Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,118
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dalka Soomaliya malahan Dawlad is waa fajisa danaha kala duwan ee Dadka shacabka, danaha shacabku waxay u kala duwan yihiin qaabab kala duwan, Dawladaha Aduunku maanta waxay si aad ah u la dagaalamaan in ay abuurant xalado dabaqad sare iyo dabaqad hoose, taas oo haday abuuranto keenta cawaaqib aan la mahadin. Soomaliya waa Dal ay san ka jirin Dawlad daryeesha Dadka tabarta daran, Dadka wax haysta sidda ganacsatadda majirto cid canshuurka qaadda lugu caawiyo ku wad danta yar ee aan waxba haysan si ay xitaa cilmi ahaan oga daba yimaadaan ku wa wax haysta. Canshuurta waxay dabooli kartaa wax barashadda asaasigaa nolosha qaybaheedda asaasigaa IWLM. Soomaaliya Dadka danta yar cuduradda ayaa cidlaysta hadaan Alle u bixin iimaan qabe wax haysta, Gaajaddu sidoo kale Dan-yarta way daashataa, Dadka Soomalidaa sida ay u badan yihiin wax barasho fursad uma aysan helin, waxay ahaayeen xamaalato muruqmaal ah, waxaan suuqa Bakaaro ku arkay oday waayeel ah oo dusha ku xamaalanaya, marka uu socdona Ul-cuskanaya, dharbarkiisa ayuu ugu xamaalaa caruur yar yar si ay u moodaan maalintaas iyo habeenkeedda Nolosha. Ganacsato isugu jira Soomali iyo ajaaniib ayaa la yimid qalab si waa faqsan dantooda, iyo dhaqaalahoodda. qalabku wuxuu kordhinayaa wax soo saarka, waqtiga dhaqaalaynaya, si fududna wuxuu u qabanayaa hawshii ay qaban jireen muruq-maalka muqdisho, baahida loo qabo Muruq-maalka ayuu yareeyay. toloow xoogsataddii xagay qabteen?!!. Muruq-maalkii Muqdisho suuqa ayay ka bexeen, wayna niyad jabeen quus ayay tageen, maanta waxay u baahan yihiin Allahood markaas ka dib waxay u baahan yihiin Dawlad daryeesha, ganacsataddu way daryeeli karaan, umase diyaar sannna in ay daryeelaan waxaa u diyaarin kara si loo caawiyo waa Dawlad, ganacsataddu ma qaabayn karaan mana agaasimi karaan daryeel koodda laakiin waxay bixin karaan canshuur iyo taakulayn toos ah. MUSIIBADA AAN LAGA MAARMIN Makiinaddo casri ah oo laga dhaxlay teknoloojiyadda ayaa lakeenay Muqdisho, gaar ahaan Dekedda Muqdisho, kambaniyaasha dhismaha, iyo suuqda waa way ee Muqdisho. Qalabka lakeenay waxaa ka mid ah, Qaldooyinka waa wayn oo saaran baabuutar ku waas oo qasa shamiintadda, sidoo kale makiinaddii ka qaadaysay shamiintadda shubaysayna Guirigii ama wax walba oo lashubayo, gaar ahaan wadooyinka oo hadda dib-udhiska lugu hayo, Dabaqyadda dheerdheer, ku waa soo ay ku baxaan dhaqaalaha faraha badan, horay shaqadaan waxaa u qaban jiray Muruq-maalka Muqdisho haddese suuqa aya laga saaray, badelkoodii makinado ayaa shaqeeya, makiinadahaas ku ma shaqayn yaqaaniin muruqmaalku. Qalabkaan waxay fariisiyeen oo shaqo tireen kumanaan muruqmaal ah, ku waa soo qasi jiray shamiintadda, qaadijiray, kana hali jiray nolol maalmeed koodda waxaa ku noo laa kumanaan kale, aduguba qiyaas dadka ay saamaysay makiinadaan. wiishash casri ah ayaa la keenay Dekadda Muqdisho ku waas oo ay keeneen shirkaddo ajaanib ah, waxay qabtaan shaqo aad u farabadan, waxay badbaadiyeen waqti, wax soo saarkana way kordhiyeen, dhanka kale waxay caqabad ku noqdeen dad aan wax aqoona lahayn ee iska xamaalan jiray, qalabka laftiisa mabaran karaan hadii labaritago badankood. Dedda waxaa ka shaqayn jiray shaqaale aad ufarabadan, ku waas oo lugu qiyaaso dhawr iyo toban kun, ugu yaraan shankun ayaa daaqadda ka baxay, reera hoodii dabkaa ka demay, ilmahoodii hadayba haysteen wax yar oo wax barashaa maanta meel ku ma sheegaan in tooda badan, way kala firxadeen ileen qorshe meel uma oo linne!! Gaarigacan casri ah; waxaa lakeenay gaari waxyar ka wayn gaari gacanka, gaarigaas wuxuu cariiri wayn ku hayaa Dadka ku shaqaysta Gaari-gacanka, iyo Dameeraha oo Soomaliddu si wayn u isticmaasho, aqoon isticmaal iyo awood abuurashana ay u leedhay. Maanta waa ay fududahay in qofku abuurto ama gadto dameer, ama gaari-gacan si uu ugu shaqaysto laakiin Gaari wayn magadan karo, Dameerka, ama gaari-gacan aqoon Ayaan u leenahay waan waddi karnaa cilmi wayna u ma baahna, halka gaarigu u baahan yahay awood gadasho iyo cilmi oo ay san Dadka badankiis lahayn. Gaarigaan wuxuu si degdeg ah u qabtaa shaqooyin badan dan ayaa ku jirta, hadana Dadbadan ayuu nolosha ka riday, dadka gaaricanka wataa waxay u baahan yihiin in laga xadido gariga nuucaan ah layiraa, suuqa dhexdiisa waxba uma qaadi kartid gaarigacan unbaa u qaadi kara, halka gaarigacanku uu san u qaadi karin suuqa meelka baxsan!! MURUQ-MAALKA MAANSHOODAY Muruqmaalka Muqdisho waxaa soo wajahay waayo adag waa waayaha casriga ah iyo qalabka casriga ah, Dekedda, goobaha dhismaha, iyo suuqda waxaa ka baxay oo ay barabixiyeen qalabkaan casirigaa kumanaan muwaadiniin soomali ah, Dekedda waxaa ku shaqo waayay ugu yaraan Shankun oo shaqaalaa, waxaa shaqo tiray qalab ay keen sadeen shirkadadha gacanta ku haya Dekedda, sidoo kale goobaha dhismaha waxaa ku shaqo beelay kumanaan shaqaalaa shaqadoodii waxaa qabta makiinaddo-casri ah, ku waas oo cidina canshuur ay san ka qaadin hadii laga qaadana ay san qumanayn waxa laga qaadaa. Dhanka suuqyadda sidoo kale waxaa ku shaqo beelay boqolaal ku xamaalan jiray Dameer iyo gaari gacan ku waa soo ay aheed in laga xadido gaariyaasha, waxaa soo dhan waxaa sababay Duruufihii Dalku soo maray. Majirto cid u jeedda Dadkaas maanta waa lagayaabaa in uu tuugsaddo qof muruqiisa maalijiray. XAL SIDA UU II LA MUUQDO Mahaleeli karo xalka saxdaa mana ka warhayo arimaha qarsoon ee la xariira maamulka farsamo iyo midka hogaamineed ee arintaan, laakiin waxaan is ku dayayaa xalku sidu iila la muuqdo. Waxaa loo baahan yahay in laga qaado lacago dheeri ah Dadka wax haysta ee kiraysanaya qalabka bedelay muruq-maalkii qaban jiray shaqdaan qalabku qabanayo, sidoo kale Dadka qalabka iska leh dhaqaale ayaa lasaarayaa, ayadoo loomarayo sharciyad ama xeer baarlamaan, waxaanna loo yeelayaa waqti uu joogsanayo sharcigaas iyo qaadista dhaqaalahaas. Dhaqaalahaas waxaa lugu caawinayaa nolosha, gaar ahaan waxbarashadda ubadkii Dadkii muruq-maalka ahaa ee ay saameeyeen qalabkaan casrigaa. Shaqaddaan waxaa qabanaya Dawlad majirto cidkale oo qaban kartaa maanta waxay u muuqataa inaan la’arkin Dawlad u taagan qabashadda hawshaan, waayo waxaa wali jira duruufihii abuuray xaaladdaan. Waxaa loo baahan yahay in muruq-maalka iyo makiinadaha casrigaa la kala maareeyo, inta wax haystaa Dantooda kaliya ay san ka fakerin ee Dadka muruq-maalkaa laftoodda loo daneeyo, Dalku anaga dhan ayuu noo baahan yahay inta wax haysata un uma baahna. Gabangabo: Soomaaliya maanta waxay u socotaa in Dadku u qaybsamaan Dabaqad-sare iyo Dabaqad-hoose, Dadka haysta dhaqaalaha iyo kuwa cilmiga leh ee la falgeli kara qalabkaan waxay noqonayaan Dabaqad-sare, Dadka aan waxba haysan cilmigana lahayn, qalabkaanna aan baranKarin waxay noqonayaan Dabaqad-hoose waxayna ka dhacayaan nolosha, kama soo horjeeddo in hormar la sameeyo,waxaan diidanahay in Dadka danyartaa meel cidlaa loogatago. qof walboow arintaan xil iska saar, kala hadal cidwalba oo aad u aragto in ay qusayso, ku baraaruji cidii aan ku baraarug sanayn, kasheeg goobwalba oo aad u aragto in ay joogaan cid ka garaabi karta arinkaan, si gooniya waxaan u lahadlayaa Bahda war-baahinta arintaan iyo Dadka ay la xariirto ilgaara ku fiirsha waadba yeesheen markaan ka hore. Halkaan ku ma wadda xusin dhibaatadaan muruq-maalku wajaheen laakiin waxaan is leeyahay wax un waadka iftiimisay. Waa inaan yeelanaa siyaasad cad oo is waa fajinaysa Dadkeenaan Dunidda ka haray iyo Dunidaan casiragaa gaar ahaan Tikniloojiyadda maanta iyo Barri. Warbixintaan waxaan cadaynayaa in cidwalbaa si wanaagsan ay oga faa’iidaysan karto, Binu’aadam Ayaan ahay wax waan qaldikaraa tartiib iiga waydii wixi ka qaldan diyaar Ayaan kuu ahay mahadsanidiin W/Q: cabdifataax cali cabdalla “IMAAM” Cabdifataaxcalicabdalla@gmail.com 00252617171717 www.facebook.com/cabdifataaximaam twitter;@cadecaliyare Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Makiinadaha-casriga ah iyo muruq-maalka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  2. Johannesburg (PP) ─ Maxkamadda Dastuuriga Koonfur Afrika, ayaa maanta ku amartay baarlamaanka dalkaas inuu billaabo hab raaca xilka looga qaadi lahaa madaxweyne Jacob Zuma oo loo haysto dacwado la xiriira Musuq-maasuq. Dacwadda waxaa maxkamadda geeyay Xisbiyadda Mucaaradka ah oo dhawr jeer isku dayay inay madaxweynaha kalsoonida kala laabtaan, laakiin waxaa ka tiro batay xildhibaannada xisbiga talada haya ee ANC oo Aqlabiyad ku leh baarlamaanka dalkaas. Chris Jafta oo ah Garsooraha maxkamadda amarkan ridday ayaa sheegay in aysan Maxkamadda awood u lahayn inay baarlamaanka u yeeriso qaabka uu noqonayo habka ay tallaabada uga qaadayaan iyo inay ku qasabto in xilka laga qaado madaxweynaha. Sidoo kale, Xaakimka guud ee Maxkamadda, Mogoeng Mogoeng oo isagana kasoo hor-jeedsaday Xukunka, ayna ka tiro bateen Codadka garsoorayaasha kale ee maxkamadda la fadhiyay ayaa xukunka ku tilmaamay Garsoor xadkiisii talaabay. Wararka ayaa sheegaya in 15-milyan oo doollar oo ay dowladda leedahay in Zuma uu u isticmaalay Dayactirka iyo Qurxinta guri uu ku leeyahay Tuuladii uu ku dhashay ee Nkandala. Dhanka kale, Bishii Maarso ee sannadkii hore 2016-ka, Maxkamaddan ayaa xukuntay in Jacob Zuma uu dib u gudo qayb ka mid ah lacagtii dowladda ee gurigiisa loo isticmaalay, wuxuuna madaxweynaha dib u bixiyay lacag dhan 631,000 oo doollar ah. Jacob Zuma ayaa muddada xilkiisa wuxuu ku ekaa Sanadka 2019-ka oo ay ahayd in wixii xilligaas ka dambeeya la qabto doorasho lagu oo xulanayo madaxweynihii xilka ka beddeli lahaa. Ugu dambeyn, Inkastoo uu marar badan oo hore ku guuleystay dacwado Maxkamaddo la hor keenay, haddana Zuma waxaa aad u soo kordhayay xukunnada lidka ku ah ee ay maxkamadaha dalkaas gaarayaan, bishan labo dacwadood oo musuq ah ayaa looga guuleystay hal maalin gudaheed. PUNTLAND POST The post Maxkamad Amartay in xilka laga qaado Madaxweynaha Dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma appeared first on Puntland Post.
  3. Yemen’s Houthi rebel groups have threatened to strike Somaliland’s Berbera port should authority in Somaliland continue its lease agreement to the United Arab Emirates. Somaliland – a semi-autonomous region in Somalia – is reported to have signed a deal with the UAE to have the latter use the Berbera Port as a military base. In a video posted online, the group commander warned they would use their ballistic missiles should Somaliland continue with the move.
  4. Djibouti has signed a preliminary deal for a $4bn gas project with Chinese firm POLY-GCL Petroleum Group Holdings Ltd. The Horn of Africa nation has signed a memorandum of understanding (MoU) with the Chinese company for a large-scale energy project to be constructed in Damerjog, close to the country’s border with Somalia. The project includes a natural gas pipeline, a liquefication plant and an export terminal to be located in the eastern village. The gas pipeline will transport 12 billion cubic metres of natural gas from Ethiopia to Djibouti per year. the liquefication plant will start with a target of producing 3 million tonnes of liquefied gas per year, starting from 2020, but this target will eventually rise to 10 million tonnes. POLY-GCL has already finished drilling appraisal wells for gas deposits in southwest Ethiopia – a project linked to the export terminal plans in Djibouti. Djibouti’s energy minister Yonis Ali Guedi says further negotiations over concession agreements for the project will happen within the next six months with construction scheduled to start next year. Source: East Africa Monitor
  5. The Islamic State has reportedly released what is thought to be the first video of its Somali terrorists in which they called for attacks on churches, public places, and non-believers. The SITE intelligence group reported that ISIS has released a video showing Somali fighters who have pledged allegiance to the terrorist organization. The jihadists were also shown calling for attacks on non-believers and to take advantage of the “drunkenness” of people during their Christmas celebrations, Sputnik News relayed. Al-Shabaab, which has been linked with al-Qaeda, has been attacking military and civilian targets in Somalia and Kenya in the last few years. There were reportedly ISIS fighters who split from the group and are now considered a separate terror threat. Meanwhile, The Star has learned that Al-Shabaab is now using attractive women as spies against security forces fighting the terror group in Lamu. Officers told the publication that these women try to lure security officers connected to the Linda Boni operation into sexual relationships with them in an effort to know their secrets. “They visit villages close to our camps to attract us. They know it is our biggest weakness,” one security officer told The Star. It is worth noting that Al Shabaab started attacking just a couple of days after the beautiful women were spotted in Lamu. Joseph Kanyiri, the operations director of Linda Boni, said they were aware of the militant group’s new spying tactics and are on alert. “They are using every available trick to spy on officers,” said Kanyiri. “But we are alert.” This was not the first time that Al-Shabaab has used women against security forces. Kanyiri said authorities arrested two female spies in Kiunga last year. In light of the situation, officers have been instructed to be wary of women who attempt to make sexual advances towards them. Source: – Christian Daily The post ISIS releases first video of Somali terrorists calling for church attacks -report appeared first on Caasimada Online.
  6. Muriidi Abati, 57, and his wife Maryan Mohamed, 44, have lived in the Georgian townhouse with their seven children, aged between eight and 23, for 15 years. The four-storey townhouse could be rented out privately for £900 a week but cleaner Mr Abati, who earns £7 an hour, pays just £90 to Islington Council in north London. Mrs Mohamed said: “We’re very lucky and grateful to have this house. It’s sad there are not enough houses for everyone.” But critics said it was “ridiculous” the refugees were given “a home for millionaires” while many families are forced to live in squalor. John Bickley, Ukip immigration spokesman, said: “Councils have a duty to optimise their tax-payer-funded assets for the benefit of all residents. Letting out multimillion pound houses or flats for peppercorn rent is a poor return on such assets. “They should be sold and the returns invested in affordable social housing that benefits a larger number of residents.” The property includes a basement games room with a state-of-the-art 50-inch flat screen TV, while the living room has two large leather sofas and a massive leather chair. It is situated in Islington’s Clerkenwell district – a sought-after area boasting Michelin-starred restaurants and trendy bars and home to the world-famous Sadler’s Wells theatre and Smithfield Market. X Files actress Gillian Anderson, 49, sold a six-bedroom home there for £3.6million earlier this year. Average property prices in the borough stood at £774,923 last year, with terraced houses selling for around £1.3million. Last year Islington Council let just 1,250 properties, housing about seven per cent of the 18,000 families on its waiting list. On its website, the council says: “Regrettably, even people in the greatest need often face a delay of several years before they get housed.” And it warns: “It is very unlikely that you will be offered a council home as there is far more demand than supply.” Despite the huge backlog, the council says it aims to build just 500 new homes over the next four years. Refugees can qualify as a priority for housing if a local council deems them to be “vulnerable” under the Housing Act 1996. Although refugee status is not listed as a specific vulnerability, officials can include this under the “special reason” category. For several years London councils – including Islington – have been offering homeless families accommodation hundreds of miles out of the capital, where rents are cheaper and there is more availability. A neighbour of the Abati family said he was also a council tenant, as were many others in the street. The man, who did not want to be named, said his home was worth up to £3million. A similar double-fronted property to the Abati’s on the street recently sold for £2.18million. Another local, who has lived in the area for more than 20 years, said: “It really is ridiculous that the council are putting families into homes that only multimillionaires can afford to live in. “Most people I know who work are mired in debt and can barely pay their bills.” Other councils and housing associations have been selling off houses which have rocketed in value to help tackle the housing crisis. In September, a former council house with one of the finest views in Cornwall sold for £1.44million. The three-bed property overlooking Porthmeor Beach at St Ives went under the hammer at auction in London. Its former owners, a housing association, said the proceeds would be ploughed into affordable housing. In 2013, a 200-year-old Grade II-listed property close to Borough Market in south London was sold at auction for £2.96million. The house was auctioned by Southwark Council to raise money for social housing in the area. Source: – Express The post Somali refugee family given £2m council house in exclusive London neighbourhood appeared first on Caasimada Online.
  7. There was a spike in applications for Canadian citizenship after the government relaxed the rules around residency requirements and language proficiency this fall. Figures from Immigration, Refugees and Citizenship provided to CBC News show there was an average of 3,653 applications a week in the six months before changes were brought in Oct. 11. The number shot up to 17,500 applications the week after the new requirements kicked in. There were 12,530 applications submitted the week after that, but data for subsequent weeks is not yet available. “Reducing the physical presence requirement gives more flexibility to applicants to meet the requirements for citizenship and encourages more immigrants to take the path to citizenship,” said Immigration, Refugees and Citizenship spokeswoman Nancy Caron. “This helps individuals who have already begun building lives in Canada achieve citizenship faster.” In recent years, there has been an average of 200,000 citizenship applications submitted each year. Fluctuations in application rates are expected after rule changes, so the department put resources in place to handle “surge capacity” and keep processing times below the 12-month service standard, Caron said. Andrew Griffith, a former senior immigration official, author and fellow of the Canadian Global Affairs Institute, said it’s too early to tell if the jump in numbers represents a blip or part of a longer-term trend. But he believes an increased rate of citizenship fosters social cohesion and eases community tensions as immigrants have a deeper connection to the country and to Canadian society. ‘Integration journey’ “We want people to become citizens because we believe that’s part of the integration journey,” he said. “That helps them feel part of Canada and ultimately should improve all the economic, social and political outcomes of the country.” The new rules include: The required length of physical presence in Canada is reduced to three out of five years, from four out of six years. A portion of time spent in Canada before permanent resident status will count toward residency requirements, which will give credit to temporary workers and students. The age range for language and knowledge requirements is reduced to 18 to 54 years old, from the previous requirement of 14 to 64. But Griffith said high fees remain a barrier for some to apply for citizenship, especially those in the family reunification or refugee categories with stretched finances. Processing fee hikes The processing fee jumped to $630 in 2014-2015, which includes a $100 “right of citizenship” fee. That is still much lower than the fees in the U.K., the U.S. and the Netherlands, but is higher than New Zealand, Germany, Australia and France. Griffith said reducing costs would reflect the fact that promoting citizenship provides not just personal benefit, but a benefit to the greater Canadian society when people can fully participate, including in the political process. Immigration Minister Ahmed Hussen, who marked the changes taking effect at an event in October, said they will make the path to join the “Canadian family” easier and more flexible. “As a country that’s committed to the settlement and integration of newcomers successfully so they can restart their lives and make contributions to our society, we have to ensure the path to citizenship for permanent residents,” he said at the time. People can be deemed ineligible for Canadian citizenship if they have a criminal record or are facing charges in or outside Canada, or if they have had citizenship refused or revoked in past. Source: – CBC The post Canadian citizenship applications surge after government relaxes language, residency rules appeared first on Caasimada Online.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamuud Axmed Nuur Tarzan oo ah la-taliyaha dhanka arrimaha siyaasada Madaxweynaha Somalia, ayaa si kulul uga hadlay faragalin uu sheegay in Xildhibaanada BFS ku hayaan howlaha Qaranka. Tarzan, waxa uu sheegay in Xildhibaanada BFS ay u muuqdaan kuwo aan xaqiiqdii garaneynin shaqooyinka loo igmaday, waxa uuna tilmaamay inay yihiin kuwo u shaqeeya si cagsi ah. Tarzan, waxa uu carab dhabay inaanujirin sharci dhigaaya in Xildhibaano matalaaya Shacabka Soomaaliyeed ay noqdaan kuwo is hortaagaya Qaranimada Somalia, isagoo tusaale usoo qaatay ficilada Xildhibaano iyo Siyaasiyiin dhowr ah. Tarzan, waxa uu cadeeyay in taariikhda ay gali doonto ficilada xunxun oo ay wadaan Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta qaar oo uu sheegay inay lid ku yihiin isbedelada ka socda dalka, balse waxa uu taabedelkeeda ku nuuxnuuxsaday inaanu ficiladaasi saameyn doonin Qaranimada Somalia. Xildhibaanada qaar ayuu ku eedeeyay inay sharaf moodaan inay cabsi galiyaan Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dalka. Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta isku baheysanaaya burburinta Qaranka ayuu sheegay inay yihiin kuwo si bareera ugu midoobay Ganacsi Siyaasadeed, balse waxa uu ka jawaabida ficiladaasi u daayay Shacbiga Soomaaliyeed ee isbedelka usoo bidhaamay. Nuqul kamid ah haddalka Tarzan ayaa ahaa “Wakhtiga Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha boqolkiiba sagaashan waxaa qaata xildhibaanada baarlamaanka halkii ay fursad ugu heli lahaayeen inay bulshada u adeegaan’’. “Waxaan qirayaa in xildhibaanada baarlamaanka shaqadii loo doortay aysan heyn oo ay faraha kula jiraan ganacsi siyaasadeed oo dal dumis ah’’ ‘’Waxaa iga su’aal ah Xildhibaanada miyeysan garan waajibaadkooda, waxa ay isku khaldeen difaaca Qaranka iyo burburinta Qaranka, arrintaan waxaa ka jawaabi doona shacabka ay sheegen inay matalaan haddii matalaadooda ay dhibaateynta Qaranka tahay’’ Sidoo kale, waxa uu Mr Tarzan sheegay inaanu Somalia ka dhaqan gali doonin xad gudub Siyaasadeed iyo in la argagax galiyo Qaranimada Somalia xiligaan oo uu dalka ku talaabay isbedel. Dhinaca kale, Tarzan ayaa sheegay in argagax ay Xildhibaanada ku hayaan Madaxda Qaranka uu yahay in marwalba ay ugu hanjabaan inay mooshin ka keenayaan haddii aysan ka helin danaha ay ka doonayeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Tarsan oo weerar ku qaaday xildhibaanada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah DF appeared first on Caasimada Online.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi (Farmaajo), ayaa ka hadlay dagaalka ay dowladiisa kula jirto Musuq-maasuqa iyo shaqsiyaadka ku dhaqma musuqa. Farmaajo waxa uu tilmaamay in kala bar ay kasoo jeesteen ciribtirka Musuqa iyo shaqsiyaadka ku caanbaxay, waxa uuna cod dheer ku sheegay inaanu wada shaqeyn doonin cid saaxiib u ah Musuqa hanta Qaran. Waxa uu Madaxweyne Farmaajo sheegay in dowladiisa ay ka go’an tahay la dagaalanka waxa loogu yeero masuq-maasuqa kaasoo uu ku tilmaamay in uu yahay masiibo Qaran, sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu tilmaamay in masuq-maasuqu yahay masuubada ugu weyn ee ay ka dhismi waayeen dowladihii hore ee dalka soo maray hase yeeshee hada dowlada Federaalku ay la gashay dagaal xoogaan masuq maasuqa. Farmaajo waxa uu tilmaamay in musuqa aawgii ay xilka uga qaaden mas’uuliyiin dhowr ah, halka kuwa harsana ay ku weyn doonaan haddii ay soo idlaato baaritaanada lagu hayo, sida uu ka sheegay munaasabadii xariga looga jarayay maamulka Hawada Somalia. Haddalka Madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo beegmaaya xili dhawaan ay Hay’adda Lacagta Aduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IMF sheegtay in Hanaanka maaliyadeed ee Somalia uu yahay mid la aamini karo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Farmaajo oo shaaciyay inay dhabarka ka jabiyeen hal musiibo oo lid ku ah dowladnimada appeared first on Caasimada Online.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Meydadka 13 ruux oo la rumeysan yahay inay yihiin Soomali ayaa laga helay tuulo ku taal bartamaha wadanka Mozambique. Sida laga soo xigtey mas’uuliyin ka tirsan dowlada Mozambique meydadkan ayaa lagu qariyay meel ku dhow Saldhigga Booliska magaalada Cheringoma ee gobolka Sofala Province. Dowlada Mozambique ayaa sheegtay in baaritaan lagu sameynayo balse wax faahfaahin ah kama bixin. Wargeys ka soo baxa wadanka Mozambique ayaa laga soo xigtey in meydadka la helay in ay ahaayeen dad muhaajiriin ah kuwaasoo ka soo tegey Waqooyiga kuna sii jeeday koofurta Mozambique. “Waxaa ay ahaayeen muhaajiriin ku safrayay baabuur weyn oo Konteenar ah waxaana dhici karta inay u dhinteen hawo la’aan.”ayaa lagu daabacay wargeyskan O País. “Markii uu ogaaday darawalkii in dadka gaariga u saaran yihiin meyd ayuuu tuuray meel keyn ah.”ayuu wargeyska ka soo xigtey qof goobjooge ahaa. Wadanka Mozambique ayaa u ah waddo muhiim ah dadka muhaajiriinta ah ee u badan Soomaalida iyo Ethiopianka kuwaasoo doonaya inay gaaraan wadanka Koofur Afrika. Hase yeeshee ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowlada Soomaaliya iyo weliba ilo madaxbanaan oo xaqiijinaya in dadka ku dhintey gaariga konteenarka ay ahaayeen Soomaali. Xigasho: The EastAfrican Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dalka Mozambique oo laga helay meydadka 13 qof oo Soomaali ah (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), oo ka hadlaayay isbedelada ka jira dalka, ayaa sheegay in DFS ay wado talaabooyin hormarineed oo dib loogu soo celinaayo ilaha dhaqaale ee uu leeyahay dalka. Xaaf waxa uu sheegay in mudada ay jirto dowlada Federaalka ay la imaaday waxqabad wanaagsan, waxa uuna tusaale usoo qaatay dib usoo celinta maamulka Hawada Somalia. Xaaf waxa uu Madaxweynaha dalka Maxamed C/llahi Farmaajo uga mahad celiyay dadaalka uu kusoo celiyay Hawada Somalia, balse waxa uu taa bedelkeeda Farmaajo ka dalbaday inuu arko Diyaarada Somalia oo shaqeyneysa. ‘’Madaxweynaha waa uu ku mahadsan yahay dadaalka uu kusoo celshay maamulka Hawada, waxaa ii harsan inaan Garoonka Aadan Cadde ka raaco Diyaarada Somali Airlines oo aan ka dego magaalada Cadaado’’ ‘’Waxaan ku taamayaa inaan Muqdisho iyo Cadaado ugu kala goosho Somali Airlines, oo aan is leeyahay waa talaabo ka harsan sharafkeena Soomaalinimo’’ Xaaf waxa uu Ganacsatada Soomaaliyeed u jeediyay in ay ka qeyb qaataan sidii bulshada Soomaaliyeed loogu soo celin lahaa adeegyadii Soomaali Airline. Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayuu ku dhiiri galiyay inuu u dhabar adeego dhameystirka inta ka harsan guulihiisa, waxa uuna ku baaqay inuu dib usoo celsho Somali Airline. Haddalka Xaaf ayaa imaanaya xili Madaxweyne Farmaajo uu daboolka ka qaaday in Seddexda Sano ee harsan ay ku dhameystiri doonaan dadaalada u harsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xaaf oo Farmaajo ka dalbaday ka dhabeynta hal arrin oo uu ku taamaayo appeared first on Caasimada Online.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Somalia Gen. Cabdi Wali Jaamac Xuseen Gorod, ayaa tababar usoo xiray ciidamoka tirsan xogga oo dhameystay tababar Militery. Ciidamadan oo aad u badan ayaa tababarka loogu soo xiray dugsiga tababarka ee Sarreeye Gaas Dhaga-badan. Tababarka Ciidamadan oo dhan waliba ka dhameystiran ayaa waxaa laga howlgalin doonaa Gobolka Shabellaha Hoose oo ay ku badan yihiin maleeshiyaadka al-Shabaab. Gorod, ayaa ciidamada cusub kula dar daarmay in ay gutaan waajibaadka shaqo ee saaran, Taliyaha ayaa dhalinyarada caaboon ee Tababarka dhameestay ugu baaqay in ay la yimaadaan wax ka badalan sidii hore oo al-Shabaab awoodooda lagu wiiqo karo. Taliyaha Dugsiga tababarka ee General Dhaga-badan, Sarreeye Guuto Maxamed Maxamuud Saneey ayaa isna sheegay in ciidamadda tababarka u dhammaaday la baray la dagalaanka Shabaab, la dhaqanka bulshada iyo arrimo kale. Sidoo kale, Madaxa Tababarka Midowga yurub, ayaa Ciidamadda xoogga dalka ku dhiira geliyay howlgalada Al-shabaab. The post Sawirro: DF oo soo bandhigtay ciidamo si gaara ula dagaalami doona al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  13. Maxamuud Axmed Nuur Tarzan oo ah lataliyaha madaxweyne Farmaajo ee arrimaha siyaasadda ayaa dhaliilay hey’adaha dowliga ah ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in aan lagu kalsoonaan karin maxkamadaha, wasaaradaha, baarlamaanka iyo garsoorka, Xeer-ilaaliyaha ayuu ku tilmaamay mid shaqo kale heysta oo tii loogu talo-galay dayacay. Ugu horeyn isaga oo ka hadlay sida ay u liitaan maxkamadaha iyo wasaaradaha “Annaga maxaa ku dhacay Institutions marka, maleenahay Institutions xoogan, qaran leh Institutions, ma lihin, Maxkamadaheenna ma yihiim maxkamad marka ay garta gooyso qofka Soomaaliga ah ku kalsoonaan karo, ma jirto, maxkamadaheennu ma laha, wasaaradihii malagu kalsoonaan karaa, oo wasaaradda malagu kalsoonaan karaa in ay umadda dhan u simman tahay, oo wasiirkaasi uu wasiir u yahay umadda Soomaaliyeed, mise waxaan sharciyeyney wasaaraddu inuu qabiil leeyahay, oo wasaaradda qabiil la siinaayo, oo qabiil hebel wasaaraddaasi ayaa la siiyay la leeyahay, ninka marka la dhaho wasaaraddaasi qabiil hebel ayaa la siiyay, hade wasaaraddaasi qaranka uguma adeegaayo ee qabiilka ayuu ugu adeegaa, sow ma aha” Dhinaca kale, Tarsan waxaa uu ka hadlay nidaamka 4.5 isaga oo yiri “Marka waxaa la keenay 4.5, cadaw ayaa loo bixiyay, 4.5 wadaniyadda ayey ka soo horjeeddaa, kartida ayey ka soo horjeedaa, aqoonta ayey ka soo horjeedaa, waxtarka ayey ka soo horjeedaa, ammaanada ayey ka soo horjeedaa, ma dhaafsaneen in qabaa’ilka Soomaalidu matalaad ku yeeshaan baarlamaanka, waa inta loogu talo-galay, dastuurkeenna kuma qorna, meel ay sharciga uga qoran tahay ma jirto 4.5, ma aheen in hoos loo dajiyo oo wasiirrada, agaasimayaasha, dhakhaatiirka iyo janannada laga dhigo, maanta janan la rabo in ciidan 20 kun, 30 kun dagaal geliyo ayaa sifada lagu keenayo ay tahay qabiilka uu ka dhashay, nabad sugidda ayaa lagu keenayaa qabiilka uu ka dhashay, booliiskiibaa lagu keenayaa qabiilka uu ka dhashay, ilaahbaan idiinku dhaariyee Institutionskaas ma dhisnaan karaa mise ma dhisnaan karo”. Baarlamaanka ayuu sheegay in madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha ka cabsadaan oo 90% waqtiga labadaasi mas’uul qaateen” Baarlamaankeenni shaqadii loo doortay ma hayaa, wuxuu ahaa sharci-dejiye ee sharci-dejiye ma yahay baarlamaanka, baarlamaankeeni shaqadii loo doortay ma hayo, baarlamaankeennu waxaa uu ku jiraa ganacsi siyaasadeedbuu ku jiraa, 90% madaxweynaha waqtigiisa waxaa qaato baarlamaanka, 90% waqtiga ra’isul wasaaraha waxaa qaaday baarlamaanka, madaxweynah ma waxaa loo doortay in baarlamaanka u shaqeeyo mise waxaa loo doortay in uu shacbka Soomalaiyeed gees ka gees u shaqeeyo, PM-ka iyo xukuumadda waxaa loo doortay in baarlamaanka u shaqeeyo mise umadda Soomaaliyeed uu u qorsheeyo adeeggii bulshadan ay u baahneed, bal waxaa uu noqday mid madaxweynihii iyo PM argigixiaya, oo cabsi geliya, oo ay ka cabsadaan, madaxweynihiibaa I qaabili-waayey mooshinbaa ka keenaa, madaxweynihiibaa albaabka iga xirtay mooshinbaa ka keenaa, PM-ka baa xaaskeyga u diri waayey isbitaal, mooshinbaa ka keenayaa, PMbaa wiil ii geyn waayey shaqo mooshinbaa ka keenayaa, taas ayey noqotay”. Ugu dambeyntii waxaa uu dhaliilay xeer ilaaliayaha iyo garsoorka dalka “Maxamadaha xaalka ka warama, ma maqasheen weligiin 5 sano oo isku xigta ayaan noqonay dowladda ugu musuqa badan adduunka, weli ma maqasheen Xeer ilaaliyaheena oo qof mas’uul musuq ku soo eedeeyay, micnaheeddu ma shaqeynayo weeye, shaqo kale ayuu heystaa, shaqadii loogu talo-galay ma heysto, maxkamaheenna dalka dhulkoodii, hantidoodii iyo beerahoodii ayaa laga shaqeysanaayaa, maanta ma jirto qof ku kalsoon in uu maxkamadaasi cadaalad ka helaayo”. Goobjoog News Source
  14. George Weah oo horay u soo noqday laacibka ugu fiican adduunka ayaa ku guuleystay doorashada madaxtinnimada ee ka dhacay Dalka Liberia, waxaa uu ka adkaaday Joseph Boakai madaxweyne kuxigeenkii dalkaasi. George Weah ayaa bisha soo socoya badeli doonaa madaxweyne Ellen Johnson Sirleaf, oo ah haweeneydii ugu horreysay ee loo doorto inay hogaamiso dal Afrikaan ah. George Weah waxaa uu horay ugu guuleystay laacibka adduunka 2005tii xilli uu u joogay kooxda dalka Talyaaniga ka dhisan ee Milan. Goobjoog News Source
  15. Monrovia (PP) ─ George Weah oo ahaa cayaaryahan Afrikaan ah oo caan ka noqday Dunida ayaa loo doortay Madaxweynaha dalka Liberia, kaddib markii ay wareeggii u dambeeyay ku tartameen madaxeyne ku xigeenkii hore ee dalkaas, Joseph Boakai. Weah ayaa bedeli doona madaxweynaha xilka ka dagaysa ee Ellen Johnson Sirleaf oo dalkaas xukumaysay muddo 12-sannadood ah, waxaana hor-yaalla hawl badan oo ay ka mid yihiin sidii dalkaas loo horumarin lahaa. Ma ahan markii ugu horreysay oo George Weah uu u tartamo inuu dalkaas majaraha u qabto, balse doorashadi dhacday sannadkii 2005-tii ayaa waxaa ka adkaatay Sirleaf oo ay wareeggii labaad ku loolameen. Taageerayaasha Weah ayaa dabaal-dagyo waaweyn ka billaabay Monrovia oo ah caasimadda Liberia si ay u muujiyaan guusha uu gaaray laacibkii hore ee Afrika, kana soo cayaaray horyaallo badan oo Yurub iyo calaamka ah. Sidoo kale, Ololaha Xidiggii hore ee Kubadda Cagta Afrika ayaa waxa uu ku wajahnaa dhalinyarada, halka madaxweyne ku xigeenka xilka sii banaynaya Mr Boakai loo arkayay inuu yahay nin da’ ah oo waqtigiisii soo qaatay. Dhanka kale, Doorashada George Weah ayaan dood ka marnayn maadaama madaxweyne ku xigeen uu usoo xushay Jewel Taylor, xaaskii hore ee dagaal ooge ahna madaxweynihii hore ee waddankaasi Charles Taylor, kaas oo haatan dambiyo dagaal xabsi ugu jira waddanka Britain. Ugu dambeyn, Madaxweynaha cusub ee Liberia oo 52-jir ah ayaa wuxuu la wareegay awoodda waddan sannado uun ka baxay dagaallo sokeeye oo uu dhiig badan ku daatay, waxaana si weyn u taageersan bulshada intooda ugu da’da yar iyo cayaartoyda. PUNTLAND POST The post Laacibkii hore ee Kubadda Cagta George Weah oo loo doortay Madaxweynaha Liberia appeared first on Puntland Post.
  16. Kismaayo (PP) ─ Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Qado-sharaf u sameeyay shalay xulka kubada cagta Jubbaland ee dhawaan ku guulaystay koobka dowlad-goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir ee ka dhacay Muqdisho. Axmed Madoobe ayaa ku boorriyay cayaartooyda inay u diyaar-garooban Tartamada kale isla markana dhawaan ay bilaabi doonan hanan mushaar ay bil walba ku qaadan doonan isla markana dib u habayn lagu samayn doono xiriirka iyo dhamaan Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha si ay hawlaha dhalinyarada iyo Ciyaaraha la xiriira u noqdaan kuwo taaba gala. “Ciyaarahu waxay noo yihiin hadaf guud marka arimaha Bulshada laga hadlayo waxaan doonaynaa in bil walba Ciyaartooyga kamidka ah Xulku uu helo mushaar ku filan,” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe. Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu cayaartooyda Jubbaland ku booriyay inay ka fogaadan qabyaaladda iyo is-kooxaysiga taasoo ka horimanaysa sababta cayaaraha iyo is dhexgalka Bulshada loo abuurayo. “Qabiil iyo Kooxaysi shuqul kuma laha Ciyaaraha sidaas darteed waa in aan ka fogaana oo aan noqono Ciyaartooy deegaan iyo Gobolo matala,” ayuu mar kale yiri madaxweynaha maamulka Jubbaland. Ugu dambeyn, Dhamaan qaybaha kala duwan ee Adeegyada Bulshada ayuu Madaxweynahu xusay in wakhti badan la galin doono Ciyaarahuna ay bilaw u yihiin. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubbaland oo Xaflad u sameeyay Xulka Kubadda Cagta ee Maamulka Jubbaland appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa daah-furay munaasabad lagu maamusayey dib u soo celinta maamulka hawada Soomaaliya. Madaxweynaha oo xarigga ka jaray xarunta iyo qalabka hawada lagu maamulayo ayaa kormeeray shaqada ay hayaan khubarada Soomaaliyeed ee loo xilsaaray maareynta duulista iyo saadaasha hawada Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Waxaa sharaf weyn noo ah in aan dib u hanannay maamulka iyo gacan ku heynta hawadeenna. Waxay tani qeyb ka tahay dadaallada aan ugu jirno sidii aan dib ugu hanan laheyn dowladnimo dhammeystiran.” Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu tilmaamay in Dowladdu ay dardar gelinayso dadaallada Ilaalinta soohdimaha badda iyo xuduudaha barriga, taasina ay u baahantahay dadaal dheeraad ah oo ka yimaada dowladda iyo shacabka. Madaxweynaha ayaa sheegay in muddii koobneyd ee dowladda shaqeynaysay ay ku guuleystay dib u soo celinta kalsoonida Beesha Caalamka ay ku qabaan Soomaaliya taas oo dhabbaha u xaareysa waayo cusub oo u bilowda Shacabka Soomaaliyeed. “Waxaan horumar weyn ka sameynay dhanka maamulka maaliyadda dalka taas oo hay’adda lacagta Adduunka IMF ay qirtay in wadada saxda ah ay ku socoto siyaasadda dowladda ee dhanka maamulka maaliyadda.” Dowladda Federaalka ah ayaa qorsheynaysa dhawaan in la furo dugsiga tababarka maamulka iyo maareynta hawada si loo diyaariyo aqoonyahanno iyo xirfadlayaal Soomaaliyeed oo ku takhasusay maamulka iyo maareynta hawada, kana hawlgala guud ahaan dalka. Ugu dambeyn, Mas’uuliyiinta kale ee madasha ka hadlay ayaa ugu baaqay Shirkadaha Duulimaadyada Caalamiga ah in ay dalka ka bilaabaan duulimaadyadooda tooska ah maadaama Soomaaliya ay buuxisay sharciyada duulimaadyada caalamiga ah. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo: Waxaa sharaf weyn noo ah inaan dib u hananay Maamulka Hawadeena appeared first on Puntland Post.
  18. 13 qof oo Soomaali ah ayaa meydadkooda laga helay tuulo ku taalla bartamaha dalka Mozambique,sida laga soo xigtay Booliiska degaanka Cheringoma. Dadkaan ayaa la rumaysanyahay in lagu soo qariyey qaybta dambe ee gaari nooca xamuulka ah,si tahriib ahaan ah,islamarkaana ay ku neef-qabatimeen halkaasoo ay ku jireen muddo saacado badan ah. Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in meydadka laga helay goob qashin-qub ah oo qiyaastii 200 mitir u jirta saldhig booliis oo ku yaal degaanka Cheringoma ee ka tirsan gobolka Sofala. Dowladda Mozambique waxay sheegtay in baadhitaan socdo laakiin ma bixin wax tafaasiil ah. Wixii ka soo kordha kala soco:Puntlandpost.net The post Soomaali meydadkooda laga helay dalka Mozambique appeared first on Puntland Post.
  19. Waxaa Xaalad deganaansho ah laga dareemay maalmihii lasoo dhaafay deegaanadii ay Colaadu ku dhexmartay Beelaha Mudug iyo Sool, Waxaana halkaasi hada gaadhay Eryooin kala duwan oo doonaya inay ka qayb qaataan Nabadaynta. HALKAN KA DAAWO VIDEO
  20. Captain Abdi Mohamed Rodol, the newly appointed Director of the Somaliland Civil Aviation Authority The Republic of Somaliland called on ICAO and other relevant UN agencies to intervene in Somalia’s projected takeover of Somalia takeover of what the latter terms as “Somalia airspace’ which includes that of Somaliland. Captain Abdi Mohamed Rodol, the newly appointed Director of the Somaliland Civil Aviation Authority, fielding questions from the local press on the issue, stated that Somaliland will in no way or form accept management of its airspace from Mogadishu. “Somalia has violated the Istanbul I and Istanbul II provisos on airspace and the continuation of Somalia-Somaliland talks as equal partners,” he said. He continued to add that with or without international recognition, the Republic of Somaliland had an inalienable right to control its airspace. “Somalia has a right to celebrate a takeover of its airspace. That right does not extend to our airspace,” he said. Mr. Rodol said the United Nation’s International Civil Aviation Office (ICAO) was, to them, still the only caretaker of the so-called ‘Somalia’ airspace it administered since the collapse of the central government of the Siyad Barre regime in 1991. Mr. Rodol, reading his statement from a paper, was, however, neither convincing nor authoritative enough to quell the growing concerns of Somalilanders that the right to their airspace had long changed hands in favor of Somalia. Aviation Ministers of the previous government had always made lulling statements assuring the nation that Somaliland was well on top of its grip on its airspace. They, same as the new Director, never said anything about taking the issue up with ICAO or contesting the takeover in international legal channels based on the internationally-chaperoned talks between Somaliland and Somalia on common issues. Today, Somalia went live on the official inauguration of equipment and services giving it the edge to fully control Somalia/Somaliland airspace and consequent revenues. There is a lot Somaliland can do to prevent FISS office relocating to Mogadishu as planned. The new Somaliland government has time enough to make the right moves yet. Bringing culpable officials – past or present – who may have given Mogadishu the green signal to account and the removal of collaborators and incompetent officials from positions of authority in aviation can be a welcome starting point. Clearly, the new Director of Somaliland Aviation has proven to Somaliland, today, that he is not the right person for the task at hand at this crucial turning point. Below is a scything comment made by a Somaliland on Facebook, today, following Mr. Rodol’s bumbling responses to the press: Somtribune
  21. MOGADISHU, Dec. 28 — The Somali government on Thursday announced that it has officially regained control and management of its airspace after 27 years being run by the United Nations International Civil Aviation Organization (ICAO) regional office in Nairobi. Somali President Mohamed Abdulahi Farmajo officially inaugurated the offices and equipment installed at Mogadishu International Airport on Thursday and said that the move represents a significant step towards the development of the country. “It is a great honor for us to witness this historic day that we retake control and management of our airspace. This did not come simply and luckily, but through hard work,” Farmajo said. He thanked the officials of the Ministry of Transport and Civil Aviation for their efforts as well as ICAO which has been running the airport. He added that taking over the running of Somalia’s airspace is part of his government’s commitment to restore important public services. Somali Minister of Transport and Civil Aviation, Mohamed Abdulahi Salad, said that all equipment for the control of the airspace is ready and secure with its staff who are currently based in Kenya’s capital city of Nairobi. Salad thanked all those who have played a role in the return of Somalia’s airspace control back to local oversight. He added that the government has also reestablished direct flights between Mogadishu and Nairobi, which previously required a stopover in Wajir in North East Kenya for security reasons. Xinhua
  22. The post Daawo Muuqaal Madaxwaynaha Puntland oo Kormeeray Xarumaha Dawladda Wadooyina Xarigga Ka Jaray Magaalada Gaalkacayo appeared first on Puntland Post.
  23. The Somali government on Thursday announced that it has officially regained control and management of its airspace after 27 years being run by the United Nations International Civil Aviation Organisation (ICAO) regional office in Nairobi. Somali President Mohamed Abdulahi Farmajo on Thursday officially inaugurated the offices and equipment installed at Mogadishu International Airport and said that the move represents a significant step towards the development of the country, Xinhua reported. “It is a great honour for us to witness this historic day that we retake control and management of our airspace. This did not come simply and luckily, but through hard work,” Farmajo said. He thanked the officials of the Ministry of Transport and Civil Aviation for their efforts as well as ICAO which has been running the airport. He added that taking over the running of Somalia’s airspace is part of his government’s commitment to restore important public services. Somali Minister of Transport and Civil Aviation, Mohamed Abdulahi Salad, said the government has also re-established direct flights between Mogadishu and Nairobi, which previously required a stopover in Wajir in North East Kenya for security reasons. The post After 27 years, Somalia regains control of airspace management appeared first on Shabelle. View the full article
  24. The post Dawo Muuqaal Madaxwaynaha Puntland oo Kormeeray Xarumaha Dawladda Wadooyina Xarigga Ka Jaray Magaalada Gaalkacayo. appeared first on Puntland Post.
  25. Muqdisho (PP) ─ Ku-xigeenkii Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Abuukar ayaa xilkii laga qaaday, iyadoo ay kasoo baxayaan warar kala duwan qaabka xilka looga qaaday. Warar hoose ayaa sheegaya in Xeer-ilaaliye ku-xigeenka xilka looga qaaday wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, inkastoo aanay weli warbaahintu helin wareegtada xilka looga qaaday Dr. Abuukar. Sidoo kae, Warar ku dhaw Xeer-ilaaliye ku-xigeenka ayaa sheegaya in xil ka qaadistiisa ay la xiriirto kiiska C/raxmaan C/shakuur oo la sheegay inuu ka hor-yimid qaabka Xeer-ilaalinta ay u wajahday dacwadda lagu soo oogay iyo habkii loo maray xarigiisa. Dhanka kale, Wararka ayaa sheegaya in xilka Xeer-ilaaliye ku-xigeenka loo magacaabay mas’uul kale oo magaciisa lagu soo koobay Muuse Macallin oo markii hore ka mid ahaa ku-xigeennada Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka. Hay’adaha garsoorka dalka ayaa isku khilaafsan kiiska C/raxmaan C/shakuur oo dib ay u furtay Maxkamada racfaanka, isla markaana soo saartay Warqad ay ku mudeysay dhageysiga Dacwadiisa, kaddib markii Xeer-ilaalinta ay sheegtay inay racfaan ka qaadatay. Ugu dambeyn, Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa 21-kii bishan sii daysay C/raxmaan C/shakuur, kaddib markii Ciidamada Amniga ay 17-kii bishan ka soo xireen gurigiisa weerar ay ku qaadeen oo lagu dilay ilaaladiisa, waxaana qaraar ay soo saartay Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku diiday in wax racfaan laga qaato kaddib markii maxkamadu sheegtay inaan loo marin hab sharci ah. PUNTLAND POST The post Xeer-ilaaliye ku xigeenkii Dalka oo shaqada looga eryay Arrin la xiriirta Kiis Dacwadeed appeared first on Puntland Post.