Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    205,997
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa dib u dhac uu ku yimid Shirka Golaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya oo maanta lagu waday in ka furma magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya. Shirkaan ayaan la ogeen sababta uu u baaqday, laakiin wararka qaar ee soo baxaya ayaa sheegaya in uu u baaqday khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxtaagan Hay`adaha sharci fulinta iyo sharci dajinta, khilaafkaas oo cuuryaamiyay shaqooyinka Dowlada. Inkastoo aan wali si rasmi ah u soo bixin war ku saabsan dib u dhaca shirkan hadana waxaa jira shirkii ugu dambeeyay ee Golaha Amniga Qaranka ee ka dhacay bishii February magaalada Muqdisho waxaa lagu balamay in shirka soo socda uu ka dhaco magaalada Baydhabo, lagana wada hadlo Qeybsiga kheyraadka iyo hanaanka doorasho ee uu dalka qaadanayo marka la gaaro sanadka 2020. Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur galbeed Xasan Cabdi Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Shirka amniga qaranka dib u dhacay, inkastoo faafaahin intaas dheer uusan ka bixinin. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa qoraal kooban waxa uu bartiisa Facebooka ku soo qoray waxaa uu is weydiiyay halkii uu ku dambeeyay shirka Baydhabo ee loo balansanaa maanta 28-ka bisha Maarso uu ka furmo magaalada Baydhabo. “Waxaan horay u soo dhawaynay natiijadii kasoo baxday shirkii bishii hore horraanteedii la qabtay, kaasoo ay ka soo baxeen go’aanno wax ku ool ah, Hawlaha ku muddaysnaa taariikho cayiman ayaa sida muuqata aan wax laga qaban, Waxaa muuqata in qalalaasaha siyaasadeed ee mooshinka ka dhashay uu hawl kasta cuuryaamiyey, Dhowr jeer oo hore ayaan sheegnay in dalkaan isku tanaasul iyo isla gudoon lagu wado ee aysan jirin cid inta kale tabar dhaanta, ee Ilaaheey caqliga ha inoo soo celiyo”ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay Barta Facebook. Sidoo kale shirka Baydhabo ka sokow waxaa jiray shir kale oo ay yeelan lahaayeen Madaxda dowlad goboleedyada ee ku bahoobay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo isna ka dhici lahaa 20-kii bishan magaalada Garowe, kaasoo isna loo aaneynayo inuu u baaqday qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhashay mooshinka Guddoomiye Jawaari. Xaliimo Ismaaciil Xaliimo Yarey oo ah guddoomiyaha guddiga madaxabannaan oo doorashooyinka qaranka oo maanta ay aheyd in ay gudbiso nooca doorasho ee 2020-ka ka dhaceysa Soomaaliya oo ka hadashay dib u dhaca shirkaan ayaa sheegtay in aaney ogeyn sababta shirka u baaqday balse dhankeeda ay diyaar aheyd. Xigasho: Radio Kulmiye Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa kordhiyay joogitaanka howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kaasoo la gaarsiiyay bisha March, 2019. Golaha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada howlgalka QM ee Soomaaliya ee taageerada hannaanka siyaasadeed ee dowladda Federaalka Soomaaliya, si dalka loo gaarsiiyo helitaanka doorashooyin loo dhan yahay, lagu kalsoonaan karo oo hufan. Waxaa kale Goluhu uu codsaday taageero joogto ah oo ku aaddan dadaalka Dawladda ee hirgalinta Istaraatiijiyadda Qaranka iyo Qorshaha Ka hortagga iyo La Dagaalanka Xagjirnimada si loo xoojiyo awoodda Soomaaliya ee looga hortago lagana hor-tago argagixisanimada. Golaha ammaanku wuxuu si xoogan u cambaareeyay weerarada Al-Shabaab oo ay ka mid yihiin midkii- 14-kii Oktoobar 2017 iyo kii 23-kii Febraayo 2018, wuxuuna cadeeyay inuu ka welwelsan yahay hanjabaaddaha argigixisada. Waxaa kale oo goluhu walaac ka muujiyay joogitaanka kooxda Daacish iyo shakhsiyaadka xiriirka dhow laleh. Puntlandi.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa weli uu khilaaf ka dhex jiraa Xildhibaanada baarlamaanka Somalia oo iyagu ku kala jabay Mooshinka laga soo gudbiyay Guddoomiye Jawaari. Xildhibaanada ayaa u kala jabay laba garab waxa ayna garabka koowaad kasoo horjeedan in Guddoomiye Jawaari uu sii hayo xilka, halka garabka kale ay doonayaan in Jawaari ay kusii hayaan xilka. Guud ahaan Xildhibaanada ayaa la sheegay inay ku kala biireen labada garab, isla markaana aysan jirin wax la yiraah Xildhibaano madax-banaan. Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in dhammaan Xildhibaanada baarlamaanka ay u kala jabeen labada dhinac. Waxa uu Xildhibaan Dalxa sheegay inaanu jirin wax la yiraahdo Xildhibaan Madax-banaan, balse dhammaan ay qeyb ka yihiin xiisada jirta. Waxa uu Dalxa cadeeyay inaan baarlamaanka xiligaan laga dhex heli karin Xildhibaano dhex dhexaad ah oo mooshinka ka madax banaan laakin Xildhibaanadu ay yihiin kuwo mooshinka keenay iyo kuwo kasoo horjeeda. Dalxa, waxa uu intaa ku daray in Mooshinka la keenay aysan jirin cid bedel ku sameyn karto isla markaana lagala bixi doono maalinta cod u qaadista mooshinka ka yaalla Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaanada qaar ayaa iska fogeynaaya kamid noqoshada dhinacyada isku haya Mooshinka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dil magaalada Muqdisho loogu geystay Xildhibaanad ka tirsaneyd Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Dilka Xildhibaanada ayaa ka dhacay degmada Shibis ee Gobolka Banaadir, waxaana fuliyay maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab oo ku hubeysnaa bastoolado. Xildhibaanada la dilay ayaa waxa lagu magacaabi jiray Ruqiyo Xasan Abshir, waxaana dilkeeda xaqiijiyay qoyska Xildhibaanada. Dadka deegaanka ayaa sheegay in xiliga Xildhibaanada la dilayay ay ku jirtay gudaha Farmashiye ku yaalla Xaafadda Suuqa Cawska oo aanan sidaa ugu fogeyn Isgoyska Maana-booliyo. Dhianaca kale, Maamulka degmada Shibis iyo Saraakiil ka tirsan Hay’adaha ammaanka ayaa sheegay in ay ku daba jiraan raggii dilka geystay, ayna rajeynayaan in ay gacanta ku soo dhigaan, si cadaaladda loo horgeeyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Xisbiga talada haya ee dalka Ethiopia ayaa gudoomiye u doortay Abiy Ahmed, oo ah siyaasi Muslim ah oo kasoo jeeda qowmiyada Oromada ee Itoobiya. Tallaabadan ayaa waddada u xaareysa in Abiy Ahmed uu noqdo Ra’isulwasaarihi saddexaad ee ay Itoobiya yeelato muddo 23 sano ah. Ku-dhawaaqiddan ayaa timid ka dib bilo dibadbaxyo xoog badan oo ay ka jiray gobolada Oromada iyo Amxaaradda, dibadbaxyadaas oo keenay in la sii daayo siyaasiyiin caan ah iyo warfidiyeeno dawladda u xirnaa. Waxa kale oo ku dhawaaqistani imanysaa ka dib markii uu is casilay Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka Hailemariam Desalegn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Afhayeenka Isimada Puntland, Garaad Cabdulaahi Cali Ciid ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dowladdii Soomaaliyeed ee rajada weyn laga qabay inay ku mashquulsan tahay duminta hay’addiii sharci dajinta dalka. Garaad Cabdulaahi Cali Ciid oo kasoo laabtay safar uu ku tagay magaalada Muqdisho ayaa warbaahinta ka sheegay inaanu jirin wax mabda’ dowladnimo ah oo ka muuqda Muqdisho. “Xamar waxyaabaha ka jira ma ahan mabda’ dowladnimo. Waxaa xishood darro siyaasadeed oo lagu raadinayo dhaqaale laguna badalanayo haybadii dowladnimo, Waxaa loo baahan yahay nidaam dowladdeed oo wadaniyad ku dhisan,” ayuu yidhi Garaad Ciid. Afhayeenka Isimada Puntland ayaa sheegay xildhibaanada lacagta ku raadinaya mooshinka inay ceeboobeen oo ay ku fashilmeen masuuliyadii loo dhaariyay Puntlandi.com
  7. Unanimously adopting resolution 2408 (2018), the Council underscored the importance of the Mission’s support to the Somali Government‑led political process as well as the importance of its support to the federal Government of Somalia on preparations for the delivery of inclusive, credible and transparent elections. Source: Hiiraan Online
  8. A bumper harvest of vegetables in Bardera, in southern Somalia’s Gedo region, has brought relief to local households on one hand but at the same time great losses to small-scale farmers, who had not planned around a fall in food prices. Source: Hiiraan Online
  9. ABIDJAN - Djibouti is in talks with French shipping company CMA CGM to develop a new container terminal at an initial cost of $660 million (£465.9 million) as part of the tiny African country's bid to expand into a sea and air transport hub for the continent. Source: Hiiraan Online
  10. Somalia has urged the United Nations Security Council to take action against the construction of a United Arab Emirates (UAE) military base in Somaliland. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Maanta waxaa laga joogaa laba asbuuc Mooshinkii Guddoomiye Jawaari, waxaana soo if baxaya khilaaf culus iyo kala aragti fogaan hareysay qeybaha iyo hoggaanada kala duwan ee Barlamaanka sida; Guddoonka, Guddiga Joogtada, Habdhowre-yaasha, Xoghaynta, Kutlooyinka iyo Kooxaha, Qabaa’ilka iyo Deegaanada, Xubnaha caadiga ah ee Golaha Shacabka iwm. Iyada oo lagu kala aragti fogaaday: Sharciyadda Mooshinka, Guddoonka Golaha, Waqtiga Mooshinka, Goobta iyo Qaabka Codeynta Mooshinka. Shalay iyo Daraat waxaa soo baxay ilaa 10 Qoraal oo is burrinaysa, waxaana Saxaafada la hadlay ilaa 20 Xildhibaan oo is ka soo horjeeda, waxaana Xafiisyadii dawladda, Hoteeladii Muqdusho, Xarumihii Barlamaanka mashquuliyay Ololaha Mooshinka, waxaana dhacay ilaa 10 Qarax oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad badan, waxaana Qeyla-dhaan Qaran ka yeeraysaa DP World, Xuduuda Buula Xaawo, Aato iwm. Gudoomiye Jawaari oo ka mid ah Mudanayaasha ugu da’da weyn Golaha Shacabka dalka iyo dawladda na ka soo qabtay xilal kala duwan ilaa 60 kii sano ee la soo dhaafay sida; Agaasime, Wasiir, La taliye, Guddiyo Qaran, Gudoomiye Barlamaan, Ku sime Madaxweyne iwm. Waxa uuna kaalin mug leh ka soo qaatay dhismaha iyo habeynta Barlamaankii 9 aad iyo kan 10 aad, waxa uuna magac dheer iyo maamuus ku yeeshay gayiga Somaaliyeed oo dhan. Haddii xaaladda maanta taagan uu guuleysto ama laga guuleysto waxaa hubaal ah; in dhaawac soo gaarayo midnimada, kalsoonida iyo wada shaqeynta qeybaha Barlamaanka iyo laamaha dawladda, isaga oo ku xusay jawaabtiisii Mooshinka, “in gacantiisa aan lagu bur-buri doonin Barlamaanka, laguna barbaariyey midnimo iyo dawlad jaceyl”. Hadaba haddii aad Talo Wadani siin laheed! Maxaad kula Talin-laheed??? A-In uu is Casilo sida ay sameeyeen madax isaga ka horeysay ama ka danbeyn-doonta dunida, markii ay dareemeen in xilkooda iyo mas’uuliyadooda la isku haysto? B-In uu Sharciga iyo Codeynta tago, sida uu xaqa u leeyahay, sharciguna u banneynayo? C- In uu aqbalo dhex-dhexaadin, is af-garad iyo dib u heshiisiin dhex marta qeybaha Barlamaanka, Xukuumadda iyo Laamaha dawladda?. W/Q. Mohamed Gacal (Dr. Gacal)
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa markii ugu horeysay daboolka ka qaaday inuu jiro Khilaaf Siyaasadeed buuran oo ka dhextaagan Hoggaanka iyo Xildhibaanada baarlamaanka. Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu sheegay in Khilaafyada jira ay ku macaashayaan shaqsiyaad gaara oo doonaaya inay dalka ka geystaan Qaraxyo iyo dilalk. Kheyre, waxa uu tilmaamay in Khilaafka jira ay si dhow uga faa’iideystaan Qaswadayaasha al-Shabaab oo uu sheegay inaanu jirin cadow ka halis badan, waxa uuna intaa ku daray inay jiraan shaqsiyaad kale oo nafis u arka inay is khilaafan Madaxda dalka. ‘’Wey iska cadahay in Khilaafka jira ay ka faa’iideysanayaan Qaswadayaasha al-Shabaab iyo shaqsiyaad leh dano Siyaasadeed oo uu sheegay inay Shabaab kaga egyihiin dhanka qarbudaada’’ Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu tilmaamay inay muhiim tahay in si wada jira looga hortago Khilaafyada ka dhex curta madaxda dalka, waxa uuna ku baaqay in khilaaf la’aanta ay horseedeyso amniga iyo kala danbeyn. Kheyre waxa uu sidoo kale sheegay in madaxda dowladda iyo kuwa Maamul goboleedyada dalka looga baahan yahay in ay ka fikiraan ka hortaga hal arrin oo ah in hadii uu khilaaf yimaado ay ka faa’iideestaan Cadawga. Sidoo kale, waxa uu sheegay inay muhiim tahay in laga shaqeeyo amniga maadaama hadii Muqdisho ay amni noqoto gobolada kale ay amni noqonayaan,waxa uuna ugu baaqay Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyan dib u heshiisiinta dalka Hadalka Ra’isul wasaare Xasan Cali kheyre ayaa ku soo aadaya xili uu khilaaf ka dhexjiro Guddoonka Golaha Shacabka kaas oo curyaamiyay Shaqadii dowladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia laga dareemayaa ololo xoogan oo u dhexeeya Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Xildhibaanada Mooshinka kawada. Ololaha oo inta badan laga dareemayo magaalada Muqdisho, ayaa xooligiisa ka socda Hoteelada Muqdisho, kaa oo lagu kala qaadanaayo dhaqaale xoogan. Ololaha ugu xooga badan ayaa xiligaan ka socda Hoteelada kala ah Jazeera, Hayat, SYL iyo Makka al-Mukarama, oo ay ku sugan yihiin Xildhibaanada Mooshinka wada iyo kuwa laga wado. Mooshin wadayaasha kasoo horjeeda Guddoomiye Jawaari ayaa ololahooda laba jibaaray maadaama xiliga Codka loo qaadayo Jawaari ay ka harsan tahay wax ka yar Shan cisho. Waxa ay Mooshin wadayaasha Hoteelada iyo Guryaha ku booqanayaan Xildhibaanada qaar ee Miisaanka ku dhex leh baarlamaanka si ay qeyb uga noqdaan Mooshinka. Xubnaha ka tirsan baarlamaanka ee Hoggaaminaaya Mooshinka ayaa la sheegay in xitaa ay Hoteelada qaar dajinayaan Xildhibaanada Mooshinka wada, si aan loo duufsan, waxaana iminka la xaqiijiyay in tirada Mooshin wadayaasha ay mareyso 214 Xildhibaan oo gabi ahaan ka siman diidmada Jawaari. Garabka Jawaari ee kasoo horjeeda Mooshinka ayaa iyaguna wakhtiga ugu badan siinaaya kulamo joogta ah oo kadhaca Xarunta Villa Hargeysa, inkastoo qaarkood la sheegay inay taabacsan yihiin garabka Mooshinka, balse lagu dhex darsaday garabka Jawaari. Xildhibaanada taabacsan Jawaari oo dhankooda kawada ololaha lagu badbaadinaayo Kursiga Jawaari ayaa waxaa soo foodsaartay dhaqaale xumi, kadib markii la sheegay in dhaqaalaha uu siinaayo Jawaari ay aad uga yartay tan ay bixinayaan Mooshin wadayaasha oo ka kaceysa 15,000 Kun oo dollar. Labada garab ee ku dagaalamaaya Kursiga Jawaari ayaa midba midka kale ugu goodinaaya inay kaga guuleysan doonaan codeynta, waxaana aad usii yaraanaya mudada uga harsan xiliga loo qabtay codeynta. Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaanada dhaqaale doonka ah ayaa ku jahwareersan halka ay ku bixin lahaayen codkooda, wallow ay sii kordhayaan kuwa kasoo horjeeda Jawaari. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Xukuumadda Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji, oo u waramaayay warbaahinta maxaliga ah ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan dhibaatooyin badan oo ka taagan Maxkamadaha iyo Xabsiyada ku yaalla dalka. Wasiirka waxa uu sheegay in dhibaatada ugu weyn xiligaani ay tahay in Maxaabiista qaar aysan heysan goobo lagu xiro xukunka marka uu ku dhaco kadib. Waxa uu sheegay Wasiirka in iminka ay jiraan Maxaabiis badan oo uu ku dhacay Xukuno kala duwan, hase ahaatee loo diro guryahooda, sababo la xiriira qolol la’aan ka dhex jirta Xabsiga. Wasiirka Wasaaradda Cadaalada, oo ay xiganeysay Idaacada dalsan ee magaalada Muqdisho, ayaa yiri ‘’Waxaa jira dhibaatooyin badan oo naga heysta dhanka Xabsiyada, waxaan marqaati ka ahay oo aan arkay inay jiraan Maxaabiis xukuman oo loo diray guryahooda maadaama aanu jirin goob lagu xiro’’ Wasiirku waxa uu sheegay in waxyaabaha uu arkay waqtiagan ay qeyb ka tahay in dadka markii la xukumo la waayo Xabsi lagu xiro taasina ay keeneyso in guryahooda loo diro sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu intaa ku daray Wasiirka in arrintaasi ay tahay mid murugo leh, isla markaana u baahan in wax laga qabto, isagoo Madaxda ugu sareysa dalka ku wargaliyay inay muhiim tahay in la dhiso Xabsiyo. ‘’Madaxda dalka ugu sareyso waan gaarsiineynaa horayna waan u gaarsiinay, waxaan dooneynaa in maxaabiista Xukuman laga jaasiyo falka ay geysteen, waxa ayna taasi imaankartaa in lahelo Xabsiyo faaruq ah’’ Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Cadaalada Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen xaaji, ayaa ku baaqay in ahmiyad gaara lasiiyo waxyaabaha ku xeeran Xabsiyada oo uu sheegay inay aasaas u tahay Cadaalada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Muqdisho intii aan joogay waan maqli jiray colaadda iyo dhibaatiinyinka kale ee ka jira Hargeysa iyo Burco. Marmarna waxaan maqli jiray dhib ka jira Berbera. Marka laga soo tago siddexdaa magaalo ee jiho ahaan isugu beegan sida ku dhowaad xaglaha Saddex-xagal qumman, ma fileyn in aan arki doono dhib kale oo weyn oo woqooyi ka jira oo colaaddu ay u sabab tahay. Qiyaastaasi sax ayay noqon weyday markii aan tegey Borame iyo nawaaxigiisa. Dhowr jeer ayaan Awdal tegey sannadihii 1989 iyo 1990. Markii aan tagay xaaladdeedu ma wanaagsaneyn. Marnabana kama soo reyn muddadaas. Garoon dayaaradeed oo aan laami la saarin ayaan ka soo nabad degnay. Dadkii hey’adda u shaqeynayay ee na soo doonay iyo kuwii dayaaradda raaci lahaa ayaan ugu nimid garoonka. Nin Soomaali ah oo waxaa halkaa taagan ay shaqadiisu tahay in mar kasta oo ay dayaarad soo degeyso ama ay kaceyso uu ku rooro dhabbaha dayaaradaha ilaa dhanka ugu dambeeya si uu xoolaha iyo dadkaba uga fogeeyo ugana ilaaliyo ilaa ay dayaaraddu soo degto ama ay kacdo. Markii aan Borame gudaha u galay ee aan arkay tirada badan ee dadka magaalada ku sugan iyo sida ay u cammiran tahay waxaan moodayay magaalo caadi ah. Markii iigu dambeysay Borame 1987 ee aan wada soconnay Beatrix, hadda ayayba igala dad badan tahay. Wakhti badan iguma qaadan in aan fahmo in ay magaaladu ku jirto xaalad aad u xun oo gobolka Awdal intiisa badani uu la wadaago. Adduunyo-Gaddoon Borame waxaa ku goobtay colaad laba jiho ka haysata, dad ku soo jabay oo ka soo qaxay magaalooyin kale siiba Hargeysa iyo Gebiley, Qaxooti ka yimid Ethiopia oo xeryo magaalada bannaankeeda ah ku sugan iyo jilaal adag oo daba dheeraaday. Colaaddu waxay ka socotaa laba jiho. SNM waxay badiyaa ka soo weerartaa dhinaca Bari. Beel kale oo inta badan ay xulufo ahaan jireen reer Borame, Goblka Awdlana ay wada yaallaan, ayay dhowr jeer isku laayeen dhinaca woqooyi taas oo markii dambe keentay in ay kala qaxaan labada beelood. Isku dhaca labadan beelood, Borame waxay markaas ku eedeyneysaa saameyn SNM. Waxaa intaa dheer Qaxooti aad u fara badan. Waxaa Borame dul deggan Qaxooti reer Ethiopia ah oo inta aan arkay aan ahayn Soomaalida Ethiopia. Aroortii waxay u foofaan buuraha iyo meelo kaleba si ay u soo jejibiyaan dhir ay xaabo ahaan u shitaan qaarna ay magaalda u iibgeeyaan. Hadde waa subax kasta. Taasi waxay xaalufisay dhirtii. Sidii in aan intaasi dhib ugu filneyn, waxaa ugu darsamay jiilaal aad u kulul. Akhristaha aan ka warqabinow, inkasta oo degaanka Borame xoolo laga dhaqdo haddana waa degaan qodaal ama beeraleey ah. Magaalada Borame culeyska saaran waxaa ka mid ah mid uga yimid ehel iyo qaraabo. Magaalda waxaa ku soo biiray barakacayaal ka soo qaxay Hargeysa iyo magaalooyin kale oo dagaalku dhulka dhigay. Ma ahan keliya dad asal ahaan ka soo jeeday Borame oo u soo gurya-noqday. Laakiin rayid badan oo degganaa Hargeysa, markii dagaalka fool-ka-foolka ahi uu ka billowday dad badani waxay u qaxeen magaalada weyn ee ugu dhow – Borame. Oday reer Borama ah ayaa soo koobay xaaladda Awdal ay ku jirtay xilligaas. Wuxuu ka mid ahaa rag aan baabuur isla raacnay oo safar dhulka ah aan gobolka Awdal intiisa badan ku marnay. Borame gudaheeda sida looga dareemayo si ka culus ayaan intaba indhaheenna ugu soo aragnay colaadda, qaxootiga iyo jiilaalka. Odagu wuxuu qabay oo ka dhab ahayd in adduunku dhammaan rabo oo adduunya gaddoonkii la soo gaaray. Da’diisa isaga oo cuskanaya wuxuu yiri: Intaas aan jiray weligeey ma arag waxan oo colaad ah, Qaxooti wax walba diiranaya, iyo jiilaal sidan u adag oo haddana wada socda! Waxani waa adduunyo-gaddoon. Duullaan Aniga oo galab la sheekeysanaya akhyaar reer Borame ah ayaa waxaa korkeenna isdaba joog uga dhacay qori aad u culus oo weligeey aanan maqal shanqartiisa argaggaxna wata. Raggii aan wadajoognay markiiba way dhaqaaqeen iyaga oo wejiyadoodu ay durba isbeddeleen. Mid ii warramay iyo laba is wareysatay ma jirin. Waxay u dhigantay marka hadda Muqdisho meel aad joogto uu qarax ka dhaco dareenka ay dadku muujiyaan. Inta badbaadda iswareysigu waa dambeyn doonaa laakiin qacda hore waa nin walbow naftaa. War maxaa dhacay? Ayaan ku celceliyay. Baabuurkii u horreeyay ayaa dhaqaaqay iyada oo qof ii jawaabay aanuu jirin. Anigu waxaan u qaatay in la isa soo galay oo uu magaalada dagaal ka dhex socdo. Nin ayaa hadal kala dhimman oo aan isku toosneyn igula hadlay waxaanan ka fahmay in isbitaalka ay raggii wada qabteen xataa ilaaladii guriga qaarkood. Isbitaalka ayaan aniguna aaday. Sannadaha badan ee aan dhex marayay dagaalka sokeeye ee Soomaaliya weligeey ma arag goob dhiillo dagaal oo intaa le’egi ay taallo. Waan arkay goob ka murugo badan, laakiin ma arag goob ka walaac, qiiro iyo xamaasad badan. Baabuur weyn oo dhiig leh ayaa laga dejiyanayaa dhaawac qaarkii taahayo iyo meyd. Hooyada barooraneysa, tan la aammusinayo, gabadha laga hortaagan yahay in ay indhaheeda saarto muuqaal la is leeyahay qalbigeedu ma xammili karo… Baroorta iyo catowga haweenka iyo waxa is qabsatay qeylada ka baxaysa ragga oo qaarkii uu amar bixinayo, ini ay dayac tilmaamayso, kuwo kale ay wax saxayaan, mid kale ila qabo leeyahay iyo waxyaabo la hal maala. Ma ahayn muuqaal indhaha iyo dhegaha toona u roon. Waxaa isaguna meesha taagan baabuur weyn oo kacsan oo u diyaar ah in uu dhaqaaqo oo rag qaylinayaa ay ag taagan yihiin. Waxaan moodayay in ay dhaawac kale doonayaan. Waxayse ahayd marka keliya ee aan abidkeey isa soo taagay goob dagaal laga abaabulayo. Dhallinyaro ayaa markiiba gaariga ku boodday. Qaarkood waxay sitaan qoryo. Kuwo kalena waa gacna maran yihiin oo waa sacabbooleey. Gaarigii koowaad waa dhaqaaqay, kii labaadna wuu sii buuxsamayay marka aan ka tegey. Meesha dhaawaca laga keenay oo aan magaalada ka fogeyn ayay u socdaan. SNM ayaa soo weerartay Goraya-Cawl oo in badan ka sokeysa Gebileey. Qoriga la riday waxaa markii dambe la ii sheegay in uu ahaa qoriga Ruushku u sameystay lidka dayaaradaha ee dhumcdiisu ay tahay 37 mm ee Soomaalidu ay ugu yeerto dhexroorka dumcdiisa oo tiro Talyaani ah, Trenta Sette. Rabbi mahaddii waxay ahayd markii iigu horreysay iiguna dambeysay ee qorigaas shanaqatriisa aan maqlo. Waa baaq ay magaaladu isla taqaan in marka la maqlo Trenta Sette la isugu soo baxo barxadda Isbitaalka hortiisa ah. Waa saddex midkood – waa dhaawac la keenay, ama waa qeylo-dhaan gurmad-doon ah. Haddii kale waa sida galabta oo kale oo labaduba ay isla socdaan. Mobile-foon ma jiro, haddana wararka ka imaanaya jiidda dagaalku si joogta ah ayay isaga soo daba dhacayeen. Magaalada oo dhanna waxay la mid ahayd in ay dagaalka ku jirto. Sheekada aan maqli jiray waxay ahayd in ay Dowladdu hubeyso reer Borame si ay ula dagaallamaan SNM. Muuqaalka aan anigu galabtaas arkay wuxuu ahaa mid inta markaas ah aan ka dareemi karay in reer Awdal ay ahaayeen dad ku jira dagaal ku-qabatay ah oo aanay xataa beel ahaan ugu abaabulneyn. Habeenkaas waxaan Borame gudaheeda ku arkay gaari kuwa dagaalka ah oo cilladeysan. Nin makaanik ah ayaa habeenkaa ku dhafray oo ku shaqeynayay iftiinka tiriig ama mataramakis u shidnaa. Isbitaalku ma ahayn meel la isku wareysan karo. Markii aan ka soo laabannay ayaan nin weydiiyay dhallinyarada dagaalka u socday qaarkood qori ma sidan ee maxay u aadeen goobta? Wuxuu ii sheegay ragga qoryaha sita marka mid la dilo in qorigiisa la siin doono mid sacabbooleey ah. Nin aan Borame ku saaxiibnay oo aan hore uga doodi jirnay dagaalka ayaan is aragnay. Ra’yiga aan kula doodi jiray ayaa ahaa in ay hubaal tahay in xal loo heli karo dagaalka kala dhexeeya SNM. Waxaan ka eegayay in labada dhinac ay in badan oo fac-ka-fac ah is dhaleen, degaan wadaag ay yihiin iyo SNM oo ciidanka Dowladda dagaal kula jirta in ay danteedu ku jirto in aanay is leyn reer Awdal. Wuxuu hadda ka hor ii qiray in la is dhalay, oo hooyadii ay tahay beelaha taageera SNM. Inanta uu isagu dhaleyna uu qabo nin isaga reer abtigiis ah. Laakiin saaxiibkeey wuu iga diidi jiray sida aan arrinta u dhigayo. Isaga oo dooddiisu ay mar walba ahayd reer Awdal duullaan kuma aha SNM ee difaac ayay uga jiraan. SNM haddii aan dani ugu jirin in ay nala dagaallamaan heshiis kale uma baahna ee duullaanka uun ha naga daayeen. Annagu dhulna kuma haysanno, wax kalena uguma soconno. Galabtaas wuu ila hadlay isaga oo isku dayaya in uu ra’yigeygii u quus-gooyo. Wuxuu igu yiri waad arkeysaa. Ma innaga ayaa duullaan ku ah degaan SNM mise iyaga nagu soo duulay? Carada wejigiisa ka muuqatay iyo garaaca wadnihiisu xowliga uu ku socday oo neetfiisa laga dareemi karay ma ahayn kuwo saamaxaya in dood deggan lala geli karo. Hadalka uu yirina waxaa uu inta markaas ah u markhaati furayay xaaladda aan dhex taagneyn. Waan ka gaabsaday oo Doodda lama sii wadin. W/Q. Yuusuf Garaad
  16. Ahmed Abiye to succeed Hailemariam as the chairperson of the coalition, meaning he automatically became premier ADDIS ABABA (Reuters) – Ethiopia’s ruling coalition voted in Abiye Ahmed as new prime minister on Tuesday following the resignation of Hailemariam Desalegn last month, the state-run Ethiopian Broadcasting Corporation said. The state-run channel said the 180-member council of the Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front (EPRDF) chose Abiye to succeed Hailemariam as the chairperson of the coalition, meaning he automatically became premier. “In today’s session, the council held a vote and elected Abiye Ahmed as chairperson,” said the presenter from the state-run EBC in the announcement. He did not give any further details. According to the breaking news from Reuters Abiy received 108 votes, Shiferaw Shigute 59 votes and Debretsion Gebremichael 2 votes. Demeke Mekonen was not a candidate. Ethiopian sources that are close to Ahmed told that he was born to a Muslim father and Christian mother. He comes from a military and intelligence background and ranked as high as colonel in the Ethiopian army. He was also a member of the peacekeeping force that was deployed in Rwanda. Ahmed is fluent in English and three local Ethiopian languages. He completed a PhD in 2017 from Institute for Peace and Security Studies at Addis Ababa University. In 2016, he was appointed Minister of Science and Technology. The ruling coalition has struggled to contain persistent and violent unrest since 2015, the biggest challenge to its hold on power since 1991. Anti-government protests began in 2015 over land rights before broadening into demonstrations over political and human rights. The government has twice imposed emergency rule, most recently last month after Hailemariam’s resignation, to contain unrest mainly in Oromiya province, the country’s most populous region. Amid the violence, security forces have killed hundreds of people, rights groups say.
  17. Koox ku hubeeysanaa Bastoolado ayaa Magaalada Muqdisho waxa ay ku toogteen Xildhibaan ka tirsaneyd Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. Kooxahaasi ayaa dilay allaha u naxariistee Xildhibaanad Ruqiyo Abshir Gambane oo Baarlamaanka koonfur Galbeed katirsaneyd. Allaha u naxariistee Xildhibaanada ayaa lagu dilay xaafada Maana Booliyo Degmadda Shibis ee Gobolka Banaadir Gaar ahaan Farmishiye ay ku laheyd oo Gurigeedii ku dhexyaalay. Geerida Xildhibaanada ayaa waxaa Warbaahinta Gudaha ee Muqdisho u xaqiijiyay Wasiirka warfaafinta Maamulkaasi Ugaas Xasan Cabdi Maxamed. Dilka kadib ciidamo katirsan kuwa dowlada ayaa tagay oo howlgalo halkaasi ka sameeyay. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca dilalka qorsheeysan oo loo geeysto masuuliyiinta dowlada iyo kuwa maamul Goboleedyada. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaanad lagu dilay Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  18. DPP nominee Noordin Haji Mar. 27, 2018, 12:30 am By JOHN MUCHANGI, Kenya’s plan to carve out a semi-autonomous region called Jubaland in Somalia had already been finalised as early as 2010. The final process, which placed Kenya at loggerheads with the Somali government in Mogadishu, took place in January 2013 in Kismayu. At least 522 delegates were brought in to rubberstamp decisions and formally install the President — former militia leader Sheikh Ahmed Madobe. This process is the highlight of the 19-year career of President Uhuru Kenyatta’s DPP nominee. Noordin Haji, currently a deputy director of the National Intelligence Service, is the son of Garissa Senator Yusuf Haji, who was Kenya’s Defence minister until April 2013. From 2010 to 2013, Noordin co-chaired the Igad joint committee on stabilisation of Somalia — the Kenya-led process that created Jubaland. Noordin lists his major achievement on his CV as having “successfully established the Jubaland Federal State of Somalia”. He says this “ensured Kenya’s interest in securing its borders through the creation of buffer zones” across the neighbouring country. Jubaland stretches along the entire Kenyan border, effectively creating a buffer zone with the rest of Somalia. But the jury is still out whether this has prevented terrorists from crossing over into Kenya. In September 2013, Kenyans indirectly interacted with Noordin when his brother, Abdul Haji, rescued him and other hostages from terrorists at the Westgate Mall. Abdul was the man famously photographed rescuing a little white girl in the deserted mall. Noordin was born on July 3, 1973, in Malindi, Kilifi county. His mother was a high school teacher and his father a powerful provincial commissioner from 1970 to 1997. “Having been civil servants, my family constantly moved across the country. I began my formative years in school at DEB Nyahururu Primary School, subsequently moving from Standard One to Eight in different schools across the country, Nakuru, Mombasa, Nyeri, Eldoret and Garissa, to name but a few,” Noordin told MPs yesterday during his vetting. “This exposed me to the rich diversity of our Kenyan cultures, allowing me to appreciate, at an early age, our interdependence as a society.” He was admitted to Moi High School, Kabarak, and left in 1989. He proceeded to the Greensteads High School in Nakuru for his O-level education. He did his A-level studies at the Bronte College of Canada, and then acquired bachelor’s and master’s law degrees from the University of Wales, UK. He proceeded for a diploma at the Kenya School of Law in 1998. He briefly taught at Moi University.
  19. Dalka Itoobiya ayaa markii ugu horeeysay waxaa Ra’isilwasaare ka Noqonayo Nin Oromo ah oo Muslim ah. Abiyyi Ahmed Ali waa nin udhashay Qoomiyada ugu badan Itoobiya ee Oromada waa siyaasi rug Cadaa ah wuxuuna hada yahay hogaamiyaha xisbiga OPDP (Oromo Peoples’ Democratic Organization). Abiyyi Ahmed 44 jir katirsan Baarlamaanka dalkaasi kana mid ah rugcadaaga siyaasadeed ee dalka Itoobiya. Horay ayuu u soo noqday Ra’isilwasaare ku xigeenka dalka Itoobiya uu muddo hayay. Waa aqoonyahan Shahaadada PHD-da ka diyaariyay Sayniska iyo Tiknoolajiyada. Waxaa arintaasi soo dhowaayay shacabka dalka Itoobiya waxaana uu u muuqdaa in ay dariishada ka bixi doonto khilaafka iyo kacdoonkii Oromada. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Itoobiya oo yeelaneeysa Ra’isilwasaarihii ugu horeeyay oo Muslim ah appeared first on Puntland Post.
  20. Xisbiga talada haya ee dalka Ethiopia ayaa Abiy Ahmed oo ah muslim kasoo jeeda qowmiyada Oromada udoortay hogaamiyahooda, sida lagasoo xigtay warbaahinta dowladda Ethiopia. Abiy Ahmed ayaa ugu dambayn noqondoona Raysal Wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia, isagoo xilka kala wareegaya Hailemariam Desalegn, oo bishii February iscasilay. Demeke Mekonnen, ayaa isagana loo doortay inuu noqdo ku xigeenka hogaamiyaha xisbiga talada ee EPRDF, sida warbixinta lagu sheegay. Abiy Ahmed ayaa noqondoona taariikhda markii ugu horeysay oo qof muslim ah uu hogaamiyaha ugu sareeya ka noqdo dalkaas, marka laga hadlayo taariikhda cusub ee Ethiopia. Xisbiga Oromada (OPDO), ayaa dhawaan Abiy Ahmed u doortay hogaamiyahood. Abiy Ahmed, ayaa haatan sugaya inuu barlamaanka Ethiopia meel mariyo si uu unoqdo raysal Wasaaraha soo socda ee dalka Ethiopia Puntlandi.com
  21. Ethiopia's ruling coalition has elected Abiy Ahmed as its new chairman, according to state media. The announcement on Tuesday by state broadcaster FANA means that Ahmed... Source: Hiiraan Online
  22. Ethiopia's ruling coalition has elected Abiy Ahmed as its new chairman, according to state media. The announcement on Tuesday by state broadcaster FANA means that Ahmed... Source: Hiiraan Online
  23. Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa dacwad ka dhan ah Imaaraadka Carabta u gudbisay Gollaha Amaanka ee Qaramadda Midoobey, taasi oo ku saabsan saldhigga Militeri ee magaalada Berbera. Abuukar Cabdi Cismaan, Safiirka Soomaaliye ee QM ayaa u sheegay Gollaha Amaanka in Tallaabada Imaaraadka ee uu Saldhigga Militeriga uga dhisanayo Berbera ay halis ku tahay Madax-banaanida Soomaaliya iyo Shuruucda Caalamiga ah. Safiirka ayaa ugu baaqay Gollaha Amaanka inay soo farageliyaan arinta dhisamaha Saldhigga Militeri ee Berbera, islamarkaana tallaabo laga qaado dowladda Imaaraadka oo uu ku eedeeyay inay faragelin ku hayso arrimaha Soomaaliya. “Arrimaha Imaaraadka uu kawado Soomaaliya waa ku-xadgudub qaawan, oo lagu sameynayo shuruucda caalamiga ah iyo midka QM, waxaana uu dhaawacayaa cunaqabeyntii hubka ee saarnayd Soomaaliya,” ayuu yiri Safiirka. Waa dacwadii labaad oo sanadkan gudihiisa Soomaaliya ka gudbiso Imaaraadka, iyadii midii tan ka horeysay u u gubisay bishan Ururka Jaamacadda Carabta, taasi oo ku saabsanayd Heshiiska Dekedda Berbera ee Somaliland iyo DP World. Somaliland ayaa bishii Maarso ee 2017 la gashay Imaaraadka Heshiiska saldhigga Militeri ee Berbera, kaasi oo Warbixintii ugu dambeysay ee UN Monitering Group lagu sheegay inuu dhismihiisa la billaabay. Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa mudooyinkii dambe sii xumaanayay wixii ka dambeeyay markii DP World Heshiiska Saddex geesoodka ah ee Dekedda Berbera la gashay Somaliland iyo Itoobiya horaantii bishan.
  24. The pensive face of Nasa leader Raila Odinga as he helplessly watched security officers grab Miguna Miguna by the waist in a bid to force him out of the country on Monday night told it all. Source: Hiiraan Online
  25. Muqdisho (PP) ─ Safiirka Somalia u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Daahir Cismaan [Baalle] ayaa dacwad ka dhan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta u gudbiyay Golaha Ammaanka ee QM, isagoo xusay in Imaaraadka Carabta ay ku xad-gudubtay Qaranimada Somalia. Abuukar Baalle oo qudbad u jeediyay Golaha Ammaanka ayaa ugu horeyntii u mahadceliyay Madaxweynaha cusub ee golaha ammaanka Khdbadiisa oo ka koobneyd saddex bog ayaa wuxuu ku eedeeyay Dowladda Imaaraadka Carabta heshiiska ay shirkada DP World la gashay maamulka la magic-baxay Somaliland waxana uu sheegay danjiruhu inay tahay xadgudub lagula kacay xornimada iyo madax banaanida dalka Soomaaliya. “Dowladda Somalia waxay si kulul u cambaareyneysaa xadgudubka lagula kacay waxayna qaadi doonto wax walba oo ay ku ilaalin karto Qaranimadeeda iyo jiritaankeeda,” ayuu yiri Abuukar Baalle. Sidoo kale, khudbadiisa ayuu danjiruhu u sheegay inay heshiiska Waddanka Imaaraadka Carabta iyo Maamulka Somaliland ay wadagaleen labo sano ka hor taasoo ah in Dowladda Imaaraadka Carabta ay Saldhig Milatari ka sameysato magaalada Berbera uu xad-gudub ku yahay cunoqabataynta saaran dalka Somalia. Danjire Abuukar Baalle ayaa ugu baaqay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey in tallaabada lagama maarmaanka ah ka qaataan arrinta saldhigga Milateri ee Imaaraadka carabta ka dhisanayo Berbera, taasoo uu xusay inay caqabad ku noqon karto cunqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya. Safirirka Somalia ee QM – ayaa walaac ka muujiyay khudbadaha Madaxda UNSOM ka jeediyaan shirarka arrimaha siyaasadda, kaasoo uu ku sheegay inay si qaldan uga hadlaan arrimaha Soomaaliya. Abuukar Baalle wuxuu sheegay in Madaxda UNSOM looga baahan yahay inay qaataan mas’uuliyadooda, si waafaqsan waajibaadkooda, isla markaana ka fogaadaan dareenada siyaasadeed ee jira. Ugu dabmeyn, Danjiraha Soomaaliya ee QM ayaa waxa uu u mahadceliyay Qaramada Midoobay dadaalka ay ugu jirto sidii Soomaaliya ay horumar ugu tallaabsan lahayd. PUNTLAND POST The post Dowlada Somalia oo Maanta Qoraal Dacwad ah ka Gudbiyay Dalka Imaaraadka Carabta appeared first on Puntland Post.