Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,114
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dowladda Maraykanka ayaa qaaday duqayn cusub oo lagu dilay afar kamid ah argigixisada Alshabab laguna burburiyay gaari waxyaabaha qarxa siday oo ku sugnaa meel u dhow Muqdisho. War qoraal ah oo kasoo baxay taliska Maraykanka ee Afrika, ayaa lagu sheegay duqayntaan oo dhacday xalay in laga geystay goob 25km dhinaca galbeed uga beegan magaalada Muqdisho, si looga hortago qaraxyo lala maleegayay shacabka Muqdisho. Lama sheegin wax khasaaro shacab ah oo ka dhashay howlgalkaan, iyadoo Maraykanku uu tilmaamay inuu qiimaynayo natiijada kasoo baxda. Maraykanka ayaa 35 weerar oo cirka ah ka geystay gudaha Soomaaliya sannadkaan sii dhamaanaya 2017, weerarada ugu badan ayaa lala bartilmaameesaday kooxda Alshabab, halka kooxda Daacishna lala eegtay weerarkii ugu horeeyay ee looga hortagayo koritaankooda. Trump ayaa meelmariyay sannadkaan qorshe lagu balaarinayo howlgallada milatari ee gudaha Soomaaliya. Puntlandi.com
  2. Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo kormeer shaqo ku tagey xarunta Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay in xukuumaddu ay sanadkan xoogga saartay isla-xisaabtan iyo daah-furnaan. Mudane Xasan Cali Khayre waxuu rajo ka muujiyey sanadka soo socda ee 2018 Soomaaliya inay u noqon doonto mid ay ka gudubto musuqmaasuqa ragaadiyey sanooyinka badan, isla markaana la gaari doono nidaam ku dhisan isla xisaabtan sharcigu sareeyo. “Xukuumaddeydu waxay xoogga saareysaa isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta, waxaan rajeynayaa sanadkan 2017 in dawladda aan wax deyn ah looga yeelan doonin gudaha dalka”.Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dar-daarmay Wasaaradda Maaliyadda in lasii xoojiyo qorshaha la dagaalanka musuqmaasuqa. Iyadoo ay Kormeerkan Ra’iisul Wasaaraha ku weheliyeen xubno ka tirsan golleyaasha dawladda. —DHAMMAAD—- The post Kheyre “Waxaan Rajeynayaa Sanadkan 2017 In Dowladda Aan Wax Deyn Ah Looga Yeelan Doonin Gudaha Dalka” appeared first on Puntland Post.
  3. Waxaa maanta shaqada laga diray xeer-ilaaliye ku-xigeenka 1aad ee Soomaaliya Axmed Cali Aybakar Warar ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in Axmed Aybakar loo ceyriyay sababo la xiririira xarigii siyaasiga mucaaradka ahaa ee Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame. Axmed Cali Aybakar dhankiisa weli wax war ah kama soo bixin. December 17, 2017: Waxaa goor habeen ah gurigiisa lagu weeraray siyaasiga mucaaradka ah Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame, 5 ilaaladiisa ka tirsan ayaa goobta lagu dilay, isagana waana la xiray, is-jiid-jiid iyo maxkamadeyn kadib waa lagu waayey wax dambi ah, waana la sii daayey. Waxii ku soo kordha kala soco, Goobjoog News Source
  4. Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo kormeer shaqo ku tagey xarunta Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay in xukuumaddu ay sanadkan xoogga saartay isla-xisaabtan iyo daah-furnaan. Mudane Xasan Cali Khayre waxuu rajo ka muujiyey sanadka soo socda ee 2018 Soomaaliya inay u noqon doonto mid ay ka gudubto musuqmaasuqa ragaadiyey sanooyinka badan, isla markaana la gaari doono nidaam ku dhisan isla xisaabtan sharcigu sareeyo. “Xukuumaddeydu waxay xoogga saareysaa isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta, waxaan rajeynayaa sanadkan 2017 in dawladda aan wax deyn ah looga yeelan doonin gudaha dalka”.Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dar-daarmay Wasaaradda Maaliyadda in lasii xoojiyo qorshaha la dagaalanka musuqmaasuqa. Iyadoo ay Kormeerkan Ra’iisul Wasaaraha ku weheliyeen xubno ka tirsan golleyaasha dawladda. —DHAMMAAD—- Source
  5. MOGADISHU– Somali Federal Government officially takes over the control of its airspace on Thursday 28 Dec. A colorful ceremony was launched in Mogadishu which saw the attendance of Somalia’s present, Mohamed Abdilahi Farmajo who formally opened the airspace control tower at Aden Abdulle International Airport. The Internationale Civil Aviation Organization (ICAO) handed over the airspace administration to Somali authority which it administered for two decades since the collapse of its central government in Somalia in the 1990’s. Somali President has inspected the control tower and the equipment and has commended the ongoing work. The ceremony was attended by Somalia’s government ministers, Members of parliament and ICAO officials. As Somalia is rejoicing, Somaliland which is located in north-western Somalia is outraged at Mogadishu for assuming full control of the country’s entire airspace, including that of Somaliland.” Somaliland’s Civil Aviation Manager, Hon. Abdi Mohamed Rodol has accused Somalia of breaching the Istanbul accords by failing to live up to the terms of the agreement singed during the airspace talks brokered by Turkish government which was held there where officials from Somalia and Somaliland met and came up with a deal that was meant to end the airspace standoff between the two regions. Somaliland is adamant that it won’t accept that its airspace will be controlled from Mogadishu. He called on the United Nation, ICAO and neighboring countries to intervene the airspace deadlock and bring the two sides to resolve the matter to negotiation table. Somaliland unilaterally declared independence from Somalia in 1991, but it is still regarded as part of Somalia by Mogadishu. File Photo HOL Credit
  6. Taliyaha saldhiga Garoowe Fardafuul Muuse Bille ayaa maanta usoo bandhigay Warbaahinta PUNTLAND POST dabagal iyo baaritaan boolisku ku sameeyay kiis looga been abuurtey labo muwaadin ku nool magaalada Garowe oo mid ka mid ah yahay Agaasimaha mashaariicda Madaxtooyadda Puntland Cabdiqani Dhaashane. Taliye Fardafuul ayaa sheegay inay socdaan baaritaano lagu raadinayo shaqsiyaad xadgudub u geystay dhaqanka islaamka iyo sumcadda gabadh dhalinyaro ah oo ku nool magaalada Garowe iyo Masuul u shaqeeya Dowladda Puntland. Dhinaca kale Warbaahinta PUNTLAND POST oo la kulantay Deeqo Cumar Maxamuud oo ah gabadha lagu been abuurtey ayaa sheegtay sawiro ugu jiray telefon gacanta oo laga xaday mar sii horeysay in lagu faafiyay baraha bulshada, Iyadoona sheegtay inay sharciga la mari doonto cid kasta oo ku lug leh arrintaas. Aabaha dhalay Deeqo Cumar Maxamuud oo isna la hadlay PUNTLND POST wuxuu sheegay inay argagax ku noqotey fadeexadda laga sameeyay gabadhiisa,isagoona ka codsadey hay,addaha amniga iyo saaxafadda inay gacan ka siiyaan dadka sharaf dhaca u geystay Gabadhiisa Deeqo Cumar. Daawo Muuqaalka. Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Faraweyne oo door muhiim ah ka qaatey dabagalka arrintaan ayaa u sheegay PUNTLAND POST inay jiraan shaqsiyaad lagu tuhunsan yahay kiiska baaritaankiisa boolisku gacanta ku hayo. Ma ahan markii ugu horeysay oo been abuur iyo dayaacad laga faafiyo masuul ka tirsan Dowladda Puntland, waxaana si la mid ah arrintaan oo kale bartamihii sanadka 2017 loogu soo eedeeyay Xoghayihii horre Dowlada hoose Garoowe Cabdiqafaar Cabdiraxmaan. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST. The post Booliska Garowe oo ka hadlay fadeexad laga faafiyay labo muwaadin. appeared first on Puntland Post.
  7. 28 Dec 2017 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka qeyb galay munaasabad lagu daah furayay xarunta laga maamulayo Hawada Soomaaliya oo ka dhacday Muqdisho ayaa xariga ka jaray mudo 27-sano ka dib xarunta hawada Soomaaliya oo ku taalo Muqdisho. Madaxweynaha Farmaajo oo Khudbad qiimo leh ka jeediyay Munaasabada ayaa sheegay in maanta ay marqaati ka yihiin Taariikh weyn oo lagula soo wareegayo Hawada Soomaaliya,isagoona sheegay in hawada Soomaaliya ay si rasmi ah gacanta ugu jirto Dowladda Soomaaliya. Wuxuu sheegay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo in arintaan ay ku timid shaqo adag oo ay si wada jir ah u sameeyeen shacabka iyo Dowladda Soomaaliya. Wasiirka Gaadiidka,Cirka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Salaad (Oomaar),oo ka hadlay Munaasabada ayaa qiray in guusha maanta la gaaray ay ku timid howlo mudo badan soo socotay oo mas’uuliyiin kala duwan midba meel uu keenay. Mas’uuliyiinta goobta ka hadashay ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin ku weyn ummadda Soomaaliyeed taariikhina ah in Hawada Soomaaliya laga maamulo gudaha Soomaaliya oo tan iyo 1991-kii ka maqneyd gacanta Dowladda Soomaaliyeed. The post Madaxweynaha JFS oo sheegay in maamulka Hawada Soomaaliya si rasmi ah u soo galay gacanta Dowladda+Sawirro appeared first on Puntland Post.
  8. Hargeysa (Casimadda Online) – Maamulka Somaliland ayaa ka soo horjeestay go’aanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay kula wareegeyso hawada dalka si looga maamulo gudaha Soomaaliya. Maareeyaha Sadaasha Hawada maamulka Somaliland Cabdi Maxamed Rodol ayaa sheegay in Xarunta Muqdisho laga furay maanta ay Somaliland aqbaleyn. Waxaa uu sheegay Maareeyaha Saadaasha Hawada Maamulka Somaliland in go’aanka dowladda Federaalka ah kula wareegeyso maamulka Hawada ay qalad tahay. Dhinaca kale waxaa uu xusay in go’aankan uu saameyn taban ku yeelanayo wadahadallada u dhaxeeya Somaliland iyo Dowladda Federaalka ah ee lagu doonayay in lagu dhameeyo muranka siyaasadeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada Online The post Somaliland oo hadal yaab leh kasoo saartay go’aankii ay dowladda Soomaaliya kula wareegtay maamulka Hawada appeared first on Caasimada Online.
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya halkaasi oo uu kula kulmay madaxda Wasaaradda oo ugu horeeyo Wasiirka Maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle. Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa uujeedka kormeerkiisu wuxuu ahaa u kuur gelida howlaha shaqo ee ka socda Wasaaradda Maaliyadda iyo siday u shaqeynayaan shaqaalaha Wasaaraddaasi. Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inta uu kormeerkiisa ku guda jiray in Xukuumadiisu xoogga saareyso isla xisaabtanka iyo daah furnaanta. “Xukuumaddeydu waxay xooga saareysa isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta, waxaan rajeynayaa marka uu dhamaado sanadkan 2017 in wax deyn ah looga yeelan doonin gudaha dalka”, ayuu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre. Dhanka kale,Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale maanta kormeeray xarunta Bankiga dhexe ee Soomaaliya,iyadoo halkaasina uu kula kulmay mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Bankiga dhexe. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jira sidii loola dagaalami lahaa masuq-maasuqa iyadoona Hay’adaha caalamiga ah oo ay ugu horeysay Hay’adda Lacagta Aduunka ee (IMF) ay ku amaantay Dowladda Soomaaliya hufnaanta hanaanka maaliyadeed ee dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada Online The post Sawirro:- Kheyre “Xukuumaddeydu Waxay Xoogga Saareysaa Isla-Xisaabtanka Iyo Daah Furnaan appeared first on Caasimada Online.
  10. Muqdisho,December 28, 2017—Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo kormeer shaqo ku tagey xarunta Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay in xukuumaddu ay sanadkan xoogga saartay isla-xisaabtan iyo daah-furnaan. Mudane Xasan Cali Khayre waxuu rajo ka muujiyey sanadka soo socda ee 2018 Soomaaliya inay u noqon doonto mid ay ka gudubto musuqmaasuqa ragaadiyey sanooyinka badan, isla markaana la gaari doono nidaam ku dhisan isla xisaabtan sharcigu sareeyo. “Xukuumaddeydu waxay xoogga saareysaa isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta, waxaan rajeynayaa sanadkan 2017 in dawladda aan wax deyn ah looga yeelan doonin gudaha dalka”.Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dar-daarmay Wasaaradda Maaliyadda in lasii xoojiyo qorshaha la dagaalanka musuqmaasuqa. Iyadoo ay Kormeerkan Ra’iisul Wasaaraha ku weheliyeen xubno ka tirsan golleyaasha dawladda. Puntlandi.com
  11. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta maamulka hawada Soomaaliya oo Muqdisho lagu daah-furay. Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa wasiirro uu ugu horeeyay wasiirka gaadiidka, Xildhibaanno, Saraakiisha ciidanka xoogga dalka, marti sharaf ajaanib ah iyo madax kale. Madaxweyne Farmaajo oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in arrintan ay tahay natiijada dadaal badan “Waxaa sharaf weyn inoo ah inaan marqaati ka nahnay maalintaan taariikhiga ah oo aan dib ula soo wareegnay maamulkii iyo gacan ku heynta hawadeenna, arrintaasi kuma imaanin sida uu wasiirka sheegay wax iska nasiib ah, ee waxay ku timid shaqo badan iyo dadaal badan” Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay cid walba oo ka shaqeysay”Waxaa mahaddeeda iska leh ilaahey waxaa kaloo leh wasiirka iyo wasiir dowlaha iyo maareeyahay iyo guud ahaan howlwadeennada wasaaradda, waxaan kaloo uga mahad-celineynaa hay’adda ICAO oo la shaqeysay wasaaradda muddo dheerna soo maamulayey hawadeenna” Farmaajo waxaa uu intaasi ku daray in shaqadan ay dowladdiisa qabatay “Arrintaani waxay tahay dadaalka ay wadday dowladda 9 bilood ee la soo dhaafay oo aan galinay dadaal iyo shaqo badan sidii aan umadda Soomaaliyeed ee aan mas’uulka ka nahnay aan ugu adeegi laheyn, howshaan aad arkeysaan maanta waxay ku timid wadashaqeyn, waxay ku timid khilaaf la’aan waxaad ogtihiin haddii khilaaf iyo is qab-qabsi uu yimaado dowladda dhexdeeda wax allaala wixii horay loo waday waa aay joogsanayaan .” Madaxweynaha Soomaaliya, waxaa madaxweyne Farmaajo sheegay in badda ay xigi-doonto”Maanta waa maalin Taariikhi ah hawadeenna gacanta ayay noogu jirtaa anagaana maamuleyna tani waa bilow oo ah inaan xoojino qarannimada,waxaa noogu xigi doono in sha allah oo aan gacan noogu jirin inaan soo ceshano maamulka baddeenna muddo kooban dhexdeeda ayaan soo cesho doonaa oo aysan jiri doonin cid ku soo xad-gudubta”. Ugu dambeyntii waxaa uu ka hadlay la-dagaalanka musuqa iyo sida hey’adaha lacagta u ammaaneen Soomaaliya isaga oo soo jeediyay in laga shaqeeyo midnimada, isla markaana bilaabi-doonaan dib u heshiisiin. Goobjoog News Source
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galaya munaasabada daah furka xarunta Qalabka Hawada Soomaaliya oo hadda ka socota magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xariga jaraya xarunta Maamulka Hawada Soomaaliya,isagoona halkaasi ka jeedin doona khudbad taariikhi ah oo ka hadleysa muhiimadda ay leedahay soo wareejinta Hawada Soomaaliya iyo dadaalka Dowladda ay ku bixisay. Sidoo kale, Munaasabada waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda,Wasiiro,Xildhibaano,Saraakiil Ciidan iyo Xubno Wasiiro hore iyo Madax ka tirsan Maamul Gobolleedyada. Munaasabadda xilligan ka socota Xarunta Hey’adda Duulista iyo saadaasha hawada ayaa Madaxweynuhu waxaa uu kormeer ku sameeyay qalabka laga hagi doono Maamulka Hawada, isagoo boggaadiyay howsha socotat. Madaxweynaha ayaa mar loo dhiibay qalabka isgaarsiinta ee laga hago diyaaradaha ku jira Hawada Soomaaliya, isagoo la hadlay diyaarado hawada ku jiray. Waxaa Munaasabadda ka qeyb galaya Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanada labada Gole, Madaxweynaha Galmudug, marti sharaf kale, qeybaha bulshada iyo madax ka socota Hey’adda ICAO. Dowlada Soomaaliya ayaa ku guuelysatay inay la soo wareegto maamulka Hawada Soomaaliya oo tan iyo sanadkii 1991 laga maamulayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana gacanta ku heysay Hay’adda ICAO. Halkaan hoose ka daawo sawirada Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada Online The post Sawiro: Madaxweyne Farmaajo oo Xariga Ka jaray Xarunta Maamulka Hawada Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ciidamada Mareynkanka ee Africa (Africom), ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareynkanka oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya duqeyn diyaaradeed ay ka fuliyeen subaxnimadii 24-kii December 2017-ka koonfurta Soomaaliya laguna dilay 13-malseehiyo oo ka tirsan Al-Shabaab. Sidoo kale,Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareynkanka ay sii wadi doonaan taageerada Soomaaliya,meeshana laga saaro iney kooxaha Argagixisada nabad ku noolaadaan. Mareynkanka ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM iyo Ciidamada Amaanka Qaranka Soomaaliya (SNSF), ay kala shaqeyn doonaan sidii si wada jir ah loogu bartilmaamedsan lahaa xarumaha ay ku tababartaan Argagaxisada,goobaha ganbaadka u ah guud ahaan Soomaaliya iyo Gobolka intuba. Mareynkanka oo kaashanaya saaxiibadiisa caalamiga ah ayaa balaan qaaday iney siinayaan Ciidamada Qaranka Soomaaliya iyo AMISOM iney siinayaan tagaarada dagaalka dhanka ah Kooxaha Argagixisada. Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa howlgalo ka wada gobollada dalka kuwaasoo bur buriyay saldhigyo kooxaha argagixisada ay ku leeyihiin qeybo ka mid ah dalka,islamarkaana horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ku qaarijiyay howlgaladaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada Online The post Mareykanka oo ku dhawaaqay tirada Al-Shabaab looga dilay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Koonfurta Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in Ciidamada gaarka ah ee Dowladda Soomaaliya ay xalay Degmada Wanllaweyn ku dileen sarkaal dhinaca Maaliyadda u qaabilsanaa Al-shabaab. Wasiirka ayaa Bartiisa Facebook ku qoray in Nabaddoon Macallin Jeelle uu ka mid ahaa AL-shbaaab gaar ahaan qeybta Maaliyadda. Ehellada Nabaddoonka Xalay lagu dilay Wanllaweyn ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in Ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen guri uu ka degganaa Magaalada Wanllaweyn islamarkaana la toogtay. Odayaasha uu nabaddoonka u ahaa Macallin Jeelle ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in Meydka Nabaddoonka la geeyay Garoonka Balli-doogle oo ah saldhigga Ciidamada xalay dilay,halkaasna ay Odayaasha iyo saraakiisha saldhigga ku wadahadlayaan. Abaan duulaha Ciidanka Balli-Doogle Korneyl C/Salaan ayaa sheegay in uusan isaga joogin Saldhigga Xilliga weerarkaasi la qaadayay hayeeshee uu Afgooye ka baxay kuna sii socdo Saldhigga Balli-doogle oo ay ku suganyihiin Saraakiisha Ciidamada weerarka qaaday iyo odayaasha uu ka soo jeedo Nabaddoonka la dilay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada Online The post Wasiir Yariisow oo sheegay in Nabaddoon xalay lagu dilay Wanllaweyn uu ahaa Al-shabab appeared first on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (Puntlandi) Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Siciid Juxa, ayaa soo dhoweeyay in Soomaaliya lagusooo wareejiyo maamulka hawada, taasoo xafladeeda ay haatan ka socoto magaalada Muqdisho. “Waxaa Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa in hawada dalkeenna maanta kaddib laga maamuli doono magaalada Muqdisho, waxaan rabaa inaan u sheego shacbiga in dadaalo badan socdaan loona baahan yahay dal iyo dibad in la taageero dowladnimadda maadama aan iyada wax ku nahay. Wasiirka arrimaha gudaha ayaa u mahad celiyay cid kasta oo ka qayb qaadatay dib usoo celinta maamulka hawada Soomaaliya. Puntlandi.com
  16. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxammed(Farmaajo) ayaa ka qeyb galaya munaasabadda daah-furka xarunta Qalabka Hawada Soomaaliya oo haatan ka socota magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xariga jaraya xarunta Maamulka Hawada Soomaaliya,wuxuuna halkaasi ka jeedin doona khudbad taariikhi ah oo ka hadleysa muhiimadda ay leedahay soo wareejinta Hawada Soomaaliya iyo dadaalka Dowladda ay ku bixisay. Sidoo kale, Munaasabada waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda,Wasiiro,Xildhibaano,Saraakiil Ciidan iyo Xubno Wasiiro hore. Halkan hoose toos uga daawo. PUNTLAND POST The post Toos U Daawo: Munaasabadda daah-furka Qalabka Maamulka Hawada Soomaaliya oo ka socoto Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  17. Garowe (Puntlandi) Waxaa xalay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland Casho sharaf iyo dhiiri galin maaliyadeed loogu sameeyay xulka kubada cagta Puntland. Xafladdaas ayaa waxaa ka soo qayb galay Masuliyiinta dawladda oo ugu horeeyo Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha, Wasiirka caafimaadka , wasiirka xiriirka goloyaasha, Xog-haya Guud ee Wasaaradda Maaliyadda ahaana qaban qaabiyaha Xafadda iyo agaaasinkeeda. Xafladaas ayaa ahayd mid lugu gudoon siinayo dhiiri galin iyo shahaado sharafyo ay Muteesteen shaqkhsiyaad loo gartay in ay yihiin bahda hormarinta sportiga Puntland iyo Xulkii kubadda cagta Puntland oo la gudoon siiyay dhaqaale loogu talaglay mid u noqonaysa mahad celin iyo dhiiri galin. Ahmed Jama Jawle ayaa sheegay in lacagtaan laga soo aruurtshay Ganacsato, Dawlad iyo Dhalinyaro jecel horumarka sportiga kuwaasoo isku soo aruurshay USD 20,000. Waxuu sheegay in ay ahayd arrin uu asagu u kacay balse ay rumeeyeen shacab waynaha Dawladad Puntland o jecel hormarka dadka iyo dadka. Puntlandi.com
  18. Magaalada Muqdisho waxaa ka soconeysa munaasabad ballaaran oo ku saabsan daahfurka hawada Soomaaliya, waxaana ka qeybgalaya madaxda sare ee dalka, madaxweynaha Galmudug, xildhibaanno, wasiiro, siyaasiyiin, fanaaniin iyo marti sharaf kale. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo oo goor dhow gaaray halka ay ka socoto munaasabadan ayaa kormeeray goobta la dhigay qalabka casriga ah ee loogu talogalay maamulka hawada Soomaaliya. Mas’uuliyiinta waaxda saadaasha hawada ayaa madaxweyne Farmaajo sharaxaad buuxda ka siiyey qaabka uu qalabkaan u shaqeynayo iyo awoodiisa inta ay la egtahay. Waxaa goor dhow bilaaban doona khudbadaha ay jeedin doonaan madaxda dalka oo ay kaga hadli doonaan muhiimadda ay leedahay lasoo wareegista maamulka hawada Soomaaliya. Waa markii ugu horreysay oo 27-sano kadib ay Soomaaliya lasoo wareegto maamulka hawadeeda. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
  19. Ugu yaraan 50 ruux ayaa ku dhintay,40 kalena waa ku dhaawacantay,kadib markii laba qarax oo ismiidamin ah lagu qaaday Wakaalad Wararka maxalliga ah daabacda oo ku taalla galbeedka magaalada Kabul ee caasimadda Afganistan. Sidoo kale qaraxyada ayaa burburiyay xarun lagu keydiyo”Hiddaha iyo Dhaqanka” oo dhinaca ku haysa Xafiiska Wakaaladda Codka Afganistan,sida ay sheegeen goobjoogayaal. Mas’uul ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Afganistan ayaa Warbaahinta u sheegay in “dhammaan dadka dhintay ay rayid ahaayeen”,waxaana dadkaaas ku jira arday iyo weriyaal,sida uu mas’uulku xusay. Ururka Taliban oo inta badan looga bartay qaraxyada dalka Afganistan,ayaa War uu soo saaray ku beeniyey in ay wax lug ah ku leeyihiin qaraxyadaas. Wixii ka soo kordha kala soco: puntlandpost.net The post Ugu yaraan 50 ruux oo ku dhintay qaraxyo ka dhacay dalka Afganistan. appeared first on Puntland Post.
  20. Sanadkan waxaa Soomaaliya ka dhacay dhacdooyin argagax leh sida weerarro, duqeyn iyo qaraxyo badan, kuwaasoo uu ka mid ahaa qaraxii ugu dhimashada badnaa ee abid ka dhaca qaaradda Afrika. Haddaba waxa aan soo qaadan doonaa kuwii ugu waaweynaa, uguna xanuunka badnaa. Bishii January, waxaa dhacay 3 qarax oo waaweyn oo labo mataano ahaayeen, sida qaraxyadii January 2, 2017 ka dhacay afaafka hore ee Xalane oo ay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof, Tarabuunka oo 3 dhimasho ah iyo 17 dhaawac ah la diiwaan-geliyay iyo midkii January 25, 2017 ka dhacay Hotel Dayax kaas oo ay ku dhinteen 28 qof iyo 51 kale ku dhaawacmeen. Isla bishaas Al-shabaab dhawr xero ayey weerareen, waxaana dilal loo geystay askar, dad ku dhintay dagaallo sokeeye oo ka dhacay Hiiraan iyo Galguduud, AMISOM oo dad rayid ah dishay iyo dilal nabaddoonno iyo rayidba loogu geystay meelo ay ka mid yihiin Kismaayo, Jowhar, Baydhabo, Boosaaso Afgooye iyo Baladweyn. Bisha Febraayo, waxaa ugu naxdin badnaa qarax February 19, 2017 ka dhacay Kaawo-godey, 30 ayaa dhimatay, 40 kale dhaawac, waxaa kale bishaasi dhacay qarax gaari oo ka dhacay Banaadir, qarax loo geystay Hotelka Village ee Boosaaso, dilka C/raxmaan Kilwa ee Maxkamadda Mudug, dilal loo geystay nabaddoonnada Bashiir Maxamed Cali (Xagaley), Nabaddoon Cabdi Cumar Ibraahim iyo Nabaddoon Muuse Maxamuud Rooble (Muuse Ilka-weyne), waxaa kale oo la dilay Xildhibaan Cabdi Qaadir Qaasim Mursal iyo Maxamad Cumar Hagafeey iyo dad kale oo askar iyo ergo u badnaa. Bisha Maarso Qaraxyada dhacay waxa ugu waaweynaa, March 13, 2017 waxaa Muqdisho dhacay Labo, Qaraxii Koowaad Warshaddii Nacnaca iyo mid kale oo ka dhacay waddada Makka Al-mukarrama, labadaba waxaa ku dhintay 11 qof halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 20 qof. March 21, 2017 waxaa uu qarax kale ka dhacay afaafka hore ee Xarunta Golaha Murtida & Maddadaalada ee National Theatre, 5 qof ayaa ku dhimatay, halka 21 kalana ay ku dhaawacantay. March waxaa sidoo kale aad u badnaa dilka loo geystay askarta, ergadii Xildhibaannada soo doortay, dadka sidoo kale la dilay waxaa ka mid ahaa Xoghayihii Degmada Wadajir, C/raxmaan Sheekh Axmed Calasow iyo Weriye Xaamid Karaaz oo la dhaawacay Bisha April, Qarax ka dhacay kuliyadda Jaalle siyaad 9-kii bisha waxaa ku dhintay 19 qof, qarax kale oo Wadajir ka dhacay April 10, 2017 waxaa ku dhimatay 4, 9 kalana dhaawac, mid kale oo ka dhacay nawaaxiga xarumaha wasaaradaha ciyaaraha iyo amniga ee dowladda Soomaaliya 5 ayaa ku dhimatay. Waxaa intaasi dheeraa qarax ka dhacay Deegaanka Golweyn oo 20 ku dhimatay, dilkii nabaddoon Mustaf Maxamed Dhicisow ee Baladweyn, dilalka Muqdisho loogu geysanayo ergada, askarta, waxaa sidoo kale qarax ka badbaaday saxafiga Faysal Cumar Xaashi (Faysal Ilkacase). Bisha May, Bishaasi May qarax ka dhacay 8dii Baar Italiano waxaa ku dhintay 8 iyo 8 kale oo dhaawac ah, qarax kale oo ka dhacay dekadda May 24, 2017 waxaa ku dhintay 5 qof. In kasta oo dilalka ergada iyo nabaddoonnada ay gaareen 6, sidoo kale waxaa la dilay askar badan laakiin dilkii ugu hadal-heynta badnaa waa kii dhacay May 03, 2017, waxaa la dilay Wasiirkii Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya Cabbaas Siraaji. Bisha June, waxaa uu qarax ka dhacay Piza House iyo Posh 14, 2017, waxaa ku dhintay in ka badan 25, dhaawaca 30 kale, qarax kale oo ka dhacay xarunta degmada Wadajir 17 ruux ayaa ku geeriyootay, 15 kalena waa ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka dhaawaca ah ku jiray guddoomiyaha degmada Wadajir iyo mas’uuliyiin kale, qarax 3aad waxaa uu June 22, 2017 ka dhacay Saldhigga Waaberi, 8 dhimasho iyo in ka badan 10 dhaawac ah. Dhacdooyinka bishaasi dalka ka dhacay waxaa ka mid ahaa weerarkii Al-shabaab ee Af-urur, kaas oo Korneyl Axmed Muuse Sangal iyo askar badan ku dhinteen maamulka Puntland. Bisha July, qaraxii ugu weynaa ee Muqdisho ka dhaco waa kii 31-da ka dhacay meel u dhaw Saldhigga Degmada Waaberi 5 ayaa dhimatay iyo 10 dhaawac ah, Dilal qorsheysan ayaa ka dhacay Muqdisho iyo deegaanno kale, weerar ayey Al-shabaab ku qaadeen Buulo-mareer oo askar badan AMISOM looga dilay, waxaa kale oo dowladda sheegtay in ay dileen Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cali Mohamed Xuseen (Cali Jabal). Bisha August, waxaa uu 11-keeda qarax ka dhacay xabsiga dhexe ee Xamar, Waxaa la xaqiijiyay in ugu yaraan laba qof ay ku dhimatay qaraxaasi oo midi uu yahay askarigii ilaalada u ahaa Taliyaha Asluubta August dilalka ka dhacay Muqdisho waxaa ka mid ahaa guddoomiyihii Galgaduud Maxamed Daahir Cali Cilmi, Nabaddoon Geeddi Maxamuud Axmed (Xaaji Geeddi Firdhiye) iyo Taliye ku xigeenkii Saldhigga Booliska oo lagu dilay Magaalada Boosaaso. August 25, 2017: Waxaa ay ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykanka 10 qof oo rayid ah ku dileen beer ku taalla deegaanka Bariire, Shabeellada hoose. Bisha September waxaa aad u badnaa dilal qorsheysan sida Sarkaal ka shaqeynayey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, General Cabdulle Maxamed Sheekh Quruurux, oday lagu dilay degmada luuq oo ahaa Xuseen Maxamuud Faarax (Xuseen Dhafoor) Dilalka bishaas dhacay waxaa ka mid ahaa dilkii Xamar-weyne loogu geystay Xoghayihii Guud ee Ururka Haweenka Qaranka, Canab C/laahi Xaashi iyo wiil ay dhashay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka, Batuula Axmed Gaballe, oo lagu magacaabi jiray Axmed Jaamac Xersi. Waxaa kale oo weerar ay Al-shabaab ku qaadeen Bariire iyo Buulo-Guduud iyaga oo halkaasi ku dilay saraakiil badan oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka. Bisha October waxaa dhacay qaraxii ugu khasaaraha badnaa Afrika, October 14, 2017 Qarax Ka Dhacay Zoobe, dhimashada waxaa lagu sheegay illaa 500 halka dhaawaca intaasi ka badan yahay, waxaa kale uu geystay khasaare maaliyadeed. Isla Bishaas October, 28, 2017: Inta la og yahay ku dhawaad 10 ruux oo shacab u badan ayaa ku dhintay qarax ka dhacay ilinka hore ee Hotelka Naasa Hablood 2 degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho. Bisha November waa bishii ugu deganeed bilaha sanadka gaar ahaan Muqdisho,waxaa jiray qarax ka dhacay 2dii bisha degmada Hodan khasaare badan kama dhalan, qaraxyo kale oo qaar saraakiil loogu xiray ayaa jiray, Gashaanle Maxamed Yuusuf Cali oo lagu dilay Degmada Yaaqshiid, Xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed ayaa isna la dilay iyo khasaare ka dhashay duqeyn Mareykanka ka fuliyeen meel ku dhaw Daaru Salaam Bishan December, dilal badan oo rayid iyo ciidan waa jiraan, waxaase ugu khasaare badnaa qaraxii 14-kii bishan ka dhacay xerada tababarka ee General Kaahiye, dhimasho iyo dhaawac badan. Saraakiisha caafimaadka ayaa xaqiijiyay in 13 qof ku dhinteen halka 15 kale ku dhaawacantay. December 17, 2017: Waxaa goor habeen ah gurigiisa lagu weeraray siyaasiga mucaaradka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, 5 ilaaladiisa ka tirsan ayaa la dilay isagana waa la dhaawacay. Duqeymaha Mareykanka 2017: Dalka Mareykanka ayaa sanadkan waxaa uu kordhiyay duqeymaha uu ka sameeyo gudaha Soomaaliya laguna bar-tilmaameedsado xarakada Al-shabaab. Illaa 34 jeer ayey Mareykanka duqeeyeen gudaha Soomaaliya, iyaga oo dilay in ka badan 228 qof. Weerrarada Al-shabaab 2017: Sanadkan Xarakada Al-shabaab waxaa ay weerareen Kulbiyow, Afgooye, Cali Fooldheere oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe, War-maxan iyo Tixsiile ee gobolka Sh/hoose, Baraawe, Qoryooley, Deegaanka Bariirre, Af-urur, Duleedka Kismaayo, demooyinka Baydhabo iyo Qansax dheere ee koonfur galbeed, Maxaas, Hiiraan, Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, Galgala iyo meelo kale. Weerarradaas Waxaa Ka Mid Ahaa: Janaayo 21, 2017: Al-shabaab ayaa soo weerartey Afgooye, ilaa 8 qof ayaa ku dhimatay, Guddoomiyaha degmada Afgooye Cabdinaasir Caalim Ibraahim ayaa sheegay in dagaallamayaasha Al-shabaab saddex jiho ka soo weerareen saldhigyada ciidamada dowladda ee degmada ku sugan, kuwaas oo si weyn isaga caabbiyay. Afgooye iyo deegaannada ku dhaw, waxaa ay Al-shabaab soo weerareen sanadkan marar badan, taasi oo keentay khasaare badan oo soo gaaray ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. January 27, 2017: Xarakada Al-shabaab ayaa weerar gaadma ah ku qaadey saldhigga AMISOM ee deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubbada Hoose, iyagoo sheegay in ay dileen in ka badan 50 askari. February 2, 2017: Xooggaga Ururka Al Shabaab, ayaa goor habeen ah weerar ku qaaday Deegaanka Carabiya, oo ka tirsan Degmada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, dadka deegaanka ayaa sheegay in Shabaabku ay weerarkaasi ku dileen 15 ka mid ah Ciidamada Booliska, sidoo kalena ay gubeen gaari ay askartu laheyd. March 3, 2017: Ciidamada Kenya waxaa ay sheegeen in Al-shabaab ka dileen in ka badan 57 dagaalyahan, dagaalka ayaa ka dhacay saldhig Al-shabaab ay ku lahaydd nawaaxiga Afmadow. March 23, 2017: Al-shabaab ayaa weerar ku qaadday Baraawe, warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha, 5 askari iyo gaari la gubay ayaa la sheegayaa in uu soo gaaray dhanka dowladda, hal qof ayaa dhankooda laga dilay Al-shabaab. April 30, 2017: Ururka Al Shabaab oo dagaal qorsheysan ku qaaday Waajid ee Gobolka Bakool ayaa sheegtay guulo, waxaa goobta la weeraray joogay ciidamada Koonfur Galbeed iyo ciidamada Itoobiya. May 23, 2017: Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Laanta Buuro ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare kala duwan. June 8, 2017: Dagaal ayaa ka dhacay Deegaanka Af Urur oo ah duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaa uu dhex-maray maamulka Puntland iyo kuwa Al-shabaab. Korneyl Axmed Muuse Sangal, oo ahaa taliyihii aagga dagaalka uu ka socdo iyo 20 askari ayaa la gowracay, sida ay ilo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Goobjoog News. June 10, 2017: dagaal ayaa ku dhex maray Dowladda iyo Al-shabaab Deegaanka Bariirre, Inta la xaqiijiyey 10-ruux oo shacab iyo dhinacyadii dagaallamay isugu jira ayaa dagaalkaasi ku dhintay, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay. Xarakada waxaa ay xeradaasi iyo goobo kale oo Bariire ka tirsan sanadkan weerartay dhawr jeer oo September 29 iyo October 2 ugu dambeeyeen, mar walbo khasaare badan ayaa laga sheegayey. July 31, 2017: Dagaal ayaa ka dhacay Buulo-mareer, Shabeellada hoose, Ururka Al Shabaab ayaa sheegay inay ku dileen 39 ka mid ah Ciidanka Uganda ee qaybta ka ah AMISOM, isla-markaana ay gacanta ku hayaan meydadka askartaasi. August 10, 2017: Al-shabaab ayaa weerartay Abuu-mansuur, dhimashada waxaa lagu sheegay in ka badan 25, gawaari ayaa laga gubay Abuu Mansuur. August 27, 2017: Xoogagga Al shabaab ayaa weerar culus ku qaadey Fariisimo Ciidamada Midowga Africa, ee AMISOM ku leeyihiin deegaanka Golweyn . September 3, 2017: Alshabaab ay dagaal culus ku qaadeen saldhig ay ciidammada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Buulo-Guduud oo qiyaastii 30 km dhinaca waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo. Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay inay saldhigaas ku dishay in ka badan 20 askari, halka warar iyaga ka madax bannaanna ay sheegayaan in halkaa lagu dilay ugu yaraan 18 askari. Gunaanad: Inkasta oo dowladda federaalka sameysay dadaallo badan oo amniga lagu sugayo sida dhismaha ciidanka xasillinta Banaadir May 11, 2017, haddana taasi kama hortagin in ay Muqdisho cel-celis ahaan bishii ka dhacaan 2 qarax, Waxaa Sidoo kale Muqdisho ka dhacay qaraxii ugu khasaaraha badnaa ee Afrika, waxaa intaasi dheer in markii ugu horreysay Al-shabaab weerarto xerooyinkii ugu badnaa iyo Dalka Mareykanka oo Soomaaliya ka fuliyay duqeyntii ugu tirada badneyd ee dal Afrikaan ah uu ka geysto. Haddaba, Khubaro la hadlay Goobjoog News, waxaa ay dowladda federaalka ah kula taliyeen in ay difaaca ka baxdo sanadka soo socdo, in aaney iclaamin dagaal aaney qaadi-doonin iyo in ay ka dhabeyso dhismaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyaga oo tiro iyo tayo ahaan dhameystiran. Xigasho: Radio Goobjoog The post Warbixin: Dilalkii, Qaraxyadii Iyo Weerarradii Dhacay 2017 appeared first on Caasimada Online.
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Xalay lagu arkay degmada arin ay layaabeen dadka deegaanka. Goob Ganacsi oo ku dhaw Kawaanka Malaayga degmada ayaa laga helay meydka qof Kafan lagaliyay oo lagu aasay Qolka makiinad ku taala Xamarweyne, Dadka iska leh guriga ayaa dayactir goobta utagay, waxeyna arkeen meydka marada Cad lagaliyay. Xoghayaha Guud ee Degmada Xamarweyne Maxamed Qeys ayaa Mustaqbal usheegay in 4 qof ay usoo qabteen Kiiskan, haatana ay Su’aalo weydiinayaan laamaha amniga, Dadka la soo qabtay ayuu sheegay iney ku jiraan Qofka guriga laga kireystay, Labo ka shaqeyneysay Makiinada. Degmada Xamarweyne ayuu sheegay iney ku cusubtahay arintan, dadka deegaanka ayaa argagax ka Muujiyay in qof inta la dilay hadana Maro lagaliyay Misana la aaso. Dadka lahayo ayuu sheegay iney Cadaalada horgeynayaan si loogu qaado danbigooda haduu ku cadaado, Waxa uu Xoghaye Qeys ka gaabsaday inuu kala cadeeyo Rag ama Dumar waxa uu yahay qofka meydkiisa la soo saaray. Ciidamo ka socda Maamulka degmada Xamarweyne ayaa Goobta tegay,kuwaas oo soo qaaday Meydkii karfaneysnaa iyo Wiil ay dhashay Hooyo laheyd Goobta Ganacsi sida ay Dalsan u sheegeen dad tegay Goobta uu Meydka yaallay. Ilaa iyo hadda lama oga sababta ay waxan u dhaceyn iyo waxa uu ahaa qofka meydka ah wallow Goobta Ganacsi dadkii lahaa iminka qaarkood Gacanta lagu hayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada Online The post Muxuu ahaa Meydkii Karfaneysnaa ee Xalay lagu arkay Xarun Ganacsi oo ku taalla Xamar-Weyne iyo hal bil oo.. appeared first on Caasimada Online.
  22. Dadka degaanka Mara-cadde ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku soo warramay in habeenkii xalay la duqeeyey gaari nooca raaxada ah oo ku socday dhinaca magaalada Muqdisho,waxaana halkaasi ka dhashay khasaare aan weli faahfaahin laga hayn. Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ee gobolka Shbabeellaha Hoose ayaa xaqiijiyay duqeynta oo ay sheegeen in lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo qaraxyo u siday dhinaca magaalada Muqdisho,inkastoo aanay faahfaahin dheeri ah bixin. Inkastoo aan ilaa iyo haatan la ogayn cidda weerarkaan geysatay,haddana warraka qaar ayaa sheegaya in diyaaradaha drones-ka Maraykanka ay fuliyeen duqeynta. Arbacadi shalay war uu soo saaray Taliska Ciidanka Maryakanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in 13 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen duqeyn ay Axaddi ay ka geysteen gobolka Jubada Hoose. Diyaaradaha drones-ka Maraykanka ayaa Soomaaliya sannadkaan ka geystay 34 weerar oo lagu beegsaday Al-shabaab,kadib markii maamulka Trump uu ballaariyey hawlgallada ka dhanka ah mintidiinta xagjirka ah ee Soomaaliya. Wixii ka soo kordha kala soco Puntlandpost.net The post Duqeyn ka dhacday gobolka Shabeellaha Hoose. appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu fashiliyay qorsho lagu doonaayay in lagu iibiyo qeybo kamid ah Hawada Somalia, taa oo ay ka qeybqaadanayeen mas’uuliyiin hore iyo kuwo hadda ka tirsan maamulka Hawada Somalia. Qorshahaan lagu iibin lahaa Hawada Somalia ayaa waxaa la xaqiijiyay in kaalin weyn ay ka qaadaneysay Haweeney u dhalatay dalka Kenya oo ka shaqeysa Xafiiska laga maamulo Hawada Somalia qeybteeda Kenya. Maxamed Abuukar Nuur, oo kamid ah Saraakiisha maamulka Hawada Somalia, oo u waramaayay Idaacada KNN ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Madaxweynaha Somalia uu uga mahad celinaayo talaabada uu ku fashiliyay shir la qorsheeyay oo la doonaayay in lagu kala iibsado Hawada Somalia. Waxa uu Sarkaalkan sheegay in shirkaas uu ka dhici lahaa dalka Koonfur Africa iyadoo ay ka qeybgali lahaayen Saraakiil ka tirsan maamulka Hawada Somalia iyo mas’uuliyiin hore, balse waxaa shirkaas fashiliyay Madaxweynaha oo ka warhelay ka hor inta uusan qabsoomin sida uu hadalka u dhigay. Sarkaalkan lagu magacaabo Maxamed Abuukar Nuur, waxa uu tilmaamay in shirkaas ay abaabushay Haweeneyda Kenyaanka ah ee ka howlgasha Xafiiska laga maamulo Hawada Somalia ee Kenya. Waxa uu tilmaamay haddii uu dhici lahaa shirkaasi in Hawada Somalia ay ahaan laheyd mid ka baxda gacanta Somalia, balse uu iminka badbaado u noqday Madaxweyne Farmaajo. Sidoo kale, waxa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu fashiliyay dhismooyin sharci daro ah oo la doonaayay in laga dhiso Garoonka Aadan Cadde kuwaa oo la doonaayay in lagu dhabar jabiyo howlaha Hawada ee ka socda gudaha Garoonka Muqdisho. Dhinaca kale, Maxamed Abuukar Nuur, ayaa Madaxweynaha Somalia ugu baaqay in fiiro gaara uu u yeesha qorshooyin kale oo weli socda kuwaa oo lagu doonaayo in lagu hagar daameeyo Hawada Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada Online The post Arrin cusub: Farmaajo oo fashiliyey qorsho halis ah oo lagu iibin lahaa Hawada Somalia appeared first on Caasimada Online.
  24. Sanadkan waxaa Soomaaliya ka dhacay dhacdooyin argagax leh sida weerarro, duqeyn iyo qaraxyo badan, kuwaasoo uu ka mid ahaa qaraxii ugu dhimashada badnaa ee abid ka dhaca qaaradda Afrika. Haddaba, Goobjoog News waxa ay akhristeyaasheeda dib u xusuusin-doontaa kuwii ugu waaweynaa, uguna xanuunka badnaa. Bishii January, waxaa dhacay 3 qarax oo waaweyn oo labo mataano ahaayeen, sida qaraxyadii January 2, 2017 ka dhacay afaafka hore ee Xalane oo ay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof, Tarabuunka oo 3 dhimasho ah iyo 17 dhaawac ah la diiwaan-geliyay iyo midkii January 25, 2017 ka dhacay Hotel Dayax kaas oo ay ku dhinteen 28 qof iyo 51 kale ku dhaawacmeen. Isla bishaas Al-shabaab dhawr xero ayey weerareen, waxaana dilal loo geystay askar, dad ku dhintay dagaallo sokeeye oo ka dhacay Hiiraan iyo Galguduud, AMISOM oo dad rayid ah dishay iyo dilal nabaddoonno iyo rayidba loogu geystay meelo ay ka mid yihiin Kismaayo, Jowhar, Baydhabo, Boosaaso Afgooye iyo Baladweyn. Bisha Febraayo, waxaa ugu naxdin badnaa qarax February 19, 2017 ka dhacay Kaawo-godey, 30 ayaa dhimatay, 40 kale dhaawac, waxaa kale bishaasi dhacay qarax gaari oo ka dhacay Banaadir, qarax loo geystay Hotelka Village ee Boosaaso, dilka C/raxmaan Kilwa ee Maxkamadda Mudug, dilal loo geystay nabaddoonnada Bashiir Maxamed Cali (Xagaley), Nabaddoon Cabdi Cumar Ibraahim iyo Nabaddoon Muuse Maxamuud Rooble (Muuse Ilka-weyne), waxaa kale oo la dilay Xildhibaan Cabdi Qaadir Qaasim Mursal iyo Maxamad Cumar Hagafeey iyo dad kale oo askar iyo ergo u badnaa. Bisha Maarso Qaraxyada dhacay waxa ugu waaweynaa, March 13, 2017 waxaa Muqdisho dhacay Labo, Qaraxii Koowaad Warshaddii Nacnaca iyo mid kale oo ka dhacay waddada Makka Al-mukarrama, labadaba waxaa ku dhintay 11 qof halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 20 qof. March 21, 2017 waxaa uu qarax kale ka dhacay afaafka hore ee Xarunta Golaha Murtida & Maddadaalada ee National Theatre, 5 qof ayaa ku dhimatay, halka 21 kalana ay ku dhaawacantay. March waxaa sidoo kale aad u badnaa dilka loo geystay askarta, ergadii Xildhibaannada soo doortay, dadka sidoo kale la dilay waxaa ka mid ahaa Xoghayihii Degmada Wadajir, C/raxmaan Sheekh Axmed Calasow iyo Weriye Xaamid Karaaz oo la dhaawacay Bisha April, Qarax ka dhacay kuliyadda Jaalle siyaad 9-kii bisha waxaa ku dhintay 19 qof, qarax kale oo Wadajir ka dhacay April 10, 2017 waxaa ku dhimatay 4, 9 kalana dhaawac, mid kale oo ka dhacay nawaaxiga xarumaha wasaaradaha ciyaaraha iyo amniga ee dowladda Soomaaliya 5 ayaa ku dhimatay. Waxaa intaasi dheeraa qarax ka dhacay Deegaanka Golweyn oo 20 ku dhimatay, dilkii nabaddoon Mustaf Maxamed Dhicisow ee Baladweyn, dilalka Muqdisho loogu geysanayo ergada, askarta, waxaa sidoo kale qarax ka badbaaday saxafiga Faysal Cumar Xaashi (Faysal Ilkacase). Bisha May, Bishaasi May qarax ka dhacay 8dii Baar Italiano waxaa ku dhintay 8 iyo 8 kale oo dhaawac ah, qarax kale oo ka dhacay dekadda May 24, 2017 waxaa ku dhintay 5 qof. In kasta oo dilalka ergada iyo nabaddoonnada ay gaareen 6, sidoo kale waxaa la dilay askar badan laakiin dilkii ugu hadal-heynta badnaa waa kii dhacay May 03, 2017, waxaa la dilay Wasiirkii Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya Cabbaas Siraaji. Bisha June, waxaa uu qarax ka dhacay Piza House iyo Posh 14, 2017, waxaa ku dhintay in ka badan 25, dhaawaca 30 kale, qarax kale oo ka dhacay xarunta degmada Wadajir 17 ruux ayaa ku geeriyootay, 15 kalena waa ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka dhaawaca ah ku jiray guddoomiyaha degmada Wadajir iyo mas’uuliyiin kale, qarax 3aad waxaa uu June 22, 2017 ka dhacay Saldhigga Waaberi, 8 dhimasho iyo in ka badan 10 dhaawac ah. Dhacdooyinka bishaasi dalka ka dhacay waxaa ka mid ahaa weerarkii Al-shabaab ee Af-urur, kaas oo Korneyl Axmed Muuse Sangal iyo askar badan ku dhinteen maamulka Puntland. Bisha July, qaraxii ugu weynaa ee Muqdisho ka dhaco waa kii 31-da ka dhacay meel u dhaw Saldhigga Degmada Waaberi 5 ayaa dhimatay iyo 10 dhaawac ah, Dilal qorsheysan ayaa ka dhacay Muqdisho iyo deegaanno kale, weerar ayey Al-shabaab ku qaadeen Buulo-mareer oo askar badan AMISOM looga dilay, waxaa kale oo dowladda sheegtay in ay dileen Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cali Mohamed Xuseen (Cali Jabal). Bisha August, waxaa uu 11-keeda qarax ka dhacay xabsiga dhexe ee Xamar, Waxaa la xaqiijiyay in ugu yaraan laba qof ay ku dhimatay qaraxaasi oo midi uu yahay askarigii ilaalada u ahaa Taliyaha Asluubta August dilalka ka dhacay Muqdisho waxaa ka mid ahaa guddoomiyihii Galgaduud Maxamed Daahir Cali Cilmi, Nabaddoon Geeddi Maxamuud Axmed (Xaaji Geeddi Firdhiye) iyo Taliye ku xigeenkii Saldhigga Booliska oo lagu dilay Magaalada Boosaaso. August 25, 2017: Waxaa ay ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykanka 10 qof oo rayid ah ku dileen beer ku taalla deegaanka Bariire, Shabeellada hoose. Bisha September waxaa aad u badnaa dilal qorsheysan sida Sarkaal ka shaqeynayey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, General Cabdulle Maxamed Sheekh Quruurux, oday lagu dilay degmada luuq oo ahaa Xuseen Maxamuud Faarax (Xuseen Dhafoor) Dilalka bishaas dhacay waxaa ka mid ahaa dilkii Xamar-weyne loogu geystay Xoghayihii Guud ee Ururka Haweenka Qaranka, Canab C/laahi Xaashi iyo wiil ay dhashay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka, Batuula Axmed Gaballe, oo lagu magacaabi jiray Axmed Jaamac Xersi. Waxaa kale oo weerar ay Al-shabaab ku qaadeen Bariire iyo Buulo-Guduud iyaga oo halkaasi ku dilay saraakiil badan oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka. Bisha October waxaa dhacay qaraxii ugu khasaaraha badnaa Afrika, October 14, 2017 Qarax Ka Dhacay Zoobe, dhimashada waxaa lagu sheegay illaa 500 halka dhaawaca intaasi ka badan yahay, waxaa kale uu geystay khasaare maaliyadeed. Isla Bishaas October, 28, 2017: Inta la og yahay ku dhawaad 10 ruux oo shacab u badan ayaa ku dhintay qarax ka dhacay ilinka hore ee Hotelka Naasa Hablood 2 degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho. Bisha November waa bishii ugu deganeed bilaha sanadka gaar ahaan Muqdisho,waxaa jiray qarax ka dhacay 2dii bisha degmada Hodan khasaare badan kama dhalan, qaraxyo kale oo qaar saraakiil loogu xiray ayaa jiray, Gashaanle Maxamed Yuusuf Cali oo lagu dilay Degmada Yaaqshiid, Xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed ayaa isna la dilay iyo khasaare ka dhashay duqeyn Mareykanka ka fuliyeen meel ku dhaw Daaru Salaam Bishan December, dilal badan oo rayid iyo ciidan waa jiraan, waxaase ugu khasaare badnaa qaraxii 14-kii bishan ka dhacay xerada tababarka ee General Kaahiye, dhimasho iyo dhaawac badan. Saraakiisha caafimaadka ayaa xaqiijiyay in 13 qof ku dhinteen halka 15 kale ku dhaawacantay. December 17, 2017: Waxaa goor habeen ah gurigiisa lagu weeraray siyaasiga mucaaradka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, 5 ilaaladiisa ka tirsan ayaa la dilay isagana waa la dhaawacay. Duqeymaha Mareykanka 2017: Dalka Mareykanka ayaa sanadkan waxaa uu kordhiyay duqeymaha uu ka sameeyo gudaha Soomaaliya laguna bar-tilmaameedsado xarakada Al-shabaab. Illaa 34 jeer ayey Mareykanka duqeeyeen gudaha Soomaaliya, iyaga oo dilay in ka badan 228 qof. Weerrarada Al-shabaab 2017: Sanadkan Xarakada Al-shabaab waxaa ay weerareen Kulbiyow, Afgooye, Cali Fooldheere oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe, War-maxan iyo Tixsiile ee gobolka Sh/hoose, Baraawe, Qoryooley, Deegaanka Bariirre, Af-urur, Duleedka Kismaayo, demooyinka Baydhabo iyo Qansax dheere ee koonfur galbeed, Maxaas, Hiiraan, Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, Galgala iyo meelo kale. Weerarradaas Waxaa Ka Mid Ahaa: Janaayo 21, 2017: Al-shabaab ayaa soo weerartey Afgooye, ilaa 8 qof ayaa ku dhimatay, Guddoomiyaha degmada Afgooye Cabdinaasir Caalim Ibraahim ayaa sheegay in dagaallamayaasha Al-shabaab saddex jiho ka soo weerareen saldhigyada ciidamada dowladda ee degmada ku sugan, kuwaas oo si weyn isaga caabbiyay. Afgooye iyo deegaannada ku dhaw, waxaa ay Al-shabaab soo weerareen sanadkan marar badan, taasi oo keentay khasaare badan oo soo gaaray ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. January 27, 2017: Xarakada Al-shabaab ayaa weerar gaadma ah ku qaadey saldhigga AMISOM ee deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubbada Hoose, iyagoo sheegay in ay dileen in ka badan 50 askari. February 2, 2017: Xooggaga Ururka Al Shabaab, ayaa goor habeen ah weerar ku qaaday Deegaanka Carabiya, oo ka tirsan Degmada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, dadka deegaanka ayaa sheegay in Shabaabku ay weerarkaasi ku dileen 15 ka mid ah Ciidamada Booliska, sidoo kalena ay gubeen gaari ay askartu laheyd. March 3, 2017: Ciidamada Kenya waxaa ay sheegeen in Al-shabaab ka dileen in ka badan 57 dagaalyahan, dagaalka ayaa ka dhacay saldhig Al-shabaab ay ku lahaydd nawaaxiga Afmadow. March 23, 2017: Al-shabaab ayaa weerar ku qaadday Baraawe, warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha, 5 askari iyo gaari la gubay ayaa la sheegayaa in uu soo gaaray dhanka dowladda, hal qof ayaa dhankooda laga dilay Al-shabaab. April 30, 2017: Ururka Al Shabaab oo dagaal qorsheysan ku qaaday Waajid ee Gobolka Bakool ayaa sheegtay guulo, waxaa goobta la weeraray joogay ciidamada Koonfur Galbeed iyo ciidamada Itoobiya. May 23, 2017: Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Laanta Buuro ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare kala duwan. June 8, 2017: Dagaal ayaa ka dhacay Deegaanka Af Urur oo ah duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaa uu dhex-maray maamulka Puntland iyo kuwa Al-shabaab. Korneyl Axmed Muuse Sangal, oo ahaa taliyihii aagga dagaalka uu ka socdo iyo 20 askari ayaa la gowracay, sida ay ilo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Goobjoog News. June 10, 2017: dagaal ayaa ku dhex maray Dowladda iyo Al-shabaab Deegaanka Bariirre, Inta la xaqiijiyey 10-ruux oo shacab iyo dhinacyadii dagaallamay isugu jira ayaa dagaalkaasi ku dhintay, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay. Xarakada waxaa ay xeradaasi iyo goobo kale oo Bariire ka tirsan sanadkan weerartay dhawr jeer oo September 29 iyo October 2 ugu dambeeyeen, mar walbo khasaare badan ayaa laga sheegayey. July 31, 2017: Dagaal ayaa ka dhacay Buulo-mareer, Shabeellada hoose, Ururka Al Shabaab ayaa sheegay inay ku dileen 39 ka mid ah Ciidanka Uganda ee qaybta ka ah AMISOM, isla-markaana ay gacanta ku hayaan meydadka askartaasi. August 10, 2017: Al-shabaab ayaa weerartay Abuu-mansuur, dhimashada waxaa lagu sheegay in ka badan 25, gawaari ayaa laga gubay Abuu Mansuur. August 27, 2017: Xoogagga Al shabaab ayaa weerar culus ku qaadey Fariisimo Ciidamada Midowga Africa, ee AMISOM ku leeyihiin deegaanka Golweyn ee gobolka September 3, 2017: Alshabaab ay dagaal culus ku qaadeen saldhig ay ciidammada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Buulo-Guduud oo qiyaastii 30 km dhinaca waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo. Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay inay saldhigaas ku dishay in ka badan 20 askari, halka warar iyaga ka madax bannaanna ay sheegayaan in halkaa lagu dilay ugu yaraan 18 askari. Gunaanad: Inkasta oo dowladda federaalka sameysay dadaallo badan oo amniga lagu sugayo sida dhismaha ciidanka xasillinta Banaadir May 11, 2017, haddana taasi kama hortagin in ay Muqdisho cel-celis ahaan bishii ka dhacaan 2 qarax, Waxaa Sidoo kale Muqdisho ka dhacay qaraxii ugu khasaaraha badnaa ee Afrika, waxaa intaasi dheer in markii ugu horreysay Al-shabaab weerarto xerooyinkii ugu badnaa iyo Dalka Mareykanka oo Soomaaliya ka fuliyay duqeyntii ugu tirada badneyd ee dal Afrikaan ah uu ka geysto. Haddaba, Khubaro la hadlay Goobjoog News, waxaa ay dowladda federaalka ah kula taliyeen in ay difaaca ka baxdo sanadka soo socdo, in aaney iclaamin dagaal aaney qaadi-doonin iyo in ay ka dhabeyso dhismaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyaga oo tiro iyo tayo ahaan dhameystiran. Goobjoog News Warbixintan Lama Qaadan Karo, Xigasho La’aan Source
  25. Waxgaradka Beesha Reer Biciid yahay ee Wadamada Scandanivianka ayaa baaq nabadeed kasoo saaray Dagaalada kusoo noqnoqonaya Deegaanada Howdka Sool iyo Nugaaleed. Beeshu waxay Waxgaradka Beelaha xurguftu dhex Martay ugu baaqayaan in si deg deg ah loo joojiyo colasda lana til galiyo baaqyada ka imanaya Beelaha kale. Beeshu waxay kaloo ku baaqaysaa in lagawada shaqeeyo Amaanka Dalka iyo in laguwada dadaalo inaan dhiig dambe uusan ku daadan . Wabilaahi towfiiq Denmark