Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,125
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. MOGADISHU, Somalia — Somalia’s prime minister has fired three Cabinet ministers as his government faces stiff challenges from the opposition. Prime Minister Hassan Ali Khaire on Thursday announced the replacement of Foreign Affairs Minister Yusuf Garaad Omar with Ahmed Isse Awad, a former ambassador to Washington. Khaire also replaced the interior minister and trade and industries minister. Opposition parties in the Horn of Africa nation have been trying to capitalize on recent security incidents, accusing the government of shortcomings in a bid to unseat the prime minister. The country is still recovering from an October truck bombing in the capital that killed 512 people and was blamed on the al-Shabab extremist group. Somalia’s government has accused some opposition politicians of attempting to overthrow it with the support of foreign countries. AP
  2. Sii hayaha Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane. Cabdi Faarax Siciid(Juxa) ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xilka qaadistii uu Saaka ku sameeyey Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyrre. Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ayuu Juxaa ku sheegay in xil ka qaadistiisa uu Idaacadaha ka ogaaday xilli uu ku socday Garoonka diyaaradaha Muqdisho,halkaasoo uu uga safri lahaa dhinaca Puntland,si uu u agaasimo“booqashada Madaxweynaha ee Puntland”. Juxaa ayaa sheegay in karaankiisa uu waxqabtay mudadii xilkiisa,wuxuuna u mahadceliyey Madaxweyne Farmaajo ,Ra’iisul Wasaaraha,Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo dhammaan intii la soo shaqeysay. Dhinca kale wuxuu so dhoweeyey Wasiirka Cusub ee loo magacaabay,Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya,isagoo Ilaahay uga baryey in uu shaqada ku asturo. Mudane.Juxaa ayaa qiray in khilaaf kala dhexeeyay Ra’iisul wasaare Kheyrre,sida ka muuqata qoraalka uu soo dhigay”Dalku waa Federaal, taladu waa wadaag, Dantuna waa isku tolan, xataa haddii fekerka lagu kala duwan yahay”. Ugu dambeyn wuxuu raall-gelin iyo Cafis weydiistay dhammaan intii feker ahaan iyo shaqa ahaanba isku khilaafeen. PUNTLAND POST The post Akhriso: Juxaa oo war ka soo saaray Xil ka qaadistii lagu sameeyey. appeared first on Puntland Post.
  3. By: Ms. Farah Mohamued A high level Somaliland government delegation is due to fly to Canada so as to meet and hold discussions with ICAO over the airspace takeover of Somalia by the Federal government. This was disclosed by the foreign minister, Dr. Sa’ad Ali Shire in one-on-one interview with Geeska Afrika, a local Somali newspaper published in Hargeisa, the capital. Speaking on the stalled Somaliland-Somalia talks, the FM has asserted that the talks are due to commence soon. Dr. Sa’ad has reiterated that the upcoming talks will be quite different from the previous one where Somalia’s Federal Gov’t has breached the Airspace agreement signed in Istanbul, Turkey. The minister has accused Mogadishu installed authority of hastily and unilaterally taking over the airspace with the consultation of SL authority. The minister has insisted that Somaliland will not partake a meeting with Somalia which all agreement will not be respected. Dr. Sa’ad has said that Somaliland will not come to the table unless certain demands are met. The minister has urged citizens to do all they can to defend country’s self determination and lobby for its quest of an int’l recognition from the world. Somaliland unilaterally seceded from Somalia in 1991 after the country desecrated into decades of civil wars and hostilities. Since its inception, It has not been recognized but it is treated as sub autonomous region in Somalia.
  4. Israeli forces have shot dead a Palestinian teen on the northern outskirts of the occupied West Bank town of Ramallah, according to Palestinian officials. Source: Hiiraan Online
  5. Marka la leeyahay xilka Soomaaliya lagaaga dhiibo waa mid musiibo iyo eedeyn ah waxaa caddeyn ku ah eedeynta durba lagu bilaabay wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Cabdi Maxamed Sabriye. Wasiirkii oo aan xafiiskiisa fadhiisan weliba aan hal xilli oo qado ah qaadan ayaa lagu eedeeyey inuu xilkaan u qabtay si uu u fuliyo dano dhanka Ganacsiga ah sida lagu faafiyey qeybo badan oo kamid ah baraha Bulshada. Soomaalida waa dad eedeynta ee kala fududahay biyo la cabo, qofka marka la eedeenayo waa inuu waqti qaataa, wax qabtaa, la arkaa waxa uu saxo iyo sidoo kale waxa uu qaldo. Qofka qaladkiisa laguma eedeeyo ee waxaa loo tilmaamaa habka ugu fudud ee uu u sixi karo qaladka uu galay, balse eedeynta Soomaalida ayaa asal ahaan salka ku heyso dano siyaasadeed, naceyb beeleed iyo dad uu Alle u sameeyey inay wax eedeeyaan oo kaliya. Qofka Bini’aadamka sida ugu wanaagsan waa in la xukmiyaa ficilkiisa oo aan la xukimin waxa qalbigiisa ku jiro, weliba aan kuusii raaciyo Cabdi Maxamed Sabriye inta aan aniga ka aqaan waa qof wanaagsan oo waayo aragnimo uu xilkaan uga bixi karo leh. Sida uu fikirkeyga yahay dadka soo qorayo eedeymahaan ku qotomo ganacsi iyo waxyaabo aan caqli gal aheyn ujeedkooda koowaad waa inay iska hor keenaan Bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan ee hadda u bisil dowladnimada iyo wax wada qeybsiga. Wax lala yaabo ayey ila noqotay inaan arko eedeynta loo soo jeediyey Wasiirka Cusub ee Arrimaha Gudaha, is waydii adiguba goormee Soomaaliya hormar gaareysaa haddii qof kasta la eedeeyo, weliba qof aan weli xil la wareegay oo aan xilka cusub heyn xataa 12 saac. Waxaa ii muuqato inay weli jiraan Soomaali badan oo aan dooneyn horumarka iyo xasiloonida wadanka, ma aqaan anigu danta ugu jirto foodo iyo dowlad la’aan koleyba iyagaa arrintaas ka jawaabi doono. Balse fiiri oo si taxadar leh u akhri waxyaabahaan lagu soo qorayo baraha Bulshada iyo websiteyada qaar ee haddana is waydii halka ay Soomaaliya u socoto!! Waxaa qoray: Ibraahim Nuur Waasuge Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Wasiirka cusub ee Arrimaha gudaha oo eedeyn lagu bilaabay isaga oo aan weli qadeyn!! appeared first on Caasimada Online.
  6. Wasiirkii arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshisiinta xukuumadda Federaalka, Cabdi Faarax Juxa ayaa ka hadlay xil ka qaadistii lagu sameeyay iyo sida uu ku ogaaday in xilka laga qaaday. Juxa ayaa sheegay in isaga oo ku socda garoonka Aadan Cadde si uu u agaasimo booqasho uu madaxweynaha Puntland ku imaanayo Muqdisho uu idaacadaha ka maqlay in xilka laga qaaday. Waxa uu u mahadceliyey Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo cid walbo oo la shaqeysay. “Waxaan saaka aniga oo Airport-ka u socda, si aan u agaasimo booqashada Madaxweynaha ee Puntland, idaacadda ka ogaaday in Xilkii Wasiirnimo layga qaaday, xilku waa meerto waana loo siman yahay, waxaan u mahadcelin Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Khayre oo igu sharfay inaan Xukuumaddooda ka mid noqdo” ayuu kusoo qoray bartiisa Facebook. Cabdi Faarax Juxa ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyay “Dalku waa Federaal, taladu waa wadaag, Dantuna waa isku tolan, xataa haddii fekerka lagu kala duwan yahay, raali gelin iyo Cafis dhammaan intii aan qoobka isaga istaagnay intaan xilka hayay feker ahaan iyo shaqo ahaanba” Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa xilkii ka qaaday wasiirada Arrimaha Gudaha, dibadda, warshadaha iyo ganacsiga. Goobjoog News Source
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Sacid Juxa ayaa ka hadlay xil ka qaadistii lagu sameeyey, wuxuuna qoraal soo dhigay bartiisa Facebook. Wasiir Juxa ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray: Waxaan saaka aniga oo Airport-ka u socda, si aan u agaasimo booqashada Madaxweynaha ee Puntland, idaacadda ka ogaaday in Xilkii Wasiirnimo layga qaaday. Xilku waa meerto waana loo siman yahay. Waxaan u mahadcelin Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Khayre oo igu sharfay inaan Xukuumaddooda ka mid noqdo. Waxaan ku dadaalay intaan xilka hayay inaan qabto wixii karaankay ah. Waxaan soo dhoweynayaa Wasiirka xilka igala wareegaya, waana ugu ducaynayaa in Ilaah Shaqada ku asturo. Waxaan bogaadinayaa dhammaan intii ila soo shaqaysay, gaar ahaan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Golihii Wasiirada aan ka midka ahaa, shaqaalaha Wasaaradda, Hay’adaha Caalamiga ah iyo dhammaan asxaabtii aan shaqada iyo Shaashadaha isku baranay. Dalku waa Federaal, taladu waa wadaag, Dantuna waa isku tolan, xataa haddii fekerka lagu kala duwan yahay. Raali gelin iyo Cafis dhammaan intii aan qoobka isaga istaagnay intaan xilka hayay feker ahaan iyo shaqo ahaanba. Guul iyo Gobanimo dhammaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Juxa ” anigoo isku diyaarinayo agaasimka Booqashada Madaxweynaha ee Puntland ayaa idaacadda ka ogaaday in Xilkii Wasiirnimo layga qaaday “ appeared first on Caasimada Online.
  8. Ra’isul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa saaka shaqada ka diray 3 wasiir, isla markaana magacaabay 3 kale. Wasiirka cusub ee la magacaabay ayaa kala ah: Arrimaha dibadda Amb Axmed Isse Awad, wasiirka cusub ee ganacsiga iyo warshadaha Mohamed Cabdi Hayir Mareye iyo wasiirka cusub ee arrimaha gudaha iyo federaalka Cabdi Mohamed Sabriye. Akhriso: Taariikh Nololeedka Wasiirada Cusub Ee La Magacaabay Taariikhda Mudane Axmed Ciise Cawad: Axmed Ciise Cawad, waxaa uu dhashay 1955-tii, waxbasrahadiisa jaamacadeed heerka 1aad waxaa ka dhameeyay Concordia University Montreal, halka Master uu ka sameeyay Institute of Peace and security Studies ee Adis Ababa University, waxaa uu sidoo kale PHD Candidate ka yahay Sudan University of Science and Technology, Khartoum. Ambassador Axmed Ciise Cawad, Waxaa uu ka soo shaqeeyay meel badan sida 2006-2015 waxaa uu ahaa sarkaal ka tirsan UN-ka isagoo ka shaqeeyay UNMIS iyo UNAMID oo kala ahaa Koofurka Suudaan iyo Darur. 2015-kii wixii ka dambeeyay waxaa uu ahaa safiirka Soomaaliya ee dalka Mareykanka. January 4, 2018, Waxaa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda. Taariikhda: Maxamed Cabdi Xayir Maareeye: Maxamed Cabdi Xayir Maareeye waxaa uu ka soo jeedaa gobollada waqooyiga Soomaaliya, waxaa uu muddo dheer ahaa ganacsade. Shirkii Mbagathi kadib, waxaa uu noqday Xildhibaan, sidoo kale wasiirka warfaafinta ayuu ka ahaa xukuumaddii Cali Maxamed Geedi. 2012-kii, Waxaa uu ka mid ahaa Xildhibaannada ugu saameynta badnaa, kadib 2 January 2015, waxaa loo magacaabay wasiirka warfaafinta ee xukuumaddii Cumar Cabdirashid December 10, 2016: Wasiir Maareeye oo ku guuleystay Kursiga Xildhibaannimo ee golaha shacabka ee Doorashada ka dhacday Muqdisho. January 4, 2018: Waxaa loo magacaabay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Taariikhda: Cabdi Mohamed Sabriye Mudane Cabdi Mohamed Sabriye waxaa uu ku dhashay Dhuusamareeb 1957-dii, isaga oo waxbarashada hoose ku qaatay ( Matabaan), dhexe (Dhuusamareeb) iyo Sare (Galkacyo), kadib waxaa Jaamacadda heerka 1aad kuliyadda Injineeriga ka dhameeyay Gaheyr isaga oo Master ka qaatay Newcastle University. Dhanka shaqada: Mr. Cabdi Mohamed Sabriye, sanadihii 1982-1990-kii, waxaa uu ka shaqeyn jiray wasaaradda howlaha guud, wakaaladda dhismaha. 1994: Waxaa uu ka shaqeeyay ururka midowga Afrika, waaxda guriyeyta iyo bey’ada, waxaa kale oo uu muddo ka shaqeynayey UNDP. 1994-2018: Waxaa uu ahaa ganacsade. January 4, 2018: Waxaa loo magacaabay Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Cabdi Mohamed Sabriye. Xigasho: Idaacadda Goobjoog Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso: Taariikh Nololeedka Wasiirrada cusub ee Cawad, Maareeye iyo Sabriye appeared first on Caasimada Online.
  9. Wasiirkii arrimah gudaha iyo federalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa soo dhoweeyay xilka ka qaadista lagu sameeyay iyo wasiirka cusub ee lagu badelay. Qoraal uu gor dhowayd soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu wasiir Juxa ku sheegay xilku inuu yahay islamarkaana wuxuu u mahad celiyay madaxweyne Farmaajo iyo Raysal Wasaare oo xilkaas ku aaminay markii hore. Halkaan hoose ka akhriso warbixintiisa uu shacabka la wadaagay. Waxaan saaka anigaa Airport-ka u socda, si aan u agaasimo booqashada Madaxweynaha ee Puntland, idaacadda ka ogaaday in Xilkii Wasiirnimo layga qaaday. Xilku waa meerto waana loo siman yahay. Waxaan u mahadcelin Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Khayre oo igu sharfay inaan Xukuumaddooda ka mid noqdo. Waxaan ku dadaalay intaan xilka hayay inaan qabto wixii karaankay ah. Waxaan soo dhoweynayaa Wasiirka xilka igala wareegaya, waana ugu ducaynayaa in Ilaah Shaqada ku asturo. Waxaan bogaadinayaa dhammaan intii ila soo shaqaysay, gaar ahaan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Golihii Wasiirada aan ka midka ahaa, shaqaalaha Wasaaradda, Hay’adaha Caalamiga ah iyo dhammaan asxaabtii aan shaqada iyo Shaashadaha isku baranay. Dalku waa Federaal, taladu waa wadaag, Dantuna waa isku tolan, xataa haddii fekerka lagu kala duwan yahay. Raali gelin iyo Cafis dhammaan intii aan qoobka isaga istaagnay intaan xilka hayay feker ahaan iyo shaqo ahaanba. Guul iyo Gobanimo dhammaan. Puntlandi.com
  10. The closely watched dispute between a Somali girl and a Czech secondary medical school that forbade her to wear hijab will end at the Supreme Court (NS), since she filed a petition for an appellate review in reaction to the dismissal of her lawsuit by lower-level courts, CTK has found out. Source: Hiiraan Online
  11. U.S. President Donald Trump has made nearly 2,000 false or misleading claims since he took office, The Washington Post reported Tuesday. Source: Hiiraan Online
  12. Ra’isul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa saaka shaqada ka diray 3 wasiir, isla markaana magacaabay 3 kale. Wasiirka cusub ee la magacaabay ayaa kala ah: Arrimaha dibadda Amb Axmed Isse Awad, wasiirka cusub ee ganacsiga iyo warshadaha Mohamed Cabdi Hayir Mareye iyo wasiirka cusub ee arrimaha gudaha iyo federaalka Cabdi Mohamed Sabriye. Akhriso: Taariikh Nololeedka Wasiirada Cusub Ee La Magacaabay Taariikhda Mudane Axmed Ciise Cawad: Axmed Ciise Cawad, waxaa uu dhashay 1955-tii, waxbasrahadiisa jaamacadeed heerka 1aad waxaa ka dhameeyay Concordia University Montreal, halka Master uu ka sameeyay Institute of Peace and security Studies ee Adis Ababa University, waxaa uu sidoo kale PHD Candidate ka yahay Sudan University of Science and Technology, Khartoum. Ambassador Axmed Ciise Cawad, Waxaa uu ka soo shaqeeyay meel badan sida 2006-2015 waxaa uu ahaa sarkaal ka tirsan UN-ka isagoo ka shaqeeyay UNMIS iyo UNAMID oo kala ahaa Koofurka Suudaan iyo Darur. 2015-kii wixii ka dambeeyay waxaa uu ahaa safiirka Soomaaliya ee dalka Mareykanka. January 4, 2018, Waxaa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda. Taariikhda: Maxamed Cabdi Xayir Maareeye: Maxamed Cabdi Xayir Maareeye waxaa uu ka soo jeedaa gobollada waqooyiga Soomaaliya, waxaa uu muddo dheer ahaa ganacsade. Shirkii Mbagathi kadib, waxaa uu noqday Xildhibaan, sidoo kale wasiirka warfaafinta ayuu ka ahaa xukuumaddii Cali Maxamed Geedi. 2012-kii, Waxaa uu ka mid ahaa Xildhibaannada ugu saameynta badnaa, kadib 2 January 2015, waxaa loo magacaabay wasiirka warfaafinta ee xukuumaddii Cumar Cabdirashid December 10, 2016: Wasiir Maareeye oo ku guuleystay Kursiga Xildhibaannimo ee golaha shacabka ee Doorashada ka dhacday Muqdisho. January 4, 2018: Waxaa loo magacaabay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Taariikhda: Cabdi Mohamed Sabriye Mudane Cabdi Mohamed Sabriye waxaa uu ku dhashay Dhuusamareeb 1957-dii, isaga oo waxbarashada hoose ku qaatay ( Matabaan), dhexe (Dhuusamareeb) iyo Sare (Galkacyo), kadib waxaa Jaamacadda heerka 1aad kuliyadda Injineeriga ka dhameeyay Gaheyr isaga oo Master ka qaatay Newcastle University. Dhanka shaqada: Mr. Cabdi Mohamed Sabriye, sanadihii 1982-1990-kii, waxaa uu ka shaqeyn jiray wasaaradda howlaha guud, wakaaladda dhismaha. 1994: Waxaa uu ka shaqeeyay ururka midowga Afrika, waaxda guriyeyta iyo bey’ada, waxaa kale oo uu muddo ka shaqeynayey UNDP. 1994-2018: Waxaa uu ahaa ganacsade. January 4, 2018: Waxaa loo magacaabay Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Cabdi Mohamed Sabriye. Goobjoog News Source
  13. MOGADISHU (Pi) – Somalian Prime Minister Hassan Ali Khaire has sacked his ministers for foreign affairs, the interior and commerce, replacing them with newcomers, the government said on Thursday, as it battles an Islamist insurgency. Somali government has been criticized for failing to stem attacks by al Shabaab militants. Foreign affairs minister Yusuf Garaad Omar, interior minister Abdi Farah Said Juha and the commerce and labor minister Khadra Ahmed Duale had been relieved of their duties, the information ministry said in a statement. Here are New ministres BREAKING: Somali Ministers for Foreign Affairs (Yusuf Garaad Omar), Interior & Federal Affairs (Abdi Farah Juha), and Trade and Industry (Khadra Ahmed Duale) sacked: It was replaced: 1) Ambassador Ahmed Isse Awad, Minister of Foreign Affairs, 2) Minister of Interior Mohamed Sabriye 3) Minister of Comnerce Mohamed Abdi Maareeye Puntlandi news disk Mogadishu
  14. Mogadishu (HOL) - Somali prime minister Hassan Ali Khaire on Thursday fired three ministers, bringing the total number of sacked Ministers in his government to four since they came to power last year. Source: Hiiraan Online
  15. Maanta oo ah Khamiis, taariikhdu ay tahay 4-ta January sannadka 2018, oo aan xalay aniga iyo Wasiiru Dowluhu ku daahnay howl uu Ra’iisal Wasaaruhu ii xil saaray in aan maanta soo hor dhigo Golaha Wasiirrada, ayaa qof saaka iga soo wacay dalka Mareykanku uu ii sheegay in xilka la iga qaaday. Ka dibna waxaan telefoon u diray oo aan ka hubsaday Wasiirka Warfaafinta oo aan weydiiyay in warkaas idaacadda Qaranka laga sii daayay. Wuuna ii xaqiijiyay. Ra’iisal Wasaaraha inkata oo aan wacay iima suurta gelin in aan wadahadalno marka aan daabacayo sadarradan. Waan xusuustaa in hadda ka hor uu Madaxweynuhu igu yiri afar sano waan isla dhammeysaneynaa. Niyad wanaag ayaan uga arkay laakiin kama rumeysan. Umana heysan in uu damcay in aanuu run ii sheegin. Laakiin waxaan ogaa in ay u badan tahay in aanay suurta gal noqon. Ugu horreyn, si buuxda ayaan u aqbalay xil ka qaadista. Marka xiga, Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, waxaan uga mahadcelinayaa in aniga oo aan midkoodna weydiisan ay bishii March 2017 Soomaali oo dhan ay aniga iga soo xuleen, ka dibna ay ii magacaabeen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dalkeyga, markaas oo aan noqday Wasiir Arrimo Dibadeed oo aan dalka dibaddiisa looga yeerin ee isaga oo caasimadda jooga oo Dowladda u shaqeeya la magacaabo. Waa qaddarin, mudnaan, sharaf iyo aamminaad aad u weyn. Waan ka mahadcelinayaa. Waxaa kale oo aan uga mahadcelinayaa wada shaqeynta iyo qaddarinta aan ka helay xilligii aan xilka hayay. Inkasta oo aan ahaa nin ay Soomaali badani taqaan, aan ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya xarunta Qarammada Midoobay ee New York, haddana Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha midkoodna 2017 ka hor ma aynaan wada shaqeyn. Xiriir dhowna ma aynaan lahayn. Sidaa darteed saaxiibbada kalsooni ay ku qabaan aqoonteyda, khibraddeyda iyo daacadnimadeyda dartood ka dhaadhiciyay in ay aniga ii xushaan Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyagana waan u mahadcelinayaa. Xataa waxaan u mahadcelinayaa kuwa laga yaabo in aanay raalli ka ahayn in la i magacaabo, karayna in ay is hor taagaan magacaabisteyda laakiin aan sidaas sameyn. Mahad weyn waxaan u jeedinayaa Baarlamaanka Soomaaliya ee ansixiyay magacaabista Golaha Wasiirrada aan ka midka ahaa. Waxaa kale oo aan Baarlamaanka labadiisa aqal iyo Guddiyadooda Arrimaha Dibadda uga mahadcelinayaa wadashaqeynta iyo xisaabtanka wanaagsan ee is qaddarintu ay ku dheehan tahay ee ay ila yeesheen intii aan xilka hayay. Guddoomiyayaasha labada aqal oo ah laba mas’uul oo aan xushmad badan u hayo ugana dambeeyo waayo aragnimadooda waxaan iyagana uga mahadcelinayaa taageerada ay ii muujiyeen si aan xilkeyga u guto. Waxaanan illoobi karin, Danjirayaasha, diblomaasiyiinta iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee sida hagar la’aanta ah u gudanaya waajibaadka Qaran ee saaran. Waa ciidan Soomaaliyeed oo filiqsan dalka Dibaddiisa iyo gudihiisa oo aan qoryo iyo rasaas ku hubeysneyn ee qalinkooda, aqoontooda iyo niyaddooda birta ah ku daafacaya danaha dadka iyo dalka inta bandanna aan helin qaddarinta ay Qaranka ka mudan yihiin. Wasiiru Dowlaha Cabdulqaadir Axmed Kheyr iyo Wasiir ku xigeenka Mahad labadaba waxaan uga mahadcelinayaa wadashaqeynta wanaagsan ee kalsoonida, xushmadda iyo qaddarinta iyo nadiifnimada ku dhisan. Waxaan u mahadcelinayaa oo kale Golaha Wasiirrada oo dhammaantood ay naga dhaxeyso wadashaqeyn iyo is qaddarin. Ma illoobi karo, dhallinyarada naftood hurayaasha ah ee ka tirsan ciidammada Qaranka oo maalin iyo habeen, soo jeed iyo aniga oo hurda amnigeyga ka mas’uulka ahaa. Waxaan xusuustaa markii ay runtu timid ee qarax culus lala beegsaday meel aan ka fogeyn Wasaaradda Arrimaha Dibadda 14-kii Oktoobar, in iyada oo mid wiilasha ka mid ahi uu qaraxa ku dhintay, anigana uu firir yari i soo gaaray oo dhiigeygu baxayo, baabuurna aanuu dhaqaaqi karin, in ay ka shaqeeyeen in aniga iyo laba Wasiir oo marti ii ahaa ay lug nooga saaraan Wasaaradda. Inta aan xusay oo dhan, oo uu Madaxweynuhu ugu horreeyay, uguna dambeeyeen ciidanka i ilaalinayay, midkoodna dhaliil la’aan ma aha. Waxaanse aamminsan ahay in ay isku waajib iyo ujeeddo yihiin. Taas oo ah in inta tabartood iyo garaadkooda ah ay ka shaqeynayaa in uu Soomaali kastaa nabad iyo sharaf haysto, nolol wanaagsanna uu ku nollaado. Ilaaheey waxaan ka baryayaa in uu ujeeddadaas nagu wada guuleeyo. Shacabka Soomaaliyeed ee sharafta badanna waxaan ka codsanayaa in ay Madaxda, shaqaalaha Dowladda iyo ciidanka ay gacan ku siiyaan u adeegidda Qaranka. Waxaan ku faraxsan ahay in aanan dheg u dhigin madaxda iyo dadka damcay in ay igu qalqaaliyaan in aan ku milmo arrimo aan mar iyo laba keliya hayan oo Dowladda iyo qabiil ka dhexeeyay oo aanan labada dhan midkoodna aanan raalli ka ahayn sida ay wax ku wadaan, aniguna aan Soomaalinnimadeyda, sumcaddeyda iyo aakhiradeyda dartood aan uga dhowrsaday. Waxaan u mahadcelinayaa Soomaalida inta aan xilka hayay in dhiirri gelisay iyo kuwa talooyinka wanaagsan i siiyay. Waxaanan aqoon si aan ugu mahadceliyo dadka Soomaaliyeed ee qaddarin Qarankooda loo hayo darteed la igu sharfay caasimadaha adduunka iyo fagaarayaasha diblomaasiyadeed ee caalamiga ah. Waxaan dar Allah, cafis ka dalbayaa qof kasta oo waajib iga saarnaa oo aan ka gaabiyay. Waxaan cafiyay cid kasta oo intii aan xilka hayay danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed awgood ama xataa in ay xil noo dhex ah iga riixato darteed ii xamatay ama ii cambaareysay. Waxaan Mahadda ugu ballaaran u jeedinayaa xaaskeyga Yasmin, oo dal jacayl igu garab istaagtay iyo dulqaadka iyo samirka ay ii muujisay si aan dalka ugu adeego iyada oo xaaladda dhaqaale iyo midda amniba ay adag yihiin. Waxay u dul qaadatay in magaalada ay deggan tahay aan afar jeer ka beddesho dayaarad aniga oo aan soo dhaafin airporka. Ugu dambeyntii waxaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha kula dardaarmayaa in si ay siyaasaddeenna dibaddu ay u caga dhigato ay xaqiijiyaan in aan lagu fududaan beddelaadda Wasiirka cusub ee ay u magacaabeen Wasaaradda, isaga iyo mas’uuliyiinta kale ee Wasaaraddana lagu xurmeeyo howshooda. W/Q:- Yusuf Garaad DHAMAAD PUNTLAND POST The post Yuusuf Garaad “Ra’iisul wasaarahu waxa uu xilka iga qaaday isaga oo howl qaran ii diray” appeared first on Puntland Post.
  16. Wasaaaradda Degaanka, Duur-joogta yo Dalxiiska dowladda Puntland ayaa Maanta War ka soo saaraysa ka ganacsiga iyo iibsiga Xayaanka Diinka, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in degaanno kamid ah Puntland uu ka socdo u gaarsiga Diinka. Wasaaradda Degaanka Puntland ayaa la filayaa inay ku dhawaaqdo tilaabooyin looga hortagayo ugaarsiga Diinta, iyadoo la kaashanaysa wasaaradda amniga Puntland iyo ciidanka nabad gelyada Degaanka. Inkastoo illaa iyo haatan aan lasoo sheegin meel kamid ah Puntland uu ka socdo ugaasriga Diinka, ayaa haddana wasaaraddu waxay kasii hortagaysaa in xaaluf loo geysto Diinka, oo kamid ah xayawaanada Eebbe ku manaystay dhul weynaha Puntland. Ka ganacsiga Diinta ayaa si weyn looga dareemay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyadoo aaanay jirin maamulo awood leh oo xakameeya in Diinka laga ganacsado, Waxaana suuqa ugu weyn ee iibka Diinka uu haatan ka socdaa magaalada Muqdisho. Puntlandi.com
  17. Siyaasadda Dowladda Imaaraadka Carabta; ee Waddamada tabarta yar, waxaa ay u muuqataa mid uga faa’deysaneyso si ay uga hesho danaheeda gaarka ah.Siyaasadda Dowladda Imaaraadka Carabta; ee Waddamada tabarta yar, waxaa ay u muuqataa mid uga faa’deysaneyso si ay uga hesho danaheeda gaarka ah. Dalalka Soomaaliya iyo Yemen waxaa ay ka mid yihiin Waddamada Jaamacadda Carabta,haddana waxa lagu tiriyaa kuwa ugu taagta daran,marka laga eego dhinaca dowladnimada iyo qaab-dhismeedka siyaasadeed. Dowladda Imaaraadku waxa ay Sucuudiga sanadkii 2015;kii la gashay dagaalkii loogu yeeray Duufaanta ee lagu qaaday Yemen,markii Xuuthiyiintu qabsadeen inta badan Waqooyiga Yamen.Sucuudiga oo ka didsan Shiicada ayaa sameeyay isbahaysi ay Soomaaliya qayb ka tahay, kaas oo ka dhan ah Xuuthiyiinta Yamen ayeeshee waxa kala duwan kaalinta iyo ujeeddooyinka labada dal Sucuudiga iyo Yemen ee ku wajahan Jamhuuriyadda Jabtay ee Yemen; waxaana u dhaxeeya farqi weyn. Sucuudigu; waxa uu sameeyey Isbahaysi, waxa uu isku duba riday Waddamada howlgalka kala qeybgelaya oo uu Imaaraadka ka midyahay,kuwaas oo shaqadoodu tahay in Xuuthiyiinta Cirka laga duqeeyo oo aan dhulka la tagin, balse Imaaraadka ciidan Milatari ah ayaa ka joogaa dhulka Yemen; gaar ahaan Koofurta oo ay Cadan ugu horreyso.Waxa ay sameeyeen Golaha KMG ah ee koofurta Yemen (STC),waxaana ay u dhiibeen Nin lagu magacaabo Caydaruus Al Zubeydi .Al Zubeydi; Gaashaanle Sare Cayduruus Azubeydi; Waa siyaasi hoggaamiya maleeshiyo u imaaraadku ku tababaray hab ciidan, kuna fuliyo danihiisa Koofurta Yamen Waxaa ay u tababareen Ciidamo farabadan oo gacanta ku haya maamula Koofurta Yemen,waxa uu maamulaa dhamaan maamulka Xarumaha dowliga ah ee Koofurta oo ay ka talin jirtay Xukuumaddii dibad joogga ahayd ee Cabdu Rabbuu Mansuur Haaddi, Al Zubeyddi; waxa uu ka mid ahaa dowladdii Haaddi ee Xuuthiyiinta u diiday Cadan,waxaana Al Zubeydi iyo Wasiiru dowlihii Madaxtooyada la eryay kaddib markii dowladda Cabdu Rabbu; ogaatay in ay xiriir la leeyihiin Imaaraadka islamarkaana damacsanyihiin afgambiga hadda dhacay. Imaaraadku waxa ay diideen in Garoonka Diyaaradaha iyo Dekadda Cadan ay ka degaan xubnaha taageersan Cabdu Rabbu Mansuur,waxaana dadka loo diiday ka degidda garoonka iyo adeegsiga dekedda ka mid ahaa wiilka Cabdu Rabbu Mansuur, sidaas awgeed Cabdurabu Mansuur; ayaa Xukuumadda Dubai ku eedeeyay in ay u dhaqmayaan sida dowlad gumeysi ee aysan u dhaqmeyn sida Dowlad caawinaad. Al-Zubeyddi; waxaa lagu eedeeyay in uu lacag iyo Ciidan badan ka helay Imaaraadka si ay u la wareegto Jasiiradda جزر سقطرى ee Yemen iyo Soomaaliya ay ku muransanyihiin,taas oo u dhaxeysa Badweynta Hindiya iyo Dekadda Cadan. Olaha Dhaqangelinta siyaasadda cuuryaaminta dekedaha Deriska la ah dekedda Jabal Cali ee Imaaraadka Imaaraadku labadii Sano ee la soo dhaafay waxa uu la wareegay dekado ku yaallaLiibiya,Eritrea iyo Soomaaliya,waxa uu doonayaa in dekadahaas aysan tartan la gelin dakaddiisa Jabal Cali; oo adeegsiga ugu badan hadda lagu sameeyo.Sidoo kale ujeedada 2;aad ee Imaaraadka ka leeyahay Yemen ayaa ah in Koofurta ka dhalato dowlad Madaxbanaan oo Imaaraadka xulufo la ah,waxaana socda qorshe lagu sameynayo Baarlamaan arrintaas go’aamin kara oo ka kooban 300 xubnood kuwaas oo ay soo xuli doonaan Golaha KMG ah ee Koofurta Yemen. Dhinaca Soomaaliya, waxaa ay si uun uga duwan tahay Yementa koofureed, sababta oo ah Imaaraadka Saraakiisha Ciidanka ka jooga Soomaaliya waxa ay tababaraan Ciidamada Soomaaliya,waxaana ciidamadaas la sheegay dhowr jeer in aysan daacad u ahayn dowladda Federaalka ah islamarkaana ka amar qaataan talisyo kale.12; kii October 2017; waxaa xilka taliyaha Ciidanka xoogga dalka iska casilay Jen. Maxamed Axmed Jimcaale (Cirfiid),iyada oo dood badan ka taagneyd is casilaaddiisa iyo waxyaabaha sababay ayaa Xildhibaan ka tirsan aqalka sare sheegay in Taliyuhu isu casilay kaddib markii Ciidamada Imaaraatku tababaray loo diiday in ay isaga ka amar qaataan. Waa ciidan hubeysan howlgallana ka fuliya Muqdisho,wixii ugu dambeeyay ee ilaa hadda taagan waxa ay tahay howlgalkii laga fuliyay Guriga Sanator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo warar la isla dhexmarayo sheegayaan in ay fuliyeen Ciidamada Imaaraadku tababaray.Madaxtooyada ayaa amar ku bixisay in la xiro Saraakiisha iyo Ciidamadii weeraray Guriga Sanatar Cabdi,waxaana dowladdu sheegtay in 4;0 Askari iyo saraakiilba xirtay, hayeeshee ilaa hadda dowladdu ma sheegin cidda amarka bixisay!. 31;dii December 2017; Wargeyska al-sharq.com, ayaa qoray in Imaaraadku boqolaal Ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah oo u dhashay Colombia iyo Nepal dejiyay Dekadda Berbera si ay danihiisa dhinaca amaanka ah uga fuliyaan Waddamada deriska ah,si la mid ah Imaaraadku; waxaa uu tababarro siiyaa Ciidamada gaarka ah ee dowlad Goboleedyada,waxaana tababarradaas qaata Sharikadda FSG (Frontier Services Group), oo ay leeyihiin milkiilayaasha Sharikadda amaanka ee Black Water. Muqdisho waxaa ka howl gala sharikado badan oo dhinaca amaanka ah,kuwaas oo ajaanib iyo Soomaaliba ay leeyihiin,haddana si rasmi inta badan dadweynaha caadiga ah si dhab ah ugama warhayaan howlaha ay qabtaan,waxaana Magaalada lagu arkaa Ciidamo dhar iyo gaadiid kala duwan wata oo uu u muuqada sida in ay bixiyaan adeeg dhanka nabadgelyada ah (Security Service) Bishii November-2017; Ciidamo ku dhow 400; oo askari oo uu tababaray Imaaraadku ayaa Muqdisho tababar loogu soo xiray, waxaana la wareegay Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre; ma hubo in Ciidankaas lagu daray Milatariga Soomaaliya iyo In ay wali gooni u degganyihiin.Dowladda Soomaaliya waxaa ay qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaalida ah ku dhaliishaa in ay lacag ka helaan Dowlado shisheeye islamarkaana dano gaar ah ka leeyihiin Soomaaliya; dowaladahaas waxa kamid ah Isutagga Imaaraadka Carabta, hayeeshee dowladdu si toos ah uma abaarto.Sidaas daraadeed ma tahay in xukuumaddu jawaab ka bixiso su’aalo ay kamid yihiin:- 40;ka Askari ee weeraray Guriga Sanatar Cabdi Qeybdiid yaa tababaray? Hubka iyo dereyska yaa siiyay? Yey ka amar qaataan? Haddiiba ay dhab tahay in xukuumaddu xirtay, iyada ayay ka amar qaataan, oo waxa ay kamid yihiin ciidamada Soomaaliya? Yaa bixiya dhaqaalaha ay ku howlgalaan? Waa maxay faraqa u dhexeeya ciidanka Imaaraadku ka sameystay koofurta Yemen iyo kand uu ku haysto koofurta Soomaaliya? Awood intee la eg ayay xukuumadda Soomaaliya u leedahay in ay hab diblomaasiyadeed isaga maareyso Qorshaha Imaaraadka oo laga yaabo in uu leeyahay dhaqangal dhinacwalb? – Jasiiradda Suqdare waxa ay ku taal meel muhiim ah ahna istiraatiiji, waa halka ay badweynta Hindiya uga darmaann Badda Carbeed, Baabul Mandab; dhinaca xeebaha Mukalla, koofurta Yamen 300;km; Xeebaha Soomaaliyana 80; km W/Q: Adam Ibrahim Farax (Showqi) Waxa tifaftiray: Axmed Ciise Guutaale; Qalin-daarka: Sharqal awsat; Aljazeera, http://www.noonpost.org/ Mustaqbal Radio The post Damaca Imaaraadka ee Koofurta Yemen iyo Koofurta Soomaaliya! (Warbixin banaanka soo dhigtay halista kusoo wajahan Somalia) appeared first on Caasimada Online.
  18. Haddii aad qormadaan u akhrineyso in aad ka hesho war dowladda ama madaxda Qaranka dhaawaca fadlan halkan ku jooji. Maaddaama aad akhriska sii wadday waxaan u arkaa in aad dooneyso in aad dareenkeyga ogaatid. Maanta oo ah Khamiis, taariikhdu ay tahay 4-ta January sannadka 2018, aan xalay aniga iyo Wasiiru Dowluhu ku daahnay howl uu Ra’iisal Wasaaruhu ii xil saaray in aan maanta soo hor dhigo Golaha Wasiirrada, ayaa qof saaka iga soo wacay dalka Mareykanku uu ii sheegay in xilka la iga qaaday. Ka dibna waxaan telefoon u diray oo aan ka hubsaday Wasiirka Warfaafinta oo aan weydiiyay in warkaas idaacadda Qaranka laga sii daayay. Wuuna ii xaqiijiyay. Ra’iisal Wasaaraha inkata oo aan wacay iima suurta gelin in aan wadahadalno marka aan daabacayo sadarradan. Waan xusuustaa in hadda ka hor uu Madaxweynuhu igu yiri afar sano waan isla dhammeysaneynaa. Niyad wanaag ayaan uga arkay laakiin kama rumeysan. Umana heysan in uu damcay in aanuu run ii sheegin. Laakiin waxaan ogaa in ay u badan tahay in aanay suurta gal noqon. Ugu horreyn, si buuxda ayaan u aqbalay xilka aan Qaranka u hayay ee la iga qaaday. Marka xiga, Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, waxaan uga mahadcelinayaa in aniga oo aan midkoodna weydiisan ay bishii March 2017 Soomaali oo dhan ay aniga iga soo xuleen, ka dibna ay ii magacaabeen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dalkeyga, markaas oo aan noqday Wasiir Arrimo Dibadeed oo aan dalka dibaddiisa looga yeerin ee isaga oo caasimadda jooga oo Dowladda u shaqeeya la magacaabo. Waa qaddarin, mudnaan, sharaf iyo aamminaad aad u weyn. Waan ka mahadcelinayaa. Waxaa kale oo aan uga mahadcelinayaa wada shaqeynta iyo qaddarinta aan ka helay xilligii aan xilka hayay. Inkasta oo aan ahaa nin ay Soomaali badani taqaan, aan ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya xarunta Qarammada Midoobay ee New York, haddana Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha midkoodna 2017 ka hor ma aynaan wada shaqeyn. Xiriir dhowna ma aynaan lahayn. Sidaa darteed saaxiibbada kalsooni ay ku qabaan aqoonteyda, khibraddeyda iyo daacadnimadeyda dartood ka dhaadhiciyay in ay aniga ii xushaan Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyagana waan u mahadcelinayaa. Xataa waxaan u mahadcelinayaa kuwa laga yaabo in aanay raalli ka ahayn in la i magacaabo, karayna in ay is hor taagaan magacaabisteyda laakiin aan sidaas sameyn. Mahad weyn waxaan u jeedinayaa Baarlamaanka Soomaaliya ee ansixiyay magacaabista Golaha Wasiirrada aan ka midka ahaa. Waxaa kale oo aan Baarlamaanka labadiisa aqal iyo Guddiyadooda Arrimaha Dibadda uga mahadcelinayaa wadashaqeynta iyo xisaabtanka wanaagsan ee is qaddarintu ay ku dheehan tahay ee ay ila yeesheen intii aan xilka hayay. Guddoomiyayaasha labada aqal oo ah laba mas’uul oo aan xushmad badan u hayo ugana dambeeyo waayo aragnimadooda waxaan iyagana uga mahadcelinayaa taageerada ay ii muujiyeen si aan xilkeyga u guto. Waxaanan illoobi karin, Danjirayaasha, diblomaasiyiinta iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee sida hagar la’aanta ah u gudanaya waajibaadka Qaran ee saaran. Waa ciidan Soomaaliyeed oo filiqsan dalka Dibaddiisa iyo gudihiisa oo aan qoryo iyo rasaas ku hubeysneyn ee qalinkooda, aqoontooda iyo niyaddooda birta ah ku daafacaya danaha dadka iyo dalka inta bandanna aan helin qaddarinta ay Qaranka ka mudan yihiin. Wasiiru Dowlaha Cabdulqaadir Axmed Kheyr iyo Wasiir ku xigeenka Mahad labadaba waxaan uga mahadcelinayaa wadashaqeynta wanaagsan ee kalsoonida, xushmadda iyo qaddarinta iyo nadiifnimada ku dhisan. Waxaan u mahadcelinayaa oo kale Golaha Wasiirrada oo dhammaantood ay naga dhaxeyso wadashaqeyn iyo is qaddarin. Ma illoobi karo, dhallinyarada naftood hurayaasha ah ee ka tirsan ciidammada Qaranka oo maalin iyo habeen, soo jeed iyo aniga oo hurda amnigeyga ka mas’uulka ahaa. Waxaan xusuustaa markii ay runtu timid ee qarax culus lala beegsaday meel aan ka fogeyn Wasaaradda Arrimaha Dibadda 14-kii Oktoobar, in iyada oo mid wiilasha ka mid ahi uu qaraxa ku dhintay, anigana uu firir yari i soo gaaray oo dhiigeygu baxayo, baabuurna aanuu dhaqaaqi karin, in ay ka shaqeeyeen in aniga iyo laba Wasiir oo marti ii ahaa ay lug nooga saaraan Wasaaradda. Inta aan xusay oo dhan, oo uu Madaxweynuhu ugu horreeyay, uguna dambeeyeen ciidanka i ilaalinayay, midkoodna dhaliil la’aan ma aha. Waxaanse aamminsan ahay in ay isku waajib iyo ujeeddo yihiin. Taas oo ah in inta tabartood iyo garaadkooda ah ay ka shaqeynayaa in uu Soomaali kastaa nabad iyo sharaf haysto, nolol wanaagsanna uu ku nollaado. Ilaaheey waxaan ka baryayaa in uu ujeeddadaas nagu wada guuleeyo. Shacabka Soomaaliyeed ee sharafta badanna waxaan ka codsanayaa in ay Madaxda, shaqaalaha Dowladda iyo ciidanka ay gacan ku siiyaan u adeegidda Qaranka. Waxaan ku faraxsan ahay in aanan dheg u dhigin madaxda iyo dadka damcay in ay igu qalqaaliyaan in aan ku milmo arrimo aan mar iyo laba keliya hayan oo Dowladda iyo qabiil ka dhexeeyay oo aanan labada dhan midkoodna aanan raalli ka ahayn sida ay wax ku wadaan, aniguna aan Soomaalinnimadeyda, sumcaddeyda iyo aakhiradeyda dartood aan uga dhowrsaday marka laga reebo in aan talo ka bixiyay aan la iga dhegeysan laakiin mararka qaar ay aakhirku dani tiri. Waxaan u mahadcelinayaa Soomaalida inta aan xilka hayay in dhiirri gelisay iyo kuwa talooyinka wanaagsan i siiyay. Waxaanan aqoon si aan ugu mahadceliyo dadka Soomaaliyeed ee qaddarin Qarankooda loo hayo darteed la igu sharfay caasimadaha adduunka iyo fagaarayaasha diblomaasiyadeed ee caalamiga ah. Waxaan dar Allah, cafis ka dalbayaa qof kasta oo waajib iga saarnaa oo aan ka gaabiyay. Waxaan cafiyay cid kasta oo intii aan xilka hayay danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed awgood ama xataa in ay xil noo dhex ah iga riixato darteed ii xamatay ama ii cambaareysay. Waxaan Mahadda ugu ballaaran u jeedinayaa xaaskeyga Yasmin, oo dal jacayl igu garab istaagtay iyo dulqaadka iyo samirka ay ii muujisay si aan dalka ugu adeego iyada oo xaaladda dhaqaale iyo midda amniba ay adag yihiin. Waxay u dul qaadatay in magaalada ay deggan tahay aan afar jeer ka beddesho dayaarad aniga oo aan soo dhaafin airporka. Ugu dambeyntii waxaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha kula dardaarmayaa in si ay siyaasaddeenna dibaddu ay u caga dhigato ay xaqiijiyaan in aan lagu fududaan beddelaadda Wasiirka cusub ee ay u magacaabeen Wasaaradda, isaga iyo mas’uuliyiinta kale ee Wasaaraddana lagu xurmeeyo howshooda. Waxa iigu weyn ee aan ka kororsaday adeegga Qaran ee aan hayay waa in uu ii kordhay fahamka ciladda haysata Dowladnimada Soomaaliya. The post Qof Mareykanka joogo ayaa iisoo sheegay in xilka la iga qaaday, Yuusuf Garaad oo qormo xasaasi ah soo qoray appeared first on Caasimada Online.
  19. Wasiirkii arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay xil ka qaadistii lagu sameeyay, isaga oo tilmaamay in isaga oo wax war ah ka hayn ama aan lasii ogeysiin xilkaasi laga qaaday. Qoraal uu Garaad soo dhigay bar uu ku leeyahay Internetka ayuu ku sheegay in Ra’iisul wasaare Kheyre uu xalay u diray isaga iyo wasiiru dowladaha wasaaradda arrimaha dibadda howl, taasi oo la doonayey in lasoo hor dhigo shirka golaha wasiirada ee Todobaadlaha ah. Waxa uu sheegay Garaad in xilka laga qaaday in shaqsi Maraykanka jooga soo wacay una sheegay in xilkii laga qaaday, islamarkaana xiriir uu la sameeyay wasiirka Warfaafinta loo xaqiijiyey run ahaanshiyaha warkaasi. “Maanta oo ah Khamiis, taariikhdu ay tahay 4-ta January sannadka 2018, aan xalay aniga iyo Wasiiru Dowluhu ku daahnay howl uu Ra’iisal Wasaaruhu ii xil saaray in aan maanta soo hor dhigo Golaha Wasiirrada, ayaa qof saaka iga soo wacay dalka Mareykanku uu ii sheegay in xilka la iga qaaday, Ka dibna waxaan telefoon u diray oo aan ka hubsaday Wasiirka Warfaafinta oo aan weydiiyay in warkaas idaacadda Qaranka laga sii daayay. Wuuna ii xaqiijiyay. Ra’iisal Wasaaraha inkata oo aan wacay iima suurta gelin in aan wadahadalno marka aan daabacayo sadarradan” ayuu yiri Yuusuf Garaad. Sidoo kale, Yuusuf Garaad Cumar ayaa u mahadceliyey madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre oo markii horeba xilkaan u magacaabay, waxaana sidoo kale uu u mahadceliyey cid walbo oo la shaqeysay iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. Ugu dambeyn, Yuusuf Garaad ayaa kula dardaarmay madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, si ay u cago dhigato siyaasadda dibadda ee dalka in wasiirka cusub ee loo magacaabay wasaaradda arrimaha dibadda lagu fududaan in la bedalo. “Ugu dambeyntii waxaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha kula dardaarmayaa in si ay siyaasaddeenna dibaddu ay u caga dhigato ay xaqiijiyaan in aan lagu fududaan beddelaadda Wasiirka cusub ee ay u magacaabeen Wasaaradda, isaga iyo mas’uuliyiinta kale ee Wasaaraddana lagu xurmeeyo howshooda” Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa xilalkii ka qaaday Wasiirada Arrimaha dibadda, Gudaha iyo Warshadha iyo ganacsiga. Goobjoog News Source
  20. Boondheere waa mid ka mida degmooyinka ugu faca weyn eek u yaalla caasimadda waxayna ka koobantahay afar waaxood oo kala ah Yuusuf Al-kownwyn, Siinay, Daljirka Daahsoon iyo nasiib buundo. Waxaa ku yaalay safaaraddii Talyaaniga iyo Jarmalka oo markaasi kala ahaa bari iyo galbeed waana halka uu deganaa Kamaaludiin Saalax oo ahaa ergay ka socday qaramada midoobay una dhashay dalka Masar. Masaajidda ku yaallo boondheere waxay ka badanyihiin goobaha waxbarasho ee ku yaallo degmada waxayna gaarayaan 16 Masjid hal ka mida haatan mashaqeeyo waxaa uuna ahaa kii ugu horreeyay ee laga dhiso degmada waana Masjidka Afleershe. Iikar Miire Cabdulle reer Boondheere waxaa uu yiri “Masaajidka Afleyrshe waa Masjidka ugu horreeyay ee Boondheere dad noo dhisi lahaa hadaan heli laheyn in naloo dhiso ayaan jeclaan laheyn hadda waa baab’ahay” Wasaaradaha arrimaha gudaha warshadaha, boostada iyo isgaarsiinta, waxbarashada iyo mida caafimaadka oo loo aqoon jiray Isbitaal Raaf ayaa ahaa goobihii ay dadku u gali jireen safafka dhaadheer si ay u helaan adeeg dowladeed,hadaba side ayuu ku baxay magaca boondheere. Zeynab Yuusuf Wehliye Guddoomiyaha Degmada Boondheere ayaa tiri “ Waxaa igu maqaalo ah inuu ku baxay magacaan Boondheere waxaa joogi jiray nin dheer oo kabaha sameeyo marka ninkii ayaa loogu magic daray ayaa la yiri”. Degmada waxaa aay leedahay Iskuullo la yegleelay xiligii dowladdii dhexe oo ayna ku soo wax barteen dad badan oo reer boondheere ah waxayna ahaan jireen kuwo si bilaash ah wax looga baran jiray. Muriidi Cadow Cabdulle reer Boondheere “Waxaa ku yaalay degamada ilaa iyo todobo Iskuul waxaana ugu horreeyay Iskuulka Boondheere, Iskuulka Kacaanka, Iskuulka Sheekh Xasan Barsane, Iskuulka Yaasiin Cusmaan, Iskuulka Yuusuf Alkowneyn, Iskuulka wiil-waal iyo Iskuulka 12 October”. Degmada Boondheere xarumaha Taariikhiga ah oo ay leedahay waxaa ka mida Dal-jirka Daahsoon,Xaawo-Taako,Matxafka qaranka masaajidka Afleyre iyo kobo kale. Maxamed Cali Dhoore reer Boondheere “Waxaan u sheegaa inay taaladaan ay tahay taalo taariikhiya oo lagu xusayo dadka ciidamadii ahaan jiray ee aan la aqoonsan markii ay geeriyoodeen “. Boondheere waxaa ay leedahay hal-heysyo ay isticmaalaan dadka reer Boondheere una ah is afgarsho guud oo ay isku fahmaan . Maxamed Ciise Koonaa Source
  21. Iran ayaa golaha ammaanka ee qaramada midoobay u gudbisay dacwad taasi oo ay uga dacwooneyso Mareykanka inuu faro-gelin ku hayo arrimaheeda. Wakiilka Iran u fadhiya qaramada midoobay Gulaam Cali ayaa fariin u gudbiyey xoghayaha guud ee qaramada Midoobay António Guterres,isaga oo u sheegay in maamulka Mareykanka uu wado isku dayo balaaran ee lagu faro galinayo arrimaha gudaha ee Iran. Arrinaani ayaa imaanaya xilli aqalka cad uu sheegay in cuna-qabateyn lagu soo rogay dadkii ku lugta lahaa dibad-baxyo ka dhacay Iran iyo in lacaburiyey dadkii dibad-baxyaasha ahaa. Wakiilka Iran u qaabilsan qaramada midoobay ayaa dhanka kale sheegay in maalmihii ugu dambeeyay ay korortay maamulka Mareykanka uu hogaaminayo Donad Trump faro-gelinta qaawan oo uu ku hayo arrimaha gudaha Iran,isaga oo ku marmarsiyoonaya inuu taageero siinayo xukuumadda sidii look ala burin lahaa dibad-baxyaasha. Diba-baxyo ayaa waxaa ay ka dilaaceen maalmihii ugu dambeeyay magaalada ugu weyn Iran,iyaga oo dibad-baxyaasha ku fiday guud ahaan dalka. Source
  22. Wareegto kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa xilalkii looga qaaday wasiirkii arimaha dibada Yuusuf Garaad Cumar, wasiirkii arimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa iyo wasiirkii ganacsiga iyo warshadaha Qadra Axmed Ducaale, sida uu warbaahinta u shaaciyay Wasiirka warfaafintaEng C/raxmaan Yariisow. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa loo magacaabay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye waxaa loo magacaabay wasiirka arimaha gudaha halka wasiirka arimaha dibadda loo magacaabay Danjire Axmed Ciise Cawad. Wasiirada cusub ayaa lagu amray inay si dhaqso ah xilalkooda ula wareegaan, waxaana la sheegay in faafinta rasmiga ah lagu soo saari doono magacaabidda wasiirada cusub ee xukuumadda Soomaaliya. Puntlandi.com
  23. Xisbiga mucaaradka ee Turkiga ayaa madaxweynaha ugu baaqay inay baarlamanka baaraan hadal ay sheegtay mu’asaso diini ah, kaasi oo sheegaya inay suurto gal tahay in loo guuriyo gabdadha 9 sano jira iyaga oo lagu dabaqayo shareecada Islaamka. Arrintaani ayaa waxay dhalisay caro ka imaaneysay dhanka ururada haweenka waxayna ka wadaan baraha bulshada olole ka dhan hadalka ka soo baxay mu’asasad diiniga ah. Sharciga u yaallo Turkiga ayaa waxaa uu qorayaa in lagu guursan karo da’da 18 sano jir, sidoo kale sharciga ayaa u ogolaanayo in lagu guursan karo da’aada 16,17 haddii waalidiinta ay isku raacaan ay dhan maxkamadeed uu ka soo baxo amarka. Goobjoog News Source
  24. Muqdisho (Caasimada Online )-War saxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Mareykanka Afrika ee AFRICOM, ayaa waxaa lagu bayaaniyay weerar cirka ah oo diyaaradaha Mareykanka ay ka geysteen Gobolka Shabeellaha Hoose. Taliska ayaa war saxaafadeedka ku sheegay in duqeyntaasi ay dhacday 2-dii January 2018, waxaana lagu sheegay in qasdiga weerarka uu hirgalay. Duqeynta ayaa la sheegay inay ka dhacday deegaan 50-KM u jira magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, waxaana sidoo kale lagu dilay 2 maleeshiyo oo aad loo doon doonaayay. Waxaa lagu sheegay war saxaafadeedka in maleeshiyaadka la dilay ay saarnaayeen Gaari walxaha Qarxa ay saaran yihiin oo ku soo jeeday Muqdisho, kaasi oo isaguna la burburiyay. Waxaa kaloo lagu sheegay in diyaaradaha ay ka hortageen khatar ku soo wajahneyd shacabka Muqdisho, waxaana la burburiyay qalabka. Dhinaca kale, Duqeyntan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee ay diyaaradaha aan la wadin ay ka geystaan dalka Soomaaliya sanadkan cusub ee 2018, taasi oo uu fuliyo Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Mareykanka oo war cusub kasoo saaray tirada ay ku dileen Duqeyntii ugu danbeysay ee ka dhacday G/Sh/Hoose appeared first on Caasimada Online.
  25. Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Somalia, C/raxmaan Cumar Cismaan [Yariisow] ayaa sheegay in Raii’sul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Kheyre uu xilka qaadis ku sameeyay saddex wasiir oo ka tirsan xukuumadda, isla markaana lagu bedelay saddex wasiir oo kale. Wasiirrada xilalka laga qaaday ayaa waxay kala yihiin; Wasiirkii Arrimaha Dibadda, Yussuf Garad Cumar Axmed Wasiiraddii Ganacsiga iyo Warshadaha, Khadra Axmed Ducaale Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Cabdi Saciid Faarax (Juxa) Saddexda Wasiir ee lagu bedelay ayaa kala ah; Maxamed Cabd Xayir Maareeye, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Arrimaha Gudaha Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibadda PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somalia oo isbedel lagu sameeyay iyo Wasiiirro Xilalkoodii Waayay appeared first on Puntland Post.