-
Content Count
206,044 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
ST. PAUL, Minn. (KMSP) – Controversy brews among several Somali residents in Minnesota over a proposed sister city agreement between St. Paul and Mogadishu. For many Somali immigrants, St. Paul is home. Imam Hassan Mohamud and Kassim Busuri represent two of four St. Paul mosques working toward making St. Paul Mogadishu’s sister city. “Somalis see [St. Paul] as their second home,” Iman Hassan Mohamud said. “Every Somali person, name it where he is coming from, is excited and happy. This is what you call unity.” “If our children see that there’s a sister city with St. Paul and Mogadishu, they can claim and say I have a home here,” said Busuri, the Director of Islamic Dawah Center. However, the St. Paul-Garoowe Sister City Project, formerly known as Minnesota Friends of Puntland, is against the move. In a statement to Fox 9 they called the effort “premature and unrealistic.” They also suggest the partnership would “reward a city where their peoples’ properties were looted, and [where their people] were killed or forced to flee.” “The fact is Mogadishu is plagued by terrorist attacks with no end in sight,” the organization said in a press release. “We are vehemently opposed to the formation of this relationship. If allowed to proceed it will only embolden and benefit those who support extremist, anti-west elements.” “I own a home in St. Paul,” Busuri said. “The person that’s opposing this project isn’t even from St. Paul. They just want to bring the politics of Minneapolis where they can’t even run a convention.” According to Busuri, those opposing the St. Paul-Mogadishu sister city effort took a stand in December when it was on the city council’s agenda. Now, those in support of the effort have started working to meet and seek a resolution. “I have no financial interests in this, I have no personal interests in this other than to make sure the generations to come—of my children, their children—they can see the symbolism of having the country, where I’m from, that’s their country too,” Busuri said. The St. Paul-Garoowe Sister City Project would like to see Garoowe City become St. Paul’s sister city instead of Mogadishu. “[Garoowe City] was chosen due to its rapid development in economy, infrastructure development, and civic engagement…The city has also taken strong measures to curb terrorist group Al-Shabaab thereby denying them to gain foothold in the region,” a press release said. The group said the St. Paul-Garoowe relationship would boost the city’s commitment to democratic ideals and serve as an example for the rest of Somalia as to what can be achieved if free elections are held and extremists are defeated. A sister city is a long-term partnership between two communities in two countries, according Sister Cities International. President Dwight D. Eisenhower founded the organization in 1956. Source: My Fox9
-
Cutubka ladagaalanka Argagixisada ee Ciidanka badda Puntland ee (PMPFta ) , ee Fadhigooda uuyahay Buuralayda Gal-gala, ayaa sameeyay dhoolatus ku saabsan xeeladaha dagaalka . Cutubkan ayaa sigaar ah dhoola tuskooda ugu muujinayay habka iyo xeeladaha loo adeegsado marka ay furimaha dagaalka kujiraan ciidamada iyo qaabka ay Ciidamadu doonayaan in ay Argagixisada ay ku la dagaalamayaan Buuraha iyo berriga ,ujeedada dhoolatuskan ayaa ah, xoojinka iyo ka jawaabida weerarada kooxaha Argagixisada ah ee ka dhanka ah Ciidamada difaaca Puntland iyo sidookale in ay Ciidamada ay waqti kooban ay ku qaadato in ay ku soo afjaraan howlgalada Qorshaysan oo ay isaga horyimaadaan kooxaha Argagixisada ah. Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidamada PMPFta ee Puntland ayaa lagu sheegay in Ciidankooda ay diyaar uyihiin Howlgalkasta oo lagu soo Afjarayo kooxaha Nabad diidka ah ee ku dhuumaalaysanaya dhulka Buuralayda ah ee Puntland . Dhoolatuskan ayaa ku soo beegmaya xili maalmahan Ciidamadu ay ka wadeen Buuralayda Gal-gala Howlgalo lagu xaqiijinayo Amniga iyagoona Ciidamada Howlagalaadi ku dilay xubno katirsanaa Al-shabaab kuna soo qab qabtay Maxaabiis ka tirsanaa kooxaha Argagixisada ah ee ku dhuumaalaysanaya Buuraha Camadow . Diiwaanka Warkan Puntlandi.com.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Somalia ayaa shaaca ka qaaday in Guddoomiye Jawaari ay qasayaan Xildhibaano uu sheegay inay waayen maslaxadooda. Xildhibaan Daahir Amniin Jeesow, ayaa sheegay in Guddoomiye Jawaari uu dhowr jeer go’aansaday inuu iska casilaayo xilka, hase ahaatee ay dhalanrogayaan Xildhibaano uu ku sheegay daniistayaal. Waxa uu Xildhibaanka sheegay in Guddoomiye Jawaari uu ismooday inuu awood leeyahay, balse aysan dowlada usoo jeedin inay gacan ula tagto, waxa uuna ku baaqay inaanu ku lumin dhoola ka qosolka Xildhibaanada casharada usoo meerineysa. ‘’Jawaari waxba noogama duwana Xildhibaanada kale dowladuna uma tagweyn ee waxaan dooneynaa in wax waliba aan ku xalino sifo sharci ah, waxaan qireynaa in Jawaari ay qasayaan Xildhibaano meesha kawaayay dantooda’’ ‘’Waxaan leenahay Jawaariyow yeysan ku lumin Xildhibaanada aad ku shaqeyneyso amarkooda, waxaan kuu ballanqaadeynaa in xildhibaanadaasi aysan ku difaacin’’ Sidoo kale, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, ayaa sheegay in ka mowqif ahaan ay ka go’an tahay riditaanka Guddoomiye Jawaari oo uu sheegay in si gaara uu u maamushay Dastuurka dalka. Haddalka Jeesow ayaa kusoo beegmaaya xili Guddoomiye Jawaari uu weli ku adkeysanaayo inaanu iska casili doonin xilka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in xil ka qaadis lagu sameeyay Taliyihii Ciidamada ilaalada Xarunta Villa Somalia Gen. Axmed Maxamed Cali Afcadeey. Taliyaha ilaalada Villa Somalia ayaa waxaa la sheegay inuu xilka ka qaaday Taliyaha ciidamada Xoogga dalka, oo isagu usoo jeediyay eedeymo xadgudb ku ah jiritaanka Qaranka. Taliyaha ciidamada xooga ayaa xil ka qaadista Gen. Axmed Maxamed Cali Afcadeey u sababeeyay kadib markii uu ka horyimid amarkii hubka dhigista Gudoomiyaha Golaha Shacabka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Xil ka qaadista Gen. Axmed Maxamed Cali Afcadeey, ayaa timid kadib markii shalay ciidamo ka mid ah kuwa ilaalada Madaxtooyada Somalia ay la safteen Gudoomiyaha Golaha Shacabka. Waxaa la magacaabay Taliyaha cusub ee Villa Somalia waxaana loo magacaabay Gaashaanle Odowaa Yuusuf Raage. Sidoo kale, Saraakiil ka tirsan Militeriga ayaa u xiran falkii ka dhacay Xarunta baarlamaanka Somalia, kuwaa oo garab siiyay Guddoomiye Jawaari oo lagu eedeeyay inuu qabsaday Xarunta baarlamaanka. Ma cadda talaabada ay qaadi doonto dowlada Somalia maadaama ay u xiran yihiin Saraakiil iyo ciidamo badan oo lagu eedeeyay amar jabin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdilweli Maxammed Cali(Gaas) ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Qardho ugu magac-daray, marxuun Abshir Muuse Siciid oo kamid ahaa halgamayaashii sare ee jabhaddii SSDF. Madaxweyne Gaas oo saaka magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar kaga qeyb galay aas-qaran oo loo sameeyay marxuun Abshir Muuse Siciid oo dhowaan ku geeriyooday dalka UK,ayaa ammaanay kaalintii marxuumku ka soo qaatay dowladnimada Puntland,wuxuuna halkaasi ka sheegay in garoonka diyaaradaha qardho loogu magac-daray. Marxuun Abshir Muuse ayaa maareeye ka soo noqday,wakaaladdii hore ee xooga korontada Soomaaliya ee(ENEE),sidoo kale waxaa lagu xasuustaa in uu kamid ahaa hoggaamiyaashii sare ee jabhaddii(SSDF). Dhinaca kale wuxuu kamid ahaa dadkii as’aaska u dhigay dowladda Puntland sannadkii 1998,isagoo guddoomiye ka soo noqday hay’adda biyaha Puntland ee (PASAWEN). The post Madaxweyne Gaas oo garoonka diyaaradaha Qardho ugu magac-daray Marxuun Abshir Muuse. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay muddo kordhin lagu sameeyay xaaladda deg degga ah ee uu mareykanka saaray Soomaaliya sanadkii 2010kii. Arrintan waxaa ay la xiriirtaa walaaca Mareykanka ee Argagixisada iyo Burcad Badeedda,waxaana xaaladda ay Soomaaliya ku jirto Mareykanka uga diiwanageshan tahay deg deg taas oo dhaceysay Bisha May ee soo socota. Madaxweyne Trump ayaa arbacadii saxiixay muddo kordhin halsano ah oo lagu sheegayo in halista Argagixisada iyo Burcad Badeedda Soomaaliya ay wali taagan tahay. Waraaqda ka soo baxday aqalka Cad ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in markii ugu horreysay xaaladdan la soo rogay Sanadkii 2010kii,dhowr jeerna la kordhiyay iyada oo xaaladda deg degga ah ee ugu dambeysay ay dhaceyo Bishan April. Mareykanka ayaa dagaal kula jira Xarakada Al-shabaab,waxaana inta badan uu geystaa weerarro u badan dhinaca cirka oo ay fuliyaan diyaraadaha aan duuliyaha lahayn. Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa sheega in iyaga oo la shaqeynaya dowladda Federaalka ah iyo AMISOM ay howlgallo ka dhan ah AL-shabaab ka fuliyaan Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Waxaa maanta dib loo furay inta badan Wadooyinkii muhiimka ahaa ee Magaalada Muqdisho oo uxirnaa xiisadii ka dhalatay Mooshinkii laga keenay Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Ciidamada Amniga ee dowladda Fadaraalka Soomalaiya ayaa ku guulaystay in ay furay Wadooyinkii xirnaa mudadii labada maalmood ahayd oo ay taagneed xiisadaasi Siyaasadeed ee u dhaxaysay Baarlamaanka soomaaliya , waxaana dib u soo laabtay isku socodkii dadka iyo gaadiidka ee Magaalada Muqdisho . Xaalada Amni ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka oo jimco ah dagan mana jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay dhanka xukuumada Soomaaliya. Xiisadii ka dhalatay Mooshinkii Jawaari ayaa sababtay in ay hakad galaan howlihii dowladda ay bulshada uhaysay .
-
Allaha unaxariistee Injineer Abshir Muuse Siciid oo 31.03.2018 ku geeriyooday cariga Ingiriirska ayaa maanta waxaa Aas qaran loogu samaynayaa magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka kar kaar. Aaska Marxuumka ayaa waxaa ka soo qayb galay mas,uuliyin aad ufarabadan oo ay kamidyihiin, Isimada dhaqanka, Nabadoonada, iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Gobolada Puntland . Aaska marxuumka ayaa waxaa ka soo qaybgalaya sidoo kale Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas iyo wafti uu uu hogaaminayo oo ka soo ambabaxay saaka Magaalada Garoowe . Allaha unaxaristee Marxuumka ayaa waxa uu kamid ahaa Aasaasayaashii Puntland sanadii 1998 kii , wuxuuna marxuumka uu ku dhashay isla magalada Qardho sanadkii1937.
-
iyadoo Roobkii Guga ay ka curteen meelo badan oo kamid ah Gobolada Puntland maalinnimadii shalay ahayd ayna ku Qabowsadeen dadka iyo duunyada ayaa hadana waxaa jira Deegaano badan oo laga soo sheegayo Abaar saameesay dadka iyo duunyo . Degmada Gumbax oo katirsan Gobolka Garda Fuu ayaa kamid ah Deeganada ay Abaartu wali ka jirto taas oo 7 sano jirsantay. Dadka xoolo dhaqatada ah ayaa qaarkood waxa ay ku soo xaroodaan Degmada Gumbax iyo Tuulooyinka kale ee hoos yimaada kadib markii ay la soo daristay xaalad nolol xumo. Maamulka Degmada Gumbax ayaa sheegay in Ceelashii biyaha laga cabijiray ayaa Gureen qaarna ayba jabeen. foostada biyaha ayaa Degmada Gumbax ee Gobolka Garda Fuu waxaa lakala siisanayaa hadiiba lahelo lacag cadadkeeda gaaraysa 15 doolar , taas oo aysan awoodin dadka Xoolo dhaqatada ah oo ay Abaartu daashatay . Hadaba Gudoomiyaha Degmada Gumbax Guure Cali Cumar ayaa kawaramaya xaalada Abaarta ee ka jirta Degmada. Gudoomiya degmada Gubax Ee Gobolka Garda Fuu
-
Mujaahid Muse Biixi WAR MURTIYEED : Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Hambalyo Madaxweyne: 06/04/2018 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa Shacbiga Somaliland iyo guud ahaan aas-aasayaashii ururkii SNM ee dhaqdhaqaaqa waddaniga Soomaaliyeed ee SNM (Somali National Movement), oo lagaga dhawaaqay Magaalada London ee dalka Ingiriiska, kana soo wareegtay sannad guuradii 37aad oo ku beegan maanta 06/04/2018 oo ujeedadiisu ahayd in dib loo soo celiyo xoriyadii Somaliland ee luntay 1960 kii ee midowgii Somaliland iyo Soomaaliya oo ahaa laba dal oo xuduud wadaaga oo dawladihii Ingiriiska iyo Talyaanigu xukumi jireen kana kala qaatay xoriyadoodii iyadoo himiladu ahayd helida 5tii Soomaaliyeed oo hal dawlad noqda taasina ay hog dheer ku dhacday ka dib markii Dalkii Somaliland midowgaa ka dheefay xasuuq naf iyo maalba leh, ururkii SNM oo ka duulaya dhibaatada la dheefsiiyay dadkii Somaliland ayaa dhaq-dhaqaaaq xoogan oo lagu xaqiijinayo xornimadii xiligaa luntay ee dalalka Somaliland iyo Soomaaliya bilaabay. Halgan dheer iyo hawl adag ka dibna wuxu ururku ku guulaystay inuu hanto dalkii Somaliland, kana xoreeyey kacaankii macangega ahaa ee uu hoggaaminayey keligii taliye Maxamed Siyaad Barre (Af-weyne), maanta ay Somaliland tahay dal nabad taama ku naaloonaya isla markaana ay ka hanaqaaday geediga dimuqraadiyada oo doorashooyin xor iyo xalaal ah lagu xukumo iyadoo guud ahaan geyiga Somaliland maanta marayo marxalad muujinaysa sida uu isugu tashaday ee tala-wadaaga iyo isu tanaasulku uga tisqaaday, iyadoo Sannad guurada 37aad ee ururkii SNM oo ku beegan 06/04/2018 ay Somaliland u tahay mid ka mida taariikhaha qarankani ka taabagalay. Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu u ducaynayaa dhammaan intii dhimatay ee ka midka ahaa aas-aasayaasha ururkaasi iyo intii ku naf weyday halkankii dib u xoraynta Jamhuuriyadda Somaliland, waxa kale oo uu madaxweynuhu hambalyo u dirayaa dhammaan intii naf iyo maalba la barbar taagnayd ururkaasi meel ay joogeenba. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Afhayeenka Madaxweynaha JSL.
-
Muqdisho (Caasimada Online)– Garsoore reer Brazil ah ayaa madaxweynihii hore ee dalkaas Luiz Inácio Lula da Silva ku amray in uu booliiska isu dhiibo galinka dambe ee Jimcaha si uu u billaabo 12 sano oo xabsi ah oo uu ku mutaystay musuqmaasuq. Khamiistii ayay maxkamadda ugu saraysa dalka Brazil diiday dalab uu soo gudbistay oo ahaa in uu xor sii ahaado inta uu racfaanka ka qaadanayo xukunka lagu riday. Lula wuxuu sheegay in xukunka lagu riday uu yahay mid siyaasadaysan loona qaabeeyay in lagaga hor istaago in uu madaxweynenimada u tartamo bisha Oktoobar. Isaga ayaa la saadaalinayaa in uu ugu cadcad yahay. Garsoore Sergio Moro oo heer faderaal ah ayaa sheegay in ay waajib tahay in uu xabsiga isgeeyo inta ka horraysa 5:00 galabnimo ee xiliga Brazil oo u dhiganta 11:00 ee saacadda geeska Afrika Moro wuxuu sheegay in loo sii diyaariyay “xabsi khaas ah” kaas oo ka sooci doona maxaabiista kale, si loo ilaaliyo in aan wax loogu dhimin jirkiisa iyo maskaxdiisa. Marka uu hadalkaas ku dhawaaqay garsooruhu boqolaal ruux oo taageera Lula ayaa mudaaharaad ka dhigay magaalada São Paulo. Isha BBC Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
BEIJING — China’s leaders sound supremely confident that they can win a trade war with President Trump. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka mar kale xiran inta badan wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho, iyadoo wadooyinkaasi lagu arkaayo ciidamo iyo gaadiid dagaal. Isgoosyada qaar ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu arkayaa Ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabadsugid kuwaas oo Gaadiidka u diidaya in ay maraan wadada. Hareeraha wadooyinka ayaa waxaa lagu arkayaa dadweyne lugeynaaya oo meelo kala duwan u socda, waxaana xusid mudan in ciidamadaasi wadooyinka la dhigay xili danbe ee habbeenimadii xalay. Wadooyinka xiran ayaa waxaa kamid ah Wadada Wadnaha oo ka xiran Isgoysyada Howlwadaag, Makka al-Mukarama iyo Tarabuunka. Ciidamada ayaa meelaha qaar u ogolayn in lug xitaa lagu maro waxaana meel walba taagan Askari kaas oo dadka ku amraya in ay aagaas marin. Meelaha aan lugta iyo Gaadiidka loo ogoleyn ayaa waxaa ka mid ah Wadada Maka Al-mukarama gaar ahaan KM4 ilaa madaxtooyada. Wadooyinka xiran ayaa galay maalintii Seddexaad, waxaana maalin un ka hor loo xiray kulan la filaayey in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay codka ugu qaadan Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Si kastaba ha ahaatee,Dadka ku nool magaalada Muqdisho ayaa walaac ka muujinaaya xirnaanshiyaha wadooyinka,waxaana ay sheegen in Shaqooyin badan oo ay leeyihiin ay ka baaqsadaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Shirkii Golaha Xukuumadda Puntland oo uu shir-guddoominayay Hogaamiyaha maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa looga hadlay xaaladda k ataagan magaalada Muqdisho. Shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray xaalada u dhaxaysa Xildhibaanada Dowaldda Federaalka Somalia, qodobada kale ee looga hadley waxaa ka mid ahaa Amniga Puntland, Dastuurka Dawladda Federaalka iyo Baahinta Wax-qabadka Dawladda. Sidoo kale waxaa shirka looga hadley dhaq-dhaqaaq la sheegay in maamulka Somaliland ka wado gobolka Sool.
-
Shirka Goloha Wasiiradda ee Xakuumadda Federaalka Soomaaliya oo shir-goddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa looga hadlay Xaalada amaan ee dalka, Faah-faahinta Geedi-socodka dayn cafiska Soomaaliya, Hanaanka Maaliyadda Qaranka iyo Warbixino kale oo muhiim ah. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Cabdinaasir Siciiid Muuse ayaa sheegay in howlgalka lagu sugayo amaanka magaalada Muqdisho uu yahay mid si wanaagsan u socda, ciidamaduna ay xoogga saarayaan sidii shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaan lahaayeen si nabad ah dalkooda. Isagoona tilmaamay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu todobaadkiiba mar ama labo jeer uu ciidamada ku booqdo isgoosyada iyo goobaha ay shaqada ka wadaan, taasina ay u tahay ciidanka dhiirigalin sii jeclaysiinaysa shaqadooda. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa tilmaamay in dakhli aruurinta guduhu ay gaartay rubucii hore ee sanadkan halkii ugu sareysay oo ay soo xarootay 42.5 milyan oo doolar, arintaas oo fududeyneysa hanaanka deyn cafinta Soomaaliya. Sidoo kale Wasiirku waxuu sheegay in Hay’adda IMF iyo World Bankigu ay dawladda Soomaaliya horay ugala hadleen in iska ilaaaliyaan daaymaha, si looga cafiyo daymii hore ee lagu lahaa dawladda Soomaaliya. Hanti dhowraha Qaranka Soomaaliyaa ayaa goloha xukuumadda u soo bandhigay xog-aruurin ay ka sameeyeen 19 wasaaradood oo lasoo baaray sida ay dakhliga usoo xareeyaan, waxa uuna goloha ka sheegay in aysan xarun lacag qaban karta marka laga reebo Wasaradda Maaliyada, hadii ay dhacdo in ay lacag qabatana ay lagama maarmaan tahay in ay ugu gudbiso Bankiga Dhexe iyo Wasaaradda Maaliyadda muda 24 saacadood ah, iyada oo la cuskanayo sharciga nambarkiisu yahay 317. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa bogaadiyay sida habsimada leh ee ay u socoto nidaamka dakhli aruurinta Soomaaliya, taas oo meel fiican maraysa hada, sidoo kale waxuu goloha u soo jeediyay in ay dar-dargaliyaan shaqada ay u hayaan Qaranka.
-
Waxay u egtahay in siyaasadda Soomaaliya loo rakibay qaab dhismeed markasta ay qasab tahay in uu dhasho khilaaf siyaasadeed oo ragaadiya shaqada ay laamaha ay ka koobantahay dowladda. Markii 8-dii feberaayo, 2017-dii madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, muddo kadibna uu soo magacaabay Ra’isulwasaare ayuu balanqaaday in aysan marnaba is qaban doonin Ra’isulwasaarihiisa, waqtina isla dhamaysan doonaan. Balantaasi waxa ay u egtahay in ay wali shaqanayso, balse taasi kama dhigneyn in uusan dalka ka dhicin khilaaf siyaasadeed oo la mid ah kuwii dalka horay uga dhici jiray. Haddaba maxaan ka ognahay khilaafka siyaasadeed illaa iyo hadda? Waxaa jirta oraah dhahaysa “Khilaafka meesha uu ka biloowdo ayaa go’aan laga gaari karaa, balse sida uu ku dhammaanayo cidna ma go’aamin karto”, waxaana taas marag fur u ah khilaafyadii hore ee dalka kasoo dhici jirey, kuwaas oo mar ka mid ah galaafatay xilkii Ra’isulwasaarenimada ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Hadda waa ay adagtahay in laga hadlo halka uu ku biyo shuban doono iyo cidda uu galaafan karo. Hase yeeshee waxa aan si kooban uga hadli karnaa marxaladihii uu khilaafka soo maray iyo xigashooyinka aan ka hayno illaa iyo hadda dadka uu khilaafka quseeyo. Xigashooyinka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo muddo dheer oo 18 maalmood ah ayuu ka aamusnaa xasaradaha aloosan, balse maalinkii 31-da March, oo sabti ahayd ayuu isugu yeeray guddoonka baarlamaanka, wuxuuna dhinacyada ku qanciyay in la baajiyo kulamadii iska soo horjeeday ee baarlamaanka. Waxaa warbaahinta gudaha kusoo baxay warar sheegaya in uu jiray heshiis dhexmaray madaxweynaha iyo Jawaari oo ahaa in uu xilka ka dego Jawaari, balse ma jirin cid xaqiijisay heshiiskaasi oo aan ka ahayn hadalkii Jawaari ee ahaa in madaxweynaha uu uga yimid codsi ah in uu is casilo. Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre oo golihiisa wasiirada inta badan ay saxiixeen mooshinka xilka looga tuurayo guddoomiyaha baarlamaanka ayaanan isna laga haynin wax hadal ah, inkasta oo marar badan saxaafadda laga eedeeyay in uu isagu gadaal ka riixayo mooshinka. Guddoomiyaha baarlamaanka Prof Maxamed Cusmaan Jawaari oo mooshinka xilka looga tuurayo uu dhaliyay khilaafka siyaasadeed ayaa dhawr jeer warbaahinta la hadlay, marba marka ka dambeysa hadalkiisa waa uu ka faahfaahsanaa markii ka horeysay. “Aniga iyo labadeyda ku xigeen ayuu madaxweynaha inoo yeeray, waxaanan ku heshiinay in kulankii sabtida la baajiyo si aysan foodo u dhicin, wuxuuna balanqaaday in garabyada is haya isugu yeero si xal loo gaaro, balse taasi ma dhicin, arrintiisana waxa ay dhaafi weysay in uu aniga iga codsado in aan is casilo, balse xukuumadda oo khilaafkan abaabushay, iyadaa ku habboon in la weeydiiyo in ay is casilaan iyo in kale”. Ayuu yiri Jawaari “Arrintaas aad baa la’iiga gardaranyahay in la i weeydiiyo in aan is casilo, is casili maayo, is casili maayo, sharci baan ku imid, sharci baan ku baxaa haddii loo baahdo” ayuu yiri Prof Maxamed Cusmaan Jawaari . “Wixii dhaca ee dhibaato ah shirka bari, anaga mas’uul kama nihin, waxaana mas’uul ka ah madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaanan culumada iyo ururada bulshada ka codsanayaa in madaxweynaha lala hadlo, iskana dhaafo dhinaca uu jiro, dhexdhexaad ka noqdo,waajibaadkiisa dastuuriga ahna uu guto”. Maalintii Arbacada Maalinta waxa ay ku bilaabatay iyada oo ciidammada ay xireen dhammaan waddooyinka caasimadda, islamarkaasna joojiyeen dhaqdhaqaaqii shacabka iyo gaadiidka iyo waliba ganacsiga. Dalka oo dhan waxa uu dareenkiisa u jiheystay dhismaha golaha shacabka oo la filayay in qeyb ka mid ah xildhibaanada iyo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka ay doonayeen in codka kalsoonida loo qaado guddoomiye Jawaari iyo qeyb kale oo xildhibaano ah iyo guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa labaad oo dhinac ah, kana soo horjeeda codka mooshinka. Warbaahinta waa loo diiday in ay galaan gudaha baarlamaanka, iyaga oo wararka kasoo tabinayay banaanka hore. Saacado kadib waxaa soo ifbaxday in ay gudaha u galeen ciidammo hubeysan, xildhibaanada intooda badana ay kasoo laabteen gudaha, qaarkoodna loo diiday in ay galaan. Xildhibaan Cabdicasiis Dhagoqool oo BBC-da la hadlay mar uu gudaha kasoo baxay ayaa guddoomiye Jawaari ku eedeeyay in uu baarlamaanka kula wareegay ciidamo isaga taabacsan. Taliyeyaasha Militariga, Booliiska iyo Asluubta oo shir jaraa’id si wadajir ah u qabtay ayaa iyaguna sheegay in ciidanka meesha galay aysan ka warhaynin kuwa ay yihiin, sheegayna in ay baarayaan, iyaga oo ku eedeeyay guddoomiye Jawaari in uu baarlamaanka geystay askar. Balse Jawaari oo hadlay ayaa sheegay in warkaasi uusan waxbo ka jirin “Waxaa nasiib darro ah in la yiraahdo guddoomiyihii golaha shacabka ayaa qabsaday golaha shacabka, 11 qof oo askari wax ma qabsan karaan?! Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa golaha qabsaday waxaa ay la mid tahay madaxweynaha oo madaxtooyada qabsaday” ayuu yiri. Guddoomiye Jawaari ayaa sidoo kale sheegay in ciidankiisii laga reebay, uuna ka reebay wasiirka amniga oo uu sheegay in uu ka midyahay xildhibaanada saxiixay mooshinka. Ugu dambeyntii waxaa dhacday in mid ka mid ah taliyeyaasha AMISOM Brig. Gen. Paul Lokech uu tagay baarlamaanka, islamarkaasna sheegay in uu aad uga xunyahay khilaafka dhacay. Waxa uu soo bandhigay saddex qodob oo ay tahay in la kala doorto, kalana ah in xukuumadda iyo baarlamaanka ku heshiiyaan in amniga baarlamaanka ay AMISOM la wareegto, in kulanka lagu qabto meel dhexdhexaad ah ama in Soomaalida iyagu hawlahooda dhamaystaan, AMISOMna ay meesha ka baxdo. Waa sidee hadda xaalka? 24 saac kadib dhacdadii shalay ee baarlamaanka, ma jiraan wax shanqar ah oo kasoo yeertay labada dhinac, waxayna u egtahay in dhinacyada ay ku kala laabteen dhufeysyadii ay kasoo abaabulayeen dhaqdhaaqooda siyaasadeed. Waxaa laga wada war dhawrayaa talaabada xigta ee ay qaadayaan labada dhinac, balse waxaa hubanti ah in xilligan la taaganyahay uu baarlamaanka kala jabanyahay, madaxdii dalka ugu sareysayna uu ka dhaxeeyo khilaaf banaanka usoo baxay. Marka laga reebo eedaha ay xildhibaanada u jeediyeen Jawaari oo ah in uu xil gudasho la’aan sameeyay, lama oga sababta rasmiga ah ee ay isku qoomeen madaxda ugu sareysa ee dowladda federaalka. Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Cabdiwali Ibraahim Muudeey oo shir jaraa’id ka hadlay ayaa ciidammada dowladda ka codsaday in ay la wareegaan amniga baarlamaanka, hubantina ka dhigaan in uu qabsoomo shirka baarlamaanka. Marka hadalkaas lagu daro kii taliyeyaasha ay jeediyeen, ayaanan la odorosi karin talaabada xigta ee la filan karo in la qaado, balse waxaa jirta saansaan kasta oo muujinaysa in ciidammada ay markii ugu horeysay qeyb ka noqon karaan khilaafka madaxda rayidka ah ee Soomaaliya. Guddoomiye Jawaari oo maalmo ka hor hadlay ayaa yiri “Waxaa jirta saansaan muujinaysa in af gambi militari uu dhacayo”, hadalkaas kama aysan jawaabin laanta fulinta. W/Q: Cabdinaasir Saxansoxo BBC Somali, Nairobi
-
Dowladda Puntland ayaa sheegtay in aysan qaadan doonin Dastuurka Soomaaliya ee haatan dib-u-eegistu ku socoto,haddii aan la waafajin nidaamka Federaalka dalka,sida ku xusan qoraal ka soo baxay shirkii Golaha Wasiirada dowladda Puntland ee maanta. Golaha Wasiirada Puntland ayaa ugu baaqay guddiyada gacanta ku haya Dastuurka , in qodobada ay diyaarinayan ay waafajiyaan haykalka hannaanka Federaalka ee dalku qaatay,waxaana dowladda Puntlan ka digtay in Dastuurka laga weeciyo nidaamka Federaalka ee Soomaali ku heshiisay. War-murtiyeedka ka soo baxay shirka Golaha Wasiirada Puntland ayaa lagu caddeeyay, in Puntland aysan marnaba aqbali doonin, in Dastuurka Soomaaliya loo diyaariyo hannaan dowlad dhexe,halkii laga rabay in la waafajiyo nidaamka Federaalka ee dalka. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo shuruud ku xirtay qaadashada Dastuurka Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa goor dhawayd waxa uu si kumeel gaar ah uu u magacaabay Gudoomiye iyo Gudoomiye kuxigeen oo ay yeelato Degmada Garoowe . Madaxweynaha ayaa waxa uu Gudoomiyaha kumeelgaarka ah ee Degmada Garoowe uu umagacaabay Axmed Maxamuud Ducaale ,halka Gudoomiye kuxigeena uu umagacaabay Cusmaan Maxamed Siciid , kadib Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha . Magacaabistan ayaa timid kadib markii uu Madaxweynuhu uu goor dhawayd uu kala diray Golihii deegaanka ee Degmada Garoowe .
-
Madaxweynaha Dawladda Puntland Ayaa Waxa uu Kala Diray Golaha Deegaanka Degmada Garoowe. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xafiiskiisa kasoo saaray wareegtu ku saabsan kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Garoowe. Xeer Madaxweyne Lr. 52 April 05, 2018, kuna saabsan Kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Garoowe. Madaxweynaha Dawladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dawladda Puntland. Markuu tixgaliyey: Tala soo Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga. Marky caddaatay: Inay hanan waayeen shaqadii loo igmaday kana bixi waayeen is Qabqabsi . Wuxuu xeeriyey. 1. Waxaa la Kala diray Golaha Deegaanka Degmada Garoowe. 2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu. =DHAMMAAD=
-
Dub-lumaasiyiin Maraykan ah ayaa maanta oo khamiis ah waxa ay ka soo dhaqaaqeen Safaarada Maraykanka ay ku leedahay Magaalada Moosco ee dalka Ruushka . Todo baadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii uu Ruusha uu ku amray in 60 Ergay oo Maraykan ah in ay isaga baxaan dalkaasi Ruushka, taas oo loomalaynayo in ay kaga aargudanayaan Maraynaka . Talaabadan ay qaaday dowladda Ruushka ayaa qayb ka ah muran qoto dheer oo ka dhashay sumayntii la sumeeyay sirdoon horay ugu shaqayn jiray Ruushka iyo gabar uu dhalay, taas oo uu Maraykanku ku eedeeyay in uu Ruushku ku lug lahaa.
-
Wareegto ka soo baxday Xafiiska madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) ayaa lagu sheegay in la kala diray, Golaha Degaanka degmada Garoowe,sida ku cad qoraal uu soo saray madaxweyne Gaas. wareegtadaan oo ku taariikhaysan 5 bishaan April ayaa lagu caddeeyay in Golaha Degaanka degmada Garoowe ay shaqadoodii gudan waayeen,islamarkaaana ay ka bixiwaayeen is-qab-qabsi joogta ah,sidaasi darteedna loo kala diray. Dhinaca kale wareegto labaad oo ka soo baxday xafiiska madaxweyne Gaas ayaa si ku meel gaar ah, guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen u loogu magacaabay Golaha Degaanka Garoowe. Guddoomiyaha ayaa loo magacaabay,Axmed Maxamud Ducaale,halka ku xigeenkiisa loo magacaabay,Cismaan Maxammed Siciid,sida ku cad wareegtada ka soo baxday xafiiska madaxweyne Gaas. Kala-diridda Golaha Degaanka Garoowe ayaa ku soo beegmatay,saacado kooban kadib markii lagu dhawaaqay in gebi ahaanba la xalliyay khilaafkii ka dhex jiray Golaha Degaanka,sidoo kalena laga noqday mooshin ay xildhibaannada qaarkood ka gudbiyeen duqa degmada,Xassan Maxammed Ciise(Goodir). PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo kala diray Golihii Degaanka degmada Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Shirka Goloha Wasiiradda ee Xakuumadda Federaalka Soomaaliya oo shir-goddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa looga hadlay Xaalada amaan ee dalka, Faah-faahinta Geedi-socodka dayn cafiska Soomaaliya, Hanaanka Maaliyadda Qaranka iyo Warbixino kale oo muhiim ah. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Cabdinaasir Siciiid Muuse ayaa sheegay in howlgalka lagu sugayo amaanka magaalada Muqdisho uu yahay mid si wanaagsan u socda, ciidamaduna ay xoogga saarayaan sidii shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaan lahaayeen si nabad ah dalkooda. Isagoona tilmaamay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu todobaadkiiba mar ama labo jeer uu ciidamada ku booqdo isgoosyada iyo goobaha ay shaqada ka wadaan, taasina ay u tahay ciidanka dhiirigalin sii jeclaysiinaysa shaqadooda. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa tilmaamay in dakhli aruurinta guduhu ay gaartay rubucii hore ee sanadkan halkii ugu sareysay oo ay soo xarootay 42.5 milyan oo doolar, arintaas oo fududeyneysa hanaanka deyn cafinta Soomaaliya. Sidoo kale Wasiirku waxuu sheegay in Hay’adda IMF iyo World Bankigu ay dawladda Soomaaliya horay ugala hadleen in iska ilaaaliyaan daaymaha, si looga cafiyo daymii hore ee lagu lahaa dawladda Soomaaliya. Sidoo kale, Hanti-dhawraha Qaranka Soomaaliyaa ayaa goloha xukuumadda u soo bandhigay xog-aruurin ay ka sameeyeen 19 wasaaradood oo lasoo baaray sida ay dakhliga usoo xareeyaan, waxa uuna goloha ka sheegay in aysan xarun lacag qaban karta marka laga reebo Wasaradda Maaliyada, hadii ay dhacdo in ay lacag qabatana ay lagama maarmaan tahay in ay ugu gudbiso Bankiga Dhexe iyo Wasaaradda Maaliyadda muda 24 saacadood ah, iyada oo la cuskanayo sharciga nambarkiisu yahay 317. Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xasan Khayre ayaa bogaadiyay sida habsimada leh ee ay u socoto nidaamka dakhli aruurinta Soomaaliya, taas oo meel fiican maraysa hada, sidoo kale waxuu goloha u soo jeediyay in ay dar-dargaliyaan shaqada ay u hayaan Qaranka. PUNTLAND POST The post AKHRISO: Qodobbadii kala duwanaa ee looga hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.