Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,137
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in ciidamada ammaanka ee Puntland ay saakay howlgal ballaaran ka wadaan xaafadaha magaaladaasi. Waxay ciidamada daba socdaan shaqsiyaad dil u geystay sarkaal ka tirsanaa ciidanka ilaaliya dekadda Boosaaso. Sarkaalka la diley ayaa lagu magacaabaa Xasan Xiireey, waxaana raggii diley oo ku hubeysnaa Bistoolado ay isaga baxsadeen goobtaasi. Dad ka badan 20 ayaa howlgalkaan lagu soo qabtay, kuwaasi oo lagu baarayo saldhigga Boosaaso. Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaan weli wax faah faahin ah saxaafadda kama anaay siin howlgalkaan socda. Amniga Boosaaso ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ahaa mid faraha kasii baxayey, waxaana magaaladaasi kusoo badanayey dilalka iyo qaraxyada. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
  2. It may soon be a criminal offense to be an atheist in Egypt. Source: Hiiraan Online
  3. Koox Hubeeysan ayaa Degmada Xamar Weyne ee Magaalada Muqdisho ku dishay Labo Nin oo Dhalinyaro ahaa. Dilkaan ayaa waxa uu ka dhacay Koodka Degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho. Kooxdaan hubeeysan ayaa waxa ay toogteen Labo wiil oo dhalinyaro ahaa oo la sheegay in ay ahaayeen ilmo adeer. Labadaan Wiil ee dhalinyarada ahaa ee xalay la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Xuseen Cismaan Siidow iyo Cumar Maxamed Axmed Caafi. Waxaa Masuuliyada dilkaasi Sheegtay Al-Shabaab oo warar ay ku baahiyeen warbaahintooda ku sheegay in ay katirsanaayeen Ciidamada NISA dhalinyaradaasi iyagana ayu dileen. Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca dilal qorsheeysan oo masuuliyadooda ay sheegtay Kooxda Al-Shabaab. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Koox Hubeeysan oo Labo Wiil oo Walaalo ahaa ku Dishay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  4. Transporters have changed the route they use to ferry miraa from Nyambene Hills in Meru County to North-Eastern and southern Somalia due to fear of Al-Shabaab attacks. Source: Hiiraan Online
  5. Ruushka ayaa cambaareeyay Mareykanka oo doonaya inuu ku qanciyo golaha ammaanka ee raacsan qaramada midoobay arrinta ku saabsan dibad-baxyada ka socda gudaha Iran. Fasiili Neybizia oo ah wakiilka Ruushka u fadhiya qaramada midoobay ayaa sheegay in faro-gelinta lagu hayo gudaha golaha ammaanka uu xumeyn doono qaramada midoobay. Wakiila Mareykanka u fadhiya qaramada midoobay Nikki Haley, ayaa ammaantay daqiiqado ka hor dibad-baxyada ka socda Iran waxayna ku tilmaanatay soo bandhigidda awood shacab oo geesi ah. Wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan Iran ayaa sheegay in Mareykanka uu xumeynayo golaha amaanka uuna awoodiisa uu u adeegsanayo six un. Arbacadii ayey ahyed markii Iran ay u gudbisay golaha ammaanka ee qaramada Midoobay dacwad ka dhan ah Mareykanka taasi oo ku saabsaneydd inuu ku hayo farogalin qaawan. Goobjoog News Source
  6. OTTAWA – Sentencing arguments are slated for March 22 in the case of a Somalian man found guilty in the kidnapping of Amanda Lindhout. Source: Hiiraan Online
  7. Two airliners collided on the ground at Toronto's Pearson International Airport on Friday night, causing a small fire on one and an emergency evacuation of the other. Source: Hiiraan Online
  8. Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa u sheegay dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, in aaney jirin hadda Fursad uu Turkiga ugu soo biro midowga Yurub. Shir jaraa’di oo si wadajir ah ay ugu qabteen magaalada Paris ayuu Macron ku sheegay inay jirto cabsi ku aadan dhanka xuquuqul insaanka tan iyo markii Turkiga uu bilaabay olole lagu sifeynayo dadkii ka dambeeyay afgambigii fashilmay 2016 kii. Dhankiisa madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Turkiga uu daalay sida uu ugu qeylinayey Yurub si uu ugu biro Midowga Reer Yurub. Edogan ayaa ku eedeynaya Midowga Yurub dhagar iyo inay Turkiga waqtiga ka lumiyaan. Macron ayaa dhankiisa tilaamay inay muhiim tahay in Faransiiska uu ilaaliyo xariirka dhow ee uu laleeyahay dhiggiisa Ankara,waxayna labada madaxweyne ay hoosta ka xariiqeen inay iska kaashadaan dagaalka ka dhanka ururka Daacish. Goobjoog News Source
  9. Arsenal manager Arsene Wenger has said that he has been invited by the new Liberia president George Weah to his inauguration later this month. Source: Hiiraan Online
  10. Qabiil iyo qabyaalad waa laba erey oo siyaasiyiin badani rumeysan yihiin in macne ahaan la isku beddelan karo. Kan hore waa dad isku oday ku abtirsada – ha noqdo mid dhab ah ama mid male-awaal ku salaysan. Qabyaaladdu waa u adeegsiga awoodda siyaasadeed si sharci-darro ah si xaqa qof ama dad loo duudsiiyo ama si qof loogu eexdo siyaasad ama dhaqaale ahaan. Dadka qabiilka ka tirsani wax may ka wada dheefaan qabyaaladda hase ahaatee badankood iyaga oo aan is ogayn way suurtowdaa inay adeegsiga qabyaalad taageeraan. Maxaa ku qasba qofka inuu taageero adeegsiga qabyaalad uu dhibbane u yahay? Source: Hiiraan Online
  11. OTTAWA—One of Canada’s most prominent Muslim groups is asking Prime Minister Justin Trudeau to designate the anniversary of the 2017 Quebec City mosque shooting as an official day of remembrance. Source: Hiiraan Online
  12. OTTAWA—One of Canada’s most prominent Muslim groups is asking Prime Minister Justin Trudeau to designate the anniversary of the 2017 Quebec City mosque shooting as an official day of remembrance. Source: Hiiraan Online
  13. President Uhuru Kenyatta on Friday shocked and surprised his handlers and allies alike when he unveiled nine nominees to the Cabinet and sacked 13 others. Source: Hiiraan Online
  14. Late last year, the Turkish authorities opened their largest military base abroad in the Somali capital Mogadishu as a step towards consolidating ties with Somalia and establishing a presence in East Africa. Since then they have been seeking a military base in Sudan as the second Turkish base in Africa. Source: Hiiraan Online
  15. Saturday January 6, 2018 The Egyptian parliament has commenced processes to criminalize atheism in the predominantly Muslim north African country. Source: Hiiraan Online
  16. During the final days of 2017, IOM, the UN Migration Agency succeeded in completing two movements of stranded Somalis and Ethiopians out of Yemen, despite immense security challenges and difficult sea conditions. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Dawladaha dunidu waxey ku kala sareeyaan saameynta; siyaasadeed, dhaqaale, aqooneed, ciidan iyo hogaamineed. Waxaana loo kala qeybiyaa; A-Dawlad-daleed; waa dawlada saameynteedu ku koobantahay dalkeeda kaliya sida; inta badan dawladaha xubnaha ka ah UN. B-Dawlad-gabaleed; waa dawlad saameyn ku leh dawladaha Gobalkeeda ama kuwa ay diin iyo dano wadaag yihiin sida; Masar, Turkey, Saudi Arabia, Nigeria, Iiran, South Afica iwm. C-Dawlad-duniyeed; waa dawladaha saameynta ku leh dawladaha dunida oo dhan ama badankood sida; dawladaha xubnaha joogtada ka ah Golaha Amaanka, Jarmal, Japan iwm. Masar iyo Turkey waa laba dawlad-gobaleed oo Magac iyo Taariikh dheer ku leh dunida iyo dawladaha Islaamka, waxeyna leeyihiin dadka ugu aqoonta iyo ilbax-nimada badan dunida, waxey saameyn muuqata iyo mid qasoon ku lahaan jireen wadamada Islaamka gaar ahaan wadamada Carabta iyo difaaca Muqadaaska Islaamka, waxaana mar kasta ka dhaxeeyey xafiiltan iyo tartan. Balse maanta waxaa kala reebay Hogaanka iyo Waqtiga, waxaana cad in dawkaduhu aysan ku kala hor marin; dad, dhaqaale iyo ciidan badan, lkn ay ku kala hormaraan; Hogaan, Maamul hufan, Xorriyad, Dimoqoraadiyad iyo wada lahaansho dawladeed. Masar iyo Turkey hadii aan Tusaale usoo qaadano waxaa soo baxeysa jawaabtan; 1-Masar Sh. Kishki AUN ayaa ku tilmaamay “Halkaan ayaa laga dhoofiyaa sharta iyo khayrka labadaba” Masar waxey bartay dunida Carabta iyo Africa Inqilaabaadka Ciidanka 1950 ilaa 2000, Boqortooyo iyo adoonsi Fircoon ilaa Faaruuq, Xabsi iyo Daldalaat ilaa Qur’aanku uu isku xiro Masar iyo Xabsi inta jeer oo ay Qur’aanka kusoo aroortay kalimada “Sijni” oo ah Xabsi, waxaana lagu tilmaamaa halka aduunka ugu Xabsi iyo Daldalaat badan gaar ahaan; Culimada, Aqoon-yahanka, Siyaasiyiinta iyo Mufakiriinta. Waxaana la dhihi karaa waxaa facood ka reebay Inqilaabyo Ciidan iyo Xorriyad la’aan; Jamaal ilaa SiiSii. Dhanka saameynta Gobalka waxey kala marayaan Masar iyo Turkey: A-Masar: Somaliya xilligii M. Jamaal Cabdinasir iyo M. Saadaad waxey aheed dawlada koowaad ee Siyaasada, Amniga, Aqoonta iyo Istaraatiijiyada Masar ugu horeysa, lkn xilligii M. Xusni Mubaarak gacanta ayuu ka taagay markii uu u dhaafay Ethopia, uuna yiri “waa fahamsanahay sababta ay Ethopia u gashay Somaliya 2006, amnigeeda ayey ilaashaneysaa” iyo 2011 markii Turkey kasoo gurmatay xuduuda Yurub iyo Asia Masarna ku mashquulsaneed kacdoonkii Carabta iyo Sarkaal ka qaad ee Sarkaak u dhiib! Suuriya iyo Yemen oo Jamaal Cabdinasir xukumijiray oo maanta waxba aan laga weydiinayn Masar! Qatar oo sanadkii hore markii ay ka baqday in Masar iyo Saudi Inqilaabaan u yeeratay Turkey, Saldhigna siisay si ay u difaacdo! Sudan oo Amniga Masar ku xiranyahay markii ay baqday waxey u yeeratay Turkey oo ay siisay Saldhig Ciidan! Liibiya oo ku jirta Caloosha Masar oo ay taladeeda u dhaaftay Imaaraat iyo reer Galbeed! Falastiin iyo Qudus oo markii ay khatar galeen kana quusteen Masar iyo dawrkeedii Carabta u carareen Turkey! Ciraaq iyo Libnan oo hoos galay Iiran! Urdun oo markii ay u dhaarteen Israel iyo Americo u carartay Turkey! Kadibna waxaa soo baxday markii Carabta iyo Masaajida barakeysan khatar galeen; “Buur ahaw ama Buur ku tiirsanaw” ayaa Turkey soo celiyey Saldhigyadii laga difaaci jiray Xarameynka Qarni ka hor ee SAWAKIN & ZAYLAC. B-Turkey mudo ku dhaw hal Qarni ayey dib u dhaceen Inqilaabyo iyo xukun Ciidab. 20 sano ka hor ayey ka caafimaadeen Inqilaab iyo xukun Ciidan iyaga oo xilligaas gaaray dadka ugu liita aduunka xaga nolosha, xorriyada iyo saameynta Gobalka, Yurubna ka faanto, dawladaha Islaamkuna ku faraxsanyihiin in ay iska xureeyeen Boqortooyadii Turkey, dadkoodii aqoonta lahaana u kala Qaxeen Bari iyo Galbeed, ayuu yimid Xizbiga AK Party, maantana waxey marayaan heer ay ka faanaan Yurub iyo ku biiristeeda, heer ay ka mid noqdaan 20 ka dal ee aduunka ugu dhaqaala iyo ciidamada badan uguna saameynta badan dunida Islaamka iyo Carabta, heer ay u gurmadaan Al-Aqsaa iyo Muslimiinta Ruhinga, dadkooduna diiday in ay ku laabtaan Inqilaab Ciidan danbe sida ay u diideen in ay caloosha hooyadood ku laabtaan lkn Masar waxey aqbaleen in ay Inqilaab dib ugu laabtaan sanad Xorriyad iyo Doosha ah kadib. Hadaba Masar iyo Turkey kuma kala sara marin Batrool, Khayraat dhul, Aqoon, Ciidan, Ilbaxnimo, dhul weyn iyo dad badan! Kaliya waxaa lagu kala hormaray; Xurriyad, Hogaamin, Maamul hufan, Dimoqoraadiyad, Qab iyo Himilo. W/Q. Maxamed Gacal (Dr Gacal) Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog iyo Gorfeyn: Maxay ku kala sareeyan dowladaha Turkiga & Masar? appeared first on Caasimada Online.
  18. Quraankeena Suuban waxaa ku jirto in aan la raacin Hawadaad. Khayre iyo xasanaad Alle ha siiyee Mashaa’ikhdii Soomaliyeed si fiican bay inoogu sheegeen oo ah in Quraanka iyo ku dayashada Rasulk oo kaliye lala magangashado Source: Hiiraan Online
  19. Wararka ka soo baxaya magaalada Muqdisho ayaa tibaaxaya in maanta si weyn oo aan loo kala harin ay beesha Hawiye garoonka Dayaaradaha ee Aden Cade ugu soo dhaweyeen Wasiirka Cusub ee loo magacaabay Wasaarada Arimaha Gudaha Mudane Cabdi Maxamed Sabriye. Soo dhaweynta Wasiirka oo caadifad weyn iyo jibo qabiil ka muuqtay, ayaa waxaa horboodayey oo ka qeyb galay, khudbado xamaasadeedsana ka jeediyey xubno ka tirasan golaha Wasiirada Dawlada Federaalka Somaaliyeed, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Xildhibaano ka tirsan labda gole, Siyaasiin hore, Oday dhaqameedyo iyo xubno ka socday ururada bulshada. Soo dhaweynta Wasiirka ayaa u muuqtay dhoolotus siyaasadeed oo beesha Hawiye ku muujinayso sida ay ugu farxsan yihiin, ee ay u afduubeen taladii dalka, isla markaana ay mar kale u hantiyeen xilka iyo masuuliyada Wasaarada Arimaha Gudaha, oo ay mudo sannad ku dhow ay ku taamayeen, halgana adagna u galeen sidii ay gacantooda ugu soo noqon laheyd,xilkan oo ay beeshu haysay mudadii 27 sano ee ina soo dhaaftay. Waxaa yaab laheyd oo soo dhaweynta qabiil ee Wasiirku mideysay oo isu keentay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Dawlada Federaalka ah iyo Xubno lagu ogaa in ay ka mid ahaayeen ururada argagixisada ah ee Xisbul Islaam iyo Shabaab oo uu ka mid ahaa Ugaas Cabdi Daahir. Isku soo wada duub waxay soo dhaweynta Wasiirku marada ka feyday, oo ay banaanka soo dhigtay tuhunkii shacbiga Somaaliyeed iyo Beesha Caalamkuba qabeen ee aheyd in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu go’doon siyaasadeed ku yahay guriga Madaxtooyada ee Villa Somalia. Halkan ka daawo jibada soo dhaweynta Wasiirka cusub ee Arimaha Gudaha.
  20. Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa Maanta soo kormeeray Garoonka diyaaradahaa magaalada Garoowe oo dhismihiisu dhammaaday. Garoonka cusub ee diyaaradaha magaalada Garoowe oo loo dhisay qaab casri ah ayaa la filayaa in si rasmi ah loo daah-furo 8 bishaan Jen,waxaana furitaankiisa ka soo qeyb galaya madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxammed Cabdullaahi Farmaajo,sid qorshuhu yahay. Madaxweynaha Puntland oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka socotay labada Gole ee dowladda iyo maamulka gobolka Nugaal ayaa Maanta kormeeray dhammaan qeybaha uu ka koobanyahay Garoonka cusub,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada oo Warbaahinta loo qeybiyey. Mudane. Gaas ayaa xaqiijiyay in Garoonka loo dhisay sidii loogu talo galay,islamarkaana uu noqon doona mid u shaqeeya sida garoomada Adduunka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Gaas oo sheegay in Garoonka diyaaradaha Garoowe uu noqon doono sida garoomada Adduunka. appeared first on Puntland Post.
  21. Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanata oo taariikhdu tahay 06 January 2018 soo kormeeray Garoonka diyaaradahaa magaalada Garoowe oo dhismihiisu soo gaba-geboobay. Kormeerka ayaa waxaa Madaxwaynaha ku wehelinayay Wasiirka wasaarada duulista iyo hawada ee dawladda Puntland, wasiir ku xigeenka wasaaradaasi, maamulka gobolka nugaal, kan degmada Garoowe, masuuliyiin isugu jiray wasiiro, xildhibaano, saraakiil katirsan Madaxtooyada dawladda puntland, iyo masuuliyiin kale. Madaxwaynaha dawladda Puntland ayaa ugu horayn soo kormeeray dhammaan dhismaha garoonka, isagoona Madaxwaynuhu dul istaagay qaybaha uu ka koobanyahay garoonka cusub, madaxwaynaha, ayaa xog waraystay shaqaalaha kashaqeeya dhismahaasi, sidoo kale Madaxwaynaha ayaa ku amaanay masuuliyiinta wasaarada duulista iyo hawda ee puntland sida wanaagsan ee ay uga soo baxeen shaqadii loo igmaday, isla markaana waxaa uu Madaxwaynuhu xaqiijiyay in garoonka loo dhisay sidii uu qorshuhu ahaa ee loogu tala galay, madaxwaynaha dawlada puntland ayaa sheegay in dhismaha cusub ee garoonka xadhiga laga jari doono 08 january 2018. Dhinaca kale Madaxwaynaha ayaa xaqiijiyay in dhismaha garoonku uu marayo wejigii ugu danbeeyay, isla mar ahaantaana uu garoonku noqon doono mid u shaqeeya sida garoomada aduunka. Ugu danbayn Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dar daar may hawl-wadeenada gacanta ku haya dhismaha garoonka diyaaradaha Garoowe ilaa inta lagala wareegayo dhismaha cusub in ay sii wadaan shaqadooda. Puntlandi.com
  22. Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Banii’aadanimada,Mark Lokoc ayaa ka digay in haddii aan wax laga qaban xaaladda dalka Yemen ay ka dhacayso musiibadii ugu xumeyd muddo ku siman 50 sano. Mr.Lokoc oo wareysi siinayey Aljazeera ayaa ku tilmaamay xaaladda haatan ee waddanka Yemen in ay u muuqato meel Qiyaamihii ka dhacay,wuxuuna sheegay in Sanduuq gaar ah laga sameyn doono Qaramada Midoobay,si loogu taageero gargaarka deg degga ah,sanduuqaas oo noqon doona kii ugu weynaa ee gargaar ah taariikhda Qaramada Midoobay. Hadalkiis ayaa ku soo beegmay xilli Xafiiska Isku dubbarida Arrimaha gargaarka ee Qaramada Midoobay uu soo saaray warbixin ku baaqaysa in gurmad deg deg ah lala gaaro waddanka Yemen bilowga sannadkaan 2018,iyadoo ay ka sii darayso colaadda dalkaasi. In ka badan 22 malyan oo ruux ayaa u baahan ilaalin iyo gargaar banii’aadannimo,kuwaasoo in ka badan 11 malyan oo kamid ah ay u baahan yihiin gurmad deg deg ah,sida warbixinta lagu xusay. Sidoo kale dadka rayidka ah ayaa wajahaya khatar weyn oo uga imaanaysa dhinacyada dagaallamaya,waxaana ilaa iyo haatan dhimashadu gaaraysa in ka badan 8000(Sideed kun),halka saddex malyan oo kalena ay ka carareen guryahooda. Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ku dhowaad 18 malyan oo ruux aanay haysan cunto nadiif ah,halka 16 malyan oo kalena ay harraad u dhimanayaan. Hay’adaha gargaarka ayaa Is-bahaysiga Sacuudiga ka dalbanaya in ay go’doonka ka qaadaan dalka yemen,si gurmad loo gaarsiiyo. Xigasho: Aljazeera Arabic PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Qaramada Midoobay oo dalka Yemen ku tilmaantay meel Qiyaamihii ka dhacay. appeared first on Puntland Post.
  23. HARGEISA— President of Somaliland, Hon. Musa Bihi this week is due to embark first foreign tour after taking office in December, to Djibouti. According to information close to the presidency confirm that the Head of State has received an official invitation from Djibouti counterpart, His Excellency, Ismail Omar Gueleh. The current foreign affairs minister and the minister for justice are due to travel the president to Djibouti. Djibouti is said to have played a key role in the presidential election campaign held in Somaliland last year where the ruling Kulmiye party presidential candidate, the incumbent president defeated his main rival, the former parliament speaker, Abdirahman Irro by landslide victory. The president’s visit to Djibouti aims at further enhancing bilateral ties between the two countries. The high-profile visit will boost cooperation between the two countries in several sectors including trade, combat terrorism and piracy in the region. Somaliland President, Musa is to hold bilateral discussions with Djibouti counterpart, Ismail Omar to boost the bilateral relations. Djibouti does not recognize Somaliland as an independent state but sticks on its declaration that Somaliland is still part of Somalia. It is not known for how long is the visit going to take as far as President, Musa’s visit to Djibouti is concerned. The Head of State has received Djiboutian representative to Somaliland at the presidency a couple of days ago.
  24. Nin Soomaali qaxooti ah ayaa kufsaday haweeney kalkaaliso ah oo ka shaqeynaysay Isbitaal ku yaalla magaalada Rome,sida laga soo xigtay Jaraa’idka Waddanka Talyaaniga. Warbaahinta Talyaaniga ayaa ku warrantay in ninkaan oo da’diisu tahay 38 jir uu kufsi u geystay haweeney Kalkaaliso ah oo ku jirtay Qeybta Shaybaarka ee Isbitaalka Sant’Eugenio. Haweeneyda oo da’deeda lagu sheegay 43 sano jir aya shaqeynaysay xilliga tacaddiga loo geystay,sida ay qortay Jaraa’idka Maxalliga ah. Ninka kufsiga geystay ayaa la sheegay in uu dhar ka soo xaday kalkaaliso kale oo Isbtitaalka ka shaqeysa,si aanay u garan haweeneyda uu tacaddiga u geystay,taasoo keentay in aanay dareemin ilaa uu dharbaaxo ku bilaabay,inkastoo iyaduna iskacaabisay,sida ay soo weriyeen shaqaalihii Caafimaadka. Mas’uuliyiinta Amniga magaalada Rome ayaa sheegay in markii dambe la qabtay shakhsiga tacadiga ku kacay oo muddo 5 sano ah qaxooti ku ahaa Talyaaniga,balse ma ay xusin magaciisa. Kufsiga ayaa dhacay habeenkii damaashaadka sannadka Cusub,waxaana mar ninkaan maxkamad la horgeeyay la weydiiyey sababta uu Isbitaalka u aaday habeenkii damaashaadka?balse wuxuu ku jawaabay“Ilaah baa yaqaan”,sida uu qoray Wargeeska La Stampa ee dalka Talyaaniga. Wargeeska ayaa intaas ku daray in ninkaan laga baarayo cudurrada maskaxda,islamarkaana maxkamad mar kale la soo taagayo 10 bishaan Jen 2018. PUNTLAND POST The post Nin qaxooti Soomaali ah oo kufsi u geystay Kalkaaliso Talyaani ah. appeared first on Puntland Post.
  25. WICHITA, Kan. (AP) - Attorneys for three men accused of plotting to bomb a mosque and apartment complex housing Somali refugees urged a federal judge on Wednesday to include prospective jurors from rural western Kansas because they are more likely to have voted for President Donald Trump. Source: Hiiraan Online