Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,085
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Zimbabwe’s first elections since the removal of long-standing president Robert Mugabe turned violent when troops opened fire on protests against alleged voting fraud, killing at least three people. Here is a timeline of events leading up to Monday’s landmark vote and its bloody aftermath. MUGABE HOUSE ARREST Tension builds following Mugabe’s sacking of Emmerson Mnangagwa as his vice president in early November 2017, a move seen as positioning the veteran president’s wife to become his successor. Army tanks take up positions around the capital overnight November 14-15 and Mugabe is put under house arrest. Four days later the ruling ZANU-PF party sacks him as leader and expels his wife. On November 21, the 93-year-old Mugabe bows to pressure to quit and ends his 37-year grip on power. TRANSPARENT POLL On November 24 Mnangagwa is sworn in as president, promising that elections due in 2018 will go ahead. In February 2018 veteran opposition leader Morgan Tsvangirai dies of cancer; his Movement for Democratic Change (MDC) picks former youth activist Nelson Chamisa to lead it into the election set for July 30. A record 23 presidential candidates are in June cleared to stand. On June 23 a bomb explodes as Mnangagwa leaves the podium at a ZANU-PF campaign rally in the opposition stronghold city of Bulawayo. He escapes unharmed but dozens of people are injured and two of his bodyguards are killed. REJECT ZANU-PF On the eve of the vote, Mugabe holds a surprise press conference at his home at which he stuns observers and calls for voters to reject the ZANU-PF, his former party. He even hints that he could vote for Chamisa. Voting on July 30 takes place in a peaceful atmosphere. Long lines form from the early morning outside polling stations and turnout is estimated at around 75 per cent. The next day, as vote counting is under way, Chamisa says that he is “winning resoundingly”. “We are ready to form the next (government),” he says. The government warns candidates they face prosecution and jail for prematurely announcing results. The much-criticised election authority meanwhile declares there has been no rigging, after the opposition repeatedly alleges the vote process was flawed. VIOLENCE ERUPTS On August 1 the election commission announces that ZANU-PF has won most of the seats in parliament. It does not give the results for the presidential vote. The opposition cries foul, alleging fraud, and EU observers say the elections were held on an “un-level playing field”. Opposition protestors take to the streets of Harare, burning tyres and pulling down street signs. Soldiers arrive and fire live rounds on opposition activists. At least three people are killed. As international condemnation pours in, the government warns it will “not tolerate” further unrest. On August 2 soldiers and police clear the streets of Harare as tensions mount ahead of the release of the results of the presidential ballot, the election authority asking the public “to be patient”. Source: – AFP
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia lagu khaarijiyay Madixii Shirkadda Startup Grind oo dilkiisa ka dhacay inta u dhaxeysa Banaadir iyo Digfeer. Dilka oo ahaa mid ku dhacay qaab qorsheysnaa ayaa waxaa si carol eh dilalka kusii kordhaaya magaalada Muqdisho uga hadlay Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali kheyre. Ra’isul wasaare Xasan Kheyre oo weli ku sugan Magalada Garoowe, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dilalka sii kordhaaya ee kadhaca magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Gobolada dalka. Waxa uu sheegay in dilka maanta kadhacay magaalada Muqdisho ee loo geystay Madixii Shirkadda Startup Grind iyo Saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada oo kadhacay duleedka iyo gudaha Muqdisho. Nuqul kamid ah haddalka Kheyre ayaa ahaa “Ilaahay ha u naxariisto wiilkii dhallinyarada ahaa ee Maanta lagu dilay magaalada Muqdisho.Haddii maalin walba qof qiimo leh la innaga dilo oo aan u aragno wax caadi ah waxaa dhammaanaya ubixii dalka” Ra’isul wasaare Kheyre oo ay ka muuqatay caro uu ka qaaday dilalka sii kordhaaya ayaa shacabka Somaliyeed iyo Laamaha amniga ugu baaqay inay ka wada shaqeeyaan sida loo badbaadin lahaa ubaxa iyo Mustaqbalka Ummada Soomaaliyeed. Si kastaba ha ahaatee, Madixii Shirkadda Startup Grind Maxamed Maxamuud Sheekh Cali, ayaa la sheegay inuu ahaa wiil dhalinyaro lahaa mustaqbal fog, waxaana la cadeeyay inuu dhalay Taliyaha Ciidanka cirka Somalia S/Guuto Maxamuud Sh Cali Dable Pilot. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Shirka Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliyaa ayaa hadda ku soo xirmay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee magaalada Garowe. Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya,Daahir Maxamuud Geelle oo ka warbixiyay shirka ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ay cambaaraysay falkii argagixiso ee ka dhacay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn. Sidoo kale Wasiirku wuxuu sheegay in Ra’iisul wasaare,Xassan Cali Khayre uu amray in sharciga la mariyo maxaabiista ku eedayaysan burcad-badeednimada ee ku jira xabsiyada Puntland. Dhinaca kale wasiirka Warfaafinta Soomaaliya wuxuu ka hadlay colaadda ka taagan degaanka Tukaraq,isagoo sheegay in dagaallada halkaasi ka dhacay ay dhibaato weyn ku yihiin xasiloonadi iyo nabadda guud ahaan dalka Soomaaliya. Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay labada maamul u usoo jeedaysay in dagaalka si dhakhso ah loo joojiiyo,islamarkaana wax laga qabto dhibaatada ka dhalatay oo uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay kaalinteeda ka qaadanayso. PUNTLAND POST The post Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya oo soo xirmay appeared first on Puntland Post.
  4. Waxaaa xalay magaalada Buuhoodle qarax ismiidaamin ah lagu dilay masuuliyiin uu ka mid ahaa Aqoonyahan Cabdifataax Maxamed Cali oo 29 June, 2018 wafti uu hogaaminayo oo ka yimid Muqdisho ay soo gaareen magaalada Buuhoodle islamarkaana sida la sheegay maalmo ka hor ka tagey magaalada Garoowe. Marxuum Cabdifataax ayaa hadal uu jeediyay bilo ka hor 29 June,2018 ku sheegay qorshaha ay u tageen Buuhoodle inuu la xiriiro siday ugu baraarujin lahaayeen bulshada Gobolladda Sool iyo Cayn inay kaalintooda ka qaataan dagaalka Puntland ay kula jirto maamulka Somaliland. Dilka marxuumkan oo dhaliyay shaki xoogan oo ku saabsan cidda ka dambeysay waxaa geystey qof ismiidaamiyay xilli uu kusoo tukadey salaaddii cishe masaajid ku yaala magaallada Buuhoodle. Hogaamiyihii horre ee Khaatumo Maxamed Yuusuf Indho-sheel oo hadda Garoowe ku sugan ayaa ku eedeyay maamulka Somaliland inuu ka dambeeyay falkii xalay lagu dilay masuuliyiin uu sheegay Hormuud inay u ahaayeen Halgan looga saarayo Somaliland gobolka Sool, wuxuuna sheegay sababta loo beegsadey inay tahay mab,da iyo dadaaladda ay ugu jireen qadiyaddaan. Indhosheel ayaa intaas ku darey inay hayaan cadaymo la xiriira qorshe Somaliland laga soo abaabulay oo lagu doonayay in lagu dilo isaga iyo masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay marxuumkii lagu dilay qaraxii ugu horeeyay oo xalay ka dhacay Buuhoodle. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post “Somaliland ayaa fulisay qaraxii xalay ka dhacay Buuhoodle” Daawo Indho-sheel appeared first on Puntland Post.
  5. Garoowe (Caasimadda Online) – Muddo laba maalin ah ayaa waxaa taagnaa muran ku aadan in Shirka Golaha Wasiirada lagu qabto Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland. Safarka Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ee Garoowe ayaa muhiimadiisa koowaad waxay aheyd inuu ka qeybgalo xafladda loogu dabaaldagayo sanadguuradii 20-aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay Maamulka puntland. Ra’isulwasaare Kheyre ayaa sidoo kale waxaa jadwalkiisa ku jiray inuu dhagax dhigo Dekad la doonayo in laga sameeyo deegaanka Garacad balse waxaa la sheegay inuu xilli dambe go’aansaday inuu ka baaqdo kadib markii uu cadaadis siyaasadeed arrintaas kala kulmay. Baaqashada Kheyre ee dhagax dhigga Dekadda Garacad ayaa sababtay inuu khilaaf xoog leh soo kala galo Kheyre oo dhinac ah iyo Madaxweynaha Puntland oo ay la safnaayeen qeybo ka tirsan Isimada deegaanadaas. Khilaafka ayaa gaaray meel sare ilaa heer ay isamada Puntland iyo Gaas isku raaceyn inaan shirka Golaha Wasiirada lagu qaban Magaalada Garoowe. Ra’isulwasaare Kheyre ayaa garab weyn ka helay Isimada Gobolka Nugaal sida Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Saciid Garaase kuwaas oo u dhaartay Cabdiweli Gaas. Sidoo kale waxaa si isku imid ah arintaas uga hor imaaday Xalay Dhamaan Isimada, Nabadoonada iyo Waxgaradka Gobolka Nugaal oo Gaas u sheegay inuusan Magalada Garowe ka sheegan karin Somali Wayn. Madaxweynaha Puntland ayaa loolan adag kala kulmay Wasiirka Arrimaha Debadda Soomaaliya Cawad, Wasiir Xuseen Ciid iyo Xildhibaan Cali Yusuf Cali Xoosh kuwaas oo ka shaqeeyey qorshayaal lagu fashiliyey go’aankii Kheyre ee ahaa inuusan dhicin Shirka Golaha Wasiirada Sidoo kale Xildhibaano iyo Wasiiro Kasoo Jeeda Gobolka Nugaal oo Ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland Ayaa Iyaguna Sheegay iney is Casilayaan haddii Shirka Golaha Wasiiradda aan lagu qaban Magaalada Garoowe. Madaxda Reer Nugaaleed ama ha u shaqeeyeen Federaal ama Puntland iygaoo Kaashanaya Islaan Ciise iyo Suldaan Garaase ayaa Xalay Waxay Galeyn Shir, waxayna Gaas u sheegeen in Garoowe tahay Magaalo Soomaaliyeed, cid laga sheegan karana aysan Jirin, haddii magaalooyin la kala Sheeganayana Gaas uu aadayo Gaalkacyo. Ugu Danbayn Shirka Golaha Wasiiradda ayaa ka qabsoomay Xarunta Wasaradda Maaliyadda DPL , sidoo kalana waxaa socdo Shir Wadajir ah oo ay yeelanayaan Golayaasha Wasiirada Soomaaliya iyo Puntland . Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  6. Dubai’s government said on Thursday the London Court of International Arbitration (LCIA) has ruled DP World’s port container terminal contract in Djibouti was valid and binding. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (PP) ─ Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Somalia ayaa maanta ku xukuntay xabsi min 15-sano ah laba ruux oo la sheegay inay ka tirsan yihiin ururka Daacish ee Somalia ka dagalaama. Guddoomiyaha Makamadda darajada koowaad ee ciidamada xoogga dalka, Col. Xasan Cali Nuur [Shuute] oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay maxkamaddu ku heshay labadan eedeysane dacwooyinkii lagu soo oogay. Eedeysanayaasha la xukumay ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin: Mahad Maxamuud Cabdi [Abuu Yaasiin] oo la sheegay inuu doonayay inuu Muqdisho ka abuuro koox Daacish oo ka dagaalanta Koonfurta Soomaaliya iyo Maxamed Daa’uud Daahir [Dr. Raage] oo la sheegay inuu ahaa ruuxii u qaabisanaa dhanka ururinta dhaqaalaha iyo caafimaadka. Sidoo kale, Labadan eedeysane ayaa la sheegay in midkood uu haysto dhalashada dalka Ruushka, uuna qabay haweeney u dhalatay Jeejniya oo u dhashay gabar, uuna muddo dheer ku noolaa Suuriya, ka hor intii uusan u soo wareegin Soomaaliya. “Dhammaan eedeymihii lagu soo oogay labadan eedeysane maxkamada way u caddaadeen, waxaana ku xukunnay min 15-sano oo xabsi ciidan ah, ciddii cabasho ka qabta xukunnana rafcaan way qaadan kartaa,” ayuu yiri Shuute oo ku dhawaaqayay xukunka lagu riday eedeysanayaashan. Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horreysay oo xubno ka tirsan Ururada ka dagaalama Somalia iyo Daacish, waxaana toddobaadkii hore ay maxkamada ciidamadu ku ridday xukun xabsi daa’in ah xubni la sheegay inuu filimmada u duubi jiray Ururka Daacish. PUNTLAND POST The post Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee DF oo Xukuno ku riday Eedeysanayaal la Horkeenay appeared first on Puntland Post.
  8. Zimbabwe's first elections since the removal of long-standing president Robert Mugabe turned violent when troops opened fire on protests against alleged voting fraud, killing at least three people. Source: Hiiraan Online
  9. Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland goor dhoweyd ka furmay shir wadajir ah oo ay leeyihiin golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya iyo Golaha Wasiirada maamulka Puntland. Shirka oo uu guddoominayo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaa ku sugan madaxweynaha Puntland Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas iyo ku xigeenkiisa C/xakiim Camey, waxaana ka qeyb galaya xubnaha golaha wasiirada ee xukuumadda federaalka iyo kuwa Puntland. Ajendaha shirka ayaan la shaacin waxaana lagu wadaa in looga hadlo arrimo badan oo ay ugu horeeyaan xiriirka labada dhinac, waxaana lagu wadaa inay shir jaraa’id qabtaan gabagabada shirka kadib. Khilaaf soo kala dhex galay Ra’iisal wasaare Kheyre iyo madaxweynaha Puntland ayaa hareeyay shirkan iyo xaflad lagu xusi lahaa sanadguurada 20aad ee Puntland, taasoo markii danbe si hoose heshiis looga gaaray.
  10. Buuhoodle (Caasimada Online) – Shabakadda Caasimadda Online ayaa baaritaan dheer ku sameysay ciddii loola dan lahaa qaraxii xoogaanaa ee Xalay ka dhacay Magaalada Buuhoodle. Qaraxaan ayaa la doonayey in lagu dilo Cabdifataax Axmed Cali (Cabdifataax Reegal) oo ahaa Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab. Sarkaalkaan ayaa Shabaab kasoo goostay isagoo ku biiray Xisbigii burburay ee Xisbul Islaam oo uu hoggaamin jiray Xasan Daahir Aweys oo hadda ku jiro xabsi guri ay gelisay dowladda Federaalka Soomaaliya. Cabdifataax ayaa xisbigaas kadib la shaqeyn jiray Cumar Cabdirashiid oo dalka mar kasoo noqday Ra’isul wasaare sidoo kalana isku soo taagay xilka Madaxweynimo ee Soomaaliya inkastoo markii dambe laga guuleystay. Sidoo kale Cabdifitaax ayaa markii dambe la shaqeenayey sirdoonka Soomaaliya waxaana muddo badan dabagal ku hayey Xarakada Al-Shabaab. Kooxda AL-Shabaab ayaa ugu dambeyn ku guuleystay inay dilaan Cabdifataax kadib markii loo soo diray nin naftii halige ah oo Xalay isku qarxiyey Cabdifaraax iyo dad kale oo ku sugnaa Buuhoodle, wuxuuna qaraxaas keenay inuu dhinto ninkii ay Al-Shabaab muddo badan raadinayey. Qaraxaan ayaa sidoo kale waxaa lagu dilay Axmed Maxamuud Doolaal oo ahaa wasiirkii amniga Khaatumo. Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay ilaa seddex qof oo hadda la jiifiyey Isbitaal kuwaas oo lasoo sheegayo inay ku jiraan xaalad fiican oo aan qatar aheyn. Caasimada Online Xafiiska Buuhoodle Caasimada@live.com
  11. London (Caasimada Online) – Maxkamadda caalamiga ah ee dhex-dhexaadinta ee magaalada London ee London Court of International Arbitration (LCIA) ayaa go’aan ka gaartay kiiskii ka dhaxeeyay dowladda Jabuuti iyo shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka Carabta. Maxkamadda ayaa sheegtay in heshiiskii ay DP World kula wareegtay maamulka dekedda Doraleh ee Jabuuti, oo markii dambe dowladda Jabuuti ay ka baxday uu yahay mid “sharci ah, oo weli taagan” Dowladda Jabuuti ayaa maamulka Doraleh kala wareegtay DP World bishii Febraayo, kadib muran soo socday illaa sanaddii 2012. DP World ayaa arrintaas ku tilmaamtay mid sharci-darro ah. “Maxkamadda LCIA waxa ay xukuntay in heshiiska Doraleh uu yahay mid sharci ah oo taagan” waxaa sidaas lagu yiri bayaan kasoo baxay qeybta warbaahinta ee dowladda Dubai, oo aan sheegin goorta go’aanka la gaaray. “DP World waxaay ka jawaabi doontaa xukunkan, waxayna eegi doontaa waxyaabaha u furan” ayaa lagu yiri qoraalka. Dowladda Jabuuti weli ma aysan ka hadlin xukunka la sheegay inuu dhacay. Jabuuti ayaa bishii March sheegtay inay diyaar u tahay inay iibsato saamiga ah 33% ee DP World ay ku lahayd Doraleh, si loo soo geba gebeeyo muranka kala dhaxeeya mid ka mid ah shirkadaha ugu weyn dunida ee maamula dekadaha. Sidoo kale, 17-kii July, shirkadda laga leeyahay dalka Jabuuti ee maamusha Dekadda Doraleh ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin inay magdhow ka bixiyaan heshiiskii ay ka baxeen ee u dhexeeyay iyaga iyo Shirkadda Dubai Ports World ee laga leeyahay Imaaraadka. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
  12. Mogadishu ( Caasimadda Online) – Dhowr fadhi ayay soo martay heerarka maxkamadeynta labadan horjooge ee ka tirsanaa maleeshiyada Daacish kuwooda dhibka ka wado Soomaaliya. Mahad Maxa’ud Cabdi Abuu-Yaasiin oo ah eedeysanaha 1-aad ayaa loo heystaa in uu ku mashquulsanaa aas-aasidda koox daacish ah kuwaasi oo ka howl-geli lahaa Koonfurta Soomaaliya, waxa uu xilligaas khilaaf kala dhexeeyay ninka ugu sareeyo daacish kuwooda jooga Soomaaliya ee Cabduqaadir Muumin. Maxamed Daa’uud Daahir Warsame ( Dr raage) ayaa loo heystay in uu ahaa Horjoogaha Caafimaadka, waxa uu sidoo kale ahaa u qaabilsanihii xagga soo uruurinta lacagaha ay dibadda ka helaan, waxaa si gaar ah eeddiisa loogu muujiyay sida uu ugu gamban jiray ka ganacsiga Daawooyinka ee markiisii hore ka bilowday Suuqa Bakaaraha. Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute) oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u akhriyey warbaahinta xukunka ay ka soo saareen labada horjooge ee ka tirsanaa maleeshiyada Daacish. Dood dheer ka dib,Maxkamada Ciidamada Qalabka sida markii ay aragtay dambi muujinta iyo cadeymaha la horkeenay waxay eedeysanayaasha kala ah Mahad Maxa’ud Cabdi Abuu-Yaasiin iyo Maxamed Daa’uud Daahir Warsame ( Dr raage) ku xukuntay mid 15-sano oo xabsi ciidan ah,waxayna Maxkamaddu intaasi raacisay in ciddii ku qanacsaneyn xukunka u furan tahay racfaan. Eedeysanaha 1-aad ee la xukumay ayaa isaga heysta dhallasha Ruushka, magaca Abuu-Yaasiin waa wiil ay u dhashay gabar Church Nia, waxa uu sidoo kale qeyb ka mid ah noloshiisa ku soo qaatay waddanka Syria, halka Dr Raage uu ahaa madaxa caafimaadka, waxa uu sidoo kale qeyb kamid ah noloshiisa ku soo qaatay Dalka Koonfur Afrika iyo ka mid ahaanshiyaha lleeshiyada Al-Shabaab
  13. By floating the idea of Turkey joining BRICS, Turkish President Recep Tayyip Erdogan seeks to diversify Ankara's foreign policy, with its EU membership bid long stalled and relations with the US on the rocks, analysts told RT. Source: Hiiraan Online
  14. Afgooye (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo Gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in howlgal ay ciidamada dowladda ka sameeyeen degmada Afgooye iyo tuullooyin hoos yimaada ay ku soo qabtaan xubno ka tirsan Alshabaab oo ay ka mid yihiin nin qaraxyada u sameeya iyo sarkaal qaabilsan qorista caruurrta ku biireysa Alshabaab. Howgalka Ciidamada Xoogga ka sameeyen Deeganno hoos taga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa imaanaya iyadoo ay Afgooye gaareen ciidamada madaxtooyada Soomaaliya oo hordhac u ah madaxweynaha Soomaaliya oo la sheegay inu tegi doono halkaasi. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in howolgal dhacay Saaka waabarigii hore ay kusoo qabteen Dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab oo gaaraya 32 dagaalame oo ay ku jiraan Saraakiil sare oo Shabaabka ka tirsan. Saraakiisha lasoo qabtay waxaa ka mida nin Magaciisa lagu sheegay Cumar Dheere oo Al-shabaab u qori jiray Caruurta u dagaalanta. Cumar dheere ayaa saraakiisha Amaanka u sheegay in 300 oo Dhalinyaro ah uu sanadkan qoray Al-shabaab. Sidoo kale waxaa lasoo qabtay Madaxii Qaraxyada oo Magaciisa lagu soo gaabshay Iidoow. Howlgalada ciidamada Milateriga ka wadaan degmada Afgooye iyo deegaanada hoos yimaada ayaa la sheegay inuu horudhac u yahay sugida amniga degmadaas oo lagu wado inuu booqdo Madaxweyne Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo ka mid ah mucaaradka Soomaaliya ayaa dhaliilay go’aankii dowladda Soomaaliya ay ku dalbatay in xayiraadda hubka laga qaado dalka Eritrea oo haysta dhul ka mid ah dalka Jabuuti. Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku sheegay in “magacii qaranka Soomaaliyeed dhabarka looga wareenay” Jabuuti oo ay Soomaaliya walaalo yihiin. Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Wuxuu muwaadin kasta oo Soomaali ah filayey in Madaxweyne Farmaajo uu la tashi kala sameeyey Dawlada Jabuuti go’aankii ku aadanaa in Eritrea laga qaado cunuqabayta. Ilaa iyo hada sharaxaad lagama bixin sababta ka danbaysa booqashada degdega ah ee Eritrea iyo codsi jeedinta la xariirta cunaqabatayn qaadista. Waan ka xunahay in walaalaheen Jabuuti oo naf iyo maal huris badan u sameeyey dhismaha nabada iyo dawladnimada Soomaaliya magacii qaranka Soomaaliyeed dhabarka looga wareeno. Horay ayaan u sheegay in Gobolka uu loolan geopolitics ku soo socda, loona baahan yahay hoggaan feejigan oo maarayn kara danaha is diidan ee awoodaha Gobolka iyo kuwa dawliga ah ee ku loolamaya Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Ankara (Caasimada Online) – Turkey ayaa sheegtay inay si xooggan uga soo horjeedo go’aanka dowladda Mareykanka ay cunaqabateynta ku saartay laba sarkaal oo dowladda Turkiga ka tirsan, sababo la xiriira wadaad diinta kirishtanka faafiya oo Mareykan ah, kaasi oo laba sano ku dhow ku xiran Turkiga. Wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga ayaa sheegtay in go’aanka Mareykanka uusan waafaqsaneyn habka dowladeed iyo xeerarka sharciga iyo caddaaladda midna. Wasaaradda ayaa ku boorisay dowladda Mareykanka inay ka laabato go’aankeeda, waxayna ballan-qaaday inay qaadi doonta tallaabo tan la mid ah oo looga jawaabayo “gardarrada Mareykanka, ayada oo aan dib loo dhigin” Arbacadii, ayaa wasaaradda maaliyadda Mareykanka waxay ku dhawaaqday xayiraaado ka dhan ah wasiirka caddaaladda Turkiga Abdulhamit Gul, iyo wasiirka arrimaha gudaha Suleyman Soylu. Labadan mas’uul ayaa waxaa la xayiri doonaa dhammaan hantiada ka taal Mareykanka, waxaana dadka Mareykanka laga mamnuucay inay la sameeyaan wax xiriir maaliyadeed ah. Gul ayaa kadib go’aanka Mareykanka qoraal uu soo dhigay twitter ku yiri “Geed igagama baxo Mareykanka, hal shilinna igama yaalo Mareykanka ama meel ka baxsan Turkiga”. 19-kii July aya a maxkamad ku taalla dalka Turkiga ay amartay in xabsiga lagu sii hayo Andrew Brunson oo ah ninka Mareykanka ah, oo ay dowladda Turkiga ku eedeysay argagixisanimo. Xiriirka Turkiga iyo Mareykanka ayaa aad u liitay labadi sano ee lasoo dhaafay. Xariga ninkani ayaa qeyb ka ah mugdiga soo kala dhexgalay cilaaqaadka siyaasadeed ee labadani wadan oo ka wada tirsan NATO. Xaakimka Maxkamadda ayaa armay in dhageysiga dacwadda Andrew Brunson dib loo sii amba-qaadi doono 12-ka bisha October ee sannadkaan. VOA
  17. War goordhow nagasoo gaaray gobolka Gedo ee dhaca Koonfur galbeed dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaal culus uu qabsaday kolonyo ka tirsan ciidamada Melleteriga Kenya. Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Shabaab ayaa weerar jidgal ah u dhigay ciidamo saad melleteri u siday deegaanka Faxfaxdhuun, dagaal culus ayaa lasoo sheegayaa in uu hadda ka socdo wada xiriirisa Girileey iyo Fax Faxdhuun. Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayaan jugta madaafiic lays dhaafsanayo oo aad u culus. Wixii warar ah ee soo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.
  18. Buuhoodle (Caasimadda Online) – Xalay saaladdii Maqrib kaddib waxaa markii ugu horreeysay uu qarax ka dhacay magaalada Buuhoodle. Laba ka mid ah dadka deegaankaas ugu saameynta badnaa ayaa qaraxaas lagula eegtay oo halkaas ku geeriyooday iyada oo uu dhaawacyo soo gaaray saddex kale. Wali ma jirto cid qaadatay mas’uuliyadda weerarkaas walow ay tuhunno badan qabaan dadka deegaanka. Hadaba, kahor inta aysan cid qaadan mas’uuliyadda ama aan lagu shaabadeyn qolo gaar ah, sameynta deg deg ah ee kuu yeelan karo maxay tahay? Buuhoodle waa degmo ka tirsan Soomaaliya oo hoos tagta G/Togdheer ee Waqooyiga Soomaaliya. Hase ahaatee, waa magaalo aad u camiran oo ka weyn qaar ka mida magaalo madaxyo gobollo oo dalka ku yaal iyada oo loo sababeenayo in ay ku taal xad beenaadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Magaalada gudeheeda ayaa u kala qeybsan Soomaaliya Iyo Itoobiya oo ay qeyb ka mid ah sheegataa Itoobiya. Taas, waxa ay keentay in shacabka reer Buuhoodle ay ka cabsadaan falcelinta ka imaan karta ciidamaa Itoobiya eek u sugan deegaanka kuwaas oo hawlgallo ka bilaabi kara Buuhoodle. Saameynta kale? Buuhoodle waa magaalo dhaq dhaqaaq ganacsi oo xog leh ka jiro waxaana ka mid ah dadka tiir dhexaadka ah bulshada reer G/Galbeed ama Raxanweyn. Sida ka dhacda Somaliland iyo Puntland haddii qarax dhaco ama falal amni darro waxaa si gaar ah loogu bartilmaameedsadaa dadka Raxanweynta ah ee jooga deeganaas, taas ayaa dhalisay cabsi ay qabaan dadkaas ku dhaqan Buuhoodle in ay dhibaato u geystaan.
  19. Muqdisho (Caasaiamada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia waxaa bishii July, 2018 ka dhacay dilal qorsheysan oo aad u badan kuwaa oo lala eeganaayay shaqaale dowladeed, Askar iyo dad rayid ah. Dilalka July ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa loo geystay dad xiliga la dilaayay intooda badan ku guda jiray shaqo maalmeedkooda. Dilalka ugu badan ayaa ka dhacay Degmooyinka Hodan, Dharkiinley, Waaberi iyo Howlwadaag kuwaa oo ay fuliyeen maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab. Bishii July ayaa lagu tilmaami karaa bisha ugu dhibaatada badneyd oo sanadkaani soo marta Muqdisho waxaana dadka la dilay ay gaarayan ilaa 31 ruux. HOOS KA AKHRISO DILKII MUQDISHO KA DHACAY BISHII JULY 2018 1- July 01 2018, Waxaa Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir lagu gowracay Ganacsade magaciisa lagu sheegay Xuseen Cali Cumar oo ka mid ahaa ganacsatada Suuqa weyn ee xoolaha ee isla Degmada. 2-July 2, 2018, Askari ka tirsan ciidamada Xasilinta ee DFS ayaa Wiil dhalinyaro Mooto Bajaajle ah ku dilay degmada Hodan gaar ahaan Barkontorool oo ku yaala halka loo yaqaano sarta Seybiyaano kaa oo lagu magacaabi jiray Shuceyb. 3-July 2, 2018,Ciidamo ka tirsan Dowlada ayaa Isgooska Siinaay ee magaalada Muqdisho ku dilay Mooto bajaajle ay ka shakiyeen. 4-Jul y3, 2018, Koox ku hubeysnaa bastoolado ayaa Gudaha Suuqa Weyn ee Bakaaraha degmada Howl-Wadaag ee Gobolkaan Banaadir ku dilay wiil dhalinyaro ah, kaa oo suuqa ku iibinaayay kabo. 5- July 6, 2018, Rag ku hubeysnaa Bastoolado ayaa waxa qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolkan Banaadir ku dileen Oday dhaqameed ka mid ahaa Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Deerow Dhaqane Maxamed. 6- July 8, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Isgooska Debka ee magaalada Muqdisho ku dilay nin asal ahaan kasoo jeeday dalka Yemen oo halkaa ku lahaa Dukaan lagu iibin jiray alaabaha Hidaha iyo dhaqanka. 7- July 9, 2018, Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa askari kamid ah ciidamada Xasilnta ku toogtay xaafada Suuq Bacaad ee Degmada Yaaqshiid. 8- July 9, 2018, Askari ka tirsan ciidamada dowlada gaar ahaan kuwa Minishiibiyada ayaa lagu dilay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, waxaana dilkiisa ka danbeeyay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab. 9-July 10, 2018, Nin lagu magacaabo Cabdi Cali, ayaa Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Waaxda Xaawo Taako ku dilay wiil la dhashay oo kala dhexeeyay muran hantiyadeed. 10- July 9, 2018, Waxaa isgooska maanaboolyo lagu dilay wiil dhalinyaro ah oo dilkiisa uu ku saleysnaa muran kala dhexeeyay gacan ku dhiiglaha. 11- July 12, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan meel aan ka fogeyn xarunta Macalin Nuur ee degmadaas ku dilay Haweeney la sheegay inay ganacsato aheyd. 12- July 16, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, gaar ahaan Waaxda Jamhuuriyada aagga Masjidka Turkiga ku dileen askari ka tirsanaa Guutada 2-aad ee ciidanka xoogga dalka, kaasi oo lagu magacaabi jiray Salaad Maxamuud Cumar. 13- July 18, 2018, Ciidanka dowlada gaar ahaan kuwa Nabadsugida ayaa degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir gaar ahaan Waaxda Wajeer ku dilay qof shacab ah kaa oo waday gaari iska roge ah kadib markii uu dhexda u galay kolonyo ka tirsan ciidamada NISA. 14- July 18, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bustoolado ayaa agagaarka baar ha i dhaafin oo kala qeybisa Degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi ee Gobolka Banaadir ku dilay Askari ka tirsan Ciidanka dowladda oo ka howlgalaayay baarkoontarool oo ku taala baar ha idhaafin. 15-July 19, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa xaafada Shaaciye ee degmada Heliwaa gobolka Banaadir ku dilay sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka oo lagu magacaabi jiray Xasan Cartan Siyaad. 16- July 21, 2018, Maleeshiyaad hubaysab ayaa suuqa Khudaarta ee Bakaaraha, gaar ahaan dhanka xigta Degmada Hodan ku dilay wiil dhalinyaro ahaa oo dadka ay ku sheegeen inuu ahaa baalashle/caseeye. 17-Jul 22, 2018, Askari ka tirsan dowlada Somalia ayaa degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ku dilay Darawal gaadiid BL kadib markii uu diiday Seddex kun oo sh/Soomaali ah. 18-Jul 22, 2018, Maleeshiyo hubeysnaa ayaa Xaafada suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid ku dilay askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliya,iyaga oo dilka ka dib goobta ka baxsaday. 19-Jul 22, 2018, Macalin dhiga Dugsi Quraan ayaa xaafada Xamar Jadiid ee degmada Wartanabada ku dilay mid ka mid ah ardayda Dugsigiisa oo Gabar yar aheyd. 20-Jul 23, 2018, Askari ka tirsanaa ciidamada Dowlada ayaa Xaafada Macmacaanka ee degmada Dharkenley Gobolkan Banaadir ku dilay nin Mooto bajaajle ahaa oo uu muran dhexmaray taas oo keentay in askriga uu dhowr xabadood ku dhufto Darawalka mooto Bajaajka. 21-Jul 23, 2018, Maleeshiyaad ku hubeynaa bastoolado ayaa Degmada Dharkiinley ku dilay Askari ka tirsan ciidamada Dowlada gaar ahaan kuwa Militeriga. 22- July 24 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa toogasho ku dilay Sarkaal ka tirsanaa ciidamada NISA oo lagu magacaabi jiray Ismaaciil Ciriiri, Waxa uuna mar soo noqday Taliye ku-xigeenka NISA Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir. 23-July 26 2018, Maleeshiyaad ku hubeysna bastoolado ayaa Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda ku dilay xaafada Barmuudo xili uu ku guda jiray howl maalmeedkiisa. 24-July 26 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Waxda Shooriyada degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir ku dilay 72 sano jir kamid ahaa ergadii xildhibaanada ku soo dooratay magaalada Baydhabo. 25-July 26 2018, Askari ka tirsan Minishiibiyada dowlada ayaa lagu dilay Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan meel aan sidaa uga sii fogeyn xarunta Degmada. 26-July 26 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Isgooska Suuqa Bakaaraha ku toogtay askari ka tirsanaa ciidamada Nabadsugida waxa uuna dilkiisa dhacay xili uu halkaa ka raaci lahaa mooto bajaaj. 27-July 26 2018, Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa degmada Waaberi ee G/Banaadir gaar ahaan agagaarka Suuqa Beerta ku dilay Wariye ka tirsanaa TV-ga SBS oo lagu magacaabi jiray C/risaaq Qaasim Iimaan. 28-July 26 2018, Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliya ayaa agagaarka Suuqa Beerta ee degmada Waaberi waxa uu si bareer ah ugu toogtay wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay Mootada loo yaqaano Bajaajta. 29-Jul 29, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Suuqa Bakaaraha waxa ay ku dileen laba xidigle ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Laba Xidigle Maxamed Axmed Maalin ayaa ka tirsanaa Saldhiga degmada Hodan. 30-Jul 30, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Xaafada Kaawa Godey ee gobalka Banaadir ku dilay ruux la sheegay inuu kamid ahaa dadka deegaanka isla markaana shacab ahaa. 31- July 31, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo xilliga la dilaayay ku sugnaa goob Maqaaxi oo Shaaha laga cabo, waxaana lagu magacaabi jiray Cabdi Muuse. Dilalka dhacay bishii July 2018 ayaa noqonaaya dilal badankiisa loo geystay dad u shaqeeya dowlada Somalia, iyadoo aanu jirin wax hadal ama dareena ay ka muujisay dowlada Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Wasiirada iyo xildhibaanada kasoo jeedda Puntland ee Dawlada Federaalka intooda ku sugan magaalada Garowe ayaa shir albaaabadu u xiran yihiin laleh golaha wasiirada Puntland oo uu shir gudoominaayo madaxweyne Cabdiwali Gaas. Kulankan gaarka kuma sugna xubnaha Dawlada Federaalka ee aan kasoo jeedin Puntland oo uu kamid yahay raisul wasaare Xassan Cali Khayre. Shirkan oo ay saxaafadu dibad joog ka tahay ayaa hor dhac u ah shirar guud oo ay yeelanayaan illaa maanta xubnaha wasiirada iyo xildhibaanada isugu jira ee Dawlada Federaalka iyo xukuumadda Puntland kuwaas oo xooga lagu saaraayo xalinta mad-madowga soo dhex galay labadda dhinac. Isla Garowe waxaa maanta lagu wadaa inuu ka dhaco shirkii khamiislaha ahaa ee golaha wasiiradda Dawlada Federaalka ee Soomaaliya. Waa markii ugu horaysay taariikhda oo magaalada Garowe iyo guud ahaan degaanada Puntland lagu qabanaayo shirka golaha wasiiradda xukuumada Federaalka ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Wasiirada iyo xildhibaanada kasoo jeeda Puntland ee DFS oo shir gaara laleh xukuumada madaxweyne Gaas appeared first on Puntland Post.
  21. Buuhoodle (Caasimadda Online) Waxaa faafaahin dheeri ah laga helayaa qarixii xalay ka dhacay magaalada Buuhoodle oo ay saraakiisha sar saree e Khaatumo ka tirsanaa ku dhinteen. Sid la xaqiijiyey waxaa qaraxaas ku dhintay wasiirkii hore ee amnig Khaatumo Axmed Maxamuud Doolaal iyo Cabdifataax Axmed Cali (Cabdifataax Reegal). Sidee ayuu Qaraxo u dhacay? Qaraxa oo la sheegay in uu dhacay salaaddii Maqrib kaddib ayaa saraakiisha lala eegtay iyaga oo taagan afaafka hore ee Masjid Jaamac oo ku yaal bartamaha magaalada. Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen dad deegaanka ah qaraxu ma ahayn mid lagu fuliyey gaari laakiin waxaa is miidaamiyey naftii haligge watay sun. Nafitii haligaha ayaa ku dhawaaqay halkii ay taagnaayeen madaxda qaraxa kahor inta uusan is qarxin. Xalay waxaa durbadiiba la aasay kaddib markii jirkiisu googa’ay Axmed Maxamuud Doolaal balse saaka ayaa isna la aasay Cabdifataax Maxamed Cali (Cabdifataax Reegal). Ma jiraan dhaawacyo? Sida Caasimadda Online loo xaqiijiey marka laga yimaado labada mas’uul eek u dhintay qaraxa waxaa jira saddex dhaawac oo hadda lagu dabiibayo cisbitaalka magaalada Buuhoodle.
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-Booqashada M. Farmaajo ee Dalka Eritrea ayaa laga muujiyey guulo iyo rajo wayn oo usoo hoyatay labada shacab iyo labada dawladood, sidoo kale cabsi ayaa laga muujiyay isbedelada gobalka iyo dawrka madaxda Eritrea? HADABA QORMADAAN KOOBAN WAXAAN IS BARBAR-DHIGAYNAA RAJADA IYO CABSIDA: Somaaliya & Eritrea waxaa ka dhaxeeyay xiriir sokeeye mudo ka badan 1000 sano kaas oo ku salaysnaa; deegaanka Geeska Afrika, soo gelitaankii Diinta Islaamka Geeska Afirika, Dagaaladii dhex maray Muslimiinta Geeska Afrika iyo Kirishtaanka, Dawladihii Islaamka ee Geeska Afrika soo maray, Boqortooyadii Islaamka ee Turkey ee Geeska Afrika, Gumeystihii Talyaaniga ee wada qabsaday Somaaliya iyo Eritrea Ciidamadoodina is ku bedelay iyo Halgankii xornima doonka labada shacab iyo hiiladii ay isa siiyeen iyo abaalka ay isku leeyihiin. Eritrea waxa ay xor tahay 25 sano kaliya, halka Somaaliya ay xor tahay 58 sano lkn intii ay Eritrea xorta aheed Somaaliya waxa ay ku jirtay Dawlad la’aan, dagaal sokeeye iyo taag dari awoodeed, halka Eritrea na ay ku jirtay dagaal deriskeeda Ethiopia iyo Go’doomin beesha Caalamka gaar ahaan Afrika iyo IGAD. Kulankaan labada Madaxweyne waa kii ugu horeeyey ee dhexmara labada dawladood iyo labada Madaxwayne oo rasmi ah kadib xorriyadii labada dal, rajada laga filan karo ayaa ah; 1-In si wada jir ah looga qeyb-qaato is bedelada Siyaasadeed, Amni, Dhaqaale iyo Bulsho ee Gobalka ka socda. 2-In la heshiisiiyo Jabuuti iyo Eritrea, kaalin -na ay ka qaataan M.Farmaajo iyo RW Abiy Ahmed. 3-In Mandiqada lagu soo dabaalo Nabad iyo Xasilooni, loona horseedo horumar dhaqaale iyo mid bulsho. 4-In Eritrea lagu soo celiyo IGAD, Afrika iyo Beesha Caalamka, lagana saaro Go’doominta iyo faquuqa. 5-In la xiro xarumaha iyo Saldhigyada Jabhadaha iyo Mucaaradka Somaaliya, Ethiopia, Jabuuti iyo Sudan ee dalka Eritrea. 6-In la isla fahmo qaabka loola dhaqmayo Quwadaha waawayn ee ku loolamaya Geeska Afrika gaar ahaan America iyo China. 7-In la isla fahmo khilaafka ka dhexeeya Carabta iyo faragelinta ay ku hayaan Geeska Afrika iyo dhibaatada ka socota Yemen iyo saamaynta ay ku leedahay Geeska iyo sida ay ugu fashilmeen dawladaha Carabtu gaar ahaan Khaliijka. 8-In dawlad kasta ay aqoonsato Siyaadada iyo Jiritaanka dawlada kale isna wada ixtiraamaan dawladaha Geeska Afrika. ARIMAHA CABSIDA LAGA QABO WAXAA KA MID AH: 1-In Madaxda Eritrea ay is xigsiiyaan ama si gaar ah ugu dhawaadaan Ethiopia, Somaaliya iyo Jabuutina gaar u riixaan. 2-In Eritrea ay Isarael fursad u siiso in ay soo dhex gasho soona fara geliso arrimaha Geeska Afika, maadaama ay saldhig ku leedahay Eritrea. 3-In Jabhadihii ay Eritrea hoyga u aheed kusoo fidaan Somaaliya haddii xarumaha laga xiro culaysna ku noqdaan sidii dhacday 1988 markii M. Siyaad Barre iyo Mingisto heshiiyeen. 4-In Afawerk iyo Abiy Ahmed u weecdaan ama u bataan dhinaca Emaaraatka, Somaaliya iyo Jabuutina culeys ku saaraan in ay lumiyaan dhex-dhexaadnimadii khilaafka Khaliijka. 5-In M. Afawerk laga bedeli- waayo dhaqanka Jabhadnimada, lana qabsan-waayo Siyaasadaha fur-furnaanta iyo Dhaqaala abuurka Geeska Afrika ka socda. Hadaba waxaa soo dhaweyn iyo taxadar mudan xiriirka cusub ee u bilawday Somaaliya iyo Eritrea. W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal) Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Garoowe (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre oo ku sugan magaalada Garoowe ayaa booqasho aan sidaa loosii shaacin ku tagay Hooyga uu magaaladaasi ka degan yahay Senator C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole. Ra’isul wasaare Xasan Kheyre ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay hooyga Faroole waxa ayna labada mas’uul halkaa ku yeesheen kulan muddo qaatay. Ra’isul wasaare Kheyre iyo Sanator Faroole ayaa waxa ay kulankooda uga wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin adkeynta dowladnimada, arrimaha doorashooyinka ee maamul goboleedyada iyo dadejinta wada hadalka Somaliland. Sanator C/raxmaan Faroole oo la hadlay saxaafada kulanka kadib ayuu yiri “Ra’iisul wasaaraha ayaa gurigeyga igu soo booqday, waxaan ka wada hadalnay arrimo badan oo ay ugu horeyso dib u heshiisiinta dalka, waxaan isla soo qaadnay wada hadalka Somaliland sidii loo dadejin lahaa” “Waxaan rajeyneynaa in Ra’iisul wasaaraha uu ka dhabeyn doono dhammaan arrimahaasi ee aan sida gaarka ah uga wadahadalnay anagu waxaanu dooneynaa in dowladnimadu gaarto heer wanaagsan” Sidoo kale, Senator C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo mar soo ahaa Hoggaamiyaha maamulka Puntland ayaa carab ***** in rajadiisu ay tahay mid wanaagsan isla markaana uu Ra’isul wasaaraha dhaqan galin doono miraha kasoo baxay wadahadalkooda. Khayre ayaa booqasho todobaad qaadatay iminka ku jooga magaalada Garowe, halkaasi oo maanta oo la qorsheynayo inuu ka dhaco shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya. HOOS KA DAAWO SAWIRADA KULANKA
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Qatar ayaa si caro leh u beenisay warar sheegaya in muwaadiniinteeda ay ka hor joogsatay in ay u safraan dalka sacuudiga si ay uga qeyb qaataan acmaasha xajka ee sanadan 2018-ka. Qoraal kasoo baxay Qadar ayaa waxaa lagu sheegay in wararkaasi beenta ah ay baahisay dowlada Sacuudiga, hase yeeshee Qadar aysan ka suuroobin in dad cibaado doon ah ay is hortaag ku sameyso. Mas’uuliyiin ka tirsan wasaarada diinta iyo awqaafta Qadar ayaa sheegay in muwaadiniintooda ay ku guda jiraan safarkooda dalka Sacuudiga si ay usoo gutaan waajibaadkooda, waxa ayna beeniyeen in khilaafka kala dhexeeya Sacuudiga uu saameeyay cibaadada. Qoraalka Qadar ayaa waxaa lagu yiri “Khilaafka nagala dhexeeya Sacuudiga saameyn kuma yeelan doono arrimaha shacabka iyo cibaadada waana beenineynaa eeda sacuudiga” Wasaarada ayaa intaa ku dartay in xajka uu ka mid yahay shanta tiir ee islaamka ayna arimahan kala xiriireen dhigooda sacuudiga. Dowlada Qatar ayaa meesha ka saartay in siyaasada iyo acmaasha lagu waajib yeelay muslimiinta aysan isku xirneyn. “Qadar ma gaarin heer ay acmaasha la meeldhigto siyaasada, shacabkeenu kama hor joogsan xajka mana dhici doonto” Sidoo kale, dowlada Sacuudiga ayaa gudaha asbuucan shaacisay in dalkeeda uusan soo gaarin muwaadiniinta u dhashay Qatar ee gudanaya waajibaadka,sida uu sheegay Khalid bin Faisal Al Saud oo ka hadlay arimaha xajka. Si kastaba ha ahaatee, dowladaha Qadar iyo Sacuudiga oo khilaafkooda uu meel xun gaaray ayaa waxa uu xiriirkooda xumaaday bartamihii sanadkii la soo dhaafay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Waxaa magaalada Garowe ee caasimada Dawlada Puntland goor dhow ka furmi doona shir labba geesooda oo ay yeelan doonaan gollaha wasiirada Dawlada Federaalka ee Soomaaliya iyo golaha wasiirada Puntland. Shirkan oo ka qabsoomi doona hoolka shirarka ee wasaaradda maaliyada Puntland ayaan si dhaba loo ogayn waxa ay kawada hadli doonaan labadda dhinac, hase ahaate waxaa la filayaa inay ka doodi doonaan xiriirka iyo wada shaqaynta Dawlada dhexe ee Soomaaliya iyo Dawlada Puntland. Marka uu shirkaasi soo idlaaddo isla Garowe waxaa ka qabsoomi doona shirka khamiislaha ee gollaha wasiirada Dawlada Federaalka Soomaaliya oo shirkaas kaga hadli doona shaqooyinkoodii caadiga ahaa ee ay kaga doodi jireen shirarka khamiislaha ee ay todobaad walba yeeshaan. Shirarkan ayaa kusoo aadaaya kadib khilaaf meel sare gaaray oo soo kala dhex galay Dawlada Federaalka iyo Puntland kadib markii raisul wasaare Xassan Cali Khayre uu ka gaab-saaday inuu qayb ka noqdo dhagax dhiga dekadda degaanka Garacad, wuxuuna khilaafkaasi sababi gaaray inuu maanta baaqdo shirarkan qorshaysnaa. PUNTLAND POST The post Shirarka Golaha wasiirada Puntland iyo Dawlada Federaalka oo ka dhacaaya Garowe appeared first on Puntland Post.