-
Content Count
205,997 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Sudan and Qatar on Monday signed a $4-billion agreement to develop the former Ottoman port city of Suakin in northeastern Sudan Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu halkaas ka dhaco qarax . Wararka hordhaca ah oo ay heleyso Caasimadda Online ayaa sheegayo inuu ahaa qaraxaas mid lagu xiray gaari uu lahaa qof. Gaarigaan ayaa la sheegay inuu ahaa nooca raaxada wuxuuna marayey laami yaraha Soobe ee Degmada Wadajir. Illo xog ogaal ah ayaa Caasimadda u xaqiijiyey inuu gaarigaas watay mid kamid ah Shaqaalaha Hey’adaha Samafalka. Waxaa qaraxaas ku dhaawacmay mid kamid ah Shaqaalaha ICRC oo saarnaa gaarigaas, waxaana gubtay gaariga guud ahaantiisa maadaama qaraxa lagu xiray uu ahaa mid culus. Sidoo kale wararka ayaa sheegayo inuu qarax ku dhaawacmay qof kale oo ninkaan gaariga la saarnaa, waxaana hadda dagan meesha uu qaraxa ka dhacay. Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa soo gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, waxaana meesha laga qaaday dadkii ku dhaawacmay Wixii warar ah ee kusoo kordha waa idinla socodsiineynaa Inshaa Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Siyaasi Cali Xaaji Warsame oo maanta ka hadlay bandhig ku saabsan shaqooyinka oo Garoowe laga daah-furay, ayaa dowladda Puntland iyo shirkadaha ganacsiga ugu baaqay in ay sameeyaan qorshe cad oo lagu badbaadinayo mustaqbalka dhalinyarada waxbartay ee shaqo la’aanta. Mudane.Cali Xaaji oo soo xiganaya diraasad laga sameeyay heerka shaqo-la’aanta ka jirta degaannada Puntland,ayaa sheegay in dhalinyarada Puntland ee waxbartay 30% keliyah ay shaqeeyaan,isagoo da’yarta ku dhiirri-geliyay in aysan marnaba yasin shaqooyinka hoose ee lagu meel-gaaro. Siyaasigaan ayaa sidoo kale dhalinyarada ku boorriyay in ay hirgeliyaan hal-abuur ganacsi,si ay shaqo-la’aanta uga baxaan,taasoo uu sheegay in aanay ku xirneyn lacag badan,balse ay u baahantahay ka go’naan shakhsi. Dhinaca kale Cali Xaaji ayaa ka digay,in haddii aan dhalinyarada shaqo-abuur loo samayn ay halis weyni ka imaanayso,islamarkaana ay ka faa’idaysan doonaan dhinacyo kale ama ay badda ku dhammaanayan. “Waxaan idiin sheegaya,waxaan ku fadhinaa miino qarxaysa,miinadaas meel ay nala aadayso ma naqaan. Ma badda ayey ku dhammandoonaan? Ma cid kale ayaa ka faa’idaysan doonta?” ayuu yiri Xaaji. Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Cali Xaaji Warsame”Waxaan ku fadhinaa miino qarxaysa” appeared first on Puntland Post.
-
Safiirka Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya Ambaasadoor Abuukar Cismaan oo ka hor hadlay Golaha ammaanka ee QM, ayaa waxa uu ka codsaday in ay tallaabo ka qadaan dowladda Isu Taga Imaaraadka oo uu sheegay Ambaasadoorku in si qaawan ay ugu soo duushay uguna xad gudubtay madax baanida Soomaaliya, kadib markii ay heeshiis sharci darro la gashay Maamulka Soomaaliland. Safiirka Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya Ambaasadoor Abuukar Cismaan oo ka hor hadlay Golaha ammaanka ee QM, ayaa waxa uu ka codsaday in ay tallaabo ka qadaan dowladda Isu Taga Imaaraadka oo uu sheegay Ambaasadoorku in si qaawan ay ugu soo duushay uguna xad gudubtay madax baanida Soomaaliya, kadib markii ay heeshiis sharci darro la gashay Maamulka Soomaaliland. Waxa uu sheegay Ambaasadoorka in Imaaradka arinta lagu ciqabo maadaama ay ku soo xad gudbeen dalka Soomaliya Qawaaniintii udagsanayd . Imaaradka Carabta ayaa Caasimada Soomaaliya iyo Gobolada dalka waxa uu ka fuliyaa Mashaariic ay dowladda ku taageeraan, taas oo ay ka midyihiin Tababaro iyo maalgalin ay siiyaan Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamul goboleedyada dalka. 1-dii Bishani March ayey ahayd markii dowladaha Imaaraadka, Ethiopia iyo maamulka Soomaaliland ay wada gareen Heshiis Sadax geesood ah oo lagula wareegay dhismaheeda dekeda Ber bera.
-
Hogaamiyaha Waqooyiga kuuriya Kim Jong Un ayaa maanta waxa uu qiray in uu diyaar uyahay ama uuba meesha uu ka saaro halista hubka Nuklerka hadii kuuriyada Waqooyi iyo Maraykanka ay bixiyaan jawaab wanaagsan ,sida ay sheegeen Madaxda dalka Shiinaha. Hogaamiye yaasha ayaa balan qaaday in Gacanka kuuriya laga joojinayo halista hubka wax gumaada ee qatarta ah. Kim Jong Un Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa hadalkan ka sheegay booqasho rasmi ah oo uu kutagay dalka Shiinaha. Wakaalada Wararka ee Shiinaha ayaa sheegatay iyadoo soo xiganaysa Madaxda dalkaasi shiinaha ,hadii kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanka ay si saaxiib tinimo ah uga jawaabayaan dadaalka ay wado kuuriyada warooyi in lasoo Afjari karo Xiisada ka dhex alosan Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi. Madaxa Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa sheegay in Xukuumada Shiinaha ay la soo xiriirtay ayna usheegeen Booqashada uu Kim Jong Un uu ku joogo dalkaasi shiinaha.
-
Shir ay ku yeesheen dalka Maraykanka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa waxa ay ku meel mariyeen waqti kor dhinta loo sameeyay Xafiiska Siyaasada ee jimciyada Qurumaha ka dhexaysa ee UNSOM. Golaha ayaa isku raacay in muddada uu Xafiiska uu shaqaynayo lagaarsiiyo ilaa iyo 31 bisha March 2019 ,siloo dar dargaliyo howlaha Xafiiskaasi uu u hayo Soomaaliya, gaar ahaan taageerada Barnaamijyada hor-umarineed ee Hay,adaha Dastuuriga ah ee dalka . Soo jeedinta Qaraarkan ayaa waxaa lahayd dowladda Ingiriiska maadama Xafiskan shaqadiisa ay ku ekeed sanadakan 2018ka,balse waxaa muuqatay in ay jirto baahi looqbo in Xafiiskan mudada loo kordhiyo si loo dhamaystito howlaha harsan. kulanka ayaa intii uu socday waxaa lagu amaanay dowladda Soomaaliya dadaalada ay samaysay . Xafiiskan siyaasada ee Qaramada Midoobay ee UNSOM ayaa waxaa loogu talagalay in dowladda uu ka taageero dhinacyada Siyaasada, Dhaqaalaha, Dibudiska iyo dib uheshiisiinta dalka , waxaana Xafiiskan la Aasaasay sanadkii 2013kii. Puntlandi.com .
-
Muqdisho-(Caasimadda Online)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray shaqaalihii ka shaqeynayay Hay’adda maamusha hawada Somaliya ee ICAO iyada oo ay maanta kaddib ku shaqeyn doonaan Magaalada Muqdisho. Wasiirka duuliska Hawada ee xukumada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Salaad Oomaar oo horkacayay mas’uuliyiin soo dhoweysay shaqaalahan oo tiradooda lagu sheegay inay gaareysay 34 ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin weyn oo guul ay u tahay Dowlada Soomaaliya, isla markaana Muqdisho maanta ay keeneen 34 ka mid ahaa shaqaalihii ka shaqeynayay xafiiskii maamulayay Hawada Soomaaliya ee magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Wasiir Omaar waxaa uu sheegay in uu ku faraxsanyahay in ugu dambeyn maamulka Hawada Soomaaliya laga maamulo Muqdisho,iyada oo dhamaadkii sanadkii hore la soo wareejiyay qalabka maamulka Hawada xariggana uu ka jaray Madaxweyne Farmaajo. Waxa uu tilmaamay wasiirka shaqaalahan ay Nairobi ku shaqeynayeen tan iyo sanadkii 1993-kii, haatanna ay Muqdisho si rasmi ah ugu shaqeyn doonaan. Maamulka Hawada ayuu sheegay in sidoo kale weli laga sii maamuli doono magaalada Nairobi inta ay xarumo kale ka dhisayaan gudaha dalka, si haddii meel ay wax ku yimaadaan meesha kale usii shaqeyso. Dhanka kale, wasiirka ayaa tilmaamay in ay jiraan arday u diiwaangishan si tababar loogu soo siiyo qalabka maamulka hawada, ka wasaarad ahaanna ay dedaal badan bixinayaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
London (Caasimada Online) – Xildhibaannadii ugu dhallinta-yareyd Britain ee taariikhda lasoo doorto ayaa si lama filaan ah u geeriyoortay. Clarissa Slade, oo 21 sanno jir aheyd, lana soo doortay sannadkii 2015kii, markaasoo ay aheyd 18 sanno jir, si ay u matasho degaanka Tiverton, ayaa waxay aheyd xildhibaanad ka tirsan Xisbiga Conservative-ka Britain. Si kastaba ha ahaatee, meydkeeda ayaa laga soo helay gurigeeda oo ku yaalla Winchester, degaankaasoo ay Jaamacad ka dhiganeyd, waxaana meydkeeda helay shaqsi ay isku guri deganaayeen. Aabaheed Colin Slade ayaa warbaahinta u xaqiijiyey inay naxdin ku noqotay geerida ku timid gabadhiisa, oo uu ku sheegay mid dooneysay inay saameyn weyn ku yeelato siyaasadda UK. Illaa haatan lama garanayo sababta ay u dhimatay Xildhibaanad deegaankii ugu dhallinta-yareyd taariikhda Britain. Dhanka kale, afhayeen u hadlay Jaamacadda University of Winchester ayaa sheegay inay naxdin qoto-dheer ku noqotay geerida ku timid Clarissa Slade. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
-
Ra’iisulwasaare ku xigeenka dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa maanta shir gudoomiyay shir ku saabsanaa tubta hor-umarinta Adeegyada Bulshada iyo habka ay iskla jaanqaadi karaan shaqaalaha Wasaaradaha dawladda ,si adeeg hufan loo gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed. kulankan ayaa daba socday kulan ay dhawaan yeesheen gudiga farsamada ee dowladda Soomalaiya , waxaana diirada lagu saaray Barnaamijyada lagu hormarinayo arimaha Bulshada ay ubahantahay. Wasiirada ayaa mid mid loo waydiiyay in ay ku qanacsanyihiin Qorshayaasha ay soo gudbiyeen , waxana wasiirada ay farta ku fiiqeen baahiyaha jira iyo sida ay suurtagal utahay in siwada jir ah loo wajaho caqabadaha Bulsheed ee shacabka haysa , taas oo Xukuumada looga fadhiyo in ay wax ka qabato muqtaqbalka dhaw. Ra’iisulwasaare ku xigeenka mudane Guuleed ayaa sheegay in jadawal hooleedka isla xisaabtanka uu yahay geedi socodka lagu fudu deenayo lasocdka shaqada ku qeexan tuba horumarinta Arimaha bulshada oo ay wada leeyihiin Hay,adaha qaybta ka ah iyo Gudi howleedka golaha Wasiirada ee arimaha Bulshada uxilsaaran. Xafiiskan Ra’iisulwasaaraha ayaa si joogta ah ula socon doonaa xaqiijinta iyo daba galka in qorshe howleedkii bulshada ay uqabsoomeen sidii loo baah naa.
-
Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dalka dib ugu soo laabteen in ka badan 30 ka mid ah shaqaalihii maamulka hawada Soomaaliya oo horey saldhiggoodu u ahaa dalka Kenya. Bishii Diisambar ee aynu soo dhaafnay ayaa dowladda Soomaaliya waxay sheegtay inay dib ula wwareegtay maamulka hawadeeda oo ka maqnayd gacanta dawladda tan iyo sannadkii 1993-kii. Muqdisho waxaa warbixintan nooga soo diray Xasan Kaafi Qoyste. Read More
-
Beijing (Caasimada Online) – North Korea iyo Shiinaha ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey inuu hogaamiyaha mayalka adag Kim Jong-un soo booqday caasimadda Beijing ee dalka Shiinaha. Sidaas darteed, Mr Kim ayaa markii ugu horreysay safar ku tegay dal ajnabi ah tan iyo markii uu taliska Waqooyiga Korea la wareegay sannadkii 2011kii. Wakaalada wararka China ee Xinhua ayaa ku warameysa inuu Kim Jong-un wadahadallo guulo laga gaaray la yeeshay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping. Shiinaha ayaa isbahaysi xoog leh oo dhanka dhaqaalaha ah uu kala dhexeeyaa Waqooyiga Korea, Mr Kim ayaana la filayaa inuu haatan booqasho ku tago Koofurta Korea iyo Mareykanka ka dib safarkiisii la yaabka lahaa ee uu tareenka kusoo galay ee uu ku timid Beijing. Hogaamiyahaan ayaa la kulmi doona dhiggiisa dalka ay deriska yihiin ee South Korea Madaxweyne Moon Jae-in goordambe oo bisha soo aadan ee April ah, halka uu bisha May kulan la yeelan doono Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Mr Kim waxaa safarkiisii tareenka ee Axadii ku wehliyey xaaskiisa Ri Sol-ju, wuxuuna ka tegay Beijing galabnimadii Talaadadii, sida ay wararku sheegayaan. Intii uu socday wadahadalkii ay yeesheen Mr Kim iyo dhiggiisa Shiinaha wuxuu ballan qaaday inuu diyaar u yahay wareejiyo hubka nukliyeerka, balse ay tahay in marka hore laga aqbalo shuruudaha uu miiska usoo saari doono, sida ay ku warameyso wakaaladda wararka Xinhua ee dalka Shiinaha. Caasimada Online Xafiiska Beijing Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowladda Fadaraalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta waxa uu Waraaqihiisa Aqoonsiga uu ka gudoomay danjiraha Murutaaniya u fadhin doona Magaalada Muqdisho. Safiirka Cusub ee ka socday dalka Murutaaniya ayaa Madaxweynaha usheegay in uu fariin uga sido Madaxweynaha dalka Murataaniya taas oo uu bogaadiyay Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne farmaajo ayaa fariin u diray Safiirka Murutaaniya isagoo uga mahadceliyay Madaxweynaha Murutaaniya Maxamed Walad Binu Cabdi Casiis iyo Safiirkaba , wuxuuna Madaxweyne farmaajo sheegay in arintan ay sal dhig unoqon doonto iskaashi buuxa oo dhexmara labada dal.
-
Mogadishu (HOL) - The European Union Training Mission Somalia (EUTM-S), supported the European Union Capacity Building Mission Somalia (EUCAP) in a live fire training exercise to improve the skills and capabilities of the Somali Maritime Police Unit (SMU). Source: Hiiraan Online
-
Tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu xilka iska casilay Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Itoobiya Xayla Maryam Deseliin ayaa waxaa Xisbiyada Siyaasadeed ee dalkaasi ay wadeen olole ay ku soo xulanayeen Hogaamiye cusub oo Xisbiga talada haya ee dalkaasi hogaamiya. Xisbiga Talada haya ee dalkaasi Itoobiya oo Marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan EPRDF ayaa Abiy Ahmed waxa ay u doorteen in uu noqdo guddoomiyaha Xisbiga Talada haya ee Dalka Itoobiya. Ninka ayaa ahMuslim ,balse Hooyadiis ayaa waxaa la sheegay in ay haysato diinta Kiristaanka,waxaana uu ka soo jeedaa Qoomiyada Oromada. Ninkan ayaa lo badinayaa in uu noqon doono hogaamiyaha dalkaasi , waxaana doortay 180 xubnoo oo ka kala tirsan Xisbiyada dalkaasi Itoobiya kuwaas oo kala ah Xisbiga Oromada , Amxaarada, Xisbiga koonfurta Itoobiya ,iyo Xisbiga Tigreega. Hadii uu ninkan ku guulaysto in uu talada dalkaasi qabto waxa uu noqonayaa Ra’iisal wasaarihii ugu horeeyay ee dalka Itoobiya oo Muslim ah.
-
The United Nations refugee agency predicts that many more Somalis in the Dadaab camps will seek repatriation to their homeland in the coming months. Source: Hiiraan Online
-
Somalia has urged the United Nations Security Council to take action against the construction of a United Arab Emirates (UAE) military base in Somaliland. Source: Hiiraan Online
-
Jalalaqsi (Caasimadda Online) – Deegaan dhanka Koofur kaga beegan magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan oo la yiraahdo Qoryaale oo 25 KM u jira magaalada Jalalaqsi, ayaa lagu arkay arin ugub ku ah gayiga Soomaaliyeed taas oo ah Xaafad dhan oo guureysa. Amiin Cali Marakaan oo lahadlay Idaacada Kulmiye ayaa faafaahin ka bixiyay dhacdadaan ku cusub dhagaha shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in ay arkeen Muuqaal Xaafad u`eg oo hawada kor kooda ah marayay, muuqaalkaasi Xaafada ah wuxuu ka yimid Jihada Waqoy wuxuuna u soo dhaafay dhanka jihada Koofureed. Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidow Waxa uu sheegay in waxyaabahaas weyn magalada ay aad ugu soo dhawaadeen ilaa iyo haddana aan la ogeyn waxa lagu tilmaamo taasina ay cabsi ku abuurtay dadka magalada maadaama ay ahaayeen waxyaabo aan dhawaaqeen ama aan wax cod ah aan laheyn. Sidoo kale waxa uu sheegay in tuulooyin hoostaga degmada Buulo Burde lagu arkay,laakin ilaa hadda aysan jirin wax dhibaato ah oo ay geesteen. Dadka Degmada Jalalaqsi qaarkood oo aan la hadalnay ayaa waxa ay sheegeen in ay xalay casbi soo wajahday wixii ka dambeeyey waxyaabaha aadka u weyn uu dushooda soo maray,isla markaana ay iyagu moodayeen in Magaalo dhan oo guureysay ay soo martay dushooda. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/03/wareysi-Amiin-Cali-Makaraan.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, ayaa sheegtay in dad badan oo Soomaali ah oo ku sugan xeryaha Dhadhaab ee Kenya ay doonayaan inay waddankooda ku laabtaan bilaha soo socda. UNHCR ayaa sheegtay in dib u laabaashada dadkan ay ku xiran tahay hadba sida ay u furanto waddada looga gudbayo xuduudda Soomaaliya ee Libooy, si ay dadkan ugu laabtaan deegaannadooda. Waddada ayaa la xiray 10-bilood ka hor sababo la xiriira nabadgelyo-xumo iyo roobab culus, iyadoo dib-u-dhac uu ku yimid marinnadii hawada ee lagu gaarsiinayay dadkan Muqdisho iyo Kisamayo. “Waxaan diyaarinaynaa gaadiidkii dadkaan qaadi lahaa, waxaana lagu wadaa in dadka doonaya inay dalkooda ku laabtaan ay kordhaan,” ayaa warbixinta Hay’adda UNHCR lagu yiri. Sidoo kale, Warbixinta ayaa lagu xusay in tan iyo bishii Feberaayo ee lasoo dhaafay ay Somalia ku laabteen 1,315 qaxooti, kuwaasoo iskood u doortay in dalkooda ay dib ugu laabtaan. Hay’adda Qoxootiga Dunida ayaa ustay in in 75,157 qof oo Qoxooti ku ahaa xeryaha Dhadhaab ay dib ugu laabteen dalkooda saddexdii sano ee lasoo dhaafay. Iyadoo intaas ku dartay in qoxootiga haatan ku jira Dhadhaab ay tiradoodu tahay 231,103 oo qof. Dowladda Kenya ayaa sannado ka hor sheegtay inay xirayso xeryaha Dhadhaab oo ku nool yihiin Qoxooti Soomaaliyeed oo ka cararay colaadaha iyo abaaraha ku dhuftay Soomaaliya, inkastoo ay dib uga laabtay inay xirto. Ugu dambeyn, Hay’adda Qoxootiga Adduunka ee UNCHR ayaa sheegtay inay qorsheynayso inay ka shaqeyso sidii Qoxootiga Soomaaliyeed si iskood dib ugu laaban lahaayeen dalkooda. PUNTLAND POST The post Qoxootiga Soomaaliyeed ee Dhadhaab ku nool oo doonaya inay Dalkooda ku laabtaan appeared first on Puntland Post.
-
New York (Caasimadda Online) – Golaha Ammaanka ayaa meel mariyay qaraar waqtiga loogu kordhinayo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya UNSOM, kaasoo muddo xileedkiisa la gaarsiiyay 31 bisha March 2019. Fadhi Golaha Ammaanka shalay ku yeeshay magaalada New York ayaa waxaa looga hadlay howl galka Xafiiska UNSOM ee dadaalada nabadda, dib u heshiisiinta iyo taageerada uu siiyo dowladda Soomaaliya. Waxaa ay si weyn uga doodeen xubnaha Golaha ammaanka ee QM ahmiyadda howl galka Xafiiska UNSOM ee dadaalada nabadda, dib u heshiisiinta iyo taageerada uu siiyo dowladda Soomaaliya. Soo jeedinta Qaraarka loogu kordhiyay waqtiga xafiiska UNSOM ee Soomaaliya ayaa la hayad Dowladda Britain,maadaama xafiiska shaqadiisu ay ku ekeyd 2018,balse weli ay jirto baahiyo loo qabo in mudada loo kordhiyo,si loo dhameystiro howlaha muhiimka ah ee taageeridda Soomaaliya. Waxaa Sidoo kale qaraarkan lagu ammaanay waxqabadka dowladda Soomaaliya,iyagoo dhanka kale ayaa ku baaqaya in la sii xoojiyo dadaalada horumarineed oo ay waddo Dowladda Soomaaliya. Sidoo kale qaraarkan ayaa ku baaqaya in laga hortago wax kasta oo xasarad ka abuuri kara gobolka iyo muranada hoos u dhaca keeni kara. Xafiiska UNSOM ayaa la aas aasay sanadkii 2013, waxaana lagu soo saaray qaraar tirsigiisu yahay 2,102, waxaana ujeedada aheyd inuu dowladda Federaalka ka caawiyo dhinacyada horumarka, nabadda, dib u heshiisiinta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dadaallo aan kala go’ lahayn oo loogu jiro ololaha Mooshinka kalsooni kala noqoshada guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa hareeyay magaalada Muqdisho. Kulanka looga hadlayo mooshinka oo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Ibraahin Muudey uu shaaciyay inuu qabsoomayo Sabtida 31-ka Maarso ayaa inkastoo uu khilaaf ka taagan yahay, waxay labada dhinac wadaan sidii ay ku heli lahaayeen codad hor leh. Dhinaca xukuumadda ayaa dadaal weyn ugu jirta sidii ay codad ku filan ugu heli lahayd ridista guddoomiye Jawaari, waxayna arrintaasi noqotay mid aad u adag oo gaartay in lagu xisaabtamo cod kasta oo xildhibaannimo. Kooxda xukuumadda Kheyre ayaa la sheegay inay heshay ilaa 12 xildhibaan oo cusub, iyadoo ku doodeysa inay heysato ku dhowaad 196 xildhibaan, halka Guddoomiye Jawaari ay taageersan yihiin xildhibaanno ku dhow 50 oo intooda badan ay qadiyad u geysay inay la saftaan, waxaana xildhibaannadaasi u badan kuwa kasoo jeeda kooxda Qabyo. Iyadoo ay xaqiiqoobeyso in cod lagu kala baxo arrintan uu adag yahay ayaa waxaa laga yaabaa inay arrintu gaarto awood la isu adeegsado iyo qaab sharci darro ah, iyadoo la cuskanayo cod gacan taag ah iyo cod qaadis lagu dhawaaqo. Ilaa hadda waxaa la isku khilaafsan yahay waqtiga uu dhici doono Kulanka codka kalsoonida loogu qaadi doono Guddoomiye Jawaari. Sidoo kale waxaa la isku heystaa oo aan la xalin halka uu ka dhici doono kulankaas iyadoo kooxda Guddoomiye Jawaari ay doonayaan inuu ka dhaco xarunta Xalane halkii ay ka dhacday Doorashada Soomaaliya halka dhianca kalana uu doonayo inay ka dhacdo xarunta Baarlamaanka Soomaaliya. Wixii warar ah ee kusoo kordha waa idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Bosaso-[Puntland Post] Shirk Jaraa’id oo uu maantaTaliyaha qeybta Booliska Gobalka Bari Cabdixakiin Yuusf Xuseen ku qabtay xarunta Taliska ee Boosaaso ayuu uga hadalay dilalkii maalmihii ugu danbeeyey ka dhacayey Magaalada Boosaaso, iyo amaro uu ku soo rogay gaadiidka Takaasida ah ee ka shaqeeya magaalada. Taliyaha ayaa arimaahas oo dhan waxa uu kaga hadlay shirkiisa oo uu ku qabtay Taliska Booliska ee Boosaaso. Cabdiqani Boos Puntland Post-Bosaso The post Taliska qeybta Booliska Gobalka Bari oo ka warbixiyey dilal ka dhacay Bosaso appeared first on Puntland Post.
-
Bosaso (Puntlandi) Taliska booliiska gobolka Bari ayaa amar kusoo rogay gaadiidka Takaasida ah ee ka dhex shaqeeya magaalada Bosaso, kuwaas oo ah baabuurta ugu badan oo ay isticmaalaan shacabka Bosaso. Taliyaha qeybta booliiska gobolka Bari, gaashaanle dhexe Cabdixakiin Yuusuf Xuseen, ayaa warbaahinta u sheegay in gaadiidkaan iyo dadka wataba macluumaad badan laga diiwaan galindoono, si hadda kadib loo kala aqoonsado. Amarkaan lagusoo rogay gaadiidkan, ayuu taliyuhu sheegay inuu qeyb ka yahay qorshe lagu adkaynayo ammaanka magaalada Bosaso lagulana dagaalamayo gaadiidka aan diiwaan ganashaynayn ee loo adeegsado falalka amni darrada ah. Waxaa kale oo taliyuhu sheegay in gaarigii lagu helo isticmaalka Bacda madow lagu ganaaxidoono lacag dhan 500 oo Shilin Somali. Halkaan hoose ka dhegayso codka taliyaha. codka taliyaha Puntlandi.com