Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    210,026
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa lagu soo waramaya inuu bilaabay dadaalo uu ku bad baadinaayo aayaha maamulka Gal-Mudug oo sanad gudihiis lugaha la galay khilaafkii labbaad. Gal-Mudug ayaa wajaheysa xasarad siyaasadeed oo u dhaxeysa madaxda sare ee maamulka. Khilaafka taagan ayaa ka dhashay qaabkii loo fuliyay heshiiskii lala galay Ahlu Sunna, iyadoo madaxweyne kuxigeenka Gal-Mudug iyo gudoomiyaha Baarlamanku ay sheegeen in la baalmaray awood qeybsigii beelaha iyo in la badalay dastuurkii maamulka Gal-Mudug. Wasiir Sabriye oo BAYDHABO ku sugan ayaa la sheegay inuu kulan qaas ah la qaatay madaxweyne Xaaf iyo Shiikh Maxamed Shaakir oo iyaguna halkaa ku sugan, isagoo u bandhigay in Gal-Mudug ay u baahan tahay isu tanaasul iyo is qancin si meesha ay joogto horey looga qaado. Wuxuu labbada nin u jeediyay in Dowlada dhexe ay xooga saari doonto midnimada Gal-Mudug. Ilo ku dhow dhow wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in sidoo kale uu wasiirku teleefoonka kula hadlay madaxda Gal-Mudug ee gadoodka ku joogta magaalada Cadaado isagoo u sheegay in jiritaanka Gal-Mudug oo mid ah, ay muhiim u tahay nidaamka Federaalka iyo midka doorashooyinka 2020ka. Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye ayaa labbada dhinac ka codsaday iney joojiyaan hadalada ay warbaahinta isu marinayaan taas oo dhaawaceysa qorshaha xal u raadinta xiisada ka taagan Gal-Mudug, wuxuuna kula dar daarmay iney eegaan masuuliyada ka saaran dadka iyo deegaanka. Bulshada reer Gal-Mudug ayaa ka walaacsan khilaafka soo noq noqday ee madaxda sare, kaas oo dib u dhigay howlihii iyo horey u socodkii maamulka. Waxaa Qoray- Cabdulaahi Cismaan Faarax raafac22@gmail.com
  2. Marar badan ayaa dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland waxaa dhex-maray khilaafyo salka ku haya awoodda maamul goboleedyada iyo heshiisyada ay galaan, ee lala baalmaro dowladda. Puntland waxay ku dooddaa inay ka madax banaan tahay dowladda, marka ay noqoto arrimaha gaarka u ah maamulkaas ee danta ugu jirta, ayna xaq uleedahay inay gasho heshiisyo caalami ah, oo deegaanadeeda quseeeya. Waxaa ugu dambeeyey heshiiskii dekedda Boosaaso ee uu Cabdi Weli Gaas muddo 30 sano ah maamulka dekeddaas ugu saxiixay shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka Carabta laga leeyahay, inkasta oo dastuurku ku qoran yahay in dekedaha iyo garoomada diyaaradaha ay maamuleyso dowladda federaalka. Si kastaba, Mareykanka ayaa shalay muujiyey in marka ay noqoto go’aan ka gaarista arrimaha Soomaaliya uu kala tashanayo kaliya dowladda dhexe, oo uusan waxba ka weydiineyn maamul goboleedyada dalka. Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay shalay in howlgal looga fasax qaatay dowladda federaalka Soomaaliya ay ciidamadeeda ka fuliyeen degaano ka mid ah maamulka Puntland. Qoraal kasoo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in ayada oo lala shaqeynayo dowladda federaalka Soomaaliya ay duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyeen meel 26 mile u jirta Koonfurta Galbeed ee magaalada Boosaaso.Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay in weerarka oo dhacay labadii June lagu dilay 27 argagixiso. Qoraalka laguma sheegin in weerarkan lagala tashaday maamulka Puntland, hase yeeshee sida ka muuqata qoraalka waxaa la weydiiyey kaliya dowladda federaalka. Haddii ay sax tahay in ayada oo aan la weydiin Puntland ay dowladda federaalka bixisay amar weerar qorsheysan looga fuliyey deegaanada maamulkaas, waa guul siyaasadeed oo dowladdu ay gaartay, dhabarjabna ku ah siyaasadda horboodka ku dhisan ee maamulka Puntland. Su’aashu waxay tahay, maxay Puntland ka qaban kartaa arrintan? Ma iska aamuseysa, oo ma ka soo qaadeysaa wax aan macno ku fadhin, mase waxay la hadli doontaa dowladda, oo ay u sheegi doontaa inaysan ansixin karin weerar aan lagala tashan, mise warqad ayay u qori doontaa Mareykanka oo ay kaga caban doontaa arrintan? W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  3. Sida uu daabacay Wargeyska New York Times ee ka soo baxa dalka Mareykanka ayaa waxa uu sheegay in Aqalka Cad uu qorsheynayo inuu yareeyo ciidamadiisa gaarka ah ee ka howlgala Soomaaliya iyo dalal kale oo dhaca Qaaradda Africa. Ciidamada Mareykanka gaar ahaan qeybtooda u qaabilsan la dagalanka argagixsisada ayaa ah kuwo badi ka howlgala dalalka Qaaradda Africa, waxaana bixitaanka ciidamada mareykanka uu bilaaban doonaa saddexda sano ee soo socota, sida warka lagu sheegay. Guud ahaan ciidamo American ah oo tiradoodu ay dhan tahay 6,000 oo askar ayaa ka howlgala dalal dhowr ah oo dhaca qaaradda Afica, sida waaxda Taliska AFRICOM ay sheegtay, waxaana ay isugu jiraan tababrayaal, Taliyayaal iyo ciidamo qaas ah oo qaarkood ay ka howlgalaan Soomaaliya, iyagoo caawinaya ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta ee loo yaqaano AMISOM oo weeraro ku qaada ururka Al Shabaab. Howlgalka ugu badan oo Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya ayaa ah fulinta duqeymo lagu dilo xubno ka tisarn Al shabaab waxaana sanadkii hore uu fuliyay duqeymihii ugu badnaa oo al shabaab lagu garaaco. Sida uu sheegayo Wargeysyka The Times ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya waxa ay caqabad ku tahay dagaalkii 11-kii sano ee iugu dambeesay lagula jiray ururka Al shabaab oo Soomaaliya ka howlgala. Sababaha keenay in Mareykanka uu ciidamadiisa kala baxo dalalka Africa ayaa lagu sheegay in ay tahay ciidamada oo lagu dilayo dalalka ay ka howlgalaan iyagoo dagaal kula jira kooxaha mucaraadka, khasaraha dadka shicibka ah oo kordhay iyo hanjabaadaha Military ee Ruushka, shiinaha iyo Iran ka soo yeeraya waxaana uu mareykanka arkaa in joogitaankiisa Africa aaney muhiim u aheyd sida uu qoray, The Times. By: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal) E-mail: Abdiazizh99@gmail.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa cabsi laga qabaa in dagaalka u dhexeeya dalalka dhaca Bariga Dhexe uu saameyn lixaad leh ku yeesho Dekadaha tayada leh ee ku yaalla Bariga Qaarada madow ee Africa. Dekadaha uu saameynta ku yeelankaro dagaalka ayaa waxaa kamid ah Dekadda Berbera, sida lagu sheegay Warbixin lagu daabacay wargeyska The Wall Street Journal. Waxa uu qoray wargeyska in Dekada Berbera ay kamid tahay kuwa muhiimka ah ee ku dhow marinka caalamiga ah ee “Canal Suez”, waxa uuna intaa raaciyay in ku dhawaad 260 Mile ay u jirto dalka Yemen. Sida uu qoray The wall street journal. Waxa uu qoray Wargeyska in Dekada Berbera ay halboole u tahay isku xirka xuduudaha labada dal Somalia,Yemen iyo dalal kale, sidaa aawgeed ay Dekaddu saameyn xoogan ku yeelan karto xiisada Siyaasadeed ee ka dhex aloosan wadamada Khaliijka ee xiligan ahmiyada siinaaya Dekadaha Somalia. Dekadda Berbera ayuu sheegay wargeyska inay u nuglaan doonto shar iyo kheyrba, maadaama ay xudun u tahay wadamada Khaliijka, isla markaana isticmaala Badda Somalia. Damaca ugu badan ayaa lagu sheegay inuu yahay mid dhaqaale, maadaama wadamada Khaliijka ay iminka ku indha furteen Dekadaha dayacan ee Somalia, waxa ayna taasi is ceersi iyo dagaal ka dhex abuuri kartaa dowladaha Khaliijka. Sidoo kale, Sacad Cali Shire oo ah Wasiira arrimaha dibadda maamulka Somaliland, ayaa isagu rumeysan in Somaliland ay siyaabo kala duwan uga faa’iideysan doonto Dekadda Berbera iyo Dekadaha kale, hase ahaatee ay muhiim tahay in la fahmo in Somaliland ay cagaha la gashay dano Sumeysan oo ka awood badan sida la moodo. Waxa uu yiri Wasiirka ‘’Waxaanu dhexda ugu jirnaa dowlado isku haya dano gaara oo saameyn yeelankara sida tartanka u dhexeeya Khaliijka oo u kala qeybsan Sunni iyo shiici’’ ‘’Waxaa sidoo kale jira loolano saameyn nagu yeelan kara oo u dhexeeya wadamo dhowr ah Mareykanka, Ruushka iyo Turkiga oo siyaabo kala duwan u daneynaaya Dekadaha Africa’’ Sidoo kale, wadamada Khaliijka, Mareykanka, Ruushka, Qadar iyo Turkiga ayaa ku loolamaaya Xeebta Waqooyiga Geeska Africa oo u dhow wadanka Yemen. Dhinaca kale, Saldhiga Imaaraadka ee Berbera ayaa laga cabsi qabaa xitaa inay isticmaalan ciidamo iyo diyaarado dagaal oo ay leeyihiin Sacuudiga iyo wadamo kale oo ka tirsan Khaliijka. Isha https://www.wsj.com/articles/global-powers-race-for-position-in-horn-of-africa-1527861768 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Garoowe (Caasimada Online) – Wasiiru dowladda Madaxtooyadda ahna Afhayeenka Xukuumadda Puntland Cabdullahi Jaamac Quran’jecel, ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay xaq u leedahay inay difaacato Gobolka Sool. Quran’jecel,waxa uu sheegay in la wada ogyahay in Gobolka Sool ay maamusho Puntland, hase ahaatee Somaliland ay dusha saaran doonto wixii dhibaato ah oo ka dhashay dagaalka. Quran’jecel, waxa uu tilmaamay in Somaliland ay ka dhamaan la’dahay ‘’Gumeystihii Ingiriiska ayaa noo hooyay Sool’’, waxa uuna taa ku sheegay mid aan suuragal aheyn. Isagoo ka jawaabaya haddalka Somaliland ee ah in gumeystaha uu u gooyay Sool ayuu yiri ‘’Haddii Gobolka Sool uu idiin gooyay Ingriiska ama idinsiiyay, anagana ilaahey ayaa na yiri Sool idinkaa leh’’ Quran’jecel, waxa uu intaa raaciyay ‘’Sool dadkeena ayaa degan, ilaahey baa na dajiyay waana ku noolaan doonaa’’ Sidoo kale, Wasiiru dowladda Madaxtooyadda Puntland waxa uu sheegay in dadka ku nool Sool laga doonaayo inay ilaashtaan deegaankooda isla markaana iska celshaan Somaliland. Si kastaba ha ahaatee, Puntland ayaa u muuqaneysa mid cirka kusii toleysa xiisada Gobolka Sool ee kala dhexeysa Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  6. Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali ayaa shaaca ka qaaday in jiritaanka maamulka Somaliland uusan dan ugu jirin Umadda Soomaliyeed iyo xitaa dadka ku nool deegaanada maamulka, sida uu hadalka u dhigay Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland ay Soomaalida kale ka jeceshahay Ethiopianka iyo Oromada, halka ka garab istaagi laheyd Soomaalida. Isagoo saxaafada la hadlaayay ayuu yiri ‘’Somaliland cidna dan uguma jirto maxaa yeelay inay la dhaqanto Soomaalida kale waxa ay ka jecelyihiin la dhaqanka Ethiopianka iyo Oromada’’ Waxa uu tilmaamay inay gaareen heer ay dhulkooda u diidaan dhalinyaro Tahriib ah oo laga keenay dalka Liibya, waxa uuna taa ku micneeyay inay kala doorbidayaan dhalinyarada Somaliland ee laga keenay Somaliland iyo kuwa ajaaniibta ah. ‘’Heer waxa ay gaareen inay diidaan dadkooda marka waxaan leeyahay jeclaada dadkiina oo ha jeclaanina kuwa Ethiopianka ah’’ Sidoo kale, waxa uu sheegay in Puntland ay difaacan doonto Gobolka Sool, balse Somaliland laga doonayo inay u baqdo ciidankeeda oo aysan kusoo xadgudbin Gobolka. Haddalka Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi, ayaa kusoo beegmaaya xili labada maamul ay hanjabaado isu marinayaan hawada. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  7. Baydhabo (Caasimadda Online) – Waxaa Shalay magaalada Baydhabo ka furmay shirka amniga qaranka Soomaaliya, waxaana ka qaybgalaya madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada. Shirka waa mid loo dhanyahay marka laga hadlayo mas’uuliyiinta ka qaybgalaya , gaar ahaan madaxda federaalka, waxaana kulanka kasoo xaadiray madaxweyne Farmaajo, Ra’isulwasaare Kheyre iyo xitaa Ra’isulwasaare ku xigeenka iyo wasiirka amniga. Magaca shirka ee ah ‘Shirka Amniga Qaranka’ ka sokoow waxaa shirka looga hadlayaa arrimo aanan amni ahayn, sida qeybsiga kheyraadka iyo waliba in lagu heshiiyo hannaanka doorasho ee uu dalka qaadanayo marka la gaaro sanadka 2020-ka sida uu kusoo waramayo wariyaha BBC-da ee Muqdisho. Markii ugu dambaysay ee ay madaxdan kulan isugu yimaadaan wuxuu dhacay bishii feberaayo ee sanadkan, kiisa xigana waxaa lagu balamay in uu dhoco 28-dii Maarso, balse taas ma uusan qabsoomin sababo la xiriira madmadoow soo kala dhex galay federaalka iyo dowlad goboleedyada. Dr Ibraahim Bursaliid oo ah falanqeeye siyaasadeed oo BBC-da la hadlay ayaa sidan qaba “Waxaad moodaa in uu fursad bixin doono shirkan oo ah in madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada ay si gaar gaar ah iyo si guudba isu arki doonaan, bal xoogaa loo turxaan bixiyo kala shaki waayadaan dambe soo kala dhexgalay”. Gocashada Dowlad Goboleedyada Dowlad goboleedyada bishii hore ayay Baydhabo ku Shireen, ayay walaac ka muujiyay in dawladda dhexe aanay wax tilaabo ah horey ugu qaadin heshiisyadii hore ee dhigayay in dawladda federaalka ay ka caawinayso ciidanka booliska dawlad goboleedyada oo ay ku jiraan kuwa daraawiishta hub, saanad,agab ciidan, raashin, dawo, gunno, tababar iyo tayayn si ay ugala qayb qaataan ciidanka qaranka dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero argagixsada. Balse halka ay sarta ka qurunsantahay waxaa markale sharaxaya Bursaliid oo yiri “Maamul goboleedyada oo marka aad eegtid dhul ahaan meelaha ay ka taliyaan ay is xijinayaan arrimaha amniga, xukuumadana inkasta oo aysan Xamar dhaafsanayn haddane idinkii guud ay haysato”. Haseyeeshee waa la’isku qasbanyahay sida uu qabo Bursaliid “Sandeeradii dalalka gobolka iyo beesha caalamka loo doonan jiray waa lasoo afjaray, xukuumadana loo idmay in wixii amni ah iyada ka hadasho, waxaad moodaa in la isku qasbanyahay”. Is aragga madaxda Markaba laga soo gudbo ajandayaasha miiska saaran ee shirka iyo heshiisyada qoran ee horay loo gaaray, waxaa jira waxyaabo quluubta ku kaydsan oo ay tahay in is afgarad laga gaaro sidii loo wajihi lahaa.Dowladda federaalka oo hadda lugaheeda dhinac isugu duwatay, islamarkaasna laantii fulinta, sharci dajinta iyo xitaa garsoorkii ay u muuqdaan kuwa hal dhinac wax u wada wada, ayay u egtahay in markan ay diirada saarayso sidii ay u heli lahaayeen waddo ay kula macaamilaan.Madaxda dowlad goboleedyada oo intooda badan uu waqtiga ka dhacayo, doorashooyinka kusoo food leeyihiin, qaarkoodna khilaafyo siyaasadeed ku furanyihiin ayaa u arka dowladda federaalka mid iyaga miji xaabin la damacsan, waxaana taas laga dheehan karaa haddaladii badnaa ee kasoo baxay madaxdan , gaar ahaan hadal uu dhawaan saxaafadda siiyay guddoomiyaha gole ay leeyihiin, Cabdiwali Gaas oo yiri “Muqdisho Soomaaliya ma ahan, Soomaaliyana Muqdisho ma ahan”.Dr Bursaliid waxa uu qabaa in muhiimada ugu weyn ee uu shirkan leeyahay ay tahay in ay si fool ka fool ah isu arkaan madaxda, si guud iyo si gaar gaar ahba, ayna jirto fursad ay wax iskula meel dhigi karaan.Waxaase aad looga war dhawrayaa war murtiyeedka kasoo bixi doona shirka, kaas oo kala caddeyn doona haddii ay jirto wax isu soo dhawaansho ah iyo haddii kale. Xigasho: BBC Soomali Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. EDMONTON—Three hours before Yussuf Mahamed was due to board a plane and be deported to Kenya, the phone at the Ogaden Somali Community of Alberta Residents office rang Monday afternoon with news of a last-minute reprieve. Source: Hiiraan Online
  9. OTTAWA (CP) - A Somali man convicted of taking Amanda Lindhout hostage has lost a court bid for confidential information he says could help with a possible effort to overturn the guilty verdict. Source: Hiiraan Online
  10. Somali civil society has played an important role in service delivery for decades, but is beset by challenges that have hindered progress on a number of issues. Feysal Osman argues that there are three key areas that need to be addressed. Source: Hiiraan Online
  11. War-saxaafadeed ay soo saareen Masuuliyiinta Golayaasha Federaalka ugu Jira Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ee Puntland ,waxay ka hadleen dagaalka Tukaraq, iyagoo sheegay in ay uga digayaan Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi joogitaanka iyo sheegashada Gobolka Sool. Masuuliyiintan oo isugu Jira Xildhibanada labada aqal iyo wasiiro ayaa war-murtiyeedkooda ku sheegay in dagaalka Somaliland kusoo qaaday degaanka Tukaraq uu yahay mid qaawan oo uu Madaxweyne Muse Biixi ku doonayo dhul balaransi. Qoraalka ay warbaahinta la wadaageen waxaa warfidiyeenka lawadaagay Xildhibaan Sharmake Garaad Saleeban.
  12. Bosaso[Puntland Post]-Taliyaha Ciidamada Badda Puntland Cabdirisaq Diiriye Faarax oo shir,Jaraaid ku qabtay Magaalada Bosaso ee Xarunta Goblka Bari,ayaa Faah-Faahin ka bixyay Weerarkii ay dhawaan ku soo qadeen Ururka Al-shabaab ee ka dhacaya Deegaanka Bilkhadar oo ka tirsan Gobalka Bari. Hoos ka Daawo Faah-Faahin intaa ka badan. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Taliyaha Ciidamada Badda Puntland: ‘’Waxaanu jab u geysanay shabaabkii nasoo weeraray” appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Dagaal u dhexeeyay ciidamo kawada tirsan dowlada ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Dharkiinleey ee Gobolka Banaadir. Dagaalka ayaa waxa uu si gaara uga dhacay waaxda 3-aad ee Degmada, kaa oo si gaara ugu dhexeeyay ciidamada Xasilinta iyo kuwa Militeriga ee deegaanka ku ah Degmadaasi. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Xasilinta ay howlgalo amni ka sameynayeen Waaxda, waxa ayna dagaal kala kulmeen ciidamada Militeriga. Ciidamada Militeriga ayaa ka shakiyay ciidamada Xasilinta oo iyagu hub ka dhigis kawada magaalada Muqdisho, waxa ayna taasi dhalisay in ciidamada Militeriga ay rasaas ku bilaaban ciidamada Xasilinta. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhashay khasaaro kala duwan, iyadoo inta la xaqiijiyay ay ku geeriyooden laba ruux oo midi uu yahay Askari iyo Haweene kamid aheyd dadka deeganka. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda isku dhaca ciidamada tan iyo markii ay dhalatay bisha ramadaan. Dhinaca kale, Hay’adaha amaanka Dowlada ayaa dhowr jeer kadigay in lala dagaalamo ciidamada dowlada xiliyada ay ku guda jiraan howlahooda amni. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. The United States is considering a sharp reduction in its special forces operations in Somalia and other African countries, the New York Times reported on Monday. As many as half of the US counter-terrorism troops based on the continent could be withdrawn over the next three years, the report states. A total of roughly 6,000 American soldiers are currently assigned to several African countries, according to the US Africa Command (Africom). About 500 of those commandos, trainers and logistics specialists are based in Somalia, where they assist African Union and Somali national forces in carrying out attacks on al-Shabaab. DRONE STRIKES US military action in Somalia mainly takes the form of drone strikes that are said to have killed dozens of Shabaab militants in the past year. But some US troops operate on the ground in an advisory capacity, and a steep reduction in their numbers could have negative consequences for the 11-year-long war against al-Shabaab. The contemplated reduction in US troop levels in Africa is mainly a product of two factors, the Times reports. One is the political furore that erupted following the killing of four US soldiers last October during a counter-insurgency operation in Niger. RISK-TAKING A Pentagon investigation into that attack “exposed a risk-taking culture among commandos,” the Times reported on Monday. And that finding strengthened US Defence Secretary James Mattis’s inclination to reduce counter-insurgency missions in Africa, the newspaper said. At the same time, the US is putting greater emphasis on responding to perceived military threats posed by Russia, China, North Korea and Iran. A share of the special forces currently based in Africa would be reassigned to missions elsewhere in the world in accordance with that strategic reassessment, the Times said. CIVILIANS Last year, President Donald Trump loosened restrictions on US military operations in Somalia that the Obama administration had put in place with the aim of avoiding civilian casualties. An escalation in drone strikes ensued, along with an increase in the number of US military personnel inside Somalia. The Defence Department maintains there is no evidence that US forces have killed any Somali civilians since field commanders were given greater leeway in ordering attacks on Shabaab targets. MONITORS That assertion is included in a Defence Department report to Congress last week that acknowledges “credible reports of approximately 499 civilians killed” in US military operations in 2017 in Iraq, Syria, Afghanistan and Yemen. Reports of another 450 civilian casualties remain under investigation, the Defence Department added. One of those open inquiries pertains to an attack in Somalia. Independent monitors as well as local Somali officials have charged that civilians have been killed as a result of some US air strikes as well as in the course of ground battles in which US troops played an advisory role. Source: – Daily Nation
  15. Somalia’s militant Islamist group al Shabaab retook a small town in the middle of the country after it was abandoned by government troops, residents said. Fighting broke out in Muqokori, north of Mogadishu, on Friday almost a month after government troops ousted insurgents. “Al Shabaab attacked from various sides. After an hour of fighting, government forces left and al Shabaab seized control,” Hussein Nur, a local elder, told Reuters. The militant group claimed 47 government soldiers died in the fighting. “We have their dead bodies,” said Abdiasis Abu Musab, al Shabaab’s military operations spokesman, adding they captured four vehicles and dozens of weapons. The military said the insurgents were not in full control and soldiers were withdrawn for tactical reasons. “There were only a few soldiers there and they left the town for tactical reasons,” Major Abdullahi Aden told Reuters, adding their positions were being reinforced. Aden did not give details of casualties. Al Shabaab militants are fighting to topple Somalia’s Western-backed central government and to rule the Horn of Africa country according to a strict interpretation of Islamic sharia law. The group was ejected from Mogadishu in 2011 and has since been driven from most of its other strongholds across the country. It remains a formidable threat, with fighters frequently carrying out bombings against civilian and military targets in Mogadishu and other towns. Separately the group attacked a military base in the semi-autonomous region of Puntland the same day, killing several soldiers. Source: – Reuters
  16. U.S. forces conducted an airstrike in Somalia on June 2, killing 27 militants associated with the al-Qaeda affiliate al-Shabaab, U.S. Africa Command said. “In coordination with the Federal Government of Somalia, U.S. forces conducted an airstrike targeting al-Shabaab militants approximately 26 miles southwest of Bosasso, Somalia, on June 2, killing twenty-seven (27) terrorists,” Africom said in a Monday, June 4 release. “We currently assess no civilians were killed in this airstrike.” The U.N. Security Council reauthorized the African Union Mission in Somalia on May 15. It was first launched in 2007 to defend the internationally-backed government against al-Shabaab, and more than 22,000 personnel are deployed on the mission. AFRICOM works with AMISOM on both advise-and-assist missions as well as air support missions to target al-Shabaab’s forces, but has drawn controversy from strikes that have killed civilians. On May 11, AFRICOM launched a review on a raid after locals near Bulcida claimed civilians had been shot dead in an operation involving two military helicopters and special forces. Prior to that, an AFRICOM airstrike took out a vehicle-borne improvised explosive device near Jana Cabdalle, although in a statement Africom said no militants or civilians were killed in the process. The strikes are the latest in an increasing number of U.S. airstrikes against al-Shabaab and Abnaa ul-Calipha, Islamic State’s affiliate in Somalia, in recent months. Source: The Defense Post
  17. Baydhabo (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta shir uga qayb galay magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed. Shirkaani oo ka duwanaa kuwii hore ayaa waxaa looga hadlaayay arrimaha Amniga, Khayraadka Badda, Caddaalada iyo doorashada 2020. Axmed Madoobe,ayaa khudbadiisa shirka diirada ku saaray Amniga iyo Khilaafka Dowlada Somalia kala dhexeeya maamul Goboleedyada ka jira dalka. Axmed Madoobe, waxa uu sheegay inay muhiim tahay in Dowlada Somalia ay culeyska saarto sida dalka looga dhaqan galin lahaa amni iyo xasilooni gaarta dhammaan dalka. Amniga ayuu sheegey inay tahay waajib na wada saaran sidii looga xoreyn lahaa nabadiidka gobolada iyo deegaanada ay gacanta ku hayaan. Waxa uu sheegay in amniga dalka uu yahay mid xiligaan hordhac u ah rajooyinka laga qabo inuu soo hagaago dalka, waxa uuna meesha ka saaray inuu jiro wada shaqeyn ka dhexeysa Dowlada iyo maamulada dalka. Mar uu Axmed Madoobe, ka hadlaayay xiriirka ka dhexeeya Dowlada Somalia iyo Maamul Goboleedyada ayaa waxa uu sheegay in Dowladu ay qabto degdeg, isla markaana aysan maamul jira u aqoonsaneen maamul Goboleedyada. ‘’Dowladu waxa ay maamulada u aragtaa xisbi siyaasadeed la tartamaaya, waxaa marka adkaaneysa in xal laga gaaro Khilaafyada ka dhexeeya labada dhinac’’ Wax uu sheegay in Khilaafyada ay yihiin kuwo soo laalaabta sidaa aawgeed la doonaayo in laga gaaro Heshiis aan ka weecasho laheyn. Maamul Goboleedyada ayuu sheegay inay xaq u leeyihiin inay is difaacan, hase ahaatee is difaacidooda ay mushkilad u aragto Dowlada. Sidoo kale, waxa uu ku baaqay in Dowlada Somalia laga doonaayo inay tixgalin siiso maamul Goboleedyada, si iyana loo siiyo tixgalin, ayuu yiri. Si kastaba ha ahaatee, Madoobe ayaa sheegey inay muhiim tahay in lagu dadaalo in meesha laga saaro kala aragti duwanaanta siyasadeed ee ka dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyad taas oo dhabaha u xaari karta in horay loo socdo. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  18. U.S. forces conducted an airstrike in Somalia on June 2, killing 27 militants associated with the al-Qaeda affiliate al-Shabaab, U.S. Africa Command said. Source: Hiiraan Online
  19. Baydhabo (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxa maanta magaalada Baydhabo ka furmay shirka amniga qaranka Soomaaliya. Shirka ayaa maanta ka furmay xarrunta Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed, islamar’ahaantaana ay ka soo qayb galeen Madaxda Dawladdaha xubnaha ka ah DFS iyo Hogaamiyayaasha Dawladdaha xubnaha ka ah DF Soomaaliya iyo sidoo kale taliyayaasha ciidamada iyo mas’uuliyiin kale. Shirkaan oo ah kii Afraad oo ay yeeshaan madaxda Dawladda DFS iyo madaxa Dawladdaha xubnaha ka ah DF ee Soomaaliya ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda Amniga Soomaaliya, Khayraadka Badda, Caddaalada iyo doorashada 2020. Hogaamiyayaasha shirka ka hadlay ayaa waxaa kamid ahaa Hogaamiyaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbadiisa diirada ku saaray Hanaanka ugu sahlan ee lagu sugi karo amniga dalka. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxa uu Khudbadiisa kaga hadlay inay muhiim tahay in dib loo dhiso ciidamadii Qaranka Soomaliyeed uu lahaa. Waxa uu sheegay in dhisida Ciidamada Qaranka Soomaaliya ay sahli karto in dalkaan Soomaliya uu noqdo mid amni ah. Nuqul kamid ah Khudbadiisa ayaa aheyd “Haddii la rabbo in la helo Soomaaliya Adag oo ah dal dhisan, xudduudihiisuna sugan yihiin, in ay lagama maarmaan tahay in la dhiso Hay’adaha kala duwan ee dawligga ah iyo dib u dhis lagu sameeyo Ciidamada Qaranka Soomaaliya’ Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxa uu sidoo kale sheegay inaanu Soomaaliya ka hana qaadi doonin halka ay iminka taal, waa haddii aan laga dhabeyn dhismaha ciidamo dhan waliba ka dhameystiran. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxa uu sidoo kale Madaxda dalka ugu baaqay in ay wajahaan ama ay ka dhabeeyaan hadalkii ahaa in muhiimada koowaad ay siinayaan dhisida Ciidamada. Sidoo kale, Gaas ayaa sheegay in Puntland ay u jilicsan tahay aqbalaada wado waliba oo lagu gaari karo Qaranimo buuxda, waxa uuna ballanqaaday inay kaamili doonaan daldalool waliba. Haddalka Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa kusoo beegmaaya xili dowlada Somalia ay weli ka dhabeyn la’dahay dhismaha ciidan Qaran oo dhameystiran. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  20. Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in howlgal looga fasax qaatay dowladda federaalka Soomaaliya ay ciidamadeeda ka fuliyeen degaano ka mid ah maamulka Puntland. Qoraal kasoo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in ayada oo lala shaqeynayo dowladda federaalka Soomaaliya ay duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyeen meel 26 mile u jirta Koonfurta Galbeed ee magaalada Boosaaso. Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay in weerarka oo dhacay labadii June lagu dilay 27 argagixiso. Qoraalka laguma sheegin in weerarkan lagala tashaday maamulka Puntland, hase yeeshee sida ka muuqata qoraalka waxaa la weydiiyey kaliya dowladda federaalka. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarka aysan wax khasaare ah kasoo gaarin dad shacab ah. AFRICOM waxa ay sheegeen inay sii wadi doonaan inay qaadaan tallaabooyinka ku habboon ee saxda ah, si loo ilaaliyo danaha dadka Mareykanka, loona baabi’iyo argagixsada. Tani waxaa qeyb ka ah, ayaa lagu yiri qoraalka, in ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Amisom lagula midoobo howlgallada ka hortagga argagixisada, lana beegsado goobaha ay ku tababartaan ee Soomaliya iyo gobolkaba.
  21. Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ayada oo la shaqeyneysa dowladda federaalka Soomaaliya ay duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab ka fulisay meel 26 mile u jirta Koonfurta Galbeed ee magaalada Boosaaso. Read More
  22. The United States is considering a sharp reduction in its special forces operations in Somalia and other African countries, the New York Times reported on Monday. Source: Hiiraan Online
  23. Mas’uuliyiinta Golayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya ugu jira gobolada Sool,Sanaag,iyo Cayn ayaa cod midaysan ku sheegay in ay si buuxda u taageersan yihiin dagaalka ay dowladda Puntland ku soo celinayso degaannada ay Somaliland ka haysato goboladaasi. War-murtiyeed ka kooban sagaal qodob oo ay soo saareen xubnaha Golayaasha dowladda Federaalka ku matala gobolada Sool,Sanaag,iyo Cayn ayaa lagu caddeeyay in uusan jirin heshiis ay dadka degaannadaasi kula midoobeen maamulka Somaliland oo ku saabsan kala goy’nta qaranka Soomaaliyeed. War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in maamulka Muuse Biixi uu xadhig,cabudhin iyo bahdil ku hayo saxaafadda,maatada,iyo dadka jilicsan ee gobolka Sool,islamarkaana u diiddanyahay rabitaankooda ku aaddan midnimada jamhuuriyadda Soomaaliya. Xubnahan ayaa ka digay in haddii uu sii socdo tacaddiga lagu hayo dadka reer Sool ay ka dhalan karto,caaqib xumo iyo dagaallo lagu raagta. Sidoo kale mas’uuliyiinta Golayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya ugu jira gobolada Sool,Sanaag,iyo Cayn ayaa war-saxaafadeedka ay soo saareen ku sheegay in ay si buuxda u taageersan yihiin dagaalka ay dowladda Puntland ku soo celinayso degaannada ay Somaliland kaga sugantahay,Sool,Sanaag iyo Cayn. Shacabweynaha goboladaasi ayaa dhankooda loogu baaqay in garab istaagan dowlada Puntland,si ay ugu fududaato soo celinta degaannada maqan. Ugu dambeyntii, mas’uuliyiinta ayaa Beesha Caalamka uga digay in aysan keenin talo aan xal nabadeed ka dhalan doonin,waxayna codsadeen in gurmad ballaadhan la gaarsiiyo dadka ku bara-baxay colaadda gobolka Sool. Halkaan ka akhriso War-murtiyeedka. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Xubnaha gobolada SSC ku matala Federaalka oo war ka soo saaray Colaadda Sool appeared first on Puntland Post.
  24. Somalia’s militant Islamist group al Shabaab retook a small town in the middle of the country after it was abandoned by government troops, residents said. Source: Hiiraan Online