-
Content Count
206,049 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha shacabka Soomaaliya Cabdi wali Shiikh Ibraahim Muudeey ayaa goor-dhaw sheegay in uu iscasilay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari. Warqad la sheegay in uu soo qoray Guddoomiye Jawaari ayaa laga hor aqriyay fadhi la sheegay in aysan joogin Xildhibaano badan oo maanta ka qabsoomay xarunta Golaha shacabka Soomaaliya waxaana warqadaasi ku qorneed in uu iscasilay Prof Jawaari. Ma jirto faah faahin intaas ka badan oo laga haayo, Xildhibaan ka tirsan garabka Guddoomiye Jawaari ayaa ii sheegay in warqad la aqriyay balse aysan xaqiijin karin xaqiiq ahaanshiyaha Warqadda. Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya oo aan la hadalnay ayaa wax ay xaqiijiyeen is cailaada gudoomiyaha baarlaamanka soomaaliya. Xildhibaano aan badneyn oo ku shiray Xarunta Golaha Shacabka ayaa waxaa warqad is casilaad ah ka hor akhriyey gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabduweli Ibarahim Muudeey. Sidoo kale Xoosh Jarbiil oo ah Wasiirka Dastuurka ayaa Boggiisa Facebook kusoo qoray inuu jawaari is casilay
-
Warar Hadda Na soo Gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in Goordhow uu is casilay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in kulamo waqti badan qaatay oo dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Jawaari kadib uu is casilay. Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Muudeey ayaa Baarlamaanka ka hor aqriyay Warqada is casilaada Ee Gudoomiye Jawaari. Gudoomiye Jawaari ayaa codsaday in maalinta Arbacada uu Baarlamaanka ka horjeediyo Qudbad. Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ka kala dareeray Fadhiga Baarlamaanka kadib is casilaada Jawaari. Faah Faahinta dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post DEG DEG: Gudoomiye Jawaari oo is casilay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Iyadoo saakay lagu waday inuu Magaalada Muqdisho ka dhaco kulan looga doodayo mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, ayaa warar hadda soo dhacay waxay sheegayaan in dib loo dhigay. Warka ayaa sheegaya in kulanka laga joojiyay dhanka Madaxtooyada DF oo ay tan iyo xalay ka socdeen kulammo la doonayay in lagu qaboojiyo xiisadda ka dhex-aloosan baarlamaanka iyo xukuumadda Soomaaliya. Madaxweynaha Somalia Maxamed Farmaajo iyo Guddoomiye Jawaari ayaa la sheegay in xalay ay kulammo kala duwan yeesheen, maadaama shir shalay ay yeesheen uu natiijo la’aan kusoo dhammaaday, waxaana kulankii xalay la sheegay in is-faham yar uu dhexmaray labada mas’uul. “Tan iyo xalay Muqdisho waxaa ka socday kulammo u dhexeeyay Farmaajo iyo Jawaari, kuwaasoo is-faham laga gaaray, waxaana lagu wadaa inuu kusoo biiro kulammada ra’iisul wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre,” ayuu yiir sarkaal ka tirsan madaxtooyada Somalia oo la hadlay war-fidiyeenka. Xildhibaannada wada Mooshinka ka dhanka ah Jawaari ayaa waxay sheegeen in maanta ay noqon doonto maalin ay ka doodaan mooshinka laga keenay Jawaari, balse taasi ma dhicin, waxaana xildhibannada saakay lagu war-geliyay in kulanka uu baaqday. Ammaanka xarunta baarlamaanka iyo waddooyinka soo gala ayaa sakaay si aad ah loo adkeeyay, waxaana xidhibaannada mooshinka wada ay sheegeen in sakaay ay doonayeen inay xilka ka qaadaan Jawaari. Dhanka kale, Muranka ka dhashay mooshinka laga keenay Jawaari ayaa meel sare gaaray, inkastoo guddoomiye Jawaari uu diiday inuu xilka iska casilo, kaddib markii lagu eedeeyay inuusan la shaqeyn karin Xasan Khayre oo ah ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Ugu dambeyn, Waa markii saddexaad oo Madaxtooyada Somalia ay joojiso qabsoomidda kulanka looga doodi lahaa mooshinka laga keenay guddoomiye Jawaari, balse lama saadaalin karo qodobbada kasoo bixi doona kulammadii tan iyo xalay socday, kuwaasoo maantana sii socon doona, waxaase arrinta sida weyn looga shakiga qabo ay tahay in mooshinka uu sababo gacan-ka-hadal ka dhaca Muqdisho. PUNTLAND POST The post Kulankii uu Baarlamaanku Maanta ka yeelan lahaa Mooshinka Gud. Jawaari oo la joojiyay appeared first on Puntland Post.
-
Boris caqligiisa intuu ahaa buu hadlay….Booqashada Abiy iyadana waa talo kalel! Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan. [Boris Johnson, casrigan la joogo wali wuxuu aqrinayaa go’aannadii ka soo baxay shirkii Berlin 1884-kii, ee guumeystayaashu Afrika ku qaybsadeen!] Booqashada Abiy Axmed , ra’iisal wazaaraha cusub ee Itoobiya uu ku tagay Is-Maamulka Soomaalida dalka Itoobiya , waa tilmaan fiican, sharaf gaarahna u ah ra’iisal wazaare Abiy Axmed, waana talaabo muhiim ah oo farriin u ah cid kasta oo dan ka lahayd colaad laga dhex huray labada shacab ee walaalaha ah ee Orommada iyo Soomaalida, waxayna qayb ahaan jawaab fiican u tahay baaqii farriinta gurracan ku salaysnaa ee Boris Johnson uu barta Twitter-ka u mariyay ra’iisal wazaaraha cusub ee dalka Itoobiya isagoo iska dhigay siyaasi rug caddaa ah oo diraya dhambaal hambalyo oo munaasabadiisu taagantahay. Socdaalka ra’iisal wazaare Abiy Axmed uu ku tegay magaallada Jigjiga ayaa dhanka kale lagu tilmaami karaa inay tahay tallaabo geesinmo oo uu uga jawaabayo sida farxadda ku jirtay ee ay shacabka kililka 5aad u soo dhoweeyeen markii lagu dhawaaqay ra’iisal wazaaraha, waxaana ra’iisal wazaaruhu si dhib yar uu u heshiisiin karaa labada qoomiyadood ee walaalaha ah haddii uu si madax bannaani iyo isku kalsooni ku jirto u dhexdhexaadiyo, waana arrinta ugu muhiimsan sida la wada qiyaasiyo sababah uu halkaas u booqday….Waxay kaloo booqashadan yididiilo ka duwan waxa uu ku hadlay waziirka arrimaha dibadda dalka Britain Boris Johnson gelinaysaa dowladda Soomaaliya iyo guud ahaan shacabkaba. Waa dhab, waa ay jiraan qaar annaga innaga mid ah oo rumaysan midowga boqortooyada Ingiriiska ah ay dadka ka il-baxsantahay, maxayna ku sababayniyaan?! ma aha inay dunida wax tartay, ee waa dunida oo dhan inay soo guumeysatay!!…ma ah inay dhibaatooyin dunida ka jiray xalisay,ee waa inay iyada dhibaatooyin cusub dunida ku soo kordhisay, meel kasta oo ay maanta dhibaato xudduudaha ah dunida ka jiraanna iyaga uga tegeen, meel kasta oo dhibaato siyaasadeed ka jirto siiba Afrika iyo Aasiya iyadaa ugu tagtay!….Il-baxnimmadu ma taas baa?!…Il-baxnimmadu ma guumeysashadii Afrika iyo Aasiyaa?! Ma adoonsigii iyo ka ganacsigii ilmihii yar-yaraa ee Afrikaanka ahaa ee waalidiintood laga xadaayay baa?!….ma dumintii dowladihii iyo il-baxnimadiihoree Afrikaa, ma xasuuqii wax-garadkii iyo hal-doorkii reer Afrikaa ?!……Dalalka wax soo guumeystay danbiyadii ay ka galeen Afrika iyo dhibaatadii ay ka geysteen bay ilmahooda u baraan inay tahay taariikh lagu faano oo ay tahay inay kaga daydaan Awoowayashoodii hore, waana midda keentay in maalin kasta aan aragno siyaasi ka soo jeedo dalalkii soo guumeystay ama jariimooyinka ka geystay guud ahaan Afrika ama Soomaaliya oo wada olole waji cusub leh oo uu doonayo in taariikhdii madoobayd uu sii wado!!…Marka Boris Johnson, Waziirka Arrimaha Dibadda ama aan iraahdo Waziirka Arrimaha Guumeysiga Cusub ee Afrika ee dalka Britain, ma ahayn wax lala yaabo in munaasabadii uu ugu hambalyeyniyay Abiy Axmed, ra’iisal wazaaraha cusub ee Itoobiya uu isticmaalo munaasabad uu ugu qeexayo KHariidadda guumeysiga cusub ee laga sugayo Itoobiya inay fuliso. Sida ka muuqata warka uu Boris Johnson soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxaad ka ogaanaysaa in caqliga Guumeysigu uusan wali gaarin heer ku filan oo bisayl ah oo uu kaga waantoobi karo damaacinimmada, iyo in Guumeystuhu uusan wali ka quusan inuu ku soo duulo qaaradda Afrika, waxaana xusid mudan dadka Soomaaliyeedna u baahanyahiin inay maanka ku hayaan in dalkoodu uu yahay meel cadow faro badan uuku soo duulay; mid raba dalkooda inuu qabsado, mid khayraadka dalka inuu boobo u socda, mid diintooda duulaan ku ah, iyo cadow kuwaas oo dhan daba taagan oo kaalmayniya rabana saami inuu ku yeesho wixii laga helo raqda taal!…. Boris Johnson, marka aad fiiriso sida uu u hadlayo waxaad arkaysaa inuu wali ku noolyahay taariikhdii dhulka Soomaaliyeed uu gumeystihii Ingiriiska ku wareejinayay Itoobiya, waxaana hadalkiisa haddii la dhuuxo loo qaadan karaa inuu u digayo Dr. Abiy Axmed ra’iisal wazaaraha cusub ee dalka Itoobiya oo malaha uu leeyahay annaga Ingiriiska ah iyo xukuumadihii hore ee Itoobiya qorshihii aan ka lahayn Soomaaliya wax ha ka bedelin!….Maxayse isku ogaan karaan isaga iyo xukuumadihii ka horeeyay Abiy Axmed oo uu Boris Johnson ka leexanayaa carabka oo aan la ogeyn?… Ma aha arrin fikir dheer in la geliya u baahan farriinta uu dirayo Boris, waxayna ka muuqata sida Midowga Immaaradaha Carabta iyo Itoobiya isula socdaan oo ay ugu shirkoobeen arrinka Somaliland iyo dekedda Berbera, waxay ka muuqaataa lacagaha iyo miizaaniyadda gaarka ah ee dowladda Britain sida gaarka ah ula garab taagantahay Somaliland….Xil-kasnimo yarida Boris Johnson iyo damaacinimmadiisa waalan waxay ka muuqanaysaa xataa wuxuu hilmaamay in ra’iisal wazaaraha cusub uu Dr. Abiy Axmed uu ku dhiiri geliyo sidii uu wax uga qaban lahaa hawlaha adag ee hor yaala oo ay ugu muhiimsanayd wax ka qabashada kacoonka qoomiyadda Oromada ee 3 sano soo socday, kaasoo ahaa sababta ugu weyneed ee EPRDF-ta ay xilligan u soo magacaabeen ra’iisal wazaare Abiy Axmed….Ra’iisal wazaaraha cusub ee Itoobiya hadalka aan macnaha lahayn ee Boris waxaa uga muhiimsan si aan shaki ku jirin inuu dib u fiiriyo colaadaha iyo dhibaatooyinka siyaasadeed ee Itoobiya ragaadiyay, siiba colaadda sida cusub ka dhex aloosantay labada qoomiyadood ee Soomaalida iyo Orammada oo haddii uu ku guuleysto inuu heshiisiiyo si cadaalad ahna u dhex-dhexaadiyo uu ka heli karo Gaashaan-Buur uu si midaysan uga soo saari karo xulufo awood siyaasadeed leh oo taageerta. DHinaca kalana, Abiy Axmed, ayaa dad-weynihii kacdoonka samayniyaya ay ka sugayaan inuu geesinimo leh ugu dhiirado inuusan dhicisoobin is-bedelka ka dhashay awoodda codka dad-weynaha isla markaasna isagoo maanka ku haya kala duwanaanshaha fikradaha siyaasadeed, iyo qoomiyadeed ee dalka Itoobiya ka jira uu ka shaqeeyo sidii Itoobiya ay u gaari lahayd nidaam siyaasadeed ee u cuntama dhammaan dadka reer Itoobiya…arrintaas oo uusan Boris waxba ka ogeyn isla markaasna uusan fahmi karin qotadeeda, balse iska dhaaf taasee, Boris wuxuu garan waayay dalkii uu ku noolaa ee uu siyaasiga u ahaa, ee uu arrimihiisa ku dhex jiray saamaynta ay ku yeelan karto ka baxitaanka Midowga Yurub, marka muxuu ka ogaan karaa Soomaaliya is-bedelkay u baahantahay?!…Soomaaliya waxay u baahantahay waa inaan qaranimadeeda meel looga dhicin isla markaasna fara-gelinta iyo boobka ay khayraadkeeda ku hayaan kuwa magac-u-yaalkoodu yahay Beesha Caalamka ka joojiyaan. [Abiy Axmed, xaalkiisu waa; Dudumo In La Dugsado Iyo In La Dareensadao Layskum Helo!] Abiy, maadaama uu yahay ra’iisal wazaarihii ugu horeeyay ee ka soo jeeda qoomiyadda Orommada ama dadka Muslimka ah, waxaa uu ogyahay inuu si adag ku soo baxay, waxaana shaki la’aan ah inuu ku soo baxay codkii shacabka Orommada ah ee raadinayay cadaaladda iyo xaqa ay u leeyihiin sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen tallada dalkooda oo illaa iyo intii ay Itoobiya dowladda ahayd laga ilaalinayay, waana middaas arrinta Abiy uga baahan inuu is bedel ku sameeyo oo shacabka Itoobiya oo dhan ay ka sugayaan, waxaana intaas oo dhan ka horeey oo ra’iisal wazaarha cusub laga sugayaa inuu si degdeg ah wax uga qabto khilaafaadka soo jiitamayay ee ugu dambayntii si loo qaboojiyo sababteeda isaga loo soo doortay, arrimaha ra’iisal wazaare Abiy Axmed looga fadhiyo ee loo soo doortay ma aha mid uu fahmi karo Boris Johnson, oo isagu caqligiisa iyo garashadiisa ay dhaafi la’yihiin hal hayskii ahaa “Boqortooyada aysan qoraxda ka dhicin!” waxaana is weydiin mudan sababta uu Boris Johnson u door biday inuu baraha bulshada hambalyada u sii mariyo ra’iisal wazaaraha, isagoo waliba ku lifaaqaya farriin ujeeddo guracan waqtigeediina la soo dhaafay. Waxaa la ogyahay in ra’iisal wazaaraha cusub si looga gudbo bannaan baxyadii iyo xiisihiimuddada 3 sano ah soo taaganaa loo soo doortay,hasa yeeshee ay ururka EPRDF-ta isku raaceen in arrimaha amniga iyo ciidammada aysan isaga hoos tegin, taasoo illaa intii uu is cazilay Xaylemaryama Desalegn bishii February bartamaheddii ilaa lagu dhawaaqay Abiy Axmed bishan April 2da laysku mari weysanaa, waana arrin ku tusaysa wali heerka la kala taaganyahay iyo kala shakiga jira inta uu la egyahay. DHIbaatada u weyn ee ra’iisal wazaare Abiy Axmed haysata ayaa waxay tahay in qoomiyadihii tallada dalka isaga dambeeyay aysan rumaysnayn inaan si buuxda xilkaas loogu aamini karayn, siiba qoomiyadda Amxaarada oo iyada taariikh ahaan iska dhaadhicisay inay qoomiyadaha kale dalka ka xigto rumaysanna inay Itoobiya iyaga sameeyeen walina ka caraysan oo ka ciil qaba gobanimada ay qaadatay Eritrea. SHaki kuma jiro in Abiy Axmed uu ka fekeri doono si feejignaan badan ay ku jirto talaabooyinka uu qaadayo, waxa ugu horeeya ee hor yaalana waa inuu ilaaliyo nabad gelyada dalkiisa iyo guud ahaan midda Geeska Afrika. Waxaa ku soo jeeda oo indhaha ku haya shacab weynaha qoomiyadda Oromada, oo ka sugaya inuu sameeyo ama uu dhidibbada u taago hannaan siyaasadeed oo ka jawaabaya tabashadooda! Abiy Axmed gacantiisa kuma jiraan labo arrimood labo arrimood oo dastuur ahaan ay lahaayeen ra’iisal wazaarayaashii isaga talada uga horeeyay, muddadii 6da toddobaad ahayd ee xulitaankiisu uu socdayna waxa ugu adkaa ee laysku mari waayay waxay ahayd inaan lagu wareejin ama aan isaga la hoos keenin arrimaha amniga iyo ciidanka dalka Itoobiya, waxaana wararku sheegayaan in xizbiyada Tigreega ( Tigrayan People’s Liberation Front [TPLF]) iyo midka Amxaarada( Amhara National Democratic Movement [ANDM]) oo ka mid ahaa is-bahaysiga xizbiga EPRDF-ta ee soo xulay ra’iisal wazaare Abiy Axmed ay iyagu hor joogsadeen in amniga iyo ciidammada ay hoos yimaadaan ra’iisal wazaaraha, taasi macnaheeda waxay noqonaysaa in ra’iisal wazaaraha ay ku adkaan doonto taabo gelinta is-bedellada ay ka filiyaan dad-weynaha inuu ku sameeyo nidaamka siyaasadeed ee dalka. Boris Jihnson, hadalladiisa waxay u marqaati kacayaan oo keliya tuhunka ay qabaan ee la xiriiraa cidda adeegsanaysa Midowga Immaarada Carrabta, iyo Kenya, waxayna cadeyn u yihiin guumeystayaashii aysan wali ka quusan damicii ay ka qabeen inay dib u gumeystaan Afrika mar kale, Norway iyadoo Kenyaan ah bay baddeenii iyo xuddudaheenii berriga cabiranaysaa, Midowga Immaaradaha Carrabta iyo Itoobiya dekeddihii….dadka Soomaaliyeed ma garan waayin shaxda jeexan sida ay tahay…..waxaana baaq ka duwan midka uu Boris Johnson u diray ra’iisal wazaaraha cusub ee Itoobiya ugu gudbinaynaa cod dheer oo ah codka dalalkii ka soo xoroobay guumeystayaashii Afrika soo guumeystay, ee wali ka dhiidhinaya dulmiga iyo in qaaraddu waayihii mugdiga ahaa ee adoonsiga iyo gumeysiga dib ugu laabato, isagoo dib-u-fiirin ku samayniya siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya maankana ku haya Qaranimmada iyo Ummadnimmada Soomaaliya lama taabtaan inay yihiin.
-
Maanta xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho waxaa ka dhacaya kulan Xildhibaanada Baarlamaanka ay isugu imaanayaan. Kulankaan oo ah mid ka duwan kulamadii hore ayaa xildhibaanada Baarlamaanka waxaa la horgeeynayaa Mooshinkii laga soo gudbiyay. Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Ibraahim Muudeey ayaa shalay iclaamiyay kulankaasi isaga oo xildhibaanada u diray fariimaha kulanka maanta oo Isniin ah. Wali waxaa taagan khilaafka Siyaasadeed ee ka dhexjira Baarlamaanka Dhexdiisa. Amaanka xarunta Golaha shacabka ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaa sidoo kale la xiray qeeybaha muhiimka ah ee Muqdisho. Lama sii saadaalin karo waxa ka soo bixi doono kulankaan Baarlamaanka ee Maanta. Faah Faahinta dib ugala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Maanta codka kalsoonida u qaadayo Gudoomiye Jawaari appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online)- Qoraal kasoo baxay wasaaradda amniga gudaha ayaa looga hadlay in ciidamada sirdoonka iyo nabadsugida qaranka ay garoonka diyaaraddaha Muqdisho ku qabteen lacag malaayiin dollar oo gaaraysa $9.6 Milyan. Wasaaradda amniga ayaa magac dhabin meesha ay ku socotay iyo cidda laheyd lacagtaasi kuna cabeysneyd 3 boorso oo aan calaamadeysnayn. Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ay jiraan dowladdo xiriir la leh Somalia oo taakuleeya, dowladda federaalka iyo laamaha kala duwan, balse taakuleynta dhaqaale ee dowladda loo soo maro habraac waafaqsan sharuucda dalka iyo kuwa caalamiga ee la xiriira isu-gudbinta lacagaha. Hadalkaasi ayaa wuxuu muujinayaa in dowladda Imaaraadka Carabta ay lacagtaani saxaafaradeeda ku socotay.
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay Lacag diyaaradi siday oo maanta lagu qabtay Garoonka diyaaraha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho. War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in maanta barqadii abaaro 11:40am ay Garoonka Aadan Cade soo caga dhigatay diyaarad nooceedu yahay Boeing 737 oo siday Boorsooyin laga soo buuxiyay lacago doolar ah. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Lacagta la qabtay dhantahay 9.6 milyan (Sagaal milyan iyo lix boqol oo kun oo doollarka Mareykanka ah), hay’adaha amniguna haatan ay ku hawlanyihiin baaritaan ku saabsan halka ay lacagtu ka timid, meesha ay u socotay, dadkii ku lug lahaa iyo dantii laga lahaa. Sidoo kale War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ay jiraan waddamo ay Dowlaadu xiriir la leedahay oo taakuleeya Dowladda Federaalka iyo laamaheeda kala duwan, balse taakuleynta dhaqaale loo soo marsiiyaa habraac waafaqsan shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah ee la xiriira isu-gudbinta lacagaha. Dhanka kale Warar soo baxaya ayaa sheegaya in lacagtaas qaar loo waday ciidanka Badda Puntland ee PMPF, halka qaarka kalena loo siday ciidanka Imaaraadku taba-baro ee ku sugan magaalada Muqdisho, balse ma jirto cid warkaas xaqiijinjisay. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo War ka soo saartay Lacagtii lagu qabtay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
KABUL, Afghanistan - Turkish Prime Minister Binali Yildirim on Sunday urged the Taliban in Afghanistan to enter peace talks with the Kabul government. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) _ Waxaa noo suurta gashay inaan helno waraaq uu Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Sarreeye gaas C/wali Jaamac Gorod uu Maareeyaha Dekadda uga codsanayo in la fasaxo diyaaradda Imaaraadka u siday lacagta. Safaaradda Imaaraadka ee Magaalada Muqdisho ayaa waraaq codsi ah u dirtay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye gaas C/wali Jaamac Gorod, waxayna ka codsatay inuu usoo fasaxo Diyaarad uga imaaneyso Magaalada Boosaaso oo u sido lacago mushaaraad ah iyo Raashin. Taliye Gorod ayaa waraaq fasax ah u qoray Maareeyaha Dekadda Muqdisho isagoo ka codsaday in Diyaaradda Lacagta iyo Raashinka wado loo fasaxo Safaaradda Imaaraadka Carabta. Maareeyaha oo xilligaas maqnaa ayaa waxaa joogay ku xigeenkiisa wuxuuna ku gacan seyray inuu aqbalo codsiga ka yimid Taliye Gorod, waxaana sidaas lagu hakiyey diyaaradda. Muran fara badan ayaa ka dhashay in diyaaradda la baaro iyo in kale, waxaana dood badan kadib nabadsugidda go’aan ku gaartay in diyaaradaan la baaro isla markaasna la ogaado waxa ku jiro. Lacagtan oo cadadkeeda lagu sheegay inay u dhexeysa sagaal illaa iyo 14malyan oo dollar ayaa la sheegay in ay ciidamada nabadsugida ka soo qaadeen garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayna ku xareeyeen Bangiga dhexe ee Soomaaliya. Ammaanka Bangiga Dhexe ayaa aad loo adkeeyay caawa iyadoo la xirey wadooyinka u dhow dhow Bangiga.
-
Mogadishu (HOL) - Somali Lawmakers will debate on the impeachment motion against Jawari on Monday, House leadership confirmed. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - An UAE Cargo plane loaded with over nine million U.S. dollars was on Sunday intercepted at Adan-Adde International Airport. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - An Emirati Cargo plane loaded with over nine million U.S. dollars was on Sunday intercepted at Adan-Adde International Airport. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - An Emirati Cargo plane loaded with over nine million U.S. dollars was on Sunday intercepted at Adan-Adde International Airport. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) –Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya lagu qabtay diyaarad Safaaradda Imaaraadka u waday lacag aad u badan. Lacagtaan oo gareyso ilaa 14 Malyan ayaa waxaa sida xogta ku helnay lagu shubay Bankiga dhexe ee Dowladda Soomaaliya. Haddaba baaritaan badan kadib oo ay Sameysay Caasimadda Online ayaa waxay ku ogaatay halka lacagtaan loo waday iyo qorshaha laga damacsanaa. Sida ay noo xaqiijiyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya lacagtaan ayaa waxaa la doonayey in caawa loo qeybiyo Xildhibaanada mooshinka kasoo gudbiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari. Qorshaha ayaa ahaa in Caawa Xildhibaanadaas lacagta loo qeybiyo si ay uga laabtaan mooshinka isla markaasna ay u coddeyn lahaayeen kulanka Berri inuu Jawaari sii ahaado Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya. Arrintaas ayay UAE ku dooneysaa in ay madaxa isu galiso laanta fulinta iyo tan sharci dejinta dowladda Soomaaliya oo maalmihii dambe khilaaf weyn ka dhaxeeyey/ UAE ayaa dooneysa in ay ka macaashto qalalaasaha siyaadda iyada oo dooneysa in ay dhaqaale kasta ku bixiso sidii Madaxweyne Farmaajo loo fashilin lahaa isla markaasna dowladda Soomaaliya looga dhigi lahaa mid tababar daran. Ujeedada ugu weyn oo ay Imaaraadka ka leedahay Qalaalaha siyaasadeed ayaa ah inay si sharci darro ah uga faa’ideysato Kheyraadka dalka Soomaaliya oo muddo badan aan laheyn dowlad awood leh. Hore ayay UAE usoo abaabushay maamul Goboleedyada si ay uga hor yimaadaan go’aankii dhexdhexaadnimada ahaa ee ay dowladda Federalaka ka qaatay xiisadda khaliijka, wuxuuna isku daygaan ugu dambeyn kusoo dhamaaday guul darro kadib markii ay owladda dhexe iyo Madaxda Maamul Goboleedada ku heshiiyeen in go’aanada arrimaha debadda looga dambeeyo dowladda Dhexe. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Malaayiin Dollar ku bixineyso sidii loo curyaamin lahaa dalka Soomaaliya oo muddo badan kusoo jiray dagaalo sokeeyo, waxayna loolan weyn kula jirta dalka Turkiga oo isaga doonayo in Soomaaliya ay cagaheeda isku taagto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida aad warkeena hore ku akhrisateen waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Maanta kasoo dagtay diyaarad lacag badan u siday Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho Diyaaradda siday shixnada lacageed ayaa waxaa la socday Ciidamo Imaaraadka Carabta ka tirsan oo gaarayay illaa 30 askari, waxaa wararka qaar sheegayaan in lacagta ay siday ay gaareysay illaa 14 milyan oo dollar. Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen saraakiil ku sugan garoonka Aden Cadde ee magaalada Muqdisho, saraakiil ka tirsan nabad-sugidda Soomaaliya ayaa la wareegtay lacag $14 Milyan ah. Lacagtan oo laga lahaa dalka Imaaraadka ayaa Abu Dhabi waxaa ay ku doodeysaa in ay tahay mushaar ay leeyihiin ciidamada ay ku tababarto maamul goboleedka Puntland iyo Banaadir. Sida aan warar ku helnay ciidamo Soomaali ah ayaa difaacay aragtida Imaaraadka, laakin NISA ayaa ka diiday, waxaana lacagta loo qaaday Bangiga dhexe si loo sameeyo baaritaan dheeraad ah. Diyaaradda siday lacagtaan ayaa markii hore ka dagtay Magaalada Boosaaso ee Maamulka Puntland waxaana soo baxayo warar sheegayo inay halkaas ku dajisay lacag kale. Safaaradda Imaaraadka ee Magaalada Muqdisho ayaa waraaq codsi ah u dirtay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye gaas C/wali Jaamac Gorod, waxayna ka codsatay inuu usoo fasaxo Diyaarad uga imaaneyso Magaalada Boosaaso oo u sido lacago mushaaraad ah iyo Raashin. Taliye Gorod ayaa waraaq fasax ah u qoray Maareeyaha Dekadda Muqdisho isagoo ka codsaday in Diyaaradda Lacagta iyo Raashinka wado loo fasaxo Safaaradda Imaaraadka Carabta. Maareeyaha oo xilligaas maqnaa ayaa waxaa joogay ku xigeenkiisa wuxuuna ku gacan seyray inuu aqbalo codsiga ka yimid Taliye Gorod, waxaana sidaas lagu hakiyey diyaaradda. Muran fara badan ayaa ka dhashay in diyaaradda la baaro iyo in kale, waxaana dood badan kadib nabadsugidda go’aan ku gaartay in diyaaradaan la baaro isla markaasna la ogaado waxa ku jiro. Waxaa si lama filaan ah loogu dhex arkay lacagtaan aadka u tiro badan, waxayna Safaaradda Imaaradka isku dayday in lacagtaas loo fasaxo balse ugu dambeyn waxaa lagu shubay Bankiga dhexe ee Soomaaliya. Ma jirto illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan lacagtan oo laga war hayay inay ka soo dageyso garoonka diyaaradaha Muqdisho. Waxaan wax yar kadib idinla wadaagi doonaa cidda lacagtaas loo waday iyo shaqada lagu qaban rabay Inshaa Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dozens gathered Saturday at an Etobicoke high school to discuss how to address gun violence in Toronto’s Somali community. The Somali Canadian Forum is calling on provincial and municipal governments, police and the community to help find a solution. Mohamed Kassim of the Canadian Somali Forum helped organize the event and is hoping for change. “For so many years we’ve had young people dying, being killed by gun violence, and this is a time that the community is saying, ‘Enough is enough. We can’t live like this anymore,'” he told CBC Toronto. Saturday’s meeting comes after a six-month study following the two separate fatal shootings in the Dixon and Islington area in October. Kassim adds families are fearful but also believe they have a responsibility to enact change. “Young mothers today are very worried whenever their young boys leave the house and they are saying we cannot live in fear anymore,” he said. Ford, Tory talk solutions Mayor John Tory was at Saturday’s meeting and says the city has already started taking action to help Toronto’s Somali community, including re-establishing a body to have the police liaison better with the community and hosting a job fair. “It’s so important for us to be here as leaders of the city from all levels of government to say to them, ‘we’re in your corner. We’re going to take measures that are necessary to help you make sure these kids have every chance to be everything they want to be,'” Tory said. The findings of the six-month study led by the community resulted in four recommendations, including forming a task-force focused on youth violence in the city and the province. PC Leader Doug Ford was the only major provincial party leader at Saturday’s meeting and said as premier he would ensure that there would be a police taskforce and TAVIS, the Toronto Anti-Violence Intervention Strategy, would be involved after being cut by the Liberal government. He also threw his support behind after-school programs, focusing on youth employment and hearing from parents. “We have to make sure that we sit down with the community, the mothers, the fathers and get their opinion, because nothing breaks my heart more than when young people get shot,” Ford said. “As premier, my door is always going to be open.” Source: – CBC
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Somalia ayaa waxaa looga hadlay isbedelka lagu sameeyay Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ee ku sugan Isgoysyada Muqdisho iyo kala xirnaansha Magaalada. Qoraalka Wasaarada ayaa waxaa lagu bogaadiyay Ciidamada ammaanka qeybahooda kala duwan oo ka hortagay in ay shacab waxyeelo ka soo gaarto laba qarax gaadiid oo maleeshiyada al-Shabaab Jimcihii ina dhaaftay ay la eegteen laba Kontorool oo ku kala yaalla wadada aada Garoonka Diyaaradaha iyo Isgoyska Banaadir. Wasaarada Amniga Xukuumadda Somalia ayaa intaa kadib Shacabka Muqdisho la wadaagtay ineysan jirin Ciidamo laga qaaday Isgoysyada magaalada Muqdisho, waxaana war-saxaafadeedka lagu sheegay in Wasaaradda Amniga Gudaha ay wado qorshe dib u habeyn oo Ciidamada ay ku sii xoojinayaan Amniga iyo ilaalinta bedqabka muwaadinka. Wasaaradda Amniga Gudaha waxay beenisay in magaalada Muqdisho ay kala xiran tahay, waxayna ku tilmaantay wararkaasi mid dacaayad been abuur ah. Beeninta Wasaarada ayaa imaaneysa xili Sabtidii shalay aheyd la qaaday Ciidanka Xasilinta ee ku sugnaa dhawr Kontorool oo ku yaalla Muqdisho, waxaana lagu soo bedelay Ciidamo Boolis ah oo ammaanka xaqiijinaya, baarayana gaadiidka kala duwan.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in caawa uu kulan xasaasi ah ka socdo Aqalka Guddoomiye Jawaari uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia. Wararku waxa ay sheegayaan in kulamada caawa ka socda Aqalka Jawaari uu salka ku hayo Mooshinka Guddoomiyaha ka yaala baarlamaanka Somalia. Kulanka Caawa ka socda aqalka Jawaari oo ay goobjoog ka yihiin Xildhibaano farabadan ayaa waxaa lagu falanqeynayaa go’aanka Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya C/weli Sheekh Ibraahim Muudey uu maalinta beri ah ku balamiyay Xildhibaanada. Xildhibaanada Caawa ku sugan Aqalka Guddoomiyaha ayaa u badan Xildhibaanada taabacsan Guddoomiye Jawaari, waxaana lasoo sheegayaa inay dhaliilsan yihiin go’aanka uu maanta Muudeey ku balamiyay Xildhibaanada si ay bari uga doodan Mooshinka. Guddoomiye Jawaari iyo Xildhibaanada caawa martida u ah ayaa si guud uga wada hadlaaya shirarka labadii maalin ee ugu danbeysay ay la qaadanayeen Madaxweynaha dalka Maxamed C/llahi Farmaajo oo isagu xal ku raadinaayay wadahadal. Dhinacyada ku sugan Aqalka ayaa waxaa lasoo sheegayaa inay kamid yihiin Xildhibaano hore oo Guddoomiyaha garab ku siinaaya sida uu uga badbaadi lahaa Mooshinka ka yaala baarlamaanka Somalia. Kulamo kan lamid ah ayaa waxa uu caawa ka socdaa Hoteelada magaalada Muqdisho, kuwaa oo u dhexeeya Xildhibaanada Mooshinka kawada Guddoomiyaha kuwaa oo iyaguna u tafaxeydanaaya ridista Gudoomiyaha. Sidoo kale, kulamada Caawa soo rogaal celiyay ayaa yimid kadib markii Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya C/weli Sheekh Ibraahim Muudey uu maanta Farriin u kala diray Xildhibaanada si maalinta berri ah ay ugu fariistan Mooshinka laga keenay Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Dhinaca kale, Guddoomiye Muudeey ayaa sheegay in xildhibaanada Bari Saddex Saac laga rabo xarunta Golaha Shacabka si ay uga doodaan Mooshinka Gudoomiye Jawaari ka dibna ay go’aan ka gaaraan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Kulan gaar ah ayaa wuxuu maanta Muqdisho ku dhex-maray wasiirka arrimaha dibadda Somalia, Axmed Ciise Cawad, wasiirka maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle, wasiirka ganacsiga Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] iyo Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Danjire Michael Keating. Kulanka ayaa looga hadlay dhowr qodob oo ay ku jirto siyaasadda, amniga iyo iskaashiga, waxaana si gaar ah diiradda loogu saaray xiisadaha dalka ka taagan iyo sidii loo xallin lahaa. Dhinacyada kulmay ayaa waxay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi xiriiriya, isla markaana ka shaqeeya xoojinta iyo horumarinta wax wadaagid qoto-dheer oo istiraatiijiyad leh oo u dhexeysa Qaramada Midoobey iyo Somalia oo dhinacyo badan leh. Sidoo kale, kulan kale oo gaar ah ayaa wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad wuxuu la yeeshay danjire Keating, isagoo kala hadlay taaba-gelinta iyo horumarinta istiraatiijiyadaha wadaagga ah ee u dhexeeya hay’adaha Dowladda Somalia iyo kuwa Qaramada Midoobey ee ka hawlgala dalka si loo xoojiyo iskaashi wax ku ool ah si uu qeyb uga noqdo dadaalka Somalia ay ugu jirto xaqiijinta horumarka iyadoo la tixraacayo hannaanka Qaranka iyo hiigsiga wadaagga ah. Ugu dambeyn, Kulankan oo qodobbadii kasoo baxay aan warbaahinta si dhab ah loogu faahfaahin, ayaa haddana wuxuu imaanayaa iyadoo xiisadda ka dhalatay Mooshinka Jawaari ay cirka isku sii shareertay, iyadoo berri oo Isniint ah loo ballansan yahay kulan xilka looga qaadayo Mudane Jawaari. PUNTLAND POST The post Danjire Keating oo maanta kulan gaar ah la qaatay Wasiiro ka tirsan Xukuumada Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Wadamada Caalamka ayaa intooda badan waxa ay Cambaareeyeen Weerarkii kiimikada ahaa ee lagu qaaday goob ay Mucaaradka dalkaasi Suuriya ay kaga suganaayeen Magaalada Duuma ee Dalkaasi Suuriya. Weerarkan ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay ilaa iyo 70 qof oo shacab ubadan . Beesha caalamka ayaa ku baaqday in Weerarkan baaritaan dheeraad ah lagu sameeyo. Hay,adaha Caalamiga ah ee u Ololeeya Xuquuqul insaanka ayaa sheegay in la isticmaalay sunta gaaska ah. Maraykanka ayaa Ruushka ku eedeeyay in uu falkan uu ka dambeeyay . Ma aha markii ugu horaysay oo weerar noocaan oo kale ah uu ka dhaco wadankaasi Suuriya , waxa ahayd bishii August ayay ahayd markii Weerar noocaan oo kale ah uu ka dhacay dalkaasi Suuriya.
-
Kulan miro dhal ah oo maanta ka dhacay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo uu shir guddoominayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Issa Awad, ayna ka qeybgaleen Wasiirka Maaliyadda H.E. Dr.. Abdirahman Dualeh Beileh, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha H.E. Mr. Mohamed Abdi Hayir Mareye, Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya H.E. Mr. Michael Keating. Kulankan ayaa looga doodday dhowr arrimood oo ay ku jirto siyaasadda, ammaanka iyo iskaashiga. Labada dhinac ayaa waxa ay ku heshiiyeen in la sameeyo guddiga xiriirka ee dalka martida loo yahay, xoojinta iyo horumarinta wax wadaagid qotodheer oo istiraatiijiyad leh oo u dhexeysa Qaramada Midoobey iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo dhinacyo badan leh. Kulan kale oo gaar ah, ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad waxa uu kala hadlay Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr. Michael Keating taabagelinta iyo horumarinta istiraatiijiyadaha wadaagga ah ee u dhexeeya hey’adaha Dowladda Soomaaliya iyo hey’adaha Qaramada Midoobey ee ka howlgala dalka si loo xoojiyo iskaashi wax ku ool ah si uu qeyb uga noqdo dadaalka Soomaaliya ay ugu jirto xaqiijinta horumarka iyadoo la tixraacayo istiraatiijiyadda Qaranka iyo hiigsiga wadaagga ah. Kulankan miradhalka ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi, Agaasimaha Xafiiska Wasiirka Mr. Abdullahi Dool Mohamed, Agaasimaha taageerada Ergada UNSOM ahna Agaasimaha UNSOS Mr. Amadu Kamara iyo Madaxa Shaqaallaha ee UNSOM Ms. Hedwig Maex. ___DHAMMAAD___ The post Wasiirada Arrimaha Dibadda,Maaliyada iyo Ganacsiga XFS oo kullan la qaatay Michael Keating appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho ka dhacay xil wareejinta Taliyaha cusub ururka 60-aad ee Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya Gashaanle Odowaa Yuusuf Raage iyo Abaadulaha ururka 60-aad Ilaalada Madaxtooyada Laba xidigle Dayax Abdi cabdulle. Taliyaha cusub ayaa xilka la wareegay ka dib markii dhawaan xilka laga qaaday Taliyihii ciidamada Madaxtooyadda ee lagu magacaabayay Afcaddeeye. Goobta xil wareejinta ayaa waxaa ku sugnaa Taliyayaal iyo Saraakiil ciidan oo ka tirsan Wasaarada Gaashandhiga Xukuumada Somalia. Hoggaanka cusub ee Ciidamada Madaxtooyadda ayaa ah dhalinyaro , waxaana uu xilka kala wareegay Hogaan da’ ah. Magacaabida Taliyaha cusub ayaa timid kadib markii Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, ay isla garteen in dhalinyaro loo dhiibo Hoggaanka ciidamada xoogga, si uu usoo degdego isbedel. Taliyihii hore ayaa xilkiisa waayay kadib markii uu si ula kaca ula saftay Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, xi lagu amray in ciidamada Villa Somalia aysan ku lugyeelan ololaha Jawaari.
-
Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal maanta waxaa gaaray wafti uu Hogaaminayay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Abshir Ow yuusuf Ciise iyo Mas,uuliyiin kale oo safarka ku wehelisay . Wasiir Abshir ayaa waxaa safarkiisa kuweheliyay Wasiirka Deegaanka Puntland Cali Cabdilaahi Warsame iyo uqaabilsanaha Wasaarada Waxbarashada ee dowladda Masar . Ujeedada ay Waftigan ay utagay Degmada Burtinle ayaa ahayd sidii ay ugu kuur gali lahayeen xaalada Waxbarashada ee Degmada iyo sidii loo hormarin lahaa. Maamulka Degmada Burtinle iyo Gudoonka Waxbarashada ee Degmada ayaa Goobta ku soo dhaweeyay Waftiga Wasiirka Waxbarashada uu hogaaminayay . Halkan ka dhagayso Wasiir Abshir . Wasiirka Waxbarashada Puntland
-
Ciidamada Amniga Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku qabtay diyaarad sidday boorsooyin lacag ah oo laga keenay dalka Imaaraadka Carabta. Mas’uuliyiinta garoonka ayaa laga soo xigtay in diyaaraddan lacagta sidday laga shakiyay,kadibna laga dalbaday in la baaro,balse ay diideen saraakiisha Safaaradda Imaaraadka Carabta ee magaalada Muqdisho. Lacagtaan oo lagu qiyaasay in ka badan $9 malyan Dollar ayaa la sheegay in qeyb kamid ah mushahar ahaan loogu waday ciidanka badda dowladda Puntland ee PMPF,halka qaarka kalena loo siday ciidanka Imaaraadku taba-baro ee ku sugan magaalada Xamar. Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa haatan wararku sheegayaan in ay la wareegtay boorsooyinkii lacagt ahaa,islamarkaana la fasaxay diyaaraddii sidday oo in mudda ah lagu hakiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Wixii ka soo kordha kala soco:Puntlandpost.net The post Faahfaahinta: diyaarad lacag sidday oo Muqdisho lagu qabtay. appeared first on Puntland Post.