Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,026
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waxaa wali cakiran xaalada xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho oo kulanka Baarlamaanka lagu iclaamiyay in uu ka dhaco. Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa qaarkood ku sugan gudaha xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho. Sidoo kale xildhibaano kale ayaan u suurtagalin in ay gudaha u galaan xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho. Muuqaal la soo duubay ayaa muujinaya in hoolka Baarlamaanku aanay ku sugneyn Xildhibaano badan. Waxaa xusid mudan in aanu ilaa iyo iminka furmin kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka. Xildhibaanada taageersan Gudoomiye Jawaari ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in uu ku xadgudbay Dastuurka dalka sida ay hadalka u dhigeen. Xildhibaanada kale ee wada Mooshinka Gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in Gudoomiye Jawaari uu xoog kula wareegay xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho sida ay yiraahdeen. http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/04/Baarlamaanka-hadda.mp4 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post, Muqdisho The post Wararkii ugu dambeeyay Xarunta Golaha Shacabka appeared first on Puntland Post.
  2. After eight years the German army has ended its training mission to Somalia and has returned all Bundeswehr soldiers to Germany. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyay ee Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegaya in Xarunta ay ka baxeyn Xildhibaanadii mooshinka waday iyo Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabdi wali shiikh Ibraahim Muudeey. Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka gaar ahaan xildhibaanada Mooshinka wada ayaa KNN u sheegay in Ciidamo uu wato Guddoomiye Jawaari ay xoog ku qabsadeen Xarunta Golaha Shacabka taasina ay sababtay in Xildhibaanada ay dib Guryahooda ugu laabtaan. Wararka ayaa sheegayo inay Xildhibaanadaas sheegeen inaysan gudaha u geli karin Xarunta haddii aanan laga soo saarin Ciidamada hubeysan ee taabacsan Jawaari ee gudaha u galay xarunta Baarlamaanka. Xildhibaanadaan ayaa dib ugu laabtay hoteeladii iyo guryihii ay ka imaadeen kadib markii ay sheegeen inaysan naftooda halis gelin karin. Xildhibaanada kasoo horjeedo Muudey ayaa iyagana sheegay inay hub la geli doonaan Xarunta baarlamaanka haddii aan kuwa Jawaari laga soo saarin. Balse arrintaas waxaa diiday Ciidamada AMISOM oo sheegay inaysan macquul aheyn in laba ciidan oo iska soo horjeedo isla galaan Xarunta waxayna sheegeen inay ku hoolan yihiin sidii ay kuwa gudaha ugu jiro ay uga soo saari lahaayeen. Waxaa muuqato inuu kulankii Maanta fashilmay isla markaasna uu hirgalay Qorshihii garabka Jawaari taagersan oo ahaa in laga shaqeeyo sidii kulankaan loo fashilin lahaa. Qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka oo la hadlay wariyaasheena ku sugan xarunta baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay wax laga xumaado tahay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu Xarunta shacabka la galo hub iyo ciidan badan midaasna ay tahay sharci darro. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Somalia's breakaway northern region of Somaliland declared its independence nearly three decades ago, but despite having its own currency, parliament and military the predominantly Muslim country hasn't been recognized by any foreign government. Source: Hiiraan Online
  5. When ISIS started expanding its hold on Iraq and Syria, tens of thousands of foreign fighters went to join the caliphate. In Norway, two teenage girls decided to leave their family for Syria. Their story is the subject of a new book by Norwegian journalist Asne Seierstad called, Two Sisters. Source: Hiiraan Online
  6. Allaha unaxariistee, waxaa goor dhowayd magaalada Hargeysa ee Somaliland ku geeriyootay fanaananadii Soomaaliyeed ee caanka ahayd, Sahra axmed jaamac, taasoo muddooyinkii ugu dambeeyay halkaas ku xanuunsanayd. Sahra Axmed Jaamac, waxay ka mid ahayd hablaha fanaaniinta Soomaaliyeed kuwa ugu caansan looguna jecel yahay. Waxay ka mid ahayd kooxdii hobolada Waaberi, waxaana lagu naanaysi jiray qoruxda fanka Soomaaliyeed. Sahara Axmed waxa la sheegay inay fanka ku soo biirtay sanadkii 1973-kii ilaa 75-kii. Sahari waxa la sheegaa inay fanka ku bilowday heeso badan oo dhanka jacaylka ah, kuwaas oo dadka qaar sheegaan inay ku qotomeen qisooyin jacayl oo dhab ah. Heesaheeda waxay xoogga ku saari jirtay dhinacyada wadaniga, jacaylka, guubaabinta, dhiirigelinta, amaanta, duco, wacyi’gelinta, wargelinta, iyo wax-sheega. Puntlandi.com
  7. Somalia’s capital, Mogadishu is under a complete security lockdown on Wednesday morning with major roads closed ahead of the House session to debate on the impeachment motion against embattled House Speaker Mohamed Osman Jawari. Hundreds of security forces have been deployed around the parliament as the setting of the House is expected to start in the forthcoming hours. The motion which was submitted to the Parliamentary leadership last month has created sharp division among the lawmakers with the top leadership of the House at loggerheads over the impeachment motion. The negotiation effort to ease the political stand-off collapsed over the weekend leading to the First Deputy Speaker to call for a session to decide the fate of Mohamed Osman Jawari. Hiiraan Online was learned that the two opposing factions, the pro-Jawari MPs and the Proponents of the motion are gathering at the Parliament building with their agendas. The Pro-Jawari camp may try to table the Beled-Hawa border dispute issue before the impeachment motion. Mohamed Osman Jawari, the speaker of House has called today’s session to debate on the motion against him as a plan engineered by the President. Speaking to the media on Tuesday, Jawari accused President Farmajo of ‘dishonesty’ saying he has been pleading with him (Jawari) to step down, but that he refused. Jawari has previously said that he became House Speaker by the ballot, and he shall only be ousted in a legal manner. High profile events in Mogadishu are usually marked by a complete security lockdown of the city. These events – such as the Presidential election or inauguration – are usually attended by Mogadishu’s political elite and prominent foreign dignitaries. Parliamentary sessions, despite sometimes being politically charged, are usually not events that call for a security lockdown of the city. Source: Hol
  8. Allaha u naxariistee waxaa Goordhow magaalada Haregysa ee xarunta Maamulka Soomaaliland ku geeriyootay Fananaada Sahro Axmed Jaamac. Sahro Axmed Jaamac oo kamid aheyn Hobolada ugu caansan dalka Soomaaliya ayaa baryihii ugu dambeeysay ku xanuunsaneysay Hargeysa. Geerida Fanaanada waxaa warbaahinta Goordhow u xaqiijiyay Dhaqtarka gacanta ku hayay kiiskeeda caafimaad. Geerida Fanaanada waxaa ka tacsiyeey Fanaaniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka iyo dibada. Allaha u naxariisto Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Fanaanada Sahro Axmed Jaamac oo Hargeysa ku Geeriyootay appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Caasimadda Soomaaliya ee Muqdishdo ayaa sheegayo inuu socdo qorsho la doonayo in Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya jawaari lagu dajiyo Xarunta baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaanada taageersan Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Jawaari ku qalqaaliyey inuu jiifto Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya si looga fogaado in Maalinta Sabtida ah looga soo hormaro Xarunta Baarlamaanka isla markaasna loo diido inuu gudaha u galo. Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta ku dhaqaaqay tallaabo ay cambaareeyeen Xildhibaano badan oo ahaa inuu Ciidamo tiro badan gudaha ula galay Xarunta baarlamaanka Soomaaliya taasoo u muuqato inay tahay tallaabo sharci darro ah. Guddoomiye Jawaari ayaa la filayaa in Saacadaha soo socdo joodarigiisa loo geeyo Xarunta Baarlamaanka si uu halkaas u dago oo uusan uga soo bixin. Guddoomiye Jawaari ayaa maanta nashqad lama filaan ah la cayaaray Xildhibaanada ku kacsan ee doonayo inay xilka ka qaadaan. Jawaari ayaa xildhibaanada kasoo horjeedo kaga soo hormaray Xarunta baarlamaanka isagoo ciidamo lama filaan ah gudaha soo galshtay kuwaas oo la sheegay inay ahaayeen ciidamo ka amar qaato Xildhibaan Mahad Salaad. Kulankii Baarlamaanka ee Maanta ayaa u muuqdo inuu fashilmay isla markaasna waxaa lasoo sheegayaa in tiro badan oo ka tirsan Xildhibaanada ay dib ugu laabteen Hoteeladooda kadib markii laga cabsaday inuu dagaal ka dhaco maadaama Ciidamo badan oo Jawaari la socday ay gudaha u galeen,. Wixii warar ah ee soo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Mogadishu (HOL) - Somalia’s capital, Mogadishu is under a complete security lockdown on Wednesday morning with major roads closed ahead of the House session to debate on the impeachment motion against embattled House Speaker Mohamed Osman Jawari. Source: Hiiraan Online
  11. Guddoomiye Jawaari iyo ku xigeenkiisa Cabdiweli Muudeey ayaa gudaha xaraunta barlamaanka la galay ciidamo aad u hubaysan, iyagoo diiday inay ciidamada uga tagaan bannaanka. Wararka uu Puntlandi helayo waxay sheegayaan in xarunta barlamanka uu haatan ka socda buuq xoogan oo ka dhashay ciidamada gudaha lalasoo galay, taasoo oo keentay cabsi weyn oo laga cabo inay isku dhacaan ilaalada Jawari iyo Muudeey. Warbaahinta ayaa isaga dareeray xarunta golaha kadib markii loo diiday inay gudaha u galaan xarunta golaha, waxayna umuuqataa inuu kulankaan baaqandoono mamadaama aanu weli furman kalfadhiga la iskuna hayo labo ajande oo ay kala wataan labada garab. Xildhibaano ayaa diiday inay galaan xarunta barlamaanka kadib markii ay sheegeen in la jabiyay go’aankii hay’addaha ammaanka ee ahaa inaan wax hub ah lala galin xarunta golaha. Puntlandi.com
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka hadda ay soo sheegayaan wariyaasheena ku sugan Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya inta badan xildhibaanadii tagay halkaas ayaa isaga laabtay. Wararka ayaa sheegayo inay Xildhibaanadaas sheegeen inaysan gudaha u geli karin Xarunta haddii aanan laga soo saarin Ciidamada hubeysan ee taabacsan Jawaari ee gudaha u galay xarunta Baarlamaanka. Xildhibaanadaan ayaa dib ugu laabtay hoteeladii iyo guryihii ay ka imaadeen kadib markii ay sheegeen inaysan naftooda halis gelin karin. Xildhibaanada kasoo horjeedo Muudey ayaa iyagana sheegay inay hub la geli doonaan Xarunta baarlamaanka haddii aan kuwa Jawaari laga soo saarin. Balse arrintaas waxaa diiday Ciidamada AMISOM oo sheegay inaysan macquul aheyn in laba ciidan oo iska soo horjeedo isla galaan Xarunta waxayna sheegeen inay ku hoolan yihiin sidii ay kuwa gudaha ugu jiro ay uga soo saari lahaayeen. Waxaa muuqato inuu kulankii Maanta fashilmay isla markaasna uu hirgalay Qorshihii garabka Jawaari taagersan oo ahaa in laga shaqeeyo sidii kulankaan loo fashilin lahaa. Qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka oo la hadlay wariyaasheena ku sugan xarunta baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay wax laga xumaado tahay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu Xarunta shacabka la galo hub iyo ciidan badan midaasna ay tahay sharci darro. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. UNITED NATIONS – Amid widely differing casualty figures for the Al-Shabab attack on the Ugandan AMISOM base in Somalia, Inner City Press on April 3 asked UN Spokesman Stephane Dujarric, video here, UN transcript here: Inner City Press: in Somalia, there are widely differing figures of how many of the AMISOM [African Union Mission to Somalia] peacekeepers were killed in the Al Shabaab attack. Uganda says it’s more… four. Now they say eight. Some people say 59. Given that there is this UNSOS [United Nations Support Office in Somalia] that I asked about yesterday, what is the figure? Spokesman: I don’t have, I don’t have an independent figure from our end to report. Why not? Isn’t UNSOS, about which Inner City Press has previously asked without answer, involved? We’ll have more on this. Back on January 26 after an attack on a UN compound in Mogadishu Inner City Press asked UN Deputy Spokesman Farhan Haq about it, from the UN transcript: Inner City Press: There’s some reports of an attack on an UN compound in… in… in Mogadishu and the death of an international staff member from Uganda. Are you aware of that? Can you confirm it? Deputy Spokesman: No, we don’t have confirmation. We’ll try to see whether there’s anything to those reports.” This was published by the UN later in day, after the UN has sent this to Inner City Press: “In regards to your question on an attack in Mogadishu, we can confirm that a fatal shooting of a UNICEF contractor took place today in Mogadishu, Somalia early this afternoon. An investigation is underway, and UNICEF staff are safe. Our thoughts are with the family of the man who was killed.” Yes, rest in peace. But why isn’t the UN being louder about this attack, days after a UN Staff Union report about the increase of attacks on the UN? After Somali minister Abass Abdullahi Sheikh Siraj was shot and killed by the bodyguards of the country’s Auditor-General, apparently in a case of mistaken identity, Inner City Press asked the spokesman for UN Secretary General Antonio Guterres, Stephane Dujarric, if Guterres or the UN had any comment. Dujarric said it seemed to be an assassination. On May 11, Inner City Press asked again, from the transcript: Inner City Press: I saw that the Secretary-General at the Somali conference describe the death as Abass Siraji as tragic and unfortunate. I asked about it at the time, and you said it seemed like an assassination. Is that no longer the view of the UN? Spokesman: I’ll… I think whatever the Secretary-General says overrides whatever I may say. That’s a rule. Inner City Press: And I just want to understand, when you say that his speech to UNA-UK was off the cuff, it seems like… I mean, it was a speech. UN News Centre reported on it, so, like, what’s the problem with releasing it? I don’t understand. Spokesman: It’s not that we’re not releasing it. It’s just no transcript’s been done. We’re going to release the video, and I think the video is as strong as the spoken word. From the earlier UN’s transcript: Inner City Press: does the UN system have a statement on the killing of Somali Government minister Abass Siraji, a 31-year-old Government minister killed by the [inaudible]? Spokesman Dujarric: We obviously condemn what appears to be an assassination of this minister and send our condolences to his family and to the Government of Somalia. Inner City Press: Are you… Because some people are saying he was shot by mistake. And I’m wondering, does the UN have any role in security…? Spokesman: I have no… a role in providing his security? No. Inner City Press: No, no, in training, in this case, the bodyguards of the auditor general. Spokesman: Not that I’m aware of. The UN Has said nothing since, five hours later. Back on January 26 when the International Monetary Fund’s deputy spokesperson William Murray took questions at the IMF’s biweekly media briefing on January 26, Inner City Press asked him about Somalia and the UN, as well as Mozambique and Ghana. Inner City Press asked: “The UN’s envoy to Somalia Michael Keating recently said in New York that the IMF is urging the government in Mogadishu to raise revenue, by means of a tax on ‘ICT’ or telecom/mobile phones. Is that accurate? Please explain the IMF’s position.” After the briefing, at which Inner City Press’ Mozambique question was answered, an IMF spokesperson provided this on Somalia: “Somalia has one of the lowest revenue to GDP ratios in the world. Increasing revenue mobilization, from a low tax base, is critical to Somalia’s economic and social development goals. To that end, the authorities and IMF staff reached an understanding on the need to collect higher nominal revenues in 2017 compared to those in 2016. The ultimate goal is to progressively restore, over time, revenue to GDP to a level comparable to peer countries. In 2017, the authorities plan to start implementing a more formal tax system, which is projected to increase tax revenues from about 1.4 percent of GDP in 2016 to 2.0 percent of GDP in 2017. A critical element of these revenue measures — based on current law which the authorities will start implementing — is revenue from the telecom sector, about $24.5 million in total in 2017. This is up from the negotiated tax of $5.0 million agreed for 2016. The projection comprises of about $12–14 million from taxes on corporate profits and $10–12 million from sales taxes. Additional revenue collection from the telecom sector could be achieved but will require significant improvements in revenue administration and tax collection, while improving security for telecom operators.”
  14. Warar lagu kalsoonaan karo oo aan heleeyno ayaa waxa ay sheegayaan in Afaafka hore ee xarunta Baarlamaanka lagu jirdilay Abaanduulaha ciidamada Xooga dalka Cabdullaahi Cali Caanood. Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in Abaanduulaha iyo ciidamo uu wato ay doonayeen in ay Xarunta Baarlamaanka gudaha u galaan hayeeshee loo diiday. Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamadaan Jirdilay Abaanduulaha ay yihiin ilaalada Gudoomiye Jawaari. Ha’adaha amniga wali kama hadlin jirdilkaan loo geeystay Abaanduulaha . Ciidamo aad u farabadan oo isugu jiro Ciidamada Dowlada kuwa AMISOM iyo Ciidamo ajnabi ah oo wato eeyaha tababaran ayaa ilaalinaya amniga xarunta golaha shacabka. La soco Puntland Post oo hel warar Deg Deg ah. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Abaanduulaha Ciidamada Xooga oo lagu jirdilay Afaafka hore ee Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabduweli Ibraahim Muudeey oo wato ku dhawaad 7 Gaari oo Ciidamada ah ayaa gaaray Xarunta Shacabka Soomaaliya. Ciidamadaan oo aad u hubeysan ayaa la sheegay inay ku hareen irradda hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana gudaha xarunta u gudbay Muudeey oo aan wax ciidan ah wadan. Ciidamadaas ayaa haatan ku sugan baananka hore ee Xarunta Golaha Shacabka,iyada oo gudoomiye muudeey ay kas ii horeeyaan gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo ku xigeenkiisa 2aad kuwaas oo saacad ka hor soo galay Xarunta. Wararka hore ee aan idinla wadaagnay ayaa idinkugu sheegnay in Guddoomiye Jawaari iyo Cawad ay gudaha la galeen ku dhawaad 20 askari oo ku hubeysan qoryaha culus iyo kuwa fudud, waxaana la sheegay inay ciidamadaas ahaayeen kuwa Ilaalooda ah. Waxaa socoto ilaa hadda dadaalo lagu doonayo in ciidamada Jawaari iyo Cawad looga soo saaro Xarunta Baarlamaanka inkastoo aysan weli wax najiijo ah kasoo bixin . Waxaa jirto cabsi weyn oo ku aadan inuu kulankaan kusoo dhamaado foodo iyo gacan ka hadal, waxayna Xildhibaanada Jawaari taageersan ku heshiiyeen in laga shaqeeyo sidii kulankaan loo soo fashilin lahaa. Wariyayaasha ayaa laga soo saaray gudaha Baarlamaanka, waxaana lagu war geliyey inaysan soo geli karin inta uu ka dhamaanayo kulanka.
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Xarunta baarlamaanka Somalia ay gaaren ciidamo ka tirsan AMISOM iyo Saraakiil cadaan ah. Ciidamadan oo ku hubeysan qoryaha fudud ayaa waxaa wehlinaaya Saraakiil iyo Eeyo dhowr ah oo u tababaran sheegida walxaha u qarsoon qofka. Ciidamada AMISOM iyo Saraakiisha cadaanka ah ayaa wata gaadiidka nooca gaashaaman, waxa uuna gaaritaankooda xarunta kusoo beegmayaa kadib markii Guddoomiye Jawaari iyo Cawad ay gudaha Xarunta la galeen ciidamo Hubeysan. Ciidamada AMISOM oo ka tirsan qeybta Booliska iyo Saraakiisha kale ayaa caawinaya kuwa Soomaalida oo iyagu heegan loo galiyay ka hortaga buuq laga cabsi qabo inay sameeyan Xildhibaanada taabacsan Jawaari. Guddoomiye Jawaari iyo Cawad ayaa waxaa ka go’an inay carqaladeeyan kulanka waa haddii uu noqdo cod u qaadista Mooshinka laga gudbiyay, waxa ayna guda Xarunta la galeen ciidamo farabadan. Ciidamada Jawaari iyo Cawad ayaa sidoo kale weli ka muuqda qeybaha sare ee Xarunta baarlamaanka kuwaa oo aad looga cabsi qabo inay kiciyaan fowdo si loo hakiyo kulanka. Xaaladda Baarlamaanka maanta lama qiyaasi karo sida uu noqon doono, maadaama Xildhibaano wata laba Ajande oo iska soo horjeeda hoolka ay ku sugan yihiin maanta. Dhianaca kale, Suxufiyiinta ayaa loo diiday inay galaan gudaha Baarlamaanka, maadaama la diiday in si toos ah loo soo tabiyo waxa ka socda Xarunta Golaha Shacabka iyo dhaqdhaqaaqyada kala duwan ee iska soo horjeeda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Wararka ka imaanaya xarunta Golaha Shacbka ayaa sheegay in wali ay socdaan xildhibaanada imaanaya xarunta Golaha Shacabka, kuwaas oo maanta xarunta ku soo gaarayo si ka duwan sidii hore. Ciidamo fara badan oo xiray wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa isgoyska Dabka waxay ku reebayaan ilaalada xildhibaannada u socda xarunta golaha shacabka, iyadoo halkaasi uu gudbayo kaliya xildhibaanka oo la baaray waxna aan sidanin sida wararka qaar ay tilmaamayaan. Sidoo kale baaritaanada lagu sameynaayo mudanayaasha Barlamaanka ayaan ku ekeen wadda Dabka iyo kuwa kale ee soo gala xarunta Madaxtooyada, banaanka hore ee xarunta golaha shacabka waxaa ku sugan xildhibaanno badan oo saf ugu jira in la baaro, kadibna ay gudaha u galeen xarunta. Ciidamo Booliis ah ayaa lasoo sheegayaa sidoo kale iney gudaha ugu jiraan golaha shacabka, kuwaasi oo qeyb ka ah sugista amniga. Wararka ay faafisay Idaacada Kulmiye ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawari oo Mooshin uu ka yaala uu goor dhow gudaha u galay xarunta Golaha Shacabka, isla markaana ku fadhiistay kursigiisa ku gudoomin jiray kala fadhiyada Golaha Shacabka. Gudoomiye ku xigeyn Koobaad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaan wali gaarin xarunta Golaha Shacabka, kaas oo balamiyay xildhibaanada mooshinka ka gudbiyay Gudoomiye Jawaari. Xildhibaanada qaar oo Idaacada Kulmiye la hadlay waxay in xildhibaanada qaar ay Hub la galeen, inkastoo warkaas uusan cadey. Wali mabilaabanin kulanka Barlamaanka oo laba ajande oo iska soo horjeedo ama kulan labo ajando ah looga hadlaaya uu ka dhacaayo sida ay tilmaameyn xildhibaano la hadlay KNN.
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka hadda soo sheegayaan wariyaasheena ku sugan Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya waxaa la jir dilay Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Cabdullaahi Cali Caanood. Ciidamo ka tirsan Ilaalada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. jawaari ayaa jir dilay Taliyaha Ciidamada xoogga dalka kadib markii Xarunta Baarlamaanka kasoo geli rabay dhanka Wasaaradda Warfaafinta waxayna ciidamadaan Taliyaha ku amreen inuu laabto. Taliyaha ayaa diiday wuxuuna u sheegay inuu halkaan marayo, waxayna arrintaas keentay in si xun loo jir dilo Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Canood. In kastoo dhacdadaan aysan ka hadlain laamaha amniga ayaa hadana taliyaayasha Ciidamada aya iskudayay in ay Xarunta golaha ka soo galaan dhanka Wadada Wasaaradda Warafafinta basle loo diiday,iyada haatan ay ka soo galeen dhanka Wadada ka timaada Isgoyska Sayidka. Arrintaan ayaa ceeb weyn ah waxaana muuqato inay faraha ka baxday Xaaladda Xiisadda Siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho. Sidoo kale Jawaari iyo Cawad ayaa gudaha Baarlamaanka la galay ciidamo hubeysan, waxaana lasoo sheegayaa inay qalalaaso ka wadaan gudaha Xarunta. Jawaari iyo Xildhibaanada taageersan ayaa isku soo dhaarsaday in si kasta loo baajiyo kulankaas iyadoo lagu heshiiyey in la qaado tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xubno ka socday beesha Caalamka ayaa xalay kulamo gooni gooni ah la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, iyadoo Jawaari shir jaraa`id uu qabtay shalay galinkii dambe uu sheegay in lagu hayo cadaadis lagu doonayo in uu isku casilo, madaxweynaha Somaliyana uuna sheegay in uu qeyb ka yahay arrintaas. Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arimaha Soomaaliya Meacel keating iyo Fransisco madiera wakiilka midwoga Afrika ee Soomaaliya ayaa waxaa ay kulamo xal lagu raadinayo xalay khilaafka ka dhashay Mooshinka ka dhanka Jawaari la yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Gudoomiye Jawaari. Kulanka hore ayaa sida wararka soo gaaraya Idaacada Kulmiye ay sheegayaan in Wakiilada la qaateen Gudoomiye Jawaari iyaga oo kala hadlay sida ugu fudud ee xal loo heli karo iyo in la baajiyo kulanka Golaha shacabka ay isaga iyo Muudey ay ku kala balamiyeen ajandayaal kala duwan mudanayaasha Baarlamaanka. Markii uu soo dhamaaday kulankii ay la qaateen wakiilada Qaramada iyo midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa intaas ka dib waxay u gudbeen madaxtooyada Soomaaliya oo ay kulan kula qaateen madaxweyne Farmaajo inkastoo aysan cadeen waxa ay isla meel dhigeen. Warar hoose oo la helay ayaa tilmaamaya in leysku fahmi waayay qodobadii ay soo jeediyeen Wakiilada, waxaan kulamadii gooni gooniga ahaa ee xalay dhacay ay noqdeen kuwoo aan miro dhalin. Kulamadaan ay soo qaban qaabiyeen Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arimaha Soomaaliya Meacel Keating iyo Fransisco Madiera wakiilka midwoga Afrika ee Soomaaliya ayaa lagu doonayay in lagu baajiyo kulanka Baarlamaanka ee maanta dhacaya iyagoona ay doonayay in lasugo wafdi ka socda beesha Caalamka oo maalinta berri ah ku soo wajahan magaalada Muqdisho, kuwaas oo Muqdisho u imaanaya xal u raadinta khilaafka ragaadiyay Golaha Shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Mooshinka laga soo gudbiyey ee jawaari iyo Ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cawad ayaa lasoo sheegayaa inay hadda ciidamo hubeysan la galeen Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya. Ciidamada hubeysan oo ay Jawaari iyo Cawad la galeen Xarunta Baarlamaanka ayaa lasoo sheegayaa inay yihiin Ilaaladooda. Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee ku jira Gudaha xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa arrintaas ka muujiyey walwal farabadan, waxayna sheegeen inay arrintaan tahay xad gudub in Ciidamo lala soo galo Xarunta Baarlamaanka. Ciidamadan oo lagu qiyaasay dhowr iyo toban culus ayaa qaarkood ay wataan Qoryaha Boobeyaasha culus, waxaana la sheegay inay si lama filaan ah ugu gudbeen xarunta iyagoo ka yimid guriga Mahad Salaad kadibna ay fuuleen qeybta sare ee Baarlamaanka. Ciidamadaan ayaa lasoo sheegayaa inaysan kamid aheyn kuwa Booliska, Militariga iyo nabadsuggida dowladda Soomaaliya u diinwaan gashan, waxayna u abaabulan yihiin qaab maleeshiyaad ah. Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in saraakiisha amniga ay la tacaalayaan ciidamadan gaarka ah si meesha looga saaro, waxaana la hakiyey in xildhibaannada ay gudaha u galaan Baarlamaanka marka laga reebo koox yar oo bilowgii gudaha u galay. Ujeedka ciidamada taabacsan Mahad Salaad u galeen dhinaca sare ee xarunta ayaan la ogeyn, waxaana loo maleynayaa inay tahay khalkhal amni iyo in shirka Baarlamaanka lagu joojiyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Goordhow gaaray xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho. Gudoomiye Jawaari ayaa sidoo kale waxaa wehlinaya Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mahad Cawad. Sidoo kale waxaa isagana gaaray gudaha xarunta Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Cabdiwali Muudeey. Waxaana gudaha xarunta golaha shacabka kuwada sugan Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo isku qilaafsan Mooshinka Jawaari laga soo gudbiyay. Xildhibaanada ayaa safaf dhaadheer ku jira si loo baaro islamarkaasina ay gudaha u galaan. Waxaa durba soo baxaya khilaaf ku saabsan cida hogaamin doonto fadhiga Baarlamaanka. Waxaa xusid mudan in Xildhibaanada Baarlamaanka lagu balamiyay Ajandayaal is qilaafsan oo ku kala aadan Mooshinka Jawaari iyo Darbiga Kenya. La soco Puntland Post oo hel wararkii ugu dambeeyay. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Gudoomiye Jawaari oo Tagay Xarunta Golaha Shacabka appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta oo arbaco ah lagu wadaa in Xarunta Golaha Shacabka baarlamaanka Somalia uu ka qabsoomayo kulamo iska soo horjeedo oo ay kala qabsan doonaan Xildhibaanada labada garab ee BF. Xildhibaanada baarlamaanka ayaa qaarkood hadda ku qulqulaaya Xarunta Golaha Shacabka kuwaa oo kala taabacsan labada Garab ee Mooshin wadayaasha iyo garabka difaaca Jawaari. Xildhibaanada xarunta Golaha Shacabka wakhti hore xaadiray ayaa waxa ay yihiin kuwa Mooshinka ka wada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheeh Cusmaan Jawaari, kuwaa horay loogu kala diray fariimo lagu ogeysiinaayo inuu qabsoomayo Mooshinka. Xildhibaanada ugu badan ayaa aaminsan in xarunta Golaha Shacabka uu saakay ka dhacayo kulanka xildhibaanada ay codka kalsoonida ugu qaadayaan Mooshinka ka yaalla Guddoomiye Jawaari. Xildhibaanada kasoo horjeeda Mooshinka ayaa iyaguna waxaa dhankooda loo kala diray fariimo lagu ogeysiinaayo in kulanka uu yahay mid looga doodaayo ajando ku saabsan darbiga dowladda Kenya ay ka dhiseyso degmada Beladxaawo ee Gobolka Gedo. Xildhibaanada hadda ku sugan gudaha Xarunta baarlamaanka ayaa la sheegay inay gaarayaan ku dhawaad 130 Xildhibaan, sida uu sheegay Xildhibaan Cabdi Cali oo ka tirsan baarlamaanka. ‘’Waxaa hadda Xarunta baarlamaanka aan ku joognaa ku dhawaad 130 Xildhibaan oo isku jir ah, qeyb waliba waxa ay sugeysaa inay ka doodaan Ajandahooda waxaase lawada ogyahay in qorshaha kulanka uu yahay codeynta Mooshinka Jawaari’’ Sidoo kale, Xildhibaanada ku sugan gudaha Xarunta ayaa kala fadhiya laba qeyb, waxaana lasoo sheegayaa in fadhigooda uu yahay mid muujinaaya isgarabsi. Geesta kale, waxaa laga cabsi qabaa in Xarunta Golaha shacabka uu ka dhaco gacan ka hadal dhexmara Xildhibaanada labada ee baarlamaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimadda Online)- Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka xilli hore ay xarunta Baarlamaanka oo lagu balansan yahay inuu ka furmo kulan xasaasi ah oo looga doodayo mooshinka Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari). Xildhibaanadda qaarkood ayaa saaka salaadii subax kadib isla markiiba gaaray xarunta Baarlamaanka iyadoo aan la furin xarunta waxayna is tubeen bannaanka Baarlamaanka, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee xldhibaanada ay xilli hore tagaan xaruntaasi. Ciidamada ammaanka ayaa xildhibaannada u cayimay inaysan ilaaladooda la dhaafi karin goob u dhow Hotel Weheliye iyo Xarunta Tiyaaratarka, waxaana kaliya loo ogolaaday xildhibaannada iyo darawalkooda inay gudbaan, lamana soo werin wax qalalaase ah. Xaaladda ayaa degan iyadoo xildhibaannada labada dhinac ay ku qulqulayaan xarunta Baarlamaanka, waxaana la sheegay in guddoonka uu wadi doono guddoomiye ku xigeenka koowaaad C/weli Ibraahim Muudey kadib markii kursiga Guddoomiyaha laga qaaday goobta guddoominta xarunta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Hay’addaha Amniga dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa soo saaray war-saxaafadeed ku aadan sugida amniga, magaalada Muqdisho xili maanta oo Arbaco ah uu furmayo kulanka Golaha Shacabka, kaas oo Xildhibaanada ay kala wataan laba Ajende oo iska soo horjeeda. War-saxaafadeedka ayaa waxaa si wadajir ah u soo saaray Talisyada ciidamada Booliska, Nabadsugida, Xoogga dalka iyo Asluubta, waxayna kaga hadleen ilaa Saddex qodob oo quseeya kulanka Baarlamaanka. War-saxaafadeedkan ayaa waxaa loogu baaqay xildhibaannada Golaha Shacabka in ay ciidamada kala Shaqeeyaan sidii amniga loo xaqiijin lahaa iyo kala sareynta Sharciga.