Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,114
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garowe (Puntlandi) Wasiirka caafimaadka dowladda federalka Soomaaliya, Fowsiyo Abiikar Nuur oo socdaal 3 cisho qaadanaya ku timid Garowe, ayaa sheegtay inay dowladda Puntland kala hadlayso dajinta qorshayaasha caafimaadka Soomaaliya ee shanta sano soo socota. Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, ayaa maanta booqatay xarunta wasaaradda caafimaadka waxayna halkaasi uga qeyb gashay shir ku saabsan tababarida kooxo gobolada loo dirayo oo soo aruurinaya xogta caafimaadka Puntland. Fowsiyo Abiikar waxay sheegtay barnaamijkaan ay uga qeyb gashay magaalada Garowe inuu yahay barnaamijka sahminta caafimaadka Soomaaliya, kaasoo ah qorshe horey usoo socday oo maalinta berrito lasoo gabagabayndoono. Wasiirka caafimaadka Puntland Dr, Cabdinaasir Cuuke, ayaa sheegay inay Puntland maalmahaan marti galinaysay shirar muhiim ah oo ku saabsan caafimaadka Soomaaliya. Dr. Cuuke ayaa soo dhoweeyay in wasiirka caafimaadku timaado magaalada Garowe, si ay qeyb uga ahaato dadaalada wasaaraddu wado ee ku saabsan dajinta qorshaha horumarinta caafimaadka Soomaaliya. Maalinta berrito ayaa la filayaa inay labada wasiir ay qabtaan shir jaraa’id oo kusoo bandhigayaan waxyaabaha labada wasaaraddood isku afgarteen, iyagoo sidoo kale baaq udiridoono hay’addaha si taageero dhaqaale loogu helo qorshaha caafimaadka Soomaaliya shanta sano soo socota. Halkaan ka dhegayso codka wasiirka caafimaadka Soomaaliya. Wasiirka caafimaadka ee Soomaaliya Fowzia Abiikar Nuur Halkaan ka dhegayso codka wasiirka caafimaadka Puntland. Wasiirka caafimaadka Puntland Cabdinaasir Cismaan Cuuke Puntlandi.com
  2. Xog muhiim ah oo aan ka helnay illo Dublamaasiyadeed ayaa Warbaahinta Puntlandi u xaqiijiyey innDowlada Qatar ay Aduun badan ku bixinayso Sidii Soomaaliya looga cirib tiri lahaa Kooxaha u janjeera Dhinaca Xulufada Sacuudiga iyo Emaaraatka. Xogtaan aan helnay waxay sheegaysaa in Dowlada Qatar ay laba bilos ka hor kernen Muqdisho lacag gaaraysa 35 Milyan oo dollar, Si Howlgalkaan baaxada weyn loogu bilaabo. Waxaa jira iyana 65 Milyan oo kale oo Qatar ay balan qaadeen iney keenayaan bilowga Sanadkaan soo socda 2018-ka. Hadii ay arkaan in Howlgalku bilaabmay. Sida aan xogta ku heyno waxaa jira 5 shaqsi oo u dhexeeya Qatar iyo Raysal wasaaraha kuwasoo lacagta iyo macluumaadka kasoo qaada Qatar si looluga dagaalamo Xiriirka Soomaaliya,Sacuudiga iyo Emaaratka. Waxaa jira iyana Wafdi Dowlada Federaalka ah oo dhowaan u bixi doona Doha kuwasoo qayb ka ah ololaha ay Qatar kula dagaalameyso Maamul Goboleedyada Soomaaliyeed iyo Siyaasiyiinta u janjeera Dhinaca Emaaraatka iyo Sacuudiga. Saraakiil ka tirsan Ciidanka iyo NISA ayaa wafdiga qayb ka noqon doona. Puntlandi Nairobi
  3. Berbara (Caasimadda Online) – Muuqaal lagu baahiyay Baraha Bulshada oo ay soo duubeen shan nin oo yemeniyiin ah ayaa waxaa lagu sheegay in kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen ay ka warqabto dhaqdhaqaaqyada millateri ee Imaaraatka Carabta iyo xulafadiisu ay ka wadaan Magaalada Berbera ay si dhow ula socdaan islamarkaana ay dhaawac ku keenayso nabada ka jirta Somaliland. Nimankaasi oo luqada Carabiga ku hadlayay waxay sheegeen in Somaliland ay ka noqoto go’aankii ay hore ugu ogolaatay Imaaraadka saldhiga millateri ee Berbere haddii ay sameyn waayaan gantaalaha ay ku garaacayaan dalka Sacuudiga ay ku garaaci doonaan Magaalada Hargeysa. Waxay ugu baaqeen xukuumada Cusub ee Somaliland qabsatay inay ka laabato heshiiskaasi. Muuqaalka lagu baahiyay baraha bulshada ayaa cabsi ku abuuray shacabka ku nool Somaliland, maadaama dekada Berbera oo ah isha ugu muhiimsan ee Somaliland ku nooshahay ay 200KM u jirta biyaha Yemen. Xuutiyiinta dagaalka kula jira dowlada Sacuudiga iyo xulafadiisa ayaa laga cabsi qabaa inay weeraro ka geystaan biyaha badda Berbera iyagoo ka hortagaya duulaan xulafada sacuudigu kaga soo qaadaan Xeebta Magaalada Berbera. Xukuumada Somaliland ayaa Emaaraatka Carabta ku warerjisay saldhiga milateri oo ku yaala Berbera bishii April ee sanadkan kaasi oo shacabka ku nool deegaanadaasi kasoo horjeesteen go’aankaasi ay gaadhay xukuumadu.. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xuutiyiinta Dalka Yemen oo ku Hanjabay in ay Duqeynayaan Magaalada Berbera appeared first on Caasimada Online.
  4. Madaxweyne Farmaajo ayaa casumaad u sameeyey Guddoomiyaha iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka dowladda Puntland kuwaas oo Magaalada Muqdisho kaga qeyb galaya Shirka Wada tashiga Baarlamaanada heer Federaal iyo heer dowlad Gobeleed. Sidoo kale, casumaaddan waxaa qayb ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Xildhibanno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Mudane Axmed Cali Xaashi ayaa sheegay in ay ka wada hadleen Madaxda Qaranka xoojinta iyo dar-dargelinta wadashaqeynta baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo kan Puntland iyo in sidii loo dhammaystiri lahaa arrimaha muhiimka ah ee ay ka mid tahay dhammaystirka dastuurka, hirgelinta doorashooyinka sanadka 2020 iyo xoojinta hannaanka Federaal ee dalka. Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay joogteynta kulamada iyo shirarka ay la qaadanayan Baarlamaannada heer dowlad Gobeleed taas oo dhabbaha u xaareysa dhammaystirka howlaha qabyada ka ah nidaamka Federaalka. Madaxweyne Farmaajo oo ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda Puntland Guddoomiye Axmed Cali Xaashi ayaa ku ammaanay kaalinta mugga leh ee Puntland ay ka qaadatay hirgelinta hannaaka Federaal iyo dib u kabashadiisa dalka. Puntlandi.com
  5. Baydhabo (PP) ─ Ururka Al-shabaab ayaa fagaare ku yaalla Deegaanka Iidaale ee Gobolka Bay waxay gelinkii dambe ee shalay ku toogteen shan qof oo ay ku eedeeyeen inay la shaqeynayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamullada dalka ka jira qaarkood iyo Dowlado shisheeye. Dadweynaha ku nool Iidaale ayaa la isugu keenay Fagaaraha ay Toogashadu ka dhacday, waxaana la sheegay in shanta ruux oo dhammaantood rag ahaa ay la kla shaqeynayeen; Maraykanka, Dowladda Soomaaliya, maamullada Koonfur-galbeed iyo Jubbaland, waxayna dhammaantood ku sheegeen inay ahaayeen jawaasiis. Shanta Ragga ah ee la Toogtay ayaa waxay magacyadoodu kala ahaayeen; Mahad Cali Xasan, Jibriil Saalax Xaaji Maxamed, Mahad Cabdi Axmed, Maxamed Cali Aadan iyo C/casiis Ibraahim Maxamed. Dhallinyaradan ayaa waxay ahaayeen dhammaantood dhallinyaro da’adoodu u dhexeyso 20-sano illaa 30-sano, waxaana toogtay dhallinyaro Al-shabaab ka oo wajiyadu u qarsoonaayeen. Ugu dambeyn, Ururka Al-shabaab ayaa marar badan ooh ore sidaan oo kale u toogtay dhallinyaro ay ku eedeeyeen inay ahaayeen basaasiis, kuwasoo la shaqeynayay Dowladda Somalia iyo waddamo shisheeye. PUNTLAND POST The post Ururka Al-shabaab Toogtay Dhallinyaro uu ku eedeeyeen inay Basaasiin u ahaayeen DF appeared first on Puntland Post.
  6. Siyaasi Cali Xaaji Warsame, oo katirsan siyaasiyiinta Puntland, ayaa ku baaqay in xal degdeg ah laga gaaro colaada ka taagan howdka gobolka Sool, halkaasi oo ay ku dagaalameen beelo walaalo ah. Cali Xaaji oo wareysi siiyay warbaahinta gudaha isagoo ku sugan Nairobi, ayaa wuxuu sheegay sababta colaadaan soo celisay inay ugu wacan tahay fulin la’aanta heshiiskii dhexmaray labada beelood, wuxuuna sheegay inaan cidina lagu eedayn karin inay colaada bilowday. “Inaa Lilaahi Wa Ileyhi Raajicuun. Waxaan Illaahey uga baryayaa ragga ku dhintey shaqaaqada Hawdka, ee ay ku dirireen labo beelood oo wada-dhashey, in uu naxariisto, innagoo dhanna samir iyo iimaan naga siiyo, iyaga iyo kuwii ka horeeyeyba, inta dhaawaca ahna uu degdeg u caymiyo oo u booga-dhayo,” ayuu yidhi Cali Xaaji. Wuxuu sheegay arrinta dhacdey inaysan ahayn ugub lana filayay duruufaha taagan dartood in ay imaan karto. Wuxuu codsaday inaan lagu degdegin dil iyo aargoosi dad ehel ah oo hore dhibkaan oo kale u gaarey. “Yaan dhib laga dooran nabadda iyo ehelnimadda. Waxaan rajeynayaa in caqligu caadifadda iyo xanuunka ka hormaro, oo uu xakameeyo.” ayuu hadalkiisa ku daray. Cali xaaji ayaa ugu baaqay dowladda Puntland iyo cid kasta oo arrintaan xalkeeda qeyb ka qaadan karta in laga shaqeeyo nabadda, wada-noolaanshaha iyo in wixii dhaca laga heshiiyo. Puntlandi.com
  7. Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa kula kulmay Xildhibaano Katirsan Puntland iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlada Puntland. Wafdigaan uu hogaaminayo Gudoomiyaha ayaa Muqdisho uga qeeybgalay Shirka Baarlamaanada Heer Maamul Goboleed. Waxaa sidoo kale kulankaasi ku sugnaa Gudoomiyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Mudane Axmad Cali Xaashi ayaa ugu mahad ciliyay madaxweyne Farmaajo casuumaada uu ugu fidiyay xafiiskiisa. Dhanka kale waxaa iyana goobtaasi ka hadlay Gudoomiyaasha aqalka Sare iyo Aqalka hoose kuwaasi oo dhamaantood sheegay in ay muhiim tahay in ay wada Xaajoodaan islamarkaasina ay kulmaan Baarlamaanada Maamul Goboleedyada iyo kuwa Dowlada Dhexe ee Soomaaliya. Hoos ka Daawo Sawirada Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo la Kulmay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlada Puntland appeared first on Puntland Post.
  8. Magaalada Jowhar ee xarunta KMG ah ee Maamulka Hir Shabelle ayaa xalay waxaa ka dhacay kulan u dhaxeeyay Madaxweynaha maamulka Hir Shabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Xildhibaanada Hir Shabelle. Shirkaan oo ah mid Xasaasi ah ayaa waxaa dibad joog ka ahaa Saxaafada ka howlgasha hir Shabelle gaar ahaan magaalada Jowhar oo loo diiday in shirkaasi ay ka qeeybgalaan. inta kulanka uu socday ayaa Madaxweyne Waare iyo Xildhibaanada si toos ah uga wada hadleen ansixinta Wasiirada cusub ee Hir Shabeele oo Xildhibaanada ay diideen in ay ansixiyeen. Madaxweyne Waare ayaa Xildhibaanada ka codsaday in ansixiyaan wasiirada Cusub si ay u gutaan waajibaadka loo igmaday. Saacado Dheer oo wada hadal ah kadib Wararku waxa ay sheegayaan in xoogaa is afgarad ah uu dhacay. Xildhibaanada Hir Shabelle ayaa la xasuustaa in ay xilka ka tuureen Madaxweynihii hore ee Hir Shabbelle Cali Cabdullaahi Cosoble. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Madaxweyne Waare oo Jowhar kula Kulmay Xildhibaano Diidan Ansixinta Wasiiradiisa Cusub appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarun KMG maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegaya in halkaa ay ka degtay diyaarad nooceeda uu yahay Helicopter oo siday Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab. Wararku waxa ay tibaaxayaan in Horjoogayaasha iyo Maleeshiyaadka ay ka goosteen al-Shabaab, waxaana lasoo sheegayaa inay ku jiraan kuwo caan ka dhex ah Shabaabka. Diyaaradan Helicopter-ka ah ayaa waxaa la socday Saraakiil ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo xaqiijiyay in maleeshiyaadka ay baxsad ka ahaayen Shabaab. Taliyaha Howlgelinta Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed, Cabdulle Isaaq, oo kamid ahaa saraakiishii Baydhabo ka dejisay Horjoogayaasha iyo Maleeshiyaadka kale ayaa sheegay in isa soo dhiibidoodu tahay mid ku imaaday wadahadal. Maleeshiyaadkan ayaa waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in laga soo qaaday magaalada Diinsoor oo xiligaan Saldhig u noqotay maleeshiyaadka baxsadka ah ee al-Shabaab. Sidoo kale, maamulka Koonfur Galbeed ayaa magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Horjooge ka tirsan al-Shabaab oo lasoo baxsaday Gaari Cabdi Bille iyo Hub. Dhinaca kale, Horjoogayaasha iyo Maleeshiyaadka diyaarada looga qaaday magaalada Diinsoor ee laga dajiyay Baydhabo ayaa waxaa maalintii Khamiista ahey kasii horeeyay Horjooge kale oo lagu magacaabo Macalin C/raxmaan iyo 5 ilaalo u aheyd. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Arin cusub: Diyaarad siday Horjoogayal & Maleeshiyaad ka goostay Shabaab oo ka caga dhigatay magaalada Baydhabo appeared first on Caasimada Online.
  10. Saraakiisha maamulka K/galbeed ayaa sheegay in uu isku soo dhiibay sarkaal ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab, kadib markii uu lasoo xiriiray maamulkaasi. Cabdulle Isaaq oo ah taliyaha howlgelinta ciidamada K/galbeed ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in sarkaalkan uu Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka gaadiidka, islamarkaana ma aanu sheegin magaciisa. Sarkaalkan ayaa iska dhiibay degmada Diinsoor, waxaana la sheegay in diyaarad Helicopter ah lagu keenay magaalada Baydhabo, isagoo la tilmaamay in markii uu soo goosanayey uu watey gaari nooca dagaalka ee Cabdi Bilaha iyo qori AK-47. Taliye Isaaq ayaa sheegay in shaqsigan isku soo dhiibay ay si wanaagsan ula dhaqmi doonaan, islamarkaana sida uu isaga rabo loo sameyn doono. Khamiistii ayeey ahayd markii magaalada Baydhabo uu iska dhiibay sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab, laguna magacaabayey Macalin C/raxmaan, waxaana la socday 5 kamid ah ilaaladiisa. Al-shabaab kama aanay hadal saraakiishan dhankooda kasoo baxsaday ee isku dhiibay K/galbeed. Goobjoog News Source
  11. Wararka laga helayo Magaalooyinka dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Amaanka ee dalka kenya ay heegan buuxa galiyeen magaalooyinka Dalkaasi. Wararka ayaa intaasi ku daraya in arintaasi ay timid cabsi ku aadan weeraro ka yimaado Al-Shabaab xili dalkaasi ay ka dhacayaan Xaflado ay ugu dabaaldagayaan Ciida Masiixiga. Meelaha aad amaanka loo adkeeyay waxaa kamid ah Gobolka Woqooyi bari ee kenya halkaasi oo magaalooyinka ciidamo aad u badan lagu soo daadiyay. Ciidamada ayaa si feejigan waxa ay u taaganyihiin wadooyinka iyaga oo baaraya gaadiidka iyo qaar kamid ah xaafadaha. Dalka Kenya waxaa ka dhaca weeraro qorsheeysan oo ay geeystaan Al-Shabaab. Dowlada kenya ayaa isku dayeeysa in ay xaqiijiso amaanka wadankeeda oo ay ku soo badanayaan falalka amni daro. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Kenya oo Heegan galisay Amaanka Dalkeeda iyo Cabsi laga qabo Weeraro Al-Shabaab appeared first on Puntland Post.
  12. Garowe (Puntlandi) Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Nugaal, ayaa xukun ku riday lix dhalinyaro ah oo lagusoo eedeeyay inay ku kaceen falal amniga iyo xasiloonida qalqal galinayay. Maxkamada ayaa dhalinyaradaan ku riday xukun labo sanno ah, kadib markii lagu helay inay dhaawac ugeysteen, islamarkaana ay ka furteen moobaylkeedii Dhibbane lagu magacaabo Sundus Cabdiraxmaan Maxamed. Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud, Maxamed xareed Cali, ayaa sheegay dhalinyaradaan la xukumay inay ahaayeen arday maalintiina waxbarta habeenkiina caadaystay inay dadka jidadka u galaan oo ay furtaan. Maxamed Xareed ayaa waalidiinta ugu baaqay inay ubadkooda la socdaan islamarkaana laamaha ammaanka kusoo wargaliyaan haddii ay falal nuucaan oo kale ah ku arkaan, si dhaqan celin loogu sameeyo, loogana hor istaago wadada xun ee ay ku socdaan, dadkana looga badbaadiyo dhibaatada ay ku hayaan. Magacyada dhalinyarada la xukumay. Saacid Cabqaadir Xasan, Ina Xiddo Xasan, lagu xukumay 2 sanno. Cabdinajiib Maxamed Cabdiraxmaan, Ina Seynab Cabdiraxmaan, lagu xukumay 2 sanno. Maxamuud Cabdiqaadir Xuseen, Ina Shariifo Xasan, lagu xukumay labo sanno. Cabdifitaax Salaad Maxamed , Ina Aamino Warsame, lagu xukumay labo sanno. Shaakir Cabdi Noor Maxamed, Ina Raxmo Warsame, lagu xukumay labo sanno. Jaamac Cabdi Jaamac, Ina Maandeeq Maxamuud, lagu xukumay labo sanno. Booliiska Garowe, ayaa gacanta ku haya dhalinyaro badan oo maxkamad sugayaal ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay habeenkii dadka furtaan. Puntlandi.com
  13. A US federal judge on Saturday lifted Trump administration restrictions that barred some refugees from the country, the latest in a series of immigration-related legal setbacks for the president. The United States said in October that it would resume accepting refugees after a 120-day ban ordered by President Donald Trump expired, but some — including those from 11 “high-risk” countries, most of which are Muslim majority — were still barred from entering. BAN LIFTED In his ruling on Saturday, Judge James Robart ordered American authorities to resume processing and admitting so-called “follow-to-join” refugees, which would once again allow the spouse and unmarried children of a refugee already in the country to be admitted. And he also ordered that “follow-to-join” refugees and “other refugees with a bona fide relationship to a person or entity within the United States” from the 11 “high-risk” countries be processed and admitted as well. The ruling is in response to motions for preliminary injunctions filed in two separate cases. “Plaintiffs in both cases are refugees, who find themselves in dire circumstances, their family members who yearn to be reunited with them, and humanitarian organisations whose fundamental mission is to help these vulnerable refugees resettle in the United States,” Robart wrote in his ruling. TARGETS “Plaintiffs in both cases present compelling circumstances of irreparable harm inflicted by the federal agencies’ action at issue here.” Trump’s attempts at banning travellers from several mainly Muslim nations have been met with successive legal challenges this year. Critics say the president’s measures target Muslims, while the Trump administration has sought to cast the restrictions as being aimed at shoring up security. Source: AFP The post US court lifts Donald Trump ban on some refugees appeared first on Caasimada Online.
  14. Xarakada Al-shabaab ayaa fagaare ku yaalla deegaanka Iidaale ee gobolka Baay waxay gelinkii dambe ee shalay ku toogteen Shan qof oo ay ku eedeeyeen iney la shaqeynayeen dowladda Federaalka iyo dowlado shisheeye. Shacabka ku dhaqan deegaanka Iidaale ayaa la isugu keenay meel fagaaro ah, waxaana la sheegay in raggan oo dhammaantood dhallinyaro ahaa ay la shaqeynayeen Maraykanka, dowladda Federaalka, maamul goboleedyada Jubbaland iyo K/galbeed, waxayna dhammaantood ku sheegeen iney ahaayeen sirdoon. Ragga la dilay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay: Mahad Cali Xasan Jibriil Saalax Xaaji Maxamed Mahad Cabdi Axmed Maxamed Cali Aadan C/casiis Ibraahim Maxamed Al-shabaab ayaa marar badan sidana oo kale u toogtay dhallinyaro ay ku eedeeyeen iney la shaqeynayeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlado shisheeye. Goobjoog News Source
  15. Wararka naga soo gaaraya Dalka Koonfur Afrika ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed. Dilkaan ayaa waxa uu ka dhacay Xalay magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika. Muwaadinkaan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Mahad Salaad waxaana uu ahaa nin dhalinyaro ahaa oo Goob ganacsi ku lahaa halkaasi. Burcad koonfur Afrikaan ah ayaa gudaha u galay goobtiisa ganacsi oo ku taalo Xaafada Khaliija ee Magaalada Cape Town halkaasi ay ku dileen. Ciidamada Booliska ayaa durba gaaray goobta dilkaasi uu ka dhacay inkastoo aanay qaban kooxihii dilkaasi geeystay. Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ka dhaca dilal loo geeysto muwaadiniinta Soomaaliyeed. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.
  16. Zimbabwe’s new President Emmerson Mnangagwa has named the former army chief who led a coup that ended Robert Mugabe’s 37-year rule, as one of his two deputies in the ruling party, the presidency said. Presidential press secretary George Charamba said in a statement, retired general Constantino Chiwenga and long-serving state security minister Kembo Mohadi were appointed as Mnangagwa’s deputies in the Zanu-PF party “with immediate effect.” The party appointment is a first step in their elevation to state vice presidents. Born in 1956, General Chiwenga joined the guerrilla war against white minority rule in the then Rhodesia as a teenager and got military training in Mozambique and Tanzania. After independence, he received British training, as a new army, made up of ex-guerrillas and soldiers of the former white minority regime, was formed. Adopting the war name of “Dominic Chinenge, Chiwenga rose through the ranks to become a Provincial Commander for Masvingo/Gaza Province deputised by George Chiweshe who was the Provincial Commissar. On the formation of Zimbabwe Defence forces (ZDF) in 1994 he was promoted to the rank of Lieutenant General and was appointed commander of the Zimbabwe National Army (ZNA). Upon the retirement of General Vitalis Zvinavashe in 2004, he was promoted to the rank of Commander of the Zimbabwe Defence Forces. Chiwenga retired this week, slightly over a month after the military temporarily took control of the country on November 15 as internal feuding escalated in Zanu-PF over then-president Mugabe’s succession. The takeover which the army said was targeting criminals around the president came days after the 93-year-old leader had fired then deputy Mnangagwa who has strong military ties and was widely tipped as the likely successor. Mnangagwa has since appointed two to military officials as minsiters and also assigned them roles in ZANU-PF’s governing Politurbo. Source: Washington Post The post Top general tells Marines to be prepared for a big fight appeared first on Caasimada Online.
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-War qoraala oo kasoo baxay Wasaaradda gaadiidka Tunisia ayaa waxaa lagu mamnuucay dhammaan diyaaradaha dalka Imaaraadka ee isticmaala Hawada iyo Garoomada Tunisia. Qoraalka Wasaarada ayaa waxaa lagu sheegay in ilaa iyo amar danbe diyaaradaha iyo dhammaan duulimaadyada Imaaraadka laga mamnuucay Garoomada Tunisia. Amarka Wasaarada ayaa waxaa lagu sheegay inuu dhaqan gali doono manta oo ay taariikhdu tahay 25 December, 2017. Xiisada labada dal ee dhanka duulimaadka ah ayaa timid kadib markii Imaaraadka Carabta ay si KMG ah u joojiyeen safarka haweeney Tunisian ah iyada oo aan wax faahfaahin dheeri ah laga bixin waqtigaas, taa oo keentay inay ka carooto Tunuusiya. Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa sababta dib dhaca Safarka Haweeneydaas ku sheegtay arrimo la xiriira dhanka amaanka. Dhinaca kale, Wasaarada Arrimaha Dibadda Tunisia ayaa sidoo kale u yeertay Safiirka u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta, wallow aan xiisadaani weli lasii buun-buunin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xiisad cusub: Diyaaradaha Imaaraadka oo laga mamnuucay Hawada & Garoomada Tunisia +Sababta appeared first on Caasimada Online.
  18. Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ay gaaraan guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo guddoomiyeyaasha baarlamaannada maamul goboleedyada dalka. Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka K/galbeed C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa saxaafadda u xaqiijiyey in xubnahan ay ku shiri doonaan magaalada Baydhabo, shirkoodana uu socon doono Labo cisho. Ajendaha shirkaan weli lama shaacin, hase ahaatee ammaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay. Waa shirkii ugu horreeyay oo magaaladaasi ku yeeshaan guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale guddoomiyeyaasha baarlamaannada maamul goboleedyada dalka ka jira. shirkan waxaa ka horimaanayaa dalabkii aqalka sare ee ahaa in la joojiyo, Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal uu doonayo in la joojiyo ka qeyb-galka shir ay yeelan lahaayeen golaha shacabka iyo guddoomiyeyaasha goleyaasha sharci dejinta dowlad goboleedyada. Akhriso: Qoraalka Aqalka Sare Goobjoog News Source
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Guatemala ayaa shaaca ka qaaday in Safaaradeeda Israel ay u rareyso magaalada Qudus ee uu dhawaan Madaxweynaha Mareykanka sheegay inay tahay caasimada Israel. Jimmy Morales oo ah Madaxweynaha dalka Guatemala ayaa amar ku bixiyay in Safaaradiisa Israel loo raro magaalada Qudus. Madaxweynaha Guatemala ayaa sheegay inay ka go’an tahay in Safaaradooda loo raro magaalada Qudus, waxa uuna tilmaamay inay raacayaan amarka kasoo baxay Madaxweyne Trump ee Qudus looga dhigay caasimada Israel. Qoraal kooban oo Jimmy Morales uu soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa waxaa lagu xaqiijiyay go’aanka raritaanka Safaarada Guatemala ee Israel. Madaxweyne Jimmy Morales, waxa uu nuqul kamid ah qoraalkiisa ku sheegay in arrinta raritaanka Safaaradiisa ay kawada hadleen Ra’isal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu. Mr Jimmy Morales, waxa uu sheegay in Ra’isal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu aad usoo dhaweeyay go’aanka uu dalkiisa ku raraayo Safaarada, isla markaana ay hirgalinayaan go’aankooda. Sidoo kale, Go’aanka Jimmy Morales kadib waxa ay Wargeysyada adduunka qoreen in dowlada Guatemala ay ka mid aheyd 9 kii dal ee diiday qaraarkii QM ee ugu baaqayay Maraykanka inuu ka laabto go’aankii Qudus uu ugu aqoonsaday caasimadda Israa’iil. MadaxweyneTrump ayaa ku goodiyay inuu gargaarka ka jarayo dalalka kasoo horjeesto go’aanka Mareykanka. Geesta kale, Magaalada Qudus waxay muhiimad wayn u leedahay labada dhinac ee Falastiin iyo Israa’iil. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Safaaradii ugu horeysay oo loo raraayo Qudus & Dalalkii diiday go’aanka Trump oo bilaabay dib u gurasho appeared first on Caasimada Online.
  20. Deganaansho aan cago badan ku taagneyn ayaa saakay oo Isniin ah laga dareemayaa deegaanno ka tirsan gobolka Sool oo ay ka dhaceen dagaallo qaab beeleed u abaabulan. Wariyaha Goobjoog ee gobolka Sool, Faarax Dubad ayaa soo sheegaya in deegaannada Cagaarre iyo Gorilley oo dhanka Koonfureed kaga beegan degmada Laascaanood ay saakay deggan yihiin, wallow xilli walbo dagaallo la filan karo. Ma jirto cid si rasmi ah u kala dhexgashay dhinacyadan dagaallamay, marka laga soo tago baaqyo nabadeed oo hawada loo mariyey dhinacyadan is haya. Gelinkii dambe ee shalay waxaa deegannadan ka dhacay dagaallo xooggan, waxaana ku dhintey dad ka badan 5 sidey soo sheegayaan dadka deegaanka. Dhinacyadan is haya ayaa murankooda wuxuu ka bilowday waraabka xoolaha, iyadoo dagaalladan intii ay socdeen ay sababeen khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jirta. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Baay ayaa sheegaya in qeybo kamid ah Gobolka ay maleeshiyaadka al-Shabaab ku toogteen dad dhan 5 ruux. Maleeshiyaadka ayaa toogashada ku fulisay Shanta ruux oo ay ku eedeeyen inay la shaqeyn jireen Hay’adaha Sirdoonka Somalia iyo kuwa reer Galbeedka ah. Xukunka dilka toogashada ah ayaa ka dhacay Degaanka Iidaale oo qiyaastii magaalada Baydhabo ujira 60-KM, waxaana si gaara loogu eedeeyay inay la kala shaqeyn jireen Mareykanka, DF, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. Qaadiga Maleeshiyada ee Baay iyo Bakool ayaa goobta dilka ka sheegay in 5-ta ruux lagu helay dambigii lagu soo oogay, kadibna lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa oo lagu xukumay. Eedeysanayaasha lagu fuliyay xukunka dilka ah ayaa waxaa lagu kala magacaabaa: 1-Mahad Cali Xasan oo Shabaab ay sheegeen inuu la shaqeynayay ciidamada Bancroft ee Maraykanka uu tababaray. 2-Jibriil Saalax Xaaji Maxamed oo la shaqeynayay Sirdoonka Dowladda Federaalka. 3-Mahad Cabdi Axmed oo 21 jir ahna wuxuu la shaqeynayay sirdoonka maamulka Jubbaland. 4-Maxamed Cali Aadan oo la shaqeynayay dowladda. 5-C/casiis Ibraahim Maxamed uu la shaqeynayay maamulka Koonfur Galbeed. Si kastaba ha ahaatee, maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa lagu eedeeyaa in inta badan ay xukuno khaldan ku ridaan shaqsiyaadka iyaga ka tirsan oo ay u arkaan inay caqabad ku yihiin howshooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Al-Shabaab oo xukun toogasho ah ku fulisay 5 Ruux oo la eedeeyay (Magacyada) appeared first on Caasimada Online.
  22. Kumannaan Soomaali oo laga soo saaray xerada Dhadhaab ayaa waxaa ay barakac iyo macluul ku heystaa gudaha Soomaaliya, sidaasi waxaa sheegtay hey’adda Amnesty International Qaar ka badan oo dadkaasi ka mid ah waxaa ay sheegeen in ay Kenya uga soo tageen markii dowladda Kenya sidaasi dalbaday, oo cabsi ay dareemeen oo markii hore iyaga aanay raalli ka aheyn in ay Soomaaliya ku soo noqdaan. “Si ay qaxootiga u soo noqdaan, Kenya waxaa ay Soomaaliya ka sameysay waxyar oo amni ah balse qeybo badan oo dalka ah waxaa ka jira dhibaato badan sidaasi waxaa Amnesty International u sheegay Maxamed oo madax ka ah mid ka mid ah meelaha barakacayaasha joogaan. “Qaxootigii Soomaaliya uga soo cararay abaarta, baahida iyo dagaallada ayaa mar kale lagu qasbay in ay dib ugu soo noqdaan, dad badan ayaa waxaa ay heysataa dhibaato la mid ah middii ay markii hore ka tageen, dibna uma noqon karaan”. Soomaaliya oo dhibaato badan ka jiraan, waxyeellada dadka ee inta u dhaxeysay January 2016 illaa October 2017 waxaa lagu sheegay 4,585 oo rayid ah. Sida ay OCHA sheegeyso Soomaaliya hadda waxaa ka jira gaajo iyo abaar dad badan ay ka cabanayaan taasi oo u baahan gargaar degdeg ah. November 2017 wixii ka horeeyay waxaa la diiwaan-geliyay 2.1 million oo barakacayaal ah, biyo yarida dalka ka jirta waxaa ay keentay in shuban-biyood u dhintaan ugu yaraan 1,155 intii u dhaxeysay January iyo July 2017. Goobjoog News Source
  23. Boqorka Sacuudiga Salmaan Binu Cabdi Caziiz iyo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa qadka teleefoonka ku wada hadlay iyaga oo ka wada xaajooday dadaallada la-dagaalanka argigixisada iyo xaaladda Yeman. Emmanuel Macron ayaa uga mahad-celiyey boqor Salmaan dadaalka ay boqortooyada ay ku bixineyso la dagaalanka argigixisada iyo xagjirnimada isaga oo dhanka kale eedeyn dusha u saaray kooxaha Xuutiyiinta kuwaasi oo gantaal ku soo tuuray madaxtooyada Sacuudiga. Mr. Macron ayaa carabka u adkeeyay in laga hortago dhaqdhaqaaqyada ay Iran ka wado gobolka arrintaasi oo qal-qalgalineyso amaamnka gobolka. Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay 13,December inay ku bixineyso lacag dhan 100 malyuun oo Yuura ah howlgalka ladagaalanka Argigixisada dowladaha xeebaha Afrka oo ay ka mid yihiin Mali, Mauritania, Burkina Faso, Niger, iyo Chad. Goobjoog News Source
  24. Sida ay sheegtay wakaaladda wararka Suudaan madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir iyo dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa magaalada Khartoum ku kala saxiixday barnaamijyo Iskaashi. Banaamijyada ay saxiixdeen waxaa ka mida Barnaamijka Iskaashiga Istiraatiijiyadda, iyo in la aas-aaso gole iskaashi oo istiraatijiyadeed oo heer sare ah kana dhaxeeya Turkiga iyo Suudaan. Wakaaladda ayaa sidoo kale sheegtay, in labada dal ay saxiixeen heshiisyo ku saabsan wadaagga ganacsiga iyo dhaqaalaha heshiiskaan ayaa dhanka Suudaan u saxiixay Xaatim Al-siri wasiirka ganacsiga, halka Turkiga uu u saxiixay wasiirka dhaqaalaha Nihaad. Heshiisyada kale oo ay kala saxiixdeen waxaa ka mida iskaashiga Portocolka dhanka Teknoloojiyadda iyo warshadaha,Beeraha, Howdka,waxbarashada iyo dalxiiska. Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdoğan ayaa shalay booqasho ku tagay dalka Suudaan waxaana la socday qaar ka mida wasiirada xukuumadiisa iyo ku dhawaad 200 oo ganacsato Turki ah. Goobjoog News Source
  25. Marka la fiiriyo sida uu u dhacay kiiska loo heystay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, laga bilaabo soo qabashada ilaa go’aanka maxkamadda waxaa muuqanayo gafaf kala gedisan oo dhinaca sharciga ah, hadii alle idmo waxaan qormadan ku iftiimindoonaa gafafka dhinaca sharciga ah ee kiiskaas anigga oo ka eegi doono arintan 4 dhinac oo ah kuwa hoos ku qoran: Sharci ahaanshaha Hanaanka soo xirista Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Waa maxay qodobada sharci ee loo gafay Horgeyntii 1aad ? Habiinimadii 21aad ee C/raxmaan la siidaayay Maxaa sharci ahaan loo gafay? Sidee u dhacday Horgeyntii 2aad ? Sharci ahaanshaha Hanaanka soo xirista Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Ugu horreyntii mabda’a Guud waxa uu yahay in Qofka marka lasoo Xirayo ama Xuriyadda Laga qaadayo loo baahan yahay in la heysto Amar soo qabasho oo ka soobaxay maxkamadda awoodda u leh , hadii aysan jirin xaaladaha ku xusan Qod. 38 aad35aad, 36aad, 50aad ee XHC oo kala ah, Iney jirto Xaalad dag dag ah lana hayo caddeymo ku filan in qufka la xirayo uu galay dambi ciqaabtiisu culustahay isla markaana aan laheli Karin amar maxkamadeed oo lagu soo xirayo qufkaas iyo in laga cabsi qabo inuu fakado ruuxaas hadii aan si dag dag ah loo xirin. Habada qof kasta oo laxirayo ayada oo aan laheysan Amar Maxkamadeed waxaa lama huraan ah in ciddii soo xirtay ay caddeyso jiritaanka shuruudaha aan soo sheegnay, taasoo Micnaheedu yahay in si cad loo caddeeyo iney jirtay xaalad dag dag ah iyo caddeymo macquul ah oo tilmaamayo in shaqsiga xuriyadda laga qaaday uu galay danbi culus, isla markaasna uu fakan lahaa hadii aan isla markaa la xirin, mana muuqato in arintaas ay jirtay ama la caddeyay. Waxaa kaloo xusid mudan iney gaf cad ahayd gelida Hooyga Cabdiraxmaan iyo Xiliga lagalay , qod. 19aad ee DJFS waxa uu mamnuucayaa gelista, baarista iyo basaasida hooy uu si gaar ah u leeyahay Shaqsi hadii aan loo heysan amar maxkamadeed oo sababeeysan, Sidoo kale waxaa tilmaan mudan in soo qabasho iyo baarisba aan laga fulin Karin hooy ladagan yahay laga bilaabo 6:00Pm ilaa 7:00AM, fiiri Qod. 44aad iyo 56aad ee XHCS hasa yeeshee waxaa jira xaalado gaar ah oo labaneeyay in guriga Qufka la baari karo ayadoo aan loo heeysan amar maxkamadeed sida marka ay suurtoowdo in labaabi’iyo ama la tirtiro walxaha marag muujinta iyo marka laga cabsi qabo inuu baxsado ruuxa labaadi goobayo. Fiiri Qod. 58aad ee XHCS,sharci ahaan ma banana in shaqsi hooygiisa lagalo ama la baaro ayada oo aan laheysan amar maxkamadeed oo sababeysan si waafaqsan qodobka 30, 31, 58XHC, hadii aan si cad loo caddeyn Karin labada shardi ee aan soo tilmaannay, waxaa iska cad in aan lahelin mid ka mid ah laba shardi ee sare ku xusan. Waa maxay qodobada sharci ee loo gafay Horgeyntii 1aad? Waa maxay Horgeyn? Horgeyn waa marka ugu horeysa ee la horgeeyo qofka lagu soo xiray amar qabasho ama amar qabasho la’aantiis garsoore kamid ah Maxkamadda awoodda u leh. Sida uu qabo qod.35aad ee DJFS iyo 39aad ee XHC , cid kasta oo la soo qabtaa ayada oo aan laheysan amar maxkamadeed waxaa waajib ah in lagu horgeeyo Maxkamadda awoodda u leh mudo 48saac gudahood ah , waxaana loo baahan yahay in sargaal Boolis ah uu garsooraha horkeeno edeeysanaha asagoo wado warbixin kooban oo iftiimineeysa arimaha hoos ku qoran: Xaqiiqada dhacdada iyo sababaha Xariga. Caddeymaha la helay oo faah- Faahsan Faah- faahinta Astaamaha Guud ee Qufka la xiray Dhinaca Dhibanaha . Marqaatiyaasha ama dadka wax ka og Faldanbiyeedka dhacay. Garsooraha marka la horgeeyo qofka la soo xiray, ha lagu soo qabto amar qabasho 45/XHC ama amar qabasho la’aantiis 39/XHC waxaa waajib ku ah in uu qaado tallaabooyinka ku xusan qodobada 32/XHC iyo 39/XHC, isaga oo ku horeynaya tallaabooyinka ku xusan qodobka 32/XHC oo ah in uu xaqiijiyo: In la ilaaliyay lana raacay hanaanka soo xirista ee sharcigu uu jideynayo iyo in kale Inuu jiro daahid aan caqli gal aheyn oo lagala daahay in garsooraha hortiisa lagu keeno 48saac Gudahood iyo in kale Hadii ay u soo baxdo wax xadgudub ah ama gaf loo geystay sharciga iyo hanaanka soo xirista waxaa waajib ku ah garsooruha inuu qaado tilaab oo uu amaro in cidda xadgudubka geysatay lagu oogo dacwad ciqaab ah hadii uu xadgudubku yahay fal dambiyeed ku xusan xeerka ciqaabta hadii kalane uu amaro in tilaabo anshax marin ah laga qaado cidda mas’uulka ka ah xadgudubkaas. Sidoo kale garsooruhu markuu darso warbixinta Booliska waxaa u furan sadax arimood mid kood: Inuu Go’aamiyo in eedeeysanaha aan dacwada lagu oogi Karin si waafaqsan 77 ee XHCS. haddii dambiga uusan ahayn mid ay tahay in la soo saaro amar qabasho waajib 42/XHC ama ikhtiyaari ah 43/XHC amaba qabashadu aysan waafaqsanayn qodobada 35, 36, 38, 50 XHC in si degdeg ah loo siidaayo eedeysanaha. inuu amro in xabsi ku meel gaar ah loo diro eedeeysanaha 46/XHC, haddii aanu u arkin in damaanad lagu siidaayo 59-60/XHC. Waa maxay Gafafka la galay horgeyntii 1aad? Kuwan waa gafafka sharci ee horgyentii 1aad: Garsooruhu kama hadlin waxbana kama soo qaadin dilkii dhacay intii lagu guda jiray soo qabashadii eedeeysanaha, arintaas oo ahayd in Garsooruhu uu u eego si waafaqsan Qod. 32aad XHCS, una qaado talaabooyinka ku xusan qodobkaas. Garsooruhu waxa uu siiyay 24saac in xafiiska Xeer Ilaalinta uu ku sameeyo baaris dheeri ah, arintaas oo aan ka mid ahayn sadaxdii tilaabood ee garsooraha u furneed ee aan horay u soo tilmaanay. Cidda maxkamadda horkeentay eedeeysanaha waxa ay ahayd Xafiiska Xeer Ilaalinta iyo Saraakiil ka tirsan NISA arintaasna waxa ay khilaafsan tahay sharciga gaar ahaan 39 aad XHCS oo sheegayo in cidda sameyneysa horgeynta ay tahay Sargaal booli ah. Gafafka Sharci ee lagalay Habeenkii 21aad ee la siidaayay C/raxmaan Waxaa lagu siidaayay habeenkaas warqad lagu sheegay damaanad oo uu xeer- Ilaaliyaha Guud damaanad ku siiyay C/raxmaan, damaannadaas oo ay qaadeen dadka kala ah Gudoomiyaha Gobalka Banaadir iyo labo Madaxweyne Goboleed, Iyadoo lawada ogyahay in Qodobada uu ku eedeeysnaa Cabdiraxmaan uu ka mid ahaa 184 ee XCS oo ciqaabtiisu ay tahay Dil. Qaladaadka sharci ee Habeenkaa Dhacay waxaa ugu waaweeyn : In Xeer Ilaaliyaha Guud uu Bixiyo damaanad, arintaas oo khilaafsan Qod. 60aad ee XHCS oo awoodaas siinayo Garsoore oo kaliya Sidoo kale Qodobada loo heystay Cabdiraxmaan oo aan laheyn damaanad. Fiiri Faqrada 3aad 59aad XHC. Horgeyntii 2aad maxaa loo gafay? Horgeyntii 2aad waxay dhacday maalintii 21aad, waxaa loo baahnaa sida uu qabo qodobka 39aad ee XHCS in sargaalka boolis uu garsooraha horgeeyo eedaysanaha iyo warbixin kooban oo ay ka muuqdaan arimahan: Xaqiiqada dhacdada iyo sababaha Xariga. Caddeeymaha la helay oo faah- Faahsan Faah- faahinta Astaamaha Guud ee Qufka la xiray Dhinaca Dhibanaha . Marqaatiyaasha ama dadka wax ka og Faldanbiyeedka dhacay Garsooraha waxay aheyd in uu hubiyo arimahan iyo in uu jiro xadgubyo ah kuwa ku xusan qodobka 32aad ee XHCS, kadibne uu eedaysanaha siidaayo ama xibsi KMG udiro, heyeeshee ayaga oo dhinacyada iyo maxkamaddube ay isku waafaqsan yihiin in marxalada la joogaa ay tahay horgeyn ayaa waxaa arintu u dhacday sida dacwad la dhageysanayo oo dood afeed dheer maxkamadda horteeda ka dhacday Ayada oo loo baahnaa in lagu akaado talaabooyinka ku xusan qodobada 32, 39/3 XHC, dood afeedkii maxkamadda horteeda ka dhacdayne ay khilaafsanayd qodobka 39/6/XHC, oo sheegaya in aan wax su’aal ah la waydiin karin qofka la soo qabtay haddii aanu isaga dalban in uu maxkamadda la hadlo, su’aaluhuna ay ku koobnaadaan kaliya waxii la xiriira warka uu sheegay. Dabeecada iyo nooca go,aanka maxkamadda marxaladda horgeynta Go,aannada la soo saaro inta lagu jiro marxaladda horgeynta waxaa loo qeybin karaa 3 nooc oo kala ah: Go,aan in aan eedaysanaha lagu oogi Karin dacwad ciqaab ah oo u dhigmo xukun si waafaqsan qodobka 77aad ee XHCS, go, aankan racfaan ayaa ka furan hadii uusan ku soobixin darafka uu lidka ku yahay si uu raali kayahay ama tala gelintiisa, Si waafaqsan qodobka 208/4/B-C/XHC, oo sheegayo in aan laga qaadan karin rafcaan haddii dhinaca go’aanka lidka ku yahay uu ogolaanshihiisa ama codsigiisa ku soo baxay, si lamid ah Xeer-Ilaaliyuhuna aysan u furnayn rafcaan haddii aanu wax diidma ah kamuujin markii lagu dhawaaqay go’aanka. Go,aan eedaysanaha lagu siidaayay sababo laxiirra hanaankii soo xirista oo aan la dhowrin, go,aanka noocani ah wax racfaan ah kama furana laakin dambi oogaha waxaa ufuran in uu isla dambigaas soo oogo hadii uu saxo hanaanka soo xirista. In uu eedeysanaha u diro xabsi kumeel gaar ah 46/XHC, haddii uusan u arkin in uu damaanad ku siidaayo eedeysanaha 59-60/XHC Gabagabo Kuwan waa gafafka ugu muhimsan ee ka muuqday kiiska siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, ayada oo ujeeddada qormadani tahay oo kaliya in la iftiimiyo qaladdadkaas sharci si aanay markale u soo laaban iyo in dadwaynuhu ay u fahmaan sida sharcigu yahay iyo sida wax u dhaceen in ay is leedahay ama ay kala duwantahay. Waa qoray Xafiiska Qareennada Hedegan oo uu Madax u Yahay Dr. Daahir Maxamed Cali. Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Ilaa intee sharciga la waafajiyay soo xiristii iyo siideyntii CC Shakuur? appeared first on Caasimada Online.