Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,118
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xiriirka u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaradka Carabta ayaa la sheegay in uu xumaaday kadib markii Imaaraadka uu saameyn Balaaran ku yeeshay Arimaha Soomaaliya sida laga soo xigtay Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo dhinaca Siyaasadda ah. Qaar ka mid ah Warbaahinta Caalamka oo soo xiganaya siyaasiin Soomaali ah oo ay ku jiraan Xildhibaano iyo la-taliyaal muhiim ayaa qoray in uu Mugdi sii galyo xiriirka Labada Dowladood. Warbaahin ka soo baxda Maraykanka iyo Qatar majaladda la yiraahdo international Africa oo wax ku qorta Luqdda English-ka ayaa sheegay in Imaaraadka 3 Duulimaad uu ka sameeyay Soomaaliya lagu qaaday Xildhibaano gaarayo 28 mudane oo u badan Golaha shacabka kuwaas oo la sheegay in ay shirar ku yeesheyn magaalada Abu Dubai ee Xarunta Imaaraadka Carabta. Sidoo kale Warbaahinta Caalamiga ah ayaa qoreysa in ku xigeynkii Xeer-ilaaliyihii qaranka ee dhawaan xilka laga qaaday uu ka mid noqday siyaasiin dhawaan xiriir la yeeshay Imaaraadka Carabta si uu udifaaca Xubnaha Imaaraadka taageersan oo la sheegay in ay Dowladda Soomaaliya Caburin ku heyso. Siyaasiinta laga helay xogtaan ayaa sheegay in Imaaraadka Xildhibaano badan iyo siyaasiin uu lacag badan ku siiyay sidii xilka looga qaadi lahaa Xukumadda Kheyrre, siyaasiinta qaar ka mid ah ayaa loo balan qaaday in xil ka qaadista Kheyrre kadib dadaal kale lagu bixin doono sidii Ra’iisal Wasaare loogu magacaabi lahaa. Madaxda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay Imaaraadka kala hadlayn arintaan balse aysan wax natiijo ah ka soo bixin, Imaaraadka carabta ayaa sidoo kale xoojinaya xiriirka uu la leeyahay Madaxda Maamul Gobaleeyada. Warbixinada la daabacay ayaa sidoo kale lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay caburineysa dhamaan dadka ku xiran Imaaraadka Carabta, inkastoo uusan banaanka Imaan khilaafka Labada dhinac, ayaa hadane waxa jira calaamado muujinaya heerka uu gaarsiisan yahay fargilinta Imaaraadka ee Siyaasadda Soomaaliya. Mas’uuliyiin ka tirsan Xeer-Ilaalinta qaranka Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in ay jiraan Xildhibaano iyo siyaasiin ku xiran Dowlado shi-sheeye, waxayna arintaan timid kadib markii ay Soomaaliya go’aan dhex-dhaxaadnimo ah ka qaadatay Xiisadda u dhaxeysa wadamada khiliijka. xigasho Radio Kulmiye Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xiriirka Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaradka oo xumaaday & Xaaladda oo meel xun mareyso appeared first on Caasimada Online.
  2. Ku-xigeenka ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Peter de Clercq ayaa waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay xaaladda banii’aadnimo ee ka jirta xeryaha barakacayaasha ee K13 ee degmada Kaxda. Peter de Clercq waxaa uu ka deyriyay sida loo kala diray illaa 23 kaam oo ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah oo ka yimid deegaanno fog oo abaar iyo macluul ay ka jiraan, dadkan waxaa goobahooda la bur-buriyay 29/30 bishii tagtay ee December , isaga oo intaasi ku daray in dadkaasi oo u badan caruur iyo haween aaney heysan wax daryeel ah. “Waxaa wax lagu xumaado ah iyada oo ajendaha yahay horumarka nolosha qofka Soomaaliga in la burburiyay kaamam xagga banii’aadnimada ah oo ay ku yaallaan Iskuullo, Musqulo iyo goobo dadka lagu daryeello” sidaasi waxaa yiri Peter de Clercq . Qoraal uu soo saaray waxaa kale oo lagu sheegay in abaar darted ay illaa 2 milyan hadda barakac ku yihiin gudaha Soomaaliya, dadkaasi oo hal miyan ka mid ah ay barakaceen 2017. Dadkaasi barakacayaasha ah ma heystaan cunto, biyo, dawo iyo hoy intaba, waxaa intaasi u dheer in ay la kulmaan dhibaatooyin jinsioga ah gaar ah kufsi. Goobjoog News Source
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in uu dhawaan gaaro magaalada Garowe ee Xarunta Puntland. Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Shabakadda Caasimadda Online u xaqiijiyay in madaxweynaha oo ay wehliniyaan Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Labada Gole iyo saraakiil kale ay dhawaan ka bixi doonaan Muqdisho waxayna ku wajahan yihiin Garowe ee Xarunta maamulka Puntland. Socdaalka madaxweynaha ayaa lagu sheegay in uu salka ku haayo ka qeyb galka xaflad loogu dabaal dagayo 4 sano guuradii ka soo wareegtay doorashada Madaxweynaha Puntland C-wali Maxamed Cali Gaas. C-wali Maxamed Cali Gaas ayaa la doortay 8-dii Jan. 2014-kii waxaana magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso ka socda abaabulka Xaflado loogu dabaal dagayo sanad guuridii afaraad ee doorashadiisa. Sidoo kale Garowe ayaa la sheegay in ay gaari doonaan Madaxweynayaasha Maamul gobaleedyada, kuwaas oo ka qeyb gali doono xafladda sida ay noo sheegayn Ilo lagu kalsoon yahay. Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la sheegay in markii uu gaaro Garowe isaga iyo wafdigiisa ayna ka qeyb galaan Xafladda dabaal dagga kadib ay kulamo la soo qaadan doonaan qaybaha Bulshada ee Puntland. Dadka aan la hadalnay ayaa noo sheegay in ay Garowe ka socoto qaban qaabada xafladda soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya iyo xafladda Guud ee dabaal dagga afar sano Guuradii ka soo wareegatay Madaxwayne C-wali Gaas. Warar kale oo aan ka helnay magaalo Garowe ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya markii uu Garowe kaga qayb galo xafladda sanad Guurada safar kale uu ku gaari doono magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari ee Puntland, waxaana la sheegay dadka uu lakulmi doono in ay ka mid noqon doonaan odayaasha Gobalka Bari ee Puntland oo cabasha ka qaba Shirkadda lagu wareejiyay Dekadda magaalada Boosaaso. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hore uga baaqday booqosho la qorsheeyay ee uu ku tagi lahaa Puntland, kadib markii Baarlamaanka Puntland ay kalsoonida kala laabtayn Golihii wasiirada Puntland oo markaas qaban qaabinayay xafladii lagu soo dhaweyn lahaa Madaxweynaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxay tahay sababta ka dambeyso safarka uu Farmaajo ku aadayo Magaalada Garoowe? appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Munaasabad Qalin jebin Master Degree ah oo ay ka qeyb galeen Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Ganacsato iyo Culumaa’uddiin ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho. 50 ardey ayaa dhameysatay Master Degree Qeybaha kala ah International Business iyo Master of Finance. Barnaamijkan Master Degree-ga ah waxaa iska kaashaday Jaamacadda Pan-African International University iyo Jaamacadda Amity ee Waddanka India. Guddoomiyaha Jaamacadda Pan African International ahna Wakiilka Soomaaliya ee Jaamacadda Amity Isxaaq Axmed Muuse ayaa sheegay in Barnaamijkaan uu yahay Miraha ka dhashay Dadaal xooggan oo ay u galeen sidii ay ardeyda soomaaliyeed waddankooda uga heli lahaayeen Tacliinta Sare. “Barnaamijkan waa Mid uu sahlay Midowga Afrika oo loogu talagalay in ay ka faa’ideystaan Muwaaddiniinta 53 waddan oo afrika ah oo ay soomaaliya ku jirto, markii ugu horreeysay waxaannu bilownay sanadkii 2009kii, dufcado hore ayaa qalin jebisay, hadda dufcaddan waxaa noo qalinjebineysa 50 ardey” sidaas waxaa Munaasabadda ka sheegay Mr. Isxaaq Axmed. Ardeydan Maanta Qalinjebisay ayaa waxbarashada ku qaadanayay si Online ah ayadoo Imtixaannadana looga qaadayay Gudaha Dalka. Waxay waxbarashada soo Billaabeen Sanadkii 2014kii ayadoo ugu dambeyna ay Maanta Guddoomeen Shahaaddooyinkooda. Agaasimaha Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Maxamed Cali (Xasan Taata) ayaa sheegay in arrintan ay tahay guul soomaaliya usoo hoyatay Maaddaama 50 ardey ay Master Degree ka qalinjebiyeen iyagoo dalkooda jooga. “Muhiimaddu waxay tahay inaad aqoontiinna iyo Fekerkiina uga faa’ideysaan Danaha Qaranka iyo Dib u dhiska Dalkan, Xaaladaha Murugsan ee uu Dalku Marayo waxa kaliya ee looga bixi karo Waa aragtiyo Caafimaad qaba oo ka yimaada Maskax Aqoon leh Maskaxdaas dadka ay ku jirtana waa adinka iyo inta kale ee wax baratay” ayuu yiri Agaasimaha oo la hadlayay Qalinjebiyayaasha iyo Maamulkooda. Ugu dambeyntii waxaa si rasmi ah xarigga looga jaray Xarrunta Cusub ee Jaamacadda Pan African International University Xarrunteeda Magaalada Muqdisho. Ku-xigeenka Hantidhowraha guud ee Qaranka, Agaasimaha waaxda Canshuuraha Beriga ee wasaaradda Maaliyadda iyo Masuuliyiintii kale ee ka qeyb gashay munaasabadda ayaa sheegay in ay guul tahay in Pan African University Xarrunteeda Maanta Xarigga laga jaro. Masuuliyiinta ayaa tilmaamay in ay dad badan fursad u noqon doonto in ay helaan waxbarasho sare iyagoo Dalkooda jooga oo Shaqooyinkooda heysta isla markaana Ehelladooda la nool. HALKAN KA DAAWO SAWIRRADA The post 50 ardey oo Soomaali ah oo Master Degree ka qalinjebisay (Daawo sawirro) appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (PP) ─ Anigoo ku hadlaya magaca maamulka gobolka Benaadir iyo dowladda hoose ee Muqdisho, waxaan dhammaan ummaada Soomaaliyeed ee dunida dacalladeeda kala jooga, Muqdishaawiyiinta, Saaxiibadeenna gobolka iyo bah-wadaagteenna horomarineed u rajenayaa farxadda sanadka cusub, waxaana Illaah ka baryayaa in sanadkan uu inoo noqdo mid barwaaqaysan. Haddii aan dib u milicsano sanadkii la soo dhaafay ee 2017kii, dhammaanteen waxaan marqaati ka nahay in uu ahaa sanad xanuun iyo caqabada badan, balse waxaan qaadnay tallaabooyin wax gal ah. Soomaaliya waxa ka dhacay weerarkii ugu xumaa oo lala beegsaday Muqdisho oo hooy u ah ku dhawaad saddex milyan oo qof. Xasuuqii 14kii Oktoober aad ayuu u murugo iyo xanuun badnaa, weerarka ma uusan saameynin dadka reer Muqdisho oo kaliya ee waxa uu saameeyay dhammaan Soomaalida dunida dacalladeeda kala jooga. Dareenka iyo taageerada aan ka helnay walaalaheenna iyo saaxiibadeenna iyo bahwadaagteenna caalamka, waxa uu ahaa mid aan horay loo arag. Gurmadkan waxa uu ahaa tusaalaha midnimada aan la loodin karin, gaar ahaan xilligii adkaa ee naxdin iyo murugada badnaa. Sidaas darted, waxaan barannay dadkana tusnay in midnimadu tahay furaha guusha wax walbo oo aan ku guuleysannay. Midnimadaas ayaan ugu shaqeynay si wadajir ah iyada oo hal-beeg u noqotay wixii aan qabannay 2017kii. Waxaan dib u haabeeynay wixii horay loo beddeli waayay, waxaan bixinnay adeegyada ay dadka reer Muqdisho u baahnaayeen. Waxaan abuurnay dhaqanka daah-furnaanta innaga oo ka hortageyna maamul xumida iyo musuq maasuqa, waxaan dib u habeeynay maamulka maaliyadda oo ay kamid tahay nidaamka casriga ah ee aan warqadaha la isticmaaleynin oo si degdeg ah ay macaamiishu u heli karaan kaas oo ka mid ah adeygyada laga hirgeliyo Soomaaliya. Inaga oo shaqaaleeysiinnay kuwii u qalmay waliba si loo simanyahay. Waxaan diiradda saarnay maamul wanaag iyo la dagaallanka maamul xumida. Waxaa hubaal ah in uu saameyn ku leeyahay kobcinta dhaqaalaha wadankeena iyo baahinta adeegyada ay bulsahdeenna u baahan tahay. Maamul xumida waxay carqaladeeysaa dhammaan dadaallada bulshada loogu daneeyo, sidaa darteed qof walba waxaa waajib ku ah inuu taageero daah-furnaanta, la dagaallanka maamul xumida, iyo ka faa’ideysiga awoodda oo carqaladeeya horumarka wadankeena. Aniga oo ilaalinaya ballantii aan qaaday, waxaan markii ugu horreeysay ilaa 1991kii aan dejinnay miisaaniyad sanad barkii ah oo faahfaahsan laguna kalsoonaan karo oo lixdii bilood ee ugu dambeysay sanadka 2017ka aan hirgelinnay, taas oo maamulkeenna ka dhigeysa mid isku filan oo awooda inuu bixiyo adeegyada bulsho ee laga rajeeynayo, sidoo kale waxaan suurtagelinnay maalgelinta nidaamka cusub ee maamulka xogta maaliyadeed si loo hagaajiyo nidaamka dhaqaale ee maamulka, waxaana u diyaarsannahay inaan ku shaqeeyno nidaam daah-furan oo ay nagula xisaabtami karaan dadka aan u adeegeeyno. Shaqaaleysiintu waa arrin muhiim u ah bulsahdeenna oo tiro ahaan koreysa, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo ay ku noolyihiin tirada ugu badan ee dhallinyarada. Innaga oo ka jawaabeeyna shaqola’aanta dhallinyaradda, maamulkeygu waxa uu fursado shaqo u abuuray 3,000 oo dhallinyara ah oo ay ku jiraan wiilal iyo gabdho barakacayaal ah. Waxaan rumeeysannahay in ay jiraan dad fara badan oo hal abuur leh una qalmo shaqo in ay gobolkan ku nool yihiin, sidaa awgeed maamulka waxa uu ku soo daray barnaamijyada shaqo abuurka dhalinyaro sameynaayo kor u qaadista awooddeena shaqaalaha, waxaana rajeyneynaa inaan joogteyno barnaamijyada fursadaha shaqo lagu abuurayo sanadkan cusub. Hore u socod: Sanadka 2018, waxaan daadajaneynaa qaab-helista adeegyada bulsho iyada oo dadka ku nool 17ka degmo ee gobolka ay ku heli doonaan nidaam casri ah, waxa uuna qeyb ka yahay hagaajinta nidaamka bixinta adeegyada ee aan ku xirneyn xarunta dhexe oo kaliya. Adeegyada ay ka mid yihiin; kaararka aqoonsiga shakhsiyadeed, dhalashooyinka, shattiyada, fasaxyada dhismayaasha iyo adeegyada kale ayaa la gaarsiinayaa dhammaan 17ka degmo ee gobolka Benaadir waliba iyaga oo tayo sare leh si degdeg ahna loo heli karo. Argtideenna fog waxa ay diiradda saareysaa joogteynta inaan dadka gaarsiinno adeegyadda bulshada innaga oo hormarineyna tayada howsha dowladda hoose, waa na sii joogteyneynana sanadkan cusub. Dhinacyada adeegyadaas muhiimka ah ee aan ku dadaaleyno inaan gaarsiinno 17ka degmo waxaa kamid ah: Hagaajinta ammaanka iyo qeybaaha caddaaladda. Dhiirigelinta dakhliga. Dhisidda awooda hay’adaha dowladda hoose iyo maamulka gobolka. Maalgashiga kaabayaasha horumarka (waddooyinka, biyaha, tubbooyinka qashinka qaada IWM). Hurumarinta iyo ballaarinta adeegyada bulsho sida waxbarasho iyo caafimaad lacag la’aan ah. Waxa ugu weyn ee aan diiradda saareyno 2018 waa in ammaan iyo caddaalad ay ehlaan bulshadda ku nool gobolka Benaadir, waxaana fahansannahay in horumarku uusan arrin siyaasadeed ahayn balse uu ku xiran yahay ammaanka iyo caddaaladda. Maamulkeygu waxa uu si adag ugu shaqeynayaa bulshada magaaladan iyo gobolkaan innaga oo horseedeeyna aasaaska hormurka. Qorshayaasha aan dejinnay waxa uu diiradda saarayaa nidaamka deriseynta si looga faa’ideysto sugidda ammaanka. Sida aad ogtihiinba, waxaan dhammeystirnay wada tashiyo aan ka qabannay 17ka degmo oo ku aaddan aragtida Muqdisho iyo gobolka Benaadir. Waxaan diyaar u nahay inaan dadka la wadaagno wadatashiga ka soo baxay 17ka degmo oo loo yaqaan “Aragti-wadaaga Muqdishaawiga”, waxaana ku soo bandhigeynaa waxyaabaha ka soo baxay shirka 7da Janaayo oo aan rajeyneyno in ay ka soo qeyb galaan bulshada qeybaheeda kala duwan si ay qeyb uga noqdaan go’aannada muhiimka ah. Iskama indha tireyno in ay na horyaalaan caqabado, balse inaan feejignaanno oo aan mideysnaano ayaan ku wajahi karnaa caqabad walba oo na soo food saarto mustaqbalka dhow, innaga oo is wada kaashaneyna. Waxaan u mahad-celinayaa dhammaan dadka ku nool magaaladda, Ganacsatada iyo dhammaan bah-wadaagteenna iyo cid walba oo Muqdisho ay hooy u tahay. Dhamaan qeybaha bulshada waxaan ugu baaqayaa in ay sii wadaan howsha adag ee ay bulshada u hayaan si aan u noqonno garbaha hurumarka. Waa inaan horseednaa tilmaamta is bedelka aan raadineyno si aan ugu bedelno bulshada caddaalad, sinnaan iyo guulo aan wadajir u gaarno. Joogteynta huromurka ayaa ku imaan kara wada shaqeyn iyo midnimo si aan u gaarno nabad waarta. Gabo-gabada, waxaan rabaa inaan u sheego bulshada gobolka Benaadir in ay ogaadaan maamulkeenna iyo howl-wadeennadeena in ay mar walba idiin heellan yihiin, haddii aad u baahataanna aad marwalba nala soo xiriiri kartaan heer degmo iyo heer gobolba, innaga oo aan wada xallin karin dhammaan dhibaatooyinkiinna haddana waxaan isku dayeynaa wax walba oo aan awoodno si aan u qabano wax wanaagsan oo la taaban karo. Waxaan rajeynayaa inaan horay u soconno sanadkan anigoo ku faraxsan inaan idiin adeego. Aniga oo fursaddaan ka faa’ideysanayo waxaan idiin rajeynayaa sanadka 2018 caafimaad, nabad iyo baraare. PUNTLAND POST The post Duqa Muqdisho iyo Guddoomiyaha G/Banaadir oo jeediyay Fariintiisa Sannadka Cusub appeared first on Puntland Post.
  6. After breaking away from Somalia in 1991, the self-declared state Somaliland went to the polls for the third time since their independence to elect their new president. Three candidates were competing to replace President Ahmed Mohamed Mohamoud, who opted not to seek re-election: Muse Bihi Abdi of the ruling Kulmiye party, Faysal Ali Warabe of UCID and Abdirahman Mohamed Abdullahi of the Waddani party. Results of the 13 November elections, certified as free and fair by a team of 60 international observers, announced ruling part candidate Muse Bihi Abdi as the new president of Somaliland with 55 percent of the vote. Day-after-day, i closely followed the election campaign until the most awaited announcement, capturing historical moments on the streets, in polling stations, and rallies, as well as in meetings of the three political parties in course. It was moments worth sharing: people’s hopefulness and their unique expressions, street parties, youth and women’s engagement in the process, mothers running neighborhood offices for political parties, being at the core of community organization. I was trying to share a colorful and bright inspiring side of this part of the world. I’ve been following the elections and its preparations since 2016. I was able to go out and capture the registration, the campaigning and the general atmosphere; people sticking posters and stickers on cars, roaming the city with big speakers telling people through microphones to go out to the nearest voter registration spots. And coming to 2017 and the elections, it was cheering to see people celebrating and going out while chanting different songs supporting the candidates, or women with drums dancing in circles in those different locations where rallies were happening. Each day, one party was allowed to campaign and go out for rallies, tons of people outside wearing different things representing their parties, colorful scenes throughout the city. Poster by the National Electoral commission giving instruction for voters to register, part of the voters registration campaign Volunteers sticking posters on cars for voters registration campaigns in Burao. Gymnasitcs performance at the voters registration opening event in Burao . Attendees at the voters registration opening event in Burao . Volunteer from a local NGO using speakerphones while roaming the city encouraging people to register for Voting The theree candidates of the presidential elections of Somaliland at the first Somaliland preisdential elections debate. Ali Senyo moderating the first segment of the Somaliland presidential elections debate. Muse Bihi Abdi, the elected president of Somaliland, prior the elections at the first Somaliland presidential elections debate. One of the group volunteers assigned for timing the candidates debate at the Somaliland presidential debate. Muse Bihi, the elected president, prior to the elections, with his cabinet discussing between segments at the first Somaliland presidential debate. One of the group volunteers at the Somaliland presidential debate. Social media team at the first presidential debate in Hargeisa. WADDANI supporters on a car at one of the party’s campaign days. Women chanting supportive songs at a KULMIYE party rally. UCID supporters at one of the party’s campaign days at the Freedom Park in Hargeisa. DJ fixing his system outside a neighborhood office of the WADDANI party, at one of their rallies day KULMIYE supporters partying in a football ground the night prior the party morning rally Holding his voting card ready to vote on elections day after the next weeks at one of the Kulmiye party campaigns day At a Kulmiye party rally, supporters show off different prints on fabrics, stickers, and some paint their face and body. A supporter at the UCID party rally A Waddani rally in the Freedom Park of Somaliland’s capital, Hargeisa. Political promotional signboards on road in Hargeisa. Women chanting supportive songs at a KULMIYE party rally. UCID young supporters on a car at one of the party’s campaign days. WADDANI supporters partying outside one of the party offices in a neighborhood, preparing for the morning party rally At the freedom park at one of the parties campaigns day. Leader of one of the groups representing so-called ‘occupational castes’ leatherworkers, metalworkers and haircutters collectively known as the Gabooye, joins a Waddani rally on horse. Kulmiye young supporters on a Bulldozer at one of the party’s campaign days. People dancing in different circles a WADDANI rally in the Freedom Park of Somaliland’s capital, Hargeisa. WADDANI supporter at a rally in the Freedom Park of Somaliland’s capital, Hargeisa. Supporters of the Waddani political party on trucks campaigning on the streets before the election day Dr Michael Walls, chief observer of the International Election Observation Mission (IEOM) at press conference for the mission announcement prior the election day Voters in queue outside the Tima Ade Basketball stadium where one of the polling stations was located. Proud voter outside voting poll. Selling watermelon to the voters in queues for cooling People in the streets celebrating the victory of Muse Bihi from the ruling Kulmiye party. BY MUSTAFE SAEED Mustafa Saeed is an Artist, born in 1989. His work explores different mediums including Documentary photography, graphics and sound. Mustafa’s work marries poetic symbolism with sociopolitical critique to explore issues of war, conflict and environment. Based in Hargeisa, Somaliland. Curator of EverydayHornOfAfrica and Contributor to EverydayAfrica
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay horumarka ay ku talaabsatay Xukuumadda intii ay dhisneyd,waxana uu xusay in dhammaan mushaaraadka shaqaalaha dowlada la bixiyay mudadii koobneyd ee ay dowladiisu jirtay. Kheyre oo la hadlay warbaahinta ay dowladu maamusho ayaa sheegay in mudada ay Xukuumadda dhisan tahay in ay muuqato rajo wanaagsan oo qof kasta oo Soomaali ah ku jirta Mustaqbalka, sidoo kale dhamaan shaqaalaha dowlada in la siiyay Mushaarkooda, keyd dhaqaalana uu dowlada u yaalo. “Waxaan leeyahay shacabka Soomaaliyeed anagu waxaan dalka joognaa in ka yar sanad, sanadka intii ka yareyd waxaa muuqata rajo ah in qof walbo oo Soomaaliyeed ay rajadiisa wanaagsanaan doonto Mustaqbalka,sanadka iyo intii ka yareyd aan joognay qof kasta, mushaarkiisa wuu qaatay, anagoo bixinay mushaarka oo dhan hadana dhaqaalo gaaraya 20 milyan ayaa dowlada u taala”. Ayuu yiri Kheyre. Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa dhinaca kale ka hadlay sida dunida diyaar ugu tahay inay xukuumada Soomaaliya kala shaqeyso hormarka dalka dhinac kasta, isagoo sheegay inay ku guuleysteen saxiixida mashaariicyo waaweyn. “Anagoo joogna sanad ka yar ayay dunida na leedahay waxaan idin kala shaqeyneynaa sidii dhaqaalaha loo kobcin lahaa, anagoo joogna sanad ka yar ayaa 200 oo Milyan la saxiixanay dowlada Qatar, anagoo joogna sanad ka yar ayaa dowlada Mareykanka la saxiixanay 300 oo Milyan, anagoo joogna sanad ka yar ayaa Midowga Yurub waxay nagu soo wareejiyeen inaan saxiixno heshiis kasta oo aan geli karno oo iyagu aanay go’aan inoo gaari Karin”. Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in la dagaalanka Musuq maasuqa uu yahay markasta ahmiyadooda koowaad, isagoo xusay in Sharciga la dagalaanka Musuqa ay horgeeyeen Baarlamaanka sidoo kalena la sameynayo Guddi Madax banaan oo la dagaalanka Musuq maasuqa ah. “Annaga ka xukuumad ahaan dowlada hada jirta la dagalaanka musuq maasuqa wuxuu inoo yahay sidaan idin sheegay Falsafadii koowaad sida Dhaqaalaha Soomaaliya uu yahay midka koowaad ee laga fekero ayuu Musuq maasuqana u yahay in laga fekero, Baarlamaanka Soomaaliya ayaan u gudbinay sharciga la dagaalanka Musuqmaasuqa, hadda waxaan rajeyneynaa haduu ilaah yiraahdo golaha markii ay dhameystireen in aqalka sare iyaguna ay soo dhameystiraan, hadda waxaan xooga saareynaa inaan dhisno guddi madax banana oo la magac baxay guddiga la dagaalanka Musuqmaasuqa, Maalintii dhibibada loo taago guddigaas madaxa banaan oo xukuumada ka madax banaan oo isaga fuliya wax kasta uu u baahan yahay oo ka hor taga musuq maasuqa ah, waxaan aaminsanahay dalka inuu talaabo weyn hore u qaadayo”. Ayuu yiri Ra’iisul wasaare Kheyre. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ku amaanay doorka muuqda ay ku leeyihiin hormarka dalka, isagoo ugu baaqay inay sii laba jibaaraan si hormar balaaran uu dalka u gaaro. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Kheyre : Annaga oo joogna Sanad ka yar ayaan ku guuleysanay in qof walba mishaarkiisa qaato appeared first on Caasimada Online.
  8. Shirkadda isgaarsiinta Masar(Telecom Egypt), oo ah shirkadda ugu weyn landline-ka ee Afrika iyo Bariga dhexe ayaa sheegtay maanta oo talaado ah inay jirto cillad guud oo saameysay Internetka Masar iyo qaar ka mida dowladaha deriska la ah. Shirkadda oo war-murtiyeed ku soo qortay bogga ay ku leedahay Facebook-ga ayaa tiri “ Waxaan rajeyneynaa in si dhameystiran loo soo celiyo adeegga si guud maalamaha yare e soo socda” sida ay sheegtay wakaaladda Reuters. Dadka ree Masar ayaa waxay ka cabanayaan xawaare la’aanta dhanka Internetka ah, sidoo kale shirkadaha bixiya adeegyada dalka oo ay ka mid yihiin TE Data iyo LINKdotNET ayaa iyagana ka cabanaya Internet la’aanta. Macaamiisha isticmaasha adeegga Internetka ee ku sugan gudaha Masar ayaa waxay gaareen dhamaadkii bishii September 2017 ku dhawaad 3.8 Million oo qof. Goobjoog News Source
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Weerarkii Ciidamada Soomaalida ee ay tababarreen Imaaraadka Carabta ku qaadeen Guriga Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa lugaha la galay dowladda Imaaraadka Carabta. Amarka weerarka ayaa la sheegay inuu bixiyay sarkaalka Imaaraadka Carabta u jooga magaalada Muqdisho ee madaxda ka ah saldhiga Imaaraadka ku leeyahay magaalada Muqdisho, iyadoo baaritaanka socda lagu ogaaday in weerarka uu ahaa mid ka yimid dowladda Imaaraadka. Ujeedka weerarka ayaa lagu sheegay inay baadigoob ku hayeen xaalad sirdoon iyo telefoon ay daba joogeen oo la galay guriga Cabdi Qeybdiid, balse ay markii dambe waayeen, taasoo kiiskan ka dhigtay mid adag oo dowladda Soomaaliya xalintiisa aad ugu adag tahay. Imaaraadka ayaa wada-shaqeyn la leh ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya, waxaana dowladii Xasan Cheekh iyo Cumar C/rashiid ay la gashay heshiis wadashaqeyn amni oo u saamaxeysa inay ka howlgalaan Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog culus: Weerarkii Guriga Senator Cabdi Qeybdiid oo lugaha la galay Dowladda Imaaraadka Carabta appeared first on Caasimada Online.
  10. Tana River Governor Dhadho Godhana wants the national government to give residents in counties bordering Boni Forest guns. He said the ammunition will allow residents pursue al Shabaab militia. Source: Hiiraan Online
  11. BUUR-HAKABA(HOL)-Southwest state on Tuesday confirmed the defection of two Alshabaab commanders after they willingly opted to surrender their selfs to the regional troops. Source: Hiiraan Online
  12. According to the offical website of SCAMA (Somali Civil Aviation and Meteorological Authority), the organization is an autonomous body working under the Federal Government of Somalia through the ministry of aviation. It plays not only the role of aviation regulator but it also performs the services of air navigation and airport services. This organization also establishes and implements Somalia’s civil aviation policies and protocols thus as acting as a professional establishments of sorts and a gateway that links the country to the international aviation community. It becomes very strange then when A vital organization held in high standards and with such immensely crucial responsiblities as this one act so unprofessionally. To elaborate, one only needs to visit the offical website of this “professional authority” to see how shameful and negligent they are when it comes to describing their different sectors. Without shame and a drop of professionalism, they have plagiarized and copied from the Seychelles civil aviation authority website. To add insult to injury they have done this by copying a single page from the Seychelles website (air navigation services) and pasted it to all their departmental/sector information pages. You can see that what is described in the scama website is a clear explanation of the Seycheles airspace and aerodromes. Describing such control towers as Mahe and Praslin. It has come to our knowledge that upon seeing this monostrosity of civil aviation impropriety some staff notified a high SCAMA official (non other than the director himself). He pulled down the whole website for a few weeks, stating the website was under maintanance. But lo and behold.. the website hardly changed when it came back to operation. I cannot fathom how this clear defamation of what is supposed to be an official governmental “authority” has evaded the attention of any reputable official. The process of writting a description of simple departments does not require any vast knowledge of aviation terminologies AT ALL but a sound mind, good english and a dash of common sense. How then did this happen even after the knowledge of the directors of the organization? A few days ago a rumour came to surface which brought into light the corruption that is rampant in Somalia”s civil aviation when it was brought into light how they sold Visas to Canada and Italy intended to help staff undergo a training for the betterment of the aviaton profession in the country, this ‘news’ will become a reality and apparent then when we look at how unbecoming their official website is. How disorganized is this entity, dont they consider the image of the country they are trying to represent? Do they not feel embarassed? I can only ask myself if they even know what they are doing looking at how they published their website, it looks like intermediate school graduates are handling the website and its an insult even, to intermediate school students to be compared with SCAMA officials. SCAMA proves to be another SCAM! VISIT Somalia’s: http://www.scama.so/ VISIT Seychelles’: http://www.scaa.sc/index.php Suleiman Abdurahim suleiman.abdurahim@gmail.com
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Anigoo ku hadlaya magaca maamulka gobolka Benaadir iyo dowladda hoose ee Muqdisho, waxaan dhammaan ummaada Soomaaliyeed ee dunida dacalladeeda kala jooga, Muqdishaawiyiinta, Saaxiibadeenna gobolka iyo bah-wadaagteenna horomarineed u rajenayaa farxadda sanadka cusub, waxaana Illaah ka baryayaa in sanadkan uu inoo noqdo mid barwaaqaysan. Haddii aan dib u milicsano sanadkii la soo dhaafay ee 2017kii, dhammaanteen waxaan marqaati ka nahay in uu ahaa sanad xanuun iyo caqabada badan, balse waxaan qaadnay tallaabooyin waxgal ah. Soomaaliya waxa ka dhacay weerarkii ugu xumaa oo lala beegsaday Muqdisho oo hooy u ah ku dhawaad saddex milyan oo qof. Xasuuqii 14kii Oktoober aad ayuu u murugo iyo xanuun badnaa, weerarka ma uusan saameynin dadka reer Muqdisho oo kaliya ee waxa uu saameeyay dhammaan Soomaalida dunida dacalladeeda kala jooga. Dareenka iyo taageerada aan ka helnay walaalaheenna iyo saaxiibadeenna iyo bahwadaagteenna caalamka, waxa uu ahaa mid aan horay loo arag. Gurmadkan waxa uu ahaa tusaalaha midnimada aan la loodin karin, gaar ahaan xilligii adkaa ee naxdin iyo murugada badnaa. Sidaas darted, waxaan barannay dadkana tusnay in midnimadu tahay furaha guusha wax walbo oo aan ku guuleysannay. Midnimadaas ayaan ugu shaqeynay si wadajir ah iyada oo hal-beeg u noqotay wixii aan qabannay 2017kii. Waxaan dib u haabeeynay wixii horay loo beddeli waayay, waxaan bixinnay adeegyada ay dadka reer Muqdisho u baahnaayeen. Waxaan abuurnay dhaqanka daah-furnaanta innaga oo ka hortageyna maamul xumida iyo musuq maasuqa, waxaan dib u habeeynay maamulka maaliyadda oo ay kamid tahay nidaamka casriga ah ee aan warqadaha la isticmaaleynin oo si degdeg ah ay macaamiishu u heli karaan kaas oo ka mid ah adeygyada laga hirgeliyo Soomaaliya. Inaga oo shaqaaleeysiinnay kuwii u qalmay waliba si loo simanyahay. Waxaan diiradda saarnay maamul wanaag iyo la dagaallanka maamul xumida. Waxaa hubaal ah in uu saameyn ku leeyahay kobcinta dhaqaalaha wadankeena iyo baahinta adeegyada ay bulsahdeenna u baahan tahay. Maamul xumida waxay carqaladeeysaa dhammaan dadaallada bulshada loogu daneeyo, sidaa darteed qof walba waxaa waajib ku ah inuu taageero daah-furnaanta, la dagaallanka maamul xumida, iyo ka faa’ideysiga awoodda oo carqaladeeya horumarka wadankeena. Aniga oo ilaalinaya ballantii aan qaaday, waxaan markii ugu horreeysay ilaa 1991kii aan dejinnay miisaaniyad sanad barkii ah oo faahfaahsan laguna kalsoonaan karo oo lixdii bilood ee ugu dambeysay sanadka 2017ka aan hirgelinnay, taas oo maamulkeenna ka dhigeysa mid isku filan oo awooda inuu bixiyo adeegyada bulsho ee laga rajeeynayo, sidoo kale waxaan suurtagelinnay maalgelinta nidaamka cusub ee maamulka xogta maaliyadeed si loo hagaajiyo nidaamka dhaqaale ee maamulka, waxaana u diyaarsannahay inaan ku shaqeeyno nidaam daah-furan oo ay nagula xisaabtami karaan dadka aan u adeegeeyno. Shaqaaleysiintu waa arrin muhiim u ah bulsahdeenna oo tiro ahaan koreysa, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo ay ku noolyihiin tirada ugu badan ee dhallinyarada. Innaga oo ka jawaabeeyna shaqola’aanta dhallinyaradda, maamulkeygu waxa uu fursado shaqo u abuuray 3,000 oo dhallinyara ah oo ay ku jiraan wiilal iyo gabdho barakacayaal ah. Waxaan rumeeysannahay in ay jiraan dad fara badan oo hal abuur leh una qalmo shaqo in ay gobolkan ku nool yihiin, sidaa awgeed maamulka waxa uu ku soo daray barnaamijyada shaqo abuurka dhalinyaro sameynaayo kor u qaadista awooddeena shaqaalaha, waxaana rajeyneynaa inaan joogteyno barnaamijyada fursadaha shaqo lagu abuurayo sanadkan cusub. Hore u socod: Sanadka 2018, waxaan daadajaneynaa qaab-helista adeegyada bulsho iyada oo dadka ku nool 17ka degmo ee gobolka ay ku heli doonaan nidaam casri ah, waxa uuna qeyb ka yahay hagaajinta nidaamka bixinta adeegyada ee aan ku xirneyn xarunta dhexe oo kaliya. Adeegyada ay ka mid yihiin; kaararka aqoonsiga shakhsiyadeed, dhalashooyinka, shattiyada, fasaxyada dhismayaasha iyo adeegyada kale ayaa la gaarsiinayaa dhammaan 17ka degmo ee gobolka Benaadir waliba iyaga oo tayo sare leh si degdeg ahna loo heli karo. Argtideenna fog waxa ay diiradda saareysaa joogteynta inaan dadka gaarsiinno adeegyadda bulshada innaga oo hormarineyna tayada howsha dowladda hoose, waa na sii joogteyneynana sanadkan cusub. Dhinacyada adeegyadaas muhiimka ah ee aan ku dadaaleyno inaan gaarsiinno 17ka degmo waxaa kamid ah: Hagaajinta ammaanka iyo qeybaaha caddaaladda. Dhiirigelinta dakhliga. Dhisidda awooda hay’adaha dowladda hoose iyo maamulka gobolka. Maalgashiga kaabayaasha horumarka (waddooyinka, biyaha, tubbooyinka qashinka qaada IWM). Hurumarinta iyo ballaarinta adeegyada bulsho sida waxbarasho iyo caafimaad lacag la’aan ah. Waxa ugu weyn ee aan diiradda saareyno 2018 waa in ammaan iyo caddaalad ay ehlaan bulshadda ku nool gobolka Benaadir, waxaana fahansannahay in horumarku uusan arrin siyaasadeed ahayn balse uu ku xiran yahay ammaanka iyo caddaaladda. Maamulkeygu waxa uu si adag ugu shaqeynayaa bulshada magaaladan iyo gobolkaan innaga oo horseedeeyna aasaaska hormurka. Qorshayaasha aan dejinnay waxa uu diiradda saarayaa nidaamka deriseynta si looga faa’ideysto sugidda ammaanka. Sida aad ogtihiinba, waxaan dhammeystirnay wada tashiyo aan ka qabannay 17ka degmo oo ku aaddan aragtida Muqdisho iyo gobolka Benaadir. Waxaan diyaar u nahay inaan dadka la wadaagno wadatashiga ka soo baxay 17ka degmo oo loo yaqaan “Aragti-wadaaga Muqdishaawiga”, waxaana ku soo bandhigeynaa waxyaabaha ka soo baxay shirka 7da Janaayo oo aan rajeyneyno in ay ka soo qeyb galaan bulshada qeybaheeda kala duwan si ay qeyb uga noqdaan go’aannada muhiimka ah. Iskama indha tireyno in ay na horyaalaan caqabado, balse inaan feejignaanno oo aan mideysnaano ayaan ku wajahi karnaa caqabad walba oo na soo food saarto mustaqbalka dhow, innaga oo is wada kaashaneyna. Waxaan u mahad celinayaa dhammaan dadka ku nool magaaladda, Ganacsatada iyo dhammaan bah-wadaagteenna iyo cid walba oo Muqdisho ay hooy u tahay. Dhamaan qeybaha bulshada waxaan ugu baaqayaa in ay sii wadaan howsha adag ee ay bulshada u hayaan si aan u noqonno garbaha hurumarka. Waa inaan horseednaa tilmaamta is bedelka aan raadineyno si aan ugu bedelno bulshada caddaalad, sinnaan iyo guulo aan wadajir u gaarno. Joogteynta huromurka ayaa ku imaan kara wada shaqeyn iyo midnimo si aan u gaarno nabad waarta. Gebogabada, waxaan rabaa inaan u sheego bulshada gobolka Benaadir in ay ogaadaan maamulkeenna iyo howl-wadeennadeena in ay mar walba idiin heellan yihiin, haddii aad u baahataanna aad marwalba nala soo xiriiri kartaan heer degmo iyo heer gobolba, innaga oo aan wada xallin karin dhammaan dhibaatooyinkiinna haddana waxaan isku dayeynaa wax walba oo aan awoodno si aan u qabano wax wanaagsan oo la taaban karo. Waxaan rajeynayaa inaan horay u soconno sanadkan anigoo ku faraxsan inaan idiin adeego. Aniga oo fursaddaan ka faa’ideysanayo waxaan idiin rajeynayaa sanadka 2018 caafimaad, nabad iyo baraare. Thaabit Cabdi Maxamed Duqa Mudisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyo Farriinta Sanadka cusub ee 2018 [Akhriso] appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Hay’adaha gargaarka Caalamka ayaa sheegaya in sanadka 2018ka uu kordhayo dagaalka iyo abaarta ka jirta Waddamo badan oo Caalamka ah. Hay’adda ACAPS oo sameysa sahanka iyo cilmi baarista fadhigeeduna yahay Geneva ayaa sheegtay in qiyaastooda wixii ay ka barteen 2017 ay u muujineyso in sanadka 2018 uu yahay sanad kale oo muro wata kaas oo ay sii kordhi doonaan ABaarta iyo dagaallada. Hay’adda waxaa ay sheegtay in dalalka Afghanistan, Democratic Republic of Congo, Libya, Ethiopia, Mali, Somalia, iyo Syria ay dagaallada iyo abaaraha ku sii kordhi doonaan. Lars Peter Nissen, oo ah Agaasimaha Hay’adda ACAPS ayaa sheegay in rajada jirta ay ka yartahay dhibaatada la filayo in ay dhacdo 2018ka waxaana uu xusay in meelaha qaar laga yaabo in ay xoogaa hagaagaan. Warbixintu waxaa ay sheegtay in Itoobiya ay ku biiri doonto Waqooyiga Nigeria , Somalia, South Sudan iyo Yemen, marka loo eego saadaasha abaarta ka jirta dalalkaas iyo kuwa 2018ka. Dalalka kala ah Afghanistan, Iraq, Libya, South Sudan iyo Venezuela, doorashooyin ka dhacaya 2018ka ayaa la filayaa in ay ka dhashaan khilaaf isu beddela gacan kahadal sababa abaar iyo dagaal sokeeye taas oo xaaladda uga sii dari karta Sanadkan 2018ka. Dalka DRC ayaa la sheegayaa in xaaladdiisa ay halis ku jirto kaddib markii Madaxweyne Joseph Kabila oo uu waqtigiisa dhamaaday December 2016 diiday in uu ka dego xafiiska ilaa sanadka 2019ka. Rabshado hadda ka billowday dalkaas ayaa waxaa ku dhintay tiro dad ah iyada oo Qramaada Midoobeyna ay ku baaqday in uu xafiiska banneeyo si uusan dalka u gelin xaalad kale oo halis badan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Abaarta iyo dagaalka ayaa ku kordhaya Somaliya 2018, ACAPS appeared first on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Qaraxyo kala duwan ayaa bishii December ee 2017 ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, kuwaa oo galaaftay nolosha muwaadiniin aan waxba galabsan. Qaraxyada Bishii December ka dhacay Muqdisho ayaa tirro ahaan ka yar Qaraxyadii dhacay bishii kasii horeysay, waxaana xusid mudan in Qaraxyada dhacay December ay yihiin 8 Qarax. HADDABA QARAXYADA BISHII DECEMBER KA DHACAY MAGAALADA MUQDISHO AYAA KALA AHAA: 1-December 4, 2017, Qarax lagu soo xiray Gaari nooca raaxada oo uu lahaa Sarkaal ka tirsan Militeriga ayaa ka dhacay gudaha xarunta Villa Baydhabo ee magaalada Muqdisho, mana geysan Khasaaro nafeed. 2- December 11, 2017, Qarax lagu xiray gaari uu lahaa Wariye Maxamed Ibraahim Gaabow ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir waxaana ku geeriyooday Qaraxa Wariyaha gaariga watay. 3- December 14, 2017, Weerar ismiidaamin ah ayaa waxa uu ka dhacay barxada Iskuul buluusiyo ‘’Jeneral Kaahiye’’ ee magaalada Muqdisho, waxaana loo adeegsaday Suunka Qarxa xili ay halkaa ku sugnaayen ciidamo ka tirsan Booliska oo isku diyaarinaayay dabaaldag. 4- December 18, 2017, Gaari nuuciisa uu SURF yahay ayaa ku qarxay degmada Dharkeenley gaar ahaan Ajabka kaa oo uu watay Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska oo lagu magacaabo Kulane Cabdi, waxa uuna qarxay markii uu ka degtay. 5- December 20, 2017, Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ayaa Bam gacmeed ku weeraray Saldhiga Booliska ee Degmada Kaaraan, waxaana lasoo warinayaa in lagu tuuray ilaa laba Bam. 6-December 23, 2017, Maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa Hoobiyayaal dhowr ah ku weeraray Xarunta Madaxtooyada Somalia, xili halkaa uu ka socday shirar kala duwan. 7-December 23, 2017, Maleeshiyaad ku hubeysnaa Hubka fudud ayaa weerar Bambaano ku qaaday Xarunta Wasaarada Gaashandhiga Somalia, waxaana weerarka ka dhashay khasaaro kala duwan. 8-December 23, 2017, Kolonyo Gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa Qarax lagula eegtay agagaarka Garoonka Stadium Muqdisho ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Wadada General Daa’uud. Si kastaba ha ahaatee, waxaa bilihii ugu danbeeyay magaalada Muqdisho kusii kordhaayay Qaraxyada lagu xiro gaadiidka Raaxada, xili Somalia aysan laheyn Taliyayaasha Hay’adaha amaanka NISA iyo Booliska. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxaa kala soctaa tirada Qaraxyada ka dhacay magaalada Muqdisho Bishii December ee 2017 appeared first on Caasimada Online.
  16. Agaasimaha hay’adda socdaalka iyo jinsinyadaha ee dowladda Puntland, Maxamed Cabdi Faarax (Qambi) ayaa booqasho ku tagay Kastamka Tuurdibi ee kuyaala xuduudka Puntland iyo Ethiopia. Booqashadaan oo ahayd midii ugu horeysay ayaa agaasimaha socdaalka wuxuu kulan la qaatay masuuliyiinta ku sugan Kastamka, isagoo kala hadlay arrimaha shaqada iyo baahiyaha xagga socdaalka ee ka jira degaanada xuduuda kuyaala oo ay dowladda Puntland ka arrimiso. Agaasime Qamdi wuxuu ballanqaaday in hay’adda socdaal xafiis ka furandoonto kastamka Tuurdibi maaadaama uu kuyaalo meel xuduud, si dadka Ethiopia usafraya u helaan adeegga socdaalka ee dowladda Puntland. Agaasimaha hay’adda socdaalka Puntland wuxuu sidoo kale kulan la qaatay maamulka degmada Galdogob ee gobolka Mudug, isagoo ka dhegaystay warbixinon ku saabsan xaaladaha socdaalka iyo jinsiyadaha Puntland. Puntlandi.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Bishii December ee sanadii 2017 waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka dhacay dilal kala duwan oo loo geystay dad u shaqeeynaayay dowlada Federaalka ah ee Somalia. Dadka la dilay ayaa waxaa ku jiray dad shacab ah oo maleeshiyada al-Shabaab ay u arkeen kuwo kasoo horjeeda danahooda isla markaana la socday ama saaxiib la’ahaa dad u shaqeynaayay dowlada Federaalka ah ee Somalia. Dilalka ugu badan ayaa Bishii December ee sanadii 2017 ka dhacay Degmooyinka Hodan, Dharkiinley iyo Xamarweyne. HOOS KA AKHRISO TIRADA DILALKA DHACAY DECEMBER EE LA OGYAHAY 1- December 9, 2017, Waxaa Xaafada Siliga ameerikaanka ee Degmada Dharkenley lagu dilay nin la sheegay inuu kamid ahaa dadka degaanka oo dilkiisa loo adeegsaday Qori AK47. 2- December 10, 2017, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa xaafada Seybiyaano ee degmada Hodan Gobolka Banaadir ku dileen Gabar lagu magacaabi jiray Ridwaan Salaad oo ka tirsaneyd Booliska Soomaaliya. 3-December 12, 2017, Maleeshiyaad ku hubeysnaa Bastoolad ayaa gudaha Suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku dilay nin lagu magacaabo Tima Jilac oo ka tirsanaa qeybta Lacag aruurinta Shirkadda Nadaafadda ee Green Life oo qeyb ka ah Shirkadda Ecco oo mas’uul ka ah Nadaafadda Gobalka Banaadir. 4- December 12, 2017, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir ku dilay wiil dhalinyaro ah, kaa oo saaxiib un la ahaa ciidamada dowlada ee ka howlgala Degmada, mana uusan aheyn shaqaale dowladeed. 5- December 12, 2017, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa agagaarka Masaajidka Sheekh Cali Suufi oo ku yaala Isgoyska KPP ee Degmada Hodan ee Bartamaha Magaalada Muqdisho ku dilay wiil dhalinyaro ahaa oo aan la garaneynin waxa uu ahaa. 6- December 14, 2017, Waxaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Isgooyska Sanca lagu dilay laba ruux oo la sheegay inay horay u dileen askar ka tirsan dowlada oo qoryaha ay ka qaaten dilka kadib. 7- December 15, 2017, Kooxo ku hubeysnaa Bastoolad ayaa Degmada Howlwadaag, gaar ahaan Xaafada 5-ta geed ku dishay wiil dhalinyaro ah, waxayna halkaasi ka qaadeen maydka ruuxa ay dileen. 8- December 23, 2017, Kooxo bastoolado ku hubeysnaa ayaa Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ku dilay Guddoomiye Laameed la sheegay in muddo fog uu ka shaqeynaayay Degmada, waxaana dilkiisa fuliyay Maleeshiyaad la socday Mooto. 9- December 23, 2017, Kooxo ku hubeysnaa Bustoolado ayaa Xaafada Via Roma ee degmada Xamarweyne ku dilay Wiil Dhalinyaro ah oo la sheegay in uu ka mid ahaa Shaqaalaha cusub ee Gobolka Banaadir. 10- December 23, 2017, Rag ku hubaysnaa bistoolado ayaa Degmada Xamar weyne ku dilay askari ka tirsanaa ciidamada Nabad Suggida kaa oo magaciisa lagu soo koobay Ayaanle . 11- December 27, 2017, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ku dilay qof shacab ah, waxa ayna wateen Mooto Bajaaj xiliga ay dilka geysanayeen. 12- December 27, 2017,Qof meyda oo karfaneysnaa ayaa waxaa laga helay Goob Ganacsi oo ku taalla agagaarka Kawaanka Malayga ee degmada Xamarweyne gobolkan Banaadir. Si kastaba ha ahaatee, dilalka dhacay Bisha December ayaa noqonaaya dilal aad u yar marka loo eego dilalkii horay u dhacay bilihii tagay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Imisa dil ayaa ka dhacay Muqdisho Bishii lasoo dhafay ee ugu danbeysay sanadkii 2017 appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Qadar ayaa Imaaraadka Carabta uga digtay inay ka faa’iideysato itaal darada heysata Dowlada Somalia oo iminka kasoo kabaneysa burburka daashaday. Amiirka dalka Qadar Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani ayaa digniintiisa ku sheegay mid ku xeeran dhaqdhaqaaqyada Siyaasadeed ee Imaaraadka ak dhexwado Somalia ee lagu carqaladeynaayo Siyaasada qunyar socodka. Waxa uu Mr Sheekh Tamim bin Xamad sheegay in Somalia aysan ka bixi Karin faragalin shisheeye waxa uuna ku taliyay in dowlada Imaaraadka aysan ka dhex faa’iideysan dhibaatooyinka ka jira Somalia. Sheekh Tamim bin Xamad, waxa uu sheegay in faragalinta Imaaraadka ee Samalia ay sababi karto laba arrin oo halis galinkarta Rajada Somalia sida: 1-Burbur Siyaasadeed iyo mid amni oo ka dhalata Somalia, waxa uuna taa ku sheegay inay saameyn karto dalalka dariska la’ah Somalia ee iminka nabdoon. 2-Hoos u dhac ku imaada heerkii laga filaayay Somalia oo la jaanqaada dalalka dhigeeda ah, taa oo uu Sheekh Tamim bin Xamad ku micneeyay mid xanuunjin karta dowldaha kaalinta ka qaadanaayay kabashada Somalia. Sheekh Tamim bin Xamad, waxa uu tilmaamay in faragalinta Imaaraadka Carabta ay tahay mid qaawan oo leysaga horgeynaayo muxaafid iyo mucaaradka, waxa uuna ka digay in rajo beel lagu rido Somalia. Dowlada Qadar ayaa garabsi Siyaasadeed ku heysata Somalia taa oo bilaabatay tan iyo wixii ka danbeeyay go’aankii ay Somalia ka qaadatay xiisada Khaliijka. Docda kale, Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani ayaa Madaxda Qaranka iyo dhinacyada mucaaradka ugu baaqay wadahadal si loo dhammeeyo qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhex aloosan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Qadar oo Imaaraadka uga digtay laba arrin oo halis galinkarta Rajada Somalia (Maxay yihiin) appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Puntland ayaa daboolka ka qaday in maleeshiyaadka al-Shabaab ay kusii kordhayaan deegaano dhowr ah oo ka tirsan maamulka. Maamulka ayaa tilmaamay in maleeshiyaadkaasi ay kasoo carareen Gobolada Somalia, gaar ahaan kuwa ay ka dhacaan duqeymaha ay fuliyaan diyaaradaha Mareykanka. Mid kamida Saraakiisha maamulka oo u waramaayay Idaacada KNN ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay sii kordheyso tirade al-Shabaabka Puntland, isla markaana deegaano dhowr ah lagu arkayo al-Shabaab cusub oo aan horay u joogin. Saraakiisha ayaa farta ku goday in ay heleen xogo dhameestiran oo muujinaya in Horjoogayaal iyo dagaalamayaal ka badan 150 ay galeen dhulka Buuraha ee Puntland. Saraakiishan ayaa walaac ka muujiyay dhaqdhaqaaqyada ay maleeshiyaadka ka dhexwadaan deegaanada maamulka waxa ayna tilmaameen inay bilaabi doonaan howlgalo joogta ah oo lagula dagaalami doono maleeshiyaadkaas. Maleeshiyaadkan ayaa ku biiray maleeshiyaad kale oo ka tirsan Shabaab oo hore ugu sugnaa Deegaanada Puntland. Dhinaca kale, Saraakiisha maamulka ayaa cadeeyay inay la socdaan dhaqdhaqaaqa tirade ku dhex jirta bulshada ee qaabka Sirdoon ugu shaqeysa al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Puntland oo ka hadashay qulqulka al-Shabaabka deegaanadeeda & Tirada ugu danbeysay ee gudaha u gashay oo la ogaaday appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Somalia Maryan Aweys Jaamac ayaa si kulul uga hadashay dadka caadeystay inay qashinka ku daadiyaan Xeebaha dalka. Wasiir Maryan ayaa dadkaasi ku eedeysay in qashinka ay kasoo fogeeyan guryahooda isla markaana usoo fogeeyan Xeebta, waxa ayna talaabada noocaasi ku sheegtay mid nasiib darro ah. Maryan waxa ay dadka shacabka ah ee ku nool eeryada Xeebah ugu baaqday in ay ilaashadaan degaankooda, waxa ayn xusuusisay in dhibaatada ka dhalata qashinkaas ay dhibaato u geysan karto. Dadka waxa ay ugu baaqday in wasaqda laga ilaaliyo xeebaha Soomaaliya, iyadoo sheegtay in dhibaatada ugu sukeysa ee ka dhalaneysa ay tahay Hawada oo wasaqeysan. Dhinaca kale, Ciidamada ayey ugu baaqday inay ka hortagaan dadka haleynaaya Xeebaha waxa ayna soo jeedisay in sharciga lala tiigsado dadka ceynkaasi ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Wasiir Maryan oo dadka shacabka ah uga digtay hal arrin oo saameyn weyn ay ka dhalankarta appeared first on Caasimada Online.
  21. In a message that Ugandan media houses were compelled to broadcast, President Museveni blasted religious leaders who criticised the age limit constitutional amendment. The Ugandan parliament recently amended the constitution removing age limits for presidential candidates, extending the term of elected officers of government from 5 to 7 years and restoring presidential term limits. The amendment was very controversial, sparking off numerous physical fights in parliament, protests on the street and condemnation from religious leaders. Instead of working for the independence of Africa, they are always in cahoots with foreigners – encouraging the latter to meddle in our affairs. In his end of year message to the country, President Museveni accused religious leaders of pushing the agenda of foreign forces striving to meddle into the affairs of Uganda. According to the president, these church leaders ought to have talked more about what he calls the “the strategic goals of our dear Africa.” The five strategic goals set by past African leaders, he says, included regaining independence; attaining democracy; working for the prosperity; guaranteeing our strategic security through the political integration of as much of Africa as possible in the form of political federations like the East African Federation; and guaranteeing the survival of our identity as Black People without losing our languages, culture, customs, foods etc., to avoid becoming Black Europeans. “To some of those elements, the five strategic goals do not exist. What, apparently, matters to them is political power for the political groups they fancy,” charged the president. ‘‘Instead of working for the independence of Africa, they are always in cahoots with foreigners – encouraging the latter to meddle in our affairs.’‘ The president went ahead to call religious leaders out on what he called ‘arrogance’ bordering on ‘betrayal’. “This is assuming they do not have evil intentions which would be worse. That would make them into the Kayaffas, the Chief Priest that betrayed Jesus.” His inspiration from the bible was also extended to the 317 members of parliament who voted in favor of lifting the age limit. . “Remember what Jesus said in Matthew Chapter 5 Verses 11-12. It says: “Blessed are you when they revile and persecute and say all kinds of evil against you falsely for my sake. Rejoice and be exceedingly glad, for great is your reward in heaven, for so they persecuted the prophets that were before you”. “Therefore, NRM cadres and all patriots; false accusations are nothing for we transcended the firing squads of Idi Amin, the extra-judicial killings, the imprisonments, the losing of comrades in battles, etc.” The message was derided on social media by Ugandans who had already expressed shock that all media houses in the country had to broadcast the president’s address; I salute the 317 MPs who defied intimidation, malignment, and blackmail and opted for a flexible Constitution to deal with destiny issues of Africa. The 317 are like the 28 cadres of Montepuez, 43 fighters who attacked Kabamba, 232 MPs who opened up term limits #M7Address2018 — Don Wanyama (@nyamadon) December 31, 2017 Source: – Africa News The post Uganda;Museveni calls religious leaders traitors in New Year’s message appeared first on Caasimada Online.
  22. Eight years ago, Khadija Abdi fled the fighting and chaos in Somalia that killed her father and brother and made it across the border to a refugee camp in southern Ethiopia. Life isn’t so bad here, she says. Tents have gradually been replaced by huts. She is safe, and her daughter goes to school. The problem: There’s not enough food. “Three times this year, rations have been cut,” Abdi, 40, said of their monthly allotment of grain, pulses, cooking oil and salt. Beset by funding shortages, the U.N. World Food Program has reduced the daily calorie intake for the 650,000 refugees it feeds in Ethiopian camps by 20 percent, leaving them with an average allowance of just 1,680 calories a day. According to the U.S. Department of Agriculture, men need on average about 2,500 calories a day, women about 2,000. If new funds do not come by March, the refugees will see a further drop, to about 1,000 calories a day. Meanwhile, nearly 10,000 new refugees, mostly from war-torn South Sudan, arrive every day. “It’s the huge demands that have outstripped donors’ ability to keep increasing funding,” Smerdon said. With near-famines in South Sudan, Yemen, Nigeria and Somalia, as well as a string of protracted conflicts and refugee crises in places such as Syria and Ethiopia, the need is simply too great. In 2016, the WFP needed $8.84 billion and received $5.92 billion, including the United States’ $2 billion. A year later, the need rose to $9.6 billion, but funding was just $5.96 billion — a slight uptick but a bigger shortfall. There is no reason to expect 2018 needs to shrink as conflicts continue unabated. “The donors are giving more, but I am concerned and worried that this cannot continue,” Smerdon said. “It’s only development that’s going to fix the problem. We are just the Band-Aid.” A Band-Aid, however, that is everywhere. The WFP funding cuts will affect a staggering number of people. In Syria, where a six-year-old civil war is slowly winding down amid massive devastation and displacement, the WFP has been able to feed fewer people every month, dropping from 4 million in November, to 3.3 million in December and an expected 2.8 million next month. In Yemen, where a civil war and a foreign blockade make it hard just getting food into the country, half of the 7 million people fed by the WFP are on 60 percent rations (1,260 calories a day). Similarly in Somalia, where 3 million people receive assistance, the WFP has had to suspend rations for many and reduce them for others. In Kenya’s sprawling Dadaab refu­gee camp, the ration cuts have put many of the more than 200,000 Somali residents into debt and forced them to go back to precarious lives in conflict-ridden Somalia in return for money to pay off their loans. so far in Ethiopia, in contrast, there has been no pressure from the government to repatriate Somalis, and what little most refugees hear about what’s going on there — including a truck bomb in Mogadishu in October that killed more than 500 people — keeps them from wanting to return. “I think about my father and my brother, and I don’t want to go back,” Abdi said. “When I heard the story of the bomb in Mogadishu, my mind went back to what happened eight years ago.” Before she made it to Ethiopia, Abdi and her family fled from city to city to escape the fighting that eventually claimed her father and brother. Lately, the camps in this area have been receiving U.S.-donated white sorghum, a grain used for food and animal fodder in many parts of Africa — but not in Somalia. The Somali refugees abhor the taste, and worse, can’t sell it to the local community. Most camp residents try to sell some of their monthly allotment of grain to buy things aid agencies don’t provide, such as milk, sugar and clothing. “The white one makes the animals sick when they eat it, never mind the humans,” said Mohammed Isak Hassan, who fled Somalia’s al-Shabab militant group nine years ago and now teaches children with developmental disabilities in the Bokolmanyo camp, not far from Melkadida. He also lamented that the ration of enriched CSB+ flour, popular with his five children, had been cut from three pounds a month to one. He eyed with suspicion the dried kidney beans now being distributed in place of the more familiar lentils. “It’s not just food for them, it’s income to meet the needs for what we don’t provide,” said George Woode, head of the U.N. refugee agency’s local office, about the ration. “It’s a bartering system.” As the cycle of conflict and refu­gee flows continues around the world, there is a glimmer of hope at least for those in Ethiopia, where in 2016 the government pledged to boost ties between the refugees and the host communities and help them initiate their own income-generating activities, including partnership ventures. The government has also promised to reserve some jobs for refugees in new industrial parks. These southern Ethiopian camps are among the best suited for this experiment in making refugees more self-sustaining because the members of the host community, Ethiopians of Somali origin, speak the same language as the refugees and in many cases are from the same clans. “What we are looking at more and more is a shift from basic services and basic assistance to self-reliance,” Woode said as he detailed plans for micro-credit schemes and vocational training.One of the most ambitious projects involves taking 24,700 acres of land donated by the Ethiopian government and irrigating it, letting both refugees and locals farm it. The project, already underway, could ultimately sustain much of the drought-stricken area’s population. For now, there are many mouths to feed. “When you have the same pot of money to support a growing number it just means everyone is going to get less,” said Leighla Bowers, the WFP’s Ethi­o­pia spokeswoman. “The fact of the matter is refugees just keep coming in.” Source: – Washingtonpost The post A widening budget gap is forcing the U.N. to slash food aid to refugees appeared first on Caasimada Online.
  23. Wasiirka qorshaynta dowladda federalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta oo talaaado ah ku wajahan degmada Badhan ee gobolka Sanaag, halkaas oo si weyn loogu diyaar garoobayo soo dhowayntiisa. Booqashadiisa waxay ahaandoontaa markii ugu horeysay oo wasiir katirsan dowladda federalka soomaaliya uu booqdo magaalada Badhan oo kamid ah magaalooyinka ka degsan laamiga ah ee uu horumarka haatan ka socdo. Maamulka gobolka Sanaag ee Puntland iyo shacabka reer Badhan ayaa diyaar garow xoogan ugu jira sidii ay usoo dhowayn lahaayeen wasiir Jamaal oo maalmahaan socdaal ku jooga Puntland. Socdaalka wasiirka qorshaynta ayaa salka ku haysa wadda-tashiyo uu laleeyahay bulshada iyo dowladda Puntland, waxaa sidoo kale wararku sheegayaan inuu hordhac u yahay socdaal uu todobaadka soo socda madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Faramajo ku imaandoono Garowe. Puntlandi.com