-
Content Count
210,678 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Late last week, a report suggested that wanted terrorist leader Mokhtar Belmokhtar, who has been declared dead at least three times, might still be alive. Source: Hiiraan Online
-
Mauritius is offering foreigners the chance to obtain Mauritian citizenship in exchange for a non-refundable contribution of $1m (£757,400) to the national sovereign wealth fund. Source: Hiiraan Online
-
Global icon Oprah Winfrey is among 350 celebrities and notables who will accompany former US President Barrack Obama to Kenya on July 16. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xalay wareysi uu siiyay TV-ga dowladda wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin heshiiskii dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, colaada Tukaraq, shirkii Golaha amniga Qaranka ee Baydhabo iyo arrimo kale. Farmaajo ayaa marka hore ka hadlay wixiii u qabsoomay mudada uu xilka hayo wuxuuna tusaale u soo qaatay in ay bedeleen dhaqan siyasadeedka, wax badana ka qabteen arrimaha musuq maasuqa iyo dhaqaalaha iyo in ay soo celiyeen sharafkii ummadda Soomaaliyeed. AMMAANKA Madaxweynaha ayaa soo hadal arrimaha ammaanka wuxuuna sheegay Hay’adaha ammaanka in ay si adag u shaqeeyeen gaar ahaan bishii Ramadaan oo aanay Muqdisho ka dhicin wax qarax ah, sidaasi darteed wuxuu umahadceliyay shacabka Sooomaaliyeed oo la shaqeynaya ciidamada ammaanka. Waxa uu sheegay in dhismaha dalka uu ku imaankaro wax wada qabsi waxa uuna tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay ku wanaagsan yihiin hanaanka wada shaqeyneed ee dowlada. DIB U HESHIISIINTA IYO KAABAYAASHA DHAQAALAHA Mar uu soo hadal qaaday arrimaha dib u heshiisiinta ayuu sheegay inay wax badan ka qabteen, welina ay hawlo kale oo arrimahaasi ku saabsan ay harsan yihiin, sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka hadlay kaabayaasha dhaqaalaha, wuxuuna tusaale u soo qaatay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye oo dhawaan dhismo lagu bilaabayo, wuxuuna tilmaamay in ay meel wanaagsan mareyso. SHIRKII BAYDHABO Shirkii Baydhabo ee Golaha Amniga Qaranka ayuu sheegay inuu qiimo weyn ugu fadhiyo shacabka Soomaaliyeed, maadaama lagu heshiiyay in la wada qeybsado kheyraadka, Madaxda isugu timid halkaasi ayuu sheegay inay muujiyeen dulqaad iyo in horey loo sii socdo, wuxuuna tilmaamay in ay ka wada hadleen sameynta in la wada qaato masuuliyad wadareed, si jiilka soo socda ay u helaan wax ay dhaxlaan. HESHIISKII SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA Farmaajo oo si faah faahsan uga hadlay booqashadii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ee Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay ujeedkiisa inuu ahaa xoojinta xiriirka labada dal iyo in labada dal ay is ixtiraamaan, kaasi oo ku dhisan iskaashi dhaqaale iyo mid amni. “Runtii shirkaasi wuxuu ahaa mid labada dowladood muhiim u ah, booqashada uu Ra’iisul Wasaaraha ku yimid Muqdisho wuxuu ujeedka ahaa in labada dal ay xoojiyaan wada shaqeyntooda, horey amni ayaan uga hadli jirnay, balse hada waxaan fursada u helnay inaan ka hadalno arrimo dhaqaale, Ra’iisul Wasaaraha booqashooyin ayuu ku tagay dalal Afrika ka mid ah, balse midka annaga uu inoogu yimid wuu ka duwanaa, labada dal waxay ka faa’ideysanayaan xiriirka ganacsi ee dhexmaraya, waxaan heysanaa xeebta ugu dheer ee Afrika, iyaguna shacab badan ayay heystaan,” Ayuu yiri Madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa ka jawaabay warar maalmahan la isla dhexmarayay baraha bulshada, kaasi oo ahaa in labada dal la mideynayo, Dekedaha Soomaaliyana lagu wareejinayo Itoobiya. Wuxuuna yiri “Dhaqan ayaa jira oo ah inaan la dooneyn in horey loo socdo, Dekad cid la siiyay malahan Dekadaha Soomaaliya ayay ku yaalaan, dhaqaalahaas Soomaaliya iyo Itoobiya ma lahan waxay ka imaan karaan Afrika, Asia, Yurub iyo ganacsatada Soomaaliyeed, arrintan waxay mareysaa sharci, waxaana la horgeynayaa Baarlamaanka, aragtida dowladda waxay tahay sidii Soomaaliya looga saari lahaa faqriga. COLAADA TUKARAQ Maxamed C/aahi Farmaajo ayaa ka hadlay colaada Tukaraq, wuxuuna sheegay in nasiib daro ay tahay in weli 28 sano uu dalka ku daato dhiig bilaa macno daro ah, wuxuuna colaada Tukaraq ku tilmaamay wax laga xumaado, wuxuuna sheegay inuu si joogto ah ula xiriiro labada dhinac, marna ku guuleystay in xabada la joojiyo, balse uusan sii shaqeyn wada hadalkaas, labada maamul ayuu ugu baaqay in ay wada hadlaan. DAGAALKA SHABAAB Dhalinyarada ka tirsan ururka Al-shabaab ayuu ugu baaqay in ay dowladooda isku soo dhiibaan oo ay ka soo baxaan fikirka qaldan ee ay ku jiraan, “Waxaan ugu baaqayaa dhalinyarada la qalday in ay dowladooda u soo laabtaan, dhistaana mustaqbalkooda, dowladdu waxay balan qaadeysaa in ay dhalinyaradaasi siin doono Waxbarasho, Shaqo abuur iyo waxyaabaha kale ee ay u baahan yihiin, Shabaab waa cadowga koowaad ee ummadda Soomaaliyeed, waxaana u dagaalamaya dhalinyaro mustaqbal leh oo la qalay.” Geba-gebada:- Madaxweynaha ayaa waxaa la weydiiyay su’aal aheyd inuusan si deg deg ah u hadlin marka ay dalka ka jiraan xaalado adag, wuxuuna ku jawaabay “Madaxweynaha waxba kama bilowdaan, wayse ku dhamaadaan, xagee loo noqonayaa hadii Madaxweynaha uu marka hore hadlo, Ra’iisul Wasaaraha ayaa masuuliyadda xukuumadda iska leh, waxaana la shaqeeya Wasiiro, iyaguna ka hoos shaqeeya xubno kale, shaqada sidaasi ayay ku socon kartaa, Ra’iisul Wasaare aan ku kalsoonahay ayaa shaqeeya, dad badan ayaa ku fekeraya in Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ay is qabanayaan, balse taasi ma dhaceyso,” W/Q:- Abdirashiid Ali Dubbad Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu goordhow ka dhacay wadada Makka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa waxaa la xaqiijiyay in gaariga loogu xiray wiil dhalinyaro ah oo la sheegay inuu ahaa arday, kaa oo ku dhaawacmay Qaraxa. Qaraxa ayaa dhacay xili uu gaariga maraayay agagaarka isgooska xaaji baasto ee wadada Makka Al-Mukarama,waxaana la sheegay inay ku dhaawacmeen laba ruux oo uu ku jiray wadaha gaariga. Gaariga oo afafka hore looga xiray Qaraxa ayaa waxaa soo gaaray burbur xoogan, waxaana sida caadaduba aheyd Qaraxa kadib goobta gaaray ciidamada amnaanka. Sidoo kale, Gaariga ay wateen ayaa ahaa nooca Raaxada ee loo yaqaano isbaashiyo,iyada oo dhaawaca Gabadha iyo Wiilka la geeyey Isbitaalka Daaru Shifaa ee Magalada Muqdisho si loogu daweeyo. Qaraxaani ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay oo magaalada Muqdisho ka dhaca tan iyo markii la galay Bisha Ramadaan ilaa iyo hadda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Riyadh (Caasimada Online) – Dowladad Sacuudiga ayaa billowday inay soo-jeedinno ka qabato shirkadaha ku loolamaya inay fuliyaan mashruuca Kanalka biyaha Salawa, oo noqon doona mid dalalka Sacuudiga iyo Qatar kala qeybiya. Hamiga Sacuudiga ee mashruucan ayaa ah in kanal biyo ah la mariyo xuduudda dalkaas uu la wadaao Qatar, taasi oo dalka Qatar ka dhigi doonta jasiirad. Sida ay ku warrameen warbaahinta Sacuudiga dhismaha kanalkan ayaa lagu soo geba gebeyn doonaa muddo sanad ah. Isniintii ayaa Saud al-Qahtani oo ka mid maxkamadda boqortooyada Sacuudiga, islamarkaana la-taliye u ah Maxamed Bin Salman, wuxuu yiri “Waxaan billaabaynaa qodista kanalka Salwa. Hambalyo dadka Sacuudiga, mashruucan wuxuu dalka yar ee argagixisada ah ee Qatar ka dhigi doonaa jaziirad”. Kanalka ayaa dhererkiisa noqon doonaa 60 km, ballaciisa 200 oo mitir iyo quus dhan 15-20 mitir, waxaana laga qodayaa qeybta dalka Sacuudiga ee jaziiradda Salwa. Mashruucan ayaa waxa uu ku kici doonaa 750 milyan oo dollar, waxaana maal-gelinaya shirkado gaar loo leeyahay, iyo dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshe lagu sii go’doominayo dalka Qatar oo xulufada Sacuudiga ay horey u saareen go’doomin xagga bariga, badda iyo hawada ah. Caasimada Online Xafiiska Jeddah Caasimada@live.com
-
Aqoonyahan Prof Abdi Ismail Samatar oo wareysi gaar ah siiyey Tv-ga Universal xaruntiisa Maraykanka ayaa kaga hadlay is afgaradkii dhawaan ay kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya kaasi oo uu ku tilmaamay mid aanan la qaadan karin. Prof Samatar ayaa aad u dhaliilay siyaasada Madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre kuwaasi oo uu ku sheegay in aysan u diyaar garoobin heshiiskii ay la galeen Reysul wasaaraha itoobiya Dr Abey Ahmed, markii arintaasi ka hadlayey “ iminka waxaa arkaysaa Reysul Wasaaraha Itoobiya waa nin himilo dheer leh oo dardar ku socda, nin nasanaya ma ahan oo waxaa u muuqda in uu horseed ka noqdo itoobiya ka duwan tii hore balse waxaa is leeyahay qolooyina Xamar joogo meel uma muuqato oo waxaa u muuqda madaxnimadooda, halka Dr Abey ay u muuqato in Itoobiya laga maamulo gobolka oo dhan, Mar uu ka hadlayey in Itoobiya ay leedahay hanti ay ku maal gashan karto Soomaaliya ayaa waxa uu yiri “Itoobiya 100 Milyan ayey ku dhaw yihiin laakiin 80 Milyan oo ka mid ah waa fuqaro sidaasi daraadeed Dr Ahmed wuxuu shaqo u raadinayaa dadkaasi oo Oromo u badan. Dhanka kale mar uu ka hadlayey Baarlamaanka Soomaaliya ayuu sheegay in si deg deg ah ay arintani u joojiyaan, “ Baarlamaanka laba uun bay mid noqon doontaa, dad jeebka la gashaday oo inta shilimaad loo tuuray oo sida la doonayo laga yeesho, waxay ahayd in Afhayeenka Baarlamaanka uu warqad deg deg ah u qoro baarlamaanka arintaasi laga shiro.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shir jaraa’id oo maanta ku qabtay magalada Muqdisho, ayaa siyaasiga Salaad Cali Jeelle waxa uu marka hore kaga hadlay, kuna soo dhoweeyey heshiiskii sabtidii ay Muqdisho ku kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Itoobiya. Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in uu yahay heshiiskaas mid wanaagsan, oo loo baahan yahay in la taageero maadaama dowladda hadda jirta ay tahay mid horey u socota. “Waxaa muhiim ah in heshiisyada ay galeyso dowladda la taageero, la iskana daayo dadka si kale wax u dhigaya oo argagaxisada u shaqeeya, annaga haddii aan nahay siyaasiyinta iyo shacabka intaba waxaa nagala rabaa in aan farta ku fiiqno dadka diidan dowladnimada Soomaaliya” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle. Heshiiskii ay wada saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa qeyb ka ahaa in dowladda Itoobiya ay maagashato 4 ka mid ah dekadaha Soomaaliya, taas oo ay dhaliileen qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo shacabka intaba. Hoos ka dhageyso codka Salaad Cali Jeelle https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/06/Codka-Salaad-Cali-Jeelle.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka UCID ee maamulka Somaliland Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Heshiiska magaalada Muqdisho ku dhexmaray Dowladaha Somalia iyo Ethiopia. Eng. Feysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in Heshiiskaasi uu yahay mid ku ek keliya Somalia, isla markaana Somaliland ay tahay mid ka madaxbanaan. ‘’Somaliland waa gaar inagu Madaxweynaheenu iyo Hay’adaheenu waa kuwo noo gaar ah Ethiopia jaar ayey nala tahay’’ ‘’Somaliland heshiis seddex geesood ah ayey la gashay Ethiopia oo Dakadaheena ah, hadaba heshiiskaasi waxa uu u gaaryahay Somalia, anagu Somaliland ayaa nala yiraa’’ ‘’Madaxweynaheenu waa Muuse Biixi, kan Somalia waxaa la yiraa Farmaajo yaan leysku khaldin lama magacaabin afarta Dekadood ee lagula heshiiyay Ethiopia’’ ‘’Somalia xaq bey u leedahay inay gasho heshiis laakiin kuma jirto Somaliland, adduunku wuu isku soo dhawaanayaa heshiisna waa la kala gali karaa’’ Waxa uu Eng. Feysal Cali Waraabe sheegay in Social Media-yaha ay wareegayaan warar uu ku sheegay in Ethiopia ay tahay cadowga Somalia, waxa uuna ku baaqay in meesha laga saaro Uqdada maadaama uu yiri Somalia ay ku baxsatay Ethiopia. Eng. Feysal Cali Waraabe, waxa uu ku celceliyay in Somalia ay dan ugu jirto wada shaqeyn ay la yeeshan Ethiopia, si buu yiri loo gaaro nabad iyo kala danbeyn.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Iyadoo ay Hay’adda ICAO ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Hawada ay shaaca ka qaaday in maamulka Hawada Somalia si toosa loogu wareejiyay DFS, ayaa waxaa taasi ka hor imaaday Xisbiyada mucaaradka maamulka Somaliland. Go’aanka ay Hay’adda ICAO Dowlada Somalia ugu wareejisay Hawada ayaa waxaa qaadacay Guddoomiyayaasha Xisbiyada mucaaradka UCID iyo Waddani ee maamulka Somaliland. Guddoomiyayaasha ayaa sheegay inaan loo dulqaadan doonin in Hawada Somalia laga maamulo magaalada Muqdisho, waxa ayna arrin khaldan ku tilmaameen go’aanka ICAO. Xisbiyada ayaa sheegay in go’aanka ICAO uu ka dhigan yahay in Somaliland laga maamulo magaalada Xamar, waxa ayna Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi ay ku tilmaameen mid ku fashilmay Siyaasada gooni isu taaga Somaliland. Xoghayaha guud ee Xisbiga mucaradka ah ee UCID Eng. Axmed Xirsi Ducaale oo la hadlay warbaahinta ayaa isna sheegay in maamulka Muuse Biixi uu luminaayo Siyaasada Somaliland ay ku hiigsan laheyd gooni isutaaga. Waxa uu sheegay in ka xisbi ahaan ay aad uga soo horjeedan go’aanka ICAO, waxa uuna Biixi ugu baaqay inuu qaado talaabo ama uu xilka baneeyo. Sidoo kale, hay’adda ICAO ayey ku eedeeyen inay ku degdegtay go’aanka ay Hawada ugu wareejiyeen Dowlada Somalia. Haddalka Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa kusoo beegmaaya iyadoo ay hay’adda ICAO soo idleysay qorshaha hawadda loogu wareejin lahaa Dowlada. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Faa’iidooyinka Qaabka Is-kaashi & is-faham Geeska Afrika wuxuu ka mid yahay goobaha xagga istiraatijiyadda caalamka ugu muhiimsan maadaama ay maraan marinnada ganacsi ee isku xira qaaradaha Yurub, Aasiya, iyo Afrika. Gobolku wuxuu leeyahay khayraad dabiici ah oo aan weli laga faa’iidaysan, iyadoo waddamada gobolku yihiin kuwa ugu faqrisan caalamka, uguna nabadgelyo xun. Ka hor imaatinkii guumaystayaashii reer Yurub, gobolka Geeska Afrika dadkiisu waxay ku noolaayeen nolol degan, isku-filaansho xagga dhaqaalaha iyo sancada, ay ka jirto nabadgelyo buuxda, iyadoo jawiga hawadu iyo degaankuba ay ahaayeen isla kuwa ay maanta ku nool yihiin. Kaddib imaatinkii guumaystayaashii reer Yurub gobolku wuxuu isu rogay goob colaadeed, faqri, iyo dhaqaale xumo joogto ahi haraysay. Waxay guumaystayaashii burburiyeen dhammaan qaababkii dhaqan-dhaqaale, bulsho-horumarineed, wada-deganaansho iyo walaaltinnimo ee soo jireenka ahaa. Waxayna kala qoqobeen qoysas iyo caa’ilooyin, iyagoo xuduudyo beeneedyo u sameeyay, halkaasna ilaa maanta gobolku uu ku jiro nolol-xumada ugu daran caalamka. Haddaba, waddamada Geeska Afrika waxay ku soo ceshan karaan karaamadoodii, noloshoodii, xoriyadoodii, kulana qabsan karaan waddamada horumaray ee qarnigan 21-aad waa iyagoo iska kaashada xag dhaqaale, ganacsi, iyo bulsho, iskuna fura xuduudyo beeneedyada. * Soomaaliya: baaxadda dhul: 637,657 sq km; Tirada dadka: qiyaas 12 milyan * Ethiopia: baaxadda dhul: 1,127,127 sq km; Tirada dadka: 107 milyan * Kenya: baaxadda dhul: 582,650 sq km; Tirada dadka: 48 milyan * Eriteria: baaxadda dhul: 121,320 sq km; Tirada dadka: 6 milyan * Djibouti: baaxadda dhul: 23,000 sq km; dadka: 1 Milyan *waa qiyaasta Juulaay 2017, The World Fact Book. Waddamada Soomaaliya, Ethiopia, Kenya, Djibouti, iyo Eriteria waxay ku fadhiyaan dhul baaxaddiisa lagu qiyaasay 2,491,754 sq km, iyadoo ay ku nool yihiin dad lagu qiyaasay 174 milyan, tiradaas oo ku dhow midda dadka Ingiriiska, Jarmalka iyo Faransiiska. Khayraadka waddamada Geeska Afrika waa mid ku filan, amaba ka badan haddii laga faa’iidaysto. Waxaa laga helaa macdamaha qaaliga ah sida Gold, Uranium, Platinium, Copper, Natural Gas, oil reserves, iyo waliba khayraadka beeraha iyo xoolaha, iyadoo gobolka ay ku nool yihiin xoolaha ugu badan Afrika. Gobolku wuxuu leeyahay badaha iyo wabiyada ugu muhiimsan Afrika xag wax soo saar iyo xag ganacsiba. Waxaase nasiib-daro ah in caalamku ku tilmaamo sannad walba in ay dadkiisu u dhimanayaan gaajo iyo cudurro, gurmad deg-deg ahna loo sameeyo. Is-kaashiga Gobolku wuxuu ka hortagayaa, xalna u helayaa dhaqaale-xumida iyo faqriga hareeyay dadkiisa. Haddii aan soo qaadanno Soomaaliya maxaa faa’iido ugu jira is-kaashigan? Waxaa dhici karta in lala yaabo fakarkan oo la yiraahdo sidee is-kaashi noo dhex mari karaa cadowgeenii soo jireenka ahaa, nagana haysta weli dhul Soomaaliyeed. Waa arrin gar ah in xal loo helana u baahan. Soomaaliya waa dal muslim ah 100%, iyadoo tirada dadka ku nool lagu qiyaasay 12 milyan oo kuwa qurbaha iyo qaxootigu ku jiraan. Shacabkaasi waxay halgan dheer oo taariikhi ah ugu jireen sidii ay diintooda u difaacan lahaayeen, tan iyo markii Islaamku soo gaaray. Waxaa colaad fogaatay dhextiil/taalaa kuwa Ethiopia oo maamulayaashoodu ay diinta kiristaanka haysteen/taan. Hase Yeeshee maanta Ethiopia waxaa ku nool dad lagu qiyaasay 107 milyan. Tiradaas waxaa muslim ah in ka badan 43 milyan. Dadkaas muslimiinta ah waxay la qiimo iyo sharaf yihiin kuwa Soomaaliya, iyagoo waliba tira ahaan aad uga badan Soomaaliya. Intaas waxaa dheer iyadoo dadkaasi ku nool yihiin nolol aad u liidata marka loo eego shacabka kale ee Ethiopia, gaar ahaan kuwa Amxaarada iyo Tigreega. Is-kaashiga Geeska Afrika wuxuu keenayaa in tiro lagu qiyaasay 65.5 milyan muslimiin ah ay isu furmaan. Shucuubtaas Islaamka ah waxay ku nool yihiin xeebaha iyo dekadaha Geeska Afrika, taasoo u suurto gelinaysa inay hoggaamiyaan dhaqaalaha iyo ganacsiga Geeska Afrika. Arrintaasi waxay faa’iido wayn ugu jirtaa ummadda Soomaaliyeed oo ah dad aad u fir-fircoon, kartina u yeelan kara inay hoggaamiyaan awoodda dhaqaale ee Geeska Afrika. Tusaale ahaan Kenya Soomaalidu waxay ku leedahay ganacsi xooggan, kaasoo u gudba bariga iyo bartamaha Afrika. Kenya waxaa ku nool dad lagu qiyaasay 48 milyan, iyadoo 7.5 milyan ay muslimiin yihiin. Hase yeeshee tirada dad ee muslimiinta ah ee Ethiopia waxay wax badan ka badan yihiin kuwa kale ee Geeska Afrika. Kenya oo sida la ogyahay haysata dhul Soomaaliyeed ayaa ka faa’iidaysatay fir-fircoonida Soomaalida una furtay suuqeeda. Waxaa hubaal ah haddii Ethiopia suuqeeda furto, kana qayb qaadato is-kaashiga Geeska Afrika in Soomaalidu si fir-fircoon uga faa’iidaysanayaan suuqaas wayn, iyagoo walaalahooda muslimiinta ahna u furaya indhaha. Taasi waxay keenaysaa iskaashi dhexmara shacabka faraha badan ee Ethiopia iyo kuwa Soomaaliya. Fikraddan, oo laga yaabo inay hadda curdan tahay, waxay badeli kartaa qaabkii hore ee labada waddan u wada dhaqmi jireen, iyadoo Soomaalidu si dagaal la’aan ah ku soo ceshan karto dhulkii ka maqnaa, saaxiibbana ka dhex samaysan karta shacabka Itoobiya. Is-kaashiga Geeska Afrika wuxuu meesha ka saarayaa xoogga iyo caburinta ay Amxaarada iyo Tigreegu ku hayaan inta badan ee kale ee shacabka Itoobiya. Marka la soo koobo faa’iidooyinka uu is-kaashigan u leeyahay Soomaaliya waa mid aad u wayn xag dhaqaale, ganacsi iyo bulsho-horumarineed wuxuuna keenayaa: In diinta Islaamku fido xag dad iyo aqoonba; In Soomaalidu xag ganacsi iyo dhaqaaleba la wareegto Geeska Afrika; In Soomaalida Geeska Afrika ay midoobaan, kaddib marka shucuubta Geeska Afrika la is fahmo; In Soomaalidu ka faa’iidaysato xag xadaarad, wadanninimo iyo wada noolaansho shucuubta kale ee Geeska Afrika; In Soomaalidu is jeclaato, illowdana colaadda dhexdeeda ah, maadaama ay la dhaqmayaan dadyoow kale, halkii ay ayagu isu muuqan lahaayeen; In magaalooyinka Soomaaliyeed ay noqdaan xarumo ganacsi oo isku xira Afrika iyo Aasiya; In aqoonta la isku gudbiyo, aqoonyahanka Geeska Afrika ee dunida kale jiraana ku soo laabtaan gobolka; In maalgashiga shirkadaha shisheeye uu gobolku xarun u noqdo; iyo In nabadgelyo waarta ay ka dhalato Gobolka Geeska Afrika. Gabagabadii, Gobolka Geeska Afrika fikraddani waa ka suurtoobi kartaa haddii dadka gobolka laga kala qaado caqabadaha horyaalla iyo xuduudyo-beeneedyada. Waxaa aad uga faa’iidaya ummadda Soomaaliyeed iyo muslimiinta Geeska Afrika. Waxaana habboon in Soomaalidu noqoto kuwa hoggaamiya fikraddan, una ol-oleeya sidii loo heli lahaa is-kaashi ah xag-dhaqaale, ganacsi, iyo bulsho, loona jihayn lahaa fallaarta colaadeed ee Soomaali dhexdeeda ku jihaysan. Xigasho Buugga: Maxaa Hortaagan Dawladnimada Soomaaliya? Geeska Afrika iyo Danaha Is-diidan. (1999), Qoraa: Abdiweli Hassan Mohamed (ISBN: 9966-05-189-9 ama 978 9966 05 189 9 Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
The Democratic Republic of Congo (DRC) has received a joint bid for its ambitious 11, 000megawatts hydropower project and expressed plans to kickstart the long-delayed project this year. But as elections draw near and tensions continue to rise about the possibility of the current president extending his 17-year reign, the political environment still poses a big risk. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wareysi dheer siiyey TV-ga qaranka ayaa kaga hadlay waxyaabo badan oo ay ugu muhiimsaneyd heshiiskii is afgaradka ahaa ee dhex maray isaga iyo Ra’isulwasaaraha Itoobiya. Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu horeyn sheegay inay Ra’isulwasaaraha Itoobiya ka wada hadleyn sidii loo hagaajin lahaa xiriirka labada dal isla markaasna ay meesha u imaan laheyd iskaashi iyo wada shaqeyn labada dhinac ah. Madaxweynaha ayaa qiray in aasaaska wada hadalka laba dowladood uuba ka bilawday sidii mid kasta uu u ilaalin lahaa madax banaanida mid kale, wuxuuna sheegay inaysan jirin dowlad diyaar u ah inay dalkeeda ka tanaasusho. Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay inay Soomaaliya ka gudubtay inay dowladaha kale kala hadasho amni iyo ciidan isla markaasna uu dalka hadda marayo in laga wada hadlo Iskaashi iyo isku socodka dhaqaalaha. Wuxuu sheeay inay dowladaha shisheeyey markii hore naga aaminsanayeen inaan gaarin heer nagala hadlo dhaqaale balse uu hadda dalka marayo meel aad u wanaagsan ayna tahay in dadka Soomaaliyeed looga faa’ideeyo kheyraadka dalka ka buuxo oo leh nooc kasta. Wuxuu sheegay inay isaga iyo Ra’isulwsaaraha Itoobiya is fahmeyn, heshiiska is afgradka ahna uu yahay mid bilow ah ayna arrintaas kala mid yihiin dowladaha Jabuuti, Suudaan Kenya iyo kuwa kale oo tartan ugu jira sidii looga faa’ideysan lahaa Itoobiya oo aan bad laheyn sida uu Madaxweyne hadalka u dhigay. Wuxuu sheegay inaysan jirin heshiis hadda la saxiixay, balse ay jirto fikrado la isku afgartay oo loo saari doono guddi soo dharaandhiriyo markii ay howsha soo dhamaatana la hor keeno doono Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Mar la waydiiyey madaxweyne Farmaajo inuu Itoobiya u saxiixay inay lahaato Dekadaha Soomaaliya, ayuu Madaxweynaha kaga jawaabay inaysan jirin Dekad la bixiyey, Dakadahana ay leedahay Soomaaliya balse maalgashi lagu sameynayo. Wuxuu tilmaamay inuu jeclaan lahaa xataa in Dekadaha la maalgashanayo ay ka bataan afar xabo maadaama uu sheegay inuu dalka leeyahay Xeeb aad u dheer oo uu Alle na siiyey. Madaxweynaha ayaa dooda heshiiskaan laga keenay iyo shakiga dadka lagu abuuray dusha uga tuuray inay ka dambeeyaan Siyaasiyiin uu sheegay inaysan rabin horumarka dalka iyo inay Soomaaliya ka dhaqaaqdo meesha ay hadda joogto, isagoo xusay inaan loo hakan doonin. Ugu dambeyntii madaxweynaha ayaa sheegay inay Soomaaliya tartan adag kula jirto dowladaha Africa kaasoo ah sidii looga faa’ideysan lahaa 100-ka Malyan ee Itoobiyanka ah ee aan heysan Bad isla markaasna heli karo dowlado waaweyn oo maalgelin u sameyn karo. Wuxuu sheegay inaysan Itoobiya lacag heysan, Soomaaliyana aysan heysan balse meesha lacagta laga helayo ay tahay dadka tirade badan ee Itoonbiyaanka ah ee aan heysan bad kuwaas oo awoodo inay helaan dowlado lacag leh oo maalgashta si looga dhex abuurto ganacsi.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa daboolka ka qaaday in si joogta ah ay u wada hadlaan Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Biixi uu kala hadlay sida xal loogu heli lahaa dagaalka Gobolka Sool, taa oo uu sheegay inay u hirgashay. ‘’Arrintooda waan dhexgalay waana la hadlaa waxbadan ayaa nooga hirgalay’’ Madaxweyne Farmaajo oo wareysi siinaayay Telefeshinka Qaranka ayaa sheegay in Muuse Biixi uu kala hadlay xitaa sida lagu qaboojin lahaa colaada ka aloosan deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, balse ay isla fahmeen. Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay kaalin weyn ka qaadatay sida lagu joojin lahaa dhiiga ku qubanaaya deegaanka Tukaraq, waxa uuna cadeeyay in dowladu ay diyaar u tahay inay sii wado dadaalkeeda. HOOS KA DAAWO WAREYSI GAABAN OO LALA YEESHAY FARMAAJO
-
Senegal recorded the first African win at the 2018 World Cup when they beat Poland 2-1 on Tuesday thanks to a deflected Thiago Cionek own goal and a terrible error by Polish 'keeper Wojciech Szczesny. Source: Hiiraan Online
-
Ethiopia's Prime Minister Abiy Ahmed said his country's security institutions tortured and committed "terrorist acts" against its own citizens in the past, in a rare and candid admission. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo kolonyo gaadiid ah oo uu la socday ayaa saacado lagu xayiray mid ka mid ah irridiha laga galo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, halkaasoo ay is hortaag ku sameeyeen Ciidamada AMISOM. Sida wararka lagu helayo guddoomiyaha ayaa lagu waday inuu barqonimadii maanta uu ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho, isagoo ku sii jeeday magaalada Nairobi, balse wafdiga oo ay qayb ka ahaayeen xildhibaanno ku sii sagootinayay garoonka ayaa lagu hor-istaagay Marina Gate oo ah irridda laga galo xarunta AMISOM iyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho. Sidoo kale, Ciidanka AMISOM ayaa sheegay inaanay ogolaansho u haysan in kolonyada Guddoomiyaha Aqalka sare oo ay wehliyeen ilaaladiisa ay gudaha u galaan garoonka, waxaana taasi keentay is-maandhaaf iyo muran xooggan oo dhex-maray labada dhinac. Is-maandhaafka ka dhashay xayiraadda Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa waxaa soo fara-geliyay taliska booliska iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, waxaana markii dambe la fasaxay gaadiidkii uu saarnaa guddoomiyaha oo keliya halka kuwii kalena la celiyay. Dhanka kale, Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay inay ku andacootay inay ogolaansho u haysataan kaliya kolonyada Madaxweynaha Somalia, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka inay geli karaan Garoonka, iyagoo aan la baarin, maadaama ammaankooda ay qayb ka yihiin Ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM. Ugu dambeyn, Aqalka Sare ayaa kulan deg-deg ah oo Arrinta Xayiraadda Guddoomiyaha uu ka yeeshay waxay ku cambaareeyeen falkaas tacadiga ah, waxayna ka dalbadeen AMISOM inay jawaab deg-deg ah ka bixiyaan. PUNTLAND POST The post Guddoomiye Baarlamaan oo Muddo Kooban lagu Xayiray Garoonka Diyaaradaha Xamar appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu Addis Ababa tago maalmo yar uun kaddib booqashadii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu ku yimid Muqdisho. Farmaajo ayaa la sheegay inuu xarunta Itoobiya uga qayb-geli doono kulan aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan madaxda Dalalka IGAD, kaasoo ka dhici doona Addis Ababa 21-ka bishan oo ku beegan Khamiista soo socota. Wararka la helayo ayaa sheegaya in casuumaaddii shirka ay soo gaartay madaxweynaha Somalia, waxaana la filayaa in wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Farmaajo ay dhawaan gaaraan Addis Ababa. Sidoo kale, Shirkan IGAD oo ka baxsan shirarkoodii caadiga ahaa ayay uga hadli doonaan madaxda waddamada ururkan ku bahoobay xaaladda amni ee Koonfurta Sudan oo ay kasoo korortay amni-xumo, kaddib markii is-faham darro ay soo dhex-gashay Dowladda Koonfurta Sudan iyo mucaaradka uu hoggaaminayo Riek Machar. Madaxda IGAD ayaa qkhatar xoog leh u arka xaaladda Koonfurta Suudaan ka taagan, oo haddii la xalin waayo keeni karta dagaallo cusub oo dalkaas ka qarxa, si taas looga hortago ayaa shirkan waxaa la rajeynayaa inay kasoo baxaan qodobbo lagu dhex-dhexaadinayo dhinacyada dirirsan. Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka mid ah madaxda sida gaarka ah dadaalka ugu bixinaya in la baajiyo dagaal cusb oo dalka ugu da’da yar Afrika mar kale ka qarxa. Ugu dambeyn, Safarka Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dhawaan booqasho qaadatay hal maalin uu Muqdisho ku yimid Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, iyadoo heshiiskii ay labada dhinac kala saxiixdeen uu abuuray kala aragti duwanaasho ba’an. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo booqanaya Addis Ababa maalmo kaddib booqashadii RW Abbiy appeared first on Puntland Post.
-
Al-Shabaab terror attacks on security personnel and passenger vehicles are on the wane on the Lamu-Garsen road, Lamu County police say. Lamu County Police Commander Muchangi Kioi says the establishment of security camps in all hotspots prone to Al-Shabaab attacks on the road has been the main contributor to the drop in attacks. In March this year, the government announced establishment police and Kenya Defence Forces camps at Milihoi, Nyongoro, Lango la Simba and Mambo Sasa terror hotspots where militants have ambushed and launched attacks on security vehicles and public service buses. OPERATION LINDA BONI Speaking to the Nation in his office on Monday, Mr Kioi also said the ongoing Operation Linda Boni had contributed to the reduction of terror attack cases in the region. Operation Linda Boni was launched by the national government in September 2015 to flush out Al-Shabaab militants believed to be hiding in the dense Boni forest. Mr Kioi also said efforts by the security agencies to combat Al-Shabaab in Boni forest has resulted in the calmness being experienced in the county. “We haven’t witnessed any terror attacks on our roads recently. This is because we have increased general patrols in all areas across the county. We even established camps in some areas considered to be terror hotspot along the Lamu-Garsen road. I can generally say that there is more peace and stability in Lamu now. Cases of attacks have really come down,” said Mr Kioi. LOCALS’ SUPPORT He lauded local residents for their continued cooperation with the police and security forces, saying it has been crucial in the ongoing war on terror. The county police commander called for continued vigilance from the locals, urging them to report to authorities any suspicious people and activities. “We want to thank members of the public. They have been very helpful with information that has greatly boosted our work and we are appealing for more of that. As for us, we shall continue to do our work and ensure Lamu remains safe for locals and visitors,” said Mr Kioi. He also assured investors that the county is safe for investment. “With the increased security patrols and the ongoing operation in Boni Forest, we have been able to neutraliSe any terror threats that were present and contain any situation that would have threatened the security of this region. I can confidently say that Lamu is now very safe for investors and trade. I call on all interested investors to come here. The government is still committed to the security of this county,” said Mr Kioi. It was only in January this year that security agents were grappling with resurgence of Al-Shabaab attacks in the county. The militants had killed a woman and injured five police officers in an ambush at Nyongoro on the Lamu-Garsen road. A day after, they ambushed Ishakani village. Between May and November 2017, more than 30 police officers were killed in different attacks by the terror group. Source: – Daily Nation
-
A new report finds civilians in the United States own more guns than those in any other country holding nearly 40 percent of the estimated 857 million guns in private hands. In a report released Monday, the Geneva-based Small Arms Survey says Americans own 393 million firearms more than the combined total owned in the survey’s other top 25 countries. The report comprises data collected during the past decade. By comparison, India and China, which each have populations of about 1.3 billion people, came in second and third place respectively, with 71 million and 49.7 million civilian-owned guns. “Ordinary American people buy approximately 14 million new and imported guns each year,” said study author Aaron Karp at a news conference launching the report. He said the U.S. gun market is not just large, but unique. “It is unusual in that ordinary people can buy very powerful weapons that are not available in a lot of other countries — semi-automatic rifles being the most profound example,” he said. Gun control is a hot political topic in the United States in the aftermath of a wave of mass shootings in schools and at public venues. Study author Karp says such events often result in a surge of people buying guns. “Panic buying after mass killings, after massacres, is a major phenomenon so after Sandy Hook, for example, after the Las Vegas shootings you tend to see larger waves of public purchasing,” he said, referring to the 2012 shooting at a Connecticut primary school and last October’s mass shooting at an outdoor concert in Nevada. The Valentine’s Day shooting this year at Parkland, Florida’s Marjory Stoneman Douglas High School that killed 17 has given new momentum to U.S. gun control advocates. Led by the surviving students, there has been a sustained discussion about how to end the epidemic of mass shootings. The Trump administration has said it would work to improve school safety, but has not called for new national gun control legislation. Source: VOA
-
Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad loo diiday in uu galo garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho. Mahad Cabdalla Cawad, ayaa waxaa Garoonka u diiday ciidamo ka tirsan AMISOM, kadib markii ay u diideen inuu ka dhoofo Garoonka xili la sheegay inuu watay boorsooyinkiisa. Mahad Cabdalla Cawad, ayaa waxaa sidoo kale la socday Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia oo ay is hortaag ku sameeyen ciidamada AMISOM. Mahad Cabdalla Cawad, ayaa sheegay in uu ka baaqday Safar dibadda ah oo uu u socday, kadib markii ay si xun ula dhaqmeen ciidamada AMISOM oo uu sheegay inay ka baxeen xadkii loo jideeyay. Waxa uu Mahad Cabdalla Cawad sheegay in loo diiday inuu ka dhoofo Garoonka isaga iyo wafdigiisa, hase yeeshee uusan ogeyn sababta rasmiga ah. Diidmada Mahad Cabdalla Cawad loo diiday inuu ka dhoofo Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa kusoo aadeysa xili si taa lamida ka dhoofida Garoonka loogu diiday Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo ku-xigeenkiisa Koowaad oo Saacado badan lagu xanibay garoonka Aadan Cadde. Saraakiisha ciidamada AMISOM ayaan weli ka hadal sababta dhoofka loogu diiday Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo ku-xigeenkiisa Koowaad iyo Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawa. Dhinaca kale, Dowlada Somalia ayaan qudheeda ka hadal haddii ay wax kala socto go’aanka lagu celshay mas’uuliyiintaas iyo in kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com