-
Content Count
205,997 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kadib markii shalay Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka uu muddeeyay Xilliga rasmi ah ee la qaadayo mooshinka ka yaala Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa bilawday guux badan oo ku aadan sida Guddoomiye Jawaari uga badbaadi karo Mooshinkaas. Qaar ka mid ah Xildhibaanada ku aragtida ah Guddoomiye Jawaari ayaa rajo xumo ka muujiyay mustaqalka Guddoomiyaha mooshinka laga keenay, waxa ayna u sheegeen in xaalku uu adkaan karo oo ay macquul tahay in uu codka kalsoonida waayo Jawaari marka uu Sabtiga hortago Xildhibaanada Golaha Shacabka. Wararkii ugu dambeeyey ee ku saabsan Mooshinka ayaa sheegaya in Xalay ay kulan Xasaasi ah yeesheen Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaanada Qabyo oo uu hoggaaminayay Xildhibaan Faarax Sheikh C/qaadir waxaana wehlinayeen ilaa toban kale. Xildhibaanada Qabyo ayaa horey Guddoomiye Jawaari ugu kalsooni galiyay in ay difaaci doonaan balse xalay Ajandaha ayaa kaas ka duwanaa, waxaana ay usoo jeediyeen in ka hadlo warbaahinta oo uu ka hor yimaado in uu Baarlamaanka hortago 31 March, waxa ayna u caddeeyeen haddii uu go’aankaas qaadan waayo in aysan difaac u noqon Karin oo uu Xilkiisa wayn doono. Guddoomiye Jawaari hadda waxaa u banaan in uu u hoggaansamo sharciga oo uu Sabtiga soo xaadiro iyo in uu ka hor yimaado oo uu qaato talada Xildhibaanada Xalay u tagay siiyeen, waxaana isha lagu hayaa kulanka afar Maalin kadib qabsoomi doona. Saacadihii ugu dambeeyey waxaa Magaalada Muqdisho kusoo qulqalayay Xildhibaano badan oo fasax uga maqnaa dalka kuwaas oo doonaya in ay ka qeybgalaan kulanka Baarlamaanka ee 31 Marso ee lagu qaadi doono Mooshinka in kabadan 100 Xildhibaan ay ka keeneen Guddoomiyaha Baarlamaanka.
-
Muqdisho (PP) ─ Dowladda Somalia ayaa sheegtay in la joojiyay dhismihii darbigii ay Dowladda Kenya ka dhisaysay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, gaar ahaan xadka ay Somalia kala wadaagto degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somalia aya lgu xusay in la joojiyay dhismihii darbigaas, kaddib markii uu wadahadal taleefoonka ah ay wada-yeesheen labada madaxweyne ee Somalia iyo Kenya. War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Somalia Farmaajo uu saddex xilli oo kala duwan uu Madaxweynaha Kenya kala hadlay arrinta darbiga, ayna isku af-garteen in la joojiyo dhismaha darbiga ay Kenya ka dhisayso inta dhexeysa Madheera, Kenya iyo Balad-xaawo, Soomaaliya. Ugu dambeyn, Qoraalkan ayaa soo baxay xilli ay arrinta darbigan dhalisay buuq weyn, iyadoo shacabka ku nool degmada Balad-xaawo ay sheegeen in guryahooda oo ku yaalla Soomaaliya ay la wareegtay Kenya, ayna ku dartay xadkeeda. AKHRISO: War-saxaafadeedka kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya; PUNTLAND POST The post AKHRISO: Somalia iyo Kenya oo isku af-gartay in la joojiyo darbiga laga dhisayo Xuduudda appeared first on Puntland Post.
-
NAIROBI, March 26 (Xinhua) -- The UN refugee agency said on Monday that it has repatriated some 78,088 Somali refugees from Kenya as at Feb. 28 since the voluntary return exercise begun in December, 2014. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho waxaa maanta ku kulmay koox xildhibaano ah oo sheegtay iney dhex dhexaad ka yihiin is qab qabsiga Baarlamanka Somalia.Kooxdan oo la baxday Badbaadada Baarlamanka, waxey dhaleeceysay warsaxaafadeedkii uu shalay soo saaray gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamanka C/wali Ibraahin Shiikh Muudey. Waa tuma kooxdan? ——————————— Xildhibaanadan oo 30 xubnood gaaraya waxaa hor boodaya Ra’iisul wasaare kuxigeenkii hore ee Somalia Maxamed Cumar Carte Qaalib, waa qeyb ka mid ah kooxdii itaal jabtay ee Qabyo oo hada ay fursad uga dhex caraftay khilaafka Baarlamanka. Xogogaalnimadu waxey sheegeysa in Ragga maanta kulmay ay yihiin dhamaantood xildhibaanada uu ku dagaal galaayo Prof Jawaari , waxey dhagta ugu sheegeen iney difaaci doonaan. Shalay labbo qoraal ayaa kasoo kala baxday labadda gudooniye kuxigeen ee Baarlamanka oo dabcan u muuqday weerar iyo difaac. Markii aad maqasho koox dhex dhexaad ah oo hadleysa waxaad sugeysa iney labadda darafba qaladkooda u sheegaan ama ay baaq u diraan , laakiin taasi ma dhicin, xildhibaanada maanta Muqdisho ku shiray waxey weerar aan loo meel dayin ku qaadeen gudoomiye kuxigeenka koowaad Cabdiwali Ibraahim Shiikh Muudey, waxa qura ee durba kugu soo dhacay waa iney yihiin garabka Jawaari. Dadka aadka ula socda loolanka ka dhex jira Baarlamanka waxey sheegayaan inuusan jirin xildhibaan dhex dhexaad ah oo Muqdisho ku sugan. Maxaa ku qasbay iney is qariyan ? —————————————- Ilo xogogaal ah waxey sheegayaan inuu jiro culees xoogan oo soo fuulay xildhibaanada difaacaya gudoomiye Jawaari, markii laga watay ku dhowaad 50 xubnood oo ay rag fir fircoon ku jireen. Maalmo ka hor, xildhibaanada taageersan gudoomiyaha hogaamintiisa muranka la galiyay, waxey ku doodayeen waqti haloo qabto xiliga codeynta iyo halasoo dedejiyo, hadda waxaa Muudey lagu heystaa maxaa waqti ugu qabatay xiliga codeynta, halkaas waxaa ka cad sida uu yahay xaalka gudoomiye Jawaari iyo kooxdiisa. Ujeeddada Maxamed Cumar Carte. ———————————– Maxamed Cumar Carte Qaalib wuxuu ku jiray dagaal nuuc walbo ah tan iyo markii uu ku hungoobay damiciisii ahaa inuu markale noqdo Ra’iisul wasaare kuxigeenka Somalia. Dadka aadka ula socda siyaasadiisa ayaa sheegaya inuu isku duwanaayo tiro xildhibaano ah oo u badan kuwa Waqooyi, si uu gor gortan ula galo madaxda Villa Somalia, hadafkiisa ugu weyn waa inuu markale noqdo Ra’iisul wasaare kuxigeen. Waxaa Qoray, Cabdulaahi Cismaan Faarax Raafac22@gmail.com
-
President Trump promised to stop Syrian refugees from coming to the U.S. And he largely has, along with refugees from other Muslim-majority countries including Somalia, Iraq and Iran. The dramatic drop in resettlements means big changes for the makeup of refugees nationally and in Washington state. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) ayaa ku amray dhammaan hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee ka hawlgala degaannada Puntland in ay bixiyaan canshuurta ku waajibtay,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland. Madaxweyne Gaas oo maanta guddoomiyay shir ku saabsan la-xisaabtanka hay’daha ka hawgala degaannada Puntland, ayaa sheegay in aan cidna lagu dhaafayn canshuurta sida uu qabo sharciga iyo waajibaadka canshuur-qaadista ee dowladda Puntland. In ka badan 26 hay’adood oo caalami ah ayaa ka hawlgala guud ahaan degaannada Puntland,kuwaasoo la shaqeeya Wasaaradaha dowladda iyo ururrada bulshada rayidka,sidoo kale in ka badan 600 oo hay’ado maxalli ah ayaa ka hawlgala degmooyinka iyo gobolada Puntland,waxaana dowladdu sheegtay in 50 hay’adood oo keliyah ay si sharci ah u shaqeeyaan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Gaas oo hay’adaha Puntland ka hawlgala ku amray in ay canshuurta bixiyaan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qayb galay kulanka dib-u-heshiisiinta beelo ay codlaadi ku dhexmartay degmada Marka ee Shabeellaha Hoose, waxaana lagu soo bandhigay geeddi-socodka nabadda ee degmada Marka, iyada oo laga soo saaray todobo qodob ay ku heshiiyeen labada dhinac. Shirkan oo ay daadihinayso Xukuumadda Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Madaxwaynaha Maamulka Koon-fur Galbeed, Xildhibaanada labada Aqal, Dhammaan waxgarad matalaya beelaha wax kala tirsanaya iyo Bulshada degan gobolka Shabeellada Hoose oo taageersan heshiiskan. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay shirkan dib-u-heshiinta ah ee lagu nabaddeenayo walaalaha ay dhibtu kala gaartay, waxuuna tilmaamay in ay shacabka Soomaaliyeed u diyaarsan yihiin nabadaynta dalka iyo in laga heshiiyo waxkasta oo laga dhexalay bur-burkii dawladnimo. “Soomaaliya waa dal ay ku nool yihiin Bulsho isku-Af , Dhaqan iyo Diin ah, taasina waxay inoo fududaynaysaa in aan ka gudubno caqabadaha noo diidan in aan noqono Bulsho ku nool dhul ay ka jirto amni iyo nabad dadyowga caalamkuna uu ku daydo,” ayuu yiri Khayre. Isagoo sii hadlaya ayuu yiri: “Nabaduna waa mida aan anaggu samaysano sidaas owgeed waa in aan aqbalnaa codsiga ay noo soo bandhigayn dadkii dushooda lagu dagaalamay, si ay qalbiyadeenu iskugu furmaan. Taasina waxay noqonaysaa midii midayn lahayd Soomaaliya oo dhan.” Mudane Khayre ayaa faray Odayaasha dhaqan, Siyasiinta iyo bulshada ka soo jeeda gobolka Shabeelaha Hoose in ay meel uga soo wada jeestaan nabadaynta maanta ka bilaamatay gobolkooda, kuna dadaalaan meel-mirinteeda, waxuuna u mahed-celiyay cid walba oo ka qayb qaadatay dib-u-heshiisiintan. Ugu dambeyn, Guddoomiya Aqalka Sare ee Somalia Cabdi Xaashi C/llaahi oo ka sheekeeyay taariikhda iyo khayraadka uu leeyahay gobolka, ayaa xubnihii kasoo qayb galayaasha u soo jeediyay in au u xusul duubtaan sidii ay u xoojin lahaayeen heshiiska ay maanta gaarayn, sidoo kalen ay ka fekeraan mustaqbalka ubadkooda. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo Furay Shir looga Hadlayo Colaadihii ka Dhacay Marko appeared first on Puntland Post.
-
Boosaaso-(Caasimadda Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in rag ku hubeysan bistoolado ay bartamaha magaaladaasi ku dileen askari ka tirsan sirdoonka Puntland. Dilkaan ayaa wuxuu ka dhacay Bartamaha Magaalada Boosaaso, kadib markii dabley hubaysan qaybaha sare ee jirka ay ka toogteen Shiine Maxamed oo ah Sarkaal ka tirsan ciidanka Puntland. Sarkaalka la dilay ayaa la shaqeynaayay ciidanka Sirdoonka Puntland, waxaana masuuliyadda dilkiisa sheegtay Al Shabaab oo dilal qorsheysan ka gaysato Magaalada Boosaaso iyo deeganada Puntland. mararbadan ayaa Boosaaso waxaa ka dhacay dilal noocaan oo kale ah iyo qaraxyo Shabaab iyo Daacish ay sheegteen masuuliyadooda. Ciidamada Puntland oo gaaray halka uu dilkan ka dhacay ayaa weli wada howlgallo ay ku baadigoobayaan ragga falkaasi ka dambeeyay. Ammaanka Boosaaso ayaa maalmihii ugu dambeeyay soo hagaagayey, iyadoo marar badan ay dilal sidan oo kale ah ka dhaceen. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso Caasimada@live.com
-
Mogadishu (HOL) - Somali Parliament Speaker, Mohamed Osman Jawari has dismissed a move to table a motion that would see the speaker ousted from office, sparking a new political crisis within the Somali parliament. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (HOL) - Delegates from Somalia and Kenya are scheduled to start talks over border dispute on Tuesday in Nairobi. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho-(Caasimadda Online)-wararka laga helayo Villa Hargeisa ayaa sheegaya in ay halkaasi kushirayaan Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka. xilibaanadaan oo isku magacaabay gudiga bad-baadada Golaha shacabka ayaa hadda shir kuleh Villa Hargeisa ayaa guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha Cabdiweli Muudeey ku eedeeyay in uu la saftay Xildhibaanada Mooshinka ka wada Gudoomiye Jawaari. waxa ay xilibaanadaan uga digeen xukuumadda Xasan Cali Kheyre in ay joojiyaan carqaladda ay ku heyso golaha shacabka. Xildhibaannadan oo shir jaraa’id qabtay ayaa sidoo kale xukuumadda Xasan Kheyre uga digay Gudiga bad-baadada Golaha shacabka ayaa tiradooda ku sheegay in ay gaarayaan ilaa 100 Xildhibaan iyaga oo sheegay in ay u soo baxeen badbaadinta golaha shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xudur-(Caasimadda Online)-wararka laga helayo Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in uu halkaasi gaaray Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur. Abuu Mansuur oo Maanta gaaraya Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa siweyn loogu soo dhaweeyey halkaas . Muqtaar Rooboow oo Gobolada Baay iyo Bakool ka wada abaabulka dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ayaa degmada Xudur waxa uu kulan kula qaatay waxgaradka degmadas isaga oo kala hadlay sidii loogu taageeri lahaa dagaalkaas. Roobow oo ay Ciidamo farabadan ka joogan Gobolka Bakool ayaa tan iyo markii uu u soo goostay dhanka dowladda waxa uu waday abaabul dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab waxaana la sheegay in Ciidamadiisa iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ay wada qaadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Shabaab. Safarka uu Muqtaar Roobow Maanta ku tegay Degmada Xudur ayaa waxaa ku wehlinaya Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed oo mar soo noqday gudoomiyaha Gobolka Baay. Madaxda ugu sareysa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya weli kama hadlin booqashada degmada Xudur ee Muqtaar Rooboow waxana xusid mudan uu uu horay dhowr mar u tegay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay. Caasimada Online Xafiiska Xudur Caasimada@live.com
-
Shir ku saabsan heerka fulinta ee uu marayo qorshaha horumarineed ee degmooyinka iyo gobollada Puntland oo ay soo qaban-qaabisay dalladda ay ku midaysan yihii ururrada bulshada rayid ah ee PUNSAA ayaa maanta lagu soo geba-gabeeyay caasimadda dowladda Puntland ee Garoowe. Shirkaan oo mudda laba maalmood ah socday ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka socday Wasaaradaha Qorshaynta iyo Arrimaha gudaha ee dowladda Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka,waxaana intii shirkaan socday laga soo jeediyay su’aalo la xiriira qorshaha horumarineed ee degaannada Puntland,iyadoo madaxdii ka socotay wasaaradaha ay ka jawaabeen su’aalihii ay weydiiyeen qeybaha kala duwan ee bulshadii shirka ka soo qeybgashay. War-murtiyeed ka soo baxay geba-gabadii shirkaan ayaa laga soo jeediyay talooyin ku saabsan fulinta qorshaha horumarineed ee degaannada Puntland,waxaana dowladda loogu baaqay in ay samayso hab midaysan oo ay ku wada-shaqeyn karaan bulshada rayidka ah iyo dowladda,si dadweynaha loogu soo bandhigo heerka fulinta mashaariicda horumarineed ee degaannada Puntland. Guddoomiye ku xigeenka dalladda ay ku midaysan yihii ururrada bulshada rayid ah ee PUNSAA,Mustafe Cabdullaahi Cabdi ayaa geba-gabadii shirkaan ka hadlay ayaa sheegay in marwalba ay muhiimtahay in dowladdu bulshada la wadaagto sida loo fuliyay mashaariicda horumarineed ee ka socda degaannada Puntland. War-murtiyeedkaan ayaa waxaa Saxaafadda u akhriyay saalim Daahir Yuusuf oo ka tirsan PUNSAA. Halkaan ka daawo shirka. Hoos ka eeg sawirrada. PUNTLAND POST The post Shir ku saabsan fulinta qorshaha horumarineed ee Puntland oo Garoowe lagu soo xiray. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho-(Caasimadda Online)-Magaalada Muqdisho, waxaa ka socda Shir dib uheshiisiineed oo la doonayo in Xal loogu helo Dagaaladii ku soo noqnoqday Magaalada Marka ee Gobolka Sh.Hoose. Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ah Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre,Guddoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi,madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan,Xildhibaano iyo Odayaal dhaqameed ka soo jeeda magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Magaalada Marka ayaa saddexdii sano ee la soo dhaafay aheyd xaaladeeda mid qasan oo ay hareeyeen colaado soo noq-noqday, waxaana burburay heshiisyo horay looga gaaray colaadaas. Waxaana ujeedka ugu muhiimsan ee shirka uu yahay sidii dib u heshiisiin rasmi ah loo kala dhex dhigi lahaa Beelaha dega degmadaasi. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii dib u heshiisiin rasmi ah loo kala dhex dhigi lahaa Beelaha Soomaaliyeed ee dagaalada kala geeyeen si nabad ay ugu wada noolaadaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Sida ay sheegayaan wararka laga deegaan lagu magaacabo Hermanus oo ku yaalla dalka Koonfur Afrika, ayaa sheegaya in dadka deegaankaas ay boob iyo dhac xooggan u geysteen dukaamo ganacsi oo ay leeyihiin Soomaali iyo dad kale oo Ajaanib ah. Goobjoogayaal ku sugan deegaanka ay dhibaatadani ka dhacday ayaa kusoo warramaya iyo xaaladdu ay kacsan tahay, sidoo kalena ay ciidammo badan oo booliis ah goobahaas gaareen, inkastoo ay awoodi la’yihiin inay wax ka qabtaan. “Xaaladda deegaanka way kacsan tahay, xalay ayay dadweynaha ku dhaqan deegaankaas waxay billaabeen inay boobaab dukaammo ganacsi oo Somali iyo Ajaanib kale ay leeyihiin, kuwo kalena ay dad qabadsiiyeen,” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada Soomaalida ah ee ganacsiga ku haysta deegaanka ay rabshaduhu ka dhacayaan. Sidoo kale, ganacsdadahan ayaa u sheegay warfidiyeenka in dhibaatadani ay ka dhalatay markii dadka deegaanku ay sheegeen inaysan haysan guryo ay ku noolaadaan, taasina ay keentay inay ku qamaamaan ganacsiga Ajaanibtu ay ku leeyihiin deegaankaas. Dhanka kale, waxaa jira cabsi xoog leh kaddib markii dadka deegaanku ay ku goodiyeen inay guryhooda ku weerari doonaan ajaanibta ganacsiyada ku leh deegaankaas, iyadoo ajaanibta ay Soomaalidu ka mid tahay ay qaar ka mid ah ka cararayaan deegaanka. Hermanus oo ka tirsan gobolka Western-cape ee Koonfur Afrika ayaa waxaa ganacsiyo badan ku leh Soomaalida iyo ajnabiga kale ee dalkaas ku nool, iyadoo dhawr jeer oo hore dhibaatooyin isugu jira dhac, dilal iyo sidoo kale dhaawacyo ugu geysteen dadka deegaankaas ku nool. Ugu dambeyn, Lama soo sheegin wax khasaare nafeed ah oo rabshadahaan lagu boobay ganacsiyada qaarkoodna lagu gubay ay geysteen, sidoo kalena lama oga qiyaasta khasaaraha hantiyeed ee rabshadahan ay geysteen. PUNTLAND POST The post Dukaamo ay Somali iyo Ajaanib kale leeyihiin oo loogu boobay Waddanka Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.
-
Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP ayaa maantay ku dhawaaqay guddiga sare ee warbaahinta Puntland oo ku cad xeerka Warbaahinta Puntland. Guddigaan oo lagu ansixiyey xeerka warbaahinta Puntland ayaa ka kooban 7 xubnood oo ka kala yimid Dowladda,MAP,Ururada Bulshada rayidka ah,khabiire saxaafadeed iyo qareenada Puntland. Guddigaan ayey shaqadoodu noqonaysaa inay kaarka wariyanimada siiyaan Suxufiyiinta,Diinwaan galintooda,sidookalana waxaa uu noqonayaa guddi u dhexeeya warbaahinta iyo dowladda. Hoos Ka Daawo Muuqaalka. Puntlandi.com
-
Baladxaawo-(Caasimadda Online)-Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa guddi iska soo dhex magacaabay si ay ugu wada hadlaan Xiisadaha ka taagaan Magaalada Baladxaawo ee Gobolka Gedo. Maamulka Gobolka Gedo ayaa shaaciyey in dowladda Soomaaliya iyo dowladda Kenya ay dhawaan ka wada hadli doonaan xiisada ka taagan Magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo si xiisadaas ay u istaagto. Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxumed Maxamed Aadan oo Shir Jaraa’id Warbaahinta u qabtay ayaa sheegay in dadaal ay sameysay dowladda Federaalka Soomaaliya ay Kenya ku hakineyso dhismaah darbiga. “Waxaan xaqiijineynaa in shirka la isugu imaan doono 27ka bisha, ka horna la joojiyey dhismihii darbiga. Waxaan rajeynaynaa in xal waara aan ka gaarno arrinkan saameynta badan ku yeeshay nolasha bulshada magaalooyinka Balad Xaawo iyo Mandera.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Gedo. Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay isaga u wakiilatay in kulankaas uu uga qeyb galo,isla markaana Shacabka Soomaaliyeed ay kulankaas ka warsugaan,uuna rajeynayo in xiisada ka taagan Balad Xaawo xal laga gaaro. 27 Bishaan oo kulanka loo balamay ayaa ku beegan Talaadada Berito ah,waxana Shacabka Soomaaliyeed ay ka warsugaayan go’aanka ka soo baxa kulankaas,iyada oo Maamulka gobolka Gedo uu sheegayo in Kenya darbigii ay dhisli laheyd ay hakisay. Guddoomiye Maxamed ayaa ku bogaadiyey bulshada Balad Xaawo sida ay u garab istaageen dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xal u helista khilaafka ka taagan xadka Soomaaliya iyo Kenya. Xaaladda magaalada Balad Xaawo ayaa maanta degan sida ay xaqiijiyeen dadka kudhaqan magaalada oo maalmihii u danbeyay ay ka socdeen kacdoon shacab oo lagaga soo horjeeday darbiga dowladda Kenya ka dhisayso xadka labada dal. Caasimada Online Xafiiska Baladxaawo Caasimada@live.com
-
Wararka uu Puntlandi ka helayo magaalada Muqdisho ee xarunta gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in labo qarax ay ka dhaceen saakay, kuwaas oo ka kala dhacay degmada Dayniile iyo laamiga Warshadaha, waxaana qaraxyadan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Sida aan wararka ku helnay, waxaa Qaraxa koowaad ku geeriyooday Cabdi Fitaax Bile Macalin oo masuul ka ahaa xaafad katirsan Deyniile iyo qof kale oo shacab ah, kadib markii gaari uu la socday lala eegtay Qarax miinada dhulka lagu aaso. Qaraxan ayaa sidoo kale la sheegay in ay ku dhaawacmeen saddex qof oo kale oo labo kamid ah ahaayeen ilaalada masuul la dilay. Qaraxa labaad ayaa ka dhacay Laamiga Warshadaha gaar ahaan meel ku dhaw Jaamacada Simad, qaraxan ayaa la sheegay in uu ka dhacay meel cidlo ah wax khasaaro ahna uusan geesan. Qaraxyada ayaa maalmihii lasoo dhaafay kusoo badanayay magaalada Muqdisho, shalay ayeyna aheyd markii qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay Isgooska Sayidka ee magaalada Muqdisho. Puntlandi.com
-
ADDIS ABABA, Ethiopia (AP) — Ethiopian security forces have re-arrested a number of recently freed politicians and journalists as they gathered for a social event outside the capital, Addis Ababa, with family and friends, a lawyer said Monday. Amha Mekonnen has represented a number of the detainees. The lawyer told the Associated Press the arrests Sunday afternoon occurred because they were accused of displaying a prohibited national flag. “I also understand they were accused of gathering en masse in violation of the state of emergency rule.” Under Ethiopia’s latest state of emergency declared earlier this year, people are prohibited from such gatherings without authorities’ prior knowledge. A proclamation regarding the use of the Ethiopian flag prohibits the display of the flag without the emblem at its center and those contravening the law could be sentenced to up to a year and a half in prison. Among those arrested are journalists Eskinder Nega and Temesgen Desalegn, politician Andualem Aragie and prominent blogger Befekadu Hailu. Government officials were not immediately available for comment. In a surprise move early this year, Ethiopia’s Prime Minister Hailemariam Desalegn announced that members of political parties and other individuals would be released from prison in an effort to open up the political space for all after months of the worst anti-government protests in a quarter-century. Several dozen journalists, politicians, activists and others arrested under a previous state of emergency were freed. Since then, however, the prime minister announced his plans to resign, and Ethiopia introduced a state of emergency for the second time in two years. A new prime minister is expected to be installed by the ruling coalition in the coming days. Ethiopia is one of Africa’s most prominent economies, Africa’s second most populous country and a key security ally of the West but is often accused by rights groups and opposition groups of stifling dissent and arresting opposition party members, journalists, activists and bloggers.
-
Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Kenyatta ayaa isku afgartay in xal laga gaaro muranka ka dhashay darbiga Kenya ay ka dhiseyso xadka u dhaxeeya Labada dal. Warsidaha Puntlandi oo soo xiganaya ilo diblumaasiyeed ayaa ogaaday in maalinta berito shir la isugu imaan doono lana joojiyey dhismihii darbiga ee ka socday Baladxaawo, sida ay isku afgarteen labada madaxweyne oo qadka taleefonka kuwada xidhiidhay Labada madaxweyne ayaa guddi gaar ah u xilsaaray arintaan. Xaaladda magaalada Balad Xaawo ayaa maanta degan sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ku ah gudaha magaalada oo maalmihii u danbeysay ay ka socdeen mudaharaad lagu diidanaa darbiga dowladda Kenya ka dhisayso xadka labada dal. Puntlandi.com
-
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Isgaarsiinta Hiddaha iyo Dhaqanka dowladda Puntland,Cabdi Xirsi Cali(Qarjab) oo maanta hadal ka jeediyay munaasabad lagu qabtay magaalada Garoowe ayaa ka digay in ereyga”madax-bannaani” si qaldan loo adeegsado. Wasiirka ayaa sheegay in aysan jirin cid ka madax-bannaan Sharciga iyo Diinta oo wax walba sameyn karta,isagoo ka digay in kelmadda si qaldan dalka loogu dhibaateeyo”Kelmaddaan horta madax-bannaanidu, dhibaato badan bay dalka u keentay. Aniga Cabdi Xisir ah haddaan iraahdo waa madax-bannaanahay,ma madax-bannaani,cid madax-bannaanna ma jirto,sharciga Ilaahayna qofka ma madax-banneyn”,ayuu yiri Qarjab. Mudaane.Qarjab ayaa sidoo kale sheegay in cid kasta u baahantahay sharci haga oo wixii qaldan ka qabta,haddii taasi la waayana ay umaddu la mid noqonayso sida xoola,islamarkaana noloshooda ay jiho la’aan ku soconayso. Halkaan ka daawo Qarjab. PUNTLAND POST The post Wasiir Qarjab”Cid madax-bannaani ma jirto”. appeared first on Puntland Post.