-
Content Count
206,022 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (PP) ─ Dallada Bulshada Rayidka ee koofurta iyo bartamaha Somalia ee SOSCENSA waxa ay ka walaacsan tahay khilaafka siyaasadeed ka dhex jira hey’adaha Dastuuriga ah kaasi oo ku yimid mooshin laga keenay guddoomiyaha golaha Shacabka Mudane Maxamed Cismaan Jawaari. Daladda Bulshada Rayidka waxa ay dadaallo u gashay uguna jirtaa xallinta khilaafka, waxa ayna u xil saartay guddi xubno ah oo bulshada rayidka matalayo kuwaasi oo loo xilsaaray xal u raadinta khilaafka jira. Guddigaan oo la magaacabay 19 Maarso 2018 ayaa waxa uu kulamo gooni gooni ah la qaatay guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Kuxigeenkiisa, Ra’isulwasaaraha DFS iyagoo kala hadlay sidii loo xalin lahaa khilaafka taagan islamarkaana looga gudbi laha, welina ay rajo ka qabaan sidii ay ula kulmi lahaayeen Madaxweynaha. Maalinimadii shalay ee Khamiista ahayd oo taariikhda ku beegneyd 29 Maarso, Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Sheekh Cismaan Jawaari waxa uu ku dhaawaqay in kulanka baarlamaanka uu furmi doono maalinka Sabtida, ajendaha kulankana uu noqon doono arimaha xuduudaha, iyadoo aan ognahay in dhanka kale ee guddoomiye ku xigeenka xildhibaanada uu u sheegay in 31-ka Bisha maalinka Sabtida ah kulan ay isugu imaan doonaan xildhibaanada, waxaana halkaasi inooga cad in khilaafka uu sii siyaadi karo taasina ay abuuri karto qal-qal siyaasadeed oo hor leh. Guddoomiyaha Dallada Bulshada Rayidka mudane Diini Maxamed Diini isagoo ku hadlaya magaca Bulshada Rayidka waxa uu ka codsanayaa xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya in la hakiyo kulamadaasi ayna aqbalaan waan-waanta iyo dadaalada ay wadaan Bulshada rayidka si xal loogu helo khilaafka taagan. Ugu dambeyn, Dallada SOSCENSA ugu baaqeysaa dhammaan xildhibaanada baarlamaanka Federaalka Somalia in xaalad la dejiyo islamarkaana sharciga la illaaliyo. PUNTLAND POST The post Dallada SOSCENSA oo ka digtay in Khilaafka Gudoonka baarlamanka uu sababo qal-qal siyaasadeed appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Somalia, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo xalay shir jaraa’id qabtay ayaa farriin u diray Ra’iisul Wasaaraha Somaia, Xasan Cali Kheyre, isagoo ugu baaqay in Xukuumadda faraha kala baxdo howlaha Baarlamaanka. Prof. Jawaari ayaa sheegay in aanay weli dhicin in Baarlamanaka ciidan la dul keeno, isla markaana ay tahay saan saan qatar ah oo ah dareen u eg afgambi, waxaa uu ka digay in xaalada in aan looga darin. “Weli ma dhicin in xaruntii Baarlamaanka ee xormada lahayd ciidan la dul dhigo, amniga xarunta wuxuu saaran yahay guddoonka, hase yeeshee arrinta lagu kacay ma qurux badna waxayna keeni kartaa arrimo ka sii culus oo xasilooni darro ayaa ka imaan karta, waxaan uga digayaa laanta fulinta inay faragelinta naga dhaafaan, inay ciidamada ka dul qaado xarunta Baarlamaanka Somalia, kana deyso fara-gelinta,” ayuu Guddoomiye Jawaari. Sidoo kale, Wuxuu sheegay in Baarlamaanka Somalia aanay wax fara-gelin iyo carqalad ku heyn Xukuumadda, inay shaqadeeda ku taageeraan, isla markaana arrin masiiri ah oo ay Baarlamaanka u soo gudbiyeen aanay ka diidan. Ugu dambeyn, Jawaari oo shirkiisa jaraa’id uu dheeraa ayaa Xildhibaanada baarlamaanka xusuusiyay dhaartii ay mareen, isagoo ugu baaqay Alle ka cabsi iyo inay damiirkooda la tashadaan, kana digtoonaadaan burburinta baarlamaanka. HADDABA, DAAWO SHIRKII JARAA’ID EE GUDDOOMIYE JAWAARI; PUNTLAND POST The post Prof. Jawaari oo ka hadlay Ciidanka la dul-dhigay xarunta Baarlamaanka iyo Qodobo kale appeared first on Puntland Post.
-
A young reformer or an entrenched military man? Ethiopia's prime minister-elect is the first from the Oromo ethnic group that's been at the forefront of anti-government protests. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka Soomaaliya Cabdi Weli Muudeey ayaa sheegay inaanu waxba iska beddelin qorshaha codka kalsoonia loogu qaadayo guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Cismaa Jawaari maalinta sabtida. Muudeey ayaa xalay soo saaray warqad uu ku saxiixnaa oo jawaab u ahayd hadalkii shalay kasoo yeeray Jawaari ee ahaa in mooshinka uu burburay, islamarkaana baarlamanka uu howlihiisa caadiga dib u billaabayo sabtida, uuna hoggaamin doono kulanka. Muudeey ayaa sheegay in guddoomiye mooshin laga keenay uusan baarlamaka hoggaamin karin, sidaas darteeda uu sabtida hogaamin doono kulanka, islamakaana ajendaha uu yahay mooshinka. Hoos ka aqriso warqadda Jawaari
-
“Caawa maxaa uga ek Xalay” “Awrka yar wuxuu leeyahay saan-qaadka kan Weyn” “Waa maadeys adduunyadu dadkuna way matalayaan”. Barlamaanka Somaliya, gaar ahaan 5 tii ugu danbeysay waxaa soo maray; khilaaf, is qab-qabsi, buuq, kala qeybsanaan, Mooshino iyo bur-bur ku dhammaan jiray: ridis iyo dhisid Xukuumado, Madxweyne iyo Gudoomiye iwm. Sanad kastana Khaatuma xumo ayuu ku dhammaa jiray oo ah in la xiro ama la hakiyo hawlihiisa sida: 1-Barlamaankii Carte 2000, oo sanadkii ugu danbeeyey ku dhamaaday khilaaf lagu kala aaday Eldoret iyo Muqdisho. 2-Barlamaankii Embagathi 2004, oo ku bilawday Jawhar iyo Xamar, kuna dhamaaday Asmara iyo Muqdisho. 3-Barlamaankii Jabuuti 2009, oo ku dhamaaday Qunful Xaruntiisa iyo Kampala Accord. 4-Barlamaankii Muqdisho 2012, oo ku dhamaaday hawl-gab lagu bedelay Golihii Madashii Badbaado Qaran iyo Gudoomihii Barlamaanka oo xubin ka noqday kadib markii uu hakad geliyey hawlihii Barlamaanka. 5-Barlamaanka Maamul-gobaleedyada 2016, oo sanad kadib isku bilaabay khilaaf aan la ogeen qaabka uu ku dhammaan-doono 3 sano kadib. Waxaan tusaale kooban u qaadan karnaa laba Kutlo oo ka kala tirsanaa Barlamaankii 9 aad iyo kan 10 aad, dhinacyada ay isaga ek-yihiin ama ay ku kala duwan-yihiin; A-Kutlada Xalay lagu dhawaaqay ee la magac baxday “Badbaadada Barlamaanka” ee difaaceysa Guddoomiye Jawaari uuna hogaaminayo Mudane M. Cumar Carte. B-Kutladii Badbaado Qaran ee 2014, oo difaaceysay Xukuumadii RW Cabdiweli, ayna hogaaminayeen Senator Dhegdheer iyo Senator Jurrile. Xagga ay isaga ekaayeen labada Ciyaartoy!. 1-Magaca Badbaado iyo Tirada Ciyaartoyda ka wada tirsanaa. 2-Gudoomiye Jawaari oo Jilaa ka wada ahaa labada Ciyaar. 3-Qabyo oo Ciyaartoy ka wada aheed labada Ciyaarood iyo labada Garoon. 4-Xukuumaddii RW Cabdiweli iyo Xukuumadda RW Khayre oo ka kala ahaa Difaac iyo Weerar. 5-Madaxweyne Xasan iyo Madaxweyne Farmaajo oo ka kala ahaa Kaptan iyo Gool haye.. 6-Carte iyo Dhegdheer oo wada ahaa kaaliyaal Difaac adag lkn la jebiyey difaacii dhegdheer, halka aan weli la ogeen difaaca Carte???. 7-Beesha Xalane oo isku day’day in ay labada Ciyaarood Arbiter ka noqoto lkn loo wada diiday. 8-Labada kooxood oo ku wada ciyaarayey garoonka Dastuurka iyo Xeer-hoosaadk lkn ku kala duwanaa; dharka, kubbaddaha, calamada, kaptanada, aarbiitarada iyo taagee-yaasha. 9-Ciyaartoyda labada koox oo mar kasta ka yimaada; 2 Beel, 2 Deegaan, 2 Xizbi, 2 Jilayaal lkn Taageere-yaasha iyo Daawada-yaasha ay kala duwan-yihiinn. 10-Xilliga Ciyaarta oo mar kasta kusoo beegma sanadka 2 aad markii taba-barka loo xiro Kaptanada cusub. Hadaba maalmaha soo socda waxaa noo bilaabanaya Ciyaar adag oo dhex mari doonta laba kooxood oo aad u culus aadna u taba baran lehna Ciyaartoy kayd ah iyo Taageerayaal jadbeysan oo ay kala hogaaminayaan; Kaptan Carte iyo Kaptan Khadiija M. Diiriye, waxaana sugeynaa Gool ka ugu horeeya iyo Dhibcaha ugu danbeeya ee la kala helo iyo sida ay ugu qanciyaar Taageerayaasha!. W/Q. Mohamed Gacal
-
Waxaa halkaan looga tacsiyeynayaa Dhamaan Qoyska Reer Cabdi GeesCade geerida ku timid Hooyo Marxuumad Sahra Daahir Warsame oo mantey oo khamiis 29/3 ku Magaalada Nairobi, waxaan Marxuumada Illaahay ugabaryeynaa Jano waarta iyo Dambi dhaaf. Aaaamiiin Aaaaamiin Waxaa si gaara loogu tacsiyeynayaa Caruurtii ay Marxuumadu ka geeriyoo Ray iyo Guud ahaan Ehelka, Qaraabada iyo Asxaabtaba. Waxaa nasoo gaarsiiyey Tacsida Nabadoon Mahdi Geescad Dubai – UAE
-
Diyaarada Duulimadaka ee Air Djibouti ayaa Maanta duulimadkeedii ugu horeyey ka bilawadaya garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaso ee xarunta gobalka Bari,. diyaaradan ayaa keenisteeda Boosaso waxa ka danbeyey Ganacsato Reer Puntland ah waxana ay isaga kala gooshi doonta qaar kamid ah dalalka soomaliya la dariska ah iyo magaalooyinka Jabuuti,Hargeysa Bosaso iyo Muqdisho. Maamulka Gobalka Bari, Ganacsato iyo qeybo ka mid ah buslahada Bosaso ayaa si balaaran ugu soo dhaweyey garoonka diyaaradaha Siyaasi Cali Cabdi Awaare oo hogaaminayey waftiga diyaarada la socdaya Masuuliyiinta shirkada duulumaadka ee Air Djibouti iyo qeyb ka mid ah shaqaaleheeda oo diyaarada Air Djibouti la socday. Yuusuf Maxamed Waceysa dhedo Gudoomiyaha Gobalka Bari, ayaa sheegaya in duulimadka ay diayaradan ka bilawaday Boosaso ay faraxad galinayso Bulshada Reer Puntland waxan uu balan qaadaya in si dhaw ay ula shaqeyn doonan ka gobal ahan. Ciise Guude Xaaji oo ah Maamule ku xigeenka Guud ee shirkada Duulimaadka Ee Air Djibouti ayaa shaciyeey duulimaadyada ay diyaaradu ka sameyn doonto Boosaso Siyaasi Cali Cabdi Awaare oo hogaminayey Waftiga Diyaarada la socdaya ee ka yimid dalka Jabuuti ayaa bogaadiyey imshaha Air Djibouti Puntland waxana uu shacabka ugu baaqay in ay ka faa,idaysatan Duulimadyada ay diyaardu sameynayso. Tan iyo markii xariga laga jaray garoonka Bosaso waxaa isa soo tarayey Shirkadaha dhinaca duulimaadka, kuwaasi oo xafiisyo ka furtay magaalada Ganacsiga Puntland ee Boosaso.
-
Qaran News
-
Guddiga joogtada Aqalka Sare ayaa kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku kala direen gudigii Aqalka Sare ee loo xil saaray xalinta khilaafkii ka dhashay mooshinkii laga gudbiyey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Tilaabadaan ayaa loo qaaday kadib markii uu fashilmay qorshe la doonayay in lagu qaboojiyo xiisada ka dhex aloosan barlamaanka aqalka hoose, taasoo aan waxba kasoo nasoo cadaan dadaalada kala duwanaa ee aqalka sare uu waday. Warar kale ayaa sheegaya in lagu kala diray kadib markii lagu eedeeyay inay ku dhex milmeen khilaafka golaha shacabka dhexdiisa ka jira ayna meesha ka baxday dhex dhexaadnimadii iyo kalsoonadii lagu qabay, iyagoo dhinac gaar ah la saftay. Ka hor inta aan la kala dirin guddigaan, saddex kamid ah oo uu ku jiro Cabdiqeybdiid ayaa iska casilay xubinamadii ay guddigan ka ahaayeen sida ay ku sheegeen shir jaraai’d oo ay qabteen. Puntlandi.com
-
Dozens of MPs on Tuesday night declared the controversial motion against Lower House Speaker, Mohamed Osman Jawari unconstitutional as the time set for its submission has passed. Last week, Upper House Mediating Committee set 28th March for the debate of the motion in a bid ease the escalating political row in the country. In a Joint statement, Pro-Jawari lawmakers called on the Speaker to resume the work saying he was the legitimate leader of the House as the proposition failed to meet the deadline. “In accordance with article 4 of chapter 9 of the House Standing Order, the motion against the speaker has collapsed (failed) as it was not tabled on time, therefore, the speaker, Mohamed Osman Jawari should officially resume his duties of leading the House business,” reads the statement. The MPs pointed fingers of blame at Prime Minister, Hassan Ali Kheire, accusing him of spearheading the political crisis that crippled the House business. Finally, the statement warned that PM and President Farmajo would take the responsibility, should the national institutions collapsed due to the escalating political tension. The move comes amid the ongoing political row has created a vacuum between the leadership of the House. On Sunday, the 1st deputy Speaker, Abdiweli Sheikh Mudey announced the motion against the speaker will be tabled on 31st of March. The following day, the speaker was at the podium to dismiss the announcement by Mudey, spilling out the rift between House leadership to the public. The fate of the motion is yet unclear as the House members were divided into two opposing factions. Source: Hol
-
Update: On the night of March 29, Kenyan authorities again deported Miguna, this time to Dubai. Kenyan authorities should comply with court orders to release or produce in court the opposition lawyer Miguna Miguna, Human Rights Watch said today. Miguna, a Kenyan citizen who is being held in Kenya’s main airport in Nairobi, the Jomo Kenyatta International Airport, should be allowed to enter and leave the country freely. “Kenyan authorities should urgently obey the numerous court orders to either release or produce Miguna in court,” said Otsieno Namwaya, Africa researcher at Human Rights Watch. “Holding him at the airport without any form of judicial review, in violation of court orders, is a blatant example of arbitrary detention.” In the most recent actions in the case, on March 27, 2018, one judge directed authorities to release Miguna but the authorities ignored the order. Another judge later that day directed the authorities to produce Miguna in court on March 28, but authorities again failed to comply. On March 28, opposition supporters in Kisumu, in the western region, held street protests over Miguna’s continued detention, setting bonfires and blocking roads with stones. In a statement to the media on March 28, Chief Justice David Maraga said that the “courts will have no option but to suspend proceedings countrywide until the state shows respect to the courts.” On February 2, Miguna told news media that police had violently arrested him in Nairobi and, after disregarding numerous court orders to either release him or produce him in court, deported him to Canada, where he also holds citizenship. On February 7, the interior cabinet secretary, Fred Matiang’i, said that the authorities had deported Miguna because he was not a Kenyan citizen, but a high court judge later revoked the deportation, terming it illegal. On March 26, Miguna returned to Kenya following a court order directing Kenyan authorities to unconditionally allow him to enter the country. Police and immigration officials detained Miguna at the airport, however, with the immigration demanding that Miguna, he re-apply for citizenship or for a visa before he is allowed to proceed. He remains in detention there. Miguna is among three people, including two members of parliament, who were arrested in February in a crackdown against those who participated in a parallel swearing in ceremony on January 30 for Raila Odinga. Odinga, who was the presidential candidate for the leading opposition coalition, NASA, held the swearing in after losing the presidential election, which he contended was not conducted fairly. Odinga and President Uhuru Kenyatta have since agreed to cooperate and de-escalate the political tension, including ending a government crackdown on opposition leaders. On March 16, Odinga told supporters that, as part of the agreement with Kenyatta, Miguna would be allowed back into the country unconditionally. In 1988, Miguna, then a university student activist, fled to Canada following a government crackdown on critics. Miguna acquired Canadian citizenship and after then-President Daniel arap Moi left power in 2002, travelled in and out of Kenya several times on a Canadian passport. In 2008, Miguna became an adviser to Odinga, then the prime minister, and in 2009 acquired a new Kenyan national identity card and passport. Under the 2010 constitution, Kenya cannot revoke the citizenship of anyone who acquired citizenship at birth. Source: hrw
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho waxaa Maanta kulan ku yeeshay Xubnaha Gudiga joogtada ee Golaha Shacabka, waxaana kulankaas shir gudoomiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Kulanka ayaa waxaa lagu go’aamiyey in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu maalinta Sabtida ah ee soo socoto uu bilaabo howlihiisa caadiga ah,isla markaana uu furo kulanka golaha Shacabka. Kulankan waxaa xoogga lagu saaray ajendayaashii la hordhigi lahaa Xildhibaannada golaha shacabka kulan ugu soo horeeyay. Waxyaabaha la isku af-gartay in kulanka soo socda lagu daro ay ka mid yihiin, arrinta dhismaha Kenya ka waddo Balad-xaawo. Xildhibaannada golaha shacabka ee “Badbaado” la baxay ayaa xalay qoraal ay soo waareen guddoomiye Jawaari ku wargeliyay in uu maanta qabto kulankan. Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Cabdi Buux oo kulanka ka hadlay ayaa yiri “Maanta waxaa dhacay kulankii 29-aad ee Guddiga joogtada, waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana looga hadlay ajandaha Goluhu uu ku shaqeyn doono, maadaama labadii todobaad ee u dambeysay uu galay howlo kale, kulanka Sabtida waxa looga hadlayaa xiisada ka taagan Magaalada Beled Xaawo.” Golaha shacabka, waxaa ka jira khilaaf adag iyada oo lagu guul-dareystay dhammaan xalkii iyo isku-deygii ay sameeyeen golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo ahaa hey’adda keliya ee isku xil-qaantay dhex-dhexaadinta iyo xal u raadinta khilaafka golaha shacabka. Si kastaba ha ahaatee, Shacabka Soomaaliyeed ayaa aad u hadal haya khilaafkan, waxaana ay ka dhowr sugayaan maalinta Sabtida ah, oo xildhibaanada iska horjeeda ay kala sheegeen hadalo isburinaya, welina aanan xal laga gaarin xiisadan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cabdi Xaashi C/laahi, ayaa kala diray guddiga Aqalka sare u qaabilsanaa xalinta khilaafka soo kala dhexgalay Golaha Shacabka. Ka hor inta aan la kala dirin guddiga ayaa la sheegay in Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ay u gudbiyeen warqad ay ku dalbanayeen is casilaad, waxaana kamid ahaa Sanatorada dalbaday casilaada Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), Senator Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan iyo Senator Maxamuud Axmed Maxamuud (Mshruuc) oo xubno ka ahaa Gudiga Aqalka Sare u xilsaaray xalinta khilaafka. Guddoomiyaha Aqalka Sare Md. Cabdi Xaashi ayaa intaa kadib maanta guddiga joogtada waxa uu kaga hor dhawaaqay in ay istaagtay oo ay dhamaatay shaqadii Guddiga Aqalka Sare ee xal u raadinta khilaafka Golaha Shacabka, sidaasina lagu kala diray Guddiga joogtada ah. HOOS KA AKHRISO LIISKA GUDDIGA LA KALA DIRAY Guddiga Aqalka Sare ee horey loogu xilsaaray xalinta khilaafaadka Golaha Shacabka ayaa waxa ay tiro ahaan gaarayeen ilaa 7 xubnood, kuwaasi oo kala ahaa: 1-Cabdi Xaashi C/laahi (Guddoomiye). 2-Mowliid Xuseen Ducaale (Xubin). 3-Zamzam Ibraahim Cali (Xubin). 4-Cabdi Xasan Cawaale Qaydiid (Xubin). 5-Maxamuud Axmed Mashruuc (Xubin). 6-Maxamed Amiin Sheekh Cismaan (Xubin). 7-Muxyadiin Sh. Cali Jaamac (Xubin). Si kastaba ha ahaatee, Khilaafka Golaha Shacabka ee ka dhashay Mooshinka Guddoomiye (Jawaari) ayaa u muuqda mid hada gaaray heer aad u kacsan, iyada oo marba marka ka dambeysa ay soo baxayaan go’aano sii hurinaya Mooshinka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
WICHITA, Kan. — A militia member who tipped off law enforcement to an alleged plan by three men to bomb Somali immigrants in Kansas is expected to testify at their trial. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ayaa kala diray xubnihii guddiga loo xilsaaray xallinta khilaafka ka aloosan mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari. Guddigan oo Sanatarada Aqalka Sare ay magacaabeen ayaa lagu eedeeyey in ay dhex dhexaad ka noqon waayeen xiisadda taagan iyadoo xubnaha 7da ah ee uu ka koobanyahay la sheegay in badankood ay la safteen garabka Guddoomiye Jawaari iyo xildhibannada Qabyo ee garabka siinaya. Ilo wareedyo u dhuun daloolay shirka arrinkan ku saabsan ee ay yeesheen Xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare ayaa tilmaamaya in Guddoomiye Guddigaas ahna Guddomiyeha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi uu lahaa soo jeedinta kala dirista Guddigan, maadama ay u muuqatay in Sanataradaani aysan dadaalkii la filayey ku bixin xal u helista khilaafka Xildhibaannada. Guddiyada Joogtada ah ee Aqalka Sare ayaa la qorsheynayaa in ay mar kale magacaabaan xubno dhex dhexaad ka ah arrinkan, sidoo kalena awood u leh in ay xal waara ka keenaan khilaafkan rakadiyey shaqooyinki Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Hay’adda Laan-qeynta Cas ee ICRC ayaa sheegtay in mid ka mid ah shaqaalahooda uu ku dhintay Muqdisho, kaddib markii gaarigiisa uu ku qarxay meel ku dhaw xarunta Bisha Cas ee Soomaaliyeed oo ku taalla agagaarka Isgoyska Zope ee Muqdisho. C/xafiid Yuusuf Ibraahim oo ka tirsanaa shaqaalaha ICRC ayaa la sheegay inuu dhaawac ahaan ugu dhintay isbitaal ku yaalla Muqdisho, kaddib markii uu ku dhaawacmay qaraxa gaarigiisa lala beegsaday oo ahaa mid lagu soo xiray. “Waxaan aad uga xunnahay geerida C/xafiid oo ka mid ahaa shaqaalaheena ka hawlgala Somalia,” ayuu yiri Simon Brooks oo ah madaxa madaxa hawl-gallada hay’adda ICRC ee Soomaaliya. Isagoo intaas ku daray. “Waxaan u diraynaa tacsi qoyskiisa iyo intii jeclayd oo xaalad adag ku jira.” Sidoo kale, hay’adda ayaa sheegtay in marxuum C/xafiid uu hay’addooda ku soo biiray shan bilood ka hor, isagoo ahaa madaxa isku-xirka iyo sharciga ee hay’adda ICRC. Waxayna hay’addu sheegtay in kaalin weyn uu ka qaatay sidii dadka loogu wacyi-gelin lahaa shuruucda dagaalka iyo kuwa la xiriira xuquuqda aadanaha. “C/xafiid wuxuu kaalin muuqata ka qaatay difaacidda dadka shacabka ah ee ay saameynta xooggan ku yeesheen colaadaha iyo rabshadaha xilligan jira. Dilkiisna wuxuu qayb ka noqonayaa beegsiga dadka ka shaqeeya arrimaha bani’aadamnimada,” ayuu hadalkiisa ku daray Brooks. Dhanka kale, C/xafiid Yuusuf Ibraahim oo ahaa wiil dhallinyaro ah, wuxuu ifka uga tagay xaad iyo laba gabdhood oo ay u dhashay, kuwaasoo da’doodu ay kala tagay laba sano jir iyo sanad jir. Ugu dambeyn, Ruux kale oo ka tirsan shaqaalaha ICRC oo gaariga la saarnaa ayaa isagana dhaawac fudud uu kasoo gaaray qaraxii gaariga loogu xiray sarkaalka dhintay, lamana oga illaa hadda sababta ka dambeysa in qarax lala beegsado shaqaale ka tirsan ICRC. PUNTLAND POST The post Mid ka mid ah Saraakiisha Hay’adda ICRC oo lagu Dilay Qarax lagula eegtay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Diyaarada Duulimadaka ee Air Djibouti ayaa Maanta duulimadkeedii ugu horeyey ka bilawadaya garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaso ee xarunta gobalka Bari. Tan iyo markii xariga laga jaray garoonka Bosaso waxaa isa soo tarayey Shirkadaha dhinaca duulimaadka, kuwaasi oo xafiisyo ka furtay magaalada Ganacsiga Puntland ee Boosaso.
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Sacad Cali Shire ayaa sheegay in dacwadda Soomaaliya ay geysay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay aysan ahayn mid joojinaysa heshiisyada ay Somaliland gashay iyo kuwa ay gali doontaba. Wareysi uu siiyay BBC, ayaa wasiir arrimaha dibada ee Soomaaliland Sacad Cali Shire wuxuu sheegay in aysan waxba u dhimi doonin dacwadii ka dhanka aheed Dowlada Imaaraadka iyo shirkada laga leeyahay dalkaasi DP World, waxaa kale oo uu ka hadlay arrimo kale oo la xidhiidha maamulka hawada, wuxuuna sheegay in Soomaaliland hawadeeda ay u madax banaantahay. Sacad Cali Shire wuxuu kaloo ka hadlayaa xiriirka u dhaxeeya Somaliland iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ee deegaannadooda ka hawlgala. Wasiirku waxa uu ka jawaabayaa marka hore sida ay Somaliland u aragto dacwaddii Soomaaliya ay geysay golaha ammaanka ee la xidhiidhay arrinta saldhigga milateri ee Imaaraadku ka dhisanayo Berbera, iyo maalgashiga DP World. Warka ka soo baxay Maamulka Soomaaliland ayaa ku soo aadaya xili weli uu taagan yahay khilaafka ka dhashay heshiiskii Saddex geesooka ahaa ee dhex maray Soomaaliland, Itoobiya iyo Shirkada DP World,heshiiskaas oo ay sharcidarro ku tilmaamtay dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
2020 Census Will Ask Black People About Their Exact Origins
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
For the 2020 census, the U.S. Census Bureau is changing how it will ask black people to designate their race. Under the check box for "Black or African American," the bureau is adding a new space on the census questionnaire for participants to write in their non-Hispanic origins, according to a recent memo from the head of the 2020 census. "African American," "Jamaican" and "Nigerian" are listed as examples of origins on a questionnaire the bureau is testing for 2020. Source: Hiiraan Online -
Update: On the night of March 29, Kenyan authorities again deported Miguna, this time to Dubai. Source: Hiiraan Online