Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,049
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomalaiya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa faahfaahin ka bixiyey sababihii keenay inuu is casilo. Khudbad uu ka jeediyay Baarlamaanka oo aad u dheereyd ayuu uga hadlay sababihii keenay inuu xilka banneeyo oo uu kasoo qaatay 6 qodob oo ka mida, taasoo ay ugu weyneyd in awood la isugu sheegtay oo xaaladu u muuqtay mid uu dhiig ku daadand doono Jawaari ayaa qodobada uu sheegay inuu isku casilay inuu ka badbaadiyey Baarlamaanka Soomaaliya inuu qaato go’aan ka baxsan Dastuurka Dalka iyo xeer hoosaadkiisa. Sidoo kale Jawaari ayaa qodobada is casilaadiisa kusoo daray inuu diiday in dartiis dhiig loo daadiyo sida uu hadalka u dhigay. Jawaari ayaa sidoo kale qodobadak usoo daray is casilaadiisa inay sabab aheyd isagoo ilaalinayo inay shacabka niyad jabaan. Haddaba halkaan hoose ka akhriso 6-da qodob ee keentay is casilaadiisa:
  2. Bosaso-[Punland Post]-Dugsiga waxbarashada ee Ibnu Baz ayaa waxaa ka qalin jabiyey arday farabadan, kuwaasi oo bartay Quraanka Kariim ah. Ardayda ka qalin jabisay dugsiga ayaa dhammeyd 141 arday oo isugu jiray wiilal iyo gabdho. Xaflad ballaaran oo si weyn loo Agaasimay isla markaana shahaadooyin iyo abaal marino lagu gudoon siinayey ardayda ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee hotel Sabaax Bosaso-Puntland-Soomaaliya. Waxaa ka soo qeyb galay munaasabadda maamulka dugsiga, arday, waalidiin, culimo’udiin, mas’uuliyiin ka socotay wasaradda waxbarashada Puntland, jaamacadaha Bosaso, mu’asasada Al-Minhaaj iyo marti sharaf kale. Xafladda ayaa isugu jirtay laba qeybood oo waxaa la abaal marinayey ardayda baratay Quraanka, halka la sagootiyey ardayda ka baxday fasalka 8-aad Maamulaha guud ee dugsiga Ibnu Baz Feysal Xuseen Cali oo ugu horeyn ka hadlay xafladda ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey marxaladihii kale duwanaa ee uu soo maray dugsiga. ”Waxaa dugsiga waxaa la furay sanadku marka uu ahaa 2004 waxa uu soo maray maraxalado kale duwan ilaah mahadii xiligan waxa uu leeyahay faracyo kale duwan ayuu yiri maamulaha guud ee dugsiga Ibnu Baz Feysal Xuseen Cali .” Gudoomiyaha Jaamacada Bosaso iyo Gudoomiyaha dalada waxabarashada ah ahliga ah ee Ben ee Puntland ayaa si wada jir ah u qiraya in Dugsiga ibnu Baz uu yahay dugsi aqoon fiican ay ku duugan tahaya islamarkan soo saray jiil da yar oo Aqoon fiican leh. Gudoomiye ku xigeenka ee Al MinHaaj Seekh Ciise ayaa sheegay in dugsiga Ibnu baz uu ka mid ayahay dugsiyada ugu wanaagsan Puntland, sanad walbana uu soo saaro arday fara badan oo baraty Quraanka kariimk. Nabadoon Cabdiqaadir Xarago oo Munasabada soo afmeeraya waxa uu sheegaya in ay mihiim tahay in lala shaqeeyo macalimiinta si aya u soo saaran ubad aqoon fiican leh . Geba-gebadii muanasabada ayaa waxa lagu guddoon siiyey abaal marino kale duwan macallimiinta iyo maamulka dugsiga Ibnu Baz halka ay macalimiintuna ay ardayda gudoon siiyeen abaal marino kale duwan. Cabdiqani Boos Puntland Post- Bosaso The post In ka badan 130 arday oo ka qalin jabisay dugsiga Ibnu Baz ee magaalada Bosaso appeared first on Puntland Post.
  3. Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa la filayaa in maalinto beri u dhoofaan Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Farmaajo ayaa Sacuudiga uga qeyb galaya shir madaxeedka 29aad ee Wadamada ku bahoobay Jaamacadda Carabta, waxaana shirkan sidoo kale kasoo qeyb galaya Madaxweynayaal kale. Wafdi horu dhac u ah Madaxweynaha Soomaaliya uu hogaaminayay Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa shalay gaaray dalka Sacuudiga, waxa uuna Wasiirka ka qeyb galaya shirka horu dhaca ah ay yeelanayaan Wasiirada Arimaha Dibadda. Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu Sacuudiga joogo la kulmi doono qaar kamid ah Madaxda ka qeyb galeysa Shirka Jaamacada Carabta, waxa uuna kala hadli doonaan sidii ay u xoojin lahaayeen xariirka kala dhaxeeya Soomaaliya. Warar kale oon heleyno ayaa sheegaya in marka uu shirka dhamaado Dowlada Sacuudiga dhax dhaxaadin ka dhax bilaabi doonto Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta oo xiriirkooda hada meel xun gaaray. Dowlada Soomaaliya ayaa horey dacwad ka dhan ah Dowlada Imaaraatka Carabta iyo shirkada DP Worl ugu gudbisay Jaamacada Carabta, waxaa sidoo kale dacwad ka dhan ah Soomaaliya iyana jaamacada Carabta u gudbisay Dowlada Imaaraatka.
  4. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo maanta xilkii iska casilay ayaa sheegay in dhawr arrimood ay sabab u tahay inuu xilka iska-casilo. Jawaari ayaa sheegay inaysan jirin wax dhaqaale ah oo uu ku bedeshay inuu xilka iska casilo, isagoo ka jawaabayay warar dhawaanahan lagu baahinayay baraha bulshada ee ahaa inuu lacag ku qaatay inuu is-casilo. “Ma jiro wax dhaqaale ah oo aan dowladda iyo dalal shisheeye kaga qaatay inaan xilka iska-casilo, balse go’aakeyga waa mid aan u arkay xal in looga gaaro muranka taagan,” ayuu Jawaari ku yiri khudbaddiisa. Sidoo kale, mar uu soo hadal-qaaday sababta ka dambeysa inuu iska-casilo ayuu sheegay inay ugu muhiimsan yihiin; Waxaan doorbiday inaan ka mid noqdo xallinta asmada siyaasadeed ee ka aloosantay mooshinka, isla mar ahaantaana aan ka mid noqdo xal-u-helidda mushkiladda. Wuxuu kaloo sheegay in sababta uu isku casilay ay ka mid ahayd inuusan burbur lasoo gudboonaan baarlamaanka federaalka oo uu xusay inuu qayb ka ahaa dhismihiisa iyo hawsha wanaagsan ee uu qabtay intii uu jiray. “Markii aan arkay buu yiri wax u eg cudud sheegasho waxaa si dhaw iigu muuqatay in haddii ay sii socoto kala aragti duwanaashaheenna ay sababi karto in la isku dhaawaco ama uu dhiig daato, sidaa daraadeed ma ogolaan karo in daraadey uu qof dhaawac u gaaro,” ayuu Prof. Jawaari ku sheegay khudbaddii uu baarlamaanka ka jeediyay. Dhanka kale, Wuxuu sheegay inuu garwaaqsaday talooyinka shacabka iyo xubnaha baarlamaanka uga imaanayay, isla markaana uu weligiiba ku fikiri jiray inuu ka shaqeeyo dhisidda dowladnimada Somalia iyo sugidda amniga dalka. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Xilka ka dagay ayaa muddo dhawr toddobaad ah kala kulmayay culeysyo siyaasadeed oo kaga imaanayay xukuumadda iyo madaxtooyada, kuwaasoo ugu dambeyn ku qasbay inuu xilka ka dago. PUNTLAND POST The post JAWAARI oo sheegay inuu is casilay kaddib markii uu arkay wax u eg cudud sheegasho appeared first on Puntland Post.
  5. Hay’adda KAALO ayaa tababar u qabatay Saraakiil ka socotay Booliska iyo Asluubta Gaalkacyo, Xafiiska Xeer Ilaalinta iyo Garsoorayaal ka socday Maxkamadda Gobolka Mudug. Furitaankii tobabarkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka socotay Hay’adda UNHCR, kuwaas u mahadceliyey ka qaybgalayaasha, waxayna kula dardaarantay in ay ka faa’iidaystaan casharada lagu bixinayo tababarkan. Tababarkan oo laba maalmood socon doona ayay saraakiisha Booliska iyo Maxkamadduhu ku baranayaan sida loo ilaaliyo Xuquuqda Bani’aadamka gaar ahaan xuquuqda ay leeyihiin Maxaabiista xiran iyo waliba sida uga haboon oo danbi loo baari karo. Fulinta tababarkan ayaa waxaa iska kaashaday Hay’adda Qoxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR iyo Haya’ada KAALO, waxaana tababarkan oo kale lagu qaban doonaa Magaalooyinka kale ee Puntland wuxuuna qayb ka yahay mashaariic balaaran oo ay KAALO ka fulinayso deegaanada Puntland. Mahan markii ugu horaysay oo tababar loo qabto Booliska iyo Garsoorayaal ka socday Maxkamadda Gobolka Mudug, si loo ilaaliyo xuquuqda Bini,aadamka, Maxaabiista iyo hanaanka baarista dambiyada. PUNTLAND POST The post Hay’adda KAALO oo Gaalkacyo ku qabatay tababar ku saabsan Xuquuqda Aadanaha appeared first on Puntland Post.
  6. Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta dowladda Puntland, Saalax Xabiib Jaamac oo maanta Garoowe ku soo xiray kulan ku saabsan la-dagaallanka musuq maasuqa ayaa ku baaqay in mudnaan gaar ah la siiyo mushahar-siinta shaqaalaha kala duwan,si looga guulaysto musuq maasuqa. Wasiirka ayaa sheegay in aan musuq maasuq laga ilaalin karin,qof aan haysan xuquuq ku filan,islamarkaana loo baahan yahay in lagu dadaalo mushahar-siinta dhammaan shaqaalaha kala duwan ee ka hawlgala xarumaha dowliga ah iyo kuwa kaleba,si aysan u raadin laalush iyo maal xaaraan ah. Dhinaca kale Wasiirka ayaa ka hadlay lacagaha badan ee laga qaado Xujeyda Soomaaliyeed oo uu sheegay in koox gaar ah mas’uul ka tahay. Kooxdaas oo uusan magac-dhebin, ayuu ku eedeeyay in ay laaluush ku bixiso sidii loo dabooli lahaa dhibaatada ay bulshada ku hayaan. Halkaan ka daawo Wasiirka PUNTLAND POST The post Daawo: Wasiir Saalax xabiib oo sheegay in Xajkii baa’ical mushtar iyo laaluush galay appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa cirka isku soo shareerayo Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeyo dowladda Soomaaliya iyo dalka Imaaraadka Carabta kadib faragelin qaawan oo ay ku sameysay jiritaanka iyo midnimada Soomaaliya. Khilaafkaan oo markii hore kasoo bilowday khilaafka Siyaasadeed ee dhexmaray dowladaha Carabta ayaa wuxuu soo gaaray illaa heer ay dowladda Imaaraadka Carabta lacago xad dhaaf ah soo geliso dalka Soomaaliya si ay isaga hor keento kooxaha isku khilaafka Siyaasadda. Hadda Sida ay qortay wakaaladda wararka Reuters mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibbadda Soomaaliya ayaa sheegay inuu sanado ka hor uu dhamaaday heshiiskii ay dawlada Soomaaliya la gashay dhigeeda Imaaraatka ee ku saabsana tababarka ciidamada Soomaaliya. Mas’uulkaan oo ay wakaaladdu xusin magaciisa iyo jagada uu wasaaradda ka hayo ayaa sheegay in heshiiskii ay dawlada Imaaraatku ku tababaraysay ciidamada Soomaaliya uu ekaa sanadkii 2016 sidaa darteed ay jirin sabab ay ku sii socoto hawsha tababarka ciidamada Soomaaliya. “Heshiiskii aan kula jirnay Imaaraatka ee ay ciidamada noogu tababarayeen waxaa uu dhamaaday sanadkii 2016 sidaa darteed siima socon karo” ayaa lagu yiri warka ay daabacday wakaaladda wararka Reuters ee ay kasoo xigatay mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibbadda Soomaaliya. Dawlada Imaaraatka oo bilowday tababarka ciidamada Soomaaliya sanadkii 2014 ayaa dawlada Soomaaliya u tababartay boqolaal askari. Wasiirka gaashaandhiga ayaa shalay sheegay in dawladu la wareegayso ciidamada Imaaraatku tababaraan ee Muqdisho jooga sida lagu qoray wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA. Maanta ayaa lagu wadaa in Ciidamada Imaaraadka ay gacanta ku heysay ay la wareegto dowladda Soomaaliya kadib khilafka markii uu meel xun garay. Dowladda Soomaaliya ayaa weli gacanta ku hesto ku dhawaad 10 Malyan oo ay Imaaraadka si sharci darro ah uga soo dajisay Magaalada Muqdisho. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Africa ka wado ololihii ugu dambeeyey oo ay kula wareegeyso meelaha ugu muhiimsan Sida Dakadaha iyo garoomada diyaaradaha, waxaana xusid mudan in dhawaan laga mamnuucay dalka Jabuuti kadib markii lagu eedeeyey inay kasoo bixi weysay heshiisyadii la galay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Shariif Xasan, Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii Nabad sugidda Gobolka Baay Ibraahim Isgoowe Ibraahim. Digreetada xilka looga qaaday Taliha Nabad sugidda Gobolka Baay ayaa la ogeysiiyay Taliyaha Nabad sugidda Qaranka, Wasiirka Amniga Gudaha Koonfur Galbeed, Taliyaha Nabad sugidda qeybta Koonfur Galbeed, Taliyaha Booliska qeybta Koonfur Galbeed iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka qeybta 60-aad. Sidoo kale Digreetada ayaa lagu sheegay sababta xilka looga qaaday Taliye Ibraahim in ay tahay kadib markii uu gudan waayay waajibaadka shaqo ee loo igmaday, lana shaqeyn waayay Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Saraakiisha kale ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xilka qaadis sameeyay appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha xilka ka sii dagaya ee golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa jeediyay Khudbaddii ugu dambeysay ee isaga oo guddoomiye ah uu kor jeediyo goala shacabka. Khudbadda Guddoomiye Jawaari ayaa waxa aka mid ahaa halka uu marayo qorshaha dhismaha Golaha shacabka isaga oo khudbaddiisa ku sheegay in labo sano gudahood uu qorshuhu yahay in uu ku dhamaado dhismahaas. Jawaari ayaa si rasmi ah xubnaha Golaha shacabka hortooda uga shaaciyay in uu is casilay,waxaana uu ku sheegay in uu isaga tanaasulay oo uu doortay talada shacabka Soomaaliyeed. Jawaari ayaa khubaddiisa uga hadlay qodobbo kala duwan,marxaladaha uu soo maray dalka iyo halka ay tahay in loo jiheeyo.
  10. Muqdisho (PP) ─ Maxamed Cismaan Jawaari ayaa goor dhow bilaabay khudbadiisa is-tiqaalada, isagoo ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka, taasoo noqonaysa markii ugu horreysay oo uu si rasmi ah u sheego inuu xilka banneeyay. Prof. Jawaari ayaa sheegay in maanta aysan jirin qof ama koox guuleysatay ama laga guuleystay, isagoo ka dhawaajiyay in shacabka Soomaaliyeed ay guuleysteen, iyo sarreynta sharciga. Sidoo kale, Khudbaddiisa oo si toos looga daawanayay Telefishinada Qaar ayaa waxaa uu uga hadlayaa waxqabadkiisa, mudadii shantai sano ahayd ee uu xilka hayay, waxaana markii uu khudbada bilaabay is qabsaday sacab. Dhanka kale, Mudane Jawaari ayaa wuxuu ka mid noqonayaa wixii hadda ka dambeeyay xildhibaannada baarlamaanka Somalia, iyadoo laga sugayo inuu baarlamaanku muddo laba toddobaad ah doorto guddoomiye cusub. Haddaba AKHRISO khudbadda Jawaari uu ka jeedinayo Baarlamaanka; PUNTLAND POST The post AKHRISO: Gudoomiye Jawaari oo khudbaddii uu isku casliayay ka jeedinaya Golaha Shacabka appeared first on Puntland Post.
  11. Guddoomiyaha xilka ka degaya ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa goor dhow bilaabay khudbadiisa istiqaalada, isagoo ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka. Jawaari ayaa sheegay in maanta aysan jirin qof ama koox guuleysatay ama laga guuleystay, isagoo ka dhawaajiyay in shacabka Soomaaliyeed ay guuleysteen, iyo sarreynta sharciga.
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Fadhigii Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhoweyd ka furmay Xarunta Baarlamaanka magaalada Muqdisho, iyadoo uu shir guddoonka la wareegay Guddoomiye ku xigeenka koowaad. C/weli Muudey ayaa ugu horeyntii la wareegay Guddoonka Baarlamanka, waxaana gudodomiyaha is-casilay ee Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) uu ka soo muuqay fadhiga safka hore ee marti sharafta Baarlamaanka loogu talogalay. Arrintan ayaa ka hor imaaneysa heshiis laga gaaray arrintan oo Guddoomiye Jawaari loogu ogolaaday inuu guddoomiyo qeybta hore ee kulanka, waxaana taas lagu bedelay in guddoominta fadhiga uu wado C/weli Muudey oo ku adkeystay arritan. Kulanka oo hadda furmay ayaa la wada sugayaa khudbadda Guddoomiyaha xilka baneynaya uu ka jeedin doono Golaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, ahna kusimaha madaxweynaha, Eng, Camey ayaa sheegay inay ka xun yihiin fowdadii dhawaan ka dhacday barlamaanka Soomaaliya, taasoo kaliftay inuu meesha ka baxo guddoomiyihii barlamaanka Jawari. Madaxweyne Camey, inkastoo uu soo dhoweeyay tanaasulka uu sameeyay guddoomiye Jawaari, hadana wuxuu sheegay inaan loo baahanayn inuu heerkaas gaaro khilaafka madaxda sare ka dhex tagnaa iyo is eedaynta ay warbaahinta isaga jeedinayeen. Waxaa uu madaxweyne ku xigeenku ugu baaqay dowladda federalka inay si hoose ku dhameystaan wixii dhexdooda isku khilaafaan, isagoo sheegay inaan loo baahnayn in khilaafku dibada yimaado. Halkaan ka dhegayso codka Camey. Camey Khilaafka clip Puntandi.com
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ma jiro Qodob dastuuri ah oo Kahor istaagaya Xildhibaanada 275-Ka ah ee Golaha Shacabka iney utartamaan Gudoomiyaha Baarlamaanka oo uu wixii maanta ka danbeeya toos uga dagayo Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Jawaari Kursigan waxa uu ku fadhiyay wax ka badan 5 Sano iyo Bilooyin, Waxa uu soo bilaabay Hogaaminta Baarlamaanka Sanadii 2012,. Waxaa jira hardan bilow ah oo ku qotoma in Kursiga lagu koobo oo kaliya in ay u tartamaan beesha uu Jawaari ka soo jeedo, Waxaase baraha Bulshada ka socda Boorar ay ku xardhanyihiin Sawirrada Musharixiin aan aheyn kuwii la filayey in ay xilkan isu sharraxaan. Siyaasiyiinta qaar iyo xubno xilal ka haya dalka ayaa dadaal iyana ugu jiro inuu wax iska badalo Habka awood qeybsiga beelaha ee Kuraasta ugu sareysa dalka. Dadka aan sida rasmiga ah u sheegin usharxanimadooda balse baraha bulshada agu baahiyey waxaa kamid ah Xildhibaan C/Qaadir Cosoble Cali, Cosoble haddii ay dhacdo inuu kursigaa u tartamo kuna guuleysto, waxa suuragal ah in uu xilka waayo Wasiirka Koowaad ee Xukuumada Somaliya. Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye waa Gudoomiyaha Guddiga Xeer Hoosaadka ee Golaha Shacabka, Wuxuuna ka midyahay dadka uu kujirro damaca ah armaad kursigan Banaan ku fariisataa, Wuxuu sheegayaa in Beeshii kursigan ku fadhiday uun ay ubanaantahay utartamideeda, hadii taas laga weeciyana ay tahay in la sameeyo Xiisado siyaasadeed iyo dagaal hor leh. Xildhibaan Kale ayaa isaguna qaba in Xilalka Gudoomiyaha, Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad iyo Kan Labaadba hadey banaanyihiin ay utartami karaan Qofkii doono, Waloow Tusaalooyin buuran aanu bixin, hadana wuxuu umuuqdaa mid difaacaya iney Beelaha dhan utartami karaan Kursigan Hada Banaan. Senetar Mustaf Maxamed Qodax,ayaa sheegaya in Banaanshaha kursigii Jawaari ay Xiiso cusub ku soo kordhisay Siyaasada oo xiligan damac uu soo Galay beelo aan marki hore hamin Jirin iney tartamaan. Senator Qodox ayaa sidoo kale sheegaya in hada Kuraasta Madaxweynaha iyo Kan Ra’iisul Wasaaaraha oo sid auu leeyahay beelo gaara uxirnaa ay suura gal tahay iney isbadalaan. Ninka Kursigan maanta ka sii dagaya ee Jawaari oo Mooshin laga keenay darteed isu casilay ayaa isaguba aanu jirin qodob ka reebaya inuu utartamo Gudoomiyenimada Golaha Shacabka. Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa ayaa Isagu ugu danbeyn ka hadlay Dooda la xiriirta Cida ay tahay iney utartanto Kursigan Gudoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka. Xigasho: Radio Mustaqbal Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Israel is finalising a deal to deport thousands of African migrants to Uganda under a new scheme after agreements with Rwanda and the U.N.'s refugee agency to find homes for those expelled fell through. Source: Hiiraan Online
  16. Mogadishu (HOL) - Heavy rains in Mogadishu this week have affected the movement of people and vehicles as the downpours have blocked access to many roads, but internally displaced peoples remain particularly vulnerable as they battle homelessness and disease. Source: Hiiraan Online
  17. Mohamed Osman Jawari, the immediate former Lower House Speaker will be delivering his final speech to Somalia’s Lower House on Thursday. Jawari, who has been the presiding officer of The House of the People since 2012, unexpectedly resigned ahead of a schismatic no-confidence vote that would have threatened the political stability of the country. The speech of Jawari was initially scheduled for Wednesday before it was put off by the first deputy speaker, Abdiweli Mudey for undisclosed reasons. However, Mudey who is the acting speaker on Wednesday evening sent a message to lawmakers informing that the postponed session would be held on Thursday. Thursday’s parliamentary session will be chaired by the first deputy speaker, who will guide the sessions until the position of the Speaker is filled. Addressing the reporters in a joint conference with President, Mohamed Abdullahi Farmajo on Tuesday, Jawari said he came at the decision to step down after heeding the advice from various people. “I considered the advice from people and took one word which is “one of us has to give up” and I decided to deliver the speech on my resignation tomorrow which is 11th of April at the House of the people,” he said. He asked forgiveness from the Somalia people for the worry and concern during the political stand-off. “I would like to inform Somali people that the issue has now come to an end and I ask for an apology for the problems which was caused by our disagreements,” he pleaded. The move was universally welcomed by several leaders including President Farmajo who commending the immediate former speaker, saying Jawari was a Somali elder and statesmen who decided to resign unconditionally. “Mohamed Osman Jawari is a Somali elder who has been serving this country more than fifty years, the decision he took today is a historic one and he did not table any condition for it, I urge him to continue his efforts to support the government,” said Farmajo. The resignation of Mohamed Osman Jawari came the day after the seizure of $9.6 million in cash at Mogadishu airport from a plane that had landed from the United Arab Emirates, according to police and government sources who have declined to comment further on the matter. His resignation sealed an uneasy month-long political stalemate between the Executive and the Legislative branches of government that began when over 100 MPs lodged an impeachment against him. The motion sharply split the House members into two opposing factions led by Prime Minister, Hassan Ali Khaire and Jawari respectively. Analysts and political commentators have speculated that the immediate former Speaker and President Farmajo have been at loggerheads since Somalia passed legislation last month that would require parliamentary approval of future foreign investment deals. The normally-sluggish Parliament – which has abysmal attendance that regularly fails to meet the mandatory quorum necessary to pass legislation – reacted quickly to unanimously banning Dubai ports operator DP World from operating in Somalia. It’s perceived that Jawari’s dual role as both Parliamentary Speaker and Parliamentary ‘whip’ was a signal of the growth of his political strength which may have alarmed President Farmajo who could have interpreted it as an intrusion on executive power. The decision by Mohamed Osman Jawari to resign is expected to lead to a peaceful resolution to the political crisis that has gripped the nation. Source. Hol
  18. UAE’s Minister of State for Foreign Affairs Anwar Gargash said Somalia created tension that’s uncalled for after its seizure of a civilian aircraft this week and money on board that’s allocated for the Somali army. “The current Somali government has, via several violations of previous arrangements and understandings with the UAE, created unnecessary tensions with a friend and an ally that stood with Somalia’s security and stability in the darkest moments,” Gargash said on Twitter on Tuesday night. He also called for prioritizing wisdom and rationality. Bahrain’s foreign minister also commented on the incident and criticized the Somali government’s behavior. “The UAE held several conferences to support Somalia, in the presence of the Somali president. It stood with Somalia against pirates and provided money, arms and medicine. Somalia responded with nothing but ingratitude and harm (while) rushing to the bosom of the nation’s enemies,” he said on Twitter. Some $9.6 million in cash was taken from the plane that had landed from the UAE at Mogadishu airport. According to the UAE’s state agency WAM, this money was allocated to the Somali army based on a memorandum of understanding signed between the two countries in November 2014 to improve military cooperation. The UAE’s ministry of foreign affairs and international cooperation said in a statement that Somalia’s move was illegal as it violated diplomatic norms between the two countries and the MoU’s provisions thus violating international norms and the rules of international law. Source: – AL ARABIYA
  19. Syrian government forces have taken full control over the town of Douma, the last rebel stronghold in the eastern Ghouta enclave outside Damascus, Russian news agencies reported on Thursday, citing a Russian military official. “The raised state flag over a building in the town of Douma has heralded the control over this location and therefore over the whole of eastern Ghouta,” Major-General Yuri Yevtushenko, head of the Russian peace and reconciliation center in Syria, was quoted as saying. Reporting by Vladimir Soldatkin; editing by John Stonestreet Source: Reuters
  20. Mogadishu (HOL) - Mohamed Osman Jawari, the immediate former Lower House Speaker will be delivering his final speech to Somalia's Lower House on Thursday. Source: Hiiraan Online
  21. Baydhaba (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed gaaray Danjiraha dowlada Ethiopia u fadhiya Somalia Jamaaludiin Mustafa Cumar. Jamaaludiin Mustafa Cumar, ayaa magaalada Baydhabo ku sugan maalintii Seddexaad, waxaana la sheegayaa in halkaa uu ku qabanaayo shirar gaar gaar ah. Shirarka uu Jamaaludiin Mustafa Cumar ku qabanaayo magaalada Baydhabo ayaa waxa uu xoogiisa la xiriira dib usoo nooleynta xiriirka ganacsi ee Ethiopia kala dhexeeya Somalia, gaar ahaan maamulka Koonfur Galbeed. Booqashada Jamaaludiin Mustafa Cumar, ayaa sidoo kale la xiriirta sida loo hirgelin lahaa wado isu xirto Degmooyinka Baraawe iyo Doolow. Jamaaludiin Mustafa Cumar, ayaa maalinimadii shalay oo arbaco aheyd magaalada Baydhabo kula kulmay ganacsatada deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, Wasiirada Amniga iyo Waxbarashada. Jamaaludiin Mustafa Cumar, ayaa sheegay in ka Ethiopia ahaan aanu ka maarmeynin in xiriir wanaagsan ay la sameeyan Somalia, waxa uuna amaanay Ganacsiga Somalia. Booqashada Jamaaludiin Mustafa Cumar, oo ku eg muddo Shan cisho ah, ayaa waxaa lagu xoojinayaa xiriirka Somalia iyo Ethiopia, waxa ayna tani muujineysaa in Dowlada Ethiopia ay ku howlan tahay dib u wanaajinta xiriirka Somalia.
  22. The US says "all options are on the table" in response to a suspected chemical weapons attack in Syria, as Western leaders continue to weigh up military action. Source: Hiiraan Online
  23. MOSCOW (Reuters) - Syrian government forces have taken full control over the town of Douma, the last rebel stronghold in the eastern Ghouta enclave outside Damascus, Russian news agencies reported on Thursday, citing a Russian military official. Source: Hiiraan Online
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka furmaaya Shirka 7-aad ee Suufiyada Caalamka, kaa oo ay ka qeybgalayaan ku dhawaad 11 dal oo heer caalami ah. Dalalka ka qeybgalaaya shirkaan ayaa casuumaad ka helay Jaamacadda Imaamu-shaafici oo ku taalla Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Hodan Xaafada Siigaale. Shirkaan ayaa lagu wadaa inuu furmo maanta oo Khamiis ah,waxaana sidoo kale marti ku ah mas’uuliyiin ka socta dowlada Federaalka ah ee Somalia. Shirkaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey oo ay qabaneyso Jamaacadan waxaana shaqsiyaadka martida ah ku jira culimo, Aqoonyahano iyo ilaa heer Caalami ah oo ka kala socda daafaha caalamka. Sidoo kale, Wafdigan waxaa Garoonka Aadan Cadde kuso dhaweeyey Khaliif C/qaadir Macalin Nuur Wasiiru dawlaha Madaxtooyada oo ah aas-aasaha jaamacadda Imaamu-shaafici. Si kastaba ha ahaatee, Shirka 7-aad ee Suufiyada Caalamka ayaa noqonaaya mid albaabada u fura shirarka xiga ee caalamka kaa oo suuragal ah in mararka xiga lagu qabto Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. NAIROBI, Kenya — Twenty-six journalists have been murdered in Somalia in the past decade. Nobody has ever been tried or convicted in these murders. Somalia has sat atop the Committee to Protect Journalists’ Global Impunity Index — a list of the worst countries for the unsolved murders of journalists — for the past three years. Source: Hiiraan Online