Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,144
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waxgaradka ku dhaqan gobolka Sool ayaa sheegay iney wadaan dedaal badan oo lagu xallinayo dagaalladii deegaanka Tukaraq ee gobolkaasi ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland. Nabadoon C/raxmaan Samatar oo kamid ah waxgaradkan ayaa sheegay in muhiimadda ugu weyn ee waxgaradkan ay tahay in la helo nabad iyo in aanu dagaal dambe ka dhicin Tukaraq. Sidoo kale, Nabadoonka ayaa sheegay in dedaalka ugu weyn ee la bixinayo tahay sidii loo kala qaadi lahaa ciidamada is hor fadhiya, shacabkana laga daayo dagaalka. “Dhibka wuxuu yahay in qolo walbo sheeganayaan iney xuduud ama deegaan difaacanayaan, marka meeshu waxay ahayd Kastamkii Puntland, annaga dedaal waan wadnaa, sidoo kalena beesha caalamka kaalin ayeey ka qaadanayaan” ayuu yiri nabadoonka. Weli ma jirto wax xal ah oo laga gaaray dagaalladii ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ku dhexmaray deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Goobjoog News Source
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada ammaanka Degmada Kaaraan, ayaa xalay waxa ay gacanta ku dhigeen nin tuug ah oo hub farsameysan dadka ku dhici jiray, kadib hawlgal ay ka sameeyeen Degmadaasi. Ciidanka ayaa soo qabtay ninkaan dhalinyarada ah oo watay qori laga sameeyay alwaax la isku kabay oo loo ekeysiiyay Qori Ak47, sida lagu soo bandhigay Sawir laga soo qaaday agabkii uu isticmaalayay ruuxaasi. Gudoomiyaha Degmada Kaaraan C/fataax Nuur Cali ayaa sheegay ninkan tuuga ah inuu dhibaato wayn ku haayay shacabka Degmada Kaaraan oo moobeelada uu ka dhici jiray. Wuxuu sheegay dhawr mar dadka shacabka ah ay soo gaarsiiyeen cabasho ku aadan tuugaan dadka dhaco, balse ciidamada muddo ay raadinayeen ninkaasi. Maxkamadda Gobolka Banaadir ayuu sheegay Guddoomiyaha Degmada Kaaraan in ninkaan loo gudbin doono si tallaabo sharci ah looga qaado. Ugu dambeyn ciidamada ammaanka Degmada Kaaraan ayaa u suuragashay inay soo qabtaan ninkaan tuuga ah ee dadka Degmadaasi dhibaatada ku haayay. Magaalada Muqdisho ayaa xilliyada habeenkii ah waxaa jirta Burcad hubaysan oo dhac u gaysata dadka ku nool xaafada, kuwaasi oo ka dhaca moobeelada. The post Ciidamada dowladda oo qabtay tuug qaab cajiib ah dadka ku dhici jiray (Sawiro) appeared first on Caasimada Online.
  3. Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in howlgallo ay kula dagaallamayaan Al-shabaab ay ka bilaabeen deegaannada uu ka arrimiyo maamulkaasi. Waxa uu sheegay Waare inaan loo dulqaadan karin in Al-shabaab dilaan shacab aan waxbo galabsan iyo sidoo kale in jidadka laga xiro dadka shacabka ah. “Waxaad la socotaan inuu bilowday howlgal lagula dagaallamayo Al-shabaab, waxaad ogtihiin in jidadkii laga xiray dadka shacabka ah, lana dilo shacab aan waxbo galabsan” ayuu yiri Waare. Dhanka kale, Madaxwene Waare ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin in ay soo dhoweeyaan dhallinyarada ka barbar dagaallanta Al-shabaab, ayna siin doonaan fursado shaqo. “Waxaan diyaar u nahay inaan soo dhoweynno ilmahaas la qalday, soo dhaqan celinno, shaqo u abuurno, farsamo barno, diinta saxda ah oo aan ku dhallanay oo aan ku dhaqanno barno, xitaa iney askar inoo noqdaan ayaan diyaar u nahay” Waare ayaa mar kale sidaasi yiri. Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab waxay maalmahan dambe ka wadaan deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe. Goobjoog News Source
  4. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo oo safar muddo toddobaad ah ku joogay Puntland ayaa sheegay in caqabado aad u badan ay soo wajaheen Dowladda uu madaxda ka yahay, kuwaasoo uu xusay inay sidoo caqabado ku ahaayeen dowladihii midiisa ka horreeyay. Farmaajo ayaa sheegay in caqabadaha ugu waaweyn ee ay xukuumadda hadda jirta ka socon la’dahay ay yihiin khilaafyo siyaasadeed oo la doonayo in laga dhex-abuuro, isla markaana kuwii hore la dagay. “Waxa dib noo dhigay waa is-qab-qabsiga, khilaafka iyo dhibaatooyin kale waa kuwa dib noo dhigay ee naga reebay dowladaha caalamka. Dowladda iyo madaxdeeda waa la doortaa waqti ayayna leeyihiin, balse innaga dhaqan aan leennahay waa in xukuumaddii la doorto aysan dhaarin hal sano,” ayuu yiri Farmaajo. Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa xusay in xukuumad walba oo dalka soo marta lagu mashquuliyo lix biood oo mucaaradid ah iyo lix bilood oo lagu rido. Wuxuuuna arrintaas ku sifeeyay in macnaheedu yahya inaan waxba la qaban, wax-qabad la’aantana waxaa ka faa’iideysanaya buu yiri Al-shabaab oo uu ku tilmaamay koox aan waxba u aabbo-yeelayn. “Waxyaabaha kale ee aan maqlayo waa in qaatiyan laga taagan yahay habka 4.5-ka, isla markaana nagu raagay, lana doonayo in dalku uu galo hannaan asxaabeed, si ay dadku isugu raacaan fikir, balse aanay isku raacin hayb,” ayuu hadalkiisa ku daray Farmaajo. Dhanka kale, Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in waxyaabaha kale ee ay shacabka ay aad ugula hadlayeen tan iyo markii ay Puntland tageen ay tahay nidaamka Federaaliisimka oo uu sheegay in la moodayo inaanu innagu horumarinayo, balse wuxuu xusay in nidaamkan uu yahay mid ay Soomaalidu dooratay, ayna xafiiska yimaadeen iyadoo dalku federaal yahay. Ugu dambeyn, Hadallada Madaxweynaha Somalia ayaa waxay imaanayaan xilli dhawaan isbedel lagu sameeyay qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada, isla markaana uu ku jiro khilaaf u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Mucaaradkeeda. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo si Qoto dheer uga hadlay Caqabadaha ku gudban Xukuumadda appeared first on Puntland Post.
  5. Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa maanta ku jirta diyaar garow xoogan oo ay kusoo dhoweynayaan madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya iyo madaxweynaha dowladda Puntland, kuwaas oo saacadaha soo socda halkaas ka dagidoona. Kumanaan shacab ah ayaa isugu tagay barxada madaxtooyada Gaalkacuo halkaas oo la filayo inay madaxda shacabka kula hadlaan, waxaana maanta guud ahaanba la fasaxay xarumaha waxbarashada dowliga ah iyo kuwo gaarka loo leeyahay, iyadoo magaalada guud ahaan laga dareemayo soo dhowaynta madaxweynaha. Ciidamada qalabka sida Puntland iyo ayaa ammaanka si weyn usugaya , waxayna ku sugan yihiin meel kasta oo magaalada kamid ah, si u sugaan ammaanka madaxweynaha iyo wafdigiisa. Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu maalmo ku sugnaado magaalada Gaalkacyo, isagoo kulamo iyo shirar la qaadandoono bulshada Gaalkacyo.
  6. Leego (Caasimadda Online) – Ciidanka kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa Howlgal gaar ah ku burburiyay saldhigii ugu weynaa ee Maleeshiyada Kooxda Alshabaab ay ku lahaayeen degaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Taliyaha Ciidamada gaarka ah ee Dowladda Soomaaliya Axmed Cabdullahi Sheekh,ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada uu taliyaha ka yahay ee Danab ay bur buriyeen Saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen Gobolka Shabeellaha hoose. Saldhigga ayuu sheegay in uu ku yaallo degaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha hoose,halkaas oo AL-shabaab ay maamulayeen tan iyo Bishii August ee Sanadkii hore. Howlgalka Taliye Axmed Cabdullahi sheegay in ay fuliyeen jimcihii kuna beegsadeen Saldhigga Al-shabab ee Leego,halkaas oo uu sheegay in ay ku dileen 10 ka mid ah Al-shabaab. Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ayaa labaduba fuliya weerarro gaadmo ah oo dhinacyada ay isku qaadaan,waxaana dhinaca kasta ku faanaa in uu dhibaato u geystay dhinacii kale. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Alshabaab oo ku saabsan howlgalka lagu qaaday xarumahoodii degaanka Lego. The post Sawiro: Ciidanka Kumaandooska Somalia howlgal ku burburiyey Saldhigii Alshabaab ee degaanka Leego appeared first on Caasimada Online.
  7. Wararka ka imaanaya degmada B/xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in degmadaasi ay ka jirto xiisad u dhaxeysa ciidamada Kenya iyo shacabka ku dhaqan degmadaasi Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa gudaha usoo galay degmada B/xaawo, waxaana ay sheegeen iney burburinayaan nguryaha ku yaalla halkaasi, iyaga oo sheeganaya iney iyagu leeyihiin. Shacabkii ayaa isku soo soo baxay, islamarkaana waxay bilaabeen dibadbaxyo ay ku doonayaan iney ku joojiyaan boobka dowladda Kenya ka waddo B/xaawo. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Kenya ay rasaas xooggan ku fureen dadka shacabka ah si ay u kala eryaan, waxaa sidaasi Goobjoog News u sheegay mid kamid ah waxgaradka ku dhaqan degmada B/xaawo. Halkaan hoose ka dhageyso: http://www.goobjoog.com/business/wp-content/uploads/2018/01/Codka-Balad-Xaawo.mp3Goobjoog News Source
  8. The post Arrin aad looga argagaxo oo ka dhacday magaalada Muqdisho: Video appeared first on Caasimada Online.
  9. NAIROBI, Kenya, Jan 13 – Africans have reacted angrily after US President Donald Trump reportedly referred to their nations as “shithole countries”, with many accusing the US president of racism and ignorance. The 54-nation African Union condemned the remarks on Friday, while a statement from ambassadors of all countries from the continent at the United Nations demanded a retraction and apology. The African Group of UN ambassadors said it was “extremely appalled at, and strongly condemns the outrageous, racist and xenophobic remarks by the president of the United States of America as widely reported by the media”. Ambassadors unanimously agreed the resolution after an emergency session to weigh Trump’s remarks. The comment was “clearly” racist, said Ebba Kalondo, spokeswoman for AU chief Moussa Faki. “This is even more hurtful given the historical reality of just how many Africans arrived in the United States as slaves, and also terribly surprising as the United States remains a massively positive example as just how migration can give birth to a nation,” Kalondo said. He stressed the US was “much stronger than the sum total of one man”. Trump reportedly demanded to know why the United States should accept immigrants from “shithole countries”, after lawmakers raised the issue of protections for immigrants from African nations, Haiti and El Salvador. However he later tweeted: “this was not the language used”. The United Nations slammed the reported remarks as “shocking and shameful” and “racist”. “You cannot dismiss entire countries and continents as ‘shitholes’ whose entire populations, who are not white, are therefore not welcome,” Rupert Colville, spokesman for the UN human rights office, told reporters in Geneva. Botswana summoned the US ambassador to the country to “clarify if Botswana is regarded as a ‘shithole’ country”, according to a foreign ministry statement calling Trump’s comments “irresponsible, reprehensible and racist”. Senegal followed suit with Foreign Minister Sidiki Kaba saying the government “firmly condemned the unacceptable remarks which undermine human dignity, especially of Africa and her Diaspora”. – ‘Nothing new’ – Trump was widely derided last year after twice referring to Namibia as “Nambia”. Social media users across the continent posted images of modern skylines and beautiful nature from their countries with the hashtag “shithole”. Many Africans reminded the US of its historic role in the continent’s woes. “President Trump, One day, I’ll take you to a ‘shithole’ country called Ghana,” wrote Ghanaian Edmond Prime Sarpong on Facebook. “First stop would be Osu Castle, Elmina Castle, and the over 40 Forts that detained about 30 million slaves, beaten and shipped out like sardine cans and then I will tell you the history of Africa and why people like you made that a ‘shithole’ continent.” Prominent Kenyan commentator Patrick Gathara told AFP that Trump’s words were nothing new. “This is no different from what Hollywood and Western media have been saying about Africa for decades. We have consistently been portrayed as shitty people from shitty countries.” Some acknowledged problems in their countries, but blamed this on their poor leaders as well as Western nations. “Please don’t confuse the #shithole leaders we Africans elect with our beautiful continent… Our motherland is the most blessed continent that has been raped by imperialists in collaboration with our shitty misleaders for generations,” wrote Kenyan activist Boniface Mwangi on Twitter. In South Africa, the ruling African National Congress party declared “ours is not a shithole country” and described Trump as “extremely offensive”. – ‘It’s our shithole’ – Some Nigerians did not hold back, with many on Twitter saying their country was a “shithole”, but that it was “our shithole” to criticise. In Senegal’s capital Dakar, administrator Idrissa Fall said “we cannot really say that he (Trump) is wrong”. “African countries, and sometimes our leaders, do not exactly deal with the problems of the worst-off, that’s what makes people immigrate”. Even war-torn South Sudan weighed in, with President Salva Kiir’s spokesman Ateny Wek Ateny slamming the comments as “outrageous”. However Juba businesswoman Jenny Jore, 31, told AFP that Trump’s remarks were “on point”. “It is thanks to our African leaders that we are insulted that way,” she said. The 54-nation UN African Group, which does not include Western Sahara, demanded a “retraction and an apology” from Trump, while thanking Americans “from all walks of life who have condemned the remarks”. Trump’s latest comments provided ample fodder for talk-show hosts. South African comedian Trevor Noah, star of “The Daily Show”, described himself as an offended citizen of “South Shithole” and also criticised Trump’s preferred choice of Norway for immigrants. “He didn’t just name a white country, he named the whitest — so white they wear moon-screen,” he said. Source: AFP The post Africans outraged over ‘racist’ Trump remarks – AFP appeared first on Caasimada Online.
  10. Turkey and Somalia on Friday signed a pact to boost their strategic economic partnership. “We wish to deepen relations with Somalia. Turkey’s investment in Somalia stands at over $100 million,” Turkish Deputy Prime Minister Recep Akdag told a signing ceremony alongside his Somali counterpart Mahdi Mohammed Gulaid. “This figure forms a foundation to prompt bigger cooperation in the days to come.” He predicted that the bilateral trade volume would rise to $200 million from about $120 million in 2016. He spoke at the opening of a Turkey-Somalia Joint Economic Commission meeting in the capital Ankara co-chaired by himself and Gulaid. Akdag added that both countries should carry through 2016 memorandums of understanding in such areas as energy, mines, electricity, higher education, agriculture, and maritime affairs. He added an expected free trade agreement between the two countries would boost trade ties. Gulaid, for his part, said the meeting would maintain bilateral economic ties and bolster strategic cooperation in the years to come. The countries also inked a memorandum of understanding on fishing and fisheries, signed by Turkey’s Food, Agriculture and Livestock Minister Ahmet Esref Fakibaba and Somali’s Fisheries and Marine Resources Minister Abdirahman Mohamed Abdi Hashi. “Now we have started work on the development of Somalia as well as [it] becoming a major economic power with the support of Turkey,” Hashi said following the signing ceremony, adding that the pact would be the beginning of numerous future cooperation deals between the two countries. Under the deal, Turkish fishermen will be able to fish in Somalia’s territorial waters. Turkey and Somalia have long enjoyed friendly relations, as Turkey has invested in many areas to help modernize Mogadishu, the capital of the Horn of Africa country. Last September, Turkey opened its largest military training academy abroad in Somalia. Located south of Mogadishu, the training facility took some two years to build. The facility spans over 4 square kilometers (1.54 square miles), and can train more than 1,500 troops at a time, according to the Somali government. Source: AA The post Turkey, Somalia sign economic partnership pact appeared first on Caasimada Online.
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa ka hadlay caqabadaha Siyaasadeed ee heysta dowladiisa, taa oo ay kala kulmeyso dhinacyo kale. Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay jiraan caqabado Siyaasadeed oo ku horgudboon dowladiisa, waxa uuna cod dheer ku sheegay in is qabqabsiga uu yahay waxa Somalia ka reebay dowladaha jaalkeeda ah. Waxa uu Farmaajo sheegay in Soomaalidu ay wakhti danbe kusoo baraarugi doonaan dhibta ay leedahay caqabadeynta dowladaha doonaaya hagaajinta dalka ee soo maray iyo kuwa soo mari doona. Waxa uu sheegay in mudada ay jirto dowladiisa ay qabatay wax muuqda oo la taabankaro, sidaa aawgeed aan dowladiisa lagu tilmaami Karin mid liidata. Waxa uu sidoo kale, xusay haddii aanay dowladdu horumar la imaanin inay ka faa’iideysan karaan cadowga dalka iyo dadkuba oo uu kala jeedo Ururka Al Shabaab. The post Dhageyso: Farmaajo oo ka hadlay khilaaf Siyaasadeedka kusoo laalaabtay dowladiisa appeared first on Caasimada Online.
  12. Bosaso[Puntland Post]-Madaxwaynaha dawladda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxwaynaha Puntland Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray mashruuca Fiber Optic-ga ee xambaara internetka xawaaraha sare leh ee ay hirgalisay shirkadda isgaarsiinta Golis Telecom Somalia. Munaasabadda lagu daahfurayay mashruucan ayaa ka dhacday xarunta mashruuca Fiber Optic-ga shirkadda golis ee ku taal xeebta Boosaaso dhineceeda waxana ka qayb galay wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dawladda federaalka iyo Puntland iyo masuuiyiinta sare ee shirkadda isagaarsiinta Golis. Gudoomiye ku xigeenka board-ka shirkadda Golis Luqmaan Xaaji Maxamuud ayaa madaxweynaha dawladda federaalka iyo madaxweynaha Puntland uga sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray mashruucan waxa uuna xusay in shirkadda Golis ay u dhabagashay mashruucan si ay uga haqab tirto bulshada Soomaaliyeed baahida ay u qabaan adeegga Internetka oo tayaysan. Madaxweynaha dawladda Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in daahfurka mashruuca Fiber Optic ee ay hirgalisay shirkadda Golis ay tahay talaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka technologiyadda, waxa uuna uga mahadceliyay shirkadda Golis dadaalka ay ugu jirto horumarinta bulshada. Cabdiqani Boos Puntland Post-Bosaso The post Madaxweynaha Soomaaliya oo daahfuray mashruuca Fiber Optic-ga shirkadda Golis appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay maxaabiista Soomaalida ah ee ku xiran xabsiyada ku yaalla dalka India. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladiisa ay dadaal badan ku bixisay sida looga dhabeyn lahaa heshiiska ay wada galeen labada dowladood ee ku aadan is dhaafsiga maxaabiista. Waxa uu Madaxweynuhu tilmaamay inaan weli laga gaabin wadahadalka lagu sii deyn lahaa maxaabiista, isagoo cod dheer ku sheegay in dhawaan ay dalka soo gaari doonaan maxaabiis badan. Farmaajo waxa uu sheegay in dhawaan ay dowlada Somalia dib dalka ugu soo celin doonto ku dhawaad 100 Maxbuus oo sanado badan ku xiran India. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay dadaal dheeri ah ku bixisay sidii loo soo deyn lahaa Maxaabiistaasi oo xiligaan la kulmaya dhibaatooyin kala duwan. Xukuumada Somalia ayaa horay u sheegtay in ay soo deyn doonto Maxaabiista loo heysto falalka Burcadbadeednimo kuwaa oo ku xiran dalka India. Si kastaba ha ahaatee, xabsiyada dalka India ayaa waxaa ku xiran Soomaali badan oo lagu heysto falal la xiriira burcadbadeednimo, waxa uuna dalka India noqonayaa dalka ugu badan oo ay ku jiraan maxaabiis Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Muxuu Farmaajo ka yiri xal uu helida Soomaalida badan ee ku jirta Xabsiyada India? appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Xuseen Shiikh Axmed Kaddare oo ahaa dhaqan yaqaan ayaa beri Radio Muqdisho ka sii deyn jiray Barnaamij toddobaadle ah oo ku saabsan Dhaqanka. Kaddare AUN wuxuu ahaa hadalyaqaan, caqli u saaxiib ah. Wuxuu ahaa nin dadaal badan oo hey’ado kala duwan si uun ugu lug leh. Wuxuu ahaa Agaasime Waaxda Dhaqanka ee Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare. Waxaa kale oo uu ka shaqeyn jiray Akademiga Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta, Gobolka Banaadir-na wuxuu ka mid ahaa khubaro marka ganacsi cusub shati la siinayo hubisa magaca ay qaadanayaan in uu yahay munaasib, higgaaddiisuna ay sax tahay. Wuxuuna ahaa arday ka tirsan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Markii la qorayay far Soomaaliga, wuxuu keenay far iyo habqoraal uu Soomaaliga u dejiyay oo ka mid ah alif ba’dii iyo hababkii la qiimeeyay in iyada la qaato iyo in kale. Kaddare, maaddaama aan Raadiyaha ka wadashaqeyno, Jaamacaddana aan wada dhiganno siddetamaadkii, yahayna nin aad iiga khibrad iyo aqoon badan, wuxuu ahaa nin aan la sheekeysto oo aan galbaha qaar kula ballamo Afarta Jardiino ama Siinaay oo uu inta u dhexeysa degganaa. Waxaan ula kulmi jiray in aan ka kororsado taariikh, dhaqan iyo suugaan. Maalin maalmaha ka mid ah ayay Madaxda Idaacaddu u yeertay Kaddare oo ay ku wargelisay in Barnaamijkiisa Toddobaadlaha ah la joojinayo oo uu ka mid yahay dad shaqada laga fariisiyay. Dadku marka shaqada laga joojiyo muran iyo dacwad ayay inta badan ka keeni jireen. Kaddare sidaas oo kale ayaa laga filyay, laakiin wuu ku duwanaaday. Wuxuu ku jawaabay: Waxaan ahay nin weyn oo ceeboobay ee iga raalli ahaada. Maxaa dhacay ayaa la weydiiyay? Wuxuu yiri: waan is howlayay oo aniga oo duruufo iyo xaalad adag ku shaqeynaya ayaan haddana baaris, diyaarin iyo soo jeedin Barnaamij qiimo leh aan usbuuc kasta isku howlayay. Waxaan moodayay in ay dhegeystayaasha iyo Madaxda idaacadduba ay ku qanacsan yihiin tayada Barnaamijkeyga. Ayna fahmi karaan duruufta aan ku shaqeynayo. Oo markaas ay abaal iiga hayaan. Sidaa darteed ayaan aniguna is lahaa dhankaaga ka tiiri. Laakiin hadalkiinna marka aan maqlay waxaa ii soo baxday in aan la igu qanacsaneyn ee la ii dulqaadanayay intii aan soo shaqeynayay. Marka waan ceeboobay oo waxay ahayd in aan is garto in aan Barnaamijkeyga lagu qanacsaneyn ee la ii dulqaadanayo. Markaasna aan anigu isaga tago meesha. Raalli ka ahaada intii aad ii dulqaadateen. Haddana in aad ii sheegteen waad ku mahadsan tihiin. Inkasta oo ay labada mas’uuliyadood ay kala culus yihiin, haddii aan fikirka Kaddare qaato waxay noqoneysaa in aan ceeb la wadaago. Waxaase jira asbaabo aan uga duwan ahay oo aan ugu bareeray “ceebta”. Maanta xilligeedii ma joogo in aan faahfaahiyo, dalkana dani uguma jirto in aan sii faaqido. W/Q: Yuusuf Garaad Ex W/A/Dibada Somalia Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Yuusuf Garaad oo xil ka qaadistiisa kusoo xusuustay waayihii ay soo wada mareen Kaddare appeared first on Caasimada Online.
  15. Ra’isul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa booqanaya dalka Masar todobaadka soo socda isaga oo hogaaminayo wafdi heer-sare ah oo ka kooban wasiiro itoobiyaan ah . Warkaan ayaa waxaa baahisay wargeys ay leedahay dowladda Masar shalay oo Jimco aheyd balse madaxda Masar iyo kuwa Itoobiyaba si rasmi ah uma sheegin booqashada iyo maalmaha ay qaadaneyso. Wargeyska ayaa waxaa uu qoray in Hailemariam Desalegn uu la kulmi doono inta booqashada uu ku gada jiro madaxweynaha Masar Cabdi Fitaax Al-siisi iyaga oo ka wada hadli doono waxyaabihii ugu dambeeyay ee ku saabsan arrinta biyo xireenka. Labada mas’uul ayaa sidoo kale waxaa ay kawada hadli doonaan arrimaha ku saabsan gobolka iyo kuwa caalamiga ah oo ay tahay in la isla wadaago iyo iskaashiga la dagaalanka argigixisada, waxaana la filayaa inta booqashada ay socoto in la saxiixdo heshiisyo iskaashi oo ay kala saxiixanayaan labada dal kuna qotoma dhinacyada kala duwan. Masar waxaa todobaadkii hore tagay madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki arrintaas oo Itoobiya iyo Suudaan ay ka xumaadeen. Dalalka Masar, Itoobiya iyo Suudaan waxaa u dhaxeeya muran ku saabsan qeybsiga biyaha webiga Nile-ka kadib markii Itoobiya sameysay biyo-xireen dhibaato ku ah xisada biyaha ee Masar. Goobjoog News Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta la filayaa inay gaaran magaalada Gaalkacyo. Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa safarkiisa magaalada Gaalkacyo ku wehlin doona Wasiiro, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlada kuwaa oo maalmihii lasoo dhaafay booqasho ku maraayay deegaanada maamulka Puntland. Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa magaalada Gaalkacyo kaga bilaaban doonta booqasho uu ku maraayo degmooyin ka tirsan maamulka Galmudug. Farmaajo iyo Wafdigiisa ayaa hadda ku sugan Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, halkaa oo uu kusoo gunaanadaayo booqashooyinkiisa deegaanada Puntland. Safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa noqonaaya mid dhulka ah, waxaana uu la kulmi doonaa qeybaha kala duwan ee Bulshadda. Waxaa magaalada Gaalkacyo ka socda diyaar garow loogu jiro soo dhaweynta Madaxweynaha Somalia iyo wafdigiisa, waxaana halkaa uga sii horeeyay Wasiirka arrimaha Gudaha Somalia. Dhinaca kale, Ciidamada la dhigay waddooyinka magaalada Gaalkacyo ayaa xiray intabadan waddooyinka waaweyn iyo kuwa yaryar ee magaalada waxaana maanta hakat ku jira isu socodka dadka iyo gaadiidka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Farmaajo oo laga sugaayo Gaalkacyo & Wadooyinka magaalada oo kala xiran appeared first on Caasimada Online.
  17. Minnesotans of many ethnic backgrounds might have similar words for a colonoscopy — it’s colonoscopia in Spanish and koloskopi in Norwegian — but they vary dramatically in the rates at which they seek this important medical screening. Source: Hiiraan Online
  18. Saudi women have attended a football match in Saudi Arabia for the first time, as part of reforms spearheaded by the kingdom’s crown prince. Source: Hiiraan Online
  19. NAIROBI, Kenya, Jan 13 – Africans have reacted angrily after US President Donald Trump reportedly referred to their nations as “shithole countries”, with many accusing the US president of racism and ignorance. Source: Hiiraan Online
  20. Turkey and Somalia on Friday signed a pact to boost their strategic economic partnership. “We wish to deepen relations with Somalia. Turkey’s investment in Somalia... Source: Hiiraan Online
  21. Soomaaliya iyo Turkiga ayaa jimcihii Ankara ku kala saxiixday heshiis iskaashi, heshiiskan waxaa uu taabanayaa dhinacyadda Ganacsiga iyo Maalgashiga, Tamarta iyo Macdanta, Waxbarashada iyo kaabayaasha kale ee nolosha bulshada, waxaa goobjoog ka ahaa ra’isul wasaare ku-xigeennada labada dal. Raysalwasaare xigeenka Dalkan Turkiga ayaanu wada gaadhnay heshiis labada dhinac ay arimahaas si dhow uga wada shaqayn doonaan. Waa fursad kale oo Soomaaliya iyo Turkiga isku xidhaysa. “Waxaa dooneynaa in aan xoojinno xiriirkeenna aan la leennahay Soomaaliya, hadda maal-geshiga Turkiga ee Soomaaliya waa $100 million,” sidaasi waxaa yiri ra’isul wasaaraha ku-xigeenka Turkiga Recep Akdag. Recep Akdag oo sii hadlayey waxaa uu rajo ka muujiyay in maal-geshiga iyo xiriirka ganacsi uu kor ugu kici-doono illaa $200 million oo kor looga qaado $120 million uu ahaan 2016-kii. Dhankiisa ra’isul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Khadar Guuleed waxaa uu sheegay in Soomaaliya xoogga saareyso sidii maal-geshi u heli laheyd, una xoojin laheyd xiriirka fiican ay la leedahay Turkiga. Dhinaca kale, labada dal waxaa ay kala saxiixdeen is-afgarad ku saabsan kaluunka iyo macdanka waxaana u kala saxiixay wasiirka Turkiga u qaabilsan xannaanada xoolaha Ahmet Esref Fakibaba iyo wasiirka Soomaaliya ee Kaluumeysiga & Kheyraadka Badda Cabdirahman Maxamed Cabdi Xaashi. Goobjoog News Source
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo weli ku guda jira booqashooyinkiisa Gobolada dalka ayaa shaaca ka qaaday in ujeedkiisa uu yahay Somalia oo mideysan. Madaxweyne Farmaajo waxa uu tilmaamay in booqashooyinkiisa ay hordhac u noqon doonaan is dhexgalka Umadda Soomaaliyeed min caasimada ilaa iyo Gobolada dalka. Farmaajo waxa uu sheegay inay aqbaleen dhammaan soo jeedinta odayaasha ay kula kulmeen socdaalka Puntland, waxa uuna intaa raaciyay in si lamid ah ay uga talo qaadanayaan odayaasha magaalada Gaalkacyo. ‘’Qorshaheenu waa inaan sameynaa talo soo jeedin iyo talo qaadasho, waxaan ka dhameyn doonaa hadafka socdaalkeena waxaana rajeyneynaa in booqashooyinkeena ay noqon doonaan kuwo sabab u noqon doona nabadda iyo midowga umada Soomaaliyeed’’. Waxa uu Farmaajo sheegay in xooga ay saari doonaan arrimaha ku xeeran Nabadda iyo is dhexgalka oo uu sheegay inaan la soconkarin la’aan tooda. “Maamul Goboleedyada waxaan kala hadli doonaa xoojinta Nidaamka Fedaraalka, waxaan rumeysanahay inaanu jiri Karin nidaam dowladeed haddii aan la helin nidaam lagu wada shaqeeyo oo lagu feelo” Farmaajo waxa uu intaa ku daray in booqashadan ay xoojin doonto Fedaraalka iyo xiriirka wanaagsan ee dowlada kala dhexeeya maamul goboleedyada taasina ay horseedi doonto dowladnimo waarta iyo isku duubni shacab oo ay kow ka yihiin Maamul goboleedyda. Dhanka kale, Farmaajo waxaa maanta laga sugayaa inuu gaaro magaalada Gaalkacyo waxaana halkaa uga sii horeeyay Wasiirka arrimaha gudaha iyo Hogaamiyaha Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Farmaajo oo mar kale ku celshay hadafka ay ka leeyihiin booqashooyinkiisa dheeraaday appeared first on Caasimada Online.
  23. Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta ku Wajahan magaalada Gaal-kacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay xaflad sagootin ah loogu sameeyay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Bari kadib markii dhowr bari uu socdaalo badan dhanka dhulka ah uu ku marayay Puntland. Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa maanta ku wajahan Magaalada Gaal-kacyo ee xarnta Gobolka iyada oo qaban qaabo balaaran oo lagu soo dhoweeynayo Wafdiga Madaxweynaha laga dareemayo Magaaladaasi. Madaxweynaha ayaa la kulmi doono Madaxda Labada Dhinac ee Magaalada Gaalkacyo ee Puntland iyo Gal-Mudug isaga oo sida qorshuhu uu yahay Labo Habeen ku hoyan Doono Magaaladaasi. Maalinta Isniinta ah ayaa Madaxweyne Farmaajo waxa uu tagi doonaa Magaalada Cadaado halkaasi uu kula kulmi doono Madaxda Maamulka Gal-Mudug. Waxaa sii socon doono safarada Madaxweynuhu uu ku tagayo Deegaanada Gal-Mudug Sida Dhuusamareeb Caabud Waaq iyo Guriceel. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo ku Wajahan Magaalada Gaal-kacyo appeared first on Puntland Post.
  24. Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Miino oo ka dhacay degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay. Miinadan ayaa la sheegay in ay ku aasneyd Koontarool ay ciidamada K/galbeed ku lahaayeen degmadaasi, iyadoo halkaasi khasaare kala duwan uu ka dhashay. Waxaa la xaqiijiyey dhaawaca 3 kamid ah ciidamadii halkaasi ku sugnaa, iyadoo khasaaraha uu intaasi ka badan karo. Wararka ayaa waxay sheegayaan in qaraxa kadib hawada laga saaray guud ahaan isgasriinta degmada Qansaxdheere, waxaana jira howlgallo ay wadaan ciida DFS, K/galbeed iyo kuwa Itoobiya. Al-shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin Internetka waxay ku sheegteen mas’uuliyadda qaraxan, iyaga oo tilmaamay iney waxyeello u geysteen ciidamo badan oo halkaasi ku sugnaa. Maamulka K/galbeed iyo saraakiisha ciidamada maamulkaasi weli kama aanay hadal qaraxan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source