Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mac-hadka cilmi-baarista siyaasadda ee Heritage ee ku yaala Muqdisho ayaa daraasad cusub kasoo saaray wax uu ku tilmaamay ‘gebi-dhaclaynta’ siyaasadda arrimaha dibedda ee dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna mac-hadka soo jeediyay tallooyin ‘wax-ku-ool ah’. Gefafkii Taariikhda Daraasadda waxaa lagu bilaabay gefafkii waaweynaa ee xagga dublamaasiyadda ee taariikhda ka dhacay Soomaaliya, waxaana tusaale loosoo qaatay in markii uu dhacay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya sanadkii 1977-dii. Waxaa daraasadda lagu sheegay in waraaqo sir ah oo uu faafiyay bogga seeri-afuufka ee Wiki Leaks uu soo bandhigay caddeymo ku saabsan in xulufadii Soomaaliya ee Sucuudiga, Liibiya iyo Yemen iyo xitaa Maraykanka ay la safteen Itoobiya, taasna ugu wacnayd gefkii dublamaasiyadeed ee ay gashay. “Taas waxa ay jabisay qabkii ama isla qabweyninkii Soomaalida, xukunkii kaligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre kama uusan soo kabsan dhibaatadii kasoo gaartay dagaalkii Itoobiya” ayaa lagu yiri daraasadda. QM oo loogu baaqay inay farageliso Suuriya Waddamada khaliijka oo iska kaashanaya la dagaalanka argagixisada Britain oo doonaysa inay bilawdo ‘bog cusub’ xiriirka dalalka Khaliijka “Qudha 40 sano kadib xilligaas, taariikhda ayaa u muuqata in ay markale dib ugu laabanaysa halkii, balse markan waa ay kasii walwal badantahay” ayay daraasadda intaas ku dartay. Khilaafka Khaliijka Daraasadda ayaa aad loogu lafo gurey in go’aankii dhexdhexaadnimada ee ay Soomaaliya ka qaadatay khilaafka dalalka Carabta ee xulufada Sucuudiga oo dhinac ah iyo Qatar oo dhinac. Waxaa lagu sheegay in ay dowladda Soomaaliya loo arkay in ay u janjeerto dalka Qatar, balse ay dad badan la yaabeen, waxa ay ugu xilatay Qatar, kuna lumisay kalsoonida dalalkii xulufada soo jireenka ahaa sida Sucuudiga, Imaaraatka iyo Masar. “Xitaa booqashooyinkii madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre ay ku tageen Riyadh iyo Dubai ma aysan soo hagaajin xiriirka xumaaday ee Soomaaliya iyo dalalkaas” ayaa lagu yiri daraasadda Heritage, oo intaas ku dartay in Sucuudiga uu Soomaaliya dib ugu soo celiyay 27 kun oo ari ah, xilli lagu dhowyahay munaasabadda Ciidda Carafada oo xoolaha la qalo. Waxaa xusid mudan in tallaabada Sucuudiga ay kusoo hagaagtay maalmo uun kadib markii dowladda Soomaaliya ay la safatay Sucuudiga markii ay is qabteen Canada, go’aankaas oo daraasadda ay ku tilmaamtay mid uu degdeg badan ka muuqday. Tallooyin Daraasadda waxaa lagu soo jeediyay tallooyin dhawr ah, waxaase ugu muhiimsan labo talo. Tan koowaad waa in siyaasadda arrimaha dibedda lagu dhiso wax loogu yeeray ‘dublamaasiyadda ganacsiga’ taas oo ah in go’aamada lagu saleeyo hadba danaha ganacsi ee Soomaaliya. Sucuudiga waxa ay dhoofsadaan inta badan xoolaha Soomaaliya, halka Imaaraatka uu yahay dalka ganacsiga ugu badan ay la leedahay Soomaaliya dalalka adduunka oo dhan. Daraasadda ayaa waxaa lagu sheegay in dhanka kale Qatar aysan jirin wax la taaban karo oo ka dhaxeeya, sidaasi oo ay tahay saamayn badan ay ku yeelatay dowladda Soomaaliya. Tallada labaad ayaa ah in inkasta oo dastuur ahaan dowladda dhexe xaq u leedahay dajinta siyaasadda arrimaha dibedda, haddane ay wanaagsanaan lahayd haddii ay la tashan lahayd dowlad goboleedyada iyo dadka kale ee saamiilayaasha dalka ah.
  2. Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku suganaa Magaalada Jabuuti ayaa Goordhow u duulay Dalka Turkiga. Madaxweyne Farmaajo ayaa casuumad rasmi ah ka helay Dhigiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan. Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu ka qayb geli doonaa kullanka Lixaad ee ay yeelanayaan golaha wakiillada ee Xisbiga haatan talada Dalka haya ee AK Part, shirkaasi oo dhici doono Bari 18-ka Augost. Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhaxeeya Xiriir aad u wanaagsan waxaana uu Madaxweyne Farmaajo kulan la qaadan Doonaa Madaxweyne Erdoğan. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale la kulmi doono Madax kala duwan kuwaasi oo ka qeeybgali doono shirkaasi. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo u duulay Dalka Turkiga appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame iyo xisbigisii ayaa lasoo warinaya in aaney weli aqbalin qorshaha socda ee la doonayo in lagu mideeyo xubnaha mucaaradka ku ah Dowlada hada jirta, sababaha uu uga gaabsaday ayaa lagu sheegay iney la xiriirto cida hogaamineya isbaheysiga. CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR Warsame wuxuu doonayay in isaga uu noqdo ninka hogaamiaya isbaheysiga mucaaradka, laakiin xubnaha Daljir iyo kooxdii Qabyo ayaa soo jeediyay inuusan Warsame hada boqolkiiba boqol ka gadmi karin bulshada Soomaaliyeed. Waxaa la sheegaya in Cadikariin Guuleed uu ku dadaalayay in mudo ah in CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR Warsame uu noqdo hogaamiyaha isbaheysiga mucaaradka. Xubnaha wada hadalada ku galay Nairobi iyo Ankara ayaa codkoodu u batay in Xasan Shiikh uu noqdo hogaamiyaha isbaheysiga si ku meel gaar ah inta laga dhameystiraayo dhismaha ururkaan. Wadajir iyo CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR Warsame ayaa la sheegay iney ka gaabsadeen qorshihii wax isku darsiga. Waxyaabaha ay xubnaha Daljir iyo Qabyo ku doodayaan waxaa ka mid ah in xisbiga WADAJIR uusan hal xildhibaan ku laheyn labbada Aqal ee Baarlamanka Somalia, sidaa darteed uusan u furneyn gor gortan weyn. CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR Warsame waxaa lagu tilmaamaa nin inta badan jcel inuu isagu kaligii wax maamulo. Caasimadda Online ayaa ogaatay in xisbiga WADAJIR uu ku qanacsanyahay qorshaha mucaaradka balse uu ka gaabsaday isbaheysiga hadii aan dalabkooda loo fulin karin. CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR Warsame ayaa mudooyinkaan is balaarin ku waday xisbigiisa isagoo xarumo uga furay dhowr wadan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. MOGADISHU (HOL) - The Somali government has announced on Friday that it plans to conduct a register all foreign nationals in the country. Source: Hiiraan Online
  5. MOGADISHU (HOL) - The Somali government plans to conduct a registration exercise of all foreign nationals in the country. Source: Hiiraan Online
  6. Ankara (Caasimadda Online)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socdo gaari doono Magaalada Ankara ee Caasimadda Dalka Turkiga. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa casuumaad ka helay dhigiisa Dalka Turkiga Erdogan. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doono xaana iskaashiga dhaqaalaha, amniga iyo maalgashiga. Sidoo kale waxaa laga casuumay shirka 6-aad ee caadiga ah ee Xisbiga talada Turkey haya AK Part. Madaxweyne Farmaaji iyo wafdigiisa oo hadda ku sugan Dalka Jabuuti ayaa halkaas kasoo duuli doono Saacadaha soo socdo. Madaxweyne Farmaajo ayaa safar uu ku joogo Jabuuti kulami kula qaatay madaxda ugu sareyso dalkaas iyadoo laga wada haay xiriirka labada dowladood.
  7. A public service vehicle travelling from Elwak to Mandera town has been attacked by gunmen, eyewitnesses said on Friday. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Taliyaha ciidanka hoggaanka ilaalinta canshuuraha iyo dhaqaalaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed General C/laahi Xasan Bariise, ayaa daboolka ka qaaday in Somalia ay ka xoroobeyso dhaqanka isku dhexyaaca ciidamada. General C/laahi Xasan Bariise oo la hadlay TV-ga Somali Cable ayaa sheegay in isku darka ciidamada labisan ee NISA iyo kuwa Booliska ay waxbadan ka bedeshay hanaanka amni ee magaalada Muqdisho. Waxa uu tilmaamay in laga gudbay isku dhexyaaca ciidamada xiliyada ay dhacayaan howlgalada, waxa uuna carab ***** in xiligaani uu wanaagsan yahay howlgalka maadaama la mideeyay labada ciidan. General C/laahi Xasan Bariise, waxa uu tilmaamay in markii magaalada gudaheeda ay ka wada shaqeyn jireen ciidanka Nabad Sugidda iyo kuwa Booliska uu imaan jiray isku dhac ciidanka dhexdooda ah, hase yeeshee iminka laga gudbay ciidankuna uu yahay hal ciidan oo qura. “Waxaan ka gudubnay isku dhacyada ciidamada NISA iyo kuwa Booliska ee gudaha magaalada, hadda ciidamadu waa hal jiho qura waxa ayna ku shaqeyn doonaan hal amar oo kaliya” Wuxuu sheegay ciidankii Nabad Sugidda ee magaalada ka hawlgali jiray qaarkood in la hoos geeyay Booliska, kana amar qaadanayaan Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Bashiir Cabdi Maxamed, arrintana ay keentay in la helo wada shaqeyn dhab ah oo ciidamda ay yeeshaan. “Shalay laba amar hadii ay bixi jirtay, maanta Hal amar ayuu ku soo wareegay amnigii oo Taliyaha ciidanka Booliska ayay ka amar qaadanayaan ciidankii Nabad Sugidda ee lagau biiriyay Booliska, hada waxaa u socda tababar xirfadeed, waxaan rajeynaa in amniga aan ku guuleysano, shacabka waxaan ka codsanayaa inay nagala shaqeeyaan sugidda amniga”. Waxa uu sheegay in dhibaatada ugu badneyd ee heysatay ciidamada ay aheyd isku dhaca, balse iminka leyskala gudbay, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale, General C/laahi Xasan Bariise, waxa uu sheegay in dowlada Somalia talaabadani laga doonaayay xili hore, hase yeeshee xiligan la doonaayo in la dhaqan galiyo keliya nidaamka loo bareeray. Haddalka General C/laahi Xasan Bariise,ayaa imaanaya xili ciidamada dowlada ay ku dagaalami jireen magaalada Muqdisho kuwaa oo kala taabacsanaa Hay’ado kala duwan oo is midab faquuqayay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. HORDHAC/GOGOL-DHIG Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay. Nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo. Intaa kabacdi aqristoow, kahor dhamaadkii bishii shanaad ee Maajo 2017-ka xiligii Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka loomagacaabay mudane: Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Soomaaliduse usoo gaabsato “Fahad Yaasiin”, ayaa agaasimihii hore ee xafiiska warfaafinta Raysalwasaarihii hore: C.C.C. Sharmaarke: Diraac Salaad Fagaase, wuxuu maqaal ciwaan uga dhigay: “Ar Fahad Yaasiin iigeeya!”. Ciwaankaa wuxuu dabayaallay ereyadii caan-baxay ee C/llaahi Maxamuud Cismaan (Daanyeeroow) ee ahaa: “Ar Farmaajo iigeeya!”. Waxaa ereyadaa lagucabirayey, awooda uu dowladan kudhex leeyahay Fahad Yaasiin. Mararka qaar waxaa lagu tilmaamaa, ninka ugu awooda badan dowladan, ama ugu yaraan mid ka mid ah, labada mas’uul ee ugu awooda badan dowladan, marka Madaxweynaha lagasoo taga, waa: Isaga iyo RW Kheyro’e. Sida muuqata wuxuu maamulka hadda jira iyo Madaxweyne Farmaajaba ujoogaa, meeshii uu mudane Faarax C/Qaadir ujoogay MD Xasan Sheekh Maxamuud iyo maamulkiisii. Rag badanoo xilal waayey oo afka furtay, waxeey si dadban ugu tilmaameen erayo yaab leh, sida:”Faraantiga Jinni ee Madaxweeynaha ugu jira!”. Qaar kale waxeey dheheen “Milkiilayaasha Dowlada”… iwm. Marka aad tilmaamahaa iskusoo wada duubto, waxaa nuxurkoodu yahay, inuu yahay nin awood badan ku dhexleh xukuumada maanta jirta. Dhanka kale qofka wanaagiisa waa looqiraa, oo lagama xasdo kartidiisa Allaah siiyey. Fahad Yaasiin waa nin aad siyaasada ugu galgal badan.Waxaa lagu sheegaa inuu qeyb aad uweyn kulahaa, inuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud jagadaa kusooboxo, illaa magaciisa lagusoo qaatay warbixintii Qaramada Midoobay, ee lagu sheegayey inuu dhaqaale malaayiin Doollar ah, ugakeenay MD Xasan Sheekh Maxamuud dalka Qatar, si uu tartanka ugu galo. Sababtu waxeey ahaataba, waa lakala booday isaga iyo MD. Xasan Sheekh Maxamuud, iyo kooxdiisii Damjadiid. Waxaa sidoo kale uu kaalin libaax ku lahaa, inuu mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) noqdo Madaxweynaha dalka. Madaxweeynaha hadda jirase ma noqon sidii MD Xasan Sheekh Maxamuud, oo lama kalaboodine weey isfahmeen. Madaxweynuhu aad ayuu usoo dhaweeyey, una magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya. Waxaa Fahad lagu sheegaa inuu yahay nin maamul-yaqaan ah, waana tan ugu muhiimsan tilmaamaha uu leeyahay. Waxaa mucaarad iyo muxaafidba wada qirayaan, inuu Madaxtooyada oo inta aan loo magacaabin aheyd meel isku dhexyaacsan, kadhigay meel leh maqaam Madaxtooyo. Tusaale ahaan; inta aan Fahad Yaasiin loomagacaabin Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, dadbaa iska dhexdaganaa qeybo badanoo Madaxtooyada kamid ah, markuu yimidse Madaxtooyada waxeey noqotey, meel eey Madaxweynaha iyo Qoyskiisa oo kaliya daganyihiin. Dhismayaashii shalay la iska daganaana, wuxuu kawada dhigay xafiisyo qalabeeysanoo lagu shaqeeyo, gaar ahaan Lataliyeyaasha Madaxweynaha oo xafiisyo loowaayey, ayaa xafiisyo kufilan una qalma loowada helay. Tusaalaha labaad; Waxaa sidoo kale jirtay, in Madaxweyneyaasha eey ballan la’aan isaga imaan jireen, loona galinjiray marka eey madaxda beesha caalamka, kuwa AMISOM, Odey-Dhaqameedyo, ganacsato, iyo Xildhibaano doonaya uyimaadaan, taa waxaa ugu dambeeysey maalintii Fahad Yaasiin lamagacaabay. Qurxinta bilicda, iyo qalabeynta madaxtooyadana weey usii dheereeyd. Intaa waa qeeybo kamid ah, waxa loogu qiray isbadalka lataabankaro ee uu Madaxtooyada kasameeyey. SAXAAFAD-AQOON AAN SAXAAFADA LAGU ARAG! “Saxaafada qofka yaqaan, kuma degdego” maxaayeelay iyadaa markeey doonto dadka iskiin tusta. Fahad Yaasiin waa xeel-dheele dhanka saxaafada ah. Wuxuu madax-sare ka ahaa taleefishinka caanka ah ee Al-Jazeera, oo uu madax uga ahaa xafiiskeeda Soomaaliya. Waxaa sidoo kale lawada ogyahay, sidii uu xilka uqabtay, waliba isagoo awood badan lagu xanto, hadana ma aha nin saxaafada kasoo dhex muuqda, iyadoo eey kuusii dheertahay, in dowladan si aan sax iyo cadaalad toona aheyn loogu dacaayadeeyo “Igusawir”. Fahad Yaasiin waa dadka daaha gadaashiisa wax kamaamuloo kashaqeeya, oo waxqabadkiisa uu uhadlo. Horaa Soomaalida waxeey utiri, “Dhurwaaga/Waraabaha kiisa qeeyliya, iyo kiisa aamusan, waxaa daran kiisa aamusan!”. Waa waxa ninkan aan la aragba, oo saxaafada aan kasoo dhexmuuqan, rag badan uga qeeyliyeen. XILKA KU-XIGEENKA AGAASIMAHA GUUD EE NISA! Wuxuu Shalaly oo ay taariikhdu ku began tahay 16-da August, 2018-ka Madaxweynaha u magacaabay Fahad Yaasiin kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabada-Sugidda Qaranka (NISA). Waxaa laga fahmayaa in hey’adan oo qas badan, iyo isqabqabsi uu kadhexjiro, Madaxweynuhu rabo in la isku toosiyo. Madaxweynaha oo la dhacsan qaab-maamulkii Fahad Yaasiin ee Madaxtooyada, uu sidaa ugu dhiibay xilkan. Waxaa laga rajo qabaa inuu si hufan umaamulidoono, isuguna dubadhiridoono. Waxa loobaahan yahay waa maamul xufan. Xirfada sirdoon saraakiisha aqoonta uleh ayaa qabanaya. Howshiisu waa maamul, hagid iyo hogaamin. Waxaa sidoo kale loobadinayaa inuu noqondoono Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-Sugidda Qaranka (NISA). Waa marka uu isaga diyaar unoqdo’e. Hadase wuxuu ubaahan yahay waa waqti uu kukala fahmo waxbadanoo NISA kusaabsan, malaha waana meesha uu sucdo. Waa hubaal inuu uqalmo xilka loo magacaabay.Hambalyo iyo guul ayaanu leenahay. Mahadsanidiin. Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor). Maamule-Kuxigeenkii hore ee Kulliyada Maamulka Iyo Dhaqaalaha, isla Kulliyadaana Macallin/Bare ka ahaa. Al-Madinah International University abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA.
  10. Thousands of book enthusiasts have thronged the annual Mogadishu Book Fair, which opened its doors to the public on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday inay dib ula soo baxeyso ciidamadii ka joogay xadka kala dhexeeya dowlada Eriterea. Dowladu waxa ay sheegtay in xal waara loo helay colaadii kala dhexeysay wadanka Eriterea isla markaana laga gaaray go’aan la xiriira in dib loo soo saaro ciidamada. Ciidamada Ethiopia ayaa xadka Eriterea ku sugnaa muddo 20 sana ah, kadib markii ay fogaatay colaada labada dal oo gaartay heer la kala qabsado dhulal baaxad leh. Go’aankan dawladda Ethiopia ay gaartay ayaa waxa uu ka dambeyay kadib marki ay Ethiopia iyo Eriterea colaaddi u dhaxeysay ay heshiis nabad galyo ku soo afjareen. Ciidamada Ethiopia ayaa ku sugnaa jiidaha hore ee deegaanada Buree, Zaalambass, Shiraaro iyo Baadme. Ciidamada Ethiopia ee laga soo saarayo xadka Eriterea ayaa tiradoodu kor u dhaafeysay 100,000 iyada oo ay tirada ciidamada marar badan isbeddeleysay. Sidoo kale, dowlada Eriterea waxa ay iyaduna dhankeeda ka sheegtay iney qaadeyso tallaabbo la mid ah tan ay Ethiopia qaadday oo ay ciidamadeeda ka qaadeyso xadka labada dal ay wadaagaan. Si kastaba ha ahaatee, shacabka labada dal ayaa aad usoo dhaweeyay go’aanka lagu kala qaadayo labad ciidan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Afgooye (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaarayo Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay markii ugu horeysay weerar ku qaaden Hoteel ku yaala degmada Baraawe. Weerarka ayaa la sheegay inuu ahaa mid gaadmo ah isla markaana ay maleeshiyada ku qaaden Hoteel aad u saxmad badnaa. Maleeshiyada ayaa la tilmaamay in Hoteelka ay ku garaacen Hubka noocyadiisa kala duwan, waxa ayna dadka deegaanka sheegen inay maqlayeen rasaasta ka dhaceysay gudaha degmada Baraawe iyo hareeraha Hoteelka. Dadka deegaanka waxa ay sheegen inaysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay weerarkaas maadaama ay aheyd xilli habeen ah. War kasoo baxay dhanka Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in xiliga weerarka ay Hoteelka degnaayen mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed. Maleeshiyada waxa ay intaa raacisay in Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan dowlada iyo kuwa AMISOM ay qeyb ka degan yihiin Hoteelka oo ay ku sifeeyen mid aad u mashquul badan. Sidoo kale, shabaab ayaa sheegtay in weerarka ay ku dishay ciidamo ku sugnaa Hoteelka oo xiliga weerarka uu dhacaayay tamashleynaayay. Dhinaca kale, dowlada Somalia iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaan wali ka hadal weerarka oo noqonaaya kii ugu horeeyay oo Shabaab ay ku qaado Hoteel ku yaala G/Sh/Hoose. Caasimada Online Xafiiska Afgooye Caasimada@live.com
  13. A big business in Somalia, the emerging e-commerce is generating thousands of jobs every year. Source: Hiiraan Online
  14. Mandera South MP Adan Kullow has claimed that security personnel on the Kenya-Somalia border accept bribes to allow terrorists into the country. Source: Hiiraan Online
  15. Adis Ababa (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed Cali, ayaa ku hanjabay inuu Gacan bir ah ku qaban doono xaaladaha amni darro ee ka taagan qaybo ka mid ah Dalkaasi, markii ay dhawaan hay’adaha u dooda xuquuqul Insaanka u soo jeediyeen inuu wax ka qabto qul-qulatooyinka jira. Maria Burnett, oo ah Agaasimaha hay’adda u doodda xuquql Insaanka (HRW) ee Bariga Afrika, ayaa sheegtay in dilalka Qowmiyadaha, gaar ahaan is ugaarsiga ka dhexeeya Soomaalida iyo Oromadu in ay ku beertay walaac aad u weyn. War Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in marxaladdan ay ku hayso walaac xooggan, wuxuuna ballan qaadan Abiy Axmed, inuu samayn doono dib u habayn xagga ammaanka ah. Human Rights Watch, ayaa faah-faahin ka bixisay rabshadihii u dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Jig-jiga, halkaas oo lagu dilay Dad Shacab ah, laguna boobay hanti, iyadoo Deb la qabadsiiyay Macbadyo iyo goobo kale, taasoo sabab u ahayd markii ay Ciidamada Federaalku xoog ku galeen xarumahii Dowlad degaanka. Tallaabadaas ayaa ka caraysiisay Ciidanka Liyuu Boolis oo daacad u ah Madaxweynihii hore ee DDSI, iyo Bar-baarta Heego, oo ah Dhallin yaro taabacsan Cabdi Maxamuud Cumar, kaas oo haatan ku jira Xabsi ku yaalla Addis ababa. Hay’adda ayaa sidoo kale ka hadashay rabshado ka dhacay Magaalada Dire-dhaba oo ay ku dhinteen 15 Qof oo Soomaali ah iyo dilal ka dhacay Shashabane, Tabe, Adama iyo degaanno kale, kuwaasoo intooda badan dhacay Bishan Augost. Dhinaca kale, waxaa haatan yaraaday xasaradihii ka dhex aloosnayd Soomaalida Itoobiya iyo Oromada, waxaana imminka billoowday in Kumanaan Qof oo kasoo cararay rabshadaha kuna sugnaa Waqooyiga Soomaaliya iyo jabuuti ay dib ugu laabtaan degaannadoodii hore. Caasimada Online Xafiiska Adis Ababa Caasimada@live.com
  16. Work is due to start this autumn and the total contract value is anticipated over US$30mln Source: Hiiraan Online
  17. Insecurity has once again gripped Somalia after recent attacks perpetrated by Islamist militant group al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
  18. Jabuuti (Caasimadda Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf aya ka hadlay xiriirka dalalka Soomaaliya ee Jabuuti, kadib booqasho uu dalkaasi ku tegay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo. Wasiirka ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti uu ahaan doono mid xoog leh ka sokow dib u dhicii dhowaan soo wajahay, wuxuuna intaas ku daray in socdaalka madaxweyne Farmaajo ku joogo Jabuuti iyo wadahadallada uu la leeyahay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay xaqiijinayaan xiriirka qotoda dheer ee labada dal. Arrintan ayaa soo baxeysa iyadoo wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Farmaajo ay maalintii labaad ku sugan yihiin dalka Jabuuti si xal loogu helo madmadow soo dhex galay labada dal oo yimid kadib socdaalkii Farmaajo ee dalka Eritrea iyo baaqiisii ahaa in Q/Midoobay ay cunaqabateynta ka qaado dalka Eritrea. Wararka laga helayo Jabuuti ayaa sheegaya in wadahadal toos ah u socdo madaxda labada dal ee Jabuuti iyo Soomaaliya iyadoo lagu wado in maanta gelinka danbe laga soo saaro War-murtiyeed. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com
  19. Mogadishu (HOL) - An Ethiopian based private airline has announced that it plans to start regular scheduled commercial flights to Mogadishu, Somalia as early as next week, according to the airline's management. Source: Hiiraan Online
  20. Mogadishu (HOL) - An Ethiopian based private airline has announced that it plans to start regular scheduled commercial flights to Mogadishu, Somalia as early as next week, according to the airline's management. The route would be the first of its kind between Somalia and Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Inta badan madaxda maamulada Somalia waxaa kusoo wajahan doorashooyin waxaana jirta walaac xooggan oo ku aaddan in Dowladda dhexe ay la timaado xubno ay gadaal ka riixeyso. Madaxda shanta maamul goboleed ee Somlia ayaa ku heshiiyay iney Hagbad ama Ayuuto sameystaan taas oo lagu caawinayo musharax kasta oo iyaga ka mid ah oo doorasho galaya. Maamul walba wuxuu bixin doonaa hal milyan oo dollar waxaana la siin doonaa musharaxa markaas doorashada galaya si uu ugu guuleysto inuu dib usoo noqdo. Shariif Xasan Shiikh Aadan oo Koonfur Galbeed maamula wuxuu noqon doonaa midka koowaad ee lacagtaa la siiyo madaama ay doorashadiisu soo dhowdahay. Arrintaan waxaa ka shaqeeyay xoghayaha guud ee golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada Cabdi Cali Rage, wararka ayaa sheegayaan in dhammaan madaxda maamuladu ay aqbaleen qorshahaan iskaashiga dhaqaale ee u sahalaya inuu mid walba dib usoo laabto markii la gaaro xiligiisa doorashada. Xogtu waxey intaaa ku dareysa in sidoo kale lagu heshiiyay in madaxweyne goboleedkii mooshin laga keenno la isugu dari doono min shan boqol oo kun oo dollar si uu mooshinka isaga difaaco. Arrintaan waxey muujineysa ayaa la lee yahay culeeska heysta madaxda maamulada Soomaaliya ka jira. Dadka deegaanka yo odayaasha dhaqanka ayaa badi damacsan is badalo laakiin waxaa ragga talada haya ka go`an iney boosaskooda kusoo laabtan. Hagbadda ay sameysteen shanta maamul goboleed ee ka jirta Somalia ayaa dhanka kale cules ku noqon karta qorshaha ay Dowlada federaalka ah ku raadineyso is badalo ka dhaca maamul goboleedyada, waxaana laga yaabaa inuu khilaaf dhasho hadii ay doorashooyinka qaar fara galiyaan. Sido kale talaabadan waxey muujineysa in dowlada dhexe aaney wali kala fur furin midnimada madaxda maamul goboleeyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Sudan and Ethiopia agreed to deploy a joint force along their common border during a Thursday meeting held in capital Khartoum attended by the military chiefs-of-staff of both countries. Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay hay`adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA waxaa ay ku jirtay xaalad kacsan iyadoo ay adkaatay iney wada shaqeeyaan xubnihii loo dhiibay hoggaanka NISA. Hay`adddani waa mida ugu badan ee caalamku lacago ku bixiyaan. Wax badan ayey amnig Xamar ka badaleen muddadii ay jireen inkastoo dhinaca kalana ay dhib badan lee yihiin. Taniyo markii maamulkeeda loo mgacaabay Xuseen Cusmaan Xuseen waxaa dhalatay dood ah qaabka ay u shaqeyso hay`adda sirdoonka Somalia. Dadka caasimaddu waxa ay arki jireen ciidamada NISA oo leh dhar lagu yaqaano, hub xoogan wadooyinka la taagan ,oo dadkana u sheegaya iney sirdoon yihiin, taas oo fashil badan abuurtay. Sida uu qoray Wargeyska Muqdisho Evening News , taliyaha cusub ee NISA Xuseen wuxuu soo jeediyay in la badalo guud ahaan hannaanka sirdoonka Somalia oo loo badalo qaab dharcad u badan iyo xog aruurin , oo la joojiyo ciidamadan jidadka dhooban balse arrintaas la iskuma waafaqin, oo waxaa ka dhashay kala aragti duwanaan isaga iyo kuxigeenkiisa ah, sidoo kale waxaa jiray doodo ka abuurmay maamulka dhaqaalaha, hubka iyo amarrada oo is garab yaac badan uu ka jiray waxaana ay taasi keentay inuu khilaafkoodu bannaanka yimado. Xuseen oo la aaminsanaa inuu awood iyo garab buuxa ka heystay xafiiska madaxweynaha ayaa shaqo joojin ku sameeyay ku xigeenadiisa, laakiin Jaamac iyo Cabadala Cabadala oo iyaguna ku tiirsanaa xafiika Ra`iisul wasaare Kheyrre ayaa isku dayay iney arrintaas ka biyo diidaan iyadoo ay doodo ka dhasheen sharciga arrintaa la xiriira. Si walbaba madaxweyne Farmaajo ayaa maanta soo afjaray dagaalkii Nisa markii uu xilalkii ka qaaday labadii kuxigeen ee Cabadala Cabdala iyo Jaamac waxaana uu soo magacaabay Fahad Yaasiin oo laga dhigay taliye kuxigeenka NISA. Hada waxaa la hadal hayaa iney NISA dhinac isu raaci doonto, waxaa loo baahan doonaa in dib loo helo ciidamo gaar ah oo fuliya howlgalada, oo sidoo kalana la tacalaali kara amniga caasimadda. Waxaa dood la galin kara qibrada Amni ee Fahad Yaasiin iyo Xuseen oo hadda ah labbada nin ee ugu sareysa sirdoonka Somalia balse dadka yaqaana Fahad Yaasiin waxey sheegeen inuu yahay nin u saldhigi kara NISA. Waxa ugu weyn ee la filanaayo waa inuu taliyaha NISA dhaqan galin doono falsafaddiisa cusub ee sirdoon ka oo aheyd mid uu ka dhaadhicin waayay kuxigeenadiisii hore, sidoo kale waxa laga cabsi qabaa iney dhacaan jilaafooyin amni oo ka yimaada NISA madaaama la isku qabsaday xukunka sirdoonka. NISA oo ciidan muhim ah u aheyd taliskii madxweyne Xasan Shiikh ayaa hada ahmiyadeedii hoos u dhacday base waxaa laga yaabaa in dib boorka looga jafo. Waxaa kaloo la hadal hayaa iney hada si fiican ugu milmi doonaan siyaasada. Tobankii bilood ee lasoo dhaafay waxaan NISA ay ku eedeyeen xoogaga mucaaradka ee Somalia iney NISA ku milantay siyaasadda iyadoo Soomaalidu ku heshiisay inaan ciidanka lagu lifaaqin is jiid jiidka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxda, taasoo haddii ay dhacdo keeni karta iska hor imaad bulsho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (PP) ─ Xukuummadda Somalia, ayaa soo saartay amar faraya dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dawladeed in ay ixtiraamaan, raacaan kuna dhaqmaan sharciga iibaka qaranka ee dalka u yaalla si qandaraasyada la bixinayo iyo heshiisyada lala gelayo hay’adaha caalamiga ah ay u noqdaan kuwa sharciyaysan oo loo maray hannnaanka saxda ah. Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed ayaa tilmaamay in dhaqan-gelinta sharciga iibka qaranka oo qabyo u ah wasaaradda maaliyadda looga dooday kulankii golaha wasiirrada ee maanta kaas uu uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre. “Kulnka golaha wasiirrada waxaa looga hadlay arrimaha iibka qaranka iyo habsami u raaca sharicga ka yaalla iibka qaranka si ay hay’adaha dawliga ah iyo wasaarahuba ay ugu dhaqmaan. Sharcigaas waxa uu qabyo u yahay wasaaradda maaliyadda hase yeeshee waxaa jirta in lagu amray in wasaaruhu ay dhawraan habsami u raaca qandaraasyada iyo heshiisyada la gelayaan hay’adaha caalamiga ah”, ayuu yiri wasiir Xaamud. Wasaaradda maaliyadda ayaa marka ay soo dhamaystirto Sharciga iika qaranka waxa ay usoo gudbinaysaa golaha wasiirrada si ay u meel mariyaan kadibna loo hor-geeeyo Baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Ugu dambeyn, Kulanka golaha wasiirrada ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay qabyo qoraalka hannaanka cadaalada iyo arrimaha amniga iyada oo warbixnno laga dhagaystay wasiirrada difaaca iyo amniga gudaha kuwaas oo ka hadlay isbedeladii ugu danbeeyay ee dhanka amniga iyo qorshaha horumarinta guud ahaan amniga dalka si mawaadiniinta Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan amni la isku halayn karo. PUNTLAND POST The post Hay’adaha Dawlada Somalia oo lagu amray in ay dhaqan-geliyaan sharciga iibka Qaranka appeared first on Puntland Post.
  25. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa Xarunta Dawladda Hoose ee Xamar kula kulmay Madaxweyne Kuxigeenka Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey. Guddoomiyaha ayaa uga warbixiyey Madaxweyne Kuxigeenka xaaladda guud ee Gobolka Banaadir, guulaha lagu tallaabsaday muddadii la soo dhaafay iyo qorsheyaasha horumarineed ee Caasimadda. Eng.Yarisow ayaa ku bogaadiyey bulshada iyo maamulka Puntland dadaalka ay ku bixiyeen midnimada iyo wadajirka, isagoona tilmaamay muhiimadda ay leedahay in loo wada istaago sidii loo rumeyn lahaa himilooyinka shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Kuxigeenka Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir soo dhaweynta sare ee ay u sameeyeen, muddada uu ku sugnaa Caasimadda. Sidoo kale, Mudane Camey waxa uu dhiirrigeliyey horumarka muuqda ee laga gaaray amniga Muqdisho, daadajinta adeegyada asaasiga ah iyo qorsheyaasha ku saabsan hirgelinta hannaanka dimuqraadiyeynta. Ugu dmabeyn, Kulankan waxaa ka qeyb-galay Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Tuulax, Xoghayaha Gobolka Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen Iyo qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Xafiisyada Maamulka Gobolka Banaadir. PUNTLAND POST The post Injineer Yarisow oo Xarunta Dowladda Hoose kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka PL appeared first on Puntland Post.