Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    205,984
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. A sixteen-year-old boy has rejected an appointed role as the deputy commissioner of a regional state in Somalia because of security fears. Source: Hiiraan Online
  2. Gudiga Doorashooyinka madaxa banaan ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in laga fakarayo qaabka ay noqonayso Doorashada Soomaaliya ka dhici doonta sanadka 2020ka. Gudiga Doorashooyinka ayaa sheegay in nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa lagaga dhawaaqi doono dhawaan shirka ka furmi doona Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka bay. Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka Madaxa banaan ee dalka Soomaaliya Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in doorashadaasi ay ku bixi doonto sidookale lacag gaaraysa 129 milyan Oo doolarka Maraykanka ah . Waxa ay sheegtay Xaliimo Yare in sanadkan 2018 uu uyahay sanad Gogol xaar badan ay samayn doonaan Gudiga , iyadoo 2019 kana loo gudbi doon in la qabto doorashada. Halkan kam dhagayso . Xaliimo yarey
  3. A total of thirty personnel from the Somali security forces, drawn from across the country, concluded a three-day capacity building workshop on child protection, in the capital Mogadishu, on Thursday. Source: Hiiraan Online
  4. The Minnesota History Center will throw open the doors to “Somalis + Minnesota” in June, the first long-term exhibit about the east African nation’s culture, heritage and diaspora at the state’s premier history museum. Source: Hiiraan Online
  5. Mogadishu (HOL) -Saudi Arabia's Foreign Ministry on Friday condemned the terrorist bomb attack in the Somali capital, Mogadishu that claimed the lives of 17 people. Source: Hiiraan Online
  6. Caasimada ayaa wajaheysa tijaabada dhibaatooyin horleh, kadib dhacdo 9 haween ah ay ku wax yeeloobeen oo Shalay ka dhacday dagmada Cabdicasiis. Sumeys Dhallinyaro sun lagu duray oo walaacsan, qoys daawo ay cabeen ku sumoobay oo intii badneyd ay dhinteen iyo tiro haween ah oo nadiifinaayay caasimada oo sun lagu buufiyay darteed isbitaalo u jiifa ayey noqotay hadal heynta dadka reer Muqdisho. Ilaa hada lama yaqaano meesha ay waxani ka socdaan iyo sababta midna, waase dhibkii hore oo dhib cusub lagu daray. Waa kala shakin bulsho oo horleh iyo inaad iska ilaaliso cid walba oo kusoo dhowaata.Dadka qaar waxey ku tilmaameen iney jiraan cuduro la faafinaayo. Dhaqaatiirta Dhaqaatiirta Muqdisho ilaa hada ma sheegin waxa ay tahay umuurtan soo korartay, dhaqaatiirta Muqdisho waxaa lagu eedeeya iney yihiin kuwa dhiig miirad ah oo aan marnaba daraaseyn cudurada kusoo kordha bulshada kana digin, waxey garanayan uun sida masaakiinta lacagta looga furto. Wasaarada caafimaadka Sidii uu u dilaacay mooshinka Jawaari badi ma shaqeeyaan wasiiradeennu waxana mid walba loo diray inuu raadiyo xildhibaanada beeshiisa, suurta gal ma tahay in wasiirada Caafimaadku aaney ogeyn bulshada Muqdisho ee la sumeynaayo ?, jawaabtu waa 50-50. Duqa magaalada Duqa magaalada Muqdisho ayaa maalmahan lagu xantaa inuu xafiiskiisa usoo raray Hotel SYL isaga iyo kuxigeenkiisa Maaliyada ,waxaa la sheegaya in loo xilsaaray qeybinta lacagaha mooshinka ka dhanka ah gudoomiye Jawaari. Waa suurt gal inuu Eng Yariisow maqlay dhacdooyinka xanuunka leh ee Muqdisho madaama uu aad u isticmaalo baraha bulshada laakiin ilaa hada waxba kama uusan qaban, lacagaha mooshinka loo isticmaalayo dadkii laga qaaday waa sumoobeen mana helin cid xabad kaniini ah u iibisa. Qoys uu gurigooda dab ka kacay oo dad badani ay ka dhinteen, qoys daawo ku sumoobay oo dhowr qof ay ka dhinteen iyo wiilal bajaajley ah oo sun lagu duray isbitaalo u jiifa ama shaqaalihii nadaafada gobalka Banaadir ee Shalay la sumeeyay wax weyn uma arko duqa caasimada. Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax Raafac22@gmail.com
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xarunta irshaad oo kaashanaysa wasaarada arimaha dastuurka xukuumadda federka ee soomaliya ayaa soo agaansintay kulan looga hadlayo dood cilmiyeed ciwaankeedu yahay (kaalinta dasruurka ee nidaaminta nolosha bulshada). Kulankaan waxa ka soo qeyb galay siyaasiyiin, aqoonyahano, khuburo, culima u diinka, barayaal jaamacadeed, sharci yaqaano Iyo dhalinyaro Kulankaan waxa aad loogu lafa guray falsafada dasruurka , mabaadi’ada ,wacyiga bulshada iyo sida ay tahay in looga dhaadhiciyo dadka aan fahansanayn. Waxa laga dooday fikradaha isdiidan ee la xiriira dawlad dhisida, taariikhda dimuqraadiyada, hidaha$ dhaqanka sooyaalka dasruurka soomaalida iyo sidoo kale xalinta khilaafaadka. Ugu danbayn kulaankaan ayaa ka soo qeyb galayaashu isla meel dhigeen in la xoojiyo wacyigalinta , aqoon iswaydaarsiga ,sibinaarada waxaana aad loo bogaadiyay xarunta irshaad oo soo qaban qaabisay dood cilmiyeedkaan. … ———-Dhamaad——— XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYI GALINTA XARUNTA IRSHAAD. Email: irshaad center@gmail.com CONTACT— 252613103010
  8. Dalladda ururada aan dowladiga ahayn Puntland ee PUNSA iyo Xafiiska Difaacaha xuquuqul aadanaha Puntland ayaa maantay Magaalada Garoowe kusoo gabogabeeyey shir soconayey mudo labo maalmood ah. Shirkaan ayaa mudadii labada maalmood ahayd ee uu socday waxaa looga doodayey xaalada xuquuqul aadanaha Puntland,iyadoo ka qaybgalayaashii ay iswaydaarsadeen dodo iyo xogo ku saabsan xaalada Xuquul aadanaha Puntlandd. Gabogabadii shirkaan ayaa waxaa laga soo saaray warsaxaafadeed ka koobnaa dhowr qodob waxaana Saxaafada u akhriyey Siciid Cawad Guuleed oo kamid ah ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntland. Halkaan ka dhegeyso Warsaxaafadeedka. 110416_001 - My Recording Daawo Sawirro. Puntlandi.com
  9. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 23 March 2018 ka qayb galay aas qaran oo loogu sameeyey magaalada Garoowe ee caasimada Dawladda Puntland garyaqaanka guud ee Dawladda Puntland AUN, Maxamed Muuse Ismaaciil Muuse. Aaska qaranka ee loo sameeyey maanta garyaqaankii guud ee DPl ayaa waxaa madaxweynaha Dawladda Puntland ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, Guddoomiyeha Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada DPL, saraakiil ka tisan Madaxtooyada Puntland iyo qaybaha kaladuwan ee bulshada magaalada Garoowe. Ugu horayn Madaxweyanha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u tacsiyeeyey shacabka reer Puntland, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay qaryaqqankii Guud ee Dawladda Puntland Marxuum Maxamed Muuse Ismaaciil Muuse, isagoona Illahay uga baryey in uu u naxariisto denbigiisana dhaafo, qabrigana u waasiciyo marxuumka. “Waxaan halkaan isugu nimid aaska (AUN) garyaqaankii guud ee Dawladda Puntland Maxamed Muuse Ismaaciil illaahey ha’u naxariisto. Illaahay danbigiisa ha dhaafo, ehelkii iyo qaraabadii uu ka tageyna samir iyo imaan Allah ha ka siiyo iyo dhamaan shacab weynaha Puntland oo uu u’ahaa mudo garyaqaanka guud ee dawladda, runtiina ahaa nin wanaagsan oo sharqan yar oo qunyar socoda oo runtii aan isleeyahay nin aad u dhibyar buu ahaa AUN, shaqo wanaagsan buu dalka u hayey intii uu u soo shaqeenayey wuxuuna ahaa nin shaqadiisa ka adag kuna asturan, kuna ceeb yar (AUN) Puntland iyo shacbigeedana waan uga tacsi yadeeynayaa dhammaanteed” ayuu yidhi madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa uu Illahay uga baryey inuu u naxariisto denbigiisana dhaafo marxuumka, camalkiisa inta wanaagsana Alle ku abaal mariyo, samir iyo iimaana Alle ka siiyo shacabka Puntland, eheladii, qarabadii iyo qoysaskii uu ka baxay.
  10. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa laamaha Amniga ee Magaalada Muqdisho waxa uu si deg deg ah ugu Amray in ay jawaab cad ay ka keenaan sidii uu ku dhacay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee Al-shabaab shalay ay ka fuliyeen Hotel Weheliye ee Magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad badan oo shacab ah . Ra’iisul Wasaare khayre ayaa Yiri “Caddowga aan la dagaallameyno waa mid caadeystay gumaadka shacabka, waana mid adeegsanaya xeelado kala duwan oo ay kamid tahay midda maanta dhacday.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Soomaaliya ayaa Eheladii iyo qaraabii dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaa wacmay Qaraxii Muqdisho waxa uu Alle uga baryay in intii dhimatay uu unaxariisto kuwii dhaawacmayna uu Alle ubooga dhayo.
  11. WICHITA, Kansas ― An overwhelmingly white jury will decide the fate of three white militiamen facing federal charges for allegedly plotting a terrorist attack that targeted a community of Somali Muslim refugees. Source: Hiiraan Online
  12. iyadoo shalay Magaalada Muqdisho uu ka dhacay Qarax Ismiidaamin ah oo sababay dhimashada 14 qof oo shacab ah iyo dhaawaca 10 qof oo kale sida ay xaqiijisay Wasaarada Amniga ee dowladda Fadaraalka Somaaliya ayaa Gudiga Amniga iyo difaaca ee Golaha Aqalka hoose ee Soomaaliya waxa ay sheegeen in aysan marnaba aysan mashquulin doonin howlihii uyaalay Golaha Shacabka ee Soomaaliya. Gudiga ayaa sheegay in howlaha ay wadaan Ciidamada qalabka sida iyo khilaafaadka jira aysan saameen xoogan ku yeelan doonin Mooshinkii laga keenay Gudoonka Baarlanaaka Soomaaliya wuxuuna Gudiga Ciidamada ugu baaqay in ay taxadarka badiyaan. Arinta ku saabsan Mooshinka laga keenay Gudoomiye jawaari ayay gudiga sheegeen in arintaasi sida uu Dastuurka dalka uu qabo lagu xalin doono. Xildhibaan Sadiiq Warfaa,oo ka mid ah Xubnaha Gudigaasi ayaa sidaasi Warbaahinta gudaha usheegay . Halkan ka dhagayso . 140322_001 - My Recording
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa kordhay dhimashada ka dhalatay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay afafka hore Hoteel Wehliye ee magaalada Muqdisho. Sida ay sheegeen laamaha amaanka dowlada iyo qaar ka mid ah Isbitaaladii la geeyay dadkii ku dhaawacmay qaraxa, waxaa kordhay khasaaraha dhimasho ee ka dhashay Qaraxa. Qaraxa ayaa ka dhashay Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu kaxeynayay Ismiidaamiye ka tirsanaa Al-shabaab ayaa beegsaday goob ay ku shaaheynayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan. Qaraxa ayaa halkaasi ku dilay dad ku dhow 22 qof, halka tiro intaas ka badana uu ku dhaawacay, warar kale oo la helayo ayaa waxa ay sheegayaan in weerarkan loo adeegsaday Gaari Saruf qalin ah oo lagu soo raray waxyaabaha qarxa. Dhammaan dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi oo u badnaa dhalinyaro Mooto Bajaaj ku shaqeysaneysay ayaa waxaa la dhigay Isbitaalada Magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu dabiibayo, ehehlada dadkaasi ayaa tan iyo xalay ku sii qul qulayay Isbitaalada, si u booqdaan dadka ka dhaawacmay. Qaar ka mid ah magacyada iyo Sawirrada dadkii qaraxaas ku dhintay oo u badnaa dhalinyaro ayaa la helay kuwaas oo eheladooda iyo saaxibadooda ay shaaciyeen. Dhinaca kale, dowlada Somalia, gaar ahaan Hay’adaha amaanka ayaa qudhooda u muuqda kuwo ku jahwareersan Qaraxa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Qoraalo kasoo kala baxay Wasaaradaha Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta, ayaa waxaa looga hadlay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay galab ka dhacay afafka hore Hoteel Wehliye ee magaalada Muqdisho. Qoraalada kasoo kala baxay Wasaaradaha labada dal ayaa waxaa lagu cambaareeyay qaraxii ka dhacay Hoteel Wehliye oo ku yaalla inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Sayidka. Waxaa qoraalka lagu sheegay in Qaraxa uu ahaa mid aafeeyay dad shacab ah, waxaana lagu dalbaday in gacan lagu soo dhigo dadka ka danbeeyay Gaariga Qarxay. Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu kaxeynayay dhagarqabe ka tirsanaa al-Shabaab ayaa beegsaday goob ay ku shaaheynayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan, halkaasi oo uu ku dilay dad ku dhow 20 qof, halka tiro intaas ka badana uu ku dhaawacay. Sidoo kale, qoraalka ayaa waaxaa tacsi loogu diray dhammaan ehelada dadkii ku naf waayay qaraxaasi, waxayna Sacuudiga iyo Imaaraadka sheegen inuu xoojinayo taageerada Dowladda Soomaaliya, gacana uu ka geysanayo dagaalka lagula jiro ururka Al-shabaab. Geesta kale, maleeshiyada al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna Shabaabku sheegeen in ay beegsadeen Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Dowladda Federaalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo ay jiraan khilaafyo dhanka Siyaasada ah oo u dhexeeya Xukuumada iyo baarlamaanka Somalia, ayaa waxaa mar kale khilaafka ceynkaasi ah ka hadlay Gudiga difaaca Golaha Shacabka Somalia. Guddiga oo dhinacyo badan ka eegaaya heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka ayaa si weyn waxa uu uga digaya in uusan amniga dalka saameyn ku yeelan khilaafka jira. Guddiga ayaa sheegay in khilaafka uu yahay mid kusii siqaaya heer xun, waxa uuna ka digay in arrimo Siyaasadeed loo qalqal galiyo dalka. Waxa uu gudiga difaaca Golaha Shacabka ka digay in ay amniga xiisadaas ka taagan dalka saameyn ku yeelato, waxa ayna carab dhabeen inay mudan tahay in xili hore laga hortago. Xildhibaan Sadiiq Warfaa,oo ka mid ah Xubnaha Gudigaas ayaa sheegay in khilaafaadka jira dhanka dastuurka lagu dhameyn doono,isla markaana uu rajeynayo in aysan hor istaagi doonin howlgallada amniga lagu xaqiijinayo oo ay wadaan. Geesta kale, waxa uu Guddiga dadka shacabka ah ugu baaqay inay wataan howlahooda isla markaana aysan ku mashquulin wixii ku xeeran Siyaasada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Security ministers drawn from Eastern Africa region on Thursday renewed support for far-reaching interventions aimed at ending the refugee crisis in Somalia. Source: Hiiraan Online
  17. Deegaano ka tirsan gobolada Mudug iyo Nugaa oo mudooyinkii udambeeyay laga soo sheegayay Abaar saameen ku yeelatay dadka iyo duunyada ayaa Xalay ilaa iyo Saaka waxaa ka da,ay Roob ay dadka iyo duunyaduba ay ku qabowsadeen . Deegaanada ay Roobabaka Guga ay ka da,een ayaa waxaa kamid ah Tuulooyin hoos yimaada Degmooyinka Burtinle iyo Jariib oo ka kala tirsan Mug iyo Nugaal. Sidookale Wararka uu helayo Warsidaha Puntlandi.com ayaa sheegaya in Roobkaasi sidookale uu ka da,ay Magaalooyinka Jariiban, Bali busle, Mayle, iyo Tuulooyinkale oo badan oo deegaanadaasi ka tirsan . Meelaha ay Roobka ka da,ay ayaa mudooyinkii udambeeyay waxaa laga soo sheegayay Abaar xoogan ,taas oo sababtay in dadkii ku noolaa deegaanadaasi ay soo galaan Magaalooyinka waawayn ee Goboladaasi Mudug iyo Nugaal.
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska Hay’adda Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saraakiisha iyo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee baara Qaraxyada ayaa wada baaritaanka weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Hoteel Wehliye ee magaalada Muqdisho. Saraakiil u hadashay Taliska qeybta baarista ayaa sheegay in baaritaanka ay ka qeybqaadanayaan Saraakiil Cadaan ah. Saraakiisha ayaa sheegtay in baaritaanka socda uu qaadan doono maalmo kooban, waxa ayna tilmaameen in Qaraxa uu ahaa mid aad u tan culus. Ciidamada Booliska ayaa shalay gelinkii dambe la arkayay iyaga oo tagay goobtii uu qaraxa ka dhacay, kadibna calaamadeeyay agagaarka goobta uu qaraxa ka dhacay iyo in ay qaateen aaladaha yar yar ee biraha ah halkaasi yaallay, kana dhashay qaraxa. Sidoo kale saraakiisha khubarada ah ee baaritaankan horkacayay ayaa la arkayay iyaga oo su’aalo ka weydiinaya arrintan shacabkii halkaasi ku sugnaa iyo Ciidamadii halkaasi ka akdhowaa. Dhinaca kale, Baaritaankaan oo ah mid caalami ah oo la mid ah midka aduunka lagu baaro Qaraxyada noocaan oo kale ah, ayaa Booliska wuxuu weli ku guda jiraa cadeynta sida ay wax ku dhaceen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayrre ayaa ka tacsiyeynaya dadkii ku geeriyooday qaraxi ka dhacay afaafka hore ee Hotel Wehliye. Ra’isul wasaaraha ayaa yiri “Aniga oo ku hadlaya magaceyga iyo kan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaan ka tacsiyeynayaa dadkii qiimaha badnaa ee nooga baxay qaraxii ka dhacay afaafka hore Hotel Wehliye ee Muqdisho” Ra’isul wasaaraha ayaa intaa ku daray “Cadowga aan la dagaallameyno waa mid caaddeystay gumaadka shacabka, waana mid adeegsanaya xeelado kala duwan oo ay ka mid tahay midda maanta dhacday.” Ra’isul wasaaraha ayaa u rajeeyay shacabkii ku dhaawacmay qaraxan in uu Alle bogsiiyo, waxuuna sheegay in ay dowladdu si dhaw ula soconayso xaaladda bukaannada dhaawacoodu daranyahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka tacsiyeynaya geerida dadkii shacabka ahaa ee maanta ku naf waayay qarax loo adeegsaday Gaari oo ka dhacay afaafka hore Hotel Wehliye ee Muqdisho. Qaraxan ayaa sabahay dhimashada 15-qof oo u badan shacab, kuwaasoo ku sugnaa halka uu qaraxu ka dhacay, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan, ayna mas’uuliyaddiisa sheegatay kooxda Al-shabaab. “Aniga oo ku hadlaya magaceyga iyo kan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaan ka tacsiyeynayaa dadkii qiimaha badnaa ee maanta nooga baxay qaraxii ka dhacay afaafka hore Hotel Wehliye ee Jidka Maka Al-Mukarama. “Caddowga aan la dagaallameyno waa mid caadeystay gumaadka shacabka, waana mid adeegsanaya xeelado kala duwan oo ay kamid tahay midda maanta dhacday.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa faray laamaha amniga ee arrintan khuseyso in ay warbixin deg-deg ah ka keenaan sida walxaha qarxa ay kusoo dhaafeen baraha baarista. Isla xisaabtan dhab ahna waa inuu jiraa. Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyay shacabkii ku dhaawacmay qaraxan in uu Alle deg-deg u bogsiiyo, waxuuna sheegay in ay dowladdu si dhaw ula soconayso xaaladda bukaannada dhaawacoodu daran yahay. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo laamaha amniga faray inay warbixin ka keenaan qaraxii shalay appeared first on Puntland Post.
  21. Allaha unaxariistee waxaa xalay Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland ku geeriyooday Garyaqaankii guud ee Puntland Maxamed Muuse Ismaaciil. Garyaqaan Maxamed ayaa mudooyinkii udambeeyay ku xanuunsanaa Isbitaalka Guud ee Magaalada Garoowe halkaas oo xaladiisa Caafimaad lagula tacaalayay. Geerida Garyaan Maxamed Muse ayaa waxaa ka tacsiyeeyay oo aad uga naxay dadbadan oo isgu jira Siyaasiyiin , Aqoonyahano , Xildhibaano iyo Xubno katirsan golaha wasiirada ee Puntland . Garyaqaanka ayaa ahaa shaqsi habdhaqan iyo dabeecad wanagasan lahaa. Dhamaan bahda Warbaahinta Puntlandi.com waxa ay sidiikale dhankooda ay Tacsi udirayaan Ehelada iyo qoyska uu ka geeriyooday Marxuum Garyaqaan Maxamed Muuse Ismaciil . Inaalilaahi wainaa ileehi Raajicoon kula Nafsin daaiqatul mowt.
  22. Waxaa la sheegaa in oraahda kor ku xusan tahay maahmaah ama hadal-qabsi caan ka ah dhulka Soomalidu degto gaar ahaan degmada Berbera ee gobolka Saaxil, Somaliland. Source: Hiiraan Online
  23. Mandheere (Caasimada Online)- Ciidamada Kenya oo wata gaadiidka dagaalka, ayaa saaka lagu arkay xuduuda Soomaaliya ay kala wadaagto dhanka magaalada Balad Xaawo, ee gobolka Gedo. Qaar kamid ah shacabka Balada Xaawo oo la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in derbiga dib loo billaabey dhisamaha derbiga, kaasi oo Kenya ay marsiinayso gudaha degmadaasi, iyadoo arintaasina ay ka dhalatay xiisad colaadeed. Horaantii sanadkan ayaa shacabka iyo maamulka degmada Balad Xaawo kahor tagey dhisamaha derbiga ee laga dhisayo gudaga magaalada, waxaana dhacay iska hor-imaad dhex maray shacab carasan iyo Ciidamada Kenya. Kulan ay dhawaan yeesheen mas’uuliyiinyta maamulka degmada Balad Xaawo iyo kan Mandheera ayaa fashilmay iyadoo la xiray xuduuda ay labadaasi magaalo wadaagaan oo isaga kala gudbi jiray ganacsiga iyo waxbarashada. Dowladda Kenya ayaa horey u sheegtay inay derbi dheer oo 700KM gaaraya ay ka dhisayso xuduuda Soomaaliya kala wadaagto dhanka gobolka Waqooyiga bari, si ay uga hortagto weerarada Al Shabaab, islamarkaana ku ilaaliso amaankeeda. Mas’uuliyiin iyo Wasiirro katirsana dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa dhowr jeer oo hore booqday goobta laga dhisayo derbiga, kuwaasi oo shacabka warbixin ka siinin wali waxyaabihii ay kusoo arkeen xuduuda.
  24. Shir ku saabsan wada-tashiga xaaladaha xuquuqda Insaanka Puntland oo ay iska-kaashanayan Dalladda Daneeyaasha aan dowliga ahayn ee PUNSAA iyo Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha dowladda Puntland ayaa maanta ka furmay magaalada Garoowe. Shirkaan oo mudda laba maalmood ah soconaya ayaa looga hadlayaa kor u qaadista wada-shaqeynta ka dhexaysa Dalladda ay ku midaysanyihiin bulshada rayidka ah ee PUNSAA iyo Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland,gaar ahaanna sidii Xafiisku ula wadaagi lahaa bulshada rayid ah warbixinaha la xiriira heerka xuquuda Insaanka ee degaannada Puntland. Guddoomiyaha Dalladda ay ku midaysan yihiin Daneeyaasha aan dowliga ahayn ee PUNSAA,Faysal Axmed Warsame(Faysal Qaran) oo ka hadlay furitaanka shirkaan, ayaa sheegay in dalladda ay ka go’antahay in ay Xafiiska Difaaca kala shaqeyso u qareemidda arrimaha Xuquuqda Insaanka,si loo helo xogta rasmiga ah ee heerka Xuquuqda Aadanaha ee ka jira guud ahaan degaannada Puntland. Dhinaca kale Maxammed Yuusuf Cali,Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha dowladda Puntland,ayaa shirka ka sheegay in ay diyaar u yihiin la-wadaagista bulshada rayidka ah,Xogta iyo warbixinaha ku saabsan heerka xuquuqda Insaanka,gaar ahaanna xaaladda ka jirta xabsiyada ku yaalla guud ahaan degaannada Puntland. Ciid Qaran PUNTLAND POST The post Dalladda PUNSAA oo qabatay shir ku saabsan arrimaha xuquuqul insaanka Puntland appeared first on Puntland Post.