Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,008
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) - Dozens of MPs on Tuesday night declared the controversial motion against Lower House Speaker, Mohamed Osman Jawari unconstitutional as the time set for its submission has passed. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho waxaa Maanta kulan ku yeeshay Xubnaha Gudiga joogtada ee Golaha Shacabka, waxaana kulankaas shir gudoomiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Kulanka ayaa waxaa lagu go’aamiyey in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu maalinta Sabtida ah ee soo socoto uu bilaabo howlihiisa caadiga ah,isla markaana uu furo kulanka golaha Shacabka. Kulankan waxaa xoogga lagu saaray ajendayaashii la hordhigi lahaa Xildhibaannada golaha shacabka kulan ugu soo horeeyay. Waxyaabaha la isku af-gartay in kulanka soo socda lagu daro ay ka mid yihiin, arrinta dhismaha Kenya ka waddo Balad-xaawo. Xildhibaannada golaha shacabka ee “Badbaado” la baxay ayaa xalay qoraal ay soo waareen guddoomiye Jawaari ku wargeliyay in uu maanta qabto kulankan. Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Cabdi Buux oo kulanka ka hadlay ayaa yiri “Maanta waxaa dhacay kulankii 29-aad ee Guddiga joogtada, waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana looga hadlay ajandaha Goluhu uu ku shaqeyn doono, maadaama labadii todobaad ee u dambeysay uu galay howlo kale, kulanka Sabtida waxa looga hadlayaa xiisada ka taagan Magaalada Beled Xaawo.” Golaha shacabka, waxaa ka jira khilaaf adag iyada oo lagu guul-dareystay dhammaan xalkii iyo isku-deygii ay sameeyeen golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo ahaa hey’adda keliya ee isku xil-qaantay dhex-dhexaadinta iyo xal u raadinta khilaafka golaha shacabka. Si kastaba ha ahaatee, Shacabka Soomaaliyeed ayaa aad u hadal haya khilaafkan, waxaana ay ka dhowr sugayaan maalinta Sabtida ah, oo xildhibaanada iska horjeeda ay kala sheegeen hadalo isburinaya, welina aanan xal laga gaarin xiisadan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cabdi Xaashi C/laahi, ayaa kala diray guddiga Aqalka sare u qaabilsanaa xalinta khilaafka soo kala dhexgalay Golaha Shacabka. Ka hor inta aan la kala dirin guddiga ayaa la sheegay in Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ay u gudbiyeen warqad ay ku dalbanayeen is casilaad, waxaana kamid ahaa Sanatorada dalbaday casilaada Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), Senator Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan iyo Senator Maxamuud Axmed Maxamuud (Mshruuc) oo xubno ka ahaa Gudiga Aqalka Sare u xilsaaray xalinta khilaafka. Guddoomiyaha Aqalka Sare Md. Cabdi Xaashi ayaa intaa kadib maanta guddiga joogtada waxa uu kaga hor dhawaaqay in ay istaagtay oo ay dhamaatay shaqadii Guddiga Aqalka Sare ee xal u raadinta khilaafka Golaha Shacabka, sidaasina lagu kala diray Guddiga joogtada ah. HOOS KA AKHRISO LIISKA GUDDIGA LA KALA DIRAY Guddiga Aqalka Sare ee horey loogu xilsaaray xalinta khilaafaadka Golaha Shacabka ayaa waxa ay tiro ahaan gaarayeen ilaa 7 xubnood, kuwaasi oo kala ahaa: 1-Cabdi Xaashi C/laahi (Guddoomiye). 2-Mowliid Xuseen Ducaale (Xubin). 3-Zamzam Ibraahim Cali (Xubin). 4-Cabdi Xasan Cawaale Qaydiid (Xubin). 5-Maxamuud Axmed Mashruuc (Xubin). 6-Maxamed Amiin Sheekh Cismaan (Xubin). 7-Muxyadiin Sh. Cali Jaamac (Xubin). Si kastaba ha ahaatee, Khilaafka Golaha Shacabka ee ka dhashay Mooshinka Guddoomiye (Jawaari) ayaa u muuqda mid hada gaaray heer aad u kacsan, iyada oo marba marka ka dambeysa ay soo baxayaan go’aano sii hurinaya Mooshinka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. WICHITA, Kan. — A militia member who tipped off law enforcement to an alleged plan by three men to bomb Somali immigrants in Kansas is expected to testify at their trial. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ayaa kala diray xubnihii guddiga loo xilsaaray xallinta khilaafka ka aloosan mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari. Guddigan oo Sanatarada Aqalka Sare ay magacaabeen ayaa lagu eedeeyey in ay dhex dhexaad ka noqon waayeen xiisadda taagan iyadoo xubnaha 7da ah ee uu ka koobanyahay la sheegay in badankood ay la safteen garabka Guddoomiye Jawaari iyo xildhibannada Qabyo ee garabka siinaya. Ilo wareedyo u dhuun daloolay shirka arrinkan ku saabsan ee ay yeesheen Xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare ayaa tilmaamaya in Guddoomiye Guddigaas ahna Guddomiyeha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi uu lahaa soo jeedinta kala dirista Guddigan, maadama ay u muuqatay in Sanataradaani aysan dadaalkii la filayey ku bixin xal u helista khilaafka Xildhibaannada. Guddiyada Joogtada ah ee Aqalka Sare ayaa la qorsheynayaa in ay mar kale magacaabaan xubno dhex dhexaad ka ah arrinkan, sidoo kalena awood u leh in ay xal waara ka keenaan khilaafkan rakadiyey shaqooyinki Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Muqdisho (PP) ─ Hay’adda Laan-qeynta Cas ee ICRC ayaa sheegtay in mid ka mid ah shaqaalahooda uu ku dhintay Muqdisho, kaddib markii gaarigiisa uu ku qarxay meel ku dhaw xarunta Bisha Cas ee Soomaaliyeed oo ku taalla agagaarka Isgoyska Zope ee Muqdisho. C/xafiid Yuusuf Ibraahim oo ka tirsanaa shaqaalaha ICRC ayaa la sheegay inuu dhaawac ahaan ugu dhintay isbitaal ku yaalla Muqdisho, kaddib markii uu ku dhaawacmay qaraxa gaarigiisa lala beegsaday oo ahaa mid lagu soo xiray. “Waxaan aad uga xunnahay geerida C/xafiid oo ka mid ahaa shaqaalaheena ka hawlgala Somalia,” ayuu yiri Simon Brooks oo ah madaxa madaxa hawl-gallada hay’adda ICRC ee Soomaaliya. Isagoo intaas ku daray. “Waxaan u diraynaa tacsi qoyskiisa iyo intii jeclayd oo xaalad adag ku jira.” Sidoo kale, hay’adda ayaa sheegtay in marxuum C/xafiid uu hay’addooda ku soo biiray shan bilood ka hor, isagoo ahaa madaxa isku-xirka iyo sharciga ee hay’adda ICRC. Waxayna hay’addu sheegtay in kaalin weyn uu ka qaatay sidii dadka loogu wacyi-gelin lahaa shuruucda dagaalka iyo kuwa la xiriira xuquuqda aadanaha. “C/xafiid wuxuu kaalin muuqata ka qaatay difaacidda dadka shacabka ah ee ay saameynta xooggan ku yeesheen colaadaha iyo rabshadaha xilligan jira. Dilkiisna wuxuu qayb ka noqonayaa beegsiga dadka ka shaqeeya arrimaha bani’aadamnimada,” ayuu hadalkiisa ku daray Brooks. Dhanka kale, C/xafiid Yuusuf Ibraahim oo ahaa wiil dhallinyaro ah, wuxuu ifka uga tagay xaad iyo laba gabdhood oo ay u dhashay, kuwaasoo da’doodu ay kala tagay laba sano jir iyo sanad jir. Ugu dambeyn, Ruux kale oo ka tirsan shaqaalaha ICRC oo gaariga la saarnaa ayaa isagana dhaawac fudud uu kasoo gaaray qaraxii gaariga loogu xiray sarkaalka dhintay, lamana oga illaa hadda sababta ka dambeysa in qarax lala beegsado shaqaale ka tirsan ICRC. PUNTLAND POST The post Mid ka mid ah Saraakiisha Hay’adda ICRC oo lagu Dilay Qarax lagula eegtay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  7. Diyaarada Duulimadaka ee Air Djibouti ayaa Maanta duulimadkeedii ugu horeyey ka bilawadaya garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaso ee xarunta gobalka Bari. Tan iyo markii xariga laga jaray garoonka Bosaso waxaa isa soo tarayey Shirkadaha dhinaca duulimaadka, kuwaasi oo xafiisyo ka furtay magaalada Ganacsiga Puntland ee Boosaso.
  8. The Saudi-funded spread of Wahhabism began as a result of Western countries asking Riyadh to help counter the Soviet Union during the Cold War, Crown Prince Mohammed bin Salman told the Washington Post. Source: Hiiraan Online
  9. Hargeysa (Caasimadda Online) – Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Sacad Cali Shire ayaa sheegay in dacwadda Soomaaliya ay geysay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay aysan ahayn mid joojinaysa heshiisyada ay Somaliland gashay iyo kuwa ay gali doontaba. Wareysi uu siiyay BBC, ayaa wasiir arrimaha dibada ee Soomaaliland Sacad Cali Shire wuxuu sheegay in aysan waxba u dhimi doonin dacwadii ka dhanka aheed Dowlada Imaaraadka iyo shirkada laga leeyahay dalkaasi DP World, waxaa kale oo uu ka hadlay arrimo kale oo la xidhiidha maamulka hawada, wuxuuna sheegay in Soomaaliland hawadeeda ay u madax banaantahay. Sacad Cali Shire wuxuu kaloo ka hadlayaa xiriirka u dhaxeeya Somaliland iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ee deegaannadooda ka hawlgala. Wasiirku waxa uu ka jawaabayaa marka hore sida ay Somaliland u aragto dacwaddii Soomaaliya ay geysay golaha ammaanka ee la xidhiidhay arrinta saldhigga milateri ee Imaaraadku ka dhisanayo Berbera, iyo maalgashiga DP World. Warka ka soo baxay Maamulka Soomaaliland ayaa ku soo aadaya xili weli uu taagan yahay khilaafka ka dhashay heshiiskii Saddex geesooka ahaa ee dhex maray Soomaaliland, Itoobiya iyo Shirkada DP World,heshiiskaas oo ay sharcidarro ku tilmaamtay dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. For the 2020 census, the U.S. Census Bureau is changing how it will ask black people to designate their race. Under the check box for "Black or African American," the bureau is adding a new space on the census questionnaire for participants to write in their non-Hispanic origins, according to a recent memo from the head of the 2020 census. "African American," "Jamaican" and "Nigerian" are listed as examples of origins on a questionnaire the bureau is testing for 2020. Source: Hiiraan Online
  11. Update: On the night of March 29, Kenyan authorities again deported Miguna, this time to Dubai. Source: Hiiraan Online
  12. DP World has accused the government of illegally seizing control of the terminal Source: Hiiraan Online
  13. Dowladda Puntland ayaa shaacisay in aan wax qandaraas ah la siin doonin shirkadaha iyo hay’adaha aan bixin canshuurta ku waajibtay,maalmo uun kadib markii madaxweyne Gaas amar ku siiyay dhammaan hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee ka hawlgala degaannada Puntland in ay canshuurta bixiyaan. Qoraal ka soo baxay shirkii Golaha Wasiirada dowladda Puntland ee Khamiista maanta ah,ayaa lagu sheegay in shirkadaha iyo hay’adaha qandaraaska ka haysta Puntland aan laga aqbali doonin in ay la baxsadaan canshuurta,islamarkaana aan qandaraas cusub la siin doonin hay’addii ama shirkaddi canshuur lagu yeesho. Xukuumadda Puntland ayaa sheegaysa in tallaabadan looga golleeyay, sare u qaadidda dakhliga dalka iyo dardar-gelinta bixinta candhuuraha,waxaana sidoo kale hay’adaha lagu amray in ay marwalba mudnaanta siiyaan baahiyaha ay u soo gudbiyaan Wasaaradaha dowladda,marka laga hadlayo caawinta bulshada reer Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland oo shaacisay in aan wax qadaraas ah la siin doonin shirkadaha iyo hay’adaha canshuurta la baxsada. appeared first on Puntland Post.
  14. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka caadiga ah ee golaha Wasiirada. Kulanka maanta ayaa diirada lagu saaray qodobo kala duwan iyadoo ugu horayn Madaxweynahu uu faah faahin ka bixiyay xaalada guud gaar ahaan Siyaasada iyo amaanka. Madaxweynahu wuxuu sheegay in uu socdo dardar galinta howlaha isku dubaridka Hay’adaha amaanka gaar ahaan Ciidamada qalabka sida.Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu hoosta xariiqay in xaalada Siyaasada iyo amaanku ay yihiin kuwo caadi ah oo sidii loogu talagalay kusocda. Madaxweynahu waxaa kale oo golaha uu uga warbixiyay sharciga dhismaha dhulka iyo bixintiisa oo uu xalay saxiixay isla markaana dhaqan galintiisa ay iska kaashanayaan Wasaarada Howlaha guud iyo Wasaaradaha bah wadaagta la ah. Shircigan oo in mudo ah laga soo shaqaynayay ayaa noqonaya kii ugu baahida badnaa ee dhawaanahan ay golahu meel mariyaan iyadoo muranada dhulka la xiriira ay ahayeen caqabada ugu weyn afartii sano ee lasoo dhaafay. Madaxweyne ku xigeenka koobad Mudane Maxamuud Sayid Aaadan ayaa ka warbixiyay shirar uu kaga soo qayb galay Magaalada Nairobi kuwaas oo lagaga hadlayay arimaha hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo Dowlad wanaaga. Wasiirka Madaxtooyada Mudane Axmed Abdirahmaan Xasan ayaa golaha usoo gudbiyay heshiiska shirkada Milestone kaas oo la xiriira samaynta Master Planka Magaalada Kismaayo iyo Magaalooyinka kale ee Jubbaland iyo dib u dhiska Adeegyada aas aaska u ah hormarinta Magaalooyinka.Heshiiskan ayaa marka ugu horaysa ka dhaqan gali doona Magaalada Kismaayo iyadoo kadibna la gaarsiin doono Magaalooyinka kale ee Jubbaland.
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Mooshinka ka geeyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka hor yimid go`aankii ka soo yeeray Gudiga Badbaadada Golaha shacabka ee ku aadanay in uu jabay ama buray Mooshinka ka dhanka ahaa Gudoomiye Jawaari, kaas oo ay u cuskadeen buriddiisa in uu dhaafay waqtigii 10ka maal mood ahaa ee loo madalsanay in lagu dhameeyo muranka iyo is qab qabsiga la xariira arimaha Mooshinka, basle uu dhaafay waqtigaasi isla markaana uu yahay mid Buray. Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Deeriye oo ka mid ah xildhibaanada mooshinka ka geeyay Jawaari ayaa sheegtay in hadalka ka soo baxay Gudiga badbaadinta Golaha Shacabka uu yahay mid lagu marin habaabinayo shacabka Soomaaliyeed, isla markaan uu halkiisii yahay Mooshinka laga geeyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka. Maalmihii dambe ayaa waxaa soo badanayay hadalada isbeeneenta ah ee ay isu jeedinayaan Gudoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaanadaba, lama oga qaabka uu ku dhamaan doono Khilaafka siyaadsadeed ee hareeyay hay`ada sharci fulinta iyo sharci dajinta, iyadoona xaalada ay u muuqato mid mugdi lugaha la sii galeyso. Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in Xildhibaannadii xalay ku shiray Muqdisho ee sheegay in uu bur buray mooshinka ka dhanka ah Jawaari ay ka mid ahaayeen xildhibaanno ka mid ah aqalka sare. Xildhibaan Dhalxa oo wareysi siiyay Idaacadda Mustaqbal ayaa isweydiiyay goorta la isku daray xildhibaannada labada aqal ee Golaha aqalka sare iyo kuwa shacabka ee xalay halmeel wada fadhiyay. Waxaa uu sheegay in Dastuurka dalka lagu xadgudbayo islamarkaana ay taas keeni karto in Booliska iyo Taraafikada oo isku milma sidaas darteedna loo baahanyahay in laga waantoobo. Aqalka sare ayuu sheegay in uu leeyahay xeerar u gaar ah waxaana uu ku tilmaamay faragelinta lagu hayo golaha shacabka gaar ahaanna xildhibaannada aqalka sare. Xildhibaanku waxaa uu Guddoomiyaha Golaha aqalka sare ugu baaqay in uu xildhibaannadiisa cishto haddii ay dhici weysana ay imaneyso in marka iyaga ay is qabsadaan ay faragelin ku sameyn doonaan kuwa Golaha shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xarakada Al-shabaab ayaa soo bandhigtay Magaca iyo Qabiilka Ninkii isku qarxiyay weerarkii Isgoyska Sayidka ee Axaddii la soo dhaafay. Ninka weerargaas geystay ayey Al-shabaab Magaciisa ku sheegeen Cali Xasan C/Raxmaan Khaalid kaas oo ka soo jeeda Beesha Boqol Hore ee degta Gobollada Baay iyo Bakool. Idaacadda Al-shabaab ee Andalus ayaa waxaa ay baahisay wareysi ay ka qaadday Ninkaas ka hor inta uusan isqarxin,waxaana uu Wareysigaas kaga sheekeeyay sida uu u arko falka uu ku dhaqaaqayo. Al-shabaab ayaa sidan oo kale dhowr jeer soo bandhigtay Magacyada iyo Qabiillada xubnaha ka tirsan ee fuliya weerarrada isqarxinta ah ama kuwa lagu galo Hoteellada iyo Xarumaha dowladda Federaalka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Saudi Crown Prince Mohammed bin Salman. Published time: 29 Mar, 2018 07:24 The Saudi-funded spread of Wahhabism began as a result of Western countries asking Riyadh to help counter the Soviet Union during the Cold War, Crown Prince Mohammed bin Salman told the Washington Post. Speaking to the paper, bin Salman said that Saudi Arabia’s Western allies urged the country to invest in mosques and madrassas overseas during the Cold War, in an effort to prevent encroachment in Muslim countries by the Soviet Union. He added that successive Saudi governments had lost track of that effort, saying “we have to get it all back.” Bin Salman also said that funding now comes mostly from Saudi-based “foundations,” rather than from the government. The crown prince’s 75-minute interview with the Washington Post took place on March 22, the final day of his US tour. Another topic of discussion included a previous claim by US media that bin Salman had said that he had White House senior adviser Jared Kushner “in his pocket.” Bin Salman denied reports that when he and Kushner – who is also Donald Trump’s son-in-law – met in Riyadh in October, he had sought or received a greenlight from Kushner for the massive crackdown on alleged corruption which led to widespread arrests in the kingdom shortly afterwards. According to bin Salman, the arrests were a domestic issue and had been in the works for years. He said it would be “really insane” for him to trade classified information with Kushner, or to try to use him to advance Saudi interests within the Trump administration. He stated that their relationship was within a normal governmental context, but did acknowledge that he and Kushner “work together as friends, more than partners.” He stated that he also had good relationships with Vice President Mike Pence and others within the White House. The crown prince also spoke about the war in Yemen, where a Saudi-led coalition continues to launch a bombing campaign against Houthi rebels in an attempt to reinstate ousted Abdrabbuh Mansur Hadi as president. The conflict has killed thousands, displaced many more, driven the country to the brink of famine, and led to a major cholera outbreak. Although the coalition has been accused of a large number of civilian deaths and disregard for civilian lives – an accusation which Riyadh denies – the crown prince said his country has not passed up “any opportunity” to improve the humanitarian situation in the country. “There are not good options and bad options. The options are between bad and worse,” he said. The interview with the crown prince was initially held off the record. However, the Saudi embassy later agreed to led the Washington Post publish specific portions of the meeting.
  18. Ururka saxafiyiinta Puntland ee MAP, ayaa markii ugu horeysay sheegay inay dib u eegis ku sameynayaan dhacdooyinka sida tooska ah looga tabiyo Facebook, kadib markii ay saameyn ku yeesheen xiisaha wararka iyo qaladaad badan oo xagga tifatirka ka yimaada. Guddoomiyaha Mohamed Daahir Caynsane ayaa sheegay warbaahinta laftoodu inay khasaare weyn ugu jirto inay wararkooda kusii horumariyaan baraha bulshada, taasoo uu ku tilmaamay inay ku luminayaan dhageytayaal iyo daawadayaal badan oo sugi lahaa wararkooda. “Saakay haddii aan warkaagii ka daawaday live Book-gaaga, wax macno ah iima sameynayo inaan horfariisto Tifiigaga ama idaacadaada, sababtoo ah war la qabo xiiso ma leh, weriyayaashana waan ku wacyi galinay inay joojiyan dhaqankaan, si uu wararkooda xiiso ugu yeesho,” ayuu yidhi guddoomiyaha MAP oo wareysi siiyay warbaahinta gudaha. Guddoomiyaha ururka MAP. Mohamed Daahir Caynsane ayaa dhinaca kale sheegay inay bisha soo socota ee Abril qaban doonaan shir looga hadlayo saaamaynta baraha bulshada ku hayaan warbaahinta caadiga ah iyo anshaxa weriyayaasha isticmaalkooda barahaas. “Saxafigu labo qof ayuu kala yahay, marka uu xaruntiisa warbaahineed kasoo hadlayo si wanaagsan oo anshax leh ayuu dadka ugusoo warramayaa, balse marka uu soo fariisto Facebook waxa uu noqdaa qof kale oo waxa uu doono ayuu soo qoraa,” ayuu yidhi Maxamed Caynsane. Berrito waxaad Facebook-ga kusoo qortid iyo anshax darrada aad muujisid sida ay saameyn ugu yeelandoonto kalsoonida laguugu rumaysan karo, ayaa ka doodidoonaa,” ayuu hadalkiisa ku daray. Abdiweli Mohamed Sheikh Puntlandi.com
  19. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan xildhibaanada wada Mooshinka Gudoomiye Jawaari ayaa ka wajaabay hadal ka soo yeeray Xildhibaano Xalay ku shegay Muqdsho oo sheegay in uu buray mooshinkii Jawaari. Xildhibaan Jeesoow ayaa sheegay in hadalkaasi ay sheegeen in xildhibaanadu uu yahay mid xaqiiqda iyo xeer hoosaadka ka fog isaga oo ku eedeeyay in ay doonayaan in Baarlamaanka ay burburiyaan. Waxa uu sheegay in xildhibaanadaasi tiradooda ay tahay 30 Xildhibaan dartood aanu Baarlamaanka u burbureynin isaga oo sheegay in la iska qaban doono. Waxa uu sheegay in Mooshinkaasi uu yahay sharci islamarkaasina lagu kala bixi doono fadhiga Baarlamaanka. Hadalkaan ka soo yeeray Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah xildhibaanada wada mooshinka Jawaari iyadoo Xalay Xildhibaano kulan ku yeeshay Muqdisho ay sheegeen in Mooshinkaasi uu burburay. Hoos ka Dhageyso Codka http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/03/Cod-2-Cowke-.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post, Muqdisho The post Xildhibaan Jeesow “Mooshinku waa Sharci mana burburin” appeared first on Puntland Post.
  20. Riyadh (Caasimadda Online) – Marar badan ayaa dadka aan wax badan ka ogayn siyaasadaha Dunida iyo kuwa maskaxda Laga badaley ay dadka Ku waaleen in Boqortooyada Sacuudigu Masaajid iyo madarasado badan dhisto si ay u faafiso diinta Islaamka isla markaasna tahey Boqortooyo barakeysan. Halka qofkii Laga maqlo warkaas wax ka badalan ama su’aal ka keena la oranjirey waa cilmaani diin iyo Carab diid ah. Asbuucaan waxaa saxaafadda Adduunka la Hadley Amiirka awooda badan ee ah dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohammed bin Salman, wuxuuna sheegay in awalba saaxiibadooda Reer Galbeedku ku amreen in ay maal galiyaan masaajid iyo madarasado badan iyo wadaada Wahaabiyada ah, si looga hortago saamaynta Midowgii Suufiyeed iyo Iraan, isla markaasna ay siyaasadooda dhex marsadaan dadkana lagu gaado arrimaha diinta Islaamka. Waxaa kale oo Amiir Salaam sheegay in haddana Boqortooyadu arrimahaas faraha Kala baxeyso maadaama Saaxiibadood reer Galbeedku kula taliyeen. Amiirka ayaa hadalkaan sheegay markii uu Wareysi qaatay 75 Daqiiqo uu siiyey Wargeyska Washington Post maalintii ugu dambeysay ee Booqshadiisa dalka Mareykanka. Hadalkaan ayaa wax badan oo mugdi ku jiray banaanka keenay, wuxuuna amiirka ballan qaaday in arrimahaas dhan ay Sacuudiga faraha kala bixi doonto. Dowladda Sacuudiga ayaa muddo badan lagu eedeenayey inay faafineyso waxyaabo badan oo dhibaato ku ah Diinta Islaamka waxaana hadda muuqato inay Sacuudiga si caadi ah u caddeysaneyso waxyaabihii ay qarin jirtay muddo badan. Halkaan hoose ka akhriso wareysigiisa oo dhameystiran https://www.rt.com/news/422563-saudi-wahhabism-western-countries/ Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dadka Soomaaliyeed ee ka aragti dhiibtay Xildhibaannada xalay ku shiray Villa Hargeysa oo ku dhawaaqay Guddiga bad-baadinta Baarlamaanka ayaa ku kala aragti duwan. Baraha Bulshada ee Soomaalidu adeegsato ayaa waxaa ka taagan dood ku saabsan tirade la sheegay in ay ahaayeen xildhibaannada shiray, Guddiga ay ku dhawaaqeen iyo halka uu ku danbeeyey mooshinka? Tirada Xildhibaannada shiray Muuqaallada iyo sawirrada laga qaaday shirkii Villa Hargeysa waxa ay noqdeen kuwo ay si weyn ugu jees jeesaan dad badan oo adeegsada baraha bulshada, iyagoona sheegayey in tirade ka muuqata muuqallada iyo sawirrada aysan ka badnayn 40 Xildhibaan. “Miis dheer oo kuraas dhinacyada laga soo dhigay xildhibaanno ku shiray baa 120 ah idin kama yeelin, bal dhab u fiiriya sawirkan oo tiriya dadka goobta ku sugan, xitaa markii lagu daro wariyaasha wax duubaya dhammaantooda 50 qof ma gaaraan.” Ayuu yiri Maxamed Xasan. Sidoo kale, dadka qaar ayaa ku doodaya haddii tirada ay tahay sida la sheegay 120qof maxay u saxiixi waayeen war murtiyeedka la soo saaray ama ay uga qeyb gali waayeen markii la akhrinayey si ay u muujiyaan cududdooda iyo inta ay gaarsiisantahay awood ay leeyihiin Xildhibaannada ka soo horjeeda mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari. Guddiga Badbaadada Baarlamaanka Guddigan oo xalay lagaga dhawaaqay Villa Hargeysa ayaa dadka intooda badan waxa ay shaki galinayaan ujeedka loo asaasay iyo shakhsiyaadka gaarka ah ee ku daneysanaya muranka siyaasadeed eek a jira Baarlmaanka. “Waligay ma arag Hay’ad Dawladeed oo la leeyahay hadii qofka Madaxa ka ah la badalo waa bur bureysaa maanta ka hor. 4tii sano ee Madaxweyne Xasan Sheekh waxaad ridden 4 Raiisul Wasaare iyo 4 Xukuumadood mana arkin cid ku doodeysa badbaadin Qaran, maxa markaas la isugu xiri waayey badbaadinta Xukuumadda iyo Qaranka, mase Jawaari baaba Qaranka oo dhan ah maanta waa yaabe.” Sidaas waxaa yiri Abdikani Mohamed oo ka jawaab celinaayey qoraal uu bartiisa Facebooka soo dhigay Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi. Mooshinku ma buburay mase waa jiraa? Dadka falaanqeeya siyaasadda, sida weynna looga dhex yaqaan baraha bulshada ayaa qoraya in xaaladda taagan aysan intaas ku ekaaneyn , jahwareerka siyaasadeedna aan laga baxayn iyo inta sharcigu dhinac u tuurayo arrinka mooshinka, taas oo ka dhigan in si deg deg ah Mudanayaasha Baarlamaanku cod ugu qaadan. Arrinkan oo muujin doona tirada Xildhibaannada ay kala haystaan labada dhinac iyo cidda ku awood badan Golaha Shacabka. “Mahadow haddii aad haysataan 120 Xildhibaan oo aad Jawaari bad baadin kartaan maxaa ugu ordeysaan booshinkii waa bur buray, runta aan isu sheegno dalku saan kuma sii jiri karo iyo in qof gaar ah ay u curyaanto shaqadii dowladda oo dhan.” Ayuu yiri mid ka mid ah dadkii ka aragti dhiibtay qoraal uu arrinkan kaga hadlayo Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah Mudanayaasha u janjeera dhinaca Guddoomiye Jawaari. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa xalay Villa Hargeysa Kulan ku yeeshay Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka oo u badan ashqaas dano siyaasadeed uga faa’iidaysanayaa khilaafka sharci ee u dhaxeeya Golaha Barlamaanka iyo Xukuumadda. Xildhibaanadan Kulmay waxaa horkacaya Mahad Salaad, Odowaa, Xil Saabir oo shacabku ku xasuusto fursad ka raadintii & iska horkeenkii ay hore ugu fashilmeen inay dawladda iyo Bulshada kala shaki kaga dhex abuuraan dhacdooyinkii Bariire, & Qalbidhagax. Kooxdan danleyda siyaasadeed ah oo wixii ka dambeeyay curashada gu’gii rabitaanka shacabka ee 8 February iska waayay fagaarayaasha maadama oo ay weli xiran yihiin shaadhadhka musuqa iyo weerka ku danaysiga hantida qaranka ee Dawladda Farmaajo ka taqalustay. Kooxdan ayaa si weyn udanaynaya inay cirka kusii shareeraan ismaandhaafka sharci ee Baarlamaanka iyo Xukuumadda waxaana taasi tusaale nool u ah soo jeedintoodi caawa oo noqotay inay warbaahinta mariyaan warar sheegaya in uu buray mooshinka fadhigiisa Sabtida loo balansan yahay. Kooxdan danleyda ahi iyagu dhinacna taageero uma aha balse waxay raadinayaa fursado iyo jaanis siyaasadeed oo ay markale kusoo noolayn karaan awoodoodi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh. Cismaan Jawaari iyo Xisbiga Wadajir ayaa qorsheenayo inay dagaal dhanka Saxaafadda ah ku qaadaan Safiirka Dalka Mareykanka Martin Dale. Cismad Caynte oo la dhashay Cabdiraxmaan Ceynte isla markaasna uu Abti u yahay Guddoomiyaha Xisbiga Daljir ayaa baraha Bulshada soo dhigay qoraal uu ku baaqayo in weerar lagu qaado safiirka Mareykanka u fadhiyo Soomaaliya isagoo fulinayo Amarka Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir. Guddoomiyaha Xisbiga Daljir ayaa amar ku bixiyey in dagaal Social Mediayaha ah lala galo Safiirka Mareykanka kadib markii ay ku eedeeyeen inuu xiriir la leeyahay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Sidoo kale waxaa dagaalkaan qeyb ka ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari iyo Xildhibaano ka tirsan kuwa isaga la safan kuwaas oo waraaq u diray Safiirka Mareykanka. Dagaalkaan ayaa waxaa sabab u ah kadib markii siihayaha Xilka Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya uu Guddoomiye Jawaari u sheegay inuu is casilo. Safiirka ayaa jawaari ku eedeeyey inuu dhaqan xun ku hayo Xukuumadda Xasan Cali Kheyre isla markaasna ay Xukuumadda isaga ka shaqeyn la’dahay. Go’aanka Safiirka Mareykanka ee Xiisadda Jawaari iyo Kheyre ayaa sababay inay Xildhibaano taageersan jawaari u qoraan waraaq cabasho ah waxayna Caasimadda xogta ku heshay inaay weli wax jawaab ah laga siin waraaqda ay qoreen. halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Cismad Caynte soo qoray Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (PP) ─ Golaha Aqalka Sare ee Golaha Barlamaanka Somalia ayaa sheegay inay u taag waayeen xalinta ay ka dhax-wadeen Golaha Shacabka, kaasoo ku aadan khilaafka cirka isku sii sheeraya ee ka dhax-taagan Golaha oo ka dhashay mooshinkii laga keenay Guddoomiye Jawaari. Gudiga loo xil-saaray xil saareen xalinta khilaafkaas ayaa kulammo dhawr ah oo saacado qaatay ay la yeeshay labada dhinac ee kala ah kuwa Mooshinka wada iyo kuwa diiddan ee la safan gudoomiye Jawaari, Gudiga ayaa xusay in ay ku adkaatay in ay isku soo dhaweeyaan dhinacyadaan iyo in khilaafka lagu dhameeyo waxa uu sharciga ka qabo. Sidoo kale, guddigan ayaa sheegay in qodobada la isku mari la’yahay ay ka mid yihiin: In ciidamadii la geeyay xarunta golaha shacabka laga qaado iyo xilliga baarlamaanka la hor-geynayo mooshinka. Guddiga Aqalka Sare ayaa horay u soo saaray in mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari lagu hor-geeyo Baarlamaanka muddo 10 maalmood ah oo kasoo bilaabata 18-ka bishan, kuna eg 28-ka bishan oo shalay ku ekayd, balse aysan suura galin in muddadaas lagu dhameeyo khilaafka mooshinkan ka dhashay. Dhanka kale, go’aanka kasoo baxay golaha Aqalka sare ayaa imaanaya xilli go`aan midkan oo kala ah uu kasoo baxay gudiga badbaadada golaha shacabka la magac-baxay, kuwaasoo ku dhawaaqay inuu buray mooshinkii isla markaana lagu qaban waayay mudadii lagu balamay, inkastoo go’aankaas ay ka hor–yimaadeen xildhibaanada wada mooshinka oo xusay in mooshinka uu wali halkiisii yahay. Ugu dambeyn, Khilaafkan taagan ayaa hakad geliyay gabi ahaan hawlihii ay hay’adaha dowladdu u hayeen shacabka Soomaaliyeed, iyadoo aan la ogeyn halka uu salka dhigan doono mooshinkan. PUNTLAND POST The post Guddiga xalllinka khilaafka mooshinka oo sheegay inay xalin waayeen khilaafka jira appeared first on Puntland Post.
  25. The first Somaliland Diaspora Investment Consultative meeting was held in Hargeisa on the 25th of March 2018 at the Crown Hotel. The meeting which was organized by the Somaliland Diaspora Agency (SLDA) and Ministry of Foreign Affairs and International investment was attended by members of the Diaspora, stakeholders and representatives from various government ministries and other dignitaries.. Dr. Sacad Ali Shire, Minister of Foreign Affairs & International Cooperation , in his opening speech , highlighted the importance and vital role of Somaliland’s Diaspora in the country’s economy, underscoring that since the current export of livestock, the country is largely dependent on the remittances sent by the Diaspora and its role in the economy country. He further stressed the need for the country to promote investment, and the need to address challenges whenever they arise; he further answered a lot of questions asked by the members of the Diaspora. The Minister of Foreign Affairs strongly encouraged the vibrant and collaborative efforts of the Diaspora, and expressed concerns that the government is not in control of the investors and advised that there is a need for a policy that is good for the government. . Mr. Abdi Abdullahi Hersi, the chairman of Somaliland Diaspora Agency speaking at the conference said that the purpose of the meeting was to discuss the first part of the survey conducted by the recently formed Cities in the area of ​​collection, organize and integrate investment information for the Diaspora so as assess and identify challenges, and work to encourage investment into the country of the Republic of Somaliland Diaspora. He said that after we conducted the Pilot survey and after considering a request submitted to us by businessmen from the Diaspora to hold the meeting so that they can present the grievances and challenges facing investors, they invited the Minister of Foreign Affairs, Investment, Finance, Finance, General Operations, Chamber of Commerce, The Chairman of the Supreme Court, the Immigration Department, the Mayor and other government departments to answer the questions at hand. Although some of the officials invited to the meeting failed to attend due to excusable reasons for some of them, Diaspora entrepreneurs based on the occasion raised a range of issues including questions regarding the barriers and challenges facing investing Diaspora investment in country which were answered by Ministers of Foreign Affairs, Investments, Trade, and the Chairman of Chamber of Commerce. Questions asked by the Diaspora investors were mostly related to the system of tax collection in the country which treats Diaspora as same as big businesses not to mention the foreign investment law only supports foreign investment, and businesses, unlike the Diaspora do not have the support of the government and other incentives to invest in their investments and other factors. Different participants of the Diaspora entrepreneurs complained of limited skills of the country and suggested Somaliland Government to have clear policy on improving technical skills of the people. Other entrepreneurs complained of that they could not export their products of oil through the Airport. Hon Mohamed Ahmed Awad, Minister of international investment while answering questions from the Diaspora investors said, “The government is in the process of reviewing and amending the foreign investment act, which will pave way for not only attracting foreign investments, but also to encourage more investments from Somaliland Diaspora such as giving tax breaks whenever they invest in the country by setting up industries and other substantial investments exempt when they’re importing cars which they will have to pay their taxes. Hon Mohamed Saad lIdle(Sajiin), Minister of Commerce, industry and tourism while addressing the participants said,” We are committed to support and encourage members of the Diaspora, but having said,I will like to make one thing clear that we cannot make tax break time. My advice to you in the Diaspora should merge and form a combination of partnerships so as to invest in big ventures which benefit the country. Mr. Mohamed Shukri , Chairman of the Somaliland Chamber of Commerce briefed the Diaspora investors of the untapped investment opportunities that exist and the same time to be cautious before making investing in a bid to avert incurring losses, and instead opt for business that will be profitable in the long run. “Diaspora entrepreneur’s expectation is very high when they come home to embark on business, but goes down when they start, particularly without making any related further feasibility study and consultations for their business plans,” he said. As Somaliland Diaspora Agency invited participants included different key tour operators and airlines operating in Somaliland such as Ethiopian Airlines, and Air Arabia. Executive Director of Somaliland Diaspora Agency stated they are calling for the main airlines to support the Agency’s Diaspora-oriented programs, and particularly thanked Ethiopian Airlines who realized such cooperation. Mr. Estinafous Weikema, Area Manager of the Ethiopian Airlines in Somaliland who also delivered a key note speech pointed out history of the Ethiopian Airlines operation and services in Somaliland being the first and the main operator that started international flights in Somaliland. Mr. Weikema emphasized that they would collaborate with SLDA on provision of recommended services to the Diaspora on all possible capacities. Somaliland Diaspora Agency invited representatives from airlines which operate in the country such as FlyDubai and Ethiopian Airlines. Based on the Pilot Survey Conducted, below questions included the Somaliland Diaspora Investors Questions, and Concerns Does Somaliland have progressive tax system? If yes, why all investors/businesses are taxed at same rate in Somaliland? Somaliland Diaspora entrepreneurs feel that there is no progressive tax system, and that the government doesn’t have tax system that is straight and fair. All business owners are taxed at same rates What are the Government tax exemptions for Diaspora investors, and are there other incentives to Diaspora investment? Diaspora entrepreneurship and making businesses has been on increase since recent years Return of Diaspora households from abroad moving with their possessions is increasing year after year There is no government plan for providing residential, commercial, and industrial land incentives for the Diaspora in general What is the difference between foreign investor and Somaliland national Diaspora investor accordance to Somaliland Foreign Investment Law? Somaliland foreign investment law guarantees incentives to foreign investors but not Somalilander investors from the Diaspora. Does Somaliland Government have plan to set up physical policy and banking systems that can encourage Diaspora investment? Diaspora concerns include existing banks don’t offer overdrafts and there are several issues from an Islamic point about interest/Riba. What are the Government laws in relation to hiring foreign labour? Somaliland Diaspora investors feel that local/national staff is unskillful in certain professions which is challenge to their investments, and that sometimes hires employees from abroad. Local competitors poaching trained staff from abroad, which leads to devastating effects on their businesses and there are no consequences for the perpetrators. What are the Government limitations towards duplicating business ideas and property rights protections? Somaliland Diaspora has also concerns over the following in Somaliland? Lack of Tourism polices Lack of contract enforcement Overdue court cases, while Diaspora nationals have limited time to stay home Favoritism of Local business people Lack of preventive and protective measures in relation to Diaspora and Diaspora-born children of Somaliland nationals The invited Diaspora entrepreneurs and some other participant businesses included: Masala Specialist Hospital, Masala Specialist Hospital, International Medical services, Young Muslim Academy, Xarago Company, Casri fashion, Asma Style, Royal Style, Weris Accessories, Café Barbera, Galool Café, Holland Diary food company, Saryan Museum, Hargeisa Cultural Center, Crown Hotel, Cafra Supermarket, Sugan Billicsan, Gacalle group Business, BM Cosmetics, Sahra’s Botique, Simple Divine, Kings Coffee, Haboon, Amiir Perfumes, Sumaya World, Altawba Perfumes, Horn Garden, Guleed Hotel, Habeen Dhalad, Alpha Beauty, North Star Medical Center, Quruxbila, Hubaal Cleaning service, Star Box, Himilo Restaurant, Nasrulah, Epyan Shoes, Good Super Style, Oderese, Sovocco, Adams Inn Hotel, Carayaabo ARH, Al-Ashira centre, AJ Poultry Farm, Boodhari Mills, UBI, Nabad Consulting, Bella Rossa, HYJ Consulting, The Review, Odorose Eng, Asad construction, Mandar Food Factory, Caroyabo Agriculture, Nuriye Napkins Factory, Eagle Fishing, Al xariiri Multi Service, Community Consultancy Development, Toosi Travel, Amalina Clinic, Som Fishing Coup, FB2 Berbera, IPX + AIGIC, SLN-TV, Cookies Time, Quantum-CES, Hawdolmo, Fishery Association, Royal Consultants Ltd, STC, North Rock, Chicago Huge, Seegaal Trade Co., Supreme Court, Biryani Restaurant, Sanka Group, European Colleague, Daus Company, Somaliland Vegetable Oil Comp, Arayaanbo Fadagi, Smart Jobs Co, DAS ACC, KHEYRAAD DEV. Association, United Pricic IndustryOderese, Sovocco, Adams Inn Hotel, Carayaabo ARH, Al-Ashira centre, AJ Poultry Farm, Boodhari Mills, UBI, Nabad Consulting, Bella Rossa, HYJ Consulting, The Review, Odorose Eng, Asad construction, Mandar Food Factory, Caroyabo Agriculture, Nuriye Napkins Factory, Eagle Fishing, Al xariiri Multi Service, Community Consultancy Development, Toosi Travel, Amalina Clinic, Som Fishing Coup, FB2 Berbera, IPX + AIGIC, SLN-TV, Cookies Time, Quantum-CES, Hawdolmo, Fishery Association, Royal Consultants Ltd, STC, North Rock, Chicago Huge, Seegaal Trade Co., Supreme Court, Biryani Restaurant, Sanka Group, European Colleague, Daus Company, Somaliland Vegetable Oil Comp, Arayaanbo Fadagi, Smart Jobs Co, DAS ACC, KHEYRAAD DEV. Association, United Pricic Industry END Somaliland Diaspora Agency info@sldiaspora.org / hassanafgaab@gmail.com March 25, 2018