-
Content Count
210,023 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia, Abiy Ahmed ayaa Khamiistii shalay aheyd xil ka qaadis ku sameeyay taliyeyaasha ciidamada Militariga iyo Sirdoonka dalkaasi. Abiy Ahmed, ayaa xilalkaasi u magacaaby taliyayaal cusub oo uu ku keenay latashi uu la yeeshay xubno ka tirsan labada Gole ee dowlada. Ra’isal wasaare Abiy Ahmed ayaa taliyaha ciidamada Militariga u magacaabay Seare Mekonen, kaddib markii uu xil ka qaadis ku sameeyay taliyihii hore militariga, Samora Younous. Abiy Ahmed, waxa uu shaqadii ka eryay Taliyihii Sirdoonka, Getachew Assefa, isagoona Adem Mohammed u xushay inuu noqdo Taliyaha cusub ee Sirdoonka. Abiy Ahmed, waxa uu sheegay inay muhiim tahay in taliyeyaasha cusub ay u shaqeeyan si ka duwan kuwii hore ee shaqada laga eryay. Abiy Ahmed, waxa uu sheegay in labada taliye ay mamnuuc ka tahay inay ku mashquulan dadka feker ahaan dhaliilsan siyaasadda dowladda. Dhinaca kale, Ra’isal wasaaraha Ethiopia ayaa muddooyinkii ugu dambeysay waday is bedelo uu dowladda ku samaynayo, tallaabadii uu Khamiistii qaadayna waxay qayb ka tahay dadaalada uu ku doonayo in is bedelada uu dalkiisa kaga hirgeliyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng Yarisow) ayaa ku wargeliyey Hay’adaha ay khusayso joojinta hawllaha dhul-simidda iyo kaawo qodista ee ka socda agagaarka Kawaan Bari bacdamaa ay keeneysey Khataro hor leh. Inj. Yarisow oo digreetada dhulkan lagu joojiyey soo saaray ayaa tilmaamay in aan loo dulqaadan karin in sifo aan sharciga waafaqsanayn lagu dhiso dhulalka danta guud iyo kuwa dadweynaha. “Maamulka Gobolka Banaadir waxuu masuul ka yahay ilaalinta iyo hubinta sax ahaanshaha sharciga iyo in wax walba loo maro habraac saxda ah kaasoo dhabaha u xaaraya in qof walba uu ku helo caddaalad waxa uu xaqa u leeyahay, waana taas midda aan rabno in lagu hago wax walba oo Dawladda Hoose ka soo baxaya,” ayuu yiri Yariisow oo intaas ku daray in arrintani looga golleeyahay hubinta dhulalka la dhisanayo ee aan marin habraacii loo baahnaa. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa u digay ganacsatada iyo shaqsiyaadka ku howllan burburinta dhagaxaanta celiya Biyaha Badda oo ka dhalan karaan khataro, maadaama la burburiyey dhagaxyadii iyo ciiddii celinaysay biyaha Badda oo keeni karta in mustaqbalka fog iyo midka dhow ay baddu ku fatahdo magaalada. Ugu dambeyn, Duqa Caasimadda Somalia ayaa horey u joojiyay dhismeyaal danta guud ah, isla markaana shaqsiyaadkii lagu tuhunsanaa u gudbiyey hay’adaha sharciga. PUNTLAND POST The post Duqa Muqdisho oo Hakiyay Hawlihii Dhul-simidda iyo kaawo Qodista ee Bariga Xamar appeared first on Puntland Post.
-
Jabuuti (PP) ─ Wafdi uu Hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Somalia, Xasan Cali Khayre oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha dalkaas, Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada. Kulanka intii uu socday ayaa isla gartay in labada dal ay iska caawiyaan arrimaha ay ka mid yihiin Xoojinta ammaanka, Hagaajinta xariirka arrimaha dibadda, ka faa’iideysiga Kheyraadka iyo in Jabuuti ay Soomaaliya ka taageerto dhanka Isgaarsiinta. Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa ka sheekeeyay wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa labada dawladood, waxa uuna walaalaha Jabuuti ku bogaadiyay sida ay mar walba u caawiyaan shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay tahay abaal ay u hayso dawladda Soomaaliya mar walba aan ka go’i doonin qalbiyada Shacbiga Soomaaliyeed. Kulanka ay yeesheen labada Ra’iisul wasaare waxaa goob joog ahaa xubnaha wafdiga Ra’iisul wasaare Khayre oo ay kamid yihiin wasiirka arimaha Dibadda, Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Boostadda iyo Isgaarsiinta, Eng. Cabdi Canshuur Xasan, Wasiir Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhiga, Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo mus’uuliyiin kale, iyada oo dhanka Jabuuti ay uga qeyb galeen Wasiirada Wafaafinta iyo Isgaarsiinta, Gaashaadhingga iyo arrimaha Dibadda. Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia, Xasan Cali Khayre iyo Wafdigiisa ayaa kulanka kadib booqday xarunta Fiber optica ee dalka Jabuuti. PUNTLAND POST The post Dawladaha Somalia & Jabuuti oo isku raacay in ay iska kaashadaan Xoojinta Ammaanka appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimada Online)-Xogo dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dagaal qaraaran oo xalay ka dhacay Degmada Waajid ee gobolka Bakool,kaa oo u dhexeeyay ciidamada dowlada, kuwa Ethiopia iyo maleeshiyaadka al-Shabaab oo dhinac ah. Dagaalka ayaa yimid kadib markii maleeshiyada ay weerar gaadmo ah ku qaaday Saldhigyo ay ku sugnaayen labada ciidan waxaana xigay dagaal fool-ka-fool ah oo dhexmara labada dhinac. Maleeshiyada al-Shabaab ayaa weerarka kasoo qaaday laba jiho, iyadoo ay beegsadeen xeryaha labada ciidan, waxaana halkaasi ku dhexmaray dagaalka hubka waa weyn la’isku adeegsaday. Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalku uu ku bilowday qaraxyo iyo gantaalaha garbaha laga tuuro ee baasuukaha. Saraakiisha ciidamada dowlada ayaa sheegay inay iska difaacen Shabaabkii weerarka soo qaaday, waxa ayna beeniyeen wararka sheegaya in Shabaab ay gudaha u soo galeen xaafad ka tirsan xaafadaha Degmada Waajid. Waxa ay intaa raaciyeen in maleeshiyaadka al-Shabaab ay ka dileen dagaalyahaano isla markaana ka furteen Hubka ay kusoo qaaden dagaalka. Sidoo kale, Dadka deegaanka ayaa sheegay inay arkayeen meydadka Siddeed ruux oo labada dhinac ah iyo dhaawacyada Lix ruux. Dhinaca kale, dagaalkan ayaa noqonaaya mid ay labada dhinac ku kala gubeen Gaadiid, isla markaana lagu furtay kuwo kale. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Jabuuti (Caasimada Online)- Waxaa dalka Jabuuti booqasho labo cisho ah ku jooga ra’iisul wasaaraha xukuumadda Somalia, Xasan Cali Khayre, isagoona la kulmay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo dhigiisa Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil Maxamed. Kheyre iyo wafdigiisa oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibada Axmed Cawad, wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Inj. Cabdi Cashuur iyo xubno kale ayaa waxay kulan la qaateen ra’iisul waasaraha Jabuuti iyo xukuumaddiisa oo ay heshiisyo dhinac badan khuseeya wada gaareen. Qodobada ugu muhiimsan ee labada dhinac isla garteen ayaa waxaa ka mid ah in labada dal ay iska caawiyaan arrimaha ay ka mid yihiin xoojinta ammaanka, hagaajinta xariirka arrimaha dibadda, ka faa’iideysiga kheyraadka iyo in Jabuuti ay Soomaaliya ka taageerto dhanka Isgaarsiinta. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in wada shaqaynta wanaagsan ay ka dhaxaysa labada dawladood, waxa uuna Jabuuti ku bogaadiyay sida ay mar walba u caawiyaan shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay tahay abaal ay u hayso dawladda Soomaaliya mar walba aan ka go’i doonin qalbiyada Shacbiga Soomaaliyeed. Kulanka Kheyre uu la yeeshay ra’iisul wasaaraha Jabuuti ayaa waxaa u wehliyay dhanka Jabuuti Wasiirada Wafaafinta iyo Isgaarsiinta, Gaashaadhingga iyo arrimaha Dibadda. Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wafdigiisa ayaa kulanka kadib booqday xarunta Fiber optica ee dalka Jabuuti oo qeybo ka mid ah gobolada dalka Somalia ugu yimaado Internet-ka. Dhinaca kale, ra’iisul wasaare Kheyre ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil CUmar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo xoojintiisa. Jabuuti ayaa Somalia waxaa ka jooga ciidamo qeyb ka ah howlgalka midowga Afrika ee AMISOM, waxayna caawiyaan ciidamada Dowladda ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.R
-
Boosaaso (Caasimada Online)- Maxkamada ciidamada qalabka sida ee maamul goboleedka Puntland ayaa xukun dil toogasho ah ku riday 7 askari oo lagu eedeeyey in ay hub iyo gaadiid kala baxsadeen deegaanka Tukaraq oo ay isku-horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo Somaliland. Ciidamadaan dilka lagu xukumay ayaa waxay hub iyo gaadiid ka mid ahaa kuwa jiida Tukaraq ku jiray ay ula baxsadeen dhinaca Somaliland. 7 Askari ee xukunka lagu riday ayaa ka maqnaa maxkamada, waxayna saraakiisha maxkamada ay sheegeen in markii gacanta lagu soo dhigo xukunkaas lagu fulin doono. Guddoomiyaha maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Shanta Gobol Puntland Gaashaanle Sare Cawil Axmed Faarax ayaa sheegay in askartaas lagu riday xukunka dilka toogashada ah, kadib markii Maxkamadu ay dhageystay dooda edeymaha iyo tan difaaca Qareenka eedeysanayaasha iyo qiimaha Gaadiidka iyo hubka ay la baxsadeen in lagu xukumay dilka toogashada ah. Ciidamada xukunka dilka toogashada ah lagu riday ayaa waxaa Magacyadooda lagu kala sheegay sidaan. 1: Dabel Jaamac Cabdi Nuur Maxame 2: Dable C/rashiid Ismaaciil Geelle. 3:Dable Maxamed Axmed Bootaan 4:-Dable Cabdi cumar Jaamac 5: Dable Siciid Maxamed Axmed 6: Cabdi Dhuux Cali Xasan 7: Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ashkir Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunaqabatayn ku soo rogay lix ruux oo masuul ka ah hawlgallada dadka lagu tahriibiyo ee Liibiya. Waa markii koobaad ee dad wax tahriibiya lagu daro liiska cunaqabataynnada caalamiga ah. Dadka liiskaas lagu daray waxaa ka kid ah afar Liibiyaan ah oo uu ka mid yahay nin madaxa ka ah qayb ka mid ah ciidammada ilaalada xeebaha iyo labo ruux oo dalka Eritrea u dhashay. Dadka wax tahriibiya ayaa ka faa’iidaystay ammaan xumida Liibiya iyaga oo boqolaal kun oo ruux badda mariyay si ay Yurub u geeyaan. Qaar badan oo ka mid ah tahriibeyaasha ayaa ku go’doonsan xarummo si ku meelgaar ah dadka loogu hayo, iyaga oo waliba jirdil kala kulma kuwa wax tahriibiya. Cunaqabtaynta oo ka kooban in safarrada caalamka laga xayiro iyo in lacagtooda la xannibo ayaa ka dhalatay qorshe ay soo gudbisay Netherlands taas oo caalamkuna ku taageeray. Qorshahan ayaa markii hore la soo dhigay kawdii bishii May, balse Ruushka ayaa is hortaagay isaga oo dalbaday in uu dib u eego caddaymaha loo cuskanayo lixdaas nin. Cunaqabatayntan aan la filaynin ayaa timid ka dib markii aad looga carrooday warbin uu dabayaaqadii sannadkii hore sii daayay telefeshinka CNN taas oo muujinaysa rag tahriibryaal ah oo adoon ahaan loogu xaraashayo Liibiya. ISHA: BBC Somali
-
Somalia suffers from drought on a regular basis. Besides humanitarian aid, Finland is supporting the country to find sustainable solutions to drought. Source: Hiiraan Online
-
ST. PAUL, Minn. — Ilhan Omar escaped her war-torn homeland of Somalia as a child and grew up in a Kenyan refugee camp before immigrating to the United States as a preteen. She learned English by watching American television. Source: Hiiraan Online
-
Part of the provincial electoral district since 1999, York South-Weston has for the most part remained a Liberal riding. Source: Hiiraan Online
-
President Trump is outpacing his predecessor in the number of U.S. drone strikes abroad and has made it easier for the CIA to use the craft to eliminate targets, according to a new study released Thursday — but specialists warn the use of the unmanned killing machines remains shrouded in secrecy with rules of engagement that haven’t been publicly explained. Source: Hiiraan Online
-
UN: Unity is essential for Somalis to achieve lasting peace
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Unity is essential for Somalis to achieve lasting peace and stability, the top United Nations political affairs official said on Thursday during a visit to the Horn of Africa country, which faces numerous challenges, including the establishment of an effective federal government system and a combat against Al-Shabab insurgents. Source: Hiiraan Online -
Ethiopia receives 29,211 refugees in first 5 months of 2018
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Ethiopia received 29,211 refugees in the first five months of 2018 ending May 31, the UN High Commissioner for Refugees (UNHCR) said on Thursday. Source: Hiiraan Online -
Police have launched a manhunt for a suspected Al Shabaab operative who is said to be a returnee from Somalia. Source: Hiiraan Online
-
A year after the Qatar crisis began, it’s having potentially dangerous reverberations in the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
-
The U.N. Security Council warned Thursday that "internal and external pressures risk undermining Somalia's political unity" and expressed serious concern at the ongoing threats posed by the al-Shabab Islamic extremist group. Source: Hiiraan Online
-
Unity is essential for Somalis to achieve lasting peace and stability, the top United Nations political affairs official said on Thursday during a visit to the Horn of Africa country, which faces numerous challenges, including the establishment of an effective federal governance system and a combat against Al-Shabab insurgents. Source: Hiiraan Online
-
London (HOL) - The Somalia media landscape is mourning the loss of one of their most accomplished journalists. Mohamed Aden Hersi “Terra” passed away early Thursday morning in a London hospital after a bout with an undisclosed illness. Source: Hiiraan Online
-
Xildhibaano ka tirsan baarlamanka Somaliland oo shir jaraa,iid ku qabtey magaalada Boorame ayaa eedeymo kulul u jeediyay Xukuumadda Somaliland iyo Madaxweyne Muuse Biixi ka dib markey ku dhaliileen arrimo dhul boob iyo xukun cadaalad daro” “Tuka-raq iska-daaye,Awdal buu nagu haystaa Muuse Biixi” In ka badan toboneeyo Xildhibaan oo kasoo muuqday goobta shirka ayaa sheegay in lagula kacay dadka iyo deegaanka ay kasoo jeedaan falal ka dhan ah xuquuqda bini,aadamka islamarkaana ku qotomo qabyaalad,eex iyo dhac deegaan. Waxay dhambaal u direen Xildhibaanada ka hadlay Boorame Soomaalida kale iyo Beelaha degan deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Somaliland. Muddo yar oo laga joogo doorashadii Madaxweyne Muuse Biixi waxaa soo wajahay Somaliland kacdoono qabaa,il,jahwareer xagga siyaasadda iyo khilaaf dagaalo ka dhex qarxay maamulka ay dariska yihiin ee Puntland. Goordhaw Daawo Shirka Xildhibaanada. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Xildhibaano ka tirsan Somaliland“Tuka-raq iska-daaye,Awdal buu nagu haystaa” appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay kaaliyaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu qaabilsan arrimaha siyaasadda, Rosemary dicalro oo uu wehliyey ergeyga QM ee Soomaaliya. Farmaajo iyo Rosemary Dicalro, ayaa ka wada hadlay dadaalada dowladda Soomaaliya ay ka wado dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha iyo Siyaasadda oo uu Madaxweynaha dalka uu la wadaagay wafdiga ka socday QM. Sidoo kale, Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha siyaasadda Rosemary Dicalro ayaa sheegtay in dawladda Somalia ay sameysay horumar muuqda, waxayna ballan-qaaday Qaramada Midoobay in ay sii wadi doonto taageerada Soomaaliya. “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkan joogo, waa booqashadeydi ugu horeysay tan iyo markii aan noqday Kaaliyaha xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha siyaasadda, Waxaan halkan u imid inaan muujiyo sida Soomaaliya ay muhiim ugu tahay Qaramada Midoobay, waxaan wada hadalo wanaagsan la yeelanay Madaxweynaha Soomaaliya, kaas oo aan uga hadalnay arrimaha Dastuurka, Nabadda iyo shirkii Golaha Amniga Qaranka,” ayuu tiri Rosemary Dicalro. Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay xoogga saartay arrimo muhiim ah oo ay ku jirto horumarinta siyaasadda, taasi oo ay ugu dambeysay shirkii Baydhabo ay ku yeesheehn Golaha amniga Qaranka. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Somalia oo Muqdisho kula Kulmay Ergayga QM ee Arrimaha Siyaasadda appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Jabuuti kulan kula yeeshay Madaxweynaha Dalkaas, Ismaciil Cumar Geelle oo ay ka wada hadleen Arrimaha Amniga, Beeraha, Dhaqaalaha, Isgaarsiinta iyo Ciidanka Jabuuti (Hiil Walaal) ee Hawlaha nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa uga mahad celiyay Madaxweyne Geelle iyo dhammaan reer Jabuuti taageerada walaaltinimo ee ay la garab taaganyihiin Dawladda iyo dadka Soomaaliyeed. Sidoo kale, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhankiisa Ballan qaaday in ay sii wadi doonaan taageerada walaaltinimo si loogu guuleesto Soomaaliya oo cagaheeda isku taagta. Khayre ayaa kulan Muhiim ah la yeeshay dhiggiisa Jabuuti, Abdoulkader Kamil Mohamed oo ay sidoo kale ka wada hadleen xariirka wanaagsan ee labada dowladood iyo sida loo joogteyn lahaa taageerada lagu garab istaagayo Soomaaliya. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Khyre iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ay kamid yihiin wasiirka arimaha Dibadda, Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Boostadda iyo Isgaarsiinta, Eng. Cabdi Canshuur Xasan, Wasiir Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhiga, Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo mus’uuliyiin kale ayaa shalay jabuuti ku tegay booqasho laba maalin qaadaneysa iyadoo la filayo in weftiga Ra’iisul wasaaruhu kasoo Barri Dalka dib ugu soo laabtaan. Ugu dambeyn, Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa ah laba wadan oo walaala ah, derisna ah isla markaana leh xiriir wanaagsan oo soo jireen ah. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Maanta la kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle appeared first on Puntland Post.