Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,114
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Shir u dhexeeya Guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya iyo Guddoomiyaasha Baarlaamanka Dowad Goboleedyada dalka ayaa goor dhow ka furmaya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG K/Galbeed. Shirka oo socon doona muddo saddex maalmood ah,ayaa diiradda lagu saaraya xoojinta xiriir iyo wada-shaqeynta Baarlamanka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed,sida ay soo werisay Wakaaladda Wararka SONNA. Guddoonka Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa horay uga soo horjeestay shirkaan oo uu ku tilmaamay”mid lagu burburinayo Nidaamka Federaalka,islamarkaana abuuraya khilaaf cusub”. Madaxweynihi hore Puntland ahna Xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya,Cabdiraxmaan SH Maxammed Maxamuud(Faroole) oo shir jaraa’id Axaddii ku qabtay magaalada Garoowe ayaa dhankiisa Guddom,mgudoomioujonka Golaha Shacabka ku eedeeyay”in uu faro-gelin ku hayo Dowlad Goboleedyada dalka”. Sidoo kale hay’adda UNDP oo la sheegay in ay maalin-gelinayso shirka ka furmaya magaalada baydhabo,ayaa faroole ku eedeeyay in ay ka qayb qaadanayso burburinta Nidaamka Federaalism-ka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Shir muran dhaliyay oo Maanta Baydhabo ka furmaya. appeared first on Puntland Post.
  2. Hadal Qoraal ah oo ku aaddan Dhamaadka Sanadka oo uu soo saaray Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Michael Keatin, waa uu u qornaa sidan: Dadka Soomaaliyeed waxaa heysta qaar kamid ah xaaladaha noloeed ee ugu adag adduunka. Malaayiin ayaa dadaal ugu jirta sidii ay ula qabsan lahaayeen cawaaqibkii ka dhashay abaarta. Amni darradu waa xaqiiqo nololeed oo heysata qof kasta. Sanadka 2017ka wuxuu soo maray xilliyo badan oo aad u khatar badan, oo ay kamid ahayd qarixii khasaaraha ba’an geystay ee 14kii Oktoobar kaas oo galaaftay nolosha dad aad u badan. Laakiin inkastoo ay jiraan caqabadahaas waaweyn, ayaa sanadka 2017ka wuxuu soo arkay oo uu soo maray horumar dhab ah. Arrimahaas waxay mudanyihiin in wax laga tilmaamo maadaama warar xun oo kaliya la maqlo kuwaas oo qabsaday tebinta warbaahinta isla markaana hoos u dhigaya sumcadda Soomaaliya. Sadankii lasoo dhaafay waxaa laga hortegay [inay dillaacdo] macluul, dowladda ayaa ku mahadsan dadaallada ay hormuudka u ahayd oo ay ka qaybqaateen ganacsatada, ururada bulshada iyo qurbajoogta. Deeqbixiyeyaasha caalamiga ah ayaa si aan caadi ahayn u ahaa kuwo deeqsi ah. Hay’adaha gargaarka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay, hay’adaha aan dowliga ahayn ee maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah (NGO-yada) ayaa qabtay hawl qiimo badan oo [gargaar] lagu gaarsiinayo dadka u baahan, oo ay ku jiraan malaayiin barakacayaal cusub ah. Sanadka 2017ka waxaa si nabad ah loo wareejiyay awooddii/xilkii madaxweyne. Waxaa la asaasay Aqalka Sare, oo matalaya gobollada. 80 xubnood oo haween ah ayaa kuraas ka helay baarlamaanka, kuwaa oo isku darka tiradooda labada aqal ay noqonayso 24 boqolkiiba waana wax qiimo badan. Dowladda Federaalka ah ee cusub waxay billowday tiro is-bedello ah oo haddii la raaco/dhaqangeliyo sanadka soosocda, ballanqaadaya in inay hagaajiyaan nolosha dadka. Is-bedelladaas waxaa kamid ah heshiis ay la gaartay Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah oo ku aaddan qaab-sameynta amniga qaran iyo qorshayaal dib loogu dhisayo ciidanka xoogga dalka iyo booliska. Waxaa la ansixiyay hanaan loogu talo galay garsoorka iyo ciidanka asluubta. Waxaa lagu heshiiyay qorshaha horumarinta qaranka – waana kii ugu horreeyay muddo tobaneeyo sano ah. Dowladda Federaalka ah waxay qaadaysaa tallaabooyin ay dib ugu hagaajinayso canshuur ururinta iyo maareynta dhaqaale. Tallaabooyinkaas waxay dalka usii gogol xaarayaan tubtii uu u mari lahaa cafiska deymaha lagu leeyahay, amaahda la siiyo hay’adaha dowladda iyo waaxda/ganacsiga gaarka loo leeyahay oo kororta, iyo in lacag badan loo helo adeegyada asaasiga ah iyo kaabayaasha. Baarlamaanku aad ayuu u mashquulsanaa. Sharciyo badan ayaa la meel mariyay, sida Xeerka Isgaarsiinta Qaranka oo ka marqaati kacaya wada-shaqayn heer sare ah oo ka dhexeysa ganacsiyada waaweyn iyo dowladda. Marka lagasoo tago dareenka siyaasadeed, sanadka 2017ka waxaa sii xoogeysanayay oo sii ballaaranayay wada-shaqaynta ka dhexeysa Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ha. Tani waxay gacan ka geysanaysaa in waddada loo furo qorshayaal lagu hirgelinayo dib-u-habaynta waaxda amniga, dib-u-eegista dastuurka federaalka ee kumeelgaarka ah, heshiisyada lagu wadaagayo kheyraadka iyo dakhliga, iyo qeexidda hanaanka doorasho oo nooqon doona mid dadka codeynaya tiradoodu aad u badnaan doonto sanadka 2020ka. Al Shabaab ayaa leh awood ay u adeegsato weeraro culus, oo badanaa ay khasaaro laxaad leh kasoo gaaraan dadka rayidka ah. Kooxdu waxay ka faa’iideysataa oo ay ku awoodeysataa, iyadoo waxyaabo kale ay jiri karaan, maqnaanshaha dowlad maxalli ah oo shaqaysa iyo colaadaha tirada badan ee ka jira dalka. Heshiiskii siyaasadeed ee dhowaan ay kala saxiixdeen Ahlu Sunna Wal Jamaaca iyo maamulka Galmudug ayaa ah horumar aad u wanaagsan, wuxuuna saadaal wanaagsan u yahay horumar laga gaaro dib-u-heshiisiin ka dhacda Gaalkacyo. Soomaaliya waxay sanadka 2017ka kusii naalooneysaa taageero caalami ah oo heerkeedu sarreeyo, sida uu ka marqaati kacay shirweynihii caalamiga ahaa ee ka dhacay London bishii May, laguna qabtay Muqdisho bisha Diseembar. Ciidamada Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya (AMISOM) waxay dowr muhiim ah, oo ay ku kacayso qiimo badan, ka cayaarayaan ilaalinta qaybo ballaaran oo kamid ah dalka waxayna jawi u abuurayaan dhismaha dowladda. Sidaas darteed, sanadka 2017ka siyaabo badan ayuu qiimo u lahaa. Laakiin ma jiro qof yareysan karo [ama dhayalsan karo] caqabadaha na hor yaalla, iyo arrimaha hallistooda leh ee sii socda ee dib u dhaca leh oo xattaa khalkhal ku noqon kara horumar dheeraad ah. Arrimahaas waxaa kamid ah musuqmaasuq baahsan, oo inta badan hareeya siyaasadda, iyo rabitaanka dadka ka dallaala awoodaha [siyaasadeed] oo ah inay colaad u adeegsadaan, ama colaad ugu hanjabaan dadka kasoo horjeeda. Waxaa kale oo arrimahaas kamid ah in la ixtiraami waayo Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah, sarreynta sharciga iyo xuquuqul insaanka. Waxyaabahaas oo dhan waxay u danaynayaan oo ka faa’iideysanaya xagjiriinta. Dadka Soomaaliyeed waxay mudanyihiin wax ka badan inay indhaha ka daawadaan oo kaliy in kuwa ugu dhaqaalaha/awoodda badan ay u kala tartamaan dano shakhsiyadeed iyadoo lagu jiro waqti dadka Soomaaliyeed ay heysato xaalad adag iyo amni darro. Dadka da’da yar, gaar ahaan, waxay rajeynayaan wax sidaas ka wanaagsan; waa mustaqbalkooda waxa khatarta ku sugan. Haddii lagu guuleysan waayo in siyaasadda lagu xiriiriyo horumar la taaban karo, la ixtiraami waayo xeerarka asaasiga ah oo dhamaan bulshada qaybeheeda, oo ay kamid yihiin haweenka, dhalinyarada iyo dadka laga tira badanyahay laga qayb-gelin waayo, ayaa taasi waxay keeni kartaa khatar sii fogeyn karta [dadkaas] iyo niyad wanaagga beesha caalamka oo sii yaraada, iyadoo Soomaaliya ay si weyn ugu tiirsantahay beesha caalamka. Casharro ayaa laga baran karaa sanadka 2017ka, kuwo wanaagsan iyo kuwo xun intaba. Casharka ugu muhiimsan ayaa noqon kara marka ay wada-shaqeeyaan jilayaasha ugu awoodda badan, haddii ay noqon lahaayeen Dowladda Federaalka ah, Dowlad Goboleedyada, xubnaha baarlamaanka, odayaal dhaqameedyada, ganacsatada ama beesha caalamka, in la gaari karo horumar weyn. Haddii aanay wada shaqyn, in khatartu ballaarantahay. Waddada loo marayo dhismaha hay’ado la aaminsanyahay oo lala xisaabtami karo iyo dowlad dimoqoraadiyaddeedu saldhigatay ayaanan ahayn waddo sahlan. Karaamada [qabka] iyo dareenka madaxbanaani ee lagu yaqaan dadka Soomaaliyeed ayaa hubanti ka dhigaya in waddadaasi ay noqon doonto mid midabyo badan, qodaxyo badan, is-bedello iyo gad-gadoon yeelan doonta. Waa in colaadda aanay helin meel ay degto, waana in talinta sharcigu ay sare martaa. Haddii kale waxaa baaba’aya fursadaha lagu abaabulayo is-beheysiyada iyo niyad wanaagga si wax looga qabto caqabadaha na horyaalla – hawlaha bani’aadanimo, dhaqan-dhaqaale, kuwa la xiriira amniga, ama haddii ay ahaan lahaayeen dhismaha hay’ado la aaminsanyahay oo waxyaabo faa’iido leh u qaban kara dadka. Shakhsi ahaan, rajo wanaagsan ayaan ka qabaa arrimahaas, waxaana dhiiri-geliyay waxyaabihii qabsoomay ee laga guul gaaray, anigoo ogsoon sida xaaladdu ay weli u tahay mid adag. Fadlan iga guddooma hambalyadeyda ugu wanaagsan ee sanadka cusub, waxaana idiin rajeynayaa nabad, barwaaqo, guul iyo midnimo ka dhexeysa dadka Soomaaliyeed. Source
  3. Garowe (Puntlandi) Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Cabdixakiin Camey ayaa beeniyay inay gacmo kale ku lug leeyihiin colaada ka taagan koonfurta gobolka Sool, halkaasi oo ay ku dagaalameen beelo walaalo ah oo horey colaadi udhex taalay. Eng, Camey ayaa dadka u sheegay colaadani inay tahay mid soo noq noqotay oo lamid ah kuwii horey u dhacay, wuxuuna cambaareeyay dadka warbaahinta ka sheegaya inay gacmo kale hurinayaan colaadaa ama ciidamo dowladda katirsan ay colaada ka qeyb qaateen.. “Colaadaan muddo dheer ayay soo jirtay, waxbana kaga duwana kuwii hore, balse, waana ceeb nagu ah in la yiraahdo qolo hebel ayaa ku jirta, maxaa yeelay dadka is dagaalaya waa dad wada dhashay oo isu dhow, mana aaminsani inay jirto cid raali ka ahayd in colaadani soo noqoto, balse waxaa dhacay waxay ahaayeen qorshe xumo aan la filayn,” ayuu yidhi Camey. Madaxweyne ku xigeenku wuxuu sheegay isaga iyo madaxweyne Gaas inay arrintaan sidii ugu haboonayd ay u wajaheen islamarkaana aysan nasanin illaa iyo maalintii colaadaan bilaabatay, balse wuxuu dadka xasuusiyay qadarta ilaaheey qoray inaan cidina celin karin. Wuxuu ugu baaqay labada beelood ee inuu caqligu shaqeeyo oo nabada laga shaqeeyo islamarkaana odayaasha loo daayo inay xaliyaan colaadaan aafeysay degaanka. Halkaan ka dhegayso codka Camey. Camey sax by Abdiweli Sheikh
  4. Shir wadda tashi nabadeed oo la xiriira xal-u-helka xurgu蹅hii colaadeed ee ka soo dhax cusboonayd oodwadaagta xoolaha dhaqatada ah ee Hawdka Cagaarre ayaa maalmihii ugu dambeeyey ka socday magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Halkaan ka daawo waxyaabihii kasoo baxay.
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisa ay ka shaqeyn doonto sida Saraakiisha da’da yar loogu dhiibi lahaa Hoggaanada iyo qeybaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka. Farmaajo waxa uu sheegay in arrinkaas uu la wadaagi doono xitaa Taliyayaasha Ciidamada, si buu yiri loo tijaabiyo Saraakiisha da’da yar ee u hamuunqaba inay waxbadan ka bedelaan xaalada dalka. Farmaajo waxa uu tilmaamay inay doonayaan inay arkaan dhalinyarada ciidamada ah ee tababarada kusoo qaatay dalka dibadiisa oo hogaaminaaya Ciidamada dowlada. Waxa uu Madaxweyne Farmaajo cadeeyay inay ahmiyad gaara u leedahay in talada dalka ay u gacan gasho dhalinyarada isbedel doonka ah, halka ay ka qaban lahaayen dadka da’da ah. Jen/ C/wali Jaamac Gorod, oo ah Taliyaha Ciidanka xoogga dalka, oo ka duulaaya haddalka Farmaajo ayaa isna shaaca ka qaaday in Saraakiil dhalinyaro lagu wareejin doono hoggaanada iyo qeybaha Ciidamada xoogga dalka. Jen Gorod ayaa tilmaamay inay dhaqan galin doonaan talada uu Madaxweyne Farmaajo soo jeediyay, waxa uuna cod dheer ku sheegay in la dareemi doono isbedelka, iyadoo la aqbalaayo hadalka Madaxweynaha. Haddalka Farmaajo ayaa kusoo beegmaaya iyadoo Talisyada ciidamada ay xaqireen kaalinta dhalinyarada lagu soo tababaray dalka dibadiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Farmaajo oo amar ku bixiyay wax kabedelka hal arrin oo lagu liidaayo Saraakiisha da’da yar appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle uu ka dhaco kulanka Golaha baarlamaanka maamulka oo ka duwan kuwii hore. Kulanka oo xiisad gaara leh ayaa waxaa baarlamaanka lagu horgeyn doonaa Golaha Wasiirada cusub ee Maamulka Hirshabelle. Xildhibaanada ayaa kulanka codka kalsoonida ah kusiin doona Golaha Wasiirada oo dhawaanahaani magacaabidooda ay ka taagneyd dood. Maxamed Yuusuf oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle, ayaa sheegay in saakay Golaha Wasiirada la horgayn doono Baarlamaanka. Waxa uu horgeynta ku sheegay in Golaha Wasiirada loogu raadinaayo codka kalsoonida, si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo. Sidoo kale waxa uu Xildhibaanka rajo ka muujiyay in maanta la ansixin doono Golaha Wasiirada uu dhawaan soo magacaabay Madaxweyne Waare. Xildhibaanada ayaa goor sii horeysay sheegay inaanay codkoodu siin doonin Golaha Wasiirada oo ay ku eedeeyen inaan lagu soo xulin cadaalad. Docda kale, kulamo gaar gaar ah ayaa Saaka ka socda Madaxtooyada HirShabelle kaa oo u dhexeeya Wasiirada cusub iyo Xildhibaanada maamulka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Kulamo ka socda magaalada Jowhar & Xildhibaanada HirShabelle oo go’aan ka gaaray Wasiirada cusub appeared first on Caasimada Online.
  7. Xildhibaannada Baarlamanka Hirshabeelle ayaa Maanta lagu wadaa in ay ansixiyaan Golaha Cusub ee Wasiirada uu dhowaan soo magacaabay madaxweyne Maxammed cabdi Waare. Weriye ku sugan magaalada Jowhar ayaa PUNTLAND POST u sheegay in Xildhibaannadu ay Maaanta yeelanayan kulan aan caadi ahayn oo lagu ansixinayo wasiirada,kadib markii la xalliyey khilaafkii ka dhashay magacaabistooda. Qaar kamid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Hirshabeelle ayaa horay u dhaliilay qaabka uu madaxweyne Waare u magacaabay Golaha Wasiirada Cusub,waxayna ku eedeeyeen in uusan raacin saami qaybsiga saxda ah ee dhammaan beelaha dega Hirshabeelle. Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxammed ayaa maalin ka hor xidhibaannada ku wargeliyay kulankaan aan caadiga ahayn,waxaana warar hoose sheegayan in xildhibaannada badankooda laga qanciyey dooddi ay ka qabeen magacaabista Golaha Wasiirada. PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirada Cusub ee Hirshabeelle oo la filayo in Maanta la ansixiyo. appeared first on Puntland Post.
  8. Guatemalan President Jimmy Morales announced in a Facebook post on Sunday that the Latin American country would be moving its embassy in Israel to Jerusalem. The announcement makes Guatemala the first country to follow the U.S. decision to move its embassy to Jerusalem. President Trump’s Dec. 6 announcement, that the U.S. would change decades of U.S. policy and recognize Jerusalem as Israel’s capital, was met with clashes between Palestinian protesters and Israeli security forces. Colin Dwyer and Scott Neuman reported for The Two-Way earlier this month: “Though Congress passed a law in 1995 ordering the U.S. Embassy to be moved to Jerusalem, successive presidents — including Trump, earlier this year — have issued a series of six-month waivers to forestall the move. “No other country has established its embassy in Jerusalem, which is sacred to Jews, Muslims and Christians. Its final status has been a central point of contention in peace talks for decades.” Trump didn’t set a timetable for moving the U.S. Embassy, and neither did Guatemala’s president. In his post on his official Facebook account Sunday, Morales said that after talks with Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu, he decided to instruct Guatemala’s foreign ministry to move the embassy. The United Nations General Assembly has overwhelmingly rejected the Trump administration’s decision to recognize the disputed city of Jerusalem as Israel’s capital. By a 128-9 vote Thursday, the diplomats gathered in New York City ignored U.S. objections and approved a nonbinding resolution calling on countries to avoid moving their embassies to Jerusalem. Guatemala was one of seven countries to join the United States and Israel in voting against the resolution. No other country has their embassy for Israel in Jerusalem, but there are reports that the Czech Republic and Romania are said to be considering such a move. Source: – NPR The post Guatemala follows U.S. lead, will move its Israel embassy to Jerusalem appeared first on Caasimada Online.
  9. LONDON — Refugee, strawberry-picker, economist, U.N. whistleblower and tech CEO: Ismail Ahmed has worn many hats on his long journey to running a firm with an annual turnover of $60 million. Along the rocky road to success, the cheerful 57-year-old has survived the ravages of war-torn Somalia and ostracization after calling out corrupt practices. He now employs hundreds of workers worldwide — a remarkable outcome for a man whose integrity once left him, in his own words, “not only unemployed, but unemployable.” Ahmed created a business that allows customers to transfer money from 50 countries to over 140 locations across the globe with the tap of a finger. As a British national who grew up in east Africa, he has been both a recipient and a sender of desperately needed cash and knows firsthand how critical such a service can be, especially at a time when anti-immigration sentiment is high in the United States, Europe and elsewhere. It was 2005, shortly after the U.N.’s Oil-For-Food scandal, and the international body promised that there would be zero tolerance for corruption and promised to strengthen protection for whistleblowers. He sent an anonymous complaint to the U.N. via email and officials from New York came to investigate his allegations. But he said it became clear they were intending to cover up the corruption, rather than investigate it. Ahmed began to formally document what he was witnessing, and put together a 1,000-page dossier that he submitted under the U.N.’s new whistleblowing guidelines. He was immediately relocated to Dubai, and that’s when the threats began. “One of my most senior bosses flew to Dubai and told me, ‘Look, you have a great CV, I know you are passionate about remittances, you’ve got a great future, family. Don’t do this stuff,’” Ahmed recalled. “He said, ‘If you proceed, you will never be able to work in remittances. You will lose your job.’ It was an incredible threat.” But Ahmed was undeterred. His contract was immediately terminated. By now it was 2008, at the height of the financial crisis, and he was the father of two young boys. “So that’s when I decided, the only way I could go back to remittances would be if I set up my own company.” The WorldRemit app seen on a smartphone. WorldRemit He returned to London and to school to get his MBA. After the U.N. didn’t take any action on his dossier, he went public and shared it with Reuters. The charges, and his allegations that he was terminated for making them, were finally escalated to the U.N.’s Ethics Committee. Almost exactly four years after his first anonymous complaint, sent from an internet café in Nairobi, Ahmed received a settlement from the U.N. for the retaliation he suffered as a result of exposing the corruption. Ahmed used the settlement money to start WorldRemit, a mobile-money transfer company, in September 2010. At one time, migrant workers had to visit a money transfer office, such as Western Union, wait in line and pay high fees to both send and collect money. Customers who register their bank information with WorldRemit can send money from anywhere, at any time, with just a few clicks and with lower fees. The fintech’s London base resembles a typical start-up. It has a sleek, colorfully carpeted open-plan workspace that takes up an entire floor of a skyscraper a few minutes’ walk from Parliament. It has approximately 390 employees worldwide, about 290 in London. There are some unique touches: Conference rooms are identified not by names but by currency symbols such as the dollar, pound and euro. One corner looks like a mini-United Nations. It’s the customer services department, where a diverse staff speaking dozens of languages field calls from across the world. Customers can send money to over 140 places on the planet, the most remote being Pacific islands including Samoa, Tongo, Fiji and Vanuatu. The business takes advantage of the explosion in smartphone usage in the developing world, which now allows for cheap and instant communication, as well as the growth of similar phone-based money transfer services such as M-Pesa in Kenya. “What is driving the remittance behavior has changed, largely because of the instant communications,” Ahmed said. “Back in my time, when we were recipients of remittances, we could not talk to relatives. But today, the Filipino nurse in London is talking to her mother virtually every day,” Ahmed said. “And so a lot of conversations end up with sharing some money.” Ahmed sees a direct correlation between the uptick in messaging apps and mobile phones and the frequency of transactions. Where it used to be a big deal to send money, now people send smaller amounts more frequently; his firm completed 750,000 transactions in October, more than double its monthly average for 2016. And in the old days, cash transfers allowed for anonymity and the opportunity for fraud, but the new digital methods create an audit trail showing exactly who sent money to whom. “One of the things we like in addition to the convenience and the lower cost, is that the digitization really helps us fight financial crime,” Ahmed said. “If a transaction becomes suspicious, there is a wealth of data that we can share with law enforcement agencies.” The company has raised about $200 million from major investors Accel Partners and Technology Crossover Ventures, early funders of companies like Facebook, Slack, Airbnb, and Netflix; last year, it made $60 million in revenue. Despite anti-immigration sentiment from President Donald Trump in the United States and across Europe, Ahmed believes there will always be a need for remittances. “Ever since Homo sapiens left North Africa 5,000 years ago, we’ve been on the move. We’d have all been extinct had we not migrated from Africa,” he said with a laugh. “So migration has become a fact of life, and I think it will continue. I don’t see that really changing.” Source: – NBC The post A former refugee is shaking up the $441B remittances industry appeared first on Caasimada Online.
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed uu ka furmo shirka Guddoomiyayaasha Golaha BFS iyo Maamul Goboleedyada ka jira dalka. Shirkaan oo diirada lagu saari doono arrimo dhowr ah ayaa waxaa shir guddoomin doona Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan ‘’Jawaari’’. Mahad Cabdalla Cawad, oo ah Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka, ayaa sheegay in shirka ka furmaayo magaalada Baydhabo lagu sii qorsheeyay shirkii ugu danbeeyay ee ka dhacay Muqdisho. Cawad waxa uu sheegay in dhinacyada xooga lagu saari doono ay kamid yihiin dajinta sharciyo ay kuwada shaqeynkaraan BFS iyo baarlamaanada kale ee maamul Goboleedyada. Sidoo kale, waxaa saaka aad loo adkeeyay amniga magaalada Baydhabo oo xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo wadooyinka ugu muhiimsan lagu arkaayo ciidamo farabadan oo baaraaya gaadiidka. Dhinaca kale, shirkan ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay oo magaaladaasi ay ku yeeshaan Gudoomiyaha Golaha shacabka BFS iyo Gudoomiyeyaasha baarlamaanada maamul goboleedyada ka jira dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Baydhabo oo marti galineysa Shirka Gudoomiyeyaasha baarlamaanada & Amaanka oo aad loo adkeeyay appeared first on Caasimada Online.
  11. Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose. Dagaalkan ayaa bilowday kadib markii la sheegay in weerar lama filaan ah ay ciidamada Al-shabaab kusoo qaadeen fariisin ay ciidamada dowladda ku lahaayeen koontarool ku yaallay degmadaasi. Dagaalayahannada weerarka soo qaaday ayaa la sheegay iney wateen gaadiidka dadweynaha, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal daqiiqado badan socday. Inta la xaqiijiyey Labo qof ayaa dagaalkaasi ku dhintey, waxaana ku dhaawacmay Afar kale, sidey dadka deegaanka inoo xaqiijiyeen. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Al-shabaab ay daqiiqado kooban gacanta ku hayeen xaafado kamid ah degmada Afgooye. Xaaladda guud ee degmada Afgooye hadda waa mid deggan, waxayna ciidamada dowladda wadaan holwgallo. Dhanka kale, maamulka degmada Afgooye iyo kan gobolka Shabellaha Hoose weli kama aanay hadalka dagaalkaasi dhacay. Goobjoog News Source
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Kooxo falaago u adeega Mucaaradka dowlada Dimuqraadiga ah ee Koongo ayaa gabi ahaan gubay Hooyga Madaxweynaha waddankaasi Mr Joseph Kabila. Kooxdan ayaa dab qabadsiisay Hooyga Joseph Kabila xili uu ka maqnaa, waxaana lagu baraarugay isagoo dhinac dhan ka ololaaya kadib markii ay gaaren gaadiidka gurmadka. Kooxdan ayaa inta uu ololka socday toogasho ku dishay Ilaalada Hooyga joogay oo kamid ahaa Booliska, kuwaa oo meydkooda laga qaaday goobta. Hooyga Mr Joseph Kabila ee la gubay ayaa ku yaalla gobolka Waqooyiga Kive kaas oo dabku uu baabi’iyay gabi ahaanba. Sarkaal ka tirsan milateriga Koongo ayaa sheegay in koox maleeshiya ah ay isku dayayeen inay xadaan hantida taalay guriga balse markii ay ku adkaatay ay maciin bideen inay gubaan. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha waddankaasi Joseph Kabila ayaa wajahayay dibadbaxyo baahsan oo qaar ka mid ah ay ka dhacayeen gobolka Waqooyiga Kivu. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Hooy uu lahaa Madaxweyne caan ah oo Dab la qabadsiiyay & Ilaaladii joogtay oo la waxyeeleeyay appeared first on Caasimada Online.
  13. Shaaha Turkiga ayaa waxaa uu gooni la yahay dhadhan aad u fiican . iyada oo ay soo badanayeen dalxiisayaasha soo aadaya Turkiga waxaa kordhay dhoofinta caleenta shaaha ee Turkiga. Turkiga ayaa u dhoofiyey intii lagu guda jiray 11 bilood ee ugu horreeyay sanadkaan caleenta Shaaha 101 wadan oo daafaha dunida ah waxaana ka mida dowladahaasi Yurub,Sacuudiga iyo Ruushka. Dhoofinta celeenta Shaaha Turkiga waxaa uu ka helay lacag dhan $23.7 Million mudadii 11 bilood aheyd ee uu dhoofinayay , waxaa sidoo kale ay gaareysaa dirada caleenta ah uu dhoofiyey 4 kun oo Dan iyo 958 Kgrm oo shah ah. Dowladda Belgium ayaa kaalinta koowaad ku jirta dowladaha kala soo dega caleenta shaaha Turkiga waxayna ku bixisaa lacag dhan 8 million 391 kun oo doolar,Jarmalka waxaa uu ku jiraa kaalinta labaad dowladaha caleenta shaaha kala soo dega Turkiga waxaa uuna ku bixiyaa lacag dhan 6 million 350 kun oo doolar. Dhanka dowladaha Carabta Ciraaq waxay ku jirtay sanadkii tagay kaalinta 1-aad marka loo eego dowladaha Carbeed ee Turkiga kala soo dega caleenta shaaha,kaalinta 2-aad waxaa ku jira Sacuudiga Qatar waxay ku jirtaa kaalinta 5-aad. Caleenta shaaha ee Turkiga ayaa waxay gaartay dowlado lahaa wax-soo saar iyo dhaqamo gaar ah waxaana ka mida Shiinaha, Japan iyoSingapore . Sanadkii 2016 caleenta shaaha Turkiga waxaa uu u dhoofin jirat 86 wadan oo kaliya balse hadda waa ay korortay oo waxay gaartay 101 wadan. Source
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Dagaal qaraaran oo u dhexeeyay ciidamada dowlada iyo maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose. Dagaalka oo qaraarnaa ayaa waxa uu ka dhashay kadib markii maleeshiyaadka al-Shabaab ay weerar gaadma ah ku qaaden laba fariisimo oo ciidamada dowlada ku leeyihiin dhinaca Galbeed ee degmada. Dagaalka oo xalay dhacay ayaa waxaa leysu adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan oo labada dhinac soo kala gaaray. Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in khasaaraha labada dhinac uu yahay mid gaarsiisan ilaa Siddeed ruux oo isugu jira labada qeyb, halka ay jiraan khasaarooyin kale oo soo gaaray dadka deegaanka. Inta uu dagaalka socday maleeshiyada ayaa wakhti kooban la wareegtay degmada, gaar ahaan goobihii ay weerarka ku qaaden waxaana mudadaasi degnaa Jawiga Degmada oo ahaa mid kala qariyay dadka. Dagaalka ayaa waxaa sidoo kale lagu kala furtay Hub iyo Gaadiid, inkastoo aan la ogeyn heerka ay gaarsiisan yihiin. Sidoo kale, maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ka dhanka ah xarumaha maamulka, waxaana uu weerarkan noqonaya kiisii saddexaad bishan oo keliya ay ka gaysteen degmadaasi. Dhinaca kale, maamulka iyo Saraakiisha Degmada ayaan weli ka hadal khasaaraha ka dhashay dagaalka mudada gaaban socday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dagaal Hub iyo Gaadiid lagu kala furtay oo ka dhacay Degmada Afgooye ee G/Sh/Hoose appeared first on Caasimada Online.
  15. Maamulka Galmudug ayaa markii ugu horreysay wuxuu saldhig Booliis ka hirgeliyey deegaanka Bangeelle oo u dhaxeeya degmooyinka Cadaado iyo Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Mahad Xasan Axmed oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga maamulka Galmudug, ayaa sheegay in saldhiggan uu muhiim yahay, islamarkaana ka qeybqaadan doono amniga deegaanka. Wuxuu tilmaamay wasiirka, in saldhiggan dhismahiisa ay kaalin ka qaateen qurbejoogta deegaanka iyo maamulkooda. Sidoo kale, wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in ciidan Booliis ah ay geyn doonaan saldhiggaasi, kuwaa oo horey deegaanka loogu tabobaray. Dhanka kale, deegaanka Bangeelle waxaa laga hirgeliyey iskuul hoose iyo dhexe ah, si carruurta deegaanka ay waxbarasho helaan iyaga oo deegaankooda jooga. Goobjoog News Source
  16. (Goobjoog News) - Waxgaradka ku dhaqan degmada B/xaawo ee gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay dowladda Kenya iney waddo dhul ballaarsi, iyaga oo sheeganaya iney leeyihiin qeyb kamid ah degmadaasi. Nabadoon Aadan Weli Muuse ayaa u sheegay Goobjoog News, in shacabka B/xaawo ay ka war heleen oo kaliya Taangiyo iyo ciidamo badan oo soo gudbay, islamarkaana cabiranaya qeybo kamid ah degmada B/xaawo. Waxa uu tilmaamay nabadoonka in ciidamadan ay qodis ku bilaabeen xaafado kamid ah B/xaawo iyaga oo dadka u sheegaya in dulka Kenya halkaasi ka tirsan tahay. “Ciidamadan ayaa mar qura nagu soo yaacay, dhul sheegaso ayeey bilaabeen, cabiro ayeey qodeen, laakiinse shacabkii u istaagay in dhulka difaacdo” ayuu yiri Nabadoonka. Dhanka kale, Nabadoon Aadan ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya ineysan yareesan waxa ka socda degmada B/xaawo gaar ahaan xuuudda aan rasmiga ahayn ee Soomaaliya iyo Kenya. Goobjoog News Source
  17. Waxgaradka gobolka Sool ayaa markii ugu horreysay ku baxay beello walaalo ah oo ku dagaallamaya deegaanno ka tirsan gobolka Sool, si loo damiyo dagaalladan. Waxaa waxgaradkan hoggaaminaya Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, iyaga oo tagi doona deegaannada lagu dagaallamay ee kala ah Qorilley, Cagaarre iyo Xoorre. Garaad Jaamac ayaa sheegay in muhiimadda ay tahay in la badbaadiyo shacabka, la joojiyo dagaalka wax walbana lagu dhammeeyo wadahadal. In ka badan 50 qof ayaa ku dhimatay dagaalladan ka dhacay gobolka Sool, waana markii Afaraad oo beelahan ku dagaallamayaan gobolkaasi. Goobjoog News Source
  18. Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa si aad ah ugu kala duwan aragti sidii codka kalsoonida ah loo siin lahaa golaha wasiirada ee uu soo dhisay madaxweyne Waare. Qaar kamid ah xildhibaannadan ayaa sheegay in uu jabay qodob dastuuri ah, islamarkaana la doonayo in dib loo soo magacaabo wasiirada, madaxweynahana laga doonayo inuu horyimaado baarlamaanka Hirshabelle. Xildhibaan Nuur Xaashi oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Hirshabelle ayaa Goobjoog u sheegay in madaxweyne Waare uu lumiyey waqti badan, islamarkaana mar hore uu ka dhammaaday waqtigii Dastuurka maamulkaasi qabay. “Kolley waqtiga waa uu dhammaaday, qodob dastuuri ah ayaa jaban, waxaa loo baahan yahay in madaxweynaha horyimaado baarlamaanka, waqti dalbado, xukuumadna soo dhiso” ayuu yiri xildhibaan Nuur. Dhanka kale, xildhibaan CUmar Gaabow ayaa isna qaba in xildhibaannada baarlamaanka maamulka Hirshabelle laga doonayo iney meelmariyaan wasiirada cusub ee Hirshabelle, wuxuuna tilmaamay in aan waqti kale la lumin oo la eego danta shacabka maamulkaasi. Madaxweyne Waare ayaa waday Labadii maalin ee ugu dambeysay kulamo kala duwan oo uu la qaadanayey xildhibaannada Hirshabelle si ay codka kalsoonida ah u siiyaan golahiisa wasiirada. Goobjoog News Source
  19. Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo uu si rasmi ah uga furmo shirka guddoomiyaha golaha shacabka iyo guddoomiyeyaasha baarlamaannada maamul goboleedyada dalka ka jira. Wariyaha Goobjoog ee gobolka Baay C/qaadir Warcadde ayaa soo sheegaya in laga dareemayo Baydhabo qaban qaabada shirkaan, iyadoo aad loo adkeeyay amniga guud ee magaaladaasi. Shalay waxaa magaalada Baydhabo gaaray guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo sidoo kale guddoomiyeyaasha baarlamaannada maamul goboleedyada kala ah Hirshabelle, Puntland iyo Galmudug. Weli ajendaha shirkaan lama sheegin, hase ahaatee waxaa la filayaa in saacadaha soo aadan si rasmi ah loo shaaciyo. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
  20. Wasaaradda waxbarashada Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lasoo gabagabeeyay dib u qaabayn lagu sameeyay waaxyaheeda kala duwan muddo 9bilood ah ka dib markii ay wasaaraddu yeelatay wasaar C/raxmaan Daahir Cusmaan. Wasiirka wasaaradda waxbarashada C/raxmaan Daahr Cusmaan oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ka waramay muhiimadda kulan labo maalmood xarunta wasaaradda uga socday shaqaalaheeda, waxa uuna sheegay iney soo gabagabeeyeen dib u habaynta shaqaalaha wasaaradda isla markaana ay isla meel dhigayeen halkii looga socon lahaa. Wasiir Cabdiraxmaan ayaa xusay in wasaaradda markii hore ay ka jireen arrimo aan isku dheelli tirneyn laakiin ay markii dambe qaadeen tallaabo ay dib ugu saxayaan arrimahaas oo ay ka mid tahay, wasaaradda oo lahayd 7 waaxood ka kooban ay joogeen 17 agaasime, oo markii dambe lagu soo koobay 10 agaasime oo kaliya. “Dib u qaabaneynta wasaaradda Maanta waxay dhameystirantay, laakiin ma aha wax maanta bilowday, wasaaradda dib u qaabeyn waxaan ku sameynna laba bilood ka hor, waaxyihii wasaaradda oo 7 ahaa laakiin 17 agaasime lahaa ayaa si fiican u kala shaandhaynnay, waxaan ku soo koobnay 10 waaxyood, waxaan u dhiibnay 10 qofood oo karti leh oo dhalinyaro ah, aan aaminsanahay in howlihii wasaaradda lagu aaminayay iney kaxayn karaan, waxaan ku soo xulnay kartidooda aqoontooda iyo anagoo horey u niqiinnay, wareysina la yeelannay, 10 qof waxaa ka mid ah labo gabdhood, waa markii ugu horreysay oo gabdho aan ka dhigno agaasime waaxeed wasaaradda ka shaqeeya. Markaa anagoo isla wada soconno waa inaan ka fakarno halkii aan u jaanqaadi lahayn.”, ayuu yiri wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Soomaaliya C/raxmaan Daahir. wasaaradda waxbarashada oo ka mid ah wasaaradaha ugu ballaaran ee dalka ayaa dib u qaabaynteeda ay qaadatay ku dhawaad 9 bilood oo ah mudadii ay jirtay xukuumadda ra’isul wasaare Xasan Cali Khayre illaa iyo hadda. Goobjoog News Source
  21. I came to America as a refugee from Somalia. I know what happens when a group of people is labeled as a threat I am black. I am a Muslim. I am a war survivor and I am a refugee turned writer from Somalia who now lives in the U.S. Like you, I am a two-legged human creature. America is not a distant hope for me or, for the refugees across the United States, but it is a warm and peaceful home. Life has taught me that it is easy to destroy a nation, but it is very hard to build it up. Somalia, the country of my birth, is now on the list of banned countries for those wishing to enter the U.S. My own mother, who is a naturalized citizen, currently lives in Somalia. As her first son, I had seen the gory of war, the agony of refugee camps, but, thanks be to God, she and I made it to America in July 1993. We felt safe and made cold New England our new home. With the rise of President Donald Trump’s America, that sense of belonging is now dimmed. In September 1993 I started Bedford High School, where on my first day the school hired Estee, an English as a second language teacher for me. Staffers bought a blue flag with a white star in the middle and they told me that I was a Somali-American. In a way, this restored the dimmed identity of my fractured life. The school exposed me to books: “The Old Man and the Sea” by Ernest Hemingway, “The Scarlet Letter” by Nathaniel Hawthorne, “The Autobiography of Malcolm X” as told to Alex Haley and “The Things They Carried” by Tim O’Brien. The first word I felt in love with in the English language was “preposterous.” There was something about this word that I liked. In Somalia, a country with a single race, a single religion and single tribe but with many clans, the war between clans was beyond preposterous. I never asked God for membership in the tribe I was born into. God chose it through my father, and the fact that my siblings and I belonged to the clan of our dead father was definitely preposterous. The hideous walk in the jungle between Kenya and Somalia was preposterous. The refugee camp was preposterous. Seeing dead people was preposterous. New England’s cold weather was preposterous; but I yearned to see the snow fall from the sky. The dream I carried to America was preposterous. Having to learn a new language and a new culture was preposterous. Working for 15 years and discovering that I was a black man in America was beyond preposterous. Above all, President Trump’s immigration ban has been the most preposterous thing of all my life, whereby America’s 70 years’ worth of post-World War II prestige is being damaged on a global scale. But since hope was all I carried to America, I am hopeful that the voices of reasons and intellect will prevail over the demagoguery. The fast-moving situation with regard to President Trump’s executive order temporarily banning people from seven majority-Muslim countries from entering the U.S., combined with his Twitter rhetoric, is not only creating doubt and fear in the heart of refugees, but it is also labeling Muslim Americans as terrorist sympathizers. For the first time since I walked on the clean American soil, I feel a danger in my belly. I am now afraid for all the Muslim refugees who left their countries because of war and who came to America to seek a better life. And I know a lot about the danger of labeling a group of people as a threat that needs to be contained and removed from society. In 1990, I was 13 years old. At the time, my world was about skipping school, flirting with girls, raising pigeons and playing soccer under the magnificent Mogadishu blue sky. I knew nothing about what was simmering behind the lips of the people. My father had died a year earlier, but as part of Somali culture, my younger siblings and I belonged to our dead father’s clan. President Siad Barre had ruled Somalia for more than 20 years, and he, too, belonged to our clan. The Somali economy was struggling and people were hurting. Jobless men often sat in groups in front of the teahouses. As they played cards, they started to blame the ruling clan for their economic ills. Politicians picked up the blame game and politicized it. It wasn’t long before the men’s tea talks over poker turned into fistfights in the markets. Frustrated men began to engage in drive-by shootings on innocent people. The murder rates went up. As people’s internal hate simmered, conflict on a larger scale erupted in the streets of Mogadishu in December 1990. A boy, a next-door neighbor, came to my house holding an AK47. He came to kill me because I was no longer his friend. I, along with my family, was among those who were libeled as being part of the enemy clan. The threat of murder hung over my family until we made a hasty departure — to anywhere. We fled our three-bedroom villa in Mogadishu, leaving behind a little of everything: my birdhouse, the chicken coop, Bella and Bilan (our goats), a broom, a wheelbarrow, examination papers, a bulky briefcase, my red typewriter, photographs, and the wooden chair with stretched animal skin that my father used to sit on before he died. Our precious lives were more important than worldly things. In the same year, that boy who wanted to kill me lost his own life. Our lives had been like a lick of flame from hellfire. Somalia is still burning. In the end, there were no victors but only victims. I called my mother this morning. We talked about how unlucky we were to have experienced the war in Somalia and the possible upcoming conflict. She expressed her fear as she questioned our peaceful stay in the United States and, though I shrugged off her concerns, I fully understood her. As survivors of Somalia’s catastrophic civil war, we could see the danger that lies in the uncontrolled tongue and we have seen this before. She told me about how for three years the rain refused to fall and that the soil in Somalia is dried. The crops, the camels, the goats, the sheep and the cows are dying in masses. A poor mother with three orphan children recently died of starvation. As she spoke of the carnage from the prolonged dry season, I thought about the impending devastation from global warming, of Somalia is also a victim. Like many naturalized citizens, I was rescued by America from the decay of the refugee camps and exposed to literature. The danger is no longer in our bellies. It is out in the open because President Trump has made it OK to express it openly as he advocates, among other things, fear of Muslim refugees in the name of safety for the homeland. If the flame of rhetoric is not contained, I fear for my America. I owe at least to write to her about what I know.
  22. Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo abaabul dagaal oo ka dhan ah maleeshiyaadka al-Shabaab. Abaabulka duulaanka ayaa xoogiisa ka socdo Xarunta ay ciidamada Ethiopia ku leeyihiin magaalada Baydhabo, waxaana halkaa iska xaadiriya Saraakiisha ciidamada ee hogaamin doona dagaalka. Duulaanka ayaa waxaa ka qeybqaadan doona ciidamo dhan 300 kuwaa oo dagaal lugta ah ku qaadi doona Goobaha ay maleeshiyaadka al-Shabaab ka degan yihiin Gobolka Shabellaha Hoose. Mid kamid ah Saraakiisha Hogaamin doona duulaanka ayaa inoo xaqiijiyay in Taliska Ciidamada Ethiopia iyo Maamulka Koonfur Galbeed ay Hub u direen Xoogga Mukhtaar Roobow ee ku sugan deegaanka Abal ee gobolka Bakool. Hubka ayuu sheegay in lagu caabinaayo Xoogga oo uu sheegay inay ka dhamaatay Saanada maadaama asbuucyadii ugu danbeeyay ay dagaal la galeen al-Shabaab. Sidoo kale, Sarkaalkan ayaa sheegay in il gaara lagu hayo Xoogga Mukhtaar Roobow ee ka howlgala deegaanka Abal, wuxuuna cadeeyay in ujeedka laga leeyahay uu yahay mid lagu xoojinaayo dagaalka lagula jiro al-Shabaab. Dhinaca kale, magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka dhaca kulamo gaargaar ah oo u dhexeeya Saraakiisha Ethiopia iyo Mukhtaar Roobow kaa oo lagu dajinaayo qorshooyinka lagu qaadayo dagaalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog: Abu Mansuur oo loo raray hub badan iyo qorshe ka socda Baydhaba appeared first on Caasimada Online.
  23. Boqorka Urdun Cabdullahir Al-thani iyo madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in dadaalo dheeri ah lagu bixiyo arrinta magaalada Qudus. Labada mas’uul ayaa waxay ku wada hadleen qadka teleefoonka waxayna hoosta ka xariiqeen in lagama maarmaan ay tahay ilaalinta Qudus oo Lixdii December Trump uu u aqoonsaday inay tahay magaalo madaxda Israel. Dhanka kale boqor Cabdalla Al-thani iyo Erdogan ayaa soo dhaweeyay natiijadii ka soo baxday codeyntii golaha ammaanka ee dhacday 21 bishaan kuna saabsaneed arrinta Qudus, kaasi oo ka horimaanayo in la badalo Qudus. Waxyaabaha kale ee ay isla soo qaadeen waxaa ka mida mas’uuliyiintaan in taageero la siiyo Falastiin Qudusna la ilaaliyo iyada oo la eegayo go’aamadii ka soo baxay shirmadaxeedkii ururka golaha Iskaashiga Islaamka ee ka dhacay Istanpul iyo codeyntii ay qaaday jamciyadda qurumaha ka dhaxeyso. Ugu dambeyn madaxweyne Erdogan iyo boqor Cabdalla ayaa waxay isku raaceen in la wado dadaallada wadajirka kuwaasi oo ku saabsan sidii loo ilaalin lahaa xaaladda Qudus. Source
  24. The one constitution granted, the one I yearned for most, the one I wish to hear news is still off-air, the radio podcast. So, am I deaf?. Let me refer back to childhood years of 1990s, I & my schoolmate were used to enjoy listening radio programs that Somali BBC podcasted in afternoon & evening shifts daily. Having radio broadcast were worth enough opportunity to educate, entertain and inform ourselves & community at large about surrounding atmosphere. Really, It was bizarre to learn how to debate, analyze on matter of new bulletin. The correspondents were professional, responsible, ethical and editorial then produced an efficient programs that people appreciate to hear. As oral society who did not write & read but narrate stories & literature is good enough to get hold radios podcast. Podcast is place were media starts up as well as produce a certified playwright, analyzer, researcher about the programs before distributed and disseminated to air it. Today, people are witnessed that government arrests to those are accountable media outlets especially TV, Journals & webpages with respect to their one-sided, not balanced, not authentic varied or reliable to it. Once more, the constitution granted at Article 32: Freedom of Public Demonstration, Expression of Opinion, Press and other Media 1. Every citizen shall have the freedom, in accordance with the law, to express his opinions orally, visually, artistically or in writing or in any other way. As a citizen who have right to have & access full of information about the situational context of the county and neither access television nor read news bulleting. At the same time willing to keep up-to-date on the trends of the country have a sense of hearing radio podcast. Yet again, a ministerial degree was placed out 04/06/2002 to outlaw operating private owned radio station where the only radio available is unable to reach me at my settlement. The degree banned was written “the importation & operation of privately owned radio stations:- the decree referred to the fact that the press law was at that time not yet completed and that there was no law then to regulate broadcasting, but sees now the Press Law “. In the present day, if radio stations are allowed to operate country it will promote and develop socioeconomic growth, it will enhance enrollment in school, peace coexistence, and awareness raising, self-reliance and job creation. For schooling it will help parents to encourage importance of education through drama messages. Lastly, I am appealing the house of representative, Elder and executive council to review back and lift the ban imposed to radio podcasts. Regards Adam Ahmed Adam An economist and columnist based in Erigavo, Sanaag
  25. Odoyaal iyo Siyaasiin xilal kala duwan kasoo qabtey maamulka Puntland oo warbaahinta PUNTLAND POST kula hadlay magaalada Garowe ayaa baaq nabadeed u direy maleeshiyadda beelo ku dagaalamaya hawdka Gobolka Sool gaar ahaan xadka uu la wadaago Gobolka Nugaal. Masuuliyiintan ayaa ku dhaliilay labada dhinac ee colaadu u dhaxayso jabinta heshiiskii laga gaarey xal u helista colaada, waxayna ugu baaqeen inay si deg deg ah u joojiyaan dhibaatada ka taagan deegaanka cariska Cagaarane ee hawdka Gobolka Sool. Waxaa ka mid ah masuuliyiinta la hadlay warbaahinta PUNTLAND POST General Axmed Gaani Cali Shire oo xilal kasoo qabtey Puntland, Korneyl Yaasiin Cali Cabdulle (Tamaada) oo Xukuumaddii A.U.N Cadde Muuse Xirsi kasoo noqday Wasiir kuxigeenka Maaliyadda,Gudoomiyihii horre ee magaalada Qardho Maxamed Siciid Hogaama Laroor iyo Ex Wasiir Dr Cabdulaahi Aadan Ciise. Baaqa siyaasiinta ayaa kusoo beegmaya xilli ay socdaan dadaalo xal loogu raadinayo joojinta iyo ka hortaga dirirta u dhaxaysa labo beelood oo walaalo ah kuwaas oo muddo ku dagaalamayay xadka u dhaxeeya Sool iyo Nugaal. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Siyaasiin xilal kasoo qabtey Puntland oo ka hadlay colaada deegaanka Cagaarane. appeared first on Puntland Post.