-
Content Count
213,698 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qaybta 3-aad, halkan ka aqri qeybtii 2-aad Intaan u gudbin qaybtii 3aad ee taxanaha qaraalkayga, waxaa ila habboonaatay inaan talo ku darsado khaladaad aan la dhuuxin lagana fiirsan ee Nabad Sugidda Somaaliyeed horey gashay sanooyinkii u dambeeyey kuwasoo ay ka mid ahaayeen kuwii loo aanaynayey inay u horseedeen hoos u dhaca hawlihii loo igmaday kaddibna, sida la wada xusuusan yahay, u horseeday burburka ciidanka. Haddaan si kooban uga faallodo, khaladaaskaas waxaa ugu darnaa markii ciidanka lagu soo biiriyey xubno aan haba yaraatee ku habboonayn inay shaqadaas qabtaan iyagoo lagu keenay codsi ama rabitaan shaqsiyadeed si loo raali geliyo, kuwaasoo qaarkood ku yimid hab qabiil. Tan kale, sanooyinkii u dambeeyey ciidanku wuxuu la baraarugay inuu isu beddelay hay’ad loo adeegsado in lagu raali geliyo ama lagu fuliyo dano siyaadeed, sida haatan uu isku beddelay ciidanka. Qodobbadaasi oo dhan waxaa ka sii daray markii jiritaanka hay’adda ciidanku ku xirnaado dawlad shisheeye. Burburkii ciidanka ee dhamaadkii 1991kii, inkastoo aan dalka ka dhoofay, haddana waxaan isku taxluujiyey kuna dadaalay inaanu go’in xiriirkii aan la lahaa ciidanka, hase yeeshee nasiib darro wuxuu noqday hal bacad lagu lisay, aakhirkiina ii soo baxday in hay’addu ku dambaysay mid laga weeciyay hawlahii lagu yiqiinnay hay’ad sirdoon. Haddaba, madaxda qaranka, waxaan talo ahaan u soo jeedinayaa in xoogga saarto qodobbada hoos xusan, waa haddii ay ka go’an tahay in qaranka (dal iyo dad) la badbaadiyo, taasoo hubaal ah inay hanan doonto kalsoonida shacabka: In hay’adda lagu soo celiyo Dalladda Qaranka (Nation Umbrella). Waxyaalaha lagu garto qaran waxaa ka mid ah inuu leeyahay dhul, calan iyo astaan. Haddaad fiiriso astaanta Hay’adda Sirdoonka, waxaa kuu soo baxaysa in dawlad shesheeye leedahay, waayo waxaa ku qoran luqad shisheeye, aaway luqaddii Ummadda Somaaliyeed oo hirgelinta qaraalkeeda juhdi badan loo soo maray. Arrintani gaar uma aha NSS-ta ee waxay noqotay mid guud oo cudurdaar u noqoto maaligelin mashaariic shisheeye. Sida aad la socotaan, hirgelinta qoraalka luqadda soomaaliyee ka hor, magaca rasmiga ah ee ciidanka sirdoonka Soomaaliyeed wuxuu ahaa “National Security Service” oo marka la soo gaabiyo ahayd NSS. Waxaan xusuustaa dhibka aan kala kulannay inaan la beddelin laysna waafajiyo magacaas, markii dambena laysku raacay in loo beddelo Nabad Sugidda Soomaaliyeed (NSS). In hoggaanka ciidanka ay noqdaan shakhsiyaad xirfad waayo aragnimo u leh hawlahaha sirdoonka ee aan loo magacaabin shakhsiyaad meeshii la doono laga keeno ama weligood shaqaale dawladeed soo noqon , qoortana loo geliyo mas’uuliyad ayan ka soo bixi karin kuna fashilmaan, waxaa taasi ka sii daran inay dhacday in dib loo magacaabay madax hore ugu fashilmay xilkaas. Waxaan ogsoonahay inay dalka gudihiisa iyo dibeddeba ku nool yihiin saraakiishii iyo ciidankii aasaasay hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliyeed, xirfad iyo khibrad toona u baahnayn oo si toos ah shaqada u qaban karaan. Magacaabidda xilalka kala duwan ee hay’addu waa inay ku salaysnaataa mid loogu xushay xirfad iyo khibrad ee aan loo eegin habka foosha xun ee ku saleysan qabiilka. Ma jecli inaan tusaale ahaan u soo qaato, hase yeeshee si aan fikraddeyda si habboon ugu cabbiro, tan iyo aasaaskii NSS ilaa burburkii dawladdii dhexe, waxaa hay’addaas hoggaanka u soo qabtay 3 taliye iyadoo aan loo eegin reeraha ay ka soo jeedaan, walow ay meel ka soo wada jeedeen, cidna shaki ma gelin. Tan iyo waagaas immisa Taliye ayey yeelatay Hay’addu? Waa in laga gudbaa dhaqannada foosha xun ee la caadaystay ee ah in qabiil uu la soo shir tago: Annagu haddaan reer Laba Indhoodle nahay, waxaan doonaynaa in nala siiyo 2 wasiir, 3 Jeneral, 2 Safiir, Taliye ciidan iyo wax la mid ah. Sidoo kale waxaan dhowr jeer maqlay ereyada ah “Haddaan reer Timo Jilic nahay, dawladda kalsoonidii waan kala noqonnay”. Sidaasi dawladnimo laguma noqdo, qaranna laguma hoggaamin karo. Dhisidda Qaran aad bay u adag tahay maalinna laguma hirgelin karo laakin burburinteeda aad ayey u sahlan tahay. Sidaa hore u sheegay, Hay’adda Sirdoonku waa wadnaha uu qaranku ku nool yahay, waxaana ogsoonahay in haddii wadnuhu martigeliyo dhiig aan saafi ahayn, waxaa hubaal ah inuusan raagayn. Soomaali waxay hore u tiri: “Nimaan talin jirin hadduu taliyo, nimaan tegi jirin ayaa taga”. Waxaan xusuustaa in Hay’addu ay subax walba madaxda qaranka u gudbin jirtay warbixin maalmeed “Daily Report” oo ka tajumaysa xaaladda uu waddanku ku sugan yahay 24kii saac ee tagay marka laga eego dhan kasta. Tusaale ahaan, waxaa qodobbada warbixinta ka mid ahaa la socodka marxaladaha maciishadda iyo guuxa dadweynaha. Waxaan shaki ku jrin in maanta arrimahaasi yihiin kuwo dhalanteed ah (Utopia). Markaan sanooyin badan ugu kuurgalay musiibadaha kala duwan oo qaranka ku habsaday, waxaa ii soo baxday in qaranku (Dal iyo Dad) ku socdo god halis ah oo haddaan degdeg wax looga qaban ay adkaan doonto in dib looga soo noqdo. Waxaa hubaal ah in taariikhdu qori doonto qof kasta dhibka ama halaagga uu u horseedo dalkiisa iyo daldkiisa intaba. Hay’adda Sirdoonku waxay u baahan tahay isbeddel xagjir ah (Radical Change) ee uma baahna isbeddel hoggaan oo keliya, xitaa haddii ay dantu kallifto in la qaato go’aan adag (Unpopular Decision), si loo saxo khaladaadka ka dhex jira. La soco qaybaha xiga W/Q: Ahmed Karate e-mail: amm.karate@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed ka soconaya dhanka galbeed ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Faahfaahin ayaa kasoo baxaysa dagaal beeleed dib uga soo cusboonaadey gobolka Sool, gaar ahaan degaan lagu magacaabo Dhumay. Dagaal beeleedkani oo u dhaxeysa malleeshiyaad kasoo kala jeeda laba beelood oo dirirtoodu soo laablaabtay ayaa waxaa la sheegay inay salka ku hayso aanooyin iyo dilal hore, oo heshiisyo horey looga gaarey fuli waayay. Mareegto Goobjoog News ayaa loo xaqiijiyay in dagaalkani sokeeye ay ku dhinteen 18 qof, iyadoo tiro intaasi ka badan ay ku dhawacmeen, kuwaasoo wararku ay tilmaamayaan in la dhigay Isbitaalka dhexe magaalo madaxda gobolka Sool ee Laasacaanood. Labada dhinac ma ahan markii ugu horeysay oo dagaal uu dhexmaro, midka hadda socda ayaa qeyb ka ah dagaallo mudo soo jiitamayay, oo sababay khasaarooyin dhimasha, dhaawac iyo barakac xooggan. Wararkii Ugu dambeeyay ee xaaladda sida ay tahay waxaa ka wareysannay wariyaha degaankaasi Faarax Dubbad wuxuuna u warramay Maxamed Cabdullaahi Maxamed. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/FAARAX-DUBBAD-07-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maamullada Puntland iyo Somaliland, oo dhinacyada dirirta u dhaxeysa ay dhex-degan yihiin ayaa lagu eedeeyay inaysan xil iska-saarin, islamarkaana muhiimad siinin xalinta colaadda dhiiga ku daadanaya. Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka dowladda Puntland iyo siyaasiyiin ayaa baaq nabadeed u diraya beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya degaanka Dhumay ee duleedka magaalada Laascaanood. Waxay dalbadeen Xildhibaannada in dagaalkani la joojiyo oo waxgaradka gobolka Sool ay kacaan si khasaaraha loo hakiyo. Shir jaraa’id oo ay warbaahinta kula hadleen ayay si gaar ah waxgaradka gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood uga codsadeen in arrintani qaboojinteeda ay u istaagaan. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/BAAQA-BAARLAMAANKA-PUNTLAND-.mp3 Goobjoog News https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/BAAQA-BAARLAMAANKA-PUNTLAND-.mp3 Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyihii degmada Xamarweyne ayaa eedo uu u jeediyay ku muteystay shaqo joojin iyo xabsi. Mudane Cumar Shariif Jeeg, ayaa ku eedeeyay Xukuumadda hadda jirta inay tahay midii ugu musuq-maasuqa badnayd ee soo marta dalka, isagoo intaasii ku daray in dalka aysan wax dowlad ah ka jirin. Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ku eedeeyay ciidamada Booliska Soomaaliya in aan lagu aamni karin amniga dalka, islamarkaana ay yihiin kuwa qaraxyada soo geliya magaalada Muqdisho. Eedeymahan ayaa soo dedejiyay shaqa-joojin todobaadkani lagu sameeyay guddoomiye Cumar Shariif, waxaana si KMG ah shaqada maamulka degmada loogu dhiibay xigeenkiisii dhanka amniga iyo siyaasadda, Axmed Maxamed Iidow, iyadoo sidoo kale xabsiga la dhigay guddoomiyaha. “Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ayaa ahay, waxaa lagu leeyahay Corruption iyo musuqmaasuq ayaa laga hortagayaa, dowladdii ayaa u horseedeysa corruption iyo musuqmaasuq” ayuu yiri guddoomiyihii shaqo joojinta lagu sameeyay. Guddoomiyihii degmada Xamarweyne ayaa intaas ku daray: “Meeshaan la burburinayo waa degmada Xamarweyne, guddoomiyaheeda ayaan ahay waxaan ka warqabo malahan wax la i ogaysiiyay malahan waa boob, tuugnimo iyo dhac waxa loo socdo, waxaan u sheegayaa guddoomiyihii degmada ayaan ahay Kama a warqabo, aaway dowladdii iyo nadaamkii la sheegayay wax ka jira malahan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay mudane Shariif Jeeg. Masuuliyiin dhowr ah iyo Taliye-yaal ciidan ayaa xabsi ugu jira musuq-maasuq, iyadoo uu Raysal wasaare Khayre bishii lasoo dhaafay shaqada ka joojiyay Wasiir ku xigeenkii arrimaha dibadda, Mukhtaar Mahad Daa’uud, oo arrimo la xiriira musuq-maasuqa lagu soo eedeeyay. Tan iyo markii uu Madaxweyne Maxamed Farmaajo u magacaabey xafiiska Ra’iisul Wasaaraha horraantii 2017, Xasan Cali ayaa fagaarooyinka ka sheegayay inuu la dagaalamayo musuq-maasuqa ragaadiyay dalka 20 sano ee lasoo dhaafay. Haddaba, mareegta Goobjoog News ayaa idiin la wadaagaysa hadalka guddoomiyihii Xamarweyne Cumar Shariif Jeeg kaasoo shaqo joojin lagu sameeyay. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/CODKA-GUD-XAMARWEYNE-07-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Filmmaker Michael Moore compares U.S. President Donald Trump to Adolf Hitler in his provocative new documentary, "Fahrenheit 11/9" that got its world premiere at the Toronto International Film Festival on Thursday to a sold-out audience. Source: Hiiraan Online
-
Kulan maanta Muqdisho ay ku qabteen Xisbiga Dadka ayay ku sheegeen in Doorashada Qof iyo Codka ah loo baahan yahay in la qabto, si Axzaabta ay uga qeyb galaan nidaamka dowladnimo ee wadanka. Waxaa sidoo kale kulanka lagu Ansixiyey Xubno kamid noqoya Xisbiga/. Gudoomiyaha Xisbiga Dadka Soomaaliyeed Professor Saciid Ciise Maxamuud oo kulankooda kaddib warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay ahmiyadda isu imaatinkani. Waxaa uu sidoo kale Guddoomiyuhu soo hadal qaaday in ka xisbi ahaan ay doonayaan cadaaladda bulshada iyo in la helo dowlad dadku u siman yihiin wadankana gaarsiisa baraare iyo barwaaqo. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Cod-Saciid.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) – Somalia has made progress in ensuring the right to freedom of expression but needs to do more to end the challenges that remain – including killings, beatings, harassment, arbitrary arrests and illegal detention, lack of due process or fair trial and the closure of media outlets – according to United Nations report published today. It provides an update on a broader human rights report carried out by UNSOM in 2016. “Despite some efforts and progress in the legislative field, regrettably violations and abuses concerning the right to freedom of expression continued to be recorded,” the UN Secretary General’s Special Representative for Somalia, Michael Keating, said at the report’s launch in the Somali capital. Entitled ‘The Precarious Enjoyment of Freedom of Expression in Somalia,’ the report by the UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM), which Mr. Keating heads, covers the period from 1 August 2016 to 31 July 2018. The new report notes that following advocacy of journalists and civil society, the Federal Government opened the national media law for revision to address journalists and other media workers’ concerns. It also notes that in response to advocacy efforts, the northern state of Puntland amended its media law with changes that broaden the enjoyment of the right to freedom of expression, while the southern state of Jubbaland has initiated a media law. According to the report, during the period under review, eight journalists and media workers were killed and 32 injured, and 94 journalists and other media workers were arbitrarily arrested and/or subjected to prolonged detention on charges related to the exercise of freedom of expression. Al-Shabaab remained the main perpetrator of killings and injuries against journalists and other media workers. Moreover, during the same time period, 19 media outlets (seven TV stations, five radio stations, five websites and two newspapers) were either closed by federal or member state authorities, suspended or blocked for broadcasting news, or alleged affiliation with Al-Shabaab, or dissemination of ‘false news’ considered to be endangering national security. “Somalis cherish freedom of expression. It is an essential part of their culture. It is vital for all Somali citizens to be free to express their opinions, especially as the country prepares for the 2020-2021elections,” Special Representative Keating said. “For freedom of expression to become a reality, Somalia must guarantee independence of the media, bring media legislation in line with the provisional Federal Constitution and regional and international human rights standards, and repeal laws criminalizing the dissemination of ‘false news’.” The report also notes that, while the number of journalists and other media workers killed decreased by 27 per cent compared to January 2014-August 2016, the number of people arrested and detained on charges related to the exercise of freedom of expression increased by 70 per cent. These included people who participated in demonstrations, politicians, supporters of political parties, bloggers and human rights defenders, poets, civil society activists, elders and citizens demonstrating in favour of Somali unity. The report attributes this spike in violations, which particularly impacted Somalilanders, to the November 2017 presidential elections, expressions of support for Somali unity, and the Tukaraq conflict between “Somaliland” and Puntland in May 2018. The report’s recommendations include the swift implementation of measures to protect journalists and other media workers, the prosecution of alleged perpetrators of violations against media workers and political actors, and the establishment of the Somali Federal Human Rights Commission.
-
Taliska CXD Oo Ka Hadlay Odayaal Ku Xiran Gobalka Galgaduud
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo wax-garadka kasoo jeeda Galmudug ayaa dedaallo xooggan ugu jira sidii ay xorriyaddooda u heli lahaayeen ku dhawaad 60 Qof oo u badan Odayaal, kuwaas oo ay Xarakada Al-Shabaab la sheegay in Maalmo ka hor ka Af-duubteen degaanno ka tirsan gobolka Galgaduud. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Xaaf ayaa sheegay in odayaashaasi wadashada Alshabaab ay maqleen afartii bishani. Taliyaha howl-gallada qaybta 21aad, ee CXD Soomaaliyeed G/dhexe C/qaadir Maxamed Cartan, oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka dowladda federaalka wuxuu sheegay in ay socdaan qorshayaal ay ku doonayaan in dadkaasi ay ku soo sii daayaan, sida uu hadalka u dhigay. Lama oga sababta ka dambeeysa falkaasi, illaa iminkana ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Xarakada Alshabaab oo lagaga hadlay arrinta waxgaradkani. Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Wararkii ugu dambeeyay oo ay Goobjoog News ka heleyso gobolka Sool ayaa sheegaya in ay yara deggan tahay xaaladda degaanka Dhumay ee duleedka magaalada Laascaanood. Deganaanshiyaha ayaa imaanaya iyadoo shalay halkaasi uu ka qarxay dagaal beeleed u dhaxeeya laba malleeshiyo. Dadka degaanka oo u warramay mareegta Goobjoog News ayaa xaqiijiyay in dagaal beeleedka uus alka ku hayo aanooyin qabiil oo horay labada beel u dhaxemaray. Waxa sidoo kale iyana buray heshiisyo horay labada beelood ay u kala saxiixdeen kuwaasoo u muuqda in ay meesha ka baxeen marba haddii dagaal cusubi qarxay. Waxaa lagu soo warramayaa in dad kor u dhaafaya 16 qof ay geeriyoodeen halka ay dhaawacmeen tiro kale. Dhaawacyada waxaa lagu dabiibayaa isbitaalka Laascaanood sida wararka aynu ku heleyno. Maanta ayaa qaar kamid ah odayaasha Laascaanood ay u ambabaxeen degaanka Dhumay oo dirirta labada beel ka taagan tahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Gaalkacyo (Caasimada Online)-War goordhow naga soo gaaray degaanka Galhagoog oo 270-KM dhanka Bari kaga began magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay dagaal qaraaran fiidnimadii caawa. Dagaalka oo leysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii maleeshiyaadka hubeysan ay isku qabsadeen Markab ku soo caariyay xeebta Galhagoog oo u dhaw Budbud. Maleeshiyaadkan oo aad u badnaa ayaa isku qabtay cida la wareegeysa Markabka oo ahaa mid xamuul siday, waxaana lasoo sheegayaa in dagaalka ka dhashay uu geystay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca dhowr maleeshiyo oo kala taabacsanaa labada dhan. Markabka ayaa waxaa iminka gacanta ku haya qeyb ka mid ah maleeshiyaadka dagaalamay, waxa uuna dagaalka ka duldhacay Markabka iyo banaanka hore ee Xeebta. Rasaas goosgoos ah ayaa waxaa laga dul maqlayaa Markabka, waxaana ilaa iyo hadda halkaasi aan gaarin ciidamada amaanka maamulka Galmudug maadaama ay xili mugdiya tahay goobta uu ku caariyay Markabka. Ma cadda sida uu xaalku noqon doono waxaase lasoo sheegayaa in la maqlaayo rasaas ay wali is weydaarsanayaan labada dhinac oo is horfadhiya. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com
-
Qarax gaari oo ruxay magaalada Qardho & Khasaaro ka dhashay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Garoowe (Caasimada Online)-Jug culus ayaa waxaa mar qura laga wada maqlay magaalada Qardho ee maamulka Puntland kaa oo la sheegay inuu ka dhashay Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa. Jugta Qaraxa ayaa inta badan waxaa laga maqlay qeybo ka mid ah xaafadaha magaaladaasi, waxaana lasoo sheegayaa inuu ka dhashay Khasaaro kala duwan. Qaraxa ayaa si gaara uga dhex dhacay geerish ku yaalla magaalada Qardho, waxaana ku dhaawacmay ku dhawaad Shan ruux oo kamid aheyd shaqaalaha Garaashka. Dadka dhaawacmay oo ka mid ahaa shaqaalaha garaashka ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka wey ee magalada Qardho si halkaasi loogu dabiibo. Gaariga ayaa lasoo warinayaa in lagu diyaariyay Garaashka, hase yeeshee uu qarxay ka hor inta aan laga gaarin ujeedkii laga lahaa. Ciidamada ammaanka maamulka Puntland, gaar ahaan kuwa magaalada Qardho oo goobta gaaray ayaa tilmaamay inay wadaan baaritaanada la xiriira qaraxa. Dhinaca kale, Qaraxa ayaa kusoo beegmaya xili bilihii ugu danbeyay ay magaalada Qardho saldhig u noqoneysay madaxda DFS ee socdaalka ku gaara deegaanada maamulka iyo madaxda Puntland. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com -
Muqdisho (Caasimada Online)- DFS ayaa qoraal kooban u dirtay Hoggaamiyayaasha maamul goboleedyada qeybta ka ah dowlada ee ku shirsan magaalada Kismaayo. Dowlada ayaa qoraalka ku codsatay in maamulada ay keenaan xisaab-celin ku aaddan Isticmaalka lacagaha dawladda dhexe ay u gudbiso dawlad goboleedyada. Qoraalka warqadan oo si gaara uga soo baxday Xafiiska Wasiirka maaliyadda oo nuqul kamid ah ay heshay warbaahinta ayaa waxaa lagu sheegay in la soo gaaray xisaab celin dhamaystiran oo daboolaysa isticmaalka lacagihii DFS gaarsiisay muddadii u dhaxaysay 1 Janaayo ilaa 30 Juunyo loo diri lahaa wasaaradda maaliyadda. Qoraalka waxaa sidoo kale maamulada lagu weydiistay in ay keenaan xisaab celinta lacagihii 2017 ka soo gaaray dowladda. Sidoo kale, Warqadda ka soo baxday xafiiska wasiirka waxaa lagu sheegay in xisaab celinta ay shuruud u tahay “barnaamijka deyn-cafiska ee dawladdu ay heshiiska kula gashay hay’adda IMF”. Qoraalka waxaa kale oo lagu xusay barnaamij shuruudiisa ay ka mid tahay in marka hore la helo xisaab celin “inta aan la soo gudbin lacagaha qaybahooda dambe”. Sidoo kale, Warqad kale oo ka soo baxday isla xafiiska Wasiirka Maaliyadda ayaa bishii May maamullada looga codsaday in “rubuc sannadeed kasta isticmaalka kharashaadka lagu wareejiyey”. Talaabadan ay qaaday dowlada Somalia, gaar ahaan Wasaarada Maaliyada ayaa dhirbaaxo ku noqonaysa madaxda maamul goboleedyada ee maalmahan ku shirsanaa magaalada Kismaayo, kuwaasoo qodobbada ay ku dhaliilayeen dawladda federaalka ay ugu weynayd qaybsiga lacagaha deynta iyo deeqda ah ee dawladdu hesho. Docda kale, waxaa adkan karta sida ay ku suuroobeyso xisaabcelinta DFS ay dalbatay in la keeno, xili saamayn ay yeelan doonto haddii aan la keenin, ama habkii la rabay aan loo marin.
-
Puntland Post-Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Wareegto uu soo saarey waxa uu xilalkii uga qaaday taliyaha Ciidanka Nabadsugida iyo sirdoonka Gobolka Hiiraan iyo ku xigeenkiisa. Wareegtada oo ku taariikheysan 1/9/2018 ayaa lagu sheegay in xilalkii looga qaaday Taliyihii Ciidanka Nabadsugida Gobolka Hiiraan Cabdi Maxamed Cali Aweys iyo ku xigeenkiisa Cabduqaadir Maxamuud Owbakar. Sidoo kale waxaa Wareegtada Taliyaha Cusub ee Nabadsugida Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hir-Shabeelle loogu Magacaabey Colaad Cabdulaahi Cismaan. Hoos Ka Akhriso sababta keentay xilka qaadista iyo Magacaabista. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Madaxweynaha Hir-Shabeelle Oo Xilka ka Qaday Taliyihii Ciidanka Nabadsugida Gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.
-
Dowladaha Jabuuti iyo Eretrea ayaa Shalay gaaray heshiis horudhac ah oo u Gogol-xaaraya in lasoo Af-jaro colaaddii muddo ka taagnayd xadlka ay wadaagaan Labada Dal ee dhalisay Gacan ka hadalka. Colaadda Labada dhinac oo salka ku haysa duullaankii ay Eretrea ku qabsatay Buuralayda Dumeera, taasoo keentay in ay xukuumadda Casmara kula wareegto cudud Ciidan, kuna Af-duubato Askar Reer Jabuuti ah. Wasiirka arrimaha dibedda Dalka Itoobiya oo ka mid ahaa Wafdigii Shalay gaaray Jabuuti ayaa boggiisa Facebook-ga ku sheegay inay aad ula dhacsan yihiin sida ay wax ku socdaan iyo isu soo dhawaashaha Labada Dowladood. “Ka dib markii muddo dheer ay kala maqnaayeen, Eritrea iyo Djibouti waxay ku heshiiyeen in ay dib u soo celiyaan xiriirkooda,waana tallaabbo fiican” , ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibedda ee Itoobiya ,Workneh Gebeyehu. Wada hadallada dhinacyadaasi ka dib ayay Wasiirrada arrimaha dibedda Soomaaliya, Itoobiya, Eretrea iyo Jabuuti oo wada jira waxay kulan gaar ah la qaateen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuuna si weyn usoo dhoweeyay dedaallada dib u heshiisiineed ee ay wadaan Madaxda Gobolka. Wasiirka Warfaafinta Dalka Eritrea, Yemane Gebremeskal ayaa boggiisa Twitter-ka ku sheegay in Ismaaciil Cumar Geelle uu u muujiyay inay diyaar u yihiin in la gaaro dib u heshiisiin iyo in la wanaajiyo xiriirkii Jabuuti iyo Eretrea. Wasiirka arrimaha dibedda Eretrea Cusmaan Saalax, ayaa sheegay inay Dowladdiisu ka go’an tahay in ay heshiis waara la gaarto Jabuuto, lana dhameeyo wixii mad-madoow ah ee u dhexeeyay. Wasiirka arrimaha dibedda Dalka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf , ayaa isna sheegay inay ka run sheegayaan in ay muujinta heshiis dhab ah oo ay gaaraan Dalkiisa iyo Eretrea, iyo xal ka gaarista xaalad kasta oo Gobolka ka taagan. Kulankii ay yeesheen wasiirrada arrimaha dibedda ee Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya iyo Eretrea ayaa laga soo saaray war-murtiyeed aan faah-faahsanayn taxaddarna laga muujiyay, kaas oo lagu sheegay in ay tallaabadani tahay mid weyn oo loo qaaday dhanka adkaynta nabadda iyo deggenaanshaha Gobolka, iyadoo lagu taageerayo is-dhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) — Somalia announced on Friday it will host Arab Foreign Ministers’ next session in Somali capital Mogadishu. The meeting of the League’s Council will be held early 2019 in Mogadishu, a major boost for Somali diplomacy, said in a memo obtained by Caasimada Online. Somali Foreign Ministry’s Twitter feed said that Somalia would assume the chairmanship of Arab Foreign Ministers Council. The move allows Somalia to host the next session of Arab Foreign Ministers Council set to take place early 2019 in the capital of Mogadishu. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) – Djibouti President Ismail Omar Guelleh has welcomed the normalization of its strained ties with Eritrea, after Foreign Ministers of Eritrea, Ethiopia and Somalia travelled to Djibouti on Thursaday. President Guelle thanked his Eritrean President Isaias Afwerki for the initiative to restore the strained relations since 2008. “Djibouti is ready for reconciliation and normalization of its ties with Eritrea”, he said. Mr. Guelle also appreciated Ethiopia and Somalia for their role in bringing together Eritrea and Djibouti. Eritrea’s Foreign Minister Osman Saleh conveyed President Isaias’s greetings to President Ismael Omar Guelleh and underlined that “this is the season for peace in the Horn of Africa and this peace should be inclusive to all”. The joint high-level committee is composed of Mr. Osman Saleh, Foreign Minister of Eritrea, Dr. Workneh Gebeyehu, Foreign Minister of the Federal Democratic Republic of Ethiopia and the Foreign Minister of the Federal Republic of Somalia, Mr. Ahmed Isse Awad. The visit of the joint committee is the first initiative of the High-Level committee established by the three countries at the tripartite summit and Joint Declaration on Comprehensive Cooperation between Ethiopia, Somalia and Eritrea. Both parties have agreed that both countries will conduct meetings and visits in the future. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) – Roadside bomb explosion has targeted Ugandan military forces with African Union peacekeeping forces in south of Somalia. Friday’s bomb explosion went off in Janaale town, some 94 km from Somali capital Mogadishu, a witness said. He told Caasimada Online that the blast had partially destroyed an armored personnel carrier It remains unknown how many soldiers killed in the blast. Friday’s bomb attack on African Union forces’ vehicle was claimed by Al Qaeda linked Al Shabaab. The group says it had killed several soldiers with African Union peacekeeping force in Somalia in the Friday’s roadside bomb explosion. There was no comment from African Union mission over the claims. Al-Shabab, which is fighting to overthrow Somalia’s government, routinely targets AU forces stationed in the country. The group was pushed out of Mogadishu in 2011 by Somali troops backed by AMISOM soldiers. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Baarlamaanka deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta ansixiyay in dib loo soo celiyo calankii hore ee xiddigta 5-ta Soomaaliyeed iyo in magaca deegaanka laga dhigo “Somali Regional State”. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii uu sidaasi codsaday Madaxweyne Mustaf. Calanka iyo magaca ayaa lagu aasaasay dowlad deegaanka 1993-dii, laakin dib ayaa laga badalay wixii 2005tii ka dambeeyey. Wararkan oo Faahfaahsan kala soco, Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay markii ugu horreysay tan iyo burburkii dowladda dhexe marti-geliso shirka wasiirada arrimaha dibedda ururka Jaamacadda Carabta, sida ay ku dhawaaqday wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, oo qoraal soo dhigtay barta twitter-ka. Shirkaas ayaa la filayaa in horaanta sanadka 2019 uu qabsoomo, sida ay shaacisya wasaaradda. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ay kusoo aaday qabashada hoggaanka Golaha Wasiirada Arrimaha Dibedda Jaamacadda Carabta, oo ay qaban doonto sanadka soo socda. “Soomaaliya waxa ay si rasmi ah ula wareegeysaa shirguddoonka Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta, kulankiisa 151-aad . Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxa ay soo celinaysaa maqaamka Soomaaliya ay ku lahayd dunida si shirarka iyo shir madaxeedyada loogu qabto Caasimadda Muqdisho” ayaa lagu yiri qoraalka ayw asaaradda soo dhigtay barta twitter-ka #Soomaaliya waxa ay si rasmi ah ula wareegeysaa shirguddoonka Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta, kulankiisa 151,aad . Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxa ay soo celinaysaa maqaamka Soomaaliya ay ku lahayd dunida si shirarka iyo shir madaxeedyada loogu qabto Caasimadda #Muqdisho. pic.twitter.com/0tlUNbxAzr — Public Diplomacy (@PPRMOFA) September 7, 2018 Tallaabadan ayaa ah guul-weyn oo dibomaasiyeed oo usoo hoyatay Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng Yariisow), ayaa mar kale ka hadlay miro dhal la’aanta amar uu dhawaan kasoo saaray wareejinta darjiinooyinka. Eng Yariisow, oo amarkaasi ka hadlaayay ayaa ku goodiyay in maamulkiisa uu qaadi doono talaabo waliba oo u sahli karta la wareegida darjiinooyinka. Eng Yariisow, ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu awood u adeegsan doono cid waliba oo ka meermeereysa wareejinta darjiinooyinka. Waxa uu Eng Yariisow sheegay inaan wali laga fal celin amarkiisa hore waxa uuna carab ***** inay adeegsan doonaan qorshooyin ay kula soo wareegayan. Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay in wakhtigii Maamulka gobolka Banaadir uu horay ugu qabtay Ganacsatada inay ku soo wareejiyaan darjiinooyinka uu dhamaaday,isla markaana ay ku waajibeyso qaadista talaabo waliba oo lagu dhaqan galinayo amarkii hore. Nuqul kamid ah haddalka Eng Yariisow ayaa aha “Waxan rabnaa in qof walba oo muwaadin ah heysta dhulka danta Guud inuu soo wareejiyo,goobihii darjiinooyinka waqtigii aan u qabanay waa la soo dhaafay” “Wakhtiga wuu idiin dhamaaday hada waxan wadnaa qorsho ah dadka si dowladnima ah u wareejiya aan ka qaadno kuwii diidana aan xoog u adeegsano” ayuu yiri guddoomiye Yariisow. Saddexdii bishii la soo dhaafay ee July ayaa Wareegto uu soo saray duqa Muqdisho waxa uu baabi’iyey heshiisyadii lagu bixiyey darjiinoyinka,isaga oo u qabtay mudo 30 Maalmood ah inay ku soo wareejiyaan balse aan wali la dhaqan gelin amarkiisa. Haddalka Eng Yariisow, ayaa u muuqda mid ay dowlada Somalia ku dooneyso in awood ciidan ay u adeegsato Ganacsatada iyo shaqsiyaadka kale ee xooga ku heysta darjiinooyinka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Kadib booqashada wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ee dalka Djibouti iyo dhex-dhexaadinta ay wadeen, waxaa la sheegayaa in Djibouti ay arrinkaasi si fiican u soo dhoweysay. Colaadda Labada dhinac oo salka ku haysa duullaankii ay Eritrea ku qabsatay Buuralayda Dumeera iyo jaziirad ayaa la filayaa in is-afgarad arrinkaasi laga gaaro. Wasiirrada arrimaha dibedda ee halkaasi tagay waxaa ay sheegeen in madaxweyne Geelle uu soo dhoweeyey dadaalka la wado, isaga oo dhankiisa balan-qaadey inuu wada hadal iyo gor-gortan diyaar u yahay. Cusmaan Saalix, wasiirka arrimaha dibadda Eretrea waxaa uu sheegay in madaxweynaha u Djibouti gaarsiiyey salaanta madaxweynaha Eritrea iyo dhambaalka ah in dabeysha nabadeed ee ka socoto geeska Afrika in lagu soo daro Djibouti. Madaxweyne Geelle ayaa ka maqnaa heshiiskii hogaamiyayaasha Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea ay ku saxiixdeen magaalada Asmara arbacadii, hase yeeshee Soomaaliya ayaa la sheegay inay dooneyso in Jabuuti aan meel cidlo ah looga dhaqaaqin, oo laga qeyb-galiyo dadaallada socda, ayada oo marka hore la xalinayo xiisadda kala dhaxeysa Eritrea. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) —The Federal Government of Somalia (FGS) and the World Bank launched the flagship infrastructure project in Somalia. The Somali Urban Resilience Project (SURP), worth US$ 9 million, will be the country’s first national test case for municipal infrastructure delivery. “The World Bank’s role in Somalia is about working with and through government and building the capacity of the authorities to spearhead reform and development,” said Hugh Riddell, World Bank Country Representative for Somalia. “The SURP will allow us to build on the initial work in urban resilience and to expand this agenda across the country.” SURP is a national urban resilience project that aims to pilot the use of country systems at the sub-national level and strengthen municipal governments’ capacity. Initial interventions will begin in Mogadishu and Garowe, and will expand to Kismayo and Baidoa. These cities were chosen as they experience rapid and large influxes of returnees and Internally Displaced Persons. The Somali Urban Investment Planning Project prepared the ground for this larger-scale, World Bank supported infrastructure project. “SURP signals the importance of supporting urban resilience, and places regional and municipal authorities in the forefront of the urban agenda,” said Eng. Abdirahman Omar Osman (Yariisow), Mayor of Mogadishu. “SURP would also create jobs by financing basic rehabilitation of infrastructure.” Somalia faced its worst drought in decades in 2017, and its worst flooding in over sixty years in 2018. The recurring risk of overwhelming loss of lives and livelihoods signals a need to link humanitarian assistance to medium- to longer-term development planning through strong government systems, the private sector, and civil society. The project follows the commitment by the German Government to allocate EUR 23.4 million via KfW Development Bank to support the rehabilitation of urban infrastructure in Somalia in January 2018. “Germany recognizes the result of World Bank collaboration with Somali authorities through the Multi Partner Fund, and sees its intervention in urban infrastructure crucial for the development of Somalia,” said Andreas Holtkotte, Regional Director of KfW. “The contribution will strengthen municipal planning and implementation capacity to improve access to basic infrastructure.” The Multi Partner Fund works predominantly through Somali authorities and includes institution-building, economic growth and urban development activities. MPF is supported by the European Union (EU), United Kingdom’s Department for International Development (DfID), the German Federal Ministry for Economic Cooperation and Development (BMZ), the Swedish International Development Cooperation (SIDA), the Royal Norwegian Embassy, Danish International Development Agency (DANIDA), the Swiss Agency for Development Co-operation (SDC), the Ministry of Foreign Affairs of Finland, United States Agency for International Development (USAID), Italy’s Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation, and the World Bank’s State- and Peacebuilding Fund (SPF). PRESS RELEASE
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa kulanka Wasiirada Arrimaha dibadda Dibadda ee Somalia, Eriterea iyo Ethiopia oo ka socda magaalada Jabouti ee dalka Jabuuti. Kulanka wadamadani oo bilowday maalinimadii shalay ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed kooban oo si taxadar leh loo dhigay hadallada ku qoran. Kulamada socda ayaa waxaa xal loogu raadinayaa xasarada ka dhex oogan dowladaha Eriterea iyo Jabuuti oo kala heysta dhulal iyo maxaabiis. Colaadda labada dhinac oo salka ku haysa duullaankii ay Eretrea ku qabsatay Buuralayda Dumeera, taasoo keentay in ay xukuumadda Asmara kula wareegto cudud Ciidan, kuna Af-duubato Askar Reer Jabuuti ah. Qoraal lagu daabacay Bogga uu Facebook ku leeyahya Wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia oo looga hadlaayay xalinta muranka labada dal, ayaa waxaa lagu sheegay inay aad ula dhacsan yihiin sida ay wax ku socdan iyo isu soo dhawaashaha labada dowladood. Nuqul kamid ah qoraalka lagu daabacay Bogga Wasiirka ayaa u qornaa “Muddo dheer ayay kala maqnaayeen dowladaha Eritrea iyo Jibouti waxay ku heshiiyeen in ay dib u soo celiyaan xiriirkooda mudada fog ay ugu danbeysay” “Talaabo fiican ayey labada dal horay u qaaden waxan ku rajo weynahay inay kasoo baxaan qodobo rajo abuuri kara”. Yemane Gebremeskal oo isna ah Wasiirka Warfaafinta wadanka Eritrea, ayaa qoraal uu kusoo daabacay Boggiisa Twitter-ka ayaa sheegay in Ismaaciil Cumar Geelle uu u muujiyay inay diyaar u yihiin in la gaaro dib u heshiisiin iyo in la wanaajiyo xiriirkii Jabuuti iyo Eretrea. Cusmaan Saalax, oo ah Wasiirka arrimaha dibedda Eretrea, ayaa isna sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay in ay heshiis taariikhi ah la gaarto dowlada Jabuuti. Wasiir Cusmaan waxa uu intaa raaciyay in maslaxada labada dal ay tahay in xal loo helo muranka ka dhex oogan isla markaana loo gudbo wada shaqeyn iyo abuurida xiriir wanaagsan. Sidoo kale, Maxamuud Cali Yuusuf oo isna ah Wasiirka arrimaha dibedda dalka Jabuuti, ayaa sheegay inay ka run sheegayaan in ay muujinta heshiis dhab ah oo ay gaaraan Dalkiisa iyo Eretrea. Wasiirrada ayaa markii uu dhamaaday kulankii ay ku lahaayeen xarunta wasaaradda arrimaha dibadda, waxay booqasho sharafeed mar labaad ugu tagayaan madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle. Si kastaba ha ahaatee, kulanka u dhexeeyay Wasiirada ayaa muujinaaya isku soo dhawaanshi iyo in labada dalba ay diyaar u yihiin inay wada qaatan Heshiis dhaxal gal ah. Natiijada wadahadalka ayaa lagu wadaa in ugu danbeyntii ay kusoo idlaato Isfahan, waxaana lagu wadaa la filayaa in labada dalba ay dib isugu celiyaan dhulalka iyo maxaabiista ay kala heystaan. Geesta kale, kulanka ay yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Eritrea, Itoobiya, iyo Soomaaliya, iyo dalka martida loo ahaa Jabuuti, ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed kooban oo si taxadar leh loo dhigay hadallada ku qoran. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
