Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,139
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal maanta magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo sidoo kale dabley hubeysan oo gaadiid isbaaro u dhiganayey. Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Hiiraan, Xuseen Cismaan Muumin ayaa u sheegay Goobjoog News, in dagaalkan uu dhacay kadib markii ciidamada ammaanka lagu soo wargeliyey koox hubeysan oo dhac u geysanayey gaadiid marayey xaafadda Howlwadaag ee B/weyne. Waxa uu guddoomiye ku xigeenka xaqiijiyey in raggan ay rasaas kala hor yimaadeen ciidamada ammaanka, waxaana halkaasi ku dhaawacantay Afar qof oo Saddex kamid ah ahaayeen raggii gaadiidka baaranayey. “Ciidamada xoogga dalka waxay aadeen burcad gaadiid ku haystay xaafadda Howlwadaag, waxay doonayeen in gaadiid badan ay baartaan, khasaare ayaa soo gaaray, qaarna gacanta ayaa lagu hayaa kuwo kalena waa la daba joogaa” ayuu yiri Muumin. Ugu dambey, guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in aysan gacmaha ka laaban doonin cid walbo oo carqalad ku haysa amniga gobolkaasi. Goobjoog News Source
  2. Wafdigii uu hogaaminayo madaxweynaha Dowlada Fedralka Soomaaliya Maxamed C.llaahi farmaajo ayaa gaaray Magaalada Qardho ee Puntland, waxaana soo dhaweeyay kumanaan shacab ah oo iskusoo baxay. Wadooyinka magaalada Qardho ayaa lagu xardhay Calanka Buluugga ah ee soomaaliya iyo calanka Puntland, sidoo kale Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka magaalada, waxaana sugaayay ciidamada Puntland. Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo la qaadan doonaWaxgaradka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Qardho ,isagoo kala hadli doona Arrimo badan oo ku saabsan horumarka Bulshada iyo socdaalkiisa. Boqor Burhan Boqor Muuse, ayaa wafdiga madaxweynaha ku casuumay xaflad qado sharaf ah. Madaxweyne Famaajo ayaa sidoo kale dhagax dhigay wadada Eyl iyo Dangorayo, wadadaas oo ahaandoonta waddo laami ah oo qeyb weyn ka qaadandoonta horumarka Puntland. DAAWO SAWIRRADA.
  3. Guud ahaan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa ka soconaya diyaar garow ballaaran oo ku aadan sidii magaaladaasi loogu soo dhoweyn lahaa madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo oo maalmaha soo aadan halkaasi ku wajahan. Shacabka Labada dhinac ee Gaalkacyo ayaa bilaabay iney ka shaqeeyaan nadaafadda guud ee magaaladaasi, waxaana sidoo kale la diyaarinayaa boorar lagu soo dhoweynayo madaxweynaha. Xirsi Yuusuf Barre oo ah duqa Gaalkacyo ee Galmudug ayaa ugu baaqay shacabka Gaalkacyo xoojiyaan ka shaqeynta bilic kusoo celinta magaaladaasi. Sidoo kale, Barre ayaa uga digey dadka hareeraha waddooyinka ku ganacsatada qashinka ay laamiga soo dhigaan, wuxuuna tilmaamay cid walbo oo nadaafad xumo ka shaqeyso in la xiri doono. Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa socod ku maraya deegaanno kamid ah Puntland, waxaana la filayaa in uu soo gaaro deegaanno kale oo ka tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud. Goobjoog News Source
  4. Waxaa xalay Muqdisho lagu qabtay xaflad lagu soo xirayey kalfadhiga 2aad ee golaha aqalka sare, marka laga soo tago ka soo qeyb-galka guddoonka golahaasi iyo Senatorrada waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Guddoomiyaha maxkamadda sare mudane Ibrahim Iidle Suleyma, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho Thabit Cabdi, Guddoomiyaha guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey), safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mr. Oglan Bekar, Xildhibaannada federaalaka, Xildhibaannada goleyaasha maamul goboleedyada iyo marti sharaf kale. Guudoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, Xildhibaanno iyo marti sharaf kale oo goobta ka hadley waxaa ay ku dheeraadeen ahmiyadda golaha iyo shaqada hor-taallo iyaga oo dhiirigeliyay in loo baahan yahay in ay labada gobole ka wada shaqeeyaan horumarinta hey’adaha dalka. Dhinaca kale, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare mudane Senator Abshir Maxamed Axmed ayaa xafladda waxaa uu ka hor akhriyay sooyaalka Aqalka sare ee muddadii sanadka ahaa ee uu shaqenayey. Halkan Ka Akhriso, Khudbaddii Guddoomiye Abshir Maxamed Oo Dhameystiran: Sida aan la socotaan nidaamka federaalka ah ee dalkeennu qaatay waxaa uu soo bilowday muddo laga joogo 13 sano, hase yeeshee waxaa uu si rasmi ah u bilowday dhaqan-galkiisa 6dii sano ee la soo dhaafay, markaas oo dhinaca nidaamka federaalka ah loo qaaday tillaabooyin aad muhiim ugu ah dowladnimada, midnimada, wadajirka dalkeenna iyo dadkeenna, Tillaabooyinkaas waxaa ka mid ah(1) ansixinta dastuurta federaalka ah ee Soomaaliya ee KMG ah (2) dhismaha dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah badankood marka laga reebo Puntland oo hadda 20 sano jirsatay ahna dowlad goboleedka ugu da’da weyn hey’adaha federaalka ah ee hadda jira. Dastuurka federaalka ah ee la ansixiyay 2012, waxaa uu wax weyn ka badalay heykalka baarlamaanka Soomaaliya oo markii hore ahaa hal gole laga soo bilaabo 1956-dii-2012, isaga oo u badalay baarlamaanka ka kooban 2 gole oo kal ah: Golaha aqalka sare oo ka tarjumaya midnimada iyo wadajirka dalka maadaama uu u xil-saaran yahay dalka ilaalinta nidaamka federaalka ah ee Soomaaliya oo ah nidaam dowladeed oo jamhuuriyadda ku dhisan tahay iyo golaha shacabka oo aha qalkii 2aad ee soo jireenka ah. Hase ahaatee, golaha aqalka sare ayey suuro-geli weysay wixii ka horeeyay 2012-kii maadaama dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah aaney badankooda dhisneen markaas, kuwaas oo ay tahay in uu ku matalo hey’adaha baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, waxaa uuna si rasmi ah u howl-galay 28kii December 2016 markaas oo xubnihiisa loo dhaariyay xubinnimada golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya Muddada sanadka waxaa uu golaha yeeshay 2 kalfadhi oo midkiiba uu soconayey 4 bilood, kulamada uu yeeshay waa 51 fadhi, kalfadhigii 1aad(28 fadhi), kalfadhigii 2aad oo hadda soo dhamaaday (23 fadhi). Kalfadhiga 1aad, golaha waxaa uu aad ugu mashquulay saldhigashadiisa iyo howlgalintiisa isaga oo xoogga saaray hirgelinta lagama maarmaanka u ah habsami-u-socodka howlihiisa, waxaa ka mid ahaa howlahaasi: doorashada guddoonka golaha, sameynta xeer-hoosaadka golaha ku shaqeynayo, sameynta astaanka aqalka sare loo aqoonsado oo caawa halkan ka muuqato, dhisidda guddi-hoosaadyada golaha ee hal-bowlaha u ah socod-siinta shaqooyinka golaha iyo qorista iyo qaadashada shaqaalaha iyo hawl-wadeennada kala socod-siinaya howlaha aqalka. Mudanayaal, dhammaan howlahaasi u qabsoomay kalfadhiga 1aad waxaa hirgeliyay guddiyo KMG ah oo habeen iyo maalinba u shaqeynayey in goluhu u howl-galo si degdeg ah taas oo lagu guuleystay in miro-dhalkeeda aad caawa marqaati u noqotaan. Markaan eegno kalfadhigii 2aad ee hadda soo idlaaday waxaa u qabsoomay howlo aad iyo aad u fara-badan, lagama maarmaanna u ah dowladnimada kor-joogteynta, xeer-dejinta iyo matalaadda, isaga oo hiigsanaya guddiyadiisa kuwaas oo mar walba horkeenayey fadhiga guud ee golaha si go’aan looga gaaro, howlahaasi waxaa ka mid ahaa: hindise sharciyeedyo dhowr ah kuwaas oo goluhu si taxadar leh uga baaraan-dagay iyada oo lagu sad- goynayey danaha guud ee qaranka isaga oo mid ka mid ah la meel-mariyay halka kuwa kalana u madlan yihiin kalfadhiga soo socda. Mudanayaal goluhu waxaa uu soo saaray qaraaro muhiim ah socod-siinta howlaha aqalka iyo xoojinta nidaamka federaalka ah kuwaas oo qeyb ka ah xilka aqalka, adkeyna iyo dar-dar gelinta xiriirka labada gole ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliyeed iyo goleyaasha xeer-dejinta dowlad goboleedyada si loo xoojiyo, loona joogteeyo arrimaha lama huraanka u ah nidaamka federaalka ah. Geedi Socodka dib u eegista dastuurka iyo sameynta xeerar heer qaran ah, kuwaas oo dhammaantood weyb ka noqonaya daadihinta aan ku han-weyn nahay. Mudanayaal ugu dambeyntii, golahan waxaa uu u dhisan yahay ilaalinta dowladnimadeenna ku dhisan nidaamka federaalka ah oo ah rajada keliya oo hadda muuqata taas oo dib loogu soo yagleeli karo dowladnimada buuxda oo ku dhisan dimoqoraadiyad iyo talinta sharciga, ujeedkeeduna yahay u adeegidda danaha muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo ka shaqeynta baraaradooda. Mudanayaal ugu dambeyntii, waxaa leeyahay mar kale waxaan idiin ku soo dhowynayaa golaha aqalka sare, waxaan idiin kaga tagayaa sanad cusub, Soomaaliya ha noolaato, Soomaaliya ha midowdo, Soomaaliya ha noolaato, Soomaaliya ha midowdo, aad iyo aad ayaan u mahadsan tihiin, habeen wanaagsan” Goobjoog News Source
  5. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa deegaanka Dangoronyo ka dhagax dhigay waddo 100 KM oo gaareysa illaa iyo degmada Ayl. Wadadan la dhagax dhigay ayaa la dhisi doonaa dhowaan, waxayna muhiim u tahay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha. Madaxweynaha oo saakay ka ambabaxay magaalada Garoowe ayaa gaaray magaalada Qardho ee gobolka Bari, waxaana intii uu u socday Qardho uu ku hakaday dhowr Tuullo oo shacabka uu kula hadlay. 8-dii bishan ayaa madaxweyne Farmaajo waxaa socod uga bilowday deegaannada Puntland, waxaana sidoo kale uu soo mari doonaa qaar kale oo kamid ah gobollada dalka. Source
  6. US Department of Defense has donated with luxurious bullet-proof vehicles to Somalia’s ministry of defense. Somalia’s minister for defense has thanked the US government for the support it provides in the fight against Al Shabab.
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka inaga soo gaaraya nawaaxiga Shaneemo Cabdi Waayeel ee Degmada Heliwaa, ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax miino oo lala eegtay Gaari uu lahaa Abshir Maxamed Maxamuud Abshir Kaaraan gudoomiye ku xigaynka dhanka amniga iyo siyaasada Degmada Hiliwaa Ee gobolka banaadir. Gaarigaan ayaa qaraxa lagula eegtay Inta udhaxaysa isgooska soos iyo shaneemo Cabdi Waayeel. Xiriir aynu la sameenay gudoomiya ku xigeenka gaarigiisa qarxay oo ka badbaaday ayaa dalsan uxaqiijiyay in uu bad qabo balse qaraxa gaarigiisa loogu xeray Ciidamada amaanka dagmadaas ayaa billaabay hoolgalo baaritano ah oo ay ka sameynayaan halka uu qaraxa ka dhcay Ciidamada dowladda oo goobta tagay ayaa waxa ay sameeyeen baaritaan waxa ayna soo qabteen tiro dhalinyaro oo ay ku tuhmayaan inay miinada qarxiyeen. Nawaaxiga Shaneemo Cabdi Waayeel ee Degmada Heliwaa, ayaa xilliyada qaar sidan oo kale waxaa uga dhaca qaraxyada miinada ah ee Shabaab ay sheegtaan masuuliyadooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Qarax kale oo Muqdisho ka dhacay iyo faahfaahin laga helay appeared first on Caasimada Online.
  8. Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo oo booqashadiisa Puntland kaddib safar ku tegi doona deegaannada maamulka Galmudug, isagoo tegi doona degmada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud oo muddo dheer ay ka talinayeen Culummada Ahlusunna. Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu tago Degmooyin ay ka mid yihiin; Gaalkacyo, Cadaado iyo kuwo kale, iyadoo la sheegayo inay ku jirto degmada Caabud-waaq. “Degmada Dhuuso-mareeb waxaa ka socda qorshe loogu diyaar-garoobayo soo dhaweynta Madaxweynaha Somalia oo kusoo wajahan booqahada uu ku joogo Puntland kaddib,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha Ahlusuna ee ku sugan degmada Dhuuso-mareeb. Wararka ayaa waxay sheegyaan in degmada Dhuuso-mareeb lagu saxiixayo heshiiskii ay dhawaan gaareen Maamulla Galmudug iyo Ahlusunna, si loogu soo afjaro murankii u dhexeeyay, si degmadaas ay u noqoto xarunta guud ee maamulka Galmudug. Dhanka kale, Madaxeynaha Somalia ayaa la sheegay in booqashada uu ku mari doono Galmudug uu ka billaabi doono Koonfurta Gaalkacyo, isagoo tegi doona markaas kaddib degmada Cadaado oo uu uga gudbi doono Dhuuso-mareeb. Ugu dambeyn, Wararka booqashadan ku saabsan ayaa sheegaya in markaas kaddib uu madaxweynuhu tegi doono Guri-ceel iyo Caabud-waaq, balse kama aysan hadlin arrintaan madaxtooyada iyo maamulka Galmudug. PUNTLAND POST
  9. Demonstrators chant slogans while flashing the Oromo protest gesture in Bishoftu town, Ethiopia, last year. Reuters/Tiksa Negeri The political protests that destabilised Ethiopia’s two largest regional states in 2016 have become a major test for Ethiopia’s ruling People’s Revolutionary Democratic Front. The protests were triggered by years of accumulated frustration among ethnic groups, particularly the Oromos and Amharas, who say they have been marginalised by the government. The coalition’s response has been to crush them with brute force. The coalition is made up of four parties: the Oromo Peoples’ Democratic Organization, Amhara National Democratic Movement, Southern Ethiopian People’s Democratic Movement, and the Tigrayan People’s Liberation Front. Strict party discipline during its 26-year rule has helped it survive. But things changed in 2016 when the Oromo People’s Democratic Front and Amhara National Democratic Movement publicly sided with protesters. This led to the Oromo People’s Democratic Organisation emerging as one of the ruling party’s most influential political forces. By reaching out to the Amhara National Democratic Movement, the Oromo People’s Democratic Organisation seems determined to displace the powerful Tigray Peoples’ Liberation Front from dominating the coalition’s decision making process. It is also hoping to force the ruling coalition to make reforms. As a result of this political pressure, sharp divisions have begun to emerge within the coalition. This was made clear recently when four coalition luminaries led by Prime Minister Hailemariam Desalegn held a press conference to announce that political prisoners would be released. The announcement raised hopes that Ethiopia was taking a more democratic route. But the regime quickly retracted the statement, claiming that Desalegn had been misunderstood. A strong opposition is Ethiopia’s only hope for democracy. A coalition between the Oromo People’s Democratic Organisation and the Amhara National Democratic Movement might be just what the country needs. Given the courage their leadership has shown, they could ultimately upend the dominance of the Tigray Peoples’ Liberation Front. It is likely to be an uphill battle because the front’s security apparatus still has a stranglehold over the country. And many opposition leaders are still in jail. The coalition’s chequered history After the fall of Mengistu Haile Mariam’s military regime in 1991, political groups based on ethnic and nationalist affiliations emerged as the most influential political organisations in Ethiopia. Led by the Tigray Peoples’ Liberation Front these groups altered the country’s highly centralised political system. They introduced a federal government based on ethnic and linguistic divisions. The Tigray Peoples’ Liberation Front, led by Prime Minister Meles Zenawi, soon established itself at the helm of political power and formed the Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front by partnering with three other political parties. The coalition is still dominated by the Tigray Peoples’ Liberation Front. It represents the Tigrayans, who make up about 6% of the country’s population and are the most dominant elite in the ruling coalition. The coalition got off to a promising start by declaring that it wanted to introduce democracy for the first time. And it expressed support for a multi-party system to accommodate Ethopia’s diverse ethnic groups. On top of this a new constitution was written. But the good times were short lived. Even before a four-year transition period was over, the coalition passed new laws aimed at controlling the press. The regime then attacked the country’s flourishing civil society. It also passed new anti-terrorism laws designed to stifle political opposition. ## The coalition’s survival tactics Over nearly three decades in power, three critical events have illustrated how the coalition has survived. The first was the war with Eritrea between 1998 to 2002. The mismanagement of the war was a substantial test for the regime and it caused a rift within Zenawi’s Tigray Peoples’ Liberation Front. But his administration successfully navigated the division thanks, in part, to strong leadership within the alliance. Ultimately, dissenting leaders were expelled and arrested. The second set of developments were around elections in the post-2005 period. This was one of the most trying times for the regime because the elections gave opposition groups a much greater voice. But the coalition survived thanks to the role played by its electoral board. The board sided with it when allegations of fraud were tabled and when most of the newly elected opposition members of parliament were imprisoned. The board also defended the coalition’s management of post election violence that claimed the lives of hundreds of unarmed citizens. The third and most recent political survival tactic employed by the coalition emerged after Zenawi’s death in 2012. This raised questions about his successor’s ability to maintain the coalition’s hold. Desalegn asserted his authority, ensuring that the ruling coalition remained at the helm. What now? The rift within the ruling coalition – and the partnership between Oromos and Amharas – has raised hopes that democratic reforms could emerge in Ethiopia. But two things need to happen first. The regime needs to recognise that, as a first step to easing tensions in the country it needs to make good on its promise to introduce reforms. This would include broadening the political space, releasing political prisoners and closing notorious prisons. The second development must be that emerging reformists within the ruling coalition recognise that there’s support for their efforts to reform the coalition. They need to continue to seize this opportunity. The third development will have to be that the divided opposition starts working together. And, lastly, both the ruling coalition and the highly fractured opposition need to understand that they must start working towards some political compromises. This could include agreeing on a framework to start a national dialogue, and putting the case for a national reconciliation process on the table.
  10. ABU DHABI, 9th January, 2018– H.H. Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, has received Dr. Workneh Gebeyehu, Ethiopia’s Minister for Foreign Affairs, currently visiting the country. The two sides discussed ways of enhancing relations between the UAE and Ethiopia across multiple domains, in light of the growing cooperation between the two nations in areas of trade and investments and in line with their leadership’s keenness to propel cooperation to the higher good of their peoples. The meeting, held at the ministry’s premises here, occasioned a review of an array of international and regional issues of common interest and ways of fostering cooperation in areas of peace and development. The meeting was attended by Mohamed Sharaf Al Hashmi, Assistant Minister of Foreign Affairs and International Cooperation for Economic and Trade Affairs. WAM
  11. Somali Community in Zambia has donated 35 trucks to the government which will be used for garbage collection. Community Chairperson Mohamud Mohamed says of the 35 trucks donated 10 have been allocated to Ndola while 25 have been allocated to Lusaka. Mr. Mohamed says the Somali community is concerned with the increase in cholera cases hence the donation of trucks to supplement government efforts in fighting the disease. And Some of the donated trucks are already being used collecting garbage in Lusaka’s Garden and Chaisa compounds where residents have conducted a cleanup exercise. Ngwerere Ward 19 Councilor Adrian Banda has expressed happiness over the full participation of the residents in the ward. Mr. Banda has also hailed the Somali community for the donated trucks. And Chaisa ward 20 councilor Ruth Phiri says the cleanup exercise is not once off as it will continue in the area. This is the first time the Somali community in zambia is making such a huge donation to the Zambian government, this is because the newly elected Somali community in zambia chairperson Mr Mohamud Mahamud Grew up in zambia and understands a lot about the Zambian culture which has prompted him to help the Zambian government in the fight against cholera. Lusaka Times
  12. Wasiirka wasaaradda cadaaladda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji iyo taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed Xuseen Xasan Cismaan ayaa maanta waxay si wadajir ah xarigga uga jareen xarunta ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee Ex-control Afgooye, taasi oo dib loo howlgeliyey. Xaruntaan oo burbursaneyd tan iyo dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay ayaa lagu guuleystay in dib loo dhiso, waxaana si toos ah ugu shaqeyn doono ciidanka Asluubta. Wasiir Xasan Xuseen ayaa sheegay in guul muhiim ah ay tahay dib u howlgelinta xaruntaan, isaga oo taliska ciidanka asluubta Soomaaliyeed ku amaanay sida ay uga shaqeeyeen dib u howlgelinta xaruntaan. Dhana kale, taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Xuseen Xasan ayaa isna dhankiisa sheegay in xaruntaan ay noqon doonto midda ugu weyn ee ay ku shaqeeyaan ciidamada Asluubta Soomaaliyeed. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dedaaleysa dib u howlglinta xarumaha muhiimka ah ee ciidamada iyo sidoo kale wasaaradaha. Goobjoog News Source
  13. Ottawa police were investigating a homicide Tuesday night after a young man was gunned down by a housing complex on Paul Anka Drive. Source: Hiiraan Online
  14. Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ka walaacsan collaadaha ka soo aloosmay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, ayaa ku baaqaysa in dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Tukaraq ay si deg deg ah oo shuruud la’aan ah u joojiyaan dagaalka. Qorshaha Dawladda Federaalka ayaa ah in si deg-deg ah ay u joojiso dagaallada iyo colaadaha, waxeyna baaq u diraysaa Somaliland iyo Puntland, mas’uuliyiinta deegaankaas, odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan joojinta dagaallada iyo colaadaha oo ay dawladda kala shaqeeyaan nabadeynta iyo isku soo dhaweynta dadka walaalaha ah. Guud ahaan dalka intiisa badani waxuu ka soo kabanayaa colaadihii iyo amni-daradii ragaadisay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan degaanadan ay hadda mashaqadu ka dhacday waxey muddooyinkii dambe ahaayeen deegaanno nabad oo xasillooni ka jirto. Dawladda Federaalka ayaa wadda dadaallo lagu xoojinayo dib-u-heshiisiin waarta oo dhammaan deegaannada la dhex dhigo, waana nasiib darro in xilligan ay dagaallo aan loo baahneyn dhacaan, tanoo fursad siineysaa dhammaan inta diidan nabadda iyo horumarka. Dawladda Federaalka waxey ugu baaqeysaa dhammaan qeybaha ay khuseyso inaan wadajirkeenna iyo isku xirnaanteenna adkeeyno oo aan khilaafkeenna ku xallinnaa si nabad, wadahadal iyo dib-u-heshiisiin. DHAMAAD Source
  15. Warar ay Puntlandi maanta ka helayso degmada Tukaraq ee gobolka Sool, ayaa sheegaya in maamulka Hargeysa uu ciidamo hor leh kusoo daabulayo degmada Tukaraq ee gobolka Sool. Warsidaha Puntlandi oo la hadlay goobjooge, ayaa u sheegay in labadii habeen ee u dambeysay maamulka Hargeysa uu ciidamo kusoo daabulayay Tukaraq, iyagoo farriisimo ka sameystay meel 10km ka jirta dhinaca magaalada Garowe, halkaas oo sidoo kale aysan ka fogayn ciidanka Puntland. Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay jawaab xoogan ka bixindoonto duulaanka lagusoo qaaday Tukaraq sida uu xalay warbaahinta ka sheegay madaxweyne Gaas. Wixii faahfaahin oo dambe kala socda Puntlandi.
  16. Bosaso[Puntland Post]-War-saxafadeed ay si wada jir ah u soo saareen sayaasiyiiinta ku midayasan Madasha Toosinta Puntland oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray xafiiska Puntland Post ee Bosaso ayaa waxa ay uga hadleen xaalada siyaasadeed ee Puntland iyagoona sida oo kale soo dhaweyey imanshaha Madaxweynaha soomaliya ee deegaanada Puntland. Madasha Toosinta Puntaland waa madalsiyaasadeed oo isbedeldoona, islamarkaana xanbaarsana ragti Siyaasadeed oo Qaangara ah kuna dhisan mabda&fikir dib u curasha Dowladnimo, taaso ay sal u tahey a ragtiwadaag,wadalahaansho, midnimo&wadanjaceyl. Madashu waa mid kamarandeegameysi&ninjecleysi, Madashatoosinta Puntland waxey fursadsiineysa jiilka cusub ay qeyb uga noqdaan Madasha toosinta Puntland oo sadexdii cisho ee ugudanbeysey shir uga socdey magaalo madaxda gobalka bari ee Boosaso, kaaso diirada lagu saarayey xaalada siyaasadeed ee Puntland, waxey madashu shirkaas ka soosaartey warurtiyeedkan. AKhriso Qodobada Warmurtiyedka Madasha Toosinta Puntland MadashaToosinta Puntland waxey sidiiran u soodhaweyney Safarka taarikhiga ah ee uu kuyimi MaxweynahaJamuuriyada Federaalka Soomalia Mudane Mohamed Abdulahi Farmaajo ee deeganada Puntland, Mudane madaxweyne kusoodhawoow dhulka uduga. MadashaToosinta Puntland waxey baaq Nabadeed u direysa Guud Beelahawadadaga ee xurguftu kadhaxeyso waxeyna leedahey ‘’Walaalayaalaynu kudedaalno nabada kudhisan cadaalada, iyadoo loo marayo xalinta khilaafadka jidka wadahadalada ee nabada, nabadbaanaas la nuugoleh. Madasha Toosinta Puntland waxey shacabka Puntland ku dhiirigalineysaa ineyilaashadaan amniga&kaladanbeynta, islamarkaana meel uga soowada jeedsadaan cidsta oo wax yeeleneysa wadajirkooda&wadanoolashahooda MadashaToosinta Puntland waxey saluug santahey qaabkIi loogaley heshiiskii dekada looguna wareejiyey DP World, kaas oo dhaawacaya ganacsiga xorta ah ee Puntland, mana aha mid waafaqsan heshiisyada caalamiga ah. MadashaToosintaPuntlandwaxeydhaliilsantaheyqaabsiyaasadeedkakuxumadahaadanjirtaeeuuhogaamiyoMudaneMadaxweyneAbdiwaliGaas, Taasolehdhaliiloaad u badan. MadashaToosinta Puntland waxey masiboqaran u aragta kaluumeysiga sharcidarada ah ee lagu hayo xeebaha Puntland, taaso ay sharciyeysey xukumada haatanjirta. MadashaToosinta Puntland waxey fursad siineysaa dhalinyarada Puntland oo ay u aragto iney yihiin mulkiiyaasha dalka, waxeyna ku dhiirigalineysa iney qeyb ka noqdaan hogaanka dalka. Madasha Toosinta Puntland waxa ay Maamulka Soomaliland ugu Baaqaday in ay joojiyaan Colaada ay ka abuurayaan Gobalka. Madasha Toosinta Puntland waa mid u furan shacabka reer Puntland, weyna Soo dhaweyneysa cidkasta oo daneyneysa kamid ahaanshaheeda. The post Madasha Toosinta Puntland oo soo dhaweeyey Imanshaha Madaxweynaha Soomaliya ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  17. Aadan Yabaal (Caasimadda Online) – Shir Ballaaran oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin katirsan Xarakada Shabaab iyo waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka beesha Abgaal ayaa lagusoo gaba gabeeyay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh/dhexe. Kulanka oo ay soo agaasintay Al Shabaab ayaa diiradda lagu saarayay kaalinta Beesha Abgaal Cusmaan ay ku leedahay dagaalka ay wadaan Ururka Al-Shabaab oo ay ku tilmaameen inuu yahay Jihaad. Mas’uuliyiin Katirsan Shabaab oo gaba gabada kulanka warbaahinta lahadlay ayaa tilmaamay inay Shabaab bogaadiyaan go’aanka ay ku tilmaameen inuu yahay gobanimo oo ay beesha Abgaal qaadatay, Sheekh Xuseen Cali Fiidoow oo katirsan Mas’uuliyiinta Uruka AL-Shabaab ayaa sheegay in Beesha Abgaal ay kula ballameen sii xoojinta kaalinta ay uga jirto waxa ay ugu yeereen Jihaadka dalka ka socda. Sheekh Xasan Yacquub oo ah Guddoomiyaha Galguduud oo munaasabadda khudbad ka jeediyay ayaa beesha Abgaal ku bogaadiyay go’aanka ay qaadatay, sidoo kale mas’uuliyiin ay kamid yihiin Guddoomiyaha Shabaab ee Hiiraan Sheekh Guuleed Abuu Nabhaan iyo Sheekkh Cali Katiin oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa khudbad ka jeediyey goobta. Sheekh Yuusuf Ciise Kaba Kutukade oo ah Guddoomiyaha Shabaab ee Sh/dhexe ayaa ka taariikheeyay Beesha Abgaal iyo kaalintii ay ku laheyd dagaalladii gumeystaha lagula galay dalka Soomaaliya illaa iyo dhulka Soomaaligalbeed ee Itoobiya gumeysato. Imaamka Beesha Abgaal Imaam Maxamuud Xaaji Xaamud oo kamid ah waxgaradkii beesha ee kulanka ka qeyb galay ayaa hadal uu ka jeediyay madasha wuxuu ku sheegay in Abgaal ay Shabaab la galeen Ballan adag oo ah ka qeyb galay dagaalka isagoo ugu baaqay dhalinyarada beesha in ay sare uqaadaan tababarrada iyo barashada cilmiga sharciga ah. Abwaan Cabdulle Geeda Naar oo kamid ahaa dadkii caanka ahaa ee shirka ka qeyb galay ayaa goobta ka jeediyay Gabay ka hadlayay waaqica dalka Soomaaliya ka taagan wuxuuna ballan qaaday in Abgaal kasoo dhalaali doono ballantii uu ku galay Shabaab The post Sawiro: Muxuu ku saabsanaa kulankii dhexmaray odayaal kasoo jeedo Abgaal iyo ururka Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  18. Makka Al-Mukarama (Caasimadda Online) – Sheekh Cali Al Xakiimi,waxaa uu ahaa qofka ugu da’da weyn dalka Sucuudiga,waxaana uu todobaadkan ku geeriyooday da’da 147 Sano. Sheekh Cali ayaa u geeriyooday dhiig maskaxda kafa furmay,waxaana uu taariikh dheer ku leeyahay gudaha Dalka Sucuudiga. Al xakiimi waxaa ay dhaqaatiirta iyo xubno qoyskiisa ka mid ah sheegeen in uu aad u jeclaa socodka lugta ah,halka ay dadka gaadiidka ka raacaanna isaga uu lugeyn jiray,waxaan aay taas ku sheegeen in ay tahay sababta uu caafimaadkiisa u hagaagsanaa mudada dheer. Waxaa uu degganaa Magaalada la yiraahdo Abxaa oo Magaalada Makah u jirta 600KM waligiina gaari uma raacin Makkah iyo Magaalooyinka la midka ah,waxaana uu beddelkeeda u lugeyn jiray magaalooyinkaas. Yaxya Al-Xakiimi oo qoyska Sheekh Cali ka mid ah ayaa u sheegay Al Carabiya in Sheekh Cali uu jeclaa cuntada Beeraha ka soo go’da sida Khudaarta cagaaran,Khamadiga,Galleyda,Digirta iyo Malabka. Waxaa uu ka fogaan jiray cuntooyinka warshadeysan,waxaana uu sidoo kale cuni jiray Hilibka Xoolaha markaas la qalay. Marka uu xajinayo waxaa uu Xajka ku tagi jiray Lugta,isaga oo 600km aan gaari u raaci jirin halkaas oo ay ku taallo Magaalada Makah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Sawir: Qofka ugu da’da weynaa Sucuudiga oo ku geeriyooday da’da 147 jir!. appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – War-saxaafadeed ay soo saartay Dowladda Soomaaliya ayaa walaac loogu muujiyay dagaalada dib uga soo cusboonaaday meelo ka mid ah gobalka Sool ee Soomaaliya, war-saxaafadeedka ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa u qornaa-: Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ka walaacsan collaadaha ka soo aloosmay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, ayaa ku baaqaysa in dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Tukaraq ay si deg deg ah oo shuruud la’aan ah u joojiyaan dagaalka. Qorshaha Dawladda Federaalka ayaa ah in si deg-deg ah ay u joojiso dagaallada iyo colaadaha, waxeyna baaq u diraysaa Somaliland iyo Puntland, mas’uuliyiinta deegaankaas, odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan joojinta dagaallada iyo colaadaha oo ay dawladda kala shaqeeyaan nabadeynta iyo isku soo dhaweynta dadka walaalaha ah. Guud ahaan dalka intiisa badani waxuu ka soo kabanayaa colaadihii iyo amni-daradii ragaadisay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan degaanadan ay hadda mashaqadu ka dhacday waxey muddooyinkii dambe ahaayeen deegaanno nabad oo xasillooni ka jirto. Dawladda Federaalka ayaa wadda dadaallo lagu xoojinayo dib-u-heshiisiin waarta oo dhammaan deegaannada la dhex dhigo, waana nasiib darro in xilligan ay dagaallo aan loo baahneyn dhacaan, tanoo fursad siineysaa dhammaan inta diidan nabadda iyo horumarka. Dawladda Federaalka waxey ugu baaqeysaa dhammaan qeybaha ay khuseyso inaan wadajirkeenna iyo isku xirnaanteenna adkeeyno oo aan khilaafkeenna ku xallinnaa si nabad, wadahadal iyo dib-u-heshiisiin. DHAMAAD Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dawladda Federaalka oo war cad kasoo saartay dagaalka Puntland iyo Somaliland appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay socdaalka la filayo inuu degaanada maamulkaasi ku tago madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo iminka socdaal ku maraya Puntland. Magaalooyinka Galmudug ee uu booqan doono ayaa waxaa ka mida: Gaalkacyo, Cadaado iyo Dhuusamareeb, waxaana warar kale oo aan la xaqiijin sheegayaan inuu sidoo kale tegi doono degmada Caabudwaaq iyo Guriceel, inkastoo maamulka Galmudug aanay xaqiijin. Diyaargarowga booqashada Madxweyne Farmaajo ee degaanada Galmudug ayaa laga dareemayaa magaalad Dhuusareeb, halkaasoo lagu wado in si rasmi ah loogu soo afjaro heshiiska maamullad Ahlu suna iyo Galmudug iyo midowga labada dhinac. Safarka madaxweynaha ee Galmudug ayaa ka bilaalan doona magaalada Gaalkacyo oo uu haatan ku sugan yahay taliyaha ciidamada xoogga dalka iyo ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Magaalooyinka Galmudug ee uu booqan doono Madaxweyne Farmaajo oo la ogaaday appeared first on Caasimada Online.
  21. Wafdi uu hogaaminayo madaxweyne Farmaajo uuna kamid yahay madaxweyne Gaas ayaa saakay u safray magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, halkaas oo si weyn loogu diyaar garoobayo soo dhowayntooda. Socdaalkaan oo lug ah ayaa ah midkii ugu horeeyay oo uu madaxweyne Farmaajo ku tagidoono magaalada Qardho, waxaana la filayaa inuu halkaas ku sugnaado maalin iyo habeen, kadibna isagoo usii gudbidoona magaalada Bosaso. Ammaanka magaalada Qardho ayaa lasii xoojiyay, iyadoo halkaas ay xalay gaareen wafuud horudhac usii ahayd madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha dowladda Puntland. Safarka xiga madaxdu waxay ku tagidoonaan magaalada Gaalkacyo, iyo gobolada dhexe. Puntlandi.com
  22. Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Boqosho rasmi ah ku joogo Puntland ayaa ku Wajahan magaalada Qardho ee xarunta dhaqanka Puntland. Madaxweyne Farmaajo waxaa socdaalkaasi ku wehlinaya Madaxda Puntland uu ugu horeeyo Madaxweyne Gaas iyo xubno kale oo ka tirsan Golayaasha dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya. Magaalada Qardho ayaa waxaa ka jirta diyaargaroow balaaran oo lagu soo dhoweeynayo wafdiga Madaxweyne Farmaajo. Boorar lagu xardhay sawirka madaxweyne Farmaajo ayaa lagu arkayaa gudaha Magaalada Qardho. Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmi doono Waxgaradka iyo qeeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Qardho. Markii uu dhamaado Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Qardho Madaxweynaha ayaa tagi doono Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo Qardho ku Wajahan iyo soo dhoweeyn balaaran oo ka socota appeared first on Puntland Post.
  23. Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ka walaacsan collaadaha ka soo aloosmay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, ayaa ku baaqaysa in dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Tukaraq ay si deg deg ah oo shuruud la’aan ah u joojiyaan dagaalka. Qorshaha Dawladda Federaalka ayaa ah in si deg-deg ah ay u joojiso dagaallada iyo colaadaha, waxeyna baaq u diraysaa Somaliland iyo Puntland, mas’uuliyiinta deegaankaas, odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan joojinta dagaallada iyo colaadaha oo ay dawladda kala shaqeeyaan nabadeynta iyo isku soo dhaweynta dadka walaalaha ah. Guud ahaan dalka intiisa badani waxuu ka soo kabanayaa colaadihii iyo amni-daradii ragaadisay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan degaanadan ay hadda mashaqadu ka dhacday waxey muddooyinkii dambe ahaayeen deegaanno nabad oo xasillooni ka jirto. Dawladda Federaalka ayaa wadda dadaallo lagu xoojinayo dib-u-heshiisiin waarta oo dhammaan deegaannada la dhex dhigo, waana nasiib darro in xilligan ay dagaallo aan loo baahneyn dhacaan, tanoo fursad siineysaa dhammaan inta diidan nabadda iyo horumarka. Dawladda Federaalka waxey ugu baaqeysaa dhammaan qeybaha ay khuseyso inaan wadajirkeenna iyo isku xirnaanteenna adkeeyno oo aan khilaafkeenna ku xallinnaa si nabad, wadahadal iyo dib-u-heshiisiin. DHAMAAD PUNTLAND POST The post Dowlada Soomaaliya oo War ka soo Saartay Xiisadaha Tuka-Raq appeared first on Puntland Post.
  24. Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa Waxaa ka dhacay Qarax lagu xiray gaari. Qaraxaan ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Hodan Gaar ahaan Xaafada Taleex ee Muqdisho. Gaariga Qarxay oo ahaa nooca raaxada ayaa waxaa saarnaa labo ruux oo dhalinyaro ahaa. Waxaana labadaasi wiil gaaray dhaawac halis ah iyagoo loo qaaday isbitaalada Muqdisho. ilaa iyo hadda ma cada faah faahin rasmi ahna kama soo bixin ragaasi qaraxa la la eegtay halka ay u shaqeeynayaan. Faah Faahinta dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Qarax Gaari lagu Xiray oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  25. Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Qarax gaari uu ka dhacay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Taleex. Qaraxa ayaa la sheegay in lagu soo xiray Gaari nooca raaxada ah oo ay la socdeen laba ruux, oo mid kamid ah uu wade ahaa, halka ruuxa kale uu wehlinaayay ruuxa wadaha ka ahaa Gaariga. Qaraxa oo jugtiisa inta badan laga wada maqlay ayaa waxaa ku dhaawacmay labada ruux ee wada saarnaa Gaariga waxaana la xaqiijiyay in dhaawac culus uu soo gaaray Wadaha Gaariga oo la sheegay in dhankiisa lagu xiray Qaraxa. Wadaha Gaariga ee uu dhaawaca culus soo gaaray ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Catoosh, kaa oo watay Gaari nooca yaryar ee raaxada ah oo ku burburay Qaraxa. Goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo farabadan oo ka kala tirsan Hay’adaha Booliska iyo Nabadsugida, kuwaa oo baaraya Qaraxa iyo halka loogu soo xiray Gaariga. Si kastaba ha ahaatee, waxaa magaalada Muqdisho kusii kordhaaya Qaraxyada lagu xiro gaadiidka raaxada iyo miinooyinka lagu aaso hareeraha Waddooyinka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.