Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,038
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Last August, Asad Hussein boarded the back of a truck in Dadaab, Kenya, sitting with other passengers among sacks of beans being transported to Somalia’s capital. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Federaalka ah ee Somalia taa oo muujineysa in si KMG ah Akoonada looga xiray Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Xogta aan heleyno ayaa muujineysa in Akoonada Jawaari si KMG ah loo xiray Seddex cisho ka hor, sababo la xiriira in dhaqaalaha u keydsan uusan u adeegsan Mooshinka ka yaalla baarlamaanka Somalia. Xirista sida KMG ah ee Akoonada Guddoomiye Jawaari ayaa la sheegay inuu ka danbeeyay Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre oo kaashanaaya mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlada oo uu kamid yahay Wasiirka maaliyada iyo maamulka Bankiga. Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa horay looga mamnuucay inaanu dhaqaale kala bixikarin Bankiga Dhexe ee dalka, kadib markii la sheegay inuu isku diyaarinaayay qaadashada lacago aan munaasib aheyn. Dowladihii ka horeeyay tan iminka jirta ayaa dhaqan u laheyd isticmaalka dhaqaalaha Qaranka ee loogu tallo galay in lagu bixiyo mushaaraadka shaqaalaha dowlada, waata sababta soo dadajisay in Jawaari laga mamnuuco la bixista dhaqaale. Si kastaba ha ahaatee, talaabadan ayaa kusoo beegmeysa xili Siyaasada dalka ay saldhiganeyso meelo laga wanaagsan yahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka mar kale xiran inta badan wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho, iyadoo wadooyinkaasi lagu arkaayo ciidamo iyo gaadiid dagaal. Isgoosyada qaar ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu arkayaa Ciidamo isugu jira Boolis, Nabadsugid iyo Militery kuwaas oo Gaadiidka u diidaya in ay maraan. Hareeraha wadooyinka ayaa waxaa lagu arkayaa dadweyne lugeynaaya oo meelo kala duwan u shaqa doonanaaya, waxaana xusid mudan in ciidamadaasi wadooyinka la dhigay xili danbe ee habbeenimadii xalay. Wadooyinka xiran ayaa waxaa kamid ah Wadada Wadnaha oo ka xiran Isgoysyada Howlwadaag, Makka al-Mukarama iyo Tarabuunka. Wadooyinka xiran ayaa galay maalintii labaad oo si xiriira u xiran, waxaana shalay loo xiray kulan la filaayey in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay codka ugu qaadan Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Si kastaba ha ahaatee,Dadka ku nool magaalada Muqdisho ayaa walaac ka muujinaaya xirnaanshiyaha wadooyinka,waxaana ay sheegen in Shaqooyin badan oo ay leeyihiin ay ka baaqsadaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Soomaaliya diyaar umaha inay horay usocoto, siyaasiyiintooduna waa danaystaaal, waxaa hadalkaan yidhi Gen. Paul Lokech oo ah taliyaha ciidamada Amisom, kaasoo ka hor hadlayay ragga ugu sareeya barlamaanka Soomaaliya. Gen. Paul Lokech, ayaa sheegay ciidanka Amisom inay kasoo baxayaan furimaha dagaalka si ay u ukala dhex galaan barlamaanka is haysta, wuxuuna intaas ku daray Soomaaliya inay taagan tahay afar sano kahor meeshii uu kaga tagay markii dalkiisa uu dib ugu noqday. Sarkaalkaan ayaa ku canaantay madaxda barlamaaanka inay joojiyaan danahooda shakhsiyadeed oo ay ka horumariyaan danaha bulshada. Waxaa kale oo uu sheegay in xarunta barlamaanka ay masuuliyadiisa amni la wareegeen ciidanka Amison inta xal laga gaarayo. Puntlandi.com .
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. C/wali Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa mar kale ka hadlay dhacdadii shalay ka dhacday xarunta Golaha Shacabka, taasi oo sababtay inuu baaqdo kulankii Baarlamaanka oo lagu balansanaa. Gorod wuxuu sheegay markii hore in balanka uu ahaa inaanay ciidan gelin gudaha xarunta Golaha Shacabka, balse ay galeen shalay xarunta Ciidan hubeysan oo aanan la ogeyn. Waxa uu sheegay in markii ay arrintaasi ka war heleen uu ku baxay isla markaana tagay xarunta, waxayna ciidamada ka codsadeen in halkaasi kasoo baxaan, balse ay ka dhega furesteen. “Ciidankii gudaha u galay Xarunta golaha Shacabka la socday Jawaari ee amardiidada sameeyey waxaan ugu tagnay meelihii iyo barihii ay joogeen, intooda badan gacanteena ayey ku jiraan, kuwa kalana way maqan yihiin, waana laga daba tagayaa” ayuu yiri Gen Gorod Waxa uu sheegay in ciidamada Xoogga ay ku raad joogaan Ciidan dhar cad ah oo la socday Ciidanka gudaha u galay xarunta golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxa uu intaa raaciyay Gorod ‘’Wararka aan helnay waxay sheegayaan inay jiraan Ciidamo kale oo aan kamid aheyn Ciidanka qalabka sida oo laga yaabo inay ku gambadeen Ciidanka, iyagana waan oggaaneynaa, waana soo qabaneynaa, hadda arrinta si nabad ah ayey ku dhammaatay, xasilooni ayaa jirta, wax dhibaato ah ma jirto, ciddii isku dayda inay ka boodaan sharuucda dalka tallaabo fiican oo munaasib ku ah ayaa laga qaadi doonaan”
  6. Wixii ka dambeeyay go'doomintii ay Sacuudiga iyo xulufadiisu go'doomiyeen dal-yaraha Qadar, waxaa marba marka ka dambaysa isa soo tarayey xasarado iyo xasilooni darro siyaasadeed oo ay Soomaaliya cagaha la sii galaysay. Inkasta oo shacab waynaha soomaaliyeed Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa siyaabo kala duwan loo hadal-hayaa qaabka ay ciidamada daacada u ah Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia ula wareegen Xarunta baarlamaanka Somalia, xili loo diyaar garoobayay inay dhacdo codeynta Mooshinka ka yaala Jawaari. Ciidamada daacada u ah Guddoomiye Jawaari ee la wareegay Xarunta ayaa isugu jiray kuwo laga soo kala xulay Ciidamada Militeriga, Booliska iyo Nabadsugida, balse loogu labisay hal darees oo ah nooca Militeriga. Ciidamada oo u muuqday kuwo sharciga baalmarkiisa lagu ababiyay ayaa si ula kac ah uga biya diiday inay Hubka ku reeban afafka hore ee Xarunta, waxaana la sheegay in qasdigooda uu ahaa isku dhac. Waxyaabaha ciidamada daacada u ah Guddoomiye Jawaari u sahlay in Hubka ay gudaha ula galaan ayaa waxaa kamid ahaa:- 1-In ciidamadii Koofi casta horay ula wareegay Xarunta baarlamaanka oo dib looga saaray, iyadoo lagu celshay ciidamo uu si gaara u qortay Jawaari oo waligood ilaalo ka ahaa xarunta. 2-Ciidamada la socday Jawaari oo u badnaa kuwo gudaha asbuucan laga keenay magaalada Baydhabo, kana tirsan Hay’adaha amaanka oo ay ka kooban tahay dowlada. 3-Ciidamada oo intooda badan Xarunta ku gaaray lug, si aan loogu diidin gaadiidka tirada badan oo ay la socdeen, taa oo u sahashay inay isku uruursadan meel ku dhow xarunta baarlamaanka, halkaa oo uu kasoo maray Jawaari. Guddoomiye Jawaari ayaa weli ku doodaya in falka ay ciidamadiisa kula wareegen Xarunta baarlamaanka uu ahaa mid aan micno laheyn, isla markaana xiligaa uu ku khasbanaa. Balse waxa uu meesha ka saaray in ciidamo badan uu la galay, waxaana muuqaalo laga soo duubay goobaha ay ku sugnaayen ciidamadiisa ka muuqday dhar cad oo tirro ahaan ku dhawaa Afartan iyo ciidamo aad u farabadnaa kuwaa oo gabi ahaan ku labisnaa dareeska Militeriga. Si kastaba ha ahaatee, arrintaan ayaa dareen gaara galineysa Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha, Hay’adaha amaanka DF iyo Saaxiibada caalamka ka jooga Somalia, waxaana suuragal ah in amniga xarunta ay dib ula wareegi doonaan ciidamada Koofi casta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Xilli aad u adag ayay howl adag oo samafal ah ka qeyb qaadatay, waxaana ka soo gaartay dhibaato. Waxay ahayd markii dagaalkii 1988 dartiis ay Hargeysa iyo Burco ka qaxeen dadkii degganaa, laakiin ay ayadu goosatay in ay gacan ka geysato gargaarka inta magaalada ku hartay iyo dadka tuulooyinka deggan. Waxay la shaqeysay Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed oo isagana ay wada shaqeynayeen Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas. Oktoobar 1990 iyada oo oo joogta Darar Weyne oo Hargeysa aan ka fogeyn ayaa gaariga ay la socotay oo ICRC ay lahayd uu xumaaday. Iyada iyo qaar ICRC ahi waxay hore u sii raaceen baabuur uu leeyahay Booliisku. Weerar ay SNM ku soo qadday gaariga ayuu ku dhintay Peter oo ka tirsanaa ICRC, waxaana wadajir loo afduubay Sahra iyo Antonella Notari oo u dhalatay Switzerland. Sahra iyo Antonella waxaa lagu hayay hal goob. Markii Antonella la sii daayay 1990 ayaa labada isugu dambeysay ilaa dhowr iyo toban sano ka dib aan labadoodaba ku casumay xafiiskeygii London. Sahra iyo Antonella waa isku burureen. Waxay ahayd kulan ay xusuusteen murugo xanuun badan. Haddana wuxuu ahaa kulan uu is araggoodu farxad geliyay. Halkaas ayaan saddexdeenna iyo qaar kale oo aan casuumay oo ay fannaaniin Waaberi ahi ay ka mid ahaayeen aan ku wada qadeynay. Mar kale ayaan aniga iyo Antonella ku soo booqannay Sahra guriga ay London ka degganeyd, halkaas oo iyada iyo fannaaniin kale aan wakhti dheer kula sheekeysannay. Maanta ayaan Antonella ku wargeliyay geerida Sahra Axmed. Aad ayay uga murugootay geerida Sahra. Iyada oo Sahra u murugoonaysa, Antonella waxay tiri: Sahra Ahmed Jama waxaan ku xusuustaa sidii ay ii qaboojisay markii aan ka warhelay in Peter oo aan wada shaqeyneynay uu dhintay. Waan kala daatay. Labadeennuba waxaan joognay xarun ciidan oo SNM ay ku lahayd lama degaanka ku yaalla Somaliland. Gacanta ayay i qabatay markaas ayay i geysay geedo gadaashood. Sida carruur ayay iigu qubeysay. Isku af kumaynaan hadal. Laakiin waxaan isu fahamnay sida gabdho walaalo ah. Waxay ahayd qof aad geesi u ah, oo ay ka go’an tahay in ay dadkeeda u gargaarto. Qalbi furan oo gacanqabasho wata ayay kula dhaqmaysay qof kasta, kuwaas oo aan ka mid ahayn annaga oo ka soconna ICRC. Weligeey ma illoobi doono. Barakadeedii ayaa weli igu jirta. Aniguna waxaan ducadeyda u dirayaa qoyskeeda. Waxaan u rajeynayaa in ay nabad ku noolaadaan. Bisha Cas ka hor, Sahra Axmed, waxay ka mid ahayd fannaaniinta loogu jecel yahay Hobollada Waaberi. Sidaa darteed waa fannaanad magac dheer oo Soomaali badankeed ay taqaan. Walaalkeey ayay Sahra ahayd fannaanadda uu dhegeysigeeda ugu jecel yahay. Labadaba Allah ha u naxariisto. Allah ha u naxariisto. Jannada Allah ha ka waraabiyo. Inta jecelna Samir iyo Iimaan Allah ha ka siiyo. W/Q. Yuusuf Garaad
  9. Dagaalka Siyaasadeed ee u dhexeeya Gudoomiye Jawaari iyo Villa Soomaaliaya ayaa hada wuxuu gaaray meeshii ugu xumayd, Ciidamadii saaka khashkhashaaday Baarlamaanka ayaa Gudoomiye Jawaari wuxuu sheegey in laga soo diray Villa Soomaalia, kadibna ay Villa Soomaaliya suuqa galiyeen Borobogaando lagu leeyahay jawaari baa ciidan lasoo galay Baarlamaanka. Sida ay Puntlandi wararka ku helayaan Gudoomiye Jawaari ayaa iminka isu diyaarinaya inuu Jawaab kulul ka bixiyo wixii maanta ka dhacay Aqalka Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna shir deg deg ah oo aan ajandihiisa la shaacin uu isugu yeeri doonaa Xildhibaanada Federaalka, Ciidamada Amisom ayaana amaanka si buuxda u illaalin doona, Wararka kale ee hada soo dhacaya waxay sheegayaan in Gudoomiye Jawaari uu subaxa khamiista 5 april uu booqan doono Xarunta Beesha Caalamka ee Xalane, lama oga ilaa hada ajandaha Jawaari ee booqashada Xalane. Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa maanta wuxuu baajiyey safar uu ku tahi lahaa Pu tland, wuxuuna safarkiisa u baajiyey Buuqa Siyaasadeed eeXamar oo meel foolxjn gaaray. Madaxweynaha Dowlada Federaalku ilaa hada kama hadal falkii ka dhacay maanta (Arbaco 4/4) Xarunta Golaha shacabka, Raysal wasaaraha iyo Wasiirada ayaan iyana wali wax hadal ah laga heyn. Khilaafka Siyaasadeed muxuu Salka ku hayaa Khilaafka siyaasadeed ee ka aloosan Muqdisha wuxuu soo bilowday bil ka hor,khilaafku wuxuu ka bilowday markii hore Raysal wasaare Kheyre iyo Gudoomiye Jawaari oo isqabtay, Lhilaafka labada Masuul ayaa meel aan wanaagsaneyn gaaray maalmo gudoheed. Raysal wasaare Kheyre ayaa durba bilaabay xulufaysi siyaasadeed oo uu la sameeyey Gudoomiye Xigeenka Kowaad ee Baarlamaanka Mudane Muudey, Gudoomiye Xigeen Muudeey, iyo Wasiiro iyo Wasiiro xigeeno Xildhibaano ah ayaa bilaabey iskaashi ay ku abaabulaan Mooshinmka dhan ah Gudoomiye Jawaari, ugu yaraan Afartameeyo xildhibaan oo Golaha Wasiirada Xukuumada Raysal wasaare Kheyre iyo Gudoomiyaha Kowaad ee Baarlamaanka ayaa bilaabay iney cod u raadshaaan Mooshinka, arintaasna waxaa durba ka war heley Gudoomiye Jawaari iyo Xildhibaanada kale ee Baarlamaanka, waxaana laba todobaad ka hor bilowday oo suuqa usoo baxay khilaaafka siaasdeed ee labada Gole. Aqalka sare ayaa isku dayay iney damiyaan dabka ka dhexdhashey xukuumada iyo Baarlamaanka laakiin kuma aysan guulaysan, Madaxweyne Farmaajo ayaa isna isku dayay inuu dhex galo laakiin Madaxweynaha ruuxiisa ayaa lagu eedeeyey inuu garab la saftay, Gudoomiye Jawaari oo shir jaraa’id qabtay Isniintii 2 april 2018 ayuu sheegey in Madaxweynuhu uu si cad ula saftay Raysal wasaaraha. Sida muuqata xildhibaanada Federaalka Soomaaliya waxaa hada loo diidey iney isu yimaadaan oo shiraan, garabka Gudoomiye Xigeenka kowaad iyo Villa Soomaaliya waxay ku eedeynayaan Gudoomiyaha Baarlamaanka inuu ka dambeeyo in Xildhibaanaxu ay aqalkooda ku shiri waayeen, Gudoomiye Jawaari wuxuu isna laba shir jaraa’id oo uu qabtey labadii Isniinyii iyo Arbada uu sheegey in Villa Soomaaliya ay qas kuwadaan Baarlamaanka. Beesha Caalamka/Amisom Beesha Caalamka ee daneysa Arimaha Soomaaliya isla markaasna biisha Madaxda Soomaaliya kuma ay faraxsana waxyaabaha ka socda maalmahaan muqdisho xili xiriirka Beesha Caalamka iyo dowlada federaalku uusanba wanaagsaneyn, wali Beesha Caalamku si cad ugama aysan hadlin arimaha socda inkastoo ay si dhow dusha ugala socdaan, waxay halmar ay soosaareen hadalo siyaasadeysan ay ku waaninayeen labada dhinac. Ciidamada Amisom ilaa hada ma aysan qaadin wax talaabo ah,,laakiin wararka xalay (Isniin 4/4) la heley waxay sheegayaan in Amiskm ay go’aan sadeen ineh sugayaan Amaaanka Kulamada Xildhibaanada, kadib codsi la yimid Gudoonka Baarlamaanka iyo Aqalka Sare ee Federaalka Soomaaliya. Wixii warara oo rasmi ah ee soo kordha kala soco Puntlandi.com Puntlandi.com Muqdisho
  10. Taliyaha Ciidamada Milatariga Soomaaliya Sareeya Gaas C/wali jamac Gorod oo wariyaasha Goordhow caawa la hadlay ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay askar maanta hub la gashay xarunta Golaha Shacabka. Taliye Gorod ayaa sheegay in ciidamadaasi ay katirsanyihiin ciidamada Milatariga Soomaaliya islamarkaasina intoodii badneyd gacanta lagu dhigay. Waxa uu sheegay in ciidamadaasi ay ku xadgudbeen dalka islamarkaasina ay diideen amarkii loo gudbiyay islamarkaasina hub ay lagaleen xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan ciidamo kale oo aan kamid ah kuwa Dowlada oo dhar cad ah islamarkaasina ay ku raadjoogaan. Warar lagu kalsoonaan karo ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamadaasi looga yeeray xarunta Taliska Milatariga islamarkaasina ay yihiin ilaalada Gudoomiye Jawaari iyo Mahad Cawad. Hoos ka Daawo Codka http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/04/Taliye-Gorod-Caawa-PP.mp4 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Taliye Gorod ” Waan soo qabanay Ciidamadii Maanta hubka la galay Xarunta Baarlamaanka” appeared first on Puntland Post.
  11. If you're looking to raise one of the most powerful business leaders in the world, you might want to send your kid to Hyderabad Public School, Begumpet, in India. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in caawa uu kulan ka socdo Hoyga Guddoomiye Jawaari uu ka degan yahay Xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho ee Villa Hargeysa. Kulamada caawa ka socda Hooyga Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa qeyb ka ah Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka gaar ahaan garabka isaga taabacsan ee la sheegay in maanta ay fowdada ka kiciyeen Xarunta baarlamaanka. Guddoomiye Jawaari iyo Xildhibaanada caawa martida u ah ayaa si guud uga wada hadlaaya dhacdooyinkii maanta ay ka geysteen Xarunta baarlamaanka oo lagu sifeeyay qalalaaso amni. Dhinacyada ku sugan Hooyga ayaa waxaa lasoo sheegayaa inay kamid yihiin Saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM oo iyagu shir ku saabsan dhacdadii maanta la leh Guddoomiye Jawaari. Kulamo kan lamid ahaa ayaa waxa uu caawa ka socdaa Hoteelada magaalada Muqdisho, kuwaa oo u dhexeeya Xildhibaano garb garab u kala taabacsan Mooshinka iyo Mooshin diidka. Sidoo kale, ciidamo farabadan ayaa ku sugan Hooyga Guddoomiye Jawaari kuwaa oo la sheegay inay aad u adkeynayaan amniga, kadib falkii maanta ciidamada ka geysteen Xarunta baarlamaanka. Dhacdada maanta ka dhacday Xarunta baarlamaanka Somalia ayaa qalalaaso amni ku abuurtay Xarunta baarlamaanka iyo guud ahaan magaalada Muqdisho, iyadoo dhacdada ceynkaasi ah dhaliisheeda dusha looga tuuray Guddoomiye Jawaari oo isagu lagu eedeeyay in ciidamo uu la galay xarunta baarlamanaka. Si kastaba ha ahaatee, inta khilaafkan uu taagan yahay ayaa waxaa la iclaamiyay inuu hakat kusii jiri doono kullamada golaha shacabka inta xal laga gaarayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Waxgaradka ,Cuqaasha, iyo Nabadoonada ku dhaqan Degmada Xumbays oo shir ku yeeshay maanta Degmadaasi ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay falkii dhawaan lagu dilay Afar qof oo Xoolo dhaqato ah oo kusugnaa Tuulada Dhuudo oo katirsan Gobolka kar kaar lagu dhaawacay labo qof oo kale. Waxa ay sheegeen Odayaashan in maadaama ay yihiin Beesha lagu tumayo in dhalinyarada falkaasi gaysatay ay ka soo jeedaan in ay kaxunyihiin marka hore falkaasi dhacay ee dadka xoolo dhaqatada ah lagu laayay raalina aysan ka ahayn , sidoo kale waxa ay sheegeen Odayasha in ay Cambaaraynayaan lana xaali doonaa dadkii dhibaatadaasi ay ku dhacday . Halkan ka dhagayso. odayaasha Xumbays
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaraya ayaa sheegaya in Caawa uu Qarax xoogan ka dhacay Isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo jugtiisa uu xooganaa ayaa waxaa lasoo sheegayaa in laga wada maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka banaadir, waxaana Qaraxa kadib la maqlaayay rasaas goos-goos ah oo ay ridayeen ciidamada. Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa Miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa la sheegay bartilmaameedkiisa inuu ahaa Gaari Ciidan oo wadada marayay. Qaraxa ayaa dhacay kadib marka uu gudbay gaariga hase ahaatee waxa ka dhashay waxyeelo soo gaaray dad shacab ah, waxaana xusid mudan in xiliga uu Qaraxa dhacaayay goobta ay aheyd mid aad u mashquul badneyd. Dadka degaanka ayaa warbaahinta u sheegeen in qaraxan ay ku geeriyooden illaa Saddex qof oo shacab ah, tiro kalana ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo loo qaaday Isbitaalada Magaalada Muqdisho. Goobta uu Caawa ka dhacay Qaraxa ayaa ku dhow Isluulka Godey, waxaana halkaa laga qaaday dad dhalinyaro u badnaa oo dhaawac uu kasoo gaaraya Qaraxa. Si kastaba ha ahaatee, Qaraxa ayaa kusoo beegmaaya xili Habbeenimadii Xalay Qarax ceynkaan ah magaalada Muqdisho lagula eegtay Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca ammaanka iyo siyaasadda degmada Wadajir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan 3,000 oo qof oo Soomaali ah ayaa ku dhintay kuna dhaawacmay Qaraxyadii dalka ka dhacay saddexdii sano ee lasoo dhaafay, sida ay maanta baahisay ah hay’ada Qaramada Midoobay u qaabisan miinada ee Mine-Action. Hay’adda UNMAS ayaa sheegtay in sannadkii 2017-kii uu ahaa sannadkii ugu khasaaraha badnaa marka la eegto qaraxyada, iyadoo sheegtay in 14-kii bishii Oktoobar ay 500 dad badan ku dhinteen ayna ku dhaawacmeen in ka badan 300 boqol oo qof qarax ka dhacay Zope oo ah isgoys aad u mashquul badan. “Dadka ay dhibaatooyinka kasoo gaareen qaraxyada saddex meelood hal meel ayaa carruur ah,” ayaa lagu yiri warbixinta hay’adda Mine-Action oo xusasay maalinta wacyi-gelinta ka hor-tagga Qaraxyada oo ku beegnayd maanta. Sidoo kale, Hay’addu waxay sheegtay in la xoojinayo wacyi-gelinnada ku aadan waxyaabaha Qarxa, si loo badbaadiyo nolosha shacabka gaar ahaan caruurta oo la sheegay inay caqabadaha ugu badan kala kulmaan walxaha qarxa. “Khataraha ka dhasha qaraxyada ayaa ah xaqiiqada ugu weyn ee Somalia ka jirta. Waxaaa dhibaatada ugu badan ay kasoo gaartaa Qaraxyada dadka ku safra deeaannada miyiga iyo Reer-guuraaga Soomaailyeed,” ayaa warbixinta hay’adda UNMAS lagu yiri. Warbixinta hay’adda ayaa lagu xusay in 70 bulshooyinka Soomaaliyeed ka mid ah ayaa ka faa’iideystay ka hor-tagga qaraxyada miinooyinka ku haray goobihii colaadahuhu ka dhaceen, kuwaasoo gaaraya 450 deegaan sannadkii 2017-ka oo keliya. “Xoojinta wacyi-gelinta qaraxyada ayaa waxay hoose u dhigi karaan sidii ay shacabku uga digtoonaan lahaayeen miinooyinka dhulka ku aasan. Taasna waxaa lagu gaari karaa in dadka la baro xirfado ay ku nabad-galaan,” ayuu hadalkiisa ku yiri Abshir Mahdi Isaaq oo ka tirsan xafiiska UNMAS ee dalka Somalia. Ugu dambeyn, Sannado badan oo dagaallo ay ka jireen Somalia ayaa waxaa looga tagay meelaha qaarkood miinooyin lagu aasay, kuwaasoo ah kuwa ugu badan ee dhibaatooyinka u geystay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka Reer-guuraaga ah. PUNTLAND POST The post Tirada dadka Soomaaliyeed ee Waxyaalladu kasoo gaartay Qaraxyada oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
  16. Haweeney 39 jir ah ayaa xalay waxa ay weerar ku qaaday xarunta shirkada Youtube ka ee kutaala Gobolka Kaliforniya ee dalka Maraykanka . Haweeneydan ayaa sadax qof ku dhaawacday goobtaasi oo markii dambe iyada qudheeda ay halkaasi isku dishay, Booliiska ayaa sheegay in Haweeneydan aysan aqoon ulahayn dadkii ay dhaawacday waxa ay sheegeen Ciidamada Booliska ilaa iyo hada ina aysan haynin wax cadayn ah oo ku saabsan sababta ay falkan u samaysay Gabadhan . Wararka ay qorayaan Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegaya in Gabadhan ay ka carootay Sawirro ay lahayd oo ay shirkada Youtube ay faaf reeb ku samaysay Arintaas oo loo malaynayo in ay tahay mida ka caraysiisay gabadhan sababtayna in ay falkan gaysato .
  17. A police contingent loyal to a top opposition leader in Somalia took over Parliament for several hours on Wednesday, pushing a growing political rift to the brink of armed confrontation. Parliamentary police officers loyal to Mohamed Osman Jawari, the Parliament speaker, disrupted a no-confidence vote against him early Wednesday. The police lined up to block the speaker’s podium, and lawmakers who support Mr. Jawari accused other legislators of taking money to vote against the speaker, chanting, “Down with bribetakers!” Supporters of the no-confidence motion said the police had refused to let them inside the building. In response, state security forces loyal to President Mohamed Abdullahi Mohamed, who is known as Farmajo, deployed outside the Parliament building, raising fear that tensions between the two men could erupt into an armed confrontation. Mr. Jawari has been at odds with Somalia’s president since mid-March, when the speaker mustered a usually fractious Parliament to vote unanimously against a foreign investor. The signal of Mr. Jawari’s political strength, and of parliamentary independence, surprised and scared the president. A move for a no-confidence vote against Mr. Jawari followed, but it, too, was delayed by a security standoff: Parliamentary police officers were dismissed and replaced with people believed to be loyal to the president. Mr. Jawari’s supporters said the security change sought to intimidate the opposition. Mr. Jawari said at a news conference last month that the effort to oust him was intended to “dismantle the Parliament,” which he said has been “under attack by the executive branch.” Pro-Jawari lawmakers said on Wednesday that delays made any vote on the no-confidence measure unconstitutional. Soldiers from the Somali National Army, as well as officers from the Presidential Guard and the intelligence services, joined African Union troops to secure the area and protect the lawmakers locked outside. Soldiers from Danab, the Somali special forces contingent trained by the United States, were also deployed to secure the Parliament. Hussein Mohamed contributed reporting from Mogadishu, Somalia; Christina Goldbaum from Nairobi; and Mohamed Ibrahim from Helsinki, Finland.
  18. The political stand-off in Mogadishu surrounding Jawari’s impeachment reached a crescendo on Wednesday afternoon after AMISOM troops have intervened with the security of Parliament. AMISOM troops were seen escorting House Speaker Mohamed Osman Jawari and the 2nd Deputy Speaker Mahad Awad from the Parliament building after a raucous session nearly ended in armed confrontation. Jawari and Awad met with Brigadier Paul Lokech, who heads the Ugandan contingent of AMISOM and a handful of MPs in Villa Hargeisa for a meeting on security. Paul Lockech has said that AMISOM will tighten security measures in and around Parliament until a full resolution is reached in the parliamentary motion. Lokech – who said during the meeting that he left the frontlines battle with Al-Shabaab to mediate in the conflict – said that the political stalemate has stalled the peacebuilding mission. “Honourable Members of Parliament, you really know that we are here because there is an issue going on”…” the issue between Legislative and the arm of government which is Executive”. He reminded the lawmakers and House Speakers that their duty is to the Somali people. He also “Somalia is bigger than all of us, you must put the interest of Somali’s first.” The meeting comes hours after security officials accused Jawari of “violating” parliamentary procedures by arriving with private armed guards. In a press conference, the Commander of Police, General Bashir Abdi Mohamed said that Jawari arrived with his own private “army” and entered Parliament. He said that they were his personal bodyguards, and his actions were intended to be a direct provocation. Bashir said that he ordered security officers not to open saying it was a “moral obligation” to ensure that no lives were lost. The proponents of the motion have accused Jawari of intentionally hijacking the session with hired goons to avoid impeachment. Many of them have said that the police had refused to allow them inside the building. General Bashir said that they were left outside for their own personal safety. SNA special forces, as well as members of the Presidential Guard, were called into to secure the parliament and protect the lawmakers who were told to stay outside. The Pro-Jawari campaign has said that the guards were necessary since Parliamentary police officers were dismissed last month and replaced with people believed to be President Faramajo and Prime Minister Kheyre. Supporters of the no-confidence motion said the police had refused to let them inside the building. It is highly unlikely vote against the speaker will still be held on Wednesday, some MPs have hinted that the motion will be tabled on Saturday, April 7th.
  19. Guardian published heartbreaking pictures of Somali women struggling and sleeping in the streets of Indonesian cities. https://www.theguardian.com/world/gallery/2018/apr/02/the-heartbreaking-life-of-somalia-refugee-women-in-indonesia-in-pictures
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ee qoraalka kusoo gudbinay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudey ayaa siyaabo kala duwan shir jaraa’id galabta ugu qabtay Magaalada Muqdisho. Shirarkooda oo iska soo horjeeday ayaa waxa ay uga kala hadleen dhacdooyinkii maanta ka dhacay xarunta Golaha Shacabka. Guddoomiye Jawaari ayaa ka hadlay Wararka sheegaya in ciidamo taageersan ay qabsadeen xarunta, islamarkaana ay xildhibaanada ay u diideen in galaan xarunta. Waxaa uu sheegay in Saakay loo diiday in uu xarunta ku taggo gaadiidkiisa, islamarkaana uu xarunta Golaha Shacabka ku tagay lug. Jawaari ayaa beeniyay in ciidamo taageersan ay la wareegeen xarunta, waxaana uu sheegay in uu xarunta la galay tiro yar oo ka mid ah Ilaaladiisa. Sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka C/wali Ibraahim Muudey ayaa sheegay in Ciidamo Daacad u ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ay maanta saacado kooban la wareegay xarunta Golaha Shacabka, taasi oo sababtay inuu baaqdo kulankii lagu balansanaa. Guddoomiye Muudey ayaa sheegay in maanta xarunta Golaha Shacabka ay dhacday dhacdo fool xun oo ay geysteen Guddoomiye Jawaari iyo kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad. Muudey ayaa sheegay in Jawaari uu ku xadgudbay Dastuurka, kadib markii uu tilmaamay in Ciidamo uu la yimid xaunta, kuna qalqal geliyay xubnaha Baarlamaanka oo waajibaadkooda shaqo gudanayay. HOOS KA DAAWO MUUQAALKA SHIRKA JARAA’ID OO AY KALA QABTEEN JAWAARI IYO MUUDEEY SHIRKA JARAA’ID EE GUD. JAWAARI SHIRKA JARAA’ID EE GUD. MUUDEEY
  21. Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Mooshin ka soo gudbiyeen ayaa ka hadlay Shaqaaqadii Maanta ka dhacday xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho. Gudoomiye Jawaari oo lagu eedeeyay in ciidamo uu kula wareegay xarunta Golaha Shacabka ayaa warkaasi ku sheegay in uu yahay mid wax kama Jiraan ah. Waxa uu sheegay in isaga loo diiday in gaadiidkiisa uu ku soo galo xarunta Golaha Shacabka islamarkaasina uu soo lugeeyay. Waxa uu sheegay in ciidamo 11 Nin ah oo ah istaafka qaaska ah uu la soo galay Baarlamaanka ciidamadaasi uu sheegay in aanay la wareegi karin Xarunta Baarlamaanka. Hoos ka Daawo Muuqaalka. http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/04/Gudoomiye-Jawaari-Sax-ah.mp4 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Gudoomiye Jawaari ” Jawaari oo qabsaday Baarlamaanka waxa ay lamid tahay Madaxweynaha oo madaxtooyada qabsaday” appeared first on Puntland Post.
  22. Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiwali Sh. Ibraahim Muudeey ayaa ka hadlay shaqaaqadii maanta ka dhacday Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho. Gudoomiye Muudeey ayaa ku eedeeyay Gudoomiye Jawaari iyo Mahad Cawad in Baarlamaanka maanta ay xadgdub ku sameeyeen. “Qof masuuliyad sheeganaya hadana ku xad gudbaya waa arrin aan wanaagsaneyn, shacabka Soomaliyeed waxaan u sheegayaa in arrintaasi ay la socdaan, kana xun nahay sida ay wax u dhaceen, qof sharciga ka weyn ma jirto.” ayuu yiri Muudeey Waxa uu ku eedeeyay Gudoomiye Jawaari in ciidamo badan uu geeyay xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho. Gudoomiye Muudeey ayaa ku baaqay in Tilaabo Sharciga waafaqsan laga qaado Gudoomiye Jawaari iyo ku xigeenkiisa Labaad. Beesha Caalamka ayuu ugu baaqay in ay soo faragaliso xad gudub uu sheegay in Gudoomiye Jawaari uu ku hayo Baarlamaanka. Hoos ka dhageyso Codka http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/04/Cabduweli-muudeey.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Gudoomiye Muudeey Maxuu ka yiri Dhacdadii maanta ka dhacday Xarunta Golaha Shacabka appeared first on Puntland Post.