Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,031
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)– Garsoore reer Brazil ah ayaa madaxweynihii hore ee dalkaas Luiz Inácio Lula da Silva ku amray in uu booliiska isu dhiibo galinka dambe ee Jimcaha si uu u billaabo 12 sano oo xabsi ah oo uu ku mutaystay musuqmaasuq. Khamiistii ayay maxkamadda ugu saraysa dalka Brazil diiday dalab uu soo gudbistay oo ahaa in uu xor sii ahaado inta uu racfaanka ka qaadanayo xukunka lagu riday. Lula wuxuu sheegay in xukunka lagu riday uu yahay mid siyaasadaysan loona qaabeeyay in lagaga hor istaago in uu madaxweynenimada u tartamo bisha Oktoobar. Isaga ayaa la saadaalinayaa in uu ugu cadcad yahay. Garsoore Sergio Moro oo heer faderaal ah ayaa sheegay in ay waajib tahay in uu xabsiga isgeeyo inta ka horraysa 5:00 galabnimo ee xiliga Brazil oo u dhiganta 11:00 ee saacadda geeska Afrika Moro wuxuu sheegay in loo sii diyaariyay “xabsi khaas ah” kaas oo ka sooci doona maxaabiista kale, si loo ilaaliyo in aan wax loogu dhimin jirkiisa iyo maskaxdiisa. Marka uu hadalkaas ku dhawaaqay garsooruhu boqolaal ruux oo taageera Lula ayaa mudaaharaad ka dhigay magaalada São Paulo. Isha BBC Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. BEIJING — China’s leaders sound supremely confident that they can win a trade war with President Trump. Source: Hiiraan Online
  3. ST. PAUL, Minn. (KMSP) - Controversy brews among several Somali residents in Minnesota over a proposed sister city agreement between St. Paul and Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka mar kale xiran inta badan wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho, iyadoo wadooyinkaasi lagu arkaayo ciidamo iyo gaadiid dagaal. Isgoosyada qaar ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu arkayaa Ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabadsugid kuwaas oo Gaadiidka u diidaya in ay maraan wadada. Hareeraha wadooyinka ayaa waxaa lagu arkayaa dadweyne lugeynaaya oo meelo kala duwan u socda, waxaana xusid mudan in ciidamadaasi wadooyinka la dhigay xili danbe ee habbeenimadii xalay. Wadooyinka xiran ayaa waxaa kamid ah Wadada Wadnaha oo ka xiran Isgoysyada Howlwadaag, Makka al-Mukarama iyo Tarabuunka. Ciidamada ayaa meelaha qaar u ogolayn in lug xitaa lagu maro waxaana meel walba taagan Askari kaas oo dadka ku amraya in ay aagaas marin. Meelaha aan lugta iyo Gaadiidka loo ogoleyn ayaa waxaa ka mid ah Wadada Maka Al-mukarama gaar ahaan KM4 ilaa madaxtooyada. Wadooyinka xiran ayaa galay maalintii Seddexaad, waxaana maalin un ka hor loo xiray kulan la filaayey in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay codka ugu qaadan Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Si kastaba ha ahaatee,Dadka ku nool magaalada Muqdisho ayaa walaac ka muujinaaya xirnaanshiyaha wadooyinka,waxaana ay sheegen in Shaqooyin badan oo ay leeyihiin ay ka baaqsadaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Article 99 (d) of the Provisional Constitution of the Federal Government of Somalia (FGS) tasks the Executive Branch to prepare the annual fiscal budget and final accounts. Source: Hiiraan Online
  6. Article 99 (d) of the Provisional Constitution of the Federal Government of Somalia (FGS) tasks the Executive Branch to prepare the annual fiscal budget and final accounts. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Shirkii Golaha Xukuumadda Puntland oo uu shir-guddoominayay Hogaamiyaha maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa looga hadlay xaaladda k ataagan magaalada Muqdisho. Shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray xaalada u dhaxaysa Xildhibaanada Dowaldda Federaalka Somalia, qodobada kale ee looga hadley waxaa ka mid ahaa Amniga Puntland, Dastuurka Dawladda Federaalka iyo Baahinta Wax-qabadka Dawladda. Sidoo kale waxaa shirka looga hadley dhaq-dhaqaaq la sheegay in maamulka Somaliland ka wado gobolka Sool.
  8. Shirka Goloha Wasiiradda ee Xakuumadda Federaalka Soomaaliya oo shir-goddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa looga hadlay Xaalada amaan ee dalka, Faah-faahinta Geedi-socodka dayn cafiska Soomaaliya, Hanaanka Maaliyadda Qaranka iyo Warbixino kale oo muhiim ah. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Cabdinaasir Siciiid Muuse ayaa sheegay in howlgalka lagu sugayo amaanka magaalada Muqdisho uu yahay mid si wanaagsan u socda, ciidamaduna ay xoogga saarayaan sidii shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaan lahaayeen si nabad ah dalkooda. Isagoona tilmaamay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu todobaadkiiba mar ama labo jeer uu ciidamada ku booqdo isgoosyada iyo goobaha ay shaqada ka wadaan, taasina ay u tahay ciidanka dhiirigalin sii jeclaysiinaysa shaqadooda. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa tilmaamay in dakhli aruurinta guduhu ay gaartay rubucii hore ee sanadkan halkii ugu sareysay oo ay soo xarootay 42.5 milyan oo doolar, arintaas oo fududeyneysa hanaanka deyn cafinta Soomaaliya. Sidoo kale Wasiirku waxuu sheegay in Hay’adda IMF iyo World Bankigu ay dawladda Soomaaliya horay ugala hadleen in iska ilaaaliyaan daaymaha, si looga cafiyo daymii hore ee lagu lahaa dawladda Soomaaliya. Hanti dhowraha Qaranka Soomaaliyaa ayaa goloha xukuumadda u soo bandhigay xog-aruurin ay ka sameeyeen 19 wasaaradood oo lasoo baaray sida ay dakhliga usoo xareeyaan, waxa uuna goloha ka sheegay in aysan xarun lacag qaban karta marka laga reebo Wasaradda Maaliyada, hadii ay dhacdo in ay lacag qabatana ay lagama maarmaan tahay in ay ugu gudbiso Bankiga Dhexe iyo Wasaaradda Maaliyadda muda 24 saacadood ah, iyada oo la cuskanayo sharciga nambarkiisu yahay 317. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa bogaadiyay sida habsimada leh ee ay u socoto nidaamka dakhli aruurinta Soomaaliya, taas oo meel fiican maraysa hada, sidoo kale waxuu goloha u soo jeediyay in ay dar-dargaliyaan shaqada ay u hayaan Qaranka.
  9. Waxay u egtahay in siyaasadda Soomaaliya loo rakibay qaab dhismeed markasta ay qasab tahay in uu dhasho khilaaf siyaasadeed oo ragaadiya shaqada ay laamaha ay ka koobantahay dowladda. Markii 8-dii feberaayo, 2017-dii madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, muddo kadibna uu soo magacaabay Ra’isulwasaare ayuu balanqaaday in aysan marnaba is qaban doonin Ra’isulwasaarihiisa, waqtina isla dhamaysan doonaan. Balantaasi waxa ay u egtahay in ay wali shaqanayso, balse taasi kama dhigneyn in uusan dalka ka dhicin khilaaf siyaasadeed oo la mid ah kuwii dalka horay uga dhici jiray. Haddaba maxaan ka ognahay khilaafka siyaasadeed illaa iyo hadda? Waxaa jirta oraah dhahaysa “Khilaafka meesha uu ka biloowdo ayaa go’aan laga gaari karaa, balse sida uu ku dhammaanayo cidna ma go’aamin karto”, waxaana taas marag fur u ah khilaafyadii hore ee dalka kasoo dhici jirey, kuwaas oo mar ka mid ah galaafatay xilkii Ra’isulwasaarenimada ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Hadda waa ay adagtahay in laga hadlo halka uu ku biyo shuban doono iyo cidda uu galaafan karo. Hase yeeshee waxa aan si kooban uga hadli karnaa marxaladihii uu khilaafka soo maray iyo xigashooyinka aan ka hayno illaa iyo hadda dadka uu khilaafka quseeyo. Xigashooyinka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo muddo dheer oo 18 maalmood ah ayuu ka aamusnaa xasaradaha aloosan, balse maalinkii 31-da March, oo sabti ahayd ayuu isugu yeeray guddoonka baarlamaanka, wuxuuna dhinacyada ku qanciyay in la baajiyo kulamadii iska soo horjeeday ee baarlamaanka. Waxaa warbaahinta gudaha kusoo baxay warar sheegaya in uu jiray heshiis dhexmaray madaxweynaha iyo Jawaari oo ahaa in uu xilka ka dego Jawaari, balse ma jirin cid xaqiijisay heshiiskaasi oo aan ka ahayn hadalkii Jawaari ee ahaa in madaxweynaha uu uga yimid codsi ah in uu is casilo. Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre oo golihiisa wasiirada inta badan ay saxiixeen mooshinka xilka looga tuurayo guddoomiyaha baarlamaanka ayaanan isna laga haynin wax hadal ah, inkasta oo marar badan saxaafadda laga eedeeyay in uu isagu gadaal ka riixayo mooshinka. Guddoomiyaha baarlamaanka Prof Maxamed Cusmaan Jawaari oo mooshinka xilka looga tuurayo uu dhaliyay khilaafka siyaasadeed ayaa dhawr jeer warbaahinta la hadlay, marba marka ka dambeysa hadalkiisa waa uu ka faahfaahsanaa markii ka horeysay. “Aniga iyo labadeyda ku xigeen ayuu madaxweynaha inoo yeeray, waxaanan ku heshiinay in kulankii sabtida la baajiyo si aysan foodo u dhicin, wuxuuna balanqaaday in garabyada is haya isugu yeero si xal loo gaaro, balse taasi ma dhicin, arrintiisana waxa ay dhaafi weysay in uu aniga iga codsado in aan is casilo, balse xukuumadda oo khilaafkan abaabushay, iyadaa ku habboon in la weeydiiyo in ay is casilaan iyo in kale”. Ayuu yiri Jawaari “Arrintaas aad baa la’iiga gardaranyahay in la i weeydiiyo in aan is casilo, is casili maayo, is casili maayo, sharci baan ku imid, sharci baan ku baxaa haddii loo baahdo” ayuu yiri Prof Maxamed Cusmaan Jawaari . “Wixii dhaca ee dhibaato ah shirka bari, anaga mas’uul kama nihin, waxaana mas’uul ka ah madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaanan culumada iyo ururada bulshada ka codsanayaa in madaxweynaha lala hadlo, iskana dhaafo dhinaca uu jiro, dhexdhexaad ka noqdo,waajibaadkiisa dastuuriga ahna uu guto”. Maalintii Arbacada Maalinta waxa ay ku bilaabatay iyada oo ciidammada ay xireen dhammaan waddooyinka caasimadda, islamarkaasna joojiyeen dhaqdhaqaaqii shacabka iyo gaadiidka iyo waliba ganacsiga. Dalka oo dhan waxa uu dareenkiisa u jiheystay dhismaha golaha shacabka oo la filayay in qeyb ka mid ah xildhibaanada iyo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka ay doonayeen in codka kalsoonida loo qaado guddoomiye Jawaari iyo qeyb kale oo xildhibaano ah iyo guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa labaad oo dhinac ah, kana soo horjeeda codka mooshinka. Warbaahinta waa loo diiday in ay galaan gudaha baarlamaanka, iyaga oo wararka kasoo tabinayay banaanka hore. Saacado kadib waxaa soo ifbaxday in ay gudaha u galeen ciidammo hubeysan, xildhibaanada intooda badana ay kasoo laabteen gudaha, qaarkoodna loo diiday in ay galaan. Xildhibaan Cabdicasiis Dhagoqool oo BBC-da la hadlay mar uu gudaha kasoo baxay ayaa guddoomiye Jawaari ku eedeeyay in uu baarlamaanka kula wareegay ciidamo isaga taabacsan. Taliyeyaasha Militariga, Booliiska iyo Asluubta oo shir jaraa’id si wadajir ah u qabtay ayaa iyaguna sheegay in ciidanka meesha galay aysan ka warhaynin kuwa ay yihiin, sheegayna in ay baarayaan, iyaga oo ku eedeeyay guddoomiye Jawaari in uu baarlamaanka geystay askar. Balse Jawaari oo hadlay ayaa sheegay in warkaasi uusan waxbo ka jirin “Waxaa nasiib darro ah in la yiraahdo guddoomiyihii golaha shacabka ayaa qabsaday golaha shacabka, 11 qof oo askari wax ma qabsan karaan?! Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa golaha qabsaday waxaa ay la mid tahay madaxweynaha oo madaxtooyada qabsaday” ayuu yiri. Guddoomiye Jawaari ayaa sidoo kale sheegay in ciidankiisii laga reebay, uuna ka reebay wasiirka amniga oo uu sheegay in uu ka midyahay xildhibaanada saxiixay mooshinka. Ugu dambeyntii waxaa dhacday in mid ka mid ah taliyeyaasha AMISOM Brig. Gen. Paul Lokech uu tagay baarlamaanka, islamarkaasna sheegay in uu aad uga xunyahay khilaafka dhacay. Waxa uu soo bandhigay saddex qodob oo ay tahay in la kala doorto, kalana ah in xukuumadda iyo baarlamaanka ku heshiiyaan in amniga baarlamaanka ay AMISOM la wareegto, in kulanka lagu qabto meel dhexdhexaad ah ama in Soomaalida iyagu hawlahooda dhamaystaan, AMISOMna ay meesha ka baxdo. Waa sidee hadda xaalka? 24 saac kadib dhacdadii shalay ee baarlamaanka, ma jiraan wax shanqar ah oo kasoo yeertay labada dhinac, waxayna u egtahay in dhinacyada ay ku kala laabteen dhufeysyadii ay kasoo abaabulayeen dhaqdhaaqooda siyaasadeed. Waxaa laga wada war dhawrayaa talaabada xigta ee ay qaadayaan labada dhinac, balse waxaa hubanti ah in xilligan la taaganyahay uu baarlamaanka kala jabanyahay, madaxdii dalka ugu sareysayna uu ka dhaxeeyo khilaaf banaanka usoo baxay. Marka laga reebo eedaha ay xildhibaanada u jeediyeen Jawaari oo ah in uu xil gudasho la’aan sameeyay, lama oga sababta rasmiga ah ee ay isku qoomeen madaxda ugu sareysa ee dowladda federaalka. Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Cabdiwali Ibraahim Muudeey oo shir jaraa’id ka hadlay ayaa ciidammada dowladda ka codsaday in ay la wareegaan amniga baarlamaanka, hubantina ka dhigaan in uu qabsoomo shirka baarlamaanka. Marka hadalkaas lagu daro kii taliyeyaasha ay jeediyeen, ayaanan la odorosi karin talaabada xigta ee la filan karo in la qaado, balse waxaa jirta saansaan kasta oo muujinaysa in ciidammada ay markii ugu horeysay qeyb ka noqon karaan khilaafka madaxda rayidka ah ee Soomaaliya. Guddoomiye Jawaari oo maalmo ka hor hadlay ayaa yiri “Waxaa jirta saansaan muujinaysa in af gambi militari uu dhacayo”, hadalkaas kama aysan jawaabin laanta fulinta. W/Q: Cabdinaasir Saxansoxo BBC Somali, Nairobi
  10. Dowladda Puntland ayaa sheegtay in aysan qaadan doonin Dastuurka Soomaaliya ee haatan dib-u-eegistu ku socoto,haddii aan la waafajin nidaamka Federaalka dalka,sida ku xusan qoraal ka soo baxay shirkii Golaha Wasiirada dowladda Puntland ee maanta. Golaha Wasiirada Puntland ayaa ugu baaqay guddiyada gacanta ku haya Dastuurka , in qodobada ay diyaarinayan ay waafajiyaan haykalka hannaanka Federaalka ee dalku qaatay,waxaana dowladda Puntlan ka digtay in Dastuurka laga weeciyo nidaamka Federaalka ee Soomaali ku heshiisay. War-murtiyeedka ka soo baxay shirka Golaha Wasiirada Puntland ayaa lagu caddeeyay, in Puntland aysan marnaba aqbali doonin, in Dastuurka Soomaaliya loo diyaariyo hannaan dowlad dhexe,halkii laga rabay in la waafajiyo nidaamka Federaalka ee dalka. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo shuruud ku xirtay qaadashada Dastuurka Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.
  11. Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa goor dhawayd waxa uu si kumeel gaar ah uu u magacaabay Gudoomiye iyo Gudoomiye kuxigeen oo ay yeelato Degmada Garoowe . Madaxweynaha ayaa waxa uu Gudoomiyaha kumeelgaarka ah ee Degmada Garoowe uu umagacaabay Axmed Maxamuud Ducaale ,halka Gudoomiye kuxigeena uu umagacaabay Cusmaan Maxamed Siciid , kadib Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha . Magacaabistan ayaa timid kadib markii uu Madaxweynuhu uu goor dhawayd uu kala diray Golihii deegaanka ee Degmada Garoowe .
  12. Madaxweynaha Dawladda Puntland Ayaa Waxa uu Kala Diray Golaha Deegaanka Degmada Garoowe. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xafiiskiisa kasoo saaray wareegtu ku saabsan kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Garoowe. Xeer Madaxweyne Lr. 52 April 05, 2018, kuna saabsan Kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Garoowe. Madaxweynaha Dawladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dawladda Puntland. Markuu tixgaliyey: Tala soo Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga. Marky caddaatay: Inay hanan waayeen shaqadii loo igmaday kana bixi waayeen is Qabqabsi . Wuxuu xeeriyey. 1. Waxaa la Kala diray Golaha Deegaanka Degmada Garoowe. 2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu. =DHAMMAAD=
  13. Dub-lumaasiyiin Maraykan ah ayaa maanta oo khamiis ah waxa ay ka soo dhaqaaqeen Safaarada Maraykanka ay ku leedahay Magaalada Moosco ee dalka Ruushka . Todo baadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii uu Ruusha uu ku amray in 60 Ergay oo Maraykan ah in ay isaga baxaan dalkaasi Ruushka, taas oo loomalaynayo in ay kaga aargudanayaan Maraynaka . Talaabadan ay qaaday dowladda Ruushka ayaa qayb ka ah muran qoto dheer oo ka dhashay sumayntii la sumeeyay sirdoon horay ugu shaqayn jiray Ruushka iyo gabar uu dhalay, taas oo uu Maraykanku ku eedeeyay in uu Ruushku ku lug lahaa.
  14. Wareegto ka soo baxday Xafiiska madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) ayaa lagu sheegay in la kala diray, Golaha Degaanka degmada Garoowe,sida ku cad qoraal uu soo saray madaxweyne Gaas. wareegtadaan oo ku taariikhaysan 5 bishaan April ayaa lagu caddeeyay in Golaha Degaanka degmada Garoowe ay shaqadoodii gudan waayeen,islamarkaaana ay ka bixiwaayeen is-qab-qabsi joogta ah,sidaasi darteedna loo kala diray. Dhinaca kale wareegto labaad oo ka soo baxday xafiiska madaxweyne Gaas ayaa si ku meel gaar ah, guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen u loogu magacaabay Golaha Degaanka Garoowe. Guddoomiyaha ayaa loo magacaabay,Axmed Maxamud Ducaale,halka ku xigeenkiisa loo magacaabay,Cismaan Maxammed Siciid,sida ku cad wareegtada ka soo baxday xafiiska madaxweyne Gaas. Kala-diridda Golaha Degaanka Garoowe ayaa ku soo beegmatay,saacado kooban kadib markii lagu dhawaaqay in gebi ahaanba la xalliyay khilaafkii ka dhex jiray Golaha Degaanka,sidoo kalena laga noqday mooshin ay xildhibaannada qaarkood ka gudbiyeen duqa degmada,Xassan Maxammed Ciise(Goodir). PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo kala diray Golihii Degaanka degmada Garoowe appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (PP) ─ Shirka Goloha Wasiiradda ee Xakuumadda Federaalka Soomaaliya oo shir-goddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa looga hadlay Xaalada amaan ee dalka, Faah-faahinta Geedi-socodka dayn cafiska Soomaaliya, Hanaanka Maaliyadda Qaranka iyo Warbixino kale oo muhiim ah. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Cabdinaasir Siciiid Muuse ayaa sheegay in howlgalka lagu sugayo amaanka magaalada Muqdisho uu yahay mid si wanaagsan u socda, ciidamaduna ay xoogga saarayaan sidii shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaan lahaayeen si nabad ah dalkooda. Isagoona tilmaamay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu todobaadkiiba mar ama labo jeer uu ciidamada ku booqdo isgoosyada iyo goobaha ay shaqada ka wadaan, taasina ay u tahay ciidanka dhiirigalin sii jeclaysiinaysa shaqadooda. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa tilmaamay in dakhli aruurinta guduhu ay gaartay rubucii hore ee sanadkan halkii ugu sareysay oo ay soo xarootay 42.5 milyan oo doolar, arintaas oo fududeyneysa hanaanka deyn cafinta Soomaaliya. Sidoo kale Wasiirku waxuu sheegay in Hay’adda IMF iyo World Bankigu ay dawladda Soomaaliya horay ugala hadleen in iska ilaaaliyaan daaymaha, si looga cafiyo daymii hore ee lagu lahaa dawladda Soomaaliya. Sidoo kale, Hanti-dhawraha Qaranka Soomaaliyaa ayaa goloha xukuumadda u soo bandhigay xog-aruurin ay ka sameeyeen 19 wasaaradood oo lasoo baaray sida ay dakhliga usoo xareeyaan, waxa uuna goloha ka sheegay in aysan xarun lacag qaban karta marka laga reebo Wasaradda Maaliyada, hadii ay dhacdo in ay lacag qabatana ay lagama maarmaan tahay in ay ugu gudbiso Bankiga Dhexe iyo Wasaaradda Maaliyadda muda 24 saacadood ah, iyada oo la cuskanayo sharciga nambarkiisu yahay 317. Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xasan Khayre ayaa bogaadiyay sida habsimada leh ee ay u socoto nidaamka dakhli aruurinta Soomaaliya, taas oo meel fiican maraysa hada, sidoo kale waxuu goloha u soo jeediyay in ay dar-dargaliyaan shaqada ay u hayaan Qaranka. PUNTLAND POST The post AKHRISO: Qodobbadii kala duwanaa ee looga hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (PP) ─ Wargeyska The Observer ee kasoo baxa dalka Uganda, ayaa qoray in guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka dalka Uganda, Jacob Awlanyah uu u yeeray Wasiirka Gaashaandhigga dalkaas, Adolf Mwesige si wax looga weydiiyo Askartii dhawaan lagu dilay gobolka Shabeellaha Hoose. Jakob Awlaanyah ayaa sheegay in shacabka Uganda ay u baahan yihiin inay ogaadaan khasaaraha ciidankooda soo gaaray, sidaa darteedna xukuumadda laga sugayo inay tiro koob rasmi ah soo saarto dhacdadii u dambeysay. Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Uganda ayaa xusay inay wasiirka uga baahan yihiin inuu xildhibaannada la hor akhriyo tirada rasmiga ah ee askarta geeriyootay iyo magacayadooda, taasoo ah mid keeni karta in tiro koob la helo. “Dowladdu wali ma ay shaacin tirada rasmiga ah ee askarta ku geeriyootay weerarkii axadii ka dhacay Somalia ee lagu beegsaday ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM oo kasoo jeeda Uganda,” ayuu yiri Jakob Awlaanyah oo intaas ku daray in xukuumadda uga baahan yihiin inay shaaciso waqtiga ciidamada Uganda laga saarayo Somalia. Xukuumadda Uganda siyaabo kala duwan ayay uga hadashay khasaaraha kasoo gaaray weerarkii axadii ay Al-shabaab ku qaadeen saldhiga AMISOM ay ku lahayd deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose. Taliska ciidamada dalka Uganda ayaa sheegay in Afar askari ay weerarkaas uga dhinteen, ayna uga dhaawacmeen lix kale, inkatsoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan tirada ciidamada Uganda uga dhintay weerarkaas. Al-shabaab ayaa sheegtay inay ku dlieen 59-askari oo ciidamada Uganda ka tirsan, sidoo kalena ay tiro intaas ka badan ku dhaawacmeen, basle sarkaal u hadlay dowladda Somalia ayaa sheegay in 46-askari oo ciidamada Uganda ka tirsan weerarkaas lagu dliay. Ugu dambeyn, Weerarkaan ayaa ka mid noqonaya midkii ugu xumaa ee lala beegsado ciidamada AMISOM ee Somalia ku sugan, iyadoo dalka Uganda la geeyay maydadka sideed askari oo la sheegay in lagu dilay weerarkii Buulo-mareer. PUNTLAND POST The post Wasiirka Gaashaandhiga Uganda oo wax laga weydiinayo Askartii looga dilay Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  17. Maamulka Degmada Bosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland ayaa maanta waxa uu Olole Nadaafadeed oo kor logu qaadayo bilicda Magaalada Bosaaso uu ka sameeyay qaybo ka mid ah xaafadaha Magaalada Bosaaso. Xaafadaha Ololahan laga sameeyay ayaa waxaa kamid ah Xaafada Grible Ubax oo kutaala dhanka Bari ee Magaalada Bosaaso waxaana Ololahan Nadaafadeed ka qayb qaatay qaar kamid shaqaalaha Dowladda hoose ee Degmada Bosaaso, Nabadoonada Waxgaradaka iyo Bulshadii ku dhaqnayd Xaafadii Ololahan laga sameeyay. Duqa kumeel gaarka ah ee Degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ahna Wasiirkixigeenka Wasaarada Maaliyada Puntland oo goobta kula hadlay Warbaahinta xiliguu uu socday Ololahan ayaa sheegay in Olalahan uu qeyb ka yahay Olole Nadaafadeed oo isbuuciiba mar laga samayn doono Magaalda Boosaaso. Dhawaan ayay ahayd markii Maamulka Degmada Bosaaso uu Wadooyinka Magaalada Bosaaso ka bilaabay Howlgalo lagu banaynayo wadooyinka xiran . Tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu Madaxweynaha Puntland uu kala diray Golihii Deegaanka ee Degmada Bosaaso ayaa ilaa iyo haatan waxaa wali la soo dhisin Golahaasi oo ka koobnaa 31 Xubnood
  18. The establishment of a friendly relations between Somaliland and Somalia, let alone the reunification of the two countries, is becoming increasing improbable. This is because the Somali government continues to breach one internationally recognized guiding principle of reconciliation after the other. Source: Hiiraan Online
  19. Gulankii Golaha Wasiirada ee Puntland oo uu maanta shir Gudoominayay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa waxaa looga hadlay Arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin , Amniga Guud ee deegaanada Puntland iyo xaalada Siyaadaeed ee cakiran ee ka taagan Magaalada Muqdisho . Hadaba halkan ka Akhriso.
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo xafiiska Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegaya in kulankii Arbacadii Shalay baaqday ee Baarlamaanka Soomaaliya lagu wado in la qabto Sabtida 7-da April. Guddoomiye ku xigeenka koowaad C/weli Ibraahim Muudey ayaa la filayaa inuu farriimo u kala diro xildhibaanada iyadoo xarunta Baarlamaanka ay ammaankeeda sugayaan ciidamada AMISOM iyo kuwo Soomaali ah. Iyadoo arrintaasi ay soo shaac baxday ayaa xildhibaannada taageersan Guddoomiyaha Baarlamaanka waxay bilaabeen shirar jaraa’id oo aan kala go’ lahayn, iyadoo dalbanaya inay kulankaasi aanu ka dhicin xarunta Baarlamaanka ee la geeyo xarunta xalane ee AMISOM maamusho. Xildhibaano goor dhoweyd shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in xarunta Baarlamaanka aanu amaankeeda sugneyn oo aysan aamin ku qabin, ayna ku talinayaan in kulanka Baarlamaanka lagu qabto meel dhexdhexaad ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Kampala (Caasimadda Online) – Wargeyska The Observer ee kasoo baxa ayaa qoray in gudoomiye ku xigeenka dalka Uganda ayaa u yeeray Wasiirka difaaca dalkaas si wax looga weydiiyo askartii dhawaan lagu dilay gobolka Sh/hoose. Wararku waxay sheegay in ku xigeenka afhayeenka baarlamaanka Uganda Jaakob Awlaanyah uu u yeeray wasiirka difaaca wadankaas Adolf Mwesige waxana wax laga weydiinaya tirada rasmiga ah ee askarta Uganda uga geeriyooday weerarkii Al-Shabab ku qaadeen saldhig ay ku leeyihiin magaalada Buulo Mareer ee G/Sh/hoose. Jacob Oulanyah waxa uu tilmaamay inay sii kordhayso Dareenka dadka Reer Uganda ee ku aadan Askartii lagu dilay Somalia, wuxuuna xusay inay Madaxweyne Museveni iyo Afhayenka Ciiddanka Uganda, Richard Karemire bixiyeen tirooyin kala duwan oo ku aadan Askartii looga dilay Buulo-mareer. Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Uganda waxaa uu xusay inay wasiirka uga baahanyihiin inuu xildhibaanadda la hor akhriyo tirada rasmiga ah ee askarta geeriyootay iyo magacayadoodaba taasoo ah mid keeni karta in tiro koob la helo. “Dawladu willi ma ay shaacin tirada rasmiga ah ee askarta ku geeriyootay weerarkii Axadii Soomaaliya ka dhacay hadda ayaanse uga fadhinaa” ayuu yiri afhayeen ku xigeen dalka Uganda waxaana uu intaa ku daray in xukuumadda uga baahanyihiin inay shaaciso waqtiga ciidamada Uganda laga saarayo Soomaaliya. Dawlada Uganda siyaabo kala duwan ayay uga hadashay khasaaraha kasoo gaaray weerarkii Axadii Al-Shabab ku qaadeen saldhiga ay ku leeyihiin magaalada Buulo Mareer. War taliska Uganda kasoo baxay waxaa lagu sheegay in 4 askari ay weerarkaasi ku geeriyoodeen inkastoo M/weynaha dalkaasi uu todobaadkii hore bartiisa Twiterka ku baahiyay in 8 askari ay weerarkii Buulo Mareer ku waayeen. Warbaahinta qaar ayaa baahiyay in khasaaruhu intaa ka badan yahay oo ay gaarayaan 46 askari halka Al-Shababna ay sheegteen inay ciidamada Uganda ka dileen 59 askari. Waxa uu intaasi ku daray inay QM isu af-garteen inay Ciiddanka UPDF sii joogaan Somalia tan iyo inta ay Cabsida Alshabaab taagan tahay, waa sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca kale, Wargeyska OBSERVER ee ka soo baxa magaalladda Kampala ayaa qoray inay arkeen Liiska Askarta Uganda ee lagu dilay ama lagu dhaawacay dagaalkii bishan April 1-dii ka dhacay Deegaanka Buulo-mareer ee Gobalka Sh/hoose. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Inta la xaqiijiyay in ka badan 70 caruur ah ayaa ku dhimatay, weerar lagu qaaday xaflad qalin jabin ah oo ka dhaceysay School Qur’aanka lagu barto oo ku yaala degmada Dasht-e-Archi ee gobalka Kunduz ee wadanka Afganistan, sida ay marqaatiyaal u sheegeen TV-ga Aljazeera. Diyaaradaha Mareykanka iyo kuwa Afganistan ayaa la sheegay iney duqeynta fuliyeen. Afhayeenka wasaarada difaaca ee Afganistan, Mohammad Radmanish, ayaa u sheegay Al Jazeera in duqeyntan loola dan lahaa madax sare oo ka tirsan kooxda Taliban, wuxuuna sheegay in 30 xubnood looga dilay goobta, laakiin kooxda Taliban oo ka hadashay xasuuqaan ayaa beenisay in xubin ka tirsan kooxdooda uu joogay xaflada qalinjabinta, waxeyna kooxddu sheegtay iney goobta ku dhinteen 150 caruur ah. Maxamed Cabdul Xaq oo ka mid ahaa marqaatiyashii goobta ayaa sheegay in dad shacab ah ay meesha ku ku sugnaayeen. “Caruur da’a ahaan u dhaxeysay 11 iyo 12 jir ayaa dhoobnaa xaflada, waxaa la siinayay abaalmarino iyo hadiyado madaama ay dhameysteen barashada Qur’aanka Kariimka ah ayuu yir Mr Cabdul Xaq. “Hooyooyinku banaanka isbitaalada ayey ku sugaayeen meydadka caruurtooda, dhamaantoodna waa ilmeynaayeen. Marqaati kale ayaa isna Aljazeera u sheegay in 100 caruur ah lagu dilay goobta , wuxuu sheegay in Taliban ay aaga ka dhow yihiin balse aaney joogin xaflada xasuuqu ka dhacay. “Waxey aheyd musiibo , meel walba dhiig ayey noqotay, dad badan ayaana la dilay ayuu yiri Haji Ghulam oo beer kuleh meel u dhow Schoolka Qur’aanka ee la duqeeyay. Cabdulaahi Cismaan Faarax
  23. Duqa caasimadda Garoowe,Xassan Maxammed Ciise(Goodir),guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Maxammed(Fara-weyne) iyo xildhibaannada Golaha Degaanka Garoowe oo si wadajir ah Saxaafadda ula hadlay ,ayaa cod midaysan ku sheegay in xal rasmi ah laga gaaray khilaafkii ka dhashay mooshinkii laga gudbiyay,duqa degmada Garoowe,Xassan Maxammed Ciise. Xildhibaannadii mooshinka gudbiyay oo madasha ka hadlay, ayaa dhammaantood sheegay in ay ka laabteen,islamarkaana ay u tanaasuleen danta guud,si aysan u istaagin mashaariicda ballaaran ee ka socota caasimadda dowladda Puntland ee Garoowe. Xildhibaannada ayaa sheegay in muranka ka dhashay mooshinka uu khatar geliyay mashaariicda horumarineed ee ka socda Garoowe,sidaasi darteedna ay go’aansadeen in xal rasmi ah laga gaaro. Xubnahan ayaa sidoo kale raalli-gelin buuxda siiyay dhammaan isimadii,nabadoonnadii,iyo mas’uuliyiinti dowladda ee ku sugnaa kulankii Golaha Degaanka ee buuqa iyo muranka ku dhammaaday,kadib markii mooshinka la qeybiyay. Duqa caasimadda Garoowe,Xassan Maxammed Ciise(Goodir) oo ka hadlay madasha khilaafka lagu xalliyay ayaa xildhibaannadan uga mahadceliyay sida wacan ee ay u garwaaqsadeen danta guud iyo horumarka caasimadda,isagoo raalli-gelin siiyay isimadii joogay kulankii Golaha Degaanka ee muranka iyo mooshinku ka dhashay. Xassan Goodir ayaa dhinaca kale ballan qaaday in uu dar-dar gelinayo mashaariicda ka socota caasimadda Garoowe,islamarkaana uu diyaar u yahay sixitaanka meelaha dhaliisha looga jeediyay. Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Maxammed(Fara-weyne) oo kulanka soo xiray ayaa ku dhawaaqay in gebi ahaanba xal rasmi ah laga gaaray khilaafkii ka dhex qarxay duqa caasimadda Garoowe iyo xildhibaannada Golaha Degaanka ee ku aaddanaa mooshinka xilka qaadista Xassan Goodir. Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale shaaciyay in uu sii soconayo Kal-fadhiga Golaha Degaanka degmada Garoowe oo hakad ku yimid, intii la xallinayay khilaafka ka dhashay mooshinkii laga gudbiyay duqa caasimadda. Furitaankii fadhiga 24 aad ee Golaha Degaanka Garoowe oo ku aaddana 3 bishaan April,ayaa buuq iyo khilaaf ku soo dhammaaday,kadib markii qaar kamid ah xildhibaannada Golaha Degaanka ay gudbiyeen mooshin xilka qaadis oo ka dhan ah duqa degmada Garoowe Xassan Maxammed Ciise(Goodir). Warqadda mooshinka oo ay ku saxiixnayeen 20 xubnood oo ka tirsan xildhibaannada Golaha Degaanka Garoowe, ayaa lagu saleeyay xil-gudasho la’aan iyo musuq maasuq lagu eedeeyay Xassan Goodir. Xildhibaannadii mooshinka gudbiyay ayaa fowdo iyo buuq ka sameeyay kulankaasi oo ay fadhiyeen labada isin ee ugu waaweyn gobolka Nugaal oo kala ah;Islaan Ciise Islaan Maxammed Islaan Muuse iyo Suldaan Siciid Maxammed Garaase,waxaana xildhibaannadan muranka la beegsadeen xilli uu hadal jeedinayay Suldaan Siciid Maxammed. Halkaan ka daawo dhammaan. PUNTLAND POST The post Daawo: Khilaafkii Golaha Degaanka Garoowe oo xal rasmi ah laga gaaray. appeared first on Puntland Post.
  24. Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland maalmihii udambeeyay waxaa ku sugnaa oo kulamo gaar gaar ah ay uga socday Ha,adaha ugu sareeyay ee Garsoorka dalka iyo Madaxda Maxkamadaha ee Dowladda fadaraalka iyo Maamulka Puntland . Waftigan ayaa waxaa hogaaminayay Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dowladda Soomaaliya ibraahin iidle Salaybaan. Gudoomiyaha Maxkamada Sare ayaa waxa uu kormeer uu ku tagay xarumaha Garsoorka ee Puntland iyo Maxkamadaha, isagoo u kuurgalayay sida ay u shaqeeyaan Hay,adahaasi . kulanka ayaa laysku afgartay in labada dhinac ay markasta yeeshaan wada shaqayn joogto ah . kiisaska ugu badan ee Hay,adaha Garsoorka iyo Cadaalada ee Puntland ay qaabilaan ayaa waxaa la sheegaa in ay yihiin kiisaska kufsiga oo sanadihii la soo dhaafay Puntland siyaabo kala duwan ugadhacay . Maxkamadaha kuyaala Puntland ayaa sidoo kale waxa ay xukuno ay ku fuliyaan dadka lagu soo eedeeyo fal dambiyeedyo ay kamid yihiin sida Dilka , kufsiga Dhaca Maandooriyaha , iyo kamid ahaanshaha Ururada Xag jirka ah sida Al-shabaab iyo Daacish. Hadaba Wasiirka Wasaada Diinta iyo Owqaafta ee Puntland Saalax Xabiib jaamac ayaa Puntlandi uga warbixiyay ujeedada uu Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka uu utagay Garoowe. 180401_025 - My Recording
  25. Xildhibaan Idiris Cabdi Takhtar oo katirsan barlamanka Soomaaliya, ayaa wax laga xumaado ku tilmaalmay hadalo gefka ah oo kasoo yeeray Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah wasiirka dhalinyarada ee xukuumada Raysal Wasaare Kheyre. Xildhibaan Takhtar ayaa ku eedeeyay Khadiijo Maxamed Diriye inay gef meel ka dhac u geysatay guddoomiye Jawaari, iyadoo u adeegsanaysay kalmado uusan mudnayn guddoomiyaha. Khadiijo Diiriye ayaa si bareer ah u aflagaadaysay beesha uu kasoo jeedo guddoomiyaha barlamaanka, iyadoo sheegtay inuusan awood lahayn inuu fowdo ka sameeyo barlamaanka. “Guddoomiyaha barlamaanka Jawaari oo qabiilkiisa hoose uu yahay Eelaay, miyaa barlamaanka ka dhex samayn kara fowdo, ma jiri karo xildhibaan ku difaaci kara Dhashiike, ayay tidhi Khadiijo. Xildhibaan Daahir Aamin Jeesow ayaa isagana lagu eedeeyay inuu ka been abuurtay guddoomiyaha barlamaanka, isagoo saxaafada ka sheegay in guddoomiyuhu amray in madaxa laga toogto xildhibaanada kasoo horjeeda haddii ay soo galaan xarunta. Puntlandi.com