-
Content Count
213,600 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Beijing (PP) ─ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay furitaanka wada-hadallada heerka sare ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) oo ay martigelinayso magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha. Shirkan oo ay ka soo qayb galeen wufuud ka socota 53 dal oo Afrika ah, Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ayaa waxaa wada guddoomiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga ee Shiinaha Mudane Xi Jinping iyo Madaxweynaha Koonfur Afrika Mudane Ramaphosa, iyadoona lagu lafo-gurayo dardar-gelinta xiriirka dhaqaale iyo iskaashiga dan-wadaagga ku dhisan ee ka dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Afrika. Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in ka qayb-galka Soomaaliya ee Madashan uu xoojinayo dadaallada Dowladda Federaalka ee ku aaddan dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha, kobcinta ganacsiga iyo maalgashiga dalka. “Soomaaliya waxa ay xoogga saareysaa sidii ay ugu qancin lahay maalgashadeyaasha caalamiga ah in ay maalgashadaan ilaha dhaqaalaha iyo wax-soosaarka dalka.” Hoggaamiyeyaasha iyo wakiillada ganacsatada ee qaybta ka ah Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ayaa ka baaraan dagaya qorsheyaal lagu kobcinayo maalgashiga, fududeynta isdhaafsiga badeecadaha, xoojinta nabadda iyo xasilloonida dalalka Qaaradda Afrika. Madaxweynaha Shiinaha Mudane Xi Jinping ayaa sheegay in Shiinaha ay saddexda sano ee soo socoto ku bixinayaan maalgashiga Afrika lacag gaareysa 60 bilyan oo Doollar. Ugu dambeyn, Madasha iskaashiga dalka Shiinaha iyo Qaaradda Afrika ayaa lasoo gabagabeyn doonaa maalibta berri ah. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo goob-joog ka ahaa Furitaanka Shirweynaha Shiinaha iyo Afrika appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay furitaanka wada-hadallada heerka sare ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) oo ay martigelinayso magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha. Shirkan oo ay ka soo qayb galeen wufuud ka socota 53 dal oo Afrika ah, Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ayaa waxaa wada guddoomiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga ee Shiinaha Mudane Xi Jinping iyo Madaxweynaha Koonfur Afrika Mudane Ramaphosa, iyadoona lagu lafo-gurayo dardar-gelinta xiriirka dhaqaale iyo iskaashiga dan-wadaagga ku dhisan ee ka dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Afrika. Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in ka qayb-galka Soomaaliya ee Madashan uu xoojinayo dadaallada Dowladda Federaalka ee ku aaddan dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha, kobcinta ganacsiga iyo maalgashiga dalka. “Soomaaliya waxa ay xoogga saareysaa sidii ay ugu qancin lahay maalgashadeyaasha caalamiga ah in ay maalgashadaan ilaha dhaqaalaha iyo wax-soosaarka dalka.” Hoggaamiyeyaasha iyo wakiillada ganacsatada ee qaybta ka ah Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ayaa ka baaraan dagaya qorsheyaal lagu kobcinayo maalgashiga, fududeynta isdhaafsiga badeecadaha, xoojinta nabadda iyo xasilloonida dalalka Qaaradda Afrika. Madaxweynaha Shiinaha Mudane Xi Jinping ayaa sheegay in Shiinaha ay saddexda sano ee soo socoto ku bixinayaan maalgashiga Afrika lacag gaareysa 60 bilyan oo Doollar. Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ayaa lasoo gabagabeyn doonaa maalibta berri ah.
-
NAIROBI (Caasimada Online) – United Nations has called International Community to help 4.6 million people affected by conflict, drought as well as devastating floods and cyclone in Somalia. The Humanitarian Coordinator (HC) for Somalia, Peter de Clercq, said some 4.6 million people, including 2.5 million children, still require humanitarian assistance. De Clercq says up to 1.5 million of those are in crisis or emergency. “Internally displaced persons (IDPs) are the most vulnerable and in dire need of immediate and long-term assistance”, he said. The latest food security and nutrition assessment results by FAO’s Food Security and Nutrition Analysis Unit (FSNAU) warned that although the overall food security has improved, a significant portion of the population remains food insecure. UN says 4.6 million people affected by conflict, drought as well as devastating floods and cyclone in Somalia| Abdirisak Mohamud Tuuryare| Caasimada Online| The United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs, Justin Brady says high malnutrition rates prevail across the country, especially among the highly vulnerable IDP population. “The nutrition status of children under age 5 remains largely unchanged. An estimated 295,000 children are acutely malnourished, among them 55,000 severely malnourished and in need of urgent life-saving treatment”, he said. The situation is predicted to worsen between August and October due to the limited availability of public health and nutrition services. Somalia has had the wettest season in recent years| Abdirisak Mohamud Tuuryare| Caasimada Online Somalia has had the wettest season in recent years. The harvest of cereals will be the best since 2010. Most pastoralists have seen an improvement in pasture, water availability and increasing herd sizes. However, some communities, particularly in the north-east, will take longer to recover due to cattle loses and devastation caused by floods. Caasimada Online Nairobi, Kenya News Desk Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Laba maalin ka hor qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay lala eegtay xarunta degmada Howl-Wadaag ee magaalada Muqdisho, sirdoonka saaxiibada caalamka ee Soomaaliya ayaa sirdoonka Soomaaliya ku war-geliyey in Al-Shabaab ay qosheynayaan weerar ay ka fuliyaan magaalada, sida ay ogaatay Caasimada Online. Digniintan ayaa sirdoonka Soomaaliya loogu sheegay in weerarka lala damacsan yahay meel ku dhow waddada Maka Al-Mukarama. Xarunta degmada Howl-Wadaag, sidaas ugama foga Maka Al-Mukarama Xogta la siiyey sirdoonka Soomaaliya, waxaa sidoo kale loogu sheegay magacyada mintidiinta Al-Shabaab ee weerarka qorsheynayey iyo xitaa taargada baabuurta ay suurta-galka tahay in weerarka lagu fuliyo, sida aan xogta ku helnay. Si kastaba, weli ma cadda in baabuurkii qaraxa lagu fuliyey shalay uu ka mid ahaa kuwa xogtooda la siiyey sirdoonka Soomaaliya, sababta oo ah sirdoonak Soomaaliya weli kama hadlayaan arrintan. Ayada oo ay jirto, inay sirdoonka Soomaaliya haysteen xogtan, ayaa haddana Al-Shabaab ay u suurta gashay inay weerarkooda fuliyaan, mana ahan markii ugu horreysay ee Al-Shabaab ay weeraro lasii ogyahay gaysato. Arrintan ayaa caddeyn u ah in Al-Shabaab xubno sare iyo tagaeero xooggan ay ku dhex leedahay hay’adaha amniga Soomaaliya, waxaana adkaan doonto in laga adkaado inta la dhex sifaynayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) – Egypt has offered to mediate a rift between Somalia and the United Arab Emirates (UAE) after Somali President Mohamed Abdullahi and his Egyptian counterpart Abdelfatah Al-sisi held talks China’s capital Beijing. The two leaders also discussed strengthening bilateral partnerships in trade and investment ahead of Forum on Chine-Africa Cooperation. Somali President Mohamed says Egypt is a valuable partner for his country. For his part, Al-Sisi to mediate a rift between Somalia and the United Arab Emirates (UAE) over a Berber Port deal in Somaliland. He asked Somali President Mohamed to welcome the mediation, according to a source, who asked to be anonymous, because he was unauthorized to speak on media. He says President Farmajo accepted the mediation offered by his Egyptian counterpart. Saudi Arabia will be among the mediation talks to solve the tension between Somalia and the United Arab Emirates. The escalation came after months of building friction in Somalia as the Gulf crisis pitting Arab powers against each other spills over into the fragile state, whose position of neutrality has not gone down well at home or with its allies. Somalia escalated earlier this year, the rift by creating a law to ban UAE port operator DP World as 168 of country’s lawmakers voted for the law. Tensions between Somalia and the United Arab Emirates ratcheted up as Mogadishu ditched a military deal with its ally and seized millions of dollars in cash from an Emirati plane. The UAE has also suspended its running military camp in Mogadishu where it trains Somali soldiers, who are also paid by Emirati officials. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka aan ka heleyno Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax gaari oo laga maqlay hareerahaasi. Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa miinada dhejiska ayaa waxaa gaarigiisa loogu xiray ruux dhalinyaro ah, wuxuuna gaariga qarxay markii uu marayay aagga Ex-contorl Afgooye ee magaalada Muqdisho, sida ay inoo sheegeen goobjoogayaal. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya waxa uu yahay ruuxa watay gaariga oo dhaawac uu soo gaaray, wararka qaar waxa ay sheegayaan inuu ahaa qof Mukhalas ah, halka warar kalena ay sheegayaan inuu ahaa askari ka tirsan ciidanka dowladda. Hay’adaha ammaanka ayaa waxay sheegeyn qofka dhaawaca ah inay geeyeen mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla Muqdisho, dibna ka soo sheegi doonaan waxa uu yahay. Sawirro laga soo qaaday gaariga qarxay oo nuuciisa uu yahay SPACIO ayaa waxa ay muujinayeen burbur xoogan oo soo gaaray gaariga. Dad ka agdhaw goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa ku soo cararay,balse waxaa la sheegay in Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya ay rasaas ku kala eryeen,isla markaana dhaawaca askariga loo qaaday mid ka mid ah Xarumaha Caafimaad eek u yaalla Muqdisho. Shalay oo ugu dambeysay magaalada Muqdisho waxaa qarax lagu weeraray xarunta degmada Hawlwadaag, halkaasi waxaa ku naf weysay Shan qof, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 12 kale oo uu ku jiro Gudoomiye ku-xigeenka dhanka ammaanka iyo siyaasadda degmada Hawlwadag. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) – Somali security forces have arrested an Al-Shabaab operative in Mogadishu, a day after suicide attack killed six people, including two children. Somalia’s Intelligence Agency said its soldiers detained an operative, who was allegedly planning to carry out suicide explosion in the capital. The Agency said it had foiled an orchestrated attack to maim civilians. Howlgal ciidanka nabadgalyadu ka fuliyay Muqdisho 2da Sabtembar 2018, ayaa lagu qabtay xubin AS ah oo maleegayay qaraxyo. Subaxii hore ee maalinkaa ayay AS ku gumaadeen shacab qarax ay la beegsadeen degmada Howl-wadaag.Nagu garab istaag ka hortaga AS si dadkeenu u gaaro nabad. — NISA (@HSNQ_NISA) September 3, 2018 There was no comment from Al Shabaab over the claims. On Sunday, six people were killed and 14 others injured in suicide bomb attack on local government office in the Somali capital Mogadishu. The attack was claimed by Al Shabaab. The group has been waging insurgency in Somalia for more than 10 years. However, Al-Shabaab, which once controlled much of Somali capital Mogadishu in 2011, wants topple the weak-western backed government of Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Waxaa maanta magaalada Beijing ee dalka Shiinaha ka furmaya shirweynaha Madasha Shiinah iyo Africa ee loosoo gaabiyo FOCAC. 53-da ee ka qeybgalaya waxaa ka mid ah Soomaaliya oo ay u tahay markii labaad oo ay shirkani ka qeybgalayso muddadii 18-ka sano ahaa ee uu soo jiray. Cadka Soomaaliya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 3 maalmood ka hor shirka tagay dalka Shiinaha, halkaas oo ay uga biloowday socdaal shaqo oo ka madax banaan madasha FOCAC. Sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya, labada dowladood ayaa kala saxiixday ” labo isfaham oo ku saabsan Hindisaha Dhismaha Kaabeyaasha Dhaqaalaha (Belt and Road Initiative) iyo Iskaashiga Dhaqaalaha ee labada dal oo ay kala saxiixeen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye”. Heshiiska Kaabayaasha dhaqaalaha waxa uu shuruud u yahay, ka faa’iideysashada mashaariicda FOCAC ee Shiinaha uu ku bixiyo Afrika oo sanadkii gaaraya $60 bilyan oo doolar, kuwaas oo wixii hadda ka horeeyay aysan Soomaaliya hal shilin xitaa ka helin duruufaha uu dalka ku sugnaa awgood iyo sababo kale. Sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay ee Ganacsiga iyo Horimarka ee UNCTAD, ganacsiga ka dhaxeeya Shiinah iyo Africa waxa uu sannadkii 2000 ahaa $10 bilyan, balsee 17 sano kadib waxa uu gaaray wax ka badan 20 laab tiradaas oo ah $200 bilyan oo doolar. Shiinaha waxa uu sanadihii dhawaa dalalka gobolka Geeska Afrika ka fuliyay mashaariic waaweyn oo horumarineed, waxaana ka mid ah qadka tareenka ee isku xira magaalooyinka Mombasa iyo Nairobi, iyo kan isku xira Jabuuti iyo Addis Ababa. Sida ay BBC-da u sheegeen saraakiil sarsare oo dowladda Soomaaliya ka tirsan, shirkana ka qeybgalaya, Shiinaha waxa uu u arkaa in sida kaliya ee faa’iido badan looga heli karo mashaariicdiisa ay tahay in dhaqaale ahaan iyo ganacsi ahaan la’isku xiro dalalka Bariga Afrika, si taas loo sameeyana la dhiso kaabayaal dhaqaale oo dalalkan isku xiraya. Dalka ugu weyn ee la filan karo in ganacsi uu dhex maro waa Itoobiya oo dad ahaan gaaraya 100 milyan oo qof, kuwaas oo aanan haysanin wax deked ah, mana ahan arrin shil ah in madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Dr Abiy Axmed ay ku kulmaan shirka Beijing. Kulanka labada mas’uul ayaa imanaysa xilli dhawaan magaalada Addis Ababa lagu daahfurey guddi labada dal ka socda oo qaabilsan fulinta heshiisyadii kal hore lagu kala saxiixday magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in heshiisyadaas ay ka mid yihiin maalgashiga illaa 4 dekadood oo waaweyn. Waa xilli hore in hadda lasii sheego inta ay la’egtahay lacagta ay Soomaaliya ka heleyso mashaariicdan horumarineed, sababtoo ah waxaa ka horeeya arrimo badan oo farsamo, balse waxaa cad in si guud la’iskula qaatay in iskaashi weyn la sameeyo. Qaanta Afrika Afrika Waxaa jira walwal ah in Shiinaha uu qaameynayo Afrika iyada oo aanan la haynin wax qorshe cad ah oo deymaha la’isaga bixinayo. Sida uu sheegay sanduuqa lacagta adduunka ee IMF , boqolkiiba 40% dalalka Afrika waa kuwa aad ugu itaal daran in ay iska bixiyaan deymaha. Waxaana jirta in deymo badan oo horey Afrika loo siiyay ay iska bixin weysay. Balse ninka lagu magacaabo Akinwumi Adesina oo ah dhaqaaleyahan ka tirsan Bangiga Horumarinta Afrika (ADB), maalgashiga Shiinaha waa mid aad loogu baahanyahay, yahayna saaxiibka ugu wanaagsan ee ay Afrika leedahay. Inta uusan shirka furmin ka hor, wasiirka arrimaha dibeda Shiinaha Wang Yi ayaa yiri “Shirkani waa kii ugu balaarnaa ebed ee dunida ka qabsooma”. Deymaha oo kaliya ma ahan waxyaabaha walwalka laga qabo, sida uu sheegay Robert Kappel oo ka tirsan jaaamacadda Leipzig ee Jarmalka, Shiinaha waxa ay Afrika u dhoofiyaan alaabo tayadooda ay hoosayso. Baahida Gaarka ah ee Afrika Soomaaliya aad ayay uga duwantahay dalalka ka kale ee mashaariicdan ka faa’iideysanaya marka laga hadlayo burburka ku dhacay kaabayaasha dhaqaalaha. Waddooyinkii ugu muhiimsanaa ee Soomaaliya ku yiilay, oo qaarkood uu horay Shiinaha u dhisay ayaa inta badan burburay, waxayna dowladda hadda joogta u aragtaa in dhaqaalaha dalka uusan soo kabsan karin illaa waddooyinkaas la dhiso sida uu sheegay wasiirka ganacsiga. BBC
-
Taliska ciidanka xoogga dalka ee gobollada Jubbooyinka ayaa sheegay in howlgallo ay ka sameeyeen Jubbada hoose ku dileen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab. Korneel Maxamed Buulle oo ka mid ah saraakiisha taliskan ayaa Goobjoog News u sheegay in sidoo kale ay fureen waddooyin u xirnaa Al-shabaab. Korneel Maxamed Waxaa uu sheegay in howlgalkan ay fuliyeen ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland isaga oo tilmaamay in ay dileen dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab. Ciidamada dowladda ayaa maalmihii dambe waxaa ay howlgallo ka dhan Alshabaab ka wadeen qeybo ka mid ah gobollada Jubbooyinka waxayna sheegeen saraakiisha ciidamadan ay dileen xoogag ka tirsan Alshabaab inta ay socdeen howlgalladan. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Warerysi-Korneel-Maxamed-Buulle.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Communication masts destroyed by Somalia based Al-Shabaab militant group have been restored in Ijara and Fafi in Garissa County. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (PP) ─ Madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo lagu waday inuu ka furmo maanta shirka Golaha Iskaashiga Maamul-goboleedyada, kaasoo la sheegay inuu ku yimid dib u dhac. Shariif Xasan iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu ka mid ahaa madaxwenaha maamulkaas, Axmed Madoobe iyo xubno kale oo golayaasha Jubbaland ka tirsan. Wafdiga Shariif Xasan oo uu ka mid yahay wasiirka dastuurka maamlukaas, C/llaahi Sheekh Xasan ayaa ku biiray wafdiyo ka soday maamullada kale ee dalka, kuwaasoo Kismaayo u tagay ka qayb-galka shirkii saddexaad Golaha Iskaashiga Maamul-goboleedyada oo saddexdii biloodba mar la qabto. Dhanka kale, Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya inuu dib u dhac ku yimid shirkii madaxda maamul-goboleedyada oo lagu waday in uu maanta furmo, iyadoo madaxda maamul-goboleedyada oo dhan ay ku sugan yihiin Kismaayo. Wararka ayaa sheeaya in dib-u-dhaca shirka ayaa yimid kaddib markii uu maanta gaaray Kismaayo ergeyga QM ee Somalia danjire Michael Keating uuna kulan la yeeshay madaxda maamul-goboleedyada oo dhammaantood ku sugan magaalada Kismaayo. Sidoo kale, ilo wareedyo ku dhaw shirka ayaa sheegaya in Danjire Keating uu ka codsaday madaxda maamullada dalka inay dib u dhigaan shirka isla markaana laga wadahadlo sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhex-jira maamul goboleedyada dalka iyo Dowladda Federalka Somalia. Lama oga xilliga uu bilaabanayo shirka, laakiinse warar ayaa sheegaya in madaxda maamul-goboleedyada dalka ay aqbaleen in illaa beri shirka dib loo dhigo. Ugu dambeyn, Shirkan Golaha iskaashiga maamul-gobleedyada dalka ay ku yeelanayaan Kismaayo ayaa ku soo beegmay xilli uu dalka safar uga maqan yahay Madaxweynaha DF Maxamed C/llaahi Farmaajo. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Koonfur-galbeed oo Gaaray Kismaayo iyo Shirkii Golaha oo Dib u dhacay appeared first on Puntland Post.
-
Maxkamadda darajada Koowaad ee ciidanka qalabka sida ayaa maanta waxay xukun ku riddey dad loo haysto ka mid ahaanshiyaha Al-shabaab. Saddex rag ah iyo qof dumar ah ayey maxkamadda ku riddey xukun xabsi ciidan ah. Eedeysanayaasha ayaa kala ah Maxamed C/laahi Cadow oo ah eedeysanaha 1-aad ayaa ciidamada amniga waxaa ay ka qabteen 22 bishii afaraad waxaana xilligaasi lala xiriirinayay ka mid ahaanshaha Alshabaab waxaana kadib lagu wareejiyay hay’adaha baarista. Eedeysanayaasha 2-aad iyo 3-aad ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Weris Maxamed Cumar , Xasan Cali Maxamuud iyo Aadan Muuse Cadaawe oo isna ah eedeysanaha 4-aad. Eedeysanayaasha ayaa waxaa lagu kala xukumay Maxame Cabdullaahi Maxamed Cadow 15 (Shan iyo Toban ) sano oo Xabsi Ciidan ah. Waris Maxamed Cumar 6 (Lix) sano oo xabsi Ciidan ah, halka Xasan Cali Maxamuud iyo Aadan Muuse Cadaawe ay ku wada xukuntay min hal sano oo xabsi ciidan ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Keating iyo madaxda dowlad goboleedyada Soomaaliya Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa maanta magaalada Kismaayo kulan kula qaatay madaxda dowlad goboleedyada Soomaaliya. Kulanka Keating iyo madaxda dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa ka qabsoomay guriga martida ee Kismaayo wuxuuna gogol xaar u ahaa shirkii golaha iskaashiga dowlad goboleedyada Soomaaliya oo furitaankiisii dib u dhacay beri. Kulankan ayaa la sheegay in looga wada hadlay doorka Qaramada Midoobay ay ku leeyihiin Soomaaliya, gaar ahaan maamulada, wanaajinta wadda shaqaynta iyo arrimo kale oo aan la shaacin, balse lagu sheegay muhiim. Michael Keating Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa lagu sharfay in uu maalinta beri ah khudbad ka jeediyo shirka Kismaayo, madaama muddo xiliyeedkii uu sii dhamaanayo. Madaxda dowlada goboleedyada Soomaaliya ayaa saluugsan hanaanka ay hadda u shaqeyso dowladda federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Keating iyo madaxda dowlad goboleedyada Soomaaliya oo kulmay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii golaha wasiirada dowladda federaalka Soomaaliya ay shalay ku yeesheen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomalaiya ayaa lagu ansixiyey saddex safiir cusub oo Soomaaliya ay ku yeelan doonto qaar ka mid ah dalalka dunida. Safiirada ay ansixiyeen golaha, oo aan la shaacin dalalka ay tagi doonaan ayaa kala ah: 1 – Xaawa Xasan Maxamed, oo ahaan jirtay wasiirka caafimaadka Soomaaliya, intii uu xukunka hayey madaxweyne Xasan Sheekh. 2 – Cabdi Weli Jaylaani Xaaji Cabdow 3 – Dr. Ibraahim Isxaaq Dhowaanahan ayaa waxaa Soomaaliya caadi ka ahaa in la magacaabo safiiro, ayada oo aan la shaacin dalalka ay tagi doonaan, ayada oo aan la aqoon sababta sidaan loo sameeyo. Si kastaba qaar ka mid ah dadka arrimahan la socda ayaa sheegaya inay tahay ayada oo dowladda aysan dooneyn inay beelaha qaar ka carroodaan, ayaga oo dhaliilaya dalka qofkooda safiir loogu magacaabay. Caasimada Online ayaa isku dayaysa inay hesho xogta dalalka loo diray safiiradan, waxaana idiin soo gudbin doonaa marka aan ku guuleysano inaan ogaanno, insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) – The Organization of Islamic Cooperation (OIC) has strongly condemned suicide car bomb attack claimed by Al-Shabab on Sunday in Mogadishu, that killed at least six people including two children and injured many more. The Secretary General, Dr. Yousef A. Al-Othaimeen, offered his deepest condolences to the families of the victims, the Government and people of Somalia on the tragic loss of lives and wished early recovery to the injured people. He noted that this cowardly attack targeting government buildings and civilians are attempts by Al Shabaab to undermine peace and stability in Somalia. Al-Othaimeen restated the principled position of the OIC against all forms of terrorism and extremism, which have emerged as a daunting threat not only to the Member States alone but also to international peace and security. The Secretary General, Dr. Yousef A. Al-Othaimeen reaffirmed the need for increased international partnership to counter the menace of terrorism. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Waxaa Magaalada Beijing ka furmaya Madasha Shiinaha iyo Afrika kaasi oo lagu xoojinayo iskaashiga dhanka dhaqaalaha ee Afrika iyo Shiinaha. Madasha Shiinaha iyo Afrika Sanadkan waxaa hal ku dhig looga dhigay “ Shiinaha iyo Afrika oo u socda dhanka bulsho adag lahna Mustaqbal Wadaag iyada oo loo marayo Faa’ido ka timaada labada dhinac”, Madasha ayaa waxaa ay socon doontaa ilaa afarta bishan. Madasha Shiinaha iyo Afrika waxaa ka qeyb-galaya 52 hoggaamiyayaal ah kuwaasi oo ka socda qaaradda Afrika, Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay António Guterres, ergeyga Midowga Afrika Moussa Faki iyo 27 hay’adood oo Caalami iyo Afrikan ah. Shirkan Saddexdii sano waxaa la qabtaa halmar, si loo xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya Shiinaha iyo dowladaha Afrika, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha. Ujeedada shirkan ayaa waxaa uu yahay in la xoojiyo is fahanka, ballaarinta heshiisyada iyo xoojinta saaxiibtinimada ka dhaxeysa Shiinaha iyo dowladaha Afrika. Madashan ayaa waxaa la aas-aasay 10, October, 2000 waxaana lagu aas-aasay soo jeedin ka timid Madaxweynihii hore ee Shiinaha Jiāng Zémín. Wareeggii 2-aad ee Madashan waxaa lagu qabtay Magaalada Adis Ababa 15, 16 December, 2003, wareegga 3-aad ayaa waxaa lagu qabtay Beijing 3,5 November 2006, wareegga 4-aad waxaa isna martigalisay Sharm El Sheikh 8,9 November 2009,halka wareegga 6-aad lagu qabtay Johannesburg ee dalka Koofur Afrika 4,5 December 2015. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The United Kingdom has committed £7m (Shs34b) in new funding to support the African Union Mission in Somalia (AMISOM) to which Uganda, with 6,223 soldiers on the ground, is the largest troop contributor. Source: Hiiraan Online
-
The United Kingdom has committed £7m (Shs34b) in new funding to support the African Union Mission in Somalia (AMISOM) to which Uganda, with 6,223 soldiers on the ground, is the largest troop contributor. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Nabadoon C/raxmaan Jaabiri Samatar oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee kasoo jeeda Puntland ayaa sheegay in shirka maanta ka furmaya magaalada Kismaayo ee dowlad goboleedyada yahay mid lagu carqaladeynayo dowladda federaalka Soomaaliya. Waxa uu sheegay in ka waxgarad ahaan aanay wax kale u arag in shirkaan looga danleeyahay, ayna rabaan madaxda dowlad goboleedyada iney soo saaraan waxyaabo ka dhan ah dowladda waa sida uu hadalka u dhigaye. “Adeer shirkaas waxaan u arkaa mid la mid ah kuwii hore, inuu yahay shir lagu xagaldaacinayo dowladda federaalka, isbahaysi lagu sameynayo, dowlad goboleedyadana ay rabaan in la sameeyo waxa ay iyaga rabaan oo kaliya” ayuu yiri Nabadoon Jaabiri. Dhanka kale, Jaabiri oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “ma ahan shirkan mid looga hadlayo xaaladda guud ee dalka waayo dowladda dhexe ayaa loo doortay, nin walbo gobolkiisa ayaa waxqabad uga baahan oo dadkii u kala qeybiyey reer reer” Kismaayo maanta oo Isniin ah waxaa ka furmaya shirka madaxda dowlad goboleedyada kaasi oo lagu sheegay in looga hadli doono arrimo badan oo dalka quseeya. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Turkey on Sunday condemned the suicide attack in Somalia that killed at least five people. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War ka soo baxay hay’adda nabad-sugida Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada amniga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay magaalada Muqdisho ay gacanta ku dhigeen xubin ka tirsan Al-Shabaab oo maleegayey qaraxyo lagu waxyeeleynayo shacabka, sida uu sheegay taliska NISA. Warkan ka soo baxay taliska hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan uu dhacay 2-dii september ee maalitii shalay oo ku beegneyd markii qarax lagu weeraray xarunta degmada Howl-Wadaag. “Howlgal ciidanka nabad galyadu ka fuliyay muqdisho 2-da sabtembar 2018, ayaa lagu qabtay xubin Al-Shabaab ah oo maleegayay qaraxyo. Subaxii hore ee maalinkaa ayay Al-Shabaab ku gumaadeen shacab qarax ay la beegsadeen degmada Howl-Wadaag. Nagu garab istaag ka hortaga Al-Shabaab, si dadkeenu u gaaro nabad” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo la soo dhigay barta twitter-ka ee hay’adda NISA. Maalmihii la soo dhaafay ayaa taliska hay’adda nabad-sugida Soomaaliya ayaa waxa ay shaacinayeen inay Muqdisho ka fuliyeen howlgallo lagu soo qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab. Howlgal ciidanka nabadgalyadu ka fuliyay Muqdisho 2da Sabtembar 2018, ayaa lagu qabtay xubin AS ah oo maleegayay qaraxyo. Subaxii hore ee maalinkaa ayay AS ku gumaadeen shacab qarax ay la beegsadeen degmada Howl-wadaag.Nagu garab istaag ka hortaga AS si dadkeenu u gaaro nabad. — NISA (@HSNQ_NISA) September 3, 2018 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa la sheegayaa inuu shalay golihiisa wasiirrada kala hadley in ay soo diyaariyaan siyaasad lagu xakamaynayo qaxootiga soo galaya Soomaaliya ee ka imaanaya dalalka ay dagaalladu ka holcayaan! Kheyre intaas uma ekaane, waxaa uu dood dheer ka galay hannaanka dib-u-eegista sharciyada socdaalka iyo dal-ku-galka, ajaanibta iyo qaxootiga dalka soo geliya iyo kuwa horay u joogay iyo saamaynta qalalaasaha wadamada deriska ay ku leeyihiin qul-qulka qaxootiga dalka soo gelaya! Warbixintan uu xafiiska ra’isul wasaare Kheyre u qeybiyey warbaahinta laguma sheegin dalalka uu ula jeedo “dagaalladu ka holcayaan”, sidoo kale kuma cadda sida qaxooti dalkeenna magan-galyada u soo raadsaday ay u qalqal-geliyeen dalalka dariska, kumana jirto cid wax geysatay, xilli la geystay iyo xataa dal loo geystay intaba! Ra’isul wasaare Xasan Kheyre iyo xukuumaddiisa waqtiga ay ku bixinayaan in ay ka hadlaan amniga gobolka bal may ka hadlaan midka caasimadda Muqdisho oo faraha ka baxaya, qaraxyada marka laga soo tago, waxaa socdo dilal loo geysto shacabka iyo shaqaalaha dowladda. Axaddii, maalinta uu ra’isul wasaare Kheyre ka welwelsanyahay sida ay qaxootiga Soomaaliya ugu soo qul-qulayaan, gaar ahaan kuwa uu ku sheegay inay “dalalka dagaalladu ka holcayaan”, xakameyntooda iyo xataa saameynta ay yeelan karto qalalaaso laga yaabo inay abuuraan dalalka dariska, waxaa uu qarax ka dhacay meel hal KM u jirta xafiiskiisa, oo ah xarunta degmaga Howl-wadaag, 6 qof ayaa dhimatay halka 16 kale oo 6 caruur ku jiraan ay dhaawacmeen. Ma aha markii ugu horeysay oo waa amni-darro iyo cabsi joogto ah. Xukuumadda Soomaaliya ee ka doodeysa saameynta ay Soomaaliya ku yeelan karaan qaxootiga ka imaanaya dalalka dariska ah, Aqalka cad waxaa uu ku daray liiska 6 dal oo loo diiday dal ku-gal, lamana arko iyada oo ka hadleysa, Soomaaliya lacagta ugu badan waxaa ay uga baxdaa hey’ado dallaaliin ah oo sheegay inay fududueyn karaan sidii uu madaxweyne Farmaajo ula kulmi lahaa madaxda aqalka cad iyo Congress-ka. Xukuumadda ra’isul wasaare Xasan Kheyre , dalalka ay leedahay waa holcayaan ee qaxootigooda hala xakameeyo waxaa ku jira dalka Yemen. Dalkaasi, Yemen waxaa uu Soomaali ka badan 300,0000 hayey muddo 28 sano ah, Soomaalida halkaasi joogtay waxaa la geeyey xerada Jaxiim balse waa laga soo raray dabaayaqadii 90-meeyadii, waxaa ay hadda ku jiraan Xerada Xaraz oo ku taalo gobolka Laxaj ee koofurta dalka Yemen, waxaana loola dhaqmaa si fiican iyada oo laga duulayo heshiisyo ay ka mid yihiin “non-refoulement, qodobka 33-xaad ee 1951 ee heshiiska qaxootiga kaas oo mamnuuceysa in Qaxootiga si qasab ah lagu celiyo, Geneva Conventions 1949-tii iyo heshiisyo kale. Soomaaliya kuma jirto dalalka ay qaxooti badan joogaan ama lagu ogyahay, marka qaxootiga Yemen laga soo tago, Tanzaaniyiinta, Suuriyaanka iyo dalalka kale ee ay dadka ka joogan halkan waa xirfadleyaal ay Soomaalida ka faa’ideysto. Sida ku qoran heshiisyada caalamiga ah, qaxootiga waa in ay helaan nabadgalyo, Biyo, Caafimaad iyo Waxbarasho. Haddaba, Ra’isul wasaare Kheyre int ay ku mashquuli lahaayeen qatarta ka iman karta qaxootiga iyo nabad-galyada dalalka dariska ah, waxaa haboon inay ka shiraan sidii loo sugi lahaa amniga dalka, loona xisaabtami lahaa cidda mas’uuliyadda iska leh xusuuqa maalin walbo lagu hayo shacabka reer Muqdisho ee midkii shalay ugu dambeyey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa aad u cambaareysay qaraxii shalay subax ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta degmada Howlwadaag. Wasaaradda bayaan ay soo saartay ayaa waxaa ay ku sheegtay in aad ay uga xuntahay qaraxa kaasi oo ay dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray dad badan oo ay ku jiraan caruur. Bayaan wasaaradda waxaa lagu yiri “Waxaan aad u cambaareyneynaa weerarkan argigixo kaasi oo lala beegsanayo xasiloonida Soomaaliya”. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa tilmaantay in dowladda Soomaaliya iyo Shacabkeeda ay uga tacsiyadeyneyso iyada oo caafimad u rajeysay dadka ay waxyeellada soo gaartay inta uu qaraxa socday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
