Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,031
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Mooshinka laga soo gudbiyey ee jawaari iyo Ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cawad ayaa lasoo sheegayaa inay hadda ciidamo hubeysan la galeen Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya. Ciidamada hubeysan oo ay Jawaari iyo Cawad la galeen Xarunta Baarlamaanka ayaa lasoo sheegayaa inay yihiin Ilaaladooda. Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee ku jira Gudaha xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa arrintaas ka muujiyey walwal farabadan, waxayna sheegeen inay arrintaan tahay xad gudub in Ciidamo lala soo galo Xarunta Baarlamaanka. Ciidamadan oo lagu qiyaasay dhowr iyo toban culus ayaa qaarkood ay wataan Qoryaha Boobeyaasha culus, waxaana la sheegay inay si lama filaan ah ugu gudbeen xarunta iyagoo ka yimid guriga Mahad Salaad kadibna ay fuuleen qeybta sare ee Baarlamaanka. Ciidamadaan ayaa lasoo sheegayaa inaysan kamid aheyn kuwa Booliska, Militariga iyo nabadsuggida dowladda Soomaaliya u diinwaan gashan, waxayna u abaabulan yihiin qaab maleeshiyaad ah. Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in saraakiisha amniga ay la tacaalayaan ciidamadan gaarka ah si meesha looga saaro, waxaana la hakiyey in xildhibaannada ay gudaha u galaan Baarlamaanka marka laga reebo koox yar oo bilowgii gudaha u galay. Ujeedka ciidamada taabacsan Mahad Salaad u galeen dhinaca sare ee xarunta ayaan la ogeyn, waxaana loo maleynayaa inay tahay khalkhal amni iyo in shirka Baarlamaanka lagu joojiyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Goordhow gaaray xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho. Gudoomiye Jawaari ayaa sidoo kale waxaa wehlinaya Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mahad Cawad. Sidoo kale waxaa isagana gaaray gudaha xarunta Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Cabdiwali Muudeey. Waxaana gudaha xarunta golaha shacabka kuwada sugan Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo isku qilaafsan Mooshinka Jawaari laga soo gudbiyay. Xildhibaanada ayaa safaf dhaadheer ku jira si loo baaro islamarkaasina ay gudaha u galaan. Waxaa durba soo baxaya khilaaf ku saabsan cida hogaamin doonto fadhiga Baarlamaanka. Waxaa xusid mudan in Xildhibaanada Baarlamaanka lagu balamiyay Ajandayaal is qilaafsan oo ku kala aadan Mooshinka Jawaari iyo Darbiga Kenya. La soco Puntland Post oo hel wararkii ugu dambeeyay. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Gudoomiye Jawaari oo Tagay Xarunta Golaha Shacabka appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta oo arbaco ah lagu wadaa in Xarunta Golaha Shacabka baarlamaanka Somalia uu ka qabsoomayo kulamo iska soo horjeedo oo ay kala qabsan doonaan Xildhibaanada labada garab ee BF. Xildhibaanada baarlamaanka ayaa qaarkood hadda ku qulqulaaya Xarunta Golaha Shacabka kuwaa oo kala taabacsan labada Garab ee Mooshin wadayaasha iyo garabka difaaca Jawaari. Xildhibaanada xarunta Golaha Shacabka wakhti hore xaadiray ayaa waxa ay yihiin kuwa Mooshinka ka wada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheeh Cusmaan Jawaari, kuwaa horay loogu kala diray fariimo lagu ogeysiinaayo inuu qabsoomayo Mooshinka. Xildhibaanada ugu badan ayaa aaminsan in xarunta Golaha Shacabka uu saakay ka dhacayo kulanka xildhibaanada ay codka kalsoonida ugu qaadayaan Mooshinka ka yaalla Guddoomiye Jawaari. Xildhibaanada kasoo horjeeda Mooshinka ayaa iyaguna waxaa dhankooda loo kala diray fariimo lagu ogeysiinaayo in kulanka uu yahay mid looga doodaayo ajando ku saabsan darbiga dowladda Kenya ay ka dhiseyso degmada Beladxaawo ee Gobolka Gedo. Xildhibaanada hadda ku sugan gudaha Xarunta baarlamaanka ayaa la sheegay inay gaarayaan ku dhawaad 130 Xildhibaan, sida uu sheegay Xildhibaan Cabdi Cali oo ka tirsan baarlamaanka. ‘’Waxaa hadda Xarunta baarlamaanka aan ku joognaa ku dhawaad 130 Xildhibaan oo isku jir ah, qeyb waliba waxa ay sugeysaa inay ka doodaan Ajandahooda waxaase lawada ogyahay in qorshaha kulanka uu yahay codeynta Mooshinka Jawaari’’ Sidoo kale, Xildhibaanada ku sugan gudaha Xarunta ayaa kala fadhiya laba qeyb, waxaana lasoo sheegayaa in fadhigooda uu yahay mid muujinaaya isgarabsi. Geesta kale, waxaa laga cabsi qabaa in Xarunta Golaha shacabka uu ka dhaco gacan ka hadal dhexmara Xildhibaanada labada ee baarlamaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimadda Online)- Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka xilli hore ay xarunta Baarlamaanka oo lagu balansan yahay inuu ka furmo kulan xasaasi ah oo looga doodayo mooshinka Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari). Xildhibaanadda qaarkood ayaa saaka salaadii subax kadib isla markiiba gaaray xarunta Baarlamaanka iyadoo aan la furin xarunta waxayna is tubeen bannaanka Baarlamaanka, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee xldhibaanada ay xilli hore tagaan xaruntaasi. Ciidamada ammaanka ayaa xildhibaannada u cayimay inaysan ilaaladooda la dhaafi karin goob u dhow Hotel Weheliye iyo Xarunta Tiyaaratarka, waxaana kaliya loo ogolaaday xildhibaannada iyo darawalkooda inay gudbaan, lamana soo werin wax qalalaase ah. Xaaladda ayaa degan iyadoo xildhibaannada labada dhinac ay ku qulqulayaan xarunta Baarlamaanka, waxaana la sheegay in guddoonka uu wadi doono guddoomiye ku xigeenka koowaaad C/weli Ibraahim Muudey kadib markii kursiga Guddoomiyaha laga qaaday goobta guddoominta xarunta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Hay’addaha Amniga dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa soo saaray war-saxaafadeed ku aadan sugida amniga, magaalada Muqdisho xili maanta oo Arbaco ah uu furmayo kulanka Golaha Shacabka, kaas oo Xildhibaanada ay kala wataan laba Ajende oo iska soo horjeeda. War-saxaafadeedka ayaa waxaa si wadajir ah u soo saaray Talisyada ciidamada Booliska, Nabadsugida, Xoogga dalka iyo Asluubta, waxayna kaga hadleen ilaa Saddex qodob oo quseeya kulanka Baarlamaanka. War-saxaafadeedkan ayaa waxaa loogu baaqay xildhibaannada Golaha Shacabka in ay ciidamada kala Shaqeeyaan sidii amniga loo xaqiijin lahaa iyo kala sareynta Sharciga.
  6. Xildhibaannada barlamaanka federalka Soomaaliya ayaa saaka kusii qulqulaya xarunta golaha shacabka, halkaas oo la filayo in saacadaha soo socda uu ka furmo kalfadhi codka loogu qaadayo mooshinka lagasoo gudbiyay guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya. Cabsi weyn ayaa laga qabaa in xarunta barlamaanku uu ka dhaco gacan ka hadal dhex mara xildhibaanada labada garab kala taabacsan, inkastoo ciidamada ammaanku ay ka reebeen dhammaan ilaaladii ay wateen xildhibaanada. guddoomiye Jawari iyo tiimkiisa ayaa isku ballansaday in maanta laga doodo arrinta la xiriira muranka Darbiga Kenya ka dhisayso xuduuda, iyagoo doonaya inay ku baajiyaan fadhiga mooshinka codka loogu qaado oo ay garabka kasoo horjeedo dabada ka riixayaan. Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumadiisa ayaa dusha eeganaya waxa ka socda barlamaanka kadib markii lagu fashilmay in xal loo helo khilaafka barlamaanka ka dhex taagan. Puntlandi.com
  7. UNITED NATIONS – Amid widely differing casualty figures for the Al-Shabab attack on the Ugandan AMISOM base in Somalia, Inner City Press on April 3 asked UN Spokesman Stephane Dujarric, video here, UN transcript here: Inner City Press: in Somalia, Source: Hiiraan Online
  8. Guddoomiyaha gobolka Nugaal oo ah guddoomiyaha guddiga nabad galyada gobolka Nugaal, Cumar Faraweyne, ayaa sharci darro ku tilmaamay mooshin golaha degaanka Garowe ka keeneen duqa Garowe, Xasan Maxamed Ciise (Xasan Goodir). Guddoomiye Cumar Faraweyne ayaa sheegay inay tilaabo ka qaadayaan cid kasta oo isku dayda inay abuurto fowdo iyo khalalaase lid ku ah ammaanka caasimadda, wuxuuna xildhibaanada horboodaya mooshinkaas ugu baaqay inay ilaaliyaan wadajirka iyo midnimada. Dhinaca kale Gudiga nabad gelyada gobolka Nugaal ayaa si kmg ah ujoojiyay kalfadhigii golaha degaanka degmada Garowe muddo ku siman 10 cisho ah, waxaana qoraalkaas loo gudbiyay wasaaraddaha amniga iyo arrimaja gudaha Puntlandi.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay saq dhexe waxa ay xireen wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Waddooyinka xiran ayaa waxaa alagu arkayaa ciidamada dowladda oo Gaadiidka u diidaya in Wadooyinka badi ay isticamalaan xili maanta uu furmay kulanka Golaha Shacabka oo laba Ajende oo iska soo horjeeda ay yaalaan. Ciidamo isugu jira Boolis,Milateri iyo Nabadsugid ayaa Maanta ayaa waxaa lagu arkaaya Wadooyinka Waaweyn ee Muqdisho, sida Wadada Wadnah, Wadada Maka-Almukarama. Kulanka Baarlamaanka ayaa saakay lagu balansan yahay xarunta Golaha Shacabka 09:00 subaxnimo, waxaana looga hadlayaa laba Ajande oo kala duwan, kuwaasi oo kala ah Mooshinka Jawaari iyo arrinta xuduuda ee Soomaaliya iyo Kenya, iyada oo laga cabsi qabo in ay dhacaan falal ka baxsan amniga. Xaalada Magalada Muqdisho ayaa Maanta ah mid kacsan, waxna Isgoys walba taagan Ciidamada Dowladda oo Gaadiidka celinaya,sidoo kale waxaa la arkayaa in dadweynaha ay dhammaan wada lugeynayaan maadaama wadooyinka la xiray. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Goor hore oo saaka ah sii tagay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho. Xildhibaanadaan ayaa ah Xildhibaanadii mooshinka ka soo gudbiyay Gudoomiye Jawaari. Xildhibaanada ayaa salaadii subax ka dib qaarkood gudaha u galay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho. Fadhiga Baarlamaanka ayaa loo balansanyahay 09:00 AM ee maanta xiligaasi oo mudanayaasha ay dhamaantood soo xaadiri doonaan. Kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa waxaa looga hadlayaa ajandayaal is qilaafsan oo kala duwan. Ajanadaha 1-aad waa Mooshinka Jawaari iyo Xiisada Baled-Xaawo oo la sheegay in iyana xubnaha qaar ay sheegeen in laga hadlayo. lama sii saadaali karo xaalada iyo halka ay ku dambeeyndoonto waxaana xusid mudan in Gudoomiye Jawaari uu shirkaasi sharci daro ku tilmaamay. La soco Puntland Post oo hel wararkii ugu dambeeyay Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaano Saaka Aroortii sii tagay Xarunta Golaha Shacabka appeared first on Puntland Post.
  11. Waxaa saaka si aad ah loo adkeeyay amaanka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Ciidamo aad u farabadan ayaa lagu soo daadiyay wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho. ciidamada ayaa xiray Wadooyinka , Wadnaha , Makka Al-Mukarama ee Muqdisho. Sidoo kale ciidamada ayaa xanibay isku socodka dadka iyo gaadiidka wadooyinka soo gala madaxyooyada iyo xarunta golaha shacabka. Arintaan ayaa ka dambeeysa kulan Xildhibaanada baarlamaanka Maanta oo Arbaco ah ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Muqdisho oo amaankeeda la adkeeyay iyo wadooyinka oo Xiran appeared first on Puntland Post.
  12. We, the Ethiopian Somali Democratic Council, has been in euphoric mood to witness the nomination and confirmation of Dr. Abiy Ahmed peacefully so that we will see the sustaining of economic prosperity, Source: Hiiraan Online
  13. Kadib doorasahdii Somaliland, waxaa jirtay oraah qiimo badan oo kusoo korortay diiwaanka siyaasadda Soomaalida, waana oraahdii dhumucda, xigmadda iyo miisaanka weynayd ee “Dalkeyga damaceyga u burburin mayo, dadkeygana dhiigooda u daadin maayo.” Waxaa oraahdan dhaxalgalka yiri Guddoomiyaha xisbiga Wadani, Cabdiraxmaan Cirro – waxay ahayd go’aan qaadasho ku saleysan waddaniyad iyo u turitaan shacab. Haddaba, arin taas u dhiganta ayaa hortaalla madaxda DF Soomaaliya ee uu Muqdisho fadhigeedu yahay, gaar ahaana Gudd. Maxamed Cismaan Jawaari iyo RW Xassan Cali Kheyre. BAL DADWEYNOOW Khilaafka Gudd. Jawaari iyo RW Kheyre yaan Faataxada u marnaa, ducadana u raacinaa oo soo afjara ismarin-waagan siyaasadeed ee ku hor gudban hawlihii mudada kooban looga fadhiyay Dowladdan curdanka ah? Dabcan, haddii lagu guul-dareystay wadahadaladii iyo dhexdhexaadintii laga dhex waday labada dhinac iyo doorkii nabadoonimo ee madaxweynaha JF Soomaaliya #MC Farmaajo. AAN WEYDIISANO ama KU BOORINO Guddoomiye Maxamed Cismaan Jawaari inuu fursad siiyo Soomaaliyada cusub “The New Somalia.” iyo xukuumadda NABAD IYO NOLOL ee uu hoggaamiyo #RW Xassan C Kheyre isagoo qiimeynaya, islamarkaana tixgelinaya sooyaalka noloshiisa iyo diiwaanka taariikhdiisa siyaasadeed ee dhiganayaasha ku qoran. Guddoomiye dhawr arrimood aawadoodba, Fadlan Qaranka & Dowladnimada u tanaasul: Gudd. daqiiqadan aan kula hadlayo u maleyn maayo intaan aqaano inuu baarlamaanka ku jiro shakhsi kaaga aqoon badan, kaagana waayo aragsan qaanuunka dowladeed ee dalkeena. Maadaama aad aqoon ahaan sharciga baratay, muddana aad ku soo shaqeynaysay xirfad ahaan, haddana waxaan xasuusnahay inaad naga istaahisho inaad ka nasato siyaasadda iyo jahwareerkeeda – waxaa dhici karta inaad ilawday, balse Guddoomiye 70-ka ayaad sii dhaaftay, waxaadna 6 sano kor u dhaaftay da’da hawl-gabka sida ku cad sharciyada caalamiga ah ama kan dalkaaga 2-aad ee Norway. Fadlan eeg bogga NAV (Norwegian Labor and Welfare Administration) oo ah hay’adda Norway u qaabilsan Daryeelka shaqaalaha iyo dadka hawl-gabka. Gudd. Dabcan, waad xasuusan tahay inaad Qarankaan u soo shaqeysay adigoo kasoo bilaabay laamaha garsoorka, soo qabtay wasiirada Gaadiidka, Shaqaalaha iyo Isboortiska wakhtigii dowladii Kacaanka. Sidoo kalena, kadib dagaaladii sokeeye guddoomiye u noqday guddigii kasoo shaqeeyay qabyo-qoraalka Dastuurka Federaalka Soomaaliya oo aad guddoomiye u ahayd muddo aad u dheer. Haddaba, mudane soo ma fiicna maadaama aad adiguba fursad u soo heshay inaad in ka badan 50 sanadood qarankan usoo adeegtay inaad dhaxalkaas sharaftiisa gurato, da’yarta haatan darka siyaasadda soo gashayna aad fursad siiso. Guddoomiye xasuuso xigmadii oraneysay “Taariikhdaadu waa dhaxalka ugu weyn ee aad uga tagi karto, qoyskaaga, qarankaaga iyo kuwa dhaxal sugayaashaada.” Fadlan taariikh iyo dhaxal wanaagsan nooga tag. Guddoomiye sidaan ognahay waxa guddoonkii Baarlamaankii 9-aad laguu doortay August, 2012 – waxaan filayaa inaad xasuusan tahay halka uu baarlamaankaas ku bas-beelay iyo inaad ugu dambeyntii adigu ku biirtay “Gollihii Madasha Qaranka” kadib markii aad ku guul-dareysteeb inaad dejisaan sharciyadii loogu tallo galay sare u qaadida amniga, dhissitaanka ciidamo qaran oo isku dhaf ah iyo qabashada doorashooyin qof iyo cod ah oo dhammaan dalka laga hirgeliyo. Marba haddii madaxweyinihii isku wakhtiga la idin doortay uu meesha ka baxay, wey fiicnaan lahayd inaad adiguna Guddoomiye fursad siiso muwaadin kale oo masuuliyaddaas qaadi kara si aad u nasato, anaguna kuu xasuusano halgankaaga. Mudane Guddoomiye, dabcan waan hubaa inaad garawsan tahay hadalkii xigmadda badnaa ee taariikhda galay ee Maya Angelou oo ahayd gabar halgamaa madow mareykana ahayd ee tiri “Haddii aad dooneyso inaad noolaato weligaa, dhaxalna reebto. Dunida calaamad uga tag aanan la tir-tiri karin,” Fadlan, maanta fursad weyn ayaad heysataa ee calaamad iyo xasuus uga tag Soomaaliya aanan la tir-tiri karin Guddoomiye. Ugu dambeyntii waxay ila tahay Guddoomiye sooyaalkaaga taariikheed ee soo dhismayey tan iyo 1945-tii xiligii dhalashadaada iyo wixii aqoon, khibrad iyo saaxiibtnimo aad soo dhisaysay iyo sidoo kale wixii masuuliyad qaran ee aad ummaddan u soo qabatay maantay kuma baddelin kartid dagaal siyaasadeed fool-xun oo sababi kara inaad kamid noqoto dadka taariikhda madoow looga qoro dhiganayaasha Soomaalida. Haddaba, maadaama aad tahay Guddoomiyaheena, sharci-yaqaan khibrad dheer leh, oday Soomaaliyeed oo milgo, sharaf iyo ixtiraam dhammaanteen naga mudan, waxaan kuu soo jeedin lahaa aynu Faataxo aan ku marnee fadlan ka hor-wareeg dhalinyaradan cusub ee uu hormuudka u yahay #RW Xassan Cali Kheyre iyo xukuumaddiisa. Maadaama RW Kheyre uu leeyahay shacbiyad xooggan, waxaa fiicnaan lahayd in fursad la siiyo. W/Q Abdiqafaar Shire Abdikafarshire@gmail.com Minneapolis, MN Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating, ayaa mar Seddexaad ku guul dareystay xalinta buuqa ka dhex aloosan Guuddoonka iyo Xildhibaanada baarlamaanka Somalia. Michael Keating, ayaa sheegay in qorshaha beesha caalamka uu ahaa in Soomaalida ay dhexdooda xalisato buuq Siyaasadeedka jira, hase ahaatee ay weli dareemayaan inaan laga maarmi doonin dhexdhexaadinta beesha caalamka. Michael Keating, waxa uu carab ***** in sanadihii ugu danbeeyay ay u bidhaameysay horumaro dhanka Siyaasada ah, hase ahaatee ay iminka u muuqaneyso in Siyaasada Somalia ay hakat kusii siqeyso. Michael Keating, oo xiisada baarlamaanka kala hadlaayay wakiilada kale ee dowladaha saaxiibada ka jooga Somalia, ayaa sheegay in dhowr jeer uu ku hingoobay xal u raadinta xiisada baarlamaanka Somalia, balse uusan gaarin halkii loo calaameeyay oo aheyd ‘’abuurista xal waara’’. ‘’ Kama quusan doono inaan ku dhex Milano Soomaalida si aan xal ugu helno xiisada ka dhextaagan baarlamaanka, waxaan rajeyneynaa inaanu xal u raadino xiisada taagan’’ Sidoo kale, Michael Keating, ayaa ku baaqay in xiisada ka dhexjirta baarlamaanka Somalia aysan ka gudbin Madaxda dhexdooda si aan loogu baahan faragalin dhab ah oo ay sameeyan caalamka. Haddalka Michael Keating, ayaa kusoo beegmaaya xili xiisada baarlamaanka ay kusii siqeyso rajo xumi halkii ugu xumeyd. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaarraha Xukuumada Somalia, Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa mar kale Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ugu baaqday inuu iska casilo xilka uu u hayo baarlamaanka. Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa sheegtay inaanu joogsan doonin Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiye Jawaari, waxa ayna cod dheer ku sheegtay in xalka baarlamaanka uu xiligaan yahay Jawaari oo Kursiga faarujiya, sida ay haddalka u dhigtay. ‘’Waxa uu Jawaari ku kacay ayaa naaga filan muuqaalka ay muujinayaan kuwa taageersan, Mowqifkeenu waa keliya in Jawaari uu iscasilo’’ ‘’Jawaari haddii uu kalsooni isku qabo shir Jaraa’iid joogta ah ma aysan ku mashquuli laheyn, waxaan oran lahaa golaha shacabka la dhex imaada waxa aad isku heysaan’’ Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye, waxa ay sheegtay in Guddoomiye Jawaari ay ku hayaan cadeymo muuqda oo muujinaaya waxa dhib ah ee uu ku hayo dalka, gaar ahaan sharciyada, hase ahaatee ay dhinac u ridi doonaan sida ay tiri. Sidoo kale, Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa cadeysay inuu aad u yar yahay cadadka Xildhibaanada kasoo horjeeda Mooshinka, taasina ay ugu wacan tahay inay diraan Muuqaalo caga jugleyn ah oo lagu beer laxawsanaayo shacabka, sida ay sheegtay. Si kastaba ha ahaatee, xiisada ka dhalatay Mooshinka Jawaari ayaa meel xun gaartay, wixii ka danbeeyay guul darada ka dhalatay wadahadalsiinta Guddoonka baarlamaanka oo khilaafka aasaas u ahaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Warar Dublamaasiyadeed oo Puntlandi heleen ayaa xaqiijinaya in Ciidamada Amisom lagu amray iney ilaaliyaan Amaanka Baarlamaanka Federaalka iyadoo qaybaha kale ee Beesha Caalamkuna ay taageereen hindisaha Amisom, Beesha Caalamku waxay balan qaadeen inay indhaha ku heynayaan shir walba oo ka dhaca Golaha Shacabka ayna taageerayaan ilaalinta Dastuurka Soomaaliya. Masuuliyiinta Golaha Shacabka iyo Masuuliyiinta Dowlada Federaalka ah ayaa iyana Beesha Caalamku indhaha ku heynaysaa, waxayna xaalada hada u muuqataa i Beesha Caalamku ay iminka faragaljn buuxda ku sameynayso Khilaafka u dheexeeya Madaxweynaha, Raysal wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, Arinataan ayaa timid ka dib markii Gudoomiayaha Baarlamaanka uu maanta afka furtay uuna qarxiyey in Khilaafku uu hada meelxun uu marayo isagoo Gudoomiyuhu uu si cad u sheegay usheegay in Dagaalka Siyaasadeed uu u dhexeeyo Xukuumada Iyo Baarlamaanka. Waan waantii maalmihii dhaweyd socotayna ay ahayd hoosaasin aan waxba ka jirin arintaasna Beesha Caalamku aad ayay uga xumaadeen ugana rajo dhigeen. Waxaa la qorshaynayaa in beri oo arbaco ah ay Dhismaha Baarlamaanka ay yimaadaan Ciidomo Amisom ka socdz .. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Farmaajo ilaa hada kama uusan hadal hadaladaa kasoo yeeray Gudoomiye Jawaari. Wixii soo korsdha kala soco Puntlandi.com oo si gaara indhaha ugu haya xaalada siyaasadeed ee Muqdisho. Puntalndi.com Muqdisho
  17. Dagaalka siyaasadeed ee ka socda Magaalada Muqdisha ayaa iminka noqoday mid banaanka yaal ka dib markii Mooshinkii isu badalay dagaal siyaadeed oo u dhexeeya Baarlamaanka iyo Xukuumada, Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa weerar afka ah wuxuu ku qaaaday Madaxweyne Farmaajo isagoo Gudoomiyhu uu banaanka soo dhigay waxyaabihii ay ku wada hadlwwn isaga iyo Madaxweynaha. Hadalka Gudoomiye Jawaari ayaa muujinaya in Madaxweynuhu uu isku dayay in uu ku cadaadiyo Gudoomiye Jawaari in uu iscasilo balse taas si caro leh ayuu Jawaari ugu jawaabay Madaxweynaha. Wararka caawa la helayo waxay sheegayaan in Gudoomiye Jawaari uu isu diyaarinayo inuu iska difaaco weerar walba oo uga yimaada Dhinaca Xukuumada, Ilo aad ugu dhow Gudoomiye Jawaari ayaa Puntlandi u sheegay in Gudoomiyuhu aah maanta aad uga carooday Madaxweynaha, uuna dareemaymin uu Madaxweyne Farmaajo uu si toosa ula saftay Raysal wasaaraha. XaaladaMuqdisho ayaa caawa aad kacsan waxaana magaalada buux dhaafiyey Ciidamo kala duwan oo labada dhinac kala taageersan. Puntlandi Muqdisho
  18. Zinedine Zidane insists Real Madrid do not hold any psychological edge following their victory over Juventus in last season's Champions League final. Source: Hiiraan Online
  19. Maalinta Bari ah oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay yeeshaan kulan xasaasi ah. Kulankaasi ayaa lagu wadaa in Xildhibaanada ay codka kalsoonida ugu qaadaan Gudoomiye Jawaari oo mooshin laga soo gudbiyay. Qabsoomida kulankaasi ayaa waxaa iclaamiyay xildhibaanada wada mooshinka Jawaari. Xildhibaanada qaar ayaa ka digaya in kulankaasi uu sababo gacan ka hadal iyo buuq dhexmara Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Dhanka kale waxaa Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka socdo kulamo kala duwan oo ay leeyihiin xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaanada ka soo horjeedo Mooshinka Jawaari ayaa sheegay in Madaxweynaha uu taageersanyahay Mooshinka Jawaari laga soo gudbiyay sida ay hadalka u dhigeen. Lama sii saadilin karo xaalada iyo sida ay isku badali karto Qilaafaadkaan hareeyay Baarlamaanka. Ciidamo gaar ah oo sugayo amaanka Baarlamaanka ayaa la geeyay Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Wararkii ugu dambeeyay ee Kulanka Baarlamaanka ee Bari appeared first on Puntland Post.
  20. DAAWO-Xukunka Dilka ah ee Lagu Ridey Askari Hub Kala Goostay Puntland, Tirada Hubka iyo Deegaankuu Ka Soo Jeedo. Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee dambiyada culus ee dawladda Puntland ayaa goor dhaw ku dhawaaqday Xukun dil toogasho ah oo lagu xukumay Askari katirsanaa ciidamada Difaaca ee Puntland oo isku dhiibay Somaliland, lana goostay gaari dagaal iyo hub fara badan oo ay lahaayeen ciidamada Difaaca Puntland, ulana galay maamulka la baxay Somaliland. Maxamed Maxamuud Guure, oo ka soo jeeda gobolka Sanaag ee Puntland ayaa maxkadu caddaysay inuu Soomaaliland ula goostay gaari noociisu yahay 3F, 7 qori iyo 2 baastooladood. Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Puntland iyo Gaadiid dagaal oo uu watay ayaa Ka goostay Puntland, Isagoo ku biiray Ciidamada Somaliland. Munaasibad lagu soo dhowaynayayey ayaa waxaa ka hadlay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Somaliland, waxayna sheegeen inuu hada si rasmiya uga mid noqon doono Ciidamada Somaliland, Islamarkaana ay Rajaynayaan Ciidamo kale oo kasoo goosta dhinaca Puntland.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya, Maxamd Cismaan Jawaari, ayaa maanta sheegay in madaxweyne Farmaajo uu ka dalbaday inuu is-casilo, balse uu ka diiday, wuxuua madaxweynaha ku eedeeyey inuu waajibaadkiisa gudan waayey. Haddaba maxaa dhex maray Farmaajo iyo Jawaari? Ugu horeyn hadalka Jawaari ayaaa u muuqda mid burinaya hadalkii uu jeediyey sabtidii markii uu baaqday kulankii baarlamanka. Jawaari ayaa markaas yiri “Waxaan u mahad celinaa madaxweyaha oo soo dhex galay xiisaddii jirtay, isaga oo gutay waajibaadkiisa, allaah ajar ha ka siiyo” Jawaari iyo Farmaajo ayaa markii ugu horeysay kulmy habeenkii jimcaha, tan iyo markii xiisadda baarlamanka ay billaabatay. Xildhibaano ku beel ah Jawaari oo ay ka mid tahay Fowsiya Sheekh ayaa madaxweynaha u tagay una sheegay in Jawaari uu doonayo inuu la kulmo, uuna doonayo inuu is-casilo, maadaama ku dhowaad 200 xildhibaan ay kaso horjeesteen. Jawaari oo madaxweynaha u tagey ayaa u sheegay inuu doonayo inuu is-casilo, sidaas darteedna la baajiyo kulanka baarlamanka, wuxuuna codsaday in la siiyo 10 maalmood oo uu kula soo hadlo saaxiibadiis kooxda Damu Jadiid, oo uu sheegay inuu ku biiray. Madaxweynaha ayaa sida la sheegay dhaariyey Jawaari, marqaatina uga dhigay xildhibaanada beeshiisa, si xiisadda jirta loo damiyo. Ayada oo sidaas ballanku yahay, ayuu Jawaari shalay mar kale u tagey madaxweynaha, una sheegay inuu ballanka ka baxay, oo aanu is-casili doonin. Waxa uu kadib maanta qabtay shir jaraa’id oo uu ku sheegay in madaxweynaha uu iscasilaad ka dalbaday. Xaqiiqda wixii dhex maray Farmaajo iyo Jawaari, waxaa nala wadaagay qaar ka mid ah xildhibaanadii goobjoogga ka ahaa wada-hadalka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/04/Jawaari.mp4 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Lower House Speaker, Mohamed Osman Jawari on Tuesday accused President Mohamed Farmaajo of rubbing salt into his wound barely four days after a presidential intervention put off a session to debate on the no-confidence motion against Jawari. In a press conference, Jawari said the President had been pleading with him to resign since Saturday rather than resolving the crisis. “Rather than mediating the political crisis, he is asking me to resign and I will not resign. I came here through the ballot and will go through the ballot,” said Jawari. The embattled speaker remains defiant in the face of the impeachment motion, saying that he decided to release this information to the public following what he called the President’s hidden plan to oust him. “I tell the people of Somalia that the President failed to solve the political crisis, I never thought that they would negotiate with me over my resignation,” he told the reporters. He said the proponents of the motion have been given clearance to hold a session to unset him on Wednesday. “I agreed with the President to allow ten days in which we would find a solution for the stand-off, but the motion against me has been allowed proceed which indicates that the President is happy with it,” he criticised the President. The protracted political crisis between the Executive and Legislative branches of government will culminate in a closely-watched, politically charged motion which will be tabled on Wednesday.
  23. “They are asking me to resign, but I am not going to resign, I do not work for them,” the words of a defiant Mohamed Osman Jawari, Somalia’s Speaker of Parliament. Confusion has rocked the lower legislative chamber for the past weeks. The crisis has seen the house divided between supporters of the speaker on one hand and those of the Prime Minister, Ali Hassan Khaire. Speaker Jawari has been accused by elected officials of abuse of power and obstruction of constitutional reform. He has, however, survived a motion of no-confidence. This crisis has previously led to a heavy deployment of security personnel in and around the Assembly. The speaker of parliament called this move an “attempted coup.” A new motion of no confidence was suspended after President Farmaajo intervened. MP Mohamed Mohamud who supports the speaker bemoans the negative effect of the crisis on the country. “This dispute in parliament has a negative impact on the country, because there are internal struggles between the supreme branches of government such as parliament and the executive causing more insecurity. “There has been a rise of power struggle in the legislature. Ministers do not go to their offices because they are too much involved in this conflict, the deputies are also paralyzed by these struggles, with the public services not functioning well,” he said. The Upper House of Parliament has tried to mediate in the impasse, the biggest political crisis since the government took office a little over a year ago. President Farmaajo has had to postpone several meetings and foreign travels to try and end this crisis. The African Union, United Nations and other partners have voiced grave concern and also called for calm. Source: – Africanews
  24. The Kenyan Defense Forces have been deployed in Somalia conducting counterterror operations since 2011.Yet a recent United Nations (U.N.) report accuses the Kenyans of continuing its years-long practice of enabling the trade of charcoal in Somalia—a trade banned by the U.N. in 2012 because it profits al-Shabaab, the Islamist terror group with which Kenya is ironically locked in a bitter struggle. Since its rise to prominence in 2006, al-Shabaab (an al-Qaeda affiliate) has launched hundreds of attacks inside Somalia, earning the State Department’s designation as a terror organization in 2008. In October 2017, it launched one of the deadliest terror attacks in history when two of its truck bombs killed more than 500 people in Somalia’s capital city, Mogadishu. The group also frequently attacks nearby Kenya, perpetrating some of the worst massacres the country has ever suffered. Its seizure of the upscale Westgate Mall in Nairobi in September 2013 led to nearly 70 deaths and almost totally destroyed the mall. In 2015, the group killed 147 people—mostly students—at Garissa University in eastern Kenya. The group has also kidnapped Kenyans and foreign citizensalike from Kenya and attacked humanitarian aid workers around the Dadaab refugee camp. In response to al-Shabaab’s growing power, the African Union in 2007 established a multinational peacekeeping force in Somalia, known as AMISOM, to try to roll back al-Shabaab’s territorial control and stabilize the region. After invading Somalia in October 2011 in its own campaign against al-Shabaab, Kenya merged its forces in Somalia with AMISOM the following year. AMISOM succeeded in expelling al-Shabaab from all its major strongholds, though the group still controls significant territory in southern Somalia. Kenyan forces also liberated the port of Kismayo, one of Somalia’s largest ports for exporting charcoal. Some believed the city’s capture would be a lethal blow to al-Shabaab given its financial reliance on the port. That was not the case, however. Instead of enforcing the U.N. ban on the charcoal trade, Kenyan forces allegedly allow it to continue in exchange for its own slice of the action. The Kenyans charge about $2 a bag, and may make as much as $12 million a year from the arrangement. The Kenyan forces’ cupidity allows al-Shabaab to rake in charcoal profits. The U.N. conservatively estimates that the terror group makes approximately $10 million dollars a year from the 4.5 million to 6 million bags of charcoal exported annually. Al-Shabaab benefits primarily by taxing vehicles ferrying charcoal to port cities such as Kismayo for export. The fight against al-Shabaab is already difficult enough given the Somali government’s corruption and dysfunction, and its lack of progress in creating an effective Somali national army. Kenyan forces’ refusal to enforce the charcoal ban only makes the fight harder, and the money they reap comes at the cost of both Kenyan and Somali lives.