-
Content Count
210,839 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Adis Ababa ( Caasimadda Online)- Cabdikariin Shiikh Muuse Qalbi Dhagax oo dhawaan laga soo daayey xabsi ku yaal Dalka Itoobiya ayaa isaga dhoofay Magaalada Adis Ababa. Qalbi Dhagax oo shalay la siiyey waraaqda fasaxa ee uu dalka kaga bixi karo ayaa lagu arkay Garoonka Diyaaradaha ee Adis ababa. Sida wararka sheegayaan Qalbi Dhagax ayaa ka dagi doono Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya halkaas oo ay dagan yihiin qoyskiisa. Qalbi Dhagax ayaa dhawr bil u xirnaa dowladda Itoobiya kadib markii dowladda Somalia ay kasoo qabatay Magaalada Gaalkacyo ee Caasimadda Mudug. Dhiisbista Qalbi Dhagad ayaa waxaa ka dhashay muran badan iyadoo baarlamaanka Somalia uu ku tilmaamay inay aheyd Qalad. Sida uu sheegay Qalbi Dhagax soo deyntiisa ayaa ka timid ra,sulwasaaraha cusub ee dalkaas Abiy Ahmed oo dalka ku maamulayo siyaasad cusub. Qalbi Dhagax ayaa si gaar ah ugu eedeyey taliyihii hore ee nabadsugidda Sanbaloolshe inuu ka dambeeyey xarigiisa isla markaasna la kala qariyey isaga iyo madaxda dalka ugu sareyso.
-
Twenty-year-old Halima Aden is making her mark as a Somali-American model who has made it a point of keeping true to her roots in her work as a cover girl and now ambassador for humanitarian organisation UNICEF. Source: Hiiraan Online
-
The IFJ backed calls by its affiliate NUSOJ for the authorities in Somaliland to stop the persecution of independent journalists following the arrest of TV reporter in Borame (Somaliland), on Tuesday, 3 July. The arrest of Ahmed Horri a reporter for privately owned Horn Cable TV was ordered by the Governor of Awdil region Mr. Abdirahman Ahmed Ali. According to local journalists, he was infuriated by a question posed by Horri in a press conference on 30 June. The journalist had questioned the governor about the activities of a secessionist armed movement in the Awdal region. Consistent with the information given by the same sources, the governor rang the journalist on the night of 30 June and threatened him with arrest. He was arrested three days later when he was returning home. The journalist is still detained at Borama police station and has not been officially charged with any crime. “The detention of Horri Ahmed Horri reveals the mounting intolerance of Somaliland officials to the work of independent journalists and private media. It is abysmal for a journalist to spend a night in a police cell for asking an uncomfortable question,” said Omar Faruk Osman, NUSOJ Secretary General. The IFJ strongly condemned the arbitrary detention and urges the Somaliland authorities to unconditionally release Horri. The IFJ is deeply concerned about recent attacks against journalists by Somaliland authorities which have the effect of silencing criticism, public protests and suppressing the dissemination of information on the territorial conflict. IFJ
-
Muqdisho (Caasimadda Online) _ Waxaa Soomaaliya ku sugan wafdi caalami ah oo ka scoda Dowladda Qatar kuwaa oo sahminaya dekadaha dalka iyagoo ujeedkoodu yahay iney maalgashi ku sameeyaan qaar kamid ah dekadaha Soomaaliya. Waxaa Dekadda Hubyo oo hoos timaado Maamulka Galmudug gaaray wafdi ka socda Dowladda Qatar oo sahminaya si ay u maalgashtaan waxana halkan hoose idinkugu soo gudbinayaa 5 Qodobo oo u saamaxeynin dowladda Qatar iney hesho maalgashiga dekadda Hobyo. Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf wuxuu xeriir dhaw la’ leeyahay dowladda Imaaradka Carabta waxaana Maamulka Galmudug uu kamid yahay maamuladii ka hor yimid Dowladda Federalka Soomaaliya go’aankii ay ka qaadatay khilaafka Khalej-ka Carabta. Dowladda Itoobiya oo dhawan heshiis dhanka dekadaha ah la gashay Dowladda Soomaaliya ayaa la saadaalinayaa iney muhiim u tahay Maalgashiga dekadda Hobyo oo dhacdo goob Strategic ah. Dowladda Imaaraadka Carabta oo iyadana dooneyso inay maalgeshi ku sameysato Dekadaha Soomaaliya iyadoo la ogyahay inuu dagaal siyaasadeed ka dhaxeeyo dowladda Qatar iyo Dowladda Imaaraadka Carabta, wuxuuna khilaafkaas gaaray in dowladda Qatar la saaro cunaqabateyn, arrintaana waxay saameyn ku yeelan doontaa inay Qatar si fudud u hesho Dekadda Hobyo iyo Dekadaha kale ee Soomaaliya maadaama ay cadaadis kala kulmeyso dowladaha Khaliijka oo ay hormuud u yihiin Sacuudiga iyo Imaaraadka… Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo oo taageersan Imaaradka Carabta islamarkaana intooda badan ka soo jeeda deegaanada Galmudug. Khilaafka ka dhex taagan Madaxda Galmudug oo saameyn ku yeelanaya maalgashiga ay Qatar la rabto dekadda Hobyo maadama isku siyaasad iyo isku aragti aaneyn aheyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Somaliland’s Assistant Foreign Affairs & International Cooperation, Hon. Liban Yusuf Osman is attending a conference in Brussels, which is being organized by crans montan forum. The conference is attended by African leaders and is aimed at discussing ways to boost international cooperation in the areas of Ports and Sea security for the African continent. It is also discussed on ways to consolidate the working ties in the areas of immigration departments in Africa. The high level conference is now in attendance by ministers, Prime ministers, and former African leaders. Sudan’s minister for presidential affairs, Gabon presidential affairs minister, defense minister for Macedonia, ambassadors from Russia, the United State of America, Belgium and the former Malian president are in attendance. The current deputy FM of Somaliland, speaking at the summit has reiterated that 27 years that Somaliland has reclaimed its independence from Somalia and is playing a huge role in boosting maritime security and cross border movement compared to Somalia which has descended into chaos and anarchy after the collapse of its central govt in the 1990’s. Mr. Lisan has said that Somaliland is enjoying a period a peace, stability and security with its neighbors despite insecurity marred by the Horn of Africa. He said that Somaliland has maintained its law and order and is carrying out development projects for its populace. He further stressed that there is multi party politics and has called the int’l community ad the UN to have a consideration into Somaliland’s calls for a re recognition after years of ignorance for its quest for statehood. He said Somaliland has fulfilled all criteria for a statehood. The deputy Somaliland FM met with his Abkhasian foreign minister and the mayor of Abkhasia at the sidelines of the conference. It is agreed that Somaliland & Abkhasia must establish bilateral ties and an invitation was extended to Somaliland where a delegation will pay visit to Abkhasia in August this year. Mr. Liban met with Taiwan head of mission to Brussels at the sidelines of the conference where they pledged to raise Somaliland calls for recognition to the EU parliament.
-
HARGEISA– President Bihi on Wednesday met with delegates from the International Committee of the Red Cross (ICRC) headed by its chief Mr. Simon Brooks. The two sides concentrated on boosting strengthening ties and to open an office in Somaliland. The Head of State and Mr. Simon Brooks, ICRC chief raised in the discussion on the recent prisoners of war (POW) which had been captured during the recent clashes in Tuka Raq between Somaliland defense forces and Puntland militia. Somaliland is praised for the treating with the POW’s as far as Tuka Raq war is concerned and is cooperating with the efforts of the int’l community to cease the hostilities between Somalia and Somaliland. Somaliland is obliged to abide by the Geneva convention which stipulates that POW’s have the right to be allowed that their family members should visit them at detention centers.
-
Weeraryahanada 8-da xul Waxaa la soo gabagabeeyay wareegii 16-ka ee koobka adduunka sanadkan ee ka socda dalka Russia, waxaana wareega xiga ee siddeed dhamaaadka (Quarter-finals) u baxay siddeed xul qaran. Siddeeda xul qaran ee u baxay siddeed dhammaad (Quarter-finals) koobka adduunka ayaa 6 kamid ah ay yihiin qaarada Yurub (Europe), halka 2-da kalana ay ka socdaan Latin America (South America), waxayna kala yihiin France (Europe), England (Europe), Belgium (Europe), Croatia (Europe), Russia (Europe), Sweden (Europe), Brazil (South America) iyo Uruguay (South America). Kulamada ugu xiisaha badan siddeed dhamaadka (Quarter-finals) koobka adduunka ayaa ah kulamada isku dhinaca ah ee Uruguay iyo France iyo Brazil iyo Belgium oo labadii xul ee ka soo baxaa markale afar dhammaadka (Semi-finals) isku arki doonaan. Sidoo kale marti galiyaasha koobka adduunka sanadkan ee Russia oo si layaab leh ku soo reebay xulka Spain ayaa kulan xiiso badan la yeelan doona xulka Croatia oo kamid ah xulalka layaabka sanadkan koobka aduunka ka sameeyay, halka England oo riyo wayn ku jirtaa ay Sweden wada ciyaari doonaan. Ciyaarta kama dambeysta (Final) ee koobka adduunka 2018-ka waxaa la ciyaari doonaa 15 July 2018, waxayna ka dhici doontaa garoonka Luzhniki magaalada Moscow ee dalka Russia. Koobka adduunka ee 2018 ayaa waxaa ka haray xulal badan oo kamid ahaa xulalkii loo saadaalinayay in ay qaadi karaan koobkan, waxaana kamid Germany, Spain iyo Argentina. PUNTLAND POST The post 8 Xul qaran oo u soo baxay koobka adduunka appeared first on Puntland Post.
-
Hobyo (Caasimadda Online) – War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamadeedu ay joojiyeen dhismaha waddo isku xiri laheyd magaalada Hobyo iyo dalka Itoobiya oo laga dhisayay deegaaanno katirsan gobolka Mudug. Sheekh C/qaadir Abuu Cadnaan oo ah Mas’uulka Al Shabaab ugu magacaaban Gobolka Mudug ayaa xaqiijiyay in ay ka war heleen qorshe dowladda Itoobiya ay ku dhisaysay waddo jid cadda ah oo isku xiri laheyd magaalada Hobyo iyo dhulka Soomaaligalbeed ee Itoobiya. Wuxuu sheegay in Heshiiskii Farmaajo uu Itoobiya ku siiyay Afar Dekadood ay kamid aheyd dekadda magaalada Hobyo. “Hobyo waxay ka mid tahay Afarta Dekadood ee Farmaajo uu ka iibsaday Xabashida Itoobiya arrinkaasna waa caddeymo aan heynaa” ayuu yiri Sheekh C/qaadir Abuu Cadnaani. Mas’uulkan ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyay qaabka ay u bilaabatay dhismaha wadada iyo marxaladihii ay soo martay wuxuu sheegay in dhismaha wadada uu soo bilaawday kadib safar uu bilo ka hor Farmaajo ku tegay magaalada Hobyo. Wadada oo ka timaad Itoobiya waxay soo martaa duleedka degmada goldogob deegaan lagu magacaabo galcase illaa iyo tuulada baxdo ujeedka laga leeyahay ayaa ah in lamarsiiyo badeecadaha Itoobiyaanku kala degayaan dekadda Hobyo. Al Shabaab waxay ku goodisay in ay is hortaagi doonto qorshaha Itoobiya ku doonayso in ay kula wareegto dekadda macmalka ee magaalada Hobyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xarardheere (Caasimadda Online) – Wararkii ugu danbeeyay ee Dagaal Qaraar oo Alshabaab & Maleeshiyada degaanka ku dhex maray Xarardheere Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal qaraar oo maanta barqadii tuulada Caad ee degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ku dhex maray ciidammo ka tirsan Al-Shabaab oo tuulada joogay iyo malayshiyada degaanka ah oo weerar ku qaaday. Dagaal ka oo socday muddo ka badan saacad ayaa la sheegay in ciidamada degaanka ay ku dileen ugu yaraan 6 dagaalame oo ka tirsan Alshabaab, iyadoo dhaawacay ku dhowaad 10 kale, sida ay ku warrameen dadka degaanka, waxaana dadka degaanka ka dhintay 2 qof oo mid ka mid ah Al-shabaab ay toogasho ku dileen. Inkastoo maleeshiyada deegaanka ay saaka qabsadeen deegaanka Caad, ayaa haddana la sheegay in Al-shabaab oo helay Ciidan gurmad ah ay dib ula wareegeen degaankaasi waxaana laga saaray maleeshiyadii degaanka. Dadka degaanka ayaa ka hor yimid amar ay Al-shabaab ku soo rogtay oo ah inay wiilashooda ku wareejiyaan Alshabaab iyo xoolo joogto ah oo laga qaado Zako ahaan. Alshabaab ayaa sheegtay inay dileen 15 qof oo uu ku jiro sarkaal watay maleeshiyo ay ku tilmaantay Murtadiin oo magaciisa lagu sheegay Goobe Gureey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hobyo (Caasimada Online) – Wafdiga ka socday dowladda Qatar ayaa maanta tageya magaalada Hobyo ee gobolka Mudug, ayaga oo soo eegaya dekadda magaalaaas, oo ay doonayaan inay maal-gashtaan. Waftigan ayaa waxaa safarkooda magalada Hobyo ku wehlinaya madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya. Xubnaha ka socda dalka Qatar ayaa doonaya inay sahmin ay ku sameeyaan dhismaha ku socda dekada Hobyo iyo arrimo kale. Wafdiga ayaa kormeer ku tagay halka laga dhisayo dakada Hobyo oo uu dhawaan uu dhagax dhigay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib booqashadii uu ku tegay. Sidoo kale inta ay ku sugan yihiin wafdiga ka socda wasaarada dekadaha dowladda Qatar waxa ay booqan doonaan dhowr goobood oo ka tirsan xeebta magaalada Hobyo, waxaana sidoo kale dhawaan la filayaa in ay booqdaan dekadda degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose. Caasimada Online Xafiiska Hobyo Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Daruufaha amni xumi ee ka jira magaalada Muqdisho iyo taxadar la’aanta Ciidamada amniga ayaa sababaya dil iyo dhaawac joogto ay la kulmayaan dhalinyarada ka xeeya Gaadiidka Bajaajta waxaana sii kordhaya walaaca ay qabaan waalidiinta magaalada Muqdisho. Ugu yaraan todobaadkii magaalada waxaa ka dhaca ama loo geestaa dhalinyarada wade-yaasha ka ah Bajaajta, dhaawac, Jirdil ama dil toogasho ah waxaana fuliya Ciidamada gaarka ah ee loo xilsaaray amaanka muwaadiniinta ku nool magaalada Muqdisho. Wade-yaasha Bajaajta oo ah dhalinyaro maareeya Nolasha kumanaan dad ah oo Soomaaliya ku nool ayaa kuu sheegaya in Ciidamada ay ka soo horreyso rasaasta lagu furayo Gaadiidleyda taasina ay ku waayeen rag badan oo ka tirsan islamar kaana aysan ilaa hadda toboneeyo dad ah oo laga dilay aysan cadaalad u helin waxayna qeyla dhaan u direen Madaxda Soomaaliya. Ciidamada amaanka iyo Saraakiisha gobalka ayaa dhankooda kuu sheegaya in xaalad amaan darro ay ka jirto magaalada sidaas darteedna ay heegan ugu jiraan habeen iyo maalin sidii ay u sugi lahaayeen amaanka muwaadiniinta wade-yaasha Gaadiidkana ay ku xad gudbayaan amarro badan oo magaalada lagu soo rogay. “Markii aad iska ilaaliso qof kugu midib ah oo wata gaari ama lugeynaya waxaa badanaya qaladaadka dhacaya kutala gal looma dilo dhalinyarada ee waxaa jira goobo ay ka caagan tahay isticmaalka gaadiidka waxaana loo arkaa qofkii ka soo gudba xadkaasi mid qatar xambaarsan waana in aan ka badbaadinaa nolasha shacabka iyo mida ciidanka wade-yaashana maahan dad war maqla tala qaata u hogaan-sama awaamiirta waxay ku soo galayaan iyagoo socda warna makaa yeelayaan, maxaa ka taqaanaa waxa uu yahay ma is qarxin rabaa ? ma soo qaldamay ? waan ku jahwareernay” sidaas waxaa noo sheegay Ciidan ku sugan Baraha kontarool ee ku yaala magaalada Muqdisho. Qaladka ugu weyn waxa uu ka jira Taliyaasha awaamiirta siiya Ciidamada sida ay KNN u sheegayn Ciidamada amniga ” Taliyaheyga waxa uu isiiyay amar ah in aan halkaan laga soo gudbi karin, hadii laga soo gudbo waxaan ku eedeysanahay dayacaad amni, mashin masuuliyiin, amar diido iyo IWM, waxaana mutaysanayaa shaqo joojin, Ciqaab Ciidan oo aad u adag, xerag iyo dhibaatooyin kale, laguuma ogolo inaa soo deyso Gabadha foosha ah ee aad ujeedo iney fool tahay waliba wadada ku dhax dhaleyso, hadii aad taliyahaada u sheegto dhibaatada jirta waa ku jeebeynaya Ciidamo kale halis ayaana ku jirtaa, dadkii annaga ayey noo heestaan naxariis laabayaal” sidaas waxaa KNN u sheegay Ciidamo ku sugan Baro kontarool oo ku yaala G/Banaadir. Dad badan ayaa ku talinaya in Ciidamada ay joojiyaan toogashada dadka Soomaaliyeed ee dhalinyarada ah waxayna ku taliyeen Gaarigii laga shakiyo in rasaasta kor loogu rido, ama Taayarada Gaariga la toogto ama la banjariyo laakiin aan laga bilaabin toogashada wiilasha. Xigasho: Radio Kulmiye
-
Munaasabad ay xilka kula agaasimaha waaxda maamulka iyo Maaliyada Wasaaradda Waxbarashada Puntland Mahad Colaad Maxamed iyo agaasimihii hore ee waaxda maamulka iyo maaliyada Wasaaradda Waxbarashada Faarax Maxile jamac ayaa maantay ka dhacday xarunta Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Magaalada Garoowe. Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Dr.Maxamed Cali Faarax,Wasiiru dowlaha Waxbarashada,agaasimaha Guud ee wasaaradda Maxamed Cali Faarax Farmayeeri,agaasimaha cusub ee xilka la wareegay iyo shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashad iyo Tacliinta sare ee Puntland. Agaasimihii hore ee waaxda maamulka iyo Maaliyada Wasaaradda Waxbarashada Puntland Hadana loo magacabay agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyada wasaaradda deegaanka iyo Isbadalka cimilada Faarax Maxile Jaamac ayaa uga mahad celiyey masuuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda waxbarashada Puntland sida wanaagsan ee ay ula soo shaqeeyeen mudadii uu xilka hayey. Agaasimihii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Faarax Maxile Jaamac oo xilkaas qabtay sanadkii 2003-dii ayaa ka warbixiyey waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu xilka joogay waxaana uu sheegay in wasaaradda uu kasoo bilaabay meel hoose hadana uu gaarsiiyey heerkii ugu sareeyey. Agaasimaha cusub ee Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Waxbarashada Puntland Mahad Colaad Maxamed oo isna ka hadlay munaasabada xil wareejinta ayaa sheeegay inuu khibrad u leeyahay waaxdaan waxaana uu ka codsaday shaqaalaha wasaaradda inay si wanaagsan ula shaqeeyaan isaguna uu si wanaagsan u gudan doono xilka loo magacaabay. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cali Faarax,Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada Dr.Maxamed Cali Faarax iyo Wasiiro dowlaha wasaaradda waxbarashada ayaa u mahad celiyey agaasimhii hore ee waaxda maamulka iyo Maaliyada Waxbarashada Faarax Maxile Jaamac waxaana ay sidoo kale soo dhaweeyeen agaasimaha cusub Mahad Colaad Maxamed iyagoo u rajeeyey agaasimaha cusub in xilka loo magacaabay uu si wanaagsan u gudan doono. Madax waynaha dowlada puntland Cabdiwali MaxamedCcali Gaas ayaa 27 june 2018 waxaa uu isku shaan dhayn ku sameeyey agaasimo waa xeedayada qaybo ka mid ah wasarada dowlaada puntland oo ay kamid tahay Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland. Halkaan ka daawo Sawiradda. Puntlandpost.Net The post (SAWIRRO)AGAASIMAHA MAAMULKA IYO MAALIYADDA WASAARADDA WAXBARASHADA PUNTLAND OO XILKA LA WAREEGAY appeared first on Puntland Post.
-
More than quarter a century elapsed since May 1991s impromptu unilateral dissolution of the Union with the southern partners. It was a turning point in the history of our country, where we stopped being guests on our land and decided to take control. The events of that day marked the end of a long armed strife against a brutal and merciless regime, which embarked on an extermination campaign to uproot the citizens of Somaliland from their land. It also heralded the demise of a rogue state that relentlessly tried to strip an entire population of their fundamental human rights and to subjugate them into second-class citizens. It was a moment of profound emotional upheaval and decisive self-reliance, and despite appreciable differences between the top leaders of the liberation movement and the influential traditional elders regarding the long-term strategic significance of such important decision and the feasibility of its implementation, we all came together to a common interest. The majority of ordinary men and women tipped the balance, and all parties succumbed to the will of the people by selflessly collaborating to reclaim our sovereignty and with it, our right to self-determination. Although weak and destitute, the citizens of the newly announced nation were full of hope and pride. They were adamant in their quest for a better future, but they knew the realisation of their dreams needs an indomitable spirit of resilience and tiresome hard work. A mission that later stumbled several times and proved more difficult and complicated than previously expected. The ambitious plan of those founding fathers was clear and tangible. They aimed to build a modern democratic nation where all its citizens enjoy the same rights and obligations. A nation where the rule of law is the central fixative that holds the subjects of the state together. They envisioned a country individuals have the full right to express their views and opinions without duress or coercion, where the painful experiences of the past can heal. They dreamt of a country where peace and stability are preserved at all cost, invested in, and protected. A country where ideas of self-appreciation and promotion are embraced and allowed to thrive by giving the new generation of citizens the freedom of choice, innovation and thinking. With the newly established state, came great challenges. After almost a decade of civil strife and armed struggle, with the loss of tens of thousands of civilians to the war, diseases and starvation, in addition to a long-standing difference in opinions and strategic thinking between the significant clan leaders, the divisions were so trenched, such that they were ripe for internal armed confrontation. Many factors contributed to the unfortunate inter-clan fighting during the early years of the new nation. Most notably, scarcity of resources and wealth turned the hasty-for-fortune armed factions against each other for the control of the few functioning income generating sources. The absence of credible national institutions and complete destruction of the major cities, coupled with the lack of friendly, reliable external support prolonged those confrontations and catalysed their recurrence. The way those internal conflicts solved by traditional methods of conflict management and damage control represented another admirable milestone in the long march to proper statehood. However, as the current Somaliland political climate and the recently concluded clan conference at the famous Ga’anlibah Mountain indicate that there are various long-standing grievances continuously expressed by one of the primary sides involved in those internal civil wars. there is also a deep seated discontent with the way Somaliland’s government is constructed and the dynamics its authority and functions put into action. The legitimacy and validity of these grievances as well as the concerned parties obliged to accommodate them are the subjects of debate and careful discussion. But what constitutes a grave danger to the spirit of the state is the fact that these grievances resisted appeasement and compromise through the formal institutional channels. The prime players behind these demands preferred to seek a final settlement through a reversion to the old tribal narrative of them-versus-us and collective condemnation rather than succumbing to the rules of democracy and the multi-party system. Any substantiated complaints about or objections to how the process of state building moulded into the present shape and form should have been addressed by actively demanding diligent implementation of the constitution and the rule of law. Alongside the aforementioned incidents, which many times hampered the progress of the newly established nation, the was miraculous zest for life and eagerness to succeed from the majority of the Somalilanders. They built Schools, Hospitals, Universities and many public institutions from scratch by their meagre resources and tons of patience. Twenty-Seven years from 18 May 1991 and our once demolished cities, however dusty and disorganised, are bustling with life. Businesses are flourishing and perpetually growing. More children attend schools more than ever, and life has changed for many people for the better .We proudly accomplished what many foes and even friends have never expected us to achieve. And obove all we survived with dignity. Yet, the task of state building is never near finishing. And with all those high hopes and dreams we had, our efforts are far from fruition. So many fundamental prerequisites for credible and robust state institutions were never addressed. Important regions of the nation feel abandoned and marginalized and new hostility is fomenting at the eastern border. A number of social ailments and formational defects in our national institutions undermined the healthy progression of the state building journey. For instance, our democracy is still procedural undertakings intended to, periodically, settle the internal tribal tensions and to impress increasingly unsatisfiable foreigners. An endeavour it has so far failed to achieve. National institutions, like, the Parliament, High court, Central bank and the Prosecution office lack the technical capacity and autonomy to carry out their duties and the moral confidence to project a more representative image to the public. The unrestrained powers of the President’s office has long enfeebled these vital departments and restricted both their function and maturity. When public institutions fail to strengthen their professionalism, independence, and sense of duty, their connection with citizens is lost and they become hollow structures, vulnerable for personal exploitations and profiteering, and in the case of Somaliland, most institutions evolved into unavailing, futile skeletons with no public trust and respect. Systemic corruption and pillage of public funds became epidemic in all agencies of the successive administrations. Those who unashamedly caught the public eye with their extravagant lifestyle and instant get-rich frenzy were never chastised let alone prosecuted. Over the years, a laisser-faire attitude was adopted towards the public purse; bribery is heedlessly tolerated, nepotism and tribal fidelity transcended individual faculty and virtue. As a result of this, uneducated and incompetent officials were appointed to highly sensitive administrative offices and purportedly tasked with formulating strategic plans for an impoverished and unrecognised nation. Tribalism is another issue that seeped into the core of the system and eroded what credibility it retained. It is true that temporary power-sharing arrangements were put in place to suppress any impending tribal tensions and mutual understandings were reached regarding the highest positions in the government. the intention was to bring all feuding clans to the negotiation table by enticing them to participate equally and positively in the democratisation process. Although bothersome, it yielded an acceptable degree of cooperation and interest from all parties and resulted in the current fit-for-purpose system of governance. To conclude, many challenges are facing Somaliland. For too long; we constructed our foreign policy on two significant issues: democracy and stability. We lamented the lack of credible partner from the South to negotiate with to finalise our succession. That strategy proved to be both naive and a waste of time. It is well known that the majority of these problems predate the incumbent president and his cabinet and they are merely few months in power, although the Party machine which brought him to the office has ruled so long, and either created or aggravated most of the problems. What is required from the President is to assume a damage control approach towards these challenges, where he refrains from initiating new ones and wisely downsizing the old and chronic issues. Certain topics need urgent response and the most alarming is the foreign Policy. The long-awaited Southern partner turned to be combative and hostile, and ready to act on a synchronised effort of distabilization and economic embargo on Somaliland. Thus, our foreign policy needs a new direction, vision and energy, a strong drive for survival and militancy is required to lead our engagement with the outside world; the current Minister cannot provide these qualities, and the desired change should start with him and his advisors if there is any. Let us not forget that our strength lies in the cohesion and unity of our society that was what helped us march through the years of uncertainty with a steady pace. So that, grievances and protestations coming from some parts of the country must be listened and positively engaged with. We must not allow the legitimate demands of citizens to escalate to open dissent by belittling them or ignoring. Serious questions about the concept of statehood and governance must be asked and presented for intellectual debate; an example for that would be; why our institutions are unable to talk-hold?. The relationship between the statesmanship and tribal inclinations must be defined and preserved by law, and the role of clan leaders must be restricted to the traditional dealings. The region around us is dramatically changing, and new realities are being created. Old enemies are reconciling and burrying their animosities to create new opportunities for their citizens, and new alliances are emerging. We have to re-evaluate our position in the region and explore what vital roles we can play to promote our cause and capitalise on our untapped natural resources and strategic location. In a nutshell, Somaliland needs a new way of thinking and bold actions to shake the status-quo, if we want to survive in a poor country surrounded by hostile regimes. Abdikarim D Hassan Qurbe206@hotmail.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Sarkaalka ONLF Cabdikariin Qalbi dhagax lasiiyay warqad uu maalmahaani ka sugaayay dowlada Ethiopia. Warqadaani oo dhanka dowlada kasoo baxday saacado ka hor ayaa la xaqiijiyay inay ku soctay dhammaan Hay’adaha amaanka iyo maamulka Garoomada diyaaradaha Ethiopia. Yaasin Maxamuud oo kamid ah Saraakiisha DDSI ayaa xaqiijiyay Warqadaasi ay amar buuxa sii neyso jihooyinka ay ku socoto waxa uuna xaqiijiyay inay tahay mid lagu fasaxaayo Qalbi-Dhagax. Sarkaalkan waxa uu intaa ku daray in dhammaan mas’uuliyiinta Hay’adaha iyo kuwa Garoomada la farax inaysan hor istaagin safarada uu Sarkaalka ONLF Qalbi-Dhagax uga baxaayo Ethiopia. Sidoo kale, Sarkaalkan waxa uu xaqiijiyay in Qalbi-Dhagax lasiiyay fasax xadidan oo uu uga maqnaankaro Ethiopia, isagoo carab ***** in soo laabashadiisa ugu horeysa ay bilaaban doonto goortii ay su’aalo uga baahdan Hay’adaha amaanka ee arrinkiisa gacanta ku hayay. Si kastaba ha ahaatee, Qalbi-Dhagax oo muddo ay kala maqan yihiin Saraakiisha ONLF ayaa lagu wadaa inuu kula kulmo magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ethiopia: Ex-political prisoners revel in new-found freedom
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Kinfe Mickeal Debebe never thought the day would come when he would be a free man again. Source: Hiiraan Online -
Some 70 people are dead or missing after a ferry ran aground off the coast of Indonesia, according to an updated official toll Wednesday, the latest deadly maritime accident in the Southeast Asian archipelago. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa shaaca ka qaaday inay ka hortageyso dhammaan Hubka ay dadka shacabka ah kala soo dagaan Dekadaha dalka. Dowladu waxa ay sheegtay inuu jiro Hub badan oo sifo sharci darro ah kusoo gala dalka, kuwaa oo u baahan in laga hortago, waxa ayna xaqiijisay in qalqal amni uu Hubka noocaasi ah ku hayo dalka. Waxa ay dowladu tilmaantay in Hubkaasi ay lasoo dagaan shaqsiyaad gaar ah oo isugu jira Ganacsato iyo kuwo kale, hase yeeshee ay ku dadaaleyso xakameynta Hubka noocaasi ah. C/naasir Siciid, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda amniga Somalia, oo arrintaani ka hadlaayay ayaa sheegay in Hubka ugu badan uu kasoo dago xeebaha ku dhow dhow deegaanada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab. Wasiir ku-xigeenka wuxuu sheegay dadaalada dowladda Federalka Somalia ay iminka wado inay tahay arrinta la xiriirta sidii dakadaha Soomaaliya hubka ay kala soo dagaan Shabaab iyo Daacish looga hortagi lahaa. Si arrintaasi suurtagal ay u noqoto ayaa Wasiir Ku xigeenka wuxuu sheegay in dowladda ay dhiseyso ciidamada badda Soomaaliya oo si wayn loo tayeyn doono, si xeebaha Soomaaliya ay uga shaqeeyaan. Wasiir ku-xigeenka oo arrinkaan ka hadlaayay ayaa yiri “In aan ka hortagno Ururada argagixisada adeegsiga ay adeegsanayaan baddan Soomaaliya ee iska furan noqotay iyaga oo hub kala soo daga Gobolada qaybtooda, kuna dhibaateeya shacabka Soomaaliya, arrimahaasi oo dhan markaan aragnay waxaan istusnay in aan dhisno ciidamada illaalada Xeebaha Soomaaliya.” Sidoo kale, Wasiir ku-xigeenka wuxuu hadalkaan ka sheegay kulan gaar ah oo ay isugu yimaadeen Wasiirada dhanka ammaanka ee Maamul Goboledyada iyo kan dowladda dhexe, kaasi oo lagu lafa gurayay suurtagalnimada in laga hortago hubka ay la soo dagaan kooxaha dowladda ka soo horjeeda. Si kastaba ha ahaatee, Ganacsato, Al Shabaab iyo Daacishta Somalia ayaa qalqal amni ku haya dalka Somalia kuwaa oo si joogta ah hubka noocyadiisa kala duwan uga soo degsado Dekadaha Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay qortay wakaaladda wararka u faafisa maleeshiyaadka Daacish ee (Amaq) waxaa la khaarijiyay wiil uu dhalay Hoggaamiyaha ugu sareeya Daacish. Wiilkan la dilay ayaa la sheegay inuu ku baxay duqeyn ka dhacay magaalladda Xomas oo ku taalla Galbeedka dalka Syria. Wakaaladu waxa ay sheegtay in wiilkaani lagu dilay duqeynta lagu magacaabi jiray Xudayfa Al-badri uu kamid ahaa dhalinyarada aadka ugu firfircoon dhanka dagaalka, isla markaana uu dhalay Hoggaamiyaha Daacish, Abubakar Al-baqdaadi Maleeshiyaadka ayaa duqeynta lagu dilay Xudayfa Al-badri dusha ka saaray dowlada Russia oo la sheegay inay ka danbeysay fulinta duqeynta oo ay geesteen Militerigooda. Amaq oo soo bandhigtay sawirka wiilkaani uu dhalay Horjoogaha ayaa waxaa ka muuqda inuu yahay wiil aad u yar, balse lagu khalday dagaalka. Docda kale, ma aysan wakaaladu sheegin xiliga iyo ayaanka la dilay jihaadiistahaani da’da yar ee sababsaday diyaaradah Ruushka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynihii hore ee Somalia, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka digay in lasii fogeeyo khilaafka siyaasadeed ee maamulka Somaliland oo uu sheegay in iminka ay tahay mid taagan meel dhow. Shariif ayaa ku baaqay inay muhiim tahay in Somaliland lasoo dhaweyso, isagoo intaas ku daray inaysan Somailand diidaneyn midnimada balse ay jirto tabasho xal u baahan. “Hoggaanka Somaliland waa in lala fadhiisto maadaama dalka uu hadda ka jiro is-bedel, Xalka Soomaaliya wuxuu muuqan doonaa wixii ka dambeeya wada-hadalada Somaliland,” ayuu yiri Sheekh Shariif. Sidoo kale, Madaxweynihii hore ee Somalia ayaa wuxuu mar kale hadlakiisa ku yiri. “Walaalalaha Somaliland waxbay tabanayaan, khaladna wuu dhacay oo nina in-kiri karaan ma jiro. Haddaba, aniga waxay ila tahay inaan la gar-naqsanno ninkii shalay intuu xornimo qaatay kuu yimid ee calanka kuu keenay haddana ku yiri dhibaato ayaan tabanayaa ninkaasi gar ayuu taagan yahay.” Madaxweynihii hore ee Somalia oo sii hdalaya ayaa mar kale yiri. “Marka haddii aan ALLE ka baqno waxay Somaliland mudan tahay in lala fadhiisto oo xal rasmi ah loo raadiyo cabashadooda.” Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in xal deg-deg ah loo raadiyo khilaafka labada dhinac, wuxuuna caddeeyay in Somaliland ay muhiim u tahay xalka Somalia. Dhanka kale, Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Khayre inay gar-waaqsadan Tabashooyinka Somaliland, isla markaana ay ka shaqeeyaan wanaajinta walaalahaas naga maqan si ay u soo deg-degto midnimada la raadinayo. Ugu dambeyn, Madaxweynihii hore ee Somalia ayaa sheegay in Adduunku raadinaayo midow, halka Somaliland ay xiligaani mareyso gooni-isku-taag, balse wuxuu ku baaqay in la raadiyo midnimada Soomaali weyn. PUNTLAND POST The post Sheekh Shariif oo Madaxda DF uga digay inay fogeeyaan raadinta Midnimada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka qarxay degamda Xarardheere ee Gobolka Mudug. Dagaalka oo aad u xoogan ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu u dhexeeyo dadka deegaanka iyo maleeshiyaadka xagjirka ah ee Al-Shabaab. Dagaalka oo weli socda ayaa yimid kadib markii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay dadkaasi weeydiiyeen dhalinyaro ka barbar dagaalanta hase yeeshee waxaa arrintaasi ka hor imaaday dadka deegaanka ku ah Xarardheere. Dadka ku nool Xaafadaha degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa soo sheegaya in dagaal uu yahay mid leysu adeegsanaayo Hubka aadka u culus. Inta la ogyahay dagaalka hadda socda ayaa waxaa ku dhintay ilaa Shan ruux oo labada dhinac ah, halka dhaawaca uu kor u dhaafayo afar, waxaana xusid mudan in dagaalka uu weli yahay mid socda. Dhinaca kale, dhinacyada uu dagaalka u dhexeeyo ayaa kala qabsaday Hub iyo gaadiid waxaana dagaal soo qaaday maleeshiyaadka oo dhowr gaari watay. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com