-
Content Count
206,022 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garowe (Puntandi) Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiweli Gaas ayaa aqbalay iscasilaada taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta Puntland, Sareeyo Guuto Dayr Xaaji Aadan, kaasoo bartamihii bishaan March gudbiyay istaqaaladiisa. Warqad kasoo baxday xafiiska madaxweyne Gaas oo ku taariikhaysnayd 25-kii bishaan, taasoo soo gaartay xafiiska wararka ee warsidaha Puntlandi, ayaa ku cad in madaxweynuhu aqbalay soo jeedinta taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta. Puntlandi.com
-
Mashruucii Dismaha wadada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo ayaa meel Gabo gabo ah maraya waxayna wadada ay fooda lagashay Magaalada Baran ee xarunta Gobolka Sanaag. Daamurkii Wadada lagu goglay ayaa waxa uu sidookale isan uu marayaa meeshii udambaysay iyadoo jidcadihii wadadana uu fooda saaray meel waxyar ujirta Magaalada Baran. Wadadan ayaa waxaa baahi wayn uqabay bushada ku dhaqan Gobolka Sanaag , waxaana muuqata in Mashruucan oo ahaa mid isku tashi ah uu guulaystay. Mukhtaar C/salaan oo kamid ah Xoghaynta Madaxweyne Gaas oo booqasho kutagay Wadadan ayaa Gudigii dhisay wadadan waxa uu ku amaanay sida ay ugu hagar baxeen dhismaha Wadadan. Hindisaha Wadadan Ceel-dhaari iyo Ceerigaabo ayaa waxaa iska lahaa Madaxweyne Puntland Cabdiwali Cali gaas. Xaghaye Mukhtaar ayaa sheegay in intii aan wadadan ladhisin ay dadku ku qaadan jirtay in ay ukala safraan magaalooyinka waawayn ee Puntland mudo 4 saacadood ah , taas oo u muuqata haatan in ay meesha ka baxday.
-
Children in Hargeisa working to support their poor families
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Suhayb Abdirahman, 12, works as a porter in Gobanimo market in Hargeisa. He works more than 12 hours a day ferrying goods weighing up to 40 kg for customers on his handcart. He takes around $5 home with him. The family lives around four kilometres from the market. Suhayb’s mother is at home taking care of her bedridden husband who suffered a stroke in August 2016, paralyzing one side of his body. Suhayb is the only source of income in his family and has never attended school. He supports his three siblings. Only his eldest sister goes to school. “Sometimes I don’t even see my siblings for a week – I go home at nine at night and leave home at five in the morning,” said Suhayb. “Some the biggest challenges include the bad roads and some customers who refuse to pay for the services.” Suhayb is one of around 3,000 children in Hargeisa working in jobs including fetching water, building, washing cars, and waiting tables in local eateries. They work long hours and often in heavy manual work unsuitable for their size and age. Faysa Mohamed, director of SOYDA, a child rights organization, said information they had gathered in five districts of the city showed that the majority of children were pushed into work by poverty. Abdifatah Barkad Osmano, 13, also works in Gobanimo market using a cart he hires for 3,000 Somaliland Shilling ($0.25). He was taken out of school when his father died at the end of 2016 to support his mother and four siblings. Abdifatah works around nine hours a day to earn $6 Somaliland claims to abide by the UN Convention on the Right of the Child, banning child labour. Somalia has ratified the convention. However, Guled Ahmed Jama, head of the Human Rights Centre, said the reality is that children cannot stay at home and go to school when there is no food, so they are forced to go to the market and seek jobs. Ergo -
Waxaa la hakiyay kulankii mudanayaasha Golaha Shacabka ee loo ballansanaa maanta, kadib soo jeedin ka timid madaxweyne Farmaajo, oo kullan gaar ah la qaatay gudoomiyayaasha labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya iyo ku xigeenadooda. Dhinaca kale, Gudoomiye Jawaari oo shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in kulankii Golaha Shacabka ee la hakiyo uu socdsaday madaxweyne Farmaajo,isla marakana laga aqbalay. “Aniga iyo labadeyda ku xigeen waxaa inoo yeeray madaxweyne Faramajo wuxuuna naga codsaday in la hakiyo kulanka Golaha Shacabka ee maanta si loo dejiyo xaalada siyaasadeed ee dalka amaga oo ka fikireyna mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed madaxweynuhuna wuu naga aqbalay ayuu yiri Gudoomiye Maxamed sheikh Cusmaan Jawaari” Halkaan ka dhegayso codka gudddoomiyaha. Maxamed-Sheekh-Cusaman-Jawaari-mp3 Puntlandi.com
-
HARGEISA—Somaliland minister of foreign affairs and international cooperation Dr Sa’ad Ali Shire met with Turkish counsular to Somaliland Ali Niyon at his office the meeting was discussed a key important issues between the two countries. The Turkish counsular underlined how Turkish government is committed to Stan beside to somaliland and to contribute the ongoing developments specially social services such as education and health Ali Niyon also emphasized that Turkish airlines will start direct flight to somaliland, and all these interests will exacute soon on Turkish development agency TIKA The minister is accompanied by the vice minister Liban Yousuf Osma MOFA
-
By Ahmed Abdi Somaliland’s electricity supplier says that it is cutting power bills from its customers in Gabiley on Thursday. The Somaliland Electric Company (Sompower) which is a member of Somaliland electric association contributes 60% of Somaliland’s electricity. Sompower says that it has proposed a way to cope with high power prices throughout Somaliland. The government issued decree to deal with the inflation and lower price energy will help the people of Somaliland.
-
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Allah hau naxariistee marxuun Eng. Abshir Muuse Saciid oo ku geeriyaaday xalay Dalka Ingeriiska Gaar ahaan Magaalada London. Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku hadlaya afka Goleyaasha Dawladda Puntland ayaa waxaa uga tacsiyaynayaa Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Shacbweynaha Puntland iyo eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay marxuum Eng. Abshir Muuse Saciid. Dhinaca kale marxuum Eng. Abshir Muuse Saciid ayaa waxaa lagu xasuustaa inuu ka mid ahaa hogaamiyeyaashii {SSDF} aasaasayaashii Dawladda Puntland iyo Maareeyihii hore ee wakaaladdii hore ee xooga korontada Soomaaliya {ENEE}. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa marxuumka marlabaad Allah uga baryey inuu u naxariisto, denbigiisana dhaafo, su’aasha qabrigana Allah sulansiiyo, samir iyo iimaanna uu kasiiyo eheladiisa iyo Guud ahaan shacabka Puntland.
-
Buuqa siyaasadeed ee ka dhex aloosan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa hada gaaray meshii ugu saraysay. Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaan heysan tiradii ay ku ridi lahaayeen Gudoomiye Jawaari, taasina waa mida isjiidjiidka keentay iyo iney fooda galin waayaan Baarlamaanka maadaama aysan heysan Tiradii sharciga ahayd. Kulamadii maanta dhici lahaa ayaa gabi ahaan baaqday sababtoo ah waxaa laga cabsi qabaa in xildhibaanada fooda isdaraan oo ay dagaalamaan waayo kooxda Mooshinka wadaa waxay doonayeen in kulanka maanta uu ajanduhu ahaado Mooshinka lafa keenay Gudoomiyaha isla markaasna uu shir gudoonsho Gudoomiye Xogeenka Kowaad maadaama dacwo ka taal Gudoomiyaha, laakiin Gudoomiye Jawaari iyo kooxdiisu way diideen in taas ay dhacdo. Dadaalo tan iyo shalay socday ayaa la isla gartay in la baajiyo kulamadii maanta dhici lahaa ka dib markiib Madaxweyne Farmaajo soo jeediyey in maanta uusan wax kulan ahi dhicin. Gudoomiyaha Baarlamaanka oo goor dhawayd la hadlay saxaafada ayaa cadeeyey in kulamadii maanta ay baaqdeen. Puntlandi Muqdisho
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa goordhow magaalada Muqdisho kula hadlay warbaahinta kadib markii la hakiyay kulanka baarlamaanka ee maanta lagu madalsanaa. Guddoomiye Jawaari ayaa ka hadlay sababta ka danbeysay in la hakiyo kulanka maanta, waxa uuna sheegay in hakinta ay ka danbeysay kadib markii leysla arkay in qabashada kulanka ay ka dhalankarto dhibaatooyin kala duwan. Guddoomiye Jawaari, waxa uu sheegay in isaga iyo ku-xigeenadiisa ay kulan khaasa la qaaten Madaxweyne Farmaajo, isla markaana ay go’aan ku gaareen in xalka khilaafka uu ku jiro in la hakiyo kulanka maanta. Waxaa uu sheegay Guddoomiye Jawaari in ay ku heshiiyeen in kulanka la baajiyo, waxa uuna cadeeyay in qabashada kulanka ay ka dhalankarto dhibaatooyin amni darro. Waxa uu intaa ku daray Jawaari in la dhameyn doono Khilaafka ka dhex taagan Xildhibaanada Golaha Shacabka, isagoo sheegay in mushkilada jirta ay tahay isfahan’darro soo kala dhexgashay madaxda. Haddalka Jawaari, ayaa kusoo beegmaaya xili uu Madaxweyne Farmaajo uu Guddoonka baarlamaanka ka dalbaday in la baajiyo kulanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo Mooshin uu ka yaalo Baarlamaanka oo goordhow Warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahiyay baaqashada Kulankii Mooshinkiisa lagu soo bandhigi lahaa. Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in arintaasi ay tahay codsi ay u gudbiyeen Madaxweyne Farmaajo islamarkaasina uu ka aqbalay in la baajiyo kulankaasi. Waxa uu faahfaahin ka bixiyay kulan dhexmaray isaga iyo labadiisa ku xigeen Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. “Aniga iyo labadeyda ku xigeen waxaan la kulanay madaxweyne Faramajo waxana ka codsanay in la hakiyo kulanka Golaha Shacabka ee maanta si loo dejiyo xaalada siyaasadeed ee dalka anaga oo ka fikireyna mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed madaxweynuhuna wuu naga aqbalay ” ayuu yiri Jawaari. Waxaa maanta hakad uu ku yimid kulankii Baarlamaanka ee lagu waday in codka kalsoonida loogu qaado Guddoomiye Jawaari codsi ka yimid Madaxweyne Farmaajo lamana oga halka xaaladaan ay ku dambeeyn doonto. Hoos ka Daawo Video-ka http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/03/Jawaari.mp4 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Guddoomiye Jawaari oo faahfaahiyay sababta loo hakiyay kulankii Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani), ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Mooshinka laga wado Guddoomiye Jawaari ee khilaafka badan dhaliyay. Booorsaani, ayaa sheegay in Madaxda ugu sareysa ee dalka ay dhaliilsanayaan dhibta ka dhalankarta Mooshinka, waxa uuna sheegay inay muhiim tahay in xili hore laga waantoobo Mooshinka iyo Khilaafka xiligaan taagan. Boorsaani ayaa waxa laga xumado ku tilmaamay khilaafka soo kala dhex galay Guddoonka Golaha Shacabka Somalia, kaas oo curyaamiyey howlihii dowladda, waxa uuna cod dheer ku sheegay inuu hakat galay shaqooyinka dowlada. Boorsaani khilaafkaan ayaa waxa uu sheegay in rajo wanaagsan laga qabay baarlamaanka Somalia basle aysan wanaagsaneyn in dhagaha Shacabka Soomaaliyeed ay wax xun ku soo dhacaan,taasina suurtagal aheyn in horay loo socdo. Boorsaani ayaa intaa ku daray hadalkiisa in dhammaan Umadda Soomaaliyeed ay aad uga walwalsan yihiin sida ay wax u socdaan, waxa uuna ku baaqay in la dhammaan xal laga gaaro Mooshinka. Madaxda ugu sareysa dalka ayuu ugu baaqay in xal kama danbeyn ah ay ka gaaran Mooshinka iyo Khilaafka, waxa uuna carab ***** in Mooshinka uu dalka dib ugu celin doono burbur. Sidoo kale, Somalia ayuu sheegay in xiligaan aysan u wanaagsaneen Khilaaf iyo Mooshin soo laalaabta, waxa uuna ku baaqay in la raadiyo xalka. Haddalka Boorsaani ayaa kusoo beegmaaya xili Madaxweyne Farmaajo uu ku guuleystay hakinta kulanka maanta oo laga cabsi qabay inuu ka dhasho gacan ka hadal. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho kulan khaasa ku yeeshay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Guddoonka Golaha shacabka. Kulanka oo ahaa mid xiisa gaara lahaa ayaa waxaa diirada lagu saaray sida lagu hakin lahaa kulanka maanta ay ku madalsanaayen Xildhibaanada, waxa uuna soo jeediyay Madaxweynaha in lagu raaco hakinta. Madaxweyne Farmaajo, waxa uu guddoonka Golaha Shacabka u sheegay inaanu suuragal aheyn in iyagoo ay fiirsanayaan malaayiin shacab ah, ay hadana u dhaqmaan si ay ka muuqato mas’uul dari. Madaxweyne Farmaajo, waxa uu Guddoonka u sheegay in Villa Somalia ay dhibsaneyso Khilaafka ceynkaan ah, waxa uuna cadeeyay in ahmiyada koowaad ay mudan tahay in la saaro xalinta Khilaafka. Waxaa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in ay muhiim tahay in xaaladda la dejiyo, islamarkaana Sharciga iyo kala dambeynta la ilaaliyo. ‘’Ma fiirsan karno in lagu dul murmo sharciga dalka, waxaan qabaa in xalka laga dhex raadiyo dhexdiina, waayo ma dhaceyso in khilaaf dhexdeena ah ay xaliyaan saaxiibada caalamka’’ Madaxweynuhu waxaa sidoo kale uu guud ahaan hakiyay kulankii maanta ee Golaha Shacabka oo cabsi badan laga qabay. Sidoo kale, kulanka Madaxweynaha uu la qaatay Guddoonka Baarlamaanka ayaa sidoo kale waxaa joogay Guddoonka Aqalka Sare. Geesta kale, kulamo gaargaar ah ayaa waxa uu maanta ka socdaa Xarunta Villa Somalia, waxaana la filayaa in mar kale xal loo raadiyo khilaafka ka dhashay Mooshinka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa la hakiyay kulankii mudanayaasha Golaha Shacabka ee loo ballansanaa maanta,kadib soo jeedin ku timid madaxweynaah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo. Maanta oo Sabti ayaa waxaa lagu waday in xildhibaanada Golaha Shacabka ay kulan ku yeeshaan xarunta Golaha Shacabka,balse uu kulankaasi gebi ahaanba la hakiyay kadib soo jeedintaasi oo ka timid Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya. Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay tagi doonaan xarunta Golaha Shacabka, islamarkaana ay gudan doonaan waajinka Saaraan. Khilaafka Siyaasadeed ee ka dhex taagan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xoogeysatay, maalmihii lasoo dhaafay. Si kastaba ha ahaatee, sababta loo hakiyay ayaa la sheegay inay tahay cabsi laga qabay in halkaa uu ka dhaco isku dhac iyo dagaal dhexmara Xildhibaanada iyo ciidamada Xarunta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hakiyay kulankii baarlamaanka ee maanta loo balansanaa, xilli ay cirka isku shareertay xiisada u dhaxeysa Baarlamaanka iyo Xukuumadda ee ka dhalatay mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Somalia, C/nuur Maxamed Axmed ayaa xaqiijiyay in la hakiyay kulankii Baarlamaanka Somalia ee maanta loo balansanaa, kaddib soo jeedin ka timid madaxweynaha. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid lagu baajinayo qalalaase iyo fowdo ka dhex billowda baarlamaanka, haddii uu kulanka furmo, waxaana tan iyo xalay soo baxayay hadalo dhiilo ah oo labada dhinac ay hawada isku marinayeen. Madaxweyne Farmaajo oo aan wali ka hadlin xiisada ka dhex billaabatay golaha shacabka ayaa haatan u muuqda mid ku soo baxay oo soo fara-geliyay xaalada cirka isku shareertay., kaddib baaqyo kala duwan oo ka soo baxay siyaasiyiinta iyo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya oo ku taliyay in xaalada la dejiyo, loona tanaasulo danta dalka. Sidoo kale, Labada dhinac ee iska soo hor-jeeda ayaa labo ajande oo kala gaar ahaa ku balansanaa kulanka maanta, taasoo xaaladda ka dhigtay mid cakirnaanta, isla markaana hawada la isku mariyo hanjabaado kulul oo midba midka kale uu ku difaacayo ajandahiisa. Xildhibaanada mooshinka ka keenay guddoomiye Jawaari ayaa iyagu ku adkeysanayay in kulanka maanta ee Sabtida looga doodo kulanka baarlamaanka, halka xildhibaanada ka soo horjeeda oo qaba in Mooshinka uu jabay ajandahooda ahaa in looga doodo kulanka arrinta Beledxaawo ee darbiga Kenya ka dhiseyso. Dhanka kale, War-saxaafadeed kasoo baxay guddoomiye Jawaari oo xalay uu saxaafadda u akhriyay Guddoomiye ku-xigeenka Labaad, Mahad Cawad ayaa Madaxweynaha ku eedeeyay inuu gabay xilkii ka saarnaa ilaalinta dastuurka iyo shuruucda dalka ee kala madax banaanida Hey’addaha sharci dejinta, fulinta iyo garsoorka, waxaana si toos ah ay u sheegeen in Madaxweynuhu ku lug yeeshay khilaafka taagan oo dhinaca Xukuumadda la saftay. Ugu dmabeyn, Amniga Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana la xiray waddooyin badan, iyadoo ciidamo Boolis ah ay la wareegeen xarunta Baarlamaanka. PUNTLAND POST The post DEG-DEG: Madaxweyne Farmaajo oo hakiyay kulankii Baarlamanka Somalia ee Maanta loo ballansanaa appeared first on Puntland Post.
-
Rome, March 30 - A Somali man wrongfully convicted in the Mogadishu murder of RAI reporter Ilaria Alpi and her cameraman Milan Hrovatin on Friday got three million euros in compensation for his almost 17 years in jail. Source: Hiiraan Online
-
Rome, March 30 - A Somali man wrongfully convicted in the Mogadishu murder of RAI reporter Ilaria Alpi and her cameraman Milan Hrovatin on Friday got three million euros in compensation for his almost 17 years in jail. Source: Hiiraan Online
-
Canada plane: ‘I never thought it was going to be possible’
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Jennie Olafson vividly remembers descending into Los Angeles as a child, seated in the plane’s cockpit next to her pilot father. Source: Hiiraan Online -
Maalintii talaadada ahayd ee March 27, 2018, markii ay golaha Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front (EPRDF) ee dalka Itoobiya ay ku dhawaaqeen Abiy Axmed Cali Cumar DHera inay u doorteen gudoomiyaha xizbiga iyo waliba inuu yahay ra’iisal wazaaraha dalka ayaa mar keliya magaallada Addis Ababa xiisadihii mudaaharaadka ee ka aloosnaa waxay isu bedeleen heeso, qoob-ka-cayaar, iyo jidadka laysugu hambalyeeyo, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda uu baarlamanka dalkaas codkiisa siiyo si aan shaki ku jirin. Sida muuqata Abiy Axmed ayaa in la soo magacaabo waxaa sabab u ahaa bannaan baxyo muddo 3 sano dalka ka socday oo ay qoomiyadda Oromada ah kaga cabanaysay in si bareer ah looga faquuqay wax ku lahaanshaha talada dalka, banaan baxyadaas ayaa dowladda Itoobiya ku qasbay inay labo jeer ku xaalad degdeg inuu dalka ku jiro. Abiy ayaa ka soo baxay kulano adkaa oo socday muddo bil iyo labo toddobaad ah ka dib markuu si lama filaan ah isu cazilay ra’iisal wazaarihii hore ee dalkaas Hailemariam Desalegn. Guusha Abiy ayaa timid ka dib markii uu tartanka ka haray Demeke Mekonnen oo isagu ka soo jeeday DHaqdhaqaaqa Wadaniga Diimuqraadiga ee Amxaarad, waxaa asguna uu noqday guddoomiye ku xigeenka, isla markaasna tanaazulka uu sameeyay ayaa lagu macnayn karaa inuu horseedayo inuu samaysmo is-bahaysi dhex mara labada qabiil ee ugu waaweeyn dalkaas ee Amxaarada iyo Oromada. Sida laga war qabo, Abiy ayaa ah ninkii ugu horeeyay ee Oromo ama Muslim ah ee taariikhda casriga hoggaamiya dalka Itoobiya, waxaana talada u dhiibay xizbiga EPRDF ee talada dalka ka qaaday nidaamkii Derge ahaa ee Mengistu Xaylemariam, xizbigan ayaa waxaa isugu tegay oo ku midoobay Oromada 34.4% tirada dadka Itoobiya, Amxaarrada 27%, Tigray 6.1%, iyo qabiilo ilaa 40 qabiil gaaraya oo laysku yiraahdo Qaarumaha Koonfurta, iyoWadaniyiinta Dadka ee Gobolka (The Southern Nations, Nationalities and People’s Region) oo uu ku jiro qabiilka Wolayta oo uu u dhashay ra’iisal wazaarihii hore Hailemariam Desalegn, waxaa isna sidaas oo kale qaarumaha konfurta ka soo jeeda Waziirka Gaashaan-DHigga dalkaas Siraj Fegesa. Abiy Axmed; waa Obamaha Itoobiya!!…. Marka ay timaado arrimaha iyo xaaladaha guud ee uu dalka Itoobiya ku suganyahay xagga siyaasadda ma jiraan wax weyn oo la filayo inuu bedelo Abiy Axmed siiba dhanka arrimaha dibadda, hasa yeeshee siyaasadda gudaha iyo inuu dejiyo xiisadaha dalka ka jiray oo ah sababta u weyn ee loo doortay ayaa laga sugayaa inuu si degdeg ah wax uga qabto, waxaana in badan oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ay indhaha ku hayaan waxa uu ka yeelo ama go’aanka uu ka qaato maxaabiis badan oo dhinaca siyaasadda ugu xiran dalkaas. Waxaa kaloo iyadana laga sugayaa wax ka qabashada xiisadda ka dhex aloosan qoomiyadaha Soomaalida iyo Oramada, iyadoo waliba shacabka is-maamulka Soomaalida Itoobiya si weyn u soo dhoweeyeen doorashada Abiy Axmed una haysta inuu yahay nin sumcad wanaagsan leh oo kasban kara kalsoonida labada shacab. DHanka kale ra’iisal wazaaraha cusub in kasta oo loo doortay guddoomiyaha xizbigiisa EPRDF-ta isla markaasna uu yahay ra’iisal wazaaraha dalka hadana waxay dad badan rumaysanyihiin in arrimaha amniga iyo ciidammada ay adkaanayso inuu si buuxdo u maamulo. In kastoo uu Abiy leeyahay waayo aragnimo xagga ciidanka la xiriirta oo uu gaaray darajada Gaashaanle DHexe (Lieutenant colonel ) haddana si dhib yar oo uu u madax bannaanyahay uma hanan doono arrimaha amniga iyo ciidammada, waxaana laga sugayaa siduu wax uga bedeli lahaa siyaasadda 30 jirka ku dhow ee xukuumaddii Tigreega laga dhaxlay, waxaana intaas u dheer oo aysan dad badan rumaysnayn inuu wax badan ka qaban karo tabashada faraha badan ee Qoomiyadda Oromada ah ee uu ka soo jeedo isaga laf ahaantiisa, kuwaasoo tabanaya dulmi dhinac kasta ah oo sida mararka qaarkood la sheego la bilowday taariikhda dheer ee dalka iyo dowladnimmada Itoobiya, waana sababta ugu muhiimsanayd ee uu ku salaynaa kacdoonkii seddexda sano socday ee uu isku cazilay ra’iisal wazaarihii hore ee Xaylemaryama Deseliin (Hailemariam Desalegn). Siyaasaddiisa Soomaaliya! Fursadda uu ku soo baxay Abiy Axmed ee uu ku noqday ra’iisal wazaaraha dalka Itoobiya ayaa lagu tilmaami karaa inay tahay fursad ku timid in laysku badbaadiyo oo keliya, waxaana muuqday oo xizbiga EPRDF-ta u muuqday inay arrimuhu ku sii siqiyaan dhanka halista, sidaas daraadeedna tallaabada keliya ee furana ay tahay in maanta Abiy Axmed la qaato, taasi waxay ku tusaysaa dirqiga ay fursadani ku suuro gashay iyo sida ay u yartahay inay mar labaad soo noqoto!….waxaana guud ahaan dabeecadda uu ku soo baxay ra’iisal wazaare Abiy Axmed ay shabbahdaa middii uu ku soo baxay madax-weynihii hore ee dalka Maraykanka Brack Obama ama uu ku soo bixi kar qofka African American-ka ah si madax-weyne uga noqdo dalka Maraykanka! Abiy Axmed ayaa sidoo kale lagu tilmaamay nin siyaasad qabow oo deggan ku hoggaamin doona siyaasadda dalka. Abiy Axmed, lagama filiyo inuu wax ka bedelo siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan dalka Soomaaliya gaar ahaan waxyaabihii horay u soo socday ee xukuumaddii ka horeysay ay waday, sida heshiiska dekedda Berbera ee ay wada saxiixdeen shirkadda DP World ee Midowga Immaardaha Carabta!….Waxaana arrimaha Soomaaliya fahamka uu ka qabo mar kasta uu ku xirnaanayaa hadba sida ay ugu qeexaan dalalka ay markii horaba Itoobiya taladooda ku soo gashay Soomaaliya, waxaana sidaasoo kale qayb badan oo saamayn ah ku yeelanaya dalalka Gacanka Carabta, iyo dalalka kale ee dan wadaagta ay ku yihiin arrimaha Soomaaliya oo ay ugu horeyso dowladda Kenya. Qore: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan The post Xulashada Abiy Axmed Waxay ahayd tallaabbada keliya ee u furnayd EPRDF-ta appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray qoraaal la xiriir xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinka Jawaari, kaasi oo uu baaq ugu diray madaxda hay’adaha dowladda. Halkan hoose ka akhriso Baaqa Madaxweynihii hore Xasan Sheekh:- Dhawaanahaan waxaa soo ifbaxayay kala aragti duwanaan ka dhex jirta hay’adaha dowladda Soomaaliya. Kala aragti duwanaashaha oo salka ku haayso Mooshin laga keenay guddoomiyaha golaha shacabka. Ma aha markii ugu horreysay ee mooshin la hor keeno golaha ha ahaado mid laga keenay guddoomiye ama waaiirka kowaad ee xukuumadda. Arrimaha mooshinnadii hore waxay leeyihiin laba cashar oo laga bartay. Kuwaas oo muhiim u ah inaan mar kale lagu dhicin qaladdaad horay loo soo maray. Labada cashar waxay kala yihiin: 1. Mar kasta oo xalka laga doono DASTUURKA KMG IYO SHURUUCDA / HABRAACYADA KALE EE HESHIISKA LAGU YAHAY,DHEXDOODA guul ayuu ku soo dhammaa jirtay kala duwanaanshahii jiray markaas, waxaana laga badbaadi jiray burbur dowladnimo. 2. Mar kasta oo la hareer maro Dastuurka iyo xeerarka kale ee jira, waxaa la dhaxli jiray NUSQAAN dowladnimo oo sababta in inta badan talada ka Baxdo gacanta Soomaalida. Haddaba anoo ah oday Soomaaliyeed, horayna u soo qabtay hoggaanka dalka,laxa jeclo badanne ka hayso degganaantiisa waxaan soo jeedinayaa: 1. In la muujiyo dulqaad iyo tanaasul iyadoo loo tanasulayo danta dalka, wadaxaajoodna lagu dhammeyo aragti kala duwanaanshaha jira. Walina waa jirtaa fursaddaas ee yaaney luminin waa fursad qaali ah oo haddii ay na dhaafto ay adag tahay iney mar kale noo soo noqoto. BALAAYO GEESA LA QABTO AYEY LEEDAHAY EE SEYN LA QABTO MA LEH. 2. Haddi ay dhici weydo taas mana rajeynayo iney dhici weydo e, waxaa habboon in loo hoggaansamo dastuurka iyo shuruucda kale ee horay loogu heshiiyay iyada oo qilaaf aanuu taagneyn. Waqtigaan oo kale waxaa habboon in QABKA QOFNIMO IYO KAN KOOXNIMOBA hoos loo dhigo si looga badbaado dhibato laga baaji karo. Ugu dambeyntii madaxda dalka waxaan leeyahay yaan la dayacin mas’uuliyaddii loo dhaartay ee halla qaato xikmadda ah – RAG ISKA DHICIS IYO RABBI KA CABSI MEEL ISLAMA GALAAN. Rag iska dhiciska ha la iska daayo ee rabbi ka cabsiga halla qaato, dalka iyo dowladnimadana halloo turo.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Saddex annaga oo ah ayaan ka amba baxnay Berbera. Peter* oo Swiss u dhashay iyo Patrick oo Belgium ah ayaan wada soconnaa. Qorshaheennu waa in aan caawa u hoyanno Burco. Shiikh ayaan sii mari doonnaa. Burco marka aan tagno waxaan xog wareysan doonnaa in waddada Oodweyne ay nabad tahay oo gaari lagu tegi karo. Haddii aan loo qaateen ka helno jawaab haa ah, waxaan damacsan nahay in aan Madaxa ICRC weydiisanno oggolaasho aan ku tagno Oodweyne. Waxay ahayd markii ugu horreysay ee dhaulka aan ku safarno meel ka baxsan Gobolka Awdal. Waxaan baqdin weyn ka qabnay miinada lidka baabuurka ee waddada la geliyo. Cabsi iguma yareyn. Wuxuu ahaa safar aan aad u dheereyn laakiin welwel badan. Ilaaheey Burco wuxuu na nabad geeyay goor galab-gaab ah. Fiidkii war waxaa naga daba yimid ah in Qoyta oo galabta aan soo marnay lagu gubay baabuur militeri oo in yar naga dambeeyay oo isaguna jihada Burco u soo socday. Waxaan u fahamnay in aan galabta sigannay. Waxaase nooga baqdin badneyd soo laabadka sida aan waddadaas ku mari doonno. Burco Burco waxay ahayd magaalo aad u burbursan. Waddooyinkeeda toos toosan ee dhaadheer ee cidlada ah waxaa la iigu sheegay in ay miino dhex filiqsan tahay. Waxaa kale oo la ii sheegay in hub kale oo aan weli qarxin uu meelaha qaar yaallo ama ku aasan yahay. Sidaa darteed kuma dhex wareegi karin magaalada. Aniga oo aan laamiga ka leexan ayaan waddooyinka dhaadheer aan ka soo qooraansanayay baabuurkeyga dhexdiisa. Meelaha qaar waxaan taagnaa in door ah bal in aan dad uga jeedo xaafadaha dhexdooda. Waxaa jiray meelo aad u kooban oo haddana teel teel ah oo ciidan, hey’ad dowladeed ama makhaayad iyo laba ah oo dhammaantood si teel teel ah ku soo jeeda waddada laamiga ah. Halkaas ayaa ahayd meesha yar ee astaan nololeed aan ku arkay. Inta yare ee magaalada jooga waxay badankood degganaayeen waddada dhanka Caynaba ka timid haddii aad ku joogto oo aad hore u sii dhaafto waddada Shiikh ka timid xaafadda yare ee dhanka midig kaa qabaneysa ee Isgaarsiintii hore ee magaalada iyo hey’ado Dowladeed ay ku yaalleen. Marka aan fursad u helay in aan magaalada gudaha u galo waxay ahayd mar aan raashin ku qeybineynay meel magaalada ka mid ah oo aan sii marnay waddo hore loo sahmiyay in la mari karo. Sawir aanan illoobeyn oo indho xumo ah ayaan galabtaas kala kulmay goobta oo markii gabbalku sii dhacayo aan joojinnay howsha. Saboolnimada aan Rabbaani ahayn ee ay colaaddu dadkaas badday ayaa i damaqday. Xagga dadka magaalada jooga waxaad moodeysay in ay dhaanto Hargeysa. Beryahaas waxaa Radio Muqdisho laga sheegi jiray in dadkii ka qaxay Hargeysa iyo Burco ay billaabeen in ay dib ugu soo laabtaan guryahoodii. Ma ogi dadka aad u tirada yaraa ee aan arkay in ay ahaayeen dad ka soo laabtay xeryaha Qaxootiga ee daanta kale ee soohdinta Ethiopia ku yaalla. Waxaad ka qiyaas qaadan karnaa dadka aan ku aragnay Burco in ay ahaayeen dad qiyaasteyda ka tiro yar dadka aan kula kulannay Tuulada yar ee Beer. Xogta waddada Odweyne ee aan helnay waxay ahayd in aan gawaaridu mari karin oo ay miineysan tahay. Xaaladda waxaa uga sii daray ciidan ka goostay Burco iyo ciidan laga daba-diray oo daryaanka hubka ay isla dhacayaan oo sii fogaanaya aan maqleynay habeenkii koowaad ee aan Burco nimid. Badiyaa ciidan qabiil isku bahaystay oo doonaya in ay ku biiraan Jabhadda USC ayaa beryahaa dhowr jeer ka goostay ciidanka Xoogga Dalka. Hargeysa guuto dhan oo Taangiya ah ayaa intoodii badnayd ka goosatay. Burco iyo meelo kalena ciidammo ayaa mid mid iyo koox kooxba uga goostay. Beer Subixii xigay waxaan aadnay tuulada Beer oo Burco Bari uga beegan laamigana aan ka fogeyn. Tuuladaas waxaa ku sugnaa dad badan oo qaarkood la yiri waxay ka soo laabteen xeryaha Qaxootiga Soomaalida ee ku yaallay Ethiopia. Tuuladu dad ahaan aad ayay u cammirnayd. Qaadkeeda dad ka badan ayaa joogay. Qiyaasteyda dadka aan Burco ku aragnay waxaa ka badnaa dadka ku sugnaa Beer. Waxaa kale oo dadka Beer aan ugu tagnay aan ku arkay cabsi la’aan in ay nooga warramaan dagaalka ay tuuladu aragtay. Tuulada ayaa nala dhex marsiiyay oo nala tusay xabbad weyn oo nooc gantaal u eg ah oo aan weli qarxin oo meel bacaad ah dhex taalla. Waxay nooga warrameen oo kale xaaladda aadminnimada ee meesha ka jirta. Burco ayaan markii dambe ku laabannay. Fool-ka-fool Maalintii dambe waxaan billownay safar aan dib ugu laabanayno waddada Shiikh. Waxaan istaagnay Qoyta oo aan Shaah ka cabnay. Waa tuuladii lagu qarxiyay baabuurka ciidanka. Ka dibna raggii meesha fadhiyay markii aan is wareysannay waxaan si xushmad leh uga codsannay in tuulada dadka ku sugan ay isu soo baxaan si aan uga warranno socdaalkeenna. Dad badan ayaa markiiba isu soo baxay meel waddada dhinaceeda ah. Halkaas ayaan ugu warbixinnay hey’adda Laanqeyrta Cas howlha ay ka waddo degaanka. Waxaan u sheegnay in joogitaankeennu uu ku xiran yahay oggolaashada Dowladda ka sokow, in shacabku uu raalli ka yahay howsha aan ka wadno degaankooda. Waxaan u sheegnay haddii ay cabasho ama diidmo jirto in aan diyaar u nahay in ka dhegeysanno. Waxaan ka codsannay in ay na nabad geliyaan, howsheena ay gacan nagu siiyaan inta karaankooda ah. Ballanqaad ayaan helnay. Markii ay dadkii sii kala tegayaan ayaa nin ii yimid oo igu yiri ma kula faqi karaa? Haa ayaan ku iri. Garabka ayuu i qabtay oo dhinac iila baxay. Wuxuu yiri waxa aad ka hadleyso waan garanayaa. Gaarigii ciidanka halkaan lagu gubay ayaad ka hadleysaa. Waxaan kuu sheegayaa, ayuu yiri, in aynaan idinka duullaan idinku ahayn. Waan idin naqaan markii aad galab dhoweyd halkaan mareyseenna waan idin arkaynay. Gaariga la gubayna wax badan idinkama dambeyn. Ragga gaariga gubay waad soo ag marteen waxna idiinmay yeelin. Idinka oo aan baqdin naga qabin howshiinna wata. Hadal cad ayuu igula hadlay. Xataa umaan baahanayn in aan weydiiyo cidda uu metelo. Waan u mahadceliyay, kana dhaqaaqay. Halkaas ayaan safarkeennii ka sii wadannay. Ilaa aan Berbera u hoyannay isla maalintaas. W/Q. Yuusuf Garaad
-
It is becoming political calamity in the Somali national banter to witness once again the disruptive season of politics epitomized in the debate of disrupting impeachment to overthrow the heads of the state, which relentlessly edges the country into a crisis mode. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, March 30 (Xinhua) -- The African Union Mission in Somalia (AMISOM) said on Friday that it has started the biometric registration of the Darwish militia in Jubbaland state, preceding their integration into the regional State's security forces. Source: Hiiraan Online
-
Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ayaa daaha ka rogay musuqmaasuq ballaaran oo ka jira misaaniyadda Barlamaanka iyo hannaanka shaqaaleysiinta keddib markii dabagal iyo baaritaan lagu sameeyay sida loo maareeyay lacagtii loogu tala galay in lagu socodsiiyo hawlaha Barlamaanka. Warbixinta Xafiiska Hantidhawrka oo Caasimadda Online ay la wadaageen qaar kamid ah baarayaashii hawshan loo igmaday ayaa warbiixntooda ku yiri “waxaa noo muuqday khaladaad muujinaya inaan la raacin sharciga maamulka iyo maaliyadda ee dalka ee lambarkiisu yahay 317. Inkastoo warbixinta ay muujineyso lacago uu Guddoomiye Jawaari iyo Xogyahihiisa ay ku takrifaleen oo la xiriirtay lacagaha lagu maareeyo hawlaha xafiiska, qarash loogu talagalay daryeel xildhibaannada, lacagaha guddiyada joogtada ah iyo hannaanka shaqaaleysiinta ee Golaha Shacabka ayaa haddana waxa ay kusoo koobeen waxyaabihii ay arkeen dhawkan qodob; 1. Waxaa si khaldan loo isticmaalay lacagaha hawl maalmeedka (Running cost) oo laga bixiyo gunno shaqaale aan ka diiwaangashanayn Guddiga shaqaalaha Rayidka ah sida ay noo caddeysay Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda taasoo ka muuqata inaan loo raacin sharciga lambarkiisu yahay 317 ee 17/12/1962 qodobkiisa 6aad oo sheegaya inaan madax xige madax-xige kale lacagtiisa loo isticmaali karin. 2. Lacagaha daryeelka badankoodu wax dukuminti ah oo faahfaahinaya (supporting document) oo lagu qanci karo maleh sida warqadaha caddeynaya in xildhibaanku Baaris Caafimaad soo maray iyo xisaab celinta lacagaha ku baxay caafimaadkiisa. 3. Hay’adaha USAID, MAX PLAN iyo AWEPA wax heshiis ah lama galin Golaha Shacabka, haddana way wada shaqeeyaan, balse waxaa jira heshiis uu Golaha Shacabka la galay UNDP balse aan laga diiwanagelin Xafiiska Hantidhawrka Guud. 4. Waxaan aragnay in qofka Jeega ku qoran iyo qofka saxiixa in ay isku mid yihiin taasoo ka hor imaanaysa hufnaanta iyo isla xisaabtanka. 5. Gaadiidka Golaha Shacabka oo aan ku diiwaan gashanayn magaca Golaha Shacabka. Warbixinta Hantidhawrka oo ka kooban 10 bog ayaa muujineysa in dhaqaale fara badan oo loogu tala galay Golaha Shacabka ah ay ku baxdo si khaldan waxaana lagu ogaaday in boqollaal kun oo Dollar la lunsaday taniyo 1dii Jannaayo 2016. Xubno ka tirsan guddiyada joogtada ah ee Barlamaanka oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay in kharashaadka guddiyada ee sanadkii 2017 la bixiyay hal bi loo qura, inta kalena ay farqaha ku shubteen Guddoonka Golaha Shacabka. Waxaa jira guryo uu Guddoomiye Jawaari ka iibsaday magaalooyinka Muqdisho iyo Baydahaba kuwaasoo lagu dhisay dhaqaalihii Golaha Shacabka loogu tala galay. Bil walba waxaa si khaldan loo maamuulaa lacagaha daryeelka xildhibaannada oo ah $25,000 (shan iyo labaatan kun), sahayda safar ee xildhibaannada shaqooyinka dibadda u aadaa oo dhan $40, 000 (afartan kun) iyo deeqaha ay hay’adaha ku taageertaan tayeynta shaqaalaha Barlamaanka, waxaana jira 15 baabuur oo aan wali loo diiwaangelin Golaha shacabka balse ay shakhsiyaad ka tirsan Golaha dano gaar ah ku fushadaan. Warbixinta waxaa ku cad in shaqaalaha Golaha Shacabka oo ay tiradooda gaareyso 307 aysan lahayn gal iyo caddeymo muujinaya heerka aqoonta iyo qaabka lagu shaqaaleysiiyay. Shaqaalahaas intooda badan waxay isku jifo yihiin Guddoomiyaha Golaha Shacabka, qaarkoodna waxaa laga been sheegay heerka aqoontooda. Daymaha lagu leeyahay Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in ay la egyihiin $730,383 (toddobo boqol iyo soddon kun, saddex boqol iyo sideetan iyo saddex) balse baaritaanka Xafiiska Hantidhawrka ayaa muujinaya in ay aad uga yartahay intaas. Baraayashaa ayaa warbixintooda ku caddeeyay in kharashaadka lagu leeyahay uu dhanyahay $369, 365 ( Saddex boqol lixdan iyo sagaal kun, saddex boqol lixdan iyo shan). Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sh Cismaan Jawaari iyo Xogyahaha Golaha Shacabka Cabdikariim Buux oo ay Caasimadda telefoonka kula xiriirtay ayey noo suurta geli weysay. Faahfaahinta baaritaanka oo dhameystiran la akhriso lifaaqo hoos
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa soo saaray warbixin uu kaga hadlayo xaaladda Siyaasadeed ee ka dhex taagan xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xukuumadda uu hoggaamiye Xasan Cali Kheyre. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sh. Shariif ayaa madaxda dalka ugu sareyso ka codsaday inay gacmaha isku qabsadaan sidii dalka loo badbaadin lahaa isla markaasna looga fogaan lahaa Khilaaf kasta oo horseedi karo inaan gacmaheennu ku burburino dowladnimada Soomaaliya. Shiikh Shariif ayaa ku baaqay in maanka laghu hayo dadaalkii dheeraa ee naf iyo maal lahaa ee loo soo maray in dib u dhisidda dowladnimada Soomaaliya. Haddaba halkaan hoose ka akhriso hadalka Shiikh Shariif kasoo baxay “Waxaan ka digayaa go’aan kasta oo si khaldan looga gaaro khilaafka maanta u dhaxeeya madaxda qaranka, aniga oo ku talinaya in madaxdu ka fiirsato oo ay muujiso mas’uuliyad dheeri ah, taasi oo saameyn ku yeelan karta masiirka dalka “ayu si raaciyey Sheikh Shariif” Hadalkaan ayaa kusoo aadayo Xilli Berri la filayo inuu Muqdisho ka dhaco kulan weli lagu muransan yahay ajandaha looga hadli doono iyadoo Xildhibaanada qaar ay go’aansadeen in Guddoomiye Jawaari loo qaado codka Kalsoonida halka kuwa kalana ay ku tashanayaa in laga hadlo Xaaladaha kasoo kordhay magaalada Beled Xaawo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh. Cismaan Jawaari oo soo saaray war saxaafadeed ayaa Caawa eedeyn dusha kaga tuuray Madaxweyne Farmaajo. Guddoomiye Jawaari ayaa xusay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu gabay xilkii ka saarnaa Dastuurka. Waxaa uu sheegay in Xildhibaanada ay xaq u leeyihiin inay is difaacaan, maadaama ay xarunta golaha shacabka la wareegeen ciidamo aan ka amar qaadan Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxay Guddoomiye jawaari oo uu saxaafadda u akhriyey Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Cawad.