Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,025
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Muqdisho ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu ku guul-dareystay inuu kala dhex-galo dhinacyada khilaafka u dhaxeeyay, isagoo xusay in maalinkii uu baajinayay kulankii Sabtida uu qabsaday muddo 10-maalin in lagu xalinayo khilaafka, balse aanay arrintaas waxba ka suuro-gelin. Prof. Jawaari ayaa intaas ku daray in meeshii uu ka sugayay madaxweynaha soo jeedin odayinimo iyo wixii sharci la raaco iyo in la isugu keeno labada dhinac uu ku guuldareystay, isla markaana isaga uu ku yiri is casil, taasna ay tahay wax aan la aqbali karin. Sidoo kale, Jawaari ayaa xusay in xukuumadda ay howsheeda gabtay, isla markaana loo baahan yahay iyadu inay is-casisho, wuxuuna intaa ku daray in qalalaase badan ay abuureen, kuna kaceen falal aan fiicneyn, sida inay ku talax tageen xormadii Baarlamaanka sida uu hadalka u dhigay. “Waa wax lala yaabo in xukuumaddu ay tiraahdo lama shaqeyn karno guddoonka Baarlamaanka, inaan ayaga u shaqeeyo miyay rabaan, waxaan doonayaa inaan qeexo arrin dastuuri ah, annaga uma joogno inaan u shaqeyno xukuumadda, wada shaqeyn ayaa naga dhaxeyso, aniga is-casili maayo, iyada ha is-casisho,” ayuu yiri Jawaari ku yiri shirkiisa jaraa’id. Guddoomiye Jawaari ayaa sharci-darro ku tilmaamay kulanka maalinta berri ah uu iclaamiyay guddoomiye ku-xigeenka koowaad C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey, isagoo ka digay wixii cawaaqib xumo ee yimaada uu mas’uul ka noqon doono Madaxweyne Farmaajo. Afhayeenka baarlamaanka wuxuu sheegay in Madaxweynaha uu dhinac la jiro, isla markaana kulanka berri la qaban qaabinayo uu isaga fasaxay sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn, Hadallada kulul ee guddoomiye Jawaari ayaa u muuqda kuwo sii adkeynaya khilaafka ka dhex aloosan golaha fulinta iyo golaha sharci-dajinta Soomaaliya, kaasoo soo jiitamayay muddo toddobaadyo ah. PUNTLAND POST The post Gudoomiye Jawaari oo eedeeyay MD Farmaajo kana Dalbaday xukuumadda inay is-casisho appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa maanta xariga ka jaray xarunta MCH-ka degmada Shibis, isagoo dhinaca kale ku booqday Isbitaalka Soomaali Suudaaneys Hooyo Soomaaliyeed oo dhashay labo canug oo mataano isku dhegan ah. Eng. Yarisow ayaa sheegay xaruntan cusub ee MCH ku ay kaalin mugleh ka geysan doonto horumarin adeegyada Caafimaadka Gobolka Benaadir, waxuna ku tilmaamay in guud ahaan dib loo howlgelin doonno xarumihii adeegga bulshada ee Caasimadda, si loogu adeeggo shacabka Soomaaliyeed. “Xaruntan MCH ka degmada Shibis waxay kaalin mugleh ka qaadan doontaa sidii ay caafimaad wanaagsan ku heli lahaayeen bulshada ku nool degmada iyo guud ahaan Caasimadda, ka maamul ahaana waxaan ka shaqeyn doonnaa in shacabku helaan adeeg bulsho oo dhameystiran”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow. Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ayaa ku booqday Isbitaalka Soomaali Suudaaneys Hooyo Soomaaliyeed oo dhashay labo ilmood oo isku dhagan, waxuna sheegay in maamulkiisu uu gacan siin doono bulshada nugul. Ugu dambeyn, Maamulka Gobolka Benaadir ee hoggaamiyo Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii loo soo celin lahaa adeegyadii bulshada ee ku burburay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay, si loo soo celiyo kaalintoodii. PUNTLAND POST The post ENG. YARISOW: Waxaan ka shaqeyn doonaan soo celinta adeegyada Caafimaadka Caasimadda appeared first on Puntland Post.
  3. KAMPALA. President Museveni has put the death toll of Ugandan soldiers killed in the Sunday al-Shabaab attacks on UPDF camps in Somalia to eight. Source: Hiiraan Online
  4. Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo goor dhawayd Warbaahin Shirjaraaid ugu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu sharci daro yahay kulanka Golaha Wakiilada ee maalinta bari ah ka furmi doonay Magaalada Muqdisho , iyadoo aan wali laga heshiin oo aan laysku raacin wax ajande ah. Waxa uu sheegay jawaari in Mas,uuliyada iyo caawqib xumida arintan ka dhalata uu dusha uridan doono Madaxweyne Farmaajo. Gudoomiyaha ayaa beeniyay in Madaxweynaha ay isla soo qaadeen in uu xilka ka tanaasulo, balse waxa uu sheegay in ay ahayd in Xukuumada iyadu ay is casisho maadaama ay gabtay howlihii loo igmaday . Halkan ka dhagayso shirkiisa Jaraaid. Shirka jawaari
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wada hadalladii ku saabsanaa xal u helista khilaafka Baarlamaanka ayaa gabi ahaanba la joojiyey, kaddib markii guddiyada ku howlanaa arrinkan ay xalay u gudbiyeen Madaxweyne Farmaajo natiijo muujineysay kala fogaanshaha labada dhinac. Ilo xogogaal ah ayaa Caasimadda.net u xaqiijiyey in kulan xasaasi ah ay yeesheen xalay Madaxweynaha iyo Guddoomiye Jawaari kaddib kulankii ka horreyey kaas ee guddiyada dhex dhexaadintu ay u gudbiyeen Madaxweynaha natiijadii waan waanta ay wadeen tan iyo bartamihii bishii sadexaad. Wararka ayaa sheegaya in xaaladdu ay adkaatay kaddib markii uu Guddoomiye Jawaari si cad uga hor yimid in mooshinka laga keenay la mariyo hannaanka dastuuriga ah oo ay xildhibannadu cod geliyaan. Jawaari ayaa codsaday in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay siiso magdhow gaaraya 5$ Malyan oo doolar, si uu isu casilo. Taas oo uu sheegay in ay tahay wadada kaliya ee uu xilka ku banyan karo. Isfahan waagan iyo shuruudaha adage ee Guddoomiye Jawaari uu hor dhigay madaxda Kale ayaa gaartay heer uu Jawaari ku hanjabo in uu qorsheynayo in awood ciidan uu isticmaalayo isaga oo adeegsanaya Guutada 4aad ee ciidanka Xoogga Dalka oo uu sheegay in ay garab ku siinayaan dhaq dhaqaaq kasta oo uu kaga hortagyo ansixinta mooshinka laga keenay. Lama oga xaaladdu sida ay noqon doonto maalinnimada Barri oo ah maalinta uu iclaamiyey Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka in uu dhici doono kulanka Xildhibaannada Baarlamaanku ay kaga arrinsanayaan mooshinka ay ka keeneen Guddoomiye Jawaari. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhawayd uu Gudoomiye Jawaari shir jaraaid uu ku qabtay Magalaada Muqdisho uu ku shaaciyay in aysan jirin wax tanaasul ah oo uu samaynayo. Gudoomiyaha ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu qaadi doono Mas,uuliyada wixii fowdo ah oo ka yimaada maalinta bari ah kulanka ay iclaamiyeen Garabkii Xildhibaanada ee isga ka soo horjeeday ee Mooshinka ka gudbiyay. Dowladda Soomaaliya ayuu Gudoomiye Jawaari ku eedeeyay in ay dabada ka riixayso Mooshinka laga keenay . Waxa uu sheegaya Gudoomiyaha in ay muuqtay in uu fashilmay kulamadii Xalka loogu raadinayay laguna dhex dhaxaadinayay Xildhibanada labada dhinac ukala jabay oo ay garwadeenka ka ahaayeen isaga iyo Madaxweynaha . lasoco shirkiisa Jaraaid Gudoomiye Jawaari iyo wixii ku soo kordha.
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya Muudey ayaa ku Dhawaaqay inuu berri dhici doono kulanka Baarlamaanka Soomaaliya. Farriin loo diray Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa loogu sheegay inuu Berri dhici doono kulanka Baarlamaanka Soomaaliya ee baaqday maalintii Sabtid aheyd. Ajandaha Kulanka ayaa lagu sheegay inuu yahay codka kalsoonida ee loo qaadayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh. Cismaan Jawaari. Mudane Xildhibaan, Sii hayaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka wuxuu ku wargelinayaa Dhammaan Xubnaha Golaha in Maalinta berri oo Arbacada ku beegantahay Tr. 04/04/2018 Saacadda: 09:00 Subaxnimo la qaban doono Kulanka Guud ee Golaha shacabka Ajendaha: Mooshinka Kalsooni kala noqoshada Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Farriintaas ayaa loo diray Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxaana muuqato inuu Khilaafkii cirka isku sii shareeray. Waxaa fashilmay dhex dhexaadintii uu waday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Guddoomiyaha ayaa ka dhawaajiyey inuu madaxweynaha Xildhibaanadaas u ogolaaday inay berri qabsadaan kulan codka kalsoonida loogu qaadayo Guddoomiye Jawaari. Jawaari ayaa Xukuumadda ku eedeeyey inay ka dambeyso Mooshinkaiisa, wuxuuna midaas badalkeeda Xukuumadda ugu baaqay inay is casisho maadaama uu sheegay inay waajibkeeda kasoo bixi weysay. Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in Madaxwweynaha uusan dhex dhexaad ka ahayn khilaafka Jawaari iyo ku xigeenkiisa. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in wadahadalladii u dhaxeeyay labada dhinac ee uu madaxweynaha dhex dhexaadinayay uu fashilmay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Mid kamid ah Musharaxiita utar tamaysa qabashada xilka Madaxtinimo ee Puntland 2019 ka ayaa maanta dhaqaale ugu Deeqay dhismaha Wadada Ceel-daahir iyo Ceerigaabo oo meel gabo gabo ah ku dhaw . Musharaxan oo lagu magacaabo Injineer Maxamed khaliif Xasan Jabiye ayaa Wadadan ugu deeqay lacag dhan cadadkeeda 50 kun oo Doolar taas oo uu ku wareejiyay Gudiga dhismaha Wadadan xili uu Maanta Booqasho uu ku tagay goobta ay shqadu ka socoto . Gudiga dhismaha Wadadan ayaa ugamahad celiyay Musharaxan dhaqaalaha uu ku taageeray ,waxayna u rajeeyeen in uu rajadiisa Alle urumeeyo. Halkan ka dheeho Sawirrada.
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa daqiiqado ka hor ku dhawaaqay inuu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo fasaxay xildhibaano uu ugu yeeray inay yihiin kuwa foodo wado. Guddoomiyaha ayaa ka dhawaajiyey inuu madaxweynaha Xildhibaanadaas u ogolaaday inay berri qabsadaan kulan codka kalsoonida loogu qaadayo Guddoomiye Jawaari. Jawaari ayaa Xukuumadda ku eedeeyey inay ka dambeyso Mooshinkaiisa, wuxuuna midaas badalkeeda Xukuumadda ugu baaqay inay is casisho maadaama uu sheegay inay waajibkeeda kasoo bixi weysay. Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in Madaxwweynaha uusan dhex dhexaad ka ahayn khilaafka Jawaari iyo ku xigeenkiisa. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in wadahadalladii u dhaxeeyay labada dhinac ee uu madaxweynaha dhex dhexaadinayay uu fashilmay. Waxaa uu intaas ku daray in Madaxweynuhu ka dalbaday in uu iscasilo hayeeshee uu Jawaari sheegay in uu ka diiday taas islamarkaana uusan is casileyn. Guddoomiye Jawaari ayaa ugu dambeyn ka digay Shirka Golaha shacabka ee Berri loogu ballansanyahay xarunta Golaha shacabka,waxanaa uu xusay in isaga uu mas’uul ka yahay xaruntaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Duqa caasimadda Puntland, Xassan Maxamed Ciise(Goodir) oo maanta khudbad ka jeediyay furitaanka Kal-fadhiga 24 aad ee Golaha Degaanka Garoowe ayaa shaaciyay in deb-damisyo cusub loo soo iibiyay magaalada Garoowe. Duqa ayaa sheegay in uu dadaal badan ku bixiyay dab-demisyo ay hesho magaalada Garoowe,islamarkaana dadaalkaasi uu mira-dhal noqday,kadib markii shir dhexmaray shirkadda Is-gaarsiinta Golis iyo dowladda hoose lagu go’aamiyay in saddex dab-demis loo soo iibiyo caasimadda Garoowe. Dab-demisyadaan oo lacagta lagu soo iibiyay ay iska-kaashadeen shirkadda Is-gaarsiinta Golis iyo dowladda hoose,ayaa bishaan gudaheeda laga keenaya dalka Imaaraadka Carabta,sida u hadalka u dhigay Xassan Goodir. Dhinaca kale xubno ka tirsan Xildhibaannada Golaha Degaanka degmada Garoowe ayaa ku dhawaaqay mooshin ka dhan ah duqa caasimadda Garoowe,Xassan Maxamed Ciise(Goodir) oo ay ku eedeeyeen xil-gasho la’aan iyo musuq maasuq. Xildhibaannadan ayaa sheegay in ay ka kooban yihiin 20 xubnood,inkastoo madasha ay shirka jaraa’id ku qabteen ay ka muuqdeen sagaal xildhibaan oo keliyah. Xubnahaan ayaa buuq iyo muran ka sameeyay furitaanka Kal-fadhiga 24 aad ee Golaha Degaanka Garoowe,xilli uu hadal waano ah jeedinayey Suldaan Siciid Maxammed Garaase oo kamid ah isimada Puntland. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Puntland,Cabdullaahi Cali Xirsi(Tima-cadde) oo furay Kal-fadhiga 24 aad ee Golaha Degaanka Garoowe,ayaa sheegay in Puntland haatan ay ka jiraan duruufo gaar ah,islamarkaana aan loo baahneyn khilaaf iyo is-qab-qabsi. Wasiir Tima-cadde ayaa sidoo kale xildhibaannada mooshinka keenay ugu baaqay in mooshinka loo maro hab sharci ah,isagoo uga digay in ay caasimadda Garoowe ka sameeyaan arrinta Xamar ka socota oo kale. Halkaan ka daawo dhammaan dhinacyada. PUNTLAND POST The post Golaha Degaanka Garoowe oo buuq iyo mooshin ku furmay appeared first on Puntland Post.
  11. Bosaso-[Puntland Post]-Maxkamada danbiyada culus ee Dawladda Puntland ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 3 April 2018 waxay xukun dil ah ku ridey danbiile Maxamed Maxamuud Guure, kaasoo 21 March 2018 kala baxsadey ciidamada Puntland gaari tikniko ah oo qalabaysan. Xukunka ayaa waxa uu ka dhacay xarunta maxkamada danbiyada culus ee Ciidamada qalabka sida ee Dawladda Puntland, halkaas oo uu goob joog ka ahaa Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Dawladda Puntland G/sare Maxamuud Faarax Maxamed iyo Guddoomiaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Dawladda Puntland S/Guuto Saciid Abyan Cigaal. Dhinaca Kale xukunka la guridey xukumane Maxamed Maxamuud Guure ayaa waxaa Maxkamada ka hor akhriyey Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Dawladda Puntland G/sare Maxamuud Faarax Maxamed waxaana lagu ridey xukun dil toogasho ah, maadaama lagu soo eedeeyay qodobada kala ah 221, 222, 223, xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo xeerka 186, xeerka ciqaabta ciidmada qalabka sida, dilkaasna waxaa lagu fulinayaa markii gacanta lagu soo dhigo, waxayna maxkamadu fartay dhammaan ciidmada qalabka sida in danbiilahaas meelkasta uu joogo gacanta lagu soo dhigo. Ugu danbeyn Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Dawladda Puntland S/Guuto Saciid Abyan Cigaal ayaa maxkamada ka hor sheegey in xukumane Maxamed Maxamuud Guure uu yahay danbiile Qaran oo khiyaanay dalkiisa isla markaana waxaa uu Guddoomiyuhu sheegey in qofkii soo qabtaa in uu leeyahay abaal marin. Cabdiqani Boos Puntland Post- Bosaso The post Puntland Oo Dil Toogasho Ku Xukuntay Askari Gaari Kala Fakaday appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (PP) ─ Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in siddeed sano kaddib ay soo gaba-gabeysay hawlgalkii ay ku tababaraysay ciidamada Soomaaliya, dhammaan ciidamadeeda ku sugan Soomaaliyana ay dib ugu laabanayaan saldhigga ciidamada Jarmalka ee Bundeswehr. Dib u laabashada ciidamada Jarmalka ee Somalia ku sugnaa, ayaa waxaa xaqiijiyay afhayeeka wasaaradda gaashaandhigga ee Jarmalka oo Maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Baarliin. Afhayeenka ayaa sheegaey in xukuumaddiisu ay bishii Feberaayo sheegtay inay ciidamadooda la baxayaan, kaddib markii ay dhibaatooyin kala kulmeen tababarka, isagoo intaa uu ku daray inay bixitaankooda qayb ka tahay amni-darro ka jirta Soomaaliya. “Waxyaabaha nagu kallifay inaan ka baxno Somalia waxaa ka mid ah iyadoo uu jiro muran siyaasadeed oo soo jiitamayay iyo iyadoo aan la hayn qalabkii lagu hubeyn lahaa ciidamada Soomaalida, kaddib marka la tababaro,” ayuu hadalkiisa ku daray. Ciidamada Jarmalka ayaa waxay tan iyo bishii Maarso ee sannadkii 2010-kii ka mid ahaa ciidamada Midowga Afrika ee tababarrada siiya ciidamada DF,si dowladda Somalia looga taageero inay ammaankeeda iyada sugato, marka ay dalka ka baxaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM. Dhanka kale, Afhayeenka ayaa sheegay in Jarmalka uu dhanka siyaasadda ka taageeri doono hawlgalka lagu tababarayo ciidamada xoogga Soomaaliya, isla markaana ay rajeynayaan in ciidamada Somalia uu dhismo. Ugu dambeyn, Tallaabadan ay qaaday dowladda Jarmalka ayaa imaanaysa iyadoo hawlgalka Midowga Yurub ee Somalia waqtigiisa laga dhigay 31-ka December 2018-ka, si tababarka ciidamada Somalia loo sii wado. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Jarmalka oo ka dhawaajisay in ay Ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  13. Maxkamada dambiyada culus ee Puntland ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 3 April 2018 waxay xukun dil ah ku ridey dambiile Maxamed Maxamuud Guure, kaasoo 21 March 2018 kala baxsadey ciidamada Puntland gaari tikniko ah oo qalabaysan. Xukunka ayaa waxa uu ka dhacay xarunta maxkamada danbiyada culus ee Ciidamada qalabka sida ee Dawladda Puntland, halkaas oo uu goob joog ka ahaa Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Dawladda Puntland G/sare Maxamuud Faarax Maxamed iyo Guddoomiaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Dawladda Puntland S/Guuto Saciid Abyan Cigaal. Dhinaca Kale xukunka la guridey xukumane Maxamed Maxamuud Guure ayaa waxaa Maxkamada ka hor akhriyey Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Dawladda Puntland G/sare Maxamuud Faarax Maxamed waxaana lagu ridey xukun dil toogasho ah, maadaama lagu soo eedeeyay qodobada kala ah 221, 222, 223, xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo xeerka 186, xeerka ciqaabta ciidmada qalabka sida, dilkaasna waxaa lagu fulinayaa markii gacanta lagu soo dhigo, waxayna maxkamadu fartay dhammaan ciidmada qalabka sida in danbiilahaas meelkasta uu joogo gacanta lagu soo dhigo. Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Dawladda Puntland S/Guuto Saciid Abyan Cigaal ayaa maxkamada ka hor sheegey in xukumane Maxamed Maxamuud Guure uu yahay danbiile Qaran oo khiyaanay dalkiisa isla markaana waxaa uu Guddoomiyuhu sheegey in qofkii soo qabtaa in uu leeyahay abaal marin.
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari ayaa ku kala qeybsamay kulanka maalinta berri oo Arbaco ah loo balansan yahay, kaasoo qorshihiisa yahay in la geeyo Mooshinka, iyadoo laga cabsi qabo in buuq iyo fowdo uu ka dhasho. Arrintan waxaa ay soo baxday kaddib markii qaar ka mid ah Xildhibaannada Mooshinka ka wada Jawaari ay soo jeediyeen in maalinta Berri oo Arbaco ah ay qabanayaan kulanka Golaha shacabka ee mooshinka Jawaari. Qaar kale oo ka mid ah XIldhibaannada Mooshinka wada ayaa iyana ku doodaya in ay muhuumtahay in Xildhibaannada mooshinka wada ay tahay in ay ka war sugaan dhex dhexaadinta uu wado Madwxeynaha iyo wadahadallada lagu ballamay wixii ka soo baxa. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in maalinta Berri ah ay Mooshinka geynayaan Golaha shacabka islamarkaana Guddoomiye Jawaari uu leeyahay wixii u soo baxa. Dhinaca kale Xildhibaan Cabdullahi Sheekh Ismaaciil oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha shacabka ee Mooshinka ka wada Jawaari ayaa Xildhibaannada ay isku aragtida ka yihiin Mooshinka ku dhaliilay go’aanka ay berri ku geynayaan Golaha shacabka Mooshinka ka dhanka ah Jawaari. “Anaga waxaa qabaa in laga war sugo dhex dhexaadinta Madaxweynaha wado, dadka dhahaya Mooshinka Arbacada la keenayaa waa degdegsan yihiin, qaarkood waxay rabaan intii arrintan jiitami laheyd dhaqse lagu kala baxo, waana ra’yi shaqsiyadeed”ayuu yiri C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo la hadlayay Radio Mustaqbal. Waxaa uu sheegay in wada hadalka uu ku rajo weynahay in laga gun-gaaro, isla markaana si aqbalaad leh ay arrinta ku dhamaato. Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil ayaa wali ku doodaya in Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Muudey uu wali haayo howsha maamulka, maadaama uu Guddoomiye Jawaari mooshin ka yaalo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Garowe (Puntlandi) Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Puntland, Cabdulaahi Xirsi Cali ayaa sheegay inaanu aqbalayn khilaaf iyo is qabqabsi xilligaan ka dhex bilowda golaha degaanka Garowe, kadib markii maanta xildhibaano golaha degaanka katirsan ay sheegeen inay xilkii ka qaadeen duqa Garowe Xasan Goodir. Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay Puntland inay ku jirto xaalad dagaal ayna iskuna diyaarinayso inay ka jawaabto duulaanka lagusoo qaaday dhulkeeda, sidaasi darteed wuxuu golaha degaanka Garowe ugu baaqay inay dib isugu laabtaan oo khilaafkooda xal ka gaaraan. “Garowe ma noqondoonto Xamar, waxaan idiin sheegayaa Puntland inay ku jirto xaalad dagaal islamarkaana aysan aqbalidoonin khilaaf waqtigaan ah. Goor dhow la socda codka wasiirka. Puntlandi.com
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka aynu ka heleyno Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in dadka Degmadaasi ay Saakay arkeen Meydka qof Dhaawacyo ka muuqdo oo aanan la bargaran. Dadka deegaanka oo Mustaqbal la hadlay ayaa sheegay in Jismi ahaan uu isbadalay qofka Meydkiisa ay ku arkeen Degmadooda, jirkiisana ay ka muuqdeen Dhaawacyo jirdil kaga soo gaaray sidoo kalane uu ka muuqdo Xarig u ekaa in lagu xir-xiray. Waxa ay intaa raaciyeen in uu bararsanaa qofkaasi ayna sheegeen in uu ula muuqday qof la dilay Maalin kahor. Ciidamada Degmada Kaaraan ayaa kolkii dambe gaaray Laanta Nageele Degmada Kaaraan oo lasoo dhigay Meydka qofkaan. “Haa walaal saakay ayaan xaafadeena waxaa la soo dhigay nin meyd ah oo uu jirdil ka muuqdo,walal waa xaafad u dhaxeysa Masjidka Xaaji Culumo iyo burka diikow inta u dhaxeysa,meydkana weli wuu yaalla waana la yaabanahay oo mala aqoonsan mana ogin cida dishay laakin isaga oo meesha yaalo bis ayaan aragnay ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka” Sidoo kale waxa uu sheegay in jirkiisa sidoo kale lagu arkay waxyaabo dab u eg,isla markaana ay Ciidamo saakay u yimaadeen kadibna ay ka tageen. Weli dhacdaan ah Meydka saakay lagu arkay Xaafad ka mid ah degmada Kaaraan kama hadlin maamulka degmada,iyada oo dadka deegaanka ay weli hadal hayaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Riyadh (Caasimadda Online) – Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa qiray in Israa’iil ay xaq u leedahay in ay dal yeelato. Arrintaas ayaana u muuqata isbadal lataaban karo oo ku yimid meeshii uu Sacuudigu taagnaa markii hore. Amiir Maxamed ayaa wargayska Maraykanka ka soo baxa ee Atlantic u sheegay in Falastiiniyiinta iyo Israa’iilba ay si siman ugu qalmaan in ay yeeshaan dhul ay leeyihiin. Sacuudigu si rasmi ah uma aqoonsana dawladda Israa’iil, laakiin waayadan dambe waxaa soo hagaagayay calaaqaadkooda dahsoon. Sacuudiga iyo Israa’iilba waxay halista ugu wayn ee dibadda kaga soo fool leh u arkaan Iiraan iyo malayshiyaadka Jihaadddoonka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Abaanduullaha Ciidamada dowladda Fadaraalka Soomaaliya General Cabdullaahi Cali Caanood oo Warbaahinta kulahadlaya Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sharaxaad uu ka bixiyay khasaarihii ka dhashay Weerarkii Qorshaysnaa ee Al-shabaab shalay ay ku soo Qaadeen Ciidamadii ku sugnaa Deegaanka Buulo- Maree ee Gobolka Shabeelaha hoose. Abaanduulaha ayaa sheegaya in Al-shabaab Weerarkaasi lagu jabiyay ayna uga dileen 66 Malayshiyaadkooda ka tirsanaa iyo Madaxdii hogaaminaysay . Waxa uu Abaanduullaha uu sheegay in dhankooda Weerarkan ay ka ga dhaawacmeen sadax Askari. Halkan ka dhagayso Abaandule caanood
  19. The port’s annual capacity is 150,000 TEUs (containers); 15 million metric tonnes (general cargo, bulk and break bulk); and 4 million head (livestock). Berbera (Somaliland): “Had you come a day earlier, you’d have seen us loading camels onto ships heading to the Middle East. Somalia as a whole has the world’s largest number of camels, at six million,” said Ali Esmail Mahmoud, Head of Operations at DP World Berbera, as he took visiting journalists on a tour of the port. “Since DP World took over the running of the port, there have been many changes,” Mahmoud said. “We’ve added a lot of equipment. We’ve ordered three mobile harbour cranes. Six reach stakers have been added, with three more on the way, along with empty container handlers, mobile cranes, internal terminal vehicles and forklifts.” He also said the port was using a new software, Sodiaz, which is also used in many other DP World ports. “People were trained on the software outside the country, including in Thailand.” In 2016, the Somaliland parliament voted in favour of granting DP World, the world’s fourth biggest port operator, a 30-year concession with an automatic 10-year extension for the management and development of the port at Berbera, in a move not recognised by the Federal Republic of Somalia. As per the deal, DP World will invest $442 million (Dh1.62 billion) in the port, controlling a 51 per cent stake in the project while the Somaliland government will control 30 per cent. As part of another deal announced last month, Ethiopia will become a 19 per cent stake holder in the port. Land in the area is also going up in value. The infrastructure in the region is improving and many companies are coming here to do business” – Ali Esmail Mahmoud | Head of Operations at DP World Berbera That deal was also bitterly opposed by the Somali government in Mogadishu. Speaking to journalists, Somaliland’s Foreign Minister Dr Sa’ad Ali Shire said no one had the authority to interfere in a deal between Somaliland and DP World. “This is an economic and commercial deal that will benefit everyone in the Horn of Africa region. Somalia’s claims are baseless, and don’t change anything on the ground.” Somaliland is a self-declared independent republic that is not recognised by the international community but has all the trappings of a state, including its own parliament, judiciary, currency and armed forces. It also holds elections that are seen as being free and fair, and issues its own passports. The government of the region sees Somaliland as the successor state to the colonial-era British Protectorate of Somaliland. Somaliland is also far more politically and economically stable than Somalia. The port provides jobs to 780 local people. And has clearly benefited the economy of the region; the construction sector has been given a fillip due to the planned expansions and improvements already made to the port. “Land in the area is also going up in value,” Mahmoud said. “The infrastructure in the region is improving and many companies are coming here to do business.” The port’s annual capacity is 150,000 TEUs-twenty-foot equivalent units (container); 15 million MT (general cargo, bulk, ad break bulk); and 4 millon heads (livestock). DP World Berbera also provides assistance to the tune of $4800 a month to the nearby Berbera Maritime and Fisheries Academy, which was established in 2012 and has graduated 85 students, including 12 women. The port has also donated $770,181 in the past 12 months to educational institutions, mosques and hospitals in the region and built five water wells for the community. Mahmoud added: “We are currently working on a three-phase basis: Phase zero, phase one, and phase two. As part of phase zero, we are developing the existing terminal. We’ve made many changes, including to infrastructure, electricity, training facilities etc. Phase one begins in five months, and is expected to be completed in 2020.”
  20. Ciidamada Amniga ee Gobolka bari ayaa Howlgalo lagu xaqiijinayay Amniga waxa ay xalay ilaa iyo saakaba ay ka sameeyeen Xaafadaha ku yaala dhanka Bari ee Magaalada Bosaaso. Ciidamada ayaa si gaar ah u bar tilmaameed sanayay Gaadiidka Dhexmara Xaafadaha Magaalada Bosaaso iyo dadka shacabka ah eee lugaynayay ,waxayna Ciidamada ay Gaadiika ay ka fiiqayeen Bacaha Madow Ciidamada Amniga ayaa sidookale baarayay Guryaha iyadoona dadka dagan xaafadaha ay ugaleen Ciidanku waydiinayay halka ay ka shaqeeyaan . Howlagalkan ayaa ahaa mid maalmahanba ay Ciidamadu ay ka wadeen Xaafadaha Magalaada kadib markii Magalada Bosaaso ay ka dhaceen falal lidi ku ah Amniga oo isgu jiray dilal qorshaysnaa iyo Weeraro toos ah oo lala bartilmaameed saday qaar kamid ah Xarumaha dowladda. Taliyaha Qaybata Boliska ee Gobolka bari Cabdixakii Yuusuf Xuseen ayaa dhawaan sheegay in Howlgalkan uu noqon doono mid joogto ah
  21. Hargeisa – A high-level police conference was held in the “Somaliland” capital of Hargeisa yesterday and focused on strengthening the “Somaliland” Police Force. The conference discussed the implementation of comprehensive reforms that would complement the Police Act, which was recently signed into law by the President of “Somaliland” Muse Bihi Abdi. Participants included the Ministers of Interior and Justice, the Deputy Minister of Planning & Development, “Somaliland” police chiefs, senior government officials, the United Nations and other representatives of international community, as well as members of local civil society organisations. The United Nations’ senior representative at the conference was Staffan Tillander, Director of the Rule of Law and Security Institutions Group of the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM). “I welcome efforts taken by President Muse Bihi, the ‘Somaliland’ Parliament and the Minister (of Interior) in passing the new Police Act,” said Mr. Tillander in his opening remarks. He expressed optimism that the reforms which are intended to safeguard and further enhance the security of “Somaliland” would also bolster the rule of law in the region. He called on government officials to lead the reform initiatives. “The existence of a functioning justice chain with effective police, justice and corrections sectors is absolutely crucial in ensuring the rule of law and upholding human rights, including ensuring freedom of expression and freedom of media,” said Mr. Tillander, adding that the reform process should ensure enforcement of other relevant legislation and policies, including the bill criminalizing rape and gender-based violence against women. UNSOM Police Commissioner Lucien Vermeir affirmed the UN’s support for the reforms, which are intended to help the police force attain its key priorities for growth. “I heard your call, you will have my support, and UNSOM Police will be more present to make that possible and assist you,” said Mr. Vermeir. In his remarks, the “Somaliland” Deputy Police Commissioner, speaking on behalf of the Police Commissioner Gen. Abdilahi Fadal, highlighted a series of recent achievements in the security sector that included the approval of the Police Act, the creation of a police structure and ranking system, improved capacity building for police officers, and enhanced security in the region. “I am grateful for the support that development partners and international agencies have extended to ‘Somaliland’ Police,” he said. The “Somaliland” Minister of Interior Mohamed Kahin Ahmed opened the day-long conference by promising the police force’s active involvement in counter-terrorism efforts. During the conference, ministry officials expressed their commitment to reduce human rights violations and enhance community policing by 2021. Facilitated by UNSOM and the UN Development Programme, the conference took place two months after a similar forum was held to outline priorities for the development of the “Somaliland” justice and corrections sectors. IOM
  22. Muqdisho (PP) ─ Wargeyska The Observer ee kasoo baxa dalka Uganda oo soo xiganayay Wargeyska Guardian oo ayaa baahiyay in 46-askari oo u dhashay dalka Uganda, qaybna ka ah Hawl-gala Midowga Afrika lagu dilay weerarkii toddobaadkan ay Al-shabaab ku qaaday saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose. Jariidadda Guardian oo soo xiganaysay sarkaal Soomaali ah oo ku sugnaa saldhig ku dhaw saldhigga la weeraray ee Buulo-mareer ayaa sheegay in askarta lagu dilay weerarkaas ay qaarkood ahaa rag ay si wanaagsan isku yaqaaneen. Col. Cabdi Nuur Xaashi oo ah sarkaal u waramay wargeyska Guardian oo ka soo baxa isla Uganda ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa mid xoog leh oo lagu dilay askar badan oo dalka Uganda u dhashay, sidoo kalena lagu dilay goobta xoogag badan oo Al-shabaab ka tirsan. “Inta badan askarta lagu laayay weerarkan Buulo-mareer waxaanu ahayn saaxiibbo, kuwaasoo aan wadaagi jirnay cunnada iyo cabitaanka,” ayuu ku iri wargeysiga, isagoo intaas ku daray. “Waanu ku guul-darreysanay inaanu caawinno askartaas, waayo saldhiggeenna ayaa lagu soo weearray gaadiid qaraxyo lagu soo raray.” Sidoo kale, wuxuu hadalkiisa ku daray in askartan la dilay kaddib markii ay waayeen wax gurmad ah, waayo waxaa isku hareereeyay xoogaggii goobta weearray. Dhanka kale, Col. C/llaahi Cali Caanood oo ka tirsan saraakiisha sare ee ciidamada xoogga dalka oo u warramayay Idaacadda VOA-da ayaa isagana sheegay in 66-Al-shabaab ah lagu dilay weerarkaas, sidoo kalena ciidanka Uganda ay ka dhaawacmeen askar aan badnayn. Geesta ka kale, Afhayeenka ciidamada Uganda ayaa isagana horay u sheegay in afar askari oo qura weerarkaas looga dilay, iyaguna ay dileen tiro badan oo Al-shabaab ah. Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa dhankeeda sheegtay inay weerarkaas ku dileen 59-askari oo ciidamada Uganda ka tirsan, iyagana ay ka dhinteen 14 ka mid ah xoogaggoda, inkastoo aan sheegashooyinkan la kala saari karin. PUNTLAND POST The post Wargeys kasoo baxa Uganda oo sheegay in 46 Askari lagu dilay Weerarkii Buulo-mareer appeared first on Puntland Post.
  23. The president of Somaliland Musa Behi Abdi has effected major changes in his administration more so as pertains a number of Ministry’s Director Generals whom were fired and replaced immediately. Changes contained in the presidential decree # JSL/XM/WM/222-70/042018 also touches on the diplomatic corps as well as regional administration The president who justified his decision to powers conferred him by article90, section 3 of the Somaliland constitution said Upon guidance of the constitution and having satisfied that credentials to hold senior public offices avail I hereby appoint below mention persons to indicated positions within governement that take effect immediately. Abdinasir Ahmed Hirsi Mohamed Director General Ministry of Foreign Affairs and intl cooperation Ali Hussein Nuur Beegsi Director General Ministry of livestock and Fisjeries Dr. Ahmed Ali Maah Warsame Director General Ministry of Agricultire Mukhtaar Mohamed Ali DG Regional Administration Ministry of interior Prof. Abdi Nuur Ahmed (Abdi Guray) DG Security Ministry of interior Hussein Mahmud Mohamed Hasan DG ministry of justice Dr. Osman Husein Warsame Abdi DG Ministry of Commrce, industry and Tourism Eng. Abdirahman Mohamed Mahmud DG Ministry of energy and minerals Elmi Abdirahman Ashuur DG Ministry of public works, lands and housing Mohamed Elmi Adan (Ilka Case) DG Ministry of Social Services and employement Abdirizaq Jama Nuur Naakhuude DG Ministry of environment and rural development 12 Jamaal Abdi Muuse Diiriye DG Ministry of Water Developmemt Abdirahman Sheekh Hasan Ismaaciil Bile DG Ministry of Finance Ali Mohamed Ali Nuur DG Ministry of information, culture and guidance Mohamed Hussein Ahmed Dhabbeeye DG Ministry of councils coordination and constitutional affairs Ahmed Muse Muruud Muhumed DG Higher Studies Ministry of education and science Abdikarim Hussein Saeed DG Ministry of youths and sports Abdilahi Mohamed Haji Duale Ambassador to the African Union Mohamed Osman Haji Ahmed (Indha-balac) Governor of Gabile Region Ahmed Osman Hasan Elmi (Tima-cadde) Governor of Sahil Region Mustafe Andi Muuse Nuur Governor of Buhoodle Region Khadar Baaruud Omar Obsiye Deputy Governor of Maroodijeeh Region Mahmud Ibraahin Ahmed Duale (San-dheere) Deputy Governor of Sahil Region Faysal Aw Jaamac Hirsi Xawte (Ilka-case) Deputy chairperson disaster preparedness and food security agency In conclusion the president thanked all those replaced for diligence to service during their stint in government
  24. By Ahmed Abdi President of Somaliland appointed 24 directors Generals on Sunday. “After consulting with many parties and learning their competences, I have decided to appoint these Directors Generals,” Muse Bihi Abdi President of Somaliland said in a decree released Yesterday. Directors Of Ministries appointed by the president Abdi have included Foreign Affairs, Interior, Livestock husbandry & fisheries, agricultural development, Justice, Energy & Minerals, Public Works, Housing and Urban Development, Employment, Social and Family Affairs. Mr. Abdi also appointed new governors for Gabiley, Sahel, Buhodle, Maroodi Jeeh and Deputy-Chairman of Somaliland’s disaster emergency preparedness & food storage. Tir Magaca Xilka 1. Cabdinaasir Axmed Xirsi Maxamed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah 2. Cali Xuseen Nuur Beegsi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga 3. Dr. Axmed Cali Maax Warsame Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha 4. Mukhtaar Maxamed Cali Agaasimaha Guud ee Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 5. Prof. Cabdi Nuur Axmed (Cabdi Guray) Agaasimaha Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 6. Xuseen Maxamuud Maxamed Xasan Agaasimaha Guud Wasaaradda Cadaaladda 7. Dr. Cismaan Xuseen Warsame Cabdi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska 8. Eng. Cabdiraxmaan Maxamed Muxummed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta 9. Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta 10. Maxamed Cilmi Aadan (Ilka Case) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska 11. Cabdirisaaq Jaamac Nuur Naakhuude Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer-miyiga 12 Jamaal Cabdi Muuse Diiriye Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha 13. Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil Bile Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda 14. Cali Maxamed Cali Nuur Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka 15. Maxamed Xuseen Axmed Dhabbeeye Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka 16. Axmed Muuse Muruud Muxumed Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska 17. Cabdikariim Xuseen Siciid Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha 18. Cabdillaahi Maxamed Xaaji Ducaale Safiirka Somaliland u fadhiya Midowga Africa 19. Maxamed Cismaan Xaaji Axmed (Indha-balac) Guddoomiyaha Gobolka Gabiley 20. Axmed Cismaan Xasan Cilmi (Tima-cadde) Guddoomiyaha Gobolka Saaxil 21. Mustafe Cabdi Muuse Nuur Guddoomiyaha Gobolka Buuhoodle 22. Khadar Baaruud Cumar Cabsiiye Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex 23. Maxamuud Ibraahin Axmed Ducaale (San-dheere) Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Saaxil 24. Faysal Aw Jaamac Xirsi Xawte (Ilka-case) Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda U-diyaar Garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka
  25. Magaada Xaabo oo hoostimaada Degmada Caluula ee Gobolka Garda Fuu ayaa waxaa maanta laga bilaabay Olole Nadaafadeed oo ay iska kaashanayaan Maamulka iyo shacabka. Ololahan ayaa ujeedkiisu waxa ay ahayd sidii looga hortagi lahaa in ay cuduro ay ka dilaacaan goobaha Qashinka ladhigo , Maamulka Degmada Caluula ayaa sheegay in Isbitaalka Magaalada ay jiifaan ilaa iyo 500 oo qof oo la ildaran Cudurka Jadeecada ama Malaariyada sida ay hadaba dadku uyaqaanaan. Gudoomiye kuxigeenka Golaha Deegaanka ee degmada Caluula Ciise Maxamed Ciise ayaa sheegay in ay talaabo ka qaadi doonaan cida Qashika dhigta goobo aan loogu tala galin . Halkan ka dhagayso. Ciise Maxamed Ciise