-
Content Count
210,272 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Oslo (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kula kulmay Magaalada Oslo ee xarunta Dalka Norway kulan kula yeeshay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres oo ay ka wada hadleen arrima badan oo khuseeya Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa António Guterres uga warbixiyay guulihii ay Dawladda Soomaaliya gaartay, waxuuna sidoo kale kala hadlay arrimo la xiriira nabad gelyada iyo siyaasadda qaranka, Dhaqaalaha iyo sidii loo sii joogteyn lahaa taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa codsaday in Qaramada Midoobay ay taageero buuxda la siiyo Dawladda Federaalka Soomaaliya si ay ugu guuleysato in ay ku guuleysato Qorshaha Horumarinta dalka. Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterre ayaa bogaadiyey guulaha la taaban karo ee ay gaartay Dawladda Soomaaliya, waxuuna sheegay in Qaramada Midoobey ay mar walba diyaar u tahay iney taageerto Soomaaliya. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Khayre ayaa sidoo kale kulan la qaatay agaasimaha Xarunta Wadatashiga arrimaha Aadamiga David Harland, waxa ayna ka wada hadleen arrimo badan oo ay kamid tahay xaaladda Bini’aadaninimo ee Soomaaliya Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaraha Somalia, Xasan Cali Khayre, la filayaa in sidoo kale uu kulamo gaar gaar ah la yeesho madaxda kale oo u yimid Norway ka qeyb galka Madasha Oslo. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo Oslo Kula Kulmay Xog-hayaha Guud ee Qarammada Midoobay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan (Yarisow) ayaa uga mahad-celiyey Dowladda iyo Shacabka dalka Turkiga taageerada walaaltino ee mar walba ay la garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, gaar ahaan mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan Caasimadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya. Guddoomiye Yarisow ayaa tilmaamay in guud ahaan dadka Soomaaliyeed ay qirayaan doorka weyn ee Turkigu ka qaatey dib-u-soo kabashada dalka, waxaana uu xusay in kaalinta Turkiga ee Soomaaliya wax weyn ka bedashay xaaladda dalka, gaar ahaan waqtigii adkaa ee indhaha caalamka ay Soomaaliya kusoo jeedisay booqashadii Ra’iisul Wasaare Recep Tayyip Erdogan ee August 19, 2011. “Waxaan ugu mahadcelineynaa Dawlada Turkiga iyo shacabkeeda garab istaaggii ay inoo muujiyeen xiliyadii adkaa ee nasoo maray iyo mashaariicyadii ay ka fuliyeen Caasimadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan waxaan si gaar ah ugu ammaaneynaa garab istaagga xili muhiim ahaa iyo sidii ay indhaha caalamka noogu soo jeedisay booqashadii August 19, 2011 .”Ayuu yiri Duqa Muqdisho oo ka hadlayay Munaasabad lagu taageerayay Dawladda Turkiga ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha dalkaas Mudane Recep Tayyip Erdogan. Sidoo kale, Inj. Yarisow ayaa hoosta ka xariiqay in shacabka Soomaaliyeed abaalka Turkiga marna ilaawi doonin, ugana mahad-celinayaan taageerada iyo waxqabadka muuqda ee suurageliyey in waddankeena uu tallaabo horey u qaado, isla markaana xajmiga taageerada ay bixiyeen la barbardhigi karin inta ay ina siiyaan waddamada kale. Ugu danbeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan oo dhinac taagnaa Safiirka dalkaas u fadhiya Soomaaliya Danjire Olgan Bekar ayaa caddeeyey in xiriirka labada dal ka dhexeeya uu tusaale cad u yahay taageerada aan shuruuddu ku xirnayn, shacabka Muqdisho ku dhaqanna ay si weyn uga dharagsan yihiin gacan siinta walaaltinimo ee Turkiya. PUNTLAND POST The post Xukuumadda iyo shacabka Turkiga oo looga mahad-celiyay Taageerada ay siiyaan Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Oslo (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre, Xog-haya guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres iyo Wasiirka arrimaha dibadda Norway Ine Marie Eriksen Søreide, ayaa si wadajir ah uga furay magaalada Oslo Shirka Madasha Oslo oo looga hadlayo dejinta Xasaradaha caalamka. Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khare oo kulanka khudbad ka jeediay ayaa aad ugu nuux-nuuxdsay sida ay muhiim u tahay in xasaradaha la dejiyo oo nabad loogu wada noolaado dunida oo dhan. Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Xog-haya guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres iyo Wasiirka arrimaha dibadda Norway Ine Marie Eriksen Søreide, ayaa inta uusan shirku furmin waxa ay si warbaahinta kula hadleen afaafka hore ee xarunta uu shirku ka socdo, iyada oo Ra’iisul Wasaare Khaye uu uga mahadceliyay dawladda Nowray casuumaadda shirkaan muhiimka ah. António Guterres iyo Ine Marie Eriksen Søreide ayaa ku ammaanay Dawladda Soomaaliya shaqada wanaagsan ee ay hayso iyo sidoo kale barnaamijka xukuumadda ee ku dhisan isla xisaabtanka, daah-furnaanta iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa. Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaraha Somalia Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kulammo gaar gaar ah la yeelan doonaa qaar kamid ah madaxda kasoo qeyb gashay Madasha Oslo ee dalka Norway. PUNTLAND POST The post Shir looga hadlayo Xasaradaha Dunida oo ka furmay Oslo iyo Somalia oo ka Qayb-galaysa appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusa Mareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku jiro xaalad wareer ah oo ku saabsan magacaabista wasiiro cusub iyo isku shaadheyn la filayo in lagu sameeyo golaha Wasiirada. Sida qorshuhu ahaa Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa laga sugayey inuu magacaabo Gole wasiiro kuwaasi oo qaarkood lagu bedelaayo wasiiradda hada Shaqeeya Hase’yeeshee waxaa lagu kala aragti duwan yahay qaabka loo maraayo sida aynu xogta ku helnay. Sida xogta ay ku heshay Caasimadda Online waxaa banaanka usoo baxay khilaaf xoog leh oo u dhaxeeyo Madaxweyne Xaaf iyo Madaxda xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ku saleysan sida loo magacaabayo wasiirada iyo cidda go’aanka iska leh. Madaxweynaha Galmudug ayaa doonayo inuu kaligiis magacaabo golaha Wasiirada isla markaasna aysan wax talo ah ku lahaan Madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxda Xukuumadda Shiikh Maxamed Shaakir. Arrintaas ayaa waxaa si weyn uga hor imaaday Shiikh Maxamed Shaakir oo xil ahaan ku fadhiyo qeyb kamid ah awoodda Madaxweyne Xaaf kadib markii lagu heshiiyey sidaas ka hor inta aan labada maamul la isku darin. Shiikh Maxamed Shaakir ayaa dalbaday inuu qeyb ka noqdo go’aanada lagu soo magaaabayo Golaha Wasiirada isla markaasna laga siiyo saami, waxaana arrintaas gaashaanka u daruuray Madaxweyne Xaaf oo u arko inuu awoodda magacaabista golaha Wasiirada uu isaga kaligiis leeyahay. Khilaafkaan ayaa keenay in dhawr jeer dib loo dhigo magaabista golaha Golaha, waxaana hadda muuqato inay kala fogaanayo Madaxweyne Xaaf iyo Sh. Shaakir oo maalmihii dambe ahaa laba mas’uul oo isku xir isla markaasna ay wax kasta isugu toosan yihiin. Madaxweynaha Galmudug ayaa ku jiro xaalad wareer ah waxaana hadda hor taalo laba daran mid dooro, maadaama uusan heshiis la aheyn madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlaamanka oo iyagoo careysan ku shaqeeyo guri ku yaalo Magaalada Cadaado kadib markii loo diiday Madaxtooyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wasiir kuxigeenkii horre ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdi Ibraahim Warsame oo maanta shir jaraa,iid ku qabtey hoyga uu ka degan yahay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay hawlgalka Puntland ugu magacdartey xoreynta Gobolka Sool iyo Dhaliil uu u jeediyay xubno ka tirsan baarlamanka Puntland oo u gafey shirkadda Dahabshiil. Cabdi Qawdhan ayaa ku tilmaamay eedeyn uu dhawaan u jeediyay Shirkadda Dahabshiil Mudane ka tirsan Baarlamanka Puntland oo lagu magacaabo Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad hadalkiisu inuu la mid ahaa midkii Faysal Cali Waraabe uu u jeediyay Ardeyda reer Puntland ee dhigata Jaamacadda Boorame, Islamarkaana aanu wax u dhimi doonin sharafta iyo ganacsiga shirkaddu ku leedahay geyiga Soomaaliya. Wuxuu ku dhiirigaliyay Madaxweynaha Puntland inuu dhagaha ka fureysto inta uu ku jiro hawlgalka dastuuriga turunturooyin uu sheegay inay uga imaanayaan dibadda, Isagoona ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka qeybqaataan ilaalinta iyo dhawrida midnimadda ummadda Soomaaliyeed. Ugu dambeyntii wuxuu ku amaanay shirkadda Dahabshiil inay tahay shirkadd waxtar badan u leh ummadda Soomaaliyeed islamarkaana xalaal ka ah arrimaha siyaasadda ee ka jira geyiga dalka Soomaaliya. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Garoowe:- Siyaasi Cabdi Qawdhan oo si adag u difaacay shirkadda Dahabshiil appeared first on Puntland Post.
-
HARGEISA– Minister in charge of environmental development, Ms. Shukri Ismail Bandare has dismissed media reports indicating that she has tendered her resignation letter to the incumbent Somaliland President, Hon Musa Bihi. The minister has said that media reports circulated in social platforms for the past three days are rumors and untrue. She has said that she has raised her eyebrows after hearing the media reports while she was out of the country. She has stated that she is hundred percent happy with her job as being the minister for environment.
-
Daanta Galbeed (Caasimadda Online) – Deegaanada Daanta Galbeed iyo dhammaan dhulalka sida sharci darada ah loo dagay ayaa noqon doono qeyb kamid dhulka Israa’iil sida uu sheegay hoggaamiyaha xisbiga talada hayo isla markaasna ah wasiirka Waxbarashada ee Israa’iil Naftali Bennett, sida uu qoray wargeyska Hebrew news site 0404. Hadalka kasoo baxay hogaamiyaha xisbiga talada hayo ayaa imaaday kadib markii ciidamada Israa’iil ay burburiyeen ilaa 15 guri kuwaas oo ku yaalay Netiv HaAvot oo ah buur ay lahaayeen dadka Falastiin isla markaasna hoos tagto xaafadda Al-Khader ee Galbeedka Bethlehem ee xoogga lagu heysto. Naftali Benneta ayaa si rasmi ah u sheegay inay Israa’iil isku raacday in deegaanadaas lagu daro dhulalka ay xoog ku heystaan isla markaasna laga dhigo buurta korkeeda xaafad aad u weyn oo la dajinayo dadka Reer Is’raaiil. Burburintaan ayaa imaaneyso kadib ku dhawaad laba sano oo kasoo wareegtay markii Maxkamadda Cadaaladda Israa’iil ay xukmisay in guryahaas laga dhisay dhul ay lahaayeen Shakhsiyaad Falastiiniyiin ah, waxayna amartay in la dumiyo 8 Bishii Marso ee sanadkaan, balse waxaa loo qabtay 3 bil gudahood in dadka halkaas dagan loogu diyaariyo meel ay dagaan. Dhammaan guryaha ay Israa’iil ka dhisatay Daanta Galbeed ee xoogga lagu heysto iyo Bariga Magaalada Barakeysan ee Qudus ayaa loo arkaa inay yihiin shari darro sida ku caad sharciyada adduunka. Dowladda Israa’iil ayaa weli wado dhismooyin ay ka dhiseyso Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus waxayna arrintaas sii xoogeysatay markii uu guuldaro kusoo dhamaaday wadahaladii u dhaxeeyey Israa’iil iyo Falastiin. Hadalka kasoo yeeray Wasiirka waxbarashada ayaa dhibaato ku noqon doono dadka Reer Falastiin maadaama maalin kasta la boobayo dhulkooda, wuxuuna ninkaan si cad u sheegay qorshaha ay ku damacsan yihiin inay ku boobaan dhulalka Falastiin. Caasimada Online Xafiiska Qudus Caasimada@live.com
-
Ottawa (Caasimadda Online) – Cali Cumar Adeer oo ah muwaadin Soomaaliyeed isla markaasna si qiyaano ah lagu geeyey dalka Canada ayaa Maxkamad ku taalla magaalada Ottowa waxa ay ku xukuntay xabsi gaarayo ilaa 15 sano kadib markii lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa afduub meel u dhaw Muqdisho loogu geystay gabar Wariye aheyd sanadkii 2008. Ninkaan Soomaaliga ah ayaa dhawr jeer kasoo muuqday Maxkamadaas isagoo mar kasta ku adkeysanayey inuu ahaa kaliya turjumaan isla markaasna uusan wax lug ah ku laheyn afduubka, waxayna qaaadatay maxkamadeyntiisa muddo badan. Arrinta ugu weyn ee loo cuksaday xukunkiisa ayaa ah markii Maxkamadda horteeda lagu soo bandhigay caddeyno isugu jiray codad laga duubay xilligii uu wada hadalka ku jiray hooyada dhashay gabadha wariyaha ah ee Amanda Lindhout iyo qoraalo iyo wada hadal dhex maray isaga iyo ciidamo dhar cad ah oo ka tirsan dowladda Canada kuwaas oo isaga dhigay dad qandaraas usoo dhameenayo. Maxkamadda ayaa ku dhawaaqday in Cali Adeer lagu xukumay muddo 15 sano oo xabsi ah, wuxuuna qaadiga maxkamadda ee go’aanka soo saaray tilmaamay inuu Cali u qalmo xukunka lagu riday isla markaasna uu kiiskiisa sidaas kusoo xirmay. Cali Adeer ayaa si qiyaano ah lagu geeyey dalka Canada kadib markii ay heshiis been ah oo ku saabsanaa daabacaada buug uu qorsheynayay qoridiisa uu la galay dharcad ka tirsan dowladda Canada oo uu isaga u heystay inay ahaayeen dad caadi ah oo caawinayo maadaama si mala awaal ah loogu sheegay inuu buugaas ka heli doono lacag waali ah. Qaadiga Maxkamadda ayaa sheegay in xukunka 15 sano ah ee Cali Cumar Adeer lagu riday laga jari doono mudada ay socotay maxkamadeyntiisa markaas oo uu ku jiray xabsi, waxaana laga jari doono ilaa 3 sano, taasoo ka dhigan inay u dhiman tahay ilaa 12 sano oo kale. Kiiska ninkaan Soomaaliga ah lagu heysto ayaa ahaa afduub sanadkii 2008 dalka Soomaaliya loogu geystay Amanda Lindhout oo ah wariye u dhalatay dalka Canada iyo sawir qaade u dhashay wadanka Australia kuwaas oo gacanta afduubayaasha ku jiray 460 maalmood. Nimanka afuudbka u geystay labadaan qof ayaa ugu dambeyntii Gabadha Canada kasoo jeeday ka qaatay 600,000$ oo madax furasho ah oo ay bixiyeen qoyskeeda, waxaana afduubayaasha iyo qoyska u kala turjumayey Cali Adeer oo ah ninka hadda lagu xukumay xabsi waqti dheer. Halkan ka aqriso xeeladda cajiibka ah ee Cali Adeer lagu geeyey Canada Caasimada Online Xafiiska Ottawa Caasimada@live.com
-
Tanzania on Monday issued an alert following an outbreak of Rift Valley fever (RVF) in Kenya and Rwanda. Source: Hiiraan Online
-
A new report finds civilians in the United States own more guns than those in any other country holding nearly 40 percent of the estimated 857 million guns in private hands. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maalmahan baraha bulshada la isla dhex marayay aragtiyo kala duwan oo laga bixinayo booqashadii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed uu ku yimid Muqdisho iyo war-murtiyeedkii ka soo baxay. Haddaba qodobadan kooban waxaan ku eegeynaa 10 qodob oo aan laga fahmin booqashadaas iyo natiijadii ka soo baxdayba. Heshiis mise war-murtiyeed: Kulanka madaxweyne Farmaajo iyo RW Abiy Axmed waxaa gabagabadiisa ka soo baxay war-murtiyeed (communiqué) ee ma ahayn heshiis la kala saxiixday. War-murtiyeed wuxuu soo koobaa qodobadii laga wada hadlay. Guddiyo: Waxay labada mas’uul ka wada hadleen in guddiyo heer wasiir ah loo saari doono inay sii wadaan wadahadallada, markaas oo faahfaahinta qodobadaas loo tagi doono. Waxaa dhici karta in lagu heshiiyo ama lagu heshiin waayo. Heshiisyadaas oo marka ay dhacayaan la hor geyn doono goleyaasha Baarlamaanka. Heshiisyadii Berbera/Boosaaso iyo war-murtiyeedka Muqdisho: Xukuumaddu hore ayay uga hadashay inaysan diidaneyn in maalgashi shisheeye lagu sameeyo dakadaha Soomaaliya, balse waxaa Imaaraadka lagu diidanaa inay arrimo qaran kala hadlaan dawlad-goboleedyo. Suuqa Itoobiya: Dalalka Geeska Afrika ayaa ku tartamaya suuqa 100ka milyan ee Itoobiya. Dhammaan dalalkii uu booqday RW Abiy Axmed waxaa Itoobiya loo ballanqaaday inay saami ku yeelato dekadaha si loo soo jiito inay halkaas ku soo xirmaan. Hal albaab: Waxaa guul ah in Itoobiya oggolaato inay Muqdisho kala macaamisho dhammaan wixii arrimaha Soomaaliya khuseeya, halkii ay markii hore dawlad-goboleedyada mid mid ula macaamili jirtay. Waa horumar la soo gaaray maanta, isla markaana sii xoojin doonta midnimada iyo madax bannaanida dalka. Fursadaha maalgashi: Waxaa war-murtiyeedka lagu sheegay in labada dhinacba ay ka furan yihiin fursado maal-gashi. Haddii Itoobiya ay dekedaheena nagula shirkoobeyso si ay suuqaas noogu soo leexiso, waxaan annagana saami ku yeelan karnaa isgaarsiinta iyo korontada Itoobiya. Waxay sidaas oo kale kula heshiisay Jabuuti. Suuqyo kale: Itoobiya waxay ka mid tahay suuqa Bariga iyo Koonfurta Afrika ee COMESA. Soomaaliya waxay qorsheyneysaa inay suuqaas ku biirto. Haddii labada dal ay isku suuqa galaan waxaa qabanaya shuruucda isu-socodka ee suuqaas. Haddii xitaa labada dal aysan gooni uga heshiinin arrimaha ganacsiga waxaa isku-furkooda khasab ka dhigi doona suuqyo kale oo ay xubno ka yihiin. Diblomaasiyaddu waa laba dhinac: Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa isaga xiran waxyaabo badan oo aan dekedaha kaliya ahayn. Tusaale ahaan sida loo qeybsanayo biyaha wabiyada Jubba iyo Shabeelle waa inay labada dal ka xaajoodaan oo aysan Itobiya ka sameysan biyo-xireennadii ay doonto oo saameyn ku yeelan doona beeraheena. Danaha labada dal ay iska leeyihiin way sii kordhi doonaan mar kastaba. Hadalka Abiy: Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya wuxuu sheegay in aragti ahaan uusan aaminsaneyn cadaawaddii hore, aysan isku baahan yihiin labada dal. Arrintaas waa aragtidiisaa fog ee ma ahayn wax laga wada hadleysay ama lagu heshiiyay. Qofka siyaasi ahna wuu lahaan karaa aragtidaas. Soomaalida iyo Geeska Afrika: Khabiirka reer Suudaan ayaa sheegay in Soomaalida sanadaha soo socda ka talin doonto Geeska Afrika marka la eego heerka ay kaga jiraan dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya. Soomaaliya ma aha dad looga baqayo in la liqo ee haddii ay helaan fursado waxay si sahlan ugu guuleysan karaan madaxnimada dalalka gobolka oo dhan. Heer Soomaalidu jagooyin sare ka qabanayaan Yurub iyo Waqooyiga Ameerika, wax weyn lama aha inay hoggaamiyaan gobolka haddii ay helaan fursado xor ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Ismaaciil Hurrre Buubaa ayaa wareysi uu siiyey idaacadda Goobjoog ee magaalada Muqdisho, wuxuu kaga hadlay heshiiskii dhowaan ay magaalada Muqdisho ku gaareen Soomaaliya iyo Itoobiya. Waxa uu sheegay Buubaa in heshiiskaasi uu yahay mid micno weyn ku fadhiya, islamarkaana heshiiska dekadaha yahay mid isbedallo ka hirgelin kara guud ahaan dhulka Soomaalida. Buubaa ayaa dhanka kale sheegay in hadda kaliya un la heshiiyey balse la sugayo qaabka heshiiskaasi uu ku dhaqangalayo iyo faah-faahinta dheeriga ah. Buubaa ayaa sheegay in haddii Ethiopia ay maal-gashaneyso dekadaha Soomaaliya ee aan cidna daryeelin ay taas faa’iido weyn u tahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed, ayna tahay in la soo dhaweeyo. Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa Sabtidii lasoo dhaafay ku heshiiyey arrimo la xiriira horumarinta dekadaha iyo iskaashiga dhaqaalaha. Halkaan hoose ka dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/06/WAREYSI-BUUBAA-18-06-2018-2.mp3 Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa daboolka ka qaaday in ciidamada Ethiopia ay ku kacaan falal argagixiso. Abiy Axmed, ayaa hadalkan ka hor sheegay Saraakiisha Hay’adaha amaanka dalkiisa, kadib markii ay kordheen kiisaska fal danbyeedyo ee lagu helaayo ciidamada Ethiopian-ka ah. Abiy Axmed, waxa uu sheegay in falalka ay geystaan ciidamada Ethiopia ay kamid yihiin xarig sharci darro ah iyo jir dil aan loo baahneyn, waxa uuna arrin foolxun ku sheegay in argagixiso lagu tilmaamo dadka muslimka ah. “Waa xaqiiq wey dhacdaa in askarta Ethiopia ay geystaan falal argagixiso oo sharci darro ah” Abiy Axmed, waxa uu sheegay inay aad u badan yihiin kiisaska jir dilka ah, waxa uuna tilmaamay in askarta ku dhaqanta falalka ceynkaasi ah ay danbi ka galeen sharciga ciidan ee dalka u yaal. Dadbadan oo u xirnaa tuhuno oo ay ka mid yihiin dad siyaasad u xirnaa ayaa la sii daayay, bishan horraanteediina wuxuu shaqada ka tiray taliyihii ciidammada iyo midkii sirdoonka. Ra’isul wasaare Abiy oo baarlamaanka su’aalo ooga jawaabaya ayaa la waydiiyay sababta uu xabsiga uga sii daayay dad argagixiso lagu eedeeyay, Abiy ayaa markaas yiri ‘’Yaa argagixiso ah marka ciidammadii dawladda loo adeegsanayo in ay dad xilka ku sii hayaan’’. Sidoo kale. Abiy wuxuu sheegay in tuulo kaste oo dalka Ethiopia ku taalla dad lagu jir dilay qolal madawna lagu xiray iyaga oo maxaabiis ah. Haddalka Abiy ayaa imaanaya iyadoo isbedel dhinacyo badan leh laga dareemayo dalka Ethiopia tan iyo markii la doortay Ra’isul wasaare Abiy. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.vom
-
Hague (Caasimada Online) – Garyaqaannada Soomaaliyeed ee ku sugan Maxkamadda Caalamiga (ICJ) kalsooni weyn ka muujiyey gal-dacwadeedka ay ku difaacayaan Badda Soomaaliyeed. Garyaqaannada ayaa aaminsan in dhammaan caddeymaha ay gudbiyeen ay ku qancin karto dhex dhexaadiyaasha caalamiga xaq-lahaanshaha Soomaaliya ee ku aaddan dacwadda ay dhan ah Kenya. Dhanka kale, Qaar ka mid ah Garyaqaannada Soomaaliyeed ee ku sugan Hague ayaa walaac ka muujiyey qorshe la sheegay in ay ku dhaqaaqayaan dhiggooda Kenya, kuwaas oo doonaya in ay markhaanti gashadaan masuuliyiin Soomaaliyeed oo horey ay heshiis u wada galeen. Sharci yaqaannada Soomaaliya u doodaya ayaa shaaca ka qaaday in Garyaqaannada Kenya ay doonayaan in Maxkadda ICJ ay horkeenaan Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirishiid iyo Wasiirkii Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah C/riximaan C/shukuur Mire oo ay ku doodayaan in heshiis is afgarad ay la galeen. Inkastoo Xeer Ilaalinta Soomaaliya ay ku adkaysanayaan mowqifkooda iyo sida ay u difaacanyaan dalkooda, haddana cabsida soo ifbaxday ayaa ah in labadaas siyaasi ay ka hor caddeeyaan Maxkamadda hadal dhabar jab ku noqda dadaalka ay wadaan Garyaqaannada ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
-
Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed has said foreign debt is becoming a burden to his country. “We have reached a point where debt servicing has become very hard for the national economy,” Ahmed said in an annual performance report presentation to parliament on Monday less than 70 days after he assumed office in April. According to the prime minister, the country has taken $1.3 billion in loans during the first six months of the budget year (since July 8, 2017), which rose the country’s total debt to $24.7 billion. He said a little more than 57 percent of the loan was used by the government while public companies consumed the rest. “During the first six months of the budget year, import-export showed a 0.02 percent increase but the trade balance widened [to the disadvantage of Ethiopia] by 2.2 percent,” he said. “We have been taking loans and now that is getting too much,” he said. Source: – Anadolu Agency
-
The entire process of controlling Somalia’s skies from Nairobi has officially come to an end on Monday after Somalia and the International Civil Aviation Organization (ICAO) jointly agreed to close the office in Nairobi. ICAO has been controlling Somalia’s airspace for over 25 years since the fall of the country’s central in 1990. Somalia’s minister of Transport and Civil Aviation, Mohamed Abdullahi Salad said ICAO’s office in Nairobi formally stopped its function to control of Somalia’s airspace from Kenya. “Today 18th June 2018, Somalia’s airspace control office in Nairobi which had been operating more than 25 years, will stop its function. All function of airspace control will take place in Mogadishu,” said Salad. The minister said that the move represents a significant step towards the development of the country. “It is a great honor for us to witness this historic day that we are fully moving the control and management of our airspace to the city,” the minister said. In March, Somali government relocated 34 air control personnel who were working in Nairobi to operate in the Somali capital, Mogadishu. The U.N.’s aviation agency began controlling air traffic over Somalia after the county descended into civil war. Due to security concerns, the organization worked from Kenya until 2017 when the government of Somalia took the control of the airspace from ICAO. The International Civil Aviation Organization (ICAO) is a specialized agency of the United Nations. It codifies the principles and techniques of international air navigation and fosters the planning and development of international air transport to ensure safe and orderly growth. Its headquarters are located in Montreal, Quebec region, Canada. Hol
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladaha Somalia iyo Ethiopia ayaa heshiis ku saleysan arrimo badan ku kala saxiixday magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, kadib markii Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed uu booqasho hal maalin ah ku yimid Muqdisho. Heshiiskaas ayaa qodobada qaar waxaa dhaliil ka muujiyey Xildhibaano, Siyaasyiin iyo Shacab aad uga soo horjeeda isbedelada Siyaasadeed ee uu ku talaabayo dalka. Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta dhaliilsan Heshiiska ayaa sheegaya in dalka si toos ah loogu gacan galiyay dowlada Ethiopia oo markii hore ay colaad kala dhexeysay Somalia. Qaar kood ayaa sheegay in Ethiopia ay wakiil u tahay dowlada Imaaraadka carabta oo uu khilaaf kala dhexeeyo Somalia, maadama Ra’isul wasaaraha Ethiopia ay Wasiirka arrimaha Dibadda Imaaraadka maalin ka hor inta uusan imaan Muqdisho isku arkeen magaalada Riyadh. Xildhibaanada sifaha foosha xun ka bixiyay Heshiiska waxaa kamid ah Xildhibaan Mahad Salaad oo qoraal qodobeysan ka sameeyay Heshiiska. HOOS KA AKHRISO QORAALKA QODOBEYSAN EE XIL. MAHAD SALAAD: 1-Booqashada deg dega ah ee Ra’isul wasaaraha Itoobiya ku yimid magaalada Mogadishu. Heshiiska deg dega ah ee lagu saxiixay saacadaha kooban iyo ka fiirsasho la’aanta madaxda Soomaaliya gelitaanka heshiisyada nuucaan oo kale ah. 2-Damaca Itoobiya iyo hadalka kasoo yeeray Ra’isul wasaaraha Itoobiya ee ah in u kula heshiiyay madaxda Soomaaliya in labada dowladeed (Soomaaliya iyo Itoobiya) ay isku noqdaan hal dowlad. 3-Fariinta la tuhunsan yahay in Ra’isul wasaaraha Itoobiya uu ka waday Maxamed Bin Zayed, dhaxal sugaha Imaaraadka ee Madaxweyne Farmaajo la soo gaarsiiyay, isla markaana jawaab ka sugayey inuu RW Itoobiya kusoo celiyo waxa uu Madaxweyne Farmajo ka yeeli doono soo jeedimaha Imaaraadka. 4-Rabitaanka Imaaraadka ee ah in dhammaan dekadaha gobolka ku yaala la curyaamiyo oo lala galo heshiisyo dhaadheer oo aysan ka bixi karin si meesha looga saaro maalgelin shisheeye. 5-Diidmada Madaxweyne Farmaajo uu diiday in uu saxiixo qaraarkii labada Gole Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ku buriyeen heshiiskii Berbera iyo in DP World dalka Soomaaliya laga eryo. 6-Hardanka siyaasadeed ee salka ku hayo masaaliixda quwadaha waaweyn iyo kuwa gobolka ay ka leeyihiin geeska Africa sida Mareykanka, Shiinaha, Turkey iyo Imaaraadka oo dhammantood saamayn xoog leh innagu leh. 7-U nuglaanshaha Soomaaliya faragelinta shisheeye iyo bisayl la’aanta siyaasiinta Soomaalida, khilaafka dowladda federaalka iyo Somaliland, dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, dagaalka Tukaraq oo dhalin kara faragelin cusub. Dhammaan qodobadaan iyo kuwa kale oo badan oo laga yaabo dadka Soomaaliyeed in aysan hada ku baraarugsaneyn waxay horseed u noqon karaan cawaaqib xumo aan laga soo kaban karin oo ku habsata dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Suurta galna ka dhigi karta in la waayo midnimada iyo madax banaanida Soomaaliya, aayo-katalinta masiirka umadda Soomaaliyeedna uu gacanta u galo quwado shisheeye oo siday doonaan ka yeela. Mahadsanidiin. Hon. Mahad Salad Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ra’iisul wasaaraha Ethiopia,Abiy Axmed Cali ayaa hay’adaha amniga dalkiisa ku eedeeyay in ay shacabka kula kacaan falal argagixiso oo ka dhan ah banii’adanimada iyo xuquuqda dadweynaha. Mudane. Abiy ayaa sheegay in laamaha amnniga dalka Ethiopia ay si baahsan u dhibaateeyaan dadka ay ku tuhmaan mucaaradnimada,islamarkaana ay isugu daraan jirdil iyo xabsi aan loo meel dayin. Hadalkaan ayaa jawaab u ahaa su’aalo ay Baarlamanku ka weydiiyeen,dad la sheegay in ay argagixiso ku eedaysnaayeen oo uu ra’iisul wasaaruhu xabsiga ka siidaayey. Kumannaan ruux oo ay ka mid yihiin dad siyaasad u xirnaa ayaa la sii daayay,bishaan horraanteediina,waxaana shaqada laga eryay taliyaashii ciidamada militariga iyo sirdoonka. PUNTLAND POST The post Abiy Axmed oo ciidamada dalkiisa ku eedeeyay falal argagixiso appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Somalia iyo Ethiopia ayaa maalinta labaad ee ciida Heshiis heer Qaran ku kala saxiixday magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia. Heshiiska ayaa waxaa dowlada Ethiopia u saxiixay Ra’isul wasaaraha dalkaasi, halka Somalia uu u saxiixay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo uu barbar fadhiyay Ra’isul wasaaraha Somalia Xasan Kheyre. Heshiiska ayaa ku saabsanaa dhinacyada iskaashiga amniga, diblomaasiyadda, iyo arrimo kale. Heshiiskan ayaa waxaa dhanka maamul Goboleedyada markii ugu horeysay taageeray Hoggaamiyaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare. Waare oo ka hadlaayay Heshiiska ayaa sheegay in heshiiskaas uu yahay mid ay dan weyn ugu jirto maamulkiisa,isla markaana uu rajeynayo in Ganacsiga Ethiopia iyo HirShabeelle uu noqdo mid isku furma. Waxa uu Waare sheegay in Heshiiska uu yahay mid ahmiyad gaara u leh Somalia, waxa uuna meesha ka saaray wararka sheegaya in Heshiiska uu dhibaato uga imaanayo Somalia. Waare oo ka hadlaayay qodobka maalgashiga Dekadaha ayaa sheegay in afarta Dekadood ee miiska saran ay kamid tahay degmada Cadale oo la dhisaayo taasina ay tahay tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday, sida uu hadalka u dhigay “Aad ayaan u soo dhaweyneynaa Heshiiskaas, waayo annaga xuduud ayaa ku xignaa, in la furo Kastamka Feer Feer meeshaas ay noqoto meel laga ganacsado intii xero milateri ku ooli laheyd, maalintii ay isu gudbaan boqol baabuur, dadka is dhex maro, dadka ka yimaada Mustaxiil ay yimaadaan Beledweyn, Godey iyo Beledweyn la isu maro, jidadka la sameeyo”ayuu yiri Madaxweyne Waare. Hoggaamiye Waare waxa uu sheegay in Dowlada Somalia ay ku amaanan tahay Heshiiska ay la gashay dowlad Ethiopia, waxa uuna cadeeyay in ka maamul ahaan ay ka faa’iideysan doonaan Heshiiska. “Waxaa aaminsanahay in Dekedda Cadale laga dhisayo ay noqoto afarta dekeda ugu horeysa, Dekedaas ay noqoto deked Lojisticik, in jid laga bixiyo, Jid Tareen laga bixiyo, anaga Hirshabeelle ahaan waxa anoo muuqda horumar weyn”ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle. Geesta kale, Waare ayaa ku baaqay in Ganacsatada HirShabeelle ay qudhooda ka faa’iideysan doonaan fursada Heshiiska.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladaha Somalia iyo Ethiopia ayaa maalinta labaad ee ciida Heshiis heer Qaran ku kala saxiixday magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia. Heshiiska ayaa waxaa dowlada Ethiopia u saxiixay Ra’isul wasaaraha dalkaasi, halka Somalia uu u saxiixay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo uu barbar fadhiyay Ra’isul wasaaraha Somalia Xasan Kheyre. Heshiiska ayaa ku saabsanaa dhinacyada iskaashiga amniga, diblomaasiyadda, iyo arrimo kale. Heshiiskan ayaa waxaa dhanka maamul Goboleedyada markii ugu horeysay taageeray Hoggaamiyaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare. Waare oo ka hadlaayay Heshiiska ayaa sheegay in heshiiskaas uu yahay mid ay dan weyn ugu jirto maamulkiisa,isla markaana uu rajeynayo in Ganacsiga Ethiopia iyo HirShabeelle uu noqdo mid isku furma. Waxa uu Waare sheegay in Heshiiska uu yahay mid ahmiyad gaara u leh Somalia, waxa uuna meesha ka saaray wararka sheegaya in Heshiiska uu dhibaato uga imaanayo Somalia. Waare oo ka hadlaayay qodobka maalgashiga Dekadaha ayaa sheegay in afarta Dekadood ee miiska saran ay kamid tahay degmada Cadale oo la dhisaayo taasina ay tahay tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday, sida uu hadalka u dhigay Hoggaamiye Waare waxa uu sheegay in Dowlada Somalia ay ku amaanan tahay Heshiiska ay la gashay dowlad Ethiopia, waxa uuna cadeeyay in ka maamul ahaan ay ka faa’iideysan doonaan Heshiiska. Geesta kale, Waare ayaa ku baaqay in Ganacsatada HirShabeelle ay qudhooda ka faa’iideysan doonaan fursada Heshiiska.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in maanta oo talaado ah uu magaalada Oslo ee dalka Norway ka furmo shirka sanadlaha ah ee madasha Oslo. Shirka ayaa waxaa marti gelineyso Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Norway, waxaana diirada lagu saari doonaa arrimo muhiim ah. Shirkan oo ahmiyad gaara leh ayaa waxaa Somalia ku metelaya wafdi uu hoggaaminayo Ra’isul wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre oo maalin un ka hor gaaray madasha Oslo. Shirkan oo socon doona 19-20 June, ayaa ah madal sanadkiiba mar la qabto loogana hadlo xallinta khilaafaadka kaas oo ay isugu yimaadaan Madax ka kala socota adduunka. Sanadkan waxaa Madasha ka qeyb galaya Ra’isul wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre, Ra’isul wasaaraha dalka Norway, Erna Solberg, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, Xoghayaha Guud ee Hey’adda ammaanka iyo wada shaqeynta Yurub, Thomas Greminger, U qaabishana Xog-haya guud ee Qaramada Midoobay ee arimaha Siyaasadda, Rosemary A. DiCarlo iyo wasiirrada arimaha dibadda ee dalalka Algeria, Jordan, Cummaan iyo Tanzania. Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa shirka ka jeedin doona Khudbad khuseysa xallinta khilaafaadka iyo arrimaha Somalia. Shirka waxaa sidoo kale diirada lagu saari doonaa caqabadaha ku hor gudban dadaallada Nabad dhalinta iyo sida ugu habboon ee looga gudbi karo caqabadahaas. Sidoo kale, Kheyre iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Oslo ee dalka Norway kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxd dalkaasi iyo kuwa ka qeybqaadan doona shirka. Geesta kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa si hordhac ah ula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Norway oo ay kawada hadleen arrimaha labada dal. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in halkaa lagu dilay taliye ku-xigeenkii Saldhiga Booliska deegaanka Ceelasha Biyaha. Taliye ku-xigeenka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Mahad Ibraahim Cumar Weydow, waxaana dilkiisa ka danbeeyay mid kamid ah ilaaladiisa. Askariga dilay Taliye ku-xigeenka ayaa la sheegay in sidoo kale ay qaraabo ahaayen marxuumka, waxaana la sheegay inuu kala dhexeeyay muran muddo qaatay. Mid kamid ah ilaalada Taliye ku-xigeenka la dilay ayaa yiri ‘’Dilkiisa waxaa ka danbeeyay askari ay qaraabo ahaayen xiliyada qaarna la socon jiray waxaana ka dhaxeeyay muran ku dhawaad bil socday’’ ‘’Dilka kadib waxa uu askariga la baxay gaari iyo qori uu lahaa taliye ku-xigeenka lamina oga halka uu la aaday gaariga iyo qoriga dilka kadib’’ Sidoo kale, waxa uu sheegay in rasaasta looga dhuftay madaxa iyo wadnaha, waxa uuna cadeeyay in dilka Taliye ku-xigeenka uu ahaa mid si foolxun loo geystay. Muranka sababay dilka Taliye ku-xigeenka ayaa ku saleysnaa lacag marxuumka kala dhexeysay Askariga dilka geystay, sida laga soo xigtay Saraakiisha Saldhiga Ceelasha biyaha. Dhinaca kale, dilka taliye ku xigeenka ayaa kusoo beegmay xili la filaayay in isbedel lagu sameeyo Saraakiisha ka howlgasha Saldhiga Ceelasha biyaha, waxaana xusid mudan in DFS aysan weli ka hadal dilka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Women sport their national pride at the annual Somaliland Independence Day celebration on May 18 in Hargeisa. Advocates argue that a political quota would give women a greater say in their country’s policy-making. Credit: Adrian Leversby/IPS Women are part of our society and their political engagement is invaluable. Building women’s and men’s equal participation in governance procedures is very important for sustaining inclusive and effective governance in Somaliland. As a developing society, it is very essential to recognize that women can play vital roles in their communities, as they are effective in advocating about pertinent issues that concern them. Regardless of the successes recorded in some Somaliland’s institutions, the underrepresentation of women in these political institutions is quite appalling. The reason for this is not far-fetched, as they face serious challenges trying to be a part of the political atmosphere of their country. These challenges include structural barriers emanating from discriminatory laws and cultural beliefs, which cripples the ability of women to vie for a political office. Although there is a newly built democracy in Somaliland, tribalism is another limiting factor to women’s participation in Somaliland’s politics. The impact of this factor is enormous as it has its roots in the grassroots, the clans which are very crucial in getting elected into any political office. The traditions and the clan system favor only the male politicians and fails to recognize the woman as a permanent member of the family. In this system, a woman’s political ambition is not even given a chance to survive, as she does not even have a voice in her own constituency, let alone represent her people in the political landscape of the country. Other factors like social discrimination and aggressiveness towards the women folk, inability to get support as well as lack of adequate resources have really crippled the participation of women in the political affairs of the state. It is true that women’s exclusion from the politics and decision-making tables was formalized by the culture but now the country has politically shifted from the clan-based to the multiparty system. Therefore, it is not just an issue of poor women representation in politics but also the poor development of inclusive and transparent democracies. Women have been playing a major role in Somaliland history and have greatly committed to independence, peace building, reconciliation and post-conflict reconstruction. It is clear that women are the backbone when it comes to the reconstruction of the country and advocating for national stabilization, human rights, and democracy. With this antecedence, women’s political participation will increase the legitimacy of the governance, transparency of the growing institutions and provide transformative leadership in all sectors of government. Also, their engagement will decrease the corruption, nepotism, tribalism, and injustice which is currently prevalent in several quarters. Women’s political involvement begins with increasing the number of slots allocated to women in vital decision-making positions like parliaments, local councils, and other governmental institutions. When we have a good number of female political figures in these positions, they stand a better chance of contributing more to nation building as well as addressing very important and challenging issues affecting the well-being of women. However, women in Somaliland are still largely absent from national and local decision-making bodies and are excluded from political processes especially in recent times. Despite representing half the country’s population, women comprise less than 3 percent of Somaliland’s legislators. Evidence from developing countries around the world shows that an increase in women’s participation in the political life of their countries often leads to improved socio-economic conditions, as many of these women– more readily than their male counterparts– tackle poverty reduction and service delivery as areas of primary importance to their constituents and supporters, as seen in Rwanda. During the civil war and up to the 1994 genocide, women’s parliamentary participation was 18 percent at most. This number increased in the years leading up to the 2003 constitution, reaching a record 56.3 percent in 2008. The increased numbers of women’s participation are a result of gender-sensitive constitutional quotas, an innovative electoral structure, and the participation of partner institutions. Against this backdrop, in a bid to correct this, an electoral quota is considered an effective administrative tool which can pave way for a mandatory percentage of women candidates for the leadership and decrease the historic exclusion of the women from the politics. The outcome of a meeting at the presidential palace, which had Somaliland’s President, Hon. Musa Bihi Abdi and his cabinet in attendance revealed suggestions made to reserve a quota for women in parliamentary and local government elections. For, Mr. Musa Bihi Abdi this is a step in the right direction and it could be historic when it is approved by the parliament and the country’s house of elders. Once this bill is approved, it will bring a high increase in female political representation and will eliminate the domestic gender-based violence. This will also go a long way in strengthening women’s rights and addressing barriers to political partaking which are critical to achieving an equal society where everyone has his or her own voice by improving women’s access to justice, thereby increases citizens’ confidence in democracy. Women’s exclusion from decision-making bodies is detrimental to democracy and any democracy that excludes half of its people is a big contradiction and huge failure. In that case, we need to work towards strengthening women’s rights and political participation, because increased female political influence will promote the growth of our democratic institutions and improve our social wellbeing. Musa M. Isse Musa M. Isse is a journalist, author and social entrepreneur based in Stockholm, Sweden He can be reached at haji_musa@hotmail.com
-
Maamul Goboleedkii ugu horeeyay ee kamid ah Maamul Goboleedyada dalka ayaa soo dhoweeyay heshiiskii dhexmaray maray dowlada Soomaaliya iyo Itoobiya. Maamulka Hir Shabelle ayaa soo dhoweeyay heshiiskaasi iyaga oo sheegay in dano badan ay ugu jirto Maamulkoodo. Madaxweyne Hir Shabelle Maxamed Cabdi Waare oo la hadlay Warbaahinta Dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiskaasi ay aad u soo dhoweeynayaan. Waare ayaa sheegay in Maamulkiisa uu daris la yahay Itoobiya isaga oo sheegay in Waxyaabo badan ay is dhaafsanayaan. Sabtidii la soo dhaafay Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa kala saxiixday heshiis ku aadan Maalgashi qaar kamid ah Dekadaha dalka Soomaaliya. Hoos ka Dhageeyso Codka http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/06/Waare.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Maamul Goboleedkii ugu horeeyay oo soo dhoweeyay heshiiskii DFS iyo Itoobiya appeared first on Puntland Post.