Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,600
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa is bedel ballaaran loogu sameeyay Hey’adaha amniga dalka iyo Agaasinka Guud ee Madaxtooyada. Arrimaha lama filaanka ee dhacay ayaa ahaa in Agaasimihii Madaxtooyada Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo lagu tilmaamo shaqsiyaadka saameynta ku leh dowladda loo magacaabay xilka Agaasime kuxigeenka Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka oo muddooyinkii u dambeeyay qalalaase ka jireen hey’adda, kaddib shaqo joojintee Kuxigeenada Hey’adda. Wareegtada ayaa waxaa xilka looga qaaday Taliye kuxigeenada Nabadsugida ee kala ahaa Cabdalla Maxamed Cabdalla iyo C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac), kaddib markii bil ka hor uu shaqo joojin ku sameeyay Taliyaha NISA Xuseen Cismaan Xuseen. Sidoo kale arrimaha kale ee lama filaanka ahaa ayaa waxaa uu ahaa magacaabida Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo laga qaaday Jen. C/weli Jaamac Gorod oo aan xilkan heyn muddo sanad ah, waxaa lagu bedelay Jen. Daahir Aadan Cilmo Indha Qarshe oo horay xilkan u soo qabtay dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh. Waxaa kaloo xilka laga qaaday Abaanduulihii Ciidanka xoogga dalka Jen, C/llaahi Caanood, waxaa lagu bedelay Taliyihii Ilaalada Madaxtooyada Odawaa Yuusuf Raagge oo wareegtada lagu dalacsiiyay lagana dhigay Sareeye Guuto, halka markii hore uu ahaa G/Dhexe. Is bedelka ayaa waxaa uu sidoo kale saameeyay Taliye kuxigeenada Booliska Soomaaliyeed oo mid ka mid ah loo magacaabay qof dumar ah. G/Sare Zakiya Xuseen Axmed oo sanado ka hor ku biirtay Ciidanimada ayaa loo magacaabay Taliye kuxigeenka Booliska Soomaaliyeed, waxaa ay horay xilal uga soo qabatay CID iyo Waaxda Amniga Gobolka Banaadir. Maxaa Amniga kusoo kordhi karo Dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawr jeer isbadalo kala duwan ku sameysay madaxda ugu sareyso hey’adaha Amniga dalka waxaana ugu dambeysay midaan Maanta xilal cusub loogu magacaabay Taliyaasha Nabadusgidda, Booliska iyo ciidamada Xoogga dalka. Waxaa la is waydiinayaan waxa ay soo kordhin karto tallaabadaan cusub oo uu qaaday madaxweyne Farmaajo? Prof. Xasan Nuur oo ah aqoonyahan ku takhasusay xagga Amniga ayaa aaminsan inaysan tallaabada cusub wax kusoo kordhin karin Amniga dalka isagoo ku doodayo in shakhsiyaad la magacaabo aysan waxba soo kordhin balse loo baahan yahay in wax badan laga badalo hab dhiska Ciidamada, Tayadooda iyo Mushaaraadkooda. Wuxuu Prof. Xasan sheegay inaysan jirin istaraatiijiyad laga baaraan dagay oo dhanka ciidamada ah taasna ay markasta keento inuu shaqadiisa ku fashilmo taliye kasta oo la magacaabo. Wuxuu dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay joojiso xilalka amniga ee sida dhaqsiyaha ah loo kala badbadalo taas badalkeedana xoogga la saaro in la tayeeyo ciidamada isla markaasna si joogta ah loo siiyo mushaaraadkooda si ay u helaan dhiiragelin ay kula dagaalami karaan kooxda Al-Shabaab ee dalka dhibaatada ka wado. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Fahad iyo Gorod Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa saaka xilkii ka qaaday masuuliyiin ay kamid yihiin Taliyihii ciidanka Milateriga Soomaaliya iyo Agaasimihii madaxtooyada. Taliyihii ciidamada Milateriga Soomaaliya Sareeye Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa xilkii laga qaaday waxaana loo magacaabay xilkaas Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) PUNTLAND POST ayaa bishiii hore ee July baahisay xogta ah in xilka laga qaadayo Taliye Gorod, sidoo kale loo magacaabayo Gen. Indho-qarshe. Sababta xilka looga qaaday Taliye Gorod ayaan ku sheegnay kadib markii Taliye Gorod iyo Madaxweyne Farmaajo uu kulan dhexmaray, ayna ka wada hadleen dagaalo Al-shabaab soo qaadeen iyo howlgaladii lagu qaadi lahaa oo sidii loogu talagalay aan u dhicin. Taliyaha cusub ee ciidanka Milateriga Soomaaliya ayaa loo magacaabay Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) oo xiligii Madaxweyne Xasan Shiikh soo noqday Taliyaha ciidan Milateriga, waxayna magacaabistiisu qeyb ka tahay dardargelinta, xoojinta iyo tayeynta ciidamada xooga dalka. Dhanka kale Fahad Yaasiin oo aan aqoon iyo khibrad midna u la hayn arrimaha sirdoonka ayaa Madaxweyne Farmaajo u magacaabay Taliye ku xigeenka hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya (NISA) oo in dhawaale isqab-qabsi ka jiray. Fahad Yaasiin Agaasimihii hore ee madaxtooyada ayaa ah shakhsi ay Madaxweyne Farmaajo aad isu dhowyihiin wuxuuna ka qeyb ka qaatay olalihii doorashada ee Madaxweyne Farmaajo, sidoo kale wuxuu xiriir wanaagsan la yeeyahay dalka Qadar isagoo mar ka soo shaqeeyey Television-ka Al-jaziira. Xilkii Fahad Yaasiin ee Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya ayaa loo magacaaby Aamina Siciid Cali oo horey u ahayd ku xigeen. PUNTLAND POST The post Fahad Yaasiin oo gacanta loo galiyay NISA iyo Gorod oo xilkii waayay appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno illo wareedyo ka tirsan Hay’adaha amaanka ayaa sheegaya in Haweeneyda u dhalatay Britain ee lagu magacaabo Samantha Lewthwaite (Carmalada cad) ay xiligaani ku dhuumaleysaneyso Gobolka Shabellaha Hoose. Haweeneyda Samantha Lewthwaite ayaa horay loo sheegay inay madax u tahay 200 oo haweenka ka tirsan Sirdoonka xagjiriinta Somalia ee Al-shabaab, kuwaa oo kawada shaqeeya xarumaha dowlada iyo xaafadaha. Illo wareedka aan xogtaani ka xigan oo ka tirsan Hay’adaha amaanka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in Samantha Lewthwaite la xaqiijiyay inay u dhexeyso Degmooyinka Sablaale, Awdheegle iyo Tooro-toorow oo dhamaantooda ku jirta gacanta Al-Shabaab. Samantha Lewthwaite oo midab doorsantay ayaa lagu arkay goob laga raro gaadiidka safarka oo hoostagta Degmada Awdheegle, iyadoo gaadiidka kasoo rarta halkaa ay garan ilaa Afgooye. Saraakiisha ciidamada Xoogga iyo qeybaha Sirdoonka dowlada Somalia uga howlgala Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku howlan baadi goobka Haweeneydaasi oo adduunka laga raadinayo. Dowladda Somalia ayaa horay u sheegtay in Lewthwaite ay la nooshahay koox haweenka Al-sbabaab ka tirsan, kuwaasoo ugu yeera “Hooyada Jihaadka” iyadoo la sheegay inay inta badan isku daydo inay xogo dheeraad ah ka hesho deegaannada ay ka taliso dowladda Soomaaliya. Haweeneydan oo marar badan laga sheegay Gobolo kala duwan oo dalka sida Gobolada Jubbooyinka ayaa u dhexeysa Somalia iyo Kenya waxa ayna adduunka ugu safartaa qaab ganacsi, taa oo sahleysa inaanu indhaha qaban. Sidoo kale, Samantha Lewthwaite, ayaa ah haweeney garoob ah oo qayb ka ahayd weerarkii argagaxiso ee ka dhacay London ee loo yaqaanno 7/7, iyadoo xilligaasna ahayd xubin ka mid ah sirdoonka Al-shabaab ee loo yaqaanno Amniyaadka. Haweeneydan iminka laga sheegay G/Sh/Hoose ayaa mar udub dhexaad u noqotay sirdoonka Al-shabaab waxaa la sheeegay in ay ka dambeysay weerarro lagu dilay 400 oo qof oo ay ku jiraan 148 ruux oo lagu dilay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadday Jaamacadda Gaarisa ee dalka Kenya. Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia ayaa ka feejigan in Haweeneydan ay gudaha usoo gasho Gobolka Banaadir, waxaana xusid mudan in dhammaan xuduudaha laga soo galo magaalada la dhigay ciidamo dheeraad ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta digreeto uu saaray ku magacaabay taliyeyaal cusub isaga oo kuwa kalena shaqada ka eryey. Mas’uuliyiinta la magacaabay waxaa ugu tun weyn Fahad Yaasiin oo ahaa agaasimihii madaxtoyada Soomaaliya. Fahad Yaasiin waxaa loo magacaabay agaasime ku xigeenka hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, hadaba saameynta deg degga ah ee laga fili karo maxay tahay? Fahad Yaasiin waxa uu ka mid yahay siyaasiyiinta saameynta iyo galaangalka ugu weyn ku dhex leh hannaanka siyaasadeed ee dalka. Saameynta uu yeelanayo waxaa halbeeg looga dhigi karaa waxyaabihii ku soo kordhiyey madaxtooyada ee uu ka ahaa agaasimaha. Fahad Yaasiin waxa uu madaxtooyada u yeelay muuqaal “Madaxtooyonimo” xilli ay ahayd meel jahwareer ka jiro markii loo magacaabay xilkaas. Is bedeladda mugga leh ee uu Fahad Yaasiin ka sameeyey madaxtooyada waa mid ay wada qirsan yihiin dhammaan dadka ogaa sidii ay ahayd isaga kahor. Taas iyada oo laga shidaal qaadanayo, Fahad Yaasiin saameynta uu ku yeelan doonno hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, waxaana laga filan karaa inuu ka dhigo meel leh muuqaalkii looga baahnaa ha’yad ahmiyadda intaa le’eg u leh dalka. Ha’yadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka intii dib lo aas aasay waxa ay ahayd meel aan wali si fiican u saldhigan waana waxyaabaha deg degga ah ee laga filayo in uu wax ka qaban doono Fahad Yaasiin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow ku wajahan Dalka Jabuuti. Qaban qaabo balaaran oo lagu soo dhoweeynayo Madaxweyne Farmaajo ayaa laga dareemayaa Caasimada Djabuuti. Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan la qaadan doono Dhigiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle. Agaasimaha warfaafinta Xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in Labada madaxweyne ay yeelan doonaan Xireerka labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti. Safarka madaxweynaha ee Jabuuti ayaa waxaa soo da dajiyay kadib markii dhowaan Dowlada Jabuuti ay aad uga xumaatay Booqasho Madaxweyne Farmaajo uu ku tagay Asmara. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo ku Wajahan Djabuuti appeared first on Puntland Post.
  6. Mogadishu (HOL) - President Farmajo has announced a major shake-up to the security sector on Thursday with changes made to the Villa Somalia, SNA, Somali Police Force. Source: Hiiraan Online
  7. Mogadishu (HOL) - President Farmajo has announced a major shake-up to the security sector on Thursday with changes made to the Villa Somalia, SNA, Somali Police Force. The major development of Thursday’s reshuffle is undoubtedly Fahad Yasin’s - political insider and right-hand-man to President Farmajo - move from his post as the Director General of Villa Somalia to the Deputy of NISA. Replacing him in Villa Somalia will be Amina Said Ali. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho, 16ka Ogoosto, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib u habeyn ballaaran ku sameeyay qaar kamid ah hay’adaha amniga dalka iyo Agaasinka Madaxtooyada Qaranka Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa magacaabis iyo xil ka qaadis lagu sameeyay masuuliyiinta hoos ku xusan; 1. Dr. Aamina Siciid Cali waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada. 2. S/Gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. 3. G/Dhexe Odawaa Yuusuf Raage oo loo dallacsiiyay S/Guuto ayaa isla markaasna loo magacaabay Abbaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. 4. S/Guuto Cabdalla Maxamed Cabdalla waxaa laga qaaday xilkii K/Xigeennimada Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. 5. G/Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) waxaa laga qaaday xilkii K/Xigeennimada Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. 6. Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 15/08/2018 waxa uu Madaxweynahu u magacaabay Fahad Yaasiin inuu noqdo Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. 7. S/Guuto Siciid Axmed Kadiye ayaa loo magacaabay Taliye K/Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. 8. G/Sare Zakia Xuseen Axmed oo loo dallacsiiyay S/Guuto ayaa loo magacaabay Taliye K/Xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. 9. G/Sare Xasan Nuur Col-ujoog ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Badda. Madaxweyne Farmaajo ayaa faray dhammaan masuuliyiinta la magacaabay in ay si hufan uga soo dhalaalaan shaqooyinka loo igmaday. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo magacaabis iyo xil ka qaadis sameeyay appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib u habeyn ballaaran ku sameeyay qaar kamid ah hay’adaha amniga dalka iyo Agaasinka Madaxtooyada Qaranka Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa magacaabis iyo xil ka qaadis lagu sameeyay masuuliyiinta hoos ku xusan. Halkaan hoose ka akhriso liiska 7 shakhsi oo loo magacaabay xilal kala duwan iyo beelaha ay kasoo kala jeedaan: Dr. Aamina Siciid Cali waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Habrgidir, Sacad S/Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Shiikhaal G/Dhexe Odawaa Yuusuf Raage oo loo dallacsiiyay S/Guuto ayaa isla markaasna loo magacaabay Abbaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Mogadishu Clan, Abgaal Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 15/08/2018 waxa uu Madaxweynahu u magacaabay Fahad Yaasiin inuu noqdo Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka/ Reer Aw Xasan S/Guuto Siciid Axmed Kadiye ayaa loo magacaabay Taliye K/Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Habrgidir, Sacad G/Sare Zakia Xuseen Axmed oo loo dallacsiiyay S/Guuto ayaa loo magacaabay Taliye K/Xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Dir, Surre G/Sare Xasan Nuur Col-ujoog ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Badda, Mareexaan
  10. Cadaado (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya degmada Buula-mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in qeybo kamid ah degmadaasi lagu weeraray Gaadiid sahay u siday ciidamada AMISOM. Gaadiidkan oo aad u badnaa ayaa lagu weeraray degaanka Golweyn ee gobolkaas, waxaana lasoo sheegayaa in lagu garaacay madaafiicda garbaha laga tuuro, halka miinooyin loogu aasay wadooyinka. Madaafiicda lagu weeraray Gaadiidka sahayda u siday AMISOM ayaa sabab u noqday gubashada hal gaari nooca waaweyn ee sahayda siday. Weerarka madaafiicda kadib ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab ayaa waxaa halkaa ku dhexmaray dagaal khasaaro badan ka dhashay. Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dagaalka uu ku fiday degaanada miyiga ah ee degmada Buula-mareer. Goobaha uu ka dhacay dagaalka ayaa lasoo sheegayaa in lagu arkaayo meydadka ciidamo ka tirsan AMISOM iyo kuwa Al-Shabaab. Sidoo kale, taliska AMISOM ayaa ka gaabsaday khasaaraha ka dhashay weerarka, halka Al-Shabaab ay ka sheegteen guulo. Inta badan maleeshiyada Al-Shabaab ayaa jidka u gasha gaadiidka sahayda u qaada AMISOM, kuwaa oo ay kula dhaqaaqan bililiqo. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com
  11. Mogadishu (HOL) - President Farmajo is preparing for an official state visit to neighbouring Djibouti on Thursday for bilateral talks with Djiboutian President Ismail Omar Guelleh. Source: Hiiraan Online
  12. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib u habeyn ballaaran ku sameeyay qaar kamid ah hay’adaha amniga dalka iyo Agaasinka Madaxtooyada Qaranka Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa magacaabis iyo xil ka qaadis lagu sameeyay masuuliyiinta hoos ku xusan; Dr. Aamina Siciid Cali waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada. S/Gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. G/Dhexe Odawaa Yuusuf Raage oo loo dallacsiiyay S/Guuto ayaa isla markaasna loo magacaabay Abbaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. S/Guuto Cabdalla Maxamed Cabdalla waxaa laga qaaday xilkii K/Xigeennimada Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. G/Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) waxaa laga qaaday xilkii K/Xigeennimada Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 15/08/2018 waxa uu Madaxweynahu u magacaabay Fahad Yaasiin inuu noqdo Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. S/Guuto Siciid Axmed Kadiye ayaa loo magacaabay Taliye K/Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. G/Sare Zakia Xuseen Axmed oo loo dallacsiiyay S/Guuto ayaa loo magacaabay Taliye K/Xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. G/Sare Xasan Nuur Col-ujoog ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Badda. Madaxweyne Farmaajo ayaa faray dhammaan masuuliyiinta la magacaabay in ay si hufan uga soo dhalaalaan shaqooyinka loo igmaday.
  13. Mandera South MP Adan Kullow held a meeting with the local security leaders and community elders to address the insecurity problem that has pervaded the region stifling development. Source: Hiiraan Online
  14. Lt. Gen. Jim Beesigye Owoyesigire, the Force Commander of the African Union Mission in Somalia (AMISOM), has concluded a weeklong extensive tour of Forward Operating Bases in all the six sectors where AU troops operate. Source: Hiiraan Online
  15. xKanyiri blamed the August 8 attack that left six KDF soldiers dead on the local al Shabaab network. Source: Hiiraan Online
  16. Most coverage of Ilhan Omar, the thirty-five-year-old state legislator who won the Democratic primary in Minnesota’s Fifth Congressional District last night, has focussed on her identity. She was born in Somalia, and she came to the United States when she was twelve, knowing only two phrases of English: “hello” and “shut up.” Now her primary victory makes her likely to become the first Somali-American and one of the first two Muslim women (along with Michigan’s Rashida Tlaib) in Congress. But stories about these “firsts” tend to miss Omar’s certainty about who she is, and the rightness of her desire to “expand what is politically possible,” including cancelling student debt, banning private prisons, increasing the number of refugees admitted to the U.S., and cutting funding for “perpetual war and military aggression.” She supports passing a national bill of rights for renters, the End Racial and Religious Profiling Act, and automatically registering every eighteen-year-old to vote. These are the stances Omar is referring to when she speaks, as she does often, about “a politics of moral clarity and courage.” Source: Hiiraan Online
  17. The African Union peacekeeping mission and Somali forces on Wednesday launched military operation in Lower Shabelle region to flush out al-Shabab terrorists. Source: Hiiraan Online
  18. According to history, the Punt Civilization is an unknown and mysterious civilization that existed in Africa centuries and centuries ago. Many readings will describe it as an early civilisation that existed long before the development of a culture that found it necessary to record its history. Source: Hiiraan Online
  19. Paul Pogba and Jose Mourinho are no longer on speaking terms after the Manchester United boss told the Frenchman to hand in a transfer request if he wanted to leave the club ‘again’. Source: Hiiraan Online
  20. Mandera South MP Adan Kullow has accused police officers of taking bribes and permitting terrorists to carry out attacks in Kenya. Source: Hiiraan Online
  21. The Ethiopia’s Ministry of Defence has deployed additional troops in Shelabo area in eastern part of the country in an attempt to defend the recently discovered crude oil fields in Somali regional state of Ethiopia, eyewitnesses have said. Source: Hiiraan Online
  22. The Somali National Army (SNA) on Wednesday killed 11 al-Shabab militants including four commanders during a military operation in areas in southern Somalia, officials said. Source: Hiiraan Online
  23. Canada Border Services Agency officers have the authority to charge a traveler with a criminal offence for refusing to provide the password to their device. Source: Hiiraan Online
  24. President Trump’s decision to double steel and aluminum tariffs on Turkey — and reports that broader sanctions are being considered — mark a dangerous escalation. Source: Hiiraan Online
  25. Nairobi (Caasimadda Online) – Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ka wado olole siyaasadeed oo laga leeyahay dano waaweyn. Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka oo xilkaas iska casilay Bishii April ee sanadkaan markii uu cadaadis weyn kala kulmay madaxda ugu sareeyo dalka Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah Baarlamaanka Soomaaliya u diray Beesha Caalamka ee fadhigeedu yahay Magaalada Nairobi. Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Beesha Caalamka u gudbiyey in Baarlamaanka Soomaaliya uu noqday mid fadhiid ah oo aan shaqada qaban tan iyo markii uu isaga ka baxay meeshaas oo uu hoggaamiye ka ahaa ilaa 5 sano oo xiriir ah. Jawaari ayaa arrintaas uga gol lahaa sidii uu Beesha Caalamka uga heli lahaa garab maadaama uu doonayo inuu midkooda u tartamo Madaxweynaha Soomaaliya ama Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed oo dhawaan la filayo inay dhacdo doorasho xasaasi ah. Jawaari ayaa la kulmay xubno isugu jira Xilldhibaano ka tirsan BFS iyo xubno ka socda Beesha Caalamka, kuwaasoo uu kala hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyo doorashadda Koonfur Galbeed iyo mida guud ahaan dalka ee 2020. illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimadda Online u sheegay in Jawaari uu doonayo inuu sameysto Isbaheysi isaga gaar u ah, kaasoo uu doonayo inuu ugu tartamo doorashadda la filayo inay ka qabsoonto dalka sanadka 2020. Doorashadda Soomaaliya ee 2020, taasoo la filayo inay noqoto qof iyo cod ayaa waxaa haatan la dareemayaa in dowladda iyo mucaaradka ay wadaan diyaar-garow xoogan oo ay ku doonayaan inay iskugu diyaarinayaa codbixintaas taariikhiga ah. Jawaari ayaa saldhigtay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya tan iyo markii uu iska casilay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya kadib markii ay ka hor imaadeen Xildhibaano badan oo ballanqaadyo ka heystay dowladda dhexe ayaa ilaa waqtigaas wado kulamo kala duwan oo uu halkaas kula yeelanayo siyaasiyiin, Xildhibaano iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com