-
Content Count
214,458 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Sawir hore:- Cabdiwali Gaas, Madaxweynaha Puntland Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta u ambabaxay magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka Jubbaland oo beri ka furmi doono shirkii golaha iskaashiga dowlad goboleedyada Soomaaliya. Cabdiwali Gaas Madaxweynaha Puntland oo ah Guddoomiyaha golahaas ayaa 19 bishii hore ee August shaaciyay shirka Kismaayo, isagoo sheegay in looga tashan doono danaha dowlad goboleedyada iyo guud ahaan kuwa qaranka Soomaaliya. Dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa dhamaadka sanadkan iyo bilowga sanadka dambe waxaa ku soo aadan doorashooyin madaxtinimo, iyadoo warar ay heshay PUNTLAND POST sheegayaan in shirka Kismaayo looga hadli doono arrimahaas. Madaxda dowlad goboleedyada ee ku bahoobay golaha iskaashiga ayaa doonaya in doorashada madaxtinimada dowlada dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah la qabto dhamaadka sanadka 2020. Dhamaan madaxda dowlad goboleedyada ayaa maanta ka degi doona magaalada Kismaayo, waana shirkii labaad oo golahaasi ay ku yeeshaan halkaas, mudadii ay jireen. Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxaa safarka Kismaayo ku wehelinaya qaar kamid ah golayaasha dowladda iyo saraakiil madaxtooyada ah. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo u ambabaxay Kismaayo appeared first on Puntland Post.
-
Qarax aad u xooggan loona adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu weeraray xarunta degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho. Waxaa jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo qaraxan uu ka dhashay, balse weli tiro rasmi ah lama hayo. Waxaa burbur xooggan soo gaaray guud ahaan xarunta degmada Howlwadaag, iyadoo sidoo kalena ay burbureen guryo, dugsi Qur’aan iyo masjid halkaasi ku yaallay. Waxa soconaya gurmad xooggan oo ay wadaan gaadiidka Ambalaasta ah, iyadoo sidoo kalena halkaasi ay gaareen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo ciidamo badan oo dhanka amniga ah. Guddoomiyaha degmada Howlwadaag Cabdikariin Cali Kaar oo howlihiisa shaqo halkaasi u joogay u xilliga qaraxa uu dhacayey ayaa badqaba oo hadda waxa uu ka mid yahay dadka gurmadka u sameynaya shacabka waxyeellada soo gaartay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa ayaa lagu weeraray Xarunta Degmada Hawlwadaag ee Magaalada Muqdisho sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo dadka degaanka ah. Gaariga weerarka loo adeegsaday oo la sheegay inuu ahaa nooca raaxada ayaa ka imaaday dhanka Suuqa Bakaaraha oo qeyb ka ah degmada. Weerarka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan waxaana xiligaa Degmada ku sugnaa shacab badan oo howlo looga waday xarunta. Waxaa weerarka ka badbaaday Gudoomiyaha degmada Howlwadaag Cabdikariin Cali Kaar oo iminka bad qaba, Balse waxaa jira Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, waxaana dadka ay waxyeeladu soo gaartay kamid ahaa ilaalada Xarunta. Burbur xooggan ayaa soo gaaray xarunta degmada Howlwadaag, waxaana goobta laga qaaday Meydad iyo dhaawacyo sida dadkii goobta tagay sheegen. Ciidamada ammaanka ayaa tagay goobta ay wax ka dhaceen, halkaasi oo dad dhaawacyo ah laga daadgureeyay.
-
Muqdisho (PP) ─ Qarax jugtiisa laga maqlay inta badan Degmooyinka Muqdisho, ayaa goor-dhaw ka dhacay degmada Hawlwadaag ee magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxa kaddib ay billaabatay rasaas xooggan. Wararka ayaa sheegaya in Qaraxan lagu weeraray xarunta degmada Hawl-wadaag, lamana oga khasaaraha ka dhashay Qaraxaan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay. Gobjoogayaal ku sugan halka uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in goobta ay soo buuxiyeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda ayna haatan socoto rasaas culus oo ay inteeda badan ridayaan ciidamada Dowladda Somalia. Maamulka Degmada Hawl-wadaag ayaan ka hadlin qaraxan iyo khasaaraha uu geystay, waxaana uu kusoo beegmayaa xilli maalmihii u dambeeyay ay xasilloonayd Muqdisho. Sidoo kale, warrka ayaa waxay sheegayaan in qaraxa uu saameyn xoog leh ku yeeshay dugsi Qu’aan ay dhiganayeen caruur yaryar iyo guryo ay deggen yihiin dad shacab ah oo ku dhaw degmada oo ku taalla meel ku dhaw isgoyska Hawl-wadaag ee gala suuqa Bakaaraha. Dhanka kale, Waxaa goobtaas gaaray gaadiidka gurmadka deg-degga ah oo ka qaadaya dhaawacyo ka dhashay qarxan, iyadoo waddadu ay xiran tahay xaalad aad u kacsanna ay ka jirto halkaas. Ugu dambeyn, Qaraxan aanay jirin cid sheegatay, waxaa wararka kasoo kordha kula socon doontaan wararka soo socda ee Puntland Post. PUNTLAND POST The post Qarax aad u culus oo Goor-dhaw ka dhacay Degmada Hawl-wadaag ee Gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kaa oo inta badan laga wada maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir. Qaraxa oo jugtiisa uu ahaa mid aad u xoogan ayaa waxa uu u muuqda mid loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa. Qaraxa ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dhacay Xarunta Degmada Howlwadaag waxaana lasoo warinayaa in loo adeegsaday Gaari. Qaraxa kadib ayaa waxaa mar qura is qabsaday rasaas xoogan oo ay ridayeen ciidamada dowlada ee ku sugnaa meel ku dhow dhow goobta uu Qaraxa kadhacay oo ah Xarunta Degmada Howlwadaag. Waxaa la maqlayaa guuxa gaadiidka gurmadka oo ku qulqulaaya halka uu Qaraxa kadhacay, waxaana xusid mudan in gaadiidka dagaalka ciidamada dowlada ay gaarayaan goobta Qaraxa. Ma cadda heerka uu la egyahay khasaaraha ka dhashay Qaraxa waxaana inta badan xiran waddooyinka gala xarunta oo lasoo dhigay ciidamo badan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa weli magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ku sugan madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo ka maqnaa dalka. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka tirsan Xildhibaanada baarlamaanka Somalia, isla markaana kulamo la qaatay qaar kamid ah madaxda ugu sareysa dalka ayaa sidoo kale wada kulamo ay isku arkayaan Xildhibaanada labada Gole. Xildhibaanada uu la kulmaayo Xasan Sheekh Maxamuud aya u badan kuwa baarlamaanka Somalia gaar ahaan garabka mucaaradka iyo kuwo kale oo ay soo wada shaqeeyen mudada uu hayay xilka madaxweyninimo. Xasan Sheekh iyo Xildhibaanada ayaa isla faaqidaya Siyaasada dalka, waxaana kamid ah Xildhibaanadaasi kuwo inta badan ku caanbaxay dhaliilaha dowlada qeybna ka ah mucaaradka. Xildhibaanada qaar ayaa lasoo sheegayaa in si KMG ah ay ula sii dageen Xasan Sheekh Maxamuud si joogto uu usii noqdo shirarka maadaama ay aad u kooban tahay xiliga joogitaanka Xasan. Xasan Sheekh iyo Xildhibaanada garabka u ah ayaa waxaa wehlinaaya Siyaasiyiin ka tirsan garabyada mucaaradka, waxaana soo baxaaya warar sheegaya in halkaasi lagu dajinaayo qorshaha aasaaska Xisbi weyn oo uu wato madaxweynihii hore. Sidoo kale, Xasan Sheekh oo inta badan aan dowlada Somalia ka dhaliilin warbaahinta ayaa waxaa garab boodaaya Xildhibaano jahwareer galiyay dowlada Somalia kuwaa oo diirada ka lumiyay DFS oo iyadu hiigsaneysay Siyaasad degan. Si kastaba ha ahaatee,Xasan Sheekh iyo Xildhibaanada garabka u ah ayaa lagu wadaa inay booqdan magaalooyinka Garoowe, Baydhabo iyo Kismaayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Waxaa dhawaan lagu wadaa in doorasho heer Madaxweyne ay ka dhacdo magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland. Doorashadan ayey Xildhibaanada maamulka ku dooran doonaan Madaxweynaha cusub ee maamulka, waxaana xilkaasi u sharaxan tirro mas’uuliyiin ah oo qaarkood xilal horay uga soo qabtay dalka. Maamulka Jubbaland oo ka duulaya doorashada ayaa soo saaray shuruud adag oo la hordhigay musharaxiinta dooneysa inay u tartamaan doorashada ama ay qabtaan xilka ugu sareeya maamulka. Maxamuud Sayid Aadan, Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubbaland oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in shuruuda hortaal musharaxiinta tartameysa ay tahay in marka hore ay xoreeyan deegaanada ku jira gacanta Al-Shabaab ee maamulka ka maqan. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay musharaxiinta laga doonaayo in marka hore ay usoo halgamaan maamulka, waxa uuna soo jeediyay in xisaabta lagu darsado in musharaxnimada ay ka horeyso in marka hore Al-Shabaab laga saaro Jubbooyinka. Madaxweyne ku-xigeenka waxa uu tilmaamay in fulinta shuruuda kadib ay musharaxiinta u banaan tahay in ay isu soo sharaxaan qabashada hoggaanka Jubbaland. Warka ka soo baxay Maxamuud Sayid Aadan oo ah Madaxweyne ku-xigeenka koobaad ee Jubbaland ayaa ku soo aadaya xilli Siyaasiyiinta deegaanadaas qaarkood ay Madaxweyne Axmed Madoobe ku eedeynayeen inuu doonayo mudo kororsi. Si kastaba ha ahaatee, waxaana la ogeyn sida ay ku dhaqan gali doonto shuruuda la hordhigay musharaxiinta maamulka, waxa ayna tani shaki galin doontaa dhicitaanka doorashada la filaayo. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in qeybo kamid ah Gobolka ay duqeyn ka geysteen Diyaarado aan la aqoon halka laga leeyahay. Diyaaradaha ayaa Duqeynta ka geystay saldhig ay maleeshiyada Al-Shabaab ku leeyihiin degmada Bau’aalle ee gobolka Jubbada Dhexe. Saldhiga la duqeeyay ayaa la xaqiijiyay in maleeshiyada Al-Shabaab ay ku diyaarin jireen weerarada iyo Qaraxyada, sida laga soo xigtay Saraakiisha ciidamada gobolka Jubbada Dhexe. Diyaaradaha ayaa ilaa afar gantaal ku dhuftay Saldhiga, waxaana lasoo sheegayaa in duqeyn kadib ay Saldhiga isku gadaameen Gaadiid dagaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Shabaab. Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Saldhiga la duqeeyay ay xiligaasi ku sugnaayen Saraakiil ajaaniib aheyd oo ka tirsan Al-Shabaab. Ku dhawaad 8 maleeshiyo ayey dadka deegaanka soo sheegayaan inay waxyeelo kasoo gaartay duqeynta kuwaa badankood uu soo gaaray dhaawac. Duqeymaha ugu badan ayaa waxaa gobolka Jubbada Dhexe ka geysta Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka iyo kuwa Kenya, waxaana xusid mudan in Gobolkaasi uu yahay halka labaad ee ugu Saldhigyada badan. Dowlada Somalia ayaan weli ka hadal duqeynta la sheegay in lagu laayay Saraakiil ajaaniib ah oo ka tirsan Al-Shabaab iyo Maleeshiyaad kale. dron
-
KARANJA KABAGE oo ah Qareen ka tirsan maxkamadda sare ee Kenya ayaa maanta waxaa uu ku qoray jariidadda afka dheer Daily Nation inay haboontahay inay midoobaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya, isaga oo is-weydiiyey inkasta oo Soomaalida ku xirantahay bariga dhexe haddana maxaa ku jaban inay la midoobaan dalka Kenya? Dhul ahaan waxaa uu leeyahay Kenya waa 582,000 iyo Soomaaliya oo ah 637,000 square kilometers, halka xeebta Kenya ay tahay (490) iyo Soomaaliya (3,333km), tirada dadka Kenyaanka waxaa ay ku dhowyihiin 49 million halka Soomaalidana ay tahay ilaa 20 million. Waxyaabaha soo dedejin kara midowga waxaa uu ku sheegay in Kenya ay heysto qaxooti badan oo Soomaali ah, sidoo kalana ay jiraan Soomaali deggan gobolka waqooyi bari oo jagooyin muhiim ah ka haayo dowladda Kenya, isaga oo Soomaalida ku sifeeyay dad howl-kar ah oo shaqo badan. Qoraalka oo dheeraa waxaa ku jiray, haddii labada dal ay ka midoobaan xagga difaaca, maamulka iyo xeerarka, arrimaha dibadda, beeraha, waxbarashada, caafimaadka, dhulka iyo xeebaha, waxaa ay noqon-doonaan awood weyn oo dadka iyo deegaanka ah, taasi oo midowga bariga Afrika ka dhigeysa meel loo soo raadsado maal-geshiga. Sidoo kale, haddii labada dal midoobaan waxaa ay dadka tiradoodu noqon-doonaan 70 milyan, waxaana la heli-doonnaa suuq fiican, waxaa sidoo kale aan ka faa’ideysneynaa ayuu leeyahay xeebta dherarkeedu yahay 3,800km. Dhanka maamulka, waxaa uu soo-jeediyey in Kenya ay madaxweynaha qaadato halka Soomaaliya ay lahaato ku-xigeenka, taasina ay jirto muddo KMG ah, kadibna uu muwaadin kasta oo Kenyaan ah ama Soomaali ah uu doorto qofka uu rabo. Waxaa kale oo haboon in laga wada hadlo sidii loo saari lahaa dastuur cusub, oo la isku waafaqsanyahay. Midowga waa in ujeedkiisa ahaa in muwaadiniinta labada dal ay badda ka wada faa’ideystaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Diyaarado dagaal oo aan weli la aqoonsan dalka laga leeyahay ayaa duqeyn cirka ah ka fuliyay degmada Bu’aale ee gobolka Jubada Hoose,halkaaso ay ku xooggan yihiin malayshiyaadka Al-shabaab,sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsam militariga Soomaaliya. Saraakiisha ayaa xaqiijiyay in duqeymaha lagu garaacay xarumo ciidan oo Al-shabaab ku leeyihiin degmada Bu’aale iyo nawaaxigeeda,hase yeeshee weli faahfaahin lagama helin khasaaraha gaaray malayshiyaadkii halkaasi joogay,sida saraakiishu sheegeen. Sidoo kale dadka degaanka ayaa soo weriyay in gantaallo lagu garaacay fariisimo ay ku sugan yihiin Al-shabaab oo ku yaalla degamada Bu’aale,balse aan war laga hayn khasaaraha ay dhaliyeen duqeymahaasi. Inta badan diyaaradaha dagaalka Maraykanka ayaa beegsada,degaannada ay ku xoooggan yihiin Al-shabaab,gaar ahaanna xarumaha ay ku taba-bartaan,goobaha lagu tuhmayo hoggaamiyaashooda iyo sidoo kale kaydadka hubku u yaallo,hase yeeshee ilaa haatan lama xaqiijin in diyaaradaas Maraykanku lahaa iyo inkale. Dhinaca kale ciidamada Kenya ee ku sugan Jubbooyinka ayaa mararka qaar duqeymo la beegsada degaannada Al-shabaab ay weerarrada ka soo qaadan ee gobollada Jubooyinka iyo Gedo. PUNTLAND POST The post Diyaarado duqeeyay degmada Bu’aale ee Jubada Hoose appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo-[Puntland Post]War ka soo baxay Maamulka Jubaland ayaa baaq loogu diray siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada Maamulkaas ee doonaya inay isku-soo sharaxaan Madaxweynaha Maamulka Jubbaland. Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in Siyaasiyiinta marwalba dhaliila Madaxda dowlad goboleedka Jubbaland in ay marka hore ka qayb qaataan xoreynta deegaanada maqan ee Jubbaland,isla markaana markaas kaddib ay u bannaan tahay in ay isu soo sharaxaan qabashada hoggaanka Jubbaland. Warka ka soo baxay Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne ku xigeenka koobaad ee Jubbaland ayaa ku soo aadaya xilli Siyaasiyiinta deegaanadaas qaarkood ay Madaxweyne Axmed Madoobe ku eedeynayeen inuu doonayo mudo kororsi. https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/09/https___www.radiodalsan.com_wp-content_uploads_2018_09_jubbaland-doorasho.mp3.mp3 Cabdiqani Boos Puntland Post The post Musharixiinta Xilka Madaxweyne ee Jubbaland oo lagu xiray Shuruud appeared first on Puntland Post.
-
Jigjiga (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka DDSI Mustafe Muhumed Cumar (Cagjar), ayaa ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada maamulka, kadib markii uu hormaray baarlamaanka maamulka. Mustafe Muhumed Cumar (Cagjar), oo Golihiisa kasoo xulay xubno aan badankooda horay usoo shaqeyn ayaa sheegay inuu kusoo xushay howl-karnimo. Golaha Cusub wasiirada oo ka kooban ilaa 27 xubnood ayaa waxaa la filayaa in maanta uu ansixiyo baarlamaanka dowlad degaanka Soomaalida. HOOS KA AKHRISO LIISKA GOLAHA CUSUB 1-Madaxweynaha DDSI Mudane Mustafe Muxumed Cumar 2-Madaxweyne Ku/xigeen Mudane Aadan Farax Ibrahim 3-Wasiirka Biyaha Mudane Bashiir Shaafi 4-Wasiirka Maaliyadda Mudane Bashir Dubad 5-Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xasan Dhaadhi 6-Wasiirka Waxbarashada C/laahi Maxamed Muuse 7-Wasiirka Caafimaadka Dr Yusuf Maxamed 9-Wasiirka Beeraha Mudane C/qaadir iimaan 10-Wasiirka Howlaha Guud Mudane C/fatax Sh Biixi 11-Wasiirka Ganacsiga Mudane C/raxan Axmed Xasan 12-Wasiirka Ka-hortaga Masiibooyinka Mudane Maxamed Cabdi 13-Wasiirka Qurbajoogta Muadne Xabiib Xaaji 14-Wasiirka Xeer-ilaalinta Mudane C/wali Jamac Ibrahim 15-Wasiirka Xoolo Dhaqatada Eng Maxamed Shaale Isaaq 16-Wasiirka Cadaalada Mudane Mubaarak Sh Cumar 17-Wasiirka Shaqada Iyo Shaqaalaha MudaneXasan Aadan 18-Wasiirka Haweenka Marwo Ayaan Cabdi Shukri 19-Wasiirka Warfaafinta Guuled Aw Cali 20-Wasiirka TVET Mudane C/raxmaan Liid Daahir 21-Wasiirka Dooxooyinka Mudane Axmed Deeq Maxamed 22-Wasiirka Sayniska Mudane Axmed Naaji 23-Wasiirka Dhaqanka, Dalxiiska Mudane Ilyaas Abiib 24-Wasiirka Macdanta, Tamarta Mudane Lade C/wali 25-Wasiirka Dhalinyarada Mudane Xasan Faarax Cali 26-Maareeyaha Wakaalada, Jidadka Sacaada Giire 27-Maareeyaha Wakaalada, Dakhliga Mudane C/laahi Cabdi. Hoggaamiyaha DDSI Mustafe Muxumed Cumar, ayaa horay u magacaabay Taliyayaasha ciidamada qeybahooda kala duwan, waxaana xigay magacaabida Wasiirada cusub. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
-
Faahfaahin kale ayaa ka soo baxaysa qarax gaari lagu xiray oo shalay galab ka dhacay degmada Dharkaynleey ee gobolka Banaadir. Guddoomiye ku xigeenka maamulka Shabeellaha Hoose,Cabdifitaax Xaaji Xaaji Cabdulle oo qaraxan gaarigiisa loogu xiray ayaa ka badbaaday,halka laba askari oo ka tirsan ciidamada amnigu ay ku dhaawacmeen,sida ay xaqiijiyeen saraashiisa Booliiska Muqdisho. Mas’uulka la beegsanayey ayaa la sheegay in uu gaariga ka degay,si baaritaan loogu sameeyo kadib markii uu ka shakiyay,laakiin gaariga ayaa qarxay iyadoo la isku dayayo in la kala furo miinada lagu rakibay,taasi oo ay ka dhalatay dhaawaca askarta. Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxan sida lagu daabacay mareegaha iyaga taageera,waxaana ay sheegeen in hadafkiisu ahaa in la khaarajiyo guddoomiye ku xigeenka Shabeellaha Hoose, Cabdifitaax Xaaji Xaaji Cabdulle. PUNTLAND POST The post Guddoomiye ku xigeenka Shabeellaha Hoose oo ka badbaaday qarax lala eegtay appeared first on Puntland Post.
-
Jigjiga-[Puntland Post]-Mudanayaasha golaha baarlamaanka ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta meelmarinaya xubnaha golaha fulinta oo uu xalay soo magacaabay Madaxweynaha cusub Mustafa Maxamed Cumar, waxaana dhamaantood ay yihiin kuwa gudaha dalka laga keenay oo laga saaray Qurbo-joog la saadaalinayey saacadihii u dambeeyey. Guddiga Fulinta ayaa shaqada la wareegaya, waxayna kala wareegayaan xubnihii hore ee Cabdi Maxamuud Cumar oo qaarkood ay hadda xabsi ku jiraan, waxaana la filayaa in la siiyo codka kalsoonida ee golahan cusub. Caqabado badan ayaa horyaala golaha cusub, oo ay ku jiraan in hay’addihii dawladda oo aan shaqeynin mudo dheer ka dib ay tahay in ay howlgaliyaan isla markaasna ay bixiyaan xaquuqda Shaqaalaha dawladda iyo ciidamada. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Golaha Baarlamaanka DDS oo maanta u balansan ansixinta golaha Wasiiradda cusub, appeared first on Puntland Post.
-
Eight-time Olympic gold medalist Usain Bolt has kicked off a new career - playing football with Australia's Central Coast Mariners. The 32-year-old Jamaican sprinter was greeted by a crowd of nearly 10,000 people in Gosford, north of Sydney. Source: Hiiraan Online
-
Saturday September 1, 2018 By KARANJA KABAGE Sometimes the unthinkable can become reality if we applied our minds to possibilities and fortunes beyond our ordinary imaginations. When in 2011 Kenya invaded Somalia in pursuit of Al-Shabaab militants, it was consistent with the UN Charter, which allows for self defence in preservation of territorial integrity. It is almost seven years since the Kenya Defence Forces crossed into Somalia to not only stabilise the country but also stop Al Shabaab cross-border attacks. Supreme sacrifice by Kenya has seen lives of our men and women lost. Fortunately, Somalia is slowly becoming stable and hopefully peace shall prevail within its borders. GEO-POLITICAL STRATEGY In the scheme of geo-political strategy, Somalia will need a lot of support from the international community, especially Kenya. But reflecting much more deeply, one reality of Somalia is unique. It is one of the most homogenous societies in the world with a common language, culture and religion. But it has been in difficulties since 1990 when the dictator Siad Barre was deposed, without a viable alternative capable of holding Somalia together, especially because of clan rivalry. The Somali people tend to identify themselves along these clans, and as the saying goes, to a Somali the family and the clan come first versus the rest. VERY ENTERPRISING Kenya too has challenges of ethnic configurations of about 44 different groups but the country has largely remained a united multiparty democratic state. It has strong and well defined institutional frameworks under the doctrine of separation of powers where the Executive, Judiciary and Legislature coexist harmoniously and Constitutionally. Geographically, Kenya covers 582,000 and Somalia 637,000 square kilometres with respective coastal lines of 490 and 3,333km. Kenya has a population of close to 49 million while Somalia has roughly 20 million. However, Somalia is unique in the sense that it is highly globalised. A lot of its citizens live in the Horn of Africa, Yemen, the Gulf States, Western Europe and US and Canada — but Kenya and Yemen have most of the Somali refugees. By their nature Somali people are very enterprising, hardworking and those that have been exposed are highly educated. Kenya has a large population of ethnic Somalis, who mostly live in the north eastern region. They occupy key positions in the national and county governments and are integrated like any other ethnic community of Kenya. TERRITORIAL INTEGRITY Why then wouldn’t there be a Kenya Somalia Federation despite Somalis usually associating with the Middle East while their natural ally should be Kenya? If the two Nations were to federate on matters defence, law and order, foreign affairs, agriculture, education, health, territorial integrity and coast guards they will constitute a formidable force and their combined resources both human and natural would make this Eastern Africa Federation an attractive investment destination. This would enable us to exploit maritime resource along the combined 3,800km long coastline with incredible exclusive economic zone and territorial waters. We shall have a combined population of close to 70 million plus and this will create a formidable market opening up a new frontier. VAST OPPORTUNITIES As for the constitutional construct, we can come up with governance structures where Somalia will be producing a Deputy President while Kenya produces a President within a transition period after which any national of Kenya and Somalia can contest for the presidency. However, the issue of a new constitutional dispensation can be debated and agreed upon while overreaching beneficial value of the federation should focus on synergy and creation of a climate where peoples of these two countries can freely take advantage of vast opportunities. This will ultimately have value in harnessing greater peace and tranquillity. COMMON LANGUAGES The model being proposed here can have application across Africa in creating several federations because if we have to trade and negotiate with other nations outside of the continent the current geographical dispensations of small population-wise states cannot give us leverage. Above all, these federations will help us chart forward with development of common languages. This advocacy is intended to address the future of Africa in the context of globalised world with less perpetual dependency by changing the paradigm to greater production of economies of scale with larger populations/market and hence capabilities for greater research and development. The writer is an Advocate of the High Court of Kenya; kabage@pacific-group.co.ke
-
In the post-cold war era and the rise of a unipolar global hierarchical system led by the United States, the world had seen the fall of many authoritarian regimes (Kaldor, 2006). This caused many civil wars to break out in those countries ( Example: Somalia, Sierra Leone, Liberia, Cambodia, Yugoslavia, etc.) between those who were marginalized for a long period of time and armed militias of the regime (Kaldor, 2006). However, those civil wars caused havoc through large human causalities and the displacement of millions of people both internally and externally as refugees as well as destabilizing global security by becoming a refuge for human trafficking, drug smugglers and terrorist (Ramsbotham, Woodhouse and Miall, 2011). Source: Hiiraan Online
-
Popular Contributors
