Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,037
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Qaar kamid ah dabaabadka Loo yaqaan kaare oo maamulka somailand ka keenay Oog ayaa maray duleedka bari ee magaalada laascaanood kuna siijeeda jiida tukaraq. Dhanka kale taliyaha maleeshiyaadka Somaliland nuux taani ayaa xalay xili danbe soo gaadhay magaalada laascaanood isagoo usii gudbi doona dhanka tukaraq. Puntland ayaa ciidamo tiro badan soo dhoobtay sadex aag oo kala, Aaga Godqaboobe, Aaga Boocame, Aaga Holhol, oo ah wadada kaliya ee somaliland ufuran. Labada dhinac ee isku horfadhiya tukaraq ee Somaliland iyo Puntland waxayna ku jiraan abaabulkii udanbeeyey iyadoona ay suuragal tahay in dagaalku uu waqti kasta qarxo
  2. Qardho (Caasimada Online)– Madaxweynaha maamulka Puntland, C/weli Cali Gaas ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Qardho wuxuu ugu magac-daray, marxuun Abshir Muuse Siciid oo ka mid ahaa xubnihii sare ee jabhaddii SSDF. C/weli Gaas ayaa hadalkaan ka sheegay saakay aas magaalada Qardho loogu sameeyay marxuum Abshir Muuse Saciid oo ku geeriyooday dalka UK. wuxuuna Mr. Gaas ammaanay kaalintii marxuumku ka soo qaatay dhidiba u tanga maamulka Puntland, wuxuuna halkaasi ka sheegay in garoonka diyaaradaha qardho loogu magac-daray. Marxuun Abshir Muuse ayaa maareeye ka soo noqday,wakaaladdii hore ee xooga korontada Soomaaliya ee (ENEE), sidoo kale waxaa lagu xasuustaa in uu kamid ahaa hoggaamiyaashii sare ee jabhaddii(SSDF). Dhinaca kale wuxuu kamid ahaa dadkii as’aaska u dhigay dowladda Puntland sannadkii 1998,isagoo guddoomiye ka soo noqday hay’adda biyaha Puntland ee (PASAWEN).
  3. Two explosions happened in Somalia’s capital Mogadishu on Friday killing security soldiers and militants, KNN reports. The first explosion was a car laden with explosives in which suicide bomber hits security checkpoint in KM4 junctions, especially the road goes to Aden Adde airport. Witnesses said that the security forces opened fire for suspected car before the explosion, and then explosion erupts. At least one person killed, the suicide bomber and four security soldiers wounded, KNN reporter said. The second was and attack started with shooting from militants to government security forces in at check point near Banadir junction in Mogadishu, and then car explodes the security checkpoint. Witnesses said at least three militants and two soldiers were killed, but there is no clear casualties’ number from the government officials. These days there was an alert in Mogadishu and roads were blocked by the security forces. There was no security warning from the security officials Source: KNN
  4. Security forces around KM4 junction intercepted a siucide car bomber forcing him to kill himself and wounded three security forces, a police said Friday. Residents were performing friday prayers at time of the blast which sent a black smoke to the sky. Shortly the first blast Another car bomb went at Banadir Junction according to police. Security forces operating at checkpoint are said to have foiled the attack, but casauties feared in this one. By Mohamed Odowa.
  5. Mogadishu (HOL) - Kenya Police on Thursday placed $8000 bounty on eight Al-Shabaab terrorists. Source: Hiiraan Online
  6. Mogadishu (HOL) - At least one person has been killed when a car bomb went off in the Somali capital, Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  7. Qaraxa labaad oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay wax yaabaha Qarxa ayaa ka dhacay goor dhawayd bar kaantarool oo ay Ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku baaraan Gaadiidka dadweynaha kaas oo ku dhawaa dabaqa Seybiyaano ee bartamaha Magaalada Muqdisho . Qaraxan ayaa dhacaya saacad uun ka dib markii uu dhacay Qaraxii 1aad oo isna ka dhacay Wadada KM4 . labadan Qaraxa ayaa dhacay salaadii jimce kadib, waxaana la soo sheegayaa in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Ciidamada dowladda iyo Hay,adaha Gargaarka Caafimaadka ayaa goobta uu Qaraxu ka dhacay gaaray , waxaana laxiray Wadooyinka soo gala goobihii ay Qaraxyadu ka dhaceen . lasoco faah faahinada wararkaasi iyo wixii ka soo baxa .
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho ayaa daqiiqado ka hor marti gelisay qarax labaad oo xoggan oo lala eegtay Jagboonti ay ciidamada dowladda ku baaraan Gawaarida. Meesha la qarxiyey oo saldhig u ah ciidamada Xasilinta Muqdisho ayaa ku taal meel aan sidaas uga fogeyn Sarta Seebiyaano. Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxaa uu ahaa mid gaari loo adeegsaday,isla markaana xili ay ciidamada baaritaano ka wadeen Koontoroolkaas uu qarxay. Gaarigaan is qarxiyay ayaa la sheegay inta uusan qarxin ka hor in ay ka shikiyeen ciidamo ku sugnay Barkoontarool oo ka ag dhow Isgoyska Banaadir, dadkana ay ugu digeen in laga ag dhawaada gaarigaasi, ciidamada ayaa furay rasaas ay ku kala ceyrinayeen dadka shacabka ah. Gaadiidka gargaarka deg dega ah iyo dad shacab ah ayaa ku sii qulqulaya goobta uu qaraxa ka dhacay si ay ugu gur madaan dadka wax yeelada soo gaartay. Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale goobta gaaray, aygoo hakad giliyay isku socodka dadka iyo Gaadiidka. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay khasaaro xoog leh oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah iyo Askar halkaasi ka ag dhawaa. Warar kale oo aan la hubin ayaa sheegayo inay is rasaaseyn dhex martay ciidamad dowladda iyo koox la sheegay inay gaariga saarneyn inkastoo aan warkaas la xaqiijin karin. Daqiiqado ka hor ayaa qarax kale wuxuu ka dhacay wadda aada Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde halkaas oo qof Gaari watay is qarxiay Bar koontarool oo fadhiisimo u aheed ciidamada NISA oo ay ku baaraan Gaadiidka aada Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Waxaa jiro Khasaaro soo gaaray ciidamadii halkaas ku sugnaa iyo dad shacab ah oo saarnaa Baabuur iyo bajaajyo ku jiray feelka baaritaanka. Ilaa hadda si rasmi ah looma ogaan khasaaraha ka dhashay qaraxaan, waxaana meesha ay wax ka dhaceyn isku gadaamay ciidamo boolis ah oo ka tirsan dowladda, sidoo kalana waxaa meesha gaaray gawaarida gargaarka deg deg ah. Waa qaraxii labaad oo Muqdisho ka dhacay Maanta, waxayna labadaba ka siman yihiin in lala beegsaday saldhigyada ay ciidamada dowladda ku baaraan baabuurta, iyadoo arrintaan ay noqoneyso cabsi cusub oo usoo hoyatay dadweynaha Muqdisho.
  9. Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Ismiidaamin ah oo duhurnimadii maanta ka dhacay Koontoroolka ay Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida Soomaliya ku leeyihiin wadada aada Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho. Qaraxaan ayaa ahaa mid laga soo buuxiyey Gaari nooca Soomaalidu u taqaano NOAH waxana la sheegay in Darawalka Gaariga uu iskudayay in uu xoog ku maro koontoroolkaas basle ay Ciidamadu rasaaseeyeen taas oo keentay in uu qarxo. Wararka KNN ay heleyso ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay Bar koontarool oo ciidamo ka tirsan NISA ay leeyihiin wada aada Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, isla markaana ay ku baaraan Gaadiidka aada Garoonka. Qaraxa ayaa waxaa loo adeegsaday Gaari wax yaabaha Qarxa laga soo buuxiyay sida wararka qaar ay tilmaamayaan, Qiic iyo uuro ayaa cirka isku shareeray oo meelo fog fog la arkayay. Qaraxaan ayaa ku soo aadaya Saacado uun kadib markii Wadooyinka Muqdisho la furay oo Maanta loo xiray Tartanka orodka gaaban ee Muqdisho lagu qabtay,kas oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya. Dad la hadlay Idaacada Kulmiye waxay sheegeyn in kharaaso uu ka dhashay Qaraxaasi laakiin aysan caddeyn Karin inta uu la egyahay khasaaraha. Inta la xaqiijiyey waxaa ku dhinta qofkii waday gaariga sidoo kalana waxaa ku dhaawacmay seddex kamid ah askartii gaariga baareysay. Sidoo kale waxaa daqiiqad ka hor Muqdisho ka dhacay qarax xooggaan, iyadoo la sheegay inuu ka dhacay xarun ay ciidamada dowladda ku baaraan gaadiidka oo ku yaalo agagaarka Seybiyaano. Waxaa meesha yaalay baabuur badan waxaana lasoo sheegayaa inuu qaraxaas geystay khasaaro aad u badan sida ay noo xaqiijiyeen dad ku sugan halkaas
  10. Muqdisho (Caasimada Online)– Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay tartanka maalinta horumarinta ciyaaraha adduunka ee orodka gaaban, kaasoo loogu magac daray Muqdishu Mini Marathone. Tartanka ayaa waxaa ka qayb galayay 370 orod yahan oo ka kala socda 17-ka demo ee gobolka Banaadir, iyadoo degmo waliba laga soo xulay 22 Ciyaartooy oo u badan kuwo da’ yar ah. Tartanka oo kasoo billaawday Aargada KM 4 laguna soo gabagabeeyay KM O, ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiiradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Khadiija Maxamed Diiriye, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow) , Guddoomiyaha sportiga Gobolka Banaadir Xasan Xaaji Yabaroow iyo masuuliyiin kale. Maalinta caalamaiga ah ee horumarinta Sportiga Adduunka, ahna Maalinta Orodka gaaban ee Muqdisho 6-da April ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay quburo ku xeel dheer Orodka uu ka mid ahaa halyeey Cabdi Bile Cabdi iyo tababarayaal kale oo Taariikh ku leh dalka Soomaaliya. Orodka oo ahaa mid xiisa gaar ah leh ayaa waxaa kaalinta koobaad ka galay Xasan Iidoow Xasan oo ka tirsan Ciyaartooyda xulka Qaranka Horseed, halka kaalinta Labaadna uu galay C/salaan Maxamed. Halyeey Cabdi Bile Cabdi oo ka mid ahaa martidii ka qeybgashay tartankaasi ayaa aad ugu dheeraaday Taariikhda Marathone-ka Soomaaliya, doorkii uu kasoo qaatay, wuxuuna ammaanay niyadda ay u hayaan Dhallinta cusub inay ka mid noqdaan Orod yahannada Caalamka, kuwaasoo sida uu sheegay u haya Orodka niyad iyo han fiican, wuxuuna ugu mahad celiyay waalidkii u oggolaaday iyo Macallimiintii ku soo barbaarisay. Ugu dambayntii waxaa halkaas Billado isugu jira Dahab, Qalin iyo Maar lagu kala guddoonsiiyay Saddexdii Orod yahan ee kaalimaha hore ka galay tartanka, waxaana Billadda Dahabka hantiyay Cali Iidoow Xasan oo 19 jir ah una dheela xulka Qaranka Horseed halka kaalinta Labaadna uu galay C/Salaan Maxamed.
  11. Allaha unaxariistee waxaa maanta Magaalada Qardho lagu Aasay Marxuum Abshir Muuse Siciid oo kamid ahaa Aasaasayaashii Maamulka Puntland . Aaska Marxuumka ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas iyo kuxigeenkiisa Injineer Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey, Gudoomiyaha Baarlamaanka Boqorka Beelaha daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse, Isimada dhaqan, Cumilmada, Ganacsatada ,iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada oo ka kala yimida Gobolada Puntland. Hadaba Halkan ka dhagayso Madaxweynaha , kuxigeenkiisa, iyo Culimadii Aaska ka hadashay . Madaxweynaha kuxigeenkiisa iyo culimada Sawirro
  12. Muqdisho (PP) ─ Qarax culus ayaa goor-dhaw ka dhacay Muqdisho, kaasoo ku aadanaa waddada ka baxda isgoyska KM-4 ee aadda garoonka diyaaradaha Muqdisho, illaa haddana lama oga khasaaraha ka dhashay. Jugta qaraxan ayaa laga maqlay meelo badan oo Muqdisho ah, iyadoo qiiq aad u badan uu ka baxayo goobta uu ka dhacay Qaraxa, taasoo la sheegay inay ku aadanayd bar-koontarool oo ay ciidamada dowladdu halkaas ku leeyihiin. Hay’adaha amniga Dowladda ayaan illaa hadda ka hadlin Qaraxaan, sidoo kalena ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay, basle Qaraxaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo weli ay Muqdisho ka tagan tahay xiisado u dhexeysa xukuumadda iyo baarlamaanka Somalia. Qaraxyadan noocan oo kale ah ayaa waxaa inta badan sheegata Al-shabaab oo dagaal kula jirta Dowladd Somalia iyo ciidamada ka socda Afrika ee loo yaqaan AMISOM, kuwaasoo caawiya dowladda Soomaaliya. Wixii warar ah ee kusoo kordha Qaraxan waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee Puntland Post. PUNTLAND POST The post Qarax xoog leh oo goor-dhaw ka dhacay Agagaarka Isgoyska KM-4 ee Mgaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo marti ku ahaa barnaamijka Dood Furan ee ka baxa Telefeshinka Qaranka ayaa ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay maamulkiisa iyo halka uu hiigsanayo. Guddoomiyaha ayaa marka hore ka warbixiyey xaaladaha amniga, horumarka la sameeyey iyo caqabadaha jira. Sidoo kale waxuu ka hadlay qorshaha uga dagsan dhinacyada amniga, isku-xirka bulshada, maamul wanaagga, la dagaalanka musuq-maasuqa iyo Barakacayaasha. Duqa Muqdisho ayaa u caddeeyey bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda in maamulkiisu uu diyaar u yahay xaqiijinta amniga, waxuna xusay in la bilaabay wadatashiyo ay shacabku qeyb ka yihiin oo amniga lagu sugayo. Isagoo intaas ku daray in la furay qaar kamid ah waddooyinkii xirnaa inta dhimanna dhowaan la furi doonno, si loo fududeeyo isku socodka magaalada. Eng. Yarisow oo ka hadlayey soo celinta Bilicda Caasimadda ayaa yiri; “Si loo helo magaallo nadiif ah waxaan bilownay olole ballaaran oo qashinka lagu xaaqayo, balse baaxadda qashinka magaalada yaalla waxuu u baahan yahay wacyigelin iyo howl adag. Dhowaana waxaan keeni doonnaa qalab casri ah oo howshan qeyb ka qaata, waxaana rajeynayaa in bilaha dhow isbadel laga dareemi doonno bilicda magaalada”. Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo ka hadlayay burburka jidadka magaalada ayaa xusay in dhismaha waddooyinku ay u leeyihiin mudnaan sare, si taas looga dhabeenaya bulshada Soomaaliyeed laga doonayo in kaalintooda ay qaataan. Iyadoo laga duulayo qorshaha isku tashigana bishii hore la bilaabay dhameystirka jidka Soddonka, uuna ku xigi doonno dhismaha jidka Liido. Sidoo kale waxuu sheegay in bisha Juun ee soo socota la bilaabayo waddooyinka xaafadaha (dhagaxa inter log) oo dhismahooda ay gacan ka geysanayso dawladda Jarmalka. Isagoo ka hadlayay dhaqaalaha iyo soo celinta goobihii dalxiiska, waxuu tilmaamay G. Yarisow in hufnaanta maaliyadda iyo isla-xisaabtankuba gundhig u yihiin maamulkiisa, lacagaha soo xaroodana ay maraan Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, loona maamulo si waafaqsan sharciga maaliyadda dalka. Sidoo kale, waxuu sheegay in dhaqaalaha iyo ganacsiguba ay kor u kaceen ka badan intii hore sida lagu xusay warbixintii ay dhowaan soo saartay hay’adda lacagta adduunka, kalsoonida maal-gashiga iyo dalxiiska caalamiga ah ee Caasimadduna soo noolaanayo dibna loo howlgelinayo goobihii caanka ku ahaa dalxiiska, arintan oo ku timid rajo xasillooni iyo isbedel la dareemay. Duqa Muqdisho oo ka hadlayay arrimaha baahinta adeegyada asaasiga ah ayaa yiri; “Waxaan hoos ugu daadejinay Degmooyinka Gobolka Benaadir adeegyadii loogu imaan jiray xarunta dhexe oo shacabka caqabado ka haysateen, waxayna hadda ka heli karaan degmooyinka Hodon, Howl Wadaag, Wadajir iyo Warta Nabadda, degmooyinka dhimanna todobaadyada soo aadan ayaa laga furi doonno xafiisyadan hadii uu Alle idmo.” Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in la hirgeliyey hab casri electronic ah kaas oo lagu diiwan gelinayo BL ka iyo Bajaajta waxayna qeyb ka qaadan doontaa la dagaalanka musuqa iyo amniga, lacagaha ay bixin doonaanna waxay si toos ugu shubayaan EVC bank, si meesha looga saaro cabashooyinkii jiray. Arrimaha Dhulalka oo muran badan ka jiray ayuu sheegay Eng. Yarisow in wax badan laga qabtay mudadii koobeyd ee uu xafiiska joogay, cid walba oo lagu helo ku xad gudub sharci iyo warqado been abuur ahna ay mari doonto ciqaab adag. Waxuna ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in doorkooda ay ka qaataan wax walba oo lagu horumarinayo caddaaladda dalka. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in heshiiskii dhowaan laga gaaray qeybsiga Kheyraadka dalka uu gobolka Benaadir u sahlayo ka faa’iideysiga khayraadka Badaha, lana dhisayo hay’addii kaluumeysiga gobolka, si heshiisyo loola galo shirkadaha danaynaya in ay kaluumeystaan. Mudane Yarisow oo ka hadlayay arrimaha Doorashooyinka iyo dib-u-eegista Dastuurka ayaa yiri; “Anagoo oo kaashanayna Wasaaradda Dastuurka waxaan sameyney wada tashi ku saabsan dib-u-eegista Dastuurka, waxaana u diyaar garowney daadajinta wada tashiga geedi socodka dib-u-eegista Dastuurka ee heer bulsho deegaan. Waxaan sidoo kale sameyney wada tashiyo bulsho ee dhinaca doorashooyinka anagoo kaa shanayno Gudiga madaxa banana ee doorashooyinka Qaranka. Dhanka kale, Wuxuu ku celceliyay guddoomiyuhu baahida loo qabo in xal waara oo ay uga baxaan barakaca loo helo dadka Soomaaliyeed ee daafaha iyo gudaha magaalada ku soo barakacay, isagoo tilmaamay in maamulkiisu uu qaaday tallaabooyin wax ku ool ah si qaxa iyo barakaca dagaallada sokeeye ka dhashay loogu helo xal maangal ah ee waafaqsan bani’aadamnimada, isla markaana qorshuhu yahay marka la gaaro sanadka 2022 dib loogu celiyo dadka barakacayaasha ah bulshadooda. Ugu dambeyn, iyadoo laga duulayo qorshaha horumarinta iyo xiriirka Caasimaddu la leedahay Caasimadaha kale, ayuu sheegay guddoomiyuhu in Casuumaad uu ka helay labada Duq magaallo ee Ankara iyo Istanbuul si Caasimaddu ay ula tartanto dunida inteeda kale. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir oo ka hadlay wixii u Qabsoomay Maamulkiisa appeared first on Puntland Post.
  14. Wararka naga soo gaaraya haatan Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax xoogan uu ka dhacay Wadada lagu magacaabo KM4 ,Ama labar Afar oo ku taala dhanka koonfureed ee Magaalada Muqdisho . Qaraxan ayaa ahaa mid Ismiidaamin ahaa, sida ay dad Goob joogayaal ah usheegeen Puntlandi.com . lama xaqiijinkaro khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Qaraxan ilaa iyo hada maadaama uu daqiiqo ka hor uu dhacay. Halkan kala soco wixii ku soo kordha warkan.
  15. Nairobi (PP) ─ Dowladda Kenya ayaa lacago duldhigtay siddeed nin oo ay sheegeen inay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab, kuwaasoo ay sheegtay in ay qorsheynayeen in weerarro ay ka fuliyaan gudaha Kenya. Xubnaha l dhul-dhigay lacagaha ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin Isaaq Caliyow Maxamed, Raxiim Maxamed Sheekh, Bashiir Xareed Xuseen, Bashiye Aadan Cusmaan Kulu, C/rashiid Ibraahim Aadan, Siyaad Ibraahim C/laahi, Cabdi Maxamed Ibraahim iyo Maxamed Maxamuud Maxamed. Raggaan ayaa lacagaha la dul-dhigay waxay gaarayaan shaqigiiba 2-milyan oo shillinka Kenya ah, waxaana lacagta la dul-dhigay siddeedan ruux ay noqoneysaa 16-milyan oo shillinka Kenya ah oo u dhiganta 20,000 oo dollar Mareykaka ah. Booliiska Kenya ayaa shacabka dalkaas ka dalbaday inay u gudbiyaan wixii xog ah oo ay ka helaan raggaan oo Sawirradooda lagu baahiyay baraha ay bulshadu ku xiriirto, waxaa kaloo shacabka loo soo jeediyay inay gacan ka geystaan sidii raggan shrciga loo geyn lahaa. Sidoo kale, Afhayeenka booliiska Kenya, Charles Owino ayaa sheegay inay raggaan isku qarinayaan deegaanno ka tiran Gobolka Waqooyi Bari-Kenya gaar ahaan Kaynta Boni. Ugu dambeyn, Ciidamada Kenya ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxay ka wadeen gudaha dalkaas hawl-gallo ay ku tilmaameen inay ugu hor tagayaan weeraro ay sheegeen inay qorsheynayaan xoogag ka tirsan Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Dowladda Kenya oo Malaayihiin lacag ah dul-dhigtay xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska Kenya ayaa shalay waxa ay sheegen in ay jiraan rag tiradooda ay gaareyso ilaa 8 nin oo ka tirsan maleeshiyada al-Shabaab, kuwaasi oo qorsheynaya in ay weeraro ka geystaan gudaha dalka Kenya. Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in shaqsiyaadkasi ay dul dhigeen lacago, iyadoo qofkii ka keenaa macluumaad lasiin doono lacago abaalmarin ah. Shaqsiyaadkaan Ciidamada Kenya ay dul dhigeen lacagaha ayaa waxa ay kala yihiin Isaaq Caliyow Maxamed, Raxiim Maxamed Sheekh, Bashiir Xareed Xuseen, Bashiye Aadan Cusmaan Kulu, C/rashiid Ibraahim Aadan Cusmaan, Siyaad Ibraahim C/laahi, Cabdi Maxamed Ibraahim iyo Maxamed Maxamuud Maxamed. Dowlada Kenya ayaa ragan dul dhigtay lacag dhan 2 Milyan oo lacagta Kenya ah, guud ahaan sideedooda lacagta la dul dhigay ayaa noqoneysa 16 milyan oo Shilinka Kenya ah oo u dhiganta 20,000 oo dollar Mareykaka ah. Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Booliska dalka Kenya ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku sheegay raggan in ay howlo Argagixiso ka geystaan gudaha dalka Kenya, lagana hortagayo. Taliyaha ayaa shacabka ka dalbaday in Ciidamada Booliska ay u gudbiyaan wixii xog ah oo ay ka hayaan raggan oo sawiradooda lagu baahiyay, si loo soo qabto sharcigana loo horgeeyo. Geesta kale, shaqsiyaadkan ayaan la cayimin goobaha ay ka geysan doonaan weerarada, inkastoo ay u badan yihiin Nairobi iyo magaalo xeebeedka Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. The state news media has depicted him as a reckless bully intent on undermining the global trading system, while presenting the Chinese government as a fair-minded champion of free trade. And China’s leader, Xi Jinping, has used the standoff to reinforce the Communist Party’s message that the United States is determined to stop China’s rise — but that it no longer can. China is already too strong, its economy too big. “China is not afraid of a trade war,” the vice minister of finance, Zhu Guangyao, declared at a news conference to discuss possible countermeasures. More than once, he cited the history of the “new China” — which began its extraordinary economic revival four decades ago — as evidence that it would “never succumb to external pressure.” Missing in the bluster and the propaganda are the questionable methods that China has adopted to squeeze foreign companies out of key technology markets — and the fact that in the cold-eyed calculus of economics, China is more vulnerable to a trade war than officials admit. Exports account for a big share of Chinese economic growth. Because the United States buys so much from China, Washington has many more ways to hit Chinese manufacturers. By contrast, the retaliatory tariffs Beijing has proposed already cover more than one-third of what China buys from the United States, leaving it fewer options to strike back. In the political realm, however, Mr. Xi enjoys advantages that may allow him to cope with the economic fallout far better than Mr. Trump can. His authoritarian grip on the news media and the party means there is little room for criticism of his policies, even as Mr. Trump must contend with complaints from American companies and consumers before important midterm elections in November. The Chinese government also has much greater control over the economy, allowing it to shield the public from job cuts or factory closings by ordering banks to support industries suffering from American tariffs. It can spread the pain of a trade war while tolerating years of losses from state-run companies that dominate major sectors of the economy. “My impression is that there is in Washington an exaggerated sense of how painful these tariffs might be” in China, said Arthur R. Kroeber, managing director of Gavekal Dragonomics, a research firm in Beijing. At worst, he estimated, the American actions could shave one-tenth of a percentage point off China’s economic growth — hardly enough to force a drastic reversal of policies, given the enormous benefits that Chinese leaders see in the state-heavy economic model they have relied on in recent decades. At the same time, Chinese officials seem to believe they can take advantage of what they consider vulnerabilities in the American political system. “The American agricultural sector is quite influential in the Congress,” said Wang Yong, a professor of economics at Peking University, explaining why China has targeted farm products such as soybeans with possible retaliatory tariffs. “China wants the American domestic political system to do the work.” The president and his administration have sent drastically different messages this week. Hours after China’s announcement on Wednesday, administration officials sought to calm fears that a trade war was imminent, suggesting that they might not pull the trigger on a plan to impose tariffs on $50 billion in Chinese goods. But late Thursday, Mr. Trump said he would consider levying an additional $100 billion in tariffs on Chinese goods in response to its “unfair retaliation.” In a statement, he said, “Rather than remedy its misconduct, China has chosen to harm our farmers and manufacturers.” Mr. Zhu, China’s vice minister of finance, this week had thanked American soybean farmers and the association that represents them for declaring their opposition to the Trump administration’s plan. In addition to soybeans, China threatened to retaliate with tariffs on American cars, chemicals and other products. The 106 goods, many produced in parts of the country that have supported Mr. Trump, were selected to deliver a warning that American workers and consumers would suffer in a protracted standoff. “If anyone wants to fight, we will be there with him,” Mr. Zhu said, more or less outlining the terms for an American surrender: the removal of unilateral tariffs and a resolution of any grievances through the World Trade Organization. “If he wants to negotiate, the door is open.” Globally, China’s strategy has been to isolate the United States, splitting it from allies in Europe and Asia who otherwise share American concerns about heavy-handed Chinese trade policies intended to protect key markets and to acquire technology from foreign firms. Mr. Kroeber said a united front against China would be more effective than American tariffs alone, but so far Mr. Trump has not managed to build one. Instead, Mr. Xi has largely succeeded in occupying the high moral ground on the world stage, projecting China as the sober-minded steward of international agreements on issues — from global trade to climate change — that Mr. Trump has been eager to walk away from. “The American side is ready to launch a trade war at the slightest pretext,” the party’s flagship newspaper, People’s Daily, wrote in a blistering editorial on Thursday, condemning Mr. Trump’s tariffs as “totally against the trend of economic globalization.” “Today, it targets China, and tomorrow may take aim at other countries,” it said. The party has also seized on the trade dispute as new evidence that the United States is intent on undermining China’s rise as a global power, a central narrative used to justify the party’s, and Mr. Xi’s, rule. In December, the state news media also highlighted the new National Security Strategy unveiled by the Trump administration, which declared that China “sought to displace the United States in the Indo-Pacific region, expand the reaches of its state-driven economic model, and reorder the region in its favor.” The document signaled a bipartisan shift in Washington’s posture toward China after decades of economic cooperation and concessions. The party has argued that the United States is only now challenging China because it fears losing its privileged place in the world order. “The latest U.S. measures against China carry a sense of containment, which purportedly is commonplace among U.S. politicians,” said an editorial in Global Times, a nationalist state-run tabloid. “But they have overlooked the fact that China has grown to be another economic center of the world.” It went on to note that China’s market was now “no smaller or less attractive” than the American one — a bit of an exaggeration perhaps, but not as big as it would have been a decade ago. And that makes the country a more formidable opponent than Mr. Trump may have anticipated. “To take China down,” the editorial said, “would mean an unimaginably cruel battle for the U.S.” Source: – nytimes
  18. ST. PAUL, Minn. (KMSP) – Controversy brews among several Somali residents in Minnesota over a proposed sister city agreement between St. Paul and Mogadishu. For many Somali immigrants, St. Paul is home. Imam Hassan Mohamud and Kassim Busuri represent two of four St. Paul mosques working toward making St. Paul Mogadishu’s sister city. “Somalis see [St. Paul] as their second home,” Iman Hassan Mohamud said. “Every Somali person, name it where he is coming from, is excited and happy. This is what you call unity.” “If our children see that there’s a sister city with St. Paul and Mogadishu, they can claim and say I have a home here,” said Busuri, the Director of Islamic Dawah Center. However, the St. Paul-Garoowe Sister City Project, formerly known as Minnesota Friends of Puntland, is against the move. In a statement to Fox 9 they called the effort “premature and unrealistic.” They also suggest the partnership would “reward a city where their peoples’ properties were looted, and [where their people] were killed or forced to flee.” “The fact is Mogadishu is plagued by terrorist attacks with no end in sight,” the organization said in a press release. “We are vehemently opposed to the formation of this relationship. If allowed to proceed it will only embolden and benefit those who support extremist, anti-west elements.” “I own a home in St. Paul,” Busuri said. “The person that’s opposing this project isn’t even from St. Paul. They just want to bring the politics of Minneapolis where they can’t even run a convention.” According to Busuri, those opposing the St. Paul-Mogadishu sister city effort took a stand in December when it was on the city council’s agenda. Now, those in support of the effort have started working to meet and seek a resolution. “I have no financial interests in this, I have no personal interests in this other than to make sure the generations to come—of my children, their children—they can see the symbolism of having the country, where I’m from, that’s their country too,” Busuri said. The St. Paul-Garoowe Sister City Project would like to see Garoowe City become St. Paul’s sister city instead of Mogadishu. “[Garoowe City] was chosen due to its rapid development in economy, infrastructure development, and civic engagement…The city has also taken strong measures to curb terrorist group Al-Shabaab thereby denying them to gain foothold in the region,” a press release said. The group said the St. Paul-Garoowe relationship would boost the city’s commitment to democratic ideals and serve as an example for the rest of Somalia as to what can be achieved if free elections are held and extremists are defeated. A sister city is a long-term partnership between two communities in two countries, according Sister Cities International. President Dwight D. Eisenhower founded the organization in 1956. Source: My Fox9
  19. Cutubka ladagaalanka Argagixisada ee Ciidanka badda Puntland ee (PMPFta ) , ee Fadhigooda uuyahay Buuralayda Gal-gala, ayaa sameeyay dhoolatus ku saabsan xeeladaha dagaalka . Cutubkan ayaa sigaar ah dhoola tuskooda ugu muujinayay habka iyo xeeladaha loo adeegsado marka ay furimaha dagaalka kujiraan ciidamada iyo qaabka ay Ciidamadu doonayaan in ay Argagixisada ay ku la dagaalamayaan Buuraha iyo berriga ,ujeedada dhoolatuskan ayaa ah, xoojinka iyo ka jawaabida weerarada kooxaha Argagixisada ah ee ka dhanka ah Ciidamada difaaca Puntland iyo sidookale in ay Ciidamada ay waqti kooban ay ku qaadato in ay ku soo afjaraan howlgalada Qorshaysan oo ay isaga horyimaadaan kooxaha Argagixisada ah. Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidamada PMPFta ee Puntland ayaa lagu sheegay in Ciidankooda ay diyaar uyihiin Howlgalkasta oo lagu soo Afjarayo kooxaha Nabad diidka ah ee ku dhuumaalaysanaya dhulka Buuralayda ah ee Puntland . Dhoolatuskan ayaa ku soo beegmaya xili maalmahan Ciidamadu ay ka wadeen Buuralayda Gal-gala Howlgalo lagu xaqiijinayo Amniga iyagoona Ciidamada Howlagalaadi ku dilay xubno katirsanaa Al-shabaab kuna soo qab qabtay Maxaabiis ka tirsanaa kooxaha Argagixisada ah ee ku dhuumaalaysanaya Buuraha Camadow . Diiwaanka Warkan Puntlandi.com.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Somalia ayaa shaaca ka qaaday in Guddoomiye Jawaari ay qasayaan Xildhibaano uu sheegay inay waayen maslaxadooda. Xildhibaan Daahir Amniin Jeesow, ayaa sheegay in Guddoomiye Jawaari uu dhowr jeer go’aansaday inuu iska casilaayo xilka, hase ahaatee ay dhalanrogayaan Xildhibaano uu ku sheegay daniistayaal. Waxa uu Xildhibaanka sheegay in Guddoomiye Jawaari uu ismooday inuu awood leeyahay, balse aysan dowlada usoo jeedin inay gacan ula tagto, waxa uuna ku baaqay inaanu ku lumin dhoola ka qosolka Xildhibaanada casharada usoo meerineysa. ‘’Jawaari waxba noogama duwana Xildhibaanada kale dowladuna uma tagweyn ee waxaan dooneynaa in wax waliba aan ku xalino sifo sharci ah, waxaan qireynaa in Jawaari ay qasayaan Xildhibaano meesha kawaayay dantooda’’ ‘’Waxaan leenahay Jawaariyow yeysan ku lumin Xildhibaanada aad ku shaqeyneyso amarkooda, waxaan kuu ballanqaadeynaa in xildhibaanadaasi aysan ku difaacin’’ Sidoo kale, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, ayaa sheegay in ka mowqif ahaan ay ka go’an tahay riditaanka Guddoomiye Jawaari oo uu sheegay in si gaara uu u maamushay Dastuurka dalka. Haddalka Jeesow ayaa kusoo beegmaaya xili Guddoomiye Jawaari uu weli ku adkeysanaayo inaanu iska casili doonin xilka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in xil ka qaadis lagu sameeyay Taliyihii Ciidamada ilaalada Xarunta Villa Somalia Gen. Axmed Maxamed Cali Afcadeey. Taliyaha ilaalada Villa Somalia ayaa waxaa la sheegay inuu xilka ka qaaday Taliyaha ciidamada Xoogga dalka, oo isagu usoo jeediyay eedeymo xadgudb ku ah jiritaanka Qaranka. Taliyaha ciidamada xooga ayaa xil ka qaadista Gen. Axmed Maxamed Cali Afcadeey u sababeeyay kadib markii uu ka horyimid amarkii hubka dhigista Gudoomiyaha Golaha Shacabka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Xil ka qaadista Gen. Axmed Maxamed Cali Afcadeey, ayaa timid kadib markii shalay ciidamo ka mid ah kuwa ilaalada Madaxtooyada Somalia ay la safteen Gudoomiyaha Golaha Shacabka. Waxaa la magacaabay Taliyaha cusub ee Villa Somalia waxaana loo magacaabay Gaashaanle Odowaa Yuusuf Raage. Sidoo kale, Saraakiil ka tirsan Militeriga ayaa u xiran falkii ka dhacay Xarunta baarlamaanka Somalia, kuwaa oo garab siiyay Guddoomiye Jawaari oo lagu eedeeyay inuu qabsaday Xarunta baarlamaanka. Ma cadda talaabada ay qaadi doonto dowlada Somalia maadaama ay u xiran yihiin Saraakiil iyo ciidamo badan oo lagu eedeeyay amar jabin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdilweli Maxammed Cali(Gaas) ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Qardho ugu magac-daray, marxuun Abshir Muuse Siciid oo kamid ahaa halgamayaashii sare ee jabhaddii SSDF. Madaxweyne Gaas oo saaka magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar kaga qeyb galay aas-qaran oo loo sameeyay marxuun Abshir Muuse Siciid oo dhowaan ku geeriyooday dalka UK,ayaa ammaanay kaalintii marxuumku ka soo qaatay dowladnimada Puntland,wuxuuna halkaasi ka sheegay in garoonka diyaaradaha qardho loogu magac-daray. Marxuun Abshir Muuse ayaa maareeye ka soo noqday,wakaaladdii hore ee xooga korontada Soomaaliya ee(ENEE),sidoo kale waxaa lagu xasuustaa in uu kamid ahaa hoggaamiyaashii sare ee jabhaddii(SSDF). Dhinaca kale wuxuu kamid ahaa dadkii as’aaska u dhigay dowladda Puntland sannadkii 1998,isagoo guddoomiye ka soo noqday hay’adda biyaha Puntland ee (PASAWEN). The post Madaxweyne Gaas oo garoonka diyaaradaha Qardho ugu magac-daray Marxuun Abshir Muuse. appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay muddo kordhin lagu sameeyay xaaladda deg degga ah ee uu mareykanka saaray Soomaaliya sanadkii 2010kii. Arrintan waxaa ay la xiriirtaa walaaca Mareykanka ee Argagixisada iyo Burcad Badeedda,waxaana xaaladda ay Soomaaliya ku jirto Mareykanka uga diiwanageshan tahay deg deg taas oo dhaceysay Bisha May ee soo socota. Madaxweyne Trump ayaa arbacadii saxiixay muddo kordhin halsano ah oo lagu sheegayo in halista Argagixisada iyo Burcad Badeedda Soomaaliya ay wali taagan tahay. Waraaqda ka soo baxday aqalka Cad ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in markii ugu horreysay xaaladdan la soo rogay Sanadkii 2010kii,dhowr jeerna la kordhiyay iyada oo xaaladda deg degga ah ee ugu dambeysay ay dhaceyo Bishan April. Mareykanka ayaa dagaal kula jira Xarakada Al-shabaab,waxaana inta badan uu geystaa weerarro u badan dhinaca cirka oo ay fuliyaan diyaraadaha aan duuliyaha lahayn. Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa sheega in iyaga oo la shaqeynaya dowladda Federaalka ah iyo AMISOM ay howlgallo ka dhan ah AL-shabaab ka fuliyaan Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Waxaa maanta dib loo furay inta badan Wadooyinkii muhiimka ahaa ee Magaalada Muqdisho oo uxirnaa xiisadii ka dhalatay Mooshinkii laga keenay Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Ciidamada Amniga ee dowladda Fadaraalka Soomalaiya ayaa ku guulaystay in ay furay Wadooyinkii xirnaa mudadii labada maalmood ahayd oo ay taagneed xiisadaasi Siyaasadeed ee u dhaxaysay Baarlamaanka soomaaliya , waxaana dib u soo laabtay isku socodkii dadka iyo gaadiidka ee Magaalada Muqdisho . Xaalada Amni ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka oo jimco ah dagan mana jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay dhanka xukuumada Soomaaliya. Xiisadii ka dhalatay Mooshinkii Jawaari ayaa sababtay in ay hakad galaan howlihii dowladda ay bulshada uhaysay .