Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,156
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ayaa maanta shaaciyay xilliga uu dib u furmayo shirka nabadeynta iyo horumarinta Muqdisho oo baaqday 7dii Bishan. Guddoomiye Thaabid ayaa sheegay in SHirkaas uu Muqdisho ka furmayo 28ka Bishan January,islamarkaana sidii loogu talagalay uu u qabsoomayo. Shirkan waxaa uu Duqa Muqdisho horay ugu shaaciyay in uu furmayo 7 Bishan hayeeshee dib ayuu u dhacay iyada oo ay soo baxeen warar sheegaya in shirkaas uu ka dhashay khilaaf madaxda dhexdeeda ah. Dalladda Jilaayasha aan Dowladiga ahayn ee SOSCENSA ayaa dhawaan ku baaqday in shirkaas sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto islamarkaana looga hadlo danta Muqdisho. Guddoomiyaha Dalladdaas ayaa sheegay in iyaga ay hayaan talooyin badan oo amniga iyo nabadda magaaladan lagu gaari karo ayna doonayaan in ay ka sheegaan shirka Nabadeynta Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Ugu dambeyn Guddoomiye Thaabid oo ku dhawaaqay waqtiga la qabanayo shirka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  2. Guddiga Amniga Baarlamanka Puntland oo Maanta Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Somaliland oo dhowaan qabsatay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool,halkaasoo ay weli gacanta ku hayso. Guddoomiyaha Guddiga Amniga Baarlamanka Puntland Xil.Saadiq Abshir Garaad oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa ku dhawaaqay dagaal Cusub oo Somaliland looga xoreynayo taako kast oo ay kaga sugantahay gobolka Sool,wuxuuna sheegay in Xuduudka Puntland ku egyahay”Lebida Gaatama” ee soohdinta u dhexaysa gobollada Sool iyo Togdheer. Dhinaca kale guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamanka Puntland Xil.,Xuseen yaasiin xaaji Diiriye oo dhankiisa hadalka qaatay ayaa bulshada gobolka Sool ugu baaqay in ay Somaliland iska-xoreeyaan,sida Shacabka Buuhoodleba isaga xoreeyeen,islamarkaana aanay magacooda dhaafsan Dollar jeebka loogu shubo. Xildhibaan Xuseen oo ka jawaabayey hadal ka soo yeeray guddoomiyaha Baarlamanka Somaliland,Baashe Maxammed Faarax,ayaa sheegay in Baashe u macaansaday feerkii looga saaray gudaha baaraalamka Somaliland. Halkaan ka daawo muuqaalka oo dhammaystiran. PUNTLAND POST The post Daawo:Puntland oo ku dhawaaqday dagaal Somaliland looga xoreynayo gobolka Sool. appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) : Duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa iftiimiyay dhowr waxyaabood oo shaki laga qabay maalmihii lasoo dhaafay, kadib wareysi gaar ah oo uu siiyay TV-ga Horn Cable. Taabit oo ah siyaasi dhalinyaro ah ayaa noqday mid ka mid ah hogaamiyaasha loogu jecel yahay Somalia xiligaan, waxaa jiray guux xoogan oo ku aadan maqaamka caasimadda oo soo ifbaxay dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay, hadaba waxaan soo koobay jawaabihii ugu xiisaha badnaa ee ku jiray wareysigaan. 1-Calaamadda gacanta ugu xiran ? Taabit Cabdi waxaa uu sheegay in caalamadda gaduudan ee gacanta ugu xiran inay u tahay xasuus uu ku xasuusanaayo dadkii lagu xasuuqay Zoobe, wuxuu sheegay inuu rabbo in taallo loo dhiso dhacdadii Zoobe kadibna uu calaamadda furi doono. 2-Maxaa laguugu xasuusan doonaa ? Duqa Muqdisho wuxuu sheegay in qof walba oo gobalka Banaadir madax u noqda uu lahaan doono wax lagu xasuusto “maamulkeyga waxaa lagu xasuusan doonaa inuu dhiso bulshadda gobalka Banaadir, xagga wadaniyadda iyo iney dareemaan lahaansho”. 3-Dib u dhaca shirkii Hormarinta gobalka Banaadir ? Gudoomiye Taabit Cabdi wuxuu markale ku celiyay inuu shirku u baaqday arimo farsamo oo xagoodda ah, wuxuu qiray inuu shirku dhici doono ayna dhowaan sheegi doonaan xiligga la qaban doono, wuxuu diiday wararka sheegaya in shirkaas uu hor istaagay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. 4-Maqaamka caasimadda ? Taabit wuxuu qabaa iney muqadas tahay iney caasimaddu yeelatay maqaam gaar ah, arintaan waxey hortaalaa labadda Aqal ee Baarlamanka Somalia “ Saddex milyan oo qof oo gobalkaan ku nool macquul ma’ahan iney noqdaan matalaad la’aan, labadda Aqal waxaan hor dhigi doonaan aragtidda dadka gobalkaan iyo sidda ay wax u rabaan ayuu yiri Duqa Muqdisho. 5-Khilaafka isaga iyo Ra’iisul wasaare Kheyre ? Mr Taabit waxaa uu beeniyay wararka sheegaya iney isku dhacsanyihiin isaga iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, wuxuu ku tilmaamay warar suuqeed. 6-Awoodaha Dowladda oo lagu wareersan yahay ? Mar la weydiiyay in bulshaddu ay ku wareersan tahay cidda ugu awooda badan Dowladda hadda jirta ,wuxuu Taabit ku gaabsaday inuusan fahmin sidda ay dadku u qiimeeyaan awoodaha balse uu isagu qabbo iney madaxddu tahay dhamaan adeegayaal awooduna ay tahay rabitaanka shacabka. 7-Raadinta maamul goboleed uu yeesho gobalka Banaadir ? Gudoomiye Taabit wuxuu yiri “Mar walba waa inaan xushmeynaa aragtidda qof walba uu qabo ,laakiin aniggu waxaan aaminsanahay iney waajib tahay iney caasimaddu yeelato maqaam gaar ah”. Wuxuu dhinac isaga riixay wararka sheegaya inuu rabbo dhismaha maamul goboleed gaar ah “Labadda Aqal oo Soomaali ay ku dhantahay ayaa laga sugaya xuquuqda shacabka caasimadda ku nool ayuu hadalkiisa ku daray. 8-Qurba joogta maamusha degmooyinka ? Duqa caasimadda wuxuu qabaa in qurba joogta Soomaaliddu aaney la mid aheyn dadka kale ee aduunka oo ay yihiin dad dalkooda iyo dadkoodda aad uga war haya “ Waxey ahaayeen dad mar walba imaan jiray dalka ,kana shaqeyn jiray oo caawin jiray bulshadda sidaas ayaana ku doortay ayuu yiri Taabit Cabdi. 9-Kordhinta qoondo-sanadeedka gobalka Banaadir ? Wuxuu markale ku celiyay iney taagan tahay baahidii loo gudbiyay kordhinta miisaaniyad sanadkeedka gobalka Banaadir si wax looga qabto baahiyaha caafimaadka, waxbarashadda ,nadaafadda iyo hormarinta gobalka, wuxuu beeniyay in la diiday codsigoodda inkastoo aan wali ficil ahaan loo fulin. 10-Cuntadda, Ciyaaraha iyo xiliyadiisa Firaaqada ? Gunaanadka wareysiga oo kaftan u badnaa waxaa la weydiiyay nuuca uu cuntadda ugu jecel yahay waxaana uu sheegay inuu ka helo cuntadda dalka, xiliyadiisa firaaqadda waxaa uu sheegay inuu aqriyo fariimaha ay bulshaddu usoo dirto hadii ay cabasho tahay ama bogaadin, ciyaaraha mar uu ka hadlay waxaa uu sheegay inuu dhowaan soo celin doono kooxdii Minashiibiyo ee Dowladda hoose, kooxaha Yurub wuxuu sheegay inuu taageero kooxdda Manchester United ee wadanka England iyo kooxdda Real Madrid ee wadanka Spain. Bugaagta uu aqriyo ayuu gudoomiye Taabit sheegay iney yihiin kuwa ka hadla taariikhda Muqdisho. Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax raafac22@gmail.com The post Maqaamka caasimadda, khilaafka isaga iyo Ra’iisul wasaaraha iyo 10-kii jawaabood ee ugu xiisaha badnaa wareysi lala yeeshay duqa Muqdisho Taabit Cabdi appeared first on Caasimada Online.
  4. Bosaso[Puntland Post]-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr .Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo xaflad Sagootin ah Ugu Sameeyay Magaalada Bosaso Madaxwaynaha DF Soomaaliya. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxwaynaha dawladda federaalka Soomaliya ayaa kulan laqaatay qaybaha kala duwan ee bushada Magaalada Bosaso waxaana kulanaasi lagu qabtay xarunta Madaxtooyada dawladda Puntland kulankaas oo ahaa mid lagu sogootinayo wefdiga uu hogaaminayo Madaxwaynaha dawladda federaalka Soomaaliya. Kulanka ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxwaynaha dawladda Puntladn Dr . Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, maamulka gobolka Bari , kan degmada Boosasso, xubno ka tirsan labada gole ee dawladda Puntland iyo Federaalka Soomaaliya, saraakiisha Madaxtooyada dawladda Puntland, isim, salaadiin cuqaal, waxgarad, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Boosaaso. hadab akhriste waxan halkan idin ku soo gudbinaynaa Sawiradii munasabada xalay ka dhacday Aqalka Madaxtooyada Bosaso. The post Madaxweyne Farmaajo oo xaflad Sagootin ah xalay loogu sameeyay Aqalka Madaxtooyada Bosaso appeared first on Puntland Post.
  5. Welcome to the capital of Somaliland, a democracy in international limbo. Officially, Africa is made up of 54 countries, with 54 capitals. For historical justice, the Sahrawi Arab Democratic Republic (SADR), or Western Sahara, with capital in El Aaiún, is usually counted as the fifty-fifth African country. But little is said about Somaliland, self-proclaimed independent in 1991, and about its capital: Hargesia. That is why today, touching on its 27 years of struggle to be recognized as the capital of a new African State, we want to know it little more closely and analyze the political context in which it is erected. Somaliland was a British protectorate until 1960, when it merged with Italian Somalia. After the start of the civil war in Somalia in 1991 and during the regime of the ruthless dictator Mohamed Siad Barre, Somaliland said “enough” and declared its unilateral independence, managing to exile the dictator and his military forces. After more than two decades of diplomatic isolation, Somaliland presents itself as a state in limbo, and yet, safer – 70% of its budget is invested in security – stable and a more promising future than Somalia, which is in the hands of the terrorist group Al Shabab. On November 13, the nearly four million Somalilanders that make up the country, an internationally unrecognized state, elected the former Air Force exile and rebel commander Musa Bihi Abdi, of the ruling Kulmiye party, as its fifth president since the country be separated from Somalia. It was the sixth consecutive time since 2003 that its citizens participated in multi-party elections. Funded in part by the European Union and the United Kingdom and supervised by international observers, the elections were exemplary given the turbulent political context in the region, where Djibouti, Eritrea, Sudan, South Sudan, Ethiopia, Somalia and Kenya, into a greater or lesser extent, have fallen into strongly authoritarian regimes, armed conflicts or periods of violent political turmoil. However, the recent elections have shown signs of significantly differentiating themselves from the tone of their neighbors, using even a pioneer voter registry around the world based on biometric iris recognition technology. In spite of everything, the elections were not exempt from protests, both in the capital, Hargeisa, and in the cities of Burao and Erigavo, after the main opposition party, Waddani, accused the electoral commission of fraud. Two people died in an outbreak of post-election violence and Facebook, WhatsApp or Twitter were blocked for several hours, although the government justified it by saying that it was a security strategy to prevent false news. Beyond the questionable freedom of expression and the media, the country is considered an island of peace and prosperity within the region, with its own army, currency and government, like any sovereign state. Recently, it has also begun to show signs of progress in the area of ​​human rights by passing the first national law that sentenced rapists to 30 years in prison, a rule that does not exist in Somalia. Publications such as The Economist have defined it as “the strongest democracy in East Africa” ​​and its economic growth has been stable in recent years, despite the worrying drought that plagues the region and has ended with 80% of livestock of the country or of what has been described by the UN as “one of the greatest humanitarian emergencies since 1945”. Critical voices towards the African Union or the international community, which have refused for almost three decades to recognize Somaliland as an independent country and keep it in legal limbo, coincide in the fact that the international agencies coordinate and direct from Mogadishu, Somali capital devastated by the war more than 1,400 kilometers away, only aggravates the catastrophic crisis caused by climate change. Given that Somaliland is isolated from most of the external assistance that arrives via Mogadishu, and can not access loans directed to states such as those granted by the World Bank, the social contract between Government and citizenship has become very strong. Somaliland’s democracy has been based on a series of massive public consultations or clan conferences, which give it an unusual degree of legitimacy. The most striking feature of its political system is the upper house of the clan elders, known as Guurti, a clan society that guarantees a broadly representative government and supports much of the country’s consensual political culture. Somaliland, a strategic enclave for the region Optimism and hope for the future do not leave their population, and the Somali diaspora is returning to invest in the country. This is shown by data from the World Bank, which reveal that 90% of its GDP comes from private investments. At the beginning of 2017, the actors of the Gulf have already begun to show their interest in Somaliland geo-strategically. The United Arab Emirates decided to invest 366 million euros to modernize the port of Berbera, where they also plan to build a criticized military base and an airport. The UAE has also committed to create an international Free Trade Zone to convert the city of Berbera into a multimillion-dollar logistics center in the Horn of Africa and has invested 166 million more to develop the so-called Berber Corridor, which will connect the port with the border with Ethiopia. Addis Ababa, without own access to the Red Sea, has also realized the importance of investing in Somaliland, and finances 19% of this project with the aim of reducing its dependence on exports via Djibouti, which until now have monopolized the 95% of Ethiopian maritime traffic. This may represent a nefarious blow for Djibouti, after Ethiopia signed a Memorandum of Understanding with Somaliland in 2016 that would allow diverting up to 30% of its trade to the port of Berbera. However, it represents a unique development opportunity for the new administration of President Behi, which would enable foreign direct investment, in the absence of external assistance due to international non-recognition. In this way, Somaliland could see its high unemployment rates decrease and compensate the enormous cost of being an unrecognized Republic, 70% of which is less than 30 years old. The Somalilanders, whose life expectancy is only 50 years, suffer from literacy rates much lower than those of other countries in sub-Saharan Africa and a weak health system, which urgently requires international recognition of the country to be able to start build yourself once and for all. Little is the international will to recognize Hargeisa as the fifty-sixth African capital. GEMMA SOLÉS I COLL
  6. HYDERABAD: Orthopaedic surgeons at Apollo Hospitals said that Dr Paripati Sharat Kumar and his team successfully performed double hip replacement in one sitting, on two patients from Africa. The patients have since recovered and are all set to walk out of the Hospital on discharge, for their respective countries. Hillow Mohamed Hassano, 66, from Kenya and Mohamme Abdi, 49, from Somalia, underwent a bilateral hip replacements. Both patients reportedly came with a complaint of suffering from severe pain and stiffness in both hips due to osteoarthritis, leading to restricted mobility in spite of taking regular painkillers. In a press release, the hospital said they were able to get back on their feet although they were wheeled in as patients. Currently approximately 10 percent of total knee replacements are bilateral however less than 1 percent are bilateral total hip replacements. According to Dr Sharat Kumar, there is convincing clinical evidence indicating simultaneous both hip replacements to be as safe as sequential hip replacements. There are multiple benefits and many patients would prefer to undergo both same day and avoid another surgery and rehabilitation, thereby saving on significant time as well as overall cost of surgery. In the case of these two patients who came from a different country, performing two surgeries to replace one hip at a time, would have escalated the cost and prolonged their stay here, besides giving scope for complications and infections. However patient selection is crucial as all patients are not suitable candidates and each one of them has to be considered on an individual basis in order to avoid complications, particularly in the elderly with multiple medical conditions. New Indian Express
  7. Somaliland’s 82-member parliament passed 11 cabinet ministers on Saturday. Only 61 members have attended the session which the house speaker chaired. The first list of ministers approved are as follows:- Agriculture minister, Hon. Ahmed Mumin Seed Telecommunication & Posts minister, Hon. Abdiwali Abdilahi Jibril Public Works Minister, Hon. Abdirashid Du’ale Labor Affairs minister, Ms. Hinda Jama Religious & Endowment minister, Hon. Khalil Ahmed Water affairs minister, Hon. Suleiman Yusuf Ali Koore Health Minister, Hon. Hasan Ismail Yusuf Warsame Livestock husbandry & Fishery, Hon. Hasan Gafadhi Finance minister, Hon. Yusuf Mohamed Abdi Rage Education minister, Yasin Mohamoud Xiir Faraton Assistant information minister, Hon. Mohamed Muse Abees Assistant fishery minister, Ms. Yurub Abib
  8. Bosaso[Puntland Post]-Madaxwaynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray guriga cusub ee shirkadda Golis isagoo ay weheliyaan madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo xubno kamid ah labada gole ee dawladda Federaalka iyo Puntland. Xafladda xarigga looga jarayay gurigan oo loo dhisay hab casri ah kana kooban 7 dabaq ayaa ka dhacday hoolkiisa xafladaha oo ku yaala dabaqa 5-naad waxana kasoo qayb galay marka laga yimaado masuuliyiinta ugu saraysa Soomaaliya iyo Puntland, ganacsato, culimaa’udiin, isimo aqoonyahano, iyo masuuliyiinta ugu saraysa shirkadda isgaarsiinta Golis. Maareeyaha guud ee shirkadda Golis Saciid Aadam Axmed ayaa ugu horayn kusoo dhaweeyay wafdiga madaxwaynaha Soomaaliya iyo madaxwaynaha Puntland guriga cusub ee ay dhisatay shirkadda Golis isagoo sheegay in maraaxil kala duwan laga soo maray hirgalinta dhismahan casriga ah oo ka kooban qaybo badan oo muhiim ah, waxa uuna sidoo kale xusay in sidoo kale shirkadda Golis ay si mugleh u garab istaagto bulshada xiliyada adag. Gudoomiye ku xigeenka board-ka shirkadda Golis Luqmaan Xaaji Maxamuud ayaa isaguna xusay in dhismaha gurigan cusub iyo hirgalinta mashruuca internetka xawaaraha sare ee Fiber optica oo isagana madaxwaynuhu daahfuray ay tusaale cad u yihiin sida ay dhab uga tahay shirkadda Golis horumarinta bulshadeeda. Madaxwaynaha dawladda Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo lagu soo dhaweeyay goobta khudbadaha ayaa ku amaanay shirkadda Golis hirgalinta gurigan casriga ah oo uu xusay noociisa uu ku arki jiray wadamada horumaray waxa uuna sidoo kale bogaadiyay dowrka ay shirkadda Golis ka qaadato hawlaha guud iyo taakulaynta xiliyada masuubooyinka. Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo ugu dambayn soo xiray munaasabadda ayaa sheegay in shirkadda Golis ay mudantahay in lagu bogaadiyo geesinimada ay ku hirgalisay dhismahan oo uu xusay in dhaqaale badan la galiyay. “Runtii guryaha noocan ah laguma dhisi karo jeeb shirkadeed balse waxaa lagu kaabaa daymo lkn shirkadda golis waxay u bareertay inay deegaanka ka hirgaliso waana mid mudan in lagu amaano” ayuu yiri madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo. Gurigan cusub oo noociisa aan horay looga dhisin deegaanada Puntland kana kooban 7-dabaq ayaa dhisimihiisu socday mudo sanado ah waxana loo dhisay loona qalabeeyay hab casri ah uu bilic iyo horumarba kusoo kordhiyay deegaanada Puntland. Cabdiqani Boos Puntland Post-Bosaso The post Madaxweynaha Farmaajo oo xarigga ka jaray guriga cusub ee shirkadda Golis (Golis Tower) appeared first on Puntland Post.
  9. Munaasabad ka dhacday degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa xarigga looga jaray dib u howgelinta garoonka diyaaradaha degmadaasi ee Ugaas Nuur. Wasiirka Koowaad ee maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir oo xarigga ka jaray garoonka ayaa u mahadceliyey cid walbo oo dedaalkaasi ka qeybqaadatay. Waxa uu sheegay wasiirk Shaakir in uu furan yahay garoonka , islamarkaana duulimaadyada ay si gudaha iyo dibadda ahba u bilaaban karaan. “Waxaan u mahadcelineynaa cid walbo oo dedaalkan sameysay, waxaan leenahay waad mahadsantihiin, wixii dhimanna dhammeystira, garoonkan waa mid caalami ah, xilliga dowladdii dhexe ee Maxamed Siyaad wuxuu ahaa mid aad u mashquul ah, waxaan rajeyneynaa inuu helo dhammeystir” ayuu yiri Sheekh Shaakir. Ugu dambey, Sheekh Shaakir ayaa sheegay in hay’adaha duulista hawada uu u furan yahay garoonka Ugaas Nuur ee degmada Dhuusamareeb. Goobjoog News Source
  10. Dhakhtarka gaarka ah ee aqalka cad ee looga arrimayo dalka mareykanka ayaa sheegay in madaxwayne Donald Trump uu caafimaadkiisu yahay mid wanaagsan. Dhakhtarkan ayaa baaritaankii caafimaad ee ugu horreeyay ku sameeyay madaxwaynaha. Ronny Jackson,oo fuliyay baaritaan qaatay saddex saacadood ayaa bayaan kooban oo uu soo saaray waxa uu ku sheegay in baaritaanada ay si wanaagsan u dhaceenDhakhtarkani lagu magacaabo Jackson ayaa lagu wadaa in faahfaahin dheeraad ah uu ka bixiyo maalinta Talaadada xaaladda caafimaadka ee madaxwaynaha. Baaritaanka caafimaad ee lagu sameeyay madaxwayne Donald Trump ayaa ka dambeeyay ka dib markii dhowr jeer su’aalo laga keenay caafimaadkiisa dhanka maskaxda. Buug dhawaan la soo bandhigay ayaa waxa lagu sheegay in maskaxiyan uusan madaxwayne Trump fiyoobeen. Buugga waxaa diyaariyay Steve Bannon, oo ahaan jiray kaaliyihii istiraatiijiyadda Aqalka Cad, wuxuuna qeexayaa sidoo kale in “la kullankii koox Ruushka ka socotay oo wiilka Trump uu fadhiyay” uu ahaa “khiyaano”. Xigasho: BBC The post Dhaqtarka aqalka cad oo natiijo hordhac ah kasoo saaray caafimaadka maskaxda Donald Trump appeared first on Caasimada Online.
  11. Gadiidleeyda ka shaqeeya goballada Baay, Shabellaha Hoose iyo Banaadir ayaa sheegay in ku dhowaad Todobo Maalin ay ku xanniban yihiin inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye. Guddoomiyaha ururka dhaqdhaqaaqa iskaashatooyinka gaadiidleyda dalka, Cadceed Cismaan Shuuriye ayaa sheegay iney ka shaqeyn la yihiin maamulka gobolka Shabellaha Hoose, oo doonaya in lacago aan sharci ahayn laga qaado gaadiidka. Waxa uu tilmaamay in askarta maamulkaasi lagu amro in lacagtaan laga qaado gaadiidka, haddii ay bixin waayaanna la dilo darawalka waa sida uu hadalka u dhigaye. Sidoo kale, maamulka degmada Afgooye ayeey sheegeen in isna uu lacag gaar ah ka qaato gaadiidka ku safra gobolka Shabellaha Hoose, islamarkaana waxay ugu baaqeen maamulka K/galbeed iyo dowladda Federaalka in arrintan ay wax ka qabtaan. Halkaan hoose ka dhageyso: http://www.goobjoog.com/business/wp-content/uploads/2018/01/CODADKA-GAADIIDLEEYDA-1.mp3Goobjoog News Source
  12. Madaxweyne Farmaajo ayaa saacadaha soo socda kasoo dato doona Gaalkacyo halka Madaxweyne Gaas uu hada Soo degay, Labada Madaxweyne ayaa waxaa soo kala qaadey laba Diyaaradood, Mid walbana waxaa lasocda xubno ka tirsan labadooda Gole iyo Shaqaalaha Xafiisyadooda. Hoos ka Daawo Doyaaradii Madaxweyne Haas oo hada soo degtay iyo Sida loo soo dhaweeyey Puntlandi.com
  13. Waxgaradka ku dhaqan gobolka Sool ayaa sheegay iney wadaan dedaal badan oo lagu xallinayo dagaalladii deegaanka Tukaraq ee gobolkaasi ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland. Nabadoon C/raxmaan Samatar oo kamid ah waxgaradkan ayaa sheegay in muhiimadda ugu weyn ee waxgaradkan ay tahay in la helo nabad iyo in aanu dagaal dambe ka dhicin Tukaraq. Sidoo kale, Nabadoonka ayaa sheegay in dedaalka ugu weyn ee la bixinayo tahay sidii loo kala qaadi lahaa ciidamada is hor fadhiya, shacabkana laga daayo dagaalka. “Dhibka wuxuu yahay in qolo walbo sheeganayaan iney xuduud ama deegaan difaacanayaan, marka meeshu waxay ahayd Kastamkii Puntland, annaga dedaal waan wadnaa, sidoo kalena beesha caalamka kaalin ayeey ka qaadanayaan” ayuu yiri nabadoonka. Weli ma jirto wax xal ah oo laga gaaray dagaalladii ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ku dhexmaray deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Goobjoog News Source
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada ammaanka Degmada Kaaraan, ayaa xalay waxa ay gacanta ku dhigeen nin tuug ah oo hub farsameysan dadka ku dhici jiray, kadib hawlgal ay ka sameeyeen Degmadaasi. Ciidanka ayaa soo qabtay ninkaan dhalinyarada ah oo watay qori laga sameeyay alwaax la isku kabay oo loo ekeysiiyay Qori Ak47, sida lagu soo bandhigay Sawir laga soo qaaday agabkii uu isticmaalayay ruuxaasi. Gudoomiyaha Degmada Kaaraan C/fataax Nuur Cali ayaa sheegay ninkan tuuga ah inuu dhibaato wayn ku haayay shacabka Degmada Kaaraan oo moobeelada uu ka dhici jiray. Wuxuu sheegay dhawr mar dadka shacabka ah ay soo gaarsiiyeen cabasho ku aadan tuugaan dadka dhaco, balse ciidamada muddo ay raadinayeen ninkaasi. Maxkamadda Gobolka Banaadir ayuu sheegay Guddoomiyaha Degmada Kaaraan in ninkaan loo gudbin doono si tallaabo sharci ah looga qaado. Ugu dambeyn ciidamada ammaanka Degmada Kaaraan ayaa u suuragashay inay soo qabtaan ninkaan tuuga ah ee dadka Degmadaasi dhibaatada ku haayay. Magaalada Muqdisho ayaa xilliyada habeenkii ah waxaa jirta Burcad hubaysan oo dhac u gaysata dadka ku nool xaafada, kuwaasi oo ka dhaca moobeelada. The post Ciidamada dowladda oo qabtay tuug qaab cajiib ah dadka ku dhici jiray (Sawiro) appeared first on Caasimada Online.
  15. Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in howlgallo ay kula dagaallamayaan Al-shabaab ay ka bilaabeen deegaannada uu ka arrimiyo maamulkaasi. Waxa uu sheegay Waare inaan loo dulqaadan karin in Al-shabaab dilaan shacab aan waxbo galabsan iyo sidoo kale in jidadka laga xiro dadka shacabka ah. “Waxaad la socotaan inuu bilowday howlgal lagula dagaallamayo Al-shabaab, waxaad ogtihiin in jidadkii laga xiray dadka shacabka ah, lana dilo shacab aan waxbo galabsan” ayuu yiri Waare. Dhanka kale, Madaxwene Waare ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin in ay soo dhoweeyaan dhallinyarada ka barbar dagaallanta Al-shabaab, ayna siin doonaan fursado shaqo. “Waxaan diyaar u nahay inaan soo dhoweynno ilmahaas la qalday, soo dhaqan celinno, shaqo u abuurno, farsamo barno, diinta saxda ah oo aan ku dhallanay oo aan ku dhaqanno barno, xitaa iney askar inoo noqdaan ayaan diyaar u nahay” Waare ayaa mar kale sidaasi yiri. Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab waxay maalmahan dambe ka wadaan deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe. Goobjoog News Source
  16. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo oo safar muddo toddobaad ah ku joogay Puntland ayaa sheegay in caqabado aad u badan ay soo wajaheen Dowladda uu madaxda ka yahay, kuwaasoo uu xusay inay sidoo caqabado ku ahaayeen dowladihii midiisa ka horreeyay. Farmaajo ayaa sheegay in caqabadaha ugu waaweyn ee ay xukuumadda hadda jirta ka socon la’dahay ay yihiin khilaafyo siyaasadeed oo la doonayo in laga dhex-abuuro, isla markaana kuwii hore la dagay. “Waxa dib noo dhigay waa is-qab-qabsiga, khilaafka iyo dhibaatooyin kale waa kuwa dib noo dhigay ee naga reebay dowladaha caalamka. Dowladda iyo madaxdeeda waa la doortaa waqti ayayna leeyihiin, balse innaga dhaqan aan leennahay waa in xukuumaddii la doorto aysan dhaarin hal sano,” ayuu yiri Farmaajo. Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa xusay in xukuumad walba oo dalka soo marta lagu mashquuliyo lix biood oo mucaaradid ah iyo lix bilood oo lagu rido. Wuxuuuna arrintaas ku sifeeyay in macnaheedu yahya inaan waxba la qaban, wax-qabad la’aantana waxaa ka faa’iideysanaya buu yiri Al-shabaab oo uu ku tilmaamay koox aan waxba u aabbo-yeelayn. “Waxyaabaha kale ee aan maqlayo waa in qaatiyan laga taagan yahay habka 4.5-ka, isla markaana nagu raagay, lana doonayo in dalku uu galo hannaan asxaabeed, si ay dadku isugu raacaan fikir, balse aanay isku raacin hayb,” ayuu hadalkiisa ku daray Farmaajo. Dhanka kale, Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in waxyaabaha kale ee ay shacabka ay aad ugula hadlayeen tan iyo markii ay Puntland tageen ay tahay nidaamka Federaaliisimka oo uu sheegay in la moodayo inaanu innagu horumarinayo, balse wuxuu xusay in nidaamkan uu yahay mid ay Soomaalidu dooratay, ayna xafiiska yimaadeen iyadoo dalku federaal yahay. Ugu dambeyn, Hadallada Madaxweynaha Somalia ayaa waxay imaanayaan xilli dhawaan isbedel lagu sameeyay qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada, isla markaana uu ku jiro khilaaf u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Mucaaradkeeda. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo si Qoto dheer uga hadlay Caqabadaha ku gudban Xukuumadda appeared first on Puntland Post.
  17. Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa maanta ku jirta diyaar garow xoogan oo ay kusoo dhoweynayaan madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya iyo madaxweynaha dowladda Puntland, kuwaas oo saacadaha soo socda halkaas ka dagidoona. Kumanaan shacab ah ayaa isugu tagay barxada madaxtooyada Gaalkacuo halkaas oo la filayo inay madaxda shacabka kula hadlaan, waxaana maanta guud ahaanba la fasaxay xarumaha waxbarashada dowliga ah iyo kuwo gaarka loo leeyahay, iyadoo magaalada guud ahaan laga dareemayo soo dhowaynta madaxweynaha. Ciidamada qalabka sida Puntland iyo ayaa ammaanka si weyn usugaya , waxayna ku sugan yihiin meel kasta oo magaalada kamid ah, si u sugaan ammaanka madaxweynaha iyo wafdigiisa. Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu maalmo ku sugnaado magaalada Gaalkacyo, isagoo kulamo iyo shirar la qaadandoono bulshada Gaalkacyo.
  18. Leego (Caasimadda Online) – Ciidanka kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa Howlgal gaar ah ku burburiyay saldhigii ugu weynaa ee Maleeshiyada Kooxda Alshabaab ay ku lahaayeen degaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Taliyaha Ciidamada gaarka ah ee Dowladda Soomaaliya Axmed Cabdullahi Sheekh,ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada uu taliyaha ka yahay ee Danab ay bur buriyeen Saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen Gobolka Shabeellaha hoose. Saldhigga ayuu sheegay in uu ku yaallo degaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha hoose,halkaas oo AL-shabaab ay maamulayeen tan iyo Bishii August ee Sanadkii hore. Howlgalka Taliye Axmed Cabdullahi sheegay in ay fuliyeen jimcihii kuna beegsadeen Saldhigga Al-shabab ee Leego,halkaas oo uu sheegay in ay ku dileen 10 ka mid ah Al-shabaab. Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ayaa labaduba fuliya weerarro gaadmo ah oo dhinacyada ay isku qaadaan,waxaana dhinaca kasta ku faanaa in uu dhibaato u geystay dhinacii kale. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Alshabaab oo ku saabsan howlgalka lagu qaaday xarumahoodii degaanka Lego. The post Sawiro: Ciidanka Kumaandooska Somalia howlgal ku burburiyey Saldhigii Alshabaab ee degaanka Leego appeared first on Caasimada Online.
  19. Wararka ka imaanaya degmada B/xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in degmadaasi ay ka jirto xiisad u dhaxeysa ciidamada Kenya iyo shacabka ku dhaqan degmadaasi Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa gudaha usoo galay degmada B/xaawo, waxaana ay sheegeen iney burburinayaan nguryaha ku yaalla halkaasi, iyaga oo sheeganaya iney iyagu leeyihiin. Shacabkii ayaa isku soo soo baxay, islamarkaana waxay bilaabeen dibadbaxyo ay ku doonayaan iney ku joojiyaan boobka dowladda Kenya ka waddo B/xaawo. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Kenya ay rasaas xooggan ku fureen dadka shacabka ah si ay u kala eryaan, waxaa sidaasi Goobjoog News u sheegay mid kamid ah waxgaradka ku dhaqan degmada B/xaawo. Halkaan hoose ka dhageyso: http://www.goobjoog.com/business/wp-content/uploads/2018/01/Codka-Balad-Xaawo.mp3Goobjoog News Source
  20. The post Arrin aad looga argagaxo oo ka dhacday magaalada Muqdisho: Video appeared first on Caasimada Online.
  21. NAIROBI, Kenya, Jan 13 – Africans have reacted angrily after US President Donald Trump reportedly referred to their nations as “shithole countries”, with many accusing the US president of racism and ignorance. The 54-nation African Union condemned the remarks on Friday, while a statement from ambassadors of all countries from the continent at the United Nations demanded a retraction and apology. The African Group of UN ambassadors said it was “extremely appalled at, and strongly condemns the outrageous, racist and xenophobic remarks by the president of the United States of America as widely reported by the media”. Ambassadors unanimously agreed the resolution after an emergency session to weigh Trump’s remarks. The comment was “clearly” racist, said Ebba Kalondo, spokeswoman for AU chief Moussa Faki. “This is even more hurtful given the historical reality of just how many Africans arrived in the United States as slaves, and also terribly surprising as the United States remains a massively positive example as just how migration can give birth to a nation,” Kalondo said. He stressed the US was “much stronger than the sum total of one man”. Trump reportedly demanded to know why the United States should accept immigrants from “shithole countries”, after lawmakers raised the issue of protections for immigrants from African nations, Haiti and El Salvador. However he later tweeted: “this was not the language used”. The United Nations slammed the reported remarks as “shocking and shameful” and “racist”. “You cannot dismiss entire countries and continents as ‘shitholes’ whose entire populations, who are not white, are therefore not welcome,” Rupert Colville, spokesman for the UN human rights office, told reporters in Geneva. Botswana summoned the US ambassador to the country to “clarify if Botswana is regarded as a ‘shithole’ country”, according to a foreign ministry statement calling Trump’s comments “irresponsible, reprehensible and racist”. Senegal followed suit with Foreign Minister Sidiki Kaba saying the government “firmly condemned the unacceptable remarks which undermine human dignity, especially of Africa and her Diaspora”. – ‘Nothing new’ – Trump was widely derided last year after twice referring to Namibia as “Nambia”. Social media users across the continent posted images of modern skylines and beautiful nature from their countries with the hashtag “shithole”. Many Africans reminded the US of its historic role in the continent’s woes. “President Trump, One day, I’ll take you to a ‘shithole’ country called Ghana,” wrote Ghanaian Edmond Prime Sarpong on Facebook. “First stop would be Osu Castle, Elmina Castle, and the over 40 Forts that detained about 30 million slaves, beaten and shipped out like sardine cans and then I will tell you the history of Africa and why people like you made that a ‘shithole’ continent.” Prominent Kenyan commentator Patrick Gathara told AFP that Trump’s words were nothing new. “This is no different from what Hollywood and Western media have been saying about Africa for decades. We have consistently been portrayed as shitty people from shitty countries.” Some acknowledged problems in their countries, but blamed this on their poor leaders as well as Western nations. “Please don’t confuse the #shithole leaders we Africans elect with our beautiful continent… Our motherland is the most blessed continent that has been raped by imperialists in collaboration with our shitty misleaders for generations,” wrote Kenyan activist Boniface Mwangi on Twitter. In South Africa, the ruling African National Congress party declared “ours is not a shithole country” and described Trump as “extremely offensive”. – ‘It’s our shithole’ – Some Nigerians did not hold back, with many on Twitter saying their country was a “shithole”, but that it was “our shithole” to criticise. In Senegal’s capital Dakar, administrator Idrissa Fall said “we cannot really say that he (Trump) is wrong”. “African countries, and sometimes our leaders, do not exactly deal with the problems of the worst-off, that’s what makes people immigrate”. Even war-torn South Sudan weighed in, with President Salva Kiir’s spokesman Ateny Wek Ateny slamming the comments as “outrageous”. However Juba businesswoman Jenny Jore, 31, told AFP that Trump’s remarks were “on point”. “It is thanks to our African leaders that we are insulted that way,” she said. The 54-nation UN African Group, which does not include Western Sahara, demanded a “retraction and an apology” from Trump, while thanking Americans “from all walks of life who have condemned the remarks”. Trump’s latest comments provided ample fodder for talk-show hosts. South African comedian Trevor Noah, star of “The Daily Show”, described himself as an offended citizen of “South Shithole” and also criticised Trump’s preferred choice of Norway for immigrants. “He didn’t just name a white country, he named the whitest — so white they wear moon-screen,” he said. Source: AFP The post Africans outraged over ‘racist’ Trump remarks – AFP appeared first on Caasimada Online.
  22. Turkey and Somalia on Friday signed a pact to boost their strategic economic partnership. “We wish to deepen relations with Somalia. Turkey’s investment in Somalia stands at over $100 million,” Turkish Deputy Prime Minister Recep Akdag told a signing ceremony alongside his Somali counterpart Mahdi Mohammed Gulaid. “This figure forms a foundation to prompt bigger cooperation in the days to come.” He predicted that the bilateral trade volume would rise to $200 million from about $120 million in 2016. He spoke at the opening of a Turkey-Somalia Joint Economic Commission meeting in the capital Ankara co-chaired by himself and Gulaid. Akdag added that both countries should carry through 2016 memorandums of understanding in such areas as energy, mines, electricity, higher education, agriculture, and maritime affairs. He added an expected free trade agreement between the two countries would boost trade ties. Gulaid, for his part, said the meeting would maintain bilateral economic ties and bolster strategic cooperation in the years to come. The countries also inked a memorandum of understanding on fishing and fisheries, signed by Turkey’s Food, Agriculture and Livestock Minister Ahmet Esref Fakibaba and Somali’s Fisheries and Marine Resources Minister Abdirahman Mohamed Abdi Hashi. “Now we have started work on the development of Somalia as well as [it] becoming a major economic power with the support of Turkey,” Hashi said following the signing ceremony, adding that the pact would be the beginning of numerous future cooperation deals between the two countries. Under the deal, Turkish fishermen will be able to fish in Somalia’s territorial waters. Turkey and Somalia have long enjoyed friendly relations, as Turkey has invested in many areas to help modernize Mogadishu, the capital of the Horn of Africa country. Last September, Turkey opened its largest military training academy abroad in Somalia. Located south of Mogadishu, the training facility took some two years to build. The facility spans over 4 square kilometers (1.54 square miles), and can train more than 1,500 troops at a time, according to the Somali government. Source: AA The post Turkey, Somalia sign economic partnership pact appeared first on Caasimada Online.
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa ka hadlay caqabadaha Siyaasadeed ee heysta dowladiisa, taa oo ay kala kulmeyso dhinacyo kale. Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay jiraan caqabado Siyaasadeed oo ku horgudboon dowladiisa, waxa uuna cod dheer ku sheegay in is qabqabsiga uu yahay waxa Somalia ka reebay dowladaha jaalkeeda ah. Waxa uu Farmaajo sheegay in Soomaalidu ay wakhti danbe kusoo baraarugi doonaan dhibta ay leedahay caqabadeynta dowladaha doonaaya hagaajinta dalka ee soo maray iyo kuwa soo mari doona. Waxa uu sheegay in mudada ay jirto dowladiisa ay qabatay wax muuqda oo la taabankaro, sidaa aawgeed aan dowladiisa lagu tilmaami Karin mid liidata. Waxa uu sidoo kale, xusay haddii aanay dowladdu horumar la imaanin inay ka faa’iideysan karaan cadowga dalka iyo dadkuba oo uu kala jeedo Ururka Al Shabaab. The post Dhageyso: Farmaajo oo ka hadlay khilaaf Siyaasadeedka kusoo laalaabtay dowladiisa appeared first on Caasimada Online.
  24. Bosaso[Puntland Post]-Madaxwaynaha dawladda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxwaynaha Puntland Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray mashruuca Fiber Optic-ga ee xambaara internetka xawaaraha sare leh ee ay hirgalisay shirkadda isgaarsiinta Golis Telecom Somalia. Munaasabadda lagu daahfurayay mashruucan ayaa ka dhacday xarunta mashruuca Fiber Optic-ga shirkadda golis ee ku taal xeebta Boosaaso dhineceeda waxana ka qayb galay wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dawladda federaalka iyo Puntland iyo masuuiyiinta sare ee shirkadda isagaarsiinta Golis. Gudoomiye ku xigeenka board-ka shirkadda Golis Luqmaan Xaaji Maxamuud ayaa madaxweynaha dawladda federaalka iyo madaxweynaha Puntland uga sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray mashruucan waxa uuna xusay in shirkadda Golis ay u dhabagashay mashruucan si ay uga haqab tirto bulshada Soomaaliyeed baahida ay u qabaan adeegga Internetka oo tayaysan. Madaxweynaha dawladda Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in daahfurka mashruuca Fiber Optic ee ay hirgalisay shirkadda Golis ay tahay talaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka technologiyadda, waxa uuna uga mahadceliyay shirkadda Golis dadaalka ay ugu jirto horumarinta bulshada. Cabdiqani Boos Puntland Post-Bosaso The post Madaxweynaha Soomaaliya oo daahfuray mashruuca Fiber Optic-ga shirkadda Golis appeared first on Puntland Post.