Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,125
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Washington (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dalka Mareykanka ayaa Kuuriyada Waqooyi uga digay inuu heysto Niyukliyeer ka awood badan midka ay hesytaan. Madaxweyne Trump ayaa hadalkaan sheegay mar uu u jawaabayey ogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un kaasoo sheegay in keebka laga rido hubka Niyukliyerka uu saaran yahay miiskiisa waxana uu u digey dowlada Maraykanka in uu leeyahay awood uu ku gaaro guud ahaan dalka Maraykanka. ” Madaxweynaha Kuuriyada wuxuu sheegay in mar kasta uu miiska u saaran yahay Batoonka laga rido Gantaalka Niyukliyeerka, haloo sheego in anigana uu miiska ii saaran yahay mid ka awood badan” ayuu yiri Trump. Hoggaamiyaha Kuuriyada Isaga oo jeedinayay khudbadda sanadka cusub ayuu sheegay in batoonka laga ridayo gantaalka hubka nuyuukleerka uu markasta ku dheganyahay miiskiisa, islamarkaasna uu riixi karo markii uu doono. Waxa uu intaas ku daray in gantaalada ay gaari karaan meel kasta oo Maraykanka ka mid ah. Balse waxa uu Kim Maraykanka u fidiyay wax lagu tilmaamay caleemo qoyan, isaga oo soo jeediyay in ay wadahadalo furan galaan labada dal. Hogaamiyaha kuuriyada waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in hadalkiisa uu xaqiiqo yahay oo aysan hanjabaad ahayn. Mr Un ayaa sheegay in iyada oo laga duulayo xaqiiqadaasi in Mareykanka aysan awoodin in ay bilaabaan dagaal ay la galaan Kuuriyada Waqooyi. Balse waxa uu sheegay in Niyukleerka ay isticmaali doonaan oo kali ah haddii ammaankooda qalal la galiyo. Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in ergo uu u diri doono ciyaaraha Olambiga ee xagaaga lagu qaban doono Pyongchang, taasi oo horey ay Kuuriyada koonfureed u sheegtay in ay gacan ka gaysan karto dajinta xiisada gacanka Kuuriya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Trump ” Batoonka laga ridayo gantaalka Niyukliyerka ee miiska kuu saaran mid ka weyn ayaa anigana ii saaran” appeared first on Caasimada Online.
  2. Wefdi ballaaran oo uu hoggaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane. Cabdi Faarax Siciid(Juxa) ayaa Khamiista berri ah ku soo wajahan Puntland,waxaana wefdigaan horu-dhac u yihiin safar uu madaxweyne Farmaajo ku imaanayo Puntland 6 bishaan Jannaayo ee 2017. Saraakiil ku sugan Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa PUNTLAND POST u xaqiijiyey in wefdigaan oo ka kooban Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya,xildhibaanno ka socda labada Aqal iyo saraakiil kale ay Maalinta berri u soo kicitimayaan dhinaca Puntland,iyagoo horu-dhac u ah booqashada madaxweyne Farmaajo ku imaanayayo Puntland. Madaxweynaha Soomaaliya Maxammed cabdullaahi Maxammed(Farmaajo) ayaa sabtida lagu wadaa in uu ka soo dego garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso,booqashadii ugu horreysay oo uu ku yimaado degaannada Puntland. Mudane. Farmaajo ayaa inta uu Puntland ku sugan yahay goobjoog ahaan doona daah-furka garoomada diyaaradaha magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso oo lagu soo beegay 8-da Jannaayo,kuna aaddan Maalintii la doortay Cabdiweli Gaas,sida aan xogta ku helnay. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo Maalinta berri ah ku soo wajahan Puntland. appeared first on Puntland Post.
  3. Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa waxa ay sheegayaan in muwaadinkii Soomaaliyeed ee ugu horeeyay sanadkaan cusub 2018-ka lagu dilay dalkaasi Koonfur Afrika. Allaha u naxariistee muwaadinkaan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdulahi Macalin Cali waxaana dishay dableey hubeeysan oo Koonfur Afrikaana ah. Dilkaan ayaa ka dhacaya Magaalada Johanesberg ee dalkaasi Koonfur Afrika. Ha’ada Ka Howlgasha dalka Koonfur Afrika ayaa sheegtay in sanadkii dhamaaday la toogtay 137 Muwaadin Soomaali ah. Dilalka loo geeysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa ku soo badanaya dalka Koonfur Afrika. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Muwaadinkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed oo sanadkaan Cusub 2018-ka lagu dilay Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.
  4. Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa shir jaraa’id oo goor dhowayd ay ku qabteen Garowe waxay muddo bil ah ku kordhiyeen muddadii isdiiwaan galinta ururada siyaasadeed ee Puntland. Guddigu waxay sheegeen inay soo dhammaatay waqtigii horey loo qabtay oo ku ekaa 31 bishii December ee sannadkii hore, waxaana illaa iyo hadda isdiiwaan galiyay afar urur oo kaliya. Ururada isdiiwaan galiyay waxay kala yihiin, Garsoor, Umadda, Ubax iyo Himilo, inastoo oo guddigu sheegay in aanay weli buuxin sharuudaha lagu ahaan karo urur siyaasadeed sharciyad leh. Guddiga waxay ugu baaqeen siyaasiyiinta daneynaysa inay urur sameystaan ay ka faa’idaystaan muddada lagu kordhiyay xilliga isdiiwaan galinta ururada. Halkaan ka akhriso Puntlandi.com
  5. Dowladda Maraykanka ayaa sannadkii tegay ee 2017 siyaadisay duqeymaha dhanka cirka ah ee ay ku qaadayso mintidiinta Xagjirka ah ee Soomaaliya,waxayna qaadday in ka badan 30 weerar oo ka dhan ah Al-shabaab iyo Daacish. Inta badan weerarradii dhacay sannadkii 2017 waxaa lagu beegsaday Al-shabaab,marka laga reebo laba kamid ah oo lagu qaaday koox yar oo ku sugan buuraleeyda degmada Qandala ee gobolka Bari,kuwaasoo sheegtay in ay ka tirsan yihiin Daacish. Horraantii bishii Nov ee sannadkii 2017 ayaa Maraykanku Soomaaliya ka fuliyey weerarkii ugu horreeyey ee lagu qaado Daacishta ku sugan gobolka Bari ee Puntland,balse wax khasaare oo weyn ma geysan. Haddaba aan idiin soo bandhigno tirada duqeymihii Maraykanka ee 10 sano ee dambaysay ka dhacday Soomaaliya. 2007 Maraykanka ayaa Soomaaliya ka geystay laba duqeymood oo laga fuliyey Koonfurta Soomaaliya. 2008 Maraykanka ayaa Soomaaliya ka geystay saddex duqeymood oo laga fuliyey Koonfurta Soomaaliya. 2009 hal duqeyn ayaa Maraykanku ka geystay Koonfurta Soomaaliya. Sannadihii 2010 iyo 2011 midna wax duqeyn ah Maraykanku kama geysan Soomaaliya. 2012 hal duqeyn ayaa Maraykanku ka geystay Koonfurta Soomaaliya. Sannadkii 2013 Maraykanka ayaa Soomaaliya ka geystay laba duqeymood oo laga fuliyey Koonfurta Soomaaliya. 2014 Maraykanka ayaa Soomaaliya ka geystay saddex duqeymood oo lagu qaaday Koonfurta. 2015 Maraykanka ayaa Soomaaliya ka geystay saddex duqeymood oo laga fuliyey Koonfurta Soomaaliya. 2016 Dowladda Maraykanka ayaa Soomaaliya ka fulisay 15 duqeymood oo dhammaantood ka dhacay koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Sannadkii tegay ee 2017 Maraykanka ayaa Soomaaliya ka geystay duqeymihii ugu badnaa oo gaaraya 35 weerar,waxaana 33 kamid ah lagu qaaday Koonfurta Soomaaliya,halka labada kale lagu beegsaday Daacishta ku sugan degaannada Puntland. PUNTLAND POST The post Tirada duqeymaha Maraykanku ka geystay Soomaaliya 10 sano ee la soo dhaafay. appeared first on Puntland Post.
  6. Badhan (Puntlandi) Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka qorshaynta ee dowladda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa gaaray degmada Badhan ee gobolka Sanaag, halkaasi oo ay uga bilaabatay booqasho maalmo ah oo ku marayo gobolka Sanaag. Waftiga wasiirka oo sii maray magaaladda Ceeldaahir ee gobolka bari iyo tuulooyinka teedsan wadada isku xirta Badhan iyo Bosaso, waxaa si ballaaran u soo dhaweeyay dadka degaanka iyo masuuliyiinta dowladda Puntland ee gobolka. Socdaalka waxaa wasiirka ku wehelinayay Wasiirada amniga iyo waxbarashada ee dowladda Puntland, xildhibaano ka tirsan barlamaanka federaalka iyo barlamaanka Puntland. Wasiirku wuxuu booqday howladeenadda gacanta ku haya wadada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo, isagoo la kulmay guddiga gacanta ku haya mashruuca, waxayna uu guddiga ka dhagaystay halka uu marayo mashruuca wadada oo ay sheegeen ina la dhamaystiray 65km. Halkaan ka daawo muuqaalka booqashada wasiirka.
  7. Five security officers were killed on Tuesday in an attack by suspected Al-Shabaab terrorists on the Elwak-Kotulo road in Mandera. Source: Hiiraan Online
  8. U.S. President Donald Trump threatened late Tuesday to cut off U.S. aid money to Palestine and acknowledged that the Middle East peace process appears to be stalled. Source: Hiiraan Online
  9. Abuukaate Cabdirisaaq Cali Dhoore oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in qofka eedeysanaha ah laga doonayo mar walba in uu hortago maxkamadda u yeertay, isla markaana uu halkaasi ka sheego wax uu qabo. Abuukaate Dhoore waxaa uu qabaa in haddii qofka eedeysanaha ah aanu ku qanacsaneyn maxkamadda ama uu ka shaki-qabo, kuna tuhmayo mid siyaasadeysan ay la gudboon tahay in sidaasi maxkamadda ka hor-cadeeyo taasi ay keeni karto in garsooraha is-casilo, lana badalo. Dhinaca kale, Abuukaate Cabdirisaaq Cali Dhoore waxaa uu sheegay in dacwo-oogaha oo markan Xeer ilaaliyaha ah la doonayo in uu maxkamadda hor-keeno cadeymo muujinaya waxa uu sheego, haddii kale aan laga aqbali-doonin iska hadal. “Eedeysanaha waa in uu tagaa maxkamadda, ka hor sheegaa kuma qanacsani garsooraha ama sida wax u socdaan, kolkaas garsooraha waa is casilayaa” sidaasi waxaa yiri Abuukaate Cabdirisaaq Cali Dhoore. Abuukaate Dhoore waxaa uu Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur kula taliyay in uu sharciga iyo garsoorka aamino, una hoggaansamo amarka maxkamadda, xaqiisana halkaasi ku soo qaato. Arrintan ayaa waxaa ay imaneysaa saacado kadib markii uu siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur soo saaray qoraal uu ku sheegay in dacwada loo heysto ay tahay mid siyaasadeysan, oo aan waafaqsaneen sharciga, isla markaana Xeer ilaaliyaha oo gacan ka helaya madaxda sare oo adeegsanaya awoodda xafiiska faragelin qaawan ku sameeyay garsoorka is hortaagna ku sameeyay go’aanka maxkamadda gobolka Banaadir. Qodobada uu siyaasiga soo qaatay waxaa ka mid ahaa in Xeer ilaaliyaha uu xiray iyada oo aaney jirin hab-raaca xeerka ciqaabka, isla markaana uu jabiyay qodobo badan oo xeerkaasi ah sida 34, 39, 38, 32, iyo qodobada 39 iyo 66. Qodobadaasi uu ku eedeynayo ayuu sheegay in ay qasab tahay amar maxkamadeed, Xeer ilaaliyahana uu xiray amar maxkamad la’aan. Iyo in xarigaasi sharci-darada ah uu ka dhashay dil 5 ilaaliadiisa ka tirsan. Ugu dambeyntii, waxaa uu siyaasiga sheegay in xeer-ilaaliyaha aanu keenin asbaabta ku xusan qodobada 35 ee XHC ee dhigaya in garsoorha la horgeeyo cadeymaha fal-damibiyeedka ee aan gacmaha kula jiray ee cadeynaya inuu ku soo duulay madaxbannaaida iyo qarannimada Soomaaliya sida ku cad qodobka 39 iyo 45 ee XHC. Siyaasiga mucaaradka ah Cabdiraxmaan Cabdishakur ayaa maanta la sugayaa maxkamadda racfaanka, lamana oga sida ay wax noqon-doonaan. Wararkan, Kala soco Goobjoog News Goobjoog News Source
  10. Waxaa maanta ay ku beegan tahay maalintii loo mudeeyay inay dhacdo maxkamadaynta siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakur oo loo haysto inuu galay dambi qaran Muuqaal uu xalay iskasoo duubay siyaasiigaan ayuu ku diiday inuu dacwadaas kasoo hormuuqdo, isagoo sharci darro ku tilmaamay go’aanka maxkamada.
  11. Ururka Al-shabaab ee Soomaaliya ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkii xalay lagu dilay Cali Nuur Shuute,oo ahaa abbaha guddoomiyaha maxkamadda darajada 1aad ee ciidamada qalabka sida G/sare Xassan Cali Nuur Shuute. Qoraal uu soo saaray Xafiiska Warbaahinta Al-shabaab oo lagu baahiyey bogagga Internet-ka ee taageera Al-shabaab ayaa lagu sheegay In dagaallamayashoodu ay dilkaas geysteen. Fiidnimadii Xalay ayaa koox hubaysan degmada dharkaynleey ee gobolka Banaadir ku dileen Cali Nuur Shuute,iyagoo durbadiiba goobta ka baxsaday,waxaana dilkiisu ku soo beegmay xilli dhowaan maxkamad la soo tagay rag loo haysto in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab oo lagu eedaynayo qaraxii weynaa ee Soobe. PUNTLANDPOST The post Al-shabaab oo sheegatay dilkii Cali Nuur Shuute. appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar hoose oo aan ka helnay ilo ku dhow dhow C/raxmaan C/Shakuur ayaa sheegaya inay suuragal tahay in Siyaasiga uu maanta ka baaqsado Maxkamada racfaanka gobolka banaadir. Ilo wareedka ayaa sheegay in Siyaasiga uu ka biya diidan yahay hortagida Maxkamada, waxa uuna u sababeeyay diidmadiisa in maxkamada Gobolka Banadir ay fulisay xukun cadalad ah. C/raxmaan C/shakuur ayaa laga soo xigtay in aysan jirin wax dacwad ah oo uu ka qeyb galayo maanta, isagoo intaa ku daray in uusan wakiilan doonin qareena ku matala dacwadaas. Idaacada KNN ee magaalada Muqdisho ayaa baahisay in C/raxmaan C/shakuur uu kasoo horjeedo hor tagista Maxkamada Racfaanka kadib markii uu ku dooday inuu raacsan yahay xukunkii ay horay u fulisay Maxkamada Gobolka. Maxkamada Racfaanka Gobolka ayaa qoraal ay u dirtay C/raxmaan C/Shakuur ku sheegtay in xarunta Maxkamada uu ku imaado mudada loo qabtay oo ku beegan 03-da January 2018 oo maanta ah . Sidoo kale, waxaana la ogeyn go’aanka ka soo baxay C/raxmaan C/shakuur Jawaabta ay ka bixin doonto Maxkamada Racfaanka Gobalka Banaadir, waa haddii uu Siyaasiga ku adkeysto hadalkiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Ma dhabaa in C/Raxmaan C/Shakuur uu ka biya diidan yahay hortagista Maxkamada Racfaanka (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Xogo dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa duqeyn diyaaradeed oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay deegaan ku dhow degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose. Duqeynta ayaa lala eegtay gaari nooca loo yaqaan Homey oo la sheegay inay kusoo jeeday dhanka Muqdisho, taa oo laga soo buuxiyay Qaraxyo tan culus oo la doonaayay in weerar ismiidaamin ah ka fuliso gudaha magaalada Muqdisho. Saraakiil ciidan oo ka tirsan maamulka gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in gaarigan ay Al-shabaab kasoo buuxiyeen walxaha qarxa, islamarkaana usoo wadeen dhanka Muqdisho. Saraakiisha ayaa sheegtay in gaariga lala socday markiisa hore isla markaana la duqeeyay goorta uu soo galay xadkii loogu talo galay in lagu duqeeyo, sida ay hadalka u dhigeen. Si kastaba ha ahaatee, duqeynta ayaa daba socta mid Bishii aynu kasoo gudubnay muddo Laba jeer ay diyaarado dagaal ku duqeeyeen Sh/hoose gaadiid la sheegay in qaraxyo laga soo buuxiyey, kuna soo wajahnaayeen Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xogo dheeraad ah oo laga helaayo Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Gobolka Shabellaha Hoose appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in maanta xarunta Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir uu gaaro C/raxmaan C/shakuur oo maalmo un ka hor looga yeeray Maxkamada. Maxkamada Racfaanka Gobolka ayaa qoraal ay u dirtay C/raxmaan C/Shakuur ku sheegtay in xarunta Maxkamada uu ku imaado mudada loo qabtay oo ku beegan 03-da January 2018 oo maanta ah . Maxkamada waxa ay sidoo kale qoraalkeeda ku wargalisay Taliyeyaasha qeybta Booliska ee Gobolka Banaadir, Nabadsugida iyo Taliyaha Booliska degmada Wadajir oo lagu wargalinaayay inay gaarsiiyaan mudada loo qabtay dhageysiga dacwadiisa. Maxkamada ayaa C/raxmaan C/Shakuur fartay in si hufnaan ah uu uga jawaab bixiyo dacwadiisa maadaama kiiska Dacwada uu usoo gudbay heer Racfaan oo maanta loo fadhiyo. Dhageysiga dacwada Maxkamada ayaa waxaa sidoo kale ka qeybqaadan doona Xafiiska Xeer ilaalinta Guud ee Qaranka, waxaana dhammaan dhinacyada lagu wargeliyay in ay waqtiga ilaaliyaan. Dhinaca kale, Warqada loogu yeeray C/raxmaan C/Shakuur ee kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblawe ayaa soo baxday 26-kii December. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post C/raxmaan C/Shakuur oo maanta laga sugaayo Xarunta Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir appeared first on Caasimada Online.
  15. The Somali community resident in Isiolo county on Sunday held their first ever cultural and heritage night. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Mareykanka Trump ayaa ku goodiyay in gabi ahaan uu jari doono deeqaha uu dalkiisa siiyo maamulka iyo shacabka Falastiiniyiinta. Trump ayaa jarida deeqaha Falastiiniyiinta ku saleeyay in maamulka iyo shacabka aysan diyaar u aheyn dhismaha Nabada iyo wada noolaasho. Trump, ayaa goodintiisa ku muujiyay qoraal uu kusoo bandhigay bartiisa Twitterka, waxa uuna ku celcelshay in deeqda uu Maraykanku bixinayo uusan ku helin ixtiraam iyo mahadnaq toona. Waxa uu sidoo kale Trump sheegay in aqoonsigiisa caasimadda Israa’iil ay miiska wadahadalka nabadda ka leexisay arrintii kala qaybsanaanta wayn keenaysay. Sidoo kale, Falastiiniyiinta ayaa sheegay in tallaabadaasi ay Maraykanka ka dhigtay mid aan dhexdhexaad noqon karin. Si kastaba ha ahaatee, Tallaabadii bishii Disembar waxaa iyadana si wayn u cambaaraysay Qarammada Midoobay, iyadoo 128 dal ay ka soo horjeedsadeen tallaabadii uu Trump qaatay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Trump oo fariin goodin ah u diray maamulka & shacabka Falastiiniyiinta (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
  17. Despite encouraging steps in the past five years, huge challenges remain in the fight against corruption in Africa, for which the African Union (AU) has declared the year 2018 as African anti-corruption year, said Moussa Faki Mahamat, Chairperson of the AU Commission. Source: Hiiraan Online
  18. When Somalia was cited as one of four countries on the brink of famine in early 2017, it brought on a grim sense of déjà vu. Between 2010 and 2012, a combination of drought and conflict led to a devastating famine, in which an estimated 260,000 people lost their lives. Five years on, there were fears that a similar situation was unfolding all over again. Source: Hiiraan Online
  19. Sanadkii dhamaaday 2017 waxaa dalka ka dhacay dhacdooyin badan oo horumar u ah guud ahaan isboortiga waxaana soo dhaweeyay bahweynta jecel guud ahaan qeyb kala duwan ee ciyaaraha dalka Haddaba, Goobjoog News waxa uu akhristeyaashiisa dib u xusuusindoonaa-dhacdooyinkii ugu waaweyn ee guud ahaan isboortiga dalka laga diiwan geliyay sanadkii tagay 2017 01-Januar 2017:- Mo Farax ayaa lagu daray diiwaanka dadka la sharfay, Mo Farax ayaa ku guuleystay bilado badan oo dahab ah kuwaas ayaana sabab u ahaa in lagu daro diiwaanka boqoradda UK ee dadka la sharfay Sanadkii dhamaaday 2017. 22-February 2017:- laacibkii hore kubbada kolayga Jeenyo C/qani C/llaahi Hilowle o ku magac dheer (C/Qani Jeenyo) ayaa loo magacaabay Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarad Maamulka-Goboleedka HirShabeele, 14-March 2017:-C/Risaaq Cali Maxamed Cabdiyow ayaa si rasmi ugu biiray kooxda Heegan, isagoo kaga soo biiray kooxda Banaadir SC,Cabdiyow waxaaa lagu xasuustaa goolkii Cecaf ee sanadii 2014 17-April 2017:- Madaxweynaha xiriirka kubbadda cagta qaarada Afrika Axmed Axmed oo bishii Maarso ku guleystay hogaanka sare ee Caf ayaa yimid Muqdisho,isaga iyo wafdi badan oo horkacayay waxayna booqdeyn garoomada kubbadda cagta a,iyagoo la kulamay Madaxeynaha iyo Raysalwasaaraha dalka. 26-April 2017:- Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ” Axmed Madoobe” ayaa xariga ka jaray garoonka kubbadda cagta Waamo ee magaalada Kismaayo kaas oo dib u dhis heer sare ah lagu sameeyay isla markaana la dhigay Cowska macmalka ah. 21-May 2017:- Garsoore Xasan Maxamed Xaaji (Xasan Baari) ayaa dhex dhexaadiyay kulan ciyaareed u dhaxeeyay dalalka Mali iyo Angola ee Caf under 17 wuxuuna kulankaas ka dhacay wadanka Gabon 23-May 2017:- Gaari ay saarnayen ciyaartoyda kooxda Elman Cumar Muumin Daahir iyo C/llahi Mayow iyo Macalin leeliyaha ka ahaa kooxda Al-Aqsa ayaa lagu rasaaseeyay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye,inkastoo weerarkaas uu sababay in ay u geeriyoodeen Macalin Yuusuf Xeydar oo caan ka ahaa degmada Afgoye ee Gobalka Shabeelaha Hoose iyo laacib Cumar Muumin Daahir (Zinbawe). 24-May 2017:-waxaa magaalada Muqdisho ku dhintay laacibkii hore kooxaha Elman iyo Jeenyo Daahir Beerow, isagoo qeyb ka ahaa dadkii ku waxyeeloobay qarixii ka dhacay Dekedda magaalada Muqisho 14-June 2017:- Xidigaha kubbadda kolayga Muqdisho City ayaa ka qeyb galay tartanka caasimadaha bariga iyo bartmaha Afrika ee (Africa City Challenge) waxayna tartankaas ka galeyn kaalinta 3-aad,iyagoo wacdaro ka dhigay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo tartanka marti gelisay 18-June 2017:-Cabdi weli Max’ed Max’ud (Cabdi Joon) ayaa loo magacabaay kooxda Elman, isagoo horay ugu ciyaarayay wuxuuna jagadaas ka badalay tababare Robert Mayanag o u dhashay Uganda 02-Agust 2017:-naadiga kubbadda cagta Dekedda ayaa 19-sano ka dib ku guleystay horyaalka Soomaali Premier League waxaana u qaaday macalinkii hore kooxda Elman Yuusuf Nuur Cali (Yuu Cali) 08-Augst 2017:-kooxda kubbadda cagta Waxool ayaa ka badbaaday u laabashada horyaalka heerka labaad ka dib markii ay is reebtay dhigeeda Bariga Dhexe oo kala dhaxeeyay xiftaaltan xaga booska ah 10-August 2017:-xirfadyahan C/Casiis Maxamed Catoosh ayaa ka tagay kooxdiisa Dekedda,isgoo door kulahaa in ay kooxdiisa hanato horyaalka dalka 19-sano kadib wuxuuna ku biiray naadiga Heegan 17-August 2017:- Kooxo hubeysan ayaa magaalada Muqdisho ku dilay guddoomiyihii gidiga garsoorayaasha kubbada cagta dalka Cusmaan Jaamac Diraac.,dilka ayaa la sheegay inay geysteen kooxo ku hubeysanaa bastoolado waxaana la diley marxuumka isagoo ka soo laabtay Salaada Cishaha masaajid ku yaal xaafada Xamar Bile ee degmada Warta Nabadda. 19-Augusta 2017:- gabi ahaan waxaa la joojiyay ciyaaraha kubbada cagta dalka muddo 7 maalmood ah ka dib dil loo guleystay gudoomiyhii gudiga Garsoorka X.K..C dalka marxuun Cusmaan Jaamac Diraac. 08-Septemner 2017:-30-Sano ka dib waxaa magaalada Muqdsiho kuwada dheelay degmooyinka Waaberi iyo Hodan, iyagoo wada ciyaaray kama dambeysta tartanka kubbadda cagta degmooyinka Gobalka waxaana koobka qaaday wiilasha degmada Waaberi,waxaase Garsoore ka ahaa Max’ed Soomali 15-September 2017:-Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdsiho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa daah furay Koobka Jeneral Daa’uud 2017, iyadoo kooxda Muqdisho FC ay 3-1 kaga adkaatay Gaadiidka kulankii furitaanka 23-September 2017:-Dowlad-Goboleedka Puntland waxaa lagu soo xeray horyaalka heerka kowaad ee kubbadda cagta oo markii ugu horeesay lagu qabtay degaanada Puntland waxaana ka qeyb galay sagaal naadi oo u diiwaan gasha xiriirka kubbadda cagta Puntland waxaana ku guleystay wiilasha Bari FC 05-October 2017:- Ciyaaryahanka Soomaaliyeed ee lagu magacaabo Mukhtaar Ali Afgooye ayaa ka mid noqday xulka kubadda cagta ee Sacuudi Carabiya, iyadoo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay siisay dhalashada dalkaas. Mukhtaar Cali oo 19 jir ah ayaa ah ciyaaryahan xirfad leh, wuxuuna ka ciyaaraa qadka dhexe, isagoo noqday laacibkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo ka qeyb galya tartanka koobka Adduunka 2018 14-October 2017:-musabadii ka dhacday isgoyska Zoobe waxaa lagu waayay saddex ciyaartooyd oo u kala ciyaarasay kooxaha Horseed,Waxool iyo Rajo waxayna kala ahaayeen Axmed Qadar oo ka tirsanaa Horseed,Mustaf Cabdi Xuseen oo ka tirsanaa Waxool iyo Deeq Xirse Maxamed oo qeyb ka ahaa Rajo 21-October 2017:- Wasaaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada xukuumada ayaa dhagax dhigtay xarun cusub uu ku shaqeyndoonaa xiriirka kubbadda dalka waxaana dhagax dhigay wasiir Khadiija Maxamed Diiroye oo ah wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlad Fedraal iyo gduoomiyaha X.K.C C/qani Saciid 18-November 2017:-waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi iyo ciyaartoyda ka socday jaaliyada isboortiga dalka Australia,iyagoo kulamo saaxiibtinimo ku ciyaaray Gobalka Banaadir Maamul-Goboleedka Puntland iyo Soomaaliland 24-November 2017:-Garsoore Aweys C/llahi Sheikh (Aweys Blue) ayaa cadeeyay in uu ka fariistay ciyaaraha caalamiga,isagoo ka mid ahaa garsoorayaasha ugu wanaagsanaa ee dalka soo maray 02-December 217:- Guddoomiyaha Xiriirka ee kubbadda Cagta dalka Cabdiqani Saciid Carab ayaa markii lixaad oo xiriir ah loo doortay guddiga fulinta xiriirka kubada cagta bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA, doorasho ka dhacday magaalada Nairobi ee dalka Kenya. 08-December 2017:-magaalada Muqdisho waxaa ka furmay tartanka kubbadda cagta Maamul-Goboleedyada iyo Gobalka Banaadir waxaana lagu daah furay ciyaartooyda kooxaha Gobalka Banaadir iyo Jubaland waxaana 2-1 guul ku gaaray kooxda tartanka marti gelinaysay ee Gobalka Banaadir 22-December 2017:-xidigaha Jubaland ayaa loo caleema saaray tartanka kubbadda cagta Maamul-Goboleedyada iyo Gobalka Banaadir waxayna 1-0 kaga guleysteyn naadiga xafidaynaysay koobka ee Puntland waxaana goolka u dhaliyay laacib Yoonis C/Raxmaan Maxamed oo ahaa kabtankii Jubaland 24-December 2017:- Gudoomiyaha X.K.C dalka Cabdiqani Saciid Carba ayaa lagu soo daray xubnaha guddiga abaabulka ee tartamada xiriirka Caalamiga ah ee FIFA afarta sano ee soo socota. 25-December 2017:-waxaa magaalada Kismaayo laga dajiyay koobkii Maamul-Goboleedyada iyo Gobalka Banaadir oo mudo bil ah si qurux badan ugu socday magaalada Muqdosho waxaana gacanta laga saaray madaxweynaha Dowlad-Gobleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) 28-December 2017:-kooxda Banaadir Sports Club ayaa u dabaal degtay sanad guuradii 24-aad markii la aasay,waxayna ku gulaystay koobab badan,iyadoo ugu dambeesay horyaalka iyo Somali Super-Cup 2016 29-December 2017:-kooxda kubbadda cagta Elman ayaa ku guleystay koobka Somali Super-Cup waxayna 1-0 kaga qaaday Dekedda oo ah kooxda horyaalka dalka waxaana gool ku laad loo dhigay u dhaliyay laacibkii hore naadiga Jeenyo Maxamuud Cabdi Nuur (Mayman) 30-December 2017:-wasaarada holwaha guud iyo guryeenta dowlad Fedraalka dalka ayaa dib usoo celiyay kooxda kubbadda cagta L.L.p Jeenyo oo bartamihii 2017 ku dhacday xaalad jawheerar ah 31-Decmber 2017:-Shirkii sanadlaha xiriirka kubadda cagta dalka oo caasimada ku qabsoomay ayna kasoo soo qeyb galeyn xubnaha xiriirka kubada cagta oo ka kooban 25-ka koox waxaana laga soo saaray qodob aad u tira badan waxaana ugu muhiimsana in sanadka 2018 la abaabulo tartamo badan Maxamed Xuseen Qalinle ayaa leh xuquuqda qoraalkan lamana qaadan karo iyadoo aanan la xiganeyn Goobjoog Maxamed Xuseen Qalinle Email-qalinle39@gmail.com Source
  20. The Turkish army will hire nearly 43,000 new personnel in 2018, according to state media, after thousands of staff were dismissed in purges following the July 2016 failed coup attempt. Source: Hiiraan Online
  21. VT iDirect, Inc. (iDirect), a company of Vision Technologies Systems, Inc. (VT Systems), today announced that Dalkom Somalia has installed an iDirect Hub and will leverage iDirect’s series remotes to provide high-speed satellite connectivity in Somalia. Source: Hiiraan Online
  22. Golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta soo xiraya kalfadhigiisa 2aad kaas oo socday 6 bil. Kalfadhigan oo fumray July 12, 2017, waxaa uu ahaa mid mashquul ah, iyada oo la ansixiyay sharciyo badan iyo shaqooyin kale oo muhiim ahaa. Sidoo kale aqalka sare muddadii uu jiray kalfadhiga 2aad, waxaa ay ka qeyb-qaateen xal u helidda khilaafaad ka jiray maamul goboleedyada dalka. Arrimaha oo faah-faahsan kala soco, Goobjoog News Source
  23. A senior United Nations official in Somalia expressed deep concern over reports of the unannounced destruction of settlements for internally displaced persons (IDPs) as well as humanitarian infrastructure in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  24. Uganda's President Yoweri Museveni, one of Africa's longest-serving leaders, has signed a bill into law that removes a presidential age limit of 75 from the country's constitution. Source: Hiiraan Online
  25. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku goodiyey inuu jari-dooni mucaawimada lacageed ee uu siiyo Falastiin isaga oo ku eedeeyay inaysan u muujineyni wax xushmo ah. Trump ayaa bartiisa Twitterka ku qoray “ Wadankeyga Waxaa uu siiyaa Falastiin Boqolaal Million oo doolar sanadkii ma aana ka helin wax qadarin ah iyo xushmo”. Trump ayaa cabiray inuu aaminsanyahay in falastiiniyiinta aysan diyaar u aheyn inay ka qeyb galaan wadaxaajoodka nabadeed ee u dhaxeeya iyaga iyo Israel laguna soo celinayo arinta nabad-gelyada. Falastiiniyiinta ayaa dhankooda cabiray inay ka careysanyihiin go’aankii uu Trump ugu aqoonsaday Qudusta bari inay tahay magaalo madaxda maamulka Israel. Madaxda Falastiin ayaa diiday inay soo dhaweeyaan ku xigeenka madaxweynaha Mareykanka Mike Pence kaasi oo doonayey inuu bishaani Qudus. Goobjoog News Source