Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,026
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Taliyaha Ciidamada Milatariga Soomaaliya Sareeya Gaas C/wali jamac Gorod oo wariyaasha Goordhow caawa la hadlay ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay askar maanta hub la gashay xarunta Golaha Shacabka. Taliye Gorod ayaa sheegay in ciidamadaasi ay katirsanyihiin ciidamada Milatariga Soomaaliya islamarkaasina intoodii badneyd gacanta lagu dhigay. Waxa uu sheegay in ciidamadaasi ay ku xadgudbeen dalka islamarkaasina ay diideen amarkii loo gudbiyay islamarkaasina hub ay lagaleen xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan ciidamo kale oo aan kamid ah kuwa Dowlada oo dhar cad ah islamarkaasina ay ku raadjoogaan. Warar lagu kalsoonaan karo ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamadaasi looga yeeray xarunta Taliska Milatariga islamarkaasina ay yihiin ilaalada Gudoomiye Jawaari iyo Mahad Cawad. Hoos ka Daawo Codka http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/04/Taliye-Gorod-Caawa-PP.mp4 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Taliye Gorod ” Waan soo qabanay Ciidamadii Maanta hubka la galay Xarunta Baarlamaanka” appeared first on Puntland Post.
  2. If you're looking to raise one of the most powerful business leaders in the world, you might want to send your kid to Hyderabad Public School, Begumpet, in India. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in caawa uu kulan ka socdo Hoyga Guddoomiye Jawaari uu ka degan yahay Xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho ee Villa Hargeysa. Kulamada caawa ka socda Hooyga Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa qeyb ka ah Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka gaar ahaan garabka isaga taabacsan ee la sheegay in maanta ay fowdada ka kiciyeen Xarunta baarlamaanka. Guddoomiye Jawaari iyo Xildhibaanada caawa martida u ah ayaa si guud uga wada hadlaaya dhacdooyinkii maanta ay ka geysteen Xarunta baarlamaanka oo lagu sifeeyay qalalaaso amni. Dhinacyada ku sugan Hooyga ayaa waxaa lasoo sheegayaa inay kamid yihiin Saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM oo iyagu shir ku saabsan dhacdadii maanta la leh Guddoomiye Jawaari. Kulamo kan lamid ahaa ayaa waxa uu caawa ka socdaa Hoteelada magaalada Muqdisho, kuwaa oo u dhexeeya Xildhibaano garb garab u kala taabacsan Mooshinka iyo Mooshin diidka. Sidoo kale, ciidamo farabadan ayaa ku sugan Hooyga Guddoomiye Jawaari kuwaa oo la sheegay inay aad u adkeynayaan amniga, kadib falkii maanta ciidamada ka geysteen Xarunta baarlamaanka. Dhacdada maanta ka dhacday Xarunta baarlamaanka Somalia ayaa qalalaaso amni ku abuurtay Xarunta baarlamaanka iyo guud ahaan magaalada Muqdisho, iyadoo dhacdada ceynkaasi ah dhaliisheeda dusha looga tuuray Guddoomiye Jawaari oo isagu lagu eedeeyay in ciidamo uu la galay xarunta baarlamanaka. Si kastaba ha ahaatee, inta khilaafkan uu taagan yahay ayaa waxaa la iclaamiyay inuu hakat kusii jiri doono kullamada golaha shacabka inta xal laga gaarayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Waxgaradka ,Cuqaasha, iyo Nabadoonada ku dhaqan Degmada Xumbays oo shir ku yeeshay maanta Degmadaasi ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay falkii dhawaan lagu dilay Afar qof oo Xoolo dhaqato ah oo kusugnaa Tuulada Dhuudo oo katirsan Gobolka kar kaar lagu dhaawacay labo qof oo kale. Waxa ay sheegeen Odayaashan in maadaama ay yihiin Beesha lagu tumayo in dhalinyarada falkaasi gaysatay ay ka soo jeedaan in ay kaxunyihiin marka hore falkaasi dhacay ee dadka xoolo dhaqatada ah lagu laayay raalina aysan ka ahayn , sidoo kale waxa ay sheegeen Odayasha in ay Cambaaraynayaan lana xaali doonaa dadkii dhibaatadaasi ay ku dhacday . Halkan ka dhagayso. odayaasha Xumbays
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaraya ayaa sheegaya in Caawa uu Qarax xoogan ka dhacay Isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo jugtiisa uu xooganaa ayaa waxaa lasoo sheegayaa in laga wada maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka banaadir, waxaana Qaraxa kadib la maqlaayay rasaas goos-goos ah oo ay ridayeen ciidamada. Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa Miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa la sheegay bartilmaameedkiisa inuu ahaa Gaari Ciidan oo wadada marayay. Qaraxa ayaa dhacay kadib marka uu gudbay gaariga hase ahaatee waxa ka dhashay waxyeelo soo gaaray dad shacab ah, waxaana xusid mudan in xiliga uu Qaraxa dhacaayay goobta ay aheyd mid aad u mashquul badneyd. Dadka degaanka ayaa warbaahinta u sheegeen in qaraxan ay ku geeriyooden illaa Saddex qof oo shacab ah, tiro kalana ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo loo qaaday Isbitaalada Magaalada Muqdisho. Goobta uu Caawa ka dhacay Qaraxa ayaa ku dhow Isluulka Godey, waxaana halkaa laga qaaday dad dhalinyaro u badnaa oo dhaawac uu kasoo gaaraya Qaraxa. Si kastaba ha ahaatee, Qaraxa ayaa kusoo beegmaaya xili Habbeenimadii Xalay Qarax ceynkaan ah magaalada Muqdisho lagula eegtay Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca ammaanka iyo siyaasadda degmada Wadajir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan 3,000 oo qof oo Soomaali ah ayaa ku dhintay kuna dhaawacmay Qaraxyadii dalka ka dhacay saddexdii sano ee lasoo dhaafay, sida ay maanta baahisay ah hay’ada Qaramada Midoobay u qaabisan miinada ee Mine-Action. Hay’adda UNMAS ayaa sheegtay in sannadkii 2017-kii uu ahaa sannadkii ugu khasaaraha badnaa marka la eegto qaraxyada, iyadoo sheegtay in 14-kii bishii Oktoobar ay 500 dad badan ku dhinteen ayna ku dhaawacmeen in ka badan 300 boqol oo qof qarax ka dhacay Zope oo ah isgoys aad u mashquul badan. “Dadka ay dhibaatooyinka kasoo gaareen qaraxyada saddex meelood hal meel ayaa carruur ah,” ayaa lagu yiri warbixinta hay’adda Mine-Action oo xusasay maalinta wacyi-gelinta ka hor-tagga Qaraxyada oo ku beegnayd maanta. Sidoo kale, Hay’addu waxay sheegtay in la xoojinayo wacyi-gelinnada ku aadan waxyaabaha Qarxa, si loo badbaadiyo nolosha shacabka gaar ahaan caruurta oo la sheegay inay caqabadaha ugu badan kala kulmaan walxaha qarxa. “Khataraha ka dhasha qaraxyada ayaa ah xaqiiqada ugu weyn ee Somalia ka jirta. Waxaaa dhibaatada ugu badan ay kasoo gaartaa Qaraxyada dadka ku safra deeaannada miyiga iyo Reer-guuraaga Soomaailyeed,” ayaa warbixinta hay’adda UNMAS lagu yiri. Warbixinta hay’adda ayaa lagu xusay in 70 bulshooyinka Soomaaliyeed ka mid ah ayaa ka faa’iideystay ka hor-tagga qaraxyada miinooyinka ku haray goobihii colaadahuhu ka dhaceen, kuwaasoo gaaraya 450 deegaan sannadkii 2017-ka oo keliya. “Xoojinta wacyi-gelinta qaraxyada ayaa waxay hoose u dhigi karaan sidii ay shacabku uga digtoonaan lahaayeen miinooyinka dhulka ku aasan. Taasna waxaa lagu gaari karaa in dadka la baro xirfado ay ku nabad-galaan,” ayuu hadalkiisa ku yiri Abshir Mahdi Isaaq oo ka tirsan xafiiska UNMAS ee dalka Somalia. Ugu dambeyn, Sannado badan oo dagaallo ay ka jireen Somalia ayaa waxaa looga tagay meelaha qaarkood miinooyin lagu aasay, kuwaasoo ah kuwa ugu badan ee dhibaatooyinka u geystay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka Reer-guuraaga ah. PUNTLAND POST The post Tirada dadka Soomaaliyeed ee Waxyaalladu kasoo gaartay Qaraxyada oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
  7. Haweeney 39 jir ah ayaa xalay waxa ay weerar ku qaaday xarunta shirkada Youtube ka ee kutaala Gobolka Kaliforniya ee dalka Maraykanka . Haweeneydan ayaa sadax qof ku dhaawacday goobtaasi oo markii dambe iyada qudheeda ay halkaasi isku dishay, Booliiska ayaa sheegay in Haweeneydan aysan aqoon ulahayn dadkii ay dhaawacday waxa ay sheegeen Ciidamada Booliska ilaa iyo hada ina aysan haynin wax cadayn ah oo ku saabsan sababta ay falkan u samaysay Gabadhan . Wararka ay qorayaan Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegaya in Gabadhan ay ka carootay Sawirro ay lahayd oo ay shirkada Youtube ay faaf reeb ku samaysay Arintaas oo loo malaynayo in ay tahay mida ka caraysiisay gabadhan sababtayna in ay falkan gaysato .
  8. A police contingent loyal to a top opposition leader in Somalia took over Parliament for several hours on Wednesday, pushing a growing political rift to the brink of armed confrontation. Parliamentary police officers loyal to Mohamed Osman Jawari, the Parliament speaker, disrupted a no-confidence vote against him early Wednesday. The police lined up to block the speaker’s podium, and lawmakers who support Mr. Jawari accused other legislators of taking money to vote against the speaker, chanting, “Down with bribetakers!” Supporters of the no-confidence motion said the police had refused to let them inside the building. In response, state security forces loyal to President Mohamed Abdullahi Mohamed, who is known as Farmajo, deployed outside the Parliament building, raising fear that tensions between the two men could erupt into an armed confrontation. Mr. Jawari has been at odds with Somalia’s president since mid-March, when the speaker mustered a usually fractious Parliament to vote unanimously against a foreign investor. The signal of Mr. Jawari’s political strength, and of parliamentary independence, surprised and scared the president. A move for a no-confidence vote against Mr. Jawari followed, but it, too, was delayed by a security standoff: Parliamentary police officers were dismissed and replaced with people believed to be loyal to the president. Mr. Jawari’s supporters said the security change sought to intimidate the opposition. Mr. Jawari said at a news conference last month that the effort to oust him was intended to “dismantle the Parliament,” which he said has been “under attack by the executive branch.” Pro-Jawari lawmakers said on Wednesday that delays made any vote on the no-confidence measure unconstitutional. Soldiers from the Somali National Army, as well as officers from the Presidential Guard and the intelligence services, joined African Union troops to secure the area and protect the lawmakers locked outside. Soldiers from Danab, the Somali special forces contingent trained by the United States, were also deployed to secure the Parliament. Hussein Mohamed contributed reporting from Mogadishu, Somalia; Christina Goldbaum from Nairobi; and Mohamed Ibrahim from Helsinki, Finland.
  9. The political stand-off in Mogadishu surrounding Jawari’s impeachment reached a crescendo on Wednesday afternoon after AMISOM troops have intervened with the security of Parliament. AMISOM troops were seen escorting House Speaker Mohamed Osman Jawari and the 2nd Deputy Speaker Mahad Awad from the Parliament building after a raucous session nearly ended in armed confrontation. Jawari and Awad met with Brigadier Paul Lokech, who heads the Ugandan contingent of AMISOM and a handful of MPs in Villa Hargeisa for a meeting on security. Paul Lockech has said that AMISOM will tighten security measures in and around Parliament until a full resolution is reached in the parliamentary motion. Lokech – who said during the meeting that he left the frontlines battle with Al-Shabaab to mediate in the conflict – said that the political stalemate has stalled the peacebuilding mission. “Honourable Members of Parliament, you really know that we are here because there is an issue going on”…” the issue between Legislative and the arm of government which is Executive”. He reminded the lawmakers and House Speakers that their duty is to the Somali people. He also “Somalia is bigger than all of us, you must put the interest of Somali’s first.” The meeting comes hours after security officials accused Jawari of “violating” parliamentary procedures by arriving with private armed guards. In a press conference, the Commander of Police, General Bashir Abdi Mohamed said that Jawari arrived with his own private “army” and entered Parliament. He said that they were his personal bodyguards, and his actions were intended to be a direct provocation. Bashir said that he ordered security officers not to open saying it was a “moral obligation” to ensure that no lives were lost. The proponents of the motion have accused Jawari of intentionally hijacking the session with hired goons to avoid impeachment. Many of them have said that the police had refused to allow them inside the building. General Bashir said that they were left outside for their own personal safety. SNA special forces, as well as members of the Presidential Guard, were called into to secure the parliament and protect the lawmakers who were told to stay outside. The Pro-Jawari campaign has said that the guards were necessary since Parliamentary police officers were dismissed last month and replaced with people believed to be President Faramajo and Prime Minister Kheyre. Supporters of the no-confidence motion said the police had refused to let them inside the building. It is highly unlikely vote against the speaker will still be held on Wednesday, some MPs have hinted that the motion will be tabled on Saturday, April 7th.
  10. Guardian published heartbreaking pictures of Somali women struggling and sleeping in the streets of Indonesian cities. https://www.theguardian.com/world/gallery/2018/apr/02/the-heartbreaking-life-of-somalia-refugee-women-in-indonesia-in-pictures
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ee qoraalka kusoo gudbinay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudey ayaa siyaabo kala duwan shir jaraa’id galabta ugu qabtay Magaalada Muqdisho. Shirarkooda oo iska soo horjeeday ayaa waxa ay uga kala hadleen dhacdooyinkii maanta ka dhacay xarunta Golaha Shacabka. Guddoomiye Jawaari ayaa ka hadlay Wararka sheegaya in ciidamo taageersan ay qabsadeen xarunta, islamarkaana ay xildhibaanada ay u diideen in galaan xarunta. Waxaa uu sheegay in Saakay loo diiday in uu xarunta ku taggo gaadiidkiisa, islamarkaana uu xarunta Golaha Shacabka ku tagay lug. Jawaari ayaa beeniyay in ciidamo taageersan ay la wareegeen xarunta, waxaana uu sheegay in uu xarunta la galay tiro yar oo ka mid ah Ilaaladiisa. Sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka C/wali Ibraahim Muudey ayaa sheegay in Ciidamo Daacad u ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ay maanta saacado kooban la wareegay xarunta Golaha Shacabka, taasi oo sababtay inuu baaqdo kulankii lagu balansanaa. Guddoomiye Muudey ayaa sheegay in maanta xarunta Golaha Shacabka ay dhacday dhacdo fool xun oo ay geysteen Guddoomiye Jawaari iyo kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad. Muudey ayaa sheegay in Jawaari uu ku xadgudbay Dastuurka, kadib markii uu tilmaamay in Ciidamo uu la yimid xaunta, kuna qalqal geliyay xubnaha Baarlamaanka oo waajibaadkooda shaqo gudanayay. HOOS KA DAAWO MUUQAALKA SHIRKA JARAA’ID OO AY KALA QABTEEN JAWAARI IYO MUUDEEY SHIRKA JARAA’ID EE GUD. JAWAARI SHIRKA JARAA’ID EE GUD. MUUDEEY
  12. Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Mooshin ka soo gudbiyeen ayaa ka hadlay Shaqaaqadii Maanta ka dhacday xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho. Gudoomiye Jawaari oo lagu eedeeyay in ciidamo uu kula wareegay xarunta Golaha Shacabka ayaa warkaasi ku sheegay in uu yahay mid wax kama Jiraan ah. Waxa uu sheegay in isaga loo diiday in gaadiidkiisa uu ku soo galo xarunta Golaha Shacabka islamarkaasina uu soo lugeeyay. Waxa uu sheegay in ciidamo 11 Nin ah oo ah istaafka qaaska ah uu la soo galay Baarlamaanka ciidamadaasi uu sheegay in aanay la wareegi karin Xarunta Baarlamaanka. Hoos ka Daawo Muuqaalka. http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/04/Gudoomiye-Jawaari-Sax-ah.mp4 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Gudoomiye Jawaari ” Jawaari oo qabsaday Baarlamaanka waxa ay lamid tahay Madaxweynaha oo madaxtooyada qabsaday” appeared first on Puntland Post.
  13. Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiwali Sh. Ibraahim Muudeey ayaa ka hadlay shaqaaqadii maanta ka dhacday Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho. Gudoomiye Muudeey ayaa ku eedeeyay Gudoomiye Jawaari iyo Mahad Cawad in Baarlamaanka maanta ay xadgdub ku sameeyeen. “Qof masuuliyad sheeganaya hadana ku xad gudbaya waa arrin aan wanaagsaneyn, shacabka Soomaliyeed waxaan u sheegayaa in arrintaasi ay la socdaan, kana xun nahay sida ay wax u dhaceen, qof sharciga ka weyn ma jirto.” ayuu yiri Muudeey Waxa uu ku eedeeyay Gudoomiye Jawaari in ciidamo badan uu geeyay xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho. Gudoomiye Muudeey ayaa ku baaqay in Tilaabo Sharciga waafaqsan laga qaado Gudoomiye Jawaari iyo ku xigeenkiisa Labaad. Beesha Caalamka ayuu ugu baaqay in ay soo faragaliso xad gudub uu sheegay in Gudoomiye Jawaari uu ku hayo Baarlamaanka. Hoos ka dhageyso Codka http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/04/Cabduweli-muudeey.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Gudoomiye Muudeey Maxuu ka yiri Dhacdadii maanta ka dhacday Xarunta Golaha Shacabka appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Xildhibaanada mooshinka ka gudbiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa tallaabadii Maanta lagu hor istaagay kulanka Baarlamaanka Soomaaliya ku tilmaamay inay aheyd ismiidaamin siyaasadeed oo halis lagu geliyey nolosha Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaanada oo Bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo arrintaan ayaa u qornaa sida hoos ku qoran: Waxaa gurigayga ka tagey saacadu markay aheyd sideedii arroornimo si aan uga qeyb galo kulankii gollaha shacabka ee loo balansanaa inuu qabsoomo maanta. Waan filayey markii xildhibaanadu guddaha iskugu tagaan inay ku murmi doonaan arrimo la xiriira sharciyadda motionka iyo qodobo xeer hoosaadka ka mida, sidoo kale waxaa la fili karey in la isku qabto cidda shirka gollaha gudoominaysa, maadama xildhibaanada motion ka keenay aaminsan yihiin in gudoomiye ku xiggeenka koowaad xaq u leeyahay inuu gudoomiye halka kuwa kalena diidan yihiin. Hase ahaatee markaan gaaray xarunta gollaha, gaar ahaan albaabkii loo asteeyey in xildhibaanadu kasoo gallaan ayaa waxaa arkay xildhibaanadii oo banaanka tuuran gudahana aan u gudbeyn, markii aan waydiiyey sida waxa u jiraana waxaa la iigu jawaabey waxaa baarlamaankii guddaha u galay maleeshiyaad iyo ciidamo hubeysan oo la socdey gudoomiye Jawaari iyo ku xiggeenka labaad. Waxaa sidoo kale wacay xildhibaano nasiib u yeeshay inay guddaha gallaan intaan Jawaari iyo Mahad Cawad maleeshiyaadka la galin gudaha waxay ii xaqiijiyeen inay guddaha ku jiraan ciidan hubeysan naftoodana ay u baqayaan. Marna xildhibaanadu ma fileyn in qeyb xildhibaanada kamid ahi ku fakari karto inay baarlamanka hub lasoo galaan khatar amnina ku abuuraan xildhibaanada, waliba waxaa intaas ka daran cidda falkaas ku kacaysa markay tahay hoggaankii baarlamaanka ee sheeganaysay inay doonayso sareynta sharciga. Arrinkaa markaa hubsadey waxaa sii weydiiyey qaar ka mida xildhibaanadii taageerayey gudoomiye jawaari sababta ay tillaabada ismiidaaminta siyaasadeed ah u qaateen, waxey iigu jawaabeen wadada kaliya ee aan ku hor istaagi karney in cod la qaado ayey noqotay inaan hub la galno gudaha. Ugu dambeybtii waxay ila tahay in khilaaf kasta iyo kala arragti duwanaansho kasta aysan marnaba sababi karin in gollaha shacabka maleeshiyaad lala soo galo khatarna la galiyo amniga iyo nolasha xildhibaanadii shalay kuu doortay guddoonka aad u dagaalamaysid hayntiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari,Gudoomiye ku xigeenka Labaad Mahad Cabdala Cawad, iyo Mudanayaal ka tirsan kuwa taageersan ayaa maanta kulan waxa ay la qaateen Taliyaha Ciidamada AMISOM. Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay qalalaashii maanta ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho. Taliyaha Ciidamadda AMISOM Paul Lokech ayaa kulanka ka sheegay in ciidamada AMISOM ay saarantahay Masuuliyad islamarkaasina ay gaashaan u noqonayaan Gudoomiye Jawaari. ” Jawaari waa Gudoomiyaha Baarlamaanka Masuuliyada ayaa naga saaran Gaashaan ayaa u noqoneeynaa maadaama uu yahay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Furumaha Dagaalna waan uga soo baxeeynaa” ayuu yiri Paul Lokech Taliyaha Ciidamada AMISOM. Shaqaaqad sababtay in uu fashil iyo buuq ku dhamaado kulankii Baarlamaanka ee maanta ayaa ka dhacday xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post AMISOM” Furumaha dagaalka waxaan uga soo baxnay sidii aan u difaaci laheyn Jawaari” appeared first on Puntland Post.
  16. NAIROBI, Kenya — A police contingent loyal to a top opposition leader in Somalia took over Parliament for several hours on Wednesday, pushing a growing political rift to the brink of armed confrontation. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari oo daqiiqado ka hor shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa ka hadlay xiisadii Maanta ka dhacay kulankii baarlamaanka Soomaaliya. Prof. Jawaari oo ka hadlayey inuu Ciidamo uu watay ay qabsadeen Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay arrintaas tahay wax kama jiraan isla markaasna uu isaga kaliya watay 11 Askari oo u badnaa dharcad sida uu isaga hadalka u dhigay. ” Aniga 11 askari oo dharcad u badan ayaa watay ma idinla tahay in 11 askari lagu qabsan karo Xarunta baarlamaanka” ayuu yiri Jawaari. Sidoo kale Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in hadalka ah inuu qabsaday Xarunta Baarlamaanka ay la macno tahay iyadoo la dhahay madaxweynaha ayaa qabsaday Xarunta Villa Somalia, wuxuuna xusay inuu Xarunta Baarlamaanka uu isaga u taliyo. Sidoo kale Jawaari ayaa soo hadal qaaday taliyaasha Ciidamada dowladda ee ka hadlay Xiisadda Baarlamaanka isla markaasna isaga ku eedeeyey inuu Xarunta qabsaday, wuxuuna Jawaari sheegay inay Taliyaasha yihiin shakhsiyaad fiican balse uu saaran yahay culeys badan loona baahan yahay in loo dulqaato. Wuxuu tilmaamay inuu dhawr jeer taliyaasha u sheegay inay faraha kala baxaan Xiisadda siyaasadeed ee taagan, wuxuuna sheegay inay xalay ugu dambeysay oo uu kulan la qaatay balse ay ka tageen iyago aan wax jawaab ah siinin. Xildhibaan badan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Guddoomiye Jawaari ku eedeeyey inuu ciidamo lasoo galay Xarunta Baarlamaanka, iyagoo sheegay inuu xoog ku qabsaday midaasna ay tahay sharci darro. Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Cabdiweli Muudey oo isna shir jaraa’id qabtay ayaa jawaari Cawad ku eedeeyey inay Xaruntii baarlaaanka qabsadeen, wuxuuna ku baaqay in sharciga la hor keeno. Xiisadda Baaralmaanka Soomaaliya ee ka dhalatay mooshinka laga keenay Jawaari ayaa cirka isku shareertay, waxayna u muuqataa inay gaareyso heer aan waxba laga qaban karin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Mogadishu (HOL) - The political stand-off in Mogadishu surrounding Jawari's impeachment reached a crescendo on Wednesday afternoon after AMISOM troops have intervened with the security of Parliament. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo bartiisa Facebook soo qoray ayaa kaga hadlay wixii Maanta ka dhacay Baarlamaanka Soomaaliya kadib markii la sheegay in Ciidamo ka tirsan Ilaalada Jawaari ay la wareegeen Xarunta. Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Fiqi soo dhigay bartiisa Facebook: Waxaan kol dhow daawaday shir jaraa’id oo ay qabteen taliyaasha ciidamada qalabka sida, oo u muuqda afhayeenada xukuumadda ama u dhaqmaya sidii rag ciidamadII ay u talinayeen aysan ku lug lahayn khilaafka ka dhexeeya xukuumadda iyo golaha shacabka oo kale. Waxaan saakay ku waabariisanay magaalada Muqdisho oo dhammaan ciidamada ay wada xireen, isu socodkii & hawlihii shaqo ee gaarka ahaa iyo kuwii guudba la cuuryaamiyey, ujeedkuna uu yahay qeyb ka noqoshada qorshe xukuumaddu ay kula wareegaysay sharciyadda iyo awoodda golaha shacabka, ayadoo la baalmarayo dastuurka iyo shuruucda dalka. Gudaha hoolka waxaa la galiyey qiyaastii 100 askari oo boolis ah oo loogu talagalay ama lagu soo amray in ay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ilaaliyaan, kana amarqaataan, ayagoo gacan ka geysanaya mashruuca lagu inqilaabayo golaha shacabka, sida ka muuqata sawirka hoose oo caddeyn buuxda ah. Dhanka kale Ciidamada xoogga dalka oo ay ka mid yihiin kuwa sida gaarka ah u tababaran iyo ciidamada NISA ayaa ayaguna magaalada Muqdisho iyo waddooyinka soo gala xarunta golaha shacabka oo dhan lagu wareejiyey, isla mashruuca sare fulintiisa. Waxaa la isweydiinayaa taliyaasha ku mashquulsan ilaalada Gud. Jawaari ee aan arkaynin ciidamada xarunta golaha la soo dhexgaliyey ee amarka qaldan la soo siiyey iyo ciidamada loogu talagalay cadowga in ay dalka ka xoreeyeen ee loo adeegsanayo in dadka iyo xildhibaanada lagu caburiyo, miyaysan ku haboonayn in ayagii mashruucaan qeybta ka ahaa aysan cid kale ku eedayn wax la xiriira ciidan, haddii ay sidaas samaynayaana ay noqdaan dad ka madaxbanaan arrimaha siyaasadda ee taagan. Guddoomiye Jawaari, ilaaladii la socon jirtay wax badan oo ciidan ma wadan sida la soo xaqiijiyey, dhanka kalena gudaha xarunta ma aysan soo galin ee goobihii mar horeba ay ku ekaan jireen ayaa lagu soo reebay, ee waxaa aaminsanahay in oohintu orgiga ka weyn tahay!! hadaladaan xildhibaanada qaar iyo taliyaashu ay ku hadlayaana ay hordhac u yihiin tallaabooyin sharcidarro ah oo xalaalaynaya mashruucii inqilaabka.
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliyaha Ciidanka AMISOM Paul Lokech oo kulan xasaasi ah la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari. Kulankaas oo ujeedkiisa ahaa sidii looga wada hadli lahaa Khilaafka ka dhex jiro Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu taliyaha AMISOM Jawaari usoo jeediyey 3 qodob midkood inuu kala doorto: 1) In isaga iyo Xukuumadda ay ka heshiiyaan Mooshinka haddii la iska dhaafayo iyo la fulinayo, isla markaasna ay ka wada heshiiyaan sida uu dhici karo iyo qaabka uu noqon doono 2) In meel dhex dhexaad ah la isugu keeno xildhibaanada sidaasna mooshinka loogu coddeeyo 3) Iyo inay ciidamada AMISOM isaga guuraan Xarunta Baarlamaanka isla markaasna ay Xalane isaga noqdaan. Taliyaha Ciidamada AMISOM Paul Lokech ayaa qodobka seddexaad ku tilmaamay inuu yahay mid halis ku ah shacabka Soomaaliya isla markaasna uu fulintiisa xoogaa dhib ku noqonayo taliska Ciidamada AMISOM. Ilaa hadda lama ogo qodobka uu qaadan doono Guddoomiye Jawaari iyo haddii uu gebi ahaanba gaashaanka u daruufi doono. Guddoomiyaha baarlamaanka iyo Ilaaladiisa ayaa Maanta baajiyey kulan ay lahaayeen Baarlamaanka Soomaaliya kaasoo ajanadihiisu ahaa laba qodob oo kala duwan iyo laba Koox oo aan isku fikir aheyn. Ciidamada AMISOM ayaa ugu dambeyntii ku guulestay inay Jawaari xarunta Baarlamaanka ka wadaan isla markaasna waxaa la geeyey Xarunta Villa Hargeysa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya Cabduweli Ibraahim Muudeey oo shir jaraa’id ku qabtay Goor dhawayd Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay kulankii Baarlamaanka Soomalaiya ee maanta baaqday . Waxa uu Gudoomiye Muudey Jawaari iyo kuxigeenkiisa uu ku eedeeyay in ay jabiyeen Xeer hoosaadka Barlamaanka iyo Dastuurka dalka u yaala. Waxa uu sheegay in ay mudantahay in talaabo laga qaado . Halkan ka dhagayso . Gudoomiye muudey
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la wareegay Amniga xarunta Golaha Shacabka Soomaaliyeed ee Muqdisho ka dib markii Maanta uu baaqday kulankii Baarlamaanka ciidamo hubeysan ay la wareegeen xarunta. Taliyaha AMISOM Paul Lokech ayaa sheegay in ay adkeyn doonaan xarunta Amnigeeda inta xal buuxa laga gaarayo Khilaafka Baarlamaanka. Waxaa uu sidoo kale xusay in Jawaari amnigiisa ay ka mas’uul yihiin, qeybna uu ka yahay waajibaadkooda inta uu xilka haayo. Taliyaha ciidamada AMISOM iyo Guddoonka Baarlamaanka ayaa hadda kulan uga socdaa xarunta Villa Hargeysa. Gawaari ay galbinayaan Ciidanka Amisom ee Howlgalka Nabad ilaalinta ujooga Somaliya, ayaa goordhow Xarunta Golaha Shacabka waxey ka wadeen Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya iyo Kuxigeenkiisa 2-aad Mahad Cabdalla Cawad. Jawaari iyo Cawad ayaa tan iyo Saaka, waxey ku sugnaayeen Xarunta Golaha Shacabka oo maanta ay ku balansanaayeen Xildhibaano laba Ajende Kala wata oo Baarlamaanka ka tirsan. Taliyaha Ciidanka AMisom Paul Lokech oo gaaray Xarunta Baarlamaanka ayaa kulan kooban la yeeshay Jawaari, Wuxuuna usheegay in AMnigiisa ay mas’uul ka yihiin, qeybna uu ka yahay Waajibaadkooda inta uu xilka hayo. Jawaari iyo Paul Lokech, ayaa gaaray Xarunta Villa Hargeysa halkaas oo uu ka qabsoomaayo Kulan balaaran oo ku saabsan xal uhelista Khilaafka iyo sidii Jawaari loogu heyn lahaa meel amnigeeda la isku haleyn karo. Taliyaha Amisom ayaa sheegay in Ciidamada Amisom ay masuuliyad ka saarantahay iney Gaashaan unoqdaan Jawaari maadaama uu yahay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya. Si Kastaba, Taliyayaasha Ciidada; Booliska, Milatariga, Asluubta iyo Nabad Sugida Somaliya oo goor sii horeysay Shir Jaraa’id qabtay ayaa eedeyn kala dul dhacay Jawaari iyo Cawad, waxeyna ku eedeeyeen iney ku xad gudbeen Sharciga oo ay Ciidamo aan laga warqabin la galeen Xarunta Golaha Shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com