Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,156
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay maxaabiista Soomaalida ah ee ku xiran xabsiyada ku yaalla dalka India. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladiisa ay dadaal badan ku bixisay sida looga dhabeyn lahaa heshiiska ay wada galeen labada dowladood ee ku aadan is dhaafsiga maxaabiista. Waxa uu Madaxweynuhu tilmaamay inaan weli laga gaabin wadahadalka lagu sii deyn lahaa maxaabiista, isagoo cod dheer ku sheegay in dhawaan ay dalka soo gaari doonaan maxaabiis badan. Farmaajo waxa uu sheegay in dhawaan ay dowlada Somalia dib dalka ugu soo celin doonto ku dhawaad 100 Maxbuus oo sanado badan ku xiran India. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay dadaal dheeri ah ku bixisay sidii loo soo deyn lahaa Maxaabiistaasi oo xiligaan la kulmaya dhibaatooyin kala duwan. Xukuumada Somalia ayaa horay u sheegtay in ay soo deyn doonto Maxaabiista loo heysto falalka Burcadbadeednimo kuwaa oo ku xiran dalka India. Si kastaba ha ahaatee, xabsiyada dalka India ayaa waxaa ku xiran Soomaali badan oo lagu heysto falal la xiriira burcadbadeednimo, waxa uuna dalka India noqonayaa dalka ugu badan oo ay ku jiraan maxaabiis Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Muxuu Farmaajo ka yiri xal uu helida Soomaalida badan ee ku jirta Xabsiyada India? appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Xuseen Shiikh Axmed Kaddare oo ahaa dhaqan yaqaan ayaa beri Radio Muqdisho ka sii deyn jiray Barnaamij toddobaadle ah oo ku saabsan Dhaqanka. Kaddare AUN wuxuu ahaa hadalyaqaan, caqli u saaxiib ah. Wuxuu ahaa nin dadaal badan oo hey’ado kala duwan si uun ugu lug leh. Wuxuu ahaa Agaasime Waaxda Dhaqanka ee Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare. Waxaa kale oo uu ka shaqeyn jiray Akademiga Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta, Gobolka Banaadir-na wuxuu ka mid ahaa khubaro marka ganacsi cusub shati la siinayo hubisa magaca ay qaadanayaan in uu yahay munaasib, higgaaddiisuna ay sax tahay. Wuxuuna ahaa arday ka tirsan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Markii la qorayay far Soomaaliga, wuxuu keenay far iyo habqoraal uu Soomaaliga u dejiyay oo ka mid ah alif ba’dii iyo hababkii la qiimeeyay in iyada la qaato iyo in kale. Kaddare, maaddaama aan Raadiyaha ka wadashaqeyno, Jaamacaddana aan wada dhiganno siddetamaadkii, yahayna nin aad iiga khibrad iyo aqoon badan, wuxuu ahaa nin aan la sheekeysto oo aan galbaha qaar kula ballamo Afarta Jardiino ama Siinaay oo uu inta u dhexeysa degganaa. Waxaan ula kulmi jiray in aan ka kororsado taariikh, dhaqan iyo suugaan. Maalin maalmaha ka mid ah ayay Madaxda Idaacaddu u yeertay Kaddare oo ay ku wargelisay in Barnaamijkiisa Toddobaadlaha ah la joojinayo oo uu ka mid yahay dad shaqada laga fariisiyay. Dadku marka shaqada laga joojiyo muran iyo dacwad ayay inta badan ka keeni jireen. Kaddare sidaas oo kale ayaa laga filyay, laakiin wuu ku duwanaaday. Wuxuu ku jawaabay: Waxaan ahay nin weyn oo ceeboobay ee iga raalli ahaada. Maxaa dhacay ayaa la weydiiyay? Wuxuu yiri: waan is howlayay oo aniga oo duruufo iyo xaalad adag ku shaqeynaya ayaan haddana baaris, diyaarin iyo soo jeedin Barnaamij qiimo leh aan usbuuc kasta isku howlayay. Waxaan moodayay in ay dhegeystayaasha iyo Madaxda idaacadduba ay ku qanacsan yihiin tayada Barnaamijkeyga. Ayna fahmi karaan duruufta aan ku shaqeynayo. Oo markaas ay abaal iiga hayaan. Sidaa darteed ayaan aniguna is lahaa dhankaaga ka tiiri. Laakiin hadalkiinna marka aan maqlay waxaa ii soo baxday in aan la igu qanacsaneyn ee la ii dulqaadanayay intii aan soo shaqeynayay. Marka waan ceeboobay oo waxay ahayd in aan is garto in aan Barnaamijkeyga lagu qanacsaneyn ee la ii dulqaadanayo. Markaasna aan anigu isaga tago meesha. Raalli ka ahaada intii aad ii dulqaadateen. Haddana in aad ii sheegteen waad ku mahadsan tihiin. Inkasta oo ay labada mas’uuliyadood ay kala culus yihiin, haddii aan fikirka Kaddare qaato waxay noqoneysaa in aan ceeb la wadaago. Waxaase jira asbaabo aan uga duwan ahay oo aan ugu bareeray “ceebta”. Maanta xilligeedii ma joogo in aan faahfaahiyo, dalkana dani uguma jirto in aan sii faaqido. W/Q: Yuusuf Garaad Ex W/A/Dibada Somalia Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Yuusuf Garaad oo xil ka qaadistiisa kusoo xusuustay waayihii ay soo wada mareen Kaddare appeared first on Caasimada Online.
  3. Ra’isul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa booqanaya dalka Masar todobaadka soo socda isaga oo hogaaminayo wafdi heer-sare ah oo ka kooban wasiiro itoobiyaan ah . Warkaan ayaa waxaa baahisay wargeys ay leedahay dowladda Masar shalay oo Jimco aheyd balse madaxda Masar iyo kuwa Itoobiyaba si rasmi ah uma sheegin booqashada iyo maalmaha ay qaadaneyso. Wargeyska ayaa waxaa uu qoray in Hailemariam Desalegn uu la kulmi doono inta booqashada uu ku gada jiro madaxweynaha Masar Cabdi Fitaax Al-siisi iyaga oo ka wada hadli doono waxyaabihii ugu dambeeyay ee ku saabsan arrinta biyo xireenka. Labada mas’uul ayaa sidoo kale waxaa ay kawada hadli doonaan arrimaha ku saabsan gobolka iyo kuwa caalamiga ah oo ay tahay in la isla wadaago iyo iskaashiga la dagaalanka argigixisada, waxaana la filayaa inta booqashada ay socoto in la saxiixdo heshiisyo iskaashi oo ay kala saxiixanayaan labada dal kuna qotoma dhinacyada kala duwan. Masar waxaa todobaadkii hore tagay madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki arrintaas oo Itoobiya iyo Suudaan ay ka xumaadeen. Dalalka Masar, Itoobiya iyo Suudaan waxaa u dhaxeeya muran ku saabsan qeybsiga biyaha webiga Nile-ka kadib markii Itoobiya sameysay biyo-xireen dhibaato ku ah xisada biyaha ee Masar. Goobjoog News Source
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta la filayaa inay gaaran magaalada Gaalkacyo. Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa safarkiisa magaalada Gaalkacyo ku wehlin doona Wasiiro, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlada kuwaa oo maalmihii lasoo dhaafay booqasho ku maraayay deegaanada maamulka Puntland. Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa magaalada Gaalkacyo kaga bilaaban doonta booqasho uu ku maraayo degmooyin ka tirsan maamulka Galmudug. Farmaajo iyo Wafdigiisa ayaa hadda ku sugan Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, halkaa oo uu kusoo gunaanadaayo booqashooyinkiisa deegaanada Puntland. Safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa noqonaaya mid dhulka ah, waxaana uu la kulmi doonaa qeybaha kala duwan ee Bulshadda. Waxaa magaalada Gaalkacyo ka socda diyaar garow loogu jiro soo dhaweynta Madaxweynaha Somalia iyo wafdigiisa, waxaana halkaa uga sii horeeyay Wasiirka arrimaha Gudaha Somalia. Dhinaca kale, Ciidamada la dhigay waddooyinka magaalada Gaalkacyo ayaa xiray intabadan waddooyinka waaweyn iyo kuwa yaryar ee magaalada waxaana maanta hakat ku jira isu socodka dadka iyo gaadiidka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Farmaajo oo laga sugaayo Gaalkacyo & Wadooyinka magaalada oo kala xiran appeared first on Caasimada Online.
  5. Minnesotans of many ethnic backgrounds might have similar words for a colonoscopy — it’s colonoscopia in Spanish and koloskopi in Norwegian — but they vary dramatically in the rates at which they seek this important medical screening. Source: Hiiraan Online
  6. Saudi women have attended a football match in Saudi Arabia for the first time, as part of reforms spearheaded by the kingdom’s crown prince. Source: Hiiraan Online
  7. NAIROBI, Kenya, Jan 13 – Africans have reacted angrily after US President Donald Trump reportedly referred to their nations as “shithole countries”, with many accusing the US president of racism and ignorance. Source: Hiiraan Online
  8. Turkey and Somalia on Friday signed a pact to boost their strategic economic partnership. “We wish to deepen relations with Somalia. Turkey’s investment in Somalia... Source: Hiiraan Online
  9. Soomaaliya iyo Turkiga ayaa jimcihii Ankara ku kala saxiixday heshiis iskaashi, heshiiskan waxaa uu taabanayaa dhinacyadda Ganacsiga iyo Maalgashiga, Tamarta iyo Macdanta, Waxbarashada iyo kaabayaasha kale ee nolosha bulshada, waxaa goobjoog ka ahaa ra’isul wasaare ku-xigeennada labada dal. Raysalwasaare xigeenka Dalkan Turkiga ayaanu wada gaadhnay heshiis labada dhinac ay arimahaas si dhow uga wada shaqayn doonaan. Waa fursad kale oo Soomaaliya iyo Turkiga isku xidhaysa. “Waxaa dooneynaa in aan xoojinno xiriirkeenna aan la leennahay Soomaaliya, hadda maal-geshiga Turkiga ee Soomaaliya waa $100 million,” sidaasi waxaa yiri ra’isul wasaaraha ku-xigeenka Turkiga Recep Akdag. Recep Akdag oo sii hadlayey waxaa uu rajo ka muujiyay in maal-geshiga iyo xiriirka ganacsi uu kor ugu kici-doono illaa $200 million oo kor looga qaado $120 million uu ahaan 2016-kii. Dhankiisa ra’isul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Khadar Guuleed waxaa uu sheegay in Soomaaliya xoogga saareyso sidii maal-geshi u heli laheyd, una xoojin laheyd xiriirka fiican ay la leedahay Turkiga. Dhinaca kale, labada dal waxaa ay kala saxiixdeen is-afgarad ku saabsan kaluunka iyo macdanka waxaana u kala saxiixay wasiirka Turkiga u qaabilsan xannaanada xoolaha Ahmet Esref Fakibaba iyo wasiirka Soomaaliya ee Kaluumeysiga & Kheyraadka Badda Cabdirahman Maxamed Cabdi Xaashi. Goobjoog News Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo weli ku guda jira booqashooyinkiisa Gobolada dalka ayaa shaaca ka qaaday in ujeedkiisa uu yahay Somalia oo mideysan. Madaxweyne Farmaajo waxa uu tilmaamay in booqashooyinkiisa ay hordhac u noqon doonaan is dhexgalka Umadda Soomaaliyeed min caasimada ilaa iyo Gobolada dalka. Farmaajo waxa uu sheegay inay aqbaleen dhammaan soo jeedinta odayaasha ay kula kulmeen socdaalka Puntland, waxa uuna intaa raaciyay in si lamid ah ay uga talo qaadanayaan odayaasha magaalada Gaalkacyo. ‘’Qorshaheenu waa inaan sameynaa talo soo jeedin iyo talo qaadasho, waxaan ka dhameyn doonaa hadafka socdaalkeena waxaana rajeyneynaa in booqashooyinkeena ay noqon doonaan kuwo sabab u noqon doona nabadda iyo midowga umada Soomaaliyeed’’. Waxa uu Farmaajo sheegay in xooga ay saari doonaan arrimaha ku xeeran Nabadda iyo is dhexgalka oo uu sheegay inaan la soconkarin la’aan tooda. “Maamul Goboleedyada waxaan kala hadli doonaa xoojinta Nidaamka Fedaraalka, waxaan rumeysanahay inaanu jiri Karin nidaam dowladeed haddii aan la helin nidaam lagu wada shaqeeyo oo lagu feelo” Farmaajo waxa uu intaa ku daray in booqashadan ay xoojin doonto Fedaraalka iyo xiriirka wanaagsan ee dowlada kala dhexeeya maamul goboleedyada taasina ay horseedi doonto dowladnimo waarta iyo isku duubni shacab oo ay kow ka yihiin Maamul goboleedyda. Dhanka kale, Farmaajo waxaa maanta laga sugayaa inuu gaaro magaalada Gaalkacyo waxaana halkaa uga sii horeeyay Wasiirka arrimaha gudaha iyo Hogaamiyaha Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Farmaajo oo mar kale ku celshay hadafka ay ka leeyihiin booqashooyinkiisa dheeraaday appeared first on Caasimada Online.
  11. Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta ku Wajahan magaalada Gaal-kacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay xaflad sagootin ah loogu sameeyay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Bari kadib markii dhowr bari uu socdaalo badan dhanka dhulka ah uu ku marayay Puntland. Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa maanta ku wajahan Magaalada Gaal-kacyo ee xarnta Gobolka iyada oo qaban qaabo balaaran oo lagu soo dhoweeynayo Wafdiga Madaxweynaha laga dareemayo Magaaladaasi. Madaxweynaha ayaa la kulmi doono Madaxda Labada Dhinac ee Magaalada Gaalkacyo ee Puntland iyo Gal-Mudug isaga oo sida qorshuhu uu yahay Labo Habeen ku hoyan Doono Magaaladaasi. Maalinta Isniinta ah ayaa Madaxweyne Farmaajo waxa uu tagi doonaa Magaalada Cadaado halkaasi uu kula kulmi doono Madaxda Maamulka Gal-Mudug. Waxaa sii socon doono safarada Madaxweynuhu uu ku tagayo Deegaanada Gal-Mudug Sida Dhuusamareeb Caabud Waaq iyo Guriceel. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo ku Wajahan Magaalada Gaal-kacyo appeared first on Puntland Post.
  12. Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Miino oo ka dhacay degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay. Miinadan ayaa la sheegay in ay ku aasneyd Koontarool ay ciidamada K/galbeed ku lahaayeen degmadaasi, iyadoo halkaasi khasaare kala duwan uu ka dhashay. Waxaa la xaqiijiyey dhaawaca 3 kamid ah ciidamadii halkaasi ku sugnaa, iyadoo khasaaraha uu intaasi ka badan karo. Wararka ayaa waxay sheegayaan in qaraxa kadib hawada laga saaray guud ahaan isgasriinta degmada Qansaxdheere, waxaana jira howlgallo ay wadaan ciida DFS, K/galbeed iyo kuwa Itoobiya. Al-shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin Internetka waxay ku sheegteen mas’uuliyadda qaraxan, iyaga oo tilmaamay iney waxyeello u geysteen ciidamo badan oo halkaasi ku sugnaa. Maamulka K/galbeed iyo saraakiisha ciidamada maamulkaasi weli kama aanay hadal qaraxan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
  13. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxmed Farmajo ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan uu safar dhanka lugta ah ku tago magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Ammaanka guud ee magaaladaasi aad ayaa loo adkeeyay, waxaana sidoo kale magaalada laga daremayaa diyaar garowga ay shacabka ugu jiraan soo dhoweynta madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa fagaare kula hadli doona shacabka Gaalkacyo, waxaana sidoo kale uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Gaalkacyo. Waxaa la filayaa sidoo kale in madaxweyne Farmaajo ay Gaalkacyo uga bilaabato safar dhanka lugta ah oo uu ku tagi doono deegaanno ka tirsan Galmudug. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
  14. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmajo ayaa sheegay in 10 maalin gudahood ay magaalada Muqdisho soo gari doonaan ku dhowaad 100 maxaabiis oo muddo badan ku xirnaa dalka India. Waxa uu sheegay Madaxweynaha in hadda qaarkood dadkaasi lagu guuleysytay in laga soo saaro xabsiga oo la dejiyo Hoteello, iyaga oo sugi doona maxaabiis kale oo lasoo deynayo si isku mar loo soo qaado. “10 beri gudaheed waxaa iman doona dad gaaraya 100 oo an soo deynay oo qaar kamid ah kasoo saarnay xabsiyadii oo Hoteello deggan oo sugaya qeybkale oo soo socota si aan dalka ugu soo qaadno” ayuu yiri madaxweynaha. Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa ku guuleysatay in xabsiyada laga soo daayo maxaabiis badan oo Soomaliyeed, iyadoo horey dad badan looga soo daayay Itoobiya iyo Jaziiradda Seychelles. Goobjoog News Source
  15. Faah Faahin Dheeraad ah ayaa ka soo baxeeysa xarig Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Gal-Gaduud loogu geeystay Xaliima Ismaaciil (Xalima Yareey) oo ah Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka. Ilo Lagu kalsoonaan karo oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa u sheegay Warbaahinta Puntland Post in Xaliimo yareey iyo ku dhowaad 10 ruux oo kamid ah Guddiga Doorashooyinka Xabsiga Dhuusamareeb lagu xiray. Xarigaasi ayaa waxaa geeystay Maamulka Ahlusunno ee ka taliya Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Gal-Gaduud ee Baratamaha Dhulka Soomaaliya. Xiliga la xirayay Xaliimo Yareey ayaa gaadiid iyada Galbinayay oo ka soo kicitimay Guriceel ay soo galayeen Gudaha Magaalada Dhuusamareeb hayeeshee Koontoroolka laga soo galo Magaalada Dhuusamareeb ayaa iyaga iyo wafdigeeda lagu xiray. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Xaliimo yareey Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya Xabsi guri loogu dhigay Magaalada Dhuusamareeb. Odoyaal ayaa ku hoowlan sidii xuriyadeeda dib ay ugu heli laheyd Xaliimo yariiseey. Lama oga sababta ka dambeeysa Xariga Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Xaliimo yareey loogu geeystay Magaalada Dhuusamareeb hayeeshee Socdaalkaan ay dooneeysay in ay Dhuusamareeb ku tagto ayaa kamid ahaa socdaalo ay ku tageeysay Maamul Goboleedyada. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Faah Faahin: Gudoomiyaha doorashooyinka oo Dhuusamareeb Lagu Xiray appeared first on Puntland Post.
  16. Midowga Afrika ayaa ugu baaqay Madaxweyne Donald Trump inuu ka laabto hadal gaf ahaa oo la sheegay inuu u adeegsaday wadammada Afrika islamarkaana uu raaligelin hadalkaasi ka bixiyo. Bayaan si adag loo soo qoray ayuu Midowga Afrika ku muujiyay sida uu uga caraysan yahay hadallada la sheegay, kuwaas oo sharaf dil ku ah qadarinta Mareykanka uu siin jiray kala midab duwanaanshiyaha. Wakiilada Midowga Afrika ee ku sugan caasimada Mareykanka ee Washington, ayaa muujiyay sida ay “uga xun yihiin, ugana careysan yihin oo ay u diidan yihiin” hadalkii la sheegay inuu kasoo yeeray Trump, taasi oo ay ku sheegeen inay xaqiijineysa in maamulka Mareykanka uu si qalad ah u fahmay qaarada Afrika. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Botswana ayaa u yeertay safiirka dalkeeda ee Maraykanka, waxa ayna hadalka madaxweyne Trump ku tilmaantay mid aanan loo dulqaadan karin oo qeyru mas’uulnimo ah. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Botswana ayaa sheegtay sidoo kale inay rajeyneyso in dadka Mareykanka aysan la qabin madaxweyne Trump fikradaan ka dhanka ah dalalka Afrika. Dr Pelonomi Venson Moitoi, ayaa u sheegtay BBC-da in erayga uu adeegsaday madaxweyne Trump uu ku yahay gef qaarada Afrika. Hadalada lagu eedeeyay inuu sheegay Trump ayaa yimid xili xildhibaanada xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimoqoraadiga ee Aqalka Congress-ka ay maalintii khamiista xafiiskiisa ku booqdeen Trump si ay uga wadhadlaan arrimaha muhaajiriinta, xiligaas oo ahayd markii uu Trump hadalada gefka ah jeediyay. Balse Trump ayaa fariin uu kusoo qorey Twitter-kiisa waxa uu ku sheegay in erey bixinta uu isticmaalay ay ka duwanayd tan ay warbaahinta faafisay. Xigasho BBC PUNTLAND POST The post Wadamada Afrika oo ka xumaaday hadal Gaf ahaa oo ka soo Yeeray Trump appeared first on Puntland Post.
  17. Midowga Afrika ayaa ka dalbay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuu raali-gelin ka bixiyo hadallo uu ku sheegay inay tahay qaaradda Afrika mid wasaq iyo qurun ah. Ergeyga midwoga Afrika ee ku sugan magaalada Washington, D.C. ayaa sheegtay inay ka xuntahay hadalka Trump ayna ka careysantahay, waxayna hoosta ka xariiqday in maamulka Mareykanka uusan waxba ka fahansaneyn qaaradda Afrika. Wararka ayaa waxay sheegayaan in hadalkaani uu Turmp dhahay intii uu socday kulan ka dhacayey aqalka cad loogana arrinsanayey arrimaha Socdaalka. Trump ayaa iska diiday inuu u adeegsado hadalka dowladaha qaaradda Afrika luqad la fahmi karo. Ergeyga midowga Afrika ayaa tilmaantay in lagama maar-maan ay tahay in la furo wadahadal dhab ah oo u dhaxeeya Mareykanka iyo dowladaha midowgga Afrika, waxayna ugu baaqday Trump inuu dhowro karaamada bani’aadanimada. Goobjoog News Source
  18. Abdi set to have detention review hearing Monday and deportation hearing in the next month Supporters of Abdi demonstrated in Lower Sackville, N.S., on Tuesday, where Prime Minister Justin Trudeau was holding a town hall meeting. (Robert Guertin/CBC) A Somali refugee at risk of being deported has been moved to an immigration detention centre in Toronto, according to his lawyer. 23-year-old Abdoul Abdi was being held in segregation by the Canada Border Services Agency (CBSA) following his release from a New Brunswick prison last Thursday. Abdi, who just completed a four-year sentence for crimes including aggravated assault, is at risk of being deported because he is not a Canadian citizen, despite living in the country most of his life. “He’s not doing very well,” said Abdi’s lawyer, Benjamin Perryman. “He’s happy to be out of segregation. He’s of course nervous and scared of the upcoming deportation proceedings.” Benjamin Perryman is Abdoul Abdi’s lawyer. (Marina Von Stackelberg/CBC) Abdi came to Nova Scotia as a refugee when he was six years old but was taken into foster care soon after and subsequently lived at more than two dozen foster homes. It was the responsibility of the province’s Department of Community Services to make an application for his citizenship, but that never happened. Abdi came to Canada as a refugee when he was six. (Submitted by Benjamin Perryman) His lawyer said before the CBSA intervened, correctional services had deemed him safe to release, and had planned to have him stay at a halfway house in Toronto. “Moving him there makes him closer to where he needs to be should border services and the Immigration and Refugee Board agree to his release,” Perryman said. This photo of Abdoul Abdi and his daughter Farrah was taken before he began his prison sentence. (Submitted by Fatouma Abdi) Province lacks policy for citizenship application Nova Scotia has no policy to ensure that immigrant children in foster care are able to apply for and receive citizenship, Perryman said. “From a compassionate perspective, you cannot look at the deplorable treatment Mr. Abdi received while he was a child in care and the failure to get citizenship and think it’s morally justified to deport him,” Perryman said. Julie Chamagne is the executive director of the Halifax Refugee Clinic. (Marina Von Stackelberg/CBC) Cases like Abdi’s aren’t unique, according to Julie Chamagne, executive director of the Halifax Refugee Clinic. Chamagne said in some cases, the person thinks they’re a Canadian citizen, and doesn’t find out they aren’t until they’re charged with a crime. Deportations not rare, says advocate Chamagne said despite spending most of his life in Canada, Abdi’s life is now at risk if he is sent back to Somalia. “Abdoul Abdi is going to be deported to a country where Canada issues the starkest of travel advisory warnings, and Canada won’t even send its own citizens,” Chamagne said. Abdoul Abdi is going to be deported to a country where Canada . . . won’t even send its own citizens.Julie Chamagne , executive director of the Halifax Refugee Clinic “That to me is a terrible contrast. He’s someone who should be, and for all intents and purposes is, a Canadian citizen.” But Canada has a history of deporting people like Abdi, even when the United Nations found it would be in violation of international law, according to his lawyer. “International law is clear that deporting somebody like Mr. Abdi in these circumstances would be a violation of the law,” he said. Abdi is set to have a detention review hearing on Monday, and a deportation hearing in the next three to four weeks, according to his lawyer. In the meantime, Perryman is challenging the deportation order in federal court, and said it’s up to the Canadian government to stop it.​ “[The federal government] didn’t look at the country conditions in Somalia, they did not look at the experience of Mr. Abdi in care and they did not look at the reason why he did not become a Canadian citizen,” he said. CBC
  19. Isha hourmarka, xadaarada iyo astaanta qaranimada waa gobolka Banaadir, inkastoo haddane deegaanku la wada degan yahay ee qaranka ku teedsan yahay inta u dhaxeysa labada webi. Gobolka Banaadir waxaa ku nool seddax milyan iyo bar oo heysan wax madalaad ah, halka gobolada reer guuraaga iyo qabaa’ilka aan wax soo saarka laheyn ay heystaan madalaad buuxda. Banaadir waa la dulmiyay, magaca dowladda dhexena jiritaankeeda waxa saldhig u ah Banaadir. Dakhligeeda oo ay ka qadsan tahay waxaa maamula dowlad dhexe oo ku timid madalaada 4.5. Ra’iisul wasaare Kheyre oo magacaabistiisa si baqtiyaa nasiib ah u timid ayaa hortaagan inuu qabsoomo shiweynaha dib u heshiisiinta nabadeynta iyo aayaha Banaadir. Haddii ay sameysato maqaamka iyo madalaada sharciga ah ee Xamar, Kheyre wuxuu ka welwelayaa inay daciifto awooda dowladdiisa, sababtoo ah waxaa dhalaneysa isla xisaabtan ku saleysan ku kala bax awoodaha dowladda dhexe iyo midda maqaamka Banaadir. Hooyada iyo calosha qaranka waa Banaadir, waxayna naas nuujisaa inta caasiga ku ah oo aan daneyneyn horumarkeeda. Banaadir wey badbaadee, bulshadeeda ayaana laga rabaa midnimo iyo dib u heshiisiin ay ku dhisaan maqaamkooda qaranimada iyo kooda deegaaneed. Xamar waxay u dul qaadatay faragelinta siyaasiyiinta galtida ah, la nool nolosha reer guuraagaanimada bidaa’iga ah, awalna taariikhiyan ugu noolaa si barakac ah oo aan ka duwaneyn barakacayaasha maanta Xamar kusoo jabay. Xamar waxay jiko u tahay oo laga quudiyaa gobolo sheegto maamul goboleedyo iyo siyaasiyiin ku adeegto magaca dowladda dhexe, xag wasiiro iyo baarlamaanba leh. Guddoomiye Taabit waxaa la gudboon inuu guddiga dhiisha isaaga dhigo welwel la’aan, badbaadada Banaadir, horumarka Banaadir iyo maqaamka Banaadir, waxaa garabkiisa taagan bulshada Banaadir iyo inta deegaanka ku leh labada webi Jubba iyo Shabeelle oo ah mushtamaca doorka weyn ku leh wax soo saarka illane u ah nolosha iyo horumarka Somalia. W/Q: Cali Muxiyaddiin Cali Muxiyaddiin@hotmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Kheyroow, Banaadir ma bannaankaad ka joogtaa mise waa badbaadinee? appeared first on Caasimada Online.
  20. For Abdikadir Negeye, who is with Maine Immigrant and Refugee Services, a Somali-founded community organization in Lewiston, it was shocking to hear reports that that the president of his adopted country had described countries in Africa as "shitholes." Source: Hiiraan Online
  21. One of the countries President Trump presumably had in mind when he disparaged Africa is Somalia, a country that he has included in several iterations of his travel ban. Source: Hiiraan Online
  22. In 2018, playing video games obsessively might lead to a diagnosis of a mental health disorder. Source: Hiiraan Online
  23. Wararka ka imaanaya degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in caawo halkaas laga dareemayo kacdoon ballaaran oo looga horjeedo dowladda Kenya oo Ciidankeedu Maanta degmadaasi ku dileen sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya. Dagaal kooban ayaa Maanta dhexmaray Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya qeybtooda ku sugan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo iyo Ciidan ka tirsan kuwa Kenya oo ka soo tallaabay xadka,waxaana halkaasi ku dhintay sarkaal magaciisa lagu sheegay Maxamed Aadan Yuusuf (Ilka Case). Mas’uuliyiinta gobolka Gedo ayaa Warbaahinta u sheegay in dagaalkan uu ka dhashay,kadib markii ay kala shakiyeen labada ciidan. Mas’uuliyiinta ayaa Shacabka magaalada iyo Ciidankaba ugu baaqay in ay is-dejiyaan,laakiin wararka aan haatan degmadaas ka helayno ayaa sheegaya in caawo shacabku ay qoryaha guranayan,islamarkaana uu kacdoon xoog leh socdo. Shacabka ayaa aad uga kacay dilka ay Ciidamada Kenya u geysteen G/sare Maxamed Aadan Yuusuf (Ilka Case) oo si weyn looga yaqaannay degmada Ceelwaaq,kana mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka ee hoggaaminayey dagaalka Al-shabaab looga saarayo guud ahaan gobolka Gedo. Xiisaddan ayaa ku soo beegmatay,xilli dhowaan Shacabka degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ay si weyn uga horjeesteen derbi ay dowladda Kenya dhisayso,kaasoo qeyb kamid ah magaalada ku daraya dhinaca waddanka Kenya. PUNTLAND POST The post Kacdoon looga horjeedo Kenya oo laga dareemayo degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo appeared first on Puntland Post.
  24. Boosaaso, 12 Jan 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay hoggaanka dhaqanka iyo Ganacsatada Gobolka. Madaxweynaha ayaa kala hadlay ganacsatada kaalinta ay ku leeyihiin horumarka dalka, caqabadaha ku xeeran ganacsiga iyo qorsheyaasha ku aaddan qaabeynta iyo horumarinta fursadaha ganacsi ee dalka. Hormuudka ganacsatada ee uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa soo bandhigay sida ay uga go’antahay in ay kaalin mug leh ka qaataan qorsheyaasha lagu hormarinayo dalka, iyagoona xaqiijiyey in ay markasta garab taaganyihiin dowladdooda si looga gudbo waqtiyadii muragada badnaa ee soomaray shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliya kaalinta qiimaha badan ee ay ka qaateen samata bixinta dalka muddadii bur burka, waxa uuna ugu baaqay in ay sii laba laabaan dadaalkooda si loo xaqiijiyo hiigsiga ku saleysan Soomaaliya nabad ah, dadkeeduna nolol wanaagsan ay heystaan. Intaas kaddib, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xarigga ka jaray dhismaha xafiisyada Shirkadda isgaarsiinta Golis oo ah dhismaha ugu dheer ee laga hirgeliyey magaalada Boosaaso. Sidoo kale waxa uu daah furay adeegga Internetka ee xawaarehiisu sarreeyo (Fiber Optic) oo markii ugu horreysay laga hirgelinayo deegannada Puntland. “Farxad weyn ayey ii tahay in aan idin kala soo qeyb galo maalgashigan aad ku sameyseen dalkeenna. Waxaa xaqiiqo ah in adeegyadan iyo horumarkan ay ka tarjumayaan dadaalka iyo hor u socdka ganacsatada Soomaaliyeed” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxa uu kormeeray qaybo ka mid ah suuqyada magaalada Boosaaso iyo goobaha loo nasasho tago isagoona ka soo dukaameystay goob ganacsi oo ku taalla bartamaha magaalada, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay magaalada Boosaaso waxa uu kulamo wada tasho oo ku saabsan mustaqbalka dalka iyo dib u dhiska Qaranka la qaadanayaa qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Bari. DHAMMAAD The post Madaxweyne Farmaajo oo ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed kaalinta ay ku leeyihiin horumarka dalka appeared first on Puntland Post.