Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,125
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiga joogtada ee golaha shacabka oo uu hogaaminayo guddoomiyaha Golaha shacabka Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa ku gacan-sayray soo jeedintii Axmed Cali Daahir ee la xiriirtay in laba xildhibaan xasaanaada lagala noqdo. Kulan ay maanta muqdisho ku yeeshayn Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka ayaa lagu soo saaray qoraal ay kaga hadlayaan Dalabka kaga yimid Xeer-ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir. The post Akhriso-:Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo ka soo horjeestay dalab uga yimid Xeer-ilaaliyaha Qaranka appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (PP) ─ Kulankii Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia, ayaa maanta looga hadlay weerarkii lagu qaaday Guriga Cabdi Xasan Cawaale [Qaybdiid] oo ka tirsan golahaas. Waxaa kulanka lagu dalbaday faahfaahin ku saabsan sida ay ku dhacday arrinta lagu weeraray guriga Cabdi Qaybdiid iyo cidda ka dambeysay, waxayna ku doodeen inaan lagu qanci karin in 40 askari oo loo soo xir-xiray weerarkaas. Qoraalo lagu baahiyay baraha bulshada ee ay isticmaalaan warbaahinta qaar ka mid ah ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha Aqlka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/llaahi uu dalbaday in la joojiyo mashaariicda ay Imaaraadka carabtu ka wadaan Soomaaliya. Sidoo kale, Aqalka sare ee Baarlamaanka ayaa u yeeray inay Golahaas ay hor-yimaadaan Wasiirrada Amniga iyo Gaashaandhigga Somalia Maxamed Abuukar Isloow iyo Mursal Maxamed Sheekh C/raxmaan. Wasiirradan ayaa lagu wadaa in su’aalo laga weydiiyo weerarkii shalay lagu qaaday guriga Sen. Cabdi Qaybdiid oo ka tisran Aqalka Sare ee Baarlamanka Somalia, isla markaana ah guddoomiyaha guddiga dastuurka ee labada aqal ee baarlamaanka Somalia. Dhanka kale, Aqalka Sare ayaa u yeeray Taliyaha ciidamada Xoogga dalka si wax looga weydiiyo wixii ka dhacay guriga Cabdi Qeybdiid, kaasoo loo xiray tiro ka mid ah ciidamada Soomaaliya iyo sarkaal ka tisran Nabadsugidda DF. Ugu dambeyn, Guriga Cabdi Qaybdiid ayaa shalay waxaa weeraray ciidamo la sheegay inay ka tirsan yihiin kuwii ay tababartay Imaaraadka, kuwaasoo la sheegay inay dhibaatoooyin ka geysteen guriga Senator-ka oo murankiisu uu weli socdo. PUNTLAND POST The post Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia oo u yeeray Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhigga appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamadii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday Guriga Senator C/qaybdiid ayaa waxa ay ku xiran yihiin Xabsiga Baarista ee Hay’adda Nabad Suggida Somaliya ku leedahay Madaxtooyadda. Saraakiil ka tirsan Nabad Suggida Somaliya ayaa inoo sheegay in ciidankaan baaris ay ku socoto, islamarkaana xalay ay ku hoyden xarunta Dambi Baarista Ciidanka NISA ee Madaxtooyada ku taal, si halkaasi loogu wareysto. Ciidamada xiran ayaa tiradooda waxa ay gaaraysa 42 askari oo laba ka mid ah yihiin Saraakiishii horkaceysay hawlgalkii lagu galay hoyga C/qaybdiid ee ku yaallo Degmada Hodan. Illaa hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay ciidanka galay guriga C/qaybdiid, laakiin qaar ka mid ah askarta oo siyaabo kala duwan loo wareystay ayaa sheegayay inay ku qaldoomeen hoyga C/qaybdiid. Madaxweynaha Somaliya ayaa amar ku bixiyay in la baaro sababta ciidankan ka tirsan Militariga Somaliya qaybta ay tababaraan Imaaraadka Carabta ay ku galeen guriga C/qaybdiid. Ciidamadan galay guriga C/qaybdiid oo ka tirsan kuwa ay tababaraan Imaaraadka Carabta ayaa waxa ay u tababaran yihiin kumaandooska oo kale, waxaana ay qaataan mushaar ahaan dhaqaale fiican, iyaga oo fuliyay weerarada qorsheysan. Su’aal ayaa ka taagan illaa hadda sababta rasmiga ah ee salka ku hayso weerarkii lagu qaaday hoyga Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo ah Xubin ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Halkee la geeyey ciidamadii iyo saraakiishii weerartay Guriga Cabdi Qeybdiid? appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee dalka, ayaa maanta kulankoodii ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxa ay kaga hadleen weerarkii shalay ciidamo la sheegay inay tababaraan Imaaraadka Carabta ay ku galeen hoyga C/qaybdiid. Xubnaha Aqalka Sare ee dalka ayaa si kulul u cambaareeyay falkaasi ay ku kaceen ciidamada, waxaana ay sheegeen in arintaan ay u baaha tahay isla xisaabtan dhab ah. Golaha Aqalka Sare Xildhibaanadooda, ayaa sheegay arintaan in wax laga waydiin doono Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka iyo Wasiirka amniga Somaliya. Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa aragti mideysan oo cambaareyn ah ka jeediyay falkaasi shalay dhacay, waxayna sheegeen muhiim inay tahay in la qaato masuuliyadda falka dhacay. Ciidamo gaaraya 42 askari ayaa u xiran weerarkii shalay lagu qaaday hoyga C/qaybdiid ee Magaalada Muqdisho, kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya uu amray in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo falkaasi. Dhamaadka sanadkan 2017-ka ayaa waxaa dalka ka dhacay dhacdooyin siyaasadeed oo weli hadal haynteeda dalka ay ka taagan tahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Aqalka sare oo deg deg ugu yeeray Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhigga appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay kulan la qaatay Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo shalay ay gurigiisa weerarreen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Somalia ee Imaaraadku tababarreen. Kulanka ayaa looga hadlay arrinta ka dhacday Guriga Cabdi Qeybdiid iyadoo madaxweyne Farmaajo uu arrintaas uga cudurdaartay Senator Qeybdiid, isagoo sheegay in sharci darro lagula kacay, ciddii ka danbeysayana tallaabo laga qaaday oo sharciga ay wajihi doonaan. Labada dhinac ayaa isla garta in arrinta loo daayo baaritaanka socda, isla markaana meesha laga saaro in qaab siyaasadeed looga faa’iideysto arrintan dhacday, taasoo la isku afgartay. Senator Cabdi Xasan Cawaale ayaa ka dalbaday madaxweynaha in xoogga la saaro sidii loo heli lahaa cidda amarka bixisay ee ka dambeysay weerarka lagu aaday Gurigiisa oo dhibaatada gaartay ay kala weyn tahay in la ogaado sababta iyo cidda amarka bixisay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxaa kasoo baxay kulankii xasaasiga ahaa ee dhex maray Cabdi Qeybdiid iyo Madaxweyne Farmaajo? appeared first on Caasimada Online.
  6. Shirkadda Dalkom Soomaaliya oo horay dalka uga hirgelisey adeegga viber Optiga ayaa waxa ay daahfurtay adeegyo cusub oo baahiyihii tecknoologiyadda SATLET-ka ay uga baahi tirayso shacabka. Dalkom ayaa adeegyada cusub ugu magac dartay DALSAT, wuxuuna adeegaani xallinayaa dhibaatooyinkii teknoolojiyadda ee dibadda loo doonan jirey, sida uu sheegay Maxamed Jaamac oo ah maareeyaha shirkadda Dalkom Soomaaliya DALSAT ayaa waxaa laga heli karaa adeegyada dhinaca teknoolojiyada Satleytka ee dhinaca Internetka sida, Isku xirka xarumaha shirkadaha isgaarsiinta, Jaamacadaha, bangiyada iyo shirkadaha duulimaadyada goboladadalka oo dhan. Waxaa kaloo laga heli karaa adeegyada DALSAT lalinta warbaahinta oo idil gaar ahaan tabinta TV-yada tooska ah. DALSAT waxaa uu shirkadaha Soomaalida ka haqabtirayaa teknoolojiyada KEYDINTA macluumaadka gaarahaan xogaha Jaamacadaha , shirkadaha isgaarsiinta, warbaahinta iyo Bangiyadaba Maareeyaha shirkadda DALKOM Soomaaliya Jaamac ayaa sheegay in adeegyadaan heliddooda dhib lagala kulmi jirey qarash bandanna ku bixi jirey laakiin haatan laga heli karo isagoo jaban dalka gudihiisa. Haddaba ciddii daneyneysa in ay si fudud u hesho INTERNE, si fududna u laliso warar amaba daneyneysa isku xirka xarumaha iyo kaydinta macaluumaadka waxay arrimaah oo dhan uga bogan kartaa DALSAT. Waxaa lagala xiriiri karaa: Email: info@dalkomsomalia.com www.dalkomsomalia.com Tel: +25261-7745050 ama +25262-3745050 ama +25269-0745050 PUNTLAND POST The post Shirkadda Dalkom oo daahfurtay adeegyo cusub oo la xiriira baahiyaha Tecknoologiyadda appeared first on Puntland Post.
  7. Wararka naga soo gaaraya Degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada jubbaland ay gacanta ku Dhigeen Waxyaabo Qarxa. Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in qaraxyadaan la doonayay in la galiyo Gudaha Wadanka Kenya. Masuuliyiin katirsan Maamulka Jubbaland ayaa gaaray goobta lagu qabtay waxyaabahaasi Qarxa. Wasiirka Amniga ee Jubbaland oo Baled-Xaawo ku sugan ayaa uga mahad ciliyay ciidamada howlgalkaasi ay ku soo qabteen walxaha qarxa. Al-Shabaab ayaa qaraxyo ka geeysta Gudaha wadanka Kenya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Ciidamada Jubbaland oo Gacanta ku Dhigay Waxyaabaha Qaraxa oo loo waday Gudaha Kenya appeared first on Puntland Post.
  8. Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed ee gobolka Banaadir ayaa war kasoo saaray xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya gaar ahaan dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Siyaasadeed ee ka dhacay magaalada Muqdisho.
  9. Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka guud ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kadib markii amniga magaaladaasi la wareegeen ciidamo isku dhaf ah. Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidamada xogga dalka Jeneraal C/laahi Maxamed Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hadda amniga Gaalkacyo uu wanaagsan yahay, islamarkaana ciidamada ay wadaan howlgallo amni xaqiijin ah. Waxa uu tilmaamay Taliye C/laahi in ciidamada isku dhafka ah ay talaabo ka qaadi doonaan cid walbo oo isku dayday iney dhibaato ka sameyso magaaladaasi. Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa qeyb weyn ka qaadanaya sidii loo xasilin lahaa magaalada Gaalkacyo oo marar badan lagu guul darreystay in amni laga dhigo. Goobjoog News Source
  10. DECEMBER 31, 2017 MOGADISHU (Reuters) – Masked men who appeared to be members of the Somali security forces raided the house of a powerful Somali senator on Saturday, but the government initially said it did not know who they were, fuelling political tensions. Senator Abdi Hassan Awale Qaybdiid is a former militia leader, chief of police, minister and regional head. Now he heads the constitutional committee in parliament and the upper house. The attack on his home underscores the lack of clear lines of command and control within Somali forces as top officials ordered an urgent enquiry into who authorized the raid. The weak, U.N.-backed government is fighting an al-Qaeda linked Islamist insurgency. But the fight has been hampered by its inability to control its fledgling national security forces, largely recruited from clan militias and put through training by other nations. “Government forces broke into my house, they beat the guard with butts and took his gun,” Qaybdiid told reporters at his home on Saturday. “They broke all the doors of my rooms and my cupboards… My wife was in the toilet by then. They broke the toilet while she was inside it.” “Immediately after my house was stormed, the head of Mogadishu’s national security forces called me saying the forces that attacked my house were the military forces trained by the United Arab Emeritus. But an investigation will prove who they were,” Qaybdiid said angrily. The United Arab Emirates (UAE), along with Turkey, Britain, the United States and others have all given Somali soldiers training. A spat between the Gulf states, especially Qatar and the UAE, has fueled political divisions in Somalia. Earlier this month, security forces killed five people in a raid on the home of a powerful opposition leader perceived to be close to the UAE. Officials accused him of trying to overthrow the government. The raid exacerbated tensions between some of Somalia’s powerful clans; the opposition leader was released although a court case against him continues. But the government said it had not ordered Saturday’s raid on Qaybdiid, who is from the same clan as the opposition leader. Somalia’s military commander, General Abdiweli Jama Gorod, said he had ordered an urgent investigation. “The entire government is disappointed. It was not something that was expected. We believe the forces and those who ordered them had ulterior motives,” he said. “I assure you that those who were behind the attack will be found and punished.” Witness Mohamed Nur told Reuters, “The forces that went into the senator’s house had dark greenish uniform and masks of the same color. They were many. As they went in, six pickups blocked the nearby alleys…there was no gunfire. The six pickups looked new but I could not make out which type of government soldiers they were.” Two security sources later told Reuters that 40 soldiers who had been trained by the UAE had been arrested for the attack. One source said two intelligence officials were also arrested. The soldiers’ arrests were also reported on a government-run website, although without attribution. Writing by Katharine Houreld; Editing by Stephen Powell
  11. Aqalka sare ayaa kulankiisa maanta ogolaaday in uu madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah Maxamed Cabdullahi Farmaajo saxiixo miisaaniyadda 2018-ka. Golaha aqalka sare ayaa u codeeyay in madaxweynuhu saxiixo miisaaniyadda qaranka 2018 kadib markii guddoonka golaha ka codsaday in arrintaasi sharci u lahaanshiyahooda oo aan cadeyn iyo xaaladda dalku uu marayo awgeed ay ogolaadaan. Dhammaan codadkii la qaaday waa ogolaadeen in kasta oo Xildhibaannada qaar ay weli dood ka qabeen hadana guddoonka codsigiisa ayey tixgeliyeen. Goobjoog News Source
  12. Atooraha Filimaanta Hindiga Rajinikanth ayaa maanta sheegay in uu kusoo biirayo siyaasadda, sheegana in uu xisbi ugaar ku dhawaaqi-doono. Atooraha oo aad looga jecelyahay koonfurta Hindiya gaar ahaan gobollada ay deegaan Tamil Nadu ayaa intaasi raaciyay in go’aankaasi u qaatay baahi taagan iyo waqtiga oo ku qasbay. said his joining politics was need of hour and compulsion of time. “Waxaan gudan-doonaa waajibkeyga, waan badali-doonnaa maamulka” ayuu sheegay atoorahan 67 jirka ah. Waxaa lagu wadaa in xisbigiisa uu ka qeyb-qaato doorashada ka dhici-doonta Tamil Nadu 2021-ka. Rajinikanth waxaa uu sidoo kale sheegay in hal-ku-dhegga xisbiga noqon-doono run, horumar iyo howl-kar. Atoorahan Rajinikanth in kasta oo filimaantiisa ku yar yihiin Bollywood-ka hadana koonfurta Hindiya waa atooraha ugu caansan. Source
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – War qoraal ah oo ka soo baxay hay’adda Culumada Soomaaliyeed ayaa looga hadlay xaalda Siyaasadeed ee dalka ka jirta iyo khilaafyadii Siyaasadeed ee dhacay. Warka qoraalka ah ayaa loogu soo jeediyay Siyaasiyiinta mucaaradka ah fariin ku aadan in mucaaradnimadooda ay noqoto mid wax dhista balse aysan noqon mid wax dumisa. Sidoo kale Culumada ayaa waxa ay ka digeen in awood aan sharci aheyn la adeegsado iyaga oo baaq u diray Shacabka Soomaaliyeed. Bayaankan oo ka kooban lix qodob ayaa Hay’ada Culumada Soomaaliyeed waxa ay ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan diintooda,dowladnimadooda iyo walaaltinimadooda. Haddaba halkaan hoose ka akhriso Bayaanka kasoo baxay Culimada Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso Hay’ada Culumada Soomaaliyeed oo Bayaan xasaasi ah kasoo saartay xaalada Siyaasadeed ee dalka appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xarakada Al-shabab ayaa sheegtay in shan ka mid ah Ciidamada AMISOM ay ku dileen Qarax saaka ka dhacay Waddada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho. Al-shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ayaa intaas ku daray in Gaariga Ciidanka AMISOM ee la qarxiyay uu ku bur buray weerarkaas,islamarkaana askarta dhimatay ay arkeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo degaankaas ku sugnaa sida ay sheegeen. Warka ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Ciidamada AMISOM ay galbinayeen saraakiil ajaanib ah oo la shaqeeya Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya. Todobaadk ka hor ayaa sidan oo kale Ciidanka AMISOM waxaa lagu qarxiyay Waddada Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirse oo ku dhacda Waddada Warashadaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Al-shabab oo ku dhawaaqday tirada Ciidamada AMISOM looga dilay Qaraxii Muqdisho ka dhacay Saaka appeared first on Caasimada Online.
  15. Maxkamadda sare ee dowladda Federaalka Ethiopia ee magaalada Addis Ababa ayaa Sabtidii shalay xukuntay laba xubnood oo ka tirsan Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeeniya ee (ONLF). Eedaysanaha hore oo lagu magacaabo Axmed Cabdi ayaa lagu xukumay 13 sano, halka eedaysanaha labaad, Ahmed Mohammed lagu xukumay 15 sano oo xabsi ah,sida ay qortay Warbaahinta Ethiopia 15 July ee sannadkii 2016 ayaa labadaan xubnood laga qabtay magaalada Muqdisho,xilli ay doonayeen in ay si dhuumaalaysi ah ku galaan dalka Ethiopia,siday ay sheegeen mas’uuliyiinta amniga dalkaasi. Jabhadda ONLF oo Waddanka Ethiopia loogu aqoonsanyahay”argagixiso” ayaa ka dagaallanta dhinaca bari ee dowlad denaanka Soomaalida Ethiopia,waxaana lagu xasuustaa weerarkii 24 April ee sannadkii 2007 ay geysteen,kaasoo ay ku dhinteen 65 Ethiopian ah iyo sagaal Chinese ah. Weerarka aya lagu qaaday goob shidaal laga qodayey oo ku taalla gobolka Soomaalida ee dalka Ethiopia. PUNTLAND POST The post Dowladda Ethiopia xukunno ku ridday Xubno ka tirsan ONLF oo Muqdisho laga qabtay. appeared first on Puntland Post.
  16. Hey’adda culimada Soomaaliyeed ayaa soo saaray bayaan ku aadan khilaafka siyaasadeed ee hadda ka jira dalka. Bayaanka Culumada Soomaaliyeed oo ka kooban 6 qodob waxaa uu u qornaa sidan: 1. Culimadu waxay soo jeedinayaan in mucaaradnimadu ay noqoto mid wax dhisaysa ee aanay noqon mid wax duminaysa, waxayna ku talinayaan in la wada tashado laysuna nasteexeeyo. 2 . Culimadu waxay ka digaysaa falalka iyo ereyada xanafta leh ee keeni kara in uu dalku dib ugu noqdo wixii dumiyay oo ah qabyaalada, dulmiga iyo danaysiga gaarka ah. Culimadu waxay soo jeedinayaan in dowladu ay dhowrto muwaadinka Soomaaliyeed xurmadiisa iyo xuquuqdiisa si ay cadaaladdu u hirgasho kalsoonida dadkuna u soo laabato. 4 . Culimadu waxay ku talinayaan in laga fogaado isticmaalka adeegsiga awoodda aan sharciga aheyn taasoo ay ka dhalan karto dhibaatooyin iyo fitno aan la xakameyn Karin. 5 . Culimadu waxay u soo jeedinayaan dhammaan siyaasiyiinta inay dalka ka ilaaliyaan faragelin shisheeye dhowraana madaxbanaanidiisa. 6 . Culimadu waxay u dardaamayaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ilaashadaan diintooda, dowladnimadooda iyo walaaltinimadooda kana digtoonaadaan wax kasta oo dhaawici kara wadajirkooda keeni karana tafaraaruq iyo Khilaaf. Source
  17. Hay’adda Culimada soomaaliyeed ayaa bayaan ka soo saartay muranka u dhexeeya xukuumadda Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ka horjedda. Bayaanka oo ka kooban lix qodob ayaa ku baaqaya in si midaysan looga hortago in ay soo noqdaan waxyaabihii horay dalka u dumiyey”oo ah qabyaaladda,dulmiga iyo danaysiga gaarka ah”. Hay’adda ayaa siyaasiyiinta u jeedisay in mucaaradnimadu ay noqoto”mid wax dhisaya ee aanay noqon mid wax duminaysa”,halka xukuumaddana ay ku boorrisay in ay ka fogaato adeegsiga awood aan sharci ahayn oo ay “ka dhalan karto dhibaatooyin iyo fitno aan la xakamayn Karin”. Halkaan ka akhriso bayaanka Culimada. PUNTLAND POST The post Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo bayaan ka soo saartay Khilaafka dowladda iyo Mucaaradka appeared first on Puntland Post.
  18. Col. Cabdullahi Cirro oo ah taliyaha qeybta 21aad ee xoogga dalka ayaa ka hadlay sida ay u dhacday shaqaaqadii suuqa magaalada Galkacyo isaga oo sheegay in ay tahay arrin aan la fileyn oo dhacday. “Iyada oo laga shaqeynayey muddo bil ah nabadda iyo bulshada inay is-fahamto qeybaheeda kala duwan ee Galkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug, wax aanaan fileyn ayaa ka dhacay suuqii weynaa ee magaalada Galkacyo ahna xarunta ganacsiga ugu ballaaran gobolkaan uu ka jiro “ isaga oo nasiib-darro ku tilmaamay arrintaasi. Taliye Cirro ayaa dhinaca kale xusay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliya cid kasto oo nabadda ka hortimaada ay la tiigsan doonaan sharciga, waxaa uuna fariin u jeediyey bulshada ku nool Kaalkacyo. “Ciidanka dambiilaha ayuu soo qabtaa ama nabadda meesha laga waayo ayuu nabad ka dhaliyaa qofka la qabtana, waxaa la geyn doonaa sharciga u yaallo dalka oo ay ugu horreyso shareecada Islaamka in lamariyo, waxaan codsaneynaa qof walboo reer Mudug qoriga ha xareeyo qoriga nabadda ayuu dilaa ha labarto hanaanka sharciga loo maro iyo hanaanka loo dacwoodo”. Goobjoog News Source
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya Faarax Macallin, ayaa dowlada Federaalka ah ee Somalia ugu baaqay in dalkeeda ay ka eryiso dhammaan Diblumaasiyiinta iyo Saraakiisha ciidan ee Imaaraadka ka jooga Somalia. Faarax Macallin , ayaa qoraal uu kusoo daabacay bogiisa Twitter-ka ku sheegay in dowlada Imaaraadka carabta ay u bareereyso dhibaatada ay ka dhexwado Somalia. Faarax Macallin, waxa uu sheegay in Imaaraadka ay ka gudubtay xeendaabka diblumaasiyada waxa uuna Madaxda ugu sareysa Somalia ugu baaqay inay jaraan dhammaan xiriirka kala dhexeeya Imaaraadka, maadaama ay dhibaatooyin u maleegayaan Somalia. Faarax Macallin ayaa yiri ” Farmaajo iyo Kheyre, ka saara Imaaraadka Muqdisho, Ilaahay dartiis, xira safaaradooda, Saldhigyadooda Milatari ee Muqdisho’’ Waxa uu intaa raaciyay ‘’Haddii sirdoonkiinnu hayo caddeymo ku filan in Imaaraadka uu Somalia ka wado arrimo argagixiso wey idinku filan tahay ee go’aan ka qaata Imaaraadka’’ Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa ku eedeysan inay qalqal amni iyo mid Siyaasadeed ku heyso Somalia, waxaana xusid mudan in Guddiga dabagalka Hubka Sharci darada ee QM ay dhowr jeer Imaaraadka ku eedeeyen inay Somalia galiso Hub sharci daro ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Faarax Macalin oo Farmaajo & Kheyre ugu baaqay arrin dhibaato ku noqon doonta danaha Imaaraadka ee Somalia (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.
  20. The United States has intensified airstrikes in Somalia, killing at least 30 Al Shabaab terrorists since last week. The latest airstrike was conducted on Wednesday, when four terrorists were killed some 25 kilometers west of Mogadishu, destroying one vehicle-borne improvised explosive device which was destined to the capital. Others had been killed on diverse dates in the past week. The US Africa Command said no civilian was killed during both airstrikes. “U.S. forces will continue to use all authorized and appropriate measures to protect the United States, its partners, and interests, and deny safe haven to terrorist groups,” the statement said. The US Government has committed to continue piling pressure on the terrorists, who are responsible for hundreds of attacks in Somalia and neighbouring countries, some of which have left hundreds of people dead—including Kenya where they often stage attacks mainly targeting security forces and civilians. The latest attack occurred on Saturday morning when the terrorists set on fire two police camps in Ijara and escaped with a police land cruiser. The attackers also destroyed the main communication equipment used in the town but authorities said no casualty was reported, even though some of the terrorists are believed to have escaped with injuries. Kenya has been a major target by the Somalia-based terror group that is affiliated to Al Qaeda, after their forces, the Kenya Defence Forces joined AMISOM in a combined counterterrorism operation, targeting terrorists, their training camps, and their safe havens in the lawless country. KDF soldiers have been in Somalia for almost six years now, though there has been piling pressure for them to be withdrawn but President Uhuru Kenyatta insists he will not order their withdrawal. -Al-Shabaab weakened- Over the past few years, the militant group has lost a lot of strategic ground, which was used to control and commanding centre, both for their resources and for launching attacks. The situation worsened further after divisions emerged in the group, after one faction pledged its allegiance to ISIS, while the other one backed Al-Qaeda terror group, resulting in infighting. Despite this, the terrorists have managed to launch serious attacks, more so in Mogadishu. In October, an attack in Mogadishu left 500 Somali’s dead. During the Somalia Security Conference, U.S. Marine Corps General Thomas D. Waldhauser, Commander, U.S. Africa Command said, “Our efforts to put pressure on the al Shabaab and ISIS terrorist networks provide time and space for the gradual development of the Somali National Army, police force, and government.” “The threat from al Shabaab continues to be a serious one, as shown by their deadly attacks killing more than 500 in Mogadishu back in October. While we are not increasing our presence or assets there, or intentionally escalating strikes, our pressure on the network and information sharing efforts are paying off with an increasing awareness of what the enemy is doing, making our targeting efforts more successful.” -Civilian Protection- He said, even as the US Forces continue to conduct strikes on terrorist targets, their main focus remains, “on the protection of civilians.” “This remains a vital component of our efforts and those of our Somali partners,” Waldhauser said. “As we look to protect innocent civilians and the large number of non-governmental organizations and other agencies operating in Somalia, lethal strikes require precision and patience which are integral to our targeting efforts. Knowing target composition as clearly as possible enables us to quickly counter al Shabaab propaganda claiming civilian casualties.” During this conference attendees began to map the path ahead for the next few years, agreeing any large-scale transition of security responsibilities from the African Union Mission in Somalia to the Somali National Security Forces is premature and a conditions-based transition plan must be developed immediately. “While there is certainly more work to be done, this security conference confirmed we have made measurable progress in Somalia,” said Waldhauser. “With the strong relationship we have established with President Farmaajo and the Federal Government of Somalia, and by continuing to work closely with our allies and partners, we will help set the conditions to transition security responsibilities to the Somali National Security Forces and promote a secure, stable, and prosperous Somalia.” Source: – Capitalfm The post US intensify airstrikes in Somalia to weed out Al Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  21. Earlier this year, President Trump declared parts of Somalia a warzone. Since then, the U.S. has conducted dozens of drone strikes trying to stop a ruthless terrorist group that’s killed hundreds. CBS News’ Deborah Patta filed this reporter’s notebook from Mogadishu. A brutal civil war followed by al-Shabab’s bombing campaign has left a city in ruins. Despite this, there is a semblance of normality in parts of Somalia’s capital Mogadishu. What you don’t see — because CBS News was not allowed to film there — are the roadblocks on almost every street manned either by government security forces, clan militia or private guards. Filming in Mogadishu is still difficult: There are roadblocks everywhere, and CBS News crews were always surrounded by armed police and even arrested on one occasion. The arrest lasted only five hours but underscores the point that even with official permission and all the right documentation – Somalia is unpredictable. Even in a city that is no stranger to death and destruction, the most recently October 14 vehicle bomb killed over 500 people was on a scale never before seen here. And now there is a new security nightmare: The laptop bomb that al-Shabab continues to try and perfect. In CCTV footage, two men are shown entering the airport. One is carrying a laptop, and he slips the computer to the bomber. The man was the head of Mogadishu’s airport security at the time. The laptop exploded shortly after takeoff and blew a hole in the side of the plane. Only the bomber was killed, bu in the past 18 months, three other computers bombs were found after one partially exploded in a cargo hold. New multi-layered security checks, including dogs trained to sniff out explosives, are supposed to stop that. But al-Shabab still has people on the inside. “So the biggest problem we have – is that no matter who it is from the airport manager to the cleaner – everybody has to follow the security,” said deputy head of security Said Eliye. Intelligence officials told CBS News that al-Shabab will continue to make laptop bombs until they get it right. They have bomb-making factories around the country and Mogadishu, they can blend easy into local communities. Also living in those communities are counter-terrorism police, who are frequently targeted for assassination. Officials were scared to go on camera, filming anywhere made people nervous and we were unable to do anything without heavy security detail. A quiet road may not look menacing but it can turn nasty in an instant. Source: CNBC The post Somalia’s capital returns to an unpredictable new normal appeared first on Caasimada Online.
  22. Xildhibaannada Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa Maanta ka doodaya miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2018 oo ay horay u ansixiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka. 13 bishaan December ayaa xildhibaannada Golaha Shacabku ansixiyeen miisaaniyadda oo gaaraysa 274 milyan oo dollar,waxayna u soo gudubtay Aqalka sare. Miisaaniyadda ayaa haddii uu ansixiyo Aqalka sare,waxaa loo gudbinayaa maadxweynaha oo saxiixi doona. 5 bishii November ee sannadkaan Kulan ay yeesheen Xildhibannada Aqalka sare ayey ku ansixiyeen qodobo cusub lagu daray xeer hoosaadkooda,kuwaasoo dhigaya in ay ansixin karaan miisaaniyadda dowladda. PUNTLAND POST The post Xildhibaannada Aqalka sare Soomaaliya oo Maanta ka doodaya miisaaniyadda dowladda. appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Bayaan kasoo baxay Hay’adda u dooda arrimaha xaquuqul insaanka ee magaceeda loo soo gaabiyay Ifrid, ayaa waxaa dowlada Federaalka ah ee Somalia loogu baaqay inay irdaha u xirto dhammaan Xarumaha diblumaasiyadeed iyo kuwa ciidan ee dowlada Imaaraadka ku leedahay Somalia. Bayaankaan oo kasoo baxay Hay’adda Ifrid qeybteeda magaalada Rome ee dalka Talyaaniga ayaa waxaa lagu sheegay in dhaqdhaqaaqa Imaaraadka uu ka dhexwado Somalia ay dhibaatooyin xasil daro u maleegi karto Somalia. Ifrid waxa ay sheegtay in dowlada Imaaraadka Carabta ay wakhti badan ku bixineyso sida ay Somalia dib ugu celin laheyd halkaa ay kasoo gudubtay dhowr sano ka hor, waxa ayna ka digtay in DFS ay dhaliilsato dhibta ay Imaaraadka u abuureyso Somalia. Waxaa lagu sheegay bayaanka in dowlada Imaaraad ay Somalia la dooneyso mid lamida amni darada ka jirta Yemen iyo dalal kale oo African ah. Waxa ay ku sheegen in Imaaraadka uu adeegsanayo Saldhigyada uu ka dhisanayo Somalia iyo wadamo kale oo Africa ah oo doonaya in Somalia ay kusii daba dheeraato colaadaha sukeeye. Waxaa bayaanka sidoo kale shaaca looga qaaday in khatar dhinaca bani’aadanimo ay kasoo socoto oo saameyn doonta dadka Soomaalida ah waxaana sidoo kale ay sii hurin kartaa mucaradnimo xoogan oo ka dilaacda gudaha Somalia. Hay’adaan Ifrid ayaa ku baaqday in gabi ahaanba la xiro Xarumaha diblumaasiyeed iyo Saldhigyada ay Imaaradka ka hirgalisay Somalia. Dhinaca kale, Dowlada Somalia ayey ugu baaqday inay ka fiirsato xiriirka kala dhexeeya Dowlada Imaaraadka carabta ee ku dhaqmeysa ficilada foosha xun ee ka fog diblumaasiyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post DFS oo laga dalbaday inay irdaha u xirto Xarumaha diblumaasiyeed & Saldhigyada ay Imaaraadka ku leeyihiin Somalia appeared first on Caasimada Online.
  24. Ciidamada amniga ee dawlad Goboleedka Jubaland ee Gobolka Gedo ayaa gacanta Ku dhigay Qarax ay maleegayeen kooxda Alshabab. Qaraxaan oo loo waday gudaha Kenya ayaa lagu qabtay bannaanka magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo. Wasiirka amniga Jubaland, wasiirka arimaha gudaha iyo saraakiisha ciidamada, ayaa tagay goobta qaraxaan lagu fashiliyay, waxayna sheegeen inay shacabka gacan ka geysteen. Puntlandi.com
  25. Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo ciidamo Soomaali ka amar qaata dowlada Imaaraatka Carabta ay weerar ku qaaden Hooyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Senator Cabdi Xasan Cawaale ‘’Qaybdiid’’, ayaa waxaa weerarkaasi markale ka hadlay Senator-ka. Senator Qaybdiid oo la hadlaayay Idaacada VOA laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in meel looga dhacay Xasaanada isla markaana Hooygiisa la weeraray amar la’aan. Senator Cabdi Xasan Cawaale, waxa uu sheegay inaanu aheyn qof shacab ah, balse uu yahay Senator ahna Guddoomiyaha Guddiga dastuurka ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Waxa uu Qeybdiid tilmaamay in shaqsiga xasaanada leh ay mamnuuc ka tahay in lagu xadgudbo ama lagu qaado weerar iyo wixii lamid ah baaritaano aan daruuri aheyn. Qeybdiid oo la hadlaayay VOA ayaa yiri ‘’Wixii sharciga uu qabay ayaa loo qaatay qaab cagsi ah anigu waxaan leeyahay xasaanad cidna iguma soo xadgudbi karto iskaba daaye in weerar lagu soo qaado Hooyga ay ku noolyihiin xaaska iyo carruurteyda’’ Qeybdiid waxa uu Su’aal ka keenay sababta ay ciidamo daacad u ah Imaaraatka u weerareen Hooygiisa, waxa uuna cod dheer ku sheegay in dowlada Federaalka uu ka doonaayo inay cadeyso in lala maamulo dalka iyo inay iyada maamusho. Qeybdiid, waxa uu tilmaamay inaanu maankiisa galin in magaalada Muqdisho ay ka jirto awood aan aheyn tan dowlada waxa uuna dowlada Federaalka ah ka dalbaday inay cadeyso goorta Imaaraadku qabsaday dalka. Nuqul kamid ah hadalka Qeybdiid ayaa ahaa ‘’Waxaa sharci darro ah in ciidan aan Dowladdii Somaliyeed ka tirsanayn inay aniga i baaraan, haddee waxaa weeye sidee ku yimaadeen gurigeyga, ma Emirate baa dalka haysta’’? Waxa uu intaa raaciyay ‘’Waxaan rabaa inaan u daayo baaris illaa ay dhacdo. Ciidamada Nabad Suggida iyo Militariga kulli way yimaadeen, ayagaana hadda ka war dhawreynaa.” Qeybdiid, waxa uu sheegay inaanu aqbali doonin in ciidamo ka amar qaata Ajaaniib ay ku xadgudbaan xasaanadiisa waxa uuna arrin foolxun ku tilmaamay in iyadoo ay jirto dowlad Federaal ah uu shisheeye maamulanayo dalka. Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, Wasiirka Amniga iyo Taliyaha ciidamada Militeriga ayaa ku dhawaaqay baaritaano degdeg ah, waxaana kiiskaas baaritaanka ugu horeeya ku bilaabay Taliska ciidamada Militeriga. Dhainaca kale, dowlada Federaalka ayaa laga sugayaa natiijada baaritaanka waxaana lagu wadaa in gudaha asbuucan lasoo saari doono wixii kasoo baxa barista socta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Qeybdiid ‘’Dowladu ha cadeyso weerarkeyga dalka ma Imaaraadka ayaa maamusha ama iyada’’ appeared first on Caasimada Online.