Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,142
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimadda Online) – Waxaa guluf colaadeed ka dhex qarxay Somaliland iyo Puntland maalintii Isniinta ahayd, waxaana weerarka soo qaaday Somaliland oo qabsatay tuulada Tuke-raq ee ka tirsan Puntland. Puntland oo ka hadashay xiisadda colaadeed waxay cambaaraysay weerarkaas , iyado aan qaadin wax jawaab weerar celis ah, oo ku aaddan deegaanka u dhow Tuke-raq oo Somaliland la wareegtay. Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in Somaliland ay kusoo beegeen weerarkaas xilli uu Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya booqasho ku marayo deegaanada Puntland, taasina uu ku tilmaamay inay carqalad ku tahay geeddi socodka Nabadda. Madaxweynaha Puntland wuxuu kaloo sheegay in Somaliland garab iyo gaashan u tahay maleeshiyada Al-Shabaab iyo Daacish, oo ay ku dhuumaalaystaan deegannadaas iskana soo abaabulaan. Waxaa xusid mudan in Puntland ay la dagaalamayso Alshabaab iyo Daacish oo duulaan kusoo qaaday deeganadaas, kadib markii lagasoo saaray qeybo badan oo kamid ah Koonfurta Soomaaliya. Shacabka ku dhaqan deegaannada Somaliland iyo Puntland ayaa tilmaamay, in aysan raalli ka ahayn in colaad la geliyo Shacabka Soomaaliyeed, balse laga shaqeeyo isdhexgalka iyo wada shaqeynta dadka ehelka iyo qaraabada ah. Yaa maalgelinaya Dagaalka Tuka-raq? Dadka Siy aasadda falanqeeya waxay isweydiinayaan, Somaliland oo hadda kasoo baxday doorashooyin ay kaga baxday lacago aad u farabadan, yaa maalgelinaya dagaalka ay kusoo qaadday Puntland?. Waxa aan shaki ku jirin in gacmo shisheeye aysan ka maqnayn holcinta iyo kicinta dagaalkaas kasoo cusboonaaday Puntland iyo Somaliland. Waxaa dad badani rumaysanyihiin in Somaliland ay lacagaha canshuurta ee daakhiliga ah ay ku maalgelinayso dagaalkaas, waxaase muuqata in Somaliland ay ka jirtay dhaqaale xumo aad u baahsan, iyo sicirka maciishadda oo kor u kacay saddexdii sano ee u danbaysay. Madaxweynaha cusub ee Somalinad Muuse Biixi Cabdi oo safar ugu maqnaa Jabbuuti ayaa dib ugusoo laabtay Hargeysa, wararka qaar waxay sheegayaan inuu kulamo lasoo qaatay Saraakiil Imaaraati ah, waxa ayna ka wada hadleen Saldhigga Milateri ee ay ka dhisayaan Berbera. Sidoo kale waxay Somaliland ka codsatay Imaaraatka inay ka xoojiso dhanka saanadda ciidanka, mar horena waxay Imaaraatku saanad ciidan iyo hub kasoo dejiyeen Berbera. Dowladda Imaaraatka oo raadinaysa inay Soomaaliya ka abuurto colaad Siyaasadeed sida ay uga abuurtay dalka Yemen oo kale, ayaa raadinaysa inay Soomaaliya ka dhigto mid aan Siyaasad ahaan degenayn, si ay uga fushato danaheeda oo ay ugu horreyso Saldhigga Milareri ee ay Berbera ka dhisanayso iyo maamulidda dekedaha Boosaaso iyo Berbera. Dadka falanqeeya Siyaasadda ayaa u arka in Imaaraatku ay maalgelinayaan Somaliland si ay khalkhal ugu abuurto Puntland, ugana mashquuliso dagaalka ay Puntland kula jirto Alshabaab iyo Daacish. Sanadkii tegey ee 2017, Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan xayiraadda hubka ee Soomaaliya iyo Ereteriya ayaa digniino kasoo saartay hubka uu Imaaraatku soogelinayo Soomaaliya, iyo in ay iibsadaan dhuxusha laga dhoofiyo deegaanada ay Alshabaab ka taliyaan ee Koonfurta Soomaaliya. Yaa dan ugu jirtaa Dagaalka Tuke-raq: Waxaa iska cad in Shacabka Soomaaliyeed ay ka daaleen dagaallo sokeeye, aysanna ugu jirin wax dan ah dhiig Soomaaliyeed oo daata, laakiin danaystayaal iyo shisheeyaha u baahan in Soomaaliya aanay degin ayaa danta ugu badan ugu jirtaa, si colaad looga bilaabo Soomaaliya gudaheeda, Waqooyi ama Koonfurba. Odayaasha Dhaqanka ee Puntland iyo Somaliland ayaa ka hadlay in xiisadda colaadeed la qaboojiyo, laguna dhammeeyo arrinta wada hadal iyo walaaltinimo. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com The post Dowladda Imaaraatka oo hurinaysa Dagaalka ka dhexqarxay Somaliland iyo Puntland appeared first on Caasimada Online.
  2. Dowladda Hindia ayaa siidaysay 15 Soomaali ah oo ku xirnaa xabsiyada dalkaas, kadib markii la sheegay inay dhammeysteen xabsigii horey loogu xukumey. Dhallinyaradan ayaa u xirna falal burcad badeednimo muddo toddobo sanno ah, waxaana dalkooda dib loogu celinayaa marka la soo siidaayo 27 maxaabiis Soomaali ah oo waqti kooban uu uga dhiman-yahay muddada lugu xukamay. Warkaan wwaxaa baahisay wakaaladda wararka ee The Indian Express.
  3. Garoowe (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa shaaca ka qaaday in farqi weyn uu u dhexeeyo dowlada Federaalka hadda jirta iyo dowladihii ka horeeyay ee ka danbeeyay dowlada dhexe ee burburtay. C/weli Gaas waxa uu sheegay in dowlada iminka shaqeysa ee uu Madaxweynaha ka yahay Maxamed C/llahi Farmaajo ay ku shaqeyneyso hanaanka dowladnimo ee loogu tallo galay in lagu maamulo dal dhismaaya. Waxa uu Gaas tilmaamay in dhismaha Somalia uu yahay mid u baahan inuu ka imaado dhanka maamul Goboleedyada, waxa uuna cadeeyay in Farmaajo uu bilaabay qorshaha isku xirka dowlada iyo maamul Goboleedyada. Dowlada Somalia ayuu sheegay inay ku taagan tahay maamul Goboleedyada maadaama ay ku dhex noolyihiin shacab isku xiran, sidaa aawgeed uu Madaxweyne Farmaajo dhismaha dowladiisa uga soo bilaabay dhanka maamulada. Waxa uu sheegay in dowladihii hore ay kaga duwan yihiin tan iminka jirta daneyn la’aan iyo inaysan ahmiyada saari jirin maamulada ka jira dalka, markii laga soo tago xiliga doorashada oo ay garabsan jireen. ‘’Dowlad waliba waxa ay leedahay wax lagu xasuusan doono tani waxa ay ku dheereysay halka laga soo maro Siyaasada iyo wada shaqeynta waxaan leeyahay dalka uma baahna dowlad Madaxweynaheeda ku kooban caasimada’’ ‘’Puntland gorgortan kama gali doonto la shaqeynta dowladani maadaama ay kasoo muuqatay qodobadii aan is laheyn waxaa lagu dhisi karaa dowlad iyo maamulo wada shaqeynkara’’ C/weli Gaas, ayaa sheegay in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo laga doonaayo in socdaalkiisa uu ballaariyo isla markaana gaarsiiyo Gobolada kale ee dalka uusan weli gaarin. Dhinaca kale, waxa uu Maamulada ka jira dalka ugu baaqay inay taageeran dowlada Somalia oo uu sheegay inay u baahan tahay is garabtaag. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com The post C/weli Gaas oo ka hadlay waxyaabaha ay dowlada Farmaajo uga duwan tahay dowladihii hore appeared first on Caasimada Online.
  4. HALIFAX — Nova Scotia’s premier has told child welfare officials to review how they handle complex cases, as a former foster child in the province faces deportation to a country he has no connection to. Stephen McNeil said Wednesday he asked the Community Services Department to complete a review of any cases that would require supports similar to those needed by Abdoul Abdi. The 24-year-old man was recently released from prison after serving a five-year sentence on multiple charges. He was put in segregation in a New Brunswick jail by the Canada Border Services Agency upon his release and is now awaiting a hearing on deportation to Somalia. Abdi arrived in Canada as a six-year-old child refugee and was shortly after apprehended by the Nova Scotia government and placed in foster care but never obtained citizenship. McNeil said all children in the province’s care who require extensive support are offered a “myriad of options,” but he said the province can’t force them to take on the options. While refusing to speak to any specific case, he said the province can provide children in its care legal advice or “options to gain citizenship” but cannot force them to pursue citizenship. “I can tell you since this has come out there will be a complete review of not only this case but any cases that would require the kind of support that I’m hearing about with this particular gentleman,” McNeil told reporters. “I’ve asked, not specific to this case but all children in care, what are the options that we are providing and laying out to all children in care, and then it is up to those children as they grow into teenage years to decide whether or not they take advantage of those options,” he said. Abdi was born in Saudi Arabia in 1993. After his parents divorced, his mother — fearing persecution if she returned to Somalia — fled to Djibouti, where the family obtained refugee status. His biological mother died in the refugee camp when he was four, and two years later he came to Canada with his sister and aunts. But shortly after arriving, the children were apprehended by the province of Nova Scotia. Abdi’s aunt’s efforts to regain custody were rejected, and her attempt to file a citizenship application for the children blocked. Between the ages of eight and 19, Abdi was moved 31 times, separated from his sister and never completed high school. He fell into trouble with the law and in 2014, Abdi pleaded guilty to four charges: Aggravated assault, theft of a motor vehicle, dangerous driving and assaulting a police officer with a vehicle. He was sentenced to 4.5 years, but had another nine months tacked on for assault charges early in his incarceration. Halfway through his sentence, Abdi’s lawyer Benjamin Perryman said, he started to “see the consequences of his actions” and was transferred to a medium-security facility because of good behaviour. Abdi was “gated” when he was released from prison earlier this month and is now at the Madawaska Regional Correctional Centre in Saint-Hilaire, N.B. His deportation hearing is in four weeks, despite a court case raising charter and international law arguments that is expected to be heard by the federal court in the coming months. Perryman said Abdi was given grossly inadequate care by the province as a foster child. He said deporting him to Somalia — a country to which he has no ties and where he would be unable to care for his Canadian-born daughter — would be unfair. Alec Stratford, executive director and registrar with the Nova Scotia College of Social Workers, expressed concern that “structural issues” plaguing child welfare services are hampering the care that can be provided to children. “It really is a struggle for social workers dealing with really high case loads of huge complexity to be able to know all the ins and outs,” he said. “I hear a system that is failing our kids and our youth, a system that doesn’t recognize the great structural inequities that continue to exist in Nova Scotia and the fact that we don’t have the tools and resources to adequately support someone first in their home and then to support them in care.” Source: CP The post Canada: N.S. premier orders review as former foster child faces deportation appeared first on Caasimada Online.
  5. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo oo socdaal ku maraya deegaanno ka tirsan Puntland ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan uu gaaro magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa saakay oo Khamiis ah ka amba bixi doonaan magaalada Qardho oo shalay ay gaareen. Inta madaxweyne Farmaajo ku sugnaa magaalada Qardho ayaa kulamo wuxuu la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo waxgaradka degmadaasi. Ammaanka magaalada Boosaaso ayaa aad loo adkeeyay, waxaana guud ahaan magaaladaasi laga dareemayaa diyaar garowga ay shacabka u galeen iney soo dhoweeyaan madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa sidoo kale tagi doona gobollada Mudug iyo Galgaduud, wuxuuna socdaalkan qeyb ka yahay socdaalka uu madaxweynaha ugu magac daran socdaalka nabadda. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar habeenimadii xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho. Weerarka oo u muuqday mid qorsheysnaa ayaa waxaa lagu qaaday Gaari nooca raaxada ah, iyadoo weerarka kadib la sheegay in maleeshiyaadka weerarka geystay ay qaaten dhaawaca darawalka. Ragga weeraray gaariga ayaa la sheegay inay ku hubeysnaayen bastoolado, waxa ayna goobta uga baxsadeen gaariga iyagoo wata dhaawaca darawalka. Ruuxa lagu weeraray Gaari ayaa sidoo kale la sheegay inuu la shaqeynaayay dowlada, isla markaana xiliyada danbe ee habeenkii uu si dhuumaaleysi ah u gaari jiray ceelasha biyaha. Lama oga ilaa iyo hadda sababaha ka dambeeya weerarkaasi, waxaana sidoo kale aan jirin wax hadal ah oo ka soo baxaya Maamulka deegaanka Ceelasha Biyaha oo ku aadan weerarkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Arrin cusub: Gaari lagu weeraray Ceelasha Biyaha & dhaawaca ruuxii la weeraray oo lagu qaatay isla gaariga appeared first on Caasimada Online.
  7. The family of of Abdoul Abdi, a Somali-born man facing the threat of deportation, says the Canadian government is signing his death warrant by sending him back to a country he hasn't seen in more than two decades. Source: Hiiraan Online
  8. Maxkamadda ku taallo Hargeysa ayaa laba sanadood iyo sagaal bilood oo xadhig ah ku xukuntay saddex dhalinyaro oo horay dhac ugu gaystay magaalada Hargeysa nin u dhashay dalka Japan. Ninkan oo u dhashay dalka Japan oo lagu magacaabo Kazawa Taichi isla markaana ah sawir qaade dhinaca farshaxanka ah (Photo Artist), ayaa 24-kii December 2017 ay dhalinyaradan ka qaadeen lacag dhan 5000 kun oo Doollar, Baasaboorkii, Lens-ka Kamaradda iyo Hard disk. Dhallinyaradan saddexda ahaa, ayaa markii ay la kulmeen ninkan waxay markii hore ka codsadeen inuu sawir ka qaado laba ka mid ah, balse kii saddexaad ayaa xagga danbe kaga yimmi, kadibna shandad uu ninkaasi dhabarka ku sitay ayuu kala baxay lacag dhan 5000 kun oo Dollar iyo alaabta kale, ka dibna sidaa ayey ku baxsadeen. Afhayeenka ciidanka booliska Somaliland Gaashaanle sare Faysal Xiis Maxamed ayaa sheegay in dhalinyarada la xukumay lacagtii ay ka dhaceen ninkan ay ku iibsadeen gaadhi nooca raaxada ah. Goobjoog News Source
  9. Dowladda Canada ayaa cabasho ka dhan Mareykanka u gudbisay ururka ganacsiga aduunka, waxay Canada u eedeyneysaa Mareykanka inuu ku tumanayo xeerarka u yaallo ganacsiga caalamiga ah. Tallaabadan ayaa timid iyada oo labada dowladood uu ka dhaxeeyo khilaaf arrimaha waxsoo-saarka sida qalabka diyaaradaha iyo alwaaxda oo uu Mareykanka uu saaray canshuur badan. Sidoo kale, labadaan dowladood ayaa waxay ka qeyb galayaan dadaallo lagu wado sidii dib loogu soo celin lahaa wadahadalka heshiiska ganacsiga ee xorta qaaradda Mareykanka waqooyi. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku goodiyey inuu ka baxayo heeshiiska, kaasi oo xadidaya sharuudaha ganacsi ee u dhaxeeya wadamada Mareykanka,Canada iyoMexico . Canada ayaa ku eedeysay hay’adda Mareykanka u qaabilsan arrimaha ganacsiga inay qaadatay go’aamo intii uu socday khilaafkau dhaxeeya Canada iyo Mareykanka waxayna tilmaantay in go’aamadaas ay u xaglinayaan dhanka Washinton. Canada ayaa cabashada waxay u gudbisay ururka ganacsiga caalamiga ah 20 bishii December,waxayna xubnaha ururka ay isla dhexmareen arrintaan shalay oo talaado aheyd. Cabashada ayaa waxay qaadan doontaa muddo 60 maalin ah si looga tashado, haddii la xalin waayo isla waqtigaas, waxaa loo deynayaa guddiga raacsan ururka ganacsiga caalamiga ah. Wakiilka u qaabilsan Mareykanka ururka ganacsiga caalamiga ah ayaa sheegay cabashada ay soo gudbisay Canada inay tahay weerar aan marmarsiyo laheyn oo ka dhan ganacsiga Mareykanka,waxaa uu hoosta uu ka xariiqay in dhammaan eedeymaha ay soo gudbisay Canada ay tahay wax aan sal iyo raad toona laheyn. Goobjoog News Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland gaaray Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Micheal Keating. Socdaalka Keating ee magaalada Hargeysa ayaa ku saleysnaa dajinta xeer hoosaadka ay kuwada shaqeynkaraan QM iyo maamulka cusub ee uu Hogaaminaayo Muuse Biixi. Keating, ayaa Biixi u sheegay inay ahmiyad u arkaan in la dhowro xeer hoosaadka ay kuwada shaqeyn jireen QM iyo maamulkii hore ee Siilaanyo waxa uuna sheegay inay sii socon doonto wada shaqeynta. Keating, waxa uu Muuse Bixi u sheegay in laga doonaayo ilaalinta xeerka wada shaqeyneed iyo in Beesha Caalamka ay Somaliland u ictiraafsan tahay maamul ka tirsan Somalia, sida maamulada kale oo ay kamid tahay Puntland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo HirShabelle. Keating, waxa uu Mr Biixi u sheegay in ujeedka ugu weyn ee socdaalkiisa Hargeysa uu yahay in maamulka cusub loo dulmaro qodobada sharciga ah, markii laga soo tago rabitaanka gaarka ah. Keating, waxa uu Muuse Biixi xusuusiyay inay mudan tahay inaan la faragalin qodobada kala ah: 1-Deeqaha DFS ay u qoondeyso maamulka Somaliland si lamid ah deeqaha la siiyo maamulada kale. 2-In hawada Somalia laga sii maamuli doono magaalada Muqdisho isla markaana Somaliland laga doonaayo in wixii maamulka Hawada ah ay ku feesho DF. 3-Dhowrista wada shaqeynta maamulka kala dhexeysa QM. 4-In maamulka cusub ee Somaliland uu maanka ku hayo in adduunka uu u ictiraafsan yahay inay raacsan yihiin Somalia inteeda kale, markii leyskala soo tago rabitaanka gaarka ah. 5-Ilaalinta degnaanshiyaha iyo Nabada labada dhinac, iyadoo wixii soo kordhaa ay dib ugu soo laaban doonaan QM. Ergeyga QM Keating waxa kale oo uu ka hadlay doorka kaga aadan dagaalkii Somaliland iyo Puntland ku dhex maray deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, isagoo sheegay in xalka arrintaasi aanu ku jirin iska hor imaad ciidan hase ahaatee ay isku dayayaan sidii loo yarayn lahaa xiisadda u dhaxaysa labada dhinaca. Dhinaca kale, Hogaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa Keating u sheegay inay kawada xiriiri doonaan wixii dheeri ah si looga gaashaanto dhibaatooyin soo laalaabta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Keating oo Biixi ku adkeeyay inaan laga gudbin 5 qodob oo muhiim u ah wada shaqeynta (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.
  11. Five states in Mexico now have the sternest "do not travel" advisories under a revamped U.S. State Department system unveiled Wednesday, putting them on the same level as war-torn countries like Syria, Yemen and Somalia. Source: Hiiraan Online
  12. Somalia's government has launched a digital counter-extremism center that aims to dissuade young Somalis from supporting militant groups such as al-Shabab and Islamic State. Source: Hiiraan Online
  13. Bosaso[Puntland Post]-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira socdaalka nabadda ee uu ku marayo qeybo ka mid ah gobollada dalka gaar ahaan deegnada Puntland ayaa saaka lagu wadaa in uu soo gaaro magaalada Bosaso ee xarunta gobalka Bari. Socdaalka Madaxweynaha waxa ku wahelinaya Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr,Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo masuuliyiin ka tirasan golayaashiisa dawlada. Madaxweyne Farmaajo oo xalay u hoyday magaalada Qardho ayaa socdaalkiisa ka soo bilaabaya deegaanada waaciyo .Carmo iyo Ceel-daahir waxana uu Madaxweynhu booqan doona Akadamiyada Ciidamada Booliska soomaliyeed ee ku taala degmada Carmo inta ka dibana uu madaxweyne Farmaajo waxa sida oo kale uu booqan doona wadad isku xirta Ceel-daahir iyo Ceergaabo oo hada dhismeheedu socdo sida warar hordhac ay ku helayso Warbaahinta Puntland Post Xafiiskeeda Bosaso. Soo dhaweynta Madaxweynaha ee Magaalada Bosaso ayaa si weyn looga dareemaya boqolal shacab aha oo wata Calamada Puntland iyo kan dalkeena soomaliya ayad ku arkaysaa wadooyinka Magaalaada ku waas oo isku diyaarinaya soo dhaweynta Madaxweynaha Qaranka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Maxamed Farmaajo iyo waftida uu horkacayo. dhanka kale war ka soo baxay Maamulka degmada Bosaso iyo Taliyaha qeybta Booliska ee gobalka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen ayaa dhamaan lagu hakiyey gadiidkii ka bixi jiray ama soo gali jiray Bosaso mudada ay socoto soo dhaweynta madaxweynaha soomaliya waxana sida oo kale shacbka ay ka codsadeen in ay la shaqeeyan Ciidamada Booliska gobalka Bari sidii looga hortagi lahaa wax kasta oo Amaanka khal khal galinya. sikastaba ha ahaatee soo dhaweynata Madaxweynaha qaranka soomaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa si weyn waxa looga dareemayaa dhamaan deeganada iyo Dagmooyinka ku teedsan dhanka laamiga ee Gobalka Bari. Cabdiqani Boos Puntland Post-Bosaso The post Madaxweyne Farmaajo oo Saaka ku soo wajahan Magaaladda Bosaso ee Gobalka Bari appeared first on Puntland Post.
  14. HALIFAX — Nova Scotia's premier has told child welfare officials to review how they handle complex cases, as a former foster child in the province faces deportation to a country he has no connection to. Source: Hiiraan Online
  15. Senator C/raxmaan Faroole ayaa ka hadlay dagaalladii ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland ku dhexmaray deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, isaga oo wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalladaasi. Faroole ayaa ugu baaqay Labada dhinac ee dagaallamaya iney nabadda qaataan oo ay u turaan shacabka ku dhaqan deegaannada la isku hayo. “Waxaan jeclahay inaan wax ka iraahdo xiisadda ka aloolsan deegaanka Tukaraq oo ahayd kastamkii iyo xaruntii Sool intii Laascaanood la qabsaday, waxaan cambareynayaa duulanka bishii 8-dii ay ciidamada Somaliland ku qabsadeen Tukaraq, waxaan ka xumahay dagaalladaasi..waxaan ku baaqayaa Nabad, shacabka Puntland iyo Somaliland raali kama ahan dagaalladan” ayuu yiri Faroole Dhanka kale, C/raxmaan Faroole ayaa si gaar ah ugu baaqay Somaliland ineysan hadda deegaanno nabdoon aysan colaad ka hurin ee haddii ay wax qabanayaan ay ka qeybqaataan dib u heshiisiinta beelihii ku dagaallamay Sool. Ciidamada Somaliland ayaa 8-dii bishan waxay dagaal ku qabsadeen deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, iyadoo weli ay jirto xiisad u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland. Goobjoog News Source
  16. The video describes USAID’s work in the education sector over a five year period in Somalia. It discusses USAID’s efforts in expanding access to quality secondary and non-formal education for over 100,000 youth, with activities that ranged from teacher training in effective instruction; construction and rehabilitation of classrooms and other school facilities in 60 schools in 15 of the 18 regions of Somalia, including 21 schools in south central Somali communities that had no access to education; and civic engagement activities such as sports tournaments and National Youth Days to engage youth and build their capacity to set their priorities on issues that affect them.​
  17. In this photo provided by Egypt’s state news agency, MENA, Eritrean President Isaias Afwerki, left, shakes hands with Egyptian President Abdel Fattah el-Sisi at the presidential palace, in Cairo, Egypt, Tuesday, Jan. 9, 2018. AP Egypt’s president and his Eritrean counterpart met in Cairo on Monday amid heightened tensions with Sudan and Ethiopia over border disputes and the construction of a massive upstream Nile dam. Egypt fears the soon-to-be completed dam in Ethiopia could cut into its share of the river, which provides nearly all its freshwater. Eritrea and Ethiopia have long been bitter rivals and went to war in the late 1990s. Ethiopia denies it is cutting into Egypt’s share of the Nile, and has accused Eritrea of training rebels to carry out sabotage attacks on the dam. Egyptian President Abdel-Fattah al-Sisi hosted Isaias Afwerki at the presidential palace. “The two sides have agreed on continuing intensive cooperation in all issues related to the current situation to support the security and stability in the region,” Egyptian presidency spokesperson Bassam Radi said, referring to the Horn of Africa and the Red Sea strait of Bab al-Mandab as two major areas for ensuring stability. The Qatar-based Al-Jazeera network recently reported that Egypt is deploying troops in Eritrea. The Red Sea Afar Democratic Organization, an Eritrean opposition group, last year claimed that Egypt is building a military base on Eritrea’s Dahlak island and will deploy up to 30 000 Egyptian naval forces. Eritrean Information Minister Yemane G. Meske denied the Al-Jazeera report in a tweet this week, saying: “Al-Jazeera News Channel seems to relish propagating false and preposterous news on Eritrea: latest is phantom deployment of Egyptian troops/weapons!” Egypt’s relations with Sudan, which has lent support to Ethiopia in the Nile dispute, have meanwhile deteriorated. Sudan recalled its ambassador for consultation last week, and has said a 2016 maritime demarcation agreement between Egypt and Saudi Arabia infringes on its territorial waters. The waters in question are off the coast of an Egyptian-held border region claimed by Sudan. Egypt’s pro-government media have accused Sudan of conspiring against Cairo with Turkey and Qatar. Ethiopia says the $5bn dam is essential for its economic development, noting that the vast majority of its 95 million people lack electricity. The dam’s hydroelectric plant will generate over 6 400 megawatts, a massive boost to the country’s current production of 4 000 Megawatts. Egypt, with a population roughly equal to Ethiopia’s, receives the lion’s share of the Nile’s waters under agreements from 1929 and 1959 that other Nile nations say are unfair and ignore the needs of their own large and growing populations. AFP
  18. Actress Angelina Jolie, Shiloh Jolie-Pitt, Zahara Jolie-Pitt, and Loung Ung arrive on the red carpet at the National Board of Review Annual Awards Gala in New York City on January 9. Jolie and actor Brad Pitt adopted Zahara Jolie-Pitt, born in Ethiopia, in 2005. Photo by John Angelillo/UPI | License Photo The Ethiopian parliament approved a proclamation Wednesday that bans foreign families from adopting Ethiopian children. Members of the House of People’s Representatives said local initiatives are better suited to protect orphans and other vulnerable children. Debate in the legislature highlighted the presence of many non-governmental organizations in the country working to ensure the health and welfare of at-risk children. The legislation, a revision of Ethiopia’s Family Law Proclamation, encourages local adoption and family unification so children can grow up with fellow citizens, the state-operated Ethiopian News Agency said on Wednesday. Awareness of the practice of foreign adoption was raised after celebrities began adopting Ethiopian children, notably actors Brad Pitt and Angelina Jolie, who adopted an Ethiopian girl, Zahara Jolie-Pitt, in 2005. The issue of the adoptees’ vulnerability was highlighted in 2011, when an adopted Ethiopian girl, 13, died of starvation and beating at the hands of her adoptive parents in Washington state. The mother, Carri Williams, was convicted of homicide by abuse. The father, Larry Williams, was convicted of first-degree manslaughter. Denmark banned all adoptions from Ethiopia in 2016, citing inconsistent information from Ethiopian adoption agencies on children’s’ origins, which could lead to instances of child trafficking. UPI
  19. Tukaraq has become a contention point in the relations between Puntland of Somalia and the republic of Somaliland. Puntland has been stirring violence in the borders with Somaliland by inciting hatred and war among the clan relatives that inhabit in Somaliland. Both Somaliland and Somalia have been colonised by Britain and Italy respectively with no clan borders. Puntland immediately started in 1991 to undermine Somaliland integrity by inducing clan politics so that its affiliated inhabitants that live within the Somaliland territory cause unrest and create dispute. This has not worked. Puntland is a one clan state and doesn’t tolerate other than the major Mohamoud clans let alone Siwaaqroon and Bixiidle. The recent visit by the minister of planning of Puntland to Badhan of Somaliland was a provocation. Dividing the people of Somaliland on clan basis will not be tolerated by the government of Somaliland. Somaliland has the right to secure its borders and that shall be done . The people of Somaliland have had suffered under the Mad Mullah and Siyad Barre and will never accept any further suffering. The Somaliland army must secure the borders of Somaliland republic as soon as possible while respecting and safe guarding the inhabitants regardless of their clan affiliation . Medeshi
  20. Rape victims in Somaliland have traditionally been forced to marry their attackers. Somaliland has passed its first law against rape, in a bid by the new government of the breakaway region to crack down on violence against women, a senior official said today. Rape is not a criminal offence and perpetrators do not face any penalty in the self-declared republic of Somaliland. Instead, victims’ families are paid off or they are forced to marry their rapists to avoid public shame. The new law will punish rapists with up to 30 years imprisonment. Ayan Mahamoud, Somaliland’s representative in Britain, said the law passed by the lower house of parliament on Monday still needed approval from the upper house. “The bill had been languishing for some years and the newly elected government, which is very serious about tackling violence against women, saw it as a priority to bring it before parliament,” Mahamoud told the Thomson Reuters Foundation. “It is however possible that it will face resistance when it comes before the House of Elders in the coming weeks, as members in the upper house tend to be more traditional.” Somaliland – with a population of about four million – declared independence from Somalia in 1991 following a bloody civil war, but is not internationally recognised as a country. Somalia does not have any legislation against sexual violence. Mahamoud said President Musa Bihi Abdi’s government, which came to power in November, was shocked by reports of gang rape and wanted to take action against it. The United Nations hailed the law as a milestone, but said much more needed to be done. “Once it is signed into law, there is need to develop the capacities of the national justice and security actors, non-state actors and service providers and to create awareness among the public,” said Fadumo Dayib, head of UN Women in Somalia. “Every woman and girl has the right to live her life without the threat and fear of violence. This law will make a substantial contribution in curtailing sexual violence against women and girls.” Middle East Monitor
  21. Marki uu billaabay inuu fakaaroyaal dadka kala hadlo, Farmaajo wuxuu jeedin jiray hadallo loo riyaaqo. Jeceylka loo qabay hadalladiisa inta badan waxaa hagi jiray, hanki isaga loo qabay. Muddadi koobnayd ee uu raysulwasaaraha ahaa intii uu qabtay iyo qaabki foosha xumaa ee shqada looga qaaday ayaa u kasbay taageerayaal badan. Inta badan ummadda soomaaliyeed ayaa u arkayay inuu yahay ninka kaliya ee samata bixin karo dalka. Taasi waxay keentay in qudbo walba oo uu jeediyo aad loola dhaco iyadoo laga eegayo nuxurka hadalka xambaarsan yahay iyo qalbiga uu kasoo baxayo, balse aan la eegin qaabka uu yiri iyo sida uu isugu toosan yahay. Marki uu Eebe ku guuleeyay jagada dalka ugu sarrayso, dadku waxay dhowrayeen hadallo qurux badan oo dadka u kasbo kana tiro walaaca ay qabaan. Taas badalkeedi, waxaa dhacaysay in qudbooyinkiisa badankoodu hub u noqdeen mucaaradkiisa shacabku diidan yihiin. Dad badan ayaa is waydiiyay, maxa ka qaldan. Laakiin waxaa loo batay in Farmaajo uusan hadal aqoon ahayn, tayada hoggaamin iyo haybada qalbi-dafka leh ee ilaahay siiyayna aan loogu darin cod-karnimo. Laakiin qudbadii uu 9/1/2018 ka jeediyay jaamacadda Bariga Afrika ee Garawe, wuxuu soo bandhigay hadallo cajiib ah, nidaamsan, macno weyn leh ujeeddana abbaaray. Waxay ahayd qudbo ka duwan kuwii looga bartay, inkastoo hadalladiisu ay ahaayeen kuwii hore wax cusubna uusan sheegin. Qudbadaan ayuu madaxweynuhu kaga hadlay waxa uu rabo inuu qabto inta uu xilka hayo iyo sida lagu gaari karo dowlad awood leh. Wuxuu isagoo cidna magacaabin u dhammeeyay madaxda muumul goboleedyada oo Cabdiwali Cali Gaas oo markaas garab taagnaa guddoomiye u yahay. Tusaale, marki uu tilmaamayay sida loola macaamilayo dowladaha kale waxaa uu yiri “haddaan isku duubannahay oo aan midaysannahay si wanaagsan oo siman ayaa ula macaamili karnaa dowladaha kale. Laakiin, haddii gadaal lagaaga soo jiiroonayo oo dadkaadi la qaybinayo oo laga shaqaysanayo, ninki madaxda ahaa ama shacabki aysan la socon dowladdooda, wixii la rabaa laguu sheegi”. Hadaalkaan ayaa ah mid mug weyn si toos ahna u caddeeyay dhibka ay madaxda maamullada ee dalalka kale la macaamiliyo ku hayaan karaamada dowladnimo. Hadalkaan ayaa sidoo kale farriin u diray dowladaha faraha kula jiro arrimaha soomaalida, waxaa uuna madaxweynuhu u sheegay inay ogyihiin kana yeelayn inay hoos isu dhigaan. Qudbada madaxweynaha ayaa isugu jirtay, waano, wacdi, dhiiri galin, iyo caddayn waxa uu rabo iyo waxa uusan yeelayn. Waxaa uu sheegay inuusan marnaba is dhiibayn hoosna isu dhigayn. Waxaa uu yiri isagoo na tusayo inuusan marnaba ka leexanayn waxa uu aaminsan yahay, marki aad ka yaabto sida wax u socdaan iyo dhibka laguu abuurayo “waxaa lagu dhihi dadkaan dowladnimo ma rabaabe dantaada ilaasho, taasna marnaba yeeli mahayo”. Hadalkaan ayaan hubaa in lagu yiri waayo anaaba la igu dhahaa muu dantiisa ilaashado dadkaan daacadnimo ma rabaane. Sababta keentay isbadalkaan ayaa la iswaydiinayaa siyaabo badan ayaana loo turjumay. Anuguse waxay ila tahay waxaa sabab u ah inuu loxos baxay lana qabsaday xafiiska. Haddii aad xasuusataan, wuxuu qudbayn jiray isagoo wadan wax waraaq ah. Balse shalay iyo maanta oo uu Qardho joogayba (maalmo kale waa jireen oo uu waraaq haystay sida maalintii uu tababarka u xiray ciimada ku jiro xerada Turkiga) warqad ayay wax ugu qornaayeen. Waxay u muuqataa inuu shaqaaleeyay dad xirfad u leh qoridda qudbooyinka taasoo ah tallaabo wanaagsan hadduu sameeyay. Waxaa kaloo dhici karto inay keentay, madasha uu ka hadlayay iyo cidda uu la hadlayay oo ahayd jaamacad uu kula hadlay arday. Farmaajo ayaa ahaan jiray macalin Kulleejo sidaa darteed waxaa dhici karto inuu dhiirranaan ka helay hor istaagga arday la mid ah kuwii uu wax u dhigi jiray. Warki oo jumlo ah, shalay maalin weyn ayay u ahayd madaxweynaha iyo taageerayaashiisa, waxayna shimbir roob ku da’ay u ahayd kooxaha mucaaradka ku ah ee sugayay inay fursad ka helaan hadalkiisa sidii dhici jirtayba. W/Q: Ibrahim Aden Shire Ishire86@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Madexweyne Farmaajo oo Doobbo Dillaacsaday appeared first on Caasimada Online.
  22. Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole, oo warbaahinta kula hadlayay magaalo madaxda Puntland ee Garoowe, ayaa ka hadlay colaadda ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool halkaasoo ay isku hor fadhiyaan ciidamo katirsan maamullada Puntland iyo Somaliland. Farole, ayaa shirkiisa jaraa’id ku eedeeyay Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Guddoomiyaha Barlamanka Somaliland, Baashe Maxamed Faarax, kuwaasoo siyaabo kala duwan uga hadlay xaaladda kasoo cusboonaatay xuduuda ay wadaagaan gobollada Sool iyo Nugal, gaar ahaan deegaankaas oo Qabsashadii Laascaano kadib Kastam u ahayd xukuumadda Puntland. Senatorka, ayaa cambaareeyay tallaabada Somaliland ku qabsatay deegaankaas iyo xilliga lagusoo beegay oo ahaa waqti Madaxweynaha Soomaaliya uu boogasho ku joogay magaalada Garoowe. “Waxaa aad iila xun oo aan Cambaaraynayaa dullaankii 08dii bishan ciidamada Somaliland ku qabsadeen deegaanka Tukaraq iyadoo Garoowe ay ka jirtay xaflad iyo dabaal dag oo garoonkii Diyaaradaha xariga laga jarayay kaasoo ah mashruuc qiimo leh, Madaxweynihii Soomaaliyana uu joogo oo lagusoo dhaweeyay isagoo ah Madaxweynaha sharciga ah oo Soomaaliya oo dhan loo aqoonsanyahay.” sidaas waxaa yiri Farole oo hadalkiisa ku sii daray, “Duullaankaas waxaan maqlay in loo qaatay Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya halkan ku yimid iyo tii Wasiir Jamaal oo tagay gobolka Sanaag gaar ahaan wadada Ceel-Daahir iyo Baran oo ah wado lagu dhisay Qaaraanka Shacabka, waxaana qabaa taas inaysan ahayn arrin xiisaddan dhalin karta.” Senator Farole, ayaa sidoo kale eedayn u jeediyay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Guddoomiyaha Barlamanka Somaliland, Baashe Maxamed Faarax, oo uu sheegay inay warbaahinta mariyeen warar aan u cuntamin xiisadda ka taagan gobolka Sool. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in labadaas hogaamiye ku fashilmeen wax ka qabashada deegaanada ay kasoo jeedaan. Farole, ayaa Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ugu baaqay inuu qaato baaqa beesha Caalamka gaarka kan uu sido wakiilka Qaramada Midoobay oo maanta tagay Hargaysa islamarkaana ciidamadiisa kala baxo deegaanka Tukaraq. Cabdiraxmaan Farole, mar uu ka hadlayay hadallo warbaahinta ay mariyeen Guddoomiye Baashe iyo Cabdiwali Gaas, wuxuu yiri, “Labada hadal ay ku hadleen oo xanafta leh Cabdiwali iyo Baashe oo ka dambeeyay, Cabdiwali waxuu leeyahay Argagixisaan la dagaallamayaa oo Somaliland baa taageeraysa, Cabdiwali horayna ulama diririn Argagixiso hadana la dagaallami maayo dibna uma diri doono, waxaan tusaale idiin ku filan bishii March 2016-kii markii ciidamo aad u hubaysan ay kasoo dageen Eyl, Godob-jiiraan iyo Garac, wuxuu Holiday ku joogay Maraykanka, waa lala hadlay oo loo sheegay inuu yimaado ma uusan imaan. Dagaalkii markii la galay oo shacab iyo ciidamo wixii joogay la isu aruuriyay oo laga guulaystay, maxaabiistii wixii Garac la isugu geeyay ayuu inta Diyaarad kasoo qaatay Addis Ababa isku sawiray. Marka waaba nin istus tus ku noole hadalkiisa wax loo qaadan karo maba ah. Waan ka xumahay inaan hadalkaas iraahdo waayo Somaliland waligayo kumaanan eedayn inay Argagixiso taageerto.” Wuxuu xusay in Cabdiwali mudadii uu halkan joogay uusan waxba qaban islamarkaana aysan jirin wax uu hadda loollan kale oo doorasho ku gali karo, isagoo ka digay in shacabka mudada dheer ku noolaa nabada uu galiyo fidno iyo colaad. Faroole oo sii hadlaya, ayaa sidoo kale yiri, “Baashe iyo Cabdiwali hadalkoodu haduu wax tarayo Cagaarre nabad haka dhigeen, yaysan u habar wacan in colaad laga huriyo meelo nabdoon.” Wuxuu sidoo kale sheegay in qorshaha Cabdiwali Wado ee uu ugu yeeray “Habar Wac Qabiil” aysan cidna ka yeeli doonin, isagoo xusay in shacabka labada dhinac aysan marnaba diyaar u ahayn dagaal oo ay yihiin dad ehel ah. Farole ayaa soo jeediyay in nabadda laga shaqeeyo oo la joojiyo hadallada xanafta leh ee hawada la isu marinayo, nabadana laga shaqeeyo. The post Video: Faroole oo shaaciyey cidda ka dambeysa collaadda Sool – Somaliland kaliya maaha appeared first on Caasimada Online.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Hogaamiyaha maamulka Puntland C/weli Gaas uu wado qorsho uu ku kordhisanaayo mudada uu sii heyn doono xilka maamulka. Hogaamiyaha oo kulamo kala duwan la qaadanaaya Odayaasha beelaha ayaa kala hadlay suuragalnimada in muddo kororsi uu ku sameeyo xilka uu ka hayo maamulka. C/weli Gaas, oo xilka uu uga harsan yahay muddo sanad iyo maalmo ayaa qorsheynaaya inuu kusii darsado laba sano oo dheeri ah. Odayaasha beelaha qaar ayaa la sheegay inay soo dhaweeyen qorshaha uu Gaas ku kororsanaayo xilkiisa, wallow beelo iyo Siyaasiyiin u muuqda mucaarad ay ka biya diidan yihiin in Gaas uu laba sano dheeri ah ku darsado xilka heerka gabagabo maraaya. Siyaasiyiin dooneysa inay ka qeybqaatan doorashada Puntland ayaa iyaguna aad uga soo horjeeda qorshaha C/weli Gaas, waxaana magaalada Garoowe ka socda shirar looga hortagaayo wakhti kororsiga Gaas. Dadka shacabka qaarkood ayaa taageersan in C/weli Gaas uu muddo kororsi ku sameeyo xiliga maamulka, halka qaarna ay aad uga soo horjeedan in wakhti ku darsado xiliga lagu ballamay. Ma cadda sida uu ku hirgali doono damaca xil kororsi ee Hogaamiye C/weli Gaas, inkastoo ay socdaan ololooyin lagu hirgalinaayo qorshaha Hogaamiyaha, waxaana suuragal ah inay ka dhashaan dhibaatooyin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post C/Weli Gaas oo wada qorshe hadii uu ku dhaqaaqo keeni kara dhibaatooyin appeared first on Caasimada Online.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-simaha Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Generaal Mukhtaar, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay qulqulka dhalinyarada heerka Jaamacadeed ee bilihii ugu danbeeyay iska diiwaan galinaayay Booliska Soomaaliyeed. Generaal Mukhtaar, ayaa sheegay inay sii kordhayaan dhalinyarada ka baxay Jaamacadaha ee qoranaaya Booliska kuwaasi oo lagu qiimeeyo aqoontooda . Waxa uu ku-simaha sheegaya in Qaran ay muhiim u tahay in la helo dhalinyaro Jaamiciyiin ah oo ka tirsan Booliska, waxa uuna ku baaqay in la muujiyo dhabar adeeg. Generaal Mukhtaar, ayaa ugu baaqay dhalinyaradda Aqoonyahanada ah ee kusoo biiray Ciidamada Booliska Soomaaliyeed in ay u dhabar adeegaan Shaqadda ay doorteen. Waxaa uu Generaal Mukhtaar, sheegay in ciidamada Booliska Soomaaliyeed aan laga qaadan dhaqaalle badan , balse qofka kusoo biiraya uu doortay in uu u shaqeeyo Qarankiisa. Sidoo kale, ku-simaha Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Generaal Mukhtaar, waxa uu xusay in laga doonaayo in ay si hufan uga adeegaan Shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana ay noqdaan kuwo ku xiran Alle. Haddalka Ku-simaha ayaa kusoo beegmaaya xili asbuucyadii ugu danbeeyay uu Taliska ciidanka dalacsiiyay dhalinyaro badan oo kasoo kala baxay Jaamacado kuwaa oo qaatay Darajo laba Xidiglayaal ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Booliiska Somalia oo ay ku sii kordhayaa dhalinyaro isku darsaday aqoon iyo darajo ciidan appeared first on Caasimada Online.