Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,139
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu – Once, in the 1960s and 70s, it was known as the “Pearl of the Indian Ocean.” That was before decades of armed conflict and instability drove visitors away from Mogadishu, the capital of Somalia, leaving a once-thriving tourism a distant memory. Source: Hiiraan Online
  2. Dowlada Puntland ayaa Ciidamo dheeraada u diray Deegaanada ay saaka Sida gaadmada ah kusoo galeen Maleeshiyaad lagasoo abaabulay Laascaanood si ay khal khal u galiyaan Booqashada uu Madaxweyne Farmaajo ku joogo Deegaanada Puntland. Warsidaha Puntlandi oo dhowaan la xiriiray Deegaanada Tukaraq, Dad goob joogayaal ah ayaa noo sheegay ay Maleeshiyaadku saaka kusoo waabariisteen Tukaraq, Dadka Deegaanka oo tan iyo Shalay u dabaal dagayay Soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo ayaa guryaha qaar waxay luleen Calanka Baluuga iyo Sawirkab Madaxweyne Farmaajo, Nasiib daraso Malishiyaadkii Magaalada soo galay ayaa rifitaan iyo jeex jeexid ku bilaabay waxayna cabdi galiyeen Dadweynihii. Dowlada Puntland ayaa maanta waxay Ciidan u direen Deegaanka, iyadoo duhurnamadii maanta ay labada Ciidan Xabado isku tuur tuureen. Xaalada Deegaanka hada Way degan tahay laakiin Sargaal Ciidanka ka tirsan wuxuu Puntlandi u sheegay in Dagaal saacad walba bilaabannkaro ayna isu diyaariyeen. Wixii soo kordha kala soco Puntlandi Puntlandi Garowe
  3. MOGADISHU, Jan. 8 (Xinhua) — Military forces from Somalia’s Somaliland Monday took control of a town under the region of Puntland following a fierce fight. Residents of Tukaraq town in Sool region said Somaliland and Puntland forces clashed Monday as Somalia’s president Mohamed Abdullahi Farmajo made his maiden visit to Puntland. “There was an intense fight between Puntland and Somaliland forces early Monday causing fear among residents. Somaliland forces are now in control,” a witness told Xinhua. Puntland Defense Forces and Somaliland soldiers clashed with heavy weapons against each other in Takaraq town, about 90 km from Garowe which is an administrative capital of Puntland. No casualties were reported during the heavy clash between the two warring sides at the border town. The clash came as President Farmajo visited Puntland region Sunday for a weeklong tour, the first since he was elected to office February last year. Both Puntland and Somaliland have been in contest over Sool and Sanag regions with each side claiming control. Puntland parliament threatened force in November against Somaliland if elections took place in Sool during the presidential poll. The polls however went on uninterrupted in most areas of Sool. MOGADISHU, Jan. 8 (Xinhua) — Military forces from Somalia’s Somaliland Monday took control of a town under the region of Puntland following a fierce fight. Residents of Tukaraq town in Sool region said Somaliland and Puntland forces clashed Monday as Somalia’s president Mohamed Abdullahi Farmajo made his maiden visit to Puntland.
  4. HALKAAN HOOSE KA DHEGAYSO QUDBADA MADAXWEYNE FARMAAJO Madaxweyne Farmaajo - My Recording HALKAAN KA DEHEGAYSO CODKA MADAXWEYNE FARMAAJO. Madaxweyne Gaas. - My Recording
  5. The marginalised Boni community in terror-prone Basuba has accused teachers of using "non-existent" insecurity to turn down jobs. Source: Hiiraan Online
  6. Garoowe (Caasimadda Online) – Dowlad goboleedka Puntland oo qoraal ka soo saaray dagaal ay Somaliland kula wareegeen deegaanka Tukaraq oo ka tirsan Sool waxaa sheegeen in dagaalkaas la doonayo in lagu carqaladeeyo booqashada madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ku joogo magaalada Garoowe. Puntland waxaa ay qoraalkaasi ku sheegay in ay ka jawaabi-doonto wixii dhacay iyada oo shacabkeeda ku war-gelisay in ay u diyaar-garoobaan difaaca dhulkooda. Ugu dambeymntii, Puntland dowladda Soomaaliya, beesha caalamka iyo dalalka dariska ku war-gelisay in aanay mas’uul ka noqon-doonin khasaaraha iyo cawaaqib xumida ka dhalan karta. Akhriso, Qoraalka: Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Puntland: Dagaalka Tukaraq waxaa lagu carqaladeynayaa booqashada Madaxweyne Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
  7. The online ad was pretty blunt: "Dominate [sic] male police officer seeks fun, discreet, sub playmate -- m4w." Source: Hiiraan Online
  8. BEIJING — One of the BBC’s top journalists, Carrie Gracie, has resigned from her China post over what she called a “secretive and illegal” pay structure that had her male peers making 50 percent more than her. Source: Hiiraan Online
  9. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa si wada jir ah maanta oo Isniin ah u Daah-furay garoonka diyaaradaha ee Janaraal Maxamed Abshir Muuse ee magaalada Garoowe. Madaxweynaha Puntland, C/wali Maxamed Cali Gaas oo ugu horeyn ka hadlay Munaasabada daah furka Garoonka diyaaradaha magaalada Garowe ayaa sheegay in mudo ay ku taamayeen iney helaan Garoon caalami ah oo laga hirgeliyo Garowe oo hadda caasimad u ah maamulka Puntland,islamarkaana ku suurta gashay isku tashi dadweynaha iyo Dowlad Goboleedka Puntland ah. Wuxuu madaxweynaha Puntland Mr. Gaas uu sheegay in Dowladda Federaalka looga baahan yahay dhameystirka Garoonka iyo iney daboosho baahida loo qabo adeega tababarada,qalabka iyo baahiyaha kale ay qabaan shaqaalaha Garoonka diyaaradaha magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland. Madaxweynihii hore Puntland Mudane Cabddiraxmaan Maxamed Faroole oo Munaasabadda hadal ka jeediiyey ayaa sheegay in mudadii Xukuumaddisa uu dadaal dheer u galay hirgelinta Garoonkaan Cusub. Madaxweynaha Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo soo xiray Munaasabada ayaa sheegay in marka hore maamulka Puntland uga mahad celinayaan horumarka dhanka dumuqraadiyada ay ku tallaabasadeen,wuxuuna ku amaanay dadaalka ay geliyeen sidii loo heli lahaa Garoon caalami ah oo la jaan qaada Garoomada kale ee caalamka oo laga hirgeliyo magaalada Garowe. Waa Garoonkii labaad oo laga hirgeliyo Puntland,waxaana Garoonka diyaaradaha Garowe ee maanta xariga uu ka jaray madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo loogu magacdaray Generaal Abshir Maxamed Muuse oo qeyb ka ahaa saraakiishii Ciidamada Puntland. The post Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo daah-furay Garoonka Cusub ee Diyaaradaha Garoowe. appeared first on Puntland Post.
  10. Dowlad goboleedka Puntland oo qoraal ka soo saaray dagaal ay Somaliland kula wareegeen deegaanka Tukaraq oo ka tirsan Sool waxaa sheegeen in dagaalkaas la doonayo in lagu carqaladeeyo booqashada madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ku joogo magaalada Garoowe. Puntland waxaa ay qoraalkaasi ku sheegay in ay ka jawaabi-doonto wixii dhacay iyada oo shacabkeeda ku war-gelisay in ay u diyaar-garoobaan difaaca dhulkooda. Ugu dambeymntii, Puntland dowladda Soomaaliya, beesha caalamka iyo dalalka dariska ku war-gelisay in aanay mas’uul ka noqon-doonin khasaaraha iyo cawaaqib xumida ka dhalan karta. Akhriso, Qoraalka: Source
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee xilka laga qaaday Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegay inay koox kaliya aysan Soomaaliya isku koobi karin oo keligeed og meesha loo guurayo. Isagoo ka hadlayay munaasabad uu xilka ku wareejinayey wasiirka cusub ee arrimaha gudaha ayuu farriin cad u diray hoggaanka dowladda Federaalka ee madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre isagoo sheegay in loo baahan yahay talo wadaag iyo isu dulqaadasho, wuxuuna adeegsaday ereyada Wadaad iyo Qarandumis. Wasii Juxa ayaa farriintiisa ugu danbeysay ee xil ka tegistiisa ka dhigay in koox kaliya iyo shaqsi kaliya aanay xaalada dalka waxba ka qaban karin. “Intii burburka inagu dhacay sanadihii u dambeeyay waxa ugu weyn ee na soo maray waa Wadaad kaa fikir duwan oo kugu dhufta Shabadda Cadaabta ama Madax ka fikir duwan tahay oo kugu dhufata shabadda Mucaaradnimada ama Qaran-dumis” ayuu yiri Cabdi Faarax Juxa oo dhowaan xilka laga qaaday. Waxaa uu sheegay in koox kaliya iyo shaqsi kaliya aanay xaalada dalka wax ka qaban karin, isla markaana loo baahan yahay in dood caafimaad oo dhab ah laga yeesho xaaladaha jira, iyadoo aan la eegin dan shaqsiyeed ama dan kooxeed, balse si Soomaalinimo loo baahan yahay in loo gaaro xalka. “Intii Burburka inagu dhacay sanadihii u dambeeyay waxa ugu weyn ee na soo maray waa Wadaad kaa fikir duwan oo kugu dhufta Shabadda Cadaabta ama Madax ka fikir duwan tahay oo kugu dhufata shabadda Mucaaradnimada ama qaran dumis”ayuu yiri Cabdi Faarax Juxa. 4-tii bishan ayay aheyd markii wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xilka looga qaaday Cabdi Faarax Juxa oo ahaa Wasiirkii Arrimaha Gudaha, waxaana hadal kooban uu bartiisa uu ku qoray markii xilka laga qaaday ku sheegay inuu ka maqlay idaacadaha. Dhageyso Khudbaddii Juxa ka jeediyay munaasabaddii uu xilka ku wareejinayay:- https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/01/10000000_331878857327738_6223328515786276864_n_ALLConverter.mp3The post Juxa ” Dalka wuxuu soo maray Wadaad kaa fikir duwan oo kugu dhufta Shabadda Cadaabta ama Madax ka fikir duwan tahay oo kugu dhufata shabadda qaran dumis” appeared first on Caasimada Online.
  12. Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Guri-barwaaqo ayaa ka hadlay dagaalka ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Inkasta oo wasiirku aanu ka hadal khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay deegaanka tukaraq ee dhex maray ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland, ayaa haddana waxa uu dawladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay ku kacday falal colaad abuur ah gudaha Somaliland, isagoona sharci darro ku tilmaamay socdaalkii wasiirka qorshaynta Soomaaliya uu ku yimid magaalada Badhan ee gobolka Sanaag. Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland waxa uu sheegay in ciidanka Somaliland aanay diyaar u ahayn inay ku xad-gudbaad xuduudaha dalalka deriska hase ahaatee ay mar walba heeggan u yihiiin inay qarankooda difaacdaan, waa sida hadalka u dhigaye. Dhinaca kale, wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Guri Barwaaqo waxa uu dalalka deriska ah iyo bulshada caalamka ugu baaqay in ay la socdaan waxa uu ku sheegay dhaq-dhaqaaqyada colaadeed ee ay soomaaliya ka wado labada xad xuduud. Dagaal maanta ka dhacay deegaankaas waxaa la wareegay ciidamo ka socda Somaliland, deegaanka oo ka tirsan Sool waxaa mar walbo ku dagaala beelo iyo maamullo kala taabacsan Somaliland iyo Puntland. Goobjoog News Source
  13. Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa howlgallo waddo furis ah waxay ka bilaabeen inta u dhaxeysa degmooyinka Maxaas iyo Baladweyne ee Hiiraan. Afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan Maxamed Ibraahim Dabaashe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalladan ay u socdaan sidii loogu talogalay, islamarkaana ay Al-shabaab ka saareen deegaanno ay ku dhuumanayeen waa sida uu hadalka u dhigaye. Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay inaanu jirin wax iska horimaad ah oo ay Al-shabaab kala horyimaadeen ciidamada howlgalka wada. “Ciidamada waxay ku baxeen deegaanno badan oo u dhaxeeya B/weyne iyo Maxaas, nimankii nabad diidka ahaa wey kala carareen oo nin walbo meeshii uu aadi karo ayuu afka aadiyay, ma jirto wax dhib ah oo ay ciidamada la kulmeen, magaca Al-shabaab ayaana laga ilaabi doonaan guud ahaan Soomaaliya” ayuu yiri Afhayeen Dabaashe. Xarakada Al-shabaab ayaa go’doomiyey deegaanno badan oo gobolka Hiiraan ah, iyadoo sidan oo kale ay marar badan howlgallo waddo furis ah u sameeyeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM. Goobjoog News Source
  14. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo hoggaamiyaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa xarigga ka jaray garoonka caalamiga ah ee Garoowe. Garoonkaan oo si heer caalami ah loo dhisay ayaa wixii maanta ka dambeeya waxaa kusoo degi doona diyaaradaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah. Madaxweyne Gaas oo munaasabadda xarig jarka garoonkan hadal ka jeediyey ayaa sheegay shaqo badan la geliyey dhismah garoonka Garoowe, islamarkaana hadda uu lamid noqonayo kuwa caalamiga ah ee dalka ka jira. Madaxweyne Farmaajo ayaa isna dhankiisa hambalyo u diray shacabka iyo maamulka Puntland, wuxuuna madaxweynuhu sheegay in dhismaha garoonkan uu muujinayo dib usoo kabashada Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay safar ku tagay magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, wuxuuna socod ku mari doonaa qaar kale oo kamid ah gobollada uu maamulkaasi ka arrimiyo. Goobjoog News Source
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dood iyo muran badan ayaa ka taagan lacagaha faraha badan ee laga qaado xujeyda Soomaalida, taasoo ka mida kuwa ugu qaalisan dunida ee xujey ay bixiso. Arrintan oo gaartay Aqalka sare ee Baarlamaanka ayaa waxaa weliya in Soomaalida xajineysa ay yihiin kuwa ugu adeeg liita marka la goojo xaramka, haddana dabagal ay Caasimadda Online ku sameysay arrintan ayaa waxaa soo silsilad isku xiran oo qeybsada lacagahan. Silsiladda ku shirkoobay dhiig miirashada xujeyda Soomaalida ayaa u taxan sida soo socota: AMIIR SACUUDIYAAN AH WAKIIL SOOMAALI AH SHIRKADAHA DIYAARADAHA (JUBBA & DAALLO) WASIIR KA TIRSAN XUKUUMADDA Qeyb waliba oo silsiladan kamida ayaa dhaqaale ka heshaa lacagaha faraha badan ee laga qaado xujeyda Soomaalida, waxaan fure u ah wakiilka Soomaalida iyo shirkadaha qandaraaska aan dhicin ku heysta xujeyda Soomaalida. AMIIR SACUUDIYAAN AH Waa halka ugu muhiimsan ee ay ka xiran tahay silsiladan, iyadoo muddo sanado ah ay socoto, Amiirkan iyo saaxiibadii ayaa heshiis dhex maray wakiil Soomaali ah, kaasoo qandaraas ku qaatay in dadgureynta Xujeyda Soomaalida. Amiirkan iyo dadka la shaqeeya oo awood ku leh Wasaaradda Xajka Sacuudiga, waxaa suuragal noqon weyday in qandaraaskan laga wareejiyo wakiilka uu Soomaaliya heshiiska la galay ama xitaa diyaarado kale la siiyo. Dowladihii Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh kala hoggaaminayeen ayaa isku dayay in shirkado diyaaradeed oo kale wax laga siiyo qandaraaskan, kaasoo lagu fashilmay markii amiirka Sacuudiyaanka ah ka hor yimid. 2- WAKIIL SOOMAALI AH Wakiilkan waa ninka lagu magacaabo Abuukar Alkowthar waa ganacsade mukhalas ka ah xajka oo amiirka Sacuudiga ah qandaraaska kula jira, wuxuuna Sacuudiga wakiil uga yahay shirkadda Jubba Airways, iyadoo la sheego inuu ka mid yahay ganacsatada qeybta ku leh shirkadda. 3- SHIRKADAHA DIYAARADAHA (JUBBA & DAALLO) Qandaraaska Xajka waxaa heysata Shirkadda Jubba Airways oo uu leeyahay Ganacsade Saciid Nuur Giriish oo hadda noqday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Fedreaalka, kaasoo lacag aad u fara badan ku bixiyay kursigan, waxaana qeyb laga siiyay shirkadda Daallo oo muddooyinkan danbe hoos u dhacday. Waxaa xusid mudan kadib markii ay bateen qeylo dhaanta xujeyda Soomaalida iyo wararka warbaahinta in Xildhibaanka ganacsadaha ay uu xilligan qorsheegay olole lagu soo bandhigyo dad xujey ah oo sheegaya inay adeeg fiican ku heystaan xajka, iyadoo la adeegsanayo Wasiirka arrimaha diinta iyo Awqaafta oo howshan loo xil saaray. 4- WASIIR KA TIRSAN XUKUUMADDA Sanad kasta xilliga xajka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta waxay heshaa lacago laaluush ah oo laga siiyo lacagaha laga qaado xujeyda Soomaalida, waxaana la qiyaasay in $200,000 ilaa $300,000 uu wasiirku ka helo xaj kasta, taasoo ku xiran is afgaradka dhex mara Shirkadda Jubba Airways iyo isaga si loo helo ogolaashaha dowladda. GABAGABO Adeegyada loo fidiyo xujeyda Soomaalida ayaa ah kuwa ugu liita guud ahaan xujeyda tagta Beyt-ka Alle, waxaana heysta dayac weyn oo keenay in sanad kasta wax la iska weydiiyo ganacsiga heerkan gaaray ee lagu dhiig miirto xujeyda Soomaalida. Lacagta qofka caadiga ah ee xajinaya laga qaado waxay sanadkan gaartay $3800 doolar, iyadoo dadka gaarka ah ama loo yaqaan VIP-da laga qaado $5000. Kharashka guud ee xaj kasta kooxdan isbaheysatay wuxuu gaarayaa 40 Milyan oo doolar, waxaana kala bar si toos ah u qaata shaqsiyaadka sare ku xusan oo ay hormuud u tahay Shirkadda Jubba Airways, tiiyo aanay bixin adeegyadii ay lacagtaasi ku qaateen intoo badan, kuwaasoo oo kala ah: Tikidhka Diyaaradda = $600 Soo saarista Fiisaha Xajka. Safarka Makka ilaa Madiina Jiifka iyo guryaha Makka iyo Madiina Hagista xujaajta oo hoggaaminayaan dad khibrad u leh. Baraarujin iyo Muxaadarooyin ay soo jeediyaan culimadii Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Sir Culus: Sidee loo qeybsadaa Lacagta faraha badan ee laga qaado Xujeyda Soomaalida..? appeared first on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida laga soo xigtay sarkaal sare oo katirsan ciidamada badda ee wadanka Iiraan ayaa sheegay xilli uu ka hadlay xaflad soo dhaweeyn aheed oo loo sameeyay cutubyo katirsan ciidamada badda Iiiraan, kadib markii ey soo afjareen sahan dhanka badda ah oo ciidamada Iiran ey ka wadeen badda caalamiga ah oo 67maalmood soconayay eyna ka qeyb qaateen 49 markiib iyo doonyo isu jiray. Sarkaalkan ayaa sheegay in ey jiraan wadamo iyo kooxo taageero maal iyo xogba isu jirta ugu tabaruca kooxahan kuwaa oo ujeedkood yahay sidii ey ucuuryaamin lahaayeen dhaqaalaha wadanka Iiraan, balse ey iyaga xogtaan siiba heleen kal hore. Waxa uuna intaa ku daray in burcadddi badaha ee kal hore awoodda badneed ey asaaseen wadamo cadaw ku ah Iiraan. Ciidamada wadanka Iiraan ayaa waxa ey kusoo biireen howlgalkii ladagaalanka Burcad badeeddii soomaalida sanadkii 2008dii ee ka soconayay xeebta dheer ee dalka iyo waliba biyaha caalamiga ah. Iiraan oo dhaqaalaheedu ku xiranyahay gacanta beershiya ayaa intii ey xooga badan ku taamayeen kooxaha burcad badeedda ey dhibaato badan ku hayeen dhaqalaah wadanka Iiraan iyada oo xilligaa saliidda qeyriin iyo shidaalkii ey dhoofin jirtay Iiraan uu hoos udhac ku yimaaday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Iiraan oo sheegtay in burcadbadeedda soomaalida la maalgaliyo si awooddeeda dhaqaale loola diriro appeared first on Caasimada Online.
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Qoraal kasoo baxay Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in xal kama dambeys ah laga gaaray khilaafkii ka jiray Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha, waxaana qoraalkan lala socodsiiyay Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha. Wasaarada Ganacsiga ayaa ka laabatay kala diristii Hogaanka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha oo jiritaankeeda la baabi’iyay bishii Agoust ee sanadkii hore, waxa ay sidoo kale Wasaarada si KMG ah ugu aqoonsatay Hogaanka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha gobolka Banaadir . 1-Cabdi Naasir Cali Maxamed : Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir 2-Cali Xasan Warsheekh :Gudoomiye kuxigeenka Koobaad 3-Mahdi Xasan C/Raxiim : Gudoomiye kuxigeenka Labaad Halkan ka AKhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Caddeyn: Khilaafkii Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Somalia iyo kan G/Banaadir oo Xal laga gaaray appeared first on Caasimada Online.
  18. Wasiirka amniga dowladda Puntland, Axmed Cabdulaahi Yuusuf (dowlad), ayaa si adag u cambaareeyay duulaan ciidanka maamulka Soomaaliland kusoo qaadeen degmada Tukaraq ee gobolka Sool. Wasiirka amniga oo BBC- u waramayay ayaa sheegay tilaabadaan inay u arkaan mid ay Soomaaliland ku taageerayso kooxaha argigixisada ay dowladda Puntland dagaalka kula jirto. “Arrinta saakay ka dhacday Tukaraq waa arrin aanu u aragno inay tahay taageero lasiinayo argigxisada, caalamkanka waxaan u sheegaynaa inay Soomaaliland qaadayso masuuliyada wixii ka dhasha abaabulka ay ka wado gobolka Sool,” ayuu yidhi dowlad. Wasiirka amniga ayaa sidoo kale sheegay maamulka Hargeysa inuusan marnaba sheegan karin degaano Puntland dhulkeeda kamid ah oo Soomaaliland ay si xoog ah ku haysato. Halkaan ka dhegayso codka wasiirka amniga. Wasiirka amniga Puntland Puntlandi.com
  19. LASANOD— Somaliland defense forces & Puntland army clashed in Tukaraq, which lies 35 km from Garowe, Puntland’s provincial capital. According to reports coming from Lasanod, Sool’s capital confirm that heavy fighting broke out early on Monday. Puntland army launched massive attack against Somaliland defense forces and repulsed as the attackers. It is accused that Puntland forces have initiated the hostilities. Puntland was the sole premeditated aggression against Somaliland on numerous times.There are human casualties but still details are sketchy. Reports said that there are deaths and injuries. Somaliland defense forces have been on high alert since the first visit embarked by Somali president, Mohamed Farmajo Puntland. There are reports indicating that the Somali president is about to visit regions controlled by Somaliland in eastern Sanaag and parts of Sool.
  20. Garoonka Diyaarahada cusub ee magaalada Garowe oo maanta la daahfuray ayaa loogu magacdaray General Maxamed Abshir Muuse (Hammaan). Alle ha u naxariistee General Maxamed Abshir Muuse (Hammaan) oo taariikh mug weyn ku lahaa dalka Soomaaliya iyo Qaaradda Afrika waxa uu dhashay 1925, isagoo ahaa qofkii ugu horeeyay oo Soomaaliya oo qaata darajada Generalnimo. General Maxameed Abshir ayaa noqday taliyaha ciidammada difaaca Soomaaliyeed (Somali Defence Force) intii aan la aasaasin ciidanka booliska Soomaaliyeed, markii ciidankaas la kala qaybiyay General Maxamed Abshir isagoo 32 sano jir ah ayuu taliye u noqday Booliiskii ugu horreeyey ee Soomaaliya yeelatay markii ay xorriyadda heshay sannadkii 1960, waxaana lagu tilmaamo inuu ahaa aasaasihii ciidammada boliiska Soomaaliyeed. Intii uu burburka dalka ka dhacay waxaa General Maxamed Abshir lagu xasuustaa inuu ahaa Oday Soomaaliyeed oo nabad doon ah kana soo hor jeeday dagaalladii iyo coladihii dalka ka socday, wuxuuna magaallada Muqdisho iyo inta ka dhexeysa magaallada Kismaayo caan ku ahaa in meeshii dagaal ka bilowdo isagoo calan cad wata uu dhex tago dhinacyada dagaalamaya isago ku dadaalaya inuu heshiis iyo nabad dhex dhigo. Sidoo kale waxaa la rumaysan yahay in General Maxamed Abshir Alle ha u naxariistee uu isagu hormuud ka ahaa nabad gelyada iyo inay gobollada Puntland ay ka badbaadaan burbur soo gaara, markii uu noqday guddomiyaha ururka SSDF ee xilliyadii colaadaha wuxuu xoogga saaray in uu kooxaha dagaalamaya ku qanciyo inay wada hadal ku bedelaan dagaalka iyo xiisadaha colaadda, wuxuuna ka qayb galay dhammaan shirar dib-u-heshiisiinta ahaa ee Soomaalida loo qabtay marka laga reebo kii u dambeeyay ee lagu qabtay dalka Kenya (Mbagathi) shir kasta oo uu tegayna wauxuu ku tilmaanaa shakhsi u taagan ama mar kasta ujeeddadiisu ahayd nabadayn, isu soo jiidis, dadka walaalaha ah ee Soomaaliyeed. Alle ha u naxariistee General Maxamed Abshir Muuse (Hammaan) waxaa uu 25 bishii October ee sanadkii hore ku geeriyooday dalka Mareykanka, isagoo da’diisu ahayd 91 jir. PUNTLAND POST The post Garoonka Diyaarada Cusub ee Garowe oo loogu magacdaray General Maxamed Abshir (Hammaan) appeared first on Puntland Post.
  21. Somaliland President, Musa Bihi Abdi returned home today after completing a successful two-day State visit to Republic of Djibouti on an invitation extended by the Djiboutian President, Hon. Ismail Omar, strengthening the bilateral cooperation. Somaliland’s FM, Dr. Sa’ad Ali Shire said that the delegation led by President Bihi warm welcome from Djibouti President, ministers and the people of Djibouti. He further noted that during the two day visit to Djibouti, Somaliland delegation have inspected development projects in Djibouti. The delegate led by Somaliland President was seen off by Djibouti FM, Mohamed Yusuf.
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) – Shalay Gelinkii dambe ayaa waxaa dagaal khasaaro geystay waxa uu duleedka degmada Balanbale ee Gobolka Galgaduud ku dhexmaray laba Beelood oo halkaasi ku wada nool. Maamulka degmada Balanbale ayaa ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalkaas kaas oo sheegay ay ku lug leeyihiin Siyaasiyiin iyo mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Gudoomiyaha deegaanka Balanbale ee Gobolka Galgaduud Jaamac Xeyle Maxamed ayaa Dalsan u sheegay in dagalkaas uu ka dahcay deegaanka Kaxandhaale ee duleedka Balanbale isla markaana uu ku lug leeyahay Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya. Waxa uu sheegay in ay wada dagaalameen dad Reer miyi ah oo xoolo dhaqato ah,isla markaana dadkaas ay dagaalkooda hurinayaan Xildhibaan Mahad Salaad iyo Siyaasiyiin ku sugan Muqdisho. Dhanka kale xiriir ayaan la sameynay Xildhibaan Mahad Salaad oo lagu eedeeynayo in uu hurinayo dagaalkaas si uu uga jawaabo eedeynta loo jeedinayo balse kama jawaabin taleefoonadeena. Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/01/Cod-Guddoomiyaha-Deegaanka-Balamballe-Jaamac-Xeyle-maxamed-Dagaalka-ka-dhacay-Halkaa-iyo-Eedeynta-Xildhibaan-Mahad-Salaad.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xildhibaan Mahad Salaad oo la ogaaday inuu hurinayo dagaal beeleedyo ka dhacay Gobolka Galgaduud appeared first on Caasimada Online.
  23. Kitui East MP Nimrod Mbai has asked all Somali herders in his constituency to leave in 10 days. Source: Hiiraan Online