mara madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani tan iyo markii lagu dhowaaqay natiijada doorashadii dhacday 13-kii bishii November ee Sanadkan. Xisbiga Waddani ayaan isagu ka qayb-galin caleemo-saarkii madaxweyne Biixi oo 13-kii bishan lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxaana kulanka maanta dhex-maray madaxweyne Biixi iyo Guddoomiye Cirro lagu sheegay mid ku aadanaa sidii la isugu laab xaaran lahaa xanaftii doorashada taasi oo uu ku guulaystay xisbiga Kulmiye. Xuseen Axmed Caydiid oo ka tirsan saraakiisha sar-sare ee xisbiga Waddani iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa warbaahinta uga warramay ujeedka kulankan. Waxay sheegeen in kulankaan ahaa mid muhiim ah, islamarkaana looga wadahadlay sidii arrimaha Somaliland looga wada shaqeyn lahaa. Goobjoog News Source
  18. Maamulka Somaliland ayaa dib u eegis iyo baaritaan ku sameynaya heshiisyada 16 shirkadood oo si gaar ah loo leeyahay oo adeegyo kala dhowr ah siiya Wasaaradaha kala duwan ee maamulkaas. Hanti-dhowrka guud ee Somaliland Saciid Suleebaan Mire oo xafiiskiisa kula hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ay tahay in shirkadaas ay soo gudbiyaan dukumentiyadii heshiisyada ay la galeen maamulka si dib u eegis iyo baaritaan loogu sameeyo. Shirkadaha loo yeeray in ay keenaan heshiisyadooda, dakhliga iyo kharashaadka ayaa waxaa kamid ah shirkadaha maamulad dakadaha iyo garoomada diyaaradaha ee Somaliland, shirkadda bixisa lambarada gaadiidka, shirkadda bixisa wadda marista gaadiidka, shirkadda bixisa adeegga fiisayaasha iyo shirkado kale. Hanti dhowrka oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yiri “Waa farriin ku socota dhammaan shirkadaha maxalliga ah ee la galay heshiisyada hay’adaha qaranka qaar kamid ah oo aan ka dalbanayno in ay soo gudbiyaan heshiisyada heshiisyadaas oo ah waxyaabaha uu xafiiskan u xilsaaran yahay. Wax allaale wixii dakhli ah iyo qarash iyo heshiisyadaas koobi ayaan ka haynaa maadaama ay qeyb ka yihiin dakhliga miisaaniyadda qaranka” Hanti dhowrka ayaa intaasi kusii daray in ay jiraan shirkado soo gudbiyay heshiisyadii ay la galeen dowladda balse mar kale uu farriin u dirayo kuwa aan weli soo gudbinin. “farriintii hore waxaa ay aheyd in ay soo gudbiyaan 20-ka bisha, qaar soo gudbiyay waa ay jiraan inta aan soo gudbinna waxaan fareynaa in ay soo gudbiyaan oo ay sida ugu dhaqsiyaha badan usoo gudbiyaan” ayuu yiri Saciid Suleebaan Mire, hanti-dhowrka guud ee Somaliland. Goobjoog News Source
  19. Madaxa Qaramada Midoobay ugu sarreeya Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay ansixintii dhowaan la ansixiyay miisaaniyadda federaalka ee dalka, taas oo ah guul weyn oo laga gaaray horumarinta dhaqaalaha, waana tallaab dalka usoo dhoweynaysa in uu dhaqaale ka helo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah. “Tani waxay calaamad u tahay masaafada ay Soomaaliya kasoo gudubtay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay – waxay kusoo dhowaanaysaa inay awood u yeelato inay cageheeda isku taagto maaliyad ahaan, sida xubnaha kale ee beesha caalamka. Marki ay hirgalaan tallaabooyinka dakhli ururinta iyo dib-u-habaynta muhiimka ah, Soomaaliya waxay awood u yeelanaysaa inay hesho deeq iyo maalgelin shuruudeheedu dabacsanyihiin oo ay ka hesho hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah, bedelkii ay si weyn ugu tiirsanaan lahayd deeq-bixiyeyaasha si ay u daboosho baahideeda maaliyadeed,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating. “Tani waxay dadka Soomaaliyeed ee caadiga ah uga dhigantahay rajo dhab ah oo lagu helayo dugsiyo waxbarasho oo badan, isbitaallo iyo kaabayaasha aadka loogu baahanyahay maadaama dowladdu ay awood u yeelan doonto inay soo amaahato lacag dulsaarkeedu si cadaalad ah loogu jaan-goyay suuqyada caalamiga ah,” ayuu raaciyay. “Tani waxaa kale oo ay calaamad u tahay xasilooni soo tarmeysa, waana in dowladihii hore iyo tan hadda jirta lagu amaano dadaalladooda ay hawsha halkaan kusoo gaarsiiyeen.” Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa sheegay in deyn-bixiyeyaasha caalamiga ah ay Soomaaliya ku leeyihiin $5.2 bilyan. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa todobaadkii lasoo dhaafay ansixiyay miisaaniyadda 2018ka, iyadoo xirmadan ka kooban $274 malyan ay tahay tallaab muhiim ah oo wax looga qabanayo shuruudaha dib-u-habaynta maaliyadeed ee ‘Barnaamijka Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada’ (SMP) ee Sanduuqa Lacagta Adduunka ugu talo galay dalalka bariga Afrika. Barnaamijka Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada waxaa loogu talo galay horumarinta dadaallada dib u dhiska dhaqaale iyo in loo suurto geliyo dalalka inay sameystaan diiwaan dabagal oo loogu talo galay hirgelinta siyaasadda iyo dib-u-habaynta. Soomaaliya waxay durba dhamaystirtay Barnaamijkii ugu horreeyay ee Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada sanadkii 2016-2017. “Waxaa na dhiirigelinaya ballan-qaadyada madaxda iyo xawaaraha dib-u-habaynta ee lagusoo celinayo hay’adihii dhaqaalaha iyo maaliyadda ee muhiimka ahaa, waxaana soo dhoweynaynaa dadaalladooda ku aaddan in barnaamijku kusii socdo si sax ah,” ayuu Sanduuqa Lacagta Adduunka ku yiri war-saxaafadeed kadib kulankii ay todobaadkii lasoo dhaafay la qaateen madaxda Soomaaliyeed. “Hawl-qabashada madaxda ee ku aaddan Barnaamijka Kor-joogteynta Hawl-Wadeennada ee bishii September 2017 ayaa si weyn loogu qancay.” Sanadka soo socda ayaa Sanduuqa Lacagta Adduunka wuxuu go’aanka ugu dambeeya ka gaari doonaa u hogaansanaanta Soomaaliya ay u hogaansantay shuruudaha Barnaamijka Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada ee sanadka 2017, waxaana wada-xaajood laga geli doonaa Barnaamij Kor-joogtayn Hawl-wadeenno oo daba-socda midka lasoo gabagabeeyay. Ergeyga Gaarka ah Keating ayaa ugu baaqay madaxda dalka inay xaqiijiyaan in qiimaynta sanadka soo socda lagu samayn doono horumarka Soomaaliya in uu noqdo mid wanaagsan, iyadoo wixii kala duwanaan siyaasadeed ah lagu xallinayo wadahadal iyo niyad wanaag. “Xasillooni siyaasadeed waxaa ay wax ka taraysaa uun sidii lagu xaqiijin lahaa arrimahaas,” ayuu yiri. “Waxay gacan ka geysanaysaa sidii loosoo jiidan lahaa maalgelinta hay’adaha dowladda iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay, waxayna xoojinaysaa horumarka dalka ee kobcinta maaliyadeed.” Soomaaliya ma awoodin inay xalliso deymaha dibadda loogaga leeyahay tan iyo markii dagaallada sokeeye ay dillaaceen sanadkii 1991. Iyadoo ay halakeeyeen abaaro iyo colaado hubaysan, iyo weliba horumar la’aan, ayaa hadda Soomaaliya waxay ku tiirsantahay deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah si ay wax uga qabato inta badan baahideeda maaliyadeed. Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ ayaa dhowr jeer ugu baaqay deyn-bixiyeyaasha caalamiga ah ee dalka ku leh deymaha inay deymahaas ka cafiyaan Soomaaliya iyadoo loo marayo waxa loogu yeero Barnaamijka Dalalka Saboolka ah ee Deymaha Culus lagu Leeyahay (HIPC), oo ay asaaseen Sanduuqa Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka sanadkii 1996 si ay u xaqiijiyaan in dal sabool ah aanu la kulmin culays deyn oo ka badan awooddiisa adeeg-bixin iyo maareynta [arrimihiisa]. DHAMMAAD Joe Contreras Spokesperson Source
  20. Warbixin lagu soo daabacay “Daily Mail” ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in shirkadda Amazon ay qorsheynayso iney suuqa soo galiso website la tartamaya Youtube, arrintaas oo keenaysa in khilaafkii labada shirkadood uu cirka isku shareero. Xilli sii horreysay oo bishan ah ayaa Amazon ay ka codsatay maktabka Mareykanka ee bixiya shahaadooyinka daahrogyada cusub iyo caalamadaha gacansiga in loo diiwaangeliyo App cusub oo la yiraahdo “Amazon Tube iyo Open Tube, labadan App ayaa markii ugu horreeyay lagu soo bandhigay website-ka TV Answer Man, iyadoo ay jirto inaan lasoo hadal qaadin Youtube ayaa hadana arrintu u muuqataa in astaamaaha la sheegay in Website-kan cusubi uu leeyahay, ayaa la mid ah astaamaha Youtube oo ay maalgeliso shirkadda Google. Tallaabadan ayaa Amazon qaadday kadib markii uu sii xoogeystay khilaafka u dhaxeeya labada shirkadood, September-tii lasoo dhaafay ayaa shirkadda Google ku dhawaaqday in Youtube laga saaray shaashadda ee Echo Dot oo la socday qalabka Amazon waxaa shirkadda Amazon qalabkeeda kusoo xirtay Youtub iyadoon ogeysiin Google, laakiin markii ay google arrintii ka war heshay ayaa ay isla markiiba ka suulisay. Shirkadda Alphabet ee ah shirkadda Hooyada u ah Google ayaa go’aankeeda ku difaacday in shirkadda Amazon aaney ula dhaqmin waxsoosaarka google sida qalabka Chromacast iyo Google Home sidii loo baahnaa, waxayna tilmaantay in Amazon aaney adeegga Prime Video aaney u ogolaan dadka adeegsada Chromecast. Dagaalkii ayaa sii xoogaystay oo google waxa uu ku dhawaaqay inuu Youtube ka suulin doono barnaamijka Eco Show iyo Amazon Fire TV laga bilaabo sanadka cusub. Isla maalintiina shirkadda Amazon waxay gudbisay dalabkeeda ah in loo diiwaangeliyo daahrog cusub oo ay kula tartameyso muuq baahiyaha Youtube. Source
  21. Hayadda Astaynta Maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa dowladda Puntland ayaa ku ammaantay dadaalka iyo Laba kaclaynta ay wadaan masuuliyiinta sare ee caasumadda Puntland ee Garoowe. Xafiisku Maamul wanaagga ayaa qoraal uu soo saaray ku bogaadiyay howsha qiimaha leh ee Muuqata taas oo Gudoomiyaha Gollaha Deegaanka ahna Duqa magaalada Xasan Maxamed Ciise (Xasan Goodir ), Xoghayaha cusub ee dowladda hoose Maxamuud Cali Gurey, masuuliyiinta kala duwan ee xaafadaha degmada Garoowe iyo dhallinyarada wadaniyiinta ah ee la magacbaxay Waan Awoodnaa ay ka wadaan Caasumadda Puntland. Sidoo kale Xafiiska Maamul wanaagga ayaa sheegay in qaabkan iskaashiga iyo wada shaqaynta hufan ah ee sare loogu qaadayo bilicda iyo muuqaalka guud ee caasumadda Garoowe uu mudan yihiin maamulka Degmadu in lagu ammaano, laguna dhiira galiyo howsha qiimaha leh ee ay u hayaan ummaada reer Puntland iyo Soomaali weynba. “Waxaa muuqata shaqo wanaagsan iyo firfircooni, waxaa muuqato qorshe isdaba joog ah oo Garowe loogu diyaarinayo heer wanaagsan oo ay kula tartami karto caasumadaha dadlalka koboca iyo ka soo kabashada samaynaya” ayuu lagu qoraal ka soo baxay xafiiska Maamul wanaagga Puntland . Sidoo kale qoraal ayaa lagu sii yiri “Howl galladan nadiifinta, dhiraynta, burburinta goobaha sharci darrada lagu daggan yahay ama loogu ganacsanayo, xoojinta taraafikada / nidaamka waddooyinka iyo wada shaqaynta dowladda iyo shacabka dhanka Amniga iyo horumarinta Bulshada ayaa ah kuwo si habsami ah uga socda caasumadda waxaana loo baahan yahay in la joogteeyo, Magaaooyinka kale heer gobol. degmo ilaa heer tuulo ayaa sidaa si la mid ah ay sameeyaan si loo wajaho arrimahan muhiimadda iyo ahmiyadda u leh horumarkeenna iyo dowlad nimadeenna”. Dhanka kale Agaasimaha Guud ee hay’adda Astaynta Maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa dowladda Puntland Cabdiraxmaan Cali Guureeye ayaa hoosta ka xarriqay in la joogo waqtigii xafiis kasta wax qabadkiisa lagu abaal marin lahaa, xafiiskii wax wanaagsan ummadda u qabtayna la sheegi lahaa. Xafiiska Maamul wanaagga Puntland ayaa ugu danbeyn ku baaqay in la iska kaashado dowlad iyo shacabba/ daljoog iyo qurba joogba kor u qaadista bilicda iyo horumarinta magaalooyinkeenna. PUNTLAND POST The post Hay’adda Maamul wanaagga Puntland oo amaantay Maamulka Dowladda hoose ee Garowe appeared first on Puntland Post.
  22. Cabdiraxmaan Faroole oo ah Senator ka tirsan aqalka sare oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa dhaliilay guddoonka golaha shacabka iyo wasiirka dastuurka isaga oo sheegay in ay faragelin ku hayaan dib-u-eegista dastuurka. Mr. Faroolle oo arrintaasi ka hadlay waxaa uu yiri “Wax badan ayaa la isku dayey in dowlad la dhiso illaa 91kii, illaa hadda meesha ay mareyso oo dowlad dhexe oo door-weyn Puntland ka qaadatay, dastuur sameyntii, marti gelintiisa iyo wax ka qeysbigiisii meshii ugu dambeysay marka la dhameystiray oo dowladihii Federaalka xubinta ka ahaa la dhameystiray, madaxweynihii la doortay federaalka ahaa, labadii aqal oo dastuuriga ahaa la dhisay carqalad kale ayaa soo baxday, carqaladda socotaa waxaa weeye, waxaa lala dirirayaa nidaamkii federaalka ahaa, waxaana qeyb-weyn ka ah dowladda federaalka qeybaheeda qeyb ka mid ah No.1 haddii aan ka soo qaado hoggaanka golaha shacabka iyo cidda magacawday wasiir aan ku habooneen oo awalba loo heystay dastuurka federaalka ah KMG ah shirweynihii dastuuriga ahaa August 1, 2012 lagu ansixiyay Xamar faraha gelisay oo buug wax ka badalay dastuurkii hore soo saartay oo saxiixday”. Senator Faroole waxaa uu sheegay wasiirka aanu shaqado ku laheyn howsha dastuurka ee hadda socota sida ku qoran 133, 134 qeybtii ay ku lahaayeen xukuumadda ay soo dhammaatay sida dhismaha Dowlad goboleedyadii, maamulladii iyo aqalka sare, isaga oo soo jeediyay in arrintaas faraha lagala baxo. Dhinaca kale, Senator Cabdiraxmaan Faroolle waxaa uu baaq nabadeed u diray dad xoolo dhaqato ah oo ku nool inta u dhaxeysa Itoobiya, Laas-caanood, Nugaal iyo Mudug . Goobjoog News Source
  23. Garowe (Puntlandi) Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Farole ahna Senator katirsan barlamaanka aqalka sare ayaa maanta baaqay in la joojiyo dagaal beeleedka ka socda howdka gobolka Sool. Cabdiraxmaan Faroole waxaa uu dowladda iyo shacabka ujeediyey in loo istaago sidii loo xalin lahaa colaadaan, wuxuuna dhinacyada dagaalamaya ugu baaqay inay ka waan toobaan colaada dhextaal oo ay xaliyaan. Isagoo ka hadlay Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Garoowe, ayaa Senetor Faroole ka sheegay in dagaalka hadda soo cusboonaaday uu yahay mid laga xumaado, oo si mcno darro ah lagu daadinayo dhiiga shacabka. “Waxaan aad uga naxsanahay in Madaxweynaha Puntland isagoo jooga degmada Burtinle oo nabada ka shaqeynaya ay maalmihii lasoo dhaafay ka dhaceen dagaallo deegaanada,” ayuu yiri Faroole. Faroole ayaa xusay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeya sidii loo demin lahaa Colaadda ka taagan deegaanada hadda Cagaarre iyo Qoriley ee sababay dhimashada iyo bakaraca shacabka. Odayaasha, Waxgaradka, Culimada, Siyaasiyiinta iyo Isimida ayuu ugu baaqay Faroole inay iska kaashadaan soo afjarida dagaalka, lana fuliyo heshiisyadii nabad ee horey loo gaaray, oo waxa dambana la daqab-qabto. Halkaan ka dhegayso codka Faroole. faroole colaaddda Puntlandi.com
  24. 1) Madashu waxa ay uga mahadcelisay Dawladda Puntland ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya martigelinta shirka sadexaad ee madasha. 2) Madashu waxa ay soo dhaweysay heshiiskii ay gaareen Wasaaradda Dastuurka ee XFS, Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka, iyo Guddiga Madaxanabnaan ee Dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka. 3) Madashu waxay ay ka mahadcelineysaa ammaanta ay u soo jeediyeen madaxdii ka qaybgashay shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee ka dhacay Muqdisho 5tii November 2017. 4) Shirka Madasha waxaa lagu ansixiyay Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka ee labada sano ee soo socota. 5) Madasha waxaa lagu go’aamiyay daadejinta Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Bulshada illaa heer gobol, degmo iyo tuulo, iyadoo kaalin lixaad leh ay ka ciyaarayaan Wasaaradaha Dastuurka ee Dawladaha Xubanaha ka ah Dawaladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyagoo kaashanaya bulshada qaybaheeda kala duwan. 6) Madashu waxa ay soo dhaweeysay safar hawleedka wadajirka ah ee ay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS iyo labada Guddi ee ku shaqada leh arrimaha dib-u-eegista Dastuurka ay ku tagi doonaan Dawladaha Xubanaha ka ah Dawaladda Federaalka Soomaaliya si ay wadatashi ula sameeyaan madaxda sare iyo Wasaaradaha. 7) Madashu waxay soo dhaweyneysaa qabashada shirweynaha qaran ee daahfurka Ololaha Dib-u-Eegista Dastuurka, kaas oo ka dhici doono magaalada Muqdisho horaanta 2018. 8) Madashu waxa ay isku raacday in Guddiga Farsamada ee Golaha Iskaashiga Dawladaha Xubanaha ka ah Dawaladda Federaalka Soomaaliya lagu soo daro Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dawladda Federaalka, Dawladaha Xubanaha ka ah Dawaladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir. 9) Madashu waxay isla garatay in kulanka afaraad ee madasha lagu qabto magaalada Baydhabo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Dawladda Koonfur Galbeed Soomaaliya. 10) Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS waxaa ka go’an xoojinta wadashaqaynta iyo wadajirka Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dawladaha Xubanaha ka ah Dawaladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir si looga guul gaaro Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka. 11) Madashu waxay si weyn u bogaadinaysaa kaalinta madaxda sare ee Qaranka iyo sida ay ugu heelanyihiin dib-u-eegista iyo dhameystirka Dastuurka. 12) Madashu ugu dambayn waxay u mahadcelinaysaa Beesha Caalamka taageeradooda ku aadan hanaanka dib-u-eegista dastuurka iyo dhameystirkiisa. —–DHAMAAD—–