-
Content Count
210,839 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)- Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dagaal wali ka dhex socda Xarunta Wasaarada Arrimaha Gudaha Somalia. Dagaalka xoogiisa ayaa hadda ka socda dabaqa dhexe ee Wasaarada, waxaana lasoo sheegayaa in ciidamada Nabadsugida qeybta Xasilinta ay goordhow gudaha u galeen Xarunta Wasaarada. Ciidamada oo adeegsanaaya jaran-jarooyin ayaa la wareegay qeybta ugu sareysa dhismaha Wasaarada waxaana dhismaha laga dhexmaqlayaa Bamgacmoodyo ay adeegsanayaan maleeshiyaadka ka dhex dagaalamaaya xarunta. Maleeshiyaadka dagaalamaaya ayaa xiran jaakadaha ismiidaaminta waxa ayna ciidamada isku dayayaan inay toogtan maleeshiyada kahor inta aysan u dhawaan. Sidoo kale, ciidamada ayaa daaqadaha dhismaha Wasaarada kasoo saaraya shaqaalaha qaar ee wali ku dhex jira Wasaarada waxaana socda gurmad xoogan oo loo fidinaayo shaqaalaha ku go’doonsan xarunta. Banaanka Wasaarada ayaa waxaa sidoo kale ka muuqda Meydadka Askar ka tirsan dowlada kuwaa oo la socday mas’uuliyiin, halka qaarna ay yihiin ciidamada ilaalada xarunta oo ku baxay qaraxii koowaad. Lama oga sida uu xaalku noqon doono waxa ayna ciidamadu wadaan dadaal lagu soo afmeerayo dagaalka ka dhexsocda xarunta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeeyso weerar dableey hubeeysan ay ku qaadeen xarunta wasaarada arimaha gudaha ee Muqdisho. Weerarkaan ayaa ka dhacay xarunta Wasaarada Arimaha Gudaha oo ku taala Isgooyska Sayidka ee Muqdisho. Dableyda ayaa markii hore waxa ay ay gaari qaraxa ku dhufteen albaabka xarunta wasaarada Arimaha Gudaha. Dhowr nin oo hubeysan ayaa gudaha u galay xarunta wasaarada Arimaha Gudaha kuwaasi oo ay la dagaalamayaan Askarta dowlada Soomaaliya. Ciidamada Dowlada ayaa dadka ku go’doosan xaruntaasi iminka soo bad baadinaya. Ilaa iyo iminka si rasmi ah looma ogo qasaaraha ka dhashay weerarkaasi. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Faahfaahin: Weerar lagu qaaday xarunta Wasaarada Arimaha Gudaha appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda howlgal isugu jira qarax ismiidaamin ah iyo mid toos ah oo ka socda bartamaha magaalada Muqdisho. Al Shabaab waxay sheegtay in ciidamadeedu ay weerareen dhismaha wasaaradaha amniga iyo arrimaha gudaha dowladda Federaalka. “Mujaahidiinta ayaa howlgal guuleystay ku qaaday xarumaha murtadiinta ee Muqdisho, camaliyad istish-haadi ah ayaa howlgalka lagu daah furay kadibna rag inghimaasiyiin ah ayaa gudaha ugu daatay cadowga” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab. Dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya in ay maqlayaan jugta qaraxyo is xigxiga iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayo. Weerarkan ayaa kusoo aadayo xilli amaanka Magaalada Muqdisho si weyn loo adkeeyey waxaana lama filaan noqotay in la weeraro wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ku taal meel aad loo ilaaliyo. Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegayo in la maqlayo rasaas inkastoo ay sidii hore ka yaraatay lamana ogi haddii Maleeshiyadii meesha gashay laga saaray. Wixii soo kordha waan idinla socodsiin doonaa inshaa Allah.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ku taal xarunta 888 ama Oto Oto ayaa sheegayo inay socoto rasaas culus oo u dhaxeyso ciidamadii weerarka soo qaaday iyo kuwa dowladda Soomaaliya. Sida ay noo xaqiijiyeen shaqaale ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha inta badan shaqaalihii wasaaradda Amniga iyo Arrimaha Gudaha ayaa badbaaday kadib markii ay ka boodeen qeybta dambe ee wasaaradda. Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in rag hubeysan oo gaaraya ilaa Saddex ay gudaha u galeen Xarunta Wasaaradda,isla markaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay qaraxaas. Mid ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo lagu magacaabo Ilkase isla markaasna ahaan jiray xogheyntii Odawaa ayaa la xaqiijiyey in uu geeriyooday halka laba kale ay dhaawacmeen. Sidoo kale waxaa jiro gabar ka tirsaneyd wasaaradda Arrimaha Gudaha oo dabaqa iska soo tuurtay isla markaasna sidaas ku geeriyootay. Waxaa jiro dhaawac kale oo soo gaaray Shaqaalaha wasaaradda Arrimaha Gudaha mana jirto ilaa hadda tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhacay Wasaaradda.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Qarax labaad jugtiisa ayaa markale goordhow la maqlay kaas oo ka dhacay meel aan ka fogeyn halka markii hore uu ka dhacay ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha,waxana sidoo kale weli dhaceysa rasaas. Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in rag hubeysan oo gaaraya ilaa Saddex ay gudaha u galeen Xarumaha Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga oo ku yaalla Xaruntii hore ee Oto Oto oo ku dhegan isgoyska Sayidka. Warakii ugu dambeeyey ayaa sheegayo inuu dagaal culus dhex marayo ciidamadi gudaha u galay iyo kuwa ka tirsan dowladda Soomaaliya. Jidadka Makka Al-Mukarama ayaa la xiray iyadoo laga cabsi qabo inay dhacaan qaraxyo kale, waxaana lama filaan noqotay in la galo wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ah meel aad loo ilaaliyo isla markaasna aan loo ogoleyn baabuur aan aheyn kuwa dowladda. Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Oto Oto ayaa ku dhow nawaaxiga isgoyska Sayidka, halkaasoo ay taal Koontarool ay ku sugan yihiin Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, waana koontaroolka ugu horeeya ee laga sugo amniga Madaxtooyada. Xaalada magaalada Muqdisho ayaa aheyd mid deganeyd bilihii la soo dhaafay, iyadoo bishii Ramadaan aanay magaalada ka dhicin qaraxyadii dhici jiray, kaddib markii ciidamada ammaanka ay adkeeyeen ammaanka magaalada. Uurada qaraxa ayaa cirka isku-shareertay,waxaana sidoo kale ku sii qul qulaya Gawaarida gurmadka deg dega ee ambalaasta. Wuxuu warar ah ee kusoo kordha waa indinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.
-
Qarax maqalkiisa si aad ah looga maqlay Degmooyinka kala duwan ee Gobolka Banaadir ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa ka dhacay Isgooyska Sayidka oo ku dhow xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho. Qaraxa kadib ayaa waxaa la maqlay rasaas ay is weeydaarsanayeen kooxihii qaraxa geeystay iyo askarta ciidamada. Faah Faahinta qaraxa dib kala soco insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post DEG DEG: Qarax Ka dhacay Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online)-Waxaa kulan khaasa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ku qaatay Siyaasiga mucaaradka ku ah dowlada Somalia Abdirahman Abdishakur Warsame iyo Sarkaalka ONLF Cabdikariin Qalbi-Dhagax. Kulanka khaaska ah ee labada mas’uul oo qaatay ku dhawaad saacad iyo bar ayaa waxaa si gaara looga hadlay qorshooyinka uu Siyaasiga ku doonaayo in lagu jaanrogo siyaasada Somalia. CC Shakuur ayaa Qalbi-Dhagax u sheegay in garabka mucaaradka ay aad u daneynayaan shaqsiyaadka miisaanka ku dhex leh dalka, maadaama ay ku xiran yihiin bulsho badan. CC Shakuur waxa uu Qalbi-Dhagax u cadeeyay in dhammaan mucaaradka kasoo horjeeda dowlada ay ku garabsiinaya sida uu ku gaari lahaa hankiisa Siyaasadeed, waxa uuna sidoo kale usoo bandhigay inay u furan tahay kusoo biirida Xisbigiisa. “Waan xiiseynaa shaqsiyaadka kulamidka ah waxaan fursad kuu siineynaa inaad nagu soo biirto si aan u xoojino hanka siyaasada” “Xisbiga wadajir waxa uu kasoo dhexmuujin doona siyaasiyiinta kale waxaasi oo dhan waxa ay imaan doonaan midowgeena kadib waa inaad nala eegtaa dalabkeena ku aadan inaad nala midowdo” CC Shakuur waxa uu Qalbi-Dhagax u sheegay inuu yahay Soomaali xor u ah ku biirida jiho waliba, sidaa aawgeed ay muhiim tahay inuu ka jawaabo dalabyada mucaaradka, waxa uuna sidoo kale uga digay inuu u socdaalo magaalada Muqdisho. CC waxa uu Qalbi-Dhagax u cadeeyay in Dowlada Somalia ee hadda jirta aan leysku aaminikarin, sidaa aawgeed ay muhiim tahay inuu kusii nagado magaalada Nairobi oo uusan gaarin Muqdisho. Sidoo kale, CC Shakuur ayaa qalbi-Dhagax ku wargaliyay in dhammaan xisbiyada iyo dhinacyada mucaaradka dowlada u sameyn doonaan casuumaad gaara si loo falanqeeyo wax kabedelka Siyaasada Somalia. Dhinaca kale, Xisbiyada mucaaradka kasoo horjeeda dowlada ayaa xooga saaraya sida uu uga mid noqon lahaa Qalbi-Dhagax oo waayadan kusoo caanbaxay xarigiisa Ethiopia. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Iran says it has executed eight people convicted over the 2017 Islamic State group attack on parliament and the shrine of Ayatollah Ruhollah Khomeini in Tehran. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimada Online)-Waxaa wali magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea ka socda shirweynaha ururka mucaaradka ONLF. Shirka oo la filayo in dhowaan lasoo geba gebeeyo, ayaa waxaa mar kale guddoomiyaha ururka loogu doortay Mohamed Omar Osman, oo xilkaasi hore u hayay. Shirweynaha ayaa sidoo kale wax looga baddalay qaab dhismeedka Jabhada, waxaana la sameeyay nidaamyo cusub oo jiheyn doona ururka. Guddoomiyaha ururka Mohamed Omar Osman, ayaa sheegay in ONLF ay qaadi doonto talaabo waliba oo horseedi kara isbedel dhanka Horumarka iyo Siyaasada. Waxa uu sheegay in waxbadan ay ka bedeli doonaan Siyaasadii ay horay ugu dhaqmi jireen si loola jaanqaado maamulka Ethiopia ee hadda jira. Geesta kale, Hoggaanka Jabhada ee ku kala sugan magaalooyinka Nairobi iyo Asmara ayaa qaadi doona dadaalo lagula kulmaayo Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Will Etihad Airways Problems Hit Boeing And Airbus Revenue?
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Etihad Airlines, one of the largest carriers in the Gulf region, has lost $3.4 billion in the last two years. And among the casualties of the airline’s inevitable retrenchment may well be the bottom lines of both Boeing and Airbus, as the airline is threatening to cancel existing orders for new jets. Source: Hiiraan Online -
IMF staff commends the Somali authorities for implementing important reforms in challenging conditions .IMF staff encourages the Somali authorities to stay the course of reform implementation under the SMP, particularly on public financial management, revenue administration and policy, and monetary and financial sector. Source: Hiiraan Online
-
Ethiopia needs $7.5 billion to drive industrialisation – PM
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Prime Minister Abiy Ahmed says Ethiopia needs $7.5 billion to finish infrastructure projects such as a massive dam and roads that the government hopes will drive industrialization. Source: Hiiraan Online -
Wajir County government has lifted ban on consumption of meat and milk imposed because of Rift Valley Fever (RVF) outbreak. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax, oo horey ay dowladda ugu gacan gelisay Kenya, sida ay ogaatay Caasimada Online. Xog ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegeysa in xubnaha ka socday dowladda uu hogaaminayey wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad, oo kasoo jeeda beesha Qalbi-Dhagax ee Ogaadeen. Waxaa ku wehliyey xildhibaano iyo wasiiro ku xigeeno. Xubnaha dowladda ayaa waxaa sidoo kale wehliyey siyaasi Farax Macalin oo horey Barlamanka Kenya Afhayeen uga soo noqdey, islamarkaana ka mid ah taageerayaasha dowladsa Soomaaliya. Faarax Macallin, oo aad ugu dhow Villa Somalia, ayaa la rumeysan yahay inuu kasoo shaqeeyey kulanka, islamarkaana ka dhaadhiciyey in Qalbi Dhagax aqbalo la kulanka mas’uuliyiinta ka socotey dowlada Federalka. Illaa iyo hadda ma cadda waxa kulanka looga hadlay iyo wixii kasoo baxay midna. Dowladda Soomaaliya ayaa wadda dadaal xooggan oo ay ku yaraneyso dhaawaca kasoo gaaray sii daynta Qalbi-Dhagax, waxaana suurtagal ah in labada dhinac ay gaaraan heshiis. Dowlada Soomaaliya ayaa waxay kala kulantey Culeys siyasadeed soo daynta Qalbi Dhagax iyadoo hadal dhowaan uu jeediyey safiirka dalka Ethiopia u fadhiya Muqdisho ku sheegey in sii daynta sarkaalkaan ka tirsanaa ururka ONLF timid kadib markii codsi kaga yimid wadankiisa Villa Somalia. Cabdikarim Shiikh Muuse ayaan weli cadeyn dadkii ka dambeeyey dhiibistiisa isagoo hadal kooban uu ka jeediyey Addis Ababa aan si faahfaahsan u sheegin qabashadiisa iyo shaqsiyaadkii ka shaqeeyey. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Dowlada Mareykanka ayaa walaac xoogan ka muujisay in shirkada DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta weyso saamiga ay ku laheyd Dekadda Doorale ee dalka Djibouti. Mareykanka ayaa sheegay in dhabar jab iyo qorsho xumo ay u horseedi doonto, haddii Jabouti ay dekadaheeda u gacan galiso dowlada Shiinaha oo awoodeeda ganacsi kusii baahineysa Africa. Mareykanka ayaa aad uga soo horjeeda in dowlada Shiinaha ay la wareegto dhismooyinka iyo Dekadaha qarada madow ee Africa, waxa ayna Jabouti ku dhaliishay inay ku tacadisay shirkada DP World. Bradley Byrne oo ah Xildhibaan ka tirsan Congress-ka Mareykanka, ayaa sheegay in arrin aad u fool-xun ay tahay in DP World laga faramaroojiyo maamulka Dekadda Doorale ee dalka Jabouti. Bradley Byrne waxa uu sheegay in dhibaato kusoo fool leh ay tahay dadaalka uu Shiinaha ugu jiro la wareegida Africa, waxa uuna ku baaqay in laga fogaado la midoobida Shiinaha. Bradley Byrne ayaa sidoo kale sheegay in hoos u dhac uu ku imaanayo saameynta uu Mareykanka ku leeyahay qaarada Africa, waxa uuna ku baaqay in Jabouti ay u dhago furto DP World. Sidoo kale, waxa uu Xildhibaan Bradley Byrne cadeeyay inay qaadi doonaan ololo kadhan ah dowlada Shiinaha, si looga xakameeyo Africa. Shirkada DP World oo laga soo eryay Dekadda Doorale ee dalka Djibouti, ayaa ku dadaaleysa sida ay dib ula wareegi laheyd Dekadaha kale ee Jabouti. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com
-
Asmara (Caasimada Online) – Ururka ONLF ayaa ka hadlay qorshaha Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax, oo hadda Nairobi ku sugan iyo haddiii laga yaabo inuu tago dalka Soomaaliya, oo ah halkii dowladda Ethiopia looga dhiibay sanad ka hor. Afhayeenka ONLF Caddaani Hirmooge oo wareysi siiyey VOA, ayaa sheegay in Qalbi-Dhagax uusan Soomaaliya ku laaban doonin inta dowladda iminka jirta ee madaxweyne Farmaajo ay dalka maamuleyso. “Dowladda hadda jirta waa tii gacanta u gelisay Qalbi-Dhagax, mana tagayo dalka illaa ay meesha ka baxaan” ayuu Hirmooge ku yiri wareysigiisa. Hirmooge ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay tahay mid amarada ka qaadata, oo casharada looga meeriyo safaaradda Ethiopia ay ku leedahay magaalada Muqdisho. Dhinaca kale, Hirmooge waxa uu soo dhoweeyey go’aanka dowladda Ethiopia ay ONLF uga saartay liiska argagixisada, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in golaha wasiirada Soomaaliya ay ONLF horey ugu sheegeen urur argagixiso. Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadal sii daynta Qalbi-Dhagax, waxaana jira warar sheegaya inay waddo dadaallo ay kula xiriireyso Qalbi-Dhagax, si wixii horey u dhacay ay uga qanciso. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/07/hirmooge.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu jiro khilaaf dhinaca duulimaadka oo u dhexeeya diyaaradaha sanadkan Xujeyda Soomaaliyeed u qaadaya dalka Sacuudiga, ayaa waxaa soo baxaaya digniin laga muujinaayo khilaafkaasi. Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ee BFS ayaa sheegay inuu aad uga cabsi qabo in khilaafkaasi uu saameyn xoogan ku yeesho Soomaalida. Waxa uu tilmaamay in murankaasi uu sababi karo in gabi ahaan dowladda Sucuudigu ay mamnuucdo diyaaradaha ka imaanaya Soomaaliya, maadaama qaarkood aysan ka diwaangashaneyn dalkaasi. Xildhibaan Dalxa ayaa ka digay in sanadkan Xujeyda Soomaaliyeed ay ka baaqdaan gudashada Acmaasha Xajka, waxa uuna dowlada Somalia ugu baaqay inay yareysato khilaafka jira. “Dowlada waxaan u sheegayaa inta ay wakhti xun oran laheyd sidaa ma fileynin waxaa hada u furan inay xal u raadiso khilaafka jira oo sabab u noqon kara in sanadkaan aan Somalia laga aadin xajka”. Sidoo kale, Dalxa ayaa tilmaamay inuu aad u dhaliilsan yahay sida jilicsanaanta leh oo dowlada Somalia ay ku dooneyso inay ku xoojiso wada shaqeynta Sacuudiga, xili ay dhibaatooyin xad dhaaf ah Soomaalida u cibaada doonta Sacuudiga la kulmaan. Haddalka Dalxa ayaa u muuqanaaya mid wakhti hore lagu sii baraarujinaayo dowlada Somalia oo caajis uu ka heysto xalinta khilaafka duulimaadyada Somalia ee Sacuudiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Tukaraq (Caasimada Online) – Ciidamo oo hor leh oo ka tirsan dowlad goboleedka Puntland ayaa gelinkii dambe ee shalay waxa ay gaareen deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, halkaasi oo xiisad colaadeed ay ka taagan tahay. Ciidamadaan ayaa waxaa Puntland ku wareejiyey mid ka mid ah beelaha dega deegaanada Puntland, waxaana kala wareegay guddiga difaaca Puntland, kuwaas oo maalmahaan ku sugnaa deegaanka Tukaraq. Qaar ka mid ah golaha wasiirada Puntland oo ka mid ah guddiga difaaca Puntland oo munaasabada wareejinta ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ciidamadaas ay ka qeyb qaadan doonaan xoreynta gobolka Sool. Xildhibaano iyo waxgaradkii ciidamada wareejiyey ayaa waxa ay sheegeen in ay go’aansadeen in ciidamadaas ay ka mid noqdaan ciidamada difaaca Puntland, isla markaana ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada dagaalka Puntland ay kula jirto Somaliland.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dadaalka uu maamulka Soomaalida Ethiopia kusoo saartay shidaalka. Somaliland ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan yihiin dadaalka ay DDSI kusoo saarteen shidaalka, waxa uuna maamulku tilmaamay in rajo ay ka qabaan in dhankoodana ay kasoo saartan shidaal lamid ah kan DDSI. Wasiirka wasaarada macdanta iyo tamarta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal, ayaa sheegay in waxbadan ay ka faa’iidi doonaan shidaalka laga soo saaray dhulka Soomaalida. “Shidaalka laga helay dhulka Soomaalida waxaan ka faa’iideysan doonaa in anaguna aan ku dayano misna soo saarano shidaalka ku jira dhulkeena”. “Waxa ay soo saaristaasi noo muujineysaa in dhulkeena Somaliland isna laga helaayo shidaal maadaama dhul aan sidaa nooga fogeyn laga helay shidaalka Soomaalida Ethiopia” “Waxaan si dhow uga faa’iideysan doonaa ka iibsashada maadaama aanu dhibaato badan u mareynin soo gurista fuustooyinka shidaalka” Sidoo kale, Wasiir Jaamac Maxamuud Cigaal ayaa cadeeyay in maamulka DDSI uu talaabada soo saarashada shidaalka ku dhiiri galiyay Somaliland, waxa uuna cod dheer ku sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay kusoo saran doonaan shidaal. Somaliland ayaa sheegtay inay horay usii heysteen sahmin ku aadan dhanka dhulalka laga heli karo shidaalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Waxaa ila haboonaataya in dhinaca sharciga laga fiiriyo amarka bur burinta dhul lagu tilmaamay in sharci daro lagu bixiyay. Si loo ilaaliyo sharciga Waa waajib dastuuri ah in masuul kastaa uu ilaaliyo sharciga, lagana hortago wixii sharci daro ah. Fiiri: (Dastuurka ku meelgaaraka. Qodobka 26aad faqradiisa 1aad iyo 2aad ayaa sheegeeysa in magdhaw la siiyo, haddii dhinacyadu isku raacaan ama maxkamadu Gu’aamiso. Dhinaca kale fiiri Qodobka 43aad faqrada 3faqradda 3aad, xarafka( B) iyo “Civil code” dhulka aan Beer la tacbo aheeyn- qodobada :723 & 683 milkiyeeyn Hanti) iyo Qodobada kale ee sharciga somalida iyo Diinta Islaamku waxa ay ka qabaan dhowrida Hantida si gaar ah loo leeyahay. Waxaa is weydiin mudan, dhulka la amaray in la bur buriyo Muwaadinku dhulkaa ma iska dhistay – obosiiba miyaa? Mise waa dhul loo siiyay milkiyad ama isticmaalo muddo?. Haddii uu obosiiba yahay – iyadoo la tixgalinaayo nidaamka naqashadda Magaalada , bilicsamida , suuqeynta , biyo galinta ,caafimaadka iyo amaanka , waxaa la amari karaa in la jabiyo dhismaha islmarkaana waa in Muwaadinka la siiyo dhul uu dego , taana wax xaq dastuuri ah. Haddii muwaadinka dhulka uu dhistay uu masuul Dowladeed oo sharci u lihi siiyay Dokumentiga dhulka, Muwaadinkuna sifadaas ku dhisatay Deegaan ama Ganacsi, Dowladda hoose sharciyan awood uma laha in ay amarto in dhulkaa dhismasan la bur buriyo. Balse dowladda dhexe iyo dowladda hoose waxay xaq u yeelanayaan in ay bixiyaan amar ka noqoshada dhul heshiis isticmaal muddo lagu bixiyay, haddii ay dib ka soo cadaato, waa haddii markii hore sifo sharci daro ah lagu bixiyay dhulkaa. Marka ay cadaato in sifo sharcidaro lagu bixiyay , waxaa dowladda dhexe la gudboon talabada sharci ah in ay qaado taa oo ah : 1. Ka Noqoshada heshiiska lagu siiyay muwaadinka in uu dhulkaa isticmaalo. 2. “Atadii” hore sharciyadeeda , lana cadeeyo in documentiga lagu bixiyay sharci daro. 3. In talaabo cad laga qaado masuulka bixiyay dhulka, laguna maxkamadeyo. 4. In la qiimeeyo dhulka, Faa’dada uu leeyahay & Dhibaatada dhaqaale, iyadaoo la fiirinayo: a. Haddii dhismo bilicada magaalada u wanaagasan laga dhisay. b. Haddii dhaqaale dowladda ka soo galeyso. c. Haddii shaqaale ka shaqeeysanayaan faa’iidina ka helayaan . Haddii sifooyinkaan laga helo waxaa dowladda dhexe laga doonayaa in ay u daneyso dakhliga dhaqaale ee ka imaanayo , lacagata lagu dhisay iyo shaqaalaha ka shaqeeynayo ( oo ay aheyd in dowladu shaqa u abuurto). Iyadoo la raacayo tilmaamaha hore waxaa dowladda dhexe ku waajib ah in ay cilad bixiso documentiga, cilad bixintaa oo noqonkarto : d. Dhanka heshiiska lagu bixiyay dhulka , ka soo qaad waxaa lagu siiyay dhulka qiimo jaban , waqtigguna uu dheeryahay , Kirada raqiis-tahay iwm. waxaa u furan dowlada dhexe in ay talabada toos ah ay qaado ama dowlada hoose ku talo siiso. 1- in dib loo qiimeeyo heshiiska dhul bixinta, kadibna qiimeyntaa dambe la sharciyeeyo laguna saleeyo documenti bixinta dambe. 2- Haddii ay muuqato in dowladda Lacag yar looga kireeyay markii hore waxa ay dalban kartaa Farqiga lacagta ee ka maqan oo kaliya. 3- Markaana Muwaadinkana waxaa u furan Cabasho Maxakamadda awooda u leh uu Abiil ka qaadanaayo go’aankaa, haddii uu ku qanci waayo go’aanada maxakamada waxaa u furan in uu qorto cabasho Madaxweyne. waxaa dowladda dhexe waxaa u furan in heshiis cusub la gasho muwaadinka iyadoo gobtaa ganacsi ay noqoneyso shirko taa oo ah Hanti ay dowladda dhinac ka ledahay, dhinacana Hantigaar oo muwaadin leeyahay. Sharcigu ma qabo in la burburiyo dhul sharci ahaan hore loogu bixiyay oo hanti badani gashay. Sharcigga waa in uu si siman wax uga wada qaban-karo kuwa falka sharci darada ah sameeyay- waxaa dhulkaan si sharci daro ah ku bixiyay dowladda hoose ama dowladda dhexe : 1. Masuulkii bixiyay waa in xabsiga la dhigo iyo intii kala shaqeeyasay. 2. Dowlad magaceeda ayaa muwaadinka lagu galayay falkaan waa in dowladda ay ogolaato in ay: b. Ka noqosho amrka bur burinta. c. Diyaariso in heshiis cusub lala galo Muwaadinka. d. in ay Cudur daar Ka bixiso, gafka laga galay muwaadinka Hantidiisii la burburiyay ama loogu hanjabay. Haddii ay dowladda hoose ku adkeysato amarka bixinta , dowladda dhaxena ku raacado , waxaa muwaadinka u furan in go’aanka amarka uu Cabasho ka qaato, kana dacwoodo Maxakmadda gobolaka oo awood qaanuun u leh galidda cabashada go’aanada maamul. Haddii Dowlada dhexe u aragto Burburinta in ay dan guudu ku jirto, Muwaadinka waxa uu xaq ugu yeelanayaa dowladda dhexe : a. in ay bixiso magdhaw , qiimaha dhulka lagu dhisay. b. in ay bixiso magdhow qimmha faa’iido uu heli lahaa, mudada u dhexeyso markii laga Burburiyay ilaa uu ka dhisayo mid kale. c. Dhulkaa lala wareegayna dib looma siin karo ,Shakhsi ama Shirkad gaar loo leeyahay. Gunaanad. Muwaadiniinta soomaaliyeed iyo masuuliyiintuba waa in ay xasuustaan in sharciga lawada dhowro , laguna dhaqamo waxa lagu heshiiyay. Muwaadinku kuma xadgudbi karo dowladda hoose iyo midda dhaxe, iyaguna kuma xad gudbi karaan. Haddii dhinac uu sharciga dhowri waayo, waxaa dheceysa in dhinicii kalena uu dhowri waayo. Qore: Yahya Amir
-
Koobka adduunka Waxaa hubaal ah in dal kamid ah qaaradda Yurub uu ku guuleysan doono dhacdada ugu weyn kubbada cagta adduunka ee sanadkan 2018 oo ka socota dalka Russia. Lix dal oo Yurub ah ayaa haysta fursad ay ugu guuleysan karaan koobka adduunka ee sanadkan 2018, labo kamid ah ayaa caawa u soo baxay afar dhammaad (Semi-finals), halka afarta kalana ay habeen danbe ku balan san yihiin siddeed dhammaadka (Quarter-finals) tartankan. Xulka France ayaa 2-0 ugu awaad sheegtay xulka Uruguay, halka Belgium uu 2-1 ku reebay Brazil, waxaana sidaas ku haray labadii xul qaran ee matalay qaarada latin America, halka Frace iyo Belgium oo Yurub ah ay u soo baxeen afar dhammaadka (Semi-finals) koobka adduunka ee sanadkan 2018. Habeen danbe marti galiyaasha koobkan ee Russia oo si layaab leh ku soo reebay xulka Spain ayaa kulan xiiso badan la yeelan doona xulka Croatia oo kamid ah xulalka layaabka sameeyay, halka England oo riyo wayn ku jirtaa ay Sweden wada ciyaari doonaan. Xulka France ayaa afar dhammaadka (Semi-finals) la ciyaari doona xulka Belgium, halka labada xul ee habeen danbe soo baxaana ay isku dhici doonaan, waxaana ugu dambeyn koobkan isugu iman doona labo xul qaran oo Yurub ah midkoodna ku guuleysan doono. Waa markii ugu horeysay oo wadamo isku qaarad ah ay ku guuleystaan afar dhacdo oo xariir ah koobka adduunka oo kala ah Italy 2006, Spain 2010, Germany 2014 iyo 2018 oo Lixdan mid kamid ah ku guuleysan doono. PUNTLAND POST The post Dal Yurub ah oo ku guuleysan doona koobka adduunka 2018 appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xariga ka jaray isbitaalka cusub ee CARAFAAT oo magaaladda Garowe laga hirgeliyey,isbitaalka oo ah mid ay u dhamaystiranyihiin waaxyaha caafimaadka ee isbitaal leeyahay ayaa waxaa maalgeliyey shakhsiyaad kala duwan oo ku kala sugan gudaha & dibadda dalka. Mareeyaha Isbitalka Carafaat Cabdirisaaq Jaamac Daraag ayaa ka warbixiyey isbitaalka waxaana uu sheegay in ay dhamaysiranyihiin qaybaha Caruurta,dhalmada,qaliinka,bukaan jiifka,dawada,waxaana ka howlgalidoona shaqaale isugu Jira soomaali iyo ajaanib. Cabdirisaaq waxaa uu sheegay in isbitaalkani u diyaarsanyahay inuu daboolo baahiyaha guud ee caafimaad,iyadoo loo qorsheeyey in uu furanyahay 24ka saac,ayna bukaanadu helidoonaan xili kasta dhakhtar,daawo . Mareeyaha Isbitalka Carafaat Cabdirisaaq Jaamac Daraag waxaa uu intaa ku daray in Isbitaalka Carafaad uu dabooli doono baahiyaha caafimaad ee dadka Puntland ay u aadijireen dalka dibadiisa islamarkaana ay adeegyo caafimad oo casri ah ka heli doonaan. Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ka hadlay xafladda furitaanka isbitaalka ayaa maamulka ku booriyey in xarunta ay jiritankeeda joogteyaan ,iyadoo laga fakarayo sidii ilaalinta nadaafadda,hagaajinta macamiisha & helitaanka dhamaan adeegyadda caafimaad. Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr.Cabdinaasir Cismaan Cuuke ayaa u mahadceliyey dhaqaatiirka iska kaashaday isbitaalkan waxaana uu sheegay in kobaca xarumaha caafimaadku kamidyhiin meelaha aan laga haqab beelin ee mar kasta loo bahanyahay in kuwo hor leh la furo,waxaana uu ganacsatada ugu baaqay in ay fikirada noocaani oo kale ah ay iska kashadaan. Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo xariga ka jaray Isbitaalka Carafaad ayaa boogaadiyey masuuliyiinta Isbitaalka oo isku howlay in inay dhalinyarada isbitaalka casriga ah. Madaxweyne gaas ayaa sheegay in isbitaalkaan uu qiimo weyn ugu fadhiyo shacabka Puntland waxaana uu sheegay in dhalinyarada hirgalisay oo isugu jira dalka gudihiisa iyo dibadiisa wax kusoo bartay ay mudan yihiin in shahaado sharaf la siiyo. Sawirro. http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/07/Maareeyaha-.mp3 http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/07/Madaxweyne-Gaas.mp3 The post (SAWIRRO+COD)MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO XARIGA KA JARAY ISBITAALKA CARAFAAD appeared first on Puntland Post.