-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Brussels (Caasimadda Online) – Shirka Brussels ayaa maalintii labaad galay, iyadoo lagu wado in gelinka dambe ee maanta laga soo saaro war murtiyeed looga hadlayo dhinacyo badan oo quseeya mustaqbalka iyo horumarka Soomaaliya sanadaha soo socda. Wajiga labaad ee shirka ayaa maanta noqonaya qeybta madaxda caalamka, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ku soo biiri doono. Qeybtii koowaad ee shirka ayaa waxaa shalay shir guddoomiyay Kuxigeenka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey iyo Agaasime ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden. Khudbadihii shalay looga hadlay shirka ayaa waxaa si aad ah diiradda loogu saari arrimaha ammaanka, siyaasada, doorashooyinka sanadka 2020, arrimaha dhaqaalaha iyo dhismaha ciidamada qalabka sida iyo qaabkii ay ugala wareegi lahaayene ammaanka. Maanta waxaa lagu wadaa in shir guddoomiyeyaasha ka mid noqdo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaa loo dhaadhici-doonna isla xisaabtan inuu dhex maro Soomaliya iyo hey’adaha caalamiga ah sida: Qaramada Midoobey, midowga Yurub iyo Midowga Afrika. Shirka, Xilliyada hore waxaa dhici-doona shir wasiirrada ah oo looga arrinsanayo haweenka, nabadda iyo amniga. Waxaa kale dhici-doona waxaa loo yaqaano“Private public partnership” oo looga hadlo sida ay u wada shaqeyn lahaayeen dowladda iyo shirkadaha iyo hey’adaha gaarka ah. Waxaa shirka sidoo kale ka hadli-doona madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo Federica Maria Mogherini oo ah haweeney Talyaani ah taas oo wakiil iyo madaxweyne ku-xigeen ka ah midowga Yurub ee arrimaha dibadda iyo amniga. Margot Elisabeth Wallström, waa haweeney kale, oo wasiirka arrimaha dibadda ka ah dalka Swden. Rosemary Anne DiCarlo, waa haweeney 3aad, waxaa xogheyaha guud ee qaramada midoobey kala shaqeysaa arrimaha siyaasadda. Smaїl Chergui, oo ah diblomaasi Aljeeriyaan ah oo ka socda midowga Afrika, nabadda iyo amniga. Caasimada Online Xafiiska Brussels Caasimada@live.com
-
Brussels (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Brussels ee dalka Belguim ayaa shalay laga waayey furitaanka shirka iyo xarunta shirka uu ka dhaceyey. Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in ajendaha shirka laga reebay madaxweyne Farmaajo oo khudbad markii hore ku lahaa furitaanka shirka, waxaana loo bedelay maalinta 17-ka ee xiritaanka shirka inuu ka qeyb galo, kana hadlo, iyadoo arrintaas ay ka shaqeeyaan la-taliyeyasha madaxweynaha. Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa dowladda Soomaaliya shalay ku metelay shirka, isagoo jeediyay khudbadii dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa kaloo ka hadlay dhowr wasiir oo shirka ka jeediyey horumarka xukuumadda ee dhinacyada kala duwan. Wararkii ugu danbeeyay ee shirka Brussels ayaa sheegaya in uu xarunta shirka gaaray madaxweyne Farmaajo oo maanta qeyb ka ah shirka, gaar ahaan marka laga hadlayo qodobka ku saabsan shirkadaha gaarka ah iyo ganacstadda oo uu khubad ka jeedinayo xilligan, wuxuu kaloo ka hadlay shir-doceedka dumarka iyo kaalinta nabadda iyo amniga. Qaar ka mida xubnaha shirka Brussels ka qeyb galaya ayaa saxaafadda u sheegay in sababta uu madaxweyne Farmaajo uga baaqsaday munaasbadii furitaanka shirka ay ahayd iyadoo aanu heyn wax uu la wadaago beesha caalamka. Caasimada Online Xafiiska Brussels Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xarakada Al-Shabaab ayaa mar kasta Magaalada Muqdisho ka fuliso qaraxyo qorsheysan oo lala eegto xarumaha ugu muhiimsan dowladda Soomaaliya iyo Hoteelada ay jiifaan madaxda Dowladda. Waxaa mar kasta la is waydiiyaa sababta keentay qaraxyadaas inaan laga hortagin iyadoo la ogyahay in Ciidamada dowladda u qoran ay ka badan yihiin kuwa Shabaab ka tirsan isla markaasna ay dowladda heysato fursad ka wanaagsan midda Al-Shabaab heysato. Haddaba waxaan halkaan kusoo gudbineynaa 4 waxyaabood oo asaas u ah inaan laga hortagin qaraxyada Al-Shabaab: 1) Ciidamada Dowladda: Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaai intooda badan aheyn kuwa ay ka go’an tahay inay qaraxyadaas ka hortagaan waxaana sabab u ah arrimaha soo socdo: – Ciidamada Dowladda ma heystaan mushaar ku filan iyo mid joogto ah – Ciidamada Dowladda intooda badan waa kuwa isticmaalo mukhaadaraad mana ka cabsan Alle iyo dowlad midna, intooda badan ma gutaan waajibaadka diiniga ah ee Alle saaray, taasna waxay keentay inay qaataan laaluush isla markaasna ay fasaxaan qaraxyada iyo maleeshiyada Al-Shabaab. – Ciidamada dowladda oo aan heysan tababar fiican oo ku filan – Dowladda Soomaaliya oo aan muhiimadda siinin ciidamada dowladda taas badalkeedana ay xoogga saarto mushaarka Shaqaalaha rayidka ah. – Ciidamada Dowladda midna uma dagaalamaan wadan iyo Diin, midaasna waxay keentay inaysan daacad ka noqon la dagaalanka Al-Shabaab. – Taliyaasha Ciidamada qaarkood oo la shaqeeyo Al-Shabaab. – Madaxda ugu sareyso dowladda Soomaaliya oo aysan ka go’neyn inay si dhab ah u wajahaan ururkaan baneystay dhiigga shacabka Soomaaliyeed. 2) Sirdoonka Al-Shabaab oo ka halisan kan dowladda: Ururka Al-Shabaab ayaa heysto sirdoon ka fiican midda dowladda, taasna waxay keentay inaan inta badan la ogaan howgalada ay rabaan inay fuliyaan halka sirdoonka dowladda ay awoodi la’yihiin inay helaan xogta dowladda Soomaaliya. 3) Mas’uuliyiinta dowladda Qaarkood oo Al-Shabaab ka tirsan: Waxaa la rumeysan yahay inay Al-Shabaab dowladda ku dhex leedahay mas’uuliyiin fikirkooda ku shaqeeyo, midaasna waxay sahashay inay Shabaab hesho xogta dowladda oo dhameystiran. 4) Shacabka iyo dowladda oo aan isku xirneyn: Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda Soomaaliya kama dhaxeeyo wax xiriir ah waxayna arrintaas keentay inay Al-Shabaab dadka dhexdooda kasoo abaabulaan waxay rabaan maadaama ay dadka cabsi geliyaan isla markaasna ay dilayaan ciddii arrimahooda soo farageliso. 5) AMISOM oo aysan daacad ka aheyn howgalka: Howgalka Midowga Africa (AMISOM) daacad kama ahan in meesha laga saaro Al-Shabaab, waxayna markasta kasoo baxaan goobaha cusub ee lagala wareego Al-Shabaab maadaama ay qaataan mushaar aad u badan ayna doonayaan inuu mashruucaan usii socdo. Sidoo kale waxaa jiraan waxyaabo badan oo aan inta lagu soo koobi karin balse inta ugu muhiimsan waa shantaan qodob haddii la xaliyana ay suurta geli karto in laga hortago qaraxyada Al-Shabaab Inshaa Allah sida ay qabaan qubarada xagga ciidamada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garowe waa caasimada Puntland, waa magaalo laga sawirto horumarka iyo dib u dhaca hadba ka jira degaanada Puntland, magaaladan ayaa si xawli ah u koraysay sanadihii danbe iyadoo ku faaftay dhinac walba, koritaanka Garowe waxaad dareemi kartaa markii aad mudo kooban ka maqnaatid. Amaanka caasimada Puntland ayaa ah si guud mid aad u wanaagsan, waxayna kamid tahay magaalooyinka ugu nabad galyada fiican Soomaaliya hadaysanba ahayn magaalada kowaad, waana magaalo ka nabad gasha qaraxyada iyo dilalka qorshaysan ee ka socda qaybaha kale ee Soomaaliya. Nabad gelyada ka jirta Garowe sababteeda ugu weyn waxaa leh bulshada ku nool magaaladan oo ah kuwa ay ka go’an tahay inay ilaashadaan nabad gelyadooda iyagoo meel uga soo wada jeedaa cid kasta oo ay u arkaan inay khal-khal ku abuuri karto amaanka caasimada Puntland. Maxaa maalmahan iska badelay amaanka Garowe? Maalmihii u danbeeyey waxaa dadweynaha ku nool Garowe ay khaati ka taagnaayeen dhalinyaro u socota koox-koox oo moobilada iyo waxa ay wataan ka furnaaya dadweynaha, dhalinyaradan oo ku hubaysan tooray iyo mindiyo ayaa xitaa hada bilaabay inay dadweynaha maalinka cad moobilka kaga furtaan bartamaha magaalada, waxaana xiligan kusoo kordhay dhaliyaro gawaari wadata sida mootada loo yaqaan Bajaajta iyo gaariga Probox. Warbaahinta PUNTLAND POST oo arintan u kuur gashay ayaa ogaatay in xaafad walba oo Garowe ku taal ay dadweynaha siiba gabdhaha ay ku adkaato inay kasoo danaystaan meel banaanka ka ah guryahooda. Dhalinyaradan ayaa mararka qaar dhibaatooyin ay dhaawacyo iyo jirdil kamid yihiin u geystaan xiliyada ay dadka furanayaan, waxbana kuma ahan inayba qofka nafta ka qaadaan. Maxaa sabab u ah amaan xumada kusoo siyaadey Garowe? Sababta ugu weyn ayaa ah Booliskii loogu tala galay sugida amaanka caasimada oo ahayn kuwo sidii looga baahnaa u shaqaynaaya, waxaana jirin gabi ahaanba roondadii ay ciidamadu hameenkii ku samayn jireen xaafadaha kala duwan ee magaalada, sidoo kale waxaa habacsanaan aad u weyn laga dareemayaa gudigii nabad galyada oo ay hormuud u yihiin gudoomiyaha gobalka Nugaal, duqa caasimada iyo taliyaha qaybta booliska gobalku, ciidamadii nabad galyada ayaa noqday kuwo fadhiid ah oo fiidka hore bar kantarool dhigta wadada laamiga ee marta bartamaha magaalada mudo yar kadibna ka kala hurda doonta. Lama oga waxa sababay habacsanaanta iyo fadhiidnimada ka muuqata hay’adihii nabad gelyada magaalada Garowe waxayse kusoo aadaysaa xili masuuliyiintii arimahan u xil saaraa oo uu kamid yahay gudoomiyaha gobalka Nugaal ay ku mashquulsan yihiin arimaha degaanka Tukaraq iyo collaadaha ka aloosan gobalka Sool. Wax yaabaha kale oo loo sababaynaayo waxaa kamida fariisimaha booliska oo ah kuwo aad u yar iyo magaalada oo aad u balaaratay, Garowe waxaa ku yaal oo keliya sadex saldhig boolis oo kala ah saldhiga dhexe, saldhiga bariga magaalada iyo saldhiga koofureed oo ku yaal kantaroolka magaalada laga soo galo, waxaa sidoo kale gabi ahaanba meesha ka maqan wada shaqayntii booliska iyo dadweynaha, iyadoo xiliyadii hore ay laamaha nabad gelyadu samayn jireen isku xir iyo wada shaqayn kala dhaxaysa dadka ku nool xaafadaha iyadoo ay boqolkii guribana ka jiri jireen gudiyo si joogta ah u wada xiriiraan hay’adaha nabad galyada, halka ay iminka adag tahay inaad heshid telefoon aad kala hadashid Booliska wada shaqayniba ha joogtee.. Xagee ayey aadaa dhaqaalaha lagu bixiyo amaanka caasimada? Sida ay ogaatahay warbaahinta PUNTLAND POST waxaa bil walba si joogta ah loogu bixiyaa ku dhawaad toban kun oo doolar roodaynta iyo sugida nabad gelyada, waxaana naloo xaqiijiyey inay kharashaadkan si joogta ah uga baxaan khasnadaha Dawlada lamana oga waxa lagu bixiyo dhaqaalahan hadiiba wixii loogu tala galay sidan looga ardan yahay. Gabagabadii Garowe waa muraayadii Puntland waxaana loo bahan yahay in mar walba ay noqoto magaalo lagu barto xasilooni iyo horumar, waana in iyadoo lawada socda Dawlada, dadweyne iyo waarid wax laga qabtaa dhalinyaradan dhibaatada ku ah amniga caasimada. PUNTLAND POST The post Aminiga Garowe, fadhiidnimada Booliska iyo dhaqaalaha ku baxa amniga caasimada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyada AlShabaab ayaa goordhow baahisay magaca mid kamid ah maleeshiyaadkii fuliyay weerarka ka dhacay agagaarka Xarunta Madaxtooyada Somalia. War qoraala oo kasoo baxay maleeshiyada Alshabaab laguna baahiyay baraha ay ku leeyihiin Internet-ka gaar ahaan Idaacada Andulus ayaa lagu sheegay in raggii weerarkaas geystay uu ka mid ahaa, isl markaana uu isqarxiyey Maxamed Xuseen Sheekh Rooble. Naftii haligahaani fuliyay ismiidaaminta ayaa lagu naaneesi jiray Deeqoow Xiirane waxa uuna muddo fog ka tirsanaa Alshabaab. Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegtay in naftii haligahaani da’diisu ay aheyd 24 Sanno jir, isla markaana uu ku dhashay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe. Al-Shabaab ayaa sidoo kale dhawaan soo bandhigtay Magacyada laba ka mid ah ragii isku qarxiyey Xarunta Otta Otta oo ay degan yihiin Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga. Geesta kale, weerarka ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad lix ruux oo ay ku jiraan dad shacab ah oo xiliga weerarka ku sugnaa eeryada uu weerarka ka dhacay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ciidamada amaanka maamulka Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay Nin dhalinyaro ah oo abaahiis ku dilay Gobolka Jubbada Hoose. Falkaan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Buulo-Gaduud oo qiyaastii 30-KM u jirta Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose. Wiilkaan dhalinyarada ahaa ayaa dilay Allaha u naxariistee Cabdullaahi Shariif Kalar oo ahaa Aabihiis. ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga sababta uu wiilkaasi dhalinyarada ah uu Aabihiis u dilay. Ciidamada amaanka Jubbaland ayaa gacanta ku soo dhigay ninkaasi iyaga oo hadda weeydiinaya su’aalo ku saabsan sababta uu aabihiis u dilay. Ninkaan ayaa dilka Aaabihiis u adeegsaday Baangad uu qudha kaga Jaray Allaha u naxariistee Aabihiis Cabdullaahi Shariif Kalar. Saraakiisha Jubbaland ayaa sheegay in ay dib warbaahinta ugu faah faahin doonaan qaabka uu falkaan u dhacay iyo sababta uu Aabihiis u dilay Wiilka. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Ciidamada Jubbaland oo qabtay Nin Aaabihiis Dilay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumada Somalia ayaa mar kale ka hadashay lacagaha Shilin Soomaaliga ee la filaayo in dhawaan lasoo daabaco si meesha looga saaro lacagta hadda la isticmaalo. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in si dhaqsi ah lagu soo daabici doono lacagta cusub ee la shaqo galin doono. Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyl, ayaa sheegay in shuruudii ay la galeyn Bankiga Aduunka iyo Hay’adda lacagta ay ka soo gudbeen taas oo u sahli karta in lacagta cusub ay soo daabacaan, sida uu hadalka u dhigay. Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, waxa uu intaa ku daray in xiligaan loo baahan yahay lacagtii lagu soo daabici lahaa maadaama DFS lagu leeyahay lacag farabadan oo deyn ah. Wasiir Beyle oo wax laga weydiiyay xiliga lasoo daabacaayo lacagta ayaa sheegay in qorshaha saxda ah uu yahay in gudaha Sanadkaan lasoo daabici doono lacagta cusub ee Shillinka Soomaaliga ah. “Gudaha sanadkaan ee aan ku jirno ayaan soo daabici doonaa lacagta waxaan qireynaa inay nagu adkaan doonto bixinta lacagta lagu soo daabacaayo tan cusub waayo waxaa nalagu leeyahay lacag badan” Si kastaba ha ahaatee Wasiir Beyle ayaa hadalkaan ka sheegay kulan uu magaalada Brussles kula qaatay Mas’uuliyiin ka kala socotay Bankiga Aduunka iyo Hay’adda lacagta, kaas oo ahaa mid ay uga wad hadleen qorsha lacagta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The rogue Somalia regime is at it again this time it has ordered airlines ferrying pilgrims to Islam holy site Mecca to deposit pilgrimage money into a suspect account owned by that country ministry of religious affairs. The Somalia regime has established a new office and christened it (Pilgrimage Affairs) the suspect office confirmed that it represents the Somalia government ministry of religious affairs. The aforementioned office has prepared memorandums of understanding forms to be filled by airlines plying the lucrative Mecca route. Worse still, the suspect agreement instruct airlines to forward the travel expense of every pilgrim amounting to $3300 per head. Hence the pilgrims’ ticket money will fall into the wrong hand since the Somalia government does not have a transparent system of accountability. This year pilgrims are about 9900 in number of which 3000 of them are from the Republic of Somaliland, thence the rogue Somalia regime wants the pilgrimage money of Somaliland pilgrims to be deposited in the suspect account. The government of Somaliland seems to be in the dark following Somalia’s government ploy to harass airlines to hand over air tickets money to a suspicious office created by crooks to fleece the innocent pilgrims from Somaliland of their hard earned monies. This is yet another clandestine plan of the Somalia government to hijack the pilgrimage affairs of the people of Somaliland. Horn
-
The BBC Somali radio services held a debate between two members of the Somaliland parliament. The discussion concerned the vulgar words some people use while speaking through the media. The moderator of the talks BBC Somali service reporter Mr.Ahmed Saeed Ige asked the MPs if this new trend is democracy or poor management. The two MPs in the talks are Hon.Abdirahman Mohammed also known as Abdirahman Hoog and Hon. Abdillahi Hussein Ige (Balaaki) who are members of the Somaliland lower house of parliament. First to answer the reporter’s question was Hon.Abdirahman Hoog who had this to say “First and foremost democracy has representatives who are elected by the people those representative are us MPs so that people from a constituency when they have any problem they have to go to their MP and tell him their plight thence the MP will debate their affairs in the house. However these days we have unscrupulous people on the loose pretending to know about democracy and seeking self publicity stand in front of television stations to talk about what they have no knowledge.” On his part Hon.Balaaki said “My opinion is that democracy is broad and can be interpreted differently by various people, however these people speaking on television can be classified into two. One group has good motives and the other has sinister agenda; but the group that is preaches good to the public are better for promoting peace and security an endeavor for democratic institutions.” Speaking about those who seek self publicity Hon.Abdirahman Hoog debated “Self glorification is a Somali slang meaning that some people are used by politicians, businessmen and women, government and the opposition to represent them in front of the camera to promote their opinions and views. These kind of people do not avail themselves at TV stations however send their subordinates’ to spew venom for them. They claim we from clan A suggest than clan B be remove from the agenda. We should either follow democratic principles or continue to wallow in cheap clans’ politics.” Hon.Balaaki stated “It good when we hold press conferences to complain about anything, we should do it in a civilized manner instead of using vulgar language which may not help the matter and could incite the masses. We have to be careful in front of the camera to what we say as it may be interpreted negatively by others.” When Abdirahman Hoog was asked about the country’s media view majority of members the Somaliland parliament as self seekers who do not represent the interests of their constituents and are in the house for their personal enrichment he said “Yes it’s partly true, there is a Somali saying that says the person with insight is the worst in terms of his affairs you know me very well my name is Abdirahman Hoog and I always talk about the rights of citizens but I will not support those traditional elders spewing venom in front of the camera. They should talk about district and regions instead of clan interests.” Member of Parliament Balaaki suggested “I never thought that the democratic system Somaliland embraced will be mixed up by useless tribal politics which have no place in the 21stcentury.” Horn
-
Nairobi (Caasimada Online)-Iyadoo ay sii xoogeysanayaa dagaalada u dhexeeya Soomaalida iyo Oro,ada Ethiopia, ayaa waxaa arrintaa ka hadlay Ururka ONLF. ONLF ayaa sheegtay inuu sii kordhayo khasaaraha dhimasho iyo mida dhaawacba ee ka dhashay dagaalka balse aysan jirin cid mas’uuliyad gaara iska saartay badbaadinta shacabka. ONLF waxa ay sheegtay in tirada dhimashada iyo khasaaraha dhaawaca ee ka dhashay dagaalka labada maalin socday aan la xisaabi Karin waxa ayna dhaliisha iyo difaac la’aanta shacabka dusha ka saaren maamulka hadda haya talada. Cabdiqaadir Xasan Hirmooge Caddaani oo ah Afhayeenka Ururka ONLF ayaa sheegay in Ururka uu dagaalkan bayaan ka soo saaray, wuxuuna tilmaamay dagaaladii ugu dambeeyay inay ku dhinteen 50 qof oo Haween iyo caruur ay ku jiraan. Afhayeenka Ururka ONLF waxa uu intaa ku daray in Oromada ay nolosha iyo guryaba ku gubeen qoysas Soomaaliyeed, hase yeeshee ay taasi ku imaaday mas’uuliyad daro heysata madaxda hadda ka jirta dhulka DDSI. Waxa uu Afhayeenka oo u waramaayay VOA sheegay in hadii ay sii socdaan dagaaladan u dhaxeeya qabaa’ilada Oromada iyo Soomaalida Ethiopia ay ka dhalan karto cawaaqib xumo, waxa uuna ka digay in dadka macaashka ku qaba colaada ay faraha kula sii jiran howlaha ceynkaasi ah. Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa “Waxaa wax aad looga xumaado ah, marka ay dadkani is garabsan lahaayeen oo ay is anfici lahaayeen, is caawin lahaayeen, heshiin lahaayeen, in iyaga dhexdooda ay diriraan, waxaan ku baaqeynaa in si deg deg ah loo joojiyo dagaalada ay ku dhimanayaan rayidka.” Sidoo kale, waxa uu cadeeyay in dhibta ugu badan ay ku dhacdo Soomaalida, waxa uuna taasi ku sheegay arrin halisteeda leh oo aan loo dulqaadan Karin. Haddalka kasoo yeeray ONLF ayaa u muuqanaaya mid maamulka DDSI loogu tilmaamayo mas’uuliyad darada heysata oo ay ka gaabiyeen xalkeeda. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Brussels (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa ka hadlay ahmiyada gaarka ah ee uu leeyahay shirka ka socda Magalada Brussels ee dalka Belgium-ka. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in shirka Brussels ay dani ugu jirto Soomaalida waxa uuna carab ***** in cida laga doonaayo ka faa’iideysigeeda ay tahay Soomaalida. Waxa uu tilmaamay in shirka noocaani ah uusan si sahlan kusoo mari doonin Soomaalida waxa uuna ka digay inay noqdaan kuwo aan ka faa’iideysan shirka. “Shirka sanadkiiba mar ayuu soo maraa Somalia waxaa nasiib darro ah inaan garan weyno danteena oo aan ka faa’iideysan weyno fursadaha na horyaal” Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay inay muhiim tahay in bilaa shuruud looga faa’iideysto shirka maadaama uu yiri dantu tahay mid ay leedahay Soomaalida. Madaxda maamulada ayuu ugu baaqay inay muujiyaan adkeysi oo aysan meel uga dhicin sharafka Soomaalida, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday in ujeedka uusan aheyn mid isaga u gaar ah. Maanta ayaa waxaa la galayaa wajiga labaad ee shirka,waxaana furi doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,waxaana si lamid ah shirka Maanta looga hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka dalka, dib-u-habeynta ciidanka, la dagaallanka argagixisada, qeybsashada kheyraadka dabiiciga ah iyo hannaanka mideynta cashuuraha waddanka. Haddalka Farmaajo ayaa u muuqanaaya mid lagu dhiiri galinaayo madaxda kale ee kusugan madasha shirka Brussels, waxaana xusid mudan in maalinimadii shalay ay shirka ka baxeen wafdiga maamulka Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Brussels Caasimada@live.com
-
Brussels (Caasimada Online)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad, ayaa daboolka ka qaaday inay muuqato ka faa’iideysi la’aanta Soomaalida shirarka adduunka. Wasiir Axmed Ciise waxa uu sheegay in Soomaalida oo isku mowqif ah ay tageen madasha shirka ka socda Magalada Brussels ee dalka Belgium-ka, balse ay markii danbe soo baxeen cilado yar. Waxa uu Wasiirka tilmaamay in muhiimada Shirka yahay in Soomaalida ay helaan waxyaabo badan oo ay u baahi qabto sida maalgashi iyo hormarinta baahiyaha ku xeeran Qaranimada Somalia. Waxa uu Wasiir Axmed Ciise carab ***** in madaxda Soomaalida gaar ahaan kuwa Gobolada laga doonaayo inay marka hore muujiyaan dulqaad si buu yiri meesha looga saaro tabashooyinka hadda jira. Waxa uu cadeeyay in shirka ay kasoo bixi doonaan qodobo lagu wada kalsoonaan doono hase yeeshee ay ku xiran tahay in la muujiyo dulqaad, maadaama waxa laga wada tashanaayo ay tahay masiirka Umadda Soomaaliyeed. “Maanta waxaan u gudbeynaa wajiga labaad, waxaa shirka kaoso bixi doona war-murtiyadeed lagu wada qanci doono waa inaan dhankeena kala imaana sabar iyo dulqaad aan ku aqbali laheyn heshiisyada dhacaaya” Wasiir Axmed Cawad ayaa adduunka ku dhaliilay inaysan ka dhabeyn ballanqaadyada loo sameeyo Soomaalida, waxa uuna dalbaday in laga jawaabo wixii ballanqaad ah. Sidoo kale, dadka dhan ayuu sheegay inay wada yihiin walaal, isla markaana ay muhiim tahay in la garto ahmiyada dalka iyo dadka maadaama ay hormartay dunida. Geesta kale, waxa uu Wasiirka ku baaqay in Soomaalida ay u midowdo wax wada qabsigeeda maadaama dunida ay garabtaagan tahay. Caasimada Online Xafiiska Brussels Caasimada@live.com
-
Convictions Upheld for Women Who Raised Money for Al-Shabab
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
federal appeals court has upheld the convictions and prison sentences of two women who used an internet chat room to raise several thousand dollars for the Somali militant group al-Shabab. Source: Hiiraan Online -
House of Commons Immigration Committee to meet today after increasingly tense month on the issue of asylum claimants Source: Hiiraan Online
-
Former U.S. President Barack Obama Monday praised Kenya's president and opposition leader for working together but said this East African country must do more to end corruption. Source: Hiiraan Online
-
Just a few weeks ago, David Goldsworthy, the principal consultant at Development Action and a fellow speaker at IFAC and PAFA’s Fragile States Conference, wrote an article asking readers to imagine walking into their office on the first day and finding no computers, limited equipment, and few qualified accountants. Source: Hiiraan Online
-
Muqdosho (Caasimadda Online) – Warqad shalay ka soo baxday xafiiska agaasimaha hay’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka Xuseen Cusmaan Xuseen ayuu shaqada uga joojiyey labadiisii ku xigeen. Cabdalla Cabdalla Maxamed oo ah ku xigeenka kowaad ayaa ilo wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyey in shaqada laga joojiyey. Hase ahaatee, waxaa aritaas walaac weyn ka muujiyey khubarada ku xeel dheer arimaha sirdoonka ee ku sugan magaalada Muqdisho. Su’aalaha ay isweeydiinayaan waxaa ka mid ah yaa leh mas’uuliyadda xil ka qaadista labada agaasime ku xigeen ee hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA)? Waxaa la’ogyahay in warqadda shaqada looga joojiyey labada agaasime ku xigeen aysan ku caddeyn in agaasimaha uu la tashi kala sameeyey Madaxweyen Farmaajo oo isagu soo magacaabay agaasimeyaasha Nabadsugiida iyo Sirdoonka Qaranka. Qodobka 90-aad ee dastuurka, farqadiisa 4-aad waxaa ku cad in kaliya madaxweynaha uu leeyahay magacaabista iyo xil ka qaadista taliyayaasha ciidamada ee heer federal, taasi o hadda u muuqata in la baal-maray. Hadaba, haddii ay dhacdo in uusan kala tashan Madaxweynaha shaqo ka joojinta labada agaasime ku xigeen, su’aasha ayaa ah yaa bixiyey amaraka? Waxaa jira guux hoose oo sheegaya in Ra’isul wasaaraha xukumadda Xassan Cali Kheyre uu lahaa amarka shaqada looga farisiyey labada agaasime ku xigeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Dawlada Imaaraadka Carabta ayaa balan qaaday inay laba jibaarayso horumarinta maalgalinta dekeda Berbera si ay u noqoto dekeda ay isticmaali doonto dawlada Itoobiya iyo dalalka kale ee Afrika ee bilaa dekeda ah. Wargeyska Indian Ocean ayaa cadadkiisii ugu danbeeyay qoray in 28-Jun-2018 ay magaalada Abu Dhabi kulan saddex geesood ah oo balaadhan ku yeesheen wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr.Sacad CalI Shire iyo madaxda ugu saraysa shirkada DPworld Suldan Axmed Binu Suleym iyo ku xigeenkiisa iyo wakiilo ka socda dawladda Itoobiya oo ay metelaysay shirkada dawlada Itoobiya ee Ethiopian Shipping & Logistics Services Enterprise (ESLSE). Waxay saddexda dhinac isku raaceen in la kordhiyo horumarinta iyo maalgalinta dekeda Berbera, iyada oo halkaas agaasimaha DP world ku soo bandhigay mashruuc xarun balaadhin oo kayd ah ay DP world ka samaynayso gudaha Itoobiya, si ay xaruntaasi dalalka kale ee bilaa dekeda ah ee Afrika ugu noqoto suuq ay alaabtu uga sii gudubto. Wargeysku wuxuu sheegay in dawladda Imaaraadka Carabtu ay balaadhinayso saamaynta ay ku leedahay gobalka Geeska Afrika, taasna ay doonayso in meelaha ay u marayso ay ka mid noqoto dekedda Berbera iyo Itoobiya oo ay isku xidho. Wuxuu wargeysku soo xigtay kulamadii kala duwanaa ee ay bishii hore yeesheen raysalwasaaraha Itoobiya iyo madaxda dawladda Imaaraadka Carabta. Ilaa bishii March ee sannadkan wuxuu wargeysku sheegay wuxuu sheegay in Imaaraadka Carabtu diirada saareen balaadhinta dekedda Berbera si ay u suurto gasho inay dekedani la wareegto suuqa ganacsi ee Itoobiya. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Inta badan dadka ehelka u ah Siyaasada ayaa dhaliilo kala duwan u jeediya dowlada Somalia oo iyadu la sheegay inay aad uga gaabisay dhaqan galinta Siyaasada lagu shaqeyn doono 4ta sano ee aan ku guda jirno. Dhinacyadan u dhuun daloola Siyaasada haba ugu badnaaden siyaasiyiinta mucaaradka waxa ay dowlada Somalia aad ugu dhaliilan inay hormuud u noqotay la xisaabtan la’aanta qeybaha ku magacaaban amniga iyo arrimaha Dibadda. Dhaliilaha ugu badan ee loo jeedinaayo dowlada ayaa salka ku heysa hanaanka ay shaqooyinka u maareeyan Wasaaradaha qaar oo aan ka dhabeyn howlaha loo jideeyay. Dowlada Somalia oo aan weli yeelan awoodihii laga filaayay ayaa waxaa la sheegay in dib u dhaca heysta ay sabab u tahay 3 qodob oo ay kamid yihiin; 1-Hoos u dhac ku imaaday xiriirka arrimaha dibadda Somalia oo markii hore aad uga wanaagsanaa halka uu maanta taagan yahay. 1 – Siyaasada arrimaha gudaha oo aad u liidata sababo la xiriira awooda wasaarada ku shaqada leh oo aan gaarin heer wanaagsan, iyo maamul goboleedyada oo carqalad ku ah dowladda dhexe. 2 – Dowladda Somalia oo aan mas’uuliyad muuqata iska saarin la xisaabtanka mas’uuliyiinta ugu sareysa Hay’adaha amniga, ayada qaraxba qarax uu ka dambeeyo, haddamna cidna aanay cawaaqibkeeda qaadan. 3 – Amniga dalka oo lagu haleeyay Hay’addo reer galbeed ah iyo Ciidamo shisheeye taa oo naxuusineysa awooda dowlada. Ciidamada ugu awoodda badan ee dowladdu isku haleyso waa Amisom, halka sirdoonka reer galbeedkuna yihiin kuwi ay dowladda ka sugto akhbaaraadka. Dowlada Somalia ayaa ku doodeysa inaysan heysan dhaqaale ku filan iyo dowlado rasmi oo si shuruud la’aan ah uga caawiya howlaha horyaal. Sidoo kale, guulaha ay tiigsaneyso dowlada Somalia ayaa waxaa dhexda u fadhiya dowlado shisheeye oo cuuryaaminaaya Siyaasada dibadda iyo Amniga kuwaa oo kaashanaaya shaqsiyaad Soomaali ah oo aad uga soo horjeeda Siyaasada ay xiligaan ku dhaqmeyso dowlada hadda jirta. Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia ayaa looga fadhiyaa inay xooga saarto isla markaana dib usoo nooleyso xirriirka dibadda, Amniga iyo Arrimaha Gudaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com