Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    205,991
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Cabdiqaadir Siciid Carshe Dhaqaaje ayaa kormeeray wado laami ah oo isku xiri doonta Wasaaraddaha dawladda iyo Qaybaha kale ee Magaalada Garoowe oo ay shaqadeedu socoto Shaqadaan oo si toos ah u bilaamatay ayaa waxaa socda dhigista Carada, iyadoo ay ka hawal galayaan shaqaale kala duwan oo aqoon durugsan uleh dhisida dhanka wadooyinka Cabdiqaadir Siciid Carshe Dhaqaaje Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay samaynta wadadan in ay fududayn doonto isu socodka shaqooyinka dawladda. Inta badan Wasaaraddaha dawladda Puntland ayaa ah kuwo ka hawal gala dhanka Buurta waxayna wadadani ahayd mid ay gaadiidku dhibaatooyin kala duwan kala kulmi jireen adeegsigeeda.
  2. Buuqa Siyaasadeed ee u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo Baarlamaanka Federaalka ayaa kusii fidey Aqalka Sare ee Federaalka Soomaaliya, Kulamadii ugu dambeeyey ee Aqalka sare yeeshay ayaa la ogaadey in Xuluumada Federaalku ay faragalin xoogan ku heysay. Masuuliyiinta Aqalka Sare ayaa djowrjeer waxay Masuuliyiinta Xuluumada ay ka codsadeen iney faraha kala baxaan kulamada Aqalka sare tasoo aakhirkii gaartey in Masuuliyiinta Aqalka sare ay amaankooda u baqaan. Aqalka sare wuxuu doorbbidey iney Dalbadaan Ciidan ilaaliya waxayna Maanta codsi u dirsadeen Wakiilka Qaramada Midoobry iyo Galiska Amisom waxayna ka dalbadeen in si deg deg ah loogusoo diro Ciidan ilaaliya dhismaha iyo Xubmaha Aqalka Sare ee Federaalka Soomaaliya, Ciidanka Amisom waxay Todobaadkii hore ay la wareegeen Amaanka Baarlamaanka Fezeraalka Soomaaliya kadib markii amaanka Baarlamasnka uu farah ka baxay, Puntlandi Muqdisho
  3. Muqdisho (PP) ─ Senator C/llaahi Sh. Ismaaciil Far-taag ayaa sheegay in Xukuumadda Somalia ay ku guuldareysatay inay wax ka qabato dhibaatada Dowladda Kenya ku heyso dadka degmada Buulo-xaawo ee gobolka Gedo. Xildhibaanku wuxuu sheegay in Kenya ay fara-gelin ku heyso Buulo-xaawo iyo dhul boob, isla markaana ay gudaha u soo galeen Degmadaas labadii maalmood ee u dambeeyay, iyagoo godod ka qoday. “Waa wax lala yaabo in Xukuumadda ay indhaha ka qarsato dhibaatooyinka cusub ee Kenya ka wado Buulo-xaawo iyo hanti boobka lagu haayo shacabka ku nool Buulo-xaawo,” ayuu yiri Senator Fartaag. Sidoo kale, Mudane Fartaag ayaa ka dalbaday Guddoonka Aqalka Sare in loo yeero Wasiirada Xukuumadda ee khuseysa arimahaas sida Wasiirka Amniga, Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga iyo Arrimaha Dibadda. Dadweynaha ku nool Balad-xaawo ayaa sameeyay Dibadbax ay uga soo hor-jeedaan tallaabooyinka Kenya, waxaana kala eryay Ciidamada Jubbaland oo ay ku eedeeyeen inay la safan yihiin Ciidanka Kenya ee dhul boobka wada. Maalmihii la soo dhaafay Ciidamada Kenya ayaa Dhul boob xooggan ka waday Beledxaawo, iyagoo gudaha u soo galay degmadaas, si ay u dhameystiraan darbiga ay ka dhisayaan xuduud beenaadka, waxaana ay soo galeen xaafado ka tirsan Beledxaawo oo au bur buriyeen. Ugu dambeyn, Dowladda Kenya yaaa dhawaanahan wadday qorshayaal ay ku doonayso inay darbi uga dhisto xuduudda u dhexeysa Somalia iyo Kenya, kaasoo ay sheegtay inay uga hortagayso weerarrada ay Al-shabaab gudaha dalkeeda ka geysanayso. PUNTLAND POST The post Mudane Dowladda Somalia ku eedeeyay in ay wax ka qaban wayday Xaaladda Buulo-xaawo appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa fadhigii maanta ee Goluhu yeesheen ka sheegay in ciidammo ka tirsan AMISOM ay dhawaan billlaabi doonaan inay sugaan Amniga Xarunta Aqalka sare. Mudane Cabdi Xaashi ayaa sheegay in arrintaan ay muddo soo socotay, isla markaana horay codsi ugu direen taliska AMISOM, kana soo jawaabeen sida uu ka sheegay kulanka. “Aqalka sare go’aan buu ka gaaray oo la leeyahay waa in la keenaa ciidamo AMISOM ka tirsan, qoraal baan u dirnay, waana naga soo aqbaleen, waanan sugeynaa,” ayuu yiri guddoomiye Xaashi. Sidoo kale, Xarunta Aqalka Sare ayaa ku taalla degmada Shibis, gaar ahaan xaruntii kuleejo Nouve Somalo ee agagaarka KM-0, isla markaana ku dhaw xarunta dhexe ee Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed. Dhanka kale, Amniga xarunta Aqalka sare ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada NISA, waxaana haddii AMISOM la wareegaan amniga xaruntan ka mid noqonaysa meelaha ay amnigooda gacanta ku hayso AMISOM, sida madaxtooyada, xarunta baarlamaanka, dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha. Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo dhawaan la sheegay in ciidammo ka tirsan AMISOM ay la wareegeen gacan ku haynta guud ee xarunta baarlamaanka Somalia, kaddib markii uu dhashay khilaafka u dhexeeya xukuumadda iyo baarlamaanka. http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/03/AMISOM-Xarunta_Aqalka_Sare.mp3 PUNTLAND POST The post Ciidamada AMISOM oo dhawaan la Wareegaya sugida Ammaanka Xarunta Aqalka Sare appeared first on Puntland Post.
  5. Bosaso[Puntland Post]-Gudiga dhismaha Masaajidka Dul-Xaj ee Magaalada Bosaso ayaa ku hawlan balaarinta iyo Dayactir lagu sameynayo Dhismaha Masaajidka oo ku yaala Bartamaha Bosaso. Dhismaha iyo Balaarinta Masaajidka aya sababtay sida ay culumadu warbaahinta u sheegen in Ciriiri uu ka jiro Masaajidka wakhtigii kulaykana uu soo dhawaaday. Culimada ayaa ugu baaqay dadka soomaliyeed meelkasta oo ay joogan in ay ka qeyb qaatan dhismaha Masaajidka Dul-Xaj ee Bosaso. Faah-Faahin Gudiga Masaajidka -0907797683 Ama 0907799390 Hoos ka Daawo Muuqaalka Masaajidka iyo Culimada goobta ka hadashay. The post Daawo’’ Gudiga Dhismaha Masaajidka Dul-xaj oo ku baaqay in laga qeyb qaato dhismaha Masaajidka appeared first on Puntland Post.
  6. Beletweyne, Baidoa, Kismayo, Adado – The African Union Mission in Somalia (AMISOM) has concluded gender awareness training for Somali police officers in four regional states in Somalia, to help broaden their knowledge on human rights. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa fadhigii maanta ee Golaha yeesheen ka sheegay in Ciidamo AMISOM oo suga amniga xarunta dhowaan la keenayo. Cabdi Xaashi ayaa sheegay in arrintan ay muddo soo socotay, isla markaana horay codsi ugu direen AMISOM, kana soo jawaabeen sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu sheegay qoraalkaasi Amisom inuu gaaray, ayna rajeynayaan in ciidamada Amisom la keeno Xarunta Golaha Aqalka Sare oo hadda ay illaaliyaan amnigiisa ciidamada dowladda. “Waxa weeye arrintaasi muddo dheer ayeey socotay Aqalkani, go’aan ayuu ka gaadhay uu leeyahay waa in la keenaa Amisom, qoraal baan u qornay Amisom waan sugeynaa arrintaasi, kolkaa waxa weeyen aqalkaan waa la keeni doonaa.” Ayuu yiri Cabdi Xaashi. Tani ayaa muujinaysa in xubnaha madaxda Somalida aysan ku qanacsaneyn ciidamada Somalida taa bedelkeedana ay ka jecel yihiin amnigooda inay sugaan ciidamada Amisom. Amisom ayaa hadda waxa ay sugtaa ammaanka xarumaha waaweyn, sida Madaxtooyadda, Golaha Shacabka, Dakadda iyo Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, liiskaan waxaa ku soo biiri doonaa haddii Amisom ay aqbasho xarunta Golaha Shacabka. Ammaanka Xarunta Aqalka sare ayaa waxaa gacanta ku haya Ciidamada Nabadsugida Qaranka, waxaana haddii AMISOM la wareegaan ammaanka xaruntan ka mid noqoneysa meelaha ay ammaankooda gacanta ku hayaan, sida Madaxtooyada, Xarunta Golaha Shacabka, Dekeda Muqdisho, iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho. Halkaan ka dhageyso hadalka Guddoomiyaha https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/03/Cabdi-Xashi.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Tucked between butchers and hair braiders in Nairobi’s Kenyatta Market is the Real Vinyl Guru, a shabby stall that has become a mecca for vinyl lovers. Source: Hiiraan Online
  9. Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa haacisay in ay difaaci doonto maamulka Somaliland iyo danahooda dhaqaale ee dekeda Berbera, sidoo kalena ay diyaar u yihiin dhinacooda weerar kasta oo ka yimaada arrintaas, isla markaana aanu dagaalku ku koobnaan-doonin Somaliland oo kaliya. Raysal wasaare ku xigeenka dalka Imaaraadka Carabta, ahna Wasiirka Madaxtooyada dalkaasi Mr. Sheekh Maansoor Bin Zayed Al Nahyan ayaa sheegay in aanay Somaliland keli ku ahaan doonin halis kasta oo dibada kaga timaada, waxaanu si cad u iftiimiyay kaalinta ay dawladda Imaaraadka Carabtu ka qaadan doonto haddii xaalad dagaal ka dhalato dannahooda “Haddii ay taasi dhacdo waanu difaaci doonaa, marnaba iska hor imaadku annaga uun naguma koobnaanayo,” ayuu yidhi Sheekh Maansoor Bin Zayed Al Nahyaan oo ay wakaalada wararka ee Bloomberg wax ka waydiisay mawqifkooda. Waxaanu caddeeyay in maamulka Somaliland iyo Imaaraadku iska kaashan doonaan sidii ay u wada ilaashan lahaayeen dannaha ay wadaagaan. Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibada maamulka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo ay wakaalada wararka ee Bloomberg waraysi kula yeelatay dalka Imaaraadka Carabta, ayaa ka hadlay heshiiska horumarinta dekeda Berbera iyo halista kaga iman karta khilaafka dawladda Soomaaliya waxaanu yidhi “Haddii ay Soomaaliya go’aansato inay na weerarto, arrinta dekeda daraadeed, markaas waxaannu xaq u leenahay in aanu difaacanno madax-bannaanidayada.” Puntlandi.com
  10. Usain Bolt (31-jir) ayaa maanta ku biiray kooxda kubadda cagta ee jarmalka ah Borussia Dortmund kadib markii uu kasoo wareegay oo uu ka soo xiiso-beelay orodka oo uu ku caan baxay. Bolt ayaa kaalimaha koowaad ka galay orodka 100- iyo 200 mitir, waxaana uu ka haystaa biladda adduunka.Orodyahankan oo marnaba qarin in uu mar uun u ciyaari doono koox caan ah kubadda, ayaa riyadiisii run ka dhigay waxaana wadahadal u socday in mudo ah kooxda Borussia Dortmund kusoo dhamaaday in uu ka mid noqdo kooxdaasi. “Waxaan doonayaa in aan ka mid noqdo 50-ka ciyaaryahan ee adduunka ugu caansan dhanka banooniga, waxaana rabaa in aan noqdo weeraryahan dhaliya 20 gool hal xilli-ciyaareed” ayuu yiri Usain Bolt.Garoonka uu ku tababaranayay ayaa waxaa soo buux-dhaafiyay taageerayaal aad u farabadan, waxaana uu siiyay qaarkood saxiixyo. Kooxda uu ugu jecelyahay banooniga ayaa waxa ay tahay kooxda Manchester United, waxaana uu mar rajeynayaa in uu iyaga ka mid noqdo. Mr. Bolt ayaa ka fariistay ciyaaraha orordka sannadkii hore, isagoona ka gaaray heer sare oo ilaa iyo iminka la hayn cid gaarta orodyada qaar.
  11. After decades of war, which left Somalia languishing without a central government, Somali women are taking charge of the country’s destiny by improving the lives of hundreds of people. Source: Hiiraan Online
  12. Baydhabo (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa soo sheegaya in Ciidamada amaanka ee maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya ay dilayn Sarkaal ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab. Saraakiisha amaanka ayaa xaqiijiyay in xalay Xaafadda Boqoleedyda ee magaalada Baydhabo ku dilayn Sarkaalkaan oo la sheegay in uu ka mid ahaa Saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab. Ciidanka Howlgalka sameeyay ayaa waxaa hogaaminayay Taliyaha Ciidamada NISA ee ka howlagala K/Galbeed waxaana Taliyaha lagu magacaabaa Ibraahim Roobow Cali oo la dhashay Shiikh Mukhtaar Roobow Cali “Abuu Mansuur”. Saraakiisha ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa xaqiijiyay ninkaan ka tirsanaa Shabaab in lagu dilay dagaalka, xilli dagaalyahanada Shabaab ay isku dayeen inay wadada u galaan gaadiid qaad siday. Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa soo qaaday maydka ninkaan Shabaab ka tirsanaa, kaasi oo hadda yaalla Saldhiga Booliska Magaalada Baydhabo, sida Suxufiyiinta ay soo sheegayaan. Saraakiisha ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed waxa ay sheegeen inay jiraan xubno kale oo Shabaab ka tirsanaa oo dagaalka lagu dilay, balse maydka ay qaateen xubnihii Shabaabka ahaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida uu qabo xeer-hoosaadka golaha shacabka, waxaa gebo-gabo maraya mudaddii ay aheyd in loo codeeyo mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxaa intaas dheer iyada oo golihii shacabka howl-maalmeedkii gabay ayaaney jirin wax fadhi ah oo la qorsheynayo iyo saan-saan lagu muddeynayo codeynta mooshinka. Xildhibaanno golaha shacabka ah oo tiro ahaan lagu sheegay 107 ayaa 14-kii Maarso Mooshin ka gudbiyay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyaga oo ku eedeeyay in uu hareer maray dastuurka dalka, ku kacay xadgudub ka dhan ah xeer-hoosaadka baarlamaanka iyo in uu ku fashilmay dhameystirka qaab dhismeedka guddiyada baarlamaanka, gaar ahaanna guddiga adeegga baarlamaanka. Labo maalin kadib marka mooshinka la qabtay, guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo arrinta mooshinka ka hadlayey waxaa uu xukuumadda Kheyre ku eedeeyay in ay rabto la wareegidda hey’adda sharci-dejinta isaga oo intaasi raaciyay“Khilaafka mooshin kalsoonida kala noqoshada waa uu dhammaaday, waa la ogolaaday in mooshinkaas uu jiro, loona baahan yahay tillaabadii habooneyd si waafaqsan heer hoosaadka, kaasi oo sheegaya in 10 beri gudhaood lagu hor-geeyo golaha shacabka oo ay u codeeyaan”. Mooshinkaas marka la qabtay kadib, waxaa istaagay howlihii iyo kulllamadii golaha shacabka, sida xeer-hoosaadka qabana Jawaari inta codka kalsoonida loo qaadayo ma hoggaamin karo golaha, waxaana shaqada la wareegay ku-xigeenkiisa 1aad Cabdiwali Shiikh Ibraahim Muudey. Xildhibaannada golaha shacabka sida Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo la hadlay Idaacadda Goobjoog waxaa ay dalbadeen in golaha fariisto sida ugu dhaqsaha badan, codka loo qaado guddoomiye Jawaari, si markaasi kadib shaqada aqalka caadi ugu soo noqoto. Aqalka sare ee baarlamaanka 10aad, guddi 7 xubnood oo uu saaray ka qeyb qaadashada xal u raadinta khilaafka golaha shacabka, uuna hoggaaminayey guddoomiyaha golaha Cabdi Xaashi, tallooyinka ay soo saareen waxaa ka mid ahaa “Guddiga waxaa ugu baaqayaa guddoonka golaha shacabka shirka guddiga joogtada ah sida ugu dhaqsaha badan si loo agaasimo hab-raaca mooshinka ka yaallo guddoomiyaha golaha shacabka”. Maxaa Mooshinka Loo Muddeyn La’yahay? Xubno ka tirsan guddoonka golaha shacabka oo la hadlay Idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in maanta aanu jirin wax kulan ah oo golaha shacabka ah isla markaana aan weli la go’aamin waqti ay fariissanayaan guddiga joogtada ah si arrinta mooshinka go’aan looga gaaro, iyaga oo ka gaabsaday sababta iyo cidda meer-meerineyso in aqalka shaqeeyo. Guddoomiye Muudeey Oo La Eedeeyay: Xubno ka tirsan guddiga joogtada ah ee golaha shacabka oo la hadlay Idaacadda Goobjoog waxaa ay guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha shacabka Cabdiwali Shiikh Ibraahim Muudey ku eedeeyeen in aanu daacad ka aheyn muddeynta mooshinka Jawaari, oo uu mar walbo dib dhigayo, iyaga oo intaasi raaciyay in go’aanka la sugayo uu yahay mid siyaasadeed oo xukuumadda oo ay lu lug-yeelan-doonto sida, qaabka iyo goorta la muddeynayo mooshinka guddoomiye Jawaari. Ka hadlidda siyaasadeynta mooshinka, sida uu Idaacadda Goobjoog u sheegay Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa, Mooshinkan waxaa wado xildhibaannada xukuumadda Kheyre ugu jira golaha shacabka, kuwaas oo sida uu sheegay is-difaacyo isaga oo yiri “Xukuumadda Mooshin ma waddo, Ra’isul wasaare Mooshin saxiixay ma arag, wasiir aan Xildhibaan aheyn oo wax saxiixay ma jiro, waxa mooshinka wado waa Xildhibaanno wasiirro ah oo iska difaaca weerar lagu soo qaaday, xaq ayey u leeyihiin taas, Jawaarina waa geystay dhammaan wax walbo oo lagu eedeeyay” 10-ka Maalin kadib, Ilaa hadda lama oga sida loo xallin-doono arrinta Muddeynta Mooshinka marka uu dhammaado 10-ka maalin ee xeer-hoosaadka, waxaa kale oo su’aalo ka taagan tahay halka codeynta ka dhici-doonto iyo qaabka loo coddeynayo. Cod-bixinta Mooshinka: Sida ku qoran Qodobka 65aad ee dastuurka, faqrada 4aad, guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisa waxaa codayn qarsoodi ah ku doorta aqlabiyadda tirada guud ee xubnaha golaha shacabka ee federaalka ah, xilkana kaga qaada codbixinta saddex dalool laba dalool xubnaha golaha shacabka federaalka ah.\ Xigasho: Idaacadda Goobjoog
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dib uga laabta xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, kadib ku dhowaad laba toddobaad oo uu ka howlgalayey Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Muqdisho. Wararka laga helayo xarunta Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu waanwaan ka bilaabay mooshinka Jawaari, isagoo kulamo la qaatay dhinacyada hormuudka u ah labada dhinac ee isku haya mooshinka kalsooni kala noqoshada guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed C/llaahi Jawaari. Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inuu socdo qorshe lagu qanciyo guddoomiye Jawaari oo ku saabsan inuu xilka banneeyo iyadoo aan loo baahan in cod lagu kala baxo, taasoo uu weli diidan yahay Jawaari. Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa Wasaaradda Gaashaandhigga ay soo if baxday khilaafka Xukuumadda iyo Baarlamaanka, kaddib markii mooshin laga keenay Guddoomiye Jawaari, taasoo xiisad siyaasadeed oo qalqal dhalisay ay ka dhex abuurtay dowladda dhexdeeda. Inkastoo Madaxweynuhu aanu wali ka hadlin xiisadan, hadana waxaa uu horay intii uu ku sugnaa Wasaaradda Gaashaandhigga kulamo la qaatay dhinacyo kala duwan, sida Guddigii Aqalka Sare, Guddi ka socday Xildhibaanada Haweenka, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiye Jawaari iyo xubno kale, waxaana inta badan kulamadan looga hadlayay xal u helida khilaafka Hey’addaha Fulinta iyo Sharci dejinta. Madaxweyne Farmaajo ayaa u caddeeyay dhamaan dhinacyadii uu la kulmay in arrimaha taagan loo maro sharciga, iyadoo aan Madaxweynuhu wali meel iska taagin khilaafka, balse xubnaha qaar ee Xildhibaanada ay qabaan in Madaxweynuhu aanu dhex dhexaad ka aheyn khilaafka. Waxaa arrinta ku dhex jira xildhibaanno caan ah oo isaga dab qaadaya labada dhinac, waxaana arrintan keenay iyadoo xukuumadda iyo madaxtooyada ay garawsadeen in dhaawac siyaasadeed oo weyn iyo xaalad halis ku noqon karta ay ka dhalan karo haddii cod lagu kala bax.Dadaalka waanwaan ee socda oo uu qeyb ka yahay madaxweyne Farmaajo ayaan la ogeyn inuu guuleysan doono, iyadoo Guddoomiyaha Baarlamaanka ay culeys saarayaan taageerayaal culus oo la safan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. American football club LA Galaxy signed Swedish star Zlatan Ibrahimovic on Friday. Source: Hiiraan Online
  16. ADDIS ABABA - Ethiopian youth are showing great interest in a Turkish studies project launched by the Yunus Emre Institute and there is huge demand for additional courses. Source: Hiiraan Online
  17. Garissa Deputy Governor Abdi Dagane on Friday urged the county assembly to pass the Water Bill to enable the county to ensure proper water use. Source: Hiiraan Online
  18. The United States Congress will finally vote on a human rights resolution against the Ethiopian government in the second week of April, a Congressman deeply involved in the process has announced. Source: Hiiraan Online
  19. Gobalka Bakool Waxaa Uu Ka Koobanyahay 5 Degmo Waxeyna Kala Yihiin. Xudur Waajid Rabdhuure Tiyeeglow Ceelbarde 5taas Degmo Maamulka Koonfur Galbeed Wuxuu Ka Maamula 2 Degmo Kaliya Waxeyna Kalayihiin Xudur Waajid Degmada Ceelbarde Waxaa Laga Xukuma Kilirka 5aad. Degmada Rabdhuure Waxaa Gacanta ku hayan xarakada Al-Shabaab. Xaalada Guud Ee Gobalka Bakool Lama Qiyaasi Karo Lamana Saadaalinkaro Sababtuna Waa Wadooyinka Gobalka Oo Xiran. Gobalka Bakool Wadooyinkiisa Waxey Xiranyihiin Ku Dhowaad 5sano Ilaa Iyo Hada Majirto Cid Wax Ka Qabatey Wadooyinka Xiran Ee Gobalka Bakool Hadii Uu Noqan Lahaa Maamulka Koonfur Galbeed Ama Hadii Ay Noqan Laheyd Dawlada Federalka Soomaaliya. Gobalka Bakool Waxaa Ka Jira Xaalada Adag Oo Dhanka Nolasha Ah Dadka Xoola Dhaqatada Ah E Degan Gobalka Xoolahooda Waxaa Dhacey Ciidamada Lyuu Booliska Ee Laga Xukumo L Kilinka 5aad. Intii Ka Badbaadey Lyuu Booliska & Waxaa Dhameysey Abaartii Siman Ee Dhamaan Soomaalidu Saameysey. Shacabka Ku Nool Gobalka Bakool Intaasi Waxaa U Dheer Xarig & Dilalk Ay U Geysanayeen -Ciidanka Lyuu Booliska Ee Laga Xukumo Kilinka 5aad. Shacabka Xoola Dhaqatada Ah Ee Ay Xireen Ciidanka Lyuu Booliska Ayaa Wali A ysan Jirin Cid Wax Ka Qabata Iska Dhaafe Cid Magacooda Sheegta. Gobalka Bakool Siyaasiinta Kasoo Jeeda Waxaa Ay Noqdeen Kuwa Uu Ku Shaqeysto Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xassan Sheekh Aadan. Dhibataada Kajirta Gobalka Ayaa Waxaa Masuul Ka Ah Maamulka Koonfur Galbeed Khaasatan Shariif Xassan Oo Gobalka Bakool & Shacabkiisaba Aan U Ogaleyn In Ay Horumar Gaaraan. Shariif Xassan Ayaa Hada Bilaabey Inuu Gobalka Bakool Ka Iibsado Kilinka 5aad Dhowaan Wuxuu Tuulada Yeed Ka Gatey kilinka shanat. Hada Wuxa uu Ku Mashquul sanyahay Inuu Deegaana Horleh Ka Gato Gobalka Bakool Taas Oo Uu Heshiis Kula Soo Galey Dawlada Ethiopia. Shariif Xasan Wakhtigiisa Wuu Dhamaadey Waxaana Ka Harsan 6 Bilood Kaliya Kadibna Wuxuu Doonaya Inuu Isasoo Sharxo. Su’aasha Isweydiinta Mudan Ayaa Ah Xildhibaanada Sharafta Lahoow Waxaan Lahadlayaa Xildhibaanada Koonfur Galbeed Miyaad Madaxweyne U Dooran Doontaan Shariif Xasan 4ta Sano Ee Soo Socota Hadii Jawaabtaadu ”Haa” Ay Tahay Miyaadan Ku Dhaaranin Kitaabka Qur’aanka Kariimka Ah Miyaadan Dalkan Waajib Kaa Saarneyn Inaad Ilaaliso Xuduudihiisa, Miyaadan U Fikireynin Caruurtaada Mustaqbalkooda Miyaadan Jecleyn Koonfur Galbeed In Ay Horumar Gaarto, Hadii Intaas Aan Kor Kusoo Xusey Aan Waajib Kaa Saarneyn Samey Waxaad Doonto Laakiin Ogow Maalin Ayaa Lagu Xisaabin Doona Adigana. Xildhibaano: 6 Bilood Kadib Waxaa Gacantiina Kujira Ayaaha Koonfur Galbeed Soomaaliya. Mahadsanidiin. W/Q: Aadan Zeytuuni.
  20. Nairobi (HOL) - The talks between Somalia and Kenya talks over the construction of the Security wall along the border of the two countries collapsed, officials confirmed on Saturday. Source: Hiiraan Online
  21. The talks between Somalia and Kenya talks over the construction of the Security wall along the border of the two countries collapsed, official confirmed. Source: Hiiraan Online
  22. DeBonisJust hours after threatening a veto, President Trump said Friday afternoon that he had signed a “ridiculous” $1.3 trillion spending bill passed by Congress early Friday, averting a government shutdown. Source: Hiiraan Online
  23. Jowhar-(Caasimadda Online)-Wararka laga helayo Maamulka goboleedka Hirshabelle ayaa waxa ay sheegayaan in uu is casilay Agaasimihii Wasaaradda Cadaaladda iyo Diinta Maamulka Hirshabelle Agaasimihii Wasaaradda Cadaaladda Garaad Axmed Cadow ayaa sheegay in uu iska casilay xilka uu kahaayay maamulka hirshabeele. Waxa uu tilmaamay agaasimaha in Laba wasiir ay soo martay wasaaradda, islamarkaana uu la shaqeeyay, balse dhammaantood ay ahaayeen kuwo aan aqoon u lahayn shaqada loo igmaday waa sida uu hadalka u dhigay. “Waxaan iscasilay markii aan waayay Wasiiro aqoon leh oo aan la Shaqeeyo,aniga waxaan u soo jeediyay talooyin dhowr ah balse weey iga qaadan waayeen,waxana go’aansaday in aan is casilo ayuu yiri Agaasimihii Wasaaradda Cadaaladda iyo Diinta Maamulka Hirshabelle Garaad Axmed Cadow” Sikastaba tallaaabdaan uu isku casilay Agaasimihii Wasaaradda Cadaaladda iyo Diinta Maamulka Hirshabelle Garaad Axmed Cadow ayaa ku soo aadeysa xili Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Maamulka Hir-Shabeelle uu Shaqa joojin ku sameeyey Duqii degmada Baladweyne Cali Dhuux Cabdi Mahadale. Caasimada Online Xafiiska jowhar Caasimada@live.com