-
Content Count
206,022 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Cadaado (Caasimada Online)-Diyaarado dagaal nooca aan duuliyaha laheyn ayaa duqeyn lixaad leh ka geystay deegaan hoostaga Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Somalia. Dadka deegaanka ayaa sheegay in duqeynta oo aheyd mid xoogan lala eegtay gaadiid ay la socdeen Horjoogayaal ka tirsanaa al-Shabaab. Horjoogayaasha al-Shabaab ee la duqeeyay ayaa maraayay nawaaxiga deegaanka Dac oo ku dhaw Magaalada Ceelbuur, sida laga soo xigtay dadka deegaanka. Horjoogayaasha la duqeeyay ayaa waxaa la socday Abwaano maleeshiyada u curiya Gabayada kuwaa oo gabi ahaantooda lagu dilay duqeynta. Mursal Maxamed Xeefow oo ka tirsan Maamulkii Ahlu Sunna ayaa xaqiijiyay in Horjoogayaasha lagu dilay duqeynta ay ku jireen kuwo miisaan lahaa oo aad loo baadi-goobaayay. Xeefow ayaa sheegay in Horjoogayaasha Shabaabka looga dilay duqeynta ay kamid ahaayen: 1- Taliyaha Jabhada weerarada qaada ee deegaanka Ceel la helay Yacquub Guuleed. 2-Horjooge Cali Maxamed Waasuge. 3- Abwaan Yuusuf Maxamed Dhagey oo Gabayada u curiya al-Shabaab kana tirsanaa. 4-Taliyaha Xisbada Gobolka Galgaduud Calas Jaango’an. Dhainaca kale, maleeshiyada al-Shabaab ayaan weli ka hadal duqeynta iyo Shaqsiyaadka looga dilay oo magacyadooda uu baahiyey Mursal Maxamed Xeefow. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com
-
Afhayeenka Isimada Puntland, Garaad Cabdulaahi Cali Ciid, ayaa ugu baaqay madaxweyne Gaas inuu xaqiijiyo soo celinta xuduudihii Puntland ay lahayd oo ah masuuliyad uu qaaday markii uu u tartamayay xilka madaxtinimada Puntland. Afhayeenka Isimada waxaa kale oo uu sheegay inaan loo baahnayd qarashka badan ee lagu khasaarinayo ciidamada la dulgeeyay Sool, haddii aysan dowladdu daacad ka ahayn soo celinta dhulka maqan. Afhayeenka Isimada Puntland, Garaad Cabdulaahi Cali Ciid, ayaa dhinaca kale maamulka Hargeysa ugu baaqay inay maleyshiyaadkooda kala baxaan degmada Tukaraq ee gobolka Sool, kahor inta aan dhiig ku daadan oo aan laga qoomamayn. Afhayeenka Isimada Puntland ayaa hadalkaan ku sheegay wareysi uu siiyay warsidaha Puntlandi, kaidb socdaal uu maalmo dhowayd ku tagay gobolka Sool. Halkaan hoose ka dhegayso codka Afhayeenka Isimada. Gaard Cabdilaahi cali .mp3sax Puntlanid.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska Ciidamada Difaaca Uganda ayaa ka hadlay weeraro Qaraxyo iyo mid fool-ka-fool ah oo ciidamadooda ay kala kulmeen maleeshiyaadka al-Shabaab. Taliska ayaa sheegay in ciidamadooda weerarkii degaanka Buula Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose ay ku dileen 22 ka tirsan maleeshiyada weerarka ku qaaday Saldhiga. Afhayeenka Militariga Uganda, Richard karemire ayaa Wakaalada AP u sheegay in Afar Askari ay uga dhinteen dagaalkii ka dhacay Buulo mareer, islamarkaana Afar kale ay uga dhaawacmeen. Richard Karemire ayaa sidoo kale sheegay in cashar ay u dhigeen maleeshiyaadkii duulaanka kusoo qaaday kadib markii ay dhexda u galeen ciidamo ku sugnaa dhufeysyo qarsoodi ahaa. Richard Karemire, waxa uu qiray in weerarkaasi uu ahaa mid aad u xoogan, wuxuuna sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid Ciidamadooda ay ka war hayeen kol hore, una diyaar garoobeen. Sidoo kale, Al-shabaab ayaa sheegay in 14 maleeshiyo ay uga dhimatay Weerarkii ay ku qaadeen Degaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabelaha Hoose. Dhinaca kale, Cabdi Casiis Abuu Muscab oo ah Afhayeenka Howlgaladda Al-shabab, ayaa sheegay in 59 Askari ay AMISOM uga dileen weerar Qaraxyo iyo Dagaal toos ah isugu jiray oo Buulo mareer ka dhacay Axaddii. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdulaahi Maxamed Barre Caato oo shir jaraaid ku qabtay degmada Xaafuun isagoo ay weheliyaan madax ka tirsan wasaarada Arimaha Gudaha Puntland ayaa ka tacsiyey dilkii loo gastay 4 qof oo shalay lagu dilay meel u dhaw deegaanka Dhuudo. Gudoomiyuhu wuxuu wacad ku maray in ay raadin doonaan dadkii gaystay dilka waxashnimada ah ee lagula kacaya dadka aan waxba galabsan, dawladuna ay qaadi doonto talaabada ku haboon. Waxaa uu cuqaasha labada beelood ka codsaday in nabada laga shaqeeyo oo laga waynaadoo dilka dadka haldoorka ah maalin kasta la laynayo. Maamulka Gobolka Bari iyo dowladda Puntland waxa uu ugu baaqay in ay soo dhex galaan arintaan dawrkoodana ay qaataan maamulka gobolkana kala shaqeeyaan daminta colaadaas. Sidoo kale madaxdii goobta ka hadashay ayaa si la mid ah baaq nabadeed diray waxayna cambaareeyeen dilkii foosha xuma ee loo gaystay dadka shaacbka ah ee dhaanka watay. Puntlandi.com
-
Ciidanka Amniga Puntland (PSF) ayaa hawlgal dagaal oo qorshaysan oo ka dhan ah Al Shabaab ka fuliyay deegaanada Booj iyo Dhagax Dhaabur ee Buuraha Cal Madow. Intii hawlgalkani socday waxay ciidanka PSF Al Shabaab ka dileen 4 xubnood, isla mar ahaantaana waxaa laga saaray Al Shabaab goobo ay halkaas kaga dhuumaalaysan jireen oo ay weeraro gaadmo ah kaga soo qaadi jireen ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan difaacyada Buuraleyda Galgala iyo Sugure. Ciidamada Amniga Puntland waxay sheegeen inay habeen iyo maalin ku hawlan yihiin sidii ay u xaqiijin lahaayeen amniga shacabkooda; waxayna ugu baaqeen shacabweynaha reer Puntland in ay garabsiiyaan ciidamadoo si kooxaha cadowga ah ay u waayaan goob ay ku nabad galaan.
-
NAIROBI, Kenya — Islamist militants in Somalia carried out multiple coordinated attacks against African Union peacekeeping forces on Sunday, and claimed to have killed at least 59 Ugandan soldiers. Source: Hiiraan Online
-
Homeless mother-of-three, Nimo, fled to Indonesia from Somalia after Islamists killed her family, but with prostitution as the only way to survive, she tearily says her life in Jakarta is "much harder" than her war-torn homeland. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda federaalka ah ayaa xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ee loo yaqaano UNSOM ee uu hoggaamiyo Michael Keating ku eedeysay in uu dab ku shidayo ama hurinnayo siyaasadda dalka, waxaa kale oo Muqdisho sheegtay in xafiiskan uu hoggaamiyo Michael Keating uu sawir iyo warbixinno marin-habaabin ah ka gudbiyo Soomaaliya. Ergeyga Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Abukar Cusman ayaa todobaadkii hore golaha ammaanka u sheegay in dadaallada dib-u soo kabashada ee Soomaaliya ka socday ay waajib tahay in ay gar-wadeen ka noqdaan Soomaalida, loona arkaa in Soomaalida waddo. “Waxaan walwal ka qabnaa saraakiisha sare ee xafiiska UNSOM, kuwaas oo warbixinno ka soo saaro xaaladda siyaasadeed ee dalka”, sidaasi waxaa yiri Cusmaan. Safiirka Soomaaliya ee Qaramada midoobey ayaa intaasi raaciyay “Waxaan ugu baaqeynaa hoggaanka UNSOM in ay waajibkooda u gutaan sida awoodahooda ku xusan, isla markaana ay ka fogaadaan dab ku shididda iyo qaska la xiriira arrimaha siyaasadda, taasi oo dhibaateyn karta dadaallada ay waddo xukuumadda ee soo celinta nabadda iyo xasiloonidda siyaasadeed.
-
Waxaan maqlay in aad beryahaan is haysataan oo waqti u helin in aad la socotaan Nabad iyo Nolol wixii Afrika ka dhacay usbuucyadii la soo dhaafay. Marka waan idiin soo uruuriyay maadama aad isku yara mashquusheen beryahaan. Sadex shirkadood oo Itoobiyaan ah (Alfoz Plc, Rimon General Trading iyo Beal Livestock Exports) ayaa heshiis ay kala saxiideen dawlada Masar in ay u dhoofshaan 354,000 oo xoolo nool ah lacagtooduna tahay 2.4 billion lacagta birta ee Itoobiyaanka. Shirkado kelinka Soomaaliyeed kuma arag liiska in kastoo gobolkooda xoolaha laga soo aruurin doono. Dalalka geeska Africa ee (Kenya, Tanzania, Uganda iyo Rwanda) waxaa ay canshuurtii ka dhaafeen soo dejinta calaf ka xoolaha la siiyo iyo waxyaabaha laga sameeyo ama lagu daro daaqa ama calafka xoolaha. Taa oo raqiis ka dhigi doonta hilibka, digaaga ukuntiisa iyo caanaha dalalkan. Ma laga yaabaa in ay xoolohoodu calaf raqiiska ah ee ay helayaan ay suuqa nagu cariirshaan taas oo wax u dhimi karta Nabadda iyo Nolosha Soomaaliyeed? Kenya waxaa ay gashay kaalinta 9aad, halka ay Itoobiya ka gashan kaalinta 10aad dalalka soo jiidashada maalgashiga qaaradda Afrika taa oo ay soo saartay Shirkada Quantum Global reboortigeeda ugu danbeeyey ee African Investment Index 2018. Is qabqabsigiina siyaasadda iyo la dhaqanka shirkadaha ajnabiga ma laga yaabaa inuu Somalia ka sii durkiyo higsashada dawladaha deriska xaga soo jiidashada lacagaha maalgashiga dunida? Bangiga Maalgashiga ee Europe (The European Investment Bank) (EIB) wuxuu ku dhawaaqay inuu ku bixin doono korontada Solarka (Qoraxda) lacag dhan 25 milyan oo European doolaar ah dalalka Ethiopia, Kenya, Nigeria, Tanzania iyo Uganda. Soomaaliya kuma aanan arag liiska, ma laga yaabaa raggii raadin lahaa soo jiidashada lacagtaas inay xoogaa luf lufa u doonteen dawladaha Carrabta ee deriska nala ah? Waxaa isugu tagay dalka Ivory Coast magaala madaxdiisa Abidjan in ka badan 1600 madaxda shirkadaha ugu waaweyn Afrika iyo Dunidda kuwaas oo matalayey dalal ka badan 60 dawladood. Waxaa looga hadlay la iskuna weydaarsaday fursadaha ganacsiga eek a jira Afrika iyo sidii looga faa iideysan lahaa. Halkaa ma maqal nin madax ka ah shirkad Soomaaliyeed ama ka socda dawlada oo ka qayb galay. Ma laga yaabaa madaxdii shirkadihii Soomaalida sida uu mid walba u leeyahay canshuurta wasiir Beyle u diid, una raadso baarlamaaniyiin kuu xusul duubta in ay dhaaftay fursadii ganacsiga ugu weyneyd ee tobankan sano ee soo socda? Waxaa heshiis dhexmaray Madaxweyne Filipe Nyusi ee Mozambique iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta in ay iska kaashadaan xaga ganacsiga macdanta, xoolaha, dalxiiska iyo khayraadka beeraha. Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta wuxuu heshiis kula soo galay magaalada Havana ee dalka Cuba, dhigiisa Raul Castro inuu dhaqaatiir u soo diro si loo tayeeyo caafimaadka dalka Kenya. Waxaa igu maqaal ah in Cuba ay kaga horeyso xaga caafimaadka dalka Canada iyo Mareykanka marka meeshaas xikmad ayaa igala muuqata. Dawlada Tanzania waxaa ay siisay 500 milyan doolaar ah shirkad Turkish ah lana yiraahdo Yapi Merkezi iyo Boortaqiis mid ah oo la yiraahdo Mota-Engil wadooyin isku xiri doona magaalooyinka Dar es Salaam ilaaa Morogoro (205km) iyo Morogoro ilaa Dodoma (422km). Waxaan maqlay in ay lacagtaan ka timid canshuurta laga qaaday ganacsata iyo shicibka Tanzania isla markaana aan la xadin. Ma laga yaabaa in Al Shabab ay weli dekeda liinta ka dhoofta canshuur ka qaataan? Ganacsatadeenuna maba diideen in ay wax bixiyaan? Isku taga yurub (The European Union) (EU) wuxuu u soo daayey boqolkiiba 30 ka mid ah €1.4 malyuun dawlada Tanzania si ay u horumariso soo saarka saliida geedka gabaldayaha (Sunflower Oil). Waxaa igu maqaalo ah in ay dawlada Tanzani tahay mid ka fogaatay musuqmaasuqa isla markaana dunidu ay aad iyo aad u taageerto beryahaan. Hadaba inta aad mudane Jawaari iyo mudane Khayre iyo dhamaan kooxaha kala raacsan ay u soo jeesanayaan hawshii aan u soo dooranay, ugana han weyneyn, waxaan goostay in aan idiin soo dulmaro meesha ay wax marayaan geeska Afrika. Ragaas sidii aan u higsan lahayn weli idinka ayaa shacabku idinkaga fadhiyaa. Waa mahadsantihiin. Waxaa qoray Cali Cusmaan Cilmi ccusmaan@gmail.com oo jeclaanlahaa in madaxdiisu ku mashquusho Nabad iyo Nolol isla markaana isla shaqeeyaan.
-
Ciidanka Amniga dowladda Puntland ee PSF ayaa weerar qorshaysan ku dilay 4 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay PSF. Hawlgalkaan ayaa maanta laga fuliyay degaannada Booj iyo Dhagax-dhaabur oo hoostaga buuraleyda Calmadoow ee gobolka Bari,waxaana sidoo kale halkaasi laga saaray malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo doonayay in ay weerarro gaadmo ah ku qaadan ciidamada difaaca dowladda Puntland ee ku sugan tuulooyinka Galgala iyo Sugurre. Qoraalka ka soo baxay PSF ayaa lagu sheegay in ciidanku ay sii wadayaan hawlgallada noocan oo kale ah,si loo xaqiijiyo amniga shacabka Puntland,islamarkaana loo soo af-jaro malayshiyaadka degaannadaas jooga ee ka tirsan Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Ciidamada dowladda Puntland oo dilay xubno ka tirsan Al-shabaab. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta si wadajir ah u qaabilay guddiga Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika u qaabilsan dhaqaale u raadinta ciidanka Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya. Farmaajo ayaa la wadaagay masuuliyantan ahmiyadda ay leedahay in lasii dar-dar-geliyo wada-shaqeynta AMISOM iyo Ciidanka Xoogga Dalka Somalia, dadaallada lagu xaqiijinayo sidii kooxaha nabad diidka ah looga sifeyn lahaa dalka iyo in ciidamada Soomaaliyeed loo diyaariyo qaabkii ay ula wareegi lahaayeen masuuliyadda amniga guud ee dalka. Wakiillada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa bogaadiyey qorshaha uu Madaxweynaha hormuudka ka yahay ee lagu tayeynayo Ciidanka Xoogga Dalka, iyagoona muujiyeey sida Beesha Caalamka uga go’antahay garab istaaga Dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha iyo wakiillada ayaa isla soo qaaday in Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ay kala shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya dhaqaale u raadinta Ciidamada Soomaaliyeed. Madaxweynaha DF oo dhawrkii toddobaad ee lasoo dhaafay ku shaqeynayay Xarunta Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ahmiyad sare siinaya dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada qalabka sida. Ugu dambeyn, Wafdigan waxaa hoggaaminayey Jean-Marie Guehenno iyo Ramtana Lamamra oo madax u ah Guddiga Dhaqaale u raadinta Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale kulanka goob joog ka ahaa Danjireyaasha Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya Michael Keating iyo Francisco Madeira. Dhanka Dowladda Federaalka Waxaa kulankan ku wehlinayay La-taliyaha Amniga Qaranka Mudane Cabdi Saciid Muuse. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo kulan gaar ah la yeeshay Wakiillada QM iyo Midowga Afrika appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa siwadajir ah ula kulamay masuuliyiin ka kala socday Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo ay kala hogaaminayeen Jean-Marie Guehenno iyo Ramtana Lamamra oo loo xilsaaray ka shaqeynta arimaha dhaqaalo u raadinta Howlgalka Amisom ee somaliya. Masuuliyiintan ka socotay Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Farmaajo dadaalada dib u heshiisnta uu dalka ka wado, iyagoo soo dhaweeyey talaabadii uu qaaday xalinta qilaafka Baarlamanka Soomaaliya, waxaana ay muujyeen sida ay beesha caalamka uga go’antahay garab istaaga Soomaaliya. Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen danjirayaasah gaarka ee Qaramada Midoobay iyo Midowaga Afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya M.Keting iyo Francisco Madeira ayuu Madaxweyne Farmaajo wuxuu kaga hadlay ahmiyada Dhismaha Ciidanka u leeyihiin Dowladda uu hogaaminayo oo uu sheegay madaxweynuhu inuu gacanta ku hayo dib u habeynta Ciidamada qalabka sida oo uu xusay Madaxweyne Farmaajo inuu ku rajo weynyahay inay ku filnaan doonaan Amniga dalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday in habka Dhaqaalo u raadinta Ciidanka Amisom ee ay wada jirka uga shaqeenayaan Midowaga afrika iyo Qaramada Midoobay lagu daro in si la mid ah ay ciidanka Soomaaliya loogu helo dhaqaalo u suuragaliya inay ku filnaada masuuliyada Amniga dalkooda. Kulanka oo sidoo kale looga hadlay arimaha dib u heshiisnata,tayeenta ciidanka iyo ladagaalanka Arga gaxisada ayaa Madaxweyne Farmaajo waxa ka hadlay qorshaha ay dowlada soomaliya e ku aadan la dagaalanka aragaxisada ayada oo markasta laga fakaryo yareenta qatar soo gaari karta dadka rayidka ah. Kulanka Madaxweyneha Soomaaliya iyo Masuuliyiintan ka kala socday Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa kusoo aadaya iyadoo Madaxweynaha Farmaajo uu horaanta Bishii hore u dagay Wasaarada Gashaandhiga si uu waqti badan u galiyo dib u dhiska Ciidanka Xoogga taas oo muujineysa ka go’naashaha Dowlada Soomaaliya dib u dhiska Ciidamadeeda.
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa magacaabay 24 mas’uul oo qeyb ka noqon doonta maamulka cusub ee Somaliland. Xilalka uu magacaabay Hoggaamiye Biixi ayaa isugu jira Agaasimayaal, Safiiro iyo Gudoomiyayaal Gobol, waxaana ku jira wajiyo ku cusub Siyaasada maamulka. Hoggaamiye Muuse Biixi, ayaa horay u sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabis dhowr ah, waxaana xusid mudan in maamulka Biixi ay ku jiraan dhalinyaro ku cusub Siyaasada.
-
MOGADISHU, Somalia — Somalia’s al-Shabab Islamic extremists on Sunday launched an attack on a base for African Union troops in country’s south, killing four Ugandan peacekeepers, said Ugandan army spokesman Brig. Richard Karemire. Four others Ugandans were injured, Karemire told The Associated Press. At least 22 of the attackers were killed and the rest were repelled, he said. The attack started in the morning when two suicide car bombs exploded at the entrance to the heavily fortified base in Bulo-Marer, an agricultural town in Somalia’s Lower Shabelle region, said Somali army Col. Ahmed Hassan. Nearly 100 fighters firing propelled grenades and machine guns attacked the base occupied by the Ugandan soldiers. “That attack was repulsed but several soldiers have lost their lives to the bomb,” said Hassan. Residents reported explosions and sustained gunfire, sending hundreds of terrified villagers to the bush. “We had a frightening day but the situation is calm now,” said Nur Yusuf, a local elder by phone saying that African Union and Somali troops were patrolling the town in the evening. Somalia’s Islamic extremist group, al-Shabab, claimed responsibility for the attack. Al-Shabab, which is fighting to impose Shariah law across Somalia, was pushed out of the capital, Mogadishu, and other major urban cities more than two years ago, but the group still carries out suicide attacks across Somalia. Source: – AP
-
Al-Shabaab militants in Mogadishu have killed two district officials on Sunday evening, hours after a major assault on an AMISOM base in southern Somalia, according to a statement on Al-Shabaab affiliated media outlets. Hassan Indha-Dhuh and Mohamud Moallim Hassan Fagasse were gunned down in Mogadishu. Both of the victims were senior district administrators in Hamarweyne District of the Banadir regional administration. The perpetrators were not apprehended and Somali police, who have confirmed the killing, has said that an investigation is underway. The murders come hours after an attack on an AMISOM base in Bullamarer town which located 125km south of Somalia was confirmed by official and witnesses. The militants claimed to have killed 59 Ugandan soldiers and destroyed several armoured vehicles in the attack. AMISOM has not yet commented on the attack on its soldiers.
-
Kenya, Uganda, Ethiopia, Djibouti and Yemen — the five countries hosting Somali refugees — have been asked to speed up legislation to allow free movement, education and employment for the refugees. That was the decision by the Inter-Governmental Authority on Development (Igad) ministers in charge of internal security who met in Kenya last week to take stock of the implementation of the Nairobi Action Plan on durable solutions for Somali refugees, developed in March last year. The Nairobi Action Plan requires host countries to improve access to education for both refugees and host communities, promote self-reliance among refugees by creating opportunities for business in refugee hosting areas for the benefit of host communities. So far, the Kenya government has a draft National Action Plan for refugees that has been shared with stakeholders for their input, while at the same time pursuing an appeal against a court order that last year declared the intention to close the Dadaab camp as unconstitutional and discriminative. According to the Kenyan Chief Administrative Secretary in the ministry of interior, Patrick Ole Ntutu, the action plan will specify the required policy changes, investments and resources that are required to meet Kenya’s commitments to the Nairobi Action Plan. “We will also align it with the country’s development plans including our Vision 2030 and the sustainable development goals. But for our objectives to come to fruition, financial support is crucial and the international community should also honour their pledges in the spirit of responsibility sharing,” said Mr Ntutu. Despite efforts by the Somalia government to create a conducive environment for voluntary return supported by the international donors, the security situation has not improved forcing these countries to accommodate considerable number of returnees. Source: – The East African
-
Several soldiers of AMISOM are feared to have been killed on Sunday after heavily armed Al-Shabaab militants stormed AU military base manned by Ugandan soldiers in Bulamarer town. The attack in Bullamarer town which located 125km south of Somalia was confirmed by official and witnesses. The assault was started with two car bombs which breached the defence at the Forward Operating Front Base (FOB) in Bulamarer town of Lower Shabelle region followed by heavy fighting. Witnesses who spoke to the media said the militants entered the town after forcing their way through the checkpoints of the town. The deputy governor of Lower Shabelle region, Ali Nur Mohamed who confirmed the attack said the militants were defeated by AMISOM troops. Mohamed also confirmed casualties on both sides but said the exact figure was not immediately available. The militants claimed to have killed 59 Ugandan soldiers and destroyed several armoured vehicles in the attack. “At least 59 soldiers of Ugandan were killed in a well-executed attack by the mujahideen fighters, full information of the attack will be raised later,” said the militants in a statement posted on Pro-Alshabab media. AMISOM has not yet commented on the attack on its soldiers. The attack would be the third assault on Uganda’s military bases in Lower Shabelle region since the East African nation sent its troop to Somalia in 2007.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar Qaraxyo loo adeegsaday oo lagu qaaday Saldhiga ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin Degmada Buulo Mareer ee Gobolka Shabellaha Hoose. Weerarka ayaa ku bilowday Qaraxyada laba gaari iyo dagaal toos ah oo ay maleeshiyada al-Shabaab la gashay ciidamada AMISOM ee ku sugnaa Saldhiga. Gaadiidka qaraxyada loo adeegsaday ayaa kala ah gaari Dyna ah iyo gaari caasi ah oo laba nin oo Shabaab ka tirsan ay wadeen, kadibna waxaa xigay dagaal culus oo halkaasi ka bilowday. Intaa kadib maleeshiyada al-Shabaab ayaa gudaha u gashay Saldhiga waxaana la xaqiijiyay inay geysteen dilka ciidamo farabadan oo ka tirsan AMISOM. Maleeshiyada ayaa gudaha Xerada ku gubtay ku dhawaad Shan Gaari nooca dagaalka ah, halka ay goobta ku dishay ciidamo dhan 64. Galabnimadii maanta ayaa waxaa magaalada Muqdisho, soo gaaray diyaarado Helicopter ah kuwaa oo siyada Meydka iyo dhaawacyada ciidamada AMISOM. Diyaaradaha oo dhamaa Seddex ayaa waday Meydadka iyo dhaawacyada 78 oo 64 kamid ah ay ahaayen Meydadka ciidamada, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ka howlgala Garoonka Aadan Cadde. Sidoo kale, Muxudiin Khaliif Caliyow oo ah ka mid ah mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Buulo Mareer, ayaa sheegay dagaalka inuu ahaa mid culus, balse uu ka horeeyay laba qarax oo waaweyn, kuwaasi oo gaadiid loo adeegsaday. Dhinaca kale, weerarkaan ayaa kusoo beegmaaya xili ay ciidamada AMISOM isku diyaarinayaan inay ka baxaan Somalia, waxa ayna weeraradaan is xigxiga muujinayaan inaan laga maarmi doonin in wakhtiga loo kordhiyo AMISOM. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Ururka Al-shabaab ayaa sheegay inay 59-askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM ku dileen weerar culus oo ay maanta ku qaadeen saldhig ay Ciidanka AMISOM ku lahayd deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabeellada Hoose. Kooxda ayaa sheegtay in dhankooda ay uga dhinteen weerarkan 14 ka mid ah xoogagooda, balse ma sheegin dhaawacyada soo gaaray iyo mid ay u geysteen ciidamadii ay la dagaalameen. Shacabka deegaanka Buulo-mareer ayaa sheegay in dagaal culus uu qarxay kaddib markii Al-shabaab ay qaraxyo culus ku weerartay saldhigga AMISOM ee deegaankooda, balse waxay sheegeen inaysan ogaan Karin khasaaraha labadan dhinac kasoo gaaray dagaalkaas. “Weerarkan waxaan u dilnay 59 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda ee ku leh saldhigga deegaanka Buulo-mareer,” ayuu yiri afhayeenka hawl-gallada Al-shabaab, Sh. C/casiis Abuu-muscab. Sidoo kale, Afhayeenku wuxuu sheegay in weerarro kale ay la beegsadeen illaa shan saldhig oo kale oo ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin Shabeellada Hoose, balse ma jiraan ilo wareedyo madax-bannaan oo warkan xaqiijinaya. Dhanka kale, Mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Shabeellada Hoose oo iyana la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay Al-shabaab ay weerar culus kusoo qaaday saldhigga AMISOM ee Buulo-mareer, balse la iska caabiyay, inkastoo aysan sheegin khasaaraha ka dhashay weerarkan. Taliska AMISOM – ayaan weli ka haldin weerarka Al-shabaab ay maanta la beegsatay saldhigga ciidamadooda ay ku leeyihiin deegaanka Buulo-mareer ee Gobolka Shabeellada Hoose. Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horreysay oo ay Al-shabaab weerarro kuwan oo kale ah ay la beegsato saldhigyada AMISOM ay ku leedahay dalka, iyagoo weerarro hore oo ay qaadeen ku dilay tiro badan oo ciidanka AMISOM ah. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo sheegtay inay Askar badan oo AMISOM ah ku dishay Weerarkii Buulo-mareer appeared first on Puntland Post.
-
Waxa ay faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxaysaa weerar xalay Saqdii dhexe ee habeenimo lagu dilay Afar qof oo reer guuraa ah laguna dhaawacay labo qof oo kale. Weerarkan ayaa waxaa gaystay dablay hubaysnayd oo tacshiirad ooda kaga qaaday Gaari booyada ah oo ay wateen dadkii reer Guuraaga ahaa oo ka dhaasnayay Ceel biyood ku yaalay deegaankaasi. Gudoomiyaha Degmada Bandar Bayla Siciid Anteeno ayaa Puntlandi waxa uu u sheegay in meedadka Afarta qof lagu Aasay meel udhaw Tuulada dhuudo. Gudoomiya ayaa sheegay in aysan ilaa iyo haatan ogayn cida falkan gaysatay. Halkan ka Dhagayso Gudoomiye anteeno
-
Kenya, Uganda, Ethiopia, Djibouti and Yemen — the five countries hosting Somali refugees — have been asked to speed up legislation to allow free movement, education and employment for the refugees. Source: Hiiraan Online